Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta (04.02.2025) Qasriga Madaxtooyada JSL kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti sare oo ka kala socday Guddida Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas qaybtiisa Somaliland (SRCS). Wafdiga ICRC-da waxa hoggaaminayay Mudane Antoine Grand, Madaxa ICRC Somaliland/Somalia, Madaxa Xafiiska ICRC-da qaybta Somaliland Mudane Jimcaale Cali Nuur iyo Mudane Axmed Cabdi Bakal oo ah Agaasimaha Fulinta ee Ururka Bisha Cas (SRCS) qaybtiisa Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Weftiga ka socdey Laanqeyrta Cas iyo Ururka Bisha Cas uga mahad naqay booqashadooda isla markaana ku bogaadiyey shaqada fiican ee bani’aadantinimo ee Hay’adahani ay ka hayaan Somaliland. Madaxweynaha JSL ayaa wuxuu qiray kaalinta wayn ee ay Hy’adahani ka qaataan ka jawaabidda baahiyaha bani’aadamnimo gaar ahaan kuwa caafimaadka, xabsiyada, qeybta naafada iyo dib u soo celinta xidhiidhka qoysaska. Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Xukuumadiisa uga go’an tahay iyo ahmiyada ay siinayso Nabadda iyo Xasilloonida gobolka, isaga oo sheegay in dedaallada Nabadda, xasiloonida iyo dib-u-heshiisiinta iyo u-samo-falka bulshada Somaliland ay tahay muhimadda iyo mudnaanta koowaad ee Xukuumada WADAJIR iyo WAX-QABAD ee uu Gadh-wadeenka ka yahay. Mudane Antoine Grand, Madaxa ICRC Somaliland /Somalia ayaa Madaxweynaha ku hambalyeeyey guushii doorashadii Madaxtooyada isagoo Somaliland ku ammaanay hannaanka Dimuqraadiyada qaan-gaadhka ah ee Somaliland ka hirgalay. Masuulkan ayaa Madaxweynaha JSL ka siiyey war bixin guud oo ku saabsan taariikhdii iyo howlihii ay Hay’adda ICRC-da ka qabato Somaliland. Waxana uu si gaar ah u tibaaxay taageerada ay Hay’addani siiso Somaliland gaar ahaan xagga Xabsiyada iyo Caafimaadka iyo Daawooyinka. Mudane Grand waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay taageerada ay ICRC-du siiso Ururka Bisha Cas qaybtiisa Somaliland ee Goobaha muhiimka ah sida qeybta naafada (PRP), caafimaadka iyo soo celinta xidhiidhka qoysaska ay colaaduhu kala kexeeyeen. Mudane Antoine Grand waxa uu Xukuumadda Somaliland uga mahadceliyey sida ay ula shaqaynayaan Hay’adiisa, iyo taabo gelinta hawlaha ka socda Somaliland. Agaasimaha Fulinta ee SRCS qaybta Somaliland Mudane Axmed Cabdi Bakal ayaa isagu dhinaciisa Madaxweynaha JSL war bixin qoto dheer ka siiyey hawlaha ballaadhan ee Hay’adda Ururka Bisha Cas ka fuliso guud ahaanba lixda Gobol ee Somaliland. Wuxuu sidoo kale sheegay iskaashiga adag ee ay la leedahay ICRC (Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas) iyo Ururada Bisha Cas, iyo sidoo kale taageerada ay ka heleen Laanqayraha Cas ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Finland, Germany iyo Norway. Kulankan ayaa ku soo gebageboobey is-af-garad iyo in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya ICRC-da, SRCS iyo Xukuumadda Somaliland si wax looga qabto baahiyaha bani’aadanimo ee haatan ka jira. Source
  2. Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dalka Suuriya Maxamed Shaacir ayaa isu soo dhiibay ciiddamada la wareegay talada Suuriya. Ninkan oo ka tirsanaa taliskii dhacay ee Bishaar Al-Asad isla markaana xilka wasiirka Arrimaha gudaha hayey intii u dhaxaysay 2011-kii ilaa 2018-kii ayaa ka mid ahaa dadka loo haysto in ay ka qayb qaateen xasuuqii lagula kacay dadkii reer Suuriya. Dhowaan sidoo kale waxay ciiddamada Suuriya ayaa gacanta ku soo dhigay Cadaf Najiib oo ay imaadeer ahaayeen Bishaar Al-Asad kaas oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii bilaabay in la ciqaabo dadweynihii kacdoonka sameeyey ee reer Suuriya. Madaxdii dembiyada ka gashay dalka Suuriya ayaa noqday kuwo dalkaaas ka cararay, kuwo la qabtay iyo kuwo dhuumanaya oo lagu raad joogo. Source
  3. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Ministry of Finance has suspended health card fees imposed on travellers entering and leaving the country, describing them as unlawful and poorly implemented. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay weheliyaan Wasiirka Madaxtooyada, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Guddida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Madaxweynuhu dhawaan magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu Guddida Nabadda ee JSL u sheegay in ujeedada iyaga loo aasaasay ay tahay in ay abuuraan jawi nabadayn ah oo ku saleysan wada-xaajood, isfaham, iyo ka qeyb-gal bulsho si Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan Gobollada dalka uu u hanto nabad iyo xasillooni waarta. Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Guddida Nabadda u sheegay in ay leeyihiin Shaqsiyad Qaanuuni ah oo u xil saaran horumarinta nabadda, xasiloonida iyo ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Guddida Nabadda u sheegay in samayntii Guddida Nabaddu ay yeelatay saamayn weyn oo heer Caalami ah, maadaama ay yihiin Odayaal Qaran oo magac iyo maamuusba ku leh bulshada Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu Guddida Nabadda u sheegay in ay yihiin kuwa laga sugayo in ay hormmood ka noqdaan dedaalada ay Xukuumadda JSL ugu jirto nabadynta, xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta bulshadeena, gaar ahaan degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku. Madaxweynuhu wuxuu Guddida Nabadda u sheegay in Xukuumadiisu arrin iyo adduunba aanay Guddida waxba ka hagran doonin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fududeynta wada-hadallada nabadda iyo abuuridda fagaarayaal iyo jawi wada xaajood si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida bulshada loogana hortago khilaafyada iyo colaadaha deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland; Guddida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland iyaguna dhinacooda waxay Madaxweynaha uga xog warameen dedaalladii iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Guddi ahaan qaadeen si loo bilaabo gogol xaadhka wada-hadallada nabadda dhinacyada ay khusayso, gaar ahaan hoggaannada dhaqanka ka soo jeeda degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku. Guddida Nabadda JSL waxay Madaxweynaha u xaqiijiyeen in ay Guddi ahaan sii labanlaabi doonaan gudashada xilka culus ee uu Madaxweynuhu u igmadey, gaar ahaan qabashada, fududeynta iyo ka-midho-dhalinta shirarka nabadaynta iyo wada xaajooodyada bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen. Source
  5. Shiinaha ayaa salaasada maanta ah shaaciyay in uu canshuur 15 boqolkiiba ku soo rogi doono dhuxusha iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee uu kala soo dego dalka Maraykanka, kaddib markii Washington ay canshuur 10 boqolkiiba oo dheeraad ah saartay badeecooyin Shiinaha laga soo dhoofiyo. Wasaaradda Maaliyadda ee Beijing ayaa sidoo kale shaaca ka qaadday in 10 boqolkiiba canshuur ay dul dhigi doonto shidaalka cayriin, mishiinnada beeraha, baabuurta xamuulka fudud (pickup trucks), iyo gawaarida waaweyn sida kuwa isboortiga, ee uu dalka Shiinaha ka soo degsado Maraykanka. Canshuuraha cusub ayaa jawaab u ah “tallaabada canshuur kordhinta ee dhinac kaliya ah” ee uu Maraykanku qaaday dhammaadkii toddobaadkii hore, ayey tidhi Beijing. Tallaabadaasi, ayey ku dartay, “waxay si bareer ah u jebineysaa xeerarka Ururka Ganacsiga Adduunka, waxna kama tareyso xallinta dhibaatooyinka u gaarka ah Maraykanka, waxayna carqaladeyneysaa iskaashiga caadiga ah ee dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka.” Canshuuraha ay soo rogtay Beijing ayaa dhaqan galaya Isniinta soo socota, ayey tidhi Wasaaradda Maaliyadda. Maraykanka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay tallaabooyin ballaadhan oo ka dhan ah dalalka waaweyn ee ay ganacsiga wadaagaan, iyadoo badeecooyinka Shiinaha laga doonayo 10 boqolkiiba canshuur dheeri ah oo lagu daray tii horay u saarnayd. Trump ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay yihiin kuwo looga dan leeyahay in lagu ciqaabo dalalka ku guul darraystay inay joojiyaan qulqulka muhaajiriinta sharci-darrada ah iyo daroogada, oo ay ka mid tahay fentanyl, ee soo gelaya gudaha Maraykanka. Source
  6. Hargeisa (HOL) — Protests erupted at Hargeisa University on Monday as students clashed with police over reports of increased tuition fees and newly introduced service charges. The demonstrations, which lasted several hours, resulted in damage to university property and heightened tensions on campus. Source: Hiiraan Online
  7. Mareykanka ayaa la sheegay inuu u adeegsaday xiisadda biyaha Masar si uu cadaadis ugu saaro Qaahira inay ogolaato qorshaha barakicinta khasabka ah ee Falastiiniyiinta Gaza, sida uu werinayo wrageyska Al-Arabi Al-Jadeed. Intii lagu guda jiray booqasho uu toddobaadkii hore ku tagay Qaahira, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badar Abdelatty iyo Madaxa Sirdoonka Guud Hassan Rashad. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshaha muranka badan dhaliyay ee barakicinta dadka reer Gaza iyo xiisadda ka taagan biyo-xireenka Grand Renaissance ee Itoobiya. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in danjiraha Mareykanka uu soo jeediyay in taageerada Mareykanka ee xallinta xiisadda biyo-xireenka Itoobiya ay ku xirnaan karto sida ay Masar uga shaqeyso qorshaha lagu barakicinayo shacabka Gaza, looguna wareejinayo gudaha Masar iyo Urdun. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Masar ayaa si adag u diiday soo jeedinta Madaxweyne Donald Trump, oo ku baaqay in Gaza la “nadiifiyo” isla markaana dadka halkaas ku haray oo tiradoodu gaareyso 2.3 milyan lagu wareejiyo dalalka deriska la ah. Mas’uuliyiinta Masar ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha, iyagoo ka digay caqabadaha iyo cawaaqibka ka dhalan kara, kuna adkeystay in hirgelintiisu ay aad u adag tahay. Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale la kulmay shakhsiyaad caan ah iyo laba hoggaamiye xisbi oo siyaasadeed si uu u qiimeeyo mowqifka Masar ee ku aaddan qorshaha barakicinta. Wadahadallada ayaa lagu gorfeeyay in dibadbaxyada ka dhan ah qorshahan ay ka tarjumayaan dareen ballaaran oo ka dhan ah Mareykanka, ama haddii ay si gaar ah ula xiriiraan diidmada qorshaha barakicinta. Sida laga soo xigtay Al-Arabi Al-Jadeed, danjiraha Mareykanka ayaa si furan uga hadlay bannaanbaxyada, isagoo sheegay in ay si toos ah uga falcelinayeen qorshaha ay wadaan Mareykanka. Sarkaal sare oo ka tirsan diblomaasiyadda Masar oo xog ogaal u ah kulammadaasi ayaa sheegay in ay adkaan doonto in Qaahira iska caabiso qorshaha Trump haddii aysan helin taageero ballaaran oo ka timaadda dalalka Carabta. Trump oo ku dheggan qorshihiisa Sarkaalka ayaa xusay in Trump uu si adag ugu taagan yahay dhaqaajinta qorshahan, inkasta oo Masar si cad uga hortimid. Mas’uuliyiinta Masar ayaa ku celiyay inay diyaar u yihiin sahminta xalal kale oo xaqiijin kara ammaanka Israa’iil iyada oo aan si khasab ah loo barakicin shacabka Falastiin. Labo ilo xog ogaal ah – mid diblomaasi ah iyo mid siyaasadeed – ayaa sheegay in booqashada danjiraha Mareykanka ay u badan tahay inay tahay kulankii Trump uu todobaadkii hore sheegay xilli uu la hadlayay saxafiyiinta isaga oo saarnaa diyaaradda Air Force One. Trump ayaa sheegay inuu qorshaha barakicinta kala hadlay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, hase yeeshee sarkaal sare oo Masri ah ayaa xilligaas beeniyay in wadahadal noocaas ah uu dhacay. Sabtidii, madaxtooyada Masar ayaa war rasmi ah ku xaqiijisay in Madaxweyne Sisi uu habeenkii hore taleefoon ka helay Trump. Afhayeenka Madaxtooyada Masar Mohamed El-Shenawy ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay “wadahadal togan” ka yeesheen hirgelinta wejiyada koowaad iyo labaad ee heshiiska xabbad-joojinta Gaza, kaas oo ay garwadeen ka ahaayeen Masar, Qadar, iyo Mareykanka. Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay dedejinta gurmadka bani’aadantinimo ee loo dirayo Gaza. El-Shenawy ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Sisi uu markale ku celiyay baahida loo qabo in la gaaro nabad waarta oo gobolka laga hirgeliyo. Wuxuu sidoo kale xusay in beesha caalamka ay Trump u aragto qof muhiim ah oo door ka ciyaari kara xalinta khilaafka muddada dheer taagnaa, isagoo soo xiganaya sheegashada Trump ee ah inuu “u heelan yahay nabadda”. Source
  8. Puntland ayaa sheegtay in ay ciidamadeeda ka dagaalamaya buuraleyda gobolka bari dagaalka maanta dhacay ku dileen in ka badan 24 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish, dhammaantoodna ajaanib ahaa. Afhayeenka Ciidanka Puntland Janaraal Maxamuud Faadhigo oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay dagaal Ciidanka difaaaca iyo kooxda Daacish ku dhex maray buuraleyda Calmiskaad lagu diley xubnahaas, asagoo intaa ku daray inay jiraan dhaawacyo soo gaaray askartooda. Puntland ayaa wadda howlgal xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari, waxayna saraakiisha gulufkaas hoggaaminaysaahi sheegeen in guulo waaweyn ay gaareen ciidamadu, islamarkaana ay cagta mariyeen goobo badan oo dagaalamayaasha Daacish ay ku sugnaayeen. Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (HOL) — A 102-year-old elder was killed by an armed clan militia in Halfooley village, located in Somalia’s Hiiraan region, in what authorities and residents describe as a revenge attack linked to clan grievances. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii hakiyay canshuur-kodhinti uu saaray badeecadaha ay Canada iyo Mexico u soo dhoofiyaan Mareykanka, canshuurtaas oo gaareysay 25%. Go’aanka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kaddib marki uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Mexico haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau. Qoraal uu soo dhigay baraha ay ku xiriirto bulshada ayuu Trump ku sheegay, “in u uku faraxsanyahay natiijada horudhaca ah ee arrintan kasoo baxday, isla markaana muddo 30 maalin ah la hakiyay tacriifta si uu u arko in la gaari karo heshiis dhaqaale oo kama danbeys ah oo uu la galo Canada. Ra’iisul wasaaraha Canada Trudeau ayaa isna dhankiisa sheegay, in Canada ay geyn doonto xadka ay la wadaagto Mareykanka ciidan iyo qalab cusub oo tiknolooji ah ah, si loo joojiyo qul qulka daroogada fentanyl. Wuxuu sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Trump,” “Canshuurta lasoo jeediyay waxaa la hakiyay muddo 30 cisho ah, halka aan sii wadeyno wada shaqeynteenna.” Ayuu yidhi. Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa sheegtay in ay xadka Mexico uu la wadaago Mareykanka u direyso ilaa 10,000 oo askari oo ka tirsan millatariga, si ay u xakameeyaan daroogada nuuceeda dilaaga ah ee loo yaqaanno fentanyl, taas oo Mareykanka kasoo gasha dhanka Mexico. Waxay kaloo sheegtay in dowladda Mareykanka ay u ballan qaadday in ay wax ka qaban doonto joojinta hubka awoodda badan ee loo dusiyo dhinaca Mexico. Waxay intaasi ku dartay in madaxda labada waddan ay sii wadi doonaan wada hadalladooda ku aaddan dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga, isla markaana arrinta canshuurta muddo bil ah la hakinayo. Inkasta oo la hakiyay tacriifti uu madaxweyne Trump saaray Mexico iyo Canada, haddana waxaanan wali waxba laga baddalin canshuurti uu saaray Trump badeecadaha uu Shiinaha u soo dhoofsho Mareykanka. Source
  11. Fallaagada ay Rwanda taageerto ee dhawaan qabsatay magaalada muhiimka ah ee Gomo ee bariga Congo, ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah sababo bani’aadannimo dartood. Hadalka kasoo yeeray M23 ayaa yimid kaddib baaqyo is daba joog ahaa oo dalbanayay in la furo waddo nabad ah oo dadka barakacay lagu gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo. Fallaagada M23 waxay sheegtay in xababad joojinta ay billaabaneyso maanta oo Talaada ah. Ku dhawaaqista ayaa sidoo kale ku soo beegantay saacado yar kaddib marki ay Qaramada Midoobay shaacisay in dagaalki todobaadki hore ee Goma lagu dilay ugu yaraan 900 oo qof. Dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay jabhadda M23 iyo ciidamada dowladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. M23 ayaa la sheegay in ay ku sii siqeyso magaalada Bukavu ee caasimadda gobol kale oo ku yaalla Bariga Congo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Congo oo ku aaddan xabbad joojinta halka dhinac ah ee ay ku dhawaaqday M23. Urur goboleedyada Koofurta iyo Bariga Africa ayaa todobaadkaan ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya Congo shir deg deg ah, kaas oo ay dowladuhu ku dalba doonaan xabbad joojin. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in madaxweynayaasha Congo iyo Rwanda ka soo qeyb gali doonaan shirkaasi. Source
  12. Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay in weerar ay diyaarado drones ah u adeegsatay oo ay militarigeedu fuliyeen habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ay ku dishay 8 xubnood oo ka tirsan kooxaha argagixisada ah ee deganaa deegaan ku yaalla xuduudda Jabuuti ay la wadaagto Itoobiya. Weerarkan, ayay dawladdu sheegtay inay ku dhinteen dad rayid ah oo aagaas ku dhowaa, iyadoo aanay tiradooda shaacin. Source
  13. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo saaka ka dhacday deegaanka Xalfooley oo dhaca xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kadib markii sabab yaableh loogu dilay Oday 100 sano jir ah oo kamid ahaa dadka deegaanka. Marxuumka oo ahaa xoolo dhaqato ayaa waxaa lasoo wariyay inay dileen maleeshiyaad beeleed hubeysan, kuwaas oo kadib goobta isaga dhaqaaqay. Sababta loo dilay odeyga waayeelka ah ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto aano qabiil, balse dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, maadaama waayeelada, carruurta iyo haweenka ay kamid yihiin dadka birimageedada ah ee aan la taaban. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in odeyga la dilay loo tegay, isaga oo la joogo xoolihiisa, kadibna si arxan darro ah loo dilay. “Deegaanka Xalfooley nin 98 sano jiro oo iska socdo oo waayeel ah ayaa lagu dilay, xoolaley ayuu ahaa waxaana loogu yimid xoolihiisa waana la dilay” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dhacdadan waxay ka mid tahay colaadda meesha ka jirto iyo dagaal beeleedyada ka socda xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe”. Dhacdadan dilka ah ayaa kusoo aadeyso, xilli maalmahan ay xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka socdeen dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in xal nabadeed looga gaaro colaadda beelaha ee ka taagan halkaasi, taas oo saameyn ku yeelatay HirShabelle.
  14. Illegal tuna fishing by Chinese vessels off Somalia’s coast has reached alarming levels – with yellowfin tuna, one of the world’s most commercially important fish, central to this concern. Its high global demand and economic value make the species a target for criminal networks. Source: Hiiraan Online
  15. The United States has been conducting attacks in Somalia since at least 2007, with airstrikes skyrocketing during Trump’s first term. From 2007 to 2017, under the administrations of George W. Bush and Barack Obama, the U.S. military carried out 43 declared airstrikes in Somalia. Under Trump, AFRICOM conducted more than 200 air attacks against members of al-Shabab and the Islamic State group. The Biden administration conducted 39 declared strikes over four years. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasoo horey ay usoo ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xeerkani wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jawi shaqo oo cadaalad ah, kaas oo ku saleysan mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha. Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin goobaha shaqada iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka. Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yusuf Mohamed Adan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS saxiixa sharciga xeerka shaqada Soomaaliya, kaas oo markii ugu horreysay 52 sano ka dib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay. Xeerkani wuxuu la jaanqaadayaa hannaanka dawlad dhiska, ganacsiga xorta ah ee dalka ka hanaqaaday iyo xaqsiinta shaqaalaha si waafaqsan Diinteena suubban iyo xeerarka caalamiga ah ee shaqaalaha. Source: goobjoog.com
  17. Finland’s Special Envoy on Peace Mediation in the Horn of Africa, Suldaan Said Ahmed, recently engaged in discussions with Somaliland President Abdirahman Mohamed Irro in Hargeisa. The Tuesday talks centered on bolstering regional peace and stability in the Horn of Africa through dialogue and mediation efforts. This meeting underscores Finland’s commitment to supporting conflict resolution and fostering cooperation in a region that has faced significant political and security challenges. By engaging with Somaliland, Finland aims to contribute to broader stability and peacebuilding initiatives in the Horn of Africa Qaran News
  18. Bayaan kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland si buuxda gacanta ugu dhigeen degaanka Dharin ee togga Jeceel, halkaasi oo ay ku xoogganaayeen mileeshiyaadka Daacish. Bayaanka oo soo baxay kaddib dagaal culus oo maanta in ka badan 9 saacadood ka socday degaannada ku teedsan togga Jeceel ayaa lagu sheegay in ciidamadu gacanta ku dhigeen degaankaasi istiraatiijiga ah ee Dharin oo ay si xooggan ugu dagaallameen kooxda Daacish, ka hor inta aan ciidamadu cagta marin kooxdaasi. Ciidamada difaaca Puntland waxay sheegeen in ay wax dhintay iyo wax firxaday noqdeen dagaallamayaashii ISIS ee laga qabsaday degaanka Dharin ee togga Jeceel, kaddib markii ciidamadu halkaasi xoog kaga saareen kooxda oo isku dayay in ay xejistaan, balse laga awood roonaaday, sida uu tilmaamay bayaanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. “Ciidanku xoog ayeey Argagixisada kagala wareegeen deegaanka Dharin ee Togjaceel, Argagixisadii Daacish wax la dilay iyo wax firxaday” ayaa lagu yiri bayaanka kooban ee ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Ciidamada difaaca Puntland. Ka hor inta aysan degaanka Dharin la qaban, waxay ciidamada difaaca Puntland mileeshiyaadka Daacish ka saareen ilaa lix saldhig oo yar yar, kuwaasi oo ay ku dagaallameen ISIS, ha yeeshee ugu danbayn dhammaantood laga kiciyay, kaddib markii ciidamadu dusha ka mareen. PUNTLAND POST The post Puntland: Mileeshiyaadkii Daacish waxay noqdeen wax dhintay iyo wax firxaday appeared first on Puntland Post.
  19. President Deni endorsed the jurisdiction of the Somaliland administration in Ceerigaabo but did not call for any criminal investigations into the crimes committed by militias allied with Somaliland administration. Badhan (Letter sent by email) — I have read the editorial on the political statement by the Puntland President Said Abdullahi Deni regarding the situation in Ceerigaabo. President Deni did not explicitly mention the dispossession and loss of life caused by militias organised by Buurmadow and other warmongering traditional leaders. Earlier this week, Buurmadow claimed that only his clansmen, of the Isaq lineage, have a right to live in Ceerigaabo peacefully. These violations occurred shortly after Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi was elected in November 2024. Militias loyal to the Somaliland administration looted businesses, homes and killed and maimed Somali unionists. President Deni endorsed the jurisdiction of the Somaliland administration in Ceerigaabo but did not call for any criminal investigations into the crimes committed by militias allied with Somaliland administration. Victims have a right to live in Ceerigaabo and to receive compensation for the incompetence and connivance of the Somaliland administration when militia mobs from Burco carried out the forced displacement of Somali citizens in Ceerigaabo. Earlier this week, Buurmadow claimed that only his clansmen, of the Isaq lineage, have a right to live in Ceerigaabo peacefully. President Deni said that the victims of the forced displacement “are from Puntland”, yet no legal processes have been initiated in Puntland to record the extent of the damage, deaths and injuries suffered in Ceerigaabo by the displaced and dispossessed persons. The Puntland President’s advocacy for the property rights of Puntlanders who have been forcibly displaced from Ceerigaabo is at odds with his downplaying of the total breakdown of the 1995 Ceerigaabo Agreement at the hands of the Somaliland administration. The post Ceerigaabo Forced Displacement: No Justice for the Dispossessed appeared first on Puntland Post.
  20. Q2aad: Guushii Duuliyeyaashii Itoobiya iyo guuldaradii duuliyeyaashii Somalida dagaalkii hawada 1977. Markii dagaalku bilaabmay 13july 1977,waxay duuliyayaashii dagaalka ee Ethiopia iyo Somalia si adag ugu dagaalameen dhinaca hawada (Dogfighting)hawada dhinaca Ethiopia ee Somali-galbeed dadka qaar u yaqaaniin Ogaadeenia,meelaha ay duuliyayaashu isku farasaareen waxa ka mid ah hawada Godey,Qabridahar,Dhagaxbuur,Qabri bayax, Wardheer,Xarshin,Jigjiga,Diridawa,Harar,iyo meelo kale. Duuliyeyaasha Ethiopia waxay ka soo kacayeen giroomada Diridawa iyo Debrezeit,Duuliyeyaasha Somalidu waxay ka soo kacayeen giroomada Berbera iyo Hargeisa. Inta badan duuliyeyaasha Ethiopia waxay ku duulayeen nooca dayuuradaha ( F-5E iyo F-5A )Jetfighters. Duuliyeyaasha Somaliduna waxay ku duulayeen nooca dayuuradaha ( Mig-21 iyo Mig-17 )Jetfighters. Dagaalkii dhinaca hawada ee duuliyeyaashii Ethiopia iyo kuwii Somalidu wuxuu bilaabmay 24july 1977,wuxuuna dhamaaday 1september 1977,laakiin dagaalkii dhulku wuu sii socdey ilaa bishii labaad 1978. Mudadaasi waxay duuliyeyaashii Ethiopia hawada ku toogteen soona rideen( 18 dayuuradood oo Mig-21 ah iyo 9 dayuuradood oo Mig-17 ah) oo somalidu leedahay( Dogfighting)inta badan duuliyayaashii way ku dhinteen,kuma jiraan tirada dhawr dayuuradood oo iyagoo dhaawaca ah cararay degdegna u fadhiistay giroonka Hargeisa. Mudadaasi Ethiopia waxaa laga ridey 3sadex dayuuradood oo keliya oo noocoodu yahay( F-5E , f-5A iyo canberra )sadexdaasi dayuuradood waxaa toogtey ciidamadii lugta( ground force ) oo ka xumaaday sida loo ridey dayuuradihii somalida iyo duuliyeyaasha la laayey,sadexdii dayuuradood ee Ethiopia laga ridey duuliyeyaashii way badbaadeen (Ejecting parachute)micnaha way ka boodeen dayuuradaha markii ciidanka lugtu la heleen lidka dayuuradaha( anti airkraft ). La soco Q3aad,oo xiisa badan leh. Yusuf Abdilahi Janale Oslo Norway contact.somalilandcitizen@gmail.com Qaran News
  21. Washington (Caasimada Online) – Toddobaadyo kadib markii Donald Trump dib ugu soo laabtay Xafiiska Oval-ka, Mareykanka ayaa Sabtidii fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhacay Soomaaliya. Weerarradan ayaa dad badan ka yaabiyay, maadaama uu Trump horey u amray in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka intii uu xilka hayay. Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa xilli Soomaaliya aysan ka mid ahayn meelaha ay dunidu sida weyn indhaha ugu hayso, iyada oo laba dagaal oo waaweyn ay ka socdaan caalamka. Bayaan ka soo baxay mamaulka Trump ayaa lagu sheegay in duqeymuhu ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Mareykanku fuliyaan tan iyo markii Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad. Wararka duqeymaha kaddib, Xoghayaha Difaaca ee cusub, Pete Hegseth, ayaa sheegay in qiimeyntii ugu horreysay ay muujisay in weerarradu ay ku dileen xubno badan oo Daacish ah, kuwaas oo ku sugnaa buuraleyda Golis, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah. Trump ayaa is bogaadiyay, isaga oo bartiisa Truth Social ku qoray in weerarka lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada. “Weerarradan waxay burburiyeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisadu, waxaana lagu dilay tiro badan, iyadoo aan wax khasaare ah loo geysan dad rayid ah. Anigu ayaan go’aankaas qaatay, sababtoo ah Biden iyo kooxdiisu waxba kama qaban,” ayuu Trump ku qoray TruthSocial. Wuxuu intaas ku daray: “Farriinta aan u dirayno Daacish iyo ciddii Mareykanka cadow ku ah waa mid cad: ‘WAANU IDIN SOO HELI DOONAA, WAANUNA IDIN DILI DOONAA!’” Haddaba, muxuu Trump uga dan lahaa amarka weerar? Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo Sabtidii dhacay, Hegseth wuxuu xaqiijiyay in weerarrada ay fuliyeen diyaarado dagaal oo ay ka mid yihiin F/A-18, kuwaas oo laga qaaday markabka USS Harry S. Truman, oo ku sugan Badda Cas. “Hawlgalkaan wuxuu sii wiiqayaa awoodda Daacish ee ah inay qorsheeyaan weerarro argagixiso oo khatar ku ah Mareykanka, saaxiibbadeenna, iyo dad rayid ah,” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca. Waxaa jira saddex sababood oo suurtagal ah oo duqeymaha Soomaaliya loo fuliyay: 1 – Tallaabo astaanta Ah Warbixin uu daabacay New York Times ayaa xustay in saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ay aaminsan yihiin in duqeymahan ay ahaayeen tallaabo calaamadeyn ah oo aan lahayn saameyn militari oo weyn. Trump ayaa la rumeysan yahay inuu doonayay in uu isu muujiyo sidii hoggaamiye adag oo ka hortagaya argagixisada, taas oo mar walba ahayd astaan siyaasadeed oo uu ku faano. 2 – Aargoosiga weerarkii New Orleans Sanadka 2025 wuxuu ku billowday dhacdo argagax leh oo ka dhacday New Orleans, halkaas oo nin Mareykan ah oo horey uga tirsanaa ciidanka, islamarkaana la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii Daacish dhiirigelisay, uu dad badan ku jiirsiiyay gaari intii ay dabaaldegyada sanadka cusub socdeen. Weerarkii Mareykanka ee Soomaaliya waxaa loo fasiran karaa aargoosi ka dhan ah falkaas, iyada oo sidoo kale muujinaysa in Washington ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada Daacish, xitaa meelaha ka fog sida Soomaaliya. Khubaro ka tirsan laamaha amniga Mareykanka ayaa horay uga digay in khatarta Daacish ay korodhay. 3 – Aamusinta mucaaradka gudaha Trump ayaa horey u shaaciyay xaalad degdeg ah oo la xiriirta xuduudaha Mareykanka, wuxuuna codsaday in ciidamo badan la geeyo halkaas. Mucaaradkiisa ayaa dhaleeceeyay go’aankaas, iyaga oo sheegay in tani ay carqaladeyn karto howlgalada kale ee militari. Sidaas darteed, weerarka Soomaaliya waxaa loo arkay mid uu Trump ku muujinayo inuu weli xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada. Maxaa is-beddelay? Waxaa xusuus mudan in 2021, Trump uu amray in 700 oo askari oo Mareykan ah laga saaro Soomaaliya. Markii Biden xukunka la wareegay, wuxuu dib ugu celiyay 450 askari. Hadda, lama oga sida uu Trump mar kale u qorsheynayo in uu ula macaamilo Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in la xuso in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ay inta badan tababar siiyaan ciidamada dowladda, balse aysan si toos ah uga qeyb qaadan dagaallada ka dhanka ah argagixisada. Xoghayaha Difaaca Hegseth ayaa sheegay in Mareykanku “diyaar u yahay inuu raadiyo oo ciribtirayo argagixisada halis ku ah Mareykanka iyo xulafadiisa, xilli uu sidoo kale xoogga saarayo sugidda xuduudaha dalka.” Al Shabaab vs. Daacish: Halista Soomaaliya Soomaaliya waxaa si weyn loogu yaqaan dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, oo ah garab ka tirsan Al Qaacida. Warbixinaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay leeyihiin 7,000–12,000 dagaalyahan, islamarkaana dakhliga ay helaan sannadkiiba uu gaarayo $120 milyan, taasoo ka dhigaysa garabka ugu awoodda badan ee Al Qaacida. Halkaas marka la joogo, Daacish oo ka hawlgasha waqooyiga Soomaaliya weli ma gaarin awoodda Al-Shabaab, balse lama dhayalsan karo khatarta ay leedahay. Bishii May ee sanadkii hore, Mareykanka wuxuu fuliyay duqeyn lagu dilay saddex xubnood oo Daacish ah, inkasta oo markii dambe la ogaaday in mid ka mid ah uusan aheyn sarkaal sare oo kooxda ka tirsanaa. Soomaaliya oo soo dhaweeysay weerarka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xukuumaddu ay la socotay weerarka Mareykanka, islamarkaana uu bartilmaameedsaday Daacish. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay hawlgalka, isagoo xusay in “Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaalka Mareykanka ee lagu ciribtirayo argagixisada caalamiga ah.” Weerarkaan ayaa muujinaya in, inkasta oo Soomaaliya aysan ahayn mudnaanta koowaad ee Mareykanka, haddana Washington ay mar walba diyaar u tahay inay wax ka qabato khatarta argagixisada.
  22. President Donald Trump on Monday agreed to a 30-day pause on his tariff threats against Mexico and Canada as America’s two largest trading partners took steps to appease his concerns about border security and drug trafficking. Source: Hiiraan Online
  23. Taiwan welcomes new Somaliland envoy File photo courtesy of Ministry of Foreign Affairs for illustrative purpose only Taipei, Feb. 4 (CNA) A senior Taiwanese diplomat on Tuesday welcomed Somaliland’s new representative Mahmoud Adam Jama Galaal, who recently took up his post in Taipei. Speaking at a weekly news briefing in Taipei, Chen Yung-po (陳詠博), deputy head of the Ministry of Foreign Affairs’ Department of West Asian and African Affairs, expressed hope that Galaal would continue to enhance bilateral relations. Galaal was appointed by new Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi last month. In a Jan. 29 Facebook post by the Somaliland Representative Office in Taiwan, Galaal sent Lunar New Year’s greetings from his government and people to Taiwan. “On the joyous occasion of the Lunar New Year, the Republic of Somaliland and its Representative Office in Taipei extends its warm greetings and best wishes to the Government and people of the Republic of China (Taiwan). May this New Year bring you prosperity, happiness, and continued success.” “We cherish the strong bonds and friendship between our two countries and look forward to many more years of fruitful cooperation and shared prosperity. Happy New Year!” the envoy wrote in the post. Before taking up the post in Taipei, Galaal served as Somaliland’s representative to Ethiopia as well as its minister of planning and health minister. Politics Taiwan welcomes new Somaliland envoy 02/04/2025 03:15 PM Listen File photo courtesy of Ministry of Foreign Affairs for illustrative purpose only Taipei, Feb. 4 (CNA) A senior Taiwanese diplomat on Tuesday welcomed Somaliland’s new representative Mahmoud Adam Jama Galaal, who recently took up his post in Taipei. Speaking at a weekly news briefing in Taipei, Chen Yung-po (陳詠博), deputy head of the Ministry of Foreign Affairs’ Department of West Asian and African Affairs, expressed hope that Galaal would continue to enhance bilateral relations. Galaal was appointed by new Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi last month. In a Jan. 29 Facebook post by the Somaliland Representative Office in Taiwan, Galaal sent Lunar New Year’s greetings from his government and people to Taiwan. “On the joyous occasion of the Lunar New Year, the Republic of Somaliland and its Representative Office in Taipei extends its warm greetings and best wishes to the Government and people of the Republic of China (Taiwan). May this New Year bring you prosperity, happiness, and continued success.” “We cherish the strong bonds and friendship between our two countries and look forward to many more years of fruitful cooperation and shared prosperity. Happy New Year!” the envoy wrote in the post. Before taking up the post in Taipei, Galaal served as Somaliland’s representative to Ethiopia as well as its minister of planning and health minister. Galaal was previously critical of closer ties between Somaliland and Taiwan while in opposition. In a Feb. 2022 X post, he criticized Somaliland for having close relations with Taiwan, saying the move is a form of what he termed as “short-term megaphone diplomacy for local consumption only.” However, Galaal wrote in a Jan. 16 X post following his nomination that “foreign policy evolves with the times.” “You may embrace something you were once uncertain about… Taiwan has won hearts & minds with unparalleled assistance for the Republic of Somaliland,” he wrote. Asked about the new envoy’s previous comments, Chen told reporters in Taipei Tuesday that it is the ministry’s understanding that the representative’s remarks were aimed at a domestic audience based on the political situation at the time, without elaborating. Taiwan’s office in Somaliland has had “smooth communications” with the new government after President Mohamed Abdullahi was sworn into office on Dec. 12, Chen said. Chen added that Galaal himself was now very supportive of strengthening Somaliland-Taiwan relations. Ties between Taiwan and Somaliland have warmed since the two sides set up representative offices in each other’s capitals in 2020. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 and has functioned as a de facto sovereign state ever since, but is not officially recognized by any other countries. (By Joseph Yeh) Enditem/ASG by Taboola Sponsored Link Qaran News
  24. WASHINGTON – In a surprise move, the United States carried out airstrikes in northern Somalia on Saturday, targeting operatives of the Islamic State (ISIS) in what marked the first significant military action under President Donald Trump since his return to the Oval Office. The strikes caught many off guard, mainly since Trump had previously ordered the withdrawal of US troops from Somalia. The airstrikes were conducted against ISIS operatives in the remote Golis Mountains of northern Somalia, an area known for hosting extremist factions. According to the Trump administration, the strikes were aimed at dismantling ISIS’s ability to plan and execute attacks that could threaten US citizens, allies, and innocent civilians. “Multiple operatives were killed,” said newly appointed Defense Secretary Pete Hegseth in a statement, adding that no civilian casualties were reported. Hegseth confirmed that Navy and Air Force warplanes, including F/A-18 fighter jets from the aircraft carrier Harry S. Truman, carried out the strikes. Trump quickly took to his social media platform, TruthSocial, to claim credit for the operation, calling it a significant victory. “The strikes destroyed the caves they live in and killed many terrorists without harming civilians. Our Military has targeted this ISIS Attack Planner for years, but Biden and his cronies wouldn’t act quickly enough to get the job done. I did!” Trump posted, underscoring his commitment to taking strong action against terrorism. “The message to ISIS and all others who would attack Americans is that ‘WE WILL FIND YOU, AND WE WILL KILL YOU!'” Why Somalia? The question of why Trump ordered airstrikes in Somalia after previously reducing US military presence there remains central to the broader discussion. There are three likely reasons for the decision: 1- Symbolic Gesture Some defense officials suggest that the airstrikes were partly a symbolic gesture, reinforcing Trump’s image as a brutal “commander in chief” who would protect the US from terrorism from day one of his second term. This action was seen as an effort to portray Trump as decisive, particularly in the early days of his presidency. 2- Response to rising terrorism concerns The new year began with a high-profile attack in New Orleans, where a US Army veteran inspired by ISIS rammed a car into a crowd celebrating New Year’s. This tragedy underscored the growing concerns over ISIS-related threats, and the airstrikes could be seen as a response to these concerns. Analysts have warned that the influence of ISIS is resurging, with terrorist attacks increasingly linked to the group. 3- Deflecting domestic criticism The airstrikes could also be seen as a way to shift focus from domestic issues, such as Trump’s calls for military involvement at the US-Mexico border. Critics had argued that such actions could distract from other military priorities, including counterterrorism efforts abroad. By conducting the strikes, Trump may have sought to quiet criticism and demonstrate a proactive approach to national security. The changing US military stance in Somalia Trump’s decision to re-engage militarily in Somalia is shocking, considering his 2021 order to withdraw 700 US troops from the country. Under President Joe Biden, 450 US troops were redeployed to Somalia, focusing primarily on training Somali forces rather than conducting counterterrorism operations. The recent strikes have raised questions about the future direction of US military involvement in the region. Secretary Hegseth emphasized that the US “stands ready to find and eliminate terrorists” while also fulfilling its border protection responsibilities. This statement suggests that the Biden administration’s approach to Somalia may evolve, particularly given the recent uptick in military action. Al-Shabab and ISIS in Somalia While Somalia has long struggled with the militant group Al-Shabaab, which is linked to Al-Qaeda, the threat from ISIS in the northern part of the country cannot be ignored. Despite its smaller presence in Somalia compared to Al-Shabaab, ISIS has increasingly made its mark, with US airstrikes targeting its operatives in recent years. In May 2023, a US airstrike killed a senior ISIS leader in northern Somalia, marking a significant blow to the group’s operations. US Special Operations forces also eliminated ISIS financier Bilal al-Sudani in a January 2023 raid, further highlighting the importance of Somalia in the broader global fight against ISIS. Somalia’s reaction The Somali government welcomed the US operation, with President Hassan Sheikh Mohamud acknowledging the support of the United States in the fight against international terrorism. “The latest American operation reinforces the strong security partnership between Somalia and the United States in combating extremist threats,” Mohamud said. This statement reflects the Somali government’s ongoing cooperation with the US military in counterterrorism efforts. While the strikes may have raised eyebrows internationally, many in Somalia view them as a positive step toward eliminating the threat posed by ISIS, which continues to operate in the country’s northern regions.
  25. Baardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta isbeddal lama filaan ah uu ka dhacay gobolkaasi, kadib markii ciidamada Jubbaland ay dib ula wareegeen gacanta ku haynta xarunta degmada Baardheere. Isbeddalka ayaa yimid, kadib markii xalay ciidamadii horay u joogay gudaha degmadaas oo taabacsanaa dowladda federaalka ay ka baxeen Baardheere, waxaana saaka gudaha u galay Daraawiishta Jubbaland oo si buuxda hadda u maamulayo xarunta degmada. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in arrintan ay ku timid, kadib kala fur-furis lagu sameeyay ciidamadii halkaasi ku sugnaa ee taabacsanaa dowladda dhexe. Sidoo kale waxaa xarunta degmada Baardheere tegay guddoomiyaha degmadaas ee Jubbaland, Mudane Aadan Muxumad Axmed, isaga oo kormeer ka sameeyay Baardheere, kaas oo lagu qiimeynayay xaaladda guud iyo arrimaha ammaanka ee degmada. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in haatan wixii ka dambeeya ay gudan doonaan waajibaadkooda, xaruntana loogu shaqeyn doono bulshada deegaanka. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya ee jooga gobolka Gedo, kuna aadan la weerigaanka Jubbaland ee degmada Baardheere. Dowladda Dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa indhowanahan si weyn ugu loolamayay gacanta ku haynta gobolka, taas oo salka ku hayso xiisadda labada dhinac.