-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin loo heysto inuu xalay dilay Laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqaanay Xasan Quuri. Allaha u naxariistee Xasan Quuri ayaa ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Galmudug. Dilka sarkaalkan ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana howl-gal ay fuliyeen ciidamada amniga lagu soo qabtay ninkaan, waxaana hadda ku socda baaritaan, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha booliska Dhuusamareeb. Ninka loo soo qabtay dilka sarkaalka ayaa ah askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana laga dhursugayaa natiijada baaritaanka oo laamaha amniga sheegeen inay bulshada lasoo wadaagi doonaan. Dilkan ayaa xalay ka dhacay meel aanan sidaas uga fogeyn isbitaalka magaalada Dhuusamareeb, waxaana sarkaalkan lagu dhex dilay gaari uu watay oo lagu rasaaseeyay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiliga sarkaalkaan lagu dhex rasaaseynayay gaarigiisa ay la saarneyd haweeney, taas oo rasaasta ay kasoo gaartay dhaawac fudud. Dilka sarkaalka ayaa lasoo warinaya inuu la xiriiro arrimo jaceyl, islamarkaana dilkiisa uu geystay nin la sheegay inuu jeclaa gabadha la joogtay sarkaalka xiliga la dilayay, balse weli lama oga xaqiiqda, waxaana socda baaritaanka kiiska.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 24 saac ee u dambeeyay qaaday tallaabooyin dhowr ah, iyadoo wafdi sare u dirtay Itoobiya, halka ay geesta kale wada-hadallo ku saabsan galka Itoobiya la yeelatay dowladda Masar. Tallaabooyinkan oo dadka qaarkood ku macneeyeen is-diidooyinka siyaasadda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayadoo dowladda lagu dhaliilay inay ka shaqeynayso danta dalal kale. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo dhiggiisa Masar Badar Cabdilati kula kulmay Qaahira ayaa wuxuu warbixin ka siiyay Badar heshiiskii Ankara ee dhawaan dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya. Masar oo qeyb ka noqon doonta howl-galka ciidan ee ATMIS bedelaya ee Soomaaliya ka bilaabanaya 2025-ka ayaa si weyn ula dagaashan Itoobiya, waxayna gobolka Geeska Afrika si rasmi ah usoo jaleecday bilowgii sanadkaan, markaas oo Itoobiya ay daan-daansi ku bilowday Soomaaliya. Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintan? Saajid Axmed: “Masar oo la yaaban siyaasada Soomaaliya sababaha aan Masar u aadnay sow kama mid aheyn in Itoobiya inaga celiso hadane Itoobiyadii ayaa dowladeenu u ogalatay sii joogista dalka siyaasad la yaab leh oo aan jiho laheen bee dowladeenu wadaa!!.” Cabdiraxmaan Madoobe: “Laba wafti aya la kala diray mid Masar aday iyo mid cadawga Ethiopia aaday, waana laba dal oo cadow isku ah, yaa ku aaminaya marka waa isku dhex yaacaas cajaa’ib.” “Diblumaasiyadeenu waxa ay noqotay cadow loo madax salaaxaayo iyo saaxiibtinino igu soo haad ah,” ayuu yiri Nuur Cabdi Jimcaale. Cabdixakiin Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Masar, Turki, Kenya, Itoobiya, mid ba mar in lagu cararo dal laguma difaaci karo ee waddanka aan anaga difaacano ama aan Itoobiya iska siino. Hal milyan oo qof hadii ay ku dhintaan xitaa waan u qabnaa inta soo hartay iyo wixii dhalan doona ayaa si xoriyad leh ugu noolaan doona.” “Ethiopia iyo Masar see leeysu qabadsiin rabaane?,” ayuu yiri Faarax Xuseen Jimcaale. Mahad Xasan Cawaale: “Dalkasta danihiisu ilashadaa laakiin Soomaaliya danaha dalalka kala ayey ilaalisaa xukuumadda hada jirta waxaana kuu cadaynasa tan maanta taagan.” “Waad fashilanteen meel kasta sidan ugu dhac-dhaca ballan inta soo gashan uga baxa, hadda waa la idin yaqaana,” ayuu yiri Ciise Macalin Waddani. Cabdinuur Ciise: Dowladda Masar in ay Soomaaliya taageerto way rabtay laakiin mowqif la’aanta madaxda dalka ayay ku dabci wayday.” Kayse Jaamac Ducaale ayaa isna waxa uu yiri “Dowladan ma shacabka Soomaaliyeed ayey u shaqeysaa mise shisheeyahay ayey qancisaa.”
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa wada hadal wax ku ool ah khadka telefoonka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Thérèse Kayikwamba Wagner. Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo DRC, kor u qaadista iskaashiga dhinacyo kala duwan, iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan DRC. Gaar ahaan waxaa xooga la saaray sidii loo taageeri lahaa ganacsatada Soomaaliyeed, loo fududeyn lahaa danahooda, loona xaqiijin lahaa in baahidooda si hufan loo daboolo. Isku xidhkan wuxuu muujinayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirada iyo horumarinta dano wadaagga ah ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah. Source: goobjoog.com
-
Puntland State President Said Abdullahi Deni has authorised aid distribution mechanism to enable SSCK interim administration to distribute aid in its constituencies. Garowe (PP News Desk) — Puntland State government is preparing for the transfer of Chinese aid to Sool, Sanaag, Cayn and Khaatumo interim administration. The aid sent through the Somali Disaster Management Agency (SODMA) will arrive at Bosaso Port. The Puntland State government made contact with SSCK leadership about the potential transfer of aid to the beneficiaries. Puntland and SSCK have reached an understanding about an aid distribution mechanism to prevent the mismanagement of the aid. Last month’s food sent by the World Food Programme was looted in Buuhoodle after the Puntland government bypassed the SSCK administration to distribute food in Buuhoodle, where SSCK leader Abdulkadir Aw Cali was visiting. SSCK Leader Abdulkadir Aw Cali has made concessions on mandating registration requirements for donors sending aid to SSCK constituencies. SSCK leadership has climbed down from demands that aid agencies should register with the Laascaanood-based administration to be able to distribute aid. Such a policy has turned out to be a frantic attempt to mandate registration in an administration that is not officially a Federal Member State. Donors send aid through Federal Member States, not through sub-entities. SSCK is now an interim non-Federal Member State recognised by the Puntland State of Somalia on the basis of the 6 February Laascaanood Declaration of 2023. © Puntland Post, 2024 The post Puntland and SSCK Agree on the Distribution of Chinese Aid appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Federal Government of Somalia yesterday issued two conflicting press releases on relations with Ethiopia. One press release focused on the visit of Ali Omar, the State Minister for Foreign Affairs, to Ethiopia, whereas the second press release pertains to clashes in Doolow between Jubaland Forces and the Somali National Army. “Somalia has an unwavering commitment to deepening bilateral ties with Ethiopia,” reads a press statement from the Somali Foreign Ministry regarding the visit to Ethiopia. The statement was released shortly before reports emerged alleging that Somali Army contingents in Doolow attacked positions held by Jubaland Forces in the district. The two conflicting press releases issued by the Somali Foreign Ministry. Within hours, the Somali Foreign Ministry issued another press release accusing Ethiopian peacekeepers of launching an “unprovoked and unexpected attack” on positions held by the Somali National Army (SNA) in Doolow, located in Gedo. This incident comes just a week after the Federal Government of Somalia reversed its decision to exclude Ethiopian forces from peacekeeping operations in Somalia starting in 2025. While Ali Omar is visiting Addis Ababa, Somali Foreign Minister Ahmed Moallim Fiqi is in Cairo, where he announced that Egyptian troops would join the peacekeeping forces in Somalia in 2025. © Puntland Post, 2024 The post Somalia Government Issues Conflicting Press Releases on Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Hargeisa (HOL) — A senior police officer was shot and killed Monday night in Dhuusamareeb, the capital of Somalia’s Galmudug state, in what investigators describe as a crime of passion. Authorities have arrested a suspect believed to be responsible for the killing, which has sent shockwaves through the community. Source: Hiiraan Online
-
The 500 recruits applied through a transparent recruitment process following awareness sessions held in Garowe, Qardho and Boosaaso. Garowe (PP News Desk) — The Puntland Police Command has officially announced that the police force has recruited 500 young officers, all of whom are university graduates. “The 500 new recruits consist of both males and females and will undergo training to become police officers specialising in specific policing fields,” reads a press release by the Puntland Police Force. The 500 recruits applied through a transparent recruitment process following awareness sessions held in Garowe, Qardho and Boosaaso. Applications to join the Puntland Police Force remain open until 25 December 2024. The Commander of the Puntland Police Force, Brigadier General Muumin Abdi Shire, also inspected the recruitment committee tasked with ensuring that applicants benefit from the fair and transparent recruitment process designed to allow university graduates to join the Puntland Police Force. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Police Recruits 500 Officers appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigey nin loo haysto dilka sargaal ka tirsanaa ciidamada oo lagu toogtay magaalada dhuusamareeb. Hay’adaha ammaanka ayaa ninkan goordhaw ka soo qabtay duleedka Dhuusamareeb, waxaana eedaysanahan lala xariirinayaa dilka Labo Xidigle Xassan Quuri oo ahaa Sarkaal ka tirsan Booliiska Galmudug. Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta laamaha ammaanka, waxaana ku socda baaritaan ku aaddan falka loo haysto, iyo sababta ka dambeysa dilka sargaalka ee asaga lagu eedeeyay. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa sanadkii ugu dambeeyay isku dayaysay inay dhex dhexaadiso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay go’aankii Itoobiya ay heshiis dhinaca badda ah kula gashay Somaliland. Kadib labo wareeg oo wada hadal ah oo aan lagu guuleysan, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa horaantii bishan Ankara ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si ay wada hadallo toos ah u yeeshaan. Si kastaba ha ahaatee, madaxda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shaki ka qabay in Abiy uu ka soo qeybgeli doono iyo in kale inkasta oo uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Go’aankii Erdogan uu 2021-kii uga iibiyay Itoobiya diyaaradaha hubaysan ee aan duuliyaha lahayn ayaa ka caawiyey Abiy in uu iska caabiyo ciidamada Tigrayga iyo sugidda ammaanka caasimadda Itoobiya. 11-kii December, Abiy ayaa yimid Ankara. Toddobo saacadood oo wadahadalo adag ah ka dib, isaga iyo Xasan Sheekh waxay saxiixeen “Baaqkii Ankara” oo ah qoraal wadajir ah oo xaliyay khilaafkooda. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana la billaabay wada-hadallo ku saabsan sidii Itoobiya ay marin badeed uga heli lahayd Soomaaliya. Haddaba maxaa keenay in Abiy uu ka qeyb galo shir madaxeedkii Ankara? Laba qof oo arrintan la socda ayaa warbaahinta Middle East Eye u sheegay in Washington ay door muhiim ah ka cayaartay ku dhiirigelinta Abiy inuu ka qayb galo wada-hadallada. Sida ay dadkan sheegeen, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa si gaar ah teleefonka ugula hadlay Abiy, isaga oo ugu baaqay inuu ka soo qayb galo wada-hadallada Ankara. Wicitaankii ugu dambeeyay ee taleefoon ee shaacsanaa ee dhex maray Blinken iyo Abiy waxa uu dhacay bishii November, mana jiro diiwaan rasmi ah oo wada-hadal bishii December. Sarkaal Turkish ah ayaa qiray dadaallada reer galbeedka ee Abiy looga dhaadhiciyey inuu ku biiro wada-hadalka Ankara, balse wuu diiday inuu ka hadlo kaalinta Blinken ee la sheegay. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Washington aysan ka hadleynin wada-hadallada gaarka ah ee aan shaacsaneyn. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku wuxuu intaas ku daray: “Sida Xoghaye Blinken ku xusay qoraalkiisii December 12, waxaan soo dhawaynaynaa Baaqa Ankara, waxaana rajaynaynaa nabad iyo barwaaqo mustaqbalka dhexmarta Itoobiya iyo Soomaaliya.” Xafiiska Abiy Ahmed oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaan bixin wax jawaab ah. Dhinaca kale, sarkaal Turkish ah ayaa carabka ku adkeeyay in martiqaadka shaqsiga ah ee Erdogan ee wada-hadallada ay qeyb weyn ka qaadatay sidii Abiy loogu qancin lahaa inuu ka qeyb galo.
-
Hargeisa (HOL) — In Kenya's Dadaab refugee camps, where cultural norms rarely allow women to lead in sports, Janaay Isaaq Adan is breaking barriers as a boys' football coach. Over three years, the mother has transformed young lives, steering boys away from drugs and delinquency through discipline, teamwork, and a passion for the game. Source: Hiiraan Online
-
Taliye Xasan Quuri, oo ka mid ahaa saraakiisha firfircoon ee Booliska Soomaaliya, ayaa xalay lagu dilay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug. Dilka Taliyaha ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee isbitaalka weyn ee Dhuusamareeb, xilli uu ku dhex sugnaa gaarigiisa. Allaha u naxariistee, Taliye Xasan Quuri wuxuu ahaa shaqsi caan ka ahaa Galmudug, gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Wuxuu ka soo shaqeeyay waayihii Ahlu-Sunna, isagoo hormuud ka ahaa nabadgelyada iyo howlgallada amniga ee gobolka. Ninkaan ayaa sidoo kale soo noqday taliye ku xigeen Saldhig. Markii weerarka dhacay, gaariga uu ku sugnaa Taliyaha waxaa la saarnaa gabar dhaawac fudud uu ka soo gaaray gacanta. Gabadhan ayaa ayaa gaartay isbitaalka oo u dhowaa, iyadoo aan awoodin inay aqoonsato cidda falka geysatay maadaama ay habeen madow ahayd. Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa wadda baaritaano ballaaran oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysay dilkan qorsheysan. Waxaa la soo xiray dad lagu tuhmayo inay lug ku leeyihiin falka, waxaana la filayaa in baaritaannada socda ay horseedaan in gacanta lagu soo dhigo qofkii ka dambeeyay weerarka lagu dilay sarkaalkan muhiimka ahaa. Source: goobjoog.com
-
Madaxdhaqmeedka Beesha Absame ee Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ayaa gaadhay magaaladda laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxaan halkasi kusoo dhaweeyey Madaxda dhaqanka Iyo Garaadada sool ee Sool clan. Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiilwaal, ayaa hogaaminaya weftigan waxaana la sheegay inay Casuumad ka heleen Garaadada Gobolka Sool. Qaran News
-
Dowladda Soomaaliya oo xalay bayaan soo saartay ayaa shaacisay in ay heshiis iskaashi oo gaarsiisan heer istiraatiijiyeed la gashay dowladda Masar. Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayay ku sheegtay in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar ku heshiiyeen in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer istiraatiiji. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan magaalada Qaahira islamarkaana kulan la qaatay wasiirka Arrimaha dibadda Masar Badr Abdel Aty ayaa heshiiskani istiraatiijiyeed ku matalay dowladda. “Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiiji” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. “Labada dhinac ayaa sidoo kale isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha iyada oo loo marayo Madasha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025” ayuu sii raaciyay bayaanka. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli wefdi ka socda dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya si ay u dhammaystiraan heshiis istiraatiijiyeed oo dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo Masar la gashay heshiis cusub oo gaarsiisan heer istiraatiijiyeed appeared first on Puntland Post.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu shalay ka jeediyay aqalka Knesset-ka ku sheegay in horumar laga gaaray wadahadallada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto Gaza. Netanyahu aya shegay in aaney shaqada joojin doonin ilaa inta dadkaasi dib loogu soo celinaayo guryohooda . Netanyahu ayaa sidoo kale Isniintii sheegay in uu doonayo in uu heshiisyo nabadeed oo cusub la saxiixdo dalalka Carabta, mid la mid ah heshiiskii Abraham ee 2020-kii ee uu Maraykanku gar wadeenka ka ahaa ee Israel iyo dhowr dal oo Carab ah Netanyahu waxa uu sheegay in dalalka Carabta ee qunyar socodka ah ay u arkaan Israa’iil inay tahay quwad goboleed iyo xulafo macquul ah uuna doonayo in uu si buuxda uga fayiideysto Dagaalyahannada Hamas ayaa weerarkoodii Oktoobar 2023-kii ee koonfurta Israa’iil ku dilay 1,200 oo qof iyagoo qafaashay ilaa 250 kale, sida ay sheegtay Isra’il. Ilaa iyo hadda waxaa Gaza ku sugan ku dhawaad 100 la haystayaal ah, inkastoo ugu yaraan saddex-meelood meel la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymaha Isra’il ay ku heyso Gaza. Weerarkii rogal celiska ahaa ee ay Israa’iil ku qaaday Gaza, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 45,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
-
Abdullahi Aden, Director of the Blue Economy at the Ministry said that they have established a strategy to benefit from the blue economy so that the country becomes self-sufficient in the future. Source: Hiiraan Online
-
Somalia accused Ethiopian forces of a deadly attack on its troops in a border region on Monday, just days after the two countries signed an accord aimed at resolving months of tension. Source: Hiiraan Online
-
The Ambassador of Italy in Mogadishu, Pier Mario Daccò Coppi, was received by the President of Somalia, Hassan Scheik Mohamud, on the occasion of the closure of the second session of the 'Training and Advisory Programme for the Federal Government of Somalia on UN Security Council Membership', an intensive training course financed by the Italian Ministry of Foreign Affairs and organised by Unitar and the Med-Or Foundation. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in horumar laga gaaray wadahadallada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo La-haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto marinka Gaza. Netanyahu aya shegay in aaney shaqada joojin doonin ilaa inta dadkaasi dib loogu soo celinaayo guryohooda. Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in uu doonayo in uu heshiisyo nabadeed oo cusub la saxiixdo dalalka Carabta, mid la mid ah heshiiskii Abraham ee 2020-kii ee uu Maraykanku gar wadeenka ka ahaa ee Israel iyo dhowr dal oo Carab ah. Netanyahu waxa uu sheegay in dalalka Carabta ee qunyar socodka ah ay u arkaan Israa’iil inay tahay quwad goboleed iyo xulafo macquul ah uuna doonayo in uu si buuxda uga fayiideysto. Ilaa iyo hadda waxaa Gaza ku sugan ku dhawaad 100 la haystayaal ah, inkastoo ugu yaraan saddex-meelood meel la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymaha Israa’il ay ku heyso Gaza. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo raja ka muujiyay sii deynta La-haystayaasha Israa’iil ee Gaza ku xiran appeared first on Puntland Post.
-
JOHANNESBURG, South Africa (HOL) — Authorities in Durban, South Africa, launched a major operation in the neighbourhood known as “Little Somalia” on Monday, targeting unlicensed businesses and alleged by-law violations. According to local officials, the raid uncovered expired groceries, unmarked food products, and unauthorized meat. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — The scene is set for a tantalizing encounter as Somalia, the reigning champions of the CECAFA U-17 tournament, prepares to face hosts Uganda in the semi-final of the TotalEnergies CAF U-17 Africa Cup of Nations (AFCON) qualifiers. Scheduled for Tuesday at the Nakivubo Hamz Stadium, this match offers far more than a route to the 2025 AFCON in Morocco; it is a contest imbued with history, pride, and immense stakes. Source: Hiiraan Online