-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ictiraafka ay sanadaha badan raadineyso aysan u galeyn naar, iyo inay dhibaato mutaan dadkeedu. Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo shalay khudbad ka jeediyay baarlamaanka Somaliland ayaa arrintaan dul istaagay, isagoo caddeeyay inay mudnaanta koowaad siinayaan sidii ay Somaliland aqoonsi u heli laheyn, iyadoo dhibaato u keenayn dalka iyo dadka. Wasiirka oo markaas ka hadlayey arrinta ku saabsan heshiiskii is-afgarad ee sanadkii hore gaareen Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay in uusan heshiiskaas ahayn mid daah-furan. “Waxay Itoobiya tiri; waxaynu ka fikiraynaa ictiraafka marka aynu helno xeeb, meel ay yiraaahdeen Somaliland baanu aqoonsanaynaa ma jirto,” ayuu yiri wasiirka mar uu ka jawaabayay su’aal ay guddida arrimaha dibadda ee baarlamaanka ay heshiiskan ka weydiiyeen. Heshiiskan ayuu sheegay in xukuumadda cusub iyo baarlamaankuba ay dib u eegis ku sameeyn doonaan, maadaama uu ku jiro mad-madow badan oo u baahan in si taxadar leh looga fiirsado. “Waxaynu sameyn doonaa wax walb sidii aynu aqoonsi u heli lahayn, laakiin ictiraaf cadaab ku geli mayno, dadkeenana baabi’in mayno, waa in ictiraafku noqdaa mid faa’ido u leh danta Somaliland iyo danta dalkaas ee aqoonsiga bixinaya,” ayuu yiri wasiirka. Waxa uu intaasi kusii daray “Wax macno ah ma leh in dalkeenii dal kale laga iibiyo oo dad kale u ogolaano in ay kheyraadkeena iyo nolosheenna maamulaan, kaliyana in la yiraahdo waanu idin aqoonsanay.” Inkasta oo aanu jirin dal aqoonsaday Somaliland, haddana Somaliland ayaa muujisay inay leedahay wax kasta oo uu waddan u baahan yahay, iyadoo dhawr iyo soddonkii sanno ee u dambeeyey ka qabsoomeen doorashooyin loo arkayey inay yihiin kuwii ugu dimuquraadiga badnaa ee ka dhaca gobolka.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – 19 Wasiir oo ka tirsan xukuumadda cusub ee madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa hortagay shir-guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Wakiillada. Xubnahan oo ah qeybtii koowaad ee golaha wasiirada ee baarlamaanka hortegta ayuu shalay goluhu ka gutay waajibaadkooda la xiriira ansixintooda. Dhammaan 19-ka wasiir ee hor tagay Golaha Wakiilladu, waxay Golaha ka hor jeediyeen hadalo kooban oo la xidhiidha arimaha mudnaanta u leh harumarinta leh, iyadoo mid mid golaha hortiisa ka sheegeen, ugana xog warameen qorshayaasha u dejisan iyo arimaha ay siinayaan mudnaanta ee la xidhiidha wasaaradaha uu madaxweynuhu u igmadey . Dhammaan wasiirada hor tagay Golaha Wakiillada waxa ay mid mid gole weynaha uga codsadeen in loo ansixiyo xilalka Wasiir-nimo si ay u gataan hawlaha baaxda leh ee uu Madaxweynuhu u igmadey . Intaas ka dib, Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu gole weynaha ka codsadey in mid mid cod gacan taag ah lagu ansixiyo wasiirada, taas oo uu golahu cod aqlabadiyad ah ku ansixiyeen dhammaan 19 wasiir ee maanta hor yimid . Hoos ka aqriso liiska xubnaha iyo codadka lagu ansixiyey; 1. 65 Mudane ayaa ogolaaday in ahaado Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle in uu ahaado Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 2. 59 Mudane ayaa ogolaaday in ahaado Md. Cabdiraxaam Daahir Aadan in uu ahaado Wasirka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Jsl, 3mudane ayaa diiday waxaana ka Aamusay 3mudane Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 3. 62-Mudane ayaa ogolaaday Md. Maxamed Yuusuf Cali (Ikacase) in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga iyo Difaaca Jsl, cidiiday Ma jirto, waxaana Ka Aamusay 3mudane aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah Wasaarada Gaashaandhiga. 4. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Khadar Xuseen Cabdi in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 5. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Ismaaciil Yuusuf Ducaale in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 6. 65 Mudane ayaa ogolaaday Dr Xuseen Bashiir Xirsi in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 7. 65 Mudane ayaa ogolaaday Mrwo. Milgo Maxamed Cilmi in ahaado Wasiirka Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 8. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Axmed Maxamed Faarax Coofle in ahaado Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 9. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Jamaal Maxamed Jaamac in ahaado Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 10. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cismaan Ibraahin (Af-gaab) in ahaado Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 11. 65 Mudane ayaa ogolaaday Mrwo Kaltuun Sh. Xassan Cabdi Madar in ahaato Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 12. 63 Mudane ayaa ogolaaday Md. Siciid Maxamed Buraale in uu ahaado Wasiirka Wasaarada Maalgashiga iyo Warshadaha Jsl. Cid Diiday ma jirto waxaana ka Aamusay 2mudane Gudoomiyuhuna ma codayn sida caadada ah. 13. 64 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdilaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) in ahaado Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jsl, cid Diiday aanay jirin 1mudane ayaa Ka Aamusay Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 14. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdilaahi Xassan Aadan Cawaale in ahaado Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta Dhaalaha Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 15. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdiraxmaan Xassan Nuux Furre in ahaado Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Jsl, cid Diiday iyo Ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 16. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdilaahi Daahir Jaamac in ahaado Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Jsl, cid Diiday aanay jirin iyo 1mudana ka Aamusay Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 17. 63 Mudane ayaa ogolaaday Md. Xuseen Axmed Caydiid in ahaado Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, dhulka iyo Guryaynta Jsl, 2 mudane ayaa Diiday cid ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 18. 65 Mudane ayaa ogolaaday Md. Cabdale Maxamed Carab (Cabdle Sandheere) in ahaado Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jsl, cid Diiday iyo cid ka Aamusay aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah. 19. 64 Mudane ayaa ogolaaday Md. Xassan Axmed Ducaale (Maclin) in uu ahaado Wasiir Wasaarada Horumarinta Dawladaha Hoose iyo Magaalooyinka Jsl, waxaana Diday 1mudane cid ka Aamustayna aanay jirin Gudoomiyuhuna aanu Coday Sida Caadada Ah.
-
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa kulan muhiim ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan, isagoo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay isbaarooyinka iyo amni-darrada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay ganacsiga iyo nolosha dadka deegaanka. Wasiirka ayaa xusay in uu la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn gobolka Hiiraan, kuwaas oo cabasho ka muujiyay hoos u dhac weyn oo ku yimid badeecooyinkii iyo xoolihii ay iibgeyn jireen, taas oo sababteedu tahay lacagaha baadda ah ee looga qaado isbaarooyinka. Waxa uu tilmaamay in xaaladdan ay caqabad weyn ku tahay horumarka iyo barwaaqada gobolka. Daahir Shire ayaa tusaale usoo qaatay ganacsade deegaanka ah oo sheegay in muddo siddeed bilood ah uusan xoolo rarin, sababtuna tahay amni-darrada iyo baadda waddooyinka lagu soo rogay. Wasiirka ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in ay muhiim tahay in arrintaas si degdeg ah xal loo helo, maadaama burcadda dhibka wada ay ku tiirsan yihiin deegaanka. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay xilka qaadis ay sheegeen xubno ka tirsan golaha degaanka degmada Saaxo in ay ku sameeyeen maamulkii degmadaasi. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayay ku sheegtay in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii ay sheegeen xubnaha golaha degaanka degmada Saaxo ee gobolka Mudug in ay ku sameeyeen guddoomiyihii degmada iyo ku xigeenkiisi kaddib markii ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxaa wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyaha iyo guddoomiye Ku xigeenka degmada Saaxo ee gobolka Mudug sida ku cad qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. “Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxaa wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyaha iyo guddoomiye Ku xigeenka degmada Saaxo ee gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. PUNTLAND POST The post Wasiir Juxaa oo ka horyimid xilka qaadis lagu sameeyay maamulkii degmada Saaxo ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Tirada dhimashada ka dhalatay dhulgariir ka dhacay magaalada Tibet re galbeedka dalka shiinaha, waxayna mas’uuliyiinta maxalliga ahi ku foogan samata-bixinta iyo gurmadka dadkii waxyeelladu gaartay. Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 6.9 amplitude ayaa geystay waxyeello xooggan oo isugu jira burbur iyo khasaare dhimasho oo baaxad leh. xudunta dhulgariirkan oo ahayd mid aad u qoto-dheer ayaa ku taal Tingri, oo ah miyiga gobolka Everest, waxayna hoos u qodantahay 10 km oo u dhiganta(6.2 mayl), sida laga soo xigtay xarunta la socadka dhulgariirka Shiinaha. Source: goobjoog.com
-
Lhasa (Caasimada Online) – Wakaaladda wararka Xinhua ee Shiinaha ayaa ku warramaya in dhulgariir xooggan oo ku dhuftay gobolka Tibet ay ku dhinteen ugu yaraan 53 qof, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray 62 qof . Dhulgariirkaan oo cabirkiisu ahaa 6.8 ayaa ruxay saddex magaalo Changsuo, Quluo iyo Cuoguo oo ku yaal Shigatse, kuwaas oo ku xeeran degmada Tingri, halkaasina waxaa ku burburay dhismayaal badan, sida ay ku warantay warbaahinta maxalliga ah . Ilaa 1,500 oo dab damis ah iyo samatabbixiyaal ayaa la geeyay gobolka galbeedka Shiinaha iyo gobolka deriska la ah ee Nepal si ay dadka uga baadi goobaan burburka, sida ay sheegtay Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka. Deegaanada uu ku dhuftay dhulgariirka ayaa la sheegay in ay yihiin tuulooyin buuraleey ah oo aad u fog. Sidoo kale waxaa aad u adag in la tago halkaasi sababo la xiriira qabowga jiilaalka iyo suurtagalnimada burbur soo gaaray waddooyinka.
-
Mogadishu (HOL) — Farmers in Somalia’s drought-prone Bari region are celebrating a financial turnaround after years of hardship, thanks to the successful cultivation and sale of dates. Over 300 farmers in Karin and Laag, near Bosaso, have sold dates for the first time, marking a pivotal shift in their livelihoods. Source: Hiiraan Online
-
Real Madrid sailed into the last 16 of the Copa del Rey with a 5-0 victory away to fourth-tier side Deportiva Minera on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Under growing pressure from his own party, Canadian Prime Minister Justin Trudeau has announced he will step down and end his nine-year stretch as leader. Source: Hiiraan Online
-
As of 1 January, African Union (AU) efforts to bring peace to Somalia changed names for the third time in 18 years. Source: Hiiraan Online
-
WASHINGTON — The Somali government said 10 al-Shabab militants were killed in an operation conducted in collaboration with the United States military. Source: Hiiraan Online
-
How Kenya police hid killings of anti-government protesters
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Nineteen-year-old Charles Owino was killed by a gunshot to the head during a day of anti-government protests near Nairobi in July, according to an autopsy report seen by Reuters. Source: Hiiraan Online -
AQM2ldwLTorrJCUoxIoltYLkgvN8E6Qt2qaPlu9OW4F8DlzmRNr_weqslc1gj_sKyXOPhvdM0p1LgXXrPx3M8axO https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQOobow3V7riJCEw4zZVH3LGE1aOkz3D5YsoLO8BJ1nS51JuYvHu64-b60cGu_RfwNfqSJYo5oHyZ701jxKIEPRB.mp4 Qaran News
-
Situated in larger Horn of Africa with hundreds of miles of coastline along the Gulf of Aden, bordering Ethiopia to the south and west and Djibouti to the northwest, Somaliland is a self-governing region of Somalia that declared independence from Mogadishu in 1991 but remains unrecognised internationally. A tectonic shift is taking place recently as US ambassador to Somalia Richard Riley attended Abdirahman Mohamed Abdullahi’s inauguration as the new Somaliland President and said that it was “one of the best examples of democracy in action in Africa”. The day Abdullahi was sworn in, a Republican Congressman Scott Perry introduced bill to recognise Somaliland as a sovereign state. Republicans had attempted to pass pro-Somaliland legislation in Congress but these bills were ultimately rejected. This time the bill could pass given former aides of Donald Trump say that he could recognise Somaliland and because the de facto state has shown its willingness to provide America a military base in Berbera whose proximity to Bab-el-Mandeb Strait – a critical shipping route that connects Red Sea and Indian Ocean through Gulf of Aden – drastically enhances its strategic value for commercial and military activities. In 2020, Somaliland opened an office in Taiwan, drawing China’s wrath. Recently, Taipei’s Deputy Foreign Minister François Chihchung Wu led a delegation to attend Abdullahi’s swearing-in ceremony. This as well as Beijing’s close ties with Mogadishu and its support of Somalia’s territorial integrity could push the US to consider this proposal. Somaliland has been offering this facility to other countries in exchange for recognition. In January, its President Muse Bihi Abdi signed a memorandum of understanding with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmad to provide the landlocked country access to sea on condition that Addis Ababa at a future date would recognise Somaliland. The deal infuriated Somalia, which labeled it an “aggression” and called his ambassador back from Addis Ababa. But after Somalia and Ethiopia in a Turkey-brokered agreement agreed to mend ties, ending fears of a wider conflict, Somaliland has now turned to the US for a deal that would earn it the status of a separate country and allow America to establish an intelligence facility in the Horn to monitor arms trafficking, Houthi movements in Yemen and Chinese activities in the neighbouring Djibouti. As the Project 2025 – a controversial agenda created by right-wing Heritage Foundation which is being seen as a blueprint for the coming Trump administration – has called for “the recognition of Somaliland statehood as a hedge against the deteriorating US position in Djibouti”, Somaliland has a better chance to get itself recognised by Trump. The Biden administration has been favouring Somalia over Somaliland yet the policy appears to have changed as it sent a high-level delegation, which met both outgoing and incoming Somaliland presidents and discussed peace, stability and prosperity across the Horn, indicating a bipartisan support could grow on Somaliland. However, there are choppy waters ahead. Egypt, a key US ally in the region that has closely aligned itself with Somalia, holds deep-seated rifts with Ethiopia over its construction of a dam on the River Nile and is an important mediator between Hamas and Israel. It could take US recognition of Somaliland as betrayal. Turkey, America’s Nato ally and other major regional player, would be upset too for it has inked a defence and economic agreement as well as an oil and gas deal with Somalia. Such a move would also elicit from a scathing diatribe from African Union that has long opposed secessionist movements, believing they would encourage separatists across Africa. Somaliland’s recognition by Trump would further have far-reaching implications, as it would prompt strong reservations from Somalia, a vital US ally in the fight against al-Shabaab and the rising threat of Islamic State in Puntland, Djibouti and Eritrea as well as America’s key partners, in addition to Egypt, Turkey, Saudi Arabia and Qatar that are bolstering their engagement with the regional nations and could see tensions in the region as a hazard to their economic and security interests. The UAE is by far the biggest GCC player in Africa. While Abu Dhabi has invested $59.4 billion in the continent over the last decade, it is operating a network of logistics platforms and ports in the Horn including Somaliland and Puntland, two Somali-federated states. The UAE had earlier developed military installations in Eritrea and Somaliland during its military campaign in Yemen, urging Somalia to perceive Emiratis a threat to its unity. During the cold war, the Horn couldn’t witness sustainable peace and prosperity as the region became a proxy battleground for the US and the now-defunct Soviet Union with the former seeing the territory as a means of solving its problems such as preventing the advances of Soviet communism and the latter viewing it as a key to victory over its Western rivals. Once violent extremism and interstate conflicts shoved the region into a perpetual instability, an intra-regional propensity to choose confrontation over dialogue on access to Red Sea and inclination to surrender its sovereignty to foreign nations to extract economic benefits have allowed great and middle powers to jostle for influence across the Horn with some patting India to exploit opportunity to counter China and alleged Pakistan’s attempts to spread Islamic extremism. As Somaliland trades recognition for sovereignty by tempting America to strengthen its military footprint in the region, this approach would kick off a race in the region where other countries could consider offering their territory to international powers. This would have horrifying consequences for the people and peace in the Horn, which unarguably is one of the poorest regions in the world. the author writes on geopolitical issues and regional conflicts email him at axar axam gmail com The author writes on geopolitical issues and regional conflicts. Email him at: axar.axam@gmail.com Tribune PK Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 100 Xildhibaan ayaa canbaareyn ka soo saaray qorshe ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ganacsiga dhoofinta xoolaha Soomaaliya ugu xiray hal ganacsade oo degan dalka Jabuuti. Xildhibaanada ayaa sheegay in ganacsadahaas uu yahay mid shisheeye oo uusanba Soomaali aheyn, iyagoo hoosta ka xariiqay in nolasha bulshada Soomaliyeed ay ku tiirsan tahay dhaqashada iyo dheefsiga xoolaha nool, isla markaana saldhig ama laf-dhabar ay u yihiin qaab-dhismeedka dhaqaalaha dalka. “Inta ay Soomaaliya jirtay, Xooluhu waxay door weyn ku lahaayeen nolosha dadka Soomaaliyeed, iyagoo si weyn uga soo gaybqaatay xasiloonida quutal-daruuriga, hab-nololeedka iyo dhaqaalaha bulshada,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaanada ku saxiixan warqadaan. Xildhibaanada oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay ka jawaabayaan cabasho ka soo yeertay bulshada Soomaaliyeed. “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu xiray gacansade shisheeye oo lagu magacaabo Abu-Yasir dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed, ninkaas oo ah nin ajnabiga ah oo taariikh madow ku leh gudaha Soomaaliya, ganacsato badan oo Soomaaliyeedna hore u dhacay deggana dalka Jabouti,” ayaa lagu yiri eedeyntaan ka soo yeertay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa sheegay in tani ay tahay markii u horaysay ee ay dhacdo in dhoofka xoolaha Soomaaliyeed hal shaqsi loo xiro “Hab-dhaqankan iyo maamul xumadaan aan laga firsan ee sida joogtada ah loogu xad gudbayo xaquuqaadka shucuubta Soomaaliyeed, wuxuu cunaqabataynayaa xaqa ganacsiga xorta ah ee muwaadinka, wuxuuna dhabar jab ku noqonayaa kobcinta dhaqaalaha wadanka,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada. Sidoo kale waxay sheegeen in tani ay abuurayso in dad tiro badan oo ku tiirsanaa Xoolaha nool ay waayeen nolol maalmeedkoodi, iyagoo sheegay wadanka ay u horseedayso dhaqaale burbur baahsan oo ka daran kan maanta Soomaalidu wajahayso. “Go’aankaas qaldani wuxuu saaxada ka saarayaa ganacsato Soomaaliyeed oo tiro badan, ganacsi xor ah, sinnaan iyo tartan cadaalad ah. Wuxuu horseedayaa musuqmaasuq, burbur dhaqaale iyo shacab Soomaaliyeed oo ku shaqo waaya,” ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada. Sidoo kale waxay sheegeen in go’aankan dowladnimada uusan meelna ka soo gelin, marnaba ma nogon karo mid la aqbali karo. Waxana la wadaagaynaa oo ku boorrinaynaa goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed, wax-garadka, ganacsatada, culimada, bulsho weynta Soomaaliyeed iyo ururrada rayidka ah, inay si adag uga gutaan waajibka ka saaran wadanka, oo ay si degdega uga hor yimaadaan cunaqabataynta iyo xad gudubkaa dhaqaale ee lagu hayo ummaddaa Soomaaliyeed, si loo badbaadiyo xoolaheena, hab nolo-leedka bulshada iyo dhaqaalaha waddanka. Xildhibaanada ayaa sheegay inay caddeynayaan in qalinka iyo shaqada qaran loo isticmaalo “dano gurracan waa dambi Qaran”’sidaas daraadeedna ay dalbanayaan in loo wada istaago bad-baadinta dhaqaalaha dalka. Luska Soo Saaray War-Saxaafadeedkan: Xil. Ahmed Abdi Koshin Xil. Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan 3.Xil. Faadumo Ismaacil Xil. Ifraax Cawed (Nooleeye) Sen. Axmed Ibrahim Maxamed (Abwaan Qorane) Xil. Caydaruus Yusuf Saalax Xil. Abdullahi Hussein Ali (Abdalla Qaanuuni) Xil. Mohamed Barre Cumar ( Fiyoore) Sen. Prof. Abdi Ismail Samatar Xil. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid Xil. Ali Sheikh Mohamed Xil. Dahir Amin Jesow Xil. Mukhtar Ahmed Hassan Saajid Xil. Abdisamad Moalim Mohamuud Xil. Dr. Ali Saed Faqi Xil. Farah Abdi Diini Xil. Hersi Adan Roble Xil. Abdirazak Abdullahi Moalim Eid Xil. Fa’isa Mohamed Jeyte Xil. Ismail Abdirahman Sh Bashir
-
Doolow (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa diyaariyey ciidan xoog leh oo isaga ka amar qaata, kuwaas oo gaaraya 400 illaa 500 oo askari. Ciidankaan oo ka kala yimid qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo iyo dhanka deegaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa loo diyaarinayaa in Jubbaland ay iska difaacdo is balaarinta ay gobolkaas ka wado Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidamada waxaa Jubbaland u Qalabeyneysa dowladda Itoobiya, sida ay ogaatay Caasimada Online, Itoobiya iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa heshiiska lagu dhisayo ciidankaas ku soo kala saxiixday magaalada Addis Ababa. Telefishinka Jubbaland ayaa baahiyey in Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamud Sayid Aadan uu maanta kulan la qatay Guddiga abaabulka iyo isku dubarida qeybaha kala duwan ee ciidanka Jubaland ee ku sugan Gobalka Gedo, balse Caasimada Online waxay ogaatay in ciidankaas diyaarintooda lasoo dhameystiray. “Kulanka oo ay ka qeybgalen Wasiirka amniga, , Xildhibaano, Maamulka Gobolka, iyo taliyasha ciidmada ayaa Gudiga looga dhageysatay warbixinta waxaa u qabsomay iyo diiwaangelinta ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee Gobalka Gedo,” ayaa lagu yiri warkaan. Kulankaan iyo qoraalka ay baahisay warbaahinta Jubbaland ayaa lagu qarinayaa qalabeynta ay ciidankaas ku sameysay Itoobiya, kadib markii ay maalmihii lasoo dhaafay diyaarintooda Doolow ka wadeen Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal. Inkastoo Itoobiya ay heshiis la gashay dowladda federaalka oo la sheegay in khilaafkii lasoo afjaray, hadana dowladda Itoobiya ayaa weli toos u taageereysa qorshaha ay isku difaaceyso Jubbaland, halka dowladda federaalka ay dooneyso in gobolka Gedo ay kala wareegto Jubbaland, sidoo kalena meesha ka saarto Axmed Madoobe. Magaalooyinka ugu muhiimsan gobolka Gedo ayaa gacanta u galay dowladda federaalka, sida xarunta gobolkaas ee Garbahaarey, Beledxaawo, Baardheere iyo Buurdhuubo, balse waxaa weli gacanta Axmed Madoobe ku jira Doolow, Luuq iyo deegaano kale oo muhiim ah.
-
Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka ra’iisul wasaaraha iyo hoggaamiyaha xisbiga Liberal-ka kaddib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Ottawa. Trudeau ayaa sheegay inuu sii hayn doono xilka si ku-meelgaar ah illaa xisbiga Liberal ay doortaan hoggaamiye cusub oo beddela. Justin Trudeau, oo ah curadka ra’iisul wasaarihii hore ee Canada, Pierre Elliot Trudeau, ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangeliyay inuu raacay raadka aabbihii, kaasoo isna xilka ra’iisul wasaaraha iska casilay sannadkii 1984. Trudeau wuxuu galay siyaasadda sannadkii 2008-dii, markaasoo loo doortay xubin baarlamaanka ah. Sannadkii 2013-kii ayuu noqday hoggaamiyaha xisbiga Liberal-ka, wuxuuna 2015-kii ku guuleystay xilka ra’iisul wasaaraha kadib olole xooggan oo uu ku diidanaa siyaasadaha xisbiga Conservative-ka. Trudeau ayaa noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu da’da yar ee soo mara Canada, isagoo ku guuleystay doorashooyinka is xigay ee 2019 iyo 2021. Sababaha Is-Casilaadiisa ayaa lagu sheegay Fadeexad ku saabsan Cunsuriyadda, maareyntii Covid-19 iyo Khalalaase Siyaasadeed. Source: goobjoog.com
-
Cabdiqaadir Muumin ma wuxuu noqday amiirka guud ee Daacish?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Boosaaso (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda iyo amniga, hoggaamiyaha Soomaaliga ah ee kooxda Daacish Cabdiqaadir Muumin ayaa si aan rasmi ahayn u noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda, inkasta oo aanu wadanin magaca rasmiga ah ee jagadaas. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo uu mugdi badan ku jiro haybta “Khaliifka” ama Amiirka guud ee kooxda Daacish ee Abou Xafs al-Hashimi al-Qurashi, iyada oo uu muran ka taagan yahay jiritaanka qof magacaas leh. Khubarrada qaar ayaa tilmaamaya inay arrintaasi suurtagal ka dhigayso in Cabdiqaadir Muumin uu hadda madax u yahay xafiiska guud ee maamulka caalamiga ah ee Daacish isaga oo jooga Soomaaliya. Haddaba, maxaan ka naqaana Cabdiqaadir Muumin? Inta laga ogyahay Cabdiqaadir Muumin, wuxuu dhashay sanadihii kontomeeyadii, isagoo ku dhashay degmada Qandala ee gobolka bari ee Soomaaliya. Muumin ayaa dhammaadkii sagaashameeyadii galay Yurub, xilligii dagaalada culus ka socdeen Soomaaliya, isagoo ku horreeyey dalka Sweden oo uu daganaa in door ah, balse markii danbe wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska halkaas oo uu waayo kale ku qaatay. Waxaa uu kamid ahaa culimadii masaajidka Quba oo ku yaala magaalada Leicester iyo xarunta islaamiga ah ee Greenwich ee London. Muumin ayaa ku biiray maxkamadihii Islaamiga ahayd ee ka dhismay koonfurta Soomaaliya sanadkii 2006-dii. Waxaa la sheegas xilligii uu ka tirsanaa Maxaakiimta Islaamigaa uu tagay Muumin magalada Bosaaso ee gobolka Bari. Cabdiqaadir ayaa markii maxaakiimta iyo Al-Shabaab ay kala baxeen ku biiray kooxda Al-Shabaab, isaga oo joogi jiray xilligaas Xamar iyo Shabeellada Hoose. Basle wuxuu sanadkii 2007-dii markii kooxda Al-Shabaab xubnahadooda ka aas-aasmayeen Puntland uu yimid deegaanada maamulkaasi, isagoo dhuumaalaysan jiray, markii danbana wuxuu galay buuraha isagoo ka tirsan Al-Shabaab. Waxaa la aaminsan yahay Muumin, inuu ka soo baxsaday Ingiriiska kadb markii ay baaritaan ku samaysay haya’adda sirdoonka gudaha dalkaas ee MI5, ka dibna waxa uu ku biiray kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Markii kooxda uu ku biiray Cabdiqaadir Muumin ayaa meel fagaare ah ku gubay baasaboorka Ingriiska oo uu haystay. Dhammaadkii sanadkii 2015-kii ayaa la rumaysan yahay in Cabdiqaadir Muumin uu xiriir la sameeyey hogaamiyihii kooxda ISIS ee Ciraaq Abu Bakr al-Baghdadi, si uu abuuro wakiilada kooxda ee Soomaaliya. Muuqaal ay kooxdu soo bandhigeen iyagoo ku sugan buuraha Galgala ee Puntland ayuu kasoo muuqday Cabdiqaadir Muumin sanadkii 2019-kii. Si lamida sanadihii ka dambeeyey gaar ahaan 2022-kii ayay kooxdu sii dayeen tiro ka tirsan ciidamadooda oo tababar ku qaadanaya buuraha bari ee Puntland. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii khamiistii la soo dhaafay ay si rasmi ah Soomaaliya ugu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kana mid noqotay 15-ka xubnood ee Golahaasi ayaa dhawaan waxaa la qabtay shirkii koowaad ee golahaasi. Waxaa bilowday xubinnimadan cusub ee Soomaaliya, waxaana laga dhawaajiyay inay Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah. Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.” Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 54-sanno ka dib ka qeyb gashay shirka, iyadoo uu matalayay ergayga Soomaaliya ee UN-ka u fadhiya Danjire Abuukar Cusmaan Baalle, wuxuuna shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna Ergaygu shirka la tegay mowqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin iyo tacaddiga Israel u geysaneyso dadka Rayidka ah. Mudane. Abuukar Baalle ayaa Golaha ammaanka ka hor sheegay in Soomaaliya si dhow ula socoto xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan dhulka Falastiin ee Yuhuuddu ay heysato. ”Mudane Madaxweyne, Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda Xaaladda Qasa ee sii xumaaneysa iyo dhibaatada joogtada ah ee dadka Falastiin ku heyso colaadda daba dheeraatay ee ay wadaan Israel iyo xullafadeeda,waxaana ku boorineynaa Israel in ay madax u noqoto baaqa xooggan ee caalamka iyo in ay ogolaato gargaarka shacabka dhiban u socda,”. Danjire Abuukar Baalle oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Dadka Rayidka ah ee u badan Haween iyo Carruur waxay wajahaan arrimo caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin cunto yiri iyo nafaqo daro ba’an oo soo food saartay, xaaladdaasi in si deg deg ah looga feejignaado,”. Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Afyare oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaas. Waxa uu sheegay in tallaabada ugu horreyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya quseeyo. ”Waxaa looga baahan yahay nabadeynta inaan qeyb ka noqono, waxaa nalooga baahan yahay Geeska Afrika oo ku naalno nabadeyntiisa iyo xasilloonidiisa qeyb inaan ka noqono, tan kale oo nalooga baahan yahay waxay tahay waxa Soomaaliya quseeya gaar ahaan agendaha Soomaaliya quseeya inaan riixno oo aan bar dhamaadka (furintiga) geyno.” Sidoo kale, Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jibriil Afyare, ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada Beesha Caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaasi laga gudbo. ” Waxaa ka mid ah Argagixisada sida hadda Madaxweynahu sheegay, midda kale aan kuu sheegayo waxay tahay Soomaaliya waxay ku jjirtaa chapter 7, dadka badanaa waxaa dhici karta in aysan ku baraarugsaneyn, Chapter 7-kaas maxaa uga bixi karnaa?.” “Waxaa uga bixi karnaa inaan labadaasi sano aan ka shaqeyno sababihii kaga bixi lahayn chapter 7-kaas oo ah in xasilloonida, mideynta Ummadda Soomaaliya, wanaagga ka socda Soomaaliya iyo Wejiga Soomaaliya ay leedahay markaan gudaheenna iyo dhexdeenna ku jirno unbaa dibadda la tegi doonaa.” Ugu dambeyn, Agaasime Jabriil Afyare ayaa hoosta ka xariiqay in muddada labada ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sarreysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka-mid-noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeenna ugu dambeysay 54 sano ka hor ayaa ka hadlay guulaha ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuuna Madaxweynuhu ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah. Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay, kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo sidoo kale calaamad u aheyd bilowga shaqada Soomaaliya ee Golahaasi. Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay, iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto, wuxuuna sidoo kale uga mahadceliyay madaxda Qaranka ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan Diblomaasiyiinta iyo Howlwadeennada Wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah. Haddaba maxaa laga doonayaa inta ay ku fadhiso Soomaaliya Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay? Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta ay kursigani ku fadhiso waxaa laga doonayaa in ay xoogga saarto nabadeynta Geeska Afrika iyo guud ahaan Caalamka
-
Caabuqa sii kordhaya ee fayraska neefmareenka ee loo yaqaanno metanemovirus (HMPV) ee Shiinaha ayaa walaac ku abuuray dad badan iyo waddamo badan, taas oo ay ugu wacan tahay isku ekaanshaha calaamadaha caabuqa faafa iyo hargabka caadiga ah. Fayraskani waxa uu dadka soo xasuusiyay xanuunkii Corona ee mar saameeyay dunida oo dhan, kaas oo ka bilowday Shiinaha. Marka laga hadlayo soo ifbaxa cusub ee fayriska ee Shiinaha, tani waxay muujinaysaa kor u kaca la socodka kiisaska, sida uu sheegay Dr. Dirar Al-Balaawi, oo ah bare sare iyo lataliyaha daaweynta cudurrada faafa. Al-Balaawi oo u warramayay BBC-da laanteeda Carabiga ayaa sheegay in feyraskaan markii ugu horreysay laga helay dalka Holland sannadkii 2001-dii, balse waxa ay dadku aaminsan yihiin in uu muddo dheer ka hor jiray, inkasta oo uu cusub yahay daahfurkiisa. Waxa uu intaa ku daray in fayraska loo tixgeliyo sababta labaad ee ugu badan ee cudurrada ku dhaca neefmareenka kuwaas oo si daran dadka u saameeya, cuduradaan ayaa aad u waxyeeleeyay carruurta da’doodu ay ka yar tahay shanta sano ee ku jira rugaha bukaan socodka ee Maraykanka, ka dib fayraskii syncytial breath (RSV), kaas oo ka tirsan isla qoyska. Cilmibaarisyo la sameeyey ayaa tilmaamaya in caabuqa uu fido xilliyada gu’ga iyo jiilaalka, sida uu sheegay Dr. Al-Balaawi. Dadaka aadka ugu nugul caabuqa Dr. Al-Balaawi waxa uu ku macneeyay in fayrasku uu ku dhaco da’ kasta, balse uu khatar weyn ku hayo carruurta yaryar, dadka da’da ah, dadka difaaca jirkoodu daciifka yahay iyo dadka qaba xanuunnada neefmareenka sida neefta, sida uu sheegay. Waxa uu sheegay in qofka uu ku dhaco caabuqaan lagu arkayo calaamado fudud oo la mid ah hargabka, sida diif, qufac, cune xanuun iyo qandho, isaga oo intaa ku daray in mararka qaar uu cuduro halis ah ku keeno neefmareenka, sida oof-wareenka iyo burukiitada, oo u baahan kara, isbitaal, gaar ahaan kuwa ugu nugul. Qaababka gudbinta iyo xawaaraha faafinta Human metanemovirus (HMPV) waxaa lagu kala qaadaa, sida uu qabo Al-Balawi, iyada oo la soo marsiiyo dhibcaha neefsiga ee ka dhasha qufaca ama hindhisada, ama taabashada tooska ah ee meelaha fayraska wasakhaysan. Waxa uu tilmaamay in xawaaraha faafitaanka fayraska aan si sax ah loo ogeyn, maadaama hadda la sameynayo daraasado si wanaagsan loogu fahmayo nooca gudbintiisa. Siyaabaha looga hortagi karo Waxa uu sheegay in fayrasku uusan hadda u muuqan mid leh khatar wayn oo caalami ah, balse ka warqabka astaamihiisa iyo siyaabaha looga hortagi karo ay muhiim u tahay in la xaddido fiditaankiisa iyo ilaalinta kooxaha halista ugu jira. Waxa uu xusay in hababka looga hortagayo fayraska ay la mid yihiin kuwa loo isticmaalo ka hortagga caabuqyada iyo hargabka, oo ay kami yihiin kuwaan. Gacmaha si fiican ugu dhaq saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi Ka fogow inaad ku taabato indhaha, sanka, iyo afka gacmo aan la dhaqin Dabool afka iyo sanka adiga oo isticmaalaya maro ama shay nadiif ah marka aad qufacayso ama hindhisayso, ka dibna isla markiiba iska tuur Nadiifi oo jeermiska ka qaad sheeyaasha inta badan la taabto Guriga joog markaad jirran tahay si aad uga fogaato inaad dadka kale qaadsiiso. Sida uu khatar u yahay iyo sida loo daweeyo Mar la weydiiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la qaado tillaabooyin looga hortagayo faafitaankiisa, si la mid ah tillaabooyinka Corona, Al-Balaawi waxa uu sheegay in xilligan la joogo, aysan jirin cadeymo dhammaystiran oo muujinaya in ay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabooyin adag, heerka socdaalka caalamiga ah. Al-Balaawi waxa uu sheegay in aanay jirin dawo gaar ah oo lagu daweyn karo Metanemovirus-ka bini’aadamka, balse daawayntaasi ay inta badan ku xiran tahay in la yareeyo calaamadaha. Dhakhtarku waxa uu ku taliyay in la nasto oo la cabo dareere badan, waxaa dheer in la isticmaalo dawooyinka aan farmashiyaha laga qorin si loo yareeyo xumadda iyo xanuunka. Xaaladaha infekshanka daran, wuxuu aaminsan yahay in isbitaal dhigista laga yaabo inay lagama maarmaan noqoto, halkaas oo laga helayo daryeel, sida ogsijiinta. Guud ahaan, khubaradu waxay carrabka ku adkeeyaan muhiimadda ay leedahay la socodka xaaladda iyo in si joogto ah loo cusboonaysiiyo macluumaadka iyada oo la samaynayo cilmibaaris ku saabsan horumarka metanemovirus (HMPV) ee aadanaha, sida uu qabo Al-Balawi. Xigashada Sawirka,fmprc.gov.cn Qoraalka sawirka,Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mao Ning Shiinuhu muxuu leeyahay? Shir jaraa’id oo ay qabatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Mao Ning ayaa wax looga waydiiyay su’aalo ku saabsan mowduucan. Waxa ay sheegtay in kiisas badan oo caabuqyada neefmareenka ah laga soo sheegay qaybta waqooyi inta lagu jiro jiilaalka. Waxay xustay in “Xarumaha Qaranka ee Xakamaynta Cudurrada Shiinaha ay dhawaan qabteen shir jaraa’id si ay ugu dhawaaqaan tallaabooyin lagu xakameynayo cudurrada neefmareenka ee Shiinaha inta lagu jiro xilliga qaboobaha.” Waxay intaas ku dartay, “Marka la barbardhigo sannadkii hore, cudurradani waxay noqdeen kuwo khatar yar oo aan fidin sannadkan, waxaan rabaa inaan kuu xaqiijiyo inay ammaan tahay inaad u safarto Shiinaha.” Walaaca dalalka dariska la ah Shiinaha Waddamada deriska la ah Shiinaha ayaa si walaac leh ula socda xaaladda, iyadoo wasaaradda caafimaadka Indonesia ay maalmo ka hor soo saartay bayaan, iyadoo sheegtay in Indonesia ay “la soconayso gudbinta HMPV ee Shiinaha, iyo meelaha laga soo galo waddanka, waxaana ka mid ah tallaabooyinka sida karantiilinta rakaabka ka imanaya dibadda ee ay ka muuqdaan calaamadaha hargabka oo kale. Wakaaladda wararka ee Indonesia ee Antara ayaa sheegtay in afhayeenka wasaaradda caafimaadka Vidya Vathi ay ku amartay dadka deegaanka in ay ka taxadaraan isticmaalka wajixirka iyo in gacmaha lagu dhaqo saabuun. Si ka duwan Indonesia, Dr. Atul Goyal, oo ah agaasimaha guud ee Adeegyada Caafimaadka Hindiya, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in laga walwalo. Bayaan uu soo saaray Jimcihii, Goyal wuxuu ku sheegay inaysan jirin kiisas badan oo fayraska gudaha Hindiya. Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan si joogto ah ula soconaa xaaladda, sannadkii hore, ma jirin koror tirada cudurrada bishii December.” Xarunta Shiinaha ee Xakamaynta iyo Kahortagga cudurrada ayaa daabacday xog muujinaysa koror muuqda oo caabuqyada neefmareenka intii lagu jiray Disembar gaar ahaan taariikhdu marka ay ahayd 16 ilaa 22, sanadkii hore ee 2024. Bbcsomali Qaran News