Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweyne Axmed Al-Sharaa oo ah Madaxweynaha ku meelgaarka ee Jamhuuriyadda carbeed ee Suuriya. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoggaanka cusub ee Suuriya u rajeeyay inuu xilka madaxtinimo ee xilliga kala guurka ah, uga mira-dhalin doono xaqiijinta rajada iyo rabitaanka shacabka Suuriya ee ku aaddan isbeddelka. Suuriya oo ku dhowaad 60 sano ku jirtay xukun keli-talis ah ayaa dhowaan gashay isbadel maamul, ka dib markii talada laga tuuray Bashar Al-assad oo taniyo 2000-dii hoggaanka hayay, waxaana hadda Madaxweyne ku meelgaar ah ka noqday Axmed Al-Sharaa oo ahaa madixii jamhadda Hayat Tahrir Al-Sham. Source: goobjoog.com
  2. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa wajahaysa dhaliilo xoogan oo la xiriira qaabka ay u maareyso gurmadka musiibooyinka iyo farriimaha is khilaafsan ee ay bulshada u dirto. Tan iyo intii ay bilaabeen baaqyada la xiriira roobabka Gu’ga iyo Abaaraha 2025, waxaa soo baxayay tuhun ku aaddan in hay’addu aysan lahayn istiraatiijiyad cad oo wax looga qabanayo saameynta ay abaartu keeni karto. Yuusuf Cumar, oo ah khabiir ku takhasusay maareynta musiibooyinka, ayaa sheegay in hay’adda ay dhaqaale badan ku bixiso farriimo iska hor imaanaya oo dadka jahwareer geliyay, taasoo meesha ka saartay wax-ku-oolnimadii hay’adda. Wuxuu intaas ku daray in dhaqaalihii caalamiga ahaa ee loogu talogalay horumarinta la dagaallanka abaaraha la beddelay loona weeciyay gargaar deg-deg ah oo maalinle ah, taasoo aan waxba kusoo kordhin xal waara oo lagula tacaalo dhibaatooyinka soo noqnoqda. “SoDMA waxay lumisay kalsoonidii ay bulshada ku lahayd. Maalin walba waxay soo saartaa farriimo aan isku xirnayn, kuwaas oo dhaqaale raadis ah, halkii ay ka shaqeyn lahayd xal waara. Tani waxay dhaawacday sumcadda hay’adda iyo tan dalka.” ayaa lagu yiri Yuusuf. Inkasta oo SoDMA ay si wadajir ah ula soo saartay FAO baaq ku aaddan roobabka Gu’ga ee 2025, haddana dad badan ayaa su’aal ka keenay awoodda hay’adda ee fulinta qorshayaashan. Bulshada Soomaaliyeed iyo ganacsatada ayaa dareemaya kalsooni darro, iyagoo ka cabanaya in hay’adda aysan ka tarjumayn baahiyaha dhabta ah ee shacabka, balse ay ku mashquulsan tahay ololeyaal dhaqaale raadis ah. Waxaa muuqata in SoDMA ay u baahan tahay dib u habeyn iyo in ay la timaado hannaan daahfuran oo bulshada lagu wacyigeliyo si wax-ku-ool ah, halkii ay ka bixin lahayd farriimo iska hor imaanaya oo kalsoonida bulshada dhaawacaya. Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Washington Post kaga hadlay xiriirka Mareykanka, dagaalka Al-Shabaab, iyo sida uu doonayo in uu Soomaaliya uga dhigo dal nabdoon oo dimuqraadi ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn in Mareykanka kala baxo la-taliyeyaasha iyo khubarada gacan ka siinaya tababarka ciidamada gaarka ah ee dalka. “Waxaan ka codsaneynaa Madaxweyne Trump inuusan kala bixin la-taliyeyaasha iyo khubarada Mareykanka ee gacan ka siinaya tababarka ciidamadeenna gaarka ah. Xaqiiqdii, waxaan rabnaa in Mareykanku kordhiyo tiradooda si aan uga adkaanno Al-Shabaab inta uu xilka hayo Madaxweyne Trump,” ayuu yiri. Markii la weydiiyay haddii Soomaaliya awood u leedahay in ay daciifiso Al-Shabaab iyada oo aan Mareykanka taageerin, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh caddeeyay in dagaalka Soomaaliya uu ka duwan yahay kan Ukraine. “Ukraine waa dagaal u dhexeeya laba dal, laakiin la dagaallanka kooxaha argagixisada oo aan xiriir caalami ah lahayn waa mid kale. Waxaan u baahanahay taageero. Madaxweyne Trump waa nin ficil ah; wuxuu fuliyaa waxa uu sheego. Waxaan rajeyneynaa inuu indhihiisa ku eegi doono Soomaaliya,” ayuu raaciyay. Markii la weydiiyay haddii uu la kulmi doono Madaxweyne Trump, wuxuu sheegay in uu doonayo in uu bixiyo sawir dhab ah oo ka tarjumaya Soomaaliya, si loo jabiyo aragtida khaldan ee laga hayo dalka. “Dadka Mareykanka waxaa saameeya filimada sida Black Hawk Down iyo Captain Phillips. Kuwani waxay muujinayaan in Soomaaliya tahay meel xun, balse dhab ahaantii, Soomaaliya ma aha meel xun,” ayuu yiri. Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka hadlay dhaxalka uu doonayo in uu ka tago, isagoo carrabka ku adkeeyay in uu rabo Soomaaliya nabdoon, dimuqraadi ah, oo xiriir dhow la leh Mareykanka. “Waxaan rabnaa Soomaaliya xor ka ah Al-Shabaab, Soomaaliya dimuqraadi ah, iyo Soomaaliya oo saaxiib waqti dheer la ah Mareykanka,” ayuu yiri. Source: goobjoog.com
  4. Ergayga gaar ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha macawislayda ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay op ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwo deegaanku fuliyeen lagu diley rag ajaanib ah oo ka garab dagaalayay Al-shabaab. ” qof ajanabi ah oo meel uu ka yimid iyo wax uu u socdo aan la garanayn baa buurtaa shalay dadkii ku dhintay ku jiray” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte oo la hadlay ciidamadu. Sidoo kale wuxuu sheegay in hoggaamiyaal badan oo bulshada iyo deegaanka halis ku ahaa ay meesha ku dhinteen, waxayna arrintani muujinaysaa in tirada ajaanibta Soomaaliya lagu diley ay todobaadyadii la soo dhaafay aad u kordheen, ayadoo ay ciidamada Puntland sheegeen inay buuraleyda gobolka Bari ku dileen tobanaan shisheeye ah oo ka garab dagaalayay kooxda Daacish. Source: goobjoog.com
  5. Wararka ka imaanaya dawlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in shidaal yari xooggan laga dareemayo magaalada xarunta ah eeJigjiga iyo qaybo badan ka mid ah deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyada oo gaadiidlaydu ay cabasho ka muujiyeen. Dhacdadan oo saamayn ku yeelatay bulshada ayaa si gaar ah u saamaysay gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya gudaha caasimadda deegaanka oo safaf dhaadheer u gala sidii ay shidaal u heli lahaayeen. Maxaa sababay shidaal-yarida Jigjiga Arrintan oo taagnayd bilihii ugu dambeeyay ayaa loo sababaynayaa in ay salka ku hayso dawladda Itoobiya oo joojisay kabkii ay siin jirtay ganacsatada shidaalka keenta dalka Itoobiya. Sida caadiga ah, dawladda Itoobiya waxay shidaalka ka soo dejisaa dekadaha ay adeegsato ee Jabuuti iyada oo qiimo jaban ka siisa ganacsatada. Dhacdo kale, waa in dawladda Itoobiya ay sannadkii la soo dhaafay ay joojisay dhammaan gawaadhida shidaaka ku shaqaysa ee sida gaarka ah loo leeyahay, iyada oo taasi beddelkeeda amar ku bixisay in dalkeeda la soo gelin karo keliya gaadiidka isticmaala korontada. Tallaabadaasi waxa ay dalkan ku yaalla bariga Afrika ka dhigtay kii ugu horreeyay ee soo saara amar noocan oo kale ah dhammaan caalamka oo uu ku mamnuucayo isticmaalka gaadiidka ku shaqeeya shidaalka. Saamaynta ka dhalatay Shidaal yarida ka jirta caasimadda deegaanka Soomaalida ayaa saamaynteeda laga dareemay gaadiidka u kala baxa gobollada deegaanka, si gaarna waxa sare ugu kacay qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee Bajaajta loo yaqaanno. Maxamuud Haybe waa mid ka mid ah darawallada ku shaqaysta mooto bajaajta ee magaalada Jigjiga waxa uu BBC-da uga warramayaa sida ay u saamaysay shidaal yarida ka jirta deegaanka. “Halkan waxa aan soo istaagay saaka sagaalkii subaxnimo ilaa haddana waan joogaa aniga oo saf ugu jira kaalinta. Baajaajtan anigu ma lihi ee waxa aan ka ahay darawal. Ninka iska leh habeen walba waxa uu iga rabaa in aan bixiyo lacagta aan ku heshiinnay. Si gaar ah, aniga noloshaydu waxa ay ku tiirsan tahay bajaajtan oo aan qoyskayga ka masruufo.” Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaan war ka soo saarin dhibaatada ka taagan kaalmaha shidaalka, hase ahaatee waxa ay dhanka kale dawladdu shaacisay in ay maanta oo keliya ay soo qabteen ku dhawaad 6 kun oo litir oo baansiin ah kuwaasi oo ay dawladdu ku sheegtay in si sharci darro ah loogu iibinayay goob qarsoodi oo ku taalla gudaha magaalada. Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka ee deegaanka Soomaalida waxa xabsiga loo taxaabay dad aan tiradooda la cayimin oo lagu sheegay in la qabtay iyaga oo faraha kula jira shidaal sharci darro ah oo ay u iibinayeen si dhuumaalaysi ah. Doorka kaalimaha shidaalka iibiya Xarumaha lagu iibiyo shidaalka deegaanka ayaa noqday kuwo si maalinle ah ay safaf dhaadheer ay ugu jiraan noocyada kala duwan ee gaadiidka. BBC-du wax ay ogaatay in ay jiraan kaalimo shidaal oo gebi ahaanba xidhan. Ganacsatada kaalimaha shidaalka qaarkood oo ka gaabsaday in magacooda la baahiyo oo aan waraysannay waxa sheegeen in dhibaatada shidaal yaridu ay tahay mid ka timid hab-maamulka shidaalka, gaar ahaan waxaa ay xuseen in caqabad weyn ay ka taagan imaanshaha shidaalka laga keeno Jabuuti oo mararka qaarkood qaata muddo bilooyin ah. “Booyad kasta oo baasiin waddaa waxa ay nagu qaadataa in ay noogu timaaddo muddo bil ah. Laakiin waxa ay na haysaa keliya afar maalmood. Booyad kale in aan dalbano haddana waxa ay u baahan tahay bil kale oo dheeraad ah. Mar kasta baahida shidaal ee aan qabno waxa laga hor mariyaa maagaalooyinka kale ee dalka sida Addis Ababa iyo Adama”, ayaa uu yidhi mid ka mid ah maamulayaasha kaalimaha shidaalka oo la hadlayay BBC. Waxa aan isku daynay in tabashada gaadiidlayda iyo tan kaalimaha shidaalka aan wax ka weydiiso xafiisyada ay arrintani sida gaarka ah u khusayso, laakiin waa ay ka gaabsadeen in wax faahfaahin ah ka bixiyaan. Bayaanka baarlamaanka Dhawaan ayay ahayd markii Golaha Wakiillada Shacabka ee dalka Itoobiya uu ansixiyay bayaan hor leh oo lagu maamuli doono ka ganacsiga shidaalka, kaasi oo dhigaya in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in shidaal ay ku iibiso hannaan aan waafaqsanayn kan dawladda. Bayaankan ayaa dhigaya tallaabooyinka laga qaadayo qofka mulkiilaha ah ee lagu qabto isaga oo shidaalka uga ganacsanaya hab sharciga baalmarsan sida qiimo kordhin, qarin shidaal, dhimista cadadka, isku darka naafto iyo bansiin, koontarobaan iwm. Itoobiya ayaa muddo ka mid ahayd waddamada ugu jaban dhanka shidaalka guud ahaan Qaaradda Afrika iyada oo kab siin jirtay ganacsatada soo dejisa shidaalka. Laakiin in muddo ah waxa soo noqnoqotay cabashada iyo walaaca laga qabo shidaalka oo aan ku filnayn gaadiidka qaybihiisa kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, shidaal yarida ka jirta magaalada Jigjiga iyo qaybo ka mid ah Deegaanka Soomaalida ayaa ah mid si weyn looga dareemay isu socodka magaalada gudaheeda iyada oo laga cabsi qabo in korodh uu ku yimaado maciishadda Bbcsomali Qaran News
  6. Beledweyne (HOL) – Somali President’s Special Envoy for Community Defense Forces, Ali Jeyte Osman, announced on Saturday that Somali army forces and local fighters have killed several Al-Shabaab militants, including foreign fighters, during intense clashes in the Hiiraan region over the past week. Source: Hiiraan Online
  7. The Palestinian group Hamas has released three Israeli captives in two separate handover rites, in the latest stage of a gradual exchange under a ceasefire deal that ended the 15-month Israeli genocide in Gaza. Source: Hiiraan Online
  8. Garowe (HOL) – Puntland regional authorities have imposed a ban on media outlets from contacting the Islamic State (ISIS) group as part of ongoing military operations targeting ISIS strongholds in the Al-Miskat mountains of the Bari region. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir Dowladda Puntland oo saaka warsaxaafadeed soo saartay ayaa go’aamisay in aysan warbaahinta kala duwan faafin karin xog ku saabsan dagaalka buuraha Calmiskaad oo aan si rasmi ah uga soo bixin dowladda. Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta Puntland oo uu ku saxiixan yahay, wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa lagu go’aamiyay in aysan warbaahinta kala duwan faafin karin xog ku saabsan dagaalka buuraha Calmiskaad oo aan si rasmi ah uga soo bixin dowladda. Wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sidoo kale amartay in aysan furimaha dagaalka Calmiskaad aadi karin warbaahin aan ogolaansho ka haysan wasaaradda Warfaafinta”Warbaahin ama wariye aan ogolaansho ka haysan wasaarada ma aadi karaan furimaha dagaalka Calmiskaad.” Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland: Xog aan dowladda rasmi uga soo bixin lagama faafin karo dagaalka Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  10. Qaar kamid ah ganacsatada Jaadka ee degaannada Puntland ayaa cabasho ka muujiyay fara-gelin ay sheegeen in xubno ka tirsan qoyska Madaxweyne Deni ku hayaan ganacsigooda. Qaar kamid ah ganacsatada Jaadka oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in wiil uu dhalay madaxweyne Deni oo shaar dowladeed u soo xirtay, islamarkaana ka ganacsada Jaadka uu fara-gelin ku hayo ganacsigooda Jaadka, si uu macaash uga raadiyo. “Ganacsigii Jaadka iyo diyaaraddii noo keeni jirtay waxaa nagu haysta wiilka uu dhalay madaxweyne Deni, arrintaasina nama qabato, waxaan nahay Canshuur-bixiyaal. Marka waxaan rabnaa arrintaa wax laga qabto” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada Jaadka oo baaq u diray madaxweynaha Puntland Siciid Deni. Jaad-walayaasha oo hadalkooda sii wata ayaa madaxweyne Deni ka dalbaday in uu sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabto cabashada ay ka muujinayaan wiilkiisa oo sida ay sheegeen hor taagan in ay soo degto diyaaraddii Jaadka uga keeni jirtay Nairobi. PUNTLAND POST The post Jaad-walayaasha Puntland oo cabasho ka muujiyay fara gelin uu ku hayo wiilka madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  11. Somali President Hassan Sheikh Mohamud speaks during an interview in Mogadishu, Somalia, on Feb. 20. (Feisal Omar/Reuters) The al-Qaeda-linked Islamist militant group al-Shabab, which operates in Somalia, remains one of the most dangerous terrorist organizations active today. Hassan Sheikh Mohamud, 69, is serving his second term as Somalia’s president. His presidency has been defined by the struggle against these terrorists. Up until now, the United States has been contributing significantly to this fight, with both money and troops. The Post’s Lally Weymouth spoke with Mohamud on the sidelines of the World Economic Forum’s annual meeting in Davos, Switzerland. Excerpts: Lally Weymouth: What do you hope your country’s relationship will be with the new Trump administration? Hassan Sheikh Mohamud: We always have a very good relationship with the United States. We don’t know what the new leadership will come up with, but we do not expect something bad. Some people around President Donald Trump want him to recognize Somaliland [an autonomous part of Somalia that has governed itself since 1991] as an independent country. Do you oppose the recognition of Somaliland? Yes, we do. Somalia is one. It became an independent state in 1960. Somaliland was a British protectorate. The southern part of Somalia was an Italian colony. In 1960, both sides became independent and became the Somali Republic. Then the civil war occurred in 1991, and Somaliland seceded in that year from Somalia. Although Somaliland has functioned as an autonomous region and has had elections, the other African states oppose its recognition presumably because they fear that it might lead to parts of their own countries breaking away. Is that the real argument against recognition? If the borders of Africa are changed and new borders are developed, that is going to be a very serious problem. Yes, they have had elections in Somaliland, but elections are not, in my view, the criteria for secession. When you came to office, you said one of your main aims was to defeat al-Shabab. How do you think the fight is going? We have been fighting al-Shabab for the past 18 years militarily. We also fight al-Shabab with money and financial restrictions. Of course, al-Shabab is not completely defeated, but we have pushed and degraded them considerably, and that was done by our own forces. Today, we are in control of hundreds of kilometers where al-Shabab dominated for years. But the fight against al-Shabab is still difficult. It’s difficult because we have a limited capability. After two years of continuous war, we have some level of fatigue. But we are reorganizing our forces now, and there is a new campaign going on as I speak to you. You’ve really made progress? We have. The United States witnessed that. They were with us. They are our partner. The United States is supporting us in intelligence gathering, logistical support, aerial support, surveillance and sometimes even preempting certain attacks of al-Shabab on our forces. However, there are no American soldiers fighting on the ground. To the American public, how would you explain why it is important to invest in the fight against this terrorist group in such a faraway country? Al-Shabab is linked with al-Qaeda. And they have an international, global agenda. But why should the United States help Somalia? Because of our fight against al-Shabab, these terrorists don’t have the chance to run their networks in Europe and America. Before, they had suicide bombers in London and in many other parts of Europe. Americans have preempted some strikes that al-Shabab was organizing within America. So al-Shabab is not a threat to Somalia only. That’s the reason America is supporting us. In 2023, the United States gave your country approximately $1 billion in military and humanitarian aid— am I correct? Not all in security assistance; much of this money was humanitarian. Could al-Shabab impact the shipping lanes? Yes. A more stable and secure Somalia will help secure the global trade routes. Another threat to the region and to shipping are the Iranian-backed Houthis in Yemen. Al-Shabab and the Houthis have a very good relationship. They are exchanging weapons and training. President Trump pulled U.S. troops out of Somalia during his first term, and then President Joe Biden sent them back in 2022. What happens if President Trump pulls them out again? What we ask of President Trump is not to pull out the American advisers and consultants who are supporting the training of our special forces. Indeed, we are requesting that the United States increase the number so that we can eliminate al-Shabab while President Trump is in office. Can you degrade al-Shabab further without the United States? President Trump seems uninterested in overseas engagements, like the one in Ukraine. This is different. Ukraine is a war between two countries. But fighting terrorist groups, which have no international link, is different. We need support. President Trump is a man of action. He does what he says. We hope that he will look at Somalia. Will you go meet him? That would be ideal. I would give him a good picture of Somalia. Americans are shaped by movies like “Black Hawk Down” or “Captain Phillips.” These are indicators that Somalia is a bad place, but Somalia isn’t a bad place. What do you want your legacy to be? We want a Somalia free from al-Shabab, we want Somalia to be a democratic country and a long-term partner of the United States. Source: Washington Post The post President of Somalia: Trump must help defeat global terrorism appeared first on Puntland Post.
  12. Washington, DC – When Ruqia Balkhi arrived in the United States in September 2023, she was greeted by a federally funded resettlement agency that helped her launch a new life. Source: Hiiraan Online
  13. Kenya tech company uses plastic waste to help college students Source: Hiiraan Online
  14. Shirarkii nabadaynta ee dhawaan Shir ku saabsan xal u raadinta colaad beeleedda ka aloosan galbeedka gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in uu saaka oo Sabti ah ka furmo magaalada Gaalkacyo. Shirkan ayaa dhammaystir u ah shirarkii nabadda ee dhawaanahan ka socday magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug xal ugu raadinayeen colaadda labada beelood ee ka taagan galbeedka gobolka Mudug. Go’aanno Wadajir ah, oo dhawaan ka soo baxay mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayay ku go’aamiyeen qodoba ku saabsan xakamaynta colaadda labada beeleed ee ka taagan degaannada galbeedka gobolka Mudug, si looga hortago in aysan isku dhacyo danbe ka imaan labada dhinac. Go’aannada xakamaynta colaadda oo ka koobnaa 7 qodob ayaa lagu go’aamiyay in mileeshiyaadka labada Beelood ee dagaallamay la kala fogeeyo, islamarkaana la kala geeyo goobihii hore loogu asteeyey ee (Bandiiradley iyo Galdogob), sidoo kalena dib loo hawlgeliyo ciidamadii ilaalinta nabadgelyada ee labada beelood. Puntland iyo Galmudug ayaa sidoo kale isla gartay in guddiga farsamadu ay dedejiyaan qabashada guddiga xeerbeegtida iyo culimada ee ka garnaqa khilaafka labada beelood siwaafaqsan heshiiskii labada beelood ee 02/10/2024, iyadoo oo lala tashanaya odayaasha dhaqanka labada dhinac. PUNTLAND POST The post Shirka dhammaystirka nabadayn colaadii galbeedka Mudug oo saaka Gaalkacyo ka furmaya appeared first on Puntland Post.
  15. Ciidanka qalabka sida ee Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay dib u soo celinayaan gacan ku haynta magaalada Umm Rawaba oo ku taalla waqooyiga gobolka Kordofan, halkaas oo ay saareen ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF. Xoogagga RFS ayaa magaaladan maamulayay tan iyo May 2023, waxayna ku taallaa waddo istiraatiiji ah oo isku xirta Waqooyiga Kordofan iyo bartamaha Suudaan, waana magaalada labaad ee ugu weyn gobolka, ayadoo qiyaastii 480 kiiloomitir u jirta, koonfur-galbeedna ka xigta caasimadda Khartoum. Ciidanka militariga ah ee Suudaan ayaa hormar xooggan ka samaynaya dagaalka ay kula jiraan fallaagada RFS, waxayna dib u qabsadeen dbowr magaalo oo istiraatiiji ah. Source: goobjoog.com
  16. Sanadka 2024 waxaa lagu xasuusan doonaa inuu noqday sannad isbeddel taariikhi ah ku reebay taariikhda casriga ah ee Soomaaliya—sannad lagu qeexay loollan adag oo loo galay jiritaanka madaxbannaanida, gobbonimafa iyo midnimada dhuleed ee dalka. Source: Hiiraan Online
  17. 2024 will be remembered as a turning point in Somalia's modern history—a year defined by an existential challenge to its sovereignty and territorial integrity. On New Year's Day, Ethiopia and Somaliland signed a provocative Memorandum of Understanding (MoU) that granted Ethiopia access to a 19-kilometer stretch of Somaliland's coastline, bypassing Somalia's federal government entirely. Source: Hiiraan Online
  18. The al-Qaeda-linked Islamist militant group al-Shabab, which operates in Somalia, remains one of the most dangerous terrorist organizations active today. Somali President Hassan Sheikh Mohamud, 69, is serving his second term as president. His presidency has been defined by the struggle against these terrorists. Up until now, the United States has been contributing significantly to this fight, with both money and troops. Source: Hiiraan Online
  19. The al-Qaeda-linked Islamist militant group al-Shabab, which operates in Somalia, remains one of the most dangerous terrorist organizations active today. Somali President Hassan Sheikh Mohamud, 69, is serving his second term as president. His presidency has been defined by the struggle against these terrorists. Up until now, the United States has been contributing significantly to this fight, with both money and troops. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Libyan authorities have rescued 263 African migrants who were held in appalling conditions by human traffickers in the Ajkhara district, officials confirmed Friday. The migrants, including women and children, showed signs of severe malnutrition and physical abuse, with some held captive for up to eight months. Source: Hiiraan Online
  21. TORONTO, Canada (HOL) — For weeks, Nehima Jamal's image haunted the internet: a 20-year-old Ethiopian woman bound, gagged, and beaten by human traffickers in Libya, her suffering broadcast to force a ransom. Now free, she recounts the harrowing journey that brought her to the brink of death—and her warning to those considering the same path. Source: Hiiraan Online
  22. Buuloburde (Caasimada Online) – Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte ayaa qabtay shir jaraa’id oo dagaalka Al-Shabaab uu uga hadlay, sidoo soo bandhigay guulo ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaal socday 48-kii saac ee lasoo dhaafay. Cali Jeyte ayaa sheegay in dhulkii ugu muhiimaanaa ee Jiinka Wabiga Shabeelle ay ka xoreeyeen kooxda, dagaalyahano badana ay uga laayeen. Sidoo kale wuxuu sheegay in ajaanib Shabaab ah ay ku dileen dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay in dalkaan aysan nabadi ka dhacayn iyadoo aan Shabaab laga xoreyn. “Ajaanib ayaa ku dhimatay dagaalka, welina kuwaa ku jira buurahaas, waan la yaabnay, anigaan oo deegaanka u dhashay kuma noolaa karo halkaan, kuwo kale oo deegaankaan aan u dhalan ayaan ku dilnay dagaalka, inta hartana waa laga sifeynayaa,” ayuu yiri Cali Jeyte. Cali Jeyte ayaa qiray in dagaalka ay soo galeen ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal, kuwaas oo hubka culus ku garaacay Khawaarijta oo gashay dhul buuraley ah. “Dadka shacabka ah waxaan leeyahay musiibo hadii ay timaado waa la iska kaashadaa ee halkaan musiibaa taallee nagu garab siiya, inta Soomaaliya Shabaab joogo ma degi doonto,” ayuu yiri Cali Jeyte. Hoggaamiye Ciidamada Deegaanka wacad ku maray in Shabaab ay dhadhemi doonaan xanuunka ay u geysteen dad badan oo aan waxaba ka galabsan, “waan u aarayaa dadkii ui Shabaab-ku naga dilay waa balan,” ayuu yiri. Hoos ka daawo
  23. TORONTO, Canada (HOL) — Hamilton Centre MPP Sarah Jama has announced her decision to seek re-election as an Independent after the Ontario New Democratic Party (NDP) rejected her bid to rejoin the caucus. The move has intensified divisions within the NDP’s Hamilton Centre riding association and raised concerns about vote-splitting in one of the party’s strongholds. Source: Hiiraan Online
  24. TORONTO, Canada (HOL) — Hamilton Centre MPP Sarah Jama has announced her decision to seek re-election as an Independent after the Ontario New Democratic Party (NDP) rejected her bid to rejoin the caucus. The move has intensified divisions within the NDP’s Hamilton Centre riding association and raised concerns about vote-splitting in one of the party’s strongholds. Source: Hiiraan Online
  25. Garowe (HOL) — Puntland President Said Abdullahi Deni has called for immediate dialogue to de-escalate tensions in Erigavo following recent clashes that have unsettled the normally restive city. Source: Hiiraan Online