-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyahay shirka guddi-hoosaadka xubnaha golaha wasiirrada ee siyaasadda loo dhanyahay, kaas oo ka dhacay xafiiskiisa. Shirka oo ay inta badan kasoo qayb-galeen xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargelinta doorashada iyo dhammaystirka dastuurka. Inta uu socday shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay xukuumaddu u qaadan lahayd doorka kaga aaddan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ka qayb qaadan karaan dadweynaha. Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa faray golihiisa wasiirada ee ku jira Guddi-hoosaadka siyaasadda Loo dhan yahay in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay, si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha, si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlaha doorashooyinka looga dambeynayo guddiga lasoo dhisay, xukuumaddana ay kala shaqeyn dooto sidii loo gaari lahaa qof iyo cod. “Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. Dhammaan hey’addaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan mas’uuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaaday warbixinno la xiriira dhammeystirka Dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad, iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo weli is mari waa uu ka taagan yahay sida loo wajahayo doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si ka duwan dowladda federaalka uga hadlay duqeyn uu Sabtidii Mareykanka ka gaystay aagga buuraha Calmiskaad, taas oo lagu beegsaday kooxda Daacish. Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in duqeyntaan uu fuliyay Mareykanka, isla-markaana lala socod-siiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Hawlgalkii ugu dambeeyay wuxuu xoojinayaa iskaashiga amniga ee xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka ee la dagaallanka khataraha xagjirka ah. Soomaaliya waxay ku taagan tahay inay la shaqeyso xulafadeeda si loo ciribtiro argagixisada caalamiga ah loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““taageerada aan kala go’a lahayn ee Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuuna soo dhaweynayaa ballanqaadka sii socda” ee hoos yimaada hoggaanka go’aanka leh ee Madaxweyne Trump”. Dhinaca kale qoraalka Puntland waxaa lagu sheegay in weerarka uu daba socday howlgalka ay qaadeen ciidamadeeda, ayna si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta oo ay uga mahadcelisay taageeradooda ku aadan dagaalka kooxda Daacish. “Dowladda Puntland oo in dhoweyd ku jirtay Howlgal ay Argagixisada Daacish uga sifeynayso Puntland, waxay u mahadcelinaysa saaxiibada Adduunka ee ka caawinaya hawlgalka gaar ahaan Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga Cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale, Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka uu haatan galay wajigiisa labaada, isla markaana ujeedka uu yahay in laga adkaado maleeshiyaadka Daacish. “Howlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuummanayaan” ayaa mar kale lagu yiri.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre¬, ayaa guddoomiyey Shirka Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Loo Dhanyahay, kaas oo looga hadlayey dardargelinta taageeridda Doorashada iyo Dhammaystirka Dastuurka. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay Xukuumaddu u qaaddan lahayd doorka kaga aaddan in dalka ay ka dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah, oo muwaadiniinta Soomaaliyeed siineysa xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ah in ay wax doortaan, lana doorto. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku jira Guddi-hoosaadka Siyaasadda Loo dhan yahay, in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay, si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha, si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah. “Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. Dhammaan hey’addaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan mas’uuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dhammeystirka Dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad, iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow. Source: goobjoog.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – In ka badan siddeed qof ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay weerar cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone) 30-kii Jannaayo 2025, kaas oo ka dhacay Gobolka Cafarta ee Itoobiya, gaar ahaan meel u dhow xadka Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Weerarku wuxuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Siyaru Kebele, oo ka tirsan degmada Eli-Daar, kuna yaalla aagga xadka labada dal. Qof deegaanka ah, oo codsaday in magaciisa la qariyo sababo amni awgood, ayaa sheegay in weerarku dhacay “dhowr jeer habeenkii oo dhan,” isla markaana sababay “dhimashada in ka badan siddeed qof.” Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo tirada guud ee khasaaraha, ayuu hadalkiisa raaciyay. Dadka dhintay waxaa ku jiray haweeney uur lahayd iyo laba nin oo walaalo ah, halka ugu yaraan afar kale ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, laba ka mid ahna hadda lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Dubti, oo ku yaal magaalada Dubti ee gobolka Cafarta, sida uu sheegay qofka deegaanka ah. Sida uu noo sheegay qof goobjooge ah oo deegaanka ku sugan, liiska dadka dhintay waxaa ka mid ah Maxamed Caydaahis, Gama Cali Orbis, Kako Cali Orbis, Cali Maxamed Kako, iyo Caysha Baddul Cali. Dadka dhaawacmayna waxaa ku jira Mayram Maxamed Cabdalla, Fatuma Cali Xammed, iyo Cali Maxamed Cali. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in liiska dhammaystiran ee khasaaruhu aan weli la helin. Jabuuti oo la eedeeyey Qofka deegaanka ahi wuxuu farta ku fiiqay in weerarka ay ka dambaysay dawladda Jabuuti, isagoo xusay in ay tahay “markii labaad muddo laba bilood gudahood ah” oo diyaaradaha Drones-ka ay beegsadaan aagga. Wuxuu ku dooday in weerarka lagu qaaday “iyadoo lagu andacoonayo in la beegsanayo FRUD,” oo ah jabhad oo ah koox hubeysan oo ka soo horjeeda xukuumadda Jabuuti. Ilo-wareed kale, oo isna la hadlay wargeyska Addis Standard, ayaa weerarka ku sheegay mid la xiriira xiisadaha cakiran ee u dhexeeya Jabuuti iyo jabhadda FRUD. Ilo-wareedku wuxuu tilmaamay in mas’uuliyiinta Jabuuti “ay sheeganayaan in dagaalyahannada FRUD ay saldhigyo ku leeyihiin aagga xadka,” wuxuuna ku eedeeyay in weerarku uu beegsaday dadka deegaanka, “iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo weerar ka dhan ah FRUD” ama qayb ka ah isku day “lagu doonayo in dadka deegaanka xoog looga rariyo gobolka.” Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Jabuuti (LDDH), oo ah urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka oo ka jira gudaha dalkaas, ayaa isna dhankiisa sheegay in weerarku ahaa mid aad u khasaare badan, wuxuuna caddeeyay in “14 qof ay dhinteen, oo ay ku jiraan afar haween ah,” tiro kalena oo ay ku jiraan “haween iyo carruur,” ay dhaawacmeen. Ururka ayaa ku andacooday in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “ay sii wadeen duqaynta xeryaha reer-guuraaga habeenkii oo dhan,” taasoo sababtay khasaare dheeraad ah. War-saxaafadeed uu soo saaray 31-kii Jannaayo 2025, ayuu ururku si kulul u cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay “fal-dambiyeed dagaal oo si bareer ah u beegsanaya rayidka Cafarta,” wuxuuna su’aal ka keenay taageerada ay dawladaha shisheeye siiyaan ciidamada Jabuuti, isagoo is weydiiyay, “Ilaa goorma ayay Turkiga iyo Shiinaha sii hubaynayaan taliska Jabuuti ee ku xasuuqaya reer-guuraaga saboolka ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dilaaga ah?” Xiisadaha u dhexeeya dawladda Jabuuti iyo jabhadda FRUD ayaa cirka isku shareeray sannadihii u dambeeyay, iyadoo kooxda lagu eedeeyay inay weerarro ku qaadday ciidamada ammaanka. Bishii Oktoobar 2022, Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti ayaa warisay in toddoba askari lagu dilay weerar lagu qaaday Guutada Tadjourah. Wasaaraddu waxay markaa sheegtay in dagaalyahannada FRUD ay “argagax geliyeen oo ay dhaceen dadka ku nool meelaha fogfog” waxayna ballan qaaday in “baacsigu uu socdo” si loo soo qabto kuwii weerarka ka dambeeyay. Waqtigaas, dawladda Itoobiya ayaa si kulul u cambaaraysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay “mid arxan-darro ah oo fulaynimo ah” waxayna muujisay “diyaar-ahaanshaheeda buuxda” ee ay ku taageerayso Jabuuti sidii wax looga qaban lahaa khataraha amniga. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa markii dambe shaaca ka qaaday inay “fududaysay sii-daynta” lix askari oo Jabuutiyaan ah oo ay afduub u haysteen jabhadda FRUD, iyadoo xustay in askarta lagu wareejiyay iskaashi dhex maray iyaga iyo dawlad-goboleedka Cafarta.
-
Hargeisa (HOL) — Somaliland's government approved sweeping measures on security and tax reforms following high-level meetings between President Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro) and senior officials in the United Arab Emirates (UAE). The resolutions were announced during an extraordinary cabinet session Friday and unanimously endorsed by the Council of Ministers. Source: Hiiraan Online
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gobolkaasi oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland. Xiisadda ayaa kasii dartay kadib tallaabo ay maanta qaaday SSC oo lasoo wariyay in ciidamo dheeraad ah ay ku daabushay jiidda hore ee dagaalka. Ilo wareedyo dadka deegaanka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo ka baxay Laascaanood ay gaareen aagga deegaanka Oog, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan oo difaac ah. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa hoggaaminayo taliyaha guutada 4-aad ee ciidanka SSC-Khmaatumo Jenaraal Mubaarak Maxamed Warsame, waxaana Oog kusoo dhaweeyay saraakiil kale iyo ciidamo joogay halkaasi. Ujeedka SSC-Khaatumo ayaa ah in ciidamadan ay ku xoojiso kuwa kale oo horay halkaasi u joogay, si ay uga hortagaan haddii ay dagaal soo qaado Somalilad. Xaalad cakiran ayaa ka taagan deegaanka, waxaana shacabka ku nool halkaasi ay cabsi ka muujinayaan in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu dib u qarxo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan ciidamada ay SSC ku daabuleyso aagga magaalada Oog oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada maamul. Horay Somaliland iyo Khaatumo ayaa ugu dagaalamay Sool, waxaana weli gobolkan iyo qaybo kale oo kamid ah Sanaag laga dareemayaa colaad u dhexeyso labada dhinac.
-
Stockholm (Caasimada Online) – Shantii eedaysane ee loo haystay dilka Salwan Momika, kaasoo sannadkii 2023-kii marar badan gubay nuqullo ka mid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka, ayaa dhammaantood la sii daayay, sida uu sheegay xeer-ilaaliye kiiskan gacanta ku hayay. “Shakigii markii hore jiray hadda wuu daciifay, mana jirto sabab aan hadda dadkan ugu sii hayno xabsiga falkii dilka ahaa ee Arbacadii dhacay,” ayuu yiri xeer-ilaaliye Rasmus Oman oo war-saxaafadeed soo saaray, isagoo raaciyay in baaritaanku uu weli socdo. Momika, oo 38 jir ahaa, ayaa Arbacadii lagu toogtay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Sodertalje, oo dhinaca koonfureed kaga toosan caasimadda Stockholm, halkaas oo uu deggenaa. Waxaa la xaqiijiyay in uu isbitaalka ku geeriyooday wax yar kaddib markii la toogtay. Shanta qof ee loo xiray kiiskan ayaa la qabtay habeenimadii Arbacada, saacado kooban uun kaddib markii toogashadu dhacday. Maxkamad ku taalla Stockholm ayaa la filayay inay Khamiistii go’aan ka gaarto in Momika, oo ahaa Kirishtaan asal ahaan ka soo jeeda Ciraaq, uu ku kacay kicinta naceyb qowmiyadeed, laakiin waxay shaacisay inay dib u dhigtay go’aankeeda illaa 3-da Febraayo, sababo la xiriira geeridiisa awgeed. “Si buuxda ayuu ula socday in khatar aad u weyn ay naftiisa ku soo fool lahayd,” ayay qareenkiisa Anna Roth u sheegtay wakaaladda wararka TT ee dalka Sweden. Dowlad shisheeye oo la tuhmayo Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in laga yaabo in dowlad shisheeye ay ku lug lahayd dilka toogashada ah ee ninkii ka soo horjeeday diinta Islaamka. “Waxaan idin xaqiijin karaa in hay’adaha amnigu ay si qoto dheer ugu lug leeyihiin baaritaanka kiiskan, maxaa yeelay waxaa jirta khatar muuqata oo ah in falkan uu xiriir la leeyahay quwad shisheeye,” ayuu yiri. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Ebba Busch, ayaa iyaduna si kulul u cambaaraysay falka dilka ah. “Waa weerar lagu qaaday dimoqraadiyaddeena xorta ah. Waa in lagu wajaho awoodda buuxda ee bulshadeenna,” ayay ku soo qortay barteeda X (oo markii hore loo aqoon jiray Twitter). Sannadkii tegay, hay’addu waxay shaaca ka qaadday in dawladda Iiraan ay adeegsanaysay shabakado dambiilayaal ah oo ka howlgala gudaha Sweden si ay u fuliyaan falal rabshado wata oo ka dhan ah dowlad, kooxo iyo shakhsiyaad gaar ah.
-
Jeneraal Aadan Cabdi Xaashi Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca dowladda Puntland, Jeneraal Aadan Cabdi Xaashi oo ay hadal kooban ka soo xigatay VOA News ayaa ka warbixiyay duqeymihii ugu xoogganaa ee xalay lagu beegsaday Argagixisada Daacish ee ku go’doonsan buuraha Calmiskaad. Jeneraal Xaashi oo hoggaaminaya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ciidamada Puntland ka wadaan buuraha Cal-miskaad ayaa ugu horrayn soo dhaweeyay duqeymihii xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka fuliyeen Cal-miskaad ee lagu beegsaday kooxda Daacish. Taliyaha oo si kooban uga warbixiyay xogta ku saabsan duqeymihii xalay ayaa sheegay in ugu yaraan 10 goobood oo u badan godad lagu beegsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya buuraha Calmiskaad, kuwaasi oo dhammaantood ahaa bartilmaameedyo sax ah oo sidii loo qorsheeyay duqeymuhu u dhaceen. Jeneraal Xaashi ayaa sidoo kale rumaysan in duqeymihii xalay lagu dilay tiro badan oo ka tirsan Kooxaha Daacish, oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sare, balse wuxuu intaasi raaciyay in weli qiimayn lagu hayo khasaaraha kooxda gaaray. Dhinaca kale, War kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymihii xalay ka dhaceen degaanada Miiraale, Togga Jeceel iyo Dhaasaan, halkaasi oo ciidamada Puntland sahamin ku sameeyeen ka hor duqeynta. PUNTLAND POST The post Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca Puntland oo ka warbixiyay Khasaaraha Daacish ka soo gaaray duqeymihii xalay appeared first on Puntland Post.
-
US strikes stronghold of Islamic State affiliate in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
WASHINGTON — U.S. warplanes took aim at the Islamic State affiliate in Somalia, hitting what officials described as high-ranking operatives in the terror group's mountainous stronghold. Source: Hiiraan Online -
Taiwan, and work towards recognition from the United States while keeping options open with other global powers. The key lies in emphasizing Somaliland’s strategic value, democratic credentials, and potential for economic partnership, while remaining flexible in a rapidly changing geopolitical environment. FAF review We all aspire for Somaliland to advance comprehensively, achieving robust democratic and economic growth. There is significant potential for such development. As with any nation’s progress, obstacles will arise from various directions; however, the experience of colonization has fortified us, enabling effective engagement with foreign powers. The strategic perspectives articulated are both logical and well-considered, reflecting our deep appreciation for Somaliland and its forward-thinking populace. Kindly disseminate this article widely, sharing it with individuals, groups, and politicians alike. Qaran News
-
Click here to read more about this Qaran News
-
Taliyaha ciidanka militariga dowladda Turkiga, S/Guud Metin Gurak, ayaa soo gaaray magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana soo dhoweyn heer sare ah u sameeyay saraakiisha ugu saraysa ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Turkiga. Taliye Metin Gurak waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo safiirka Turkiga u joogo Soomaaliya iyo saraakiil kale. Socdaalka General Metin Gurak, ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu yiri war ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Taliyaha Ciidamadda militry Turkiga General Metin Gurak, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa booqday dekeda Muqdisho oo uu ku sugnaa markab dagaal oo ciidamadda badda Turkiga leeyihiin iyo dugsiga Turksom. Imaanshaha taliyahan ayaa ku soo beegmaysa xilli dbowaan la filayo inuu Muqdisho soo gaaro madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdoğan, wuxuuna Turkigu xoojinayaa taageeradiisa militari ee Soomaaliya iyo joojitaankiisa dalkan muhiim ah ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
-
Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta ayaa Sabtidii si adag u diiday qorshe kasta oo dhigaya in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda xaalad kasta ha noqotee, iyagoo muujiyay mowqif mideysan oo ka dhan ah baaqii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in Masar iyo Urdun ay qaabilaan dadka ku dhaqan Marinka Gaza. War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo mas’uuliyiinta ka kala socday dalalka Masar, Urdun, Sacuudi Carabiya, Qadar, Imaaraadka Carabta, Maamulka Falastiin, iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in tallaabo noocaas ah ay khatar weyn ku tahay xasilloonida gobolka, isla markaana ay fidinayso colaadda, ayna wiiqayso rajada laga qabo nabad waarta. “Waxaan si cad u diidnay isku day kasta oo lagu wax-yeelayo xuquuqda asaasiga ah ee aan gorgortanka gali karin ee shacabka Falastiin, ha ahaato mid lagu sameynayo howlgalada deegaamaynta sharci-darrada ah, ama barakicin, ama dhul-boobka ama iyadoo dhulka laga faarujinayo dadkii lahaa… si kasta, xaalad kasta ama marmarsiiyo kasta ha ahaatee,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka wadajirka ah. Waxay rajo ka muujiyeen inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka Trump si loo gaaro nabad caddaalad ku dhisan oo dhammaystiran, taasoo ka dhalata Bariga Dhexe iyadoo lagu saleynayo xalka labada dowladood, ayey hadalkooda raaciyeen. Kulankan ayaa yimid kaddib markii Trump uu toddobaadkii tegay sheegay in Masar iyo Urdun ay qaabilaan Falastiiniyiinta ka imaanaya Gaza, oo uu ku sifeeyay “goob burbursan” kaddib 15 bilood oo ay duqeyn ba’an ka wadday Israa’iil, taasoo hoy la’aan dhigtay inta badan 2.3-da milyan ee qof ee ku nool. Dadka dhaliila qorshahan ayaa ku tilmaamay mid la mid ah isir-sifeyn. Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa Arbacadii si cad u diiday qorshaha ah in Masar ay fududeyso barakicinta dadka reer Gaza, wuxuuna sheegay in shacabka Masar ay isugu soo bixi doonaan waddooyinka si ay u muujiyaan sida aysan raalli uga ahayn arrintaas. Trump oo ku adkeysanaya qorshahiisa Hase yeeshee, Khamiistii, Trump ayaa markale ku celiyay hadalkiisa, isagoo yiri: “Wax badan ayaan u qabannaa iyaga, waana inay aqbalaan,” isagoo u muuqday inuu tixraacayo kaalmada badan ee Mareykanka, oo ay ku jirto taageerada militari, ee uu siiyo labada dal ee Masar iyo Urdun. Soo jeedin kasta oo ah in Falastiiniyiinta ay ka baxaan Gaza, oo ah dhul ay doonayaan inay ka dhistaan dowlad madax-bannaan, waxay ahayd mid aysan marnaba aqbali karin hoggaanka Falastiin muddo dheer, waxaana si isdaba joog ah u diiday dowladaha Carabta ee deriska la ah tan iyo markii uu dagaalka Gaza ka qarxay bishii Oktoobar 2023. Dalka Urdun ayaa haatanba hoy u ah malaayiin Falastiiniyiin ah, halka tobanaan kun oo kalena ay ku nool yihiin gudaha Masar. Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Urdun ayaa labaduba si kulul u diiday soo jeedinta Trump maalmihii u dambeeyay. Wasiirrada Carabta ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha Masar ee ah inay martigeliso shir caalami ah oo ay ka soo qaybgalayaan Qaramada Midoobay, kaasoo xoogga lagu saari doono dib-u-dhiska Gaza, oo inta badan burbur xooggan uu soo gaaray intii lagu guda jiray 15-ka bilood ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Illaa hadda ma jirto wax waqti ah oo loo qabtay qabsoomidda shirkaas.
-
Hawlgal si wadajir ah ay isaga kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka oo lagu beegsaday horjoogeyaasha sare iyo xubnaha kooxaha Kooxdq Daacish (ISIS) ayaa ka dhacay buuraleyda gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo bogaadiyay hawlgalka ayaa yirri “Hawlgalkan lagu beegsaday hoggaanka sare ee ISIS waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada, taasoo gacan ka geysanaysa ciribtirka halis kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida dalkeenna iyo gobolka guud ahaan, waxaan si qoto dheer ugu mahad celinaynaa dowladda Mareykanka” “Howlgalkan waa tallaabo muhiim ah oo lagu wiiqayo awoodda hoggaanka iyo awoodda hawlgal ee ISIS, taasoo si toos ah u dhaawacaysa kartidooda fulinta falalka argagixisada” ayaa mar kale lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Beegsiga shaqsiyaadka muhiimka ah ee dagaalka waxay xoojinaysay sida Soomaaliya iyo Mareykanka ay uga go’an tahay sugidda amniga, xasilinta gobolka, iyo ka hortagga fiditaanka kooxaha xagjirka ah si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysay dadaallada iyo ka go’aanaanta adag ee Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada, waxayna adkaynaysay sida ay uga go’an tahay wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah si looga hortago halista argagixisada. Wadajir, waxaan u sii wadi doonnaa burburinta shabakadaha xagjirka ah, xoojinta hawlgallada amniga, iyo dhisidda mustaqbal xor ka ah argagixisada. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii ku dhawaaqay tacriif ama canshuuro baaxad leh oo lagu soo rogayo Canada, Mexico iyo Shiinaha, isaga oo adeegsanaya awoodaha degdegga ah ee dhaqaalaha, wuxuuna sabab uga dhigay “khatarta weyn” ee ka imanaysa tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogooyinka. Badeecadaha laga soo dhoofiyo Canada iyo Mexico ee Mareykanka ayaa la saari doonaa canshuur dhan 25 boqolkiiba, inkasta oo kheyraadka tamarta ee Canada uu yeelan doono canshuur hoose oo ah 10 boqolkiiba, iyada oo laga billaabayo Talaadada. Alaabaha ka imaanaya Shiinaha, oo horey u wajahaya heerar kala duwan oo canshuuro ah, ayaa lagu dari doonaa 10 boqolkiiba oo dheeraad ah, sida uu Trump sheegay. Trump ayaa adeegsanaya Xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Xilliga Degdegga ah si uu u meel mariyo canshuurahan, iyada oo Aqalka Cad uu sheegay in “halista daran ee ay keeneen dadka muhaajiriinta ah ee sharci-darrada ah iyo daroogooyinka, oo ay ku jirto fentanyl halis ah, ay xadgudub ku tahay ammaanka qaranka.” Ujeeddada ayaa ah in saddexda waddan lagu cadaadiyo “inay u hoggaansamaan ballamahooda ah inay joojinayaan tahriibka sharci-darrada ah iyo in la xakameeyo fentanyl iyo daroogooyinka kale ee sunta ah,” sida uu Aqalka Cad yiri. Washington ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeedisay dowladda Mexico, iyada oo ku tilmaantay inay “xiriir aan la aqbali karin” la leedahay kooxaha ka ganacsada daroogooyinka. – Saameynta ganacsiga iyo digniinta khubarada – Go’aankan ayaa halis gelinaya silsiladaha sahayda ganacsiga, laga soo billaabo tamarta illaa baabuurta iyo cuntooyinka. Trump ayaa marar badan muujiyay taageerada uu u hayo canshuuraha ganacsiga, wuxuuna muujiyay in tallaabadan ay tahay bilowga is-mariwaaga ganacsiga ee mustaqbalka. Toddobaadkan, wuxuu ballanqaaday inuu canshuuro saari doono Midowga Yurub mustaqbalka dhow. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu canshuur dheeraad ah ku soo rogayo qalabka elektarooniga, biraha sida birta iyo aluminium-ka, iyo sidoo kale saliidda iyo gaaska. “Canshuuraha waa aalad awood leh oo la isku halleyn karo si loo ilaaliyo danaha qaranka,” ayuu Aqalka Cad sheegay. Trump, oo ku sugnaa Florida dhammaadka toddobaadka, ayaa baraha bulshada ku qoray: “Waa waajib i saaran in aan ilaaliyo dadka Mareykanka, waana xilkeyga Madaxweyne ahaan in aan sugo nabadgelyada muwaadiniinta.” – ‘Dagaalka Ganacsiga oo Xoogeysanaya’ – Wendy Cutler, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Machadka Siyaasadda ee Asia Society, isla markaana horey uga mid ahayd kooxda gorgortanka ganacsiga ee Mareykanka, ayaa sheegtay in go’aanka la shaaciyay Sabtidii uu si cad u muujinayo in saaxiibada ganacsiga ee Mareykanka, deriskiisa iyo wadamada heshiiska ganacsiga xorriyadda la leh, ay wajahayaan khatar weyn. “Tallaabadan maanta la qaaday waa bilowga dagaal canshuureed oo cusub,” ayay u sheegtay wakaaladda wararka AFP. Waxay intaa ku dartay in Canada iyo Mexico ay wajihi doonaan cadaadis gudaha ah oo ku saabsan in ay ka jawaabaan go’aanka Mareykanka. Iyadoo saddexda dal ay wadaagaan heshiis ganacsi, canshuuraha cusub ayaa “saameyn degdeg ah oo xoog leh” ku leh dhammaan dhinacyada, sida ay sheegtay. Canshuuraha ballaaran ee la saaray saddexda dal ee ugu waaweyn ganacsiga Mareykanka waxay halis ku yihiin Trump, kaas oo ku guuleystay doorashadii bishii November ayada oo ay dad badan ka cawdeen xaaladda dhaqaale. Kharashyada sare ee soo-dhoofinta waxay sababi karaan in macaamiishu yareeyaan wax iibsiga iyo ganacsigu hoos u dhaco, sida uu sheegay Gregory Daco, oo ah khabiirka dhaqaalaha ee shirkadda EY. Wuxuu saadaaliyay in sicir-bararka uu sare u kici doono 0.7 boqolkiiba rubuci koowaad ee sanadkan ka dibna tartiib u yaraan doono. “Shaki badan oo ku saabsan siyaasadda ganacsiga waxay keeni doontaa jahwareer suuqyada maaliyadeed iyo cadaadis la saaro ganacsatada, inkasta oo maamulka uu sheegayo inuu u janjeero dhinaca ganacsiga,” ayuu yiri. Khubarada dhaqaalaha ayaa sidoo kale filaya in kororka canshuuraha uu dhaawacayo koboca dhaqaalaha. Dhanka kale, taageerayaasha Trump ayaa yareeyay cabsi laga qabo in canshuuraha ay sare u qaadi doonaan sicir-bararka, iyaga oo ku dooday in qorshihiisa dhimis canshuuraha iyo fududeynta xeerarka ganacsiga ay dhiirrigelin doonto kobaca dhaqaalaha. – Jawaabaha Canada iyo Mexico – Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa Jimcihii sheegay in Ottawa ay diyaar u tahay “jawaab adag oo si gaar ah looga baaraan degay.” Ra’iisul Wasaaraha gobolka Ontario, Doug Ford, oo ah xarunta dhaqaalaha Canada, ayaa ka digay anshuuraha ay sababi karaan shaqo la’aan iyo hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha. “Waxaan u istaagaynaa waxa saxda ah,” ayuu yiri. Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa ka dib shaacinta canshuuraha sheegtay in aysan ka welwelsaneyn arrinta, maadaama ay aaminsan tahay in “dhaqaalaha Mexico uu yahay mid adag.” Wasiirka dhaqaalaha Mexico, Marcelo Ebrard, ayaa Sabtidii sheegay in shirkadaha gaarka ah ee dalkaasi ay mideysan yihiin si ay uga falceliyaan “tallaabooyinka ganacsi ee loo arko kuwo sharci-darro ah.” Hogaamiyaha xisbiga Dimoqraadiga ee Senet-ka Mareykanka, Chuck Schumer, ayaa ka digay in canshuuraha cusub ay “kordhin doonaan qiimaha badeecadaha ay dadka Mareykanka iibsadaan.” Canada iyo Mexico waa sahay-bixiyeyaasha waaweyn ee badeecadaha Mareykanka, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha. Sidoo kale, canshuuraha la saaray waxay si weyn u saameyn doonaan warshadaha baabuurta, iyada oo soo saarayaasha baabuurta iyo qeybaha ay ka kooban yihiin ay ku baahsan yihiin saddexda waddan. Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in kordhinta cashuuraha dhoofinta saliidda cayriin ee dalal ay ka mid yihiin Canada iyo Mexico ay khatar gelin doonto qiimaha tamarta ee Mareykanka. Warbixin ay soo saartay Congressional Research Service ayaa muujisay in ku dhawaad 60 boqolkiiba saliidda cayriin ee Mareykanka uu soo dhoofiyo ay ka timaado Canada.
-
“Boosaaso is now experiencing business growth reminiscent of the 1990s” said a member of Boosaaso Business Council. Boosaaso (PP News Desk) — Boosaaso, the commercial city of Puntland State of Somalia, is beginning to reap the benefits of increasing investor confidence since counterterrorism operations against ISIS terrorists began one month ago. ISIS networks throughout Bari have been smashed. Strict residence status checks for foreigners in Puntland have yielded remarkable gains in public trust in the ability of Puntland Defence Forces to target ISIS in their hideouts in the Calmiskaad mountain range. The public has tipped off security forces, helping to foil planned attacks by ISIS on government properties and businesses that supported the counterterrorism operations. At Boosaaso Port, livestock for export to Gulf countries is kept in makeshift pens run by seasonal staff. Consumer goods imported from the UAE are sent as far as Beletweyne. Boosaaso Port now serves districts in Sool, Sanaag, and Cayn, though they are governed by the Sool, Sanaag, Cayn under Puntland State’s federal jurisdiction but governed by SSCK interim administration. Many investors have returned to Boosaaso to launch new ventures. “Boosaaso is now experiencing business growth reminiscent of the 1990s. I thank the Puntland State government for taking the threat of ISIS seriously. ISIS terrorists can no longer freely enter Boosaaso or attempt to extort money from certain businesses. Puntland forces have captured many ISIS hideouts. This progress in the fight against terror translates into investor confidence,” said a senior member of the Boosaaso Business Council. Not far from the Nakheel neighbourhood of Boosaaso, volunteers are preparing food supplies for Puntland Defence Forces. Puntland President Said Abdullahi Deni and his Council of Ministers have been in Boosaaso since counterterrorism operations against ISIS began. © Puntland Post, 2025 The post Boosaaso Reaps Investment Gains as Puntland Crushes ISIS appeared first on Puntland Post.
-
Colaada ka aloosan qaybo ka mid ah gobolada Sool iyo Sanaag xiligani ma aha mid u dhaxaysa Somaliland iyo beelaha Warsangali iyo Sool clan ee waa colaad ay hurinayaan dad ka baxsan deegaanka. Waxana ay colaadani isu rogtay mid u dhaxaysa beelaha wada dega gobolka Sanaag iyo Sool, waxana colaadani lagu soo go’aamiyay magaaladda Badhan oo ku taala bariga Sanaag. Beelaha Warsangali iyo Sool clan waxa ay soo saareen ama go’aansadeen in ay dagaal la galaan beelaha ay jaarka yihiin ee West Burco Clan iyo East Burco Clan. Lama oga waxa sababay in beelahaasi oo heshiis ahaa in xiligani la soo dhex dhigo colaad kaga timaada dibada. Ma jiraan deegaan ay Warsangali iyo Sool clan leeyihiin oo ay beelaha East Burco Clan iyo West Burco Clan ay haystaan. Gobolada Sanaag iyo Soolba waxa jira xuduud u dhaxaysa beelaha xagaasi wada dega mana jiraan dhul ama deegaan ay kala haystaan qolo waliba waxa ay joogtaa deegaankeedii. Colaadani ay hada ku dhawaaqeen beelaha Warsangali iyo Sool clan waxa ay noqon doontaa mid halisteeda leh iyagaana ka masuul ah wixii ka yimaada Waxana haboon in nabada ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday la soo dhaweeyo oo beelaha ay dirirtu u dhaxaysaa ay aqbalaan nabada iyo gogosha uu dhigay madaxweynaha Somaliland Waxana la gudboon in Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar qaatay labo toddobaad oo uu ugu maqnaa dalka Kenya, isagoo jebiyey xayiraaddii ay dowladda federaalku ka saartay safarada dibadda ah. Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay safarka uu Axmed Madoobe ku tegay Nairobi, waxaana Kenya laga dalbaday inay faahfaahin ka bixiso safarkaas, balse ilaa hadda warbaahintu ma arkin jawaab ay ka bixisay Kenya. Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed iyo abaabulka mooshin ka dhan ah Xasan iyo Xamse ka waday Nairobi ayaa dib ugu soo laabtay Kismaayo oo ku jirta xaalad sicir barar ah. Sida ay qirayaan shacabka, ganacsatada iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, sicir-barar baahsan ayaa ku dhuftay Kismaayo, kadib markii cunaqabateyn adag ay ku soo rogtay dowladda federaalka. Shaqadii dekedda Kismaayo ayaa joogsatay, qaadkii iyo diyaaradihii rakaabka qaadi jiray ayaa laga joojiyey Kismaayo, taasi oo sababtay in masuuliyiinta maamulka ay iska dhigaan gaadiidka, kadib markii ay soo wajahday dhaqaale xumo ay sababtay go’doominta Dowladda Federaalka. Ciidamada iyo shaqaalihii maamulka ayaa loo waayey wax mushaar ah. Dadka reer Kismaayo ayaa aad u sugayey soo noqoshada Axmed Madoobe, maadaama ay ka rajo qabaan inuu sahay kula soo laabto deegaanka. Maalmihii lasoo dhaafay wuxuu maamulka Axmed Madoobe xaraash ku bilaabay dhulkii danta guud ee magaalada Kismaayo. Dhulka danta guud ee Jubbaland iibisay, qaarna weli la kala iibsanayo, waxaa ka mid ah saldhiggii booliska ee Kismaayo, xaruntii wasaaradda Boostada, Keydii Ganleyda, Maktabadii Qaranka, xaruntii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu ku lahaa Kismaayo iyo Baarta Nabadda ee magaalada Kismaayo oo ah goob ay isugu tagaan dadweynaha magaaladaas. Meelaha qaar waxaa laga soo werinayaa cabashada dad shacab ah oo dhulkoodii lagu darsaday boobka iyo kala iibsiga dhulka danta guud ee ka socda Kismaayo. Arrintan waa ka siman yihiin Muqdisho iyo Kismaayo, waxaana la xaraashayaa oo xoog looga saarayaa dadkii deganaa dhulalkii danta guud.