-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah ubadka Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo laf dhabar u ahaa guushii laga gaarnay kiiskii dacwadda baddeenna. Faysal Maxamed Cumar Saalixi, Faadumo Maxamed Cumar Saalixi iyo Ismaaciil Maxamed Cumar Saalixi ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey maamuska uu u sameeyey, iyaga oo xusay ahmiyadda ay u leedahay guusha taariikhiga ah ee aynu ka gaarnay kiiska Dacwadda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in halyey Maxamed Cumar Saalixi, uu ku suntanyahay Baal dahab ah wadaniyad, dal jacayl iyo ilaalinta hantida Qaranka, waxa uuna tilmaamay doorkii uu ka soo qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah Ubadka Halgamaa Maxamed Cumar Saalixi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta dib ugu soo noqday wafdigii dowladda federaalka ku metalayey maxkamadda ICJ oo dhowaan shaacisay xukunka badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay dowladda Kenya. Wafdigan ayaa waxaa horkacayey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Mahdi Guuleed oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka ayaa shaaciyey in Soomaalia ay guul taariikhi ah kasoo hoysay dacwaddii badda, isla-markaana doodaha Soomaaliya la qaatay, maxkamadduna ay iska diiday dhammaan doodihii ay soo gudbisay dowladda dalka Kenya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan Soomaaliya ay leedahay bad xadkeedu cad-yahay, laguna sugay sharciga caalamiga ah. “Maanta waxynu joognaa goor Soomaaliya ay leedahay bad xadkeedu cad-yahay, jeexan yahay sharciga caalamiga ahna lagu sugay, aynu guuleysanay taariikhi ah, ay tahay in aynu ku fara adeegno. Guushaasi waa guul dhammaanteen shacabiga Soomaaliyeed u soo hoyatay, dowladda Soomaaliya u soo hoyatay,” ayuu yiri Mudane Mahdi Guuleed. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waa xaq aynu laheyn oo aynu dhacsanay oo innoo soo noqday maanta uu cad-yahay xuduud biyeedka aynu Kenya la leenahay halka uu gaarsiisan yahay,” Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey dowladihii kala duwanaa ee kasoo shaqeeyey kiiska badda, sida dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif, tiii Xasan Sheekh iyo mida Farmaajo. “Waxaan u mahadcelinayaa laga soo bilaabo dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariiif iyo ra’iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyey oo uu ka mid yahay Cumar Cabdirashiid iyo wasiiradii arrimaha dibadda ee xilligaas iyo doorkii ay ka qaateen, dowladii Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaareyaashii lasoo shaqeeyey baarlamaankii dalka oo qaraar kasoo saaray kiiska baddda,” ayuu markale hadalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka. Dhinaca kale madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa guddiga ku qaabilay xafiikiisa, wuxuuna ku boggaadiyey doorka ay ka qaateen difaaca badda Soomaaliya “Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka. Waxa guulaystay halgan dheer oo aannu u galnay difaaca ciiddeenna iyo sarreynta calankeenna.” ayuu yiri Farmaajo. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay ku guuleystay dacwaddii badda ee maxkamadda ICJ, waxaana inta badan biyaha la’isku hayey loo xukumay Soomaaliya. The post Wafdigii Somalia ku metalay kiiska Maxkamadda ICJ oo faah-faahin cusub bixiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz. Ra’iisal wasaaraha iyo safiirka ayaa ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka dalka. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimadda ay xiriirka taariikheed iyo kan dhaqan u leedahay xoojinta xiriirkooda iyo hiigsashada qaabab kale oo iskaashi looga yeelan karo dhinacyada kale. PUNTLAND POST The post Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Guddiga Soomaaliya ee Kiiska Badda ayaa ku bogaadiyey doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen qadiyaddan Qaran iyo sida jiilasha soo socda ay tusaalaha ugu noqdeen dhanka difaaca Qaranka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guusha kiiska badda ay muujisay kobaca dareenka wadaniyadeed iyo midnimo ee shacabka Soomaaliyeed, isaga oo Guddiga uga warbixiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u xuseen guushan taariikhiga ah iyo damaashaadka ay ka dhigeen dal iyo dibadba. “Waxuu ahaa halgan caddaaladeed oo ku astaysan aragti fog, aqoon durugsan, dhiiranaan, waddaniyad, ilaalinta ammaanada ummadda iyo difaaca dadka iyo dalka. Waxa guulaystay halgan dheer oo aannu u galnay difaaca ciiddeenna iyo sarreynta calankeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddiga ayaa wadajir ugu duceeyey, Alle ha u naxariistee, Eng Maxamed Cumar Saalixi oo uu hammigiisu ahaa inuu goobjoog u ahaado miraha dadaalkii uu galiyay kiiskan, isaga oo ammaan iyo mahadcelin u soo jeediyey Qareennadii iyo khubarradii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca baddeenna oo ay ugu horreeyaan Drs. Muna Sharmaan. Kulankan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay Guddigii kiiska badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in ay wadaan qorshaha u diyaargarowga doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dhacdo sannadka soo socda ee 2022. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa soo dhigay bartiisa Facebook, qorshe iyo hab-raacyo ku qoran buug oo ay ugu talo galeen in ay kaga midho dhaliyo Xisbigoodu doorashada soo socota oo uu markale Xisbigooda u sharax yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo doorashadii 2017-kii helay 40% codadkii ay dhiibteen shacabkii Somaliland ee codeeyey. Xisbiga Waddani ayaa doorashadii hore ee Madaxtooyada la yimid qorshe olole oo dalka ku cusbaa wakhtigaasi, iyaga oo samaystay xarun olole oo ay toos kula xidhiidhayeen dadweynaha Somaliland, iyaga oo weydiisanayey codkooda. Source
-
Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Maqaayad ku taalla gudaha Saldhiga Booliska ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxa jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga meelaha fog-fog la geliyay Maqaayad ku dhex taalla Saldhiga Booliska, taasi oo ay fariistaan Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Mas’uuliyiin, Saraakiil iyo dad kale ka Agdhawaa Maqaayada, waxaana la xaqiijiyeen inay goobta ku geeriyootay haweeneydii laheyd Maqaayada. Sidoo kale dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Feer-feer Mahad Maxamed Xasan, Duqa degmadaas Khaliif Garaad Rooble, Taliyaha Booliska Magaalada Baladweyne Maxamed Qoorsheel iyo Askar kale oo ku sugneyd halkaas. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Dad dhowr ah oo ay ku jiraan Soomaali ayaa fal dhaawac ah waxaa fiidnimadii Jimcaha loogu geystay koonfurta Magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka, kadib Israsaaseyn dhexmartay dad hubeysan. Booliska Minneapolis ayaa sheegay in dad hubeysan oo ku sugnaa Saddex meelood oo kala duwan oo ku yaalla koonfurta Magaaladda Minneapolis ay Israsaaseeyeen, isla markaana rasaasta ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Soomaali. Ciidanka Booliska Magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa tilmaamay inay wadaan baadhitaano kala duwan oo ku aadan sababta keentay in dadkaas ay rasaas khasaaro dhalisay ay isweydaarsadan. Dadka dhaawacmay oo ay qeyb ka yihiin dhalinyaro Soomaali ah ayaa waxaa la geeyay cisbitaalo, si loogu daaweyo, waxaana Booliska ay wadaan baaritaano ku aadan qaabka uu u dhacay falkaas. Weli lama cadeyn magacyadda dadka dhaawacmay iyo dadka ka dambeeyay fal dambiyeedyaddan kala duwan ee ka kala dhacay Saddex meelood oo ku yaalla koonfurta Magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka. Source
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta arday wax ka barata mid ka mid ah iskuulada ku yaallo magaalada oo banaanbax ka dhigayay Afaafka hore ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland in ay xireen ciidamada Ammaanka. Ardayda la xiray ayaa la sheegay in ay kor u dhaafayaan 30 arday kuwaas oo isugu jiray wiilal iyo Gabdho, xilli ay banaabax Ardayeed ay ka dhigayeen Hargeysa. Ciidamada Ammanka Somaliland ayaa rasaas ku kala eryay arday kuwaa oo ugu dambeyn qeyb ka mid ah ardayda xabsiga u taxaabay. Ardayda ayaa ka cabanayay shaqa ka joojin wasaaradda ay ku sameysay Mid ka mid ah maacalimiintooda wax barta. Wararka ayaa sheegaya in ardaydan ay wax ka baranayeen Dugsiga sare ee Faarax Oomaar, kaas oo wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ay shaqa ka joojin ku sameysay maamulahooda. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ardayda oo isku soo bax balaaran ka dhigeysa Afaafka hore ee wasaaradda. Illa iyo hadda maamulka Hargeysa iyo kan Somaliland kama hadlin dhacdada saaka lagu xiray ardayda Dugsiga sare ee Faarax Oomaar. Hoos ka daawo Muuqaalka Ardayda Banaanbaxa dhigeysa https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2021/10/246417059_211190931110720_234322979626586464_n.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka go’an tahay inay magdhaw siiso qaraabada10 qof oo lagu dilay weerar khaldamay oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ka fuliyeen magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, bishii August. Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Waaxda Difaaca ay sidoo kale la shaqeyneyso Waaxda Arrimaha Dibadda si ay gacan uga geysato inay Mareykanka u soo guuraan xubnaha qoysaskan ka badbaaday. Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Waaxda Difaaca ay sidoo kale la shaqeyneyso Waaxda Arrimaha Dibadda si ay gacan uga geysato inay Mareykanka u soo guuraan xubnaha qoysaskan ka badbaaday. Kirby wuxuu sheegay in arrintani ay ka dhalatay kulan Khamiistii dhex maray Dr. Colin Kahl, oo ah ku xigeenka xoghayaha difaaca ee dhinaca siyaasadda iyo guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee Nafaqada & Waxbarashada Dr. Steven Kwon. “Dr. Kahl wuxuu ku celiyay ballanqaadkii Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ee qoysaskan, oo ay ku jirto bixinta lacag magdhaw ah,” ayuu yidhi Kirby. Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, ma aanu sheegin inta ay dhantahay lacagta la siindoono qoysaskan. 29 -kii bishii Agoosto, ayaa gantaalka Mareykanka ee Hellfire wuxuu ku dhacay baabuur uu waday Zemerai Ahmadi, waxaana duqeyntan ku dhintay guud ahaan 10 xubnood oo qoyskan ka mid ah oo ay ku jiraan toddoba carruur ah. Toddobaadyo kadib, Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa taliska dhexe ee ciidmada dhulka ee Mareykanka, ayaa weerarkan ku tilmaamay “khalad aad u xun” wuxuuna sheegay in dhab ahaantii dad rayid ah oo aan waxba galabsan lagu dilay weerarkan. Duqeyntan ayaa ka dambeysay qarax is-miidaamin ah oo ay fuliyeen kooxda la baxday Dawladda Islaamka oo ay ku dhinteen 169 qof oo Afgaanistaan ah iyo 13 askari oo ka tirsan milatariga Maraykanka oo ku sugnaa mid ka mid ah irdaha laga galo garoonka diyaaradaha ee Kabul dabayaaqadii bishii August. Source
-
Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Guriceel, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka dhaco halkaasi, waxaana taasi ay keentay in qoysas badan ay isaga barakacaan gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxaa inta badan xiran goobaha ganacsiga ee Guriceel, waxayna ganacsatada dhankooda walaac ka muujinayaan xaaladaha cakirnaanta ah ee ka taagan halkaasi. Ciidamada Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay difaacyo horleh ka sameysteen duleedka magaalada, iyaga oo haatan bilaabay abaabul ciidan oo culus. Dhanka kale ciidamada Galmudug oo kaashanaya iyo kuwa dowladda ayaa ku sugan inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyaga oo qorsheynayo inay weeraraan Ahlu Sunna. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Baaqyada kala duwan ee loo dirayo Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa dhinaca kale isa soo tarayo, waxaana laga dalbaday inay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka. Si kastabam dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda Galmudug oo horay dagaal ugula jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan maamulkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada magaalada Guriceel appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay gurmad bini aadanimo iyo lacago ay garsiineyso dadkii lagu dilay qarax ka dhacay Kabul xilligii mareykanka uu isaga soo baxayay dalka Afghanistan. Waaxda gaashaandhigga mareykanka ee Pentagon ka ayaa sheegtay in gurmad la siinayo qoysaska 10-kii qof ee mareykanka ee ka dhimatay bilawgii Augusto. John Kirby, oo ah Afhayeenka Pentagonka ayaa sheegay in waaxda gaashandhigga Mareykanka ay gurmaneyso dadka xilli uu sheegay in qoysaska dadkii dhintey ee weli ku sugan Afghan in mareykanka uu ka shaqeynayo sidii lagu keeni lahaa gudaha Mareykanka. Kirby ayaa carabka ku dhuftay in ay go’aankaan ay qaateen kadib markii kulan gelinkii dambe ee shalay Pentagon ka uu la qaatay Xoghaya siyaasadda difaaca Mareykanka Dr. Colin Kahl. Weerarka lagu dilay dadkan ayaa dhacay 29 Augusto, xilligaas oo aheyd maalmihii ugu dambeyay ee mareykanku uu isaga baxayay Afghanistan. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in gurmadka loo fidinayo ehelada ay qeyb ka yihiin deeq lacageed oo la gaarsiinayo dadka wax yeelada ay haleeyshay, Inkastoo mareykanka uusan shaacin cadadka lacagta uu qoysaska siin doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Laascaanood)-Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka laga soo saaray magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ay haatan gaadheen 7,250 qof. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xidhiidhinta arrimaha bani’aadminnimada ayaa war qoraal ah oo uu saaray maanta ku sheegay in 24 qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle Sida uu sheegay xafiiskaasi, magaalada Ceerigaaba waxa iyadana kasoo barakacay 75 qof oo soo gaadhay Gaalkacayo iyo Baydhaba kadib markii sida la sheegay mas’uuliyiinta degaanku ay u qabteen in dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ku baxaan ilaa 21-ka Oktoobar, sida lagu qoray warbixnta OCHA. Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen in ilaa 400 qoys ama dad gaadhaya 2400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaadho 21-ka bishan. Source
-
Inkasta oo lasoo gabagabeeyey kiiska Badda, Soomaaliyana ay ka guuleysatay Kenya hadana 7-badii sano ee dacwadu taallay ICJ, waxaa jiray in dalalka ay caalamka ay la kala safteen Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa xusid mudan in kiiska dartiis u xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan wixii ka dambeeyey shirkii London ee February 2019-kii, laakin ma jirin wax dhedhexaadin ah oo dalalku sameeyeen. Haddaba, Waxaan Halkan Kusoo Koobeynaa Sidad Dalalka ugu Kala Qeybsameen Kiiska badda: Dalalka La Jiray Kenya: Mareykanka: Dalka Mareykanka waxaa uu la jiray Kenya, oo uu in badan soo marsiiyo danahiisa uu ka leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada iyo heshiisyo badan oo labada dal ay galeen. Faransiiska: Dalka Faransiiska waxaa uu la jiray Kenya, waayo shirkadda TotalEnergies SE ayaa ka mid ah shirkadaha maalgeshtay dhulka muranka ka jiray, iyada oo heshiisyo shidaal qodis ah la gashay Kenya. Qatar: Dalka Qatar waxaa uu ka mid ahaa dalalka la safnaa Kenya, waayo shirka Qatar Petroleum ayaa sheegtay 2019-kii in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25% ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo 11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin. Dalalka La Saftay Soomaaliya Imaaraadka: Dalka Imaaraadka waxaa uu ka mid ahaa kuwa taageersan Soomaaliya, waayo waxaa uuba bixiyey lacagta la siiyey qareennada iyo inta badan qarashka kiiska badda, waxaa uu sidoo kale damac ka leeyahay dekada Soomaaliya ee dhaca gacanka Cadan iyo badda Cas. Ingiriiska: Dalka Ingiriiska marka laga soo tago in shirkadihiisa ay lahaayeen sahmin iyo xataa rajada shidaal qodis iyo iibsashada bologyada, haddana sababta Ingiriiska ula safteen Soomaaliya waxaa xoojiyey iyada oo aad u xumaa xiriirka dalkaasi iyo Uhuru Kenyatta, oo lagu eedeeyey falal ka dhan banii’aadnimada. Norway: Dalka Norway waxaa la safatay Soomaaliya, shirarka lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, shirkadaha ugu badan ee dalabaadka soo gudbista waxay ahaayeen Norway, waxaa kale oo intaa dheeraa ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo ahaa Norwegian. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay safiirka Thailand u fadhiya Kenya Sasirit Tangulrat. Danjire Tarsan ayaa laga soo xigtay in uu kulan gaar ah Nairobi kula yeeshay safiirka dowladda Thailand u joogo waddanka Kenya Mr. Sasirit Tangulrat. Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada-hadlay horumarinta arrimaha ganacsiga labada dal ee Soomaaliya iyo Thailand gaar ahaanna kalluumeysiga. Sidoo kale labada safiir waxay ka wada-hadleen arrimaha Waxbarashada iyo Caafimaadka labada dal. PUNTLAND POST The post Safiirada Soomaaliya iyo Thailand u fadhiya Nairobi oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Nin ku hubeysan mindi oo ku dilay shalay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa la sheegay inuu yahay muwaadin asalkiisu yahay Soomaali balse haysta dhalashada Ingiriiska. Sida ay daabaceen qaar ka mid ah wargeysyada Britain ninka dilka ka dambeeyay oo aan la shaacin magaciisa ayaa la sheegay inuu yahay 25 jir. Sir David Amess oo ahaa xildhibaanka Southend West ee Essex, ayaa lagu dhex dilay Jimcihii kaniisadda Belfairs Methodist ee Leigh-on-Sea, waxaana la xidhay nin British ah oo asalkiisu Soomaali yahay oo looga shakisan yahay dil. Dhakhaatiirta gurmadka deg-degga ah ayaa isku dayay muddo laba saacadood ah si ay u badbaadiyaan 69-jirka oo ah aabbe-shan-carruur ah, laakiin wuxuu u dhintay dhaawacyadii ka soo gaadhay mindidii lagu dhuftay. Booliiska Essex ayaa sheegay in la xidhay nin 25 jir ah, askartuna ayna raadineynin qof kale oo ku lug leh dhacdada. Ben-Julian Harrington, Taliyaha Booliiska Essex ayaa sheegay inay baadhayaan in dhacdadan ay xidhiidh la leedahay fal argagaxiso. Source
-
Garoowe: Cagaf laamiga waxyeellaysay oo gacanta lagu dhigay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowladda hoose ee caasimadda Garoowe ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay Cagaf waxyeello gaarsiisay laamiga oo saacadihii u dambeeyay laga baadi-goobayay magaalada. Ciidanka dowladda hoose ee Garoowe ayaa ku guulaystay in gacanta lagu dhigo Cagaftaas iyo ninkii watay oo xabsiga loo taxaabay. “ Hawgal saacado qaatay kadib waan ku guulaysannay in gacanta lagu dhigo Cagaftaas iyo ninkii watay oo xabsiga loo taxaabay waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu Puntland Post u sheegay mas’uul ka tirsan dowladda hoose. PUNTLAND POST The post Garoowe: Cagaf laamiga waxyeellaysay oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post. -
Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon -ka ayaa dhambaal tacsi ah iyo lacago aan la cayimin u fidisay qoyskii 10 qof oo rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku bishii la Agoosto ee la soo dhaafay uu ka geystay Magaalada Kaabul ee dalka Afgaanist. Waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay inay samaysay ballanqaad ay ka mid yihiin bixinta lacag iyo in Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay kala shaqeynayaan sidii loo taageeri lahaa xubnaha qoyska ee danaynayay inay u guuraan Mareykanka. Xafiiska Pentagoonka ayaa sheegay in dadkii ku dhintay duweyntii Kaabul ee 29-Agoosto ay ahaayeen dhibbanayaal aan waxba galabsan oo aan eed lahayn ,isla markaana aan xiriir la lahayn Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasa. Pentagon-ka ayaa horay u sheegay in weerarkii 29-kii bishii August lala beegsaday kooxo mitidiin ah oo halis weyn ku ahaa ciidammada uu hoggaaminayo Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha,xilli ay socdeen dhamaystirka marxaladihii ugu dambeeyay ee ka bixitaanka Afghanistan. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo taageero u fidiyay qoyskii ku waxyeeloobay duqeyntii Droniska ee Kaabul appeared first on Puntland Post.
-
Booliiska magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, ayaa xaqiijiyay in ay dhaawacmeen illa iyo lix qof kadib markii ay kooxa kala duwan isku rasaaseyn qeyba ka mid ah magaalada Saacad gudaheed. Ciidamada Booliska ayaa shaaciyay in dadka dhaawacmay oo xaaladooda caafimaad Isbitaalka lagu dabiibayo ay ku jiraan dad Soomaaliya. Weeraraad ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan koonfurta magaalada Minneapolis, halkaas oo kooxa biskoolada ku hubeysan ay isku rasaaseeyen. Xabadda ayaa ka bilaabatay xaafad lagu magacaabo Folwell oo ku taalla koonfurta magaalada kadib booliisk ayaa sheegay in ay heleen wicitaanka dadka xaafadda oo gurmad dalbanaya. Maamulka magaalada ayaa sheegay ay weli wadaan baaritaanno ku aaddan waxa ka dambeyay falalkan ka dhacay magaalada. Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay seddaxda weerar oo ka kala dhacay xaafado kala duwan ay dhaceen Saacad gudaheed habeenimadii jimcaha. Illa iyo hadda lama sheegen magacyada dadka ay waxyeeladu soo gartay balse wararka ayaa sheegay in ay ku jiraan dhalinyaro Soomaali ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
British Member of Parliament David Amess, 69, has died after being stabbed several times during a meeting with his constituents at a church in eastern England. A 25-year-old suspect has been arrested. Reports said a man walked into Belfairs Methodist Church in Leigh-on-Sea, south Essex, where Amess was holding a surgery with locals on Friday and attacked the politician. “He was treated by emergency services but, sadly, died at the scene,” police said. “A 25-year-old man was quickly arrested after officers arrived at the scene on suspicion of murder and a knife was recovered.” In a statement, the Metropolitan Police has said that the murder Amess has been declared as a “terrorist incident”, with the investigation being led by its Terrorism Command, the agency said in a statement posted on social media. Detectives said they were not looking for anyone else in connection with the incident. There was no detail about the motivation for the attack but the chief constable of Essex police later said counterterrorism officers are leading the investigation. “The investigation is in its very early stages and is being led by officers from the specialist counterterrorism command,” Ben-Julian Harrington told reporters. “It will be for investigators to determine whether or not this is a terrorist incident.” Colleagues from across parliament expressed their shock and sorrow and paid tribute to Amess, who held regular meetings with voters on the first and third Fridays of the month, saying he was diligent in his duties to his local area. Amess leaves behind a wife and five children. Flags in Downing Street were lowered in tribute. Prime Minister Boris Johnson said he and his cabinet were “deeply shocked and heart-stricken”. “David was a man who believed passionately in this country and in its future, and we’ve lost today a fine public servant and a much-loved friend and colleague,” Johnson said. The prime minister would not say whether the attack meant politicians needed tighter security, saying, “We must really leave the police to get on with their investigation.” Amess has been a member of parliament for Southend West, which includes Leigh-on-Sea, since 1997, but has been a lawmaker since 1983. He was a well-liked member of parliament, best known for his ceaseless campaign to have Southend declared a city. His website lists his main interests as “animal welfare and pro-life issues”. Violence against British politicians is rare, but two other British lawmakers have been attacked this century during their “surgeries”, regular meetings where constituents can present concerns and complaints. In June 2016, Labour Party lawmaker Jo Cox was fatally stabbed and shot in her northern England constituency. A member of the far right was convicted of her murder. In 2010, Labour lawmaker Stephen Timms survived a stabbing in his constituency office. Jacqui Smith, chair of the Jo Cox Foundation, said in a statement on Twitter that Amess’s death is a “tragic loss for those who knew and loved Sir David”. “I knew him as a generous and dedicated colleague in Parliament. Public life must be safe for those we ask to serve in our democracy – that is a responsibility for us all.” advertisements freestar Leader of the Labour Party Keir Starmer said on Twitter that David was a “dedicated public servant”. “Informed by his faith, David had a profound sense of duty, that I witnessed first hand in parliament,” Starmer said. “We will show once more that violence, intimidation and threats to our democracy will never prevail over the tireless commitment of public servants simply doing their jobs.” Chris Doyle, the director of the Council for Arab-British Understanding – who knew both Amess and Cox – told Al Jazeera that the killing of Amess would have a “chilling effect on British politics – the way in which you get that vital interchange between an elected member of parliament, part of the legislature, and the constituents that they represent.” “There are 650 British MPs that will now be thinking ‘that could have been me’,” he said. “They will be looking over their shoulders, they will be thinking ‘how can we improve our security. But above all of course the main sentiment is for David’s family and friends – to have lost him in such a way is just beyond belief.” British lawmakers are protected by armed police when they are inside Parliament, but have no such protection in their constituencies. Amess published the times and locations of his open meetings with constituents on his website. “Questions are rightly being asked about the safety of our country’s elected representatives and I will provide updates in due course,” Home Secretary Priti Patel said on Friday. UK interested in Turkish drones, we presented options: Minister – Daily Sabah SOMALIA: New strategy to improve water resources management – Afrik 21 UK announces extra £29m of humanitarian aid for Ethiopia – The Guardian Qaran News
-
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka laga soo saaray magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ay haatan gaareen 7,250 qof. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta arrimaha bani’aadminnimada ayaa war qoraal ah oo uu saaray ku sheegay in 24 qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle. Sida uu sheegay xafiiskaasi, magaalada Ceerigaaba waxa iyadana kasoo barakacay 75 qof oo soo gaaray Gaalkacayo iyo Baydhaba kadib markii sida la sheegay mas’uuliyiinta degaanku ay u qabteen in dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ku baxaan ilaa 21-ka Oktoobar, sida lagu qoray warbixnta OCHA. Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen in ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda dadkii laga raafay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Gobollada Waqootiga Kenya waxaa laga soo sheegaya abaar aad u daran, taas oo baabi’isay xoolihii, isla markaana sababatay biyo la’aan daran, waxaana qeylo-dhaan ka diray xoolaleyda iyo hey’adaha samafalka. In ka badan 465,000 oo carruur ah oo ka yar shan sano jir iyo in ka badan 93,000 oo haween uur leh ama naas -nuujinaya ayaa nafaqo-darro ku heysaa gobolka waqooyi ee Kenya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Xoolaleyda ayaa biyaha ugu safra meel loo socdo hal maalin, halka hoos u dhac weyni uu ku yimid qiimaha la kala siisto xoolaha macluul darteed, iyada oo dhinaca kalena qiimaha maciishadda ay sare u kacday. Degmada Marsabit qiimaha cuntada ayaa kor u kacay, waxaana maciishaddu ay ka sarreeysaa celcelis ahaan 16% sida ay muujineyso xogta laga helay Maamulka Maareynta Abaaraha Qaranka (NDMA). PUNTLAND POST The post In ka badan 465,000 carruur ah oo nafaqa-daro ku hayso waqooyiga Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta arrimaha bani’aadminnimada ee OCHA, ayaa sheegtay in ay sare u kaceen dadka laga soo barakiciyay deeganada Somaliland. Warbixin ay soo saartay ayeey hay’adda ku sheegtay in illa iyo hadda inta ay QM diwaan gelisay ay gaareysi illa iyo 7,250 qof kuwaas oo laga soo barakiciya deeganada Somaliland. Shalay oo jimca aheyd ayey hay’adda sheegtay in ay 24 qoys ay soo gaareen deegaanno hoostaga Buuhoodle, kuwaas oo la sheegay in ay ka soo jeedaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Magaalooyinka gaalkacayo iyo Baydhabo ayeey OCHA sheegtay in ay gaareen dad gaaraya 75 qof kuwaas oo ka soo barakay magaalada Laascaanood. maalmaha soo aaddan ayaa sidoo kale lagu wada in maamulka Muuse Biixi magaalada Ceerigaabo ay ka soo saaran illa iyo 400 qoys kuwaas oo loo qabtay in 21 bishaan ka hor ay isaga baxaan Somaliland. Dowladda Soomaaliya iyo QM ayaa si wadajir ah u cambaareyay barakicinta dadka shacaka ah ay Somaliland u geysaneyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in nin 25 jir ah loo xiray tuhun dil kadib markii lagu weeraray kaniisad ku taal Leigh-on-Sea. Warbaahinta Uk aya sheegtay in ciidanka booliska ay weerareen labo guri oo lagu tuhmaayo in falkaasi laga soo maleegay, sidoo kalena ruux weerarka geystay uu yahay asalkiiso Soomaali. Waxay soo heleen mindi mana raadinayaan cid kale oo la xiriirta dhacdada. Kooxda ka hortagga argagixisada ayaa hoggaamin doonta baaritaanka. PUNTLAND POST The post Dilka xildhibaan David Amess oo lala xiriiriyay nin Soomaali ah appeared first on Puntland Post.