Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mashruuc Lacag Dhan 20 Bilyan ku kacaya oo laga fulinayo badhtamaha Jidda? Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa shaaciyey mashruuc laga hirgelinayo bartamaha magaalada Jidda oo ay ku kaceyso $19.96 balyan oo doolar. Mashruucan uu dhaxlsugaha Sacuudigu shaaciyey ayaa la sheegay marka la gaaro 2030-ka inuu mashruucan uu dalka Sacuudiga uu ka soo galayo 47 balyan oo Riyaal. Mashruucan bartamaha magaalada Jidda laga heirgelinaya ayaa lagu fulinayaa dhul baaxaddiisu gaadheyso 57,000 oo hektar. Mashruucan oo la sheegay inuu ka mid yahay himilooyinka boqortooyda Sacuudiga ay tiigsaneyso 2030-ka oo lagu doonayo inuu dalku ku tallaabsado kobac dhaqaale oo ay u aayaan muwaaddiniinta iyo ajaanibta dalkaasi ku nool. Wuxuuna dhaxal sugaha bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay mashruuca bartamaha Jidda laga fulinaya oo aad u weyn inuu seddex waji uu ka kooban yahay uuna noqon doono barkulan caalami ah oo la isugu yimaaddo. #JeddahCentral will include a variety of projects in vital sectors, introduced through three phases to create a world-class destination #InTheHeart of Jeddah pic.twitter.com/luKPAhkXr7 — وسط جدة | Jeddah Central (@JeddahCentral) December 17, 2021 Muxuu yahay mashruuca bartamaha Jidda? Ma’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Sacuudiga waxay sheegeen mashruucan oo laga hirgelinayo dhul ku teedsan Badda Cas uu sare u qaadayo dhaqaalaha dalka iyo bilicda caasimadda Jidda. Sida ka muuqata naqshadda mashruucan ayaa ka kooban guriyo deegaan oo casri ah, shaneemooyin, garoonka kubadda cagta iyo dhismayaal badda hoosteeda laga dhiso oo dalxiiska ku habboon. Naqshadda mashruucan maxaa kale oo ku jira? Mashruucan laga hirgelinayo bartamaha magaalada Jidda wuxuu ka kooban yahay 17,000 oo guri oo deegaan ah iyo huteel ka kooban 2,700 oo qol oo jiif ah, iyada oo mashruucan uu yahay mid casri ah oo deegaan iyo ganacsiba soo koobaya. Sida naqshadda mashruuca ka muuqata waxaa kale oo mashruucan uu leeyahay xeeb caalami ah oo lagu dabaasho oo ay u dhan yihiin adeegyada sida maqaayadaha cuntada iyo kuwa laga qaxweeya iyo goobaha laga dukaameysto. Waxaana mashruucan uu yeelanayaa xeeb dhererkeedu yahay 2.1 km oo ay u dhan yihiin wax kasta oo lagu tamashleeyo ama dalxiiska ku habboon. Waxaana la sheegay in dhismayaasha halkan laga hirgelin doono loo adeegsan doonaa teknooloojiyadaha casriga ah ee ay dunida ku tallaabsatay. Diyaarinta Naqshadda mashruucanna waxaa ka qayb qaatay Injineerro khibrad leh iyo la taliyeyaal ka badan 500 oo laga soo xulay shanta shirkadood oo dunida ugu caansan dhanka naqshadeynta. Mashruucan waxaa soo hindisay wakaalada horumarinta bartmaha Jida oo la aasaasay 2019-kii, agaasimaha sare ee guddiga maamulana uu yahay Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan. Bayaan ka soo baxay dowladda Sacuudiga oo mashruucan lagu shaaciyey waxaa lagu sheegay mashruucu inuu seddex waji uu ka kooban yahay gabi ahaanna la soo gabagabeyn doono 2027-ka. Sacuudiiga oo waddamada Bariga dhexe ka mid ah oo ah dalka saliidda ugu badan soo saara ayaa sanadihi ugu dambeeyey ku howlanaa sidi loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta saliidda uu dhaqaalaha dalka ku tiirsan yahay loona abuuro ila kale oo horumarka dhaqaale ee dalkaasi gacan ka geysto. Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaana dajiyey himilada ah dalkiisu meesha lagu gaaro 2030-ka inuu noqdo xaruunta dhaqaalaha iyo ganacsiga ee gobolka. Mid ka mid ah mashaariicda uu ku riyoonayey bin Salmaan Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa dadaal ugu jiro sidi uu dunida isugu muujin lahaa inuu yahay Amiir isbeddel doon ah oo ka duwan boqortooyooyinka mayalka adkaa ee dalkaasi soo maray. Tani iyo marka uu xilka dhaxal suganimada qabtay tallaabbooyinka uu qaaday waxaa ka mid ah inuu haweenka dalkaasi uu u oggolaaday iney gawaarida wadi karaan. Sanduuqa Maalgashiga ee Sacuudigana kooxda kubadda cagta ee New Castle wuuu ku maalgashaday ku dhawaad £300 oo gini. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay sheegtay iney dalalka qaar ciyaaraha maalgashadaan si ay uga dhuuntaan arrimaha xuquuqda aadanaha ee ay ku liitaan. Qaran News
  2. London (Wararka PP) Guuldarradii Xisbiga Muxaafadka ee Biritayn ka raacday kursiga Baarlamaanka ee North Shropshire ayaa ka hor istaagtay Ra’iisal Wasaare Boris Johnson inuu u dabbaaldego sanadguuradii labaad ee guushii doorashada 2019kii. Muddo sanad ah Johnson wuxuu la kufaakacay fadeexooyin siyaasadeed sida Wasiirkii Caafiimaadka oo haweenay si anshaxdarro ah ula dhaqmayay laakiin ay kameeraduhu qabteen; afhayeenkii isbeddelka cimilada oo iyadoon ogeyn laga duubay muuqaal ku saabsan shir jaraa’id beenbeen ah oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Boris Johnson hadduu waayo kalsoonida xisbigiisa wuu iscasili doonaa. Waxaa shalay iscasilay Lord Frost oo ahaa Wasiirkii Brexit, go’aankii Biritayn kaga baxday Midowga Yurub. Cadaadisyadan siyaasadeed waxaa sii kordhiyay sida taageerayaasha xisbiga Muxaafidku u diiddan yihiin in Johnson aad u maalgeliyo mashaaric gobollada waqooyi ka caawin kara inay soo gaaraan kuwa Koonfurta (levelling up) kaddib markii xisbigiisu xildhibaanno badan ku yeeshay seejooyin sanado badan u xirnaa Xisbiga Shaqaalaha. Warmoog: Liz Truss kama warhayso siyaasadda waxbarashada Biritayn markay ugu baaqday dadka Biritayn inay ku faanaan taariikhdii Imbaradooriyaddii Biritishka. Halista ugu badan waxay Johnson ka soo foodsaartay Liz Truss, Wasiirka Arrimmaha Dibedda oo dhowaan ugu baaqday dadka Biritayn inay ku faanaan Imbaradooriyaddii Biritishka inkastoo ay jirto siyaaasad waxbarasho oo diidaysa in carruurtu barato taariikhdii gumeysi ee Imbaradooriyaddii Biritishka. Liz waxay ka mid tahay siyaasiyiinta ugu cadcad guuxa la rabo in Johnson karkaarka lagu weydaariyo. Johnson waa siyaasiga mas’uulka ka ah guulaha xisbiga Muxaafadku ka gaaray doorashadii 2019kii ka sokow isku daygii xisbigiisu sanadkan isku dayay inuu beddelo habka xildhibaannada loola xisaabtamo si aysan ugu adeegan metelaadda siyaasadeed iyagoo u shaqaynaya shirkado. Liz waxay u baahan tahay isbahaysi hase ahaatee way adag tahay inay magaceeda ku biiriso xildhibaannada aan kalsoonida badan ku qabin hoggaaminta Ra’iisal Wasaare Boris Johnson. © Puntland Post, 2021 The post Liz Truss oo Halis ku ah Boris Johnson appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa beenisay inay Turkiga weydiisatay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee nooca Drones-ka ah. Agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Turkiga uu Soomaaliya siinayo diyaarado dagaal, kadib markii warar sheegaya lagu baahiyey baraha ay bulshada ku wada xariirto ee Internet-ka. “Maya, anigu kuu xaqiijin maayo taas, warkaasna ma jiro,” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xaashi. Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in kulankii ay yeesheen Madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya iyo Turkiga kaliya looga hadlay arrimaha amniga iyo xoojinta taageerada ay xukuumadda Ankara siiso mida Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab. Turkiga ayaa ah dal saaxib dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa arrimaha ciidamada iyo sidoo kale bani’aadanimada. Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku sugan yahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qeyb-galay shirweynaha iskaashiga Turkiga iyo Afrika, isaga oo madasha ka sheegay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee yaalla Soomaaliya. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Villa Somalia oo war kasoo saartay diyaaradaha drone ee la sheegay inay ka heshay Turkey appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweyne Muuse Biixi Shacabka Hargeysa Kala Qayb-galay Tukashada Salaad Roob-Doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda kala qaybgalay salaad Roob-doon ah oo lagu oogay masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maayarka caasimadda Hargeysa iyo qaar kamid ah taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, ayaa boqollaal kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaad Roob-doon ah oo heer qaran ah, taas oo uu Toddobaadkii hore iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana maanta laga oogay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka. Salaaddan Roob-doonta ah oo Eebbe lagaga tuugayey inuu Raxmaadkiisa u shubo dadka iyo duunyada abaaruhu hayaan, ayaa markii la tukaday kaddib waxa bulshada halkaas khudbad Alle bari ah ka akhriyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, isaga oo bulshada ugu baaqay inay isa saamaxaan, ducadana badsadaan. Sheekh Albaani waxa uu bulshada ugu baaqay inay joogteeyaan Alla bariga iyo toobadda, quluubtoodana mideeyaan si Eebbe inooga soo jebiyo Abaarta baahsan ee ina haysata iyo roob yaraanta. Qaran News
  5. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha oo dhaawaciisa la soo gaadhsiiyey Hargeisa Agaasimaha Guud ee Arimaha gudaha somaliland ayaa gaadhi kula dhacay duleedka galbeed ee magaaalada Berbera,Agaasimaha iyo 4 qof oo kale ayaa shlkaa Dhaawac ka soo gaadhey iyada oo dhawaacooda la geeyay Cusbitaalka Berbera basle Markii danbe loo soo qaaday Hargaysa Agaasimaha ayaa ka mid ahaa wafti uu hogaaminayey Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland oo safar ku tegay Magaalada Berbera <img class=”j1lvzwm4″ role=”presentation” src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> 11 Like Comment Share Qaran News
  6. Afar kursi oo ka mid ah kuraasta gobolada Waqooyi (Somaliland) ku matala Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho. Jaamac Maxamed Askar Jaamac Maxamed Askar oo horay uga tirsanaa Golaha Shacabka ayaa mar kale ku guuleystay kursiga tirsiigiisu yahay Hop#254, kadib markii uu ka haray tartanka Aadan Axmed Nuur Haybe. Guuleed Biixi Cabdi Guuleed Biixi Cabdi oo ah nin dhalinyaro ah oo qurbajooga ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hope#255, isaga oo kaga guuleysatay tartanka laba musharax oo la tartamay. Guuleed Biixi ayaa helay 58 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay oo kala ahaa Axmed Maxamuud Muxumed iyo Cabdilaahi Biixi Xuseen ay kala heleen 22 cod & 21 cod. Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Kursiga tirsigiisu yahay Hope#262 waxaa markale ku guuleysatay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, kadib markii ay tartanka ka hadhay Caasho Aadan Yuusuf. Cabdullaahi Cismaan Ducaale Ugu dambeyna, kursiga tirsigiisu yahay Hope#229 waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cismaan Ducaale, kadib markii ay tartanka ka hartay Muna Cali Ibraahim oo la tartami lahayd. PUNTLAND POST The post Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu doortay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo galaya dhinaca gobollada waqooyi (Somaliland). Guuleed Biixi Cabdi ayaa ku soo baxay kursiga HOP#255 ee doorashadiisa la qabtay, wuxuuna helay 58 cod, sida uu shaaciyey guddigu. Sidoo kale Axmed Maxamuud Muxumed oo horay kursigan ugu fadhiyey ayaa helay 22 cod, halka musharaxa saddexaad ee tartamay Cabdullahi Biixi Xuseen uu isna helay 21 cod. Kursiga HOP#262 ayaa waxaa sidoo kale dib loogu doortay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo heshay 93 cod, kadib markii ay tanaasushay Caasho Aadan Yuusuf oo la tartami laheyd. Sidoo kale kursiga afaraad ee la qabtay doorashada waxaa ku guuleystay Cabdullahi Cismaan Ducaale, ka gadaal markii ay tanaasushay Muna Ibraahim Cali oo la tartami laheyd. Natiijada soo baxday doorashada maanta lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye ayaa aheyd mid la filayey, loona saadaalinayey xubnaha la doortay. Qabashada doorashadan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay weli dood adag ka taagan tahay doorashada Golaha Shacabka ee haatan ka socota dalka. Si kastaba, shalay ayey aheyd markii shaqada laga eryey illaa 7 xubnood oo ka tirsanaa guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, kadib markii lagu eedeeyey inay ku milmeen arrimaha siyaasadda ee ka jira gudaha dalka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xildhibaano cusub oo lagu doortay Muqdisho – Yaa kusoo baxay? appeared first on Caasimada Online.
  8. Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ayaa maanta kulamo wada-tashi ah ka bilaabay gudaha magaaladaas oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed. Rooble ayaa la kulmay saraakiisha laamaha ammaanka, isaga oo ka xog wareystay xaaladaha ammaan ee deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan sidii go’doonka looga qaadi lahaa degmooyinka ay isku hareereeyeen xoogaga kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay saraakiishu ra’iisul wasaaraha warbixin ka siiyeen xaaladaha ciidamada iyo daruufaha ay ka shaqeeyaan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu Rooble maanta la ballansan yahay odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo uu kala hadli doono dardar gelinta doorashooyinka iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay abaaraha ka jira gudaha dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedkiisa ugu weyn ee uu Baydhabo u tegay la xiriira ka qeyb-galka munaasabad lagu xusayo saddex sano guurada kasoo wareegtay doorashadii Cabdicasiis Lafta Gareen. Dhinaca kale ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo wufuud kala duwan oo ay ku jiraan madax goboleedyada qaar ay ku wajahan yihiin gudaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay. Si kastaba, madaxda isugu tegi doonto Baydhabo ayaa sidoo kale la filayaa inay yeeshaan kulamo gaar gaar ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee ka taagan doorashooyinka haatan ka socda dalka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post R/W ROOBLE oo kulamo ka bilaabay Baydhabo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  9. Xubanihii dhawaan xilka uu ka qaaday ra’iisul wasaaraha ee ka tirsanaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa ka soo horjeestay xilka qaadistii lagu sameeyay. War-saxaafadeed ka soo baxay xubnaha shaqada laga eryay ayeey ku sheegeen in ay aad uga xunyihiin go’aanka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay howshooda sii wadanayaan. Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay golaha wadatashiga qaranka in la ilaaliyo madaxbanaanida guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka xubnaha shaqada laga joojiyay ee guddiga xalinta ay soo saareen Source: goobjoog.com
  10. Midawga musharixiinta xilka madaxweynanimada dalka ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu ra’iisul wasaaraha dalka xilka kaga qaaday xubna ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka arrimaha doorashooyinka. Golaha ayaa sheegay in talaabada Rooble ay tahay mid horudhac u ah hanaanka dib loogu saxayo qaladaadka doorashada. Musharixiinta ayaana sidoo kale sheegay in ay garab istaagayaan talaabooyinka dib loogu hagaajinayo doorashada dalka ka socota. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka golaha midawga musharixiinta Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin warbaahinta lagu daabacay oo ku saabsan in Xildhibaan James E. Risch oo ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka, lagana soo doorto gobolka Idaha, oo ku baaqay in wax ka beddel lagu sameeyo xeerka difaaca qaranka Maraykanka oo dhawaan aqalka Seneteku ansixiyey, oo ay ku baxayso $768 Bilyan oo doolar. Wax ka beddelka siyaasadda xeerka difaaca Maraykanka, waxa ku jira qadar dhaqaale oo loo qoondeeyey ‘daraasad ku wajahan amniga iyo iskaashiga difaaca Somaliland.’ Waxa kaloo qorshaha difaaca Maraykanku uu la xidhiidhaa sidii looga hawlgeli lahaa saameynta Shiinuhu ku leeyahay mandaqada bariga Afrika. Siyaasadan cusubi waxay dhigaysaa in marin biyoodka Somaliland uu noqdo mid uu adeegsado Maraykanka iyo xulafadiisu. James E. Risch waxa uu sheegay in taageero la siiyo Somaliland ay sii adkaynayso dimuqraadiyada iyo deganaanshaha ka jira JSL. Waxa kaloo xildhibaan James E. Risch uu soo dhaweeyey iskaashiga iyo cilaaqaadka dhex maray Somaliland iyo Taiwan. Source
  12. Waxaa baraha bulshada ee caalamka qabsaday muuqaallada argagax leh ee Maryam al-Rikabi oo ah gabadh Ciraaqi ah oo wejigooda uu isbedelay islamarkaana gogo’ay kadib markii uu aashito ku shubay nin ay diiday inay guursato. Gabadhan oo ah ardayad deggan magaalada Bagdhad ayaa waxaa bishii June iyada oo gurigeeda jiifta soo weeraray ninka ay guurkiisa diiday. Ninka ayaa soo galay guriga Maryam xilli hooyadeed iyo aabbaheed ku maqnaayeen shaqo, wuxuuna wejiga kaga shubay aashito ayada oo huruda, isaga oo kadibna xaday teleefonkeeda. Warbixino ay baahiyeen warbaahinta Ciraaq ayaa lagu sheegay in Golaha Garsoorka Sare ee Ciraaq uu Khamiistii ku dhowaaqay in uu socdo baadhitaan lagu sameynayo dhacdadan. Aabaha Maryam ayaa ka codsaday Golaha Garsoorka inay si dhab ah u qaataan kiiskan oo ay ahmiyad siiyaan in lala xisaabtamo ninka weerarka geestay. Wuxuu sidoo kale ka hadlay caqabadaha ay wajahday Mariam tan iyo markii weerarka lagu qaaday. Kumanaan qof ayaa taageero u muujiyey Maryam ayaga oo baraha bulshada ka billaabay hashtag ah “Badbaadi Amiirad Maryam.” Waxaa sidoo kale Khamiistii la billaabay bog GoFundMe ah oo lacag loogu ururinayo Maryam si caafimaad dibedda Ciraaq ah loogu qaado, waxaana markii aan warbixintan daabacnay uu mareyey $24,400. Sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, rabshadaha qoyska ayaa saf-mareen ka ahaa Ciraaq 2020, oo ay ku jiraan dilalka ay haweenka iyo gabdhaha u gaysteen qoysaskooda iyo seygooda. Source
  13. Dawladda Soomaaliya ayaa beenisay warar kala duwan oo maalmihii dambe lagu faafiyey baraha Bulshada oo sheegayay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Madaxweynaha Turkiga weydiistay diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Darones-ka. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in wararka la faafiyey ee la xidhiidha inuu Farmaajo diyaarado Darones weydiistay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay yihiin warar been abuur ah, isla markaana aanu jirin Codsi Farmaajo u diray Erdogan. Source
  14. Somalia’s opposition caucus appears to have lost ground on stalling the country’s controversial elections after the Prime Minister urged the organisers to move on with the polls. Source: Hiiraan Online
  15. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aan dib loogu noqon doonin go’aannadii ay horay u gaareen guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka oo qaarkood shalay la eryay. Af-hayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in aan laga laaban doonin go’aannadii guddigaas. Af-hayeenka ayaa tilmaamay in xubnaha laga saaray guddiga ay ku kaceen falal baalmarsan anshaxa doorashada sidaas darteedna looga eryay guddiga. Dhinaca kale Midowga Musharrixiinta ayaa soo dhoweeyay tallaabada Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga qaaday xubno ka tirsanaa guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Macallimow: Laga noqon mayo go’aannadii ay gaareen guddiga xallinta Khilaafaadka appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhaba, halkaas oo uu kaga qayb-geli doono Munaasabadda sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shalay gaaray magaalada Baydhaba, isagoo ka qayb-galay Munaasabadda sannad-guuradii saddexaad ee markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen. Mas’uuliyiin kale oo ka qayb-galaya Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay maanta gaaraan Baydhaba. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Siciid Deni oo maanta ku wajahan magaalada Baydhaba appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka soo baxay ee sheegaya inay wada-hadal la fureen madaxweyaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Siyaasi Cabdiraxmaa Cabdishakuur ayaa been abuur ku tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay wada-hadallo kala fureen Farmaajo muddo kororsi iyo dhismaha dowlad wadaag ah. “Waa dacaayad, warkaas wax ka jiro malaham, ciddii wax ka doontaa madaxwayne xilkiisu dhamaadey waa iyadda oo booli doonatay,” ayuu yiri xilli uu wareysi siiyey Telefishinka Universal. Warsame oo rumeysan in shacabka Muqdisho ay ugu dul qaateen maamulka Farmaajo inuu sii joogo isagoo muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba aqbali doonin doorasho boob ah. “Dulqaadkeena iyo dulqaadka dadka caasimada waxaa kamid ah in madaxweyne aan sharciyad haysan uu wali canshuurtii qaadanayo, ciidankii xukumaayo oo uu iska fadhiyo; waana ayaan darro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdshakuur. Hadalka kasoo baxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu wado qorsho lagu heshiisiinayo madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale beeniyey in Midowga Musharaxiinta uu haatan ku kala qeybsamay qadiyadda la xiriirta boobka doorashooyinka ayaa soo bandhigay laba qodob oo la dhaqan-geliyo aysan sii jiri doonin musharaxiinta. Labadda qodob ayuu ku kala sheegay; in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo in doorashadda noqoto mid daahfuran oo la tartami karo. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Mucaaradka oo ka hadlay wada-hadallo la sheegay inay la fureen FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
  18. Somalia is a blessed and beautiful country that has all the potential of becoming a peaceful, democratic, and prosperous one. Unfortunately, despite two decades of international and national efforts to build a democratic state necessary to achieve those potentials, Somalia remains the most dangerous and corrupt country in the world. The main cause behind this grim situation is bad governance. It’s particularly sad to underscore that in the past five years, Somalia went downhill under the diarchy rule (Rule by Two People) of Mohamed Abdullah Farmajo and Fahad Yassin, who are disciples of author Robert Greene and Amir Abu-Zubeyr, abetted by bigots and Qatar. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ka saaray 7-xubnood oo guddoomiyihii uu ku jiro, ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale uu bixiyey amar ah in laga saaro Hotelkii ay dejisay dowladdu. Hotelkaas oo lagu magacaabo Shabeel oo xarun u ahaa guddiga waxaa la sheegay inuu tegay wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur oo ciidamo wata, isagoo xubnihii laga saaray guddiga u qabtay saacado kooban inay uga guraan Hotelka. Amarka ah in xubnahaas laga saaro Hotelka waxaa la sheegay inuu bixiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, oo isagu gaaray go’aankii guddiga xalinta khilaafaadka looga saaray todobadaas xubnood. Xubnaha laga saaray guddiga ayaa qodob ka mid ah war-saxaafadeed ay ku diideen inay aqbalaan go’aankaas waxay ku cambaareeyeen hanaankii uu ula dhaqmay wasiirka Cabdullahi Maxamed Nuur, oo sida ay sheegeen u geystay handadaad, una qabtay laba saac inay uga guuraan hoteelka. “Guddigu waxuu si gaar ah uga xunyahay una cambaareynayaa hanaankii argagaxa lahaa ee wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur uu ula dhaqmay xubnaha guddiga, kadib markii uu xarunta guddiga lasoo galay ciidamo hubeysan, isagoo xayiraad, handadaad iyo cagojugleyn u geystay xubnaha guddiga, kuna amray inay hal saac gudihiis uga guuraan xarumahooda, hadii kale ay muteysan doonaan ciqaab xarig ah, taas oo xadgudub ku ah xasaanada xubnaha guddiga, sharaf dhacna ku ah XFS,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xubnaha laga eryey guddiga. 7-da xubnood ee shaqada laga eryey waxaa kamid ah guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo shalay shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay gudashada shadooda kala kulmayaan culeysyo siyaasadeed, isagoo golaha wadatashiga qaranka iyo midowga musharaxiinta si isku mid ah uga dalbaday in lagu kalsoonaado qaabka ay u gudanayaan howshooda, isagoo ku dooday inay heystaan madax-banaani buuxda oo garab gaar ah aysan daacad u aheyn. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xubnihii laga eryey guddiga xalinta khilaafaadka oo amar deg deg ah lagu soo rogay appeared first on Caasimada Online.
  20. Afar kursi oo kamid ah xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in doorashadoodu ka dhacdo magaalada Muqdisho. Dhammaan kuraastan oo ay ku fadhiyaan xildhibaanno laga soo doorto Gobollada Waqooyi ee Somaliland weli lama shaacin cidda ku tartamaysa. Kursiga kowaad waxa hadda ku fadhida xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aaden halka kursiga labaad uu ku fadhiyo xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale. Kursiga saddexaad waxa isna hadda ku fadhiya Xil. Jaamac Maxamed Askar halka kursiga afraadna uu fadhiyo Axmed Maxamuud Maxamed. PUNTLAND POST The post Doorasho aan weli la shaacin cidda ku tartamaysa oo maanta ka dhacaysa Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Amir HH Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani met at the Amiri Diwan with President of the Republic of Djibouti HE Ismail Omar Guelleh. Source: Hiiraan Online
  22. Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay Larry Edward Andre, Jr. in uu noqdo Safiirka Mareykanka ee waddanka Soomaaliya. Safiirka cusub ayaa baddali doona danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018. Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay. André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January, 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania. PUNTLAND POST The post Senetka oo ansixiyay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  23. David Bowie was beloved by millions of people around the world for his music as well as his character. The British music icon was married to supermodel Iman for over two decades. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ah musharaxiinta kursiga loo boobay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey ayaa talo iyo tusaalooyin culus u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, isagoo yiri, “Siyaasi la hadlaya siyaasi kale maanta maahi, waan kula dardaarmayaa walaalkeeyow.” Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ugu horeyn Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeeyey inuu beeshiisa Waceysle ku qaaday dagaal ‘karaamo dirir ah’ isagoo waxgaradka beesha Qoor Qoor ka codsaday inay arrinta soo faro-geliyaan oo aysan indhaha ka fiirsan sida uu wiilkoodu ula dhaqmayo beesha Waceysle. “Qoor Qoor waxaad fursad u heshay inaad Galmudug xukunto, qaar ka mid ah beelaha Galmudug waxay maanta dareemayaan inaad go’aansatay inaad kuraastooda xoogto, Madaxweyne waxaad maanta heysataa jaanis aad isku saxdo, dad dhan ayaad dareensiisay in aysan muhiim u aheyn maamulkaaga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare. Sidoo kale Jeneraal Tuuryare ayaa Madaxweyne Qoor Qoor kula taliyey in hadii uu la dagaashan yahay siyaasi ka dhashay beesha Waceysle uusan ku takri falin xuquuqda beesha ee dagaalku uu ku ekaado shakhsiga ay is hayaan. “Qoor Qoor inaad masiirka bulsho dhan fududeysato oo aad deg deg go’aan uga gaarto oo dhaxal weyn reebi kara, oo wadajirka Galmudug iyo mustaqbalkaaga siyaasadeed cawaaqib xumo ku reebi kara, Madaxweyne waan kaaga digayaa arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Tuuryare ayaa sheegay in kalsooni darro wayn ay gashay dadka reer Galmudug ee Qoor Qoor uu xukumo, “Dadka reer Galmudug waxaa galay shaki ah in mas’uuliyadda aad heyso aad u qalanto iyo in aadan u qalmin, waxaad maanta heysataa fursad ee kalsoonidaas soo celi,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in Qoor Qoor uu beesha Wacaysle oo dhan uu ka doortay qof shakhsi ah oo kursi uu u boobay, sida uu hadalka u dhigay, “Carada iyo dhiilada ay beeshu ka qaadeyso tallaabadaa qaaday bal dib u fiiri, bal qiimey qofkaas waxa uu kuu tarayo iyo xumaanta beeshaas dhan kaaga soo hoyatay Madaxweyne,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Tuuryare. Jeneraalka ayaa cida uu ka dhashay Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu ka codsaday inay gacanta qabtaan, maadaama ay gaareyso ceebta uga soo hoyata wixii uu geysto. “Dadku waa walaalo, Galmudug ayaa la isla leeyahay, madaxweynihii hadii uu ku cayaarayo qaar ka mid ah dadkii Galmudug, hadii garashada iyo mas’uuliyadiisu ay naga qaban weyso, hala helo ehel naga qabta, beeshaan cid masiirkeeda dhici karta ma jirto,” ayuu Cabdiraxmaan. Jeneraal Tuuryare ayaa sidoo kale sheegay in waxa ay u dagaalamayaan hadii ay yihiin beesha Waceysle aysan aheyn kursi laga boobay oo kaliya, balse ay iska difaacayaan karamo dirro uu sheegay inuu kula kacay Madaxweyne Axmed Qoor Qoor. Ugu dambeyntii Jeneraal Tuuryare ayaa golaha wadatashiga qaranka ka codsaday inay ka qabtaan Qoor Qoor, maadaama maalmaha soo socda ay ka shiriyaan sidii loo sixi lahaa qaladaadka ka dhacay doorashada dalka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Axmed Qoor Qoor wuxuu beesha Waceysle ‘ku qaaday dagaal karaamo dirir ah’ appeared first on Caasimada Online.
  25. Muslimiin ka cadhooday Dal shaaciyey inaan gabadh ka yar 21 sano la guursan karin Dhowr hoggaamiye, oo uu ku jiro xildhibaanka xisbiga AIMIM Asaduddin Owaisi, ayaa ka soo horjeestay ansixinta uu baarlamaanka dalkaas ansixiyay in da’da sharciga ah ee gabdhaha la guursanayo oo ahayd 18 la kordhiyo lagana dhigo 21. Mid ka mid ah xildhibaannada dalkaas oo lagu magacaabo Owaisi ayaa bartiisa Twitter-ka qoraal uu soo dhigay ku yiri ‘ragga iyo haweenka 18 jirka ah way sameysan karaan ganacsi, way saxiixi karaan heshiis, way dooran karaan raysal wasaare balse ma guursan karaan’. Dhanka kale, Golaha Muslimiinta Hindiya (IUML) ayaa ka soo horjeestay sharcigan oo uu shalay ansixiyay baarlamaanka, kaas oo da’da gabdhaha la guursan karo oo ahayd 18 laga dhigo 21. Hoggaamiyaha IUML Abdul Wahab ayaa yiri, “Hindisaha da’da gabdhaha la guursna karo oo ahayd 18 looga dhigayo 21, oo uu baarlamaanku ansixiyay, ayaa sidoo kale looga gol leeyahay faragelinta sharciga Muslimiinta.” Ururro badan oo Muslimiin ah oo ka dhisan gobolka Kerala ee dalka Hindiya ayaa sidoo kale arrintaas ka hor yimid. Sidoo kale kooxo badan oo aan Muslimiin ahay ayaa arrintan ka soo horjeestay. Xisbiga Kongareeska Hindiya ayaan weli ka hadlin arrintan, balse afhayeenkooda Shakti Singh Gohil ayaa ku tilmaamay ‘dabin ay soo maleegtay dowladda Modi’. Si ay isaga weeciso dalabaadka mucaaradka. Hoggaamiyaha xisbiga CPM Brinda Karat ayaa isaguna sheegay in hindisaha dowladdu taageerayo horumarka haweenka balse sidoo kalena uu meel uga dhacayo dookha shakhsiga ah ee dadka qaan gaarka ah. Wuxuu ku taliyay in dowladda Modi ay u deyso da’da laga doonayo inay noqdaan dadka guursanaya ee ragga iyo haweenkaba ah oo ahayd 18 sano. Modi govt has decided to increase the age of marriage for women to 21. This is typical paternalism that we have come to expect from the govt. 18 year old men & women can sign contracts, start businesses, choose Prime Ministers & elect MPs & MLAs but not marry? 1/n — Asaduddin Owaisi (@asadowaisi) December 17, 2021 Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay ku qasban tahay inay diiradda saarto waxbarashada gabdhaha ayna hubiso inay cunno nafaqo leh helaan haweenka, ee aysan arrinta u weecin waxyaabo kale. Maxay dowladdu go’aankan u qaadatay? Wasaaradda haweenka iyo horumarinta carruurta ee Hindiya ayaa guddi u saartay inay soo qiimeeyaan da’da guurka iyo saameynta caafimaad iyo bulsho ee ay ku leedahay dadka. Dadka qaar ayaa dowladda raysal wasaare Modi ku eedeynaya inay go’aankan u qaadaneyso sababo la xiirira xakameynta bulshada, balse taas beddelkeed ayay dowladdu ku doodeysaa in la doonayo horumarinta haweenka iyo sinnaanta jinsiga. Guddiga ayaa sidoo kale ku taliyay in la horumariyo waxbarashada iyo nolosha dadka. Si kastaba, khubarro badan ayaa go’aankan ka soo horjeestay iyagoo sheegay in kaddib markii la soo saaray shuruucda ka dhanka ah guurka carruurta, uu weli sii socdo guurka carruurta, inkastoo uu hoos u dhacay sanadihii dambe. Sida laga soo xigtay tirakoob ay dowladdu sameysay, halkii uu guurka carruurta Hindiya 27% ka ahaa sanadihii 2015-16, wuxuu hoos ugu dhacaya 23% sanadihii 2019-20. Sida uu daabacay wargeyska The Indian Express, da’da ugu yar ee guurka ayaa 18 laga dhigay sanadkii 1978 balse haddana gabdhaha da’da yar ee la guursanayo ayaa soo batay sanadkii 1990. Khubarrada ayaa sidoo kale ku doodaya in sharcigan uu sababayo in dembi uu noqdo guurka. Haatan dalka Hindiya, 23% gabdhaha la guursado waxay ka yar yihiin 18. Waxay khubarradu sheegeen in 70% guurka gabdhaha da’da yar ay sameeyeen qabaa’illo kooban, isla markaana haddii sharcigan la ansixiyo, aysan joojineyn ee ay si qarsoodi ah u sameyn doonaan. Qaran News