Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa la soo taagay rag loo haysto falal la xariira tahriibin sharci-darro ah iyo ku luglahaanshaha dhaqdhaqaaqyo ka ganacsiga addoomada ah. Eedaysanayaasha maxkamadda ka soo hor muuqday oo ka koobnaa 7 xubnood ayaa wajahaya dacwado culus oo la xariira waxyeello ka dhalatay falal tahriibin ah oo ay faraha kula jireen sida Xeer-Ilaalintu sheegtay. Raggan qaarkood ayaa loo haystaa dad ay Soomaaliya ka tahriibiyeen, kuwaas oo ay u gacan geliyeen kooxo wax addoonsada oo ju sugan dalalka Kenya, Madagascar, iyo Jasiiradda Mayoota. Kooxaha dadka tahriibiya ayaa horseed u noqda dhibaato baaxad leh oo soo gaarta kumannaan dhallinyaro ah oo doonaya inay si sharci-darro ah u safraan, kuwaas oo qaar kamid ahi ay badaha iyo lama-degaannada ku dhintaan, halka kuwo kalena ay magafeyaal arxan-darran oo madaxooda ka ganacsada u gacan galaan. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay howlgalka cusub ee AUSSOM ee sanadkan ka billowday dalka, ayaa ka hadlay sababta keentay in haatan Itoobiya lagu soo daro howlgalka cusub oo ay ka qayb qaadan doonaan, xilli horay dowladda federaalka Soomaaliya ay go’aan uga qaadatay ciidamada Itoobiya. Howlgalka cusub ayaa waxaa hadda ka qayb-galaya 5 dal oo kala ah Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar, kuwaas kala hoggaamin doono shanta sector ee howlgalkan oo loogu magac daray AUSSOM, kaas oo beddalay howlgalkii hore ee ATMIS. Waxaa sidoo kale lagu koobay tirada askarta 11,195 askari oo ka kala socda shantaasi waddan. “Maanta waxaa lasoo gabagabeeyay howlihii harsanaa, 5 dal ayaa kala hoggaaminayo 5-ta Sector oo kal aha Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar shantaas dal ayaa lambarkii iyo goobahood lasoo dhammeystiray” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka. La-taliyaha amniga qaranka ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay arrinta Itoobiya, isaga oo sheegay in ciidamo cusub oo la keeno ay ka door bideen kuwa Itoobiya, maadaama ay hadda gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. “Dowladda Soomaaliya waxaa usoo baxday maadaama dhul ballaaran ay joogaan ciidanka Itoobiya ay ka fududahay inay iyaga sii joogaan, iyada oo lagu dabraayo qaabkii ay u dhaqmi jireen iyo wixii ka horreeyay xilligan in ay isbedalaan oo noqoto inay ixtiraamaayaan gobonimada Soomaaliya oo DFS wax weliba uga dambeynaayaan” ayuu yiri la-taliyuhu. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday doodda ka taagan arrinta Masar iyo Itoobiya oo is haya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan waxba iska quseen waxa ka dhexeeya labada dal iyo howlgalka cusub, isla markaana dowladda Soomaaliya ay fiirineyso danaheeda. “Arrinta sanka la’isku galgalinaayo ee Masar iyo Itoobiya waxa quseeya ma’aha howlgalkan iyo dowladda Soomaaliya danaha ay ka leedahay” ayuu sii raaciyay.
  3. Ukraine ayaa ogolaatay qodobbo ku jira heshiisyada macdanta waaweyn ee ay Maraykanka la galayso , sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ku sugan magaala-madaxda Kyiv. “Runtii waxaan ku heshiinay dhowr qodob oo wanaagsan, waxaana u aragnaa natiijo wanaagsan,” ayuu yiri sarkaalkani, isagoo aan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah. Warbixinnno ay qorayso warbaahinta ayaa sheegaya in Washington ay laashay dalabaadkii ugu horreeyay ee xaquuqda $500bn (£395bn) ee dakhliga suurtagalka ah ee ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, balse ma aysan siinin dammaanad amni oo adag Ukraine oo dagaalladu ay aafeeyeen. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky oo ku sugan Washington inuu saxiixo heshiiska toddobaadkan, ka dib markii labada hoggaamiye ay ereyo adag isku dhaafsadeen. Mareykanka ayaa taageeraha ugu weyn ee hubka iyo dhaqaalaha la garab taagnaa Ukraine seddaxdii sano ee ay dagaalka kula jirtay Ruushka, balse heshiiska uu macdanta dalka ku qaadanayo ayaa daboolka ka qaaday ujeedka ay Washington ka lahayd garab istaagga Kiev. Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) — The leader of SSC Khatumo, Abdiqadir Aw Ali Firdhiye, has called for a renewed offensive against Somaliland, urging supporters to escalate their struggle to reclaim contested territories in the Sool and Sanaag regions. Source: Hiiraan Online
  5. Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in duqeyn uu Imaaraadku ka fuliyay deegaanka Miraale oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad lagu dilay 25 xubnood oo Daacish ah. deegaanka Miraale ayaa ahaa Taliska weyn oo ay aaggaas ku lahayd kooxda Daacish, iyadoo la beegsaday xubno halkaas isku aruursanayay, sida lagu sheegay war ka soo baxay Puntland. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa lagu dilay boqolaal ka tirsanaa dagaalameyaasha kooxdaas, kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanibba. Source: goobjoog.com
  6. Waxaa soo baxay isbeddel weyn oo ku saabsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaddib markii dowladda Soomaaliya iyo Burundi ay ku guuldarreysteen inay heshiis ka gaaraan tirada ciidamada ka howlgalaya dalka. Arrintan ayaa keentay in ciidamada Burundi laga saaro Soomaaliya, halka dowladda Masar ay ciidamo u soo dirayso si ay qayb uga noqdaan AUSSOM. Sababta Ciidamada Burundi u Baxayaan Burundi waxay ka mid ahayd waddamada sida tooska ah uga qeyb qaadanayey sugidda amniga Soomaaliya, iyagoo qayb ka ahaa ciidamadii hore ee AMISOM iyo kuwa hadda ka howlgala AUSSOM. Balse wadahadaladii u socday Soomaaliya iyo Burundi ayaa burburay, kaddib markii ay isku mari waayeen tirada ciidamada Burundi ee la ogolaan lahaa inay sii joogaan dalka. Sidaa darteed, ciidamada Burundi ayaa lagu amray inay dalka isaga baxaan. Masar oo Lagu Soo Daray Howlgalka AUSSOM Si loo buuxiyo booska ka bannaanan doona ka bixitaanka Burundi, dowladda Masar ayaa loo qorsheeyay inay qayb ka noqoto howlgalka AUSSOM. Ciidamo gaaraya 1091 askari oo Masar ah ayaa lagu daray qorshaha, taasoo ka dhigeysa markii ugu horreysay ee Masar ay si rasmi ah uga qeyb qaadato sugidda amniga Soomaaliya. Tirada Ciidamada AUSSOM ee Hadda Jooga Soomaaliya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) waxa uu ka kooban yahay ciidamo ka kala socda dhowr dal oo Afrikaan ah. Tirada ciidamada dal walba ka jooga Soomaaliya waxay u kala qaybsan yihiin sidan: Uganda: 4500 askari Kenya: 1410 askari Ethiopia: 2500 askari Djibouti: 1520 askari Masar: 1091 askari Source: goobjoog.com
  7. Kismayo (HOL) — Heavy fighting broke out Wednesday morning in Luuq, a district in Somalia’s Gedo region, as rival clan militias engaged in a deadly confrontation, local sources reported. Source: Hiiraan Online
  8. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay, in dad ka badan 50 qof ay u dhinteen toddobaadyadii la soo dhaafay kiisas xanuuno aan la garaneeyn waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Laga soo bilaabo bishan Febraayo 16-keedii, waxaa jiray 431 xaaladood iyo 53 dhimasho ah oo ka dhashay laba cudur oo ka dillaacay tuulooyin fog-fog oo ku yaal gobolka Equateur, sida WHO ay ku sheegtay war-saxaafadeed. Waxay sheegtay in ay baareyso cudurradan. Afhayeenka WHO Tarik Jasarevic ayaa ku sheegay in cudurrada dillaacay oo la garaneeyn sababta, ay kiisaskoodu si xawli ah u kordhayaan maalmo gudahood, taas oo khatar weyn ku ah caafimaadka bulshada. WHO ayaa sheegtay in cudurradaasi lagu garanayo astaamha ay ka mid yihiin qandho, xanuun, mantag iyo shuban. Cudurradan ayaa imanaya xilli qeybo ka mid ah Congo ay ka jiraan colaado sokeeye oo uu dhig badani ku daatay. Colaadda ayaa xooggeeda ka jirta dhanka bari ee Congo. Source: goobjoog.com
  9. Ukraine ayaa ogolaatay qodobbada heshiisyada macdanta ee Maraykanka, sida uu BBC u sheegay sarkaal sare oo ku sugan Kyiv. “Runtii waxaan ku heshiinnay dhowr qodob oo wanaagsan, waxaana u aragnaa natiijo wanaagsan,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo aan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah. Warbixinnada warbaahinta ayaa sheegaya in Washington ay laashay dalabaadkii ugu horreeyay ee xaquuqda $500bn ee dakhliga suurtagalka ah ee ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, laakiin ma aysan siinin dammaanad amni oo adag Ukraine . Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky uu gaaro Washington si uu saxiixo heshiiska toddobaadkan, ka dib markii labada hoggaamiye ay ereyo adag is dhaafsadeen midba midka kale. Isaga oo aan xaqiijin in heshiis la gaaray, Trump ayaa Talaadadii sheegay in beddelka heshiiska Ukraine ay heli doonto “xaq ay ku dagaallanto”. “Aad bay geesiyaal u yihiin,” ayuu u sheegay warfidiyeenka, laakiin “la’aanteen Mareykanka iyo lacagihiisa iyo qalabkiisa milatari, dagaalkan wuxuu ku dhammaan lahaa waqti aad u yar”. Mar wax laga weydiiyey in saadka iyo hubka Mareykanka ee Ukraine uu sii socon doono iyo in kale, waxa uu yiri: “laga yaabee ilaa aan heshiis la galeyno Ruushka… Waxaan u baahanahay inaan heshiis la galno, haddii kale way sii socon doontaa.” Waxaa jiri doona baahi loo qabo “nooc nabad ilaalin” gudaha Ukraine ka dib heshiis kasta oo nabadeed, Trump ayaa intaaku daray, laakiin taasi waxay u baahan doontaa inay noqoto mid “qof kasta aqbali karo”. Toddobaadkii hore, Trump wuxuu ku tilmaamay Zelensky inuu yahay “kaligii taliye”, wuxuuna u muuqday inuu Ukraine ku eedeeyay inay bilowday dagaalka, ka dib markii hogaamiyaha Ukraine uu diiday dalabaadka Mareykanka ee $ 500bn ee hantida macdanta, wuxuuna soo jeediyay in madaxweynaha Mareykanka uu ku nool yahay “meel ay hareeyeen macluumaad khaldan” oo uu abuuray Ruushka. Trump ayaa u ololeynayay si u uu helo macdanta Ukraine si gargaar hor leh oo militari iyo kaalmo kale uu ugu sii wado Ukraine, taas oo Maraykanku siinayay tan markii Moscow ay billowday duullaan ballaaran oo saddex sano ka hor. Zelensky wuxuu ku dooday in aysan jirin caawimo Mareykan ah oo intaas la eg oo la siiyay, isagoo intaas ku daray: “Ma iibin karo dalkeyga.” Xigashada Sawirka,Getty Images Isniintii, Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu siiyay Ukraine lacag u dhexeysa $300bn iyo $350bn. “Waxaan rabnaa inaan dib u helno lacagtaas,” ayuu yiri. “Waxaan dalka ka caawineynaa dhibaato aad u weyn…laakin canshuur bixiyaha Mareykanka hadda wuxuu dib u helayaa lacagtooda oo dheeraad ah.” Sida laga soo xigtay ilo-wareedka Ukraine, Maraykanku wuxuu ku qasbanaaday inuu ka laabto qaar ka mid ah dalabaadkiisii cuslaa ee waddanka ay dagaalladu aafeeyeen, qaar badan oo ka mid ah faahfaahinta heshiiskan ayaa u baahan doona wada xaajood dheeraad ah. Shabakadda wararka ee Ukraine ee Ukrainska Pravda ayaa sheegtay in heshiiska macdanta lagu wado inay kala saxiixdaan wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio. Ukraine waxa ay haysataa kayd badan oo ah walxo iyo macdan muhiim ah, oo ay ku jiraan lithium iyo titanium, iyo sidoo kale dhuxusha, gaaska, saliida iyo kaydadka uranium-ka oo la qiyaasi karo – sahay qiimaheedu dhan yahay balaayiin doolar. Waxaa sii kordhaya waalaca Ukriane iyo xulufaeeda Yurub ay ka qabaan xiriirka Ruushka iyo Maraykanka oo ay ku jirana wadahadalladii Sacuudiga ee todobaadkii hore. Maxay yihiin macdanaha ay leedahay Ukraine? Xigashada Sawirka,Getty Images Waxaa lagu qiyaasa in qiyaastii boqolkiiba shan ” waxyaabaha muhim ee cayriinka” ee adduunka ay ku jiraan dalka Ukriane kuwaas oo ay ka mid yihiin. Sagaal iyo tobban milyan oo macdan nooca graphine, taas oo loo isticmaalo in laga sameeyo bartiyada baaruurt ayaa ka mida macdanaha ay qaniga ku tahay Ukriane. Saddex meelood meel dhigaalka lithium Yurub, oo ah qaybta muhiimka ah ee baytariyada hadda jira ayey sidoo kale Ukriane qani ku tahay. Ka hor inta uusan bilaaban duulaanka buuxa ee Ruushka seddex sano ka hor, Ukraine waxay sidoo kale soo saaraysay boqoliiba 7 titanium-ka adduunka, oo loo isticmaalo dhismaha wax kasta oo laga bilaabo diyaaradaha ilaa xarumaha korontada. Dhulka Ukraine sidoo kale waxaa ku jira keyd muhiim ah oo macdanta dhifka ah, oo ka kooban 17 walxood oo loo isticmaalo in lagu soo saaro hubka, marwaxadaha dabaysha, elektiroonigga iyo agabka kale ee muhiimka u ah dunida casriga ah. Qaar ka mid ah keydka macdanta Ukriane ayuu ruushka qabsaday sida ay sheegtay Yulia Svyrydenko, wasiirka dhaqaalaha Ukraine, kheyraadka qiimihiisu yahay $350bn ayaa weli ku jira dhulalka ay Ruushku haystaan maanta. Bbcsomali Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku afgartay tirada dalalka looga qoondeeyey ciidamada hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaddib toddobaadyo khilaaf ah oo ka dhashay tirada ciidanka laga filayo dalalka Itoobiya iyo Burundi. Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika, oo codsaday in magaciisa aan la shaacin maadaama uusan u idmanayn in uu warbaahinta la hadlo, ayaa u sheegay VOA in ciidamada Burundi ee Soomaaliya joogay tan iyo 2007 ay dalka ka bixi doonaan, kaddib markii labada dowladood isku fahmi waayeen tirada ciidanka laga filayo Burundi. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Soomaaliya iyo Midowga Afrika, hawlgalka cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona 11,900 oo shaqaale ah, kuwaas oo isugu jira askar, boolis iyo shaqaale rayid ah. Qorshaha cusub ayaa ciidamada sidaan u kala qeybinaya: Uganda 4,500, Itoobiya 2,500, Jabuuti 1,520, Kenya 1,410, iyo Masar 1,091, sida uu xaqiijiyay sarkaalka Midowga Afrika. Diblomaasi kale oo ka tirsan Midowga Afrika, oo isaguna codsaday in aan la shaacin magaciisa, ayaa VOA u sheegay in wada-hadallada ku saabsan joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya ay weli socdaan. “Bixitaanka ciidamada Burundi wuxuu yeelan karaa saameyn siyaasadeed iyo dhaqaale oo ballaaran oo ku saabsan Midowga Afrika,” ayuu yiri diblomaasiga. “Waxaa intaa dheer, arrinta maalgelinta AUSSOM wali lama xallin. Burundi waxay sameysay allabaryo badan, waxaana muhiim ah in cabashooyinkooda la tixgeliyo,” ayuu sii raaciyay. Waxaa sidoo kale jira boqolaal boolis ah oo ka socda Nigeria, Sierra Leone iyo Masar, kuwaas oo la dejin doono Muqdisho, Jowhar iyo Baydhabo. Saameynta khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya Dib-u-dhaca heshiiska ku saabsan dalalka ciidanka soo diraya waxaa sababay xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay heshiis muran dhaliyay oo Itoobiya la gashay Somaliland 1-dii Janaayo 2024. Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid “ka hor imaanaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Somaliland waa gobol sheegtay inuu Soomaaliya ka go’ay, balse aan si rasmi ah loo aqoonsan. Xiisaddaasi ayaa hoos u dhacday kaddib markii labada dhinac ay gaareen heshiis xasaasi ah 11-kii Diseembar magaalada Ankara, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga, waxaana lagu ballamay in khilaafka la xalliyo. Toddobaadkan, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah oo xaqiijinaya in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan hawlgalka cusub ee AUSSOM. Heshiiskan wuxuu daba socday booqasho uu toddobaadkan magaalada Muqdisho ku yimid wafdi Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayay taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, oo ay weheliyeen madaxa sirdoonka Itoobiya, Redwan Hussien. Wafdiga Itoobiya ayaa Muqdisho kula kulmay dhiggooda Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Odawaa Yuusuf Raage, iyo madaxa hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Wada-hadallada ayaa diiradda saaray la dagaallanka argagixisada, xasilloonida gobolka iyo doorka ciidamada Itoobiya ee AUSSOM. “Mas’uuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen doorka ciidamada Itoobiya ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika, waxayna isku afgarteen qaab-dhismeedka ciidamada Itoobiya ee AUSSOM,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay wada-hadallada. Ciidamada Itoobiya ayaa la geyn doonaa gobolladii ay horey uga howlgalayeen ee Soomaaliya, sida Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan. Ciidamada kaliya ee cusub ee ku biiraya hawlgalka waa kuwa ka socda Masar, oo taageero u muujiyay Soomaaliya inta lagu guda jiray khilaafkeeda Itoobiya. Itoobiya waxay sidoo kale ciidamo gaar ah ku leedahay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo halkaas ku jooga heshiis laba geesood ah. Heshiiska toddobaadkan la gaaray wuxuu xoojinayaa joogitaankaas. “Labada dhinac waxay isku afgarteen in la dejiyo Heshiis Xaaladda Ciidamada (SOFA) oo lagu maamuli doono dhammaan ciidamada labada dal ee ku sugan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka la soo saaray Axaddii. Al-Shabaab iyo Daacish oo wali khatar ah Ciidamadii ugu horreeyay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya yimid waxay ahaayeen kuwii ka yimid Uganda bishii Maarso 2007, xilligaas oo kooxda Al-Shabaab ay xoojineysay saameynteeda gudaha dalka. Kooxda Al-Shabaab, oo Mareykanku u aqoonsaday argagixiso caalami ah, ayaa weli khatar ku ah dowladda Soomaaliya ee ay beesha caalamku taageerto. Talaadadii, dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarro dhowr jiho ah ka fuliyay bartamaha Soomaaliya, iyagoo gudaha u galay magaalooyin yaryar iyo tuulooyin kahor inta aysan ciidamada dowladda dib u ceyrin. Dhinaca Puntland, ciidamada amniga ayaa sii wada hawlgal muddo laba bilood ah lagula dagaallamayo kooxda Daacish, iyagoo magaalooyin dhowr ah kala wareegay. Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin in maalmo gudahood ay qabsan doonaan saldhigga ugu weyn ee Daacish ee gobolka.
  11. Mogadishu (HOL) — U.S. military airstrikes targeted Al-Shabaab militants in Somalia's Middle Shabelle region on Tuesday after the group suffered a major battlefield defeat at the hands of Somali government forces and allied local militias, Somalia's Ministry of Information announced. Source: Hiiraan Online
  12. London, UK (HOL) — Germany’s recent election delivered a decisive victory for the conservative CDU/CSU party, while the far-right, anti-immigration Alternative for Germany (AfD) secured second place. The result has heightened anxieties among migrants, particularly asylum seekers, as AfD’s potential role in a coalition government could lead to stricter immigration policies and deportations. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii ciidamada dowladda ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaallo ka dhacay Shabeellaha Dhexe. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka ee Ma’awisley, ayaa weerarro abaabulan ku qaaday goobihii ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen, taasoo khasaare culus gaarsiisay dagaalyahannada kooxdaas, sida ay sheegeen saraakiil dowladeed. Howlgalkan, oo qayb ka ah dagaalka ballaaran ee ka socda dalka, ayaa lagu bartilmaameedsaday xoreynta goobaha ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. “Geesiyaasha ciidankeennu waxay dharbaaxo culus u geysteen argagixisada dulmiga badan ku haysay shacabkeenna,” ayuu yiri Xamza. “Ma nasan doonno illaa aan dalkeena ka xoreyno gacanta cadowga.” Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo amni, ciidamada dowladda ayaa dilay tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab, halka kuwa kalena ay dib uga gurteen goobihii istiraatiijiga ahaa. Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in la xoreeyay dhowr aag oo horey u ahaa saldhigyo ay kooxda isticmaali jirtay, inkastoo xaqiijinta madax-bannaan ay weli xaddidan tahay sababo la xiriira xaaladda amni. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii la soo dhaafay xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo taageero ka helaysa maleeshiyaadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah. Xamza ayaa mar kale xaqiijiyay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay xoojinta joogitaanka dowladda ee dhulka laga xoreeyay Al-Shabaab, si loo hubiyo in adeegyada aasaasiga ah ay gaaraan shacabka ay dhibaatadu saameysay. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in ciidamada amniga ay sii wadi doonaan cadaadiska ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay ballaarin doonaan howlgallada milatari ee gobollada kale ee weli ay kooxdu ku sugan tahay. “Dagaalku wuu sii socon doonaa illaa Al-Shabaab si buuxda looga adkaado,” ayuu yiri Barre. “Waxaan ka go’nahay xaqiijinta nabad, xasillooni, iyo mustaqbal ka caagan argagixiso.” Al-Shabaab, oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan toban sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya, iyada oo doonaysa in ay dalka ku soo rogto aragti xagjir ah oo shareecada Islaamka ah. Inkastoo ay jiraan guulo milatari, kooxda weli waxay khatar weyn ku haysaa amniga dalka, gaar ahaan deegaannada miyiga ah oo ay ku leedahay shabakado adag. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka in ay taageeraan dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago in kooxdu dib ugu soo laabato dhulkii laga xoreeyay.
  14. Xilli Mareykanku uu dhowaan shaaciyay inuu dalka Jarmalka kala baxayo hubkiisa culus iyo ciidamada ka jooga, ayaa Faransiisku wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay buuxinta kaalintaas ay bannaysay Washington. Wargeyska Telegraph oo soo xiganaya mas’uul Faransiis ah ayaa sheegay in Paris ay diyaar u tahay adeegsiga awoodeeda Nukliyeerka si ay gacan uga geysato ilaalinta Yurub, waxuuna Faransiisku ku dhawaaqay inuu diyaarado sida hubka Nuclear-ka u dirayo Jarmalka, si taasi ay farriin ugu noqato Ruushka. Arrinta ayaa ku soo beegmaya xilli Jarmalku uu walaac xooggan ka muujiyay tillaabada uu maamulka Trump dalkaas ugala baxaya hubkiisa culus iyo ciidamada ka jooga. Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) – Somali Minister of Environment and Climate Change Bashir Mohamed Jama met with his Kenyan counterpart, Adan Barre Duale, in Nairobi on Tuesday to enhance cooperation between the two ministries. Source: Hiiraan Online
  16. The federal government of Somalia and the African Union have agreed on the number of troop-contributing countries for a new AU mission following weeks of differences between Ethiopia and Somalia, and later on between Somalia and Burundi over the number of troops coming from each country. Source: Hiiraan Online
  17. Libya and Somalia have signed several Memoranda of Understanding providing for fostering cooperation in investments, educational exchanges, and training opportunities, which are crucial for building human capital and strengthening both nations’ socio-economic development. Source: Hiiraan Online
  18. The Sudanese Ministry of Foreign Affairs yesterday condemned the stance of the Kenyan government and its support for the parallel government that the Rapid Support Forces (RSF) militia intends to declare. The ministry stressed that Sudan would take all necessary measures to respond to this “hostile and irresponsible” action. Source: Hiiraan Online
  19. FC Barcelona and Atletico Madrid played out a thrilling 4-4 draw in the first leg of their Copa del Rey semifinal at Montjuic on Tuesday night, featuring a dramatic back-and-forth scoring spree that kept fans on the edge of their seats. Source: Hiiraan Online
  20. Baghdad (Caasimada Online) – Natiijada kama dambaysta ah ee tirakoobkii ugu horreeyay ee laga sameeyo Iraq tan iyo 40 sano ka hor, oo la shaaciyay Isniintii, ayaa muujineysa in tirada guud ee dadka dalkaasi ay gaartay 46.1 milyan. Sanadkii 2009, qiyaas aan rasmi ahayn ayaa lagu sheegay in dadka Iraq ay ahaayeen 31.6 milyan. Mas’uuliyiinta Iraq ayaa ku tilmaamay tirakoobka mid taariikhi ah, iyaga oo xusay in xogta la helay ay muhiim u noqon doonto qorsheynta mustaqbalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka. Wasiirka Qorsheynta Iraq, Mohammed Tamim, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo lagu shaaciyay natiijada tirakoobka, ayaa sheegay in howshaasi ay muujinayso “go’aanka adag ee dowladda” ee ku aaddan horumarinta xaaladda dalka. Dowladda Iraq ayaa dadaal ugu jirta inay xoojiso horumarka dhanka amniga, kaddib tobanaan sano oo dagaallo iyo xasillooni darro ah, iyada oo sidoo kale dooneysa inay kobciso dhaqaalaha xilli gobolku wajahayo qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Tirakoobku waxa uu bixinayaa aragti qoto dheer oo ku aaddan xaaladaha dhaqaale, waxbarasho, iyo guryaha, wuxuuna si gaar ah u kala qeexayaa xogta guud ee Iraq iyo tan gobolka is-maamulka leh ee Kurdiyiinta ee waqooyiga. Daraasadda ayaa muujisay in 70.2% shacabka ku nool Iraq ay deggan yihiin magaalooyinka, halka gobolka Kurdiyiinta uu leeyahay heer magaaloobid sare oo gaaraysa 84.6%. Sidoo kale, gobolka Kurdiyiinta ayaa lagu arkay heer shaqo oo ka sarreeya gobollada kale ee dalka, iyadoo 46% dadka gobolkaasi ay si firfircoon uga shaqeeyaan suuqa shaqada, marka loo eego 41.6% dadka Iraq inteeda kale. Diiwaangelinta carruurta ee dugsiyada hoose ayaa gobolka Kurdiyiinta gaartay 93%, halka heerka guud ee Iraq uu yahay 88%. Si kastaba ha ahaatee, Iraq inteeda kale ayaa sare u dhaaftay gobolka Kurdiyiinta marka la eego lahaanshaha guryaha iyo helitaanka biyo nadiif ah iyo koronto dowladeed. Wasiir Tamim ayaa xusay in xogta tirakoobka ay kaalin weyn ka qaadan doonto qeybsiga cadaaladda ku saleysan ee kheyraadka gobollada. “Markii ugu horreysay muddo 40 sano ah, Iraq waxa ay si guul leh u qabatay tirakoob dhameystiran, taasoo suuragelinaysa qeybsiga kheyraadka si caddaalad ah,” ayuu yiri. Natiijada kama dambaysta ah ee tirakoobka 2024 ayaa muujineysa in tirada dadweynaha ay ka badan tahay 1 milyan qiyaastii hore ee lasoo saaray bishii November, taasoo lagu sheegay 45.407 milyan.
  21. Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal lala beegsaday dagaalsmeyaal ka tirsan kooxda Alshabaab oo ka dhacay gobolka shabeellada dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. War qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay ayaa lagu yiri “Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Howgalka Militariga Mareykanka ee Afrika ( AFRICOM ) oo iskaashanaya ayaa fuliyay howlgal duqeyn ah oo lala beegsaday xubno kq tirsan kooxda Alshabaab, laguna jabiyay weerar ay ku soo qaadeen magaalada Alkowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabelle”. Duqeynta oo ay fuliyeen US AFRICOM oo kaashanaya Ciidanka Qaranka ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab, oo isku dayay inay deegaankaas weerar gaadmo ah ku soo qaadaan sida lagu sheegay war saxaafadeedka dowladdu soo saartay. Dagaallo culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan iyo shabeellada dhexe ayay dowladdu sheegtay in lagu diley in ka badan 70 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, sidoo kalena qalab iyo saanad ciidan looga furtay. Source: goobjoog.com
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa iska kaashanaya ilaalinta deegaanka, kaddib kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen wasiirrada deegaanka ee Soomaaliya iyo Kenya, Bashiir Maxamed Jaamac iyo Aadan Barre Ducaale. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada wasaaradood, wanaajinta xiriirka labada dal, iyo ilaalinta deegaanka. Labada dhinac ayaa intii uu kulanku socday isla meel dhigay ilaalinta iyo ka hortagga xaalufinta dhirta, taas oo muhiimad gaar ah u leh dadka iyo deegaanka. Sidoo kale, waxay si wadajir ah u qireen in isbeddelka ku yimid cimiladu uu saameyn ku yeeshay bulshada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Labada dowladood ayaa dhawaan lagu wadaa inay qalinka ku duugaan heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan horumarinta deegaanka, iyada oo ay ka hor dhinacyadu magacaabi doonaan guddiyo farsamo oo arrintan dardar-geliya. Sidoo kale, labada dal ayaa ballan qaaday in la xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo kheyraadka dabiiciga ah si loo hubiyo mustaqbal waara. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa leh xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinacyo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin amniga, ganacsiga, iyo isku socodka muwaadiniinta.
  23. Mogadishu, Somalia – The African Union (AU) and the Somali government have reached an agreement on troop contributions for the new African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), following weeks of negotiations and tensions over force distribution—particularly regarding Ethiopia and Burundi. A senior AU official, speaking anonymously, confirmed that Burundi, which has deployed troops in Somalia since 2007, will withdraw from the mission due to disagreements over the number of soldiers it was expected to contribute. “Burundi’s withdrawal could have significant political and financial implications for the AU,” the official told VOA. “Burundi has made many sacrifices, and it is important to consider its concerns.” According to diplomatic sources, discussions over Burundi’s potential role in future security arrangements are ongoing. AUSSOM: Troop contributions finalized The newly structured AUSSOM mission will include 11,900 military forces, police officers, and civilian staff. The troop contributions from AU member states are as follows: Uganda – 4,500 troops Ethiopia – 2,500 troops Djibouti – 1,520 troops Kenya – 1,410 troops Egypt – 1,091 troops Nigeria, Sierra Leone, and Egypt will also contribute police officers stationed in Mogadishu, Jowhar, and Baidoa. The finalization of troop allocations was delayed partly due to a diplomatic standoff sparked by a controversial January 1, 2024 agreement between Ethiopia and Somaliland. Under the deal, Somaliland granted Ethiopia access to its Red Sea ports in exchange for potential recognition of Somaliland’s independence—a move that Mogadishu strongly opposed, calling it a violation of Somalia’s sovereignty and territorial integrity. Tensions eased after Turkish-mediated talks in Ankara on December 12, 2024, when Ethiopia and Somalia agreed to de-escalate. This paved the way for an official agreement in Mogadishu last week, confirming Ethiopia’s participation in AUSSOM. Ethiopian military delegation in Mogadishu In a significant diplomatic visit, Ethiopia’s Chief of Defense Forces, Field Marshal Birhanu Jula, led a delegation to Mogadishu to discuss the situation with Somali military officials, including General Odawaa Yusuf Raage. Talks centered on counterterrorism, regional security, and Ethiopia’s role in AUSSOM. A joint statement reaffirmed Ethiopia’s commitment to AU peacekeeping operations. It announced plans to establish a Status of Forces Agreement (SOFA) to regulate the presence of Ethiopian troops in Somalia. Despite the agreement, Al-Shabaab and Islamic State militants remain a serious threat in Somalia. Just this week, Al-Shabaab fighters launched multiple attacks in central Somalia, briefly seizing villages before Somali forces pushed them back. Somali government forces and allied local militias have killed more than 70 Al-Shabaab fighters in a series of military operations in the HirShabelle region, officials said Tuesday. According to a statement from Somalia’s Ministry of Information, the operations targeted Al-Shabaab positions in several locations, including Caddow-Guray in Hiiraan, Ceel Cali Axmed, and the district of Al-Kowsar in Middle Shabelle. Separately, Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) reported that another 48 Al-Shabaab fighters were killed in three additional strikes across Middle Shabelle and Hiiraan. In the first strike on Daarul-Nimca, 17 militants, including senior figures, were eliminated. A second operation in Al-Kowsar killed 19 more, while a third in Beerayabaal saw the deaths of 12 fighters, according to NISA. The Somali National Army (SNA), supported by local militia groups, launched preemptive strikes to counter planned Al-Shabaab attacks in the region. Meanwhile, in Puntland, Somali security forces have intensified operations against ISIS-linked militants, reclaiming several key strongholds.
  24. Mogadishu, Somalia – The Somali federal government has barred two members of parliament from traveling to the southern region of Jubaland, escalating an already fraught relationship between Mogadishu and regional authorities. The move has drawn sharp criticism from opposition lawmakers, fueling concerns that the federal government is tightening its grip on regional states in an attempt to consolidate power. On Tuesday, Somali security forces at Aden Adde International Airport in Mogadishu blocked MPs Cabdirashiid Jire Qalinle and Cumar Qalad-diid from boarding a flight to Kismayo, the capital of Jubaland. The lawmakers claim the order came directly from President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre. “President Hassan Sheikh is acting out of personal resentment,” said Qalinle, who represents a constituency in Jubaland. “We arrived at the airport this morning, and they blocked our travel. But we will be back tomorrow. This travel ban on Jubaland must be lifted.” His colleague, MP Cumar Qalad-diid, accused Prime Minister Barre of enabling a crackdown on members of the Darod clan, alleging that restrictions on Jubaland and Puntland were part of a broader political strategy to weaken opposition-controlled regions. “Anyone who wants to understand Hamza Barre’s policies should look at the sanctions placed on Jubaland and the treatment of Puntland,” Qalad-diid said. “Yesterday, he stood at a government ceremony and claimed there were no restrictions on Jubaland. Yet today, as elected officials, we were barred from traveling to our own region. What does that mean for ordinary citizens?” Rising tensions between Mogadishu and Jubaland The Somali federal government’s relations with regional states, particularly Jubaland, have been deteriorating for years. The core of the dispute revolves around power-sharing, security control, and political autonomy. Jubaland, led by President Ahmed Mohamed Islam “Madobe,” has long resisted Mogadishu’s attempts to assert federal authority over its security forces and governance. Tensions peaked in 2024 when the federal government refused to recognize Madobe’s re-election, accusing him of rigging the process—claims he denied. Since then, relations have remained rocky, with periodic travel bans, flight suspensions, and military standoffs exacerbating the divide. The Somali Civil Aviation Authority (SCAA) has also played a role in the current dispute. In recent months, it suspended several flights to Kismayo, citing security concerns, after an alleged unauthorized diversion of a Halla Airlines aircraft to Doolow in the Gedo region—an area contested between Jubaland and the federal government. The move disrupted trade, humanitarian aid, and travel, fueling accusations that the federal government was using flight restrictions as a political weapon. Political fallout and constitutional concerns The government’s latest move has triggered outrage in Somalia’s parliament, with more than 80 MPs condemning the travel restrictions as unconstitutional. They argue that preventing elected lawmakers from visiting their constituencies violates Article 21 of Somalia’s Provisional Constitution, which guarantees freedom of movement. “The government is politicizing national institutions, including the security forces,” the lawmakers said in a joint statement, calling for an immediate end to what they described as an “authoritarian crackdown on regional administrations.” Opposition figures have also warned that such restrictions could deepen Somalia’s political crisis, making it harder to address urgent national issues like security, economic development, and counterterrorism efforts against Al-Shabaab. These political tensions come at a precarious time for Somalia, as the country grapples with continued threats from Al-Shabaab militants, an ongoing humanitarian crisis, and efforts to finalize a new constitutional framework. Analysts warn that escalating infighting between Mogadishu and regional administrations could weaken Somalia’s fragile governance and create openings for insurgent groups to exploit. “The federal government’s aggressive stance toward regional states like Jubaland and Puntland risks destabilizing the country further,” said a Heritage Institute for Policy Studies political analyst. “Instead of fostering dialogue, these actions push Somalia toward deeper political fragmentation.” With both sides refusing to back down, the question remains: will Somalia’s leaders find a path to reconciliation, or are they heading toward an even deeper crisis?
  25. Since assuming his diplomatic role in December 2023, Somalia’s Ambassador to Kenya, Jabril Ibrahim Abdulle, has made significant progress in strengthening relations between Mogadishu and Nairobi. After presenting his credentials to President William Ruto at the State House, he immediately got into his ambassadorial duties. A year down the line, there are some results – an indication that a previously strained relationship is improving. Speaking in Nairobi just ahead of the February 26-28 Somalia-Kenya Trade Week 2025 hosted in partnership with the Nation Media Group (NMG) at the Business Bay Square Mall (BBS Mall) in Eastleigh, Nairobi, Ambassador Abdulle said the event would bring together businesses, entrepreneurs and industry leaders from both countries to explore trade opportunities, foster partnerships, and showcase a diverse range of products and services. A former presidential candidate, Mr Abdulle arrived in Nairobi with expertise from the political front and an inside knowledge of the Kenyan diplomatic terrain. The Trade Week comes in the backdrop of Somalia’s recent admission to the East African Community, and the ambassador is keen to ensure his country benefits from the available benefits of trading in the eight-country economic bloc, whose other members are Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, South Sudan, and the Democratic Republic of Congo. Ambassador Abdulle says one of his top priorities is to maintain good relations between Somalia and Kenya. While acknowledging the challenges of the past, he sees new opportunities for greater cooperation as a result of Somalia’s entry into the EAC. “Somalia’s admission to the EAC has already created business opportunities for our two countries,” he said. Efforts are underway to reopen the border between Somalia and Kenya, to facilitate growing trade and provide economic benefits to border communities However, Ambassador Abdulle stressed the importance of continued vigilance by the border communities to counter the threat posed by militants. Somalia has abundant natural resources, including oil, gas and fisheries, a strategic location and a young population. It has untapped potential in agriculture, renewable energy, telecommunications, and tourism. “I want to facilitate opportunities for Somali students to study in Kenyan higher education institutions,” the Ambassador said. Other areas he wants them involved in include construction and the hospitality industry, in which Somalia has limited experience. “Somali business community have invested a lot in Kenya’s construction industry, real estate, commodities trade, and also hotels. What they have learnt can be replicated in Somalia,” he said. After just two months on the job, the ambassador has scored valuable diplomatic points. For example, Kenya Airways recently resumed flights between Nairobi and Mogadishu. He said this development and the other passenger flights that operate daily between Nairobi and Mogadishu will bolster trade and enhance cooperation between the two nations. With thousands of Kenyans working in Somalia, the ambassador envisions a future where bilateral ties will flourish. “Currently, over 40,000 Kenyans are working in Somalia, mostly in the education, medical services and hospitality sectors. The number is expected to grow due to the prevailing relative stability,” he said. Kenyan expatriates working in Somalia remits to Kenya an estimated $300 million annually. According to Amb Abdulle, the Somali government is planning to open passport application centres in counties such as Mombasa, to make it easier for Somalis to get the document. He hopes to streamline visa processes for both Somali and Kenyan citizens for smoother movement of people and goods. These include one-stop border points, free visas, and free movement. Amb Abdulle said he was looking forward to new investments, such as the establishment of new high-end hotels in Somalia, with skilled Kenyans playing a crucial role in the growth of the hospitality industry. He foresees the number of Kenyan workers in Somalia rising to 100,000 in the next five years, thanks to Somalia’s EAC membership. Somalia has removed several investment screening regimes that barred the deployment of capital, giving foreigners the green light to wholly own their investments, repatriate capital, and enjoy full protection in the country. The ambassador said that despite Somalia’s socio-economic and political challenges, it had turned a new page to an era anchored on the attraction of foreign direct investment while mobilising, consolidating and streamlining local business processes. Despite the challenges, which mainly include insecurity posed by militants, Kenya and Somalia have enjoyed successful trade relations over the years. Somalia is currently Kenya’s fifth largest trading partner in Africa after Uganda, Tanzania, Rwanda, Egypt and the Democratic Republic of Congo. While the countries have had a strained relationship in the past, Amb Abdulle commends Kenya’s policy shift towards resolution. The ambassador is widely regarded as one of the most active and visible diplomats in Kenya, playing a pivotal role in deepening Somalia-Kenya relations. He is leveraging his profound understanding of Kenya’s history and strong connections to its elites and business community to foster diplomatic and economic cooperation. “It’s a privilege to represent Somalia in Kenya, where the two countries share historical, cultural, and ethnic bonds. Our two nations are joined not only at the hip but also at the heart,” he stated. This articles was first published on Kenya’s Daily Nation