-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cumar X.Maxamuud waxa uu ahaa saaxiibkay dhaba ah (My Soul Mate) Rabbi ha siiyo naxariistiisa balaadhan saaxiibkay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan oo xaqii ku helay 3-dii September ee sanadkan 2021, magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somaliland isagoo ahaa saaxiibkay dhaba oo aanu wadaagaynay waxyaabo badan oo nolosha qaybaheedda kala duwan ah. Waxa aan ku xasili jiray sheekooyinkiisa marka aan ku booqdo guriggiisa oo wax aan badnayd galbeed kaga qumanaa Hotel Maan-Soor iyadoo aan halkaa kula cawayn jiray kuna falanqayn jiray arrimaha adduunka gaar ahaana Somaliland, oo ahaa dalkayaggii hooyo si isku mid ahna aanu u wada jeclayn, kana hadli jirnay had iyo jeer siddii aqoonsi caalamiya loogu heli lahaa si uu uga mid noqdo dalalka Caalamka ee madaxa banaan ee ka tirsan adduunkan aan ku noolahay. Arintaasi ah farqiga u dhexeeya dal madaxbanaan iyo mid aan madax banaanayn oo muwaadiniintiisu tahay (stateless) ama sida carabtu tidhaa ay muwaadiniintiisu yihiin Biduun, waa arin qof aragti dheer mooyee qof kale aanu garan Karin, xattaa kuwo soo maray wasiiro arrimo dibaddeed. Aragti dheeridu waxa ay ahayd hibbo dheeri ah oo uu Alle ku manaystay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud, waxaanan halkan ku soo qaadan doonaa sheeko layaable oo uu Xaaji Cumar X. Maxamuud u sameeyay wiil uu dhalayoo la odhan jiray Almis Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud oo uu xanuun waddnaha ka asiibay. Laakiin Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud waxa uu si aragti dheeri ah oo aan qof kastaa heli heli karin uga soo dawaystay dalka Israel oo aynaan xataa xidhiidh lahayn, taasi oo ku tusaysa aragti dheeridddii Cumar iyo xariifnimaddii dublamaasiyadeed ee Eebbe ku manaystay oo aan ku hubo haddii aanay in yari mar walba maroorsan taladda Somaliland, oo loo wada dhamaan lahaa inuu Cumar ahaan lahaa kuwa guradda ugu jira ee daaha dabadiisa ka hagaya talo qaran oo loo dhan yahay ku habi lahaa dalkiisa hooyo ee Somaliland. Waa sanaddihii 1997 ilaa 2000 waa xilliggii uu wakiilka inooga ahaa Jabuuti, waa markan marka aan ogaanayo xeeldheeridda diblomaasiyadeed (diplomacy expert) ee Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan waana mid ay samayn karaan uun dhif iyo naadir dadka soomaaliyeed guud ahaan marka aad ka tagtaba kuwa somaliland. Haddaba waxaa Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud ka xanuunsaday wiil uu dhalay waa Almise oo uu asiibay xanuun ka soo gaadhay wadnaha, dhakhaatiirta Somaliland waa kabkab xilligga oo ma jiraan dhakhaatiir la isku halayn karaa, hadda oo ay aynu joogno 2021 ayaanay kaba jirin kuwo kuwii xilligga dhaamaaye, si kastaba ha ahaatee Xaaji Cumar oo aan ku aqaanay carruur jacayl xad dhaafa. Caruur jacaylka Cumar waxa uu ahaa mid aad u sareeya oo aan ku arkay uun dad dhif iyo naadir ah oo ay adag tahay in lasoo helo qof sidiisa u caruur jecel, aniga oo aan buunbuunin ku samaynayn laakiin cid kasta oo dhab ahaan u taqaanay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud waa ay dareemi karaysay taasina waa mid aan marar badan ku arkay indhahayga kuna maqlay dhagahayga waayo? waxa uu ahaa saaxiib aad iigu dheer (soul mate). Aan ku soo noqdo Almis iyo xannuunkiisii markuu Xaaji Cumar garwaaqsaday ina xanuunkan inankiisa ka asiibay wadnaha inuu u baahan kharash iyo dhakhtar heerkiisu sareeyo oo ka mida kuwa adduunka ku yaala maanta ee casrigga ah, Somaliland aanay ahayn tii wax ka qaban lahayd, ayaa uu helay fikrad aan aad ula yaabay waana halkaa halka aanu aniga iyo Xaaji Cumar iskaga xidhmaynaa. Dubloomasinimadii iyo xeeldhiiridiisa siyaasaasadeed, carruur jacaylkii iyo inankiisii Almis ayaa tusay inuu helo dariiq iyo wadiiqo uu ugu helo baadhis caafimaad iyo dawayn waxa ay diiradiisu markiiba soo dhufatay dalka Israel inay xuddun u noqon karto dawaynta Almis bal sida uu ku helay adba sheeg! haayoo waaniggii hore u soo sheegay inuu ahaa xeeldheere siyaasadeed, taasi waa ay u shaqaysay oo xidhiidhkii uu sameeyay waxa uu albaabadda u furay in Almis, hooyaddii iyo Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud ka dagaan caasimadda Israel ee Telavive, halkaasna uu Almis yare ka helo dawayn dhinaca wadnaha ah oo heerkeeddu sareeyo. Intaa uun ma’aha ee Xaaji Cumar waxa uu u boqoolay dhinacaa iyo Baytul-maqdis oo uu ku soo tukaday kuna soo sujuuday iyadoo ay tahay bogcadda saddexaad ee Maka iyo Madiina ku soo xigta, taasi oo dhanka kale aanay sahal ahayn in qof muslin ahi tago, waayo? dhanka nabad galyadda oo ay Dawladda Israel ku xidhiidhinayso aad ayay u adag tahay in si fudud loo tagi karo Magaaladda Qudus oo ay kuba murmayaan Yuhuuddu inay tahay Caasimaddooddii. Waa 2011kii waxaan ku tagay fasax Masar iyo Jordan habeen ay tahay goor fiid aha ayaa dadyow kala duduwan oo qaar Spain ka yimaadeen qaar Taliyaanigga qaarna USA, oo aanu joogno Hotelkayaggii ayaa ay qaar dadyowggaa ka midi go’aan ku gaadheen inay barri u baqoolaan magaaladda Qudus, ee barakaysan waxaanay ii soo jeediyeen inaan ku lug daro. Aniga oo aanay marka hore igu jirin Jordan ka baqool oo xagaa iyo Baytal Maqdis oo ay Yuhuuddu xoog ku haysato u socdaal, ayaa u riyaaqay fikirki, waxaanan la guulay fikirkii sidaa ayaanu iskugu lug daray. Waxaanu ka baqoolnay goor arooryo hore ah oo jarmaado ayaanu ku baxnay. Hotelkiina habeenkii ayuu ku sii talo galay inuu quraacdayaddii sii diyaariyo xilli hore, bacdamaa aanu jarmaado ku baxayno barri. Waxaan maqli jiray “ Balaysin Cawaysnimo kaakac aroonimo ayuu leeyahay ” ilaa 7 aroornimo ayaanu bas yar oo caasiya isku gurney, ka dibna waxaanu gaadhnay xuduuddii u dhaxaysay jordan iyo Israel waxaanu sii jibaaxnay daanta wabigga Urdun, oo aan in badan ka maqlay BBC-da qaybteedda Soomaaliga iyo English-ka. Sidaa markii aanu ku soo gaadhnay halkii ay Xuduudda ka wadaagayeen Israel iyo Jordan, gaar ahaanna qaybtii (immigration officers-ka) ama Saraakiishii ee Yuhuudda ayaa nala kala hufay oo dadkii intii badnayd la sii daayay, anigase waa laygu dhagay oo la iga furfuri waayay. Gabadh yahuudiyad ah oo ka mida Saraakiisha Socdaalka ee Yuhuudda ayaa waraysi dheer, goor aroornimo ah ila gashay. Waxaanay I waydiisay su’aalo badan oo qaarkood ay dib ugu noqonayaan 20 sanno iyo ka badan waxaanay ku qoraysay su’aal kasta oo ay igu waydiiso luuqadda Hibrowgga yuhuudda, iyadoo igu waraysanaysa luuqada Englishka. Markii uu dheeraaday waraysiggii ee ay i waraysanaysay saacad in ka badan, ayaan u sheegay in haddii aanay soo gaabin waraysiggan inaan halkaa ku joojinayo dhinacayga oo aan xataa isaga oo kale waligay la iga qaadin. Waa ayse diiday waxaanay i kala dooransiisay inaan ogolaado inaan sii wado waraysigga ilaa inta ay dhamaysanayso haddii kale ay igu celin doonto Jordan oo aan saaka ka soo boqoolay waxaanan u sheegay intaa in ka badan inaanan tamar u hayn, waayo saakana jarmaado ayaan ku imi halkan. Markii aanu is mari waynay waxay ii sheegtay inay igu celin doonto jordan oo aan ka fogayn ahaydna halkii aan saaka ka soo boqoolay waanan ka ogolaaday inay sidaa samayso, waayo wax la xamili karo ma ahayn waraysiggani waana markii ugu horaysay ee yuhuuddi i waraysato sababta ugu wayn ee aan halkaa u tagayna waxa ay ahayd inaan ku soo sujuuddo Baytal Maqdis. Haddaba ka waran haddii saaxiibkay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan halkaa ka soo daweeyay inankiisii Almis? isla markaana ku soo sujuuday Baytal-maqdis iyadoo aan laga carsha carshayn, isagoo waliba u dhashay Somaliland oo aan la aqoonsanayn. Halkaa waxaa ka cad sida uu ugu xeel dheeraa diblomaasiyadda iyo ku shaqaynteedda oo aniga haystay passport uu leeyahy dal wayn oo adduunka ka caana, lehna dhaqaale cuddoon oo reer yurub ahna looga dhaartay inuu fooda galiyo Baytal maqdis, saaxiibkay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan ku soo tukaday kana soo daweeyay inankiisii Almis. Maqaalka aan ku soo afjaro in aan Eebbe u waydiiyo inuu naxariistiisa waasaca ah siiyo oo uu ku manaysto Jannatal Fardowsa saaxiibkay Cumar Xaaji Maxamuud. Madaxdda Somaliland ee wax ma tarayaasha ah ee hadda ka soo diraya dhanbaal tacsiya oo aan sii ridnayna, waxaan ku leeyahay haddii ay dhab idinka tahay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan iyo intii dalkaa tacab galisay, intii ay noolaayeen ayaad u Abaal celin lahaydeen. Dhab ayaanayse idinka ahayn oo halgan dad lahaa ayaydun u hadheen in badan aan waxba ku lahayni Somaliland iyo wixii lala soo maray, waase qadar. Xaaji Cumar iyo inta la midka ah ee gobonimadii luntay wax kasoo dhiciyay ama dalka iyo dib u dhiskiisii qayb kulahaa ee abaalkoodii laga abaalka dhacay, ayaa buuxa. Waate sii soomalidu hore uga maahmaahday ee tidhi “Abaal nin gala badan, nin gudaase yar.” Eebe ayaase ugu badali Janno udug badan Cumar iyo intaa aan la soo dul joogsan loona abaal gudin intii ay noolayeen. Eebbow sii nimcooyinkaaga aan dhamaadka lahayn xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan iyo intii la mid ahayd ee naga horaysay. Aamiin Aamiin Aamiin. Qore: Cabdi Muxumed Cabdimuhumed60@gmail.com Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Four Al-Shabaab militants were killed and wounded several others on Wednesday following a pitched battle with Somalia's 60th division near the town of Wajid in the Bakool region, according to local officials. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia’s military has launched new air raids on Tigray, the second round of bombardments this week against rebel targets in the war-battered region. Source: Hiiraan Online
-
Bossaso (HOL) - The UN's International Organization for Migration (IOM) and Puntland have successfully repatriated 42 Ethiopian refugees living in Bossaso. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddooyinkii dambe wajahayey cadaadis xoogan oo uga imaanayey Beesha Caalamka iyo Musharaxiinta Mucaaridka, kadib dib u dhacyada jadwalka doorashooyinka dalka. Tiro saddex jeer iyo in ka badan ayuu dib u dhac ku yimid jadwalkii u dambeeyay ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiga doorashooyinka, kuwaasi oo dib usii riixay qabsoomida doorashada la isku hayo ee madaxtinimada dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo uu cadaadiska kusii kordhayey ayaa hadda u muuqda in uu qaaday wadadii uu ku bilaabi lahaa doorashada Golaha Shacabka, taasi oo hoos u dhigeysa cadaadiska uga imanaya dhinacyadaas. Wararka ayaa sheegaya in Rooble uu rabo in doorashada Golaha Shacabka ay hore u qabsoomto, una dhacdo si daah-furan, si lamid ah middii Aqalka Sare oo inta badan la doortay. Sidoo kale Rooble ayaa lagu wadaa in 24 saac ee soo socda uu shir khadka telefoonka ah uu la qaato madaxda maamul goboleedyada, isagoo ka doonaya in muddo sax ah loo sameeyo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xilligan shaqadiisa u weyn tahay in dalka ka gudbiyo xilliga adag iyo inuu qabto doorasho cadaalad ah, ayaa waxaa muuqata in dulqaadkiisa uu ka gudbinayo caqabado adag oo ku hor-gudbanaa doorashada. The post R/W Rooble oo labo dhinac kala kulmaya culeys xoogan appeared first on Caasimada Online.
-
Berbera (PP News Desk) — Berbera Port Porters’ Association today accused DP World of breaching a contract with porters. “We lodge a complaint about breach of 2017 contract by DP World. The breach of contract dates back to March 2021 when DP World illegally appropriated porters’ earnings and laid off porters” said a spokesman of Berbera Port Porters’ Association. Fleeced: Berbera Port Porters’ Association members accuse DP World of illegally appropriating porters’ earnings The spokesman criticised Somaliland administration’s Minister for Financial Development Dr Sa’ad Ali Shire for failing to look into the Association’s complaint. “He made promises that he would refer our case to the presidency, but the problem remains unresolved” added the spokesman. Berbera Port Porters’ Association has taken issue with the policy that transferred management of porters’ wages to DP World. “The agreement to run Berbera Port did not involve usurping porters’ payroll management, which is the preserve of Porters’ Association” said the spokesman. © Puntland Post, 2021 The post Berbera Port Porters’ Association Accuses DP World of Contract Breach appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan millateriga Soomaaliya oo horaantii toddobaadkan ka ambabaxay magaalada Beledweyne ayaa gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, xili uu maamulku isku diyaarinayo dagaal ka dhan ah Ahlu-Sunna Waljamaaca. Taliyaha Guutada shanaad Korneyl Maxamuud Xasan Ibrahim ayaa hogaaminaya ciidamada gaaray Matabaan, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya sida la sheegay howl-galada amniga lagu sugayo. Ciidamo ka amar qaata hogaanka Ahlu-Sunna ayaa gebi ahaanba iskaga baxay degmada Matabaan oo ay soo galeen, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Guriceel oo maamulkeeda la wareegen. Degmada Matabaan iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxa labadii maalmood ee u dambeeyay howl-galo ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug, oo la rumeysan yahay inay qorsheynayaan weerar ka dhan ah ururka Ahlu-Sunna. Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ee horey ugu sugnaa deegaanka Gowd Wiil oo waqooyi ka xiga Guriceel ayaa ruqaansaday dhanka magaalada, kuwaas oo haatan saldhig milatari ka sameystay meel qiyaastii 7 KM u jira magaalada Guriceel. Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay dhinaceeda ay guluf ka wado magaalada, iyada oo billowday inay baaris ku sameyso gaadiidka isaga kala goosha halkaasi. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaaladda Guriceel, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo waxbarashada ee magaaladaasi, ayada oo dadka deegaankana ay billaabeen barakicii ugu xooganaa. The post Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Guriceel iyo ciidan kusii jeeda oo maanta gaaray… appeared first on Caasimada Online.
-
Macluumaad ku saabsan doorashada saddexda degmo ee Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay tirada rasmiga ah ee codbixiyaasha doorashada qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Tirada guud ee dadka codkooda ka dhiiban doona doorashada saddexda degmo ayaa ah 37,578 qof (Soddon iyo todoba kun, shan boqol todobaatan iyo sideed). Degmada Qardho waxaa codkooda ka dhiiban doona 20,620 qof (Labaatan kun, lix boqol iyo labaatan). Degmada Eyl waxaa codkooda ka dhiiban doona 8,671 qof (Sideed kun, lix boqol todobaatan iyo kow), halka Ufeyn ay codkooda ka dhiiban doonaan 8,287 qof (Sideed kun, labo boqol sideetan iyo todoba). Doorashadan oo ah mid hordhac ah, waxaa ku tartami doona 9 urur siyaasadeed, waxayna dhici doonta 25-ka bishan Oktoobar. PUNTLAND POST The post Macluumaad ku saabsan doorashada saddexda degmo ee Puntland appeared first on Puntland Post. -
Guddiga doorashada Jubbaland, ayaa Ka dalbay Madaxweynaha Jubbaland in uu soo buuxiyo mid ka mida kuraasta afarta ah ee aqalka sare oo qof ka mida musharixiinta uusan isdiiwaan gelin Maanta. Guddiga ayaa sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe ka Codsaday inuu badalo Musharaxaas aan soobuuxin shuuradaha Musharaxnimo. Hadii Jubalnd ay soo gaban gabayso doorashada Aqalka Sare Galmudug aya noqonaysa Maamulka kali ah ee weli aan Soo dhamaystirin Aqalka sare. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (HOL) - Badhan elders in the Sanaag region said they are sorry that the Somaliland government is harassing Somalis in their area. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee SEIT Jubbaland ayaa codsi la xariira mid ka mid ah kuraasta berri la dooranayo u gudbiyay madaxwaynaha maamulkaas Axmed Madoobe. Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland ka dalbaday in uu soo gudbiyo badalka mid kamid ah xubnihii kujiray liiska musharaxiintii uu soo gudbiyey, kaas oo sabab la’aan uga baaqday maanta in uu is-diiwaan galiyo, si loo siiyo shahaadada musharraxnimada. “Madaxweyne waxaan ku ogeysiineynaa in Cali Maxamed Cali oo liiska musharaxiinta kula qoraa Musharax Xasan Daahir Yarow uu ka baaqday is diiwaan gelintii maanta ka dhacday xafiiska guddiga SEIT ee Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashada Jubbaland. Sidoo kale guddiga ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu deg deg u soo gudbiyo musharax kale oo Xasan Daahir kula tartama kursigaas. “Madaxweyne waxaan si xushmad leh kuugu soo jeedineynaa inaad musharaxaas ku soo bedesho qof kale waqtiga ugu haboon,” ayaa lagu yiri qoraalka. Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada afarta kursi ee ka dhiman xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Jubbaland. Afar Senator ayaa horay loogu doortay Jubbaland, hadii afarta kale berri la doortana dhameystirka doorashada golaha Aqalka Sare waxaa dhimanaaneysa laba Senator, kuwaas oo laga soo doorto deegaanada Galmudug. Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka soo jawaabay codsiga guddiga, isagoo soo gudbiyay magaca musharax cusub, kaas oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen Cali, waxuuna kursiga kula tartami doonaa Xasan Daahir Yarow. Warqadda codsiga guddiga Warqadda jwaabta Madaxweynaha The post Mid ka mid ah murashaxiinta Aqalka Sare ee Jubaland oo la la’yahay kahor doorashada berri appeared first on Caasimada Online.
-
Muuqaalka Madaxweynaha jubaland Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxmed Islaan Axmed (Madoobe) ayaa amar ku bixiyay in golaha wasiirada aysan shaqo iyo fasax toona u bixi karin, iyagoo aan waraaq ka qaadan madaxtooyada. Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa amar ku bixiyay in agaasimeyaasha guud iyo kuwa waaxyada aysan shaqo iyo fasax toona u bixi karin, haddii aysan waraaq ka qaadan wasaaradooda. Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in amarkan uu dhaqangeli doono maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 21/10/2021. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyay kulan aan caadi ahayn oo maanta la qaatay golihiisa wasiirada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo amar dul-dhigay wasiirada iyo Agaasimeyaasha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa lagu wadaa in uu billaabi doono doorashada Golaha Shacabka, sida ay sheegen ilo xogagaal ah. Madaxweyne Laftagareen oo shalay gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa kulan saacado badan ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo looga hadlay dar-dar gelinta iyo billaabida doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday. Wararka ayaa intaa kusii daraya in labada magaalo ee Baydhabo iyo Baraawe si hordhac loogu qabto middiiba doorashada Shan Kursi oo Aqalka Hoose ah, inta lagu gudo jiro bishaan October. Sidoo kale, Jubbaland oo aheyd maamulkii u horeeyay ee billaabay doorashada Aqalka Sare iyo gobollada Waqooyiga ayaa ayaguna qeyb ka ah sida la sheegayo maamulada sida hordhac ah u bilaabi doona doorashada Golaha Shacabka. Inkasta oo lacagihii lagu qaban lahaa doorashada Golaha Shacabka aan la wada helin, haddana waxa la xaqiijiyey inay taalo lacag yar oo lagu sii bilaabi karo howshaas, waxaana la filayaa in beesha caalamka ay deg deg u bixin doonaan dhaqaalaha dhiman haddii si hordhac ah loo guda-galo doorashadaas. Billowga doorashada golaha shacabka ayaa hoos u dhigaya culeyska siyaasadeed ee uu wajahayo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo asagu ah mas’uulka u sareeya ee gacanta ku haya arrimaha doorashada iyo amniga dalka. The post Xog: Maamulka ugu horeeya ee billaabaya doorashada golaha shacabka iyo xilliga appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbigii Kulmiye qoloftiisii iyo lafihiisii baa la isku hor dubanayaa. Nin baa soo xaday joog uu moodayey in subag sixin ahi uu ka buuxo, dabadeed nin dukaan Caynaba ku yaala haysta buu u yimi, oo ku yidhi jooggaas subagu ka buuxi meel ii sii dhig, markuu ninkii jooga lahaa dukaankii ka baxay buu ninkii dukaanka lahaa furay jooggii si uu u hubsado waxa joogga ku jira, markiiba waxuu arkay joog ay Muqumadi ka buuxdo. Gelinkii danbe ayuu ninkii joogga dukaanka dhigtay soo noqday oo ninkii dukaanka ku yidhi subagaas joogga ku jira dee iga iibso, ninkii dukaanka lahaa ismaba dhibine waxu ku jawaabey “ Horta adigu iyo jooggu ma is ogtihiin”. Waxaan uga golee yahay, Madaxweyne Muuse iyo Mohamed kaahin tolow ma is ogyihiin. Caqliga ma geli kartaa inuu Muuse ku yidhaahdo Mohamed Kaahin xisbiga ayaan kugu wareejinayaa ee ila shaqee, isla markaasna inuu dhabarka soo taabto labo wasiir oo ay Mohamed isku xaafad yihiin. Wasiirada waxa shaqaaleeyey madaxweynaha oo wasiiro ka dhigtay, meeshuna waa Afrika oo waxa uu Madaxweynuhu ku amro wasiiradiisa, wasiir qudha oo ka hor iman karaa ma jiro, oo waa odhaahdii ahayd “Hadduu Dhahar yidhi Allaa yidhi” oo kale. Waxa hadaba is weydiin mudan, halkee bay salaadu ka xidhmi la’dahay?. Madaxweyne Muuse weli waxuu u ciil qabaa sidii beriga uu shaanida tuurtuuri jirey loo soo balanbaliyey, ee Siilaanyo ku soo ciyaarsiiyey wasiiradii Samaale iyo Mohamed Biixi Yoonis, si uu markaas uga aar goosto xaafadan ilka-yarta, waxuu diyaarsaday shax ama qorshe ah lafo geri iyagaa la isku jebiyaa. Wasiir Cali Mareexaan waxuu u keensaday haddii ex-wasiir Xirsi looga dhigo gudoomiye xisbiga Waddani inuu isaguna ka hor keena Cali Mareexaan, waana sababta nin kale oo Dayo Faarax ah uu wasiir uga dhigay, iyadoo uu Moxamed kaahin hore usii joogey. Wasiir Xasan Gaafadhi oo lagu tuhunsanaa garabka Mohamed kaahina wuxuu Muuse Biixi usoo dhaqdhaqaajiyey in isaga iyo Cali Mreexaanba dhinaca xisbiga kulmiyena ay u noodaan belaayo-xijaab Mohamed Kaahin la iskaga gudbayo, dhinaca xisbiga Waddanina ugu noqdaan raacdo-reeb lagaga hortegayo Ina Xaashi ama Xirsi hadba kii ay qaataan xisbiga Waddani. Arrinka si kasta ha ahaadee, Muuse waxuu doonayaa inuu Mohamed Kaahin shax-guuriyo oo marka ugu danbeysa kula gorgortamo wasiiradan Cali mareexaan iyo Xasan Gaafaadhi anigaa kaa reebayee, adiguna gudoomiyanimada xisbiga kulmiye qaado, anigana musharaxninada iiga hadh. Isku soo wada xooriyoo, maanta Mohamed Kaahin gacanta kuma wada hayo xaafadii midaysnayd ee Siilaanyo is garab taagtey naf iyo maalba. Madaxweyne Muuse Biixina waxuu arkay xaafadii bariga Burco oo iyadoo hal raq ah hor taala. Hadraawi maxuu yidhi “ Hal la qalay raqdeedaa, Lagu soo qamaamoo, Qalalaasihii baa, Nin ba qurub haleeloo, laba waliba qaybteed, Qorraxday ku dubatoo, Qoloftiyo laftiibaa, Lagu liqay qallaylkee”. Mohamed Kaahin maalintii uu wasiirnimada ka ogolaaday Muuse Biixi buu khaladkii ugu weynaa galay, maantana Muuse Biixi baa Mohamed Kaahin xaafadiisii kula dhex jabhadeynaya, sidaas awgeed waxa lagama maarmaan ah inuu Mohamed kaahina la jabhadeeyo oo la qaadwaleeyo Muuse Biixi oo uu markaas uga tago wasiirnimada, haddii kale turubka rankiisii sare waxay gacanta ugu jiraan imminka Muuse Biixi, abtigayna laf buu toobin ku hayaa. Haduu Muuse daacad u yahay Ina Kaahin waxuu ka reebi lahaa wasiiradiisa. Ka joogga ah iyo ka ninka joogga dukaanka dhigtay kii aad kala tihiin, imminka idiin kala garan mayno, laakiin waxa iska cad inaanay Madaxweyne Muuse iyo wasiir Mohamed Kaahin is ogeyn. W/Q Siyaasi Cali Kubad Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag uga hadlay tallaabadii ay maanta dagaalyahanada Al-Shabaab ku gubeen gaari Dameero raashin u waday degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu horeyntii cambaareeyay falkaas oo uu ku tilmaamay mid arxan daro ah, islamarkaana muujinaysa heerka ay naxariis darada iyo turid la’aanta ka gaartay Al-Shabaab. “Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Rooble. “Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale”. Sidoo kale waxa uu bogaadiyey Ra’iisul Wasaaruhu ciidamada xooga dalka oo ayagu saaka ku baxay deegaankaasi ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku gubeen raashinka badan. “Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna.” Si kastaba, Ma ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Waajid iyo deegaanada hoos yimaada oo ka tirsan gobolka Bakool, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah. The post R/W Rooble oo war kasoo saaray tallaabadii ay maanta qaadeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Canada-Africa collaboration: Prime Minister Justin Trudeau to address Africa Accelerating 2021 The Canada-Africa Chamber of Business is pleased to announce Prime Minister Justin Trudeau will address the opening of its 3-day programming from 26 to 28 October 2021 Access Multimedia Content TORONTO, Canada, October 20, 2021/ — During the opening session of the upcoming 3-day summit the Canadian leader will underscore opportunities to deepen Canada-Africa collaboration – during a program open to all for virtual attendance (Click here for Complimentary Registration – https://bit.ly/3vxISpF). The Canada-Africa Chamber of Business is pleased to announce Prime Minister Justin Trudeau will address the opening of its 3-day programming from 26 to 28 October 2021. ‘’The Prime Minister’s message will focus on Canadian efforts at home and on the African continent for the restart of African economies,’’ said Sebastian Spio-Garbrah, Chair of the Board of The Canada-Africa Chamber of Business. He added that ‘’the address will underscore that Canada and Africa have many opportunities to be strong partners, with reference to existing programs, future opportunities and his visit last year to the African Union’’. Last month the Canada-Africa Chamber of Business congratulated Prime Minister Justin Trudeau, acknowledging his policy commitments on Africa which include: a strategy for economic cooperation across Africa, including support for the African Continental Free Trade Agreement, facilitation of increased infrastructure investment, and expanding partnerships in research and innovation. ‘’We were delighted to see that some of the recommendations discussed by the Chair of the Board and the President with the Canada Africa Growth Coalition are reflected in Prime Minister Trudeau’s platform,’’ said Mr. Spio-Garbrah. Prime Minister Trudeau’s address will take place at 09:15 ET (3.45PM CAT) on Tuesday 26 October 2021. Registration is complimentary for all who wish to attend. Click here to register – https://bit.ly/3DVAvr1. About the conference: View the Full Program (https://bit.ly/3C0Tn7l) and see the official event page (https://bit.ly/3E18w9A) for more information. Africa Accelerating brings together leaders from the private and public sectors, policy makers, managers of billions of dollars in investment capital, and showcasing a pipeline of significant projects and opportunities. Ivanhoe Mines Ltd., the Canada-Africa Chamber of Business’s 2021 premier partner and lead sponsor, is working with the Chamber to address challenges and advance opportunities for enhanced Canada-Africa trade and investment that will contribute to shared and sustained economic benefits. High-Level Programming Our program includes financing options for all sizes of projects and business ventures, export support (in both directions) and cutting-edge analysis, including Canada’s latest policy approach to African markets and the African Union Free Trade agenda. The opportunities for business are enormous, as are the support programs and incentives on offer! Other confirmed speakers include: Leaders at Ivanhoe Mines Ltd, including founder H.E. Kgalema Motlanthe, the former President of the Republic of South Africa and Patricia Makhesha, Executive Vice President, Sustainability and Special Projects; the Government of Canada (Tarik Khan, Director General for Sub-Saharan Africa at Global Affairs Canada), the African Union (H.E. Wamkele Mene, Secretary General of the African Continental Free Trade Agreement); Ethiopian Airlines (Mr. Samson Arega, Manager for Canada) the African Development Bank (Solomon Adegbie-Quaynor, Vice President); B2Gold (Neil Reeder, VP, Government Relations), Hatch (Cassandra Lee, Global Director of Pyrometallurgy); The Kingdom of Morocco (Moroccan Agency for Solar Energy); The Republic of Malawi (Trade Minister, Hon. Sosten Gwengwe); The Canada-Africa Chamber of Business (Akinyi J. Eurallyah, Post-Graduate Fellow in Trade) APO Group (Katya Blouin, Chief Business Officer); Export Development Canada; the IFC – International Finance Corporation (Kruskaia Sierra-Escalante, Manager of IFC Blended Climate Finance); Mine Africa Inc; McKinsey & Company (Ken Hoffman, Co-Head, EV Batteries Material Research) and many more. Garreth Boor, President of The Canada-Africa Chamber of Business, commented: “We are looking forward to welcoming many delegates from across Canada and various African markets, virtually, in addition to our in-person VIPs.’’ Qaran News
-
Al-shabaab ayaa la sheegay in ay gubeen ilaa 7 gaari dameer oo badeecooyin u waday degmada Waajid ee gobolka Bakool. Waxaana halkaas markii dambe dagaalka ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab, kaas oo aan si rasmi loo ogayn khasaaraha ka dhashay. Degmada Waajid oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Al-shabaab ayaa muddo sanado ah go’doomiyey gobolka Bakool, waxayna dhowr jeer oo hore dhacday in gaadiid raashin u waday degmooyinka gobolkaas. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa cambaareeyay dhacdada lagu gubay badeecooyinka ay la haayeen ganacsato Soomaaliyeed, wuxuuna ammaanay ciidammada dowladda ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Ra’iisul Waasre Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool”. “Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale” ayuu qoraalia raaciyay. Rooble ayaa qoraalka ku soo gabagabeeyay “waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna”. PUNTLAND POST The post Gaari dameero badeecad u waday Waajid oo la gubay iyo Rooble oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.
-
The UK is a major arms supplier to Saudi Arabia and the United Arab Emirates, both of which have been heavily involved in the war in Yemen [File: Ali Owidha/Reuters] Human rights lawyers have filed a complaint to British police accusing senior government figures in Saudi Arabia and the United Arab Emirates of complicity in war crimes in Yemen. The London-based Guernica 37 legal team submitted their dossier to the capital’s Metropolitan Police Service and the Crown Prosecution Service (CPS) on Wednesday. Toby Cadman, the barrister leading the complaint, said 22 high-ranking Saudi and Emirati political and military officials are alleged to have been involved in crimes against humanity. The dossier calls for the individuals to be immediately arrested should they enter the UK, a close political ally of Riyadh and Abu Dhabi. The lawyers have not released the list of names. “We are talking about the most heinous crimes and we don’t believe there is any immunity from them,” Cadman told UK newspaper The Guardian. Universal jurisdiction Guernica 37 is focusing on three events including a 2018 air attack on a school bus in northern Yemen, which killed at least 26 children, and a 2016 aerial bombing of a funeral in the capital, Sanaa, that killed140 people. The other concerns the alleged torture and murder of civilians in Aden, a strategically important port city in southern Yemen, by Colombian mercenaries under the command of a US private military company contracted to the UAE. As evidence, the group cited accounts from survivors of the three incidents and their relatives. Their file also features testimony from the families of those killed in the events. Cadman said the team was relying on universal jurisdiction under UK law to bring forward their case. The principle ensures that individuals who are guilty of certain offences, including war crimes and torture, can be prosecuted in UK courts regardless of where their crimes took place. “Under UK law there is no requirement for the crimes to be committed on UK territory or there to be UK victims or UK defendants,” he said. ‘Relentless suffering and pain’ Yemen has been convulsed by war since 2014, when the Iran-aligned Houthi rebel group seized large swaths of the country, including Sanaa, forcing the internationally recognised government of President Abd-Rabbu Mansour Hadi to flee. Fighting escalated in March 2015, when a military coalition led by Saudi Arabia and featuring the UAE intervened in an attempt to restore Hadi’s administration. In the years since, the conflict has largely ground into deadlock. The fighting has killed tens of thousands of people and spawned what the United Nations has called the world’s worst humanitarian crisis. Both sides have been accused of committing war crimes. Global rights campaigners praised Guernica 37’s move to hold the warring parties accountable for the alleged offences. “Yemen’s battered population has been subjected to more than seven years of relentless suffering and pain,” Oliver Feeley-Sprague, Amnesty UK’s arms programme director, told UK newspaper The i. “Anything which gets us a step closer to holding those responsible for war crimes in Yemen to account is to be strongly welcomed.” Source: Al Jazeera The post Yemen war: Lawyers submit case to UK police accusing UAE, Saudi appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa waxa uu deegaanadiisa ka bilaabay musaafurinta dadka kasoo jeeda Itoobiya, kuwaasi oo qaarkood muddo badan ku sugnaayeen magaalooyin ka tirsan maamulkaasi. Puntland oo kaashaneysa hay’adda socdaalka adduunka ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM ayaa waxay dalkoodii dib ugu celiyeen illaa 42 qof oo Itoobiyaan ah. Dadka lagu celiyay Itoobiya ayaa waxaa badankooda laga qaaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana lagu soo waramaya inay dadkaas si nabdoon ku gaareen dalka ay kasoo jeedaan. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadkaas Itoobiyaanka ah qaarkood ay muddo bil ah ku xayirnaayeen gudaha maamulkaas, kuwaasi oo si iskood ah u dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo. Ciidamada maamulka Puntland ayaa kal hore qab-qabtay dad u kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaasi oo doonayay inay ka tahriibaan xeebaha gobolka Bari, si ay u gaaraan wadamada Yaman iyo Sacuudiga. Puntland oo ka faa’iideysaneysa Barnaamij ay dadka dib ugu laabanayo dalalkooda ku caawineyso Hay’adda Socdaalka Adduunka Qaramada Midoobay ee IOM, ayaa dalkeeda ka saareysa Itoobiyaan badan. The post Puntland oo deegaanadeeda maanta ka musaafurisay dad badan oo ka soo jeeda… appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay gurmad deg deg ah oo loo fidinayo shacabka Jubaland ee abaaraha ba’an saameeyeen. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in sida ugu dhaksaha badan Jubaland loo gaarsiinayo gurmad kala duwan si loo caawiyo shacabka ku tabaalaysan halkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay garab istaag iyo gurmad u fidiyaan bulshada Reer Jubaland ee abaaraha ku waxyeelloobay. Sidoo kale wuxu baaq u jeediyay hay’adaha Sama-falka Qaramada Midoobay iyo dhammaan deeq-bixiyaasha Beeesha Caalamka in ay caawiyaan shacabka Jubaland. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhawaaqay gurmad loo fidinayo Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa shalay u yeertay safiirada 10 dal oo ay ku jiraan Jarmalka iyo Mareykanka, kadib markii ay ku baaqeen in lasii daayo hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka, kaasi oo xarigiisa uu dhaawacay xiriirka Ankara iyo Reer Galbeedka. Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin. Waxa uu wajahayaa eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha. War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiskiisa.” “Dib u dhaca sii socda ee maxkamadeyntiisa…waxay mugdi gelienysaa ixtiraamka demoraadiyadda, sarreynta sharciga iyo hufnaanta nidaamka garsoorka Turkey,” ayey yiraahdeen. Safaaradahan ayaa ugu baaqay Turkey inay raacdo xukunka Golaha Yurub, oo ah urur xuquuqda aadanaha qaabilsan oo ay ku biirtay 1950. Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2. Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha diebdda Turkey ayaa lagu sheegay in safiirada loo yeeray ay shalay subax tageen xarunta wasaaradda. Diblomaasiyiinta waxaa lagu wargeliyey in war-saxaafadeedkooda “uu ka tallaabsaday xuduudaha iskuna dayey inuu siyaasadeeyo hanaan sharci, islamarkaana cadaadiyo garsoorka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda. “Waxaa lagu wargeliyey inay diirad saarista kiisas la xiriira maxkamadaha Turkey, gaar ahaan Kavala ay tahay mid aan daacad aheyn oo laba wejiilenimo ah.” Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sidoo kale cambaareeyey qoraalka 10-ka safaaradood. “Ma ahan wax ka aqbali karo in safiirada ay soo-jeedimo ama tallooyin ka dhiibtaan kiis sharci ah oo socda,” ayuu Soylu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Wasiirka Cadaaladda Turkey Abdulhamit Gul ayaa Isniinii isna yiri “Safiirna ma lahan xaq uu talooyin ama soo jeedimo ugu gudbiyo maxkamadaheena.” AFP + VOA The post Turkey oo u yeertay safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey (Faah-faahin) appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo ay weheliyaan Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa maanta kulan la qaatay dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan Caasimadda Garoowe. Kulanka ayaa looga hadlay wada-shaqaynta dhinaca Amniga caasimadda iyo dhawrista xuquuqda dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku nool magaalada Garoowe. Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Jaamac Aadan iyo Guddoomiyaha Gobolka Maxamuud Xasan maxamed (Cawil Mataan) ayaa kulankaas kadib warbaahinta la hadlay. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Gobolka Nugaal oo kulan la yeeshay dadka u dhashay Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.