-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka fal-celiyey warka ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee uu ku sheegay in ay Soomaaliya ka fuliyeen weerar ka dhan ah kooxda Daacish. “Saaka waxaan amar ku bixiyay in weeraro cirka ah oo si gaar ah loola beegsanayo lagu qaado worsheeyaha sare ee weerarada Daacish iyo argagixisada kale ee uu ku soo qortay kuna hoggaaminayay gudaha Soomaaliya,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in lagu war-geliyey weerarkii Maraykanka ee lala beegsaday hoggaanka sare ee Daacish ee waqooyiga Soomaaliya fiidnimadii caawa. Wuxuu qirayaa “taageerada aan kala go’a lahayn ee Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuuna soo dhaweynayaa ballanqaadka sii socda” ee hoos yimaada hoggaanka go’aanka leh ee Madaxweyne Trump. “Hawlgalkii ugu dambeeyay wuxuu xoojinayaa iskaashiga amniga ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka ee la dagaallanka khataraha xagjirka ah. Soomaaliya waxay ku taagan tahay inay la shaqeyso xulafadeeda si loo ciribtiro argagixisada caalamiga ah loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X. Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth ayaa isna sheegay in weerarada lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish-Soomaaliya oo ku sugnaa buuraha Golis ee gobolka ismaamul hoosaadka Puntland. “Qiimaynteena horudhaca ah waxay muujinaysaa in dhowr xubnood lagu dilay duqeymaha cirka ah, ayna jirin waxyeello soo gaartay dad rayid ah,” ayuu Hegseth ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray. “Tallaabadan ayaa sii wiiqaysa awoodda Daacish ee ah inay qorsheeyaan oo ay fuliyaan weeraro argagixiso oo khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka, saaxiibbadayada, iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxayna farriin cad u direysaa in Mareykanku mar walba u diyaar garoobayo inuu helo oo uu ciribtiro argagixisada khatarta ku ah dalka Mareykanka iyo xulufadiisa.”
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay duqeymaha Caawa ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaasi oo lagu beegsaday Kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. “Dowladda Puntland oo in dhoweyd ku jirtay Howlgal ay Argagixisada Daacish uga sifeynayso Puntland, waxay u mahadcelinaysa saaxiibada Adduunka ee ka caawinaya hawlgalka gaar ahaan Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. Dowladda Puntland waxay sheegtay in Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ay “ka qeyb qaateen duqeymaha xagga Cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish).” Puntland waxay sheegtay in hawlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, uu Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ay sheegtay in ay ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo degaannada ay ku dhuummanayaan. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo soo dhaweysay duqeymaha Caawa Mareykanku ku beegsaday Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu, Somalia – The US military carried out airstrikes targeting Islamic State group (ISIS) militants in Somalia on Saturday, the first such operation in the country during the current US presidential term. President Donald Trump announced the strikes on his social media platform. The strikes, which were authorized by President Trump and coordinated with the Somali government, targeted ISIS operatives in the Golis Mountains, according to a statement from US Secretary of Defense Pete Hegseth. ‘Multiple’ ISIS operatives killed “At President Trump’s direction and in coordination with the Federal Government of Somalia, I authorized U.S. Africa Command to conduct coordinated airstrikes today targeting ISIS-Somalia operatives in the Golis mountains,” Hegseth said in a statement released on Saturday. The Pentagon’s initial assessment indicated that “multiple operatives” were killed in the strikes and that no civilians were harmed. “This action further degrades ISIS’s ability to plot and conduct terrorist attacks threatening U.S. citizens, our partners, and innocent civilians,” Hegseth added. He emphasized that the operation sends “a clear signal” that the United States is prepared to “find and eliminate terrorists” who threaten the US and its allies. President Trump, in a post on his social media platform, stated that a senior ISIS planner and his recruits were targeted in the operation. He claimed credit for the strikes, asserting that they had been in planning for years but that previous administrations had failed to act. “The message to ISIS and all others who would attack Americans is that ‘WE WILL FIND YOU, AND WE WILL KILL YOU!'” he declared. The identity of the senior ISIS planner and whether they were killed in the strike remain unconfirmed. Somali President Hassan Sheikh Mohamud said he was informed of the U.S. strike targeting senior ISIS leadership in northern Somalia this evening. He acknowledges “the unwavering support of the United States in the fight against international terrorism and welcomes the continued commitment” under the decisive leadership of President Donald Trump. “This latest operation reinforces the strong security partnership between Somalia and the United States in combating extremist threats. Somalia remains resolute in working with its allies to eliminate international terrorism and ensure regional stability,” the president said in a statement on X. ISIS presence in Somalia While ISIS has a smaller presence in Somalia compared to the Al-Qaeda-affiliated Al-Shaaab, experts have expressed concerns about its growing activity in recent years. The group primarily operates in the remote, mountainous regions of northern Somalia. According to the International Crisis Group, the number of ISIS militants in the country is estimated to be in the hundreds, mainly scattered in the Cal Miskaat mountains within Puntland’s Bari region. The Golis Mountains, where the latest strikes took place, are a rugged mountain range extending across northern Somalia. The difficult terrain has long provided a haven for various armed groups operating in the region. US Africa Command (AFRICOM) has conducted airstrikes against ISIS militants in Somalia, such as in May, in which three militants were killed. Recent reports from US intelligence officials indicate that ISIS cells in Somalia have been receiving increased direction from the group’s core leadership. This includes guidance on kidnapping Westerners for ransom, improving military tactics, evading drone surveillance, and developing their own small quadcopter capabilities. Somalia has been grappling with instability and conflict for decades, with Al-Shabab being the dominant insurgent group. The emergence of ISIS in Somalia, though relatively small, adds another layer of complexity to the security landscape. The Federal Government of Somalia, supported by the African Union peacekeepers (AUSSOM) and international partners like the United States, has been engaged in a protracted effort to combat both Al-Shabab and ISIS. The first major US airstrike against ISIS in Somalia was in November 2017, and there have been hundreds of strikes since then.
-
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaca ka qaaday inuu amray duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya. Trump ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday xubno argagixiso ah oo ku dhuumaaleysanayay godod, kuwaas oo halis ku ahaa Mareykanka iyo xulafadiisa. Trump oo fariin soo dhigay barta X ku yiri: “Militarigaygu wuxuu beegsaday weeraryahan sare oo ka tirsan Daacish iyo xubnaha uu hoggaaminayay. Waxaan burburinnay godadkii ay ku jireen, waana dilnay argagixiso badan iyada oo aan waxyeello loo geysan dad rayid ah.” Sidoo kale, Trump ayaa weerarkan ku tilmaamay mid uu muddo badan la sugayay, balse maamulka Joe Biden uusan si degdeg ah uga falcelin. Wuxuu intaas ku daray in farriinta ay Mareykanka dirayso tahay: “Waan idin heli doonnaa, waana idin dili doonnaa!” Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka Puntland uu dagaal ballaaran ka wado buuraha gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin malleeshiyaadka Daacish ee Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa horay weerarro la beegsaday kooxdaasi, waxaana bishii May ee sannadkii hore ay ka fulisay duqeyn ay sheegeen in lagu beegsaday hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, kaasoo ka badbaaday weerarkaasi. Source: goobjoog.com
-
President Trump: ”This morning I ordered precision Military air strikes on the Senior ISIS Attack Planner and other terrorists he recruited and led in Somalia”. Mogadishu (PP News Desk) — The United States President Donald Trump today ordered targeted strikes against ISIS in the Calmiskaad mountain range in Puntland State of Somalia. “This morning I ordered precision Military air strikes on the Senior ISIS Attack Planner and other terrorists he recruited and led in Somalia. These killers, who we found hiding in caves, threatened the United States and our Allies” tweeted President Trump. Nearly one month ago, Puntland Defence Forces launched counterterrorism operations against ISIS in the Calmiskaad mountain range. ISIS terrorists fled many hideouts, leaving behind ammunition, food, registers and IDs belonging to foreign members of the proscribed group. ISIS mined parts of Calmiskaad to stop the advance of Puntland Defence Forces. Many ISIS fighters have surrendered to Puntland Defence Forces. © Puntland Post, 2025 The post Trump Orders “Military air strikes on” ISIS in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Perplexity AI beats Google Gemini, ChatGPT and Deepseek to correctly identify an Oromo language sentence. Addis Ababa (PP News Desk) — In linguistics Somali and Oromo belong to the same Eastern Cushitic language group. Although no comparative study on the syntactic similarities between the two language has been conducted, Google Gemini and ChatGPT, two Large Languages Models platforms, identified an Oromo question as a somali language sentence. When asked the meaning of “ Eenyu Haa Hoggaanu?”, ChatGPT answered: “Eenyu Haa Hoggaanu?” is a phrase in Somali. It roughly translates to “Whom shall we lead?” or “Who should we govern?” in English. Google Gemini supplied a similar answer the same question: “ “Eenyu Haa hoggaanu?” is Somali. It roughly translates to “Who is leading us?” or “Who is our leader?” Perplexity AI, a competitor of both ChatGPT and Google Gemini, provides the correct answer: “Eenyu Haa hoggaanu?” is in Oromo, a Cushitic language spoken in Ethiopia and parts of Kenya. It translates to “Who will lead us?” in English.” Deepseek, the new Chinese Large Language Model, gives the most outlandish answer to the question about the Oromo sentence. “Eenyu Haa hoggaanu?” is a phrase in the Tulu language, which is primarily spoken in the Indian state of Karnataka, particularly in the coastal regions like Dakshina Kannada and Udupi” answered Deepseek. © Puntland Post, 2025 The post Google Gemini and ChatGPT Identify An Oromo Sentence As Somali Language, But Perplexity AI Gets It Right appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada kooxda Daacish ee gudaha Soomaaliya, sida uu shaaciyay Madaxweyne Donald Trump. “Saaka waxaan amar ku bixiyay in weeraro cirka ah oo si gaar ah loola beegsanayo lagu qaado worsheeyaha sare ee weerarada Daacish iyo argagixisada kale ee uu ku soo qortay kuna hoggaaminayay gudaha Soomaaliya,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social. Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth ayaa isna sheegay in weerarada lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish-Soomaaliya oo ku sugnaa buuraha Golis ee gobolka ismaamul hoosaadka Puntland. “Qiimaynteena horudhaca ah waxay muujinaysaa in dhowr xubnood lagu dilay duqeymaha cirka ah, ayna jirin waxyeello soo gaartay dad rayid ah,” ayuu Hegseth ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray. “Tallaabadan ayaa sii wiiqaysa awoodda Daacish ee ah inay qorsheeyaan oo ay fuliyaan weeraro argagixiso oo khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka, saaxiibbadayada, iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxayna farriin cad u direysaa in Mareykanku mar walba u diyaar garoobayo inuu helo oo uu ciribtiro argagixisada khatarta ku ah dalka Mareykanka iyo xulufadiisa.” Kooxda Daacish ayaa joogitaan kooban ku leh gudaha Soomaaliya marka loo eego kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, laakiin khubarada ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inuu sii kordhayo. “Fariinta loo dirayo Daacish iyo dhammaan kuwa kale ee weerari lahaa dadka Ameerikaanka ah waa ‘WAAN IDIN SOO HELAYNAA, WAANA IDIN DILAYNAA!’,” ayuu Trump ku soo gaba-gabeeyay qoraalkiisa. Waa wareerkii ugu horreeyey ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu Trump xilka dib ula wareegay 20-kii Janaayo, 2025.
-
U.S. President Donald Trump on Saturday said he ordered military airstrikes on a senior Islamic State attack planner and others from the organization in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Kummaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed— ayaa sheegay in looga fadhiyo sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen xudduudaha dalka ee cir, dhul iyo bad. Intii ay socotay Munaasabadda dhaarta— ayaa ciidanku waxa ay soo bandhigeen dhoollatus iyo gaardis ka tarjumaya tayada iyo xirfadda sare ee lagu carbiyey, kuwaas oo loo diyaariyey door muhiim ah in ay ka qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qalabaynta ciidanka Gorgor ay tahay astaan muujinaysa horumarka iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, isaga oo caddeeyey in laga sugayo sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen marka ay baxaan Ciidanka Midowga Afrika. “Komaandooska Gorgor, waa ciidan lagu han-weyn yahay oo laga doonayo in ay laf-dhabar u noqdaan geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga, aniga oo og in aad tihiin ciidan sharaf badan, dhaqan wanaagsan oo geesiyaal ah, runtii shacabka Soomaaliyeed waxa uu idinka doonayaa in aad ka *****saan dhaarta aad marteen, oo aad dadkiinna iyo dalkiinna si sharaf ugu adeegtaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyay ciidammada dhammeystay tababarka— ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga tababarka ay siiyeen ciidanka ee muujinaya xirfadda wanaagsan ee la baray, waxa uuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta tayada, tababarka iyo qalabaynta Ciidanka qalabka sida, si ay awoodda ugu yeeshaan xaqiijinta amniga dalka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta dugsiga tababarada ciidamada xoogga dalka ee TurkSom uga qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidamadaan ayaa loo soo xiray tababar adag oo muddo uga socday TurkSom, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadaan looga fadhiyo sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen xudduudaha dalka ee cir, dhul iyo bad. Intii ay socotay Munaasabadda dhaarta ayaa ciidanku waxa ay soo bandhigeen dhoollatus iyo gaardis ka tarjumaya tayada iyo xirfadda sare ee lagu carbiyey, kuwaas oo loo diyaariyey door muhiim ah in ay ka qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in qalabaynta ciidanka Gorgor ay tahay astaan muujinaysa horumarka iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, isaga oo caddeeyey in laga sugayo sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen marka ay baxaan Ciidanka Midowga Afrika. “Komaandooska Gorgor, waa ciidan lagu han-weyn yahay oo laga doonayo in ay laf-dhabar u noqdaan geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga, aniga oo og in aad tihiin ciidan sharaf badan, dhaqan wanaagsan oo geesiyaal ah, runtii shacabka Soomaaliyeed waxa uu idinka doonayaa in aad ka *****saan dhaarta aad marteen, oo aad dadkiinna iyo dalkiinna si sharaf ugu adeegtaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyay ciidammada dhammeystay tababarka ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga tababarka ay siiyeen ciidanka ee muujinaya xirfadda wanaagsan ee la baray, waxa uuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta tayada, tababarka iyo qalabaynta Ciidanka qalabka sida, si ay awoodda ugu yeeshaan xaqiijinta amniga dalka. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Militeriga Turkiga, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka qeyb galay munaasabadda ciidankaan cusub loogu soo xiray tababarka.
-
Hargeisa (HOL) — The Somaliland government has revoked the operating license of a major livestock inspection facility in Berbera after accusing its Arab owner of entering into an unauthorized agreement with the Somali federal government, a move seen as a threat to the region’s vital livestock export industry. Source: Hiiraan Online
-
Ilo wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in duqeymo diyaaradeed oo xooggan lagu beegsaday jihooyin kala duwan oo Argagixisada Daacish weli kaga go’doonsan yihiin buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Qiiq iyo uuro madow ayaa laga arkay jihooyin kala duwan oo la rumaysan yahay in firxadka Daacish weli kaga dhuumanayaan buuraha Calmiskaad, waxyar kaddib markii jugo culus laga maqlay nawaaxigaasi. Wararka hordhaca ayaa sheegaya in duqeymaha lagu beegsaday ilaa lix goobood oo kooxaha Daacish kaga dhuumanayeeen buuraha Calmiskaad balse weli ma cadda khasaaraha ka dhashay ilaa iyo hadda. PUNTLAND POST The post Duqeymo xooggan oo lagu beegsaday Argagixisada Daacish oo ka dhacay buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — A recent clan conference in Badhan, spearheaded by Sool clan and Warsangali leaders, has ignited fresh tensions between Somalia and Somaliland, with prominent Somaliland traditional leader Boqor Osman Aw Mohamud Buurmadow accusing Somali President Hassan Sheikh Mohamud of orchestrating the gathering to provoke unrest. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidanka dalkaasi Janaraal Metin Gürak. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in safarka taliyaha iyo wafdigiisa uu la xiriiro dhowr arrimood oo xasaasi ah, waxaana Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta dowladda. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa innoo sheegay in taliyaha ciidanka Turkiga uu la kulmo doono madaxweynaha Soomaaliya, dhiggiisa taliyaha ciidankada, uuna sidoo kale booqan doono xarunta wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Janaraal Metin Gürak uu ka qayb-geli doono munaasanadda qalin-jebinta ku dhowaan 6,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka kuwaas oo tababar ciidan ku qaatay xerada ay gacanta dowladdiisa ee lagu diyaariyo ciidamada loo tababaro Soomaaliya. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xooggan, waxayna Ankara ka taageertaa Muqdisho dib u dhiska ciidamada iyo arrimaha bani’aadanimada. Booqashadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo sidoo kale lagu wado in Soomaaliya uu soo gaaray madaxweynaha Turkiga ecep Tayyip Erdogan oo dhawaan shaaciyay inuu imaan doono magaalada Muqdisho, kadibna uu uga sii gudbi doono waddanka Itoobiya. Erdogan ayaa dhex-dhexaadiyay Addis Ababa iyo Muqdisho oo isku qabtay arrinta badda, siaga oo wada-hadallo toos ah u qabatay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, taasi oo soo afjartay khilaafkii sanadka ka dhex aloosna labada dal, kaas oo mar ku sigtay gacan ka hadal.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxaa mar kale dib uga bilowday kacdoon culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana dib boorka looga jafay ciidamada dadka deegaanka oo dagaal galay. Waxaa howlgalladan door muuqda ka qaadanayo Macawiisleyda beesha Xawaadle oo mar kale u istaagay in deegaankooda ay ka xoreeyaan Al-Shabaabka ku sugan gobolka Hiiraan. Ciidamada Macawiisleyda ayaa maanta sameeyay arrin cajiib ah, waxaana la arkayay dhalinyaro kamid ah dadka deegaanka oo aan hub wadan, isla markaana xaadiray jiidda hore ee dagaalka, si ay ugu biiraan. Arrinta yaabka leh ayaa ah in dhalinyaradaan ay ku tashanayaan inay soo qaataan hubka laga soo furto maleeshiyaadka argagixisada, si ay isla iyaga ugula dagaalamaan, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan kadib muqaallo lagu baahiyay baraha bulshada Internet-ka. Ujeedka ciidamadan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inay ka qayb-qaadan doonaan laba kacleynta howlgallada lagu doonayo in lagu xoreeyo bariga gobolka Hiiraan. Dhaqaajinta howlgalladan ayaa waxaa sidoo kale hormuud u ah ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan, kaas oo jimcihii shalay qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, isaga oo soo bandhigay guullo ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaal socday 48-kii saac ee lasoo dhaafay. Cali Jeyte ayaa sheegay in dhulkii ugu muhiimsanaa ee Jiinka Wabiga Shabeelle ay ka xoreeyeen kooxda, dagaalyahanno badana ay uga laayeen. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ajaanib Shabaab ah ay ku dileen dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay in dalkaan aysan nabadi ka dhacayn iyadoo aan Shabaab laga xoreyn. “Ajaanib ayaa ku dhimatay dagaalka, welina kuwaa ku jira buurahaas, waan la yaabnay, anigaan oo deegaanka u dhashay kuma noolaa karo halkaan, kuwo kale oo deegaankaan aan u dhalan ayaan ku dilnay dagaalka, inta hartana waa laga sifeynayaa,” ayuu yiri Jayte. Xaaladda Hiiraan ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada deegaanka oo kaashanayaa kuwa dowladda ay kusii siqayaan deegaano dhowr ah oo dhaca Jiinka Wabiga Shabelle.
-
𝗦𝗲𝗶𝘇𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗠𝗼𝗺𝗲𝗻𝘁: 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗦𝘁𝗿𝗮𝘁𝗲𝗴𝘆 𝗳𝗼𝗿 𝗨.𝗦. 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗴𝗻𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗮𝗻𝗱 𝗚𝗹𝗼𝗯𝗮𝗹 𝗘𝗻𝗴𝗮𝗴𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗜𝗻𝘁𝗿𝗼𝗱𝘂𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 As the global geopolitical landscape evolves and new international alliances take shape, Somaliland finds itself at a critical crossroads in its pursuit of international recognition. The recent shift in the U.S. administration presents a unique and timely opportunity for Somaliland to strengthen its diplomatic strategy, leveraging its political stability, strategic location, and growing economic potential. Recent high-level engagements, including President Abdirahman Cirro’s visit to the UAE, underscore Somaliland’s increasing influence in regional security and trade. These developments signal growing international interest in Somaliland’s pivotal position along key maritime routes and its potential as a strategic ally in the Horn of Africa. With the right diplomatic approach, Somaliland can make significant strides toward securing U.S. recognition, solidifying its role in regional stability, and unlocking new economic and geopolitical opportunities. This article outlines Somaliland’s key strategic advantages and provides actionable recommendations for the government to capitalize on this moment. 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗦𝘁𝗿𝗮𝘁𝗲𝗴𝗶𝗰 𝗔𝗱𝘃𝗮𝗻𝘁𝗮𝗴𝗲𝘀 𝟭. 𝗚𝗲𝗼𝗴𝗿𝗮𝗽𝗵𝗶𝗰 𝗮𝗻𝗱 𝗠𝗮𝗿𝗶𝘁𝗶𝗺𝗲 𝗜𝗺𝗽𝗼𝗿𝘁𝗮𝗻𝗰𝗲 Somaliland’s location at the mouth of the Red Sea and the Gulf of Aden places it at one of the most strategically valuable crossroads in global trade. With increasing concerns over the security of international shipping routes, Somaliland presents itself as a stable and reliable partner for global powers. ● The Bab al-Mandab Strait is a critical chokepoint for global trade, with nearly 10% of the world’s oil and goods passing through it. ● The rise in geopolitical tensions in the Red Sea and the broader region has heightened Somaliland’s importance in maintaining maritime security. ● Unlike Somalia, which continues to struggle with instability, Somaliland has upheld peace and political stability for over three decades, positioning itself as a trusted partner for international cooperation. To strengthen its case for recognition, Somaliland must continue expanding its role in regional security efforts, particularly in countering piracy, smuggling, and maritime threats. 𝟮. 𝗦𝘁𝗿𝗲𝗻𝗴𝘁𝗵𝗲𝗻𝗶𝗻𝗴 𝗦𝘁𝗿𝗮𝘁𝗲𝗴𝗶𝗰 𝗣𝗮𝗿𝘁𝗻𝗲𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽𝘀 𝘄𝗶𝘁𝗵 𝘁𝗵𝗲 𝗨𝗔𝗘 𝗮𝗻𝗱 𝗨.𝗦. President Abdirahman Cirro’s recent visit to the UAE highlights Somaliland’s growing diplomatic influence. The UAE has already invested heavily in the Port of Berbera, enhancing Somaliland’s role as a key trade and logistics hub in the Horn of Africa. This partnership presents significant opportunities for economic growth and international engagement. How this benefits Somaliland: Expanding Economic Ties – UAE investments in Berbera strengthen Somaliland’s regional trade networks, linking Africa to the Middle East and beyond. Enhancing Security Cooperation – As a strong regional player, the UAE’s involvement in Somaliland can help improve border security and maritime defense. Attracting U.S. Interest – The UAE’s growing presence in Somaliland may encourage the U.S. to establish diplomatic and economic partnerships, further legitimizing Somaliland’s sovereignty. To capitalize on this momentum, Somaliland should formalize defense and economic agreements with the UAE while actively engaging U.S. policymakers to highlight its strategic importance as a regional partner. 𝟯. 𝗘𝘅𝗽𝗮𝗻𝗱𝗶𝗻𝗴 𝗨.𝗦. 𝗘𝗻𝗴𝗮𝗴𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁: 𝗔 𝗥𝗼𝗮𝗱𝗺𝗮𝗽 𝗳𝗼𝗿 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗴𝗻𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻 With the new U.S. administration reassessing its foreign policy priorities, Somaliland must adopt a proactive strategy to deepen its engagement with Washington. Key steps include: 𝗔. 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝗻𝗴 𝗮 𝗨.𝗦. 𝗗𝗶𝗽𝗹𝗼𝗺𝗮𝘁𝗶𝗰 𝗢𝗳𝗳𝗶𝗰𝗲 𝗶𝗻 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝗶𝘀𝗮 One of the most significant diplomatic achievements for Somaliland would be the establishment of a U.S. representative office in Hargeisa. This would signal U.S. commitment to engaging Somaliland as a legitimate political entity and lay the groundwork for future recognition. 𝗦𝘁𝗲𝗽𝘀 𝘁𝗼 𝗮𝗰𝗵𝗶𝗲𝘃𝗲 𝘁𝗵𝗶𝘀: ● 𝗕𝗶𝗹𝗮𝘁𝗲𝗿𝗮𝗹 𝗘𝗻𝗴𝗮𝗴𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁: Somaliland’s foreign ministry should hold direct talks with U.S. State Department officials and members of Congress. ● 𝗖𝗼𝗻𝗴𝗿𝗲𝘀𝘀𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗱𝘃𝗼𝗰𝗮𝗰𝘆: Strengthening outreach to U.S. lawmakers, particularly those focused on African affairs and security. ● 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝘁𝘆 𝗮𝗻𝗱 𝗘𝗰𝗼𝗻𝗼𝗺𝗶𝗰 𝗖𝗼𝗹𝗹𝗮𝗯𝗼𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻: Demonstrating Somaliland’s value as a strategic security and economic partner. 𝗕. 𝗦𝘁𝗿𝗲𝗻𝗴𝘁𝗵𝗲𝗻𝗶𝗻𝗴 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝘁𝘆 𝗖𝗼𝗼𝗽𝗲𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 The U.S. has a vested interest in counterterrorism efforts in the Horn of Africa, particularly in countering threats from extremist groups such as Al-Shabaab. Somaliland should position itself as a critical ally in this effort. 𝗞𝗲𝘆 𝗮𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀: ● 𝗝𝗼𝗶𝗻𝘁 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝘁𝘆 𝗜𝗻𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲𝘀 – Seek U.S. support in enhancing counterterrorism and intelligence capabilities. ● 𝗥𝗲𝗴𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝘁𝘆 𝗙𝗼𝗿𝘂𝗺𝘀 – Host security-focused conferences in Hargeisa with participation from U.S. officials and security experts. ● 𝗠𝗶𝗹𝗶𝘁𝗮𝗿𝘆 𝗧𝗿𝗮𝗶𝗻𝗶𝗻𝗴 𝗣𝗿𝗼𝗴𝗿𝗮𝗺𝘀 – Engage U.S. Africa Command (AFRICOM) for training programs that build Somaliland’s defense capacity. 𝗖. 𝗦𝘁𝗿𝗲𝗻𝗴𝘁𝗵𝗲𝗻𝗶𝗻𝗴 𝗘𝗰𝗼𝗻𝗼𝗺𝗶𝗰 𝗮𝗻𝗱 𝗧𝗿𝗮𝗱𝗲 𝗧𝗶𝗲𝘀 Beyond security, Somaliland must expand economic cooperation with the U.S. to strengthen its case for recognition. 𝗞𝗲𝘆 𝗶𝗻𝗶𝘁𝗶𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲𝘀: ● 𝗧𝗿𝗮𝗱𝗲 𝗔𝗴𝗿𝗲𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁𝘀: Establish preferential trade agreements to attract American businesses and investors. ● 𝗜𝗻𝘃𝗲𝘀𝘁𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗶𝗻 𝗘𝗻𝗲𝗿𝗴𝘆 𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗻𝗳𝗿𝗮𝘀𝘁𝗿𝘂𝗰𝘁𝘂𝗿𝗲: Promote Somaliland’s renewable energy and natural resource sectors to secure U.S. investment. ● 𝗗𝗶𝗮𝘀𝗽𝗼𝗿𝗮 𝗘𝗻𝗴𝗮𝗴𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁: Mobilize the Somaliland diaspora in the U.S. to advocate for increased diplomatic and economic engagement. 𝗧𝗵𝗲 𝗣𝗮𝘁𝗵 𝗙𝗼𝗿𝘄𝗮𝗿𝗱: 𝗞𝗲𝘆 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗺𝗺𝗲𝗻𝗱𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀 𝗳𝗼𝗿 𝘁𝗵𝗲 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗚𝗼𝘃𝗲𝗿𝗻𝗺𝗲𝗻𝘁 To maximize the opportunity for U.S. recognition and strengthen its geopolitical standing, Somaliland’s leadership must take decisive action: 𝟭. 𝗔𝗽𝗽𝗼𝗶𝗻𝘁 𝗮 𝗛𝗶𝗴𝗵-𝗟𝗲𝘃𝗲𝗹 𝗦𝗽𝗲𝗰𝗶𝗮𝗹 𝗘𝗻𝘃𝗼𝘆 𝗳𝗼𝗿 𝗨.𝗦. 𝗥𝗲𝗹𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀 A dedicated diplomatic representative should engage directly with U.S. officials, think tanks, and business leaders to advance Somaliland’s case for recognition. 𝟮. 𝗛𝗼𝘀𝘁 𝗮𝗻 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗖𝗼𝗻𝗳𝗲𝗿𝗲𝗻𝗰𝗲 𝗼𝗻 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗥𝗲𝗴𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗥𝗼𝗹𝗲 Bringing together policymakers from the U.S., EU, and Gulf states to showcase Somaliland’s strategic importance. 𝟯. 𝗘𝘅𝗽𝗮𝗻𝗱 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗗𝗶𝗽𝗹𝗼𝗺𝗮𝘁𝗶𝗰 𝗠𝗶𝘀𝘀𝗶𝗼𝗻𝘀 Opening additional foreign missions in key international capitals to enhance engagement and visibility. 𝟰. 𝗟𝗲𝘃𝗲𝗿𝗮𝗴𝗲 𝗘𝘅𝗶𝘀𝘁𝗶𝗻𝗴 𝗨.𝗦. 𝗟𝗲𝗴𝗶𝘀𝗹𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 Utilizing ongoing discussions in the U.S. Congress about African partnerships to push for Somaliland’s inclusion in strategic initiatives. 𝟱. 𝗦𝘁𝗿𝗲𝗻𝗴𝘁𝗵𝗲𝗻 𝗥𝗲𝗴𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗹𝗹𝗶𝗮𝗻𝗰𝗲𝘀 Building stronger ties with Ethiopia, Kenya, and Gulf states to create a coalition of support for Somaliland’s international recognition. 𝗖𝗼𝗻𝗰𝗹𝘂𝘀𝗶𝗼𝗻 Somaliland stands at a pivotal moment in its diplomatic journey. With the U.S. administration showing renewed interest in Africa and strategic partnerships, now is the time to advance Somaliland’s recognition agenda. By leveraging its stability, strategic location, and economic potential, Somaliland can establish itself as a key U.S. ally in the region. Recent diplomatic engagements, particularly with the UAE, signal that Somaliland is gaining traction on the international stage. However, achieving recognition requires sustained and coordinated diplomatic efforts—combining security cooperation, economic engagement, and strategic alliances. Through a well-executed geopolitical strategy, Somaliland has the potential to transform itself from an unrecognized state into a globally respected partner, securing its rightful place in the international community. 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠 𝗠𝘂𝘀𝗮 E-mail: halimusa4@gmail.com Hargeisa, Somaliland 𝗙𝗲𝗯𝗿𝘂𝗮𝗿𝘆 𝟭, 𝟮𝟬𝟮𝟱 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaciyay inuu dacwo ka yahay madaxweyne Xasan, isaga oo ka hadlay arrinya dhulalka. Fahad Yaasiin oo si dadban weerar culus ugu qaaday madaxweynaha ayaa ku eedeeyay in xaraash iyo xoolo jaban uu ku iibinayo dhulalka danta guud, iyada oo aan la diyaarin shuruucdii loogu talagalay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in lacagaha lagu iibiyo hantida dadweynaha ay ku dhacaan jeebka shaqsiyaad gaar ah, isla markaana lagu aruuriyo boorsooyin, sida uu hadalka u dhigay. Taliyihii hore ee NISA oo haatan dibad joog ah ayaa sidoo kale ka dalbaday xisaabiyaha guud iyo hantidhowraha qaranka inay qaadaan tallaabo la xiriira arrinta dhulalka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo inta badan la iibiyay dhulalkii danta guud ee ku yaallay caasimada, isla markaana laga barakiciyay qoysaskii muddada dheer degannaa. Hoos ka akhriso qoraalka Fahad Yaasiin oo dhammeystiran:- KA: La taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin Ujeedo: Dacwad Masuul la Aaminay Salaanta Islaamka kaddib, Sidaan ognahay Madaxweynaha Jamhuuriyadu waa ilaaliyaha danta guud. Waajibaadkiisa waxaa kamid ah inuu dhawro hantida qaranka iyo tan gaarka loo leeyahay labadaba. Mudane Madaxweyne, waxaan ashtako ka nahay muwaadin awood buuxda leh oo ku xad gubaya hantidii qaranka; Iyadoo aanan la diyaarinin shuruucdii iibka hantida guud ee qaranka ayuu ninkaasi beecinayaa dhulalkii danta guud, isagoo ku iibinaya xaraash iyo xoolo jaban. Lacag lagu sheegay qiimaha dhulalka danta guud, iyadoo boorsoooyin lagu sido, ayaa si toos ah loogu geeyaa gurgiisa. Awoodaas lacag qabashada yaa siiyey? Xisaabiyihii Guud, iyo Hanti Dhawrihii Guud ee Qaranka labadiiba way ka aamusan yihiin, ee bal masuuliyiintaas la hadal, oo ha furaan galal fatashaad iyo baaris ah si ay warbixin uga soo diyaariyaan, oo kuugu keenaan.
-
UK Donates £250,000 to Help Clear Landmines in Somaliland February 1, 20251 min read The government of the United Kingdom has donated £250,000 to The HALO Trust to help clear landmines in Somaliland. The contribution of £250,000 to The HALO Trust through the Global Mine Action Programme is a significant step towards enhancing safety and development in Somaliland. The UK made the donation through its Embassy in Mogadishu, Somalia on Friday. By funding mine clearance and safe weapon disposal, this initiative not only improves security but also revitalizes farming and stimulates economic growth. Such efforts are crucial for creating a stable environment where communities can thrive. The UK’s support underscores its commitment to global peace and sustainable development. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo xalay lagu arkay hawada sare ee Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo sidoo kale laga maqlay rasaas xooggan. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaaradda oo ahayd Drone ay laba mar kusoo laabatay agagaarka Villa Somalia, kadibna waxaa ka shakiyay ciidamada ammaamka oo rasaas ku furay. Cabsi wayn ayaa la dareemay, waxaana looga shakiyay in diyaaraddu sidday qaraxyo, ujeedkeeduna uu ahaa inay bartilmaameedsato Villa Somalia oo si weyn loo ilaaliyo. Ciidamada ilaalada ee xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa la sheegay inay qoray Dhashiikaha u adeegsadeen diyaaradda, kadibna ay sidaasi ku carartay, waxaana rasaasta si weyn xalay looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan diyaaraddaas oo shaki wayn gelisay reer Muqdisho iyo laamaha ammaanka Soomaaliya. Dhowaan ayaa waxaa soo baxay digniino sheegaya in suuragal ay tahay in Al-Shabaab ay adeegsan karto diyaarado Drone ah oo qaraxyo sida, sida lagu sheegay warbixinno kasoo baxday hay’adaha caalamiga ah ee deggan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Si kastaba, Maalmo kahor ayay ahayd markii ay Puntland soo ridday diyaarado qaraxyo laga soo buuxiyay oo ay Kooxda Daacish dooneysay inay ku beegsato ciidamada maamulkaasi ee haatan howlgallada culus ka wada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOpFrfZT5MUwOfpI9quYQBtdrlddm9ny4g6B2qrh2-cm9_NHLCTsBDFXO-3lpZyW0uZud7o1lpdqRrCWlkAMe7_.mp4 Madaxweyne ciro oo saka kulan isagu yedhay gudigi tirakobka iyo dib u habaynta cidanka qalabka sida ee dalka jamhuuriyada Somaliland Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kulankii ugu horeeyey la yeeshay Guddidii uu dhawaan u xil saarey Tirokoobka, Dib-u-habeynta iyo Casriyeenta Ciidamada kala duwan ee Qaranka, Guddidaas oo ah kuwa jaan-goyn doona Siyaasada lagu hagi doono dib u habeynta Ciidamada kala duwan ee Qaranka Sidoo kale, kulankan waxaa ka qeyb galay Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka. Ugu horrayn Madaxweynuhu waxuu warbixin xaga amiga dalka ka dhegaystay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Qaranka. Masuulyiintani waxa ay Madaxweynaha war bixin ku siiyeen in guud ahaan Amniga Qaranku uu sugan yahay, Ciidamada kala duwan ee Qarankeenuna ay diyaar u yahiin in ay difaacaan dalka iyo dadka-ba. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Guddida u sheegay in shaqadii uu u igmaday ay ka bilaabmayso maanta oo ay bishu tahay 01.02.2025, Guddidana looga fadhiyo inay hawshaas ku soo dhameys tiraan muddo soddon maalmood ah. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu hoosta ka xariiqay in Xukuumad ahaan ay mudnaanta koowaad siinayaan in nabad iyo wada hadal lagu dhameeyo xurguf kasta oo jirta, laakiin difaaca dadka iyo dalku uu yahay Waajib Qaran oo loo dhaariyey. Madaxweynuhu waxa uu Guddida iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan uu u sheegay in casriyeenta iyo mideynta cududda Ciidamada kala duwan ee Qaranku ay dammaanad u tahay nabada iyo xasinoolida Qarankeena.. 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 11 askari oo Somali-Kenyan ah oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) ayaa isu dhiibay Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee ku sugan deegaanka Hulugho ee Gobolka Garissa, kaddib markii ay sheegeen in ay kala kulmeen takoor iyo dhibaateyn taliyeyaashooda. Kooxdan ayaa laga dhigay hub ka koobnaa siddeed qori oo AK-47 ah, qoriga garbaha laga rido ee RPG-ga iyo qoriga PKM kuwaasoo ay la wareegeen saraakiil ka tirsan ciidanka. Askarta ayaa sidoo kale dhiibay 826 xabbo oo rasaas ah. Ciidanka KDF ayaa markii hore helay xog sheegaysa in askar ka socota dalka deriska ah ay ku sii jeedaan deegaanka Garabey ee isla Hulugho. Koox ciidan oo isku dhaf ah oo uu hoggaaminayo Gaashaanle (Major) Ali Mohammed oo ka tirsan KDF ayaa u dhaqaaqay goobta, halkaas oo ay ka heleen askartii oo fadhida oo sugaya tilmaamo dheeraad ah. Qoryo kala duwan Mid ka mid ah askartii goosatay, oo lagu magacaabo Cabdi Dekoo, 22 jir ah, kana soo jeeda deegaanka Kolbio, ayaa ku hubaysnaa qori AK-47 ah oo wata 30 xabbo, halka Maxamed Sambul Cali oo 35 jir ah, kana degan magaalada Garissa, uu watay qoriga garbaha laga rido ee RPG-ga iyo saddex madax-gantaal. Magacyada askarta kale ayaa kala ah: Osman Job Aden (30 jir), Feisal Ali Yusuf (25 jir), Abdulahi Mohammud (60 jir), Idris Ibrahim Ali (52 jir), Dalma Hussein Khalif (26 jir), Abdi Guled Musa (40 jir), Feisal Ibrahim Bakal (21 jir), Bule Aden Doya (60 jir), iyo Ali Sheikh Abdi (75 jir), kana soo jeeda Hulugho, kaas oo aan hubeysnayn. “Sababaha ay u goosteen ayaa lagu sheegay inay tahay dhibaato iyo takoor ay kala kulmeen madaxdooda ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliya. Dhammaan hubkii waxaa lagu wareejiyay taliyaha KDF ee Hulugho,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen booliisku. Ma jiro wax war ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay taliska KDF ee Nairobi iyo SNA oo ku saabsan dhacdooyinkan ugu dambeeyay. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu celin doono magaalada Muqdisho, halka kuwa Kenyan-ka ahna su’aalo la weydiin doono si tallaabo dheeraad ah looga qaado. Aagga ay ka soo baxsadeen, oo ku yaalla Jubaland, ayaa waxaa horey uga dhacayay iska hor-imaadyo u dhexeeya ciidammada deegaanka iyo kuwa SNA. Isku dhacyadan ayaa ka dhashay doorashooyin lagu muransan yahay oo ka dhacay maamul-goboleedka. Ciidamada Gobolka Bartamihii bishii December ee sannadkii hore, ciidammada maamul-goboleedka Jubaland ayaa isku dhaceen ciidammada Xoogga Dalka ee ku sugan Raaskambooni, iyadoo xukuumadda Jubaland ay markii dambe sheegtay inay ka adkaadeen ciidammada SNA. Ku dhawaad 240 askari oo ka tirsan SNA, oo uu ku jiro taliyahoodii, ayaa isu dhiibay, halka qiyaastii 300 oo kale ay u carareen Kenya, iyagoo hubkoodii ku wareejiyay KDF. Ciidammada Jubaland ayaa sidoo kale la wareegay xeradii, waxayna dab qabadsiiyeen qaar ka mid ah gaadiidkii halkaas yaallay. Tobannaan askari oo ka tirsan SNA ayaa la sawiray iyagoo magangalyo ka raadsanaya goob ay gacanta ku hayeen hay’adaha amniga Kenya oo ku taal magaalada xuduudda ah ee Ishiakani, xilli ay socdeen iska hor-imaadyo hubeysan oo ka dhacayay aagga Raaskambooni oo u dhexeeyay ciidammada dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedka Jubaland. Askartan ayaa markii dambe hubkoodii lala geeyay magaalada Muqdisho. Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay ka bixitaankooda gobolka Jubbada Hoose kaddib weerarka. Waxay sidoo kale horay ugu eedeeyeen Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe inuu heshiis qarsoodi ah la galay Al-Shabaab, oo joogitaan xooggan ku leh baadiyaha Jubbada Hoose, kaas oo u ogolaanaya kooxda in ay si nabad ah u weeraraan SNA. Xiisadaha u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Madoobe ayaa sare u kacayay bilihii la soo dhaafay, iyadoo khilaafka uu salka ku hayo natiijadii doorashadii madaxtinimada maamulka Jubaland. Saraakiil amni oo dheeraad ah ayaa loo daad-gureeyey xuduudda Kenya iyo Soomaaliya si wax looga qabto xiisadda ka dhalatay isku dhacyada, marka laga soo tago faragelinno caalami ah oo lagu xakameynayo khatarta argagixisada. Intii u dhaxeysay November iyo December sannadkii hore, Hay’adda Booliska Caalamiga ah (Interpol) ayaa ugu yaraan 17 tuhmane oo argagixiso ah ku xirtay gudaha Kenya intii lagu guda jiray howlgal caalami ah oo ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay Bariga Afrika, kaas oo horseeday in la xiro 37 tuhmane guud ahaan, isla markaana la qabto hub fudud iyo hub culus labadaba.