-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Askartii ka tirsanayd ciidanka xoogga dalka ee dhowaan si arxan-darrada ah loogu laayay deegaanka Ceelbaraf ayaa aas qaran oo aad u ballaaran loogu sameeyay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo waxgarad kala duwan. Taliyaasha Nabad Sugida iyo xoogga dalka ayaa kamid ahaa madaxdii aaska askarta ka qeyb-gashay, ayagoo dareenka murugada leh la wadaagay qoysaskii askarta la laayay iyo dadweynihii kale ee goobta ku sugnaa. Dhacdadii Ceelbaraf ayaa dhalisay caro bulsho oo baaxad leh iyo gadood ciidan, balse dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah galisay sidii saamaynta falkaas loo yarayn lahaa intaan dhinacyo kala ka faa’iidaysan. magaalada Baladweyne uga qeyb-galay Aaska askartii dhawaan lagu dilay Ceelbaraf. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dalka Turkuga ayaa lagu wadaa inay dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqyo ku aadan sii xoojinta xiriirka labada dowladood. Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigan oo ah mid sare ayaa hordhac u ah safar la filayo in Muqdisho uu ku yimaado madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo isku mari doono Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhowaan ku guuleystay inuu heshiis dhex dhigo labada dal. Wafdiga ka imaanaya Turkiga ayaa ka shaqeyn doono qaban-qaabada safarka madaxweynahooda oo dhowaan shaaciyay in uu horraanta bishaan ku imaanayo Soomaaliya, sida ay horay u shaacisay dowladda Turkiga. Sidoo kale wafdiga Turkiga ayaa kulamo hordhac ah a qaadan doono madaxda sare ee dowladda federaalka iyo howlwadeennada ku sugan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya. Waxaa kale oo mas’uuliyiinta Turkiga uu soo dirayo ay isla shaqey doonaan guddiga ka imaanaya dowladda federaalka ee soo dhaweynta Erdogan u xilsaaran, waxayna isla dejin doonaan hab maamuuska loo diyaarinayo madaxweynaha. Dhanka kale, Recep Tayyip Erdogan ayaa marka uu safar ku yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho sidoo kale sii mari doonna magaalada Addis Ababa ee Itoobiya sida uu ku sheegay qoraal uu kol hore soo geliyay Bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo saaxibtinimo, iyada oo haatan Ankara ay Muqdisho ka taageerto dhinacyo muhiim ah, sida bani’aadanimada iyo milatariga, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka iyo qalabeyntooda,. Si kastaba, Erdogan ayaa safarkiisii ugu horreeyay Soomaaliya ku yimid bishii August ee sanadkii 2011-kii isaga oo ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, xiligaas oo xaalad adag oo dhanka abaaraha ah ay ka jirtay dalka, Muqdishana ay ku sugaayeen baracakayaal badan.
-
New York (Caasimada Online) – Soomaaliya oo dhowaan xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka QM, ayaa fadhiggii ugu horreeyey ee ay ka qeyb-gasho ugu baaqday Israa’iil inay joojiso dagaalka Gaza, ayna ixtiraamto shuruucda bani’aadannimada iyadoo u oggolaanaysa in gargaarka la gaarsiiyo malaayiin rayid ah oo dhibaataysan ka hor cimilada qabowga. Baaqan ayaa waxaa jeediyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan “Baali”, isagoo warbixintii ugu horeysay siiyay Golaha Ammaanka. Abuukar ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Golaha Ammaanka yeeshay oo looga hadlayay Gaza iyo Bariga Dhexe, iyadoo xubnaha Goluhu ay warbixin ku saabsan xaaladda dagaalka Gaza ka heleen Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM, Volker Türk. Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu uu ka walaacsan yahay xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, oo ay dhibaato ka soo gaartay dagaallada iyo macluusha ay Israa’iil ku hayso. Waxa uu ku booriyay maamulka Israel in ay joojiyaan weerarada ay ku hayaan isbitaallada ayna sameeyaan dadaal dheeri ah si loo xaqiijiyo in gargaarka nafta lagu badbaadiyo uu gaaro dadka rayidka ah ee gaajaysan ee ku nool dhulka la haysto ee Falastiin. “Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaanaysa ee Gaza iyo dhibaatada sii socota ee dadka reer Falastiin, taas oo ay ugu wacan tahay colaadda daba dheeraatay ee hadda socota in ka badan 14 bilood,” ayuu Abuukar Baalle ku yiri warbixintiisa. Soomaaliya ayaa sheegtay in tirakoobkii ugu dambeeyay ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee Falastiin uu ahaa mid naxdin leh oo 94 boqolkiiba xarumaha caafimaadka ee Gaza ay waxyeello u geysatay ama burburisay Israa’iil, kaliya 17 isbitaal ayaa ka soo haray 36 isbitaal oo shaqeynaya. Soomaaliya ayaa sheegtay in Falastiiniyiinta aysan haysan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha sida cunno, biyo, hoy iyo dawo, taasi oo ay sabab u tahay go’doominta gargaarka ee Israel ay ku hayso Gaza. Waxay sheegtay in mid ka mid ah isbitaallada ugu cusub uguna weyn ee la beegsaday uu yahay Kamal Atwan Hospital, oo agaasimihiisa, Dr. Hossam Abu Safiya, ay xireen ciidamada Difaaca Israel. Soomaaliya ayaa ka digtay in weerarrada joogtada ah ee isbitaallada lagu qaado ay ka dhigan yihiin isir sifeyn lagu sameeyo Falastiiniyiinta. “Weerarada si ula kac ah loo geystay Cisbitaalka Kamaal Atwan iyo xarumo kale oo caafimaad iyo shaqaale ayaa ah nooc ka mid ah isir sifeyn iyo ciqaab wadareed oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Gaza,” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoo sheegtay in dhibaatada Israel iyo Falastiin aan lagu xalin karin qaab ciidan oo kaliya, balse ay ku dhamaan karto oo kaliya in la helo dowlad Falastiiniyiin ah oo ay caasimad u tahay magaalada Qudus, sida ku cad go’aanadii hore ee Golaha Ammaanka.
-
President Sharif: “I warn businesses not to be deceived into buying government lands or accepting them as property given away by the incumbent government as a bribe. That will not constitute proper ownership of property.” Mogadishu (PP News Desk) — Former President of Somalia, Sharif Sheikh Ahmed, has urged businesses in Mogadishu not to purchase public lands currently being auctioned by the Federal Government of Somalia. “I warn businesses not to be deceived into buying government lands or accepting them as property given away by the incumbent government as a bribe. That will not constitute proper ownership of property,” Sharif Sheikh Ahmed tweeted. The Federal Government of Somalia’s police force is enforcing eviction orders throughout Mogadishu to facilitate the sale of land to businesses. The land formerly occupied by Taleh Hotel was settled by individuals but was never legally transferred as private property. It remains the property of the State. Somalia’s land laws prohibit the sale of government assets to private investors without thorough discussion and a transparent process. During the 2017 presidential election, Sharif Sheikh Ahmed pledged that his administration would invalidate all government assets sold to private companies without transparency. © Puntland Post, 2025 The post Former Somali President Warns Businesses Against Buying Public Lands appeared first on Puntland Post.
-
Dhulgariir cabbirkiisu gaarayo 5.8 ayaa ku dhuftay dalka Itoobiya sida ay sheegtay xarunta cilmi baarista ee Jarmalka. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhashay dhulgariirka, balse dildilaac ayaa ka muuqday waddooyinka. Hay’adda Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ilaa 80,000 oo qof ay ku nool yihiin meelaha ay dhibaatadu ka dhacday, waxaana dadka ugu nugul iyo kuwa danyarta ah loo rarayey guryo ku meel gaar ah. Guddiga Maareynta Khatarta iyo Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay in ay u daadgureeyeen in ka badan 20,000 oo qof degaannada nabdoon ee Canfarta iyo Oromiya, marka la isku geeyo in ka badan 51,000 oo qof ayaa weli “khatar ku jira”. Waxaa socda qorshayaal lagu rarayo in ka badan 8,000 oo qof oo ku nool Oromiya “maalmaha soo socda,” ayay hay’addu ku tiri hadal ay soo saartay. Dhulgariirku wuxuu waxyeeleeyay guryo khadiimi ahaa iyo buurta Dofan una dhaw Siginto ee waqooyi bari gobolka Canfarta. In kasta oo foolkaanadu ay joojisay qiiqii soo baxayay, haddana dadkii ka agdhawaa waxa ay ka tageen guryahoodii iyagoo argagaxsan. Jimcihii ayay warbaahinta Itoobiya sheegtay inay jiraan astaamo muujinaya inay foolkaanooyin ka qarxaan gobolka Canfarta, iyadoo muuqaal laga soo duubay uu muujinayay qiiq iyo boor kasoo baxayay godka buurta Doofan, kaasoo ku yaalla mid ka mid ah deegaannadii dhawaan uu saameeyay dhul-gariirkii dhacay ka dhacay Itoobiya. Muuqaal uu mac-hadka cilmiga dhulka ee Itoobiya (Ethiopian Geological Institute) soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa waxaa la arkayay qiiq aad u badan oo ka soo baxaya buurtaasi. Cabdu Cali oo ah madaxa maamulka Canfarta ayaa u sheegay shabakada wararka ee Itoobiya FBC in hawsha daadgureynta ay socoto si looga hortago in dhibaato ay gaarto shacabka. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Shiferaw Teklemariam oo ka tirsan guddiga maaraynta khatarta masiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay in dhulgariirku uu noqday mid aad u sarreeya oo xoog badan, dadka deegaanka ayaa sidoo kale gariir ka dareemay magaalada Addis Ababa. Teklemariam waxa uu intaasi ku daray inay goor hore tahay in hawshan loo kala saaro mid foolkaano ah, balse ay maamulku qaadayaan taxadarka lagama maarmaanka ah. Dalka Itoobiya ayaa 24-saac gudahood waxaa ku dhuftey 10 dhul-gariir, taasoo sare u qaadeysa cabsida laga qabo in dhulgariir soo noqnoqda Sida laga soo xigtay Sahanka Juquraafi ee Maraykanka, dhulgariir xooggan oo u dhexeeya 4.3 ilaa 5.1 cabirka Richter scale ayaa ka dhacay agagaarka Volcano Fentali ee gobolka Awash ee Rift Valley. Aadam Bahi oo ah maamulaha degmada Awash Fintaale oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dhulgariirku uu ku qasbay kumanaan qof in ay ka barakacaan guryahoodii, iyadoo qoysasku ay hadda u baahan yihiin hoy, cunto iyo agabyo kale oo aas aasi ah. Khubaradu waxa ay u sababeeyeen gariirada iyo foolkaanada in ay sabab u tahay balaarinta taarikada tectonic ee hoos timaada wabiga weyn ee Rift Valley ee bariga Afrika, oo ah aag caan ku ah degenaansho la’aanta juqraafiyeed. Waa maxay Great Rift Valley? The Great Rift Valley, Great African Rift Valley, ama African Rift, dhamaantood waa magacyo loo bixiyay cilad weyn oo juquraafi ah oo kajirta galbeedka Aasiya iyo bariga Afrika, kana soo jeeda koonfurta Turkiga ee waqooyiga, sii mara Levant, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ilaa Kenya oo dhan koonfurta. Dalka Kenya, khilaafku wuxuu ka kooban yahay laba qaybood oo gaadhay dalka Zimbabwe ee koonfurta Afrika. Ciladda ayaa dhererkeedu ka badan yahay lix kun oo kilomitir, ballaciisuna wuxuu u dhexeeyaa toddobo ilaa labaatan kiilomitir. Rift Afrika waa mid ka mid ah dhacdooyinka dabiiciga ah ee ugu caansan, maadaama ay tahay sababta juquraafi ee samaynta calaamado dabiici ah oo caan ah, oo ay ku jiraan dooxada Bekaa ee Lubnaan. Xigasho bbcsomali Qaran News
-
Ganacsatada gaadiidka booyadaha shidaalka rara ee isaga kala goosha gobollada Puntland iyo deegaannada kale ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay cabasho ay ka qabaan canshuur kordhin uu ku soo rogay maamulka Puntland. Ganacsatada ayaa ku andacoonaya in canshuurta cusub ay culays weyn ku keenayso ganacsigooda, taasoo sababtay in qaar badan oo ka mid ah gaadiidka qaadda shidaalka ay shaqadooda hakad geliyaan. Maxamuud Siciid Cismaan, oo ka mid ah ganacsatada shidaalka, ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday Puntland ay tahay mid aan sharci ahayn isla markaana aysan marnaba aqbali doonin. Wuxuu ku baaqay in maamulka Puntland uu dib uga fiirsado go’aankan si looga fogaado khilaaf iyo carqalad ku timaadda ganacsiga shidaalka ee gobollada. Ganacsatada ayaa sidoo kale ka digay saameynta dhaqaale iyo bulsho ee ka dhalan karta hakadka shaqada, iyagoo xusay in gaadiidka booyadaha uu yahay laf-dhabarta gaarsiinta shidaalka ee gobollada Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale. Waxay dalbadeen in wada-hadal rasmi ah lagu xalliyo arrintan si loo ilaaliyo danaha dhammaan dhinacyada ku lug leh. Maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin cabashada ganacsatada, inkastoo tallaabadan ay keentay in si weyn loo hadal hayo. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa digniin u jeediyay ganacsatada laga iibiyay dhulkii danta guud ee Muqdisho ama la siiyay. Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayay uga digeen ganacsatada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda. “Waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan in waxa ay haysataan ay yihiin booli qaran” ayay ku sheegeen bayaankooda, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxay sidoo kale ka digeen in qof walba oo ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada, iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu danbiile yahay, lalana xisaabtami doono iyadoo la marayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah intaba. Halkaan ka akhriso Bayaankooda PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo digniin u jeediyay ganacsatadii laga iibiyay dhulkii danta guud ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee la magac baxay AUSSOM ayaa Arbacadii si rasmi ah u howlgalay, waana kan la wareegay hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, inkastoo aan la hubin liiska ugu dambeeya ee dalalka ay ciidamada ka joogayaan Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo BBC-da la hadlay ayaa ka fallooday waxa howlgalkan AUSSOM uu kaga duwanaan karo kuwii hore iyo waxqabadkoodii. “Wax badan oo farqi ah uma dhexeeyaan is beddelka, balse anigu waxa aan qabaa in wax badan ay na tareen ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalka marka ay noqoto dagaalka lagula jiro al-Shabaab ilaa wagii ay yimaadeen, muddada dheer ee ay joogeen mas’uuliyaddeeda waxaa iska leh gaabiska dowlad-dhiska Soomaaliya balse iyagu howlihii loo diray wey qabteen,” ayuu yiri Cawad. Dhinaca kale Cabdiweli Gurey oo isna ah siyaasi ka fallooda arrimaha Soomaaliya horayna ugusoo tartamay hoggaanka Puntland ayaa isagu qaba aragti taasi ka duwan waxaana uu ka hadlay wixii laga filayay taxanihii hore ee ciidamada nabad ilaalinta. “Waxa aad mooddaa arrintan taxanaha ah oo soo bilaabatay 2007-dii, in dareenkii dadku rabay ay ka arkaan ama dowladnimada Soomaaliya lasoo celsho, waxa aad mooddaa in arrkinkaas lagu fashilmay oo aysan suura gelin,” ayuu yiri Cabdiweli. “Waddamada ka qayb galayay nabad ilaalinta waxa aad mooddaa in ay lahaayeen danahooda gaarka ah, waxyaabihii lalahaa ha qabteen waxa aad mooddaa in aysan wax badan ka qaban sida in la isku dayo in Soomaaliya ay yeelato ciidan isku filan, kuwa hadda cusubna waa la arki doonaa waxa ay falaan,” ayuu sii raaciyay siyaasi Cabdiweli Gurey. Cawad oo mar kale arrintaasi ka hadlay ayaa yiri, “Ma aha in la isku khaldo mas’uuliyaadka Soomaalida iyo tan caalamiga ah, dabcan dal waliba ciidankiisa isaga ayaa dhista, amni xumaduna waxa ay ka mid tahay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ina haysta.” Howlgalka ciidamada nabad-ilaalinta ayaa ah mid aan gaarsiineyn guud ahaan dalka, waxaa sidoo kale is weydiin mudan sababta adduunku uusan ugu firfircooneyn maal-gelinta ciidamo Soomaaliyeed.
-
Qaar kamid ah oo culamada Soomaaliyeed ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaal beeleedyada meelo dalka kamid ah ka jira, ayagoo sheegay in cuquubooyin iyo cirib-xumo laga dhaxlo daadinta dhiigga dadka muslimka ah. Culumada ayaa farriin adag u diray dad la sheegay inay colaadaha maal-gelinayaan oo ay dhaqaalo iyo hub ku bixinayaan, si ay ugu gaaraan ujeedooyin ayaga u gaar ah oo ay hiigsanayaan. Shiikh Abuukar Xasan Maalin oo kamid ah culamada ugu caansan geyiga Soomaaliya ayaa sheegay in qof kasta oo dagaal beeleed ka qeyb-gala, islamarkaana wax dila ama la dilaahi uu cadaabta aakhiro gali doono, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo qabyaaladda laysku laynayo. Baaqan ayaa ku soo beegmaya xilli gobollada dalka qaarkood ay ka aloosanyihiin dagaal beeleedyo lagu hoobtay, oo dhex maraya dadka walaalaha ah ee halkaas ku nool, kuwaas oo aan la marmarsiyo loo hayn ujeedka ay isku laynayaan. Source: goobjoog.com
-
Donald Trump set to recognise Somaliland as official country, says Sir Gavin Williamson Donald Trump set to recognise Somaliland as official country, says Sir Gavin Williamson By: Ambassador Rhoda J Elmi In his recent article on Real Clear World, Mogadishu’s Ambassador to the U.S., Dahir Hassan Abdi, staunchly defends Somalia’s unity. However, his argument overlooks crucial realities about Somaliland’s unique history, governance, and its potential to bolster U.S. interests in the Horn of Africa. Recognizing Somaliland as an independent state is not only justified but also serves America’s strategic, security, and moral imperatives better than perpetuating the status quo. Somaliland’s Unique Historical and Legal Basis for Independence Somaliland’s quest for recognition is not a typical secessionist movement. In 1960, Somaliland voluntarily merged with Somalia to form a union, which failed disastrously due to systematic oppression, atrocities, and genocide under Somalia’s military regime. Following a lengthy war, Somaliland reclaimed its independence in 1991, citing Somalia’s collapse. Its claim to sovereignty is grounded in legal and historical legitimacy, with borders aligning with those of the former British Somaliland Protectorate—a recognized colonial entity that gained independence on June 26, 1960. Recognizing Somaliland would affirm its distinct historical trajectory rather than setting a precedent for other Somali regions. A Beacon of Stability in a Volatile Region For over three decades, Somaliland has maintained peace, stability, and democratic governance despite the absence of international recognition. It has held multiple free and fair elections, established functioning institutions, and provided security for its citizens—achievements that starkly contrast with Somalia’s struggles with instability, corruption, and extremism. Recognition would reward these democratic gains and provide a model for governance in the region, countering the narrative that African states are doomed to conflict. Counterterrorism and Security Collaboration Far from fostering instability, Somaliland’s recognition would enhance counterterrorism efforts in the Horn of Africa. Somaliland has consistently opposed extremist groups like Al-Shabaab and ISIS, which exploit Somalia’s weak governance. Its security forces, though limited by a lack of recognition, have successfully secured its borders and denied extremist groups a foothold. Partnering with a recognized Somaliland would provide the U.S. a stable ally with access to critical maritime routes and counterterrorism operations, complementing efforts in Somalia rather than undermining them. Preventing a Domino Effect of Fragmentation Dr. Abdi’s warning of a “domino effect” if Somaliland gains recognition misrepresents the situation. Somaliland’s independence bid is rooted in unique circumstances that are not replicable elsewhere in Somalia. Delaying recognition perpetuates grievances and could lead to renewed conflict. Conversely, a recognized Somaliland could stabilize the region, demonstrating how negotiated outcomes and governance reforms can address aspirations for self-determination. Lessons from Sudan and Other Cases Citing South Sudan as a cautionary tale is a false equivalency. Unlike South Sudan, Somaliland has a proven track record of governance and conflict prevention. South Sudan’s challenges stemmed largely from its lack of institutional readiness—a problem Somaliland does not share. Recognizing Somaliland would highlight the importance of governance and capacity-building in statehood, distinguishing it from less-prepared nations. Advancing U.S. Strategic Interests Recognition of Somaliland would secure America’s foothold in a geostrategically vital region. Somaliland’s location on the Gulf of Aden provides unparalleled access to one of the world’s busiest maritime routes. A formal partnership would allow the U.S. to establish a reliable ally for monitoring regional threats, countering Chinese influence, and securing energy and trade routes. Unlike Somalia, which remains heavily reliant on external aid, Somaliland offers a partner ready to contribute to shared objectives. Moral Responsibility and Regional Development Ambassador Abdi’s argument that fragmentation worsens humanitarian crises overlooks how denying recognition to Somaliland undermines its ability to attract investment and development aid. Recognition would empower Somaliland to address poverty, climate challenges, and governance reforms effectively. A strong, independent Somaliland would also pressure Somalia to prioritize national reconciliation and institutional reforms, fostering long-term stability. Conclusion: A Strategic and Moral Imperative Recognizing Somaliland is not about abandoning Somalia but recalibrating U.S. policy to reflect on-the-ground realities. Somaliland’s proven track record of stability, its distinct historical claims, and its strategic importance make it a reliable partner in advancing U.S. interests. Far from weakening the region, recognition would create a robust ally in the Horn of Africa and incentivize Somalia to address its internal challenges more effectively. By recognizing Somaliland, the U.S. can foster a stable, secure, and more prosperous future for the region, while failing to do so risks endorsing stagnation and rewarding failure over progress. About the Author Ambassador Rhoda J Elmi, Former Deputy Minister of Foreign Affairs & Former Deputy Minister of Finance Republic of Somaliland Horn diplomat Qaran News
-
Dhakhtarka ugu sarreeya ee Mareykanka ayaa ku baaqay in la sameeyo digniino muujinaya halista ku saabsan cabitaanka khamriga, sida calaamadaha ku yaalla sigaarka oo kale, kaddib cilmi-baaris cusub oo xiriir la leh toddoba nooc oo kansar ah. Talo soo jeedinta ka timid Dhakhtarka Qalliinka guud Vivek Murthy waxay tilmaamaysaa in “dadka badankoodu aysan ka warqabin halistan” oo sababta ku dhawaad 100,000 kiis oo kansar ah iyo 20,000 dhimasho, taas oo gaadhsiisan heer lagaga sannadkii looga diwaangeliyo Mareykanka. Wax ka beddelka calaamadaha digniinta ee hadda jira, oo aan la cusboonaysiin tan iyo 1988, waxay u baahan tahay tallaabo ka timaadda Congress-ka. Mr. Murthy wuxuu sidoo kale ku baaqay in dib loo qiimeeyo xaddiyada lagu taliyay ee cabitaanka khamriga iyo in la xoojiyo dadaallada waxbarashada ee ku saabsan cabitaanada khamriga iyo kansarka. Murthy wuxuu sheegay in khamrigu yahay sababta saddexaad ee ugu badan ee laga hortagi karo ee kansarka, ka dib sigaarka iyo buurnida. “Xidhiidhka tooska ah ee u dhexeeya cabitaanka khamriga iyo halista kansarka waa mid si fiican loo caddeeyey ugu yaraan toddoba nooc oo kansar ah … iyadoon loo eegin nooca khamriga (tusaale ahaan, biirka, khamriga, iyo kuwo la mid ka ah) ee la cabbo,” ayuu ku sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay. Xaaladdan waxaa ka mid ah halista soo kordhay ee kansarka naasaha (dumarka), hunguriga, beerka, hunguriga hoose, afka, cunaha, iyo mindhicirka. Warbixinta cusub waxay ku talineysaa in bixiyeyaasha daryeelka caafimaad ay dhiirrigeliyaan baaritaanka khamriga iyo gudbinta daawaynta haddii loo baahdo, iyo in la kordhiyo wacyigelinta guud. Calaamadaha digniinta ee hadda jira waxay ku waajibinayaan in la sheego in haweenka uurka leh aysan cabbin khamri sababo la xiriira halista ciladaha dhalashada, iyo sidoo kale in la cadeeyo in cabitaanka khamrigu uu saameyn ku yeelan karo awoodda wadista baabuurka ama shaqada mashiinnada. Sannadihii ugu dambeeyay, dalal badan ayaa hirgeliyay calaamado digniin ah si ay uga digaan halista caafimaad ee khamriga. Sida ku xusan Warbixinta Xaaladda Caalamiga ah ee Khamriga iyo Caafimaadka ee WHO ee 2018, 47 dal ayaa ku waajibiyay digniinaha caafimaadka iyo badbaadada in lagu kor kor qoro dhalooyinka iyo daasadaha khamriga, taas oo korodh ku yimid 31 dal sannadkii 2014. Ireland waa waddankii ugu horreeyay ee dunida ah ee ku waajibiyay digniin xiriirisa heer kasta oo khamri ah kansar. Laga bilaabo 2026, waxay noqon doontaa waajib sharci ah in dhammaan dhalooyinka khamriga ee Jamhuuriyadda Ireland ay yeeshaan calaamad noocaas ah. Murthy wuxuu sheegay in khamrigu yahay sababta saddexaad ee ugu badan ee laga hortagi karo ee kansarka, ka dib sigaarka iyo buurnida. “Xidhiidhka tooska ah ee u dhexeeya cabitaanka khamriga iyo halista kansarka waa mid si fiican loo caddeeyey ugu yaraan toddoba nooc oo kansar ah … iyadoon loo eegin nooca khamriga (tusaale ahaan, biirka, khamriga, iyo kuwo la mid ka ah) ee la cabbo,” ayuu ku sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay. Xaaladdan waxaa ka mid ah halista soo kordhay ee kansarka naasaha (dumarka), hunguriga, beerka, hunguriga hoose, afka, cunaha, iyo mindhicirka. Warbixinta cusub waxay ku talineysaa in bixiyeyaasha daryeelka caafimaad ay dhiirrigeliyaan baaritaanka khamriga iyo gudbinta daawaynta haddii loo baahdo, iyo in la kordhiyo wacyigelinta guud. Calaamadaha digniinta ee hadda jira waxay ku waajibinayaan in la sheego in haweenka uurka leh aysan cabbin khamri sababo la xiriira halista ciladaha dhalashada, iyo sidoo kale in la cadeeyo in cabitaanka khamrigu uu saameyn ku yeelan karo awoodda wadista baabuurka ama shaqada mashiinnada. Sannadihii ugu dambeeyay, dalal badan ayaa hirgeliyay calaamado digniin ah si ay uga digaan halista caafimaad ee khamriga. Sida ku xusan Warbixinta Xaaladda Caalamiga ah ee Khamriga iyo Caafimaadka ee WHO ee 2018, 47 dal ayaa ku waajibiyay digniinaha caafimaadka iyo badbaadada in lagu kor kor qoro dhalooyinka iyo daasadaha khamriga, taas oo korodh ku yimid 31 dal sannadkii 2014. Ireland waa waddankii ugu horreeyay ee dunida ah ee ku waajibiyay digniin xidhiidhisa heer kasta oo khamri ah kansar. Laga bilaabo 2026, waxay noqon doontaa waajib sharci ah in dhammaan dhalooyinka khamriga ee Jamhuuriyadda Ireland ay yeeshaan calaamad noocaas ah. Bbcsomali Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykabka Antony Blinken ayaa maanta oo Axad ah ay u billaabmeysaa, booqashadi u danbeysay ee uu dal dibadda ah ku tago, ka hor inta uusan dhammaan muddo xileeda dowladda uu ka tirsanyahay 20-ka bishaan Jannaayo. Blinken ayaa tagi doona dalalka Kuuriyada Koofureed, Japan iyo France. War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arribadda uu madaxda dalalkaasi kula kulmi doono magaalooyinka Seoul, Tokyo iyo Paris laga billaabo maanta oo Axad ah. Kuuriyada Koofureed ayaa waxaa hadda ka jira qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay xal ka qaadisti madaxweynihi hore Yoon Suk Yeol. Halka Japan uu Bilinken safarkiisa diiradda ku saari doono sii xoojinta xiriirka Washington iyo Tokyo. Blinken ayaa socdaalkiisa ugu danbeeya ku soo xiri doona Paris, halkaas oo la filayo in uu madaxda Faransiiska kala hadlo horumarradi ugu danbeeyay ee xasaradaha Bariga Dhexe, iyo amniga Yurub gaar ahaan xaaladda Ukraine.
-
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykabka Antony Blinken ayaa maanta oo Axad ah ay u billaabmeysaa, booqashadi u danbeysay ee uu dal dibadda ah ku tago, ka hor inta uusan dhammaan mudda xileeda dowladda uu ka tirsanyahay 20-ka bishaan Jannaayo. Blinken ayaa tagi doona dalalka Kuuriyada Koofureed, Japan iyo France. War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arribadda uu madaxda dalalkaasi kula kulmi doono magaalooyinka Seoul, Tokyo iyo Paris laga billaabo maanta oo Axad ah. Kuuriyada Koofureed ayaa waxaa hadda ka jira qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay xal ka qaadisti madaxweynihi hore Yoon Suk Yeol. Halka Japan uu Bilinken safarkiisa diiradda ku saari doono sii xoojinta xiriirka Washington iyo Tokyo. Blinken ayaa socdaalkiisa ugu danbeeya ku soo xiri doona Paris, halkaas oo la filayo in uu madaxda Faransiiska kala hadlo horumarradi ugu danbeeyay ee xasaradaha Bariga Dhexe, iyo amniga Yurub gaar ahaan xaaladda Ukraine. PUNTLAND POST The post Antony Blinken oo booqashadii u danbaysay ku tegeya Yurub iyo Aasiya appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia has officially joined the United Nations Security Council as a non-permanent member for the 2025-2026 term, a move lauded as a step in elevating the country's global standing. At a flag-raising ceremony at the UN headquarters in New York, Somalia was celebrated alongside four other newly elected members: Denmark, Greece, Pakistan, and Panama. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — The Somali Ministry of Endowments and Islamic Affairs has announced the cost of the 2025 Hajj pilgrimage, setting the price at $4,604 per pilgrim. The price marks a modest increase from last year due to rising travel and accommodation costs in Saudi Arabia, sparking renewed concerns about affordability for many Somali pilgrims. Source: Hiiraan Online
-
Senior officials of the SSCK administration were present in Laascaanood to accept the aid from the People’s Republic of China for Somalia. Laascaanood (PP News Desk) — Sool, Sanaag, Cayn, and Khatumo interim administration today received aid sent by the Chinese government through the Puntland State port of Boosaaso. The Chinese Embassy in Mogadishu liaised with the Somali Disaster Management Agency (SODMA), which arranged for the aid to be shipped via Puntland State of Somalia. Senior officers of the SSCK administration were present in Laascaanood to receive the aid from the People’s Republic of China to Somalia. The SSCK administration expressed gratitude to the Chinese Embassy for the aid and to SODMA for coordinating with Puntland State to facilitate its delivery. In December 2024, Puntland State President Said Abdullahi Deni issued a directive reaffirming the commitment to granting the SSCK administration the authority to receive and distribute aid directly within its constituencies. © Puntland Post, 2025 The post Chinese Aid Arrives in Laascaanood via Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah hoggaamiyaasha ugu sareeya mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus loogu diray ganacstada “sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda,” sida loo dhigay qoraalkaan. Warkaan oo si wadajir ah ay u soo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ganacsatada uga digay wax ay ugu yeereen “booli qaran” oo hantida danta guud ah. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkaan oo dhameystiran: DIGNIIN KU SOCOTA GANACSATADA DHULKA DANTA GUUD LAGA IIBIYO: Waxaa xawli ku socda xaraashka dhulkii danta guud ee dowladda, waxaa joogto noqday barakicinta danyarta, ku dul habsiga xarumo waxbarasho iyo kuwo daryeel caafimaad, iyadoo dhulka badankiis si xaraash ah looga iibinayo ganacsato, halka qaar la siiyo qoysas gaar ah, qaar kalana lagu laaluusho siyaasiyiin. Waxaa si bareer ah loo jebiyey godobbo dastuuri ah iyo dhammaan sharciyada la xariiray bixinta, iibinta, bedelidda dabeecadda hantida danta guud, waxaana qodobbadaas ka mid ah; Qodobka 26aad iyo qodobka 43aad ee dastuurka oo qeexaya mabaadiida guud oo ay tahay in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo siyaadaha quseeya dhulka iyo hantida guud, farayana xukuumadda dejinta siyaasad qaran ee hantida guud. Qodobbada 50aad, 51-aad ee sharciga maareynta maaliyadda guud Sharci Lr. 17, December 2019 ee qeexaya hantida danta guud. Qodobbada 87aad, 681 (3)aad, 723 (l)aad, 730aad ee xeerka madaniga Soomaaliyeed Xeer Lr. 37, 1973 ee xeerinaya hantida guud iyo badelidda dabeecada hantida danta guud. Qodobka 6aad ee Xeer Ir 41 soo baxay 13 September 1973 (Urban Land Distribution) oo mamnuucaya iibinta iyo wareejinta hantida danta guud iyadoo xeer gaar ah uusan jirin. Waxaa kaloo si bareer ah loo hareer maray; • U sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa. Dammaanad-qaadista xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta. Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyada oo aan dhibaato loo geysan. Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida. Xadeynta dhulka qof ama shirkadi yeelan karaan. Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka-ganacsiga dhulka, si looga hortago ku-takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar. Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan; In milkiyadda hanti aan lagu heli karin qof saxiixiis ee dastuur iyo sharci lagu hantiyo. In sifo sharci ah oo keli ah lagu milki karo dhulka dowladda, diiwaanka danta guudna looga saari karo. In cid kasta oo hanti qaran sifo sharci darri ah looga iibiyey, hibeeyey, qaanbaxay, ama lagu laaluushay ogaato, waxay haysataa waa BOOLI QARAN. In qof waliba oo ku lug yeesha si sharci darri ah iibinta, wareejinta, gadashada, iyo bedelidda dabeecadda hantida guud uu danbiile yahay, lalana xisaabtami doono iyadoo la marayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah intaba. Shariif Sheekh Ahmed Xasan Cali Khayre Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dadka dib u xusuusiyey hadal cajiib ahaa oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Baarlamaanka ka hor sheegay, xilli uu codsanayey in laga qeyb qaato xalinta mushkiladaha gudaha dalka. Arrintaan ayuu Wasiir Maareeye la xiriiriyey kursiga ay sanadkaan Soomaaliya ku fariisatay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, wuxuuna ugu horeyn umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey guushaan taariikhiga ah. “Innagoo weli ka soo kabanayna burbur dawladnimo kii ugu xumaa, ka soo kabashadiisuna ugu dheerayd aduunka casriga ah soo mara xilliyadan dambe, waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha leeyahay Hambalyo guusha taariikhiga ah ee aad gaadhsiiseen Soomaaliya,” ayuu yiri Maareeye. Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in sanadkaan adduunku xiiseynayo qadiyahada Soomaaliya ay codkeeda ku biirin doonto, maadaama bilo ka hor la isweydii jiray waxa golaha ammaanka ay ka dhaheen arrimaha Soomaaliya. “Alxamdullilaah sanadkan bilowday cidna weydiin meyno oo dhihi mayno “muxuu ka yidhi Golaha ammaanku arimaha Soomaaliya” laakiin aduunka ayaa isweydiinaya maxay Soomaaliya ka tidhi arimaha caalamka, tusaale ahaan arimaha Suudaan ama Qassa oo kale,” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bulshada xusuusiyey oraahdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee aheyd “dibadda waa xali karnaaye gudaha nala xaliya.” “Horay ayuu Madaxweynuhu Golaha Barlamaanka uga yidhi wax-kasta oo Caalamka nooga xidhan waanu dhameyn karnaa, laakiin waxaan la dhameyn karin waxa Soomaali iskaga xidhan ee danta dalkooda iyo dadkooda ku jirto, Illaahay amuuraha noo sahlo oo umadda Soomaaliyeed fidmada qabiilka ha ka saaro, Aamiin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Oraahdii Madaxweynaha iyo dib u xusuusinta Wasiirka ayaa ku soo aadeysa iyadoo Soomaaliya ay dunida ka cayaareyso diblomaasiyad heer sare ah, laakiin gudaha dalka ay isku dilayaan qabaa’il aan la garaneyn wax weyn oo ay isku heystaan, ficillo argagixiso iyo khilaafaad maamul oo muujinaya dib u dhac aan xiligaan loo baahneyn ama laga maarmi karo.