Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ambassadors from Romania, Somalia, Nepal, Japan, and Bangladesh presented their diplomatic credentials to President Asif Ali Zardari during a ceremony held at Aiwan-e-Sadr today. Source: Hiiraan Online
  2. Ethiopia is dismayed by the statement of the Ministry of Foreign Affairs of the Federal Government of Somalia, which makes allegations against the Ethiopian forces for the incident in the town of Doolow, Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. Ambassador Mesganu Arga, Ethiopia’s State Minister for Foreign Affairs, stated that Ethiopia is “committed to fully implement” the Ankara Agreement following discussions with a Somali delegation led by Ali Omar, Somalia’s Minister of State for Foreign Affairs and International Cooperation. Source: Hiiraan Online
  4. The US refugee programme, long a pillar of American foreign policy, has experienced dramatic ups and downs in recent years. Source: Hiiraan Online
  5. Egyptian Foreign Minister Badr Abdelatty (R) with Somali counterpart, Ahmed Moallim Fiqi (L) during a press conference in Cairo on 23 December 2024 Egyptian Foreign Minister Badr Abdelatty stated on Monday that the Red Sea should only be accessible to nations bordering it and that no other parties should be permitted entry. The statement was made during a press conference in Cairo alongside his Somali counterpart, Ahmed Moallim Fiqi. During the press conference with Fiqi, Abdelatty also reaffirmed Egypt’s commitment to respecting Somalia’s sovereignty and territorial integrity. He stated that discussions included Egypt’s support for extending the Somali government’s authority and sovereignty over all of its national territory. Additionally, he stressed Egypt’s rejection of any unilateral actions or impositions that could compromise Somalia’s unity, safety and sovereignty. Strengthening Bilateral Ties Abdelatty noted that the Somali Foreign Minister’s visit to Egypt highlighted the historical connections between the two countries and their people. He added that both President Abdel Fattah Al-Sisi and Somali President Hassan Sheikh Mohamud have directed efforts to enhance the relationship between the two nations across various sectors. Fiqi, speaking at the same press conference, acknowledged that Egypt plays a significant role in the ongoing process of building the Somali state. Fiqi also expressed gratitude to Egypt for its recent support, which he said was crucial in safeguarding Somalia’s sovereignty and territorial integrity. “We exchanged views regarding unprecedented regional challenges,” Fiqi said. Fiqi also stressed that Egypt’s position was instrumental in the signing of the Ankara Declaration, which aims to guarantee Somalia’s unity and sovereignty. He further emphasized Somalia’s commitment to all previous agreements signed with Egypt. Bilateral Discussions Minister Fiqi stated that Monday’s bilateral talks were extensive, involving both delegations. Discussions covered the bilateral relationship and opportunities for its advancement in political, trade, economic, military, security, and educational sectors. The ministers also addressed the situation in the Horn of Africa and various issues of mutual interest within the African continent and the Arab world. Fiqi also noted that both sides had agreed to work towards elevating their relationship to a strategic partnership, befitting the historic ties between the two countries. This partnership will include political consultations via reciprocal visits between the leadership of both nations and between the foreign ministers and senior officials. Egyptian-Somali Economic Forum Abdelatty announced that he and Fiqi had agreed to hold an Egyptian-Somali Economic Forum in Cairo during the second half of January 2025. He stated this would play a crucial part in developing economic and trade relations between the two countries. “We also agreed to establish a platform for interaction and dialogue between the Egyptian and Somali private sectors to further stimulate these relations,” Abdelatty said. This is intended to ensure that these connections are not limited to governmental interactions but include private-sector participation from companies in both Egypt and Somalia. The Egyptian Foreign Minister also confirmed that both sides had agreed to elevate their relationship to the level of a strategic partnership, especially in the fields of education and culture. He added that the Egyptian President has directed the increase of scholarships offered to Somali students by both Al-Azhar University and the Ministry of Higher Education. This will be expedited as part of the cooperation within the strategic partnership between the two countries. Strategic Partnership and Regional Security Abdelatty and Fiqi held bilateral talks in Cairo on Monday. The meeting reviewed their overall bilateral relationship and addressed key regional and international issues of mutual interest. The two ministers agreed on the importance of elevating the relationship to a strategic partnership, which will involve consecutive discussion sessions focused on specific strategic areas. These areas include the political, economic, trade, security, military, cultural, educational and capacity-building sectors. Abdelatty affirmed Egypt’s support for Somalia’s sovereignty, unity, independence, and territorial integrity within the framework of international law. He further highlighted the Ankara Declaration issued on December 11, which affirmed these principles to strengthen Somalia’s stability, unity, and security. Both sides stressed the importance of expediting the formation of the new African Union Mission for Support and Stability in Somalia (AUSSOM). They urged the African Union’s partners to provide the necessary and sustainable funding for the new mission, given the unrest in the Horn of Africa and the Red Sea’s effect on international trade and navigation. This is also to support the efforts of the Somali National Army in combating terrorism and protecting the nation’s resources. Fiqi reiterated Somalia’s aspirations for effective Egyptian participation in the new mission, citing Egypt’s advanced military capabilities, its expertise in combating terrorism, and its experience in supporting the development of state institutions. He also highlighted existing bilateral military cooperation under a protocol signed in August 2024. The two sides also reviewed the progress of bilateral cooperation in areas including diplomatic, military, and health training, as well as supporting Somalia’s capacity in legislative matters. They also emphasized the importance of enhancing trade relations between the two countries and working towards the success of the Egyptian-Somali Business Forum planned for Cairo. Source: Daily News Egypt The post Egypt reaffirms Red Sea access for bordering nations only, pledges support for Somali sovereignty appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana ujeedka socdaalkooda lagu sheegay xal u raadinta khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo taagan muddo bilooyin ah. Caasimada Online ayaa ilo xog ogaal ah ka heshay xogta rasmiga ah ee socdaalka wafdigaas oo ergo ka ahaa Axmed Madoobe oo xaalad caafimaad ku wajahaya magaalada Kismaayo. Xubnaha yimid Muqdisho oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka codsaday dowladda federaalka in Axmed Madoobe loo ogolaado safar caafimaad oo dalka dibadiisa ah. Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday dalabkaas, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyada noo waramay, dowladda ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogtay Jubbaland. Diyaaradii Kismaayo ka qaada Axmed Madoobe waxay ku qasban tahay inay ka soo degto Muqdisho, waana sababta kaliftay in Axmed Madoobe uu ergo u soo dirsado dowladda federaalka, si loogu ogolaado diyaarad u qaada safar caafimaad oo dibadda ah. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba joojisay diyaaradihii qaadi jiray rakaabka caadiga ah ee tegi jiray Kismaayo, Doolow iyo magaalooyinka kale ee nidaamka Axmed Madoobe uu ka jiro. Go’aankaas ayaa la sheegay inuu ka dhashay afduub shalay Kismaayo loogu geystay diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines, taas oo lagu qasbay in ciidan iyo masuuliyiin ay Jubbaland u geyso degmada Doolow. Markii laga soo tago xayiraadda dadweyne oo maanta u bilaabatay reer Jubbaland, waxaa jirta dhibaato xoog leh oo cunaqabateyntaan ay ku heyso madaxda Jubbaland oo Axmed Madoobe ugu horeeyo, maadaama dhulkaas aysan jirin degmo looga gudbi karo degmo kale oo Shabaab ay joogaan, taas oo muhiim ka dhigeysa safarrada diyaaradaha. Xogtaan sheegeysa in Axmed Madoobe soo dirsaday ergo dowladda federaalka ka dhaadhicisa in loo ogolaado safar caafimaad oo dibadda ah, waxaa ka horeysay xog soo baxday intii uusan dhicin dagaalkii Raaskambooni oo sheegeysay in Axmed Madoobe wajahayo xaalad caafimaad oo isisoo tareysa. Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in mar kasta uu dibadda u aadi jiray safar caafimaad, balse wixii ka dambeeyey markii uu ka baxay shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka, isla markaana uu qarxay khilaafkii isaga iyo dowladda federaalka waxaa ku adkaatay inuu ka baxo Kismaayo.
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa mar kale soo magacaabay Madaxweyne ku xigeenadiisa, isagoo dib u soo celiyey xubnihii horay u joogay. Dikreeto ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe ayaa dib loogu soo magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, madaxweyne ku xigeenka labaad. Wax is bedel ah ma muujin dikreetada Axmed Madoobe soo saaray, waxaana xusid mudan in labadaas nin ay ku xigeenno u ahaayeen Axmed Madoobe intii uu heystay Jubbaland. Ku xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo, wuxuuna dhankiisa ka hurinayaa colaadda ka loosan deegaanada Jubbaland. Ninkaan ayaa maalmo ka hor u safray Addis Ababa, waxaana lagu tilmaamaa gacanta koowaad ee Axmed Madoobe u adeegsado meelaha qaar, sida beesha uu ka dhashay ee reer Sade Mareexaan. Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud waa ku xigeenka labaad ee Axmed Madoobe, wuxuu ka soo jeeda Shiiqaal, maaha nin saameyn badan, wuxuuna iska joogaa Kismaayo. Markii laga soo tago Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa koowaad Maxamuud Sayid Aadan, qofka seddaxaad ee ugu dhaqdhaqaaqa badan Jubbaland waa Wasiirka Amniga Maamulkaas Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, oo isna ka soo jeeda Mareexaan. Dhuumaal iyo Sayid Aadan ayaa hadda ku sugan Doolow oo shalay uu ka dhacay dagaal ay ciidamada Jubbaland oo garabsanaya kuwa Itoobiya la galeen ciidamada dowladda federaalka u jooga degmadaas. Dagaalkii Doolow ayaa qorshaha Jubbaland wuxuu ahaa inay magaaladaas ka saarto ciidamada dowladda federaalka, balse waxay isku difaaceen si aysan ka maleysa karin, maadaama ay aad u yaraayeen. Ciidamada dowladda federaalka ka jooga degmada Doolow oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid ayaa weli ku sugan saldhigyadooda, waxayna iska difaaceen awood kasta oo ciidamada Itoobiya ay isku dayeen inay uga saaraan degmada Doolow.
  8. Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa dhambaal tacsi ah u diray Bahda Dhaqanka, qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 24/12/2024 Caasimada Gobolka Awdal ee Boorama. Qaran News
  9. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wareegto uu soo saaray mar kale ku magacaabay Madaxweyne Kuxigeenka koowaad iyo labaad oo loo kala magacaabay Maxamuud Sayid Aadan iyo C/qaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere kuwaasoo horay u joogay Xafiiska. Labadan nin ayaa hadda xilalkaas haya oo muddo xileedkii hore la soo shaqeeyay madaxweyne Axmed Madoobe, dib u magacaabistooda ayaana muujinaysa inaanu jirin is badel xukuumadeed oo Jubbaland ka dhacay. sidoo kale guddoomiyihii baarlaamanka maamulkaas ayaa asna kursiga ku soo noqday, ka dib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo, waxaana dhammaan masuuliyiintan u billaabmaya muddo xileed cusub oo aanay dowladda dhexe aqoonsanayn. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo saartay warbixin lagu sharaxay qaabkii loo ciribtiray kooxihii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho. Warbixintaan oo lagu baahiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in NISA ay ku guuleysatay burburinta xafiiskii qaraxyada Al-Shabaab ee Muqdisho iyo shabakad isku xirneyd gobolka Banaadir ilaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose. Magaalooyinka Jilib, Mubaarak iyo Gandarshe ayaa lagu sameeyaa qaraxyada lagu laayo shacabka Muqdisho, NISA ayaa warbixintaan ku shaacisay magacyada ragga ugu sareeya kooxda qaraxyada Al-Shabaab. Sida ay shaacisay NISA, Saleebaan Sheekh Cumar Cali Fiidow waa ninka ugu sareeya kooxda qaraxyada u sameysa Al-Shabaab, wuxuu joogaa degmada Jilib, waxaana ku xigeen u ah Yaxye Axmed Maxamuud (Yaxye Buur). Hay’adda NISA ayaa soo bandhigtay magacyada iyo muuqaalka raggii adeegayaasha ahaa ee Al-Shabaab ay u soo dirsadeen howlgalkooda Muqdisho, balse u gacan galay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale NISA ayaa warbixintaan ku soo bandhigtay seddax nin oo dhanka sahanka kala shaqey jiray shabakadaan, kuwaas oo sarkaal labo xidigle ah oo ka tirsan ciidamada dowladda uu ku jiro, xubnaha shabakadda qaar ayaa la hor geeyey sharciga, qaarna waxaa weli ku socota baaris. Waxaa jira xubno Shabaab ah oo ka baxsaday Muqdisho, markii ay ogaadeen inay fashilmeen, waxaa ku jira nin magaciisa lagu sheegay Jeeri oo ahaa madaxii shabakadaan la burburiyey ee qaabilsaneed qaraxyada Khawaarijta ee Muqdisho ka dhici jiray. NISA ayaa sheegtay in Jeeri uu u cararay Jilib, balse aagga Afgooye lagu qabtay qoyskiisa oo ka guuray Muqdisho, una socday halka uu joogo ee Jilib. Hoos ka daawo warbixinta.
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland ayaa war kasoo saartay go’aanka Jubbaland looga joojiyey duulimaadyadii diyaaradaha, go’aankaas ayaa ka dhashay diyaarad la sheegay in shalay laga afduubtay Kismaayo, taas oo Axmed Madoobe uu Doolow ku geystay ciidamo, hub iyo masuuliyiin. Jubbaland ayaa ku dooday in diyaaradaas ay kireysatay, sidoo kale warkaan waxaa si adag loogu eedeeyey Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Jubbaland ay sheegtay inay ku milantay siyaasadda dalka. Hoos ka aqriso warkaan ka soo baxay wasaaradda gaadiidka Jubbaland: Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Jubbaland waxay shacabka Soomaaliyeed u cadeyneysaa in warka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee lagu sheegay in diyaaradda Halla Airline laga afduubay garoonka diyaaradaha Sayid Mohamed Abdulle Hassan ee Magaalada Kismaayo, taariikhdu markay ahayd 23-kii December 2024, uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Garoonka diyaaraadaha ee Sayid Maxamed 13-kii sano ee Dowlada Jubaland gacanta ku haysay wax amni xuma ah kama dhicin, waxa uuna kamid yahay garoomada ugu amniga badan dalka. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku dhex milantay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowladda Jubbaland, taas oo ka hor imanaysa xeerarka caalamiga ah ee duulimaadka rayidka, waxaana reeban in hawada la siyaasadeeyo. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay sidoo kale joojisay dhammaan duulimaadyadii rayidka ahaa aadi jiray goballada dalka, taariikhdu markay ahayd 6-dii December 2024, iyadoo amartay dhammaan diyaaradaha inay ciidan iyo hub u daabulaan magaalada Raaskambooni, taas oo gebi ahaanba ka hor imaanaysa xeerarka duulimaadka Rayidka. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay horay u joojisay duulimaadyadii tagi jiray degmooyinka Doolow iyo Baardheere ee Gobalka Gedo, halka ay maanta joojisay gabi ahaanba duulimaadyadii rayidka ahaa ee Magaalada Kismaayo. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubbaland waxay cadaynaysaa in diyaaradii aaday Degmada Doolow ee Gobalka Gedo taariikhdu markay ahayd 23-kii December 2024, ee shirkada diyaaradaha Halla Airlines, ay gaaday masuuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowlada Jubaland, isla markaana aanu jirin wax ciidan ama hub ah oo ay gaaday diyaaradaasi oo si sharci ah looga kiraystay shirkadda. Wasaaraddu waxay markale cadayneysaa in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay ku xad-gudubtay shuruucdii lagu aasaasay, taas oo wax u dhimi doonta dadaaladii isdaba jooga ahaa ee loo galay in maamulka hawada Soomaaliyeed dib loogu celiyo gacanta dalka. Maanta, waxaa si cad loogu xadgudbay xuquuqda muwaadinka ee ah inuu meesha uu doono u safro, sida ku cad dastuurka dalka, iyadoo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed nogotay xarun laga hago arrimaha siyaasadda. Haddaba waxaan ugu baagaynaa Hay’adaha kale ee adeeg bixinta shacabka ee dalka inay ka fogaadaan in loo adeegsado dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo ay maanta qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay joojisay duulimaadyadii diyaaradaha ee tagi jiray Kismaayo iyo Doolow, sababo la xiriira xiisadda kala dhexeyso Jubbaland. Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la hakiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalo xeebeedka Kismaayo. Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay la xiriirto kadib markii shalay ay sheegtay in Kismaayo lagu afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow. Arrintan ayaa keentay inay saameyso shacab fara badan oo maanta ku xayirmay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuna soo jeeda caasimada Muqdisho. Haddab sidee looga fal-celiyay tallaabada ay maanta qaaday DF? Mukhtaar Cilmi “Filimkaan horey baa loo daawaday natiijadiisanu waa guuldaro iyo ceyb malaga joogo”. Qaasim Karaama Ibnu Cali “Waxaa ii muuqato in Somalia hawadeeda aysan sii maamulan doonin. Maxamed Cabdulqaadir “Ceebtina allaha asturo diyaarad aad adinku joojiseen miyaa u samaynaysan sumad danbi oo aan dhicin? Jaamac Maxamd Warsame ayaa isna ku jawaabay “War wax diyaarad ah oy kismanyo u baahantay ma jirto”. Axmed Khayre “Shacabka qaska ka daaya kaliya xooga Aad leedihiin waa inaa shacabka u awood sheegatan”
  13. Xukuumada Madaxwayne Cirro, ayaa sheegtay in aanay sharci ahayn Docmentyadii ama sharciyadii la sameeyay mudadii kala guurka ilaa amar dambe. Sidoo kale xukuumadu waxa ay sheegtay in ay ka war heshay dhismayaal laga wado dhulkii ama Guryihii dawlada ee la bixiyay wakhtigii kala guurka oo hore ay u hakisay, iyadoona sheegtay in ay talaabo ka qaadi doonto cid kaste oo u hoggaansami wayda Wareegtooyinkan. Qaran News
  14. Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan culus oo la xiriira Soomaaliya, isla markaana saameynaya Itoobiya oo ay isku hayaan arrinta Wabiga Nile. Xukuumadda Qaahir oo war culus soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in ay qayb ka tahay howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu baddelayo kan ATMIS, kaas oo lagu wado inuu billowdo bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2025-ka. Warkan waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay ku jirto waddamada ciidamada ku yaboohay howlgalka cusub ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale garab taagnaa dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladdiisa ay qayb ka tahay howlgalka AUSSOM. Sidoo kale Badri ayaa tilmaamay in dowladdiisa waajib ka saaran yahay garab istaagga Soomaaliya sidaas awgeed Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar diyaar u tahay kamid noqoshada howlgalka lagu xoojinayo nabadda iyo kala dambeynta. “Masar waxa ay qayb ka tahay oo Dowladda Soomaaliya ka codsatay howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay taageerayaan si loo xoojiyo nabadgalyada” Sidaasi waxaa yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badri Cabdilcaadi. Masar ayaa sidoo kale isla maanta ka dhawaajisay hadal kale oo ka dhan ah Itoobiya, iyada oo si cad u sheegtay in marnaba aan loo ogolaan doonin gaaridda Badda Cas. Go’aanka Masar ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmahan aad loo hadal hayay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dib uga laabatay go’aankeedii ahaa in howlgalka AUSSOM laga saaro Itoobiya, kadib heshiiskii ay labada dowladood ku gaareen magaalada Anakara.
  15. President Hassan Sheikh Mohamud accepted the terms of the Ankara Agreement he signed with Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia. Mogadishu (PP Editorial) —Only two weeks ago, before the Ankara Agreement between Somalia and Ethiopia was signed by the Prime Minister of Ethiopia, Abiy Ahmed and the President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud, the Somali Defence Minister Abdulqadir Mohamed told the media that Ethiopia had been excluded from the peacekeeping forces set to operate in Somalia from 2025. The Ankara Agreement provided Ethiopia with an opportunity to reiterate its position that it respects the sovereignty of the Federal Republic of Somalia and that Addis Ababa will consult Mogadishu about any access to sea, including leasing a coastal district to the landlocked country. Ethiopia has not officially withdrawn from the maritime Memorandum of Understanding it signed with the Somaliland administration, a secessionist entity in northern Somalia. The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, accepted the terms of the Ankara Agreement and reversed his decision to exclude Ethiopia from the peacekeeping forces in Somalia from 2025. Today, the Ethiopian government rejected a claim by the Somali Ministry of Foreign Affairs that Ethiopian forces had yesterday attacked the Somali National Army positions in Doolow. The Federal Security Minister Abdullahi Sheikh Hussein (Fartaag) deployed troops in Doolow to project an image of influence in his stronghold, hoping to replace the beleaguered Somali Prime Minister, Hamsa Abdi Barre. The decision to deploy troops was intended to incite an anti-Jubaland movement in Gedo, a proposal denounced by influential Gedo politicians such as Senator Abdiwahid Goonjeh and Abdi Farah Shirdon, a former Prime Minister. The Somali Ministry of Foreign Affairs issued a statement on the Doolow clashes while the State Minister for Foreign Affairs, Ali Omar, and the Director of Somalia’s intelligence agency, Abdullahi Sanbaloolshe, were visiting Addis Ababa yesterday. The Foreign Minister of Somalia, Ahmed Mohamud Fiqi, yesterday held a press conference with his Egyptian counterpart to announce the planned deployment of Egyptian troops as part of the peacekeeping forces in Somalia. Egypt reportedly rejected the “sea access” clause in the Ankara Agreement due to the unresolved Grand Renaissance Dam of Ethiopia, which affects Nile water reaching Egypt. This development might prompt Recep Tayyip Erdoğan, the President of the Republic of Türkiye, to postpone his planned visit to Somalia. The Federal Government of Somalia accused Ethiopia of aggression over the Doolow incident. Ethiopia’s reaction to the accusation indicates that Addis Ababa views the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, as a faction leader whose forces were prevented from destabilising a part of Jubaland State of Somalia. © Puntland Post, 2024 The post The Ankara Somalia-Ethiopia Agreement is on the brink of unravelling appeared first on Puntland Post.
  16. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay eedeynta ay u jeedisay Soomaaliya, kadib dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo oo ay ka qayb-qaateen ciidamada Itoobiya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in eedeyntan ay Soomaaliya uga gol leedahay in aan xariirka la wanaajin, ayna jirto gacan 3-aad oo daganaanta Geeska Afrika diidan, oo la rumeysan yahay inay kala jeedo dowladda Masar. “Eedeyntan run maaha. Dhacdadan waxaa billaabay dhinacyo gaar ah oo doonayo in ay wiiqaan caadiyeynta xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya. Dhinacyadan saddexaad ayaa damacsan inay khalkhal galiyaan xasilloonida Geeska Afrika, waana qaswadayaasha joogtada ah ee nabadda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Itoobiya iyo Masar ayaa maanta hadallo ad adag hawada isku mariyey, waxayna Qaahira sheegtay in marnaba Itoobiya aan loo ogolaan doonin Badda Cas, xilli uu goobtaas ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi oo booqasho ku jooga Qaahira. Dhinaca kale waxaa jira kulan kale oo dhex-maray wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo dhiggiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, iyaga oo yeeshay wada-hadallo laba geesood ah. Labada wasiir ayaa isla soo qaaday dagaalkii Doolow, wuxuuna Cali Balcad u gudbiyay Itoobiya cabashada Soomaaliya ee ku aadan in dagaalkii shalay dhacay ay ka qayb qaateen ciidamadooda. Dhankiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, ayaa sheegay inay sameynaayaan baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi iyo haddii ay ku lug leeyihiin ciidankooda. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Addis Ababa ay ka bilowdeen wada-hadallo u dhexeeyo Somalia iyo Itoobiya oo lagu sii amba qaadayo heshiiskii lagu gaaray Ankara.
  17. Addis Ababa (HOL) – Ethiopian and Somali intelligence agencies have agreed to collaborate closely to prevent obstacles to implementing the Ankara Declaration, a key agreement that resolved a diplomatic dispute between the two nations. Source: Hiiraan Online
  18. Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay dhacdo halis ku ah amniga nidaamka duulimaadyada iyo badbaadada rakaabka sida ay sheegtay hay’adda duulista Soomaaliyeed. Shirkadda Halla Airlines ayaa la sheegay in diyaarad ay leedahay lagu afduubtay si xoog leh, iyadoo qalabkeedii isgaarsiinta laga xayuubiyay. Tani waxay keentay xaalad khatar ah oo amniga rakaabka saameysay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen maamulka shirkadda duulista rayidka ee Soomaaliya. Falkaas argagaxa leh ayaa sababay in diyaaradihii maanta ku wajahnaa magaalada Kismaayo ay hakiyaan duulimaadyadoodii. Tani waxay saameyn taban ku yeelatay shacabka halkaas u safra, iyadoo dhabar jab weyn ku noqotay howlaha duulimaadyada rayidka ee Kismaayo. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay falkaas u aragtay mid mas’uuliyad darro ah oo dhaawacaya nidaamka duulimaadyada rayidka ee Soomaaliya. Waxay si degdeg ah u bilowday baaritaanno lagu xaqiijinayo sababaha iyo cidda ka dambeysay dhacdadaas, iyadoo sidoo kale wada shaqeyn la sameyneysa hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha duulista. HDRS waxay balanqaaday inay qaadi doonto tallaabooyin adag si looga hortago in dhacdo noocan ah ay dib u soo noqoto, lana xaqiijiyo amniga iyo badbaadada rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradaha. Source: goobjoog.com
  19. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in Xabbad-joojin buuxda laga gaaray Dagaal beeleedkii maalmo ka hor ka dhacay degmada Xarfo ee Gobolka Mudug. Go’aankaasi ayaa lagu dhawaaqay kaddib shir wada-tashi ah oo dhexmaray mas’uuliyiinta dowladda iyo guddigii loo xilsaaray dhex-dhexaadinta darafyada, oo ay weheliyaan odayaasha labadii beelood ee dagaallamay. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in degmada Xarfo laga saaro dhammaan ciidan beeleedkii dirirtu dhexmartay, lana geeyo goobo cayiman oo la isla gartay, magaaladana aan hub lala soo geli karin, lalana dhexmari karin. Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay” in labada darafba ay u diyaar garoobaan gogol nabadeed iyo wada hadal, si loo xaliyo khilaafka arrintaan, gogoshaas oo ka dhacaysa Degmada Xarfo, gaar ahaan guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud, taariikhdu marka ay tahay 25/12/2024.” Dowladda ayaa sheegtay in sidoo kale la go’aamiyay in kharashka ku baxaya gogoshada nabadda iyo martida ay mas’uul ka yihiin labada Beelood ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad si siman, waxaana ugu danbayn labada dhinac la faray in ay u hoggaansamaan go’aannada soo baxay. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland: Dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Xarfo oo Xabbad-joojin buuxda laga gaaray appeared first on Puntland Post.
  20. Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhameystiro heshiiska ay ku gaareen magaalada Ankara. Wada-hadalladan ayaa waxaa maanta yeeshay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo dhiggiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, iyaga oo yeeshay wada-hadallo laba geesood ah. Kulankan ayaa looga hadlay sii amba qaadisa heshiiskii Ankara iyo sida ay labada dowladood u xoojin lahaayeen xiriirkooda, waxaana warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya lagu sheegay in la’isku raacay arrimo ay kamid ah ilaalinta madax banaanida. Sidoo kale waxaa wada-hadalladan lagu soo qaaday arrinta Jubbaland, iyada oo wasiir Cali Balcad uu Itoobiya u gudbiyay cabashada Soomaaliya ee ku aadan in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doolow ay ka qayb qaateen ciidamadooda, waxaana Itoobiya dhankeeda ay sheegtay inay sameyneyso baaris ku aadan dhacdadaasi iyo haddii ay ku lug leeyihiin ciidankooda. Hoos ka akhriso qoraalka; War saxaafadeed 24ka Diseembar 2024 – Addis Ababa, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah la yeeshay dhigiisa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Mudane Amb. Mesganu Arega. Intii kulanku socday, labada dhinac ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-hadallada iyo kor u qaadidda xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo kale dib u xaqiijiyey in ay ixtiraamayaan midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal. Wada-hadalladan ayaa daba socday Baaqa Ankara ee December 11, 2024, waxaana lagu qabtay qaab-dhismeedka lagu hirgelinayo qodobadiisa. Wasiiru Dowlaha Soomaaliya ayaa sheegay cabashada iyo cambaaraynta Soomaaliya ee ku saabsan ficilada ciidamada Itoobiya ee Doolow, Soomaaliya. Dhigiisa ayaa muujiyey u diyaar ahaanshaha dowladda Itoobiya ee ku aaddan in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo arrintaasi, isagoo ballan qaaday in ay wada shaqayn la yeelan doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hortago dhacdooyinka noocan oo kale ah. Qodobada kale ee wada-hadalladu diiradda saareen waxaa ka mid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka laba geesoodka ah si loo mideeyo dadaallada lagu hirgelinayo Baaqa Ankara, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeyey labada dal tan iyo Janaayo 2024.
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay hakisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanno kale oo kamid ah gobolka Gedo. Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la joojiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalada Kismaayo. Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay la xiriirto kadib markii shalay ay sheegtay in Kismaayo lagu afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow. Hay’adda ayaa sidoo akle tilmaamtay in diyaaraduhu ay cabsi ka muujiyeen tagista Kismaayo, maadaama ay soo korortay xaalad amni darro. Maamulka Shirkadda Halla Airlines oo war soo saaray ayaa horay dowlad goboleedka Jubbaland ugu eedeeyay in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu maamulka diyaaradda sheegay in maamulka Jubbaland uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow. Si kastaba, xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland oo u weecatay Gedo ayaa kasii dareysa, waxaana shalay labada dhinac ay ku dagaalameen degmada Doolow.
  22. Addis Abeba– delegation from Somalia, led by the Minister of State for Foreign Affairs and International Cooperation, Ali Omar, is set to travel to Addis Abeba today, December 23, 2024, to reinforce commitments outlined in the Ankara Declaration. In a statement on Monday, Somalia’s Minister of State for Foreign Affairs and International Cooperation said the visit “underscores Somalia’s unwavering commitment to deepening bilateral ties with Ethiopia, as outlined in the Ankara Declaration forged by the leadership of both nations.” The delegation will “focus on exploring transformative opportunities to cultivate a partnership founded on mutual respect, common interest, and cooperation.” “The Federal Government of Somalia remains resolute in its vision to foster robust relations with neighboring countries, firmly anchored in the principles of sovereignty, unity, and territorial integrity,” the ministry added. The Ankara Declaration, signed in Ankara during a meeting between Turkish President Recep Tayyip Erdoğan, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, and Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud, reaffirmed “respect and commitment to one another’s sovereignty, unity, independence, and territorial integrity,” according to a joint statement. The agreement recognized the “potentially diverse benefits” of Ethiopia gaining “assured access to and from the sea,” while emphasizing respect for “the territorial integrity of the Federal Republic of Somalia.” It also stated that the leaders agreed “to forgo and leave behind differences and contentious issues.” Relations between Ethiopia and Somalia had deteriorated earlier in 2024 after Ethiopia signed a memorandum of understanding (MoU) with Somaliland to lease 20 kilometers (12 miles) of coastline in exchange for recognizing Somaliland’s independence—a move Mogadishu called an “infringement on Somalia’s territorial sovereignty.” The Ankara Declaration, welcomed by the African Union, the United States, and the United Kingdom, aims to rebuild cooperation between Ethiopia and Somalia. Following the agreement, Turkish President Recep Tayyip Erdoğan announced plans to visit Ethiopia and Somalia in January or February 2025. Addis Standard Qaran News
  23. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta kulan laba-geesood ah la yeeshay dhigiisa, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Mudane Amb. Mesganu Arega. Kulanka ayaa labada masuul ku adkeysteen go’aankooda ku aaddan xoojinta wadahadalka iyo hagaajinta xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo mar kale isku xiray inay dhowraan madax-bannaanida, midnimada, madaxbannaanida siyaasadeed, iyo jiritaanka dhuleed ee labada dal. Wadahadalka ayaa daba socday Bayaan Addis Ababa ee 11-kii Diseembar 2024, iyadoo diiradda lagu saaray hirgelinta qodobadii kasoo baxay. Wasiiru Dowlaha Soomaaliya, Mudane Cali, ayaa ka dhawaajiyey cambaareynta dowladda Soomaaliya ee ku aaddan habdhaqankii ciidamada Itoobiya ee Doolow, Soomaaliya. Dhigiisa ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay si degdeg ah u bilaabaan baaritaan dhacdadaas ku saabsan, isagoo ballan qaaday inay si buuxda ula shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hortago in dhacdooyin noocaas ah aysan mar kale soo laaban. Qodobada kale ee lagu falanqeeyey kulanka waxaa kamid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, iyadoo lagu wada shaqeynayo la dagaallanka argagixisada. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in si wadajir ah loo xoojiyo xiriirka laba-geesoodka ah si loo dardargeliyo hirgelinta heshiisyadii lagu gaaray Ankara, kuwaas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafaadka labada dal ee bilowday Janaayo 2024. Source: goobjoog.com
  24. Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay xuntahay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 23-ka Disembar 2024, kaas oo ku eedaynayay ciidammada Itoobiya in ay ka qeyb qaateen dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doollow. Itoobiya ayaa eedeynta Soomaaliya ku tilmaamtay waxba kama jiraan. “Dhacdada waxaa huriyey shakhsiyaad ujeedadoodu tahay inay carqaladeeyaan dadaallada dib-u-heshiisiinta u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Shakhsiyaadkani waxay rabaan inay xasillooni darro ka abuuraan Geeska Afrika, iyadoo ay si joogto ah uga shaqeeyaan burburinta nabadda gobolka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya. Warka ayaa intaasi kusii daray “Lama oggolaan karo inay carqaladeeyaan dadaallada labada dal ee ku aaddan nabadda, sida lagu caddeeyey Heshiiska Ankara. Dowladda Itoobiya waxa ay sii wadaysaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya si loo hortago dhacdooyin noocan oo kale ah” Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraynaysay falka xadgudubka ah ee shalay ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  25. Addis Ababa (HOL) – Ethiopian government has denied Somali allegations that Ethiopian troops operating under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) launched an attack on Somali National Army (SNA) forces in the Doolow district of the Gedo region. Source: Hiiraan Online