-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-London)-Cali Xarbi Cali oo ah Soomaali British loo haysto dilka xildhibaan David Amess oo ka tirsana baarlamanka UK ayaa markii ugu horreysya maxkamad kasoo hor muuqday Jimcihii. Sir David Amess oo ahaa 69 jir ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa Jimcihii 15-kii October lagu dilay mindi, isaga oo dadka soo doorta kula kulmayey kaniisad ku taalla deegaanka Leigh-on-Sea, oo 65 km u jira London. Cali ayaa waxaa lagu soo oogay laba dambi oo mid uu yahay dil, mid kalena diyaarinta ficil argagixiso. Dacwad-ooge James Cable ayaa Maxkamadda Westminster Magistrates’ Court u sheegay inay tuhunsan yihiin in Cali uu ku xidhnaa kooxda Daacish, inkasta oo uusan bixin faah-faahin intaas ka badan. Cable ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Cali uu muddo laba sanno ah qorsheynayey inuu dilo xubin ka tirsan baarlamanka UK. Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale Maxkamadda u sheegay in Cali uu daba-gal ku hayey ugu yaraan laba xildhibaan oo kale oo baarlamanka ka tirsan kahor inta aanu weerarin David Amess. Cali ayaa Maxkamadda uga qeyb-galay muuqaal isaga oo ku jira xabsiga Belmarsh Prison, wuxuuna sheegay oo kaliya magaciisa iyo da’diisa, ayada oo aan wax kale la weydiin. Waxa uu mar kale Maxkamadda Old Bailey kasoo hor muuqan doonaa 5-ta November, ayada oo kadibna dhageysiga rasmiga ah ee dacwaddiisa la qorsheeyey bisha March ee 2022. Waxa uu kusii jiri doonaa xabsiga muddadaas. Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah. Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah. Sir David Amess wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo wareysi siiyey Idaacadda VOA isagoo xabsi guri ugu jira dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay nolosha uu ku jiro iyo haddii ay jiraan wax iska badalay mowqifkiisa. Roobow oo isaga lasoo xiriiray VOA ayaa sababta ku sheegay inuu ku jiro xaalad adag islamarkaana uu go’aansaday inuu dadka la wadaago xaaladiisa inta uusan dhiman. Mukhtaar Roobow oo horey usoo noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa walwal weyn ka muujiyey badqadka noloshiisa, wuxuuna ciidamada ilaaliyo guriga lagu xiray uu ku sheegay inuu yihiin maleeshiyo beeleed. “Amnigayga mar xaalado kala duwan ayuu soo maray, balse waxaa mar walba gacanta ku hayey ciidamada Waran. Hadda kuma dhihi karo ammaankeyga iyo nolosheyda way sugan yihiin,” ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey. Mar wax laga waydiiyey sida ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ilaaliyo guriga lagu xiray u noqdeen ciidamo beeleed ayuu sheegay in ciidamada ilaaliya laga soo kala xulay seddex magaalo oo kala ah Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ka tirsan maamulka Galmudug, wuxuuna xusay inay mar isku dagaaleen gudaha gurigiisa markii dambana laga soo badalay. Roobow ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu mar kale ku celiyey inuu ka tanaasulay fikirkii xagjirnimada ahaa ee Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacida, wuxuuna xusay in uu nabad wax ku raadinayo haddii aan la qasbin. “Aniga nabad baan wax ku raadiyey waana ku raadin doonaa haddii aan la i qasbin, aniga waxaan ahay qof ogol in la tartamo wixii Ilaahey ku siiyay la kala helo,” ayuu yiri Rooble. Mar wax laga waydiiyey haddii uu mowqifkiisa isbadalay oo uu iska dhaafay xilkii uu raadinayey ayuu sheegay inuusan isbadalin welina uu ku taagan yahay mowqifkiisa waligiisna uusan niyad jabi doonin. Mukhtaar Roobow waxa uu tan iyo bishii December 2018-kii ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya, isagoo mar lagu hayey xarunta hay’adda nabadsugidda ee NISA, sannadihii u dambeeyeyna ku jiray xabsi guri. Ka hor inta aan la xirin wuxuu isku soo sharaxay xilka madaxweynimo ee maamulka Koonfur, isagoo qaatay shahaadada diiwaan-gelinta, waxaana xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed kasoo xiray ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM. Soo qabashadii Roobow ayaa waxaa ka dhashay banaanbax weyn oo gilgilay Magaalada Baydhabo, waxayna ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya xasuuqeen dad Shacab ah oo gaaraya illaa 15 qof halka dhaawaca uu intaas ka badnaa. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/10/31e48543-c232-4c9f-a90a-50cf3129b13a_48k.mp3 The post Wareysi: Sheekh Mukhtaar Roobow oo arrimo xasaasi ah shaaca ka qaaday (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.
-
M/weyne Muuse Biixi oo Xil u magacaabay Masuul Dhawaan Wasiir Maxamed Kaahin xil ka qaadey Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Cabdikariim Aadan Saciid u magacabey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka. Cabdikariim ayaa muddo laba todobaad ka hor ah Wasiir maxamed Kaahin ka qaaday Xog-hayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Berbera Qaran News
-
(SLT-Serbia)-Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa si rasmi ah u gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya. Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa hore u lahaa xidhiidh dheer, arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii dadaal dheer ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay Dowlado badan ogolaadeen in Baasaboorka Soomaaliya lagu geli karo dalalkood. Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo. Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka Gudoomiye Muunadda saxda ah Baasaboorka Soomaaliya sedaxdiisa nooc. Source
-
Shanta Magaalo ee ugu Nabdoon Caalamka+Teebaad degan tahay Kadib saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 waxay noqotay in laga fakaro badaqabka iyo aminga magaalooyinka adduunka si uusan kuugu dhicin cudurka Covid-19. Magaalooyinka adduunka ayaa heegan u galay waxka qabshada caafimaadka iyo xoojinta amniga, waxaana halkan idiin kuugu soo gudbineynaa qaar kamid ah magaalooyinka ugu nabdoon caalamka, sida uu qortay warbaahinta The Economis. Waxaana magaalooyinkan lagu soo xushay horumarada ay ka gaareen dhinaca kaabayaasha dhaqaale, nolosha casriga ah, amniga, ilaalinta deegaanka iyo xoojinta arrimaha caafimaadka. Copenhagen Copenhagen Magaalada Copenhagen ee caasimadda Denmark ayaa noqotay magaalada ugu nabddoon adduunka, waxaana magaalada si weyn looga shaqeeyay ilaalinta bilicda deegaanka gaar ahaan xakameynta wasakhda iyo ka shaqeynta caafimaadka dadweynaha. “Dhul doogga ah ee cagaaran ay biyo maraan waxaa xilliggii samfarka soo buux dhaafiyay dad badan, shacabka Copenhagen si weyn ayay u tamashleynayeen halkaas, waana goob hawo nadiif ah leh” ayuu yiri Asbjørn Overgaard, oo ah madax hay’ad aan dowli aheyn oo la yiraahdo Copenhagen Capacity. Sidoo kale magaaladan waxay ka shaqeysaa ka hortagga cudurka Covid-19 iyadoo dowladda hoose ay dhaqangelisay barnaamij ballaaran oo lagu baarayo dadweynaha, xitaa dadka dalxiisayaasha ah si bilaash ah ayaa lagu baaraya. Si dadweynaha ay u helaan deegaan ka shaqeynayo badqabkooda iyo ka hortagga musuq maasuqa si shacabka dalkaas ay u aaminaan dowladda xilligga safmarka. Toronto Toronto Waa magaalada labaad ee ugu nabdoon caalamka marka la fiiriyo amniga kaabayaasha iyo deegaanka. Waxaana halkan ka socdaa ololaha lagu gaaro dhammaan bulshooyinka marka ay timaaddo wecyigelinta tallaalka iyo qaadashadiisa. Farida Talaat oo kamid ah dadka deggan magaalada ayaa sheegtay in Toronto laga bilaabay barnaamijyo dhowr ah oo lagu tallaalayo dadka si magaalada ay u noqoto mid nabdoon. Dadka ku nool halkan waxay dareemayaan inay heystaan amni buuxa maadamada magaalada ay taariikh ku leedahay isdhaxgalka dadyowga kala duwan. “Waxaa Canada ka jira dad qabaa’ilo badan oo dhaqamo kala duwan ka kala soo jeeda oo isdhexgal sameeyay dad halkan kuma noola cabsi” ayuu Filipe Vernaza, oo ku noola Toronto tan iyo 1998. Singapore Singapore Waxay magaaladan horumar ka gaartay amniga dhanka digital-ka, kaabayaashada iyo caafimaadka. Singapore waxay aheyd magaalo si xowli ah ku socota maalmihii u bilaabanayay cudurka Covid-19, waxaa halkan laga bilaabay dhaqdhaqaaq dusha lagala soconaya shakhsiyaadka uu ku dhaco cudurka. Wuxuu dalkan kamid yahay dalalka ugu badan caalamka tirada dadka ugu badan tallaalay booqolkiiba 80 dadkiisa ayuu tallaalka gaarsiiyay. “Dadka inta aysan gelin dhismayaasha ama xurmaha kale waxaa looga baahan yahay in gacantooda ay saaraan adeeg teleefoonka ku rakiban ama qalab kale si badqabkooda loola socdo” ayuu yiri Sam Lee, oo ah dadka deggan Singapore. Sydney Dalka Australia wuxuu kamid noqday dalalkii ugu horreeyay ee xiray xudduudaha xilliggii uu cudurka saameynta ba’an ku hayay caalamka. Sydney waxay ku horumartay amniga dhanka digital-ka iyo ka hortagga weerarada internetka iyo amni darrada. Magaalada waxay xoojisay qorshe caaqil ah oo casri ah oo lagu la soconayo dhaqdhaqaaqa amniga, gaadiidka, nalalka waddooyinka lagu dhajiyay iyo kameerooyinka la socda amniga. Tokyo Waana magaalada shanaad ee ugu amniga badan caalamka, maamulka ayaa qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo badqabka shacabka xilliggii safmarka waxaana kamid ah in boqolkiiba 60 tallaalka la gaarsiiyay shacabka. Waxaana si weyn u horumarsan amniga gaadiidka iyo waddooyinka Tokyo. Maamulka Tokyo wuxuu sameeyay barnaamij dadweynaha ay kaga qeybqaadanayaan amniga si looga hortaggo falal dambiyeedka isla markaana shacabka ay u dareemaan mas’uuliyadda ka hortagga amni darrada. Qaran News
-
Siyaasi Cali Kubad oo si adag u duray Ex-wasiir Maxamuud “Ina Xaashi ciyaalkayagii Ayuu khurafaad la hor fadhiya” ” Ninka Hore waxuu galay SNM-tii, isagoo jooga Dhoqoshey bay odayaashii degaanku u magacaabeen gudoomiyaha degmada Dhoqoshey, markii la soo galay dalkana isla reerkaas baa u magaacabay Maayarka Burco. Hadana, waxa lagala hawl galay inuu golaha wakiilada Somaliland ka mid noqdo waanu noqday, muddo dheer kadib buu qurbaha ka soo noqday oo yimi wax yar ka hor doorashadii Madaxweynaha 2010. Markii uu Siilaanyo noqday madaxweynahana waxuu Siilaanyo ka dhigay wasiir, wasiirnimadaas oo todobadii sanadood ee Siilaanyo madaxweynaha ahaaba uu joogey. Waxa hadaba yaab dad badan ku noqotay, inuu xaafadii sidaas u soo gacan qabatay uu ku leeyahay, hadaanu nahay reer Jaamac-Waal, laamiga Caynabo mara waxii hawd ka xigga baanu ku daalnay sidaanu u sidney, markaas waxii laamiga bari ka xigga bay gaadhey waqtigoodii ay talin lahaayeen. Ciyaalkayagii buu khuraafad la dhex joogaa, hadda ninkaasi markuu Siilaanyo wasiirka u ahaa waxuu odhan jirey xukuumada iyo reerka kala saara, waxuu odhan jirey aniga Odayga ayaa i soo cugtay oo xaafadna ma metelo. Maantana waxuu isla keen soo hor mutaxay xaafad reerka ka mid ah baan waxii ka maqnaa usoo dhicinayaa. Hadda Musuq maasaqii iyo maamul xumadiisii kale maanta ma taataabanayno. “ Waxa Qoray Siyaasi Alikubad Politician Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xil u magacabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), kadib markii uu fashilmay isku daygii loogu magacaabay taliyaha NISA. Wareegto kasoo baxday xafiiska Rooble ayaa Bashiir Goobe loogu magacaabay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya. Magacaabista uu sameeyey Rooble ayaa waxay qeyb ka aheyd heshiiskii ay dhawaan gaareyn isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ee waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo lagu soo afjaray khilaafkii mudada u dhaxeeyey ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey Bashiir Goobe ugu magacaabay taliyaha ku-meel gaarka ah ee Hey’adda NISA, waxaana arrintaas si weyn uga hor yimid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna xilkaas u magacaabay Yaasiin Farey. Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa muddo socda, waxaana ugu dambeyn loolanka ku adkaaday Farmaajo ayada oo taliyaha NISA uu sii hayo Yaasiin Farey illaa laga soo magacaabayo taliye kale, oo aan la ogeyn xilliga ay dhaceyso. Rooble ayaa la rumeysan yahay inay cadaadisay dowladda Qatar kadib socdaalkii uu ke tagy dalkaas, taasi oo horseeday inuu ugu dambeyn la heshiiyo Farmaajo, oo uu ogolaado inuu ka tanaasulo xilkii uu u magacaabay Bashiri Goobe. Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaaraha Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo. The post R/W Rooble oo xil cusub u magacaabay Bashiir Goobe appeared first on Caasimada Online.
-
Maayar-xigeenka Hargeysa oo shaaciyey Sababtay Caasimada uga Saarayaan Xoolaha Buux-dhaafiyey Maayar ku Xigeenka caasimadda Hargeysa Khadar Axmed Cumar ayaa ka hadlay u ujeedada ay ka leeyihiin in Caasimada laga saaro Xoolaha. Khadar Axmed Cumar ayaa sheegay in Magaalada Hargeysa ay ka saari doonaan Xoolaha marka ay gaadho 15 Cisho ee loo qabtay,waxaanu usoo jeediyay Dadweynaha in ay fuliyaan Wareegtooyinka ka soo baxa Dawlada Hoose. Khadar isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Toddobaadkii hore waxa la soo saaray in Magaalada Hargeysa laga saaro Xoolaha, ujeedada ka dambaysaa waxa weeyaan in Magaalada la qurxiyo.sidaa darteed wareegtadaa Maayarku soo saaray wakhtigii loogu talo galay marka ay gaadho Xoolaha waa laga saarayaa Magaalada.waxaanan ka codsanaynaa Dadweynaha reer Hargeysa in ay u dhego nuglaadaan Wareegtooyinka ka soo baxaya Dawlada Hoose ee Hargeysa,”. Sidoo kale Maayar ku xigeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay dadweynaha Caasimada ku nool in dhirta ay ku beeraan Magaalada waxaanu yidhi”Qof kasta waxa waajib ku ah in uu geed beero si Deegaankeenu u wanaagsanaado, oo Roobka aynu u helno waa in aynu dhulka beerno.”. Qaran News
-
Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyey bayaan ka soo baxay dalalka Beesha caalamka ee taageera Somaliland, kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Somaliland ka taageeraan doorashada madaxtooyada ee sannadka dambe. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen, ayaa ugu baaqay taageerayaasha Waddani in ay u diyaar garoobaan doorashada soo socota ee 2022-ka “Waxaan soo dhawaynaynaa qoraalka ay soo saareen saxiibada Somaliland ee beesha Caalamku. Waxaanu cadaynaynaa sida qoraalkaba lagu sheegay xisbi ahaan inaanu diyaar u nahay doorashada madaxtooyada ee 2022. Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xibiga WADDANI inay u diyaar garoobaan doorashada.” Source
-
Wararkii ugu dambeyay ee naga soo gaaray magaalada Guriceel ayaa sheegaya in gooba muhiim ah oo ka tirsan magaalada ay la wareegeen ciidamada dowladda. Goobaha ay qabsadeen ciidamada dowladda ayaa waxaa ka mid ah saldhiga iyo xarunta degmada guriceel ee gobalka galgaduud. Dhanka kale waxaa soo baaxaya warar sheegaya in dagaalka uu sababay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed. Inta la xaqiijiyay magaalada oo ay ku soo dhaceen tira hoobiyayaal ah iyo hubka culus ayaa waxaa ku burburay gooba ganacsi iyo guryo. Gabar yar ayaa sidoo kale la sheegay in dagaalka intii uu socday ay ku dhaawacan tay hoobiye ku dhacay aga gaarka Istarliin. Xaaladda ayaa wale kacsan degmada ayaana waaxaa weli isku hor fadhiya ciidamada dowladda iyo Ururka Ahlu-sunna. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa weli ka socda dagaal u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka ayaa haatan lagu soo warramayaa in xoogiisa uu ka socdo xaafadaha ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaalada, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay la wareegeen saldhigga Booliiska Guriceel iyo xarunta maamulka magaaladaasi. “Saldhiggii police ka degmada, Guriceel,kontorool ka matabaan,degmada ,kontorol ka ceel jiiroow,agga cel abshir dhamman waxaa gacanta ku haya ciidamada qaranka” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Guriceel Cismaan Cali Hudey. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli magaalada laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay is-weydaarsanayaan labada dhinac. Shacabka ayaa intooda badan isaga barakacay Guriceel, waxaana magaalada ku haray dad yar oo u badan dhalinyaro, isla-markaana looga tegay inay ilaaliyaan guryaha iyo hantida. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug iyo dhinaca Ahlu Sunna oo ku aadan dagaalkaasi. Guriceel ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhashay, kadib markii Ahlu Sunna ay dhowaan la wareegtay gudaha magaaladaasi. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda Guriceel appeared first on Caasimada Online.
-
Shirweyne lagu xallinayo colaaddii Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye ayaa maanta ka furmay caasimadda Garoowe. Shirka ayaa loo qabtay dib u-heshiisiinta Beelaha Maxamed Ugaar iyo Bah-dubeys oo isku dhinac iyo Beesha Xasan Ugaas oo horay ugu dagaallamay dhulka u dhexeeya Boocame iyo Birta Dheer. Shirka waxa ka shaqeeyay Guddigii Nabadaynta labada Beelood oo isu’gu jira Cuqaal iyo Isimo kadib markii ay ku guulaysteen Xabad-joojintii labada dhinac. PUNTLAND POST The post Shirweyne lagu xalinayo Colaadii Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska imaad maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh. Is-rasaaseynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay u dhexeysay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo rag hubeysan oo ku sugnaa gudaha suuqa. Wararka ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen burcad, isla-markaana ay dhac ka geysanayeen gudaha Suuqa weyn ee Bakaraaha ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan hal qof oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano halkaasi, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdulle Cawaale Fiidow. Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka oo sidoo kale ku magac dheeraa Sandheere uu markii hore dhaawac soo gaaray, balse uu goor dambe geeriyooday. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan. Inta badan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca iska hor imaadyo xoogan oo uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaro dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. The post Ciidamada ammaanka DF iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay BAKAARAHA appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland S/Guuto Cabdiyare Xasan Xuseen ayaa maanta guddiga KMG doorashooyinka ee TPEC ku wareejiyay ciidamo looga tala-galay sugidda Amniga doorashooyinka saddexda degmo. Ciidankan ayaa sida Taliyuhu sheegay loo carbiyay loona wacyigaliyay ilaalinta Anshaxa, habsami usocodka iyo amniga doorashada ayaa tagi doona 25-ka seejo ee degmada qardho 25-ka Actobar Doorashadu ka dhacayso. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo la wareegay ciidamo u xil saaran sugida Amniga doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Dhul gariir ayaa laga dareemay Magaalada Boorama saaka abaaro 7:07 subaxnimo. Xoghayaha Gobolka Awdal Mustafe Cabdi ayaa Wakaaladda Wararka ee SOLNA u sheegay in gariirkani uu ahaa kii ugu weynaa ee muddo sannado ah soo mara Boorame, waxaanu tilmaamay inuu cabsi badan ku riday shacbiga Magaalada. Gariirkan ayaa la sheegay in aan ilaa inta la ogyahay geysan wax khasaare ah, hase ahaatee uu guryo ciid ka soo daadiyey Siliiga Guryaha. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Qoraal ay si wada jir ah usoo saareen waddamada Maraykanka, Denmark, Ingiriiska, Finland, Germany, Netherlands, Sweden iyo Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in saxiibada caalamiga ah ee Somaliland cambaaraynayaan howlgalka ay Somaliland dalkeeda kaga saarayso bulshooyin gaara. Waddamadan oo sheegay in wufuud ka socotaa kulan arrimaha horumarka iyo doorashooyinka lagaga hadlayo ay la qaateen madaxda Somaliland, ayaa sheegay in intii kulanka lagu guddo jiray ay sidookale, xukuumada Somaliland la wadaageen walaac ay ka qabaan dadka Somaliland ka tarxiishay gobolada bariga. “Intii kulanka lagu gudo jiray saxiibada caalamiga ah ee Somaliland iyagoo fursada ka faa’iidaysanaya waxay muujiyeen walaaca ay ka qabaan masaafurinta ay Somaliland ku beegsanayso bulshooyin gaar ah” ayaa lagu yidhi qoraalka. Waddamadan ayaa sheegay in ay aqoonsanyihiin muhiimada sugida amniga muwaadiniinta iyo in dowlad kastaa ay xaq u leedahay sugida amniga muwaadiniinteeda, lakiin ay mudantahay in talaabo kasta loo qaado si sharciga waafaqsan. “Anaga oo hoosta ka xariiqayna in hawlgaladan looga gol leeyahay sugida amniga isla markaana og in dowlad kasta masuuliyad ka saarantahay sugida amniga muwaadiniinteeda, hadana waxaanu hoosta ka xariiqnay muhiimada ay leedahay in amaanka la sugo iyadoo sharciga la ilaalinayo, waxaanu aamin sanahay in howlgalka loo galay si xad gudub ku ah xuquuqda adamaha” ayaa lagu yidhi qoraalka. Xukuumada Somaliland ayaa wada howlgalo ay dhulkeeda kaga saarayso qaar kamid ah bulshooyinka aan Somaliland u dhalan, oo u badan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya. Source
-
Qaramada midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda gobalka dhaca waqooyiga dalka Itoobiya ee Tigrayga. Gobalka oo maalmihi la soo dhaafay ay duqeyn dhanka cirka ah ka fulinayeen ciidamada dowladda federaalka ayaa la sheegay in xaalad bini’aadanimo ay soo wajahday dadka ku sugan. Magaalada caasimadda ah ee Make’ele oo duqeymo iyo gummaad ay ka fuliyeen diyaaradaha dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay ka dhasheen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha. QM ayaa sheegtay in kumanaan dadka Tigrayga ay ah ay wajahayaan xaalad nololeed oo adag. Waxa ay sidoo kale sheegtay in duqeymaha maalmihi la soo dhaafay ka dhacay magaalada Make’le ay geysteen khasaaro hanti iyo midna nafeed. TPLF oo gobalka ka arrimiso ayeey ciidamada fadaraalku dhowr jeer isku dayeen in ay gacantooda kala wareegaan. QM ayaa sidoo kale xustay in dadka gobalka ku sugan ay soo wajahday cunayari iyo daryeel caafimaad oo aan gobalka ka jirin. Walaaca QM ayaa imaanaya kadib markii ay adkaatay in diyaaradaha gar gaarka ah ee QM in ay gaaraan magaalada Make’el ee caasimadda gobalka Tigrayga. Dagaalka Abiy iyo TPLF ayaa hadda waxaa ka soo wareegtay muddo sanad ah oo labada dhinac dagaallo qaraar ay gobalka ku dhax mareen tan iyo intii uu dagaalka socday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo Galmudug ay qabsadeen xaafado kamid ah magaalada kadib markii saaka halkaas dagaal ka qarxay. Dagaalka oo u dhexeeya xoogagga Ahlusunna iyo ciidamada dowladda Federaalka oo ay weheliyaan kuwa Galmudug ayaa weli ka socda gudaha iyo daafaha Guriceel. Wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiis laga qabsaday xoogagga Ahlusunna waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka labada dhinac. Inta badan shacabkii ku noolaa Guriceel ayaa horay uga bara-kacay kadib markii ciidamada dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Galmudug saddex jiho ka dageen. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug oo qabsaday xaafado ka tirsan Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal culus oo u dhexeeya Xoogagga Ahlusunna iyo Ciidamada dowladda Federaalka oo ay weheliyaan Daraawiishta Galmudug ayaa saaka ka bilowday magaalada Guriceel. Madaafiic iyo hubka culus ayaa laga maqlayaa goobaha uu ka socdo dagaalka labada dhinac sida laga soo xigtay dadka degaanka. Wararku waxay sheegayaan in khasaare xooggan uu ka dhashay dagaalka inkastoo aan faahfaahin sugan laga helin khasaarahaas. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka socda magaalada Guriceel appeared first on Puntland Post.