Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cabdikariin Gabeyre oo ka mid ahaa musharaxiintii kursiga Hop067 ee Yaasiin Farey uu ku soo baxay ayaa sheegay in guddiga xalinta khilaafaadka ay u dhigeen dabin iyo shirqool halis ah. Musharaxaan ayaa sheegay in guddiga uu u gudbiyey dacwad ka dhan ah Yaasiin Farey, balse ay u ballamiyeen Yaasiin Farey oo si khasab ah warqad uga saxiixay. Axmed Cabdikariin oo ka sheekeeyey qaabkii loo shir qoolay ayaa sheegay in xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka ee dacwada uu u gudbiyey ay ku balamiyeen goob uu joogo Yaasiin Farey, kadibna mudo 10 daqiiqo ah uu la shiray Yaasiin oo ku qasbay inuu ka laabto dacwada kursigaas. “Xubnihii guddiga markii aan u tegay waxay i geeyeen goob xero ciidan ah oo Yaasiin Farey uu joogo, goobtaas waa xarunta NISA ee garoonka u dhaw, aniga iyo Yaasiin halkaas ayaan iska raacnay, markii aan tagnay xafiiskii guddiga khilaafaadka, waxay nagu yiraahdeen ma wada socotaan? Shaki badan ayaa i galay aniga, waxaana ku adkeystay in dacwadii aan watay,” ayuu yiri Axmed Cabdikariin. Waxa uu sheegay in isaga iyo Yaasiin Farey ay goobtaas ku murmeen, isla markaana guddigu ay uga baxeen xafiiska, taas oo ugu dambeyn ku qasabtay in warqad dacwad ka noqosho ah laga saxiixo. “Yaasiin waxuu igu yiri ka laabo dacwadaan waxaba kama dheefeyside, guddigii waxay nagu dhaheen 10 daqiiqo shira, waana nooga baxeen xafiiskii, wax aan 10 daqiiqo dhameyn ayaan wada fadhinay, waxaana go’aansaday in ammankeyga aan ka shaqeeyo, dareenkeygu waxuu isiiyey in warqad dacwad ka noqosho ah aan qoro, warqadii guddigaa soo qoray, ana waan u saxiixay, si aan u badbaadiyo nafteyda,” ayuu yiri Musharax Axmed Cabdikariin. Intaas kadib waxa uu sheegay in dib uu uga laabtay warqadii uu saxiixay ee dacwad ka noqoshada aheyd, oo guddigii uu dib ugu laabtay, haatana ay dacwo kale u furan tahay. “Guddigii ayaan ku laabtay, waxaana ku iri arrinkii aad igu sameyseen mid sax ah ma aheyn, waad i shir qoosheen, anigoo badbaadinaaya nafteyda ayaad warqadaas iga saxiixdeen, laakiin hada waxaan diyaar u ahay in dacwadeydii aan dib ugu noqdo, hadda waxaa ii socota dacwadeyda, laakiin waxaan aaminsanahay in aysan ku dhamaa doonin si xaq iyo xalaal ah,” ayuu yiri Musharax Axmed Cabdikariin. Sidoo kale waxa uu ka hadlay go’aanka guddiga xalinta khilaafaadka ay ku hakiyeen natiijada kursigaas, isagoo sheegay in waxba aysan kasoo baxi diinin oo hadaba lasii ogyahay natiijada soo socota. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee musharax Axmed Cabdikariin The post Daawo: Axmed Cabdikariin: “Waxaa si shirqool ah la iigu ballamiyey YAASIIN FAREY kadibna waxaa dhacay…” appeared first on Caasimada Online.
  2. On the occasion of International Anti-Corruption Day, the Special Representative of the Secretary-General for Somalia, James Swan, underlined the importance of building accountable and transparent institutions and welcomed the country’s progress in this area. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Qiimaha kala iibsiga hubka ayaa sare u kac xoog leh laga dareemay gudaha magaalada Muqdisho, waxaa kale oo kordhay dhaqdhaqaaqa dalaallada hubka, iibka, kala wareejinta iyo arrimaha la xiriira. Xog uruurin laga sameeyey suuqyada hubka ee Muqdisho waxaa ku cad in qoryaha qaar uu qiimahoodu kordhay 100% sideeddii bil ee ugu dambeysay, taasi oo muujineysa sida dhaqdhaqaaqu yahay. Mid ka mid ah kuwa hubka iibiya oo magaciisa C. M. aan kusoo koobeyno sababo amni waxaa uu leeyahay “Waxaa batay qoryaha la iibsanayo, siyaasiyiin iyo dad caadiya waa naga iibsadaan, diyaar-garow ayaa jira, ma ogin”. Mar aan weydiinay goorta ay qiimaha kordheen “April markii dagaalka dhacay kadib waaye” ayuu kusoo gabagabeeyey. Ganacsatada hubka ayaa sheegaya in uu jiro hub uruursi xooggan, uuna kala badan yahay dalabka iyo hubka suuqa yaalla iyaga oo intii raaciyey in aaney tan oo kale dhicin wixii ka dambeeyey 2009-kii. Isbadalka Qiimaha: AK47 nooca Kuuriyanka halkii uu ka ahaa $800 hadda suuqa waxaa uu ka joogaa $1,100 AK47 nooca Qarshoole halkii uu ahaa $1,000 hadda waxaa qiimahiisa gaaray ilaa $1,700 Qoriga BKM waxaa uu qiimahiisu ahaa $9, 000 hadda waxaa uu suuqa ka joogaa $13,000 Qoriga Dhashiike Dabamalaay halkii uu ka ahaa $8,000 waxaa uu hadda marayaa qiimahiisu ilaa $17,000 Qoriga Dhashiike Dabool yare oo qiimahiisu ahaa $8,000 hadda waxaa uu gaaray ilaa $15,000 Qoriga Sabanka halkii uu qiimahiisu ahaa $1,000, waxaa uu hadda gaaray ilaa $1,600 Bastoolada Dhabancas halkii qiimaheedu ka ahaa $1,800 hadda waxaa ay gaartay ilaa $2,500 Bastoolada Biljim-ta oo qiima ahaan horay u joogtay $1,800 hadda waxaa ay joogtaa $2,500 Basoolada Tetega oo markii hore lagu iibin jiray $700 iminka waxaa uu qiimaheedu gaaray ilaa $1,200 Dhanka rasaasta: Rasaasta AK47 xabaddii aheyd $1.2$ waxay gaartay $1.5, Rasaasta BKM oo la iibin jiray $1 waxay hadda joogtaa $1.5, Rasaasta Shashike oo halkii Sanduuq ahaa $150 hadda waa $250, Rasaata Suugga oo halki xabo horay u ahaa $10 iminka waxaa uu gaaray $20 halka Raasta RBJ ama Sabanka oo $90 ahaa uu marayo ilaa $180. Dalka waxaa ka socota doorasho guud, oo ah tii ugu musuqa badneyd tan iyo 1969-kii, iyada oo kuraasta loo xerayo dad gaar ah, la badalayo odeyaashii saxiixayaasha ahaa, la qortay qaar cusub, beelaha qaar la dhacay, lana diiday tartan hufan oo musharaxiinta beelaha ah, taasi oo horseedi karta cabsi laga qabo qalalaaso iyo in dagaallo sokeeye ay dib u qarxaan. Isha: Goobjoog The post Qiimaha hubka oo sare uga kacay magaalada Muqdisho iyo sababta ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.
  4. M/weyne -xigeenka Somaliland oo soo guryonoqday+Nuxurka hadal uu Warbaahinta siiyey Dadkii, Aanu u Tagney, Waxey yidhaahdeen, Waxaad Tihiin Dad Qanniimad ku Fadhiya, oo Haddana Gaajoonaya, Dunidu Maanta Siweyn Ayey Isha Inoogu Haysaa” Ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo Maanta Ka soo Guryo Hoyday Socdaalkii dheeraa ee uu ku Gaadhay Ilaa Dalka Hindiya. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Isaga oo ka qeyb galaya Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La dagaalanka Musuqmaasuqa, ayuu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay dhismaha hay’ado isla xisaabtanka iyo hufnaanta leh, wuxuuna soo dhoweeyay horumarka uu dalka ka sameeyay dhinacyadan. “Musuqmaasuqu wuxuu caqabad wayn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqayaa dedaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Sidoo kale wuxuu wiiqayaa kalsoonida shacabka, wuxuuna wiiqayaa hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mr. Swan. “Ayadoo taa la eegayo, Qaramada Midoobay waxaa dhiirigeliyey ku biirista Soomaaliya ay dhowaan ku biirtay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga musuqmaasuqa,” ayuu raaciyay. “Tani waa tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.” Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa (UNCAC), oo ay Soomaaliya ka noqotay xubin-Dowladeed 11-kii Agoosto 2021, waa aalad caalami ah oo muhiim ah oo lagu joogteeyo, lagu maareeyo lagulana socdo dagaalka waddamada ee ka dhanka ah musuqmaasuqa. Waa aaladda kaliya ee si sharci ah ugu xiran adduunka ee la dagaalanta musuqmaasuqa. “Qaramada Midoobayda Soomaaliya waxa ay soo dhowaynaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Faderaalka ah dhanka hirgelinta dib-u-habaynta lagu xoojinayo dawladnimada iyo in la yareeyo u nuglaanshaha musuqmaasuqa. Ballanqaadkan waxa caddaynaya magacaabista guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa bishii Maajo 2021,” ayuu yiri Swan. “Waxaan ku boorineynaa dhammaan laamaha dowladeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo ilaaliyo daacadnimada iyo isla xisaabtanka maamulka maaliyadda iyo tas-hiilaadka dadweynaha iyadoo la xoojinayo qaababka sharciga iyo hay’adaha ee ka dhanka ah musuqmaasuqa islamarkaana la adeegsanayo dhaqangelin adag iyo tallaabooyin ciqaabeed,” ayuu yiri Mr. Swan. Guud ahaan caalamka, Maalinta Caalamiga ah ee La dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa laga xusayaa 9-ka Diseembar iyadoo ujeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan arrimaha musuqmaasuqa iyo doorka UNCAC ee ka hortagga iyo la dagaalanka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post James Swan oo si weyn usoo dhoweeyey tallaabooyin ay qaaday DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  6. Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani oo war cusub shaaciyey W/Q Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha Xisbiga WADDANI Ayaamahan waxaa aad looga hadlaayay xeer No.14 oo Parliament-kii hore ansaxiyay madaxwayne Muse-na dib u soo celiyay isagoo soo celintiisana sababeeyay. Waxaa jira xildhibaano madaxwaynaha ku dhaw oo ku doodaaya in soo celinta madaxwaynuhu sharci daro tahay xeerkana la faafiyo. Xildhibaanadaasi waxay afka ka dhawrayaan inay yidhaahdaan madaxwaynuhu wuxuu sameeyay sharci jabin oo xeer dhaafay xiligii sharcigu siiyay ayuu soo celiyay. Anagu waxaanu u aragnaa inaanu madaxwaynuhu sharci jabin xiligii sharcigu siiyayna qoraalka soo celinta ku qoray qodobo dastuuri ahna uu cuskaday. Laakiin qolada xildhibaanada Kulmiye ee ku doodaaya madaxwaynuhu sharci jabin ayuu sameeyay waa inay sheegaan waxa ka dhalanaaya sharci jabinta madaxwaynaha intaanay xeerka ka hadal. Dalka doorasho dastuuri ah ayaa ku soo waajahan Madaxwayne Muusana nin inuu doorasho galo ka baqaaya maaha inamada waxaanu u sheegaynaa inay doorashadaas u diyaar garoobaan oo madaxwaynaha cod u doonaan ururadana marka xiligooda la gaadho waa la furayaa oo waa sharci. Qaran News
  7. Asalaamu Calaykum Markii uu Madaxweynahu golaha Baarlamaanka dib ugu soo celiyay Xeerka Furasha Urrurrada waxa uu ku soo celiyay wakhtigii sharcigu u jideeyay, waxaanuu cuskaday qodobo muhiim ah oo aan suurto gal ka dhigayn in ururrada la furo maadaama doorashada Madaxtooya oo Dastuuri ahi ay ka soo horreyso xiliga uu Liisanka Xisbinimo ka dhacayo Xisbiyada imika jira. Hadaba kuwa khaladka fahamsan ee u malaynaya in Ururrada oo la furaa ay leexin karto ama dib u dhigi karto xiliga qabashada doorashada Madaxtooyada, waxaa muhiim ah inay fahmaan in Liisanka Xisbiyadu uu dhacayo doorashada Madaxtooyada ka dib. Sidaas darteed Saddexda Xisbi ee imika jiraa ay yihiin kuwa ku tartamaya doorashada Madaxtooyada ee inagu soo socota. Madaxweynaha Qaranku isaga oo taas fahamsan ayuu u joojiyay inuu ku dhawaaqo furista ururrada isaga oo awood u lahaa inuu saxeexo maadaama Golayaashii hore ay ansixiyeen, waxaana Madaxweynuhu uu garawsaday inaanay macquul ahayn in imika ururrada la furo, balse la furi doono doorashada Madaxtooyada ka dib. Madaxweyne Muuse Biixi waa Geesi naftiisa usoo huray Dalkiisa, iimana muuqato sabab uu uga meeraysto inuu doorasho la galo laba xisbi oo uu hore uga guulaystay. Waxaanan aaminsanahay haddii ay Xakuumadiisu si fiican u shaqeyso mudada u hadhay inuu mar kale guulaysan karo. Hadaba Madaxweynaha waxaan usoo jeedinayaa inaanuu dheg u dhigin kuwa shakiga gelinaya ee ku duduucaya inuu wakhtiga kordhsado ama uu Urrurrada furo, taasi oo aan dani ugu jirin Qaranka Xaalada uu ku jiro Gobolka Geeska Afrika iyo duruufaha adag ee dhaqaale ee inagu gedaamani inoo saamixi mayso in buuq siyaasadeed uu ka furmo Dalkeena, sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay inaynu dhamaanteen xoogga saarno sidii doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda loogu qaban lahaa. Waxaa muhiim ah in maanka lagu hayo inaanay jirin duruuf keenaysa muddo kordhin maadaama 80% ay dadweynuhu diiwaan gashan yihiin, dhaqaalihii doorashada lagu qaban lahaana aynu hayno, gudiga Doorashooyinka Qarankuna ay caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay doorashada Madaxtooyada xiligeeda ku qabtaan. Ugu danbayn dadweynaha reer Somaliland ha ogaadaan inaan Madaxweyne Muuse Biixi Doorashooyinka ka baqanin, magacna uu ku helay qabashadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Baarlamanka iyo Dawladaha Hoose, imikana magac ka weyn uu ka sii heli doono haddii uu doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda ku qabto. Sidaas daraadeed Xukuumad iyo Xisbiyaba waxaa ku waajib ah inay isu diyaariyaan doorashada Madaxtooyada ee inagu soo aadan sanadka dambe 2022. Qofkii Xisbi doonaya inuu furtana ha sugo xiliga uu Liisanku ka dhaco Xisbiyada imika jira oo ku beeggan doorashada Madaxtooyada ka dib. Somaliland ha Guulaysto Ambasadoor Kaysar Mohamed Abdillahi Qaran News
  8. Siyaasi Maxamed Haaruun Biixi oo si adag u duray Xildhibaan Siciid Cudhay oo….. Ku lahaa Hargeysaay waan idiin dawarsi tegay! Oo anaku ma in aad noo dawarsi tagto ayaanu kuu diranay? Bal amuurtan kaalaya! Horta shaqadaadu waxa ay tahay ma taqaannaa? Dabcan maya ee ma taqaanid, saa hadii aad taqaan waxaas ba ma aad ku dhawaaqdeen inta aad saxaafad u yeedhato oo iska qayliso kamaradaha hortooda sidii xabadi ku gu dhacday! Waxa qoray: Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  9. The militant group Al-Shabaab reportedly fired mortar rounds at Jowahr Airport Thursday afternoon but there was no official confirmation of the casualties and scale of damage. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU (HOL) - Police in Mogadishu conducted a major swoop Wednesday night targeting suspected armed robbers who have been reported to be targeting members of the public and children in recent weeks. Source: Hiiraan Online
  11. (SLT-Hargeysa)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa tartankii u dhaxeeyay Wasiir Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiir Xasan Maxamed Gaafaadhi waxa uu isku dhaafiyey dhinaca Madax-dhaqameedka iyo Mus-dambeedka Beesha ay labadan wasiir ka soo jeedaan si ay isugu soo dhaweeyaan una kala reebaan inta aan la gaadhin wakhtiga kama dambaysta ah ee xisbiga KULMIYE ku dhawaaqayo qabsashada shirweynihiisa. Wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha tartankii u dhaxeeyey labadan Wasiir ayaa sheegaya in ay soo baxayaan waanwaan la sheegay in lagu dhex galayo si ugu dambayn mid ka mid ah labadooda loo tanaasuliyo oo ay isugu hanneeyaan kursiga loollanku ka dhaxeeyey ee uu mid kastaaba u taagnaa in uu u tartamo marka la gaadho shirweynaha xisbiga KULMIYE. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola arrinta Musharraxnimada Maxamed Kaahin Axmed iyo Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa waxa ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen in guddi madax-dhaqameed ah oo ay hogaaminayaan salaadiinta ugu waaweyn Beesha Bariga Burco ay qorshaynayaan kulan ballaadhan oo ay isugu keenaan Labadan wasiir ee hore u shaaciyey hankooda siyaasiga ah ee ku aaddan hanashada Guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE. Waan waantan laga dhex bilaabay in lagu kala reebo labadan Siyaasi ayaa ku soo beegmaysa kadib markii ay dhawaan qasriga Madaxtooyada kulan ballaadhan ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo badiba madax-dhaqameedka Beesha Bariga Burco taasi oo sida wargeyska Foore xogtan ku helay la xaqiijiyey in Ajandayaasha kulankaasi lagaga wada hadlay ay ka mid ahayd soo jeedin ka timid Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku codsaday madax-dhaqameedka beesha Bariga Burcoba uu kaga dalbaday in ay qaadaan tallaabo kama dambays ah oo ay ku kala reebaan Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahd wasiir Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Siyaasi Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi kuwaasi oo labadooduba wakhtiyo kala duwan dhawaan ku dhawaaqay in mid kastaa u taagan tahay Musharraxnimada Guddoomiyaha KULMIYE marka uu xilka banneeyo Guddoomiyaha wakhtigan ahna Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Dhinaca kale Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo isagu maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ku jooga Gobollada Bariga dalka ayaa la xaqiijiyey in uu aad ugu adag yahay in laga reebo sida uu ku doodayo Wasiir Xasan Gaafaadhi oo uu isagu uga mudan yahay marka la eego mansabka ku xigeenkiisa koowaad, muddoda uu xisbiga ku soo jiray iyo xujooyin kale oo dhinaca deegaankiisa ah waxaanay wararka xaaladan la xidhiidhaa sheegayaan in qaar badan oo Madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta beesha Bariga Burco ahi qabaan aragtida Maxamed Kaahin ee loo tanaasulo ah. Isku soo duuboo lama oga kulanka ugu horreeya ee xaaladdan lagu gorfayn doonaa wakhtiga uu qabsoomayo iyada oo loo badinayo in uu wiiggan ka dhaco magaalada Hargeysa iyada oo aan la ogayn tallaabada uu qaadan doono wasiirka Caafimaadku haddiiba isaga lagu ciiro oo laga dalbado in uu tanaasulo. Source
  12. Ayaamahan waxaa aad looga hadlaayay xeer No.14 oo Parliament-kii hore ansaxiyay madaxwayne Muse-na dib u soo celiyay isagoo soo celintiisana sababeeyay. Waxaa jira xildhibaano madaxwaynaha ku dhaw oo ku doodaaya in soo celinta madaxwaynuhu sharci daro tahay xeerkana la faafiyo. Xildhibaanadaasi waxay afka ka dhawrayaan inay yidhaahdaan madaxwaynuhu wuxuu sameeyay sharci jabin oo xeer dhaafay xiligii sharcigu siiyay ayuu soo celiyay. Anagu waxaanu u aragnaa inaanu madaxwaynuhu sharci jabin xiligii sharcigu siiyayna qoraalka soo celinta ku qoray qodobo dastuuri ahna uu cuskaday. Laakiin qolada xildhibaanada Kulmiye ee ku doodaaya madaxwaynuhu sharci jabin ayuu sameeyay waa inay sheegaan waxa ka dhalanaaya sharci jabinta madaxwaynaha intaanay xeerka ka hadal. Dalka doorasho dastuuri ah ayaa ku soo waajahan Madaxwayne Muusana nin inuu doorasho galo ka baqaaya maaha inamada waxaanu u sheegaynaa inay doorashadaas u diyaar garoobaan oo madaxwaynaha cod u doonaan ururadana marka xiligooda la gaadho waa la furayaa oo waa sharci. CirroForPresident2022 #cirroforpresident2022 W/Q Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha Xisbiga WADDANI Source
  13. Amiir William muxuu Afrika ugu dardaarwariyay? London (Wararka PP)— Qoraa wargeyska The Times ayaa ka diifaacday Amiir (Prince) William eedeynta inuu cunsuriyad rumeysan yahay. Amiir William ayaa dhowaan sheegay inuu aad uga walaacsan carruurta tirada badan oo ku dhalata Afrika. Qoraha difaacay Amiir William ayaa sheegtay in xiriir uu ka dhexeeyo isbeddelka cimilada. Qoraa ka difaacday Amiir William eedeynta inuu cunsuri yahay. Dhammaadkii siddeetamaadkii Amiir Phillip, awoowgii Amiir William, ayaa sheegay haddii dib loo soo nooleeyo inuu jeclaan inuu noqdo fayrus yareeya dadka tirada badan ee ku nool adduunka. Kororka tirada dadka ee Afrika waa arrin walaac ku abuurtay dalalkii hore u gumeysan jiray dalalka Afrika. Amiir Philip wuxuu jeclaa inuu noqdo fayrus taranka yareeya haddii dib loo soo nooleeyo. Elon Musk, mareeyaha Tesla oo soo saarta baabuurta korontada ku shaqaysa ayaa ku dooday in ilbaxnimadu burbur ku socoto haddii carruur badan aysan dhalanin. Hoos u dhac ayaa ku yimid tirada carruurta ku dhalata dalalka Galbeedka qoysaska cusub oo badankood raba inaysan carruur yeelan iyo is naageynta ragga oo la sharciyeey si ninkii doona uu u tagi karo dhaqtar ka jara xubinta taranka kaddib markuu ku doodo inuu yahay haweenay jir qalad ah ku dhex jirta. Elon Musk oo ku baraarugay saameynta dhaqanka taran-la-dirirka ee Galbeedka. Musqulaha dadweynaha ee dalalka Galbeedka qaarkood waxaa lagu qoray ogeysiis sheegaya in musqulaha ragga ay rag iyo haween isticmaalaan, oo loola jeedo qof haweeney u eg laakiin nin isu aragta ayaa isticmaalaysa suuliga ragga. Warbixin lagu soo saaray wargeys cilmiyeedka The Lancet ayaa xustay in qarniga soo socda tirada dadka adduunku yaraan doonto gabowga iyo tirada yar ee carruurta dhalata awgood. © Puntland Post, 2021 The post Amiir William oo ka walaacsan korodhka tirada dadka Afrika appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaardkaa UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in hangoolka uu mar walba sito uu astaan u yahay baadigoobka ictiraafka Somaliland. Faysal ayaa sheegay in hangoolka sannadkii 1996 uu nin caaqil ah ugu dhiibay magaalada Gaashaamo ee dalka Itoobiya, xilligaas oo uu ka tirsanaa Guddiga Nabadda ee Somaliland. “Waa ushii Nebi Muuse, ushii uu Nebi Muuse u waday Yahuudda ayaan anna ictiraafkii Somaliland ku raadinayaa” ayuu yidhi Faysal oo u warramay BBC-da. Wuxuu sheegay in hangoolka uu haatan sitaa aanu ahayn isla kii la siiyay berigaas, ee sanadkii xigay ee 1997-dii uu kaga lumay magaalada Gebiley ee Somaliland. “Reer Gebilley ayaan ku idhi ii soo maga, oo kan aan haatan sito iyagaa ii keenay,” ayuu intaasi raaciyay Faysal. Dadka ayuu sheegay inay haddiyado ugu keenaan hangoolka, isagana uu sii bixiyo oo uu dadka kale haddiyado u siiyo. “Gurigeyga sida ciidda ayuu u buuxaa hangoolka. Nin barafasoor ah oo Ruushka deggan ayaa hadda kahor warqad qoray oo yidhi Faysal ha leyga soo qaado hangool,” ayuu yidhi. Isagoo u warramay BBC-da ayaa dhanka kale wuxuu ka sheekeeyay xilligii yaraantiisii, iyo wuxuu ku madadaalan jiray xilliyada uu firaaqada yahay. Faysal waxaa astaan u ah halgoolka oo ah ul dhaqameed dheer oo Soomaalida aad u isticmaasho, inkasta oo kan uu Faysal haysto uu tahay mid gaaban. Source
  15. Siyaasiyiin ka soo jeeda magaalada Qardho ayaa tan iyo shalay waan-waan waan ka dhex waday mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’adda PSF. Siyaasiyiinta ayaa sida wararku sheegayaan kulamo kala duwan la yeeshay labada dhinac si loo xalliyo is-maran-waaga ka taagan xilka qaadista Agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano. Kulamada ku saabsan xallinta murankaas ayaa lagu wadaa in ay sii socdaan inkastoo aysan weli jirin wax natiijo ah oo laga gaaray waan-waanta labada dhinac. Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa deggan islamarkaana lama soo werin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo hadda ka jira halkaas. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  16. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Sunday handed over an assortment of completed projects as well as sports items and food rations to communities living in an internally displaced persons (IDP) camp in Jowhar, Hirshabele State as part of its Quick Impact Projects (QUIPs) aimed at improving the wellbeing of the people. Source: Hiiraan Online
  17. Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed has indicated further crucial victories against the Tigray People's Liberation Front (TPLF) even as the rebels claimed they had only retreated to strategise. Source: Hiiraan Online
  18. A man used a suicide bomb to kill himself together with his parents in Katito, Nyakach, Kisumu County. Source: Hiiraan Online
  19. Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada dowladda puntland ayaa kormeeray goobaha ay ka socdaan mashaariicda horumarineed ee gobolka Cayn. Waftigan oo ka koobnaa Xildhibaan Axmed Xarir Gaas ,xildhibaan Cabdirasaq Maxamed Sahal ,Xildhibaan Cabdirhaman Ahmed Aadan ayaa kormeer shaqo ugu kuurkalay mashaariicda Dowladda puntland ka fulisay degaamada hoos yimaada degmada Buuhoodle ee Xarunta gobalka cayn. Waftiga ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Beeraha nidmaadka casriga ah Green house ka soo ay hirgaliyeen qurbo-joog degaanka ka soo jeeda. Waftiga sidoo kale waxay wacyi galin ugu tageen tuulooyinka mashariicdu ka socoto iyagoo Bulshada ku booriyay in ay la shaqeeyan maamulka iyo kan degmada. PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka tirsan Puntland oo kormeeray Mashaariicda ka socda Gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cabdillaahi Ugaas Aadan Ugaas Xaaji Xuseen oo ah Ugaaska guud ee beesha Cabdale ayaa si adag uga horyimid doorashada kursiga HOP#104, oo la sheegay inuu ku soo baxay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka, Mahad Cawad. Waxa uu sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo doorasho, midda uu ku soo baxay Mahad Cawad “ay tahay been la dhoodhoobay iyo boob cad”, sida uu hadalka u dhigay. “Ugaasyada Soomaaliyeed kuwa ugu caansan ayaa kamid ahay, Kursigaas ergo ma dooran, Ugaaskii guud aniga ah oo ma saxiixin, Odayaal aan soo xulay iyo wax habraac ah oo Dastuurka ogol yahay looma marin,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in kursigaas uu saxiixay Nin Askari ah oo lagu magacaabo Dhakow, kaasi oo sharci darro ku ah hanaanka doorashada iyo Dastuurka dalka. “Musharaxiinta waa loo diiday shahaadadii tartanka marqaati baa ugu nahaya Saleebaan Cabdalle waa loo diiday Kursiga, aniga oo ah Ugaaskii waa la iga hor istaagay. Dacwad ayaa ka gudbinay.” Waxa uu intaas kusii daray inay ka go’an tahay in si gaar ah u sameystaan doorashada kursigaas, haddii wax laga qaban waayo doorasho ku sheega uu ku soo baxay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka. Kursiga HOP#104 ayaa waxaa sida la fahamsan yahay waxaa si gaar ah loogu xiray Mahad Cawad, wuxuuna ka mid yahay kuraasta ay ka taagan tahay cabashada ugu culus, waxaana isa-soo taray mad-madow ku gadaaman doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Saxiixaha kursiga uu Mahad Cawad ‘ku guuleystay’ oo war xasaasi ah soo saaray appeared first on Caasimada Online.
  21. Inan Soomaali ah oo warbaahinta Hindiya hadal heynteeda qabsatay+Sababta Isbitaal ku yaalla magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa gabar yar oo Soomaali ah looga daweeyay nooc dhif ah oo ka mid ah cudurka kansarka, kaasoo ah buro kasoo baxda kelyaha. Xanuunkan oo loo yaqaanno “Wilm’s Tumo” ayay gabadha la il darneyd tan iyo bishii February ee sanadkan 2021-ka, xilligaasoo ahayd markii ugu horreysay ee lagu arkay. Sheekada Faadumo Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, oo 5 jir ah, ayaa soo jiidatay dad badan, iyadoo hadda uu caafimaadkeeda wanaagsan yahay kaddib markii qalliinka lagu sameeyay. Dhakhaatiirka ku sugan isbitaalka Yashoda ee magaalada Hyderabad ayaa sheegay in bukaanka ay ku taallay buro uu cibbirkeedu yahay 30x30x30 cm, sida lagu shaaciyay bogga Indianpharmapost. Markii la geynayay isbitaalka waxa ay ahayd mid aad u tabaryar oo marxalad adag ku jirta. Daweyn kaddib waxay dhakhaatiirtu ku sameeyeen qalliin lagu guuleystay oo looga jaray burada kansarka. Siddeed saacadood oo howlgalka qalliinka ah ay ku jireen dhakhaatiirtu, Faadumo waxaa laga gooyay buro uu culeyskeedu yahay 5 kiilo. ida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya, Dr. Sachin Marda oo madax ka ah qeybta qalliinka ee isbitaalka ayaa sheegay in Faadumo “loo keenay waqtigii ugu xasaasinayaa, haddii ay wax yar soo dib dhici lahaydna ay nolosheedu khatar gali kartay”. Gabadha yar aabbeheed, Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Maxamed, oo ku magac dheer “Taataa”, ayaa BBC-da u sheegay in Faadumo ay cudurkan la dhibaatooneysay muddo ku dhawaad hal sano ah. “Faadumo waa gabadheyda curadda ah, bishii February ee sanadkan ayay ahayd, annagu markii hore ma aannaan ku ogeyn xanuunka, mana aannaan fahansaneyn. Subax unbay hooyadeed u sheegtay inay caloosha xanuuneyso. Dhakhtar jooga magaalada Goldogob oo ay ku nooleyd ayaan u geynay, baaritaan kaddibna wuxuu noo sheegay inay qabto nooc kansar ah oo waliba aad u weyn,” ayuu yiri Cabdulqaadir ayaa sheegay in markii hore ay geeyeen isbitaallo ku yaalla Muqdisho, halkaasoo qalliin loogu sameyay balse uusan noqonin mid guul ku dhammaaday. “Isbitaalka Turkiga ayaan baaritaan xaqiijin ah kula sameynay, kaddibna waxaan geynay Shaafi, qalliin bay ku sameeyeen, buradii way soo jareen, kellida bidixna way soo bixiyeen, inta aan la gaarin saddex bilood oo baaritaan lagu sameyn lahaa gabadhii way xanuunsatay, dhakhtarkii ugu horreeyayna wuxuu noo sheegay inuu cudurkii kusoo laabtay. “Waqtigaas laga soo billaabo gabadha xaaladdeeda way soo xumaatay. calooshii baa soo barartay ilaa heer ay ku dhawaato inay caloosha qaraxdo. xanuun waxay dareemeysay aan la qiyaasi karin, ilaa heer cirbad xanuun baabi’iye ah mar walba lagu duro. Cunto ma aysan qaadaneynin, faleembo ayaa lagu siinayay raashinka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. ‘Saddex jeer baan ku dhacay imtixaan’ Gabadha aabeheed, oo ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu qudhiisa xaalado adag ka maray arrinta qabsatay gabadhiisa curadda ah. “Markii la ii sheegay in kansar laga helay gabadheyda, waxaan isu diyaarinayay imtixaan muhiim ah. Waxaan xasuustaa in aan saddex jeer ku dhacay imtixaankii, saddexda jeer oo kala duwanna waxaa saameyn igu yeelanayay go’aannada kasoo baxayay xaaladda caafimaad ee gabadha,” ayuu yiri. Gabadha yar, Faadumo Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, oo lix maalmood ku jirtay isbitaalka Hyderabad ayaa qalliinka kaddib hadda waxaa aad u wanaagsan caafimaadkeeda, sida uu noo sheegay aabeheed. Qaran News
  22. Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha difaaca Mareykanka iyo Israel ayaa maanta billaabaya dhoola-tus militari oo loogu diyaar garoobayo weerar lagu burburiyo goobaha Nukliyeerka Iran, haddii ay guuldarreystaan dadaallo diblomaasi oo socda. Kulanka maanta dhex-maraya saraakiisha Mareykanka iyo wasiirka difaaca Israel Benny Gantz ayaa daba socda warbixin ay madaxda wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka 25-kii October u gudbiyeen la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan oo la xiriirtay tallaabooyinka militari ee la qaadi karo si loo xaqiijiyo in Iran aysan helin hub Nukliyeer ah. Diyaar-garowga Mareykanka iyo Israel, oo xogtiisa ay heshay wakaaladda warraka Reuters, ayaa astaan u ah heerka uu la egyahay walaaca ay Reer Galbeedka ka qabaan sida ay u adag yihiin wada-hadallada Nukliyeer ee lala leeyahay Iran. Wada-hadalladaas ayaa madaxweyne Biden uu doonayaa inuu dib ugu soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeer ee la gaaray 2015, kuwaas oo uu ka baxay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Hase yeeshee saraakiisha Mareykanka iyo Yurub ayaa niyadjab ka muujiyey dalabyada Iran iyo shuruudaha adag oo ay soo bandhigtay si heshiiska dib loogu soo cusbooneysiiyo. Saraakiisha Mareykanka way diideen inay faah-faahiyaan nooca dhoola-tus militari ee ay sameynayaan. “Waxaan ku suganahay xaaladdan adag sababtoo ah barnaamijka nukliyeerka Iran wuxuu horumarkiisu gaarayaa heer aad u sarreeya,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Reuters. Hay’adda tamarta adduunka ee IAEA ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in Iran ay billowday kobicnta macdanta uranium-ka ee la gaarsiiyey saafi ahaan 20%. Taliyaha ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Amir Ali Hajizadeh ayaa horey u sheegay in Israel ay u qoran tahay “ in la cirib-tiro” islamarkaana tallaabo kasta oo ka dhan ah Iran oo ay qaado ay taasi soo dedejin doonto. Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Tehran, ayaa Amir Ali Hajizadeh wuxuu ugu jeesjeesay Israel “inay tahay taliska kaliya ee dunida ka jira ee ka doodaya sidii ay ku badbaadi lahaayeen.” “Taliska Sahnuuniyadda ee ka hadlaya jiritaankooda waxaa u qoran baaba’ mana ka hadli karaan burburinta dalal kale,” ayuu yiri Amir Ali Hajizadeh oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Tasnim. “Haddii ay ku adkeysanayaan inay xaddidaan awoodaheena gantaallo iyo diyaaradaha drone-ka, waxay taasi muujineysaa awooddeena.” “Ma dooneyno inaan qeexno awooddeena, sababtoo ah cadowga ayaa si ku filan uga hadla gantaallada Iran iyo difaaceenna,” ayuu yiri. Isaga oo ka jawaabaya hadalka saraakiisha Israel ayaa waxaa u yiri “Dalka Yahuudda ah dagaal waa uu billaabi karaa, balse Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa kusoo afjari doonta cirib-tirka taliska Sahnuuniyadda.” Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post IRAN oo wajaheysa weerar – Maxay Israel iyo Mareykanka maanta billaabayaan? appeared first on Caasimada Online.