Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhusamareb (HOL) — Somali army chief General Odawa Yusuf Rage visited Somali National Army (SNA) forces stationed in El-Dher district, Galgadud region, on Tuesday, just days after troops in the area protested the killing of six SNA soldiers in the El-Baraf district of the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  2. Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka bilaabanaya sanadkan cusub. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Ciidanka Masar ayaa beddali doono kuwa Itoobiya oo laga reebay howlgalka AUSSOM, sababo la xiriira isku dhicii Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhashay heshiiskii badda, Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa waxaa Jimcihii isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ay soo saareen 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah, kalia Mareykanka ayaa ka aamusay sababo la xiriira walaac uu ka qabo maalgelinta howlkan. Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan wadahadalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya. Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika. “Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri madaxweyne Cabdifataax El-Sisi. Waxaa kale oo uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaan qaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
  3. Ciidamada Amniga Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku dhawaaqay digniin amni oo ku saabsan argagixiso abaabulan oo doonayay in ay gudaha u galaan dhulka DDS. Digniin amni oo ka soo baxday Xafiiska Nabadgalyada DDS ayaa dadweynaha Degaanka Soomaalida lagu wargeliyay in aysan ku dagmin kooxo ay ku tilmaameen argagixiso abaabulan oo doonaya in ay magac qabiil ku soo galaan dhulka Dowlad degaanka. “Sida la wada ogyahay waxa jirtay damac uu leeyahay ururka argaxisada ah ee shabaab oo ah in ay soo galaan dalka, haddaba markii uu u suuro gali waayay in iyaga oo hubaysan kuna suntan calaamadda shabaab ay ka dhaxdhaqdhaqaaqan dalka.” “Waxa ay baddaleen qorshihii waxa, ayna qaateen, in ay soogalaan deegaanka iyaga oo huwan shaati qabiil, kuna abaabulaan dhallinyarta magac qabiil, gaar ahaan gobolada dhaca xuduudaha” ayaa lagu yiri digniinta ka soo baxday Xafiiska Nabadgalyada DDS. Ciidamada Dowlad degaanka ayaa sidoo kale sheegay in ba billaabayaan hawlgalka fashilinta damaca argaxisada waxaana ay mar labaad shacabka uga digeen in aysan ku kadsoomin abaabulka kooxaha argagixisada ah ka wadaan gudaha degaanka. “Haddaba waxaa bulshada deegaanka, ee sharafta leh, qaybaheeda kala duwan gaar ahaan dhallinta, waxgaradka, aqoon yahanka, culimada iyo dumarkaba looga digayaa inaysan ku dagmin abaabulada ay xubanaha argagixsada shabaab wadaan iyaga oo ku gabanaya magaca qabiilka” ayay sii raacisay digniinta. PUNTLAND POST The post Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo ku dhawaaqday digniin amni oo ku saabsan falal argagixiso appeared first on Puntland Post.
  4. Eight militants died following an attack by Islamic fighters on security forces in the Puntland region of Somalia on Dec. 31, 2024. Authorities in the Somali autonomous region of Puntland said eight foreign militants were killed following an attack by Islamic fighters on security forces early Tuesday. Residents said the attack started with a suicide bombing that targeted an area in Dharjale village in the far eastern highlands of Puntland, where security forces and officials were camped. In an audio statement posted on the Telegram channel of the region’s security forces, spokesperson for Puntland security operations Brigadier General Mohamud Mohamed Ahmed confirmed the attack. “Puntland anti-terrorism forces in the Dharjale, Bari region were attacked by the bloodsucking Daesh terrorist group,” he said. “The security forces have been following their movements, and they were ready. The bodies of eight foreigners and their weapons have been displayed.” Ahmed said Puntland security forces sustained “limited casualties.” Residents reported additional casualties among civilians in the village from the shrapnel of the explosion. Photos purported to be of dead militants show severed heads, and burned and mutilated flesh, indicating the use of a massive explosive device. Puntland this month announced that preparations for an offensive against extremist groups in the region have been completed. The region’s leader, Said Abdullahi Deni, urged the public to support the operation, without disclosing when it may start. Witnesses and residents said that Puntland forces moved to the east of Puntland after the preparations concluded. Al-Shabab and Islamic State, or IS, have been operating in Puntland. The operation appears to be focusing on IS. Deni offered amnesty to militants who renounce violence and their membership in the terror groups. U.S. military officials and Somali security experts reported that IS in Somalia increased its membership numbers this year. IS numbers previously were reported to be between 100 and 400 fighters, but Somali security and intelligence experts estimate their current numbers to be 500 to 600 militants, a figure yet to be confirmed by local authorities. A majority of the newcomers are said to be from the Middle East and eastern and northern Africa. IS in Somalia was formed in October 2015 by a group of former al-Shabab fighters led by the cleric Sheikh Abdulkadir Mumin, who reportedly pledged allegiance to the late IS leader Abu Bakr al-Baghdadi. Mumin appears to have survived a U.S. airstrike on May 31. Source: VOA The post Somali security forces fend off Islamic State attack in Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Dowladda Masar ayaa Soomaaliya usoo diraysa ciidanka cirka iyo badda oo la sheegay in ay qeyb ka noqonayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ay Masar noqonayso dalkii u horreeyay ee ka tirsan Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya usoo diraya ciidanka cirka iyo badda. Ciidamada Masar ayaa sidoo kale joogitaan ku yeelanayso dhulka , waxayna ciidanka Masaarida ilaalin doonaan madaxda sare ee dawladda iyo xarumaha muhiimka ah ee hay’adaha dawladda, taasi oo ay u dheertahay in ay usoo diri doonaan Soomaaliya la-taliyayaal sare oo militari, sida ay ku warrantay shabakadda The National ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta. Howlgalka AUSSOM, wuxuu isku rogay howlgal loolan siyaasadeed oo kulul; Howlgalka ay tahay in uu bilowdo wixii ka dambeeya maanta (1 Jannaayo,2025) ee AUSSOM, ayaa si dhaqso ah u muujinaya sida ay maalmaha u yihiin kuwa xasaasi ah, sabab la xiriirta loolanka siyaasadeed ee dalalka oo howlgalkan uu dhexda u galay . Mid ka mid ah marxaladda ugu adag ee ku dhex jira howlgalkan waa Masar iyo Itoobiya , oo mid kasta uu doonayo in kan kale laga tago , waxayna uga baahantahay Soomaaliya in ay xal u hesho cadaawada taariikhiga ah ee dhaxeysa labadan dal in ay saameyn ku yeelato gudaha dal iyo howlgalka xasillinta Midowga Afrika. Is afgaradka Ankara ayaa sidoo kale sare u qaadaya loolanka aamusan ee gobolka oo u dhaxeeya Masar iyo Turkiga. Tan oo la arkay markii ay Masar si deg deg ah uga dalbatay Soomaaliya inay faahfaahin ka helaan is afgaradka ay la gaareen Itoobiya goob kale oo Masaarida iyo Turkida uu loolankooda ka jiro waa Suudaan, kaddib markii Turkiga uu soo bandhigay inuu doonayo joojinta dagaalka Suudaan oo loo marayo wada-hadallo. Sidoo kale waxaa Hawlgalkani laga saaray Ciidamada Burundi, kaddib markii aan waxba laga qaban cabashada ay ka muujiyeen in hoos loo dhigay doorkoodii howlgallada Midowga Afrika oo ay ku jireen dalalkii lagu billaabay howlgalladan muddo hadda laga joogo 15 sanno , haddase saameynta Masar iyo Itoobiya waxay hoos u dhigtay Burundi oo ka bixitaankeeda howlgalka Midowga Afrika uu khasbayo in la helo ciddii buuxin lahayd goobaha ay ka baxayaan. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo ciidamo Cirka iyo Badda ah u soo diraysa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo la hadlay warbaahinta ayaa qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanada u dhow xadka ay la leeyihiin maamulka Somaliland. Mustafe Cagjar ayaa beeniyay eedeymaha loo jeedinayo ciidamada Liyuu Boolis ee ku aadan inay xasuus ka gaysteen aagga deegaanka Dacawaley oo ay dhowaan kula dagaalameen maleeshiyaad dadka deegaanka ah. Madaxweynaha ayaa ku dooday in ciidamadiisu ay la dagaalameen dad kusoo duulay nabadda deegaanka, balse aanu jirin qof shacab ah oo ay si bareer ah u dileen. “Waxaan ku kalsoonahay hal qof oo maati ah oo hubeysane aan ciidanka la dagaalameyn aan ahayn halkaa inay ka dhicin waan ognaay, waana la soconaaa” ayuu yiri Cagjar. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Colaadda laftigeedaaaba dhibaato ah hooyada ka barakacday meel xittaa dib u baxda waa dhibaato, xukuumadane tallaabo ayay qaaday shacabkana waa shacabkeenii”. Horay Somaliland ayaa ciidanka dowlad deegaanka ugu eedeysay inay shacab badan ay ku laayeen deegaanka Dacawaley, iyada oo qaar kamid ah dadka dhaawacyada la geeyay Hargeysa. Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeelatay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii dhacay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.
  7. President Recep Tayyip Erdogan of Turkey announced on 12 December that Ankara had successfully brokered talks between Somalia and Ethiopia to resolve growing tensions between the two countries on the back of the latter’s deal with the separatist Somaliland. Relations between the two Horn of Africa nations have soured over the past year following a January memorandum of understanding between Ethiopia and Somaliland. The agreement granted Addis Ababa 19 kilometres of Somaliland’s coastline along the Gulf of Aden for access to the Red Sea in exchange for recognising Somaliland’s independence. Mogadishu perceived this deal as a direct challenge to its territorial integrity and sovereignty. In the aftermath of the deal, Somalia recalled its ambassador to Ethiopia in protest and began leaning more towards Egypt, which has been strategically strengthening alliances with Somalia and Eritrea, two of Ethiopia’s key neighbours, in a bid to expand its influence in the Horn of Africa and to pressure Addis Ababa over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) Analysis Analysis How Turkish diplomacy in the Horn of Africa challenges Egypt’s ambitions Analysis 6 min read Mostafa Nasr 31 December, 2024 Analysis: The recent Ethiopia-Somalia agreement brokered by Turkey reflects Ankara’s rising influence in the Horn of Africa, at Egypt’s expense. President Recep Tayyip Erdogan of Turkey announced on 12 December that Ankara had successfully brokered talks between Somalia and Ethiopia to resolve growing tensions between the two countries on the back of the latter’s deal with the separatist Somaliland. Relations between the two Horn of Africa nations have soured over the past year following a January memorandum of understanding between Ethiopia and Somaliland. The agreement granted Addis Ababa 19 kilometres of Somaliland’s coastline along the Gulf of Aden for access to the Red Sea in exchange for recognising Somaliland’s independence. Mogadishu perceived this deal as a direct challenge to its territorial integrity and sovereignty. In the aftermath of the deal, Somalia recalled its ambassador to Ethiopia in protest and began leaning more towards Egypt, which has been strategically strengthening alliances with Somalia and Eritrea, two of Ethiopia’s key neighbours, in a bid to expand its influence in the Horn of Africa and to pressure Addis Ababa over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD). Related Will Somalia become a proxy battleground for Egypt and Ethiopia? Analysis Abdolgader Mohamed Ali Egypt has deepened its engagement in the Horn of Africa through a series of strategic investments, including a landmark defence pact with Somalia in August to enhance security cooperation. Under the agreement, Egypt supplied the Somali National Army with military aid, beginning with a shipment on 27 August, followed by additional deliveries in late September and November. Cairo’s involvement extended beyond arms transfers, as it positioned itself as a potential peacekeeping force in Somalia. This proposal gained momentum during an October summit in Asmara, where the leaders of Egypt, Somalia, and Eritrea pledged to strengthen regional security ties. Turkey’s mediation, however, could potentially throw a wrench in these carefully calculated efforts. Turkey’s moves According to a statement by Turkish authorities, Ankara’s efforts to mediate between Ethiopia and Somalia, which began in August with a preliminary agreement, will be negotiated further in February 2024, and if needed, Turkey will continue to act as a mediator. Both parties agreed to set aside disputed issues, explore bilateral agreements, and allow Ethiopia secure access to the Red Sea under Somali sovereignty and oversight. Addis Ababa has also committed to respecting Somalia’s sovereignty, unity, territorial integrity, and independence. “Ethiopia retreated from recognising Somaliland as an independent entity,” Amani El-Tawil, Director of the African Program at Al-Ahram Centre for Political and Strategic Studies, told The New Arab. She attributes this to two factors. “First, practical difficulties in implementing the agreement, as most tribes in Somaliland’s Awdal region, where the proposed port and military base are located, opposed the deal and threatened to block it by force.” The second reason was the inauguration of Somaliland’s new president Abdirahman Irro, who “appears to be less enthusiastic about the memorandum signed by his predecessor, Musa Bihi Abdi”. Egypt has been strategically strengthening alliances with Somalia and Eritrea in a bid to expand its influence in the Horn of Africa and to pressure Addis Ababa over the Grand Ethiopian Renaissance Dam. [Getty] The Egyptian-Eritrean-Somali alliance had “posed a military threat to Ethiopia,” and Egypt informed Washington of its openness to “all options in the coming phase if Egypt’s concerns regarding GERD during drought periods are not addressed,” El-Tawil noted. “On the global level, former US President Donald Trump’s return to the political scene has also pressured Ethiopia,” she added. “During his previous term, Trump maintained a negative stance towards Ethiopia’s regional policies.” Domestically, Ethiopia faces mounting challenges, according to El-Tawil. These include the escalating internal conflict in the Amhara region in addition to Ethiopia’s disputes with Eritrea and Sudan as well as Djibouti’s growing sense of alienation from Addis Ababa, all of which “further weaken” Ethiopia’s position. “Turkey demonstrated diplomatic agility,” she said, adding that “Ethiopia had to make several concessions, which will be further explored in February”. Will the peace last? Egyptian diplomat Mona Omar, a former Assistant Foreign Minister for African Affairs, voiced scepticism about the durability of the Ankara agreement, pointing to Ethiopia’s history of reneging on its commitments. “Ethiopia signed an understanding with Eritrea in Algiers in 2000, only for relations to deteriorate as a result of Ethiopia’s unilateral actions,” she said. She added that Egypt supports any initiative that fosters “regional stability while safeguarding its national security and sovereignty”. However, Omar noted that “Egypt’s objection to Ethiopia stemmed from Addis Ababa’s unilateral dealings with Somaliland, which undermined Somalia’s sovereignty”. Ethiopian political scientist Abdushakur Hassan, on the other hand, remains optimistic about the agreement. “The agreement has a significant chance of success because all factors point in its favour,” he told The New Arab. “The shared history between Ethiopia and Somalia could pave the way for closer ties in the long term.” Hassan described Ethiopia’s role in Somalia as “essential” for maintaining “state stability and restoring security,” adding that the newly-inked agreement could serve as a foundation for strategic relations and dispel “mutual fears and mistrust,” which he attributed to both internal and external actors. Omar, on the other hand, ruled out the possibility of the Ankara agreement affecting Egypt’s military and diplomatic ties with Somalia. “Egypt and Somalia have a joint defence agreement, whereas the Ankara agreement is a peace accord. The two serve entirely different purposes,” she explained. “Cairo’s agreement with Somalia obliges intervention only in cases of threats to Somalia’s sovereignty or security.” Somalia’s choice Iman Abdel Azim, a political science professor at Cairo University, agreed, stating that given the current context of Egyptian-Somali relations, “Somalia will not jeopardise its ties with Cairo”. She warned, however, that Somalia should not be forced to choose between Egypt and Turkey. According to Abdel Azim, historically, “Somalia has been under Turkish patronage,” and nothing significant happens there without Turkish involvement. “If weighed against each other, Turkey’s influence would likely outweigh Egypt’s,” she said. She also criticised Turkey’s interventions, adding that “Turkish moves” consistently “undermine Arab and Egyptian influence wherever they occur”. Yet, Omar disagrees with the notion that Egypt was caught off guard. “This Turkish mediation has been in the works for some time, and we were informed by the Turks. It did not catch us by surprise,” she revealed. Meanwhile, Hassan does not view Egypt’s recent moves in the Horn of Africa as part of a strategic vision but rather as “a reaction to a series of Ethiopian actions” in the region. “It is not in Egypt’s interest to conflict with any country in the region, especially one as significant as Ethiopia, given its capabilities and strategic location,” he said, highlighting what he sees as a missed opportunity. “We had hoped Egypt would take Ethiopia’s place in fostering dialogue, promoting reconciliation, and considering strategic relations across the region as a whole, but that did not happen,” he added. Asked whether Egypt and Ethiopia could replicate the Ankara model, Omar was sceptical. “There is already a dam built. What we want is joint management to protect Egypt’s water security during crises like droughts,” she said. “Ethiopia needs political change. One that recognises the rights of its neighbours and avoids antagonistic Source New Arab Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdooyin is xig-xiga oo kala saameyn badan ayaa sanadka 2024 ka dhacay dunida, waxa ay galeen diiwaanka iyada oo mid weliba qaanad uu ka galay dhinaca saameynta haddii ay ahaan lahayd mid taban iyo mid togan. Waxaa halkaan idin kugu soo gudbineynaa tobankii dhacdo ugu saameynta badnaa ee 2024, waxaa jiray dhacdooyin kale oo kuwaan ka badan balse waxa aan kasoo xulnay tobankaan maadaama ay ka saameyn badnaayeen kuwa kale. 2dii April 2024, Bassirou Diomaye Faye waxa uu noqday Madaxweynihii ugu da’da yaraa Dalka Senegal, waxa uu bannaan joog ahaa wax ka yar labo todobaad maadaama xabsigii uu ku xirnaa laga sii daayay 14kii Maarso. 23kii May 2024 waxa ay Dalka Iiraan u ahayd maalin murugadeeda wadata kaddib markii Madaxweynihii Dalkaas Ibraahim Ra’iisi uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ilaa haatan aan si rasmi ah loo faah-faahin waxa rasmiga ah ee sababay, waxaa la dhintay Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda. June 2024, Soomaaliya ayaa ku guuleysatay mid kamid ah 10ka kursi ee Golaha Ammaanka ee doorashada ku yimaada, Guushaan waxa ay Soomaaliya kaga dhigan tahay in ay Afrika ku metasho 2025 fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Horraantii July 2024, Dibadbaxyo waa weyn oo salkoodu ahaa canshuur kordhinta ay sameysay Dowladda Kenya ayaa gilgilay Magaalada Nairobi, waxaa dibadbaxyadaas xilkooda ku waayay Wasiirro katirsanaa Xukuumadda Ruto iyo Mas’uuliyiin kale. 31kii July 2024, Magaalada Tehran waxaa lagu dilay Madaxii ugu sarreeyay ee Dhaqdhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Haniyah oo xiligaas ka qaybgalay aaska Madaxweynihii Iiraan ee shilka Diyaarad ku geeriyooday. 5 August 2024, Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ahayd Dalka Bangladesh Sheikh Hasina Wazed ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay Xilkaas kaddib markii ay xooggeysteen dibadbaxyada ka dhanka ah Nidaamka Shaqaaleysiinta Dalkaas. 27kii September 2024, weerarkii ugu cuslaa ayay Israa’iil ku qaadday goob ay joogeen madaxdii ugu sarreysay ee Ururka Xisbullaah, waxaa halkaas ku dhintay Xogyahe Xasan Nasrullaah iyo mas’uuliyiin kale, waxaa uu weerarkaas sababay dagaal toos ah oo labada dhinac dhexmaray. 16kii October 2024, weerar lama filaan ku ahaa Israa’iil ayay ku beegsatay goob uu joogay Ninkii lagu baddelay Hoggaamiyihii Xamaas ee loosoo gaabiyo YS ama loo garan ogyahay Abuu Ibraahim, waxa uu qorshahaas kordhiyay xiisadda bariga dhexe. 5tii Nofeembar 2024, Dalka Maraykanka waxaa ka dhacday Doorasho uu ku guuleystay Donald Trump, waxa uu ka adkaaday Kamala Harris maadaama si kedis ah ugu soo baxday loolan kaddib markii Joe Biden uu isaga haray u tartamidda Doorashadaas. 8dii December 2024, waxaa kacdoon muddo kooban ah lagu jebiyay gidaarkii adkaa ee Bashaar Al-Asad, Mucaaradka ayaa qabsaday guud ahaan Dalkaas, waxaana lasoo afjaray kontankii sano ee Maamulka Xaafid Asad iyo wiilkiisa Bashaar. Kuwaan waxa ay ahaayeen tobanka dhacdo ee ugu saameyn badan ee dhacay 2024, waxaa jira dhacdooyin kale balse tobankaan ayaa kasoo dhex xulnay. Isha: Mustaqbal
  9. Dhusamareb (HOL) — Galmudug Regional State President Ahmed Abdi Kariye Qoor Qoor has denounced the ongoing deadly clan conflicts in parts of Somalia, accusing al-Shabab militants and similar groups of fueling the violence. Source: Hiiraan Online
  10. Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa xalay ku hoyday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Odowaa ayaa laba qorshe oo xasaasi ah u tegay degmada Xarardheere, kuwaas oo la xiriira xaaladaha haatan soo kordhay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Arrinta koowaad ayaa ah in taliyuhu dardar-gelinayo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe, si loo xoreeyo deegaanada ka maqan dowladda. Taliyaha ayaa sidoo kale saraakiisha ku amray in aysan ka maqnaan hal habeen talisyada ay xukumaan, iyadoo taliyihii jebiya amarkaas loogu goodiyey in xilka laga qaadi doono, lana reystey doono. Sidoo kale arrinta labaad ayaa ah in Jeneraal Odowaa uu la kulmi doono ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo dhawaan gadood ka sameeyay aagga Xarardheere, iyaga oo aad uga xumaaday dhacdadii askartii lagu laayay ee dhowaan ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe. Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa la filayaa inuu qanciyo ciidamadaasi oo kasoo jeedo Hiiraan, si aysan uga soo bixin furimaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Taliyaha xoogga ayaa hadda safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, labadii habeen ee lasoo dhaafay wuxuu ku hoyday degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor. Taliye Odowaa ayaa intii uu joogay Ceeldheer wuxuu kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka degaanka ee ka howlgala Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
  11. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay si dhaw xogtooda ula socotay mileeshiyaadkii Daacish ee weeraray degaanka Dharjaale ee gobolka Bari, taasi oo keentay in loo diyaar-garoobay, islamarkaana saacado kooban lagu fashiliyo. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in ciidamadu ku guulaysteen in ay dileen dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badnaa ajaanib, maadaama xogtooda la hayay. Guddoomiye Baarre ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxda weerarka soo qaadday adeegsatay qaraxyo, balse uu koobnaa khasaaraha ciidamada ka soo gaaray inkastoo dad rayid ah oo haween iyo carruur u badan dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaraxyada lagu weeraray tuulada Dharjaale. Guddoomiye Maxamed Baarri ayaa intaasi raaciyay in tuulada Dharjaale ay ahayd meel istaraatiiji ah oo kooxda Daacish ay u soo marto sahaydooda, isagoo sheegay sababta ay halkaasi u dageen in ay tahay ciribtirka Daacista ku sugan buuraha Calmiskaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay la socotay xogta Daacishtii soo weerartay Dharjaale appeared first on Puntland Post.
  12. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sanadkan cusub ee 2025 ay qorshaynayso inay inay shaqaalaysiiso in ka badan 151 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa munaasabad uu ka qeyb-galay ka sheegay in sanadka curtay ee 2025, ay u qorsheysantahay inay shaqo helaan Boqol Kontan iyo Koow kun oo qof Soomaali ah. Wasiirka wax faahfaahin ah kama bixin hannaanka ay u marayaan shaqaalaysiinta dadkaas iyo cidda ka taageeraysa, lama oga sida qorshahaasi u hirgeli karo maadaama xilligan dowladdu ay la daalaacayso culaysyo dhaqaale. Kumaanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo shaqa la’aan la tiicayaa ayaa jeclaan lahaa in hindisahani uu rumoobo, balse xaqiiqda fagaaraha taalla ayaa muujisay in suurta-galnimada qorshahani ay adagtahay, maadaama ay dowladdu wajahayso culaysyo dhaqaale oo baaxad leh. Source: goobjoog.com
  13. Dozens of protesters have been arrested in Kenya during nationwide clashes between police and demonstrators, according to rights groups, as anger swells over a wave of alleged abductions of government critics. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — Somali Interior Minister Ali Yusuf Hosh announced Tuesday that Puntland will rejoin negotiations for the country's electoral process amid a political standoff between the federal government and Puntland leaders. Source: Hiiraan Online
  15. Bujumbura (Caasimada Online) – Burundi ayaa ka hartay howlgalka Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM, iyadoo sabab uga dhigtay khilaaf weyn oo ka dhashay tirada ciidamada loo qoondeeyey oo ay ku tilmaantay “khiyaano” dhinaca Soomaaliya uga yimid. Xiisada ayaa soo ifbaxday markii Soomaaliya u qoondeysay Burundi kaliya 1,041 askari, taasi oo aad uga yar 2,000 oo askari oo Burundi ay doonaysay inay ku biiriso howlgalka cusub. Warqad ku taariikheysneyd 26-kii December oo uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur u diray dhiggiisa dalka Burundi ayaa lagu xaqiijiyay go’aankaasi, taasi oo keentay in ciidamada Qaranka Burundi ay dib uga laabtaan howlgalka. Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Burundi oo magaciisa ka gaabsaday oo la hadlay warbaahinta Uganda ayaa dhaliilay go’aanka Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Tani waa mid cad oo khiyaano iyo abaal dhac, gaar ahaan ka dib dadaallo ballaaran oo aan ku bixinay la-dagaalanka Al-Shabaab.” Tan iyo 2007, Burundi waxa ay kaalin firfircoon ka qaadatay amniga Soomaaliya, iyadoo markii hore ka mid aheyd howlgalka AMISOM, ka dibna howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee ATMIS. Askartii ugu horreysay ee ay ku tabarucday ayaa ahaa 5,400 oo askari. Diblomaasi Burundi ah ayaa VOA u sheegay sida uu uga xun yahay, isagoo yiri: “In arrintan lagu sheego abaal dhac waa wax yar, Soomaaliya waxaan ku leenahay raali-gelin.” Hawlgalka cusub, oo la qorsheeyay inuu bilowdo Janaayo 2025, ayaa ka koobnaan doona ciidan yar oo ka kooban 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 booliis ah. Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay heshiisyo laba geesood ah oo ay la gashay dalalka ku tabarucaya ciidamadan. Ku-xigeenka ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Yuusuf ayaa ku sheegay muhiimadda ay heshiisyadan u leeyihiin in la sii wado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi uu qiray naf-hurnimadii Burundi kuna sheegay mid ku qorantay taariikhda Soomaaliya.
  16. Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaasi. “Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kooxaha Xuutiyiinta. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka. Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta Yemen oo sheegay in ay gantaalo ku weerareen Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  17. Plagued by decades of political unrest and extreme weather events more and more Somalis are seeking to emigrate. Many of them hope to journey to the French Overseas Territory of Mayotte in the Indian Ocean to escape from poverty and persecution. French authorities estimate that there are over 100,000 migrants living in Mayotte now. Source: Hiiraan Online
  18. Garowe (HOL) – A deadly ISIS attack on a military base in Dharjaale village, Bari region, killed several civilians and Puntland soldiers on Tuesday, a Puntland State official confirmed. Source: Hiiraan Online
  19. Afrika waxay wajahday dhibaatooyin aan horay loo arag sanadkii 2024, iyadoo isbeddelka cimilada, dhacdooyinka tahriibka, cudurka mpox, iyo colaadaha hubeysan ay burburiyeen qaaradda isla markaana halis geliyeen nolosha iyo nolol-maalmeedka malaayiin qof. Heerkulka sii kordhaya, abaaraha iyo fatahaadaha ayaa sababay dhimashada iyo barakaca dad badan oo ku nool dalal kala duwan. Tusaale ahaan, biyo-xireen ku yaalla waqooyi-bari ee Nigeria oo burburay bishii Sebtembar ayaa saameeyay 1 milyan oo qof, iyadoo ugu yaraan 37 qof ay dhinteen halka in ka badan 400,000 ay ku qasbanaadeen inay guryahooda ka cararaan, sida uu sheegay maamulka gobolka Maiduguri. Sidoo kale, Soomaaliya, 6.9 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadanimo sababo la xariira Abaaraha, Fatahaadaha iyo Colaadaha hubeysan. Soomaaliya ayaa sidoo kale kaalinta ugu hoosaysa ka gashay liiska Cunnada Adduunka ee 2024 (Global Hunger Index), taasoo muujinaysa xaaladda gaajada daran ee dalka ka jirta. Intaas waxaa dheer, dalal badan oo Afrikaan ah ayaa la kulmay shilal badan oo la xiriira tahriibka, iyadoo dad badan ay ka cararayaan colaadaha iyo saboolnimada. Sida laga soo xigtay Caminando Fronteras (Walking Borders), oo ah urur u dooda xuquuqda muhaajiriinta ee Spain, tirakoobyada ugu dambeeyay waxay muujinayaan in 10,457 qof ay dhinteen ilaa 15-kii Diseembar sanadkan, iyagoo isku dayaya inay badda ku gaaraan Spain. Waxaa sidoo kale kordhay tirada kiisaska cudurka mpox ee ka jira Afrika tan iyo bilowgii 2024kii. Congo ayaa ah dalka ugu daran ee uu saameeyay cudurkan, waxaana Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay bishii Agoosto ku dhawaaqday inuu yahay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo khatar ku ah caalamka. In ka badan 1,300 qof ayaa looga shakisan yahay inay cudurka mpox u dhinteen gudaha Afrika. Iyadoo ay jiraan caqabadahan kor ku xusan, qaaraddu weli waxay la daalaa dhacaysaa dagaallo iyo rabshado hubeysan oo sababay dhimashada kumannaan qof, barakaca malaayiin kale, burburinta dhaqaalaha, iyo dhibaatooyin bini’aadanimo oo joogto ah. Afrika waxay leedahay tirada ugu badan ee colaadaha hubeysan , iyadoo in ka badan 35 colaado hubeysan oo aan caalami ahayn ay ka socdaan Burkina Faso, Cameroon, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Congo, Itoobiya, Mali, Mozambique, Nigeria, Senegal, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan. Dhibaataada waa kooxo oo la dagaallamaya ciidanka Amniga ama dhexdooda. Kazeem Olalekan, oo ah cilmi-baare ku takhasusay ammaanka iyo cimilada, ayaa sheegay in dowladaha Afrika aysan si dhab ah uga shaqeyn wax ka qabashada caqabadaha cimilada iyo dhibaatooyinka kale ee amni. “Arrinta ku saabsan faafitaanka hubka fudud iyo kuwa yaryar waa caqabad weyn oo aanay madaxda siyaasadda u arkin inay muhiim tahay in wax laga qabto, taasoo si weyn u saameysay nolol-maalmeedkeenna. Guud ahaan, waxaad arki doontaa in dowladaha aysan wax badan ka qaban fulinta shuruudaha heshiiska bulsho ee ay si ikhtiyaar ah ugu saxiixeen shacabka,” ayuu u sheegay Anadolu. “Dhibaatada caafimaadna way jirtaa. Haddana, maamuladu ma bixiyaan wax nooc ah oo caymis caafimaad ah oo loogu talagalay dadka, sidoo kalena ma maalgashanayaan waaxda caafimaadka taasoo sii adkeyneysa dhibaatooyinka caafimaad. Haddii loo socdo horay, dowladuhu waa inay feejignaadaan oo ay arkaan muhiimadda ay leedahay in nolosha dadka laga dhigo mid la awoodi karo. Ammaanka iyo daryeelka shacabka waa in la siiyaa mudnaanta ugu sarreysa.” ayuu yiri mar kale. Khabiiradu waxay sidoo kale ku booriyeen bulshada caalamka inay xoojiyaan dadaallada lagu heshiisiinayo, lagu taageerayo xalinta khilaafaadka, laguna wajahayo asbaabaha aasaasiga ah ee colaadaha . Source: goobjoog.com
  20. Kenyan youth demanding a stronger economy and a brighter future have been clashing with government forces in protests since June. Source: Hiiraan Online
  21. UN green light for deployment against Al Shabab lends international legitimacy to Cairo's military presence in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  22. Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya. Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika. “Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri. Sisi waxa uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaanqaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Masar iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya inay ka mid noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika gaynayo Soomaaliya. Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa noqday mid aad u kacsan, ka dib markii uu bishii Janaayo 2024 ay Itoobiya heshiis la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya, kaasi oo ah in ay ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidamada badda, taa beddelkeedna ay aqoonsi siiso. Colaadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo jiidatay indhaha gobolka iyo caalamkaba. Madaxweynaha Faransiiska ayaa booqashadii uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya waxa uu sheegay in uu taageersan yahay dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay badda ugala hadli lahayd dalalka jaarka ah, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah. Bartamihii bishii December ayey dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen heshiiskii Ankara ee uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo la filayo inuu qaboojiyo xiisadaha sii kordhaya. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay “ixtiraamka iyo sida ay uga go’an tahay madax-bannaanidda, midnimada iyo wadajirka dhuleed” ee midba midka kale. Madaxweyne Erdogan ayaa ku tilmaamay “heshiis taariikhi ah” iyo “tallaabadii ugu horreysay ee bilow cusub oo ku saleysan nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya.”
  23. A leading organisation representing Pakistan’s business community has engaged in high-level talks with Somalia’s Ambassador Sheikh Noor Muhammad Hassan in Islamabad. Source: Hiiraan Online
  24. Authorities in the Somali autonomous region of Puntland said eight foreign militants were killed following an attack by Islamic fighters on security forces early Tuesday. Source: Hiiraan Online
  25. Tel Aviv (Caasimada Online) – Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay Talaadadii in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaas. “Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay milatariga Xuutiyiinta. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka. Gelinkii dambe ee Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil. Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta, inta uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza. Toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqaymo aargoosi ah ku dilay afar qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, halkaas oo uu madaxa hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ku sugayay duulimaad.