Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. AQM64xJ74kfeldRJwMcPt8LqCQcLBhXQUgXlMUNxCF-BXSg5ZTaUxM-GKMSyrFG7_Cy2PYGvwhP4ccHCmi3UjUAZ Qaran News
  2. Hargeysa -(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo waftigii uu hogaaminaayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Imaraadka Carabta ayaa galabta si nabad gelyo leh ugu soo laabtay dalkooda hooyo iyagoo guulo waa weyn ka soo hooyey safarkaasi . Madaarka Cigaal International waxaa madaxweynaha iyo waftigiisa ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland iyo xubno door ah oo ka tirsan xukuumada . Nuxurka guulaha ka soo baxay safarka Madaxweynuhu ku tagay dalka Imaaradka Carabta waxaa warbaahinta uga xog waramay wasiirka arimaha dibada Somaliland iyo Wasiirka madaxtooyada , waxaana ay hoosta ka xariiqeen in Guulaha safarkaasi laga soo hooyey ay dhawaan ka muuqaan doonan xukuumada Wadajir iyo Waxqabad . Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka Iyo dib-u-heshisiinta Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay dhamamaan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya, si aysan ula shaqeyn Al-Shabaab ama wax macaamil ah ula yeelan. Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in hay’addahan aysan la macaamili karin, ayna dhaqaale u yaboohi karin, islamarkaana aysan u hoggaansamin ammarrada uga yimaada Al-Shabaab, xilli ay soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in kooxda ay bilowday qorshe ay baad uga dalbaneyso hay’addaha qaar. “Hay’addii ama shakhsigii ku lug yeesha howlahan waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka waddanka, sidoo kalena wasaaradda arrimaha gudaha waxay ka qaadeysa tallaabooyin dhowr ah oo kamid tahay in laga laabto shahaadada ruqsadsiinta hay’addii ku lug yeelata dambiyadan,” ayaa lagu yiri nuxurka bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha. Sidoo kale waxay wasaaradda shaacisay in hay’addii ay ku cadaato in ay ku jiraan xubno kamid ah Al-Shabaab iyo Daacish ama wakiil uga noqda hay’adood ay wasaaraddu si toos ugala noqoneyso shahaadadii ruqsadda, iyadoo si toos ah ugu gudbin doonta laamaha amniga iyo garsoorka. “Sidaas darteed hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah waxaa lagu adkeynayaa in ay u hoggaansamaan digiintan kor ku xusan,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka dowladda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey usoo saartay digniino la xiriira la-macaamilka iyo in loo hoggaansamo awaamirta Al-Shabaab, iyada oo horey ugu goodisay in tallaabo adag laga qaadi doono cidii lagu helo arrimahaasi.
  4. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQOGo0nm7F83aHHN4NsKevCjTaPo7U4Qt-8NshixAFiCcivjaHn5VAmdVm465uEByn1EwlQavOga7x_XqDcJVfJA.mp4 Qaran News
  5. President William Ruto has praised his Egyptian counterpart, Abdel-Fattah El-Sisi, for his leadership in fostering security and stability in the Middle East and North Africa. Source: Hiiraan Online
  6. Ninkii sababta u ahaa inay dhacaan banaanbaxyo rabshado wata ka dib marki uu gubay kitaabka quraanka ayaa toogasho lagu dilay dalak Sweden, sida ay warbaahinta maxalliga sheegtay. Salwan Momika oo 38 jir ah ayaa la sheegay in lagu dilay guri ku yaalla Södertälje, oo ka tirsan magaalada Caasimadda ee Stockholm, fiidnimadii Arbacada. Rabshadaha ayaa dhacay ka dib markii uu Mr Momika dab qabadsiiyey nuqul ka mid ah kitaabka quraanka, meel dibadda ka ah masaajidka bartamaha Stockholm sannadkii 2023. Mr Momika iyo qof ay wada noolaayeen ayaa lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin gubidda quraanka, laakin xukunkiisa ayaa la filayey in Khamiista lagu dhawaaqo, kaasoo dib loo dhigay ka dib “la xaqiijiyey in mid ka mid ah isdifaacayaasha uu geeriyooday” sida ay shegtay maxkamadda degmada Stockholm. Booliska Stockholm ayaa u sheegay warbaahinta SVT News in nin da’diisa lagu qiyaasay 40meeyo oo la toogtay laga helay guri, kaasoo markii dambe geeriyooday. Waa kuma Salwan Momika Momika ayaa sannadki 2023 dhowr goor ku gubay kitaabka dalka Sweden, waxayna talaabadaas soo jiidatay indhaha caalamka, ayadoo ka caraysiisay dalal muslim ah, dhalisayna deganaansho la’aan iyo rabshado. Wuxuu maxkamad horteeda kaga dodoay in ficilladiisa ay ku wajahan yihiin diinta Islaamka ee aysan ku wajahnayn muslimiinta, uuna doonayo in uu dadka reer Sweden “ka ilaaliyo farriimaha quraanka”. Booliska Sweden ayaa u ogolaaday inuu mudaaharaadkiisa kitab-gubidda sii wato, inkastoo eedeymo lagu soo oogay. Isaga iyo qof ay isku kiis yihiin ayaa lagu eedeeyey maxkamad ku taalla magaalada caasimadda horteeda in ay kiciyeen nacayb jinsiyadeed, sababo la xiriira hadallo ay ka sheegeen quraanka, ayadoo maanta la filayey in xukun laga soo saaro. Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin. Xigashada Sawirka,EPA Soomaalida Sweden maxay ka aaminsan yihiin Momika Dadka ka falceliyay waxaa ka mid ah Maxamed Maki, oo ah guddoomiyaha mid ka mid ah masaajidda Soomaalida ee Sweden sidoo kalena ka mid ah midawga masaajidda Sweden. Waxa uu BBC u sheegay inay ka xun yihiin shalay oo ciidu Adxaa ahayd oo maalin farxadeed ah uu nin cunsuri uu nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka ku gubo misaajid hortii. “Waxaa dhacday in cunsiri ah oo asal ahaan Ciraaq ka soo jeeda uu misaajidka Stockholm ku hor gubo kitaabta Qur’aanka ah weliba iyadoo dowladda Sweden ay u fasaxday marka waa ficil aad u fool xun oo aan ka soo horjeedno oo aan cambaareyneyno oo dalkan Sweden iyo magaalada Stockholm dan ugu jirin.” “Muslimiinta reer guud ahaan aad ayay uga xun yihiin falkan waan ka dignay dowladda waan u sheegnay inaan dooneyno in dalka Sweden nabad lagu wada noolaado, diimaha la ixtiraamo, ambiyada Ilaahey la ixtiraamo oo laga fogaado wax kasta oo dhib u keena kara dalkan.” Dhanka kale Maxamed Maki ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay u sheegeen inay is dejiyaan oo laga fogaado wax kasta oo ficil ah oo gacan ka hadal ah sababtoo dadka aan Muslimka ahayn maalin walba waxay soo galayaan diinta Muslimka marka waxaan ka hortageynaa haddaanu nahay misaajidadii in dadka Mulimiinta ah ay ficil qaadaan. “Ninkan falkan sameeyay markaan dib u baarnay waa nin diinta Masiixiga haysta oo Ciraaq ka soo jeeda oo cadaawad iyo xiqdi farabadan u qabo dadka Muslimiinta ah laakin kaniisadaha ayaa nala soo xiriiray waxayna noo sheegeen in ficilkan uu ninkan sameeyay ay bari ka yihiin,” ayuu yiri Maxamed Muddo sannad iyo dheeraad laga joogo ayey xukuumadda Sweden sheegtay in guud ahaan Sweden laga musaafurinayo Salwan Momika, waxayna Sweden kala laabatay ruqsaddii deganaanshaha, hase yeeshee wuxuu xilligaas sheegay inuu doonayo inuu racfaan qaato. Ninkaas oo hore u ahaa masiixi ayaa marki dambe doorbiday inuusan wax diin ah qaadan oo uu ahaado mulxid (Diin laawe). Waa kuma Salwan Momika Momika ayaa sannadki 2023 dhowr goor ku gubay kitaabka dalka Sweden, waxayna talaabadaas soo jiidatay indhaha caalamka, ayadoo ka caraysiisay dalal muslim ah, dhalisayna deganaansho la’aan iyo rabshado. Wuxuu maxkamad horteeda kaga dodoay in ficilladiisa ay ku wajahan yihiin diinta Islaamka ee aysan ku wajahnayn muslimiinta, uuna doonayo in uu dadka reer Sweden “ka ilaaliyo farriimaha quraanka”. Booliska Sweden ayaa u ogolaaday inuu mudaaharaadkiisa kitab-gubidda sii wato, inkastoo eedeymo lagu soo oogay. Isaga iyo qof ay isku kiis yihiin ayaa lagu eedeeyey maxkamad ku taalla magaalada caasimadda horteeda in ay kiciyeen nacayb jinsiyadeed, sababo la xiriira hadallo ay ka sheegeen quraanka, ayadoo maanta la filayey in xukun laga soo saaro. Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin. Xigashada Sawirka,EPA Soomaalida Sweden maxay ka aaminsan yihiin Momika Dadka ka falceliyay waxaa ka mid ah Maxamed Maki, oo ah guddoomiyaha mid ka mid ah masaajidda Soomaalida ee Sweden sidoo kalena ka mid ah midawga masaajidda Sweden. Waxa uu BBC u sheegay inay ka xun yihiin shalay oo ciidu Adxaa ahayd oo maalin farxadeed ah uu nin cunsuri uu nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka ku gubo misaajid hortii. “Waxaa dhacday in cunsiri ah oo asal ahaan Ciraaq ka soo jeeda uu misaajidka Stockholm ku hor gubo kitaabta Qur’aanka ah weliba iyadoo dowladda Sweden ay u fasaxday marka waa ficil aad u fool xun oo aan ka soo horjeedno oo aan cambaareyneyno oo dalkan Sweden iyo magaalada Stockholm dan ugu jirin.” “Muslimiinta reer guud ahaan aad ayay uga xun yihiin falkan waan ka dignay dowladda waan u sheegnay inaan dooneyno in dalka Sweden nabad lagu wada noolaado, diimaha la ixtiraamo, ambiyada Ilaahey la ixtiraamo oo laga fogaado wax kasta oo dhib u keena kara dalkan.” Dhanka kale Maxamed Maki ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay u sheegeen inay is dejiyaan oo laga fogaado wax kasta oo ficil ah oo gacan ka hadal ah sababtoo dadka aan Muslimka ahayn maalin walba waxay soo galayaan diinta Muslimka marka waxaan ka hortageynaa haddaanu nahay misaajidadii in dadka Mulimiinta ah ay ficil qaadaan. “Ninkan falkan sameeyay markaan dib u baarnay waa nin diinta Masiixiga haysta oo Ciraaq ka soo jeeda oo cadaawad iyo xiqdi farabadan u qabo dadka Muslimiinta ah laakin kaniisadaha ayaa nala soo xiriiray waxayna noo sheegeen in ficilkan uu ninkan sameeyay ay bari ka yihiin,” ayuu yiri Maxamed Muddo sannad iyo dheeraad laga joogo ayey xukuumadda Sweden sheegtay in guud ahaan Sweden laga musaafurinayo Salwan Momika, waxayna Sweden kala laabatay ruqsaddii deganaanshaha, hase yeeshee wuxuu xilligaas sheegay inuu doonayo inuu racfaan qaato. Ninkaas oo hore u ahaa masiixi ayaa marki dambe doorbiday inuusan wax diin ah qaadan oo uu ahaado mulxid (Diin laawe). Bbcsomali Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa maanta meel-mariyey qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada. Shirka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa waxaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internet-ka. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu meel-mariyay heshiis is-afgarad wada-shaqayn oo u dhaxeeya guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia. Kulanka golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howl-galladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka. Dhinaca kale, golaha wasiirada ayaa diirada saaray dardar-gelinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan. Waxaa kale oo lagu soo bandhigay warbixinno ku aaddan horumarinta karaanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga bulshada iyadoo wasaaraddaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka. Tiirka arrimaha bulshada oo ah mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardar-geliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha qaranka.
  8. Stockholm (Caasimada Online) – Nin u dhashay dalka Ciraaq oo dhowr jeer kitaabka Qur’aanka kariimka ah ku gubay dalka Sweden ayaa geeriyooday, sida uu Khamiistii sheegay garsoore ku sugan magaalada Stockholm. Warbaahinta Sweden ayaa ku warrantay in lagu dilay toogasho ka dhacday magaalo u dhow caasimadda Sweden. Salwan Momika, oo 38 jir ahaa, ayaa sannadkii 2023-kii dalka Sweden ka geystay dhowr fal oo ah gubid iyo xurmo ka qaadis ka dhan ah kitaabka barakaysan ee Islaamka. Muuqaallada gubista Qur’aanka ayaa si weyn loogu faafiyey caalamka, waxaana ay caro iyo dhaleecayn xooggan ay ka dhex abuureen dhowr dal oo Muslimiin ah, taasoo sababtay rabshado iyo qalalaase ka dhacay meelo badan. Maxkamadda Degmada Stockholm ayaa sheegtay in xukun la qorsheeyay Khamiista maanta ah oo ku saabsanaa dacwad uu Momika eedaysane ka ahaa dib loo dhigay, sababtoo ah mid ka mid ah eedaysanayaasha ayaa geeriyooday. Garsoore ka tirsan maxkamadda, Göran Lundahl, ayaa xaqiijiyay in qofka geeriyooday uu yahay Momika. Wuxuu sheegay inuusan haynin wax macluumaad ah oo ku saabsan goorta iyo sida uu Momika u geeriyooday. Booliisku waxay sheegeen in habeenkii Arbacada lagu wargeliyay toogasho ka dhacday dhismo dabaq ah oo ku yaal Sodertalje, oo u dhow Stockholm, ayna heleen nin qaba dhaawacyo rasaas. Ninka ayaa markii dambe geeriyooday, waxaana la furay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan dilka. Warbaahinta SVT ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa ilo-wareedyo aan la magacaabin, in qofka geeriyooday uu ahaa Momika. Waxay intaa ku dartay in Momika uu yimid Sweden isagoo ka yimid Ciraaq sannadkii 2018, lana siiyay sharciga deganaanshaha saddexda sano ah sannadkii 2021. Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in shan qof la xiray habeenimadii Arbacada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sweden ee TT. Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson ayaa sheegay in adeegga ammaanka ee Sweden uu ku lug lahaa baaritaanka arrintan, sababtoo ah “waxaa iska cad inay jirto khatar ah in falkan uu xiriir la leeyahay awood shisheeye,” sida ay sheegtay TT. Momika ayaa ku dooday in dibad-baxyadiisu ay bartilmaameedsanayeen diinta Islaamka, ee aysan ahayn dadka Muslimiinta ah. Wuxuu ku dooday inuu doonayay inuu ka ilaaliyo dadka Sweden farriimaha Qur’aanka. Booliiska Sweden ayaa oggolaaday bannaanbaxyadiisa, iyagoo sabab uga dhigay xorriyadda hadalka, iyadoo isla markaasna dacwado ka dhan ah lagu soo oogay. Bishii Maarso ee la soo dhaafay, ayaa lagu xiray dalka deriska la ah ee Norway, ka dib markii uu sheegay inuu halkaas magangelyo ka doonanayo, waxaana dib loogu celiyay Sweden, sida ay sheegtay TT. Momika iyo eedaysane kale ayaa bishii Agoosto lagu soo oogay dacwad ah hurinta nacaybka, sababo la xiriira hadallo ay jeediyeen oo la xiriiray gubista Qur’aanka. Xukunka ayaa la filayay in la soo saaro subaxnimadii Khamiista.
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ku saabsan bandhiga wejiga labaad ee dagaalka Ciribtirka Argagixisada oo Boosaaso lagu qabtay ayaa ka warbixiyay halka uu marayo dagaalka Ciidamada Puntland kula jiraan mileeshiyaadka Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari. Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixinayay Hawlgalkaasi ayaa sheegay in Ciidamada Puntland si buuxda ugu guulaysteen wejigii kowaad ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ka dhacay buuraha Calmiskaad, kaddib markii kooxda laga saaray godadkii iyo difaacyadii ugu adkaa ee buuraha, lana fashiliyay dhammaan isku dayo ay ku raadinayeen in ay ciidamada iska caabiyaan. Madaxweyne Deni, oo ciidamada ku bogaadiyay Hawlgalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in uu dhawaan bilaabanayo wejiga labaad ee dhammaystirka dagaalka, oo sida uu tilmaamay qaadan kara wakhti ka yar intii uu qaatay wejigii kowaad ee Hawlgalka Ciribtirka Daacish ee Calmiskaad. “Waxaad ku kalsoonaataan Reer Puntland-now in Ciidamadeennu difaaca dalka iyo dadka ku filan yihiin, waxaa Puntland ka go’an wejiga labaad ee dagaalka in ay berri, bad iyo cirba kala dagaallanto Argagixisada, waxaan caddaynaynaa in dadkaasi noqdaan haddii aysan isa soo dhiibin wax la dilay, iyo wax maxaabiis dagaal noqda, cid danbe oo fursad la siinayo ma jirto” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Sidoo kale, shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga dowladda, islamarkaana adkeeyeen midnimada iyo wadajirka, waxaana uu Haweenka si gaar ah uga mahadceliyay garab istaaga Ciidamada, isagoo sheegay in ay kaalin weyn kaga jiraan Halganka Ciribtirka Argagixisada Daacish. Halkaan ka daawo Khudbada oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si faahfaahsan uga warbixiyay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta sidii loogu hortagi lahaa beegsiga lagu bilaabay ajaaniibta ku sugan deegaanadeeda, kadib markii la dhibaateeyay Itoobiyaan ku sugnaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso. Itoobiyaanka ku nool Puntland ayaa sheegay in “falal isugu jira handadaad, xarig sharci-darro ah, jirdil, iyo boob” oo ka dhan ah qaxootiga iyo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ay ka sii dareen magaalooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin Garoowe oo ah xarunta maamulka, Boosaaso iyo Qardho. Goob-joogayaal ayaa sheegay in rabshaduhu ay bilowdeen 26-kii Janaayo, kaddib markii muwaadin Itoobiyaan ah ay dileen ciidamada ammaanka Puntland. Maalintii xigtay, labo kale oo Itoobiyaan ah ayaa lagu warramay in lagu dilay Boosaaso kaddib markii “dadweyne careysan ay garaaceen.” Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay dhibaatooyinkan, oo ay ka qaarkood ka dambeeyeen dadweyne caraysan oo beegsaday Itoobiyaanka, sida sharci darrada ah ku jooga magaalooyinka maamulkaasi. Wasaaradda ayaa sheegtay in waajib ay tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dadka ajaanibta ah, waxayna tilmaamtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xad-gudubta. Sidoo kale wasaaradda ayaa shacabka Puntland ugu baaqday inay ka fogaadaan fal kasto oo xad-gudub ah ku ah sharciga, gaar ahaan dhibaatada dadka ajanabiga ah. “Sidaas darteed, wasaaradda ayaa mar kale ugu baaqaysa shacabka in ay ka fogaadaan falalka sharci-darrada ah, isla markaana ay garab istaagaan hay’adaha ku shaqada leh la xisaabtanka cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo amniga Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Puntland shalay ay bilowday in deegaanadeeda ay ka tarxiisho ajaaniibta sharci darrada ku joogta maamulkaasi, gaar ahaan Itoobiyaanka oo la arkayay, iyaga oo gaadiid xamuul ah laga saaray magaalada Garoowe, sababo la xiriira si looga hortego ajaaniibta tiro badan ee mar kasta ku biirto kooxda argagixisada Daacish.
  11. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda ka aloosan degmada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Madaxweyne Siciid Deni oo saaka khudbad ka jeediyay munaasabad ku saabsan bandhiga wejiga labaad ee dagaalka Ciribtirka Argagixisada ayaa sidoo kale baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda ka aloosan magaalada Ceerigaabo. “Ceerigaabo waa magaalo ay wada deggan yihiin Puntland iyo Somaliland, waxaana 30-kii sano ee la soo dhaafay lagu wada joogay heshiis nabadeed oo beelaha halkaasi deggan wada qorteen, kaasi oo Puntland iyo Somaliland wada ixtiraami jireen.” “Isbeddelka Somaliland ka dhacay wuxuu ceeb ku yahay in isbeddel ku yimaado nabaddii Ceerigaabo, waa in mas’uuliyiinta Somaliland dib u eegaan arrintaasi, waxaan rabnaa in aan colaadaha ka soo doogno” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dirayay baaqa nabadeed ee colaadda Ceerigaabo. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in nabad iyo walaalnimo lagu dhammeeyo colaad beeleedda ka taagan galbeedka Gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in ay tahay in la joojiyo dhammaan dagaallada qabiilka ee ka socda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda ka taagan magaalada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  12. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa meel-mariyey Qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internerka iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn oo u dhexeeya guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia. Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka. Source: goobjoog.com
  13. Salwan Momika, 38 jir ah oo u dhashay Ciraaq, kuna caan baxay gubista nuqullo ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah ee ka dhacay Sweden sanadkii 2023, ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Södertälje oo u dhow caasimadda Stockholm. Booliiska ayaa sheegay in habeenimadii Arbacada ay heleen warbixin ku saabsan toogasho ka dhacday dhisme guri, halkaas oo ay ka heleen nin qaba dhaawacyo rasaas ah, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray. Warbaahinta maxalliga ah ayaa xaqiijisay in ninka la dilay uu yahay Salwan Momika. Momika ayaa horey u qabtay bannaanbaxyo uu ku gubay Qur’aanka, taas oo dhalisay caro iyo cambaareyn caalami ah, gaar ahaan dalalka Muslimiinta. Waxaa sidoo kale lagu waday in maxkamad ku taalla Stockholm ay xukun ku rido isaga iyo eedeysane kale oo lagu soo oogay dacwado la xiriira “kicin naceyb ah”. Booliiska ayaa bilaabay baaritaan hordhac ah oo la xiriira dilka, waxaana la xiray dhowr qof oo looga shakisan yahay kiiskan. Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Momika, hase yeeshee, dhacdadan ayaa imaaneysa iyadoo dalka Sweden uu wajahayo hanjabaado amni oo sii kordhaya oo la xiriira ficilladii gubista Qur’aanka ee uu sameeyay Momika. Source: goobjoog.com
  14. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQOgqBZ2RMH1vamBkCT_edjVH7aVk5lwU0jznKoy8dTH-4_hLX5Da-5Kmn4KF8A-imt0NMZD4LuezOZL0HEtcUg5.mp4 Qaran News
  15. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo ka hadlayay xiisadaha ka taagan magaalada Ceerigaabo iyo deegaanno ka tirsan gobolka Mudugu, ayaa xukuumadda cusub ee Soomaaliland ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan nabadda magaalada Ceerigaabo. Siciid Deni ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag 30-kii sanoo la soo dhaafay dadka degani ay nabad ku wada noolaayeen, haddana loo baahanyahay qulqulatooyinka ka taagan lq xalliyo. Wuxuu intaa ku daray in cadowga keliya ee ay Puntland iyo Soomaali oo dhami leedahay uu yahay kooxaha Daacish iyo Alshabaab, islamarkaana ay tahay in la joojiyo dagaal kasta oo midka qolyahaas lagula jiro ka baxsan. Source: goobjoog.com
  16. US Representative Scott Perry has introduced a bill to the House Committee on Foreign Affairs aimed at officially recognizing Somaliland as an independent state. This move underscores growing support within the US Congress for Somaliland’s quest for sovereignty. The bill reflects a significant shift in diplomatic relations, potentially impacting both regional stability and US interests in the Horn of Africa. Recognizing Somaliland could also influence international perceptions and encourage other nations to consider similar actions. As the legislative process unfolds, the implications of this bill could be far-reaching for Somaliland’s future and its relationship with Somalia. Source Horn review Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildibaan hore Idiris Cabdi Dakhtar oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Soomaalia Cable ayaa si adag uga hadlay beegsi uu sheegay in lagu haayo shacabka kasoo jeedo Koonfur Galbeed ee ku dhaqan deegaannada Puntland. Idiris Dhaqtar ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay in deegaan Soomaaliyeed laga soo raafo dad Soomaaliyeed, iyaga oo loo beegsanayo hayb ahaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta ugu wayn ee arrintan ka dambeysa ay tahay in la boobo hanti iyo ganacsi uu sheegay in dadka Koonfur Galbeed ku leeyihiin Puntlland. “Waan ka xumahay in dad shacab ah oo magaalada deggan mar walba loo dhibaateeyo haybtooda dartood, waxaan u aragnaa in la rabo hantidooda”. ayuu yiri Dhaqtar. Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ay joogaan dad kasoo jeedo Puntland, isla markaana ay ugu nool yihiin si xor ah, sidaas oo kalena looga baahan yahay dadka reer Puntland. “Haddii aad tegtid Koonfur Galbeed cid walba ayaa joogta kuwa hay’adaha haysto waxaa u badan dad kasoo jeedo Puntland” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray madaxda Puntland oo uu ka dalbaday inay soo farogeliyaan arrintaan, isla markaana ay ka hadlaan dhibaatada lagu hayo dadkaasi. Horay shacab kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa Somaliland ay uga soo masaafurisay Laascaanood, iyada oo sababta ku sheegtay in arrimo la xiriira amniga, waxaana arrintaasi ka dhashay caro xoogan iyo cambaareyn loo jeediyay maamulkaasi.
  18. Garowe (HOL) – Puntland regional state authorities have strongly denied reports by Ethiopian media alleging that three Ethiopian citizens were killed in the towns of Bosaso and Garowe. Source: Hiiraan Online
  19. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay agagaarka galbeedka gobolka Hiiraan, taas oo lala beegsaday xubno sar sare iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab xilli ay kasoo talaabeen jinga wabiga Shabelle. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan dhanka cirka ah khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta, sidoo kalena looga gubay gaadiid dagaal. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Hiiraan ayaa waxaa haatan dib uga bilowday gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda. Si kastaba, HirShabelle ayaa kamid ah meelaha ay weli ku xoogan yihiin Shabaabka, waxaase ka soconaya howlgallo ujeedkooda uu yahay in looga xoreeyo maamulkaasi.
  20. Milled rice donated “by South Korea”. Garowe (PP News Desk) — Nugaal Transport Police last night seized a lorry carrying donated food from South Korea. The officers who searched the lorry at Laacdheere checkpoint found sacks of milled rice from the 2023 harvest, packed in March 2024. It is unclear how milled rice from South Korea ended up in Somalia. The last time South Korea provided “humanitarian assistance worth 500,000 US dollars to Somalia” was in 2012. Puntland Transport Police searched the lorry at Laacdheere checkpoint. Food quality standards staff in Garowe are investigating the authenticity of the sacks bearing the name of the donor country. Enhanced searches at Puntland State have been introduced at checkpoints to prevent food and ammunition from being illegally smuggled to terrorist hideouts in the Calmiskaad mountain range. Puntland Interior Ministry will issue a statement once investigations into the lorry and its crew are concluded. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Police Seize Lorry Carrying “South Korean Rice” appeared first on Puntland Post.
  21. Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda American Airlines ayaa ku dhacday diyaarad qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee Black Hawk, xilli ay ku sii jeedday dhabaha ay diyaaraduhu ka duulaan ee Reagan National Airport oo u dhow magaalada Washington, D.C., sida ay sheegeen hay’addda maamulka duulista hawada Mareykanka ee FAA iyo saraakiisha difaaca dalkaas. Duulimaadkan oo numberkiisu ahaa 5342 ayaa waxaa saarnaa 64 qof oo rakaab ah, waraku waxay sheegayaan inay jirto khasaaro dhimasho, waxaana goobta ku sugan ciidamada ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdega. Hannaanka EarthCam ayaa muuqaal kooban oo muujinaya isku dhaca labada diyaaradood, waxaana isi soo taraya xogaha ku saabsan dhacdadan oo hadda haysata cinwaanada ugu horreeya ee warbaahinta. Source: goobjoog.com
  22. Washington (Caasimada Online) – Waxaa isku dhacay diyaarad rakaab oo Mareykanku leeyahay iyo diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo milatariga Mareykanku leeyihiin, sida ay sheegtay waaxda maamulka hawada fedraalka ee FAA. Diyaaradahan ayaa isku dhacay xili ay marayeen bartamaha hawada dhow ee magaalada Washington ee dalkaas Mareykanka. Labada diyaaradood ayaa ku dhacday webiga Potomac, oo marta Washinton, sida laa soo xigtay Washington iyo waaxda waaxda adeegga degdega ah. Diyaaradda helicopterka waxaa saarnaa 60 qof oo rakaab ah iyo afar shaqaale ah halka saddex ka tirsan ciidamada Mareykanka ay saarnaayeen diyaaradda milatariga Mareykanka. Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in warbixin kooban loo siiyay shilka uuna aad uga xun yahay qaabka wax u dheceen isagoo u mahadceliyey hawl wadeenada gurmadka deg degga ah Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in webiga Potomac laga soo saarey meydadka illaa 19 oo kamid ahaa Rakaabka diyaaradda America Airlines oo ay isku dhaceen Black Hawk helicopter meel ku dhow Reagan National Airport. Baaritaan ayaa weli socda, waxaana la baadi goobayaa dadka ka badbaaday shilka diyaaradahaas.
  23. Ururrada bulshada rayidka ah ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa taageero u muujiyay guddiga Doorashooyinka Qaranka, ka dib markii ay xubnaha guddigaas ka tirsani ay gaareen magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Jowhar. Cabdullaahi Salaad yarow oo hoggaaminayay xubno guddiga ka tirsan oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa warbaahinta la wadaagay waxyaabihii ay kala hadleen bulshada rayidka ah ee deegaanadaas, asagoo sheegay in ujeedka ay halkaas u tageeni ahayd inay bulshada la wadaagaan farriin la xariirta doorashada qofka iyo codka ah ee la filayo inay dalka ka qabsoonto. Cabdallaahi Salaad wuxuu intaa ku daray in ururrada bulshada rayidka ahi ay si weyn oo xamaasad leh u soo dhoweeyeen howlaha guddiga, ayagoo muujiyay inay diyaar u yihiin inay doorashada qofka iyo codka ka qeyb-qaataan. Guddiga doorashooyinka ayaa wada dadaallo xoogan oo ku aaddan howlaha doorashada qofka iyo codka, waxayna wefdiyo kala duwan u direen dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed. Source: goobjoog.com
  24. Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ku dhowaaqday ballan qaad culus oo ay u sameysay Soomaaliya, kadib wada-hadal ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada dalkaasi. Wada-hadalka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhex-maray guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Ruushka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda ilaalada madaniga, xaaladaha deg-degga ah iyo arrimaha la tacaalidda musiibooyinka ee dalkaas Dr. Kurynin Roman Viktorovich. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, is ay isaga kaashadaan labada waddan. Sidoo kale waxa ay dhinacyadu ka wada-hadleen inay yeeshaan wadashaqayn dhow iyo in si guud hay’adda SoDMA laga caawiyo dhisidda kartida iyo aqoonta, iyadoo loo marayo tababarro dhan kasta ah iyo qalabeyn. Intaas kadib wasiir Roman Viktorovich oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in uu madaxda ugu sarreysa Ruushka gaarsiin doono sida ay muhiim u tahay in gargaar deg-deg ah loo soo diro Soomaaliya, si saameynta abaaraha aysan u gaarin xaddi aan waxba laga qaban karin, ayna diyaar u yihiin inay garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa guddoomiyaha hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa ka mahad-celiyay taagerada muddada dheer ah, isagoo bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Muqdisho iyo Moscow. Horay Ruushka ayaa Soomaaliya ugu soo diray maraakiib siday gargaar, gaar ahaan Qamadi, kaas oo soo gaaray Muqdisho, kadibna ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.
  25. Dunida tartanka sare ee sirdoonka macmalka (AI), shirkadaha waaweyn waxay qarsoodi ka dhigaan tiknolojiyadooda. Laakiin DeepSeek, shirkaddaan Shiinees ah, waxay wax walba u beddeshay qaab cusub—waxay samaysay AI casri ah oo jaban oo furan! Tallaabadan geesinimada leh waxay ruxday adduunka teknolojiyadda, waxayna wax badan ka beddeshay AI, cilmi-baarista, iyo xitaa suuqyada ganacsiga. Laakiin sidee ayay DeepSeek ugu guulaysatay inay tartanka hoggaamiso, shirkado waaweyn khasaare geliso, kuna keento isbeddel weyn suuqyada caalamka? Aan eegno. Maxay DeepSeek U furtay AI-keeda? Marka shirkadaha kale ay xajiyaan xogtooda, maxay DeepSeek u furtay? Ma kaliya Suuq geyn bay ahayd mise xeelad? Waa tan sababta: Si loo wada gaaro horumar – Markay dadka oo dhan heli karaan AI-da DeepSeek, cilmi-baarayaal iyo ganacsato yaryar ayaa ka faa’iidaysanaya, taasoo dadajisay hal-abuurka. Si loo kasbado kalsooni – Dad badan ayaa ka cabanaya in AI-da qarsoodiga ahi tahay khatar. Laakiin marka la furo, wax walba waa cad yihiin, taasoo dad badan soo jiidatay. Si loo helo dad badan oo isticmaala – Barnaamijyada furan sida Linux iyo Android waa kuwa ugu isticmaal badan. DeepSeek waxay rabtay in AI-deedu noqdo kan ugu ballaaran. Si ay u horumarto AI-da si dhakhso leh – Markay dad badan horumariyaan AI-da DeepSeek, waxay noqoneysaa mid si joogto ah u horumarsan. Sidee DeepSeek U Ruxday Dunida AI? DeepSeek waxay keentay isbeddel weyn oo shirkado badan saameeyey: Fursado la siiyay shirkadaha yaryar – Hadda, shirkad yar oo leh hal-abuur weyn ayaa la tartami karta kuwa waaweyn. Shirkado badan oo qasab ku noqotay inay furfuraan AI-dooda – Markii DeepSeek bilaawday, cadaadis baa saarnaa shirkadaha kale si ay iyaguna u furnaan AI-dooda. Xawliga cilmi-baarista AI oo kordhay – Cilmi-baarayaashu waxay si dhakhso ah u heli karaan AI-dii hore, taasoo dedejisay horumarka. Bulsho caalami ah oo horumarinaysa AI – DeepSeek waxay abuurtay shabakad adduunka oo dhan ah oo dadku iska kaashanayaan horumarinta AI. DeepSeek iyo Suuqyada Maaliyadda: Saamaynta Wayn ee AI-da Furan AI-da furan ma saameyn kartaa suuqyada ganacsiga? Haa! Waa tan sida DeepSeek wax u beddeshay: Maal-gashadayaal aad u kalsoon – Furfurnaanta iyo horumarka degdega ah ayaa keentay in maal-gashadayaashu ku kalsoonaadaan DeepSeek. Shirkadaha kale ku qasban in ay isbedel sameeyaan – Shirkado badan ayaa hoos u dhacay maxaa yeelay ma aysan la jaanqaadin kacdoonka cusub. Lacag laga sameeyo barnaamijyada furan – Inkasta oo AI-du bilaash tahay, DeepSeek waxay lacag ka sameysay adeegyo dheeraad ah iyo xalal shirkado u gaar ah. Saameyn ku yeelatay suuqyada saamiyada – Marka DeepSeek ay IPO samaysay (bixisay saamiyo suuqyada), qiimaheedii kor buu u kacay, taasoo caddaysay awoodda AI-da furan. Maxay Tani Ka Dhigan Tahay Mustaqbalka? DeepSeek ma aha shirkad kaliya, waa isbeddel weyn oo AI-da iyo teknoolojiyadda guud ahaan ku yimid. Waa tan waxa mustaqbalka la filan karo: Dunida AI oo furfuran – Mustaqbalka, AI ma ahaan doonto mid sir ah, ee waxay noqon doontaa mid dadku wada horumariyaan. Fursado badan oo loogu tala galay horumariyeyaasha – Markay AI-da DeepSeek furan tahay, barnaamij-sameeyayaal badan ayaa adeegyo cajiib ah samayn doona. Tartanka AI-da oo is beddelaya – Shirkadaha waaweyn ee hadda xiran AI-dooda waxay waayi karaan booska hoggaaminta. Suuqyada saamiyada oo sii kacsan – Shirkadaha la jaanqaada AI-da furan waxay faa’iido badan sameyn doonaan, halka kuwa diida ay khasaari doonaan. DeepSeek waxay muujisay in AI casri ah la samayn karo si jaban, lana wadaagi karo si xor ah. Waxay burburisay fikraddii hore ee ahayd in AI ay tahay wax shirkado yar oo gaar ah ay xakameeyaan. Shirkado badan ayay niyad jab siisay, dad badan ayay shaqo siisay, suuqyada maaliyaddana way ruxday. DeepSeek waxay iftiimisay in tartanka AI uusan ahayn kaliya shirkadaha reer Galbeedka—Shiinaha wuu yimid, qiimo jaban, tayo fiican, oo xor ah! Adigu maxaad ka filaysaa mustaqbalka AI-da? Tartankii waa bilaabmay! Source: goobjoog.com