Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Siduu u shaqeeyo Hubka la adeegsado kolka aflaamta la duubayo? Marka la duubayo filim, mararka qaar masiibo ayaa ka dhacda. Booliiska ayaa sheegay in jilaaga reer Mareykan Alec Baldwin uu toogtay filim -qaade Halyna Hutchins iyo agaasimihii dhaawacmay Joel Souza oo ku sugnaa goob filim lagu diyaarinayey oo ku taalla New Mexico xilli ay ka shaqaynayeen filimka Rust. Baaritaan ayaa socda welina ma ogin waxa khaldamay. Afhayeen u hadlay Mr Baldwin ayaa sheegay inuu jiro shil ka dhacay goobta oo loo adeegsaday rasaas. Booliska gobolka New Mexico oo ah gobolka filimka lagu duubayey ayaa sheegay in aan dacwad rasmi ah lagu soo oogin ninkaas, qoriguna ahaa mid noogu talo galay in filimka lagu metelo oo ay ka dhacdo rasaas dheemish ahi, hase yeeshee ilaa haatan ma cadda sida ay rasaastaa dheemishka ahi qof qudha uga jartay. Jilaaga Alec Baldwin ayaa muujiyey sida uu uga naxay iyo murugadiisa ka dib toogashada Halyna Hutchins. Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu la xiriiray saygeeda oo uu taageero u muujiyay. “Waxaad tacsi u dirayaa ninkeeda, wiilkooda, iyo dhammaan intii taqaanay oo jeclaa Halyna,” ayuu qoray. Ms Hutchins, oo 42 jir ah, ayaa lagu toogtay goob ku taal galbeedka Rust iyadoo ka shaqaynaysay agaasinka filimka.Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwo dhif iyo naadir ah wuxuuna warkani gilgilay warshadaha filimada. “Filimkii aan dhawaan sameeyay, xitaa qorigaygii caagga ahaa, waa inaan iminka mar kasta hubiyaa,” ayuu yiri jilaaga reer Australia Rhys Muldoon. “Markaa taasi waa sababta kiiskan gaarka ah uu aad ula yaabay.” Qoryaha macmalka ah waxay noqon karaan kuwo khatar ah. Waa kuwan waxaan ka ognahay iyaga. Maxay yihiin qoryahani? Rasaastan macmalka waxaa loo isticmaalaa warshadaha filimka si loogu ekeysiiya rasaasta nool. Sababta ay aad ugu isticmaalaan rasaastan macmalka ah ah ayaa ah in yihiin kuwii caadiga ahaa oo wax laga beddelay. Inkasta oo erayga “rasaas” inta badan loo adeegsado in lagu tilmaamo waxa lagu rido hubka, haddana si ka sii habboon ayaa ah tansida rasaasta u sameysan iyada oo ka kooban baaruud qarax samaynaysa. Hore ma u dhaceen dhacdooyinkan oo kale? Haa waa ay dhaceen. Brandon Lee, oo ah jilaaga u dhalay halyeeyga fanka legdinta Bruce Lee. Brandon Lee wuxuu ku dhintey isagoo 28 jir ah 1993 -kii isagoo duubaya The Crow, markii qoriga si khalad ah ay ugu dhex raacday rasaas nooli. Ka dib markii la toogtay Lee, kaamirooyinku way sii socdeen. Waxay ahayd uun markii uusan soo kicin dhammaadkii wax duubista in asxaabtiisii wax ka duubayey ogaadeen inay wax khaldan yihiin. Halistaa ma la xallin karaa? Dhimashada Hexum waxay iftiiminaysaa dhibaatada ay leedahay rasaastan macmalka ah ee wax lagu duubaa. Waxyaalaha halista sii cusleeya, qaar ka mid ah qaybaha filimada ayaa adeegsada budo dheeraad ah oo ay ku dhex guraan rasaastaas si ay saameynta muuqaalku u noqoto mid xooggan. Waxaa jira waddamada inta badan xeerar adag oo ku saabsan adeegsiga qoryaha la isticmaalayo. Khubarada takhasuska leh waxay bixiyaan hub si loogu adeegsado qalabka filimada waxayna kala taliyaan isticmaalkooda. Mike Tristano, la shaqeeyay Alec Baldwin waxa uu sheegay “Weligaa qori ha ku taagin, xitaa haddii uusan ahayn qoriga wax lagu rido ee caadiga ah” Dadka dhalleeceeya habkan duubiseed ee qoryaha caadiga lagu dhex adeegsanayo rasaasta macmalka mararka qaarna la adeegsanyo rasaasta caadigaa ayaa sheegaya in wax jilliin loogu talagalay aanay ahayn wax la aqbali karo in ay nafaha dadka galaafato. “Ma jiro bandhig u qalma in naf khatar loo geliyo,” ayuu yidhi Mike. Qaran News
  2. Turkiga oo qaaday Tallaabo dhabar-jab ku ah reer Galbeedka siiba Mareykanka & Faransiiska Osman Kavala Muddo afar sano ka badan ayuu xabsiga ugu jiraa isagoon la xukumin Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu amray 10 safiir oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka iyo Faransiiska in dalka aan looga baahnayn oo ay ka baxaan isagoo adeegsanaya Persona non grata. Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa bayaan ka soo baxay ergooyinkan oo ku baaqaya in si deg deg ah loo sii daayo Osman Kavala oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini’adanimada. Muddo afar sano ka badan ayuu xabsiga ugu jiray sababo la xiriira mudaaharaadyo iyo isku day afgambi, inkastoo aan la xukumin. Persona non grata waxay ka saari kartaa maqaamka diblomaasiyadeed waxayna badanaa keentaa cayrinta ama kala noqoshada aqoonsiga ergooyinka. Qoraalkii toddobaadkan ee Mr Kavala ayaa si wadajir ah uga yimid safaaradaha Mareykanka, Kanada, Faransiiska, Finland, Denmark, Jarmalka, Netherlands, New Zealand, Norway iyo Sweden. Isaga oo maanta khudbad u jeedinayay dad isugu soo baxay Eskisehir, Mr Erdogan ayaa sheegay in danjirayaasha “aysan ku dhiiran karin inay yimaadaan wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga oo ay amar bixiyaan”. Wuxuu yiri: “Waxaan siiyay amarka lagama maarmaanka u ah wasiirkeenna arrimaha dibadda. 10 -kan safiir waa in hal mar lagu dhawaaqaa go’aanka persona non grata.” Si kastaba ha ahaatee, waxa dhici doona hadda weli ma cadda. Mr Erdogan ayaa sheegay in safiiradaan ay tahay inay fahmaan Turkiga ama ay baxaan, warbaahinta Turkiga ayaasidaasi werisay. Madaxweyne Erdogan Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa u yeertay safiirada maalinta Talaadaha ah si ay u sharaxaan bayaankooda “mas’uuliyad darrada ah” ee ku saabsan kiiska Kavala. Bayaanka safaaradaha ayaa lagu dhaleeceeyay “dib -u -dhacyada sii daba dheeraanaya” ee maxkamadeynta Cismaan Kavala, taas oo “mugdi gelisay ixtiraamka dimuqraadiyadda, sarreynta sharciga iyo hufnaanta nidaamka garsoorka Turkiga”. Waxay ku baaqayaan in si degdegga ah loo sii daayo Cismaan”. Mr Kavala ayaa sanadkii hore lagu waayay wax dacwad ah oo ku saabsan mudaaharaadyo dalka oo dhan ka dhacay sanadkii 2013 -kii, laakiin isla markiiba dib ayaa loo xiray. Go’aankii siidayntiisa ayaa la buriyay waxaana lagu daray eedeymo cusub oo la xiriira isku daygii afgambi ee milateri ee ka dhanka ahaa xukuumadda Erdogan ee sanadkii 2016 -kii. Mr Kavala ayaa beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay waxaana dadka dhaliila xukuumadda Erdogan ay sheegayaan in kiiskiisu uu tusaale u yahay cadaadiska baahsan ee lagu hayo mucaaradka. Horraantii toddobaadkan, Mr Erdogan ayaa difaacay nidaamka garsoorka Turkiga, isagoo yiri: “Waxaan u sheegay wasiirkeenna arrimaha dibadda: inaan kooxda ku sii hayn karin dalkeenna.” Golaha Yurub, oo ah hay’adda ugu weyn ee ilaalisa xuquuqda aadanaha ee Yurub, ayaa Turkiga siisay digniintii ugu dambaysay ee ahayd inay u hoggaansamaan go’aanka Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha si loo sii daayo Mr Kavala inta dacwaddu socoto. Qaran News
  3. Somali film-maker Khadar Ahmed won the top prize at the Fespaco film festival in Burkina Faso Saturday for “The Gravedigger‘s Wife“, which he wrote and directed. The 40-year-old was not at the ceremony to receive the Golden Stallion award, but his work beat 16 other African films to the top prize. The films in competition were made by directors from 15 different African countries. This year’s international jury was led by Mauritanian producer Abderrahmane Sissako, who won France’s coveted Cesar in 2015 for “Timbuktu”. The Golden Stallion, said Sissako, was “for any African film-maker, the best prize you can have, a source of great pride”. The film received its world premier earlier this year at the Cannes film festival, though not as part of the main competition. It is Ahmed’s first full-length feature. Ahmed grew up in Somalia before moving to Finland, and his film received Finnish, French and German funding. The festival, first staged in 1969, is held every two years in the Burkinabe capital Ouagadougou. The event is closely followed by the US and European movie industries, which scout the event for new films, talent and ideas. Its top prize is named after the Golden Stallion of Yennenga — a mythical beast in Burkinabe mythology. The event was originally set for February 27-March 6 but was postponed because of the coronavirus pandemic. AFP The post Somalia’s Khadar Ahmed wins top prize at Fespaco film fest appeared first on Caasimada Online.
  4. Click here to read more about this article Qaran News
  5. Guriceel (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkii qararaa ee maanta illaa caawa soo gaaray ee ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunna, ugu yaraan 30-qof oo u badan dhinacyada dagaalamaya ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda. Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen in markii laga soo tago dhimashadaas gaareysa sodomeeyada, ay sidoo kale dhaawacyadu kor u dhaafayaan 40 kale, labada dhinacba. Dadka ku dhintay dagaalka iyo kuwa ku dhaawacmay waxaa ku jira saraakiil sar sare oo kala hoggaamineysay ciidamada labada dhinac, waxaana la xaqiijiyey geerida Taliyihii Kumaandooska Danab Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, Taliyihii ay Ahlu-Sunna u magacaawday saldhigga Guriceel iyo xubno kale. Sidoo kale waxaa jira warar isi-soo taraya oo sheegaya in dagaalka ay dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen qaar ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay ciidamada Gor Gor iyo Haramcad ee maanta dagaalka kula wareegay inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada. Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay dagaal qaraar oo qaab rogaal celis ah ay ciidamada Ahlu-Sunna galabta ugu soo qaadeen goobihii laga qabsaday maanta, sidoo kale gaari HILUX nooca aysan xabadu karin ah oo uu lahaa Taliyaha qeybta 21-aad Jeneraal Mascuud ayaa gacanta u galay Ahlu-Sunna. Dagaalka oo socday in ka badan 12 saacadood ayaa caawa iskiis u istaagay, waxayna wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno goobaha ay kala joogaan ciidamada labada dhinac ee Ahlu-Sunna iyo dowladda sheegayaan. 1 – In Ciidamada dowladda ay ku suganyihiin saldhiga booliska, xarunta degmada, dhismaha Beder 1 iyo xaafadaha xiga dhinaca koofureed ee magaalada. 2 – Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa iyaguna ku sugan xaafadaha dhaca dhinaca waqooyi ee magaalada, sida Tuullo Gaban, Ceel Abshir, Ceel Cali Faarax ilaa halka loo yaqaano Jaamacadda oo ah goob istaraatiiji ah dhanka waqooyi bari uga taalla degmada Guriceel. Wararkii ugu dambeeyey waxay intaas ku darayaan in labada dhinacba ay soo gaarayaan gurmadyo uga kala imaanaya meelo kala duwan, waxaana aad loo saadaalinayaa in berri aysan xaaladda Guriceel dagaal huri doonin. Magaaladu waa cidlo oo waxaa faarujiyey dhamaan dadkii shacabka ahaa, waxaana maanta madaafiicdii la is weydaarsanayey ku gobtay gobo ganacsi iyo xarumo caafimaad, waxaana ka mid ah goobha gubtay Isbitaalka Istarliin oo ah isbitaalka guud ee degmada. The post Xog: Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalka Guriceel iyo halka caawa la kala joogo appeared first on Caasimada Online.
  6. Guriceel (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo war ka soo saaray geerida Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Cabdiladiif Axmed Feyfle ayaa shaaciyey arrin dhex-martay marxuumka iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage. Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf uu Sarkaalkaas ugu hanjabay in gabi ahaanba ciidanka laga saarayo, hadii uusan hoggaamin dagaalka. “Waa ka xumahay warka la ii sheegay ee ah in Taliye Odowaa uu amar dul dhigay Taliye Fayfle ah in uu kala doorto in ciidamada laga saaro ama uu dagaalka galo, waa ayaan darro weyn dagaalka hadda socda oo lagu laynayo saraakiishii waxgalka ahayd,” ayuu yiri Fiqi. “Taliye Fayfle waxaan ku wada jirnay dagaalkii labada bilood qaatay ee koofurta Mudug lagula jiray kooxda argagixisada ah, wuxuuna ahaa nin geesi ah, dulqaad badan isla markaana mabda’ ay ka ahayd la dagaalanka argagixisada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fiqi. Qoraalkiisa ayuu ku soo gabagabeeyey, “Waxaa muuqata in raggii Shabaab la diriray meesha laga saarayo, caawana Shabaab ay u dabaaldagayaan geerida taliyaha. Ciidamada Danab, ehelkiisii iyo qaraabada waxaan idin leeyahay sabir iyo iimaan!” Allaha u naxariistee Feyfle waxa uu ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay ciidamadii Ahlu-Sunna ee Al-Shabaab ka xoreeyey gobollada dhexe, sanadihii 2008-dii illaa 2012-kii, sanadkii 2013-kii ayuu ka mid noqday askartii lagu bilaabay aas-aaska ciidanka Danab ee Mareykanku tababaray. Bilowgii sanadkaan ayaa loo bedelay oo hoggaan looga dhigay ciidanka Danab qeybtiisa ka howlgasha deegaanada Galmudug, waxaana xilka loo dhiibay uga horeeyey Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan oo ka mid ahaa saraakiishii lagu dilay qaraxii ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, bishii December 2020-kii. The post Fiqi oo shaaciyey in arrin uu sameeyey Odowaa ay sabab u aheyd in la dilo taliye Fayfle appeared first on Caasimada Online.
  7. Hargeisa, Somaliland (HOL) - UAE's low cost carrier Fly Dubai has halted its flights to Somaliland following a rescheduling of flights by Somaliland government. Source: Hiiraan Online
  8. Hargeisa, Somaliland (HOL) - UAE's low cost carrier Flydubai has halted its flights to Somaliland following a rescheduling of flights by Somaliland government. Source: Hiiraan Online
  9. PRESS RELEASE High-level UN Delegation to Visit Farmers and Review Progress of Rural Development Projects in Egypt The delegates are representatives from Argentina, Cameroon, Côte d’Ivoire, France, Germany, and Nigeria CAIRO, Egypt, October 23, 2021/ — Egypt is IFAD’s largest recipient of financial assistance in Near East and North Africa, and was one of the first countries to receive the Fund’s financing; the IFAD delegation will visit IFAD-supported projects in the country and meet with community members and family farmers in Noubaria, Kafr El Sheik, and Amreya to review the impact of the projects on people’s livelihoods and discuss the challenges that they are facing. A high-level delegation of Executive Board members and senior staff of the International Fund for Agricultural Development (IFAD) began an official one-week visit to Egypt today, to observe the impact of IFAD’s investments in the country. The delegates are representatives from Argentina, Cameroon, Côte d’Ivoire, France, Germany, and Nigeria. “We are proud of our strategic and highly productive partnership with Egypt that marks four decades of a successful model of cooperation aimed at reducing poverty, addressing food insecurity and contributing to the resilience and improved livelihoods of more than eight million rural people,” said Dina Saleh, IFAD’s Regional Director for the Near East, North Africa, Central Asia, and Europe division. “The contributions of our member states are crucial in pursuing our shared goals in supporting rural people, developing rural economies and effectively investing in programmes that will help countries to end poverty by 2030 as part of their commitment to the Sustainable Development Goals (SDGs),” she added. The IFAD delegation will visit IFAD-supported projects in the country and meet with community members and family farmers in Noubaria, Kafr El Sheik, and Amreya to review the impact of the projects on people’s livelihoods and discuss the challenges that they are facing. IFAD currently has three ongoing projects in Egypt; Promoting Resilience in Desert Environments (PRIDE); Sustainable Agriculture Investments and Livelihoods (SAIL); and the Promotion of Rural Incomes through Market Enhancement (PRIME) project. IFAD is investing US$ 203.47 million in these rural development projects out of a total cost of US$ 284.49 million. The projects are expected to benefit over 616,000 people in rural areas. Agriculture is a key sector in the Egyptian economy, providing livelihoods for 57 per cent of the population and directly employing about 26 per cent of the labour force. Farming is a vital source of exports and foreign exchange of export revenue. The Egyptian economy has proven to be resilient during the COVID-19 pandemic with a positive GDP growth rate in 2020. IFAD continues to build on the experience of its previous projects and programmes to improve the livelihoods of rural people and enhance national food security, by supporting the settlement of land reclaimed from the desert in Lower (Northern) Egypt, and by supporting productivity improvements in the old lands in the Nile valley and Upper Egypt. Under the West Noubaria Rural Development Project (WNRDP), IFAD has supported 46,833 households and contributed to the Government of Egypt settlement programme by establishing and/or rehabilitating 82 social infrastructure including schools, health units, youth centers, kindergartens, and religious centers. The interventions of the Fund include seeking to enable more sustainable and efficient use of natural resources particularly water management; promoting climate-smart strategies; and leveraging opportunities provided by the expanding private sector involvement in agriculture. The delegation also plans to meet with H.E. Prime Minister, Mostafa Madbouly, H.E. Minister of Agriculture and Land Reclamation, El-Sayed El-Quseir and H.E. Minister of International Cooperation, Rania Al-Mashat. Egypt is IFAD’s largest recipient of financial assistance in Near East and North Africa, and was one of the first countries to receive the Fund’s financing. In February 2021, Egypt has been re-elected during the 44th session of the IFAD Governing council as a member of the IFAD Executive Board for another four-year term (2021- 2024). Since 1978, IFAD has supported rural poverty alleviation in Egypt through 14 developmental programmes and projects with a total value of US$ 1.1 billion, of which IFAD financed US$ 519.28 million, reaching more than 7 million people. These interventions led to innovations and replicable solutions that have contributed to strengthening the resilience of small-scale farmers and other rural people and building rural communities. SOURCE United Nations In Egypt Qaran News
  10. Guriceel (Caasimada Online)-Ciidanka Ahlu-Sunna ayaa caawa dib ula wareegay gacan ku heynta magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, kadib dagaal qaraar oo si rogaal celis ah ay ugu soo qaadeen galabta goobihii ugu muhiimsanaa ee maanta dagaalka looga saaray. Dagaalka galabta oo soo gaaray illaa caawa ayaa sababay khasaare xoog leh oo ka badan kii maanta, labada dhinacba dhimasho iyo dhaawacyo badan ayaa ka soo gaaray dagaalka. Saraakiisha ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey geeridooda waxaa ka mid ah Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, sidoo kale waxaa la soo werinayaa geerida saraakiil kale oo kala hoggaaminayey ciidamada labada dhinac, in kastoo illaa hadda aan la heyn tiro rasmi ah. Dagaalka galabta dhacay ayaa yimid markii Ahlu-Sunna oo lagu jebiyey dagaalkii maanta ay heshay gurmad ciidan Xildhibaan Saadaq Sheekh Yuusuf Direed uu hoggaaminayo, kaas oo Gurceel ka soo galay dhanka waqooyi. Saldhigga dhexe ee booliska, xarunta degmada iyo inta badan goobihii muhiimka ahaa ee magaalada ayaa gacanta u galay Ahlu-Sunna, waxay ciidamada dowladdu uga baxeen magaalada dhanka bari. Sidoo kale wararka aan ka heleyno Guriceel waxay intaas ku sii darayaan in ciidan badan ay maxaabiis ahaan u qab-qabatay Ahlu-Sunna, in kastoo aan la heyn tiro ama xaqiiqo rasmi ah. Ahlu-Sunna ayaa looga taag roonaaday dagaalkii maanta ka dhacay Guriceel, waxaana laga saaray inta badan xarumaha muhiimka ah ee magaalada, balse si rogaal celis ah ayey galabta illaa caawa kula wareegtay dhamaan goobihii horay looga qabsaday. Khasaaraha ciidamada dowladda ayaa loo daabulay magaalada Dhuusamareeb, balse illaa hadda waxaan la ogeyn halka ay Ahlu-Sunna geysatay dhaawacyadii maanta ilaa caawa ciidankooda ka soo gaaray dagaalka. The post DEG DEG: Ahlu-Sunna oo dib u qabsatay Guriceel iyo saraakiil sare oo laga dilay DF appeared first on Caasimada Online.
  11. Sawirka Taliyaha la dilay Taliyihii ciidanka Danab ee deegaannada Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyle ayaa u geeriyooday dhaawac galabta ka soo gaaray dagaalka Guriceel. Alhusunna oo deegaano kale gurmad ka heshay galinkii dambe ee maanta ayaa dib u qabsatay saldhiga booliska Guriceel iyo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada oo galinkii hore ee maanta ay qabsadeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug. Dagaalka galabta oo ahaa mid kharaar ayaa soo gaaray caawa fiidkii, waxaana ka dhashay khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac. Xaalada magaalada Guriceel ayaa hadda ah mid kacsan, mana muuqata dadaalo lagu joojiyo dagaalka, waxaana jira gurmadyo hor leh oo labada dhinacba soo gaaraya. PUNTLAND POST The post Taliye lagu dilay dagaalka Guriceel iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda Soomaaliya ayaa jawaab kulul usoo diray guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad kaasoo dhawaan sheegay in Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna ay isku mid yihiin. Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Sheekh Bashiir uu isla meel dhigo Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna oo uu ku kala sheegay inay kala yihin mushrikiin iyo Ahlu Towxiid. “Waxaan aad ula yaabay hadalkii kasoo yeeray Sheekh Bashiir ee ahaa in Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna isku mid yihiin, runtii waa wax laga xumaado, Al-Shabaab waa dad Ahlu Towxiid ah haba ku qaldanaadaan inay daadiyaan dhiigga muslimiinta, Suufidana waa Mushrikiin cad oo aan wax cudur daar ah laheyn,” ayuu yiri Xasan Daahir. Wuxuu sheegay inay jireen hoggaamiyayaal muslimiin ah oo daadiyey dhiigga muslimiinta, kuwaas oo aan lagu tilmaamin inay yihiin mushrikiin, sida uu hadalka u dhigay. “Suufida waxay caabudaan qabuuraha, si toos ah ayey ilaahey wax ula wadaajiyeen, xattaa Ta’wiil malahan isku midna maahan iyaga iyo Al-Shabaab oo iyaga macsi bis sameeyey, balse ma jirto cid Al-Shabaab ku tilmaamtay inay mushrikiin yihiin,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Xasan Daahir ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay isku meel wada joogaan oo ay hal hey’ad ka wada tirsan yihiin Sheekh Bashiir iyo Sheekh Soomow, isagoo Soomow ku tilmaamay inuu yahay nin mushrik ah halka uu Sheekh Bashiir ku eedeeyey inuu difaacan la’yahay fikradda uu aamisan yahay, sida uu hadalka u dhigay Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in wadaadada gacanta ku dhigay magaaladaas ee Ahlu-Sunna ay la mid yihiin Al-Shabaab, taas oo caro badan ku abuurtay culumada dariiqada Suufiyada ee Ahlu-Sunna oo aad ula dagaalama fikirka Al-Shabaab. “In qof sheeganaya hoggaanka culumada Soomaaliyeed uu ka soo yeero war ah in Ahlu-Sunna iyo Khawaarijta dadkeena dhameysay ay isku mid yihiin, waa arrin yaab leh oo lala fajaco, waxaan leenahay Sheekh Bashiir warkaas waa mid kugu kooban kaligaa,” ayuu yiri Sheekh Soomow. Sidoo kale Afhayeenka hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Soomow ayaa sheegay in guddoomiyahooda Sheekh Bashiir uu heysto fursad uu ku sixi karo qaladkii ka dhacay, isagoo ka dalbaday in raali gelin deg deg ah uu ka bixiyo. “Sheekh Bashiir hadalkaas adigana kuuma qalmo, cid kalena kuma meteshid, waxaad ka mid tahay hoggaanka culumada Soomaaliyeed, waxaad kaalin weyn ka qaadan kartaa in dadka la kala celiyo, laakiin hadii adigu aad xukun rido, ninka Sheekha ah kalaankii afkiisa ka soo baxa Fatwo waaye,” ayuu yiri Soomow. The post Xasan Daahir: Waa wax lala yaabo in Sheekh Bashiir uu isku mid ka dhigo mushrikiin iyo Ahlu Towxiid appeared first on Caasimada Online.
  13. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta amray wasiirka arrimaha dibedda inuu dalka ka eryo safiirada 10 dal kadib markii ay soo saareen bayaan ku baaqaya in lasii daayo Osman Kavala. Osman Kavala, oo ah ganacsade Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017, ayada oo loo haysto inuu ku lug lahaa dibad-baxyadii 2013 ka dhacay Gezi Park ee rabshadaha dhaliyey iyo inuu ku lug lahaa afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala oo 64 jir ah waa uu beeniyey eedeymaha, wuxuuna sheegaa inay yihiin kuwa siyaasadeysan. “Waxaan amray wasiirkeena arrimaha dibedda inuu ku dhowaaqo in 10-ka safiir ay yihiin kuwa aan dalka laga rabin (persona non grata), sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Erdoğan oo adeegsanaya ereyga diblomaasiyadeed oo ah tallaabada ugu horeysa kahor ceyrinta. “Waa inay ogaadaan oo ay fahmaan Turkey,” ayuu yiri Erdoğan oo safiirada ku eedeeyey “dhaqan-xumo.” “Waa inay halkan ka tagaan maalinkii ay ay garan waayaan Turkey,” ayuu ku yiri safiirada. War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiska Kavala.” “Dib u dhaca sii socda ee maxkamadeyntiisa…waxay mugdi gelienysaa ixtiraamka demoraadiyadda, sarreynta sharciga iyo hufnaanta nidaamka garsoorka Turkey,” ayey yiraahdeen. Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa Talaadadii u yeertay safiirada 10-kan dal, ayada oo ku eedeysay inay faro-geliyeen hanaanka garsoorka Turkey. Diblomaasiyiinta waxaa lagu wargeliyey in war-saxaafadeedkooda “uu ka tallaabsaday xuduudaha iskuna dayey inuu siyaasadeeyo hanaan sharci, islamarkaana cadaadiyo garsoorka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda. “Waxaa lagu wargeliyey inay diirad saarista kiisas la xiriira maxkamadaha Turkey, gaar ahaan Kavala ay tahay mid aan daacad aheyn oo laba wejiilenimo ah.” Tobanka safiir ayaa ugu baaqay Turkey inay raacdo xukunka Golaha Yurub, oo ah urur xuquuqda aadanaha qaabilsan oo ay ku biirtay 1950. Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2. Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November. The post Erdogan oo amray in Turkey laga eryo safiirada 10 dal oo reer galbeed ah + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  14. Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo saakay uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo ciidamada ururka Ahlu sunna Waljameeca. Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shide Falag oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidanka Galmudug ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada ayna ugu baaqayaan hoggaanka iyo maleeshiyaadka kooxda Ahlu-Sunna in ay isku soo dhiibaan ciidanka Xogga dalka iyo maamulka Galmudug. “Waxaa lagu raad joogaa raggii hoggaaminayey ee ka danbeeyay fal demnbiyeedkii ka dhacay Guriceel, waxaan u sheegeynaa cid kasta oo falalkaasi ku kacday in gacan bir ah lagu qaban doono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug. Falagle ayaa sheegay in muddo bil ah in kooxda xambaarsan magaca Ahlu Sunna ay qabsadeen magaalada Guriceel, ayna sababeen qax iyo xaalad dhibaato iyo fowdo ah. Wuxuu sheegay inay saaka soo dagaal geliyeen ardayda dugsiyada qur’aanka iyo haween oo qaarkood la qabtay, wuxuuna sheegay in maleeshiyadii Ahlu Sunna uu firxadkooda u baxay Miyiga. Balse goobjoogaal ku sugan gudaha Guriceel ayaa Caasimadda Online u sheegay in rasaas goos goos ah laga maqlayo guddaha magaalada taas oo u dhexaysa ciidanka Galmudug iyo kuwa Ururka Ahlu Sunna. Ciidanka Ahlu Sunna ayaa intooda badan iskugu tagay xeradda Jaamacadda ee magaaladda Guriceel, halkaas oo uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya kooxda iyo ciidanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya. Guutada 15-aad iyo guutada 27-aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa ku sugan inta badan xaafadaha Magaalada Guriceel, waxaana weli taagan cabsi maadaama ciidanka Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Magaalada. The post Galmudug oo shaacisay inay la wareegtay Guriceel laguna raad-joogo Sheekh Shaakir appeared first on Caasimada Online.
  15. Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka galmudug ayaa si rasmi ah ula wareegay magaalada guriceel ee gobalka galgaduud oo maanta dagaal saacada qaatay uu kula dhex maray iyaga iyo ururka Ahlu-sunna. Dagaalka oo saaka waabarigii hore ka bilaawday magaalada ayaa goordhaw soo gaba gaboobay iyadoo magaalada gebi ahaan ay isaga baxeen ciidamadii ururka Ahlu-sunna. Ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug iyo kuwa dowladda ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta iyo amniga guud ee magaalada guriceel. Maamulka galmudug ayaa dhankooda shaaciyay in ay si rasmi ah magaalada ugu jirto gacanta dowladda . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. One of the consequences of relying on NGOs through which donors channel their handouts is the relegation of expert advice to irrelevance. At Godobjiraan village in Nugaal, elders have looked askance at the plan to cut more than 8000 trees to stabilise sand dunes. More trees will stabilise sand dunes so let us plant more trees, elders told Puntland Ministry of Environment officials and NGO workers who floated the idea to cut trees. What is unclear is whether Puntland State government has already secured funds from a donor country or a supranational entity such as the EU to fight sand dunes. The silence of Puntland State government over the Environment Ministry’s proposal reflects the success of NGOs to formulate and implement environmental policies that could speed up desertification. Godobjiraan traditional leaders rejected an absurd proposal to cut 8000 trees to stabilise sand dunes. As the Federal Member State that fervently defends the Somali federal system Puntland State sets an unenviable example about environmental policies in a country that has yet to prepare itself for the vagaries of climate change. Somali NGOs are vehicles for self-enrichment run by groups linked with sub-national entities. NGOs align their plans with donors’ goals. State collapse in Somalia gave NGOs the privilege to operate as a wing of the civil society — there is no civil society in Somalia in the Eurocentric sense of the phrase. In a country recovering from state collapse NGOs develop into bottlenecks in institution-building endeavours, become beholden to and mislead political authorities. Their track record of dealing with donors undermines formulating policies based on expertise. Corruption or administrative inadequacies at federal state levels boost donors’ agenda to undermine public organisations. Most donors contract NGOs to implement projects. This policy provides NGOs with an opportunity to develop an institutional memory and expertise at the expense of public organisations. It is one of the ways to keep third world countries in state of perpetual underdevelopment. In such a situation public organisations become a tool for NGOs to formulate and implement policies that wreak havoc in the environment. Professor Issa Shivji: “[African] NGOs are neither a third sector, nor independent of the state. Rather, they are inextricably imbricated in the neoliberal offensive, which follows on the heels of the crisis of the national project.” Professor Issa Shivji, a Tanzanian constitutional law expert, alerted us to the futility and risks of African NGOs: “…the transformation from a colonial subject society to a bourgeois society in Africa is incomplete, stunted and distorted. We have the continued domination of imperialism – reproduction of the colonial mode – in a different form, currently labelled globalisation or neoliberalism. Within this context, NGOs are neither a third sector, nor independent of the state. Rather, they are inextricably imbricated in the neoliberal offensive, which follows on the heels of the crisis of the national project. Unless there is awareness on the part of the NGOs of this fundamental moment in the struggle between imperialism and nationalism, they end up playing the role of ideological and organisational foot soldiers of imperialism…” Let us hope Puntland will blaze the trail to release public organisations from the grip of NGOs before it is too late. Adan M. Dawad The post Puntland Shouldn’t Be Speeding Up Desertification appeared first on Puntland Post.
  17. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay Xoogagga Ahlusunna ka qabsadeen magaalada Guriceel, kadib dagaal culus oo maanta halkaas ka dhacay. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa Galabta Warbaahinta u sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug si rasmiya gacanta ugu dhigeen Guriceel, islamarkaana ka saareen Xoogagga Ahlusunna. Wasiirka ayaa sheegay in maxaabiis Arday ah oo laga soo ururiyay dugsiyada Qur’aanka laga qabtay Ahlusunna, wuxuuna Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay in si wanaagsan loola dhaqmo maxaabiista. Sidoo kale, wuxu sheegay in ay weli ku raad-joogaan Hoggaanka Ahlusunna oo sida uu xusay tallaabada ku habboon laga qaadi doono. Halkaan ka daawo Hadalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Galmudug oo si rasmiya u shaacisay in Ahlusunna laga saaray magaalada Guriceel appeared first on Puntland Post.
  18. A British Somali poet, Warda Yassin has been surrounded by poetry all her life. “It was a self-expression thing,” she says. “Being Somalian, I had people around me who wrote poetry, so it was normalised. “It was not necessarily something I was going to do, but I was encouraged to read, we were a reading family and still are.” Her family came to Sheffield in the early 1990s from Somaliland due to the civil war and settled here. She was brought up in Broomhall where she still lives, surrounded by her family. Poet Warda Yassin Now 28, Warda is a teacher at Hinde House School in Shiregreen, a job she loves. She is the second of eight children and went to school at Springfield Primary in Broomhall, before going to Silverdale School in Bents Green. They were happy days. “I’ve really fun memories of my childhood, of family, grandparents, community,” she says. “Our neighbours felt like family, they are loving memories of growing up in Sheffield.” Warda then went to university at Hallam, doing English and History. “Very Sheffield, born and raised here, it felt like the most natural thing in the world to stay,” she said. Poet Warda Yassin in Sheffield city centre Despite being surrounded by poets, Warda only really got into it aged 19 when she met city writer Vicky Morris, founder of the city’s Hive Young Writers project. “My journey was not really the conventional path into poetry,” she said. “I always did a lot of reading and my parents encouraged that but it wasn’t like I was writing from an early age. I used to go to the library a lot with my siblings and my first connection to it was later on.” She added: “I knew I had a teaching role, being the big sister, but when I read poems, seeing my language and culture on paper, I wanted to do that,” she said. “It wasn’t until I joined Vicky’s group that it became a hobby and then a habit. Poet Warda Yassin “Her group was focussed on confidence building, poetry was a reflection and it was such a warm and inviting space. I was dipping my toe in the water and got so much encouragement. “As the years progressed, I got opportunities to read, I got published in anthologies, so from a small private part of my life it became something else, it had transitioned to something shared. Warda announced herself by winning the New Poets Prize in 2018 with her debut pamphlet, Tea with Cardamom. “It was a wonderful moment and a surprise, not something I had expected to happen, but it helped my transition,” she said. Kayo Chingonyi, who judged the collection, said: “These poems struck me as wonderfully contemporary while gesturing towards something ancient in their frequent recourse to that which is passed down, as well as that which we improvise as our own pathways unfold. The poems invoke a world within a world making for a multi-layered perspective on life in the UK at the present moment.” Poet Warda Yassin’s poem Weston Park on a billboard on Charles Street, Sheffield city centre The recognition continued as in 2020, Warda won The Women Poets’ Prize and was made poet laureate. This month, her poem Weston Park was on a billboard in the city centre as part of National Poetry Day. “It is really flattering, an honour. Poetry has given me confidence,” she says. Warda links this confidence to being a teacher in the Shiregreen community because it helps her connect with people who become like a family. That connection, she says, helps a pupil’s confidence. “So having my poem on a wall in the city is immense,” she says. Her poetry references Sheffield, including the title Weston Park and mentions of Edward Street in Netherthorpe. “I connect to places. I’ve been inspired by the cityscape for so long, it is not something I do on purpose but I find myself referencing parks and streets. We have a beautiful city with incredible landmarks that are inspiring. “I make connections in the city, not necessarily buildings or names, but people bring it to life for me and my work is focussed on the people who inspired me, people I love who compelled me to write.” Poet Warda Yassin’s poem Weston Park on a billboard on Charles Street, Sheffield city centre The poet laureate role was created by former Lord Mayor Magid Magid in 2018. Warda took over from Otis Mensah and is grateful for his help. “Otis and Majid were really supportive. Otis is such a warm and supportive individual. He reached out to artists for support.” When appointed, she said: “I’m honoured, it’s fantastic. I’m really excited. In other places like London they have a history of poet laureates, I think it’s time that Sheffield follows in pursuit of that and really engages with the young people in the city who have so much to say. “Sheffield’s poetry scene is eclectic, diverse, fiery, we have open mic nights, it feels inclusive, it’s a nice place and so much so that when I go to other spaces I really realise how warm the poetry scene we have here is. I think a role like this will add weight to that and help to draw attention to it and help expand it. I hope we have a lot of poet laureates and each one works on different things to bring to the city. “I want to use my opportunity as the poet laureate to work with young people to encourage them, and I want to work with organisations like Hive and other partnerships that share that vision of empowering people through words and documenting their stories and archiving, or even just being creative as an expressive form.” So what was the reality? “It has been great. Wonderful opportunities. I was commissioned to write poems for the Tinsley Canal and appear at Off The Shelf. Incredible opportunities so early in on in my career because I am still learning. “The opportunities to engage with the city have helped me in my poetry and as an individual.” She’s back at Off The Shelf on October 30 when she and other poets will read new work inspired by dub poet, poet and storyteller Jean ‘Binta’ Breeze. Alongside, Warda is Sile Sibanda, Danae Wellington and other guests. It will come during half term and is something she is looking forward to, but Warda will be keen to get back to the classroom, where she teaches Year 7 to 11. “I love it, there is a warm culture of care. I work with an incredible department who inspire me every day. “The students are incredible, they appreciate poetry and I’m often inundated in the corridor with poems.” Her favourite poet is Sharon Olds, the American poet who won the 2013 Pulitzer Prize in Poetry. Olds teaches creative writing at New York University so there is a parallel. Ask her about Sharon if you get the chance during her last year as poet laureate. Warda aims to use it well. “I hope to engage with more Sheffield communities, grow as a teacher, a person, a writer.” And given a choice between teaching or writing poetry, she wants to do both. “Teaching is a vocation, a wonderful and beautiful part of my life. “Poetry is as important so I can see myself continuing that balance.” She finishes by asking for a mention of her Year 11 group, who will face their GCEs next year. “They are gorgeous and engage with poetry.” No wonder with a teacher like Warda. Poet Warda Yassin’s poem Weston Park on a billboard on Charles Street, Sheffield city centre Poet Warda Yassin Poet Warda Yassin’s poem Weston Park on a billboard on Charles Street, Sheffield city centre Poet Warda Yassin Poet Warda Yassin and her poem Weston Park on a billboard on Charles Street, Sheffield city centre Poet Warda Yassin’s poem Weston Park on a billboard on Charles Street, Sheffield city centre Poet Warda Yassin in Sheffield city centre Source The Start Qaran News
  19. Guriceel (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay dagaalka Maanta ka qarxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galdaduud ee u dhaxeeyo ciidamada maamulkaas iyo kuwa Ahlu Sunna. “Maanta waa maalin u adag dadka Galmudug, gaar ahaan dadka Guriceel, waa maalin ku adag ciidamada dagaalamayo, runtii waan ka tacsiyeynayaa dhibaatada ka dhalatay dagaalkii micndarada ahaa ee lagu qaaday Guriceel,” ayuu yiri. Fiqi ayaa xusay in mas’uuliyadda dagaalka iyo dhibaatada ka dhalata ay qaadayaan kuwa uu sheegay inay ciidamo kasoo daabuleen Muqdisho, islamarkaana mooday in dagaalku xal yahay. “Mar kale waxaan ka xumahay waxa Guriceel ka socda oo burbur iyo dhimasho ah, dhaawac iyo barakacin ah, colaad iyo mahadho ah, muuqaalka laga soo duubayo Magaalada waa midka aan ka digayey laakin ay doorteen kuwa dagaalka danta mooday ee ciidamada Muqdisho ka daabuley! Caqligu ha shaqeeyo oo dagaalka hala joojiyo, wadahadalna arrinta halagu dayo ayadoo loo turayo dhiigga dadka reer Galmudug iyo shacabka guryahooda uga barakacay cabsi ay ka qabeen waxa maantay dhacay oo kale,” ayuu yiri. Axme Macalin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan dad kasoo jeedo deegaanada maamulka Galmudug oo uu caqligoodu fooraro islamarkaana ay dhibeyso in lagu baaqo nabad. “Waxaan arkeynay sawirada guryo iyo shacab ah oo lala dhacay hoobiyaal, labada dhinac ee dagaalamayo waa dad ehel ah oo qaraabo ah, maalintii aan waxaan ka digayey waa la ila yaabayey, waxaa jiro dad kasoo jeedo Galmudug oo qalbigooda uu foorarsamay oo dhibsanayo in nabad lagu baaqo,” ayuu sii raaciyey. Wuxuu sheegay in ciidamada lagu weeraray magaalada Guriceel loo baahnaa in la geeyo geegaanada ay Al-Shabaab go’doomiyeen oo ay u diideen in la gaarsiiyo raashin. “Dadka joogo Guriceel cadow maahan, waa la yaqaan cadowga iyo meesha uu joogo waa Al-Shabaab, waa la ogyahay inta ay u jiraan magaalada Guriceel, ciddii dhibsaneyso ha dhibsato, mar kale ayaan leeyahay xabadda hala joojiyo, ciidamada lagu daabulay Guriceel waxaa looga baahan yahay Waajid iyo gobolada kale oo ay Al-Shabaab go’doomiyeen,” ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Fiqi ayaa Taliyaha Ciidamada xoogga Odawaa ku eedeeyey inuu mas’uul ka yahay ciidamada weerarka ku qaaday Guriceel, wuxuuna xusay inuu u shaqeenayo dad cawaan ah sida uu hadalka u dhigay. “Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odawaa runtii uma qalmo xil, wixii shalay ka sameeyey Muqdisho ayuu Maantana ka wadaa Guriceel, wuxuu qaadanayaa talada iyo amarka Villa Soomaaliya iyo cawaanteeda.” Hadalka Axmed Macalin Fiqi ayaa imaanayo xilli Maanta ciidamada Dowladda ay weerar kusoo qaadeen Magaalada Guriceel oo ay 3 Asbuuc ka hor la wareegeen ciidamada Ahlu Sunna, waxaana weli Magaalada ka socdo dagaal u dhaxeeyo labada dhinac. The post Xildhibaan Fiqi oo war kasoo saaray dagaalka Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  20. Kulankaan oo ahaa mid lagu xoojinayo shaqada ciidamada xasilinta booliiska gobalka mudug oo door weyn ka qaatay nabbada iyo xasiloonida gobalka isla markaana ay ka qeyb galeen saraakiisha booliiska Gobalka mudug ee dowlada puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada galkacyo. Munaasabadan oo Gaalkacyo ka dhacday ayaa Dhame Cabdiqani Yaasin Maxamuud lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka isku dhafka ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug,waxaana Xidigle Mahdi Maxamed Cabdi,(Mahdi dheere) loo Magacabay ku xigeenka Ciidamada iskudhafka. Munaasabadan Magacaabista ah waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaasha qaybta Labada dhinac Puntland iyo Galmudug Taliyaha qaybta gobalka Mudug Gashanle sare Mumiin Cabdi shire iyo Taliyaha qaybta Galmudug G/dhexe Qaasim Shirdoon Cali. PUNTLAND POST The post Taliyaal loo magacaabay Xasilinta Gobolka Mudug labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Cabdikariim Aadan Saciid u magacabey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Masuulkan ayaa hore u ahaa xoghayaha dawlada Hoose Ee degmada Berbera. Source
  22. Nuqul Kitaab Quraana oo uu lahaa Madaxweynihii 3aad ee Maraykanka oo lagu soo bandhigayo Carwada Dubai Expo 2020 Nuqul Quraan oo naadir ah oo lagu turjumay luuqadda Ingiriiska oo uu lahaa madaxweynihii saddexaad ee Maraykanka Thomas Jefferson ayaa lagu soo bandhigayaa carwada Dubai Expo 2020. Waa markii ugu horreysay ee nuqulkan la geeyo meel ka baxsan dalka Mareykanka tan iyo qarnigii siddeed iyo tobnaad. Waxaa turjumay George Sale oo u dhashay Ingriiska kaas oo ku takhasusay barashada luuqadaha iyo dhaqannada kala duwan. Nuqulka kitaabka Qur’aanka waxaa loo wareejiyay Dubai isagoo ku jira sanduuq alwaax ah oo ay ku xiran yihiin qalab lagu ilaalinayo, waxaana la socday shaqaalaha maktabadaha, iyo sugaya ammaankiisa. “sida lagu sheegay war -saxaafadeed laga soo saaray Expo 2020 Dubai. Maxay tahay muhiimaddiisa taariikhiga ah? XIGASHADA SAWIRKA,EXPO 2020 DUBAI Jefferson wuxuu madaxweyne ahaa 1801 ilaa 1809 waxaana la rumaysan yahay inuu danaynayey inuu xidhiidh wanaagsan la yeesho dunida Muslimka, sababo badan awgood, oo ay ka mid tahay in Morocco ay ahayd tii ugu horraysay ee aqoonsatay madaxbannaanida Maraykanka sannadkii 1777kii. XIGASHADA SAWIRKA,LIBRARY OF CONGRESS, RARE BOOK AND SPECIAL COLLECT Tixraacyadu waxay tilmaamayaan in Jefferson uu qaabilayay martidiisii ​​diblomaasiyiinta ee Muslimka ahaa si uu ula afuro bisha Ramadaan. “Inkasta oo uusan had iyo jeer si sax ah u fahmin diinta Islaamka intii uu ku jiray noloshiisa siyaasadeed, haddana wuxuu u doodi jiray xuquuqda siyaasadeed ee Muslimiinta, wuxuuna sheegay inuu daneeyay diinta Islaamka, Qur’aankana uu yahay kitaab sharci ah, waa uu ka duwanaa ‘inta badan Masiixiyiinta Galbeedka waqtigaas marka loo eego fahamka Qur’aanka , “ayuu yiri Spielberg oo ahaa qoraa gaar u ahaa madaxweynaha oo bixiyay wareysi hore oo saxaafadeed ka hor inta usan dhiman. Waxay u badan tahay in Jefferson uu xiisaynayay Qur’aanka marka laga hadlayo dhisidda xiriirka diblomaasiyadeed, iyo fahamka caadooyinka iyo nolosha Boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Waqooyiga Afrika. XIGASHADA SAWIRKA,LIBRARY OF CONGRESS, RARE BOOK AND SPECIAL COLLECT Waa maxay muhiimadda tarjumaaddan? Buuggan oo ka kooban laba nuqul, oo lagu daabacay London sannadkii 1764-kii, ayaa lagu sheegay inuu yahay tarjumaadda macnaha Qur’aanka, ee uusan ahayn tarjumaadda aayadaha, waxaana la sheegay in qoraagii Faransiiska Voltaire uu soo xigtay turjimaaddan markii uu qorayay maqaalladiisii ​​Islaamka iyo Nabi Maxamed NNKH. Sida laga soo xigtay website-ka “Taariikhda”, iyo turjumaadda ee Ciel waxay ahayd turjumaaddii ugu horraysay ee Qur’aanka ee oo lagu turjumo luuqadda Ingiriisiga. Sida laga soo xigtay majaladda Smithsonian Institution Magazine, Waxaa markii ugu horraysay ee aayado Qur’aanka ku qoran oo Carabi ah lagu qoro Ameerika qoray nin la yiraahdo Cumar bin Saciid, oo ahaa addoon laga keenay Senegal, gaar ahaan waxaa lagu qoray magaalada Charleston, ee gobolka South Carolina sanadkii 1807. Cumar waa la xiray, qolkii uu ku xirnaa ayuu ku dhex tukanayay oo darbiyadiisa ku qoray aayado Qur’aan ah isagoo adeegsanaya dhuxul iyo jeesto. Wuxuu qoray hordhac ka kooban 200 bog oo turjumiddiisa wata, isagoo sharraxaya duruufaha taariikhiga ah ee soo degidda Qur’aanka, wuxuuna si guud uga warramay Carabta iyo Muslimiinta, caadooyinkooda iyo waxay aaminsan yihiin. Laakiin wuxuu hordhaca ku tilmaamayaa in ujeeddada tarjumaaddu ay tahay “in laga caawiyo masiixiyiinta inay fahmaan Qur’aanka .” Sida laga soo xigtay Spielberg, Qur’aanka la turjumay ayaa aad loo qiimeeyay. Masiixiyiintii qarnigii siddeed iyo tobnaad waxay ogaadeen qiimaha ay u leedahay ballaarinta aqoontooda Islaamka, buugga Thomas Jefferson wuxuu ahaa kii ugu iibsashada badnaa xilligaa. Qaar ka mid ah xubnah Aqalka sare e Muslimiinta ee dhawaan la doortay ayaa lagu dhaariyay nuqulkaasi. Keith Allison oo lagu dhaariyay nuqulka kitaabkan ayaa waxa uu ku tilmaamtay inuu yahay buugga caddayn u ah in “dadka haysta ay yihiin kuwa dulqaad leh oo aragti dheertahay kuwaas oo, laga soo bilaabo aasaaskiii waddankeenna, rumeystay inay aqoonta iyo xikmadda ka soo qaataan meelo badan, oo ay ka mid yahay Qur’aanka”. Rashida Tlaib ayaa sidoo kale sheegtay inay ku dhaaratay nuqulkan Qur’aanka ah “sababtoo ah dad badan oo Ameerikaan ah ayaa dareensan in Islaamku uu ajnabi ku yahay taariikhda Maraykanka, laakiin Muslimiintu waxay halkan joogeen bilowgii dalkan.” Qaran News
  23. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bashiir Goobe umagacaabay wasiiru-dawlaha wasaaradda Howlaha Guud iyo dib udhiska xukuumada faderaalka Soomaaliya. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay warbaahinta Dawladda Ra’iisul wasaare Rooble ayaa bishii Semtemper waxa uu sarreeye Guud Bashiir Goobe umagacaabay aagasimaha hay’adda NISA isagoo xilka ka xayuubiyay agaasimihii hore NISA Fahad Yaasiin. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com