Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Masar ay dalka muddo saddex bilood ah gudahood, ayagoo qeyb ka noqanaya howlgalka AUSSOM. Dhanka kale wasiirku in hadda uu socdo wada-hadal farsamo oo looga wada-xaajoonayo goobihii la kala dejin lahaa ciidamada ka kala imaanaya dalalka Masar iyo Itoobiya, si ay uga wada qayb-galaan howlgalka AUSSOM. “Ciidamada Masar iyo Itoobiya ee ku biiraya AUSSOM, waxaa socda wada-hadal farsamo, saddex bilood gudahood ayay dalka ku imaan doonaan,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi. Dowladaha Masar iyo Itoobiya oo ay ka dhexayso xiisad xoogan oo ka dhalatay biya-xareenka ay Itoobiya sameysatay oo Qaahira ay u aragto mid yaraynaya biyaha webiga Niil, ayaa dowladda Soomaaliya labadooda heshiis kula gashay inay ka mid noqdaan howlgalka AUSSOM, lamana oga sida ciidamadoodu ay uga fogaan doonaan ku lugyeelashada hardan xurgufka ku salaysan khilaafka dalalkooda ka dhex aloosan . Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kaga hortegay dhaawaca Gen Fu’aad Xanaano iyo D\Le Jaamac Nuur oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo galabta diyaarad lagu keenay Boosaaso. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siciid Deni uu galabta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kaga hortegay dhaawaca Gen Fu’aad Xanaano iyo D\Le Jaamac Nuur oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo galabta diyaarad lagu keenay Boosaaso. “Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyey oo u kuurgalay xaaladda caafimaad ee saraakiishan geesiyaasha ah ee u dhaawacmay dalkooda iyo dadkooda, wuxuuna faray Guddiga taakuleynta Ciidanka in xaaladda caafimaad saraakiishan dhakhso looga hawlglo, si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhameystiran oo dalka iyo dibadda ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada Puntland. Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira Hawlgalada ciribtirka Argagixisada, ayaa guulo waaweyn ka gaaray hawlgalka buuralayda Calmiskaad, taasi oo siweyn ay usoo dhoweeyeen dadka reer Puntland oo isku duuban Dowlad iyo Shacaba. Waxaana inta badan Ciidanku la wareegay meelaha ay talisyada waaweyn ka sameysatay Argagixisada Daacish oo hadda firxad ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Galab Garoonka Boosaaso kaga hortegay dhaawaca Taliye Fu’aad Xannaano iyo askari kale appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa maanta si buuxda ula wareegay degaanka Turmasaale oo difaac adag u ahayd mileeshiyaadka Daacish, sida uu shaaciyay Hawlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ee Puntland. Af-hayeenka Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland S/Guuto Maxamuud Maxamed Axmed ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Kooxaha Daacish si buuxda looga saaray degaanka Turmasaale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo u ahayd difaac adag. S/Guuto Maxamuud Maxamed Axmed ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan 13 xubnood Argagixisads Daacish looga dilay dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Turmasaale, waxaana uu intaasi raaciyay in uu weli socdo Hawlgalkii Saaka ka bilowday aaggaasi, balse faahfaahin kama bixin khasaaraha dhinaca ciidamada difaaca Puntland. “Dagaalkii maanta Argagixisada 13-baan uga dilnay anaga dhankeena laba sarkaal baa midna ku shahiiday midna dhaawac fudud yahay, haddii boqol naga dhimato iyo haddii kun dhintaanba anagu dalkayaga oo lagu soo duulay baan xoraysanayna taas hala ogaado” ayuu yiri Af-hayeenka Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Ciidamada Daraawiishta Puntland S/Guuto Maxamuud Maxamed Axmed. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Argagixisada Daacish ka saaray degaanka Turmasaale ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaciyay in ciidamada Masar ay saddex bilood gudahood ku imaanayaan Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan uu socdo wada-hadal farsamo oo looga hadlayo sidii loo saldhigi lahaa ciidamada ka imaanaya Masar iyo Itoobiya, si ay qayb uga noqdaan AUSSOM. “Ciidamada Masar iyo Itoobiya ee ku biiraya AUSSOM waxaa socda wada-hadal farsamo, saddex bilood gudahood ayay dalka ku imaan doonaan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Itoobiya meel iska dhigtay heshiiskii xad-gudubka ahaa kadib wada-hadalkii labada dhinac ee Ankara ku dhex-maray, sidaas darteedna aysan jirin sabab loogu diido kamid noqoshada howlgalka cusub. “Xafiiska nabadda iyo ammaanka ayay codsi u gudbisteen, wixii farsamo hadda farsamadeeda way socotaa, Itoobiya sidii hore ciidamo ah meesha ma joogaan, shardigii dowladda ay ku xireysayna ma jiro oo xiligii loo qabtay kahor ayay ka laabteen.” Dowladda Masar ayaa muddooyinkii dambe si weyn u daneynaysay kamid noqoshada howl-galka cusub, xilli ay Itoobiya ku sigatay in laga reebo howl-galka, wallow ay markiiba dambe isfaham la gaartay dowladda federaalka Soomaaliya. Si kastaba, howl-galka AUSSOM oo haatan dalka ka bilowday ayaa lagu qiimeyn doonnaa waxyaabaha uu kusoo kordhiyo Soomaaliya, maadaama dalal cusub lagu soo kordhiyay halka askarta howl-galkaan qeybta ka ah ay si toos ah ula howl-gali doonaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
  5. The President of the Republic of Somaliland, His Excellency Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro has expressed hope that the new president sworn in to lead the United States, Donald Trump, would work with Somaliland on issues that are of priority to the sovereignty of the nation. He also said that he expects the new US President to align the cooperation and interests shared by the Republic of Somaliland and the US government, which prioritize peace and the development of democracy. The Head of State said this in his congratulatory message to the new US President Donald Trump. On the other hand, he noted that he would strengthen the traditional relations between the two countries. He wished that his American counterpart would lead his country to prosperity during his term in office. Meanwhile, the United States is making efforts to have Washington open a diplomatic office in the capital of the Republic of Somaliland, Hargeisa. On the 15th of this month, the Senate and Congressional committees requested the US government to open a diplomatic office in Somaliland. Qaran News
  6. 𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃. Fadhigii 7-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Ajandaha Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa ka koobnaa arimo door ah oo mudnaan u leh dalka iyo dadka . Ugu horeyn Goluhu waxaa uu war bixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka kaas oo sheegay in xaaladda guud ee dalku ay tahay mid degan oo nabad ah. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-waramey xaaladda dhaqaale ee dalka, dardar galinta cashuur ururinta iyo kobcinta dakhliga dalka. Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu isaga oo ka hadlaya sida uu u fulay qorshaha midaynta dakhliga Qaranka wuxaa uu ku ammaanay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo soo wareejisay dakhliyadii kala duwanaa, isla markaana soo xaraysay dakhlihii ay qabatay laga soo bilaabo January 1st, 2025. Sidoo kale, waxa ay Wasaaradda Duulistu hirgalisay qaab u suurto-galinaya Wasaaradda Maaliyaddu inay la socoto xogta adeegyada dakhli qabasho ee madaarka, kana dhigaysa dakhliga madaarka mid banyaal ah (transparent). 𝐃𝐡𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞, 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐢𝐡𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐞𝐲 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚: 1. Shaqaalaha Ku meel gaadhka ah ee Wasaaraddaha iyo Ha’yaadaha Dawliga ah kuwaas oo Madaxweynahu xal u helistooda u saarey Guddi Wasiiro ah oo ka kooban Lix Wasiir. 2. Warbixin ku Saabsan Difaaca Dalka iyo Qorshayaasha Wasaaradda Gaashandhiga oo uu Golaha u soo jeediyey Wasiirka Gaashandhiga iyo Difaaca Qaranka JSL. 3. War bixin ku saabsan Xeerarka ka gudbay Xukuumadii hore iyo Mushaariic-da sharci ee horyaala Golaha Wakiillada waxa soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka. 4. Warbixinta Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo uu soo jeediyey Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadahu taas oo ku saabsan kormeerka Warshadaha dalka. 5. Warbixinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Safarro shaqo oo uu Wasiirku ugu baxay Gobalada dalka si uu ugu kuur galo baahiyaha adeega caafimaadka ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin cisbitaalada dalka. 6. Warbixinta ku saabsan Xaaladaha Waxbarasho ee dalka, baahiyaha aas aasiga ah ee jira, Siyaasadda Waxbarashada JSL iyo safaro uu ku tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska gobalada Saaxil iyo Togdheer. 𝐗𝐮𝐬𝐬𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ( 𝐃𝐚𝐲𝐫 ) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  7. AQOGHfZJMyPBavD7DEatAyCftoKWToiWAOJuSXc2aBBMS9IRx5qw5CVRWHKJQjPlaNxSbnzSb7aLYGfX_Z_3CQD8 Qaran News
  8. Oslo (Caasimada Online) – Maxkamad ku taal dalka Norway ayaa Jimcaha maanta ah xabsiga dhigtay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib markii lagu helay inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish (IS), kadib markii ay si qarsoodi ah ugu safreen dalka Suuriya iyagoo da’yar ah sannadkii 2013-kii. Labada gabdhood oo hadda kala jira 27 iyo 31 sano ayaa lagu helay dambiga ah inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish oo ah koox argagixiso oo liiska madow kaga jirta dalka Norway iyo waddamada reer galbeedka. Gabadha weyn ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, halka walaasheed ka yar lagu riday xukun laba sano ah oo mid kamid ah sannadahaas uu yahay mid la hakiyay. Xukunnadan ayaa waafaqsanaa codsigii xeer-ilaaliyeyaasha. “Maxkamaddu waxay go’aamisay in si shaki la’aan ah loo caddeeyay in labada eedaysane ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, si la mid ah intii ay awoodeen haweenka ee looga baahnaa, iyagoo ahaa xaasas iyo hooyooyin guri,” ayay go’aamisay maxkamadda degmada Oslo. Gabdhahan oo ah muwaadiniin Norwegian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa beeniyay dambiyada lagu soo oogay, iyagoo ku adkaystay in lagu qasbay inay ku biiraan kooxda, ayna ku sugnaadaan Suuriya. Waxay si qarsoodi ah uga baxsadeen Norway dabayaaqadii 2013-kii, iyagoo jira 16 iyo 19, si ay markii dambe ku sharraxeen email ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah nidaamka Bashaar al-Assad. Markii ay tageen Suuriya, waxay guursadeen dagaalyahannada Daacish. Gabadha ugu weyn ayaa markii dambe dhashay laba gabdhood, halka tan ugu yarna ay dhashay hal gabar. Maamulka Norway ayaa dib u soo celiyay labada gabdhood bishii Maarso 2023, iyagoo sabab uga dhigay daryeelka carruurtooda oo hooyooyinkood lala geeyay xabsiga Roj oo ay maamulaan Kurdiyiinta, kaasi oo loogu talagalay maxaabiista jihaad doonka ah ee ku yaalla waqooyi-bari Suuriya. Dalka Norway, aqoonsiga eedaysanayaasha inta badan lama shaaciyo illaa xukunku ka xaqiiqoobo iyadoon wax racfaan ah laga qaadan. Labada gabdhood oo racfaan ka qaadan kara xukunka ayaa ahaa dulucda buug ay qortay qoraaga reer Norway ee Asne Seierstad.
  9. Beledweyne (HOL) — Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) Director Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe has started high-level meetings in Buula Burte district, Hiiraan region, to expedite the second phase of military operations against the Al-Shabaab militant group. Source: Hiiraan Online
  10. Garowe (HOL) — A Puntland army officer, Fu’aad Xanano, was seriously injured in a landmine explosion on Friday in the Ali-Miskat Mountains of the Bari region. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Talaadadii sii daayey farriin iskugu jirtay walaac, digniin iyo baaq, xilli dhinaca kale guddiga halka garab ah ee doorashooyinka ay shaaciyeen inay bilaabayaan diiwaan-gelinya ururro cusub. Dastuurka Soomaaliya ayaa dhala doorashooyinka, dastuurka la boobay inuu dhali karo doorasho xalaal ah sooma saarayo caqliga caadiga ah. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu go’aansaday inuu sameysto doorasho u gaar ah oo isagu maamulanayo, taas oo dalka gelin karta kala tag iyo qalaalaso horleh. Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo dhismaha guddiga doorashada waxay dhamaan u baahan yihiin heshiis sharci ah iyo mid siyaasadeed, labadiina ma haystaan. Haddana, guddiga halka garab ee doorashadu waxay weli ku adkeysanayaan inay noqon karaan guddi dhab oo jira oo shaqo doorashana qaban kara. Farmaajo ayaa horey looga diiday guddi doorasho oo uu sameystay, haddana guddiga uu Xasan Sheekh sameystay uma badna inay heli karaan aqbalaad siyaasadeed iyo mid bulsho, waxayna ku dhamaan doonaan isla wadaddii uu ku dhamaaday guddigii Farmaajo sameystay ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimahan. Maqnaashaha Puntland iyo Jubbaland iyo in aan wax talo ah laga siinin wax ka beddelka dastuurka iyo geediga doorashada ayaa ku sawireysa sida ay laandheer uga sii dhacayaan midnimada dalka iyo wadajirka umadda. Farmaajo mar uu qodobkan ka hadlayay waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh tiisa gaarka ah ka doortay isku haynta dalka. Nuxurka farriinta Farmaajo waxay aheyd in marka hore dastuurka la isla ogolaado, dhinacyada maqan la doono, doorashaduna noqoto mid loo dhan yahay oo uusan hal qof laheyn. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ugama hadlin nuuc doorasho, laakiin wuxuu soo jeediyay in loo baahan yahay wadatashi qaran oo ay qeyb ka yihiin maamulada, baarlamaanka iyo madaxdii hore ee qaranka. Farrintiisu waxay u muuqatay mid waaqaca la socota, waxayna kabtay hadal uu dhawaan soo jeediyay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kaas oo sheegay in aan Muqdisho laga qaban karin doorasho hal dhinac ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaciisa weli laga soo warinayaa inuu aaminsan yahay in guddigiisa gaarka ah ee doorashadu ay keeni karaan xisaab fudud oo kusii haysan karo kursiga Villa Somalia, isagoo qiimaheeda oo gacan ka hadal hubeysan noqon kara hadda u diyaarsanaya hub iyo maleeshiyaad gaar ah
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lala beegsaday Taliye Fu’aad Xanaano oo kamid ah saraakiisha sare ee ciidanka difaaca maamulka Puntland. Taliye Fu’aad iyo ciidamo uu hoggaaminayey oo howl-galo ka waday buuraha Calmiskaad ayaa lala beegsaday qaraxan oo ahaa miino, sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amniga Puntland. Qaraxan oo haleelay Taliyaha iyo ciidamada uu hoggaaminayay xilli ay baacsanayeen maleeshiyaad ka tirsan Daacish oo ay ka qabsadeen saldhig ciidan ayaa wararka waxay sheegayaan inuu kasoo gaaray dhaawac culus. Taliye Fu’aad Xanaano iyo hal askari oo ka tirsan ciidankii la socday ayaa ku dhaawacmay, kadib markii miino la kacday taliyaha iyo ciidamadu hoggaaminayay ee howl-galka dagaal ka waday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyaha iyo ciidanka uu hoggaaminayay socdaal lug ah ku jireen markii uu qaraxa miino la kacay oo aysan wax gaadiid dagaal ah wadan, balse dowladdu weli war rasmi ah kama soo saarin sida ay wax u dhaceen. Dagaalka Puntand iyo Daacish ayaa sii xoogeysanaya, waxaana shalay ugu dambeysay ay kooxda ciidamada maamulkaasi ku weerartay diyaarad ay kasoo buuxisay walxaha qarxa, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal askari, halka ay ku dhaawacmeen illaa saddex kale.
  13. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii dib ugu calaameeyey dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen, oo si rasmi ah loogu yaqaanno Ansaarullaah, “urur argagixiso shisheeye”, sida uu sheegay Aqalka Cad. Tallaabadan ayaa horseedi doonta cunaqabatayn dhaqaale oo ka adag tii maamulka Biden uu saaray kooxda xulafada la ah Iiraan, taas oo jawaab u ah weerarada ay uga geystaan maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas iyo kuwa dagaalka Mareykanka ee ilaalinaya marin-biyoodka muhiimka ah. Dadka taageersan tallaabadan ayaa sheegaya inay ahayd mid lagama maarmaan ah, inkastoo khubaro qaarkood ay sheegayaan inay saameyn ku yeelan karto cid kasta oo loo arko inay caawinayso Xuutiyiinta, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka. “Hawlgallada Xuutiyiintu waxay halis gelinayaan amniga dadka rayidka ah iyo shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, badbaadada saaxiibadeena gobolka ee ugu dhow, iyo xasilloonida ganacsiga badda ee caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad. Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya inta badan Yemen, ayaa fuliyay in ka badan 100 weerar oo ka dhan ah maraakiibta maraya Badda Cas tan iyo bishii November 2023, iyagoo sheegaya inay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta dagaalka kula jira Israel. Waxay quusiyeen laba markab, waxay qabsadeen mid kale, waxayna dileen ugu yaraan afar badmaaxe. Weerarada ayaa carqaladeeyay maraakiibta caalamiga ah, taasoo ku qasabtay shirkadaha inay maraan waddo dheer oo qaali ah oo ku wareegsan koonfurta Afrika muddo ka badan hal sano. Kooxdu waxay bartilmaameedsatay koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo isku xira marin-biyoodka ciriiriga ah ee Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim ah oo u dhexeeya Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Xilligii maamulka Biden, militariga Mareykanka wuxuu isku dayey inuu ka hortago weerarada Xuutiyiinta si loo ilaaliyo isu socodka ganacsiga, waxayna qaadeen weeraro marmar ah si loo yareeyo awoodda militariga Xuutiyiinta. Laakiin ma aysan bartilmaameedsan hoggaanka kooxda. Bilowgii xilkiisa madaxtinimo ee 2021, Joe Biden wuxuu ka laabtay calaameyntii argagixisada ee Trump si wax looga qabto walaacyada dhanka bani’aadannimada ee ka jira Yemen. Kadib weerarada Badda Cas, Biden ayaa sannadkii hore wuxuu kooxda ku calaameeyey “Urur Argagixiso oo Caalami ah”. Laakiin maamulkiisa ayaa dib u dhigay inuu u adeegsado magacaabista FTO oo ah mid ka culus. Hay’adda samafalka ee British-ka ah ee Oxfam ayaa sheegtay in tallaabadani ay sii xumeyn doonto dhibaatada dadka rayidka ah ee Yemen, iyadoo carqaladeynaysa soo dejinta muhiimka ah ee cuntada, daawada, iyo shidaalka. “Maamulka Trump wuu ogyahay cawaaqibyadan laakiin wuxuu doortay inuu hore u socdo, si kastaba ha ahaatee, wuxuuna qaadi doonaa mas’uuliyadda gaajada iyo cudurrada ka dhalan doona,” ayuu yiri agaasimaha nabadda iyo amniga ee Oxfam America, Scott Paul. Maamulka Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu la shaqeyn doono saaxiibada gobolka si loo tirtiro awoodaha Xuutiyiinta, loogana xayuubiyo kheyraadka “sidaasna loogu joojiyo weerarada ay ku hayaan shaqaalaha iyo dadka rayidka ah ee Mareykanka, saaxiibada Mareykanka, iyo maraakiibta Badda Cas.” Calaameyntan ayaa sidoo kale horseedi doonta dib u eegis ballaaran oo lagu sameeyo la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay, ururada aan dawliga ahayn iyo qandaraaslayaasha ka howlgala Yemen, sida uu sheegay Aqalka Cad. “Madaxweynuhu wuxuu farayaa USAID inay xiriirka u jarto hay’adaha lacagaha siiya Xuutiyiinta, ama kuwa ka soo horjeestay dadaallada caalamiga ah ee lagu xakameynayo Xuutiyiinta iyagoo iska indha tiraya argagixisada iyo xadgudubyada Xuutiyiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka Aqalka Cad. Xuutiyiinta ayaa maalmihii u dambeeyay waxay tilmaameen inay yaraynayaan weerarada Badda Cas ka dib heshiis xabad joojin ah oo marxalado badan leh oo dhexmaray Israa’iil iyo Xamaas. Horraantii Arbacadii, kooxdu waxay sii daysay shaqaalihii markabka ganacsiga ee Galaxy Leader in ka badan hal sano ka dib markii ay qabsadeen markabkan sitay calanka Bahamas. Reuters
  14. Taliye Fu’aad Xannaano Wararka ka imaanaya buuraha Calmiskaad ayaa sheegaya in saaka halkaasi qarax miino lagula eegtay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo buurahaasi ka waday hawlgal ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Taliye Fu’aad Xannaano iyo ciidamo uu hoggaaminayay oo tan iyo subaxnimadii hore hawlgal ciidan ka waday buuraha Calmiskaad islamarkaana sii baacsanayay mileeshiyaad ka tirsan Daacish oo laga qabsaday saldhig ciidan. Taliye Fu’aad Xannaano iyo hal askari oo ka tirsan ciidankii la socday ayaa ku dhaawacmay kaddib markii miino la kacday Taliyaha iyo Ciidamadu hoggaaminayay ee hawlgal ka waday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyaha iyo ciidanka uu hoggaaminayay socdaal lug ah ku jireen markii uu qaraxa miino la kacay oo aysan wax gaadiid dagaal ah wadan balse dowladdu weli kama hadlin sida wax u dhaceen. PUNTLAND POST The post Taliye Fu’aad Xannaano oo ku dhaawacmay qarax ciidamada Puntland lagula beegsaday Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  15. Garsoore Maraykan ah ayaa si ku meel gaar ah u hor istaagay amarkii Donald Trump ee ahaa in uu beddelo sharciga dhalashada , kaas oo la qorsheeyay inuu dhaqan galo bisha Febraayo. Garsoore John Coughenour ayaa amarkan ku tilmaamay mid si cad uga soo horjeeda dastuurka dalka Mareykanka . Garsooraha ayaa amar ku bixiyay in si ku meel gaar ah loo joojiyo mid ka mid ah amarada fulinta ee Donald Trump kaas oo doonayay in loo diido dhalashada carruurta muhaajiriinta aan sharciga lahayn. “Tani waa amar aan gabi ahaan-ba aan dastuuri ahayn ,” ayaa yiri garsooraha. Waxay ka dhigan tahay in amarka fulintiisa la hakin doono 14 maalmood iyadoo la sugayo dacwado kale ee dhanka sharci ah. Dhanka kale afar gobol oo kala ah- Washington, Arizona, Illinois iyo Oregon – ayaa weydiistay maxkamadda degmada in ay xannibto amarka inta ay maxkamadda federaalku ay go’aan ka garayso dacwadaha ay ka dhanka amarka Trump ee ay gudbiyeen. Amaradii is-dabajooga ahaa ee uu mdaxwayne Trump soo saaray maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ahaa in sharciga dhalasahada wax laga badalo. Sharciga dhalashada oo ah mid ku qoran dastuurka ayaa dhigaya in caruurta ku dhalata gudaha Mareykanka ay si toos ah u noqdaan Amerikan. Trump ayaa ku amray hay’adaha Mareykanka inay diidaan inay aqoonsadaan dhalashada carruurta ku dhalatay Mareykanka haddii aysan hooyadood iyo aabahood midna ahayn muwaadin Mareykan ah ama sharci ahaan aysan haysandeganaanshaha joogtada ah. Madaxweyne Donold Trump ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka uu soo saaray gorsoorahaasi. “Waxaa iga daa-dagi la’a fahamka sida xubin ka tirsan golaha garsoorka uu si aan leex leexad lahayn u sheego in amarkan uu yahay mid aan dastuuri ahayn,” ayuu yiri qareenka waaxda cadaaladda ee Mareykanka ee difaacay amarka Trump. ” Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa shalay xaqiijisay in la joojiyay dhammaan safarradii qaxootiga ee Mareykanka, iyadoo la raacayo amarka fulinta ee madaxweyne Trump. “Dhammaan safarradii horey loo qorsheeyay ee qaxootiga ee Mareykanka waa la baajiyay, mana jiri doono ballan cusub oo socdaalka la xiriirta”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Tallaabadan ayaa saamayn ku yeelatay in kumanaan qaxooti ah oo rajaynayay in ay u guuraan Mareykanka ay ku xayirmaan meelo kala duwan oo caalamka ah. Dhanka akle Maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa faray dacwad oogayaasha inay baaritaan ku sameeyaan saraakiisha ka dhaga adayga dadaalka lagu xoojinayo ka hortagga socdaalka muhaajiriinta, ayadoo uu maamulku sii kordhinayo ugaarsiga uu Trump bilaabay isla maalintii uu xafiiska la wareegay. Qoraal ay aragtay wakaaladda Reuters, ayuu ku xigeenka xeerilaaliyaha guud ee ku-meel-gaarka ah, Emil Bove wuxuu u sheegay shaqaalaha waaxda cadaaladda iyo maamullada maxalliga in ay khasab ku tahay in ay iskaashi ka sameeyaan ugaarsiga, ayadoo dacwad oogayaasha federaalkana “ay baaritaan ku samayn doonaan wixii arrin ah ee ku lug yeesha si xun u dhaqmid, ayadoo sharciga lala tiigsan doono”. Waaxda cadaaladda waxay kaloo loollan kala hortagi doontaa shuruucda cakiraya dadaalladaas, sida uu Bove qoray. Si loo xoojiyo dadaalada ka hortaga muhaajiriinta sharci-darada ku soo galaya Mareykanka ayuu madaxwaynuhu amray in 1,500 oo askari la geeyo xadka koonfureed. Trump ayaa amar ku siinayay waaxaha Amniga Gudaha, Waaxda Caddaaladda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda inay qaadaan dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay dib ugu celiyaan ugana saaraan dhammaan “shisheeyaha sharci darrada ah” ee ka gudbaya xadka koonfureed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters. Qaran News
  16. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa darajada Laba Xidigle u dalacsiiyay Xusseen Maxamed Xassan oo ahaa sargaalkii dhowaan uu u gacan qaaday mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka . Sargaalkan ayaa 27-kii bishii November ee sanadkii tagey asagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee uu ka hayay xarunta Golaha Shacabka waxaa u gacan qaaday Xildhibaan lagu magacaabo Xasan faranbi, oo kamida ahaa mudaneyaal diidanaa ajandihii maalintaa goluhu ka doodayay. Laba Xidigle Xusseen Maxamed Xassan ayaa dalacsiintan ku mutaystay siduu isku xakameeyey xilligii Xildhibaanku u gacan qaaday, asagoo keliya xoogga saarayay gudashada waajibaadkii askarnimo ee saarnaa. Source: goobjoog.com
  17. War kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in 24-saac ee u danbeeyay Ciidamadu soo rideen ilaa lix drone oo ay kooxda Daacish isku dayday in ay adeegsato. “24-kii saac ee u danbeeyay Ciidanku waxay soo rideen ugu yaraan 6-drone oo Argagixisada Daacish isku dayday in ay isticmaalaan” ayaa lagu yiri War kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland. Ciidamada difaaca Puntland ayaa tan iyo bilowgii Hawlgalka Calmiskaad waxay soo rideen in ka badan 50 drones-ka yar yar ah oo mileeshiyaadka Daacish qaraxyo ku soo xireen si ay waxyeello ugu geystaan ciidamada ama isaga hakiyaan Hawlgalka socda. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo soo riday ilaa lix dronesa oo Daacish isku dayday in ay adeegsato appeared first on Puntland Post.
  18. Puma Energy, a global downstream energy business, hold talks about investment opportunities in Ethiopia’s energy and aviation sectors. The discussions on Thursday centered on advancing infrastructure development to meet the demands of Ethiopia’s rapidly growing aviation and energy industries. Both sides emphasized the importance of strategic partnerships in unlocking the potential of these key sectors to drive economic growth and regional competitiveness. EIH CEO Brook Taye said, “To support the aviation sector’s immense growth potential, we seek forward-thinking partners to help establish world-class infrastructure that meets rising demand and positions Ethiopia as a global hub for aviation, transport, and tourism.” Per the International Air Transport Association (IATA) estimates, Ethiopia’s aviation industry will also triple in size by 2040, with an average annual growth rate of 6% in passenger traffic. The projection is also promising for the tourism industry which, according to the Economic Commission for Africa, is poised to contribute over USD 5 billion annually to the nation’s GDP by 2030. To support this growth, Ethiopia recently announced plans to construct a new international airport with the capacity to accommodate 110 million passengers annually. Ben Ouattara, Chief Operating Officer and Interim Head of Africa at Puma Energy, highlighted Puma Energy’s long-standing partnership with Ethiopian Airlines. And, Ouattara said, “We are eager to explore further opportunities to invest in aviation infrastructure in Ethiopia.” The company is also keen on building on some of Puma Energy’s existing investments. “Expanding jet fuel storage capacity and leveraging our parent company Trafigura’s investments to improve security of supply and access through port infrastructure in neighboring Somaliland, for example, is critical to supporting the sector’s expansion,” said Ouattara. Since 2020, Trafigura has invested in upgrading the Berbera Oil Terminal facilities with the goal to integrate oil logistics across the Horn of Africa by improving and storage expanding capacity, facilitating the import of jet and other fuel products to meet local and regional demand whilst ensuring international health and safety standards. “Beyond aviation,” Ouattara said, “Puma Energy sees significant opportunities across Ethiopia’s energy market. “As part of our commitment to Africa’s second-most populous country, which is undergoing unprecedented economic reforms, we remain focused on investing in energy infrastructure that can power sustainable growth and development,” he added. This collaboration, according to EIH, “underscores Ethiopia’s commitment to leveraging strategic partnerships to unlock its full economic potential, creating opportunities for global investors to participate in the country’s transformation. Established as Ethiopian sovereign wealth fund in 2022, EIH also serves as the government’s strategic investment arm, seeking to attract foreign investment through a co-investment platform, among others. Ethiopian monitor Qaran News
  19. Waxa isi soo taraaya wararka sheegaaya in ciidamo gadoodsan oo ka soo hor jeeda maamulka hogaamiye Firdhiye ay ka dilaaceen deegaanka Laascaanood. Garabkani ciidanka ah ee ka soo hor jeeda maamulka Firdhiye ilaa hada ma cada ujeedka dhabta ah ee uu salka ku hayo khilaafkoodu oo in mudo ahba soo jiitamaayay. Magaaladda Laascaanood ayaan inta badan amnigeedu aanu aad i sugnayn iyada oo xiliyada habaynkii ah uu mararka qaarkood uu si buuxda amnigu uu faracaha uga baxo, waxana jira in todobaadkani ay dhowr qof ay naftooda ku waayeen is rasaasayn xagaasi ka dhacday. Qaran News
  20. Bosaso (HOL) – Nearly 140 dolphins were found along the shores between Bosaso and Mareero towns in Somalia’s Puntland region on Thursday. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) – Somali Council of Ministers approved the extension of the term for the National Disability Agency Board for an additional four years during its weekly meeting in Mogadishu on Thursday. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) – Six al-Shabaab militants, including key leaders, were wounded in a military operation carried out by the Somali National Army (SNA), supported by local forces, in central Somalia on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  23. Egypt’s President Abdel Fattah El Sisi said on Thursday Egypt will always remain a supporter of Somalia, asserting that they will work together to achieve further accomplishments and stressing that Somalia’s security and stability are an integral part of Egypt’s national security. Source: Hiiraan Online
  24. Manchester United captain Bruno Fernandes scored a last-gasp winner to secure a much needed 2-1 victory over Rangers in the Europa League group stage at Old Trafford. Source: Hiiraan Online
  25. The reported disappearance of more than 80 government critics over the last six months has caused a huge public backlash in Kenya. Source: Hiiraan Online