-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Booliiska dalka UK ayaa xabsiga u taxaabay nin Soomaali Biritisha ah, kaas oo la tuhunsan yahay in uu ka dambeyay dilka Sir David Amess, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka. Xildhibaanka ayaa shalay weerar loo adeegsaday Middi (Toorey), waxaa ku soo qaaday qof aan la aqoonsan heystiisa marki hore. Booliiska gobalka Essex, ayaa kadib baaritaanno ay sameeyen waxa ay gacanta ku soo dhigeen nin heysta dhalashada boqortooyada Ingiriiska balse la sheegay in asal ahaan uu ka soo jeedo Soomaaliya. Xildhibaan Sir ayaa xilliga dilka uu dhacayay waxa uu kulan la laha dadka ka soo jeeda gobalka Essex, oo ah gobalka laga soo dortay, Kulanka ayaana ka dhacayay goob kaniisad ah oo ku taalla bartamaha Essex. Ra’iisul wasaaraha UK Boris ayaa dhankiisa tilmaamy in Mr Sir uu ahaa qof naxariis badan xilli uu ka tacsiyadeynayay geerida Xildhibaanka. Laamaha ammaanka dowladda UK ayaa weli wada baaritaanno ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa dhacdada lagu dilay xildhibaanka. Wasiirka Amniga UK ayaa durba amray in Booliiska ay adkeeyaan ammaanka xildhibaanada dalka oo dhan, si looga hortago falalka noocan ah. Sir ayaa noqonaya xildhibaanki labaad ee muddo shan sano gudaheed ah lagu dilo UK, waxaana ka horeyay xildhibaanad Jo Cpx oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Uganda ayaa la sheegayaa in December ay ciidamo booliis ah oo gaaraya ilaa 160 ah, oo u badan saraakiil usoo direysa Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay booliiska ayaa sheegaya in ciidankan ay dhameysteen tababar hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Shaqada ciidankan waxaa lagu sheegay kala dambeynta, maamulka iyo ilaalinta saraakiisha AU-da iyo iney ku shaqeeyaan arrimaha loogu talo-galay. Arrintan ayaa qeyb ka ah kala badalidda ciidamada Uganda, waana markii 10-aad oo sidan ay dhacdo tan 2012-kii oo la bilaabay keennida booliiska dalkaasi, halka ciidamada qalabka sida ee Uganda yimaadeen 2007-dii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baardheere (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, sida ay innoo xaqiijiyeeno ilo wareedyo. Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jiray, Xasan Inyow ayaa ka dhacay guri uu ka daganaa gudaha magaaladaasi, waxaana goobta isaga baxsaday raggii ka dambeeyey. Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka filisay ay gudaha gurigiisa ugu gashay sarkaalkaasi, kadibna ay toogasho ay ku dishay. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkan, waxaana ay shaacisay inay howl-galkaasi fuliyeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan kuwooda amniyaadka. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah kasoo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka ee Jubbaland iyo kan degmada Baardheere oo ku aadan dhacdadaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay xaafadda uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Gobolka Gedo oo ay weli ku xooogan tahay Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay kooxdaasi ka fuliso degmooyinka gobolkaasi. The post Sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka Jubaland oo lagu dilay magaalada Baardheere appeared first on Caasimada Online.
-
SOMALIA: New strategy to improve water resources management
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Like most countries in the Horn of Africa, Somalia has been hit hard by drought. The phenomenon, partly caused by climate change, is drying up the water resources needed by the population. Source: Hiiraan Online -
The UK has announced an extra £29m of humanitarian aid to people affected by the deepening conflict in northern Ethiopia, as the foreign secretary, Liz Truss, reviews what kind of further pressure can be placed on the new Ethiopian government to open up badly needed humanitarian corridors. Source: Hiiraan Online
-
British Member of Parliament David Amess, 69, has died after being stabbed several times during a meeting with his constituents at a church in eastern England. A 25-year-old suspect has been arrested. Source: Hiiraan Online
-
Click here to watch Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi, Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa kulan gaar ah la qaatay danjiraha Thailand u qaabilsan Kenya, Sasirit Tangulrat, iyaga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dowladood. Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray, sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi cusub oo dhex-mara Soomaaliya iyo Thailand. Sidoo kale waxay labada dhinac ada-hadalkooda ku soo qaadeen horumarinta dhanka ganacsiga ee labada dowladood, si loo sii hormariyo. Tarsan iyo Tangulrat ayaa sidoo kale kulankooda ku soo qaaday saddex arrimood oo kala ah Kalluumeysiga, Caafimaadka yo Waxbarashada oo udub dhexaad u ah cilaaqaadka 2 dal. Soomaaliya iyo Thailand ayaa muddooyinkii u dambeeyey yeelanayey kulamo xiriir ah oo uu ujeedkoodu yahay, sidii loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dowladood. Si kastaba Thailand oo dhacda Koofur Bari ee Qaaradda Aasiya, ayaa kamid ah dalalka haatan sameynaya horumar dhinaca wax-soo-saarka ah oo ay dooneyso inay ballaariso. Kulanka uu Tarsan la yeeshay danjiraha Thailand ayaa qeyb ka ah kulamo uu ka wado Nairobi, isaga oo shalay la kulmay safiirka Koonfur Afrika oo uu kala hadlay xaaladda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi oo dhibaatooyin la kulmayey maalmihii lasoo dhaafay. The post Soomaaliya iyo Thailand oo wada-hadallo ka yeeshay saddex qodob + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland has good conditions for ICT industry. Young population is interested and keen to learn new technology. Besides, Somaliland government is highly supportive to ICT capacity building that ICT talents are encouraged and developed for both public and private sectors. Taiwan, with rich ICT development experience, will back Somaliland Innovation Zone as ICT training center as well as the ICT startups. Somaliland Innovation Zone is expected to benefit at least 200 learners each year. The trainings will start from basic office computer skills to improve the trainees’ working efficiency. Later, advanced training such as programming, digital marketing, and cybersecurity will be channel to this Somaliland Innovation Zone. This facility is expected to develop into as an E-learning, E-health, and E-commerce platform. Through ICT education provided by the Somaliland Innovation Zone, Taiwan can help to narrow the digital gap between Somaliland and the world. Source Taiwan.org Qaran News
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
London (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah ayaa loo qabtay inuu ka dambeeyey dilkii mindida loo adeegsaday ee xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee dalka UK. Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii ninka Soomaaliga ee dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London. Tuhmanaha ayaa Amess oo 69 jir ahaa mindida ku dhuftay 12 jeer, wuxuuna ku dhintay goobta. “Wuxuu ahaa weerar deg deg ah. Nin ayaa si lama filaan ah mindi ula soo baxay kadibna billaabay inuu ku dhufto David Amess,” ayuu yiri qof goobjooge ahaa. Booliska ka hor-tagga argagixisada iyo sirdoonka gudaha UK ee MI5 ayaa lagu warramay inay baarayaan, haddii ninka Soomaaliga, oo 25 jir ah, uu xiriir la leeyahay kooxaha xagjiriinta ee argagixisada. Dadkii isugu tegay kaniisadda Belfairs Methodist oo uu kulanka ka dhacayey ayaa ayagoo argagaxsan daawaday David oo goobta ku dhintay, ayada oo kooxaha gurmadka deg degga ah ay isku dayayeen muddo laba saac inay badbaadiyaan. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninka Soomaaliga ah markii uu weerarka fuliyey oo uu mindida kala daalay Sir David uu muddo shan daqiiqo ah dul taagnaa, illaa ay ka yimaadeen booliska, oo kadib ka qaaday mindida islamarkaana xireen. Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah. Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah. Sir David Amess wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada. The post Nin Soomaali ah oo loo xiray dilkii xildhibaan David Amess appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday khilaafka siyaasadeed ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu loolan xoogan ku dhex maray gacan ku haynta awoodda dalka. Intii ay taagneyd xiisada Farmaajo iyo Rooble meelaha sida aadka ah ay iskugu hayeen ee khilaafkooda saameyay ayaa waxa ay ahaayeen Hay’adda NISA, Wasaarada Amniga iyo Warbaahinta dowladda. Khilaafka oo markii hore ka billowday Hay’adda NISA ayaa ku baahay labada goob ee kale, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Rooble ku guul dareystay in Bashiir Goobe oo u magacaabay NISA uu geeyo xarunta taliska. Hay’adda NISA ayaa waxa hadda gacanta ku haysa koox ciidan ah oo taabacsan Farmaajo, waxaana taliye ahaan uga shaqeeya Yaasiin Faray, oo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday u magacaabay si kumeel gaar ah. Hase yeeshe Rooble ayaa asaguna ku guuleystay in uu gacanta ku dhigo Wasaarada Amniga iyo Warbaahinta dowladda, halka Farmaajo ay awoodiisu isugu soo aruurtay hay’adda NISA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa si aan looga adkaan loolanka ciidanka, wuxuu Cabdullaahi Nuur u magacaabay Wasaarada Amniga, waxayna sidaas ku raacday dhanka Rooble, taasi oo loolanka labada nin kala gacan sareysiisay. Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta iyo ku-xigeenkiisa ayaa la saftay Rooble, ayada oo Warbaahinta dowladda laga mamnuucay hadalada iyo qoraalada Farmaajo ee ku aadan siyaasada iyo loolanka kala dhaxeeya Rooble, halka kaliya lagu baahiyo aragtiyada dhex-dhexaadka ah. Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa dhowr jeer lagula taliyey in uu weeraro warbaahinta dowladda, hase yeeshe waa uu diiday in uu qaado tallaabadaas, maadama ay uga sii dari karto xiisada taagan. Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa hoos u dhacay, xili ay soo faro-gelisay dowladda Qatar oo ayada lala xiriiriyo in saaxiib dhow la tahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, si rasmi ahna looma oga in safarkii Rooble ee dalkaas uu si buuxda u soo afjari doono khilaafka siyaasadeed ee labada nin. The post Xiisadda Farmaajo iyo Rooble: Yaa hadda gacanta ku haya goobihii lagu loolamay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in masuul ka tirsan maamulka degmadaas uu saddex qof oo shaca ah ku dhaawacay toogasho.. Masuulka dadka shacabka ah dhaawacyada u geystay waxaa lagu magacaabaa Cabdi-waduud Sheekh Maxamed Macalow, waxuuna ku magacaaban yahay guddoomiye ku xigeenka waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dhaawacyada soo gaaray qaar ka mid ah dadkaas ay yihiin kuwo daran, waxayna rasaastu ka haleeshay qaybaha sare ee jirkooda, sida madaxa, qoorta iyo meelo kale oo halis ah. Qof ku sugnaa goobta ayaa noo sheegay in sarkaalkaan oo ku hubeysnaa Bistoolad uu rasaas ku furay dadkaas oo hal goob ku sugnaa, waxaana yar faah-faahinta ilaa hadda laga helay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan. Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno Kaxda waxay sheegayaan Taliyaha booliska degmada Kaxda oo lagu magacaabo Macalin Faarax iyo ciidamada ammaanka ee degmadaas ay soo qabteen sarkaalkii geystay toogashada, kaas oo loo gudbiyey saldhigga booliska ee degmada Dharkeynley, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil amni. Haatan waxaa saldhigga booliska ee degmada Dharkenley ka socota su’aalo weydiinta masuulka toogashada geystay, waxaana weli la shaacin sababta ku kaliftay in dadkaas shacabka ah uu rasaas ku furo. The post Masuul ka tirsan maamul degmo oo saddex qof ku toogtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (HOL) - Somaliland's Interior Minister Mohamed Kahin Ahmed described an operation to expel non-Somalilanders from Sool and other regions as a 'law enforcement operation.' Source: Hiiraan Online
-
United Nations Development Programme (UNDP) PRESS RELEASE UNDP Africa Director calls for increased investment in new approach to accelerate Nigeria’s development Ms Eziakonwa met with H.E. President Buhari, to reinforce UNDP’s support to Nigeria’s recovery from the COVID-19 pandemic and its plans to speed up sustainable development in the Decade of Action ABUJA, Nigeria, October 15, 2021/ — Concluding an eight-day official visit to Nigeria today, the United Nations Assistant Secretary-General and United Nations Development Programme (UNDP) Assistant Administrator and Regional Director for Africa, Ms. Ahunna Eziakonwa, emphasized the urgency in seizing critical opportunities to accelerate Nigeria’s sustainable development. During her visit, Ms Eziakonwa met with H.E. President Muhammadu Buhari, H.E. Vice-President Yemi Osinbajo, and other senior leaders at both Federal and State Government level – emphasizing the importance of leveraging wealth creation through investing in women, youth, the creative industry and the private sector. The mission included a multi-city visit to the north-east, Abuja, Owerri and Lagos. Starting with crossing the Cameroon-Nigerian border by foot into Borno State, the Assistant-Secretary General witnessed firsthand the impact that Federal Government and Borno State – led stabilization efforts have had on the most vulnerable people in north-east Nigeria – where Ms Eziakonwa inaugurated infrastructure serving borderland communities in the Lake Chad Basin ( both in Cameroon and in Nigeria), such as a police station, barracks and new immigration and border control offices as well as housing for immigration officers. “Stabilization efforts are working. I was in Banki less than a year ago and being there again last week I was struck by the transformation the town and people living there have undergone,” explained UNDP’s Regional Director. “Police and customs officers were proud to be back to serve people in the community, who, in turn, have expressed they now feel more secured. Through our joint stabilization work, we can reduce needs and strengthen support to humanitarian action.” In Abuja, Ms Eziakonwa met with H.E. President Buhari, to reinforce UNDP’s support to Nigeria’s recovery from the COVID-19 pandemic and its plans to speed up sustainable development in the Decade of Action – focused on climate change, wealth creation, youth employment, and women’s participation in politics. “Nigerian authorities and people have immediately responded to the pandemic and we are proud to have supported the procurement of forty percent of the equipment needed for the response as a ‘One UN’ effort,” highlighted Ms Eziakonwa. “However, the pandemic is not over yet, and we must now redouble efforts to address the global inequality evident in vaccine famine. Vaccines must be available to all those who wish to take it.” Ms. Eziakonwa commended the Federal Government for launching the National Poverty Reduction with Growth Strategy (NPRGS), mandated to lift 100 million Nigerians out of poverty in the next 10 years – emphasizing the fundamental role the private sector plays in Nigeria. In Owerri, in partnership with both Imo and Abia State Governments, Ms Eziakonwa launched a socio-economic revitalization project to support 11,000 people across both regions to strengthenthen economic capacities of communities affected by the pandemic. Support will go to livelihoods support, business continuity, improving food security and social cohesion as well as support for start-ups companies. In Lagos, Ms Eziakonwa inaugurated Nigeria’s first Accelerator Lab, which will offer opportunities for young people to accelerate and scale up home – grown solutions to Nigeria’s development challenges. With the private sector, she witnessed a renewed commitment to support youth entrepreneurship and empowerment including through the Jubilee Fellowships Programme. “What I have witnessed in Nigeria, and last week in Cameroon, is a dynamic Africa. Empowering people, particularly women and youth, facilitating their endeavors, and scaling up the transformative innovations they develop, is the only way to support Nigeria and its people in their unique development path towards a more inclusive and sustainable future.” Distributed by APO Group on behalf of United Nations Development Programme (UNDP). Access Multimedia Content SOURCE United Nations Development Programme (UNDP) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku shaacisay tirada dadkii ay Somaliland ka soo musaafuriyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo deegaanada u dhaw dhaw. Warbixinta hey’adda ayaa lagu sheegay in tirada dadkaas ay gaareyso 7,250 qof, kuwaas oo badankood ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta arrimaha bani’aadanimada ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray maanta waxa uu ku sheegay in 24-qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle. Sidoo kale warbixinta uu soo saaray xafiiska OCHA waxaa lagu sheegay in magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag laga soo barakiciyey 75-qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo hadda ku kala nool magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhaba. Dadkaan ayaa isaga soo baxay Ceerigaabo kadib markii mas’uuliyiinta degaanku ay u qabteen in dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ay deegaanka isaga baxaan inta aan la gaarin 21-ka bishaan Oktobar, sida lagu qoray warbixnta OCHA. Hay’addan gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobey waxay warbixintaan ku sheegtay in ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2,400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan October. Musaafurinta khasabka ah ee dadkaas ayaa walaac ku abuurtay dadka ku nool deegaanada Somaliland ee ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska OCHA ee Soomaaliya. Waxaa lagu sheegay warbixinta in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur, hantina ay kasoo tageen. Dawladda Soomaaliya waxay si xooggan u cambaaraysay tallaabooyinka ay Somaliland kusoo musaafurisay dadkaas, waxayna mas’uuliyiin ka hadashay talaabadaan ku tilmaameen mid ka baxsan bani’aadanimada. Hase yeeshee mas’uuliyiinta amniga ee Somaliland waxay difaaceen tallaabada lagu soo musaafuriyey dadkaan ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, waxayna ku doodeen in go’aankaas loo qaaday sababo dhinaca amniga ah. The post QM oo shaacisay tirada rasmiga ah ee dadkii laga soo masaafuriyey Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Click here to sign Qaran News
-
Ceeldheere (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud ayaa beeniyey warar sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka baxeen deegaankaas. Deegaanka Ceeldheere ayaa muhiim u ah qorshaha ay ciidamada dowladda iyo Galmudug dib ugu qabsanayaan magaalada Guriceel, oo 35 u jirta deegaanka, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan ciidamo taabacsna kooxda Ahlu-Sunna Walajmaaca. Guddoomiye Cabdullaahi, oo la hadlay idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho, ayaa yiri “Ciidamada ammaanka way joogaan Ceeldheere, waa beena buur wararka sheegaya in ay isaga baxeen deegaanka, waxa ay isku sii ballaariyeen deegaanno horleh.” “Sidoo kale waa been abuur wararka sheegaya in khilaaf uu soo kala dhexgalay ciidamada ku sugan Ceeldheere sidaasna ay uga baxeen deegaanka. Ciidanku waa ay ka amar qaataan dowladda, ma jiri karo is maandhaaf soo kala dhexgeli karo maadaama hal hadaf ay ku socdaan,” ayuu yri Guddoomiye Cabdullaahi Cabdiraxmaan. Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa qorsheynaya inay weeraraan Guriceel, kadib markii odayaasha beesha degta Guriceel ay xalay sheegeen inay ku fashilmeen dhex-dhexaadin ay isku dayeen inay ku baajiyaan dagaal ka dhaca magaalada, ayaga oo eedeeyey hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Sheekh Shaakir. Odayaasha ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu diiday inuu ka baxo degmada Guriceel si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada uu diyaarinayo maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan Sheekh Shaakir. “Waxaa ka codsaneyn inuu magaalada ka baxo, meel ka baxsan uu tago anaguna aan markaas raadino in aan lagu soo duulin oo wada-hadal furmo intaas ayaa u sheegnay oo ka codsanay, arrinkaas isaga ah waqti badan ayuu qaata oo dood kulul ayaa na-dhexmartay oo wuxuu ku soo qatimay ka guuri maayo Guriceel,” ayuu yiri Oday kamid ah kuwa la hadlay warbaahinta. Ciidamada ku sii jeeda Guriceel ayaa isugu jira Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug. The post Maxaa ka jira in ciidamada DF ay ka baxeen Ceeldheere? appeared first on Caasimada Online.
-
London (Caasimada Online) – Xildhibaan Sir David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka UK ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar loo adeegsaday mindi oo lagu qaaday. Amess, oo 69 jir ah, ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, kaasi oo ka dhacayey kaniisad lagu magacaabo Belfairs Methodist Church oo ku taalla deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea oo qiyaastii 64 km u jira magaalada London, markii weerarka lagu soo qaaday. Taleefishinka Sky News ee UK ayaa ku warramay in nin mindi watay uu soo galay kaniisadda, kadibna uu dhowr goor mindida ku dhuftay Sir Davis Amess. Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa isku dayey inay noloshiisa badbaadiyaan ayaga oo ku daweeyey sagxadda kaniisadda illaa ay ka imaneyso helicopter u qaadi laheyd isbitaal, hase yeeshee goobta ayuu ku geeriyooday kadib saacad lala tacaalayey xaaladdiisa. Booliska Essex, oo ah maamulka ay hoos tagto magaalada Leigh-on-Sea ayaa qoraal ay soo saareen ku xaqiijiyey in xireen nin lagu tuhmayo weerarka, oo 25 jir ah. Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka laga lahaa weerarka lagu dilay Sir David. Sir David Amess ayaa ahaa xildhibaan aaminsan siyaasadda midigta-fog. Wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada. The post Xildhibaan David Amess oo u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray weerarka appeared first on Caasimada Online.
-
XIGASHADA SAWIRKA,SNTV/KENYA DEFENCE FORCES Maalmihii lasoo dhaafay waxaa taagan su’aalo la iska weydiinayo waxa xigi doona xukunkii maxkamadda ICJ ay kasoo saartay dacwaddii muranka badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya, taasoo isqabqabsigeeda uu muddo dheer soo jiitamayay. Xiisadda ku saabsan muranka xadka badda ee ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii ay Kenya ku gacan seyrtay xukunkii maxkamadda ICJ. Sida uu qoray mid ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn ee kasoo baxa Kenya, Standard, waxaa maalmaha soo socda isha lagu wada heyn doonaa tallaabada ay qaadi doonaan ciidanka badda ee Kenya, haddii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu go’aan ku qaato inuu wadahadal ku xalliyo khilaafka xadka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya iyo haddii uu ka tallaabsado amarka maxkamadda labadaba. Maqaalka wargeyska ayaa lagu yiri: “Ciidamada badda ee Kenya ayaa laga filayaa inay ilaaliyaan xadka badda ee Kenya, kaasoo ay maxkamadda ICJ ay isbaddal ku sameysay”. Garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa 12-kii bishan ku dhawaaqay xariiqin cusub oo lagu calaamadeeyay xadka badda, taasoo ka dhigan in aaggii lagu muransanaa badankiis la siiyay Soomaaliya. Ciidanka badda ee Kenya oo la aasaasay 12-kii bishii December ee sanadkii 1964-kii ayaa dhisnaa muddo 57 sano ah. Waxa ay sannadihii lasoo dhaafay awooddooda ku muujinayeen howlgalka militari ee ay ka wadeen gudaha Soomaaliya. Hase yeeshee Soomaaliya ayaa la sheegaa inaysan lahayn ciidan bad oo aad u awood badan, maadaama ay cududdii militari burburtay kaddib markii ay dowladdii dhexe meesha ka baxday 30 sano ka hor. XIGASHADA SAWIRKA,SNTV Qoraalka sawirka,Cutub ka tirsan ciidamada badda ee Soomaaliya Muranka xadka badda ee labada dhinac ayaa waji cusub yeeshay maalmahan, iyadoo Kenya ay ku adkeysaneyso inaysan dhag jalaq u siineynin xukunka kasoo baxay maxkamadda hoos tagta Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaalada Hague. Ciidamada badda ee Soomaaliya iyo Kenya midkee awood badan? Kenya oo ciidankeeda badda ay si buuxda u howlgalaan ayaa markii horeba galaangal ku lahayd amniga aagga la isku hayo, sida uu sheegay Collins Wanderi, oo ah sarkaal howlgab ah, oo uu soo xigtay isla wargeyska. “Tan iyo 1979-kii xadka lagu muransan yahay waxaa gacan ku heyntiisa mas’uul ka ahaa ciidanka badda ee Kenya, iyaga ayaana si buuxda u sugayay amniga, sidoo kalena hagayay gaadiidka badda,” ayuu yiri kabtan Wanderi. Waxa uu intaas ku daray in ciidanka Kenya aysan halkaas ka tagi karin maadaama laga hortagayo in burcad badeedda ay saameyn ballaaran ku yeeshaan aaggaas ayna carqaladeeyaan habsami u socodka ganacsiga soo mara badda. Dhawaan Kenya waxay saldhig militari oo qalabkiisu u dhammeystiran yahay ka sameysay badda, iyadoo ka falcelineysa xaaladda muranka badda ee taagneyd. XIGASHADA SAWIRKA,KENYA DEFENCE FORCES Qoraalka sawirka,Ciidamada badda ee Kenya Soomaaliya ma laha awood ay tallaabo noocaas ah ku qaaddo balse waxay leedahay saaxiibbo. Turkiga oo saldhig militari ku leh caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka mid ah waddamada awoodda leh ee xiriirka dhow la wadaaga dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo. Horay waxa uu Turkigu ciidamo kuwa cirka ah ugu tababaray Soomaaliya, halka ciidanka militarigana uu dhismahooda kaalin ka qaatay. Ankara ayaa horay ficil militari ugu muujisay taageerada dalalka ay xulafada la tahay, sida dowladda Liibiya oo dagaal kula jirtay xoogagga fallaagada ah ee la sheego inay garabka ka heysteen Ruushka. Shabakadda ka faalloota awoodaha militari ee caalamka, Global FirePower ayaa billowgii sanadkan soo saartay xogta ku saabsan cududda dalalka, waxaana ka mid ahaa Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan eegeynaa isbarbardhigga awoodda ciidamada badda ee Kenya iyo Soomaaliya, sida ay xustay shabakaddaas. Awoodda Ciidamada Badda – Kenya XIGASHADA SAWIRKA,STANDARD DIGITAL Qoraalka sawirka,Markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Kenya Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19. 7 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah. Kenya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha. Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya XIGASHADA SAWIRKA,SNTV Qoraalka sawirka,Ciidamada Badda ee Soomaaliya Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3. 11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah. Tirada ciidanka badda ee Soomaaliya waa mid kooban. Warbaahinta dowladda ayaa maalmo ka hor soo bandhigtay askar ku labisan direyska ciidamada badda ee Soomaaliya, oo qaarkood ay dhoollatus ku sameynayeen biyaha iyagoo wata doomo. Balse si rasmi ah looma shaacinin inta ay la egtahay tiradooda lamana cayimin qalabka ay heystaan. Sida ay shaacisay shabakadda Global FirePower, Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha. Qaran News