Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaad beeleedda dhawaanahan ka aloosan galbeedka Gobolka Mudug. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug, Cabdinaasir Cabdiqaadir Cabdulle oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaadda labada beelood ee ka taagan galbeeedka Mudug. Guddoomiye Cabdinaasir ayaa sidoo kale caddeeyay in dagaalka galbeedka Mudug uu u dhexeeyo laba mileeshiya-beeleed oo keliya, islamarkaana aysan ku lug lahayn cid ka baxsan labada mileeshiyaad ee dirirtu dhexmartay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug midna aanu wax lug ah ku lahayn dagaal beeleedka socda, balse uu yahay colaad ku kooban laba beelood oo aysan wax siyaasad ah ku jirin labada dhinac midna. “Aniga oo ka wakiil ah dowladda Galmudug afkeedana ku hadlaya waxaan lee yahay dagaalkaasi ma bannaana ee hala joojiyo, waxaana ku baaqaya xabbad-joojin labada dhinacba” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug, Cabdinaasir Cabdiqaadir. Odayaasha dhaqanka labada dhinac ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay gacan ka geystaan in xabbad-joojin laga sameeyo degaanka colaaddu ka jirto sidoo kale wada-hadal iyo waan-waan nabadeed laga dhex bilaabo labada beelood. PUNTLAND POST The post Galmudug oo ku baaqday in xabbad-joojin laga sameeyo colaad beeleeda galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi a Itoobiya ugu ogolaatay in ciidamadeeda ay ku biiraan howlgalka cusub ee AUSSOM oo Soomaaliya ka bilowdaan Arbacadii lasoo dhaafay. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso codsiga ku aaddan inay Itoobiya ku biiriso ciidamo cusub oo qeyb ka noqda howlgalka cusub ee AUSSOM. Ogolaanshan ayaa daba socda isku soo dhawaanshaha labada dal iyo booqashada ay Muqdisho kusoo gaareen wafdiga sare ee ay soo dirtay dowladda Itoobiya. “Iyadoo la raacayo mabaadi’da baaqa Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa sida ay uga go’an tahay xaqiijinta fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay u aragtaa in mabaadi’da heshiisyadaasi ay aasaas adag u yihiin kobcinta iskaashiga wax ku oolka ah ee u adeega danaha labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Dhankeeda qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM, base qoraalkan laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac. Itoobiya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan magaalada Addis Ababa. Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa bishii hore saxiixday heshiiska Ankara ee uu Turkigu ka soo shaqeeyay, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay ka wada hadlaan xalinta khilaafka ka dhex-taagan.
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa mar kale qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda xooggan ee haatan kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya oo ay isku qabteen arrimaha doorashooyinka dalka. Jubbaland ayaa mar kale ku dhowaaqday dagaal horleh oo ay la galeyso dowladda dhexe, sida uu ka dhawaajiyay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maxamuud Sayid Aadan. Qoraal uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa lagu magacaabay guddiga oo 7 xubnood ah, kana kooban heer gobol iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo loo xilsaaray inay isku daba ridaan ciidamada Jubbaland ee gobolka jooga, sida lagu sheegay warka qoraalka ah. Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay in ciidamadaasi ay difaacaan deegaanka, sidoo kalena ay la dagaalamaaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. “Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane H.E Mohamud Sayid Aden ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dowladda Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo difaaca Dowladda Jubaland.” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay guddiga. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan dowladda dhexe ay dhankeeda dhaq-dhaqaaq culus ka wado gobolka Gedo, oo ay ku daabushay ciidamo dheeraad ah. Jubbaland ayaa si buuxda loogala wareegay degmooyinka Garbahaarey, Baardheere iyo Doolow, kadib markii dowladdu kala furfurtay saaxiibadii Axmed Madoobe kulahaa degmooyinkaasi.
  4. Mogadishu (HOL) — At least three people were killed and others injured in a high-speed car accident on Friday night along the road connecting Mogadishu and Jazeera, according to eyewitness reports. Source: Hiiraan Online
  5. Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyootay gaari nooca raaxada ah oo shil ku galay inta u dhaxeysa deegaanka Jasiira iyo Magaalada Muqdisho. Saddexda ruux ee geeriyootay ayaa kala ahaa Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo gaariga waday iyo laba ruux oo dumar ah oo gaariga saarnaa. Gaariga oo ku socday Xawaare Sare ayaa jidka ka baxay taasoo keentay in uu guud ahaantiisa burburo. Dhalinyarada ayaa deganaa degmada Wadajir halkaasoo xalay Meydkooda uu ku baryay. shalay oo Jimco aheyd ayay dalxiis u aadeen xeebta deegaanka Jasiira. Goobjoogayaal ayaa Goobjoog u xaqiijiyay in gaariga xilliga uu rogmanayay uu tartan kula jiray gaari kale oo la socday oo asna ay wateen dhalinyaro dalxiis u aaday deegaanka Jasiira. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kordhay Shilalka ka dhacaya deegaanka Jasiira. waxaa loo aaneynaya dhalinyarada oo gawaarida u wadda si xowli ah. Source: goobjoog.com
  6. ADDIS ABABA, Ethiopia - A volcanic eruption has struck Ethiopia's central Mount Dofan, a region that has recently experienced frequent minor tremors, according to local media reports on Friday. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (IANS): The UN relief agency has expressed concern over attacks targeting aid workers delivering humanitarian supplies in Somalia, which increased in the fourth quarter (Q4) of 2024. Source: Hiiraan Online
  8. Somalia is mulling reversing a decision to exclude Ethiopia from a multinational force fighting al-Shabab terrorists, another indication that diplomatic tensions between the two nations are easing. Source: Hiiraan Online
  9. The Kenya Space Agency on Friday continued to examine a huge metallic ring that fell in the country early this week. Source: Hiiraan Online
  10. Washington — A top Ethiopian official visited Somalia’s capital Thursday in the first high-level meetings since relations plummeted a year ago because of Ethiopia’s plan to access the sea through the breakaway Somaliland region. Source: Hiiraan Online
  11. President Abdel Fattah El-Sisi discussed the situations in East Africa and the Horn of Africa regions with Uganda’s President Yoweri Museveni, stressing their support to Somalia’s independence, sovereignty and territorial integrity. Source: Hiiraan Online
  12. Washington — A top Ethiopian official visited Somalia’s capital Thursday in the first high-level meetings since relations plummeted a year ago because of Ethiopia’s plan to access the sea through the breakaway Somaliland region. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Khamiistii Muqdisho ku yeeshay waddallado ku saabsan ambaqaadidda heshiiskii Ankara iyo waliba howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ee AUSSOM. Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caaisha Maxamed iyo wafdi ay hor-kacayso ayaa Muqdisho tagtay kula kulamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo gaarsiisay dhanbaal ay uga siday ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Kadib kulanka ayaa labada dal waxay soo kala saareen qoraallo u muuday in ay is khilaafsan yihiin, marka la eego arrinta ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ee howlgalka AUSSOM. Itoobiya ayaa u muuqata in ay hadalka u dhigeyso in arrintaas la isla ogolaaday, halka Soomaaliya ay sheegeyso inay weli ka fiirsaneyso. Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Qoraalkaasi laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac. Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu u sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM ee bilowday maalintii Arbacada. Itoobiya ayaa sheegtay in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan Addis Ababa. Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa bishii hore saxiixday heshiiska Ankara ee uu Turkigu ka soo shaqeeyay, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay ka wada hadlaan xalinta khilaafka ka dhex-taagan. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magaciisa codsaday inaan la sheegay ayaa VOA u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu danbeyn aqbali doonto in ciidanka Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka AUSSOM. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa Khamiistii Muqdisho ka sheegay in khilaafkii kala dhaxeeyay la xaliyay laguna xaliyay sida uu hadalka u dhigay ‘dulqaadka” ay sameysay Soomaaliya.
  14. Wakiilka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay si cad u diiday damaca Jarmalku ku doonayo in uu xubin rasmi ah ka noqda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wakiilka ayaa sheegay in haddii golaha Qaramada Midoobay dib u habayn lagu sameeyo aanay dalalka qaar gabi ahaanba noqon doonin xubnaha joogtada ah, gaar ahaan dalalka Jarmalka iyo Japan. Jarmalka ayaa dedaal ugu jira inuu kamid noqdo dalka Xubnaha joogtada ah ku leh golaha ammaanka, kuwaas oo hadda ka kooban 5 dal, islamarkaana leh codka diidmada qayaxan. Source: goobjoog.com
  15. Khilaaf dhanka diblomaasiyadda oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo shaacbaxay ka dib markii Itoobiya ay Maamulka Somaliland la saxiixatay heshiis is afgarad ah oo ah in Itoobiya ay si madaxbanan u isticmaasho mid ka mid ah dhulxeebeedka gayiga soomaaliyeed. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa. Heshiiskan is afagardka ah ayaa waxaa si adag uga falceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Innaga oo ka hadlayna kulankii Muuse iyo Abiy Ahmed, Bisha January 1-deeda 2024 waxaa dhacay wax ku cusub waayaha iyo sooyaalka gayiga xorta ah ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed, tani waxa ay ina tusaysaa in hadafka Itoobiya uu yahay in Soomaaliya laga weeraro halka ay ugu jilicsantahay, balse ma aqaan faa’iidada Maamulka Somaliland ay ku qabaan is-afgaradkaa haseyeeshee waxa aynu wada ognahay in Itoobiya aysan aqoonsi siin karin Maamulka Somaliland. Haddaba ujeeddadu ma aha Maamulka Somaliland ee waa Dowladda Federaalka Soomaaliya, hadafka laga leeyahayna uu ahaa waa sida anniga ii muuqatee sidii miiska wadahadalka loo keeni lahaa madaxda Soomaaliya. Markaan halkaas marayno waxaa ii muuqata cadaawad ka dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo aan wali dabkeedii damin, taasi oo ka imaanaysa taariikhdii soo dhex martay Itoobiya iyo Soomaaliya. Marka hore aan ku dheeraanno waydiimo dhowr ah innaga oo ka eegayna dhanka taariikhdii ku salaysneyd colaada iyo dagaalka. Aqristow bal aan ku waydiiyee ma la fahansan yahay waydiimaha soo socda. Bal is-waydii maxay isku hayaan Soomaaliya iyo Itoobiya muddo qarniyo ah? Itoobiya maxay Soomaaliya ku tabaysaa ? Itoobiya maxay markasta weerar ugu tahay Soomaaliya? Soomaaliya maxay u neceb tahay Itoobiya? Soomaaliya maxay wadahadallo xal waara keena ula furi wayday Itoobiya ? Soomaaliya ma diyaar bay u tahay in ay dagaal la gasho Itoobiya ? Itoobiya masoo weeraraysaa Soomaaliya ? Hadii dagaal dhaco, maxaa xal noqon doona? Afrika sidee bay u aragtaa labada dhinac? Marka laga yimaado waydiimahaan oo idil waxa hadda socda waxa ay ilays ka bixinayaan awoodda ay doonayso Itoobiya iyo taagyarida Soomaaliya, taas oo ina tusaysa khatarta ku soo wajahan Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa soo dhex maray dagaallo lagu hoobtay, cadaawad daba dheeraatay oo soo jiitamaysay in ku siman qarniyo badan taasi oo dabkii ka dhashay maanta dogobyo la sii saaray. Soomaaliya haba yaaraatee uma dareen la’a in khatari kulaalayso oo waliba hadda ay marayso goob halis ah. Annaga oo fahansan halka uu xaal marayo iyo sida Itoobiya ay isu diyaarinayso maxaa la gudboon soomaaliya, sow in Soomaaliya ay saaxiib dagdag ah oo u gurmada hesho mahan, sow in Soomaaliya garab istaaga beesha caalamka hesho ma ahan, sow in Soomaaliya hub iyo saanad dagaal hesho ma ahan, soo in bulshawaynta Soomaaliyeed isku duubni hesho mahan. Haddaba sidee bay u wajaheen Soomaalidu marxaladaan ku hareeraysan oo idil? Waa halkaan meesha aan ka ambaqaadayno daadka Soomaalida qaaday iyo halka ay xunbada ka cugsadeen. Soomaaliya waxay xal u heshay taageerada Beesha Caalamka halka aan lagu kalsoonaan karin run ahaanshaha beesha caalamka taageeradaas ay u fidiyeen Soomaaliya, waayo dunida aan maanta joognaa waa mid ay wax jaangoyso danaha dalka wax taageeraya ka leeyahay goobta uu taageerayo. Intaas wixii ka soo hara waxa aan ognahay in ay tahay kaliya afka baarkiisa. Bal dib u xasuuso weerarkii Ruushku ku soo qaaday dalka Yukrayn, Reer Galbeedku ku ma aysan ekaan oo kaliya tageero afka ah ee waxa ay wax kasta isla garab taageen dalka Yukrayn heer ay garaan in ay ka fakaraan sidii ay ciidan ugu diri lahaayeen. Bal is-waydii aqristow Soomaaliya beesha caalamka ma ka sugaysaa taageero taas la mid ah haddii Itoobiya ay gudaha usoo gasho dalka Soomaaliya? Sidoo kale Soomaaliya waxaa la dhihi karaa waxa ay xal u raadin ugu jirtaa isku duubnida bulshawaynta Soomaaliyeed, walow shaqo aan dhawayn u harsan tahay Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ay wado qaldan ka baadi goobaysaa isku duubnida bulshawaynta. Bal aan isla eegno meesha laga baadi goobayo iyo sida loogu lumay jidkaas qaldan. Oraah baa tiraahda: “Haddii aad doonayso in aad badasho hab fikirka bulshada waa in aad ku eegtaa indho kale”. Haddii aan micnayno oraahdaan waxaa loola jeedaa bal u fiirso halka qulqulka bulshadu u socdo oo isku day in aad raacdo. Tani waxa ay inoo bidhaaminaysaa su’aasha ah bulshawaynta Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowliga ah ama Madaxda siyaasiga ah isku si ma u fakarayaan ? Jawaabta ka dhalanaysaahi waa maya. Haddaba xaggee bay madaxda Soomaaliyeed ka baadi goobayaan isku duubnida bulshada? Madaxda Soomaaliyeed waxa ay ka baadi goobayaan isku duubnida bulshada banaanbaxyo in la qabto, xaflado iyo munaasabado badan in la abaabulo lagana jeediyo qudbado dhaadheer iwm. Haddaba xaggee bay taalaa isku duubnida bulshada ? Waa halka ay dhalinta Soomaaliyeedi ku sii jeedaan oo ah Mareegta Intarnaydka qaasatan Baraha Bulshadu ku xariirto. Waa goobta ay tahay in laga abaabulo dhalinta Soomaaliyeed, waa halka ay tahay in loola jeesto bulshada soomaaliyeed maadaama ay maanta saamaynta ugu wayn uu ku leeyahay bulshada ababaabulkeeda. Mareegta Baraha Bulshada waa hubka ugu awoodda badan ee maanta dowlada Soomaalidu haysato. Abaabulka dhalinta Soomaaliyeed ee saamaynta ku leh Bulshada waxa ay sababi karaysaa kacdoon shicibka ah oo loo jiheeyo dhankii la doonayo markaas. Soomaaliya xal ma u heshay hub iyo saanad ciidan si haddii dagaal u qarxo ay u difaacdo dalka iyo shacabka soomaaliyeed? Waxaan si cad u oran karnaa maya uma aysan helin xal waara baahida dhanka hubka iyo saanada ciidamada Soomaaliya ay u baahan doonan haddii dagaal qarxo. Haddaba Soomaaliya baadi goob ma ugu jirtaa sidii ay ku heli lahayd hub? Waxaa inoo muuqda ayaamahan danbe in Dawlada Soomaaliya ay ka fakartay sidii ay hub ku heli lahayd, balse tilaabooyinkii ugu danbeeyay ee ay dawlada Soomaaliya qaadaysay ma yihii kuwii ugu mudnaa. Waxaa kale oo iyadana iswaydiin mudan hub noocee ah ayay u baahan tahay Soomaaliya? Xaggee u furan oo ay hub ka heli kartaa maadaama aysan cunaqabatayni saarnayn? Waydiimahan dul hoganaya caqabadda hubka ay Soomaaliya u baahan tahay ayaa ah kuwo tiro beel ah balse aan kusoo koobo intaas. Bal aan is-dultaagno nooca hub ee ay u baahan tahay Soomaaliya. Waxaan si fudud u dhihi karnaa Soomaaliya waxa ay u baahan tahay hub casri ah oo lagu kalsoonaan karo tayadiisa iyo tijaabooyinkiisa intaba. Hubkaasi oo ka casrisan kan Dowlada Itoobiya ay haysato. Marka aynu sidaasi niraahno waxaan shaki ku jirin in albaabo badani ay innaga soo xirmayaan maadaama aynaan u baahnayn waxa ay hayaan ama nooca hub ee ay nasiin karaan. Haddaba Soomaaliya waxaa u furan sadex waji oo kaliya kuwaasi oo kala ah: 1- Dowladaha Reer Galbeedka iyo NATO, 2- Dalka Ruushka, 3- Dalka Shiinaha. Ifafaalihii inoo muuqday maalmahan ayaa waxa ay ina tusayaan in Dowlada Soomaaliya ay qaadatay doorashada 1-aad oo ah in ay garab ka raadiso Dowladaha Reer Galbeedka iyo kuwa xubnaha ka ah NATO. Hadaba Aqristow aan ku waydiiyee ma yihiin kuwii ugu mudnaa in la waydiisto garab amaba lala samaysto heshiisyo difaac ama mid dhaqaale kuu doonaba ha noqdee. HESHIISKA SOOMAALIYA IYO TÜRKİYE Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ansixiyay heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskaan ayaa dhigaya in toban sano uu Turkigu biyaha Soomaaliya difaaci doono, iyaga oo dhisi doona ciidamo baddeed. Tani waa talaabo weyn oo ay Soomaaliya ku xoojinayso aminga baddeeda si’ay uga gaashaamato khataraha kaga imaanaya gobolka. Hase yeeshee Turkigu ma yahay dalkii ku haboonaa in heshiiskaan lala galo mise Soomaaliya danta ayaa ku qasabtay ? Heerkee ayuu dunida ka joogaa Turkigu marka laga eegayo dhanka Ciidanka Badda iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka Badda ? Sababtoo ah heshiiska ayaa sidoo kale xoojinaya ka faa’iidaysiga kheyraadka badda. Heshiiskan waxuu u siinayaa Ciidamada Turkiga in ay la dagaalami karaan guud ahaan nooc walba oo argagixiso, budhcad badeed, kalluumaysiga sharcidarada ah, sunta lagu qubo xeebaha Soomaaliya, iyo khataraha Soomaaliya uga imanaya dibadda. Marka aan u imaano Turkiga xaggee ka joogaa dhanka kheyraadka Badda. Sida aan ognahay Turkiga ma ahan wadan leh badwayn ee waa wadan leh bado yar yar, mana ahan wadan caan ku ah wax soo saarka kheyraadka badda nooc kastaba ha noqdee. Marka su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah sidee buu Turkigu usoo saarayaa kheyraadka dhex ceegaaga Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas? waxaa taasi sii dheer wadan aan aqoon iyo khibrad durugsan u lahayn Badaha iyo Badwaynta Hindiya sidee ugu aaminaysaa Soomaaliya badeeda oo idil? Tani waxa ay ina tusaysaa dagdaga lagu qaatay go’aanka heshiiska darafkiisa dhaqaalaha. Inta aanan loo gudbin fulinta heshiiskaan iyo hannaanka loo marayo, Turkiga waxa uu ku dhacay doorashadii koobaad ee lagu xulan lahaa waddamada awoodi kara wax soo saarka badda khibrad durugsanna u leh Cilmiga Baddaha iyo Badwaynta Hindiya. Waxaa kale oo is-dultaag mudan maxay tahay sababta aan heshiis dhaqaale oo dhanka badda ah ula saxiixanay wadan aan wax badan annaga nagu dhaamin dhanka Cilmiga Badda? Waa maxay danaha uu Turkiga u rabo dhaqaalaha badeena isaga oo aan cilmi iyo awood balaaran u lahayn Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas? Marka aan u imaano Turkiga xaggee ka joogaa dhanka Ciidanka Badda. Waxaan arkaynaa in dalka Turkiga uu leeyahay 34 marakiib oo ilaalada xeebaha ah, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda, sidoo kale Turkiga waxa uu hada bilaabayaa farsamaynta maraakiibta waxaana dalkiisa ilaa iyo hadda lagu farsameeyay ilaa labo markab oo uu mid yahay markabka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xambaara walina waxa ku socota tijaabooyinka hawlgalka. Haddaba wadanka Turkiga, ee lagu wareejiyay difaaca xeebta ugu dheer Afrika, ma waxa uu ku difaacayaa 11’ka markab iyo 6’da gujis. Haddii Turkiga uu u soo diro Soomaaliya maraakiibtiisa dagaalka qaybo ka mid ah, yaa ilaalin doona xeebihiisa oo ka ilaalindoona Dalka Giriiga oo ay ka dhaxayso muran baddeed xooggan. Hadii Turkiga yahay wadan aan quwad muuqata ku dhex lahayn Baddaha Caalaamka, uusan lahayn awoodda wax soo saarka maraakiibta iyo gujisyada caalamiga ah ee maanta dunidani u baahaan tahay maxay tahay sababta Turkiga loola saxiixday heshiiskaan iyada oo la heli karay waddamo ka mudan? Waa maxay caqabada ku hor gudban in lala saxiixdo heshiiskan oo kale ah waddamada qibradaha sare u leh baddaha iyo maraakiibta dagaalka sida: Japan, China, USA, Rusia, England, India, Pakistan iwm? Waxaa Aqristow is-waydiin mudan waydiimahan soo socda: Bal ka waran haddii dalka Itoobiya uu soo galo Gudaha Soomaaliya, Turkiga ma difaaci doonaa dhulka Soomaaliyeed? Bal ka waran haddii danaha dhaqaale iyo kan istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Turkiga uu u saamixi waayo in Turkiga uu difaaco Badda Soomaaliyeed oo ay muhiim noqoto danta Turkiga la leedahay Itoobiya? Bal is-waydii sidee buu u wajahayaa ama uu u difaacayaa Turkiga dhul aysan awood ku dhex lahayn Dawlada Fadraalka Soomaaliya ? Bal sawiro Aqristow sidee buu u difaaci karaa Turkiga bulsho iyo xukuumad ogol Itoobiya oo ka soo horjeeda Dawlada Federaalka Soomaaliya? Haddii dagaal qarxo yaa qaadan doona mas’uuliyadda rayidka ku dhinta goobtaas? Bal maxay samaynaysaa Dawlada Federaalka Soomaaliya haddii Turkiga ka baxdo heshiiska? Bal ka waran haddii Itoobiya ay soo gasho goobo kale oo aan badda ahayn ee ka mid ah dhulka Dowlada Federaalka Soomaaliya maxuu ka qabaa heshiiska mase la difaaci doonaa dulkaas? Intaas iyo in kale oo badan waa waydiimaha aan cidi ka jawaabin. Waxaa iska cad in Turkigu doonayo sidii uu ciidamadiisa ugu heli lahaa saldhig kale oo uu ka waardiyaysto ganacsigiisa maraya Gacanka Cadan, halkaasi oo u noqon doonta goobta ay ka heli lahaayeen khibrad bulshadiisa ka aradan dhanka Cilmiga Baddaha iyo Baddwaynta Hindiya. Sidoo kale waa Halka uu faa’iido dhaqaale ugu samayn lahaa dhaqaalaha hoos udhaca ku jira ee Turkiga. XALKA MARXALADA SOOMAALIYA Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal dheer ku bixinaysaa sidii marxaladaan culus uga badbaadin lahayd bulshawaynta Soomaaliyeed, inkasta oo ay jiraan xaalada aad moodo fududaysi iyo mid ku dhisan qiirada shicbiga ah oo u muuqata mid aan lagu salayn cilmi baaris iyo daraasad rasmi ah. Waxaa la gudboon Dowlada Soomaaliya in ay si qoto dheer u dhuuxdo xaaladaha soo wajihi doonaa ayna ka fogaato wax kasta oo dhayalsi oo keenaya khatar, sow in la abuuro mahan isku filmaansho bulsho iyada oo loo marayo in la adeejinayo qaybaha bulshada lana abuurayo isku filnaanshaha umada Soomaaliyeed fakradaan way adagtahay in la abuuro balse waxa la dhex marin karaa Xubnaha Awoodda Qarsoon ee Bulshada Saamaynta wayn ku leh. Aqoonyahanka Soomaaliyeed:- Aqoonyahan waxa lagaa doonayaa in aad qaado hawsha ugu badan ee jihaynta bulshada Soomaaliyeed si ay u gaaraan isku filnaansho dhanka wax-qabsiga iyo cilmiga ah iyo in la qabto dood cilmiyeedyo lagu falanqaynayo waxtarka bulshada, laguna fahan siinayo khataraha ka jira dunida iyo marxalada maanta dalku marayo. Dhallinyarada Soomaaliyeed:- Dhallinyaro waxaa idin saaran waajibka ugu culus ee ah badbaadinta mustaqbalkiina iyo kan ubadkiina. Waxa dhallinta Soomaaliyeed laga doonayo ayaa ah u istaagida difaaca Qaranimadooda iyo soo bandhigista hal abuurkooda iyaga oo ilays u noqonaya dhallinta soo koraysa iyo xoogga baritoole. Haweenka Soomaaliyeed:- Haweenka Soomaaliyeedow waxaa ogtihiin in aad tihiin lafdhabarta ummada soomaaliyeed, waxad qarankan u tihiin ilayska kaliya ee u baxaya. Doorka aad ku leedahay xal u raadinta marxalada qatarta ah ee dalka Soomaaliya haysataa waxa ay noqonaysaa isku haynta bulshada kala tagtay, waxad ogaataan maanta in aad idinku tihiin aabaha iyo hooyada soomaaliyeedba idinka oo halku-dheg ka dhiganaya oraahda tiraahda: “Hawaayin wax siiso Hooyo, Hawaayin Wardheere Aabe, Hawaayin Waalaalo Dhawr ah, Hawaayin Soomaaliwaynta”. Kuwaani waa AWOODDA Qarsoon ee Bulshada Soomaaliyeed aysan wali isticmaalin Dowladda Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay in sare u kac laga dareemi doono Dalka Soomaaliyeed haddii si saxan loo maareeyo awooddaan. WQ: Ahmed Irad Mohamed Ahmediraadmo@gmail.com
  16. Casriyeynta dugsiyada qur’aanka iyo Toosinta hab-dhaqanka ardayda waa inaysan noqon mid laga soo qaato dunida aan muslimka ahayn! Dugsi qur’aanka, waxay ardayda ka baran jireen dhaqan xil-kasnimo oo aysan isha qabaneyn, waxaa ka mid ahaa dhaqankaas ardayda in maalmaha KHamiista ah galabtii la fasixi jiray si ay duurka uga soo guraan ulihii lagu garaaci lahaa iyaga marka ay timaado toosinta iyo in lagu carbiyo dhaqanka wanaagsan iyo barashada qur’aanka, waxaana xusid mudan in ardayda iyagoo sidaas fahamsan oo og in ulaha ay gurayaan iyaga lagu garaacayo; midkooda dugsiga aan imaan ama ka dhuunta, midka casharkiisa baran waaya, midka far baran waaya, midka anqaasta ama qadda soo riiqan waaya, midka ay waalidkiis ka soo dacwoodaan iyo kuwa laga soo eed sheegto…iyo wixii soo raaca, iyagoo sidaas ogsoon, oo garanaya dadka ulahan loo wato inay yihiin ayeey haddana ku tartami jireen siduu mid kasta u noqon lahaa midka ulaha ugu badan soo guray, midka ugu ulo fiican, taasi macnaheedu waxaa weeye in shakhsiyadda ardayga yar ee dugsi qur’aanka dhiganaya uu da’daas (5- 10jir) gaarsiisanaa inuu garanayay muhiimadda dhaqanka dabeecadda u ah dugsi qur’aanka, ujeeddada ulaha laga leeyahay, iyo kaalinta iyo waxa uu ka mudanyahay macallinka qur’aanka baraya. Wuxuu ardayga bartay ama fahmayay in wax kasta ay leeyihiin qaab xisaabtan ah oo ay ka dhalan karto ciqaab iyo abaal marin. DHaqankaas iyo dabeecaddaas edbinta iyo carbinta isugu dhafan, iyo nidaamka barashada qur’aanka waxaa ka sameysmayay ama ka soo baxayay shakhsiyad adag oo aan la barxin oo laf iyo ludba Soomaalinimo u sameysan! Macallinkeen Allow Kaal, Macallinkiis Allow kaal, Waalidkeen Allow Kaal, Waalidkiis Allow Kaal!…oo macnaheedu yahay Kaal oo u kaalmee. Marka aad fiiriso dhinaca ardayda miyiga qur’aanka ku baraneysay iyaga waxaa intaas oo ay la wadaagaan ardayda dugsi qur’aanka magaallada ku dhiganeysay u dheeraa, inay kaalin buuxda ka qaadanayeen hawlaha qoyska ama guriga, siiba kuwooda xoogaa roon-roon ama gaaray da’aadda 15 jir iyo wixii ka weyn oo haddii xoolo la waraabinayo, haddii dhaan la aadayo, haddii reerka la rarayo… waxay kaga jirren kaalin mug leh oo 100% ah, waxaas oo dhan waxaa ka soo bixi jiray shakhsi ka samaysmay dhaqan sal adag oo xoog badan oo guntiisu qoto dheertahay, oo yaqaan waajibaadka ay ku leeyihiin dadka iyo dalka, ka naxay waayeelka, u qadaya una turay inta xoogga yar ee jilicsan, yaqaan ogsoon inuu yahay Soomaali, geesi ah oo aan cabsida aqoon!… Iyadoo uu qur’aanka yahay kitaabkii Alle loo soo dejiyay ku dhaqankiisa bini-aadamka aadna ugu weynyahay guud ahaan dadka muslimiinta ah ee caalamka jooga ayeey haddana Soomaalida waxay ka mid tahay dalal aan badneyn oo muslimiin ah oo la oran karo diinta iyo jinsiyadda waa labo arrin oo isku tolan oo aan la kala saari karin, taasi macnaheeda waxaa weeye mar haddii uu qofku Soomaali yahay waxaa qasab inuu muslim yahay. Barashada qur’aanka ee meelaha miyiga ah ama baadiyaha ayaa waxaa iyadana si aad u weyn looga dheehan karaa in Soomaalidu dhaqankeedu uu yahay diinta ama dhaqan ku qotoma Islaamka, mana jiro dhul Soomaaliyeed ama miyi ha ahaado ama magaalo ha ahaadee aadan ka dheehaneyn dhaqanka muslimka. Waxaana xusid mudan in macallinka dugsiga qur’aanka uu yahay kaalinta ugu muhiimsan ee ilmaha yar uu dhaqankaas barashadiisa ka bilaabo, tusaale ahaan macallimiinta dhammaantood salaadda waa tukadaan, inta la ogyahay ma jiro macallin dugsi quraan dhiga oo aan salaadda tukan, waxayna ardayda caadi ah inay ardayda mar kasta faraan inay salaadda tukadaan iyadoo waliba mar kasta oo ay salaadda soo gasho macaliinka iyo ardayda wada tukadaan, sidaasoo kale waxyaabo kale oo badan oo diinta ah bay dhaqankiisa ka bartaan, sidaas daraadeed dhowritaanka iyo kor u qaadista tayada dugsiyada qur’aanka qof kasta oo muslim ah oo Soomaali ah waajib ku tahay, taaba galka dhaqanka islaamka ee ka hana qaaday dalka waxaa hawl iyo maskaxba geliyay culummada Soomaaliyeed. Dugsiga qur’aanka, wuxuu mideeyay dhaqankii, saykoolojigii, qaab-nololeedkii, iyo korriimmadii ilmaha, waana taas kaalinta muhiimka ah ee dugsiga qur’aanka midnimmada iyo isku duubnida dadka Soomaaliyeed. Wixii ka dambeeyay burburkii dalka, dugsiyada waxaa is bedelay nidaamkii looxa iyo qadda, waxaana loo guuray buug iyo qallin, waxaana dugsiyada qur’aanka lagu kordhiyay duruus gaarsiisan heer dhameys tiran oo maadooyinka kala duwan ee diinta, sida in la baro ardayga casharo kala duwan oo ah kuwo aan waayadii hore lagu baran jirin Dugsi -Qur’aanka; barashada caqiidada, Siirrada Nabeega, Axaadiith-ta, Noloshii Asxaabta… Waxaana soo baxay barayaal dhallin yaro ah oo runtii heerkii wax-barashada Dugsi-Quraanka ka amba qaaday heerkii ay soo gaarsiiyeen macallimiintii iyaga wax soo baray. Arrintan ama tallaabadan is-bedelka iyo horumarka ay keentay ayaa ahayd mid si cad oo muuqato looga arkayo meel kasta oo dugsiyada qur’aanka lagu barto, waxaana marqaati u ah tartannada Qur’aanka heerka ay ka galaan ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka barta. Waxaa sidaasoo kale jira in qaar ka mid ah dugsiyada qur’aanka ay bilaabeen nidaam heerar kala sareeya ah iyo inay imtixaano ka qaadaan ardayda, heer kasta oo uu ardayga dhammeeyana ay ku siinayaan shahaado cadeeyneysa heerkiisa barashada ee Qur’aanka. Waxaa iyagana ammaan mudan waaliddiinta Soomaaliyeed oo dadaal weyn isla garab taagay dugsiyada qur’aanka, isla markaasna aan ka daalin in kaalintooda ay qaataan, haddii ay tahay dhiiri gelinta ilmaha, ka war qabka baahida dugsiga ka jirta, siiba dugsiyada ku yaala dalalka ka baxsan Soomaaliya oo iyagu ay mar kasta la soo gudboonaadaan xaallado ad-adag oo ka dhasha hab nololeedka dalalkaas. Edbinta, Dhaqanka, iyo Dal jacaylka! Waxaa arrin xanuun badan ah in wixii ka dambeeyay burburkii dalka ku dhacay sanadkii 1991kii illaa iyo maantadan la joogo uusan jirin nidaam wax-barasho oo manhaj ahaan ku salaysan ama leh siyaasad ku jiheysan in ardayga yar ee u baahan barashada qiimaha dadkiisa iyo dalkiisa aysan meelna ka taabo gelin dalka oo dhan!…Waxaa taas ka sii daran inaysan jirin haba yaraatee oo aan lagu darin manaahijta kala duwan ee dalka u yaala dhammaantood barashada juquraafiga iyo taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo loogu talo galay in ilmaha yar lagu baro inuu Soomaali yahay; qiimaha dalkiisa, dadkiisa, iyadoo ay ilmaha yar-yar ay ku dhex korayaan dhaqan aan fiyoobeyn oo dadkii la kala qaybiyay, cadaawad iyo xumaan la dhex dhigay, oo ay maalin kasta ka baranayaan dhaqan nacayb iyo is colaadin ku dhisan… wuxuuna dhaqan iyo caqli ka qaadanayaa shacab la dumiyay, ee dulman ee la heysto, ee laysku diray ee laysugu dilay inay yihiin BEEL-BEEL! Ilmahaas yar oo aan weligood maqal inay yihiin dad iyo dal ama dowlad Soomaali ah!… Oo aan weligood maqal Dal waxa uu yahay, wixii ay dadkooda soo mareen, gumeystihii dalkooda qaybiyay ee qabsaday ee ay ka xoroobeen, dalalka deriska la ah iyo waxa ay isla soo mareen iyo waxa ka dhexeeya dalkooda iyo dalalkaas, taariikhaha soo dhex maray… Waxaa middaas ka sii xanuun badan.. Aaaah!iimh! Waxaa taas ka daran, in Iskullada iyo jaamacadaha faraha badan ee dalka ka sameysmay, guud ahaan barayaasha wax ka dhiga ama Professor-da ka ah waxa ay ardayda taariikhda dalkooda ahaan u baraan ay tahay taariikho been ah oo dabeecad ahaan ku salaysan dhaqammadii laga dhaxlay burburkii dalka ku dhacay xummaato dhex dhigaya oo kala fogeynaya, taasoo ardayga dhallin-yarada ah loo baray inay tahay taariikhdiisa!… maalin keliya jaamacadahaas ama guud ahaan wax- barashada dalka ka jirta ardayda laguma barin Soomaalinimo iyo lahaanshaha dalkooda!…Waa macalimiin siday u gabeen dadkooda iyo dalkooda aad ka garanayso sida uu dalka u gablamay! Maxay tahay waxa laga filan karo ardayga ka soo dhex baxay aqoon iyo dhaqan noocaas ah marka uu mas’uul noqdo?!…maxay tahay wanaagga ka soo baxaya arday cadowga la baray ay tahay qayb dadkiisa ka mid ah?! Waxaase Alle mahaddii ah inaan leenahay rajo wanaagsan oo ah inaan leennahay dugsi qur’aan, kaasoo ah midka ina baray in haddii aad Muslim tahay aad Soomaali tahay, haddii aad Soomaali tahayna aad Muslim tahay!… Marka haddii iskuulaadkii ay noqdeen kuwo gabay kaalintaas waxaa Culummada Diinta saaran waajibaad ballaaran oo ah ilmaha diinta barashadeeda loogu daro barashada juquraafi iyo taariikheed ee dadkooda iyo dalkooda, in la baro dalalka deriska la ah iyo taariikhaha ay isla soo mareen, in la baro af-Soomaaliga iyo suugaantiisa, gaar ahaan suugaanta la xiriirta halgannadii uu dalka soo maray ee uu isaga xoreeyay guumeystaha. Wax kasta oo dalkeena maanta ka dhacaya, ninkii aan fahamsaneynow hadda faham, midkaan ogeynow hadda ogow waa qorshe la soo xariiqay oo cadowga Soomaaliyeed uu soo diyaariyay, waxayna u dhacayaan si ku talo gal ah oo ula kacah ee ma aha wax iska dhacaya, waxaana fulinaya kuwo innaga mid ah oo khaa’imiin ah oo cadowga innagu dhex sameystay, iyo kuwo aan waxba ogeyn oo ku hana qaaday intii uu dalku dunsanaa oo waxa ay yaqaaniin ay tahay inay Beel yihiin oo aan weligood helin macallin u sheega inay dad iyo dal yihiin!…inay dhaqan iyo dhul leeyihiin!… SOOMAALIYA! Waxaa marar badan la dhaliilaa ama wax laga sheegaa habka edbinta ardayda ee Dugsiyada-Qur’aanka, taas macanaheeda ma aha in dhaliisha edbinta ay dugsiyada qur’aanka keliya ku egtahay, hasa ahaatee waxaa arrin adag ah oo wali aan laga gaarin natiijo taabo gal ah qaabka ay noqoneyso edbinta ardayda heer kastaba wax-barashada ha ka joogaanee, waana arrin maalin kasta wax laga bedelo dunida oo dhan. Waxaa iyadan lagu kala duwanyahay nooca adaabta ardayga laga rabo, sababta oo ah waxaa marka horaba lagu kala duwanyahay dhaqanka iyo dhaqankaas anshaxa u aqoonsanyahay adaabta wanaagsan, waxaa lagu kala duwanyahay heerka Qaan-Gaarnimmada da’da ee ilmaha loogu aqoonsanayo inuu ka baxay da’aaddii caruurnimmada, iyadoo wax kasta ay sal u yihiin bulsho kasta diinta ay aamminsantahay iyo dhaqankeeda, ama waxa ay rumeysantahay. Mar haddii ay sidaas tahay waxaa meeshaas ka baxaya in edbinta ardayda iyo qaabka ay noqoneyso jaan goynteeda dunidu ku mideysnaan karto. Waxaa markaas lagama maarmaan ah in edbinta iyo dhaqanka laga rabo ardayga Soomaaliyeed aan waxbo laga weyddiiyo qof aan dhaqan ahaan iyo diin ahaan aan Soomaali ahayn. Waa hubaal inaan meesha laga saari karin aqoonta Cilmi-Nafsiga ilmaha (Saykolojiga-Ilmaha) hasa ahaatee cilmi-nafsiga qudhiisa ayaan ka maarmeyn aqoonta dhaqanka lagu edbinayo ilmaha sidaa daraadeed ayaan marna loo baahneyn in nidaamka toosinta iyo edbinta ilmaha in laga soo min guuriyo qaaruume kale ama dalal kale, oo arrintu waxay tahay sida iyo nooca shakhsiyadeed ee aan dooneyno inuu beri ilmahaas ku soo baxo waxay ku xirantahay sida ilmaha loo carbiyo iyo cidda carbineysa inay rumeysantahay anshaxa la barayo ilmaha ee uu u sheegayo, sida; waxaas inay ceeb yihiin, waxaas inay khalad yihiin, waxaas inay xunyihiin, waxaas inay fiicanyihiin, inay waalidkood baari u noqdaan, salaadda inay tukadaan, waxaas inay xaaraam yihiin, waxaas inay xalaal yihiin, laaluushka inuu xaaraan yahay, musuqmaasuqa inay ka fogaadaan, …iyo wixii la hal-maala. Marka waan leenahay dad aqoonteeda leh oo inoo dejin kara nidaam ardayda dugsiga qur’aanka dhigata iyo ardayda dhigata iskuullada maaddiga ah qaabka ay noqoneyso edbintooda iyo siyaabaha ilmaha yar-yar iyo kuwa roon-roonba loogu xakameynayo anshaxa wanaagsan, haddii ay yihiin Culumaa’u-Diinka iyo haddii ay yihiin dad dhaqanka iyo cilmi-nafsiga yaqaan oo cilladaha iyo haddii ay jiraan tacaddiyo la xiriira nidaamka edbinta is bedelka loo baahanayahay ku sameyn kara, mana jirto baahi loo qabo in qof shisheeye ah loogu yeero inuu macallimiinta u taba-baro arrimaha la xiriira edbinta ardayda Soomaaliyeed. Aftaxa Juska Qur’aanka Ama marka ardaygu qur’aanka dhameeyo! Waxaa sidoo kale iyagana bogaadin mudan, in macallimiin badan ay dugsiyadooda ku qoreen ama oggolaadeen ilmo agoon ah, ama qoyskooda uusan awood u lahayn inuu ilmaha ka bixiyo lacagaha ardayda laga qaado, arrintan ayaa aad moodaa in ay meelo badan oo ka mid ah dugsiyada dalka iyo dibaddaba ay si fiican uga dhaqan gashay. Arrintan waxay badbaadinaysaa nolosha ilmo badan oo dalka iyo dadka ka dayacmi lahaa, waxayna mustaqbalka ilmahaas daboolayaan kaalin dadka iyo dalka uga baahnaayeen. Waxaa iyadana muuqda ifafaalo wanaagsan oo bilow ah kaasoo ah in ayaantaan dad-weynaha dalka jooga ay ku soo baraarugayaan muhiimmadda ay leedahay in gacan la siiyo dugsiyada qur’aanka laga barto. Waxaa jira ganacsato badan oo ugu deeqa waxyaabaha ay ka midka yihiin kuraasta, miisadaha, buugaagta iyo qalimaanta!..waxaa jira is-xilqaan iyo faham aad u faafaya oo dad-weynuhu garteen in ilmaha ay yihiin ilmihii dalka iyo dadka…Waxaa jira qoysas ilmo agoon ah iyo kuwo aan awoodin ama aan heli karin cid ka bixisa lacagaha bisha, ama lacago dheeri ah bil kasta dugsiyada ku caawiya si ay u bixiyaan ama loo daboolo baahida dugsiga, oo isagu ku tiirsan oo keliya waxa ay bulshada ku caawiso iyo lacagaha bilaha ah ee ardaydu bixiso oo keliya. Meel kasta iyo mar kastaba, macallimiinta dugsiyada qur’aanka oo wajahaya hawlo culus ayey tahay inay helaan taba-baro la xiriira sidii ay u horumarin lahaayeen nidaamka ardayda lagu barayo qur’aanka, marka aan sidaas leenahay ma aha ujeeddada in tababarradaas ay bixinayaan khubaro ka baxsan culummada diinta, waliba kuwooda hawlaha dugsiyada qur’aanka, iyo macallimiinta dugsiyada ku dhex jira. Tababarrada ayaa inta badan waxay abbaartooda ugu muhiimsan noqonaysaa in laga fekero sidii ardayga loo jecleysiin lahaa barashada qur’aanka, taasoo waxa ugu horeeya ay tahay in laga fekero in la helo dariiqad sahllan oo ardayga uu ku baran karo qur’aanka, lana sameeyo tijaabooyin lagu hubinayo sidii loo heli lahaa qaab fudud oo ardayga uu qur’aanka ku baran karo, waliba uu ku xifdin karo, middaas oo u suuro gelin karta in ardaygu xiiseeyo, ku dhiirado oo jeclaado barashada Qur’aanka, waxaana lagama maarmaan ah in mar kasta indhaha lagu hayo oo tix gelinteeda la siiyo kala duwannaanta shakhsiyadda ardayada iyo xaaladaha iyo dabeecadaha sida gaarka ah arday kasta ugu hareereysan ama noloshiisa u saameeya. Waxyaabaha aadka u quruxsan ee taabanaya qalbiga ilmaha yar, isla markaasna dhiiri gelinta u ah inay jeclaadaan qur’aanka waxaa ka mid ah abaal marinta ay marar badan waalidiinta siiyaan ilmahooda marka ay heer ka gaaraan barashada qur’aanka sida arday xifdiyay tiro suurada ah oo uu macallinka u cayimay inuu muddo go’an ku xifdiyo, marka ay sidaas dhacdo, waaliddiinta badankooda waxay ilmaha siiyaan waxyaabo ay markaas ku farxad gelinayaan si uu halkaas horay uga sii socdo, waxayna u sameeyaan ballan qaadyo kale oo la xiriira inay waxyaabaha uu jecelyahay iyo ka badan siin doonaan haddii uu dadaal intaas ka badan sameeyo. DHaqanka noocaas ah wuxuu dhiiri gelin u noqdaa oo ka sheekeysta dhammaan ardayda kale ee wax la barta ardayga la abaal mariyay! Waxaa iyadana dhiiri gelinta ardayda ka mid ah in waalidiinta mar kasta oo uu ardayga dhameeyo hal jus oo ka mid ah quraanka ay ardayda u sameeyaan dabbaal deg kooban iyo in ardayda dugsiga la dhigata lagu marti qaado noocyada cuntooyinka ay caruurtu jecelyihiin, ardayga dhameeyay jus-kana loogu duceeyo maalintaasna ardayda la Aftaxo (la fasaxo)…waxaana badanaa maalinkaas waalidiinta qaarkood ay macallinka siyaan wax un hadiyad ah, inkasta oo aysan taas ahayn mid lagu leeyahay!… waxaa sidaasoo kale dhiiri gelin middaas ka weyn ay dhacdaa mararka uu ardaygu dhameeyo qur’aanka ama uu xifdiyo qur’aanka, markaasoo macallinka dugsiga la siiyo lacag ama xoolo nool haddii ay miyi tahay meesha uu dugsiga ku yaalo ardaydana maalinkaas cunto la siiyo oo la aftaxo… DHaqanka noocaas ah, wuxuu runtii qayb weyn ka ciyaarayay dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanaayeen; abuurintaanka midnimo xooggan oo caruurtu ay dareemayaan inay yihiin dad mid ah oo wax kasta wadaaga, meesha ay cuntada ku wada cunayaan oo dugsigoodii ahna waxay tilmaan u ahayd dhammaan inay gurigoodii wax ku wada cunayaan iyagoo waliba si farxad ku jirta waxyaabo badan u qaybsanaya, macallinkoodana ay hubaal tahay inuu maalintaas madaxa u wada salaaxayo oo isaga oo dhoola cadeynaya oo faraxsan uu dhiiri gelin iyo duco meesha ka aqrinayo…Waxaana xusid mudan in xafladahaas oo kale mar kasta oo ay dhacayaan la arki jiray ardayda roon-roon oo macallinkooda intay u yimaadaan weydiisanaya inuu duco gaar ah iyagana u duceeyo oo Alle uga baryo inuu qur’aanka u fududeeyo… waxaa kaloo maalmahaas ducada uu macallinka dugsiga jeedinayo mar kasta uu ku dari jiray inuu dalka u duceeyo isagoo leh “Cadowga Soomaaliya Alle ha jebiyo” wuxuu kaloo macallinka maalinkaas caado ahaan haddii ay abaaro jiraan ku duceyn jiray in Alle dalka roobeeyo oo abaarta ka saaro…waxyaabahaas oo dhanna waxay keeni jireen dareen Dal-Jaceyl oo ilmaha yar-yar ay ku koraan. Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Dugsiga Qur’aanka waa dhismaha shakhsiyadda ilmaha Soomaaliga! Q-2aad appeared first on Puntland Post.
  17. Dr. Ibraahim Xareed Cali, a disaster management expert Puntland, a region frequently exposed to natural disasters such as cyclones, droughts, floods, locust invasions, and epidemics, faces significant challenges in protecting lives, infrastructure, and livelihoods. These disasters, whether sudden or slow-onset, disrupt essential services, threaten economic stability, and exacerbate vulnerabilities in affected communities. In response, Puntland is advancing a transformative approach to disaster preparedness and resilience, combining proactive policies, community empowerment, and technological innovation to mitigate risks and safeguard its future. In 2024, the Puntland Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management introduced a disaster management policy, developed through consultations with key stakeholders, including government agencies, civil society organizations, and local communities. This policy is a comprehensive framework designed to address the entire spectrum of disaster management, from risk reduction and preparedness to response and recovery. It emphasizes clear regulations, sustained funding, and inclusive participation to create a resilient and secure society where disasters no longer impede progress or sustainability. Director of the Ministry’s Humanitarian Affairs Department According to Ismaaciil Maxamuud Jaamac, Director of the Ministry’s Humanitarian Affairs Department, the policy aims to transform Puntland into a region capable of withstanding and recovering from natural disasters with minimal disruption. Central to this vision is the establishment of district-level disaster management committees in high-risk areas, tasked with raising public awareness, providing training on preparedness, and coordinating community responses. These grassroots initiatives empower local populations to take ownership of disaster management, enhancing their capacity to anticipate and respond to risks effectively. Collaboration among stakeholders is a cornerstone of Puntland’s disaster preparedness strategy. Dr. Ibraahim Xareed Cali, a disaster management expert, underscores the need for cohesive efforts involving governments, NGOs, and local communities. He highlights the importance of leveraging advanced technologies such as early warning systems, hazard mapping, and real-time communication platforms to reduce disaster impacts. These tools not only enhance response capabilities but also support informed decision-making and risk reduction planning. Non-governmental organizations play a pivotal role in Puntland’s disaster management ecosystem, complementing government efforts through technical expertise, resource provision, and capacity-building initiatives. These organizations bridge gaps in emergency response and preparedness, ensuring that plans are aligned with local needs and that vulnerable populations are prioritized. Their involvement strengthens community resilience and promotes sustainable practices that mitigate future risks. Puntland’s approach to disaster preparedness is not limited to crisis management; it encompasses a broader vision of resilience-building. By integrating disaster risk reduction into development planning, fostering environmental stewardship, and prioritizing community empowerment, Puntland is laying the foundation for a future where natural disasters no longer dictate its developmental trajectory. Public education campaigns, tailored training programs, and innovative technologies are equipping individuals and institutions with the tools they need to address challenges proactively. The journey toward resilience requires collective action, shared responsibility, and sustained commitment from all sectors of society. The challenges are significant, but so is the opportunity to transform how disasters are managed. Puntland’s comprehensive approach offers a blueprint for regions facing similar vulnerabilities, demonstrating that through strategic planning, collaboration, and innovation, the impacts of disasters can be minimized, and recovery can lead to growth and progress. Puntland’s vision is clear: a region where disaster preparedness is embedded in its social, economic, and environmental systems, ensuring that no one is left behind in the face of adversity. By turning risks into opportunities for improvement, Puntland is not only protecting its communities today but also building a resilient and prosperous tomorrow. Puntland Post The post Transforming Disaster Preparedness in Puntland: A Roadmap to Resilience appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socda Dowladda Itoobiya ay hoggaamineyso Caa’isho Maxamed oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Itoobiya. “Booqashadan ayaa qayb ka ahayd dadaallo socda oo lagu xoojinayo horumarka laga gaaray baaqii Ankara ee dhacay 11-kii Diseembar 2024,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda. Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore Addis Ababa u dirtay wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, halka Itoobiya ay hadda Soomaaliya u soo dirtay wafdi kaas la mid ah. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda wadahadalladan heer sare ah oo laba geesoodka ah, kuwaas oo matalaya tallaabo weyn oo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka, lagu kordhinayo kalsoonida labada dhinac, laguna xaqiijinayo ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS. Intii ay socdeen wada-hadallada, Wasiirka Gaashaandhigga waxa uu carabka ku adkeeyay dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu dhameystiro dhismaha howlgalka AUSSOM iyadoo loo marayo iskaashi laba geesood ah iyo mid dhinacyo badan leh. “Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay ixtiraamto heshiisyadii hore, waxa uuna muujiyay sida ay u doonayaan in ay tixgaliyaan codsiga Itoobiya ee ah in ay ciidamo ku biiriyaan howlgalka AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Qoraalka DF Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Si waafaqsan go’aankeeda joogtada ah ee ku aaddan mabaadi’da Baaqa Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay aaminsan tahay in mabaadi’da lagu sheegay bayaanka ay siinayaan aasaas adag oo dib u dhiska kalsoonida iyo kobcinta iskaashiga togan ee u adeega danaha la wadaago.” Dowladda waxay maalmo yar ka hor Golaha Amaanka ka sheegtay in ciidanka Itoobiya uusan kamid noqon doonin AUSSOM oo ah hawl-galka cusub ee sanadkan beddelaya ATMIS.
  19. “Let us be clear: granting international recognition to any secessionist movement would open a Pandora’s box.” Throughout history, great nations have often been called upon to make difficult decisions that influence the fate of entire regions. Today, the United States faces such a moment in its policy towards Somalia. In an era of shifting alliances and heightened global competition, America’s interests in the Horn of Africa will be best served by continuing to support Somalia’s territorial integrity. By doing so, the United States reinforces its strategic position and builds on its longstanding record of effective security cooperation with Somalia—a partnership that has advanced counterterrorism efforts and bolstered regional stability. The Horn of Africa, long a crucible of conflict, now hovers at a critical juncture. Clan-based ambitions threaten to fracture Somalia’s national cohesion. Yet all these groups, divided by lineage but sharing a common Somali heritage, need not become separate states. Allowing one region to break away would encourage others to follow suit, leading to a dangerous domino effect of fragmentation. Such fractures risk balkanizing the region, perpetuating instability, and handing extremist groups like Al Shabab fertile ground to regroup. By contrast, supporting Somalia’s unity helps sustain the security environment that has allowed U.S.-Somali collaboration to weaken terrorist networks over the years. Let us be clear: granting international recognition to any secessionist movement would open a Pandora’s box. We need look no further than the aftermath of Sudan’s partition, which did not yield lasting peace but rather entrenched conflict and suffering. We must not risk repeating such a tragedy in Somalia. Instead, the United States must remain committed to Somalia’s sovereignty within its recognized 1960 borders—an enduring policy that has helped stabilize one of the world’s most strategically vital regions. In this environment, global competitors are eager to exploit any vacuum. Competitors to American interests, actively pursuing influence across the region, stand ready to leverage instability to advance their strategic and economic interests at the expense of America’s position. Weak, fragmented entities are more susceptible to under-the-table deals, resource extraction, and outside interference. Maintaining Somalia’s unity helps limit such opportunities, ensuring that U.S. interests are not undercut by a malign competitor taking advantage of turmoil. The security stakes are particularly high. While ISIS has lost ground in other parts of the world, its leadership now eyes Africa as a new frontier. Recent news suggests senior ISIS figures are relocating to regions where governance is weak and unity is fraying. A divided Somalia would distract the central government from counterterrorism operations and disrupt the successes already achieved through close U.S.-Somali security cooperation. By contrast, a unified Somalia can direct its full energy toward combating extremist groups, helping ensure that these dangerous organizations do not find a new foothold to threaten American or regional security. Moral responsibility calls to us as well. The Horn of Africa is no stranger to humanitarian crises—its people face displacement, climate-driven hardships, and economic adversity. Fragmenting Somalia would further entrench these problems, turning clan differences into flashpoints for violence and leaving vulnerable populations even more exposed. By supporting a cohesive Somali state, Washington encourages equitable representation, economic development, and the broader conditions necessary to address root causes of instability. In so doing, the United States stands not only for its own strategic interests but also for a more secure and just future for millions of Somalis. Somalia’s resource potential adds another dimension to the necessity of unity. Its coastal waters hold promise for substantial energy development, which can foster shared prosperity if managed under a stable, centralized authority. Fragmentation would ignite disputes over resources and maritime boundaries, likely leading to renewed conflict and missed opportunities. A unified Somalia, conversely, can foster transparency, attract responsible investment, and ensure its people benefit from these resources—all while reinforcing the stable environment in which U.S. interests can flourish. Some may argue that endorsing secessionist claims offers a swift solution to lingering grievances. However, the United States does not seek shortcuts that undermine long-term stability. America’s strength has always rested on principled support for unity, rule of law, and inclusive governance. By helping Somalia strengthen its institutions, enhance security forces, and foster inclusive political dialogue, the United States ensures that clan affiliations enrich national identity rather than fracture it into competing states. The choice before us is clear. We can endorse divisions that would unravel the progress made in building Somalia’s security capacity, or we can reaffirm our support for the unity of a nation whose stability is essential to the Horn of Africa and to American interests. For decades, the U.S. has recognized Somalia’s sovereignty and benefited from a productive counterterrorism partnership. Now is not the time to abandon this stance. By standing firmly behind a unified Somalia, we choose lasting stability over highly risky short-term fixes. We preserve a security environment that keeps extremist networks off balance, deny opportunities for strategic competitors to undercut U.S. influence, and protect a region whose stability is integral to global commerce and counterterrorism efforts. Through foresight, diplomacy, and principle, we can help Somalia maintain its hard-earned unity while advancing and protecting America’s enduring interests in the Horn of Africa. Dr. Dahir Hassan Abdi is the Ambassador of Somalia to the U.S. Source: realclearworld.com The post Unified Somalia: Cornerstone of Horn of Africa Stability and American Interests appeared first on Puntland Post.
  20. Garbahaarey (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo maanta ka dejisay diyaarado wada gargaar bini’aadanimo si loogu gurmado shacabka deegaanadaas oo la daalaa dhacaya abaar baahsan. Gobolka Gedo oo dowladda Soomaaliya ay ka fara maroojisay maamulka Axmed Madoobe waxaa muddo labo todobaad ka badan ku sugan wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Fartaag. Dowladda ayaa muhiimad gaar ah siineysa Gedo, maadaama maamulkeeda la hoos keenay dowladda federaalka, kadib khilaaf dheer oo dadka gobolkaas kala soo dhaxeeyey maamulka Axmed Madoobe. Dadka reer Gedo ayaa hadda wajahaya abaaro baahsan, waxaana u dheer maamul xumo ka jirta gobolkaas, maadaama dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ay ku hardanayaan. Ciidamada Itoobiya ayaa saameyn ku lahaa gobolka, waxayna la jireen dhanka Axmed Madoobe, balse hadda waxaa muuqata in dowladda dhexe ay la wareegtay taageeradii Itoobiya, maadaama uu dhacay heshiis lagu xaliyey khilaafkii labada dal. Qodobada ay dowladda Soomaaliya hor dhigtay Itoobiya waxaa la sheegay in qadiyadda Jubbaland ay ku jirtay, Itoobiya ayaa hadda kadib ka shaqeyn doonta maslaxada dowladda federaalka, maadaama la galay heshiis oo ciidamada Itoobiya lagu daray howlgalka cusub ee AUSSOM. Wasiirka Amniga Soomaaliya Mr. Fartaag ayaa 16-kii maalmood ee lasoo dhaafay Gedo ka waday abaabul bulsho oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dadka gobolkaas looga iibiyo doorashada ay dowladdu gadaal ka riixeyso ee qof iyo codka ah. Jubbaland ayaa si buuxda loogala wareegay gobolka Gedo, degmooyinka Baardheere iyo Doolow ayaa si wadahadal ah looga saaray Jubbaland, kadib markii dowladdu kala furfurtay saaxiibadii Axmed Madoobe kulahaa degmooyinkaas.
  21. Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Muqdisho ku yeeshay waddallado ku saabsan ambaqaadidda heshiiskii Ankara iyo waliba howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ee AUSSOM. Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya marwo Caaisha Maxamed iyo wefdi ay hoggaaminayso oo Muqdisho tegey ayaa la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo gaarsiisay dhanbaal ay uga siday ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Qoraalkaasi laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac. Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu u sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM. Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyay Qorshaha Hawlgalka cusub ee AUSSOM appeared first on Puntland Post.
  22. Seoul (Caasimada Online) – Hay’adda la dagaalanka musuq-maasuqa ee Kuuriyada Koonfureed ayaa aroornimadi hore ee Jimcaha maanta ah ku dhaqaaqday fulinta waaran lagu soo xirayo madaxweynaha xilka laga xayuubiyay ee Yoon Suk Yeol. Durbaba boqolaal taageerayaashiisa ah ay isugu soo baxay bannaanka hore ee gurigiisa oo ku yaala magaalada Seoul. Taageerayaashiisa ayaa isku dayay in ay hor istaagaan ciidamada doonaya in ay xiraan madaxweynihi hore, hase yeeshee saraakiisha ayaa jiiray oo gudaha u galay aqalka madaxweynihi hore. Balse, waxaa ka horyimid ilaalada gaarka ah ee Yoon, kuwaas oo diiday in la xiro. Qareenka Yoon Suk Yeol ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in in waaranka lagu soo xirayo uusan sharci aheyn isla markaana ay tallaabo sharci ah qaadi doonaan. Yoon ayaa waxaa ku socda danbi-baaris, kaddib marki uu ku guuldaresytay Amar deg deg ahaa oo geliyay Kuuriyada Koofureed saddexdi bishii December. Xaaladdaasi deg-dega aheyd ayaa ka careysiisay inta badan shacabka Kuuriya iyo baarlamaankooda, kaddibna ugu danbeynti keentay in madaxweynaha xilka laga qaado. Wakaaladda wararka Kuuriyada Koofureed ee Yonhap ayaa ku warrantay in dowladdi diyaarisay ilaa 3,000 oo boolis ah, si loogu diyaar garoobo rabshado ay suuragal tahay in ay dhacaan.
  23. New Orleans (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa ciidamada Maraykanka oo dilay 14 qof kadib markii uu baabuur jiirsiiyey dad isugu soo baxay dabaal degga sanadka cusub ee magaalada New Orleans, ayaa baayaco u ballan-qaaday kooxda Daacish, wuxuuna duubay muuqaallo uu ku cambaareynayo musika, daroogada iyo khamriga. Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa 42 jir u dhashay gobolka Texas, marna qeyb ka ahaa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan la geeyey, ayaa kaligiis ka dambeeyay weerarka, FBI-da ayaa sidaas sheegtay Khamiistii, iyadoo dib uga laabatay qiimeyn hore oo ay ku sheegtay in laga yaabo in ay dad kale kula jireen. Waxa uu ku dhintay is-rasaasayn uu la galay booliska kadib weerarka, kaas oo sidoo kale lagu dhaawacay tobanaan qof, islamarkaana FBI-da ay ku tilmaamtay fal argagixiso. “Waxa uu ahaa fal la sii qorsheeyay oo xun,” ayuu ku xigeenka agaasimaha FBI-da Christopher Raia ku sheegay shir jaraa’id Khamiistii, isagoo dib u xaqiijiyay go’aanka hay’adda ee ah in Jabbar ay dhiirigelisay kooxda Daacish. Raia waxa uu sheegay in baarayaashu ay eegayaan “dariiqa xag-jirnimada” ee Jabbar, ayada oo aan weli la hubin sida uu isaga beddelay ruug-caddaa millatari, wakiil iibiya hantida maguurtada ah iyo shaqaale ka tirsanaa shirkadda weyn ee cashuuraha iyo la-talinta ee Deloitte, una noqday qof “100% ay dhiirigelisay Daacish.” Calanka Daacish ayaa ka babanayay qalab saarnaa dhabarka dambe ee gaarigii uu soo kireystay ee loo adeegsaday weerarka. In kasta oo si weyn loogu wiiqay olole millatari oo joogto ah oo ay wadaan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo, haddana Daacish waxa ay sii wadaan in ay internet-ka ka qortaan dad taageera, sida ay leeyihiin khubarada. Jabbar walaalkiis ayaa isna raadinaya jawaabo, isagoo sheegay in Shamsud-Diin Jabbar uu la tacaalayay sidii uu uga gudbi lahaa furriinka xaaskiisa ee dhowaan balse aysan ka muuqan wax caro ah toddobaadyo ka hor weerarka. “Wuxuu ahaa mid caqli badan, qosol badan, soo jiidasho leh, dadka jecel, naxariis badan, is-hoosaasiiya oo xitaa aan dhibaateyn tixsi,” ayuu Abdur Rahim Jabbar u sheegay Reuters isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla Beaumont, Texas. “Taasi waa sababta ay u tahay mid aad u argagax badan, heerkan xaasidnimadu ma ahan isaga oo kale. Waxaan isku dayeynaa inaan fahamno waxa isbeddelay sidoo kale.” Waxa uu sheegay in aabbahood markii uu warkaas maqlay uu qalbi jabay.” (Aabaheen) wuxuu billaabay oohin, wuxuu lahaa ‘maya, maya, ma aha wiilkayga curadka ah,” ayuu yiyi Abdur Jabbar. REUTERS + VOA