-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay xaaska fanaanka caanka ah ee Dayax Dalnuurshe, sida ay xaqiijiyeen dad ku dhow fanaanka. Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Farxiya Cabdiraxiin Maxamed (The Boss Lady) ayaa la sheegay ay maalmahan ay xanuusaneyd, isla markaana ay ugu dambeyn saaka geeriyootay. Geerida kahor waxaa jiray qoraal kooban oo uu Dayax soo galiyay mid kamid ah barahiisa bulshada, isaga oo dadka Soomaaliyeed uga codsaday inay soo duceeyaan xaaskiisa oo xanuunsan, balse saaka ay ku geeriyootay mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Farxiyo ayaa ahayd gabar dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, isla markaana si weyn looga yaqaanay baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xariirto. AUN geerida kadiska ah ee ku timid marxuumadda ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana tacsideeda si weyn looga dareemay baraha bulshada ee Internetka. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay la aaso, isla markaana ehelladu ay ka warbixiyaan geerida ku timid marxuumadda oo dad badan ay ka naxeen.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in dhowaan uu booqasho ku tego magaalada Beledweyne oo maalmahan ay ka socdeen kulamo aan loo kala kicin oo xasaasi ah. Ilo wareedyo xilkas ayaa Caasimada Online, u sheegay in madaxweynaha uu Beledweyne u tegayo dhammeynta tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabelle, isaga oo sidoo kale ka qayb-geli doono gogol nabadeed oo la dhigay magaaladaasi. Mid kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Gurey, haddana ku sugan Beledweyne ayaa odayaasha la wadaagay farriin uu ka siday madaxweynaha, wuxuuna ka codsaday inay u diyaar garoobaan kulamada dhacayo. Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan uu amray in amniga magaalada lagu wareejiyo dowladda, kadibna laga wada-hadalo tabashada taagan, si meesha looga saaro khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya Hiiraan iyo HirShabelle. “Farriin aan Madaxweynaha kasoo qaadnay aaya ah in amniga dowladda lagu wareejiyo oo gogol la dhigo Beledweyne, wixii jira in laga hadlo oo lagu saxo, dowladda federaalka yaan gorgortan la gelin ee amniga halagu wareejiyo, labo jeer ayaan Madaxweynaha la fadhiisanay” ayuu yirio Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey. Safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale daba socda, kadib go’aankii shalay laga gaaray maamulkii la baxay ‘Hiiraan State’, kadib markii lasoo afjaray, sida uu shaaciyay taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). “Muddo ayuu wada-hadal noo soo socday oo aan isku ognahay wadadalkaas illaa madaxda ugu sarreysa dowladda waa ku faraxsanahay in odayaasho ay wadahadalkaas ajiibeen, Soomaali ayaa nahay walaalow iyo walaalow ayaa ina deeqda” ayuu yiri Sanbaloolshe. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabnaa in dib loo midoobo mad-madowga jiro meesha laga saaro, ammaankii gacanta lagu soo celiyo, wadajirkii iyo walaalnimadii dadka ka dhexeysay dib loo soo celiyo”. Beledweyne ayaa waxaa maalmahan ku sugnaa mas’uul kala duwan iyo odayaal magaaladaas u tegay xallinta xiisadda ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf oo ugu dambeyn lagu aasay magaaladaas oo ay deegaan ahaan kasoo jeedeen.
-
Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ka hadashay khilaafka ka taagan cidda maamulaysa mashruuca dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo-Xarfo ee gobolka Mudug. Mashruuca dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo-Xarfo ayaa waxa ku muransan dowladda Federaalka Soomaaliya oo doonaysa in ay si toos ah u maamusho iyo xukuumadda Puntland oo diiddan in mashruuca Xamar laga maamulo. Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland Faarax Cawad Jaamac oo ka hadlay khilaafka ka taagan arrintaasi ayaa sheegay in aysan mashruucaasi maamuli doonin cid aan Puntland ahayn taasi oo meesha ka saaraysa damaca Villa Somalia ka haya mashruucaasi. Wasiir Faarax Cawad ayaa sidoo kale sheegay in ay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii lagu hirgelin lahaa dhismaha jidkaasi laamiga ah islamarkaana wuxu muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Puntland. Dhismaha jidka laamiga ah ee Gaalkacyo iyo Xarfo ayaa in mudda ah u xayiran khilaaf u dhexeeya xukuumadda Puntland iyo Villa Somalia oo raadinaysa in ay mashruuca maamusho islamarkaana qandaraaska laga bixiyo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Villa Somalia oo ku muransan cidda maamulaysa mashruuca dhismaha jidka Gaalkacyo-Xarfo appeared first on Puntland Post.
-
Tobnaan kun oo qof ayaa laga saaray magaalooyinka ku hareereysan Los Angeles iyadoo dab keymaha ka soo kacay uu halkaasi kusii fidayo. Barasaabka California, Gavin Newsom, ayaa ka digay in laga yaabo in dabeylo xooggan ay dabkan ka kiciyaan qeybo kale oo dalkaasi ka mid ah. Kooxaha dabdamiska ayaa ku dadaalaya sidii ay u damin lahaayeen holac ka kacaya dhammaan guryihii dabku qabsaday.Ilaa 30,000 oo qof oo degganaa halkaa ayaa laga saaray, iyadoo kumanaan kun oo qofna aaney ilaa iyo hadda garanayn in guryahoodii ay badqabaan iyo in kale.Cabsida ugu weyn ee jirta ayaa ah in dabeylaha socda ay sabka sii huriyaan oo uu ku sii fido deegaanno kale. Bbcsomali Qaran News
-
Beledweyne (HOL) — A federal government delegation led by Army Chief General Odawaa Yusuf Raage and National Intelligence and Security Agency (NISA) Director Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe has reached an agreement with leaders of the Hawadle clan to transfer control of Beledweyne's security to federal forces. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga cabsi qabaa inuu awood ciidan u adeegsado qabsashada kanaalka Panama iyo jasiiradda Greenland ee hoostagga boqortooyada Denmark. Intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii ayaa Trump wuxuu diiday inuu meesha ka saaro adeegsiga awood millatari si uu dib ugula wareego kanaalka Panama ee ay maamusho dowladda Panama. Sidoo kale wiilkiisa ayaa dhowaan diyaarad gaar ah ku tagey jasiiradda Greenland, waxaana soo dhoweeyay dad ku labisnaa koofiyadii ololaha doorashada Donald Trump, taas oo muujisay in maamulka Trump uu doonayo inuu gacanta ku dhigo jasiiraddaas. Jasiiradda Greenland ayaa ah maamulka gooni u goosad oo hoostaga dalka Denmark, kanaalka Panama ayaa asna ah marin biyood ka tirsan dhulka dalka Panama, kaas Mareykanku maamulayay taniyo sanadkii 1903-dii, balse heshiis la gaaray sanadkii 1977-dii ayaa gacanta Panama dib loogu celiyay kanaalkaas. Source: goobjoog.com
-
Arsenal 0 Newcastle United 2 | Carabao Cup Highlights Source: Hiiraan Online
-
Palm Beach (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii diiday in uu meesha ka saaro adeegsiga awood militari ama dhaqaale siu u ula wareego Panama Canal iyo Greenland, taasi oo qeyb ka ah ajande is-ballaarin oo uu la soo baxay kadib markii uu ku guuleystay doorashadii November 5. Trump, oo xafiiska la wareegi doona 20-ka Janaayo, ayaa sidoo kale kor u qaaday fikradda ah in Canada laga dhigo gobol ka tirsan Mareykanka, wuxuuna sidoo kale ballan qaaday inuu u beddeli doono magaca Gacanka Mexico kuna magacaabi doono Gacanka America. Laba toddobaad kahor inta uusan xafiiska la wareegin, Trump wuxuu bilaabay inuu dejiyo siyaasad qallafsan oo dibadeed isaga oo aan tixgalin yar xitaa siin diblomaasiyadda ama welwelka xulafada Mareykanka. Mar wax laga weydiiyey in uusan u adeegsan doonin xoog ku muquunin militari ama dhaqaale isku dayga uu ku doonayo in uu ku maamulo Kanaalka Panama iyo Greenland, Trump waxa uu yiri: “Maya, midna kuuma xaqiijin karo. Laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa waxaan ugu baahanahay sababo amni dhaqaale.” Trump ayaa dhaleeceeyay qarashka Mareykanka uu ku iibsado badeecadaha Canada iyo taageerada milateri ee Canada, isagoo sheegay in Mareykanka uusan faa’iido ku qabin arrintaas, wuxuuna ku tilmaamay xadka labada dal mid si macmal ah loo sameeyay. Waxa uu tilmaamay inuu ku soo rogayo Danmark canshuur haddii ay ka hortimaado dalabkiisa ah inay iibsato Greenland, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay ammaanka qaranka Mareykanka. Wax yar ka hor hadalka Trump, wiilkiisa Don Jr. ayaa tegay Greenland. Danmark waxay sheegtay in Greenland, oo ah qayb ka mid ah boqortooyada, aanay iib ahayn. Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay goor dambe oo Talaadadii ah iyadoo ka jawaabeysa hadalka Trump: “Uma maleynayo inay wanaagsan tahay in aan isku dagaalno dhaqaale marka aan nahay xulafo dhow iyo saaxiibo.” “Hadalka madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa muujinaya faham la’aan buuxda oo ku saabsan waxa ka dhigay Canada mid xooggan, dhaqaalaheenu waa xoog badan yahay, dadkeenu waa xoog badan yihiin, marnaba iskuma dhiibin doonno hanjabaadaha,” Wasiirka arrimaha dibadda Canada Mélanie Jolie ayaa sidaas ku tiri X. Mas’uuliyiinta Mexico iyo Panama weli kama aysan hadlin hanjabaadda Trump. Madaxweynaha Panama Jose Raul Molino ayaa horey u diiday fikradda ah in Kanaalka lagu celiyo Mareykanka, kaasi oo maamuli jiray ka hor inta uusan maamulka Panama ku wareejin 1999-kii.
-
Masar ayaa wadahadallo la yeelan doonta Soomaaliya toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan ka qaybqaadashada ciidamada Masar ee ka mid noqonaya howlgalka AUSSOM. Wadahadalladan ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan magaalada Qaahira inta u dhaxaysa Janaayo 15-17, sida uu sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidamo keeni doono howlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika, kadib markii Soomaaliya ay codsatay arrintaas. Soomaaliya ayaa sidoo kale ka fiirsanaysa inay dib uga laabato go’aankii looga reebay ciidamada Itoobiya hawlgalka nabad ilaalinta. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqay mashruuc lagu hormarinayo hannaanka waxsoo-saarka beeraha dalka, ayadoo tiro gaadiidka cagaf cagafta loo yaqaanno u qeybisay dowlad goboleedyada dalka. Mashruucan ayaa la sheegay in looga golleeyahay in sare loogu qaado wax soo saarka dalka, si loo gaaro isku filnaasho dhanka cuntada ah, ayadoo laga faa’iidaysanayo ciidda dahan ee dhulka Soomaaliya. Beeraha ayaa kamid ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha dalku ku tirsan yahay, balse wixii ka dambeeyay burburkii War soo saarkoodu si weyn ayuu hoos ugu dhacay, taas oo keentay in ku tiirsanaanta raashinka dibedda laga keenaahi ay lama-huraan noqato. Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan kala hadlay xal u helista dhibaatooyinka laga dhexlay amni darrada iyo Isbaarooyinka. Wasiir Daahir Shire ayaa Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan u sheegay in si deg deg loogu baahan yahay xal waara laga gaaro Isbaarooyinka iyo amni darrada ka jirta gobolka Hiiraan oo sabab u noqotay in gobolka uu ku yimaado dib u dhac dhan kasto ah. Daahir Shire ayaa sidoo kale tilmaamay inuu la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada ugu weyn ee gobolka Hiiraan oo cabasho ka ah hoos u dhac weyn oo ku yimid badeecadihii iyo xoolihii ay iib geyn jireen sabab la xiriirta lacagaha sharci darada ah ee looga qaato Isbaarooyinka tirada badan ee yaala gudaha gobolka Hiiraan. “Wadadaan dheer dadka ayaa lagu dhibaa, halkaan waxaa igu yimid Nin walaal ah oo ehelka ah, ahna dadka ugu horeeya ee qaaraanka la weydiisto, waa gacmo deystay ayuu idhahay, waxuu ii sheegay inuusan 8 bil wax neef ah uusan rarin sabab la xiriirta amaan darada jirta iyo jidkaas lagu jiro oo lacago badan la iska rabo,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire. Wasiir Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa waxgaradka gobolka Hiiraan faray haddii ay rabaan in horumar iyo barwaaqo la gaarsiiyo gobolka Hiiraan in meel cad laga istaago dadka ka shaqeynaya dib u dhaca gobolka ee ku howlan ka shaqeynta amni darada iyo isbaarooyinka tiro beelka ah ee yaala wadooyinka gobolka. Ugu dambeyntii Odayaasha kulanka la qaatay Wasiirka ayaa dhankooda balan qaaday iney ka shaqeyn doonaan sidii loo qaadi laha dhamaan isbaarooyinka yaala wadooyinka gobolka Hiiraan oo cabashadoodu soo taagneyd mudooyinkii dambe, kuwaas oo sababay sicir barar xoogan oo ku yimid qiimaha la kala iibsado maciishada qutul daruuriga ah guud ahaan deegaanada gobolka. Isha: HOL
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda NISA Cabdullahi Sanbalooshe oo magaalada Beledweyne ku sugan tan iyo markii uu Ceelbaraf ka dhacay falkii xanuunka badnaa ee lagu dilay 6 kamid ah ciidanka xoogga dalka oo aano qabiil loo dilay ayaa maanta hadlay, wuxuuna ku guuleystay inta xalinta khilaafkii maamul ee ka taagnaa Hiiraan. Sanbaloolshe ayaa u gardhigtay qaar ka mida waxgaradka magaalada Beledweyne, isagoo si cad ugu sheegay in amni darrada Beledweyne ka jirta ay isaga si gaar ah caqabad ugu tahay, maadaama mar kasta la weydiiyo sida uu wax uga qaban karo amniga guud ee dalka, isagoo xal u heli waayay magaaladii uu ka soo jeeday. Sanbaloolshe ayaa maanta sheegay in mudadii uu joogay Beledweyne uu ku guuleystay xalinta inta badan mushkiladihii jiray, isagoo dadkiisa ka codsaday in laga tiro ceebta faaftay ee ah “deegaankii aad kasoo jeeday ayaa nabad aheyne ma dalkaan ayaad amnigiisa sugi kartaa?” “Maanta waxaan hortiina keenay Cabdullahi Fanay iyo raggii kale ee sheegtay Hiiraan State, kuwaas oo awoodoodii aniga igu soo wareejiyey, waxaan idinka rabaa in maleeshiyaadka iyo isbaarooyinka laga qaado magaaladaan,” ayuu yiri Taliyaha NISA oo Beledweyne ku sugan. Sidoo kale Taliyaha NISA ayaa waxgaradka beeshiisa u sheegay in waxa Hiiraan ka jira ay boog gooni ah ku tahay isaga, wuxuuna yiri “Waa idin baryaa boogtaas iga tira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugnaa madasha uu Sanbaloolshe kula hadlay waxgaradka reer Beledweyne ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Hiiraan oo hoggaan u aheyd xoreynta dalka uu maanta amnigeedii faraha ka baxay. “Magaaladaan Baladweyne iyo guud ahaan Gobolkaan Hiiraan waxaan ognahay kalintii ay dadkiisu ku lahaayeen kacdoonkii Khawaarijta dalka looga xoreeyay, maanta in aan amnigeedii walaac ka muujinayno nasiib daro weyn weeye, waana wixii uu cadowgiina ku taamaayey ee sidaan wax ka bedela, sida Hiiraan maanta tahay wax loo sii dul qaada karo maaha,” ayuu yiri Taliye Odowaa. Agaasimaha NISA ayaa sheegay in hadda kadib ay isaga toos u hoos imaa doonto talada gobolka Hiiraan, maadaama uu meesha ka saaray xubnihii u ololeynaayey Hiiraan State iyo in HirShabeelle la kala gooyo, kuwaas oo heshiis la galay Dowladda Federaalka, kana tanaasulay qorshahoodii. Inkastoo Sanbaloolshe uusan cadeyn mowqifkiisa wadajirka HirShabeelle iyo waxa uga qorsheysan, hadana wuxuu doonayaa in awooda gobolkaas uu xasiiskiisa hoos keeno, isagoo amray in la qaado isbaarooyin, lagana saaro maleeshiyaadka hubeysan xeryaha dowladda ee lagu wareejiyey ciidamada qaranka. Hoos ka daawo
-
Puntland President Grants Amnesty to Suspected ISIS Members
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Puntland State President Said Abdullahi Deni. Garowe (PP News Desk) — The President of Puntland State, Said Abdullahi Deni, has granted amnesty to suspects accused of having ties with ISIS militants. President l Deni issued an order for the release of these detainees from prison after investigators found no evidence implicating them in assisting or being members of ISIS, also known as Da’esh. Puntland State has launched a large-scale counterterrorism operation against ISIS terrorists hiding in the Cal Miskaad mountain range. More than 50 ISIS members have surrendered to the Puntland State Defence Forces. The people of Puntland State have shown solidarity in rooting out terrorism from the mountainous areas where ISIS was planning to establish its base in East Africa. About one-third of ISIS fighters are believed to be foreigners. © Puntland Post, 2025 The post Puntland President Grants Amnesty to Suspected ISIS Members appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Masar ayaa ku balansan wadahadallo kale oo 15 ilaa 17-ka bishaan ka dhici doona magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana looga tashanayaa qorshaha ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya. Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tashigaan uu yahay kii ugu dambeeyey, maadaama horay loo go’aamiyey in ciidamada Masar lasoo geliyo Soomaaliya. Ciidamada Masar ayaa ka qeyb qaadan doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, wadahadallada Qaahira ka dhacaya waxaa lagu cayimi doonaa goobaha ay ka howlgelayaan ciidankaas iyo qodobo kale oo quseeya howlgalka ciidanka Masar ay ka bilaabi doonaan Soomaaliya. Ciidamada Masar ayaa laga yaabaa inay wax ka bedelaan dhaq-dhaqaaqa awoodeed ee Geeska Afrika, maadaama Itoobiya ay halis weyn u aragto in Masar ay awood militeri la timaado Geeska Afrika. Heshiiska Militeri ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku yimid siyaasad xumada Itoobiya iyo daandaansi ay Addis Ababa ku bilowday Muqdisho, waxayna Itoobiyaanku cod dheer ku sheegeen, kuna celceliyaan in militeriga Masar oo yimaada Geeska Afrika uu khatar weyn geli karo amnigooda. Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa 6-dii bishaan xaqiijiyay mowqifka taageero ee Masar ee ku aadan Soomaaliya, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Baaqan ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad un kadib, booqashadii Fiqi ee Qaahira, halkaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee billowday 1-dii bishaan Janaayo 2025. Wadahadalada hadda la iclaamiyey kadib, Masar ayaa qorsheyneysa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneysa dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya, aadna ay u daneyneyso, maadaama ay kula loolameyso Itoobiya.
-
Last month, Somaliland held its 4th peaceful democratic multi-party election since they declared their independence for the second time in 1991. First, they got their independence from Britain in June 1960, and then, for the second time, they unilaterally declared their independence from Somalia in 1991, after their ill-fated union with Somalia in 1960 had failed. This failure resulted in extrajudicial killings of thousands of civilians and the indiscriminate bombing and destruction of its cities by the dictator Siyad Barre’s army and their South African mercenary pilots, hired after most of the pilots in the air force refused to bomb the civilian population, including hero Ahmed Dhere, who dumped and parachuted from his fighter plane, sent to kill and maim civilian populations, off the coast of Djibouti British anthropologist I.M. Lewis, who wrote extensively about Somali people and their culture, is one of the leading academics who shaped the outside world’s understanding of Somali society, culture, and history. In his research and study, he stated that Somali society is best understood through the lens of a segmentary clan system, in which corporate groups conflict, leading to endemic violence and with loyalty to their clan taking precedence over all else. According to his study, this ultimately explains the root causes of the civil war and the subsequent disintegration of the Somali central state in 1991. However, Somaliland has proven again to the world that this is no longer the case, and it is a beacon of democracy and order in a turbulent region where lawlessness and anarchy are the norm. Even though Somaliland is still unrecognized, it has established a democratic track record that only a few countries in Africa can match. All its 4 multiparty elections in the last 2 decades have been described as free and fair by international observers. In this election, the electoral process comprised a considerable logistical and financial effort. In a country of about 5 million people, 1,227,048 were registered to vote across 2,648 polling stations countrywide. It was also reported to have been the first election in which an iris biometric system was deployed, capable of offline checking at 1,068 polling stations. In addition to the international observers, over 13,000 polling officials were recruited, and thousands of security officers were deployed to ensure the safety and security of the voters. Furthermore, the electoral commission partnered with both mainstream and social media in the country for the purpose of accurate reporting and voter guidance and education. A few days after the election, Somaliland’s National Electoral Commission (NEC) officially declared the result. Waddani, the largest opposition party led by Abdulrahman Mohamed Abdilahi (Irro), secured a clear victory with 63.92% of the vote, while the incumbent president of the Kulmiye Party, Muse Bihi Abdi, came second with 34.08% of the vote. Immediately, President Muse Bihi magnanimously conceded defeat, calling for national unity and expressing his willingness to ensure a smooth transfer of power and presidency to the newly elected president, Mr. Abdurahman M. Abdilahi (Irro). Good Governance Africa (gga.org) In its analyis of the election said that the successful conclusion of the electoral process helps to further solidify Somaliland’s democratic credentials, which it has been showcasing to the world in the last 2 decades. And it would further entrench the democratic means of resolving political differences and project itself to the region and beyond as a beacon of peace, stability, and democratic governance in a turbulent region where elections are mired by violence and irregularities, as is currently the case in Mozambique elections ARAB NEWS (www.arabnews.com) stated the fact that Somaliland has consistently demonstrated a more democratic and stable profile than its neighbors. It adds this compelling narrative of stability juxtaposed against regional chaos forms the bedrock on which Somaliland stakes its claim to statehood. Crisis Group (www.crisisgroup.org) stated that Somaliland reinforced its reputation as one of the Horn of Africa’s stronger democracies by staging a successful presidential election and ushering in a peaceful transfer of power. THE INDEPENDENT (independent.co.uk) stated that Somaliland’s recent free and fair election, which the opposition leader, Mr. Abdurahman M. Abdilahi, won, would herald the recognition of Somaliland as an independent state by the new US administration led by President Trump, which will take office in the new year. SOUTH CHINA MORNING POST In its analysis stated that China’s special envoy for the Horn of Africa, Xue Bing, was dispatched to Somalia to assure them of Beijing’s support, amid growing support in Washington for the recognition of Somaliland, following their successful election and subsequent smooth transition of power. It adds that the swearing-in ceremony for the president-elect, Abdurahman M. Abdilahi, was attended by Taiwan’s deputy foreign minister, Wu Chih-Chung, leading to a protest by China. SEMAFOR.COM This US-based news outlet stated that the US Republicans and its supporters have been encouraged by Somaliland’s democratic strides with its one-person, one-vote system, as conflict-ridden Somalia struggles to organize any elections. It adds that Somaliland will be much closer to being recognized by the United States as the world’s newest country when Donald Trump returns to the White House in January 2025. The US congratulated the people of Somaliland on the completion of their election. The US congratulated President-elect, Mr. Abdurahman M. Abdilahi. In a statement, the U.S. Embassy in Somalia praised Somaliland’s impressive record of elections and peaceful transfer of power, describing it as a model for stability and democratic governance not just within the Horn of Africa, but beyond. “Government of the people, by the people, for the people.” In sha Allah. Abdurahman Ibrahim Yusuf Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan deeqaha bini’adaannimo ee la siyaasadeeyo. Wasiirka ayaa shaaciyay in wasaaradda arrimaha dibadda ay qaadan doonto doorkeedii la xisaabtanka hay’addaha caalamiga ah ee deeqaha siiya Soomaaliya Sidoo kale wuxuu si adag uga digay deeqaha la siyaasadeenayo, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la socoto kuwa falalkaasi gacanta kula jira. Warka Wasiir Fiqi ayaa ku soo aadaya iyadoo reer Puntland ay maalmahaan muujinayeen cabasho weyn oo ay ka qabaan sida dowladda federaalka ay u qeybiso deeqaha dalku helo. Kiiskii ugu dambeeyey ee Puntland ka carootay wuxuu ahaa qaabka loo qeybiyey gaadiid Cagaf ah oo dowladda Soomaaliya ay siisay dowlad goboleedyada, qeybinta gaadiidkaas ayaa lagu bahdilay Puntland. Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa qeybisay 26 Cagaf oo kuwa beeraha fala ah, waxaana dowlad goboleedyada loo siiyey min 5 Cagaf, halka Puntland la siiyey 2 kaliya. Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo Muqdisho u dhow iyo deegaanada ku xeeran ayaa sidoo kale loo qeybiyey 4 Cagaf oo ka dheeri ah kuwa la siiyey dowlad goboleedyada ay ka kala tirsan yihiin, maadaama aad loo maal-gashaday wax soo saarkooda. Wasiirka Warfaafinta Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida qeybinta gaadiidkaas beeraha fala loogu bahdilay Puntland oo diiday inay la shaqeyso dowladda federaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale cayimtay deegaanka la gey doono labada Cagaf oo loo qoondeeyey Puntland, horay waxaa deegaanada maamulkaas uga taagnaa cabashooyin kale oo la xiriira mashaariicda dowlad goboleedyada loogu soo dhiibo dowladda Federaalka, sida dhismaha wadooyinka.
-
Shirkii labaad oo ku saabsan Xallinta colaad Beeleedda ka taagan Galbeedka Gobolka Mudug ayaa Maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aaden (Gaboobe) ayaa si wada jir ah u shir Gudoomiyey shirka labaad ee guddiga Wasiirada Labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug oo ah guddiga Labada Madaxweyne u xilsaareen xal u helidda colaadda Galbeedka Gobolka Mudug. Labada dhinac ayaa si wadajir ah u sheegay in Shirkaan oo ah kii labaad ee Guddiga Wasiirada labada Dawladood ee Puntland iyo Galmudug uu Maanta ku saabsanaa dhegeysiga guddiga farsamada labada beelood ee hawsha nabadaynta ku soo jiray muddo 3 bilood ah. Guddiga farsamada ayaa soo jeediyey Warbixinta guud ee colaadda Galbeedka Gobolka Mudug, wixii u qabsoomay iyo caqabaha taagan ee aan weli xal loo helin iyo taladooda maanta ee ah sidii colaaddaan loo soo afjari lahaa. Intaas kadib, wada hal dheer iyo niqaash ku saabsan habka ugu haboon ee loo heli karo xalka nabadda waxaa la isla qaatay in berri dib loo balamo iyada oo la isla qaadanayo in la gaaro go’aamo wax ku ool ah. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo Maanta Gaalkacyo ku yeeshay Shirkii Labaad ee Xallinta Colaadda Galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Puntland Marine Police Force oo ka hadlay howlgallada ka socda gobolka Bari ayaa shaaciyay go’aan culus oo ka dhan ah kooxda Daacish oo haatan dagaal xooggan kula jirta Puntland. Sarkaal sare oo u hadlay ciidanka PMPF ayaa ku dhowaaqay in haatan wixii ka dambeeya uunu wax cafis ah la siin doonin xubnaha ajaaniibta ee ka barbar dagaalama kooxda Daacish, kuna dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda ee gobolkaasi. Waxa uu tilmaamay in ay yihiin rag soo duulay oo cadow ah, kana socda dalal shisheeye oo kala duwan, balse ay ka hortagi doonaan qorshahooda. “Argagixisada ajaanibta ah ee ka timid dalal kala duwan looma fidin doono wax cafis ah,” ayuu yiri General Cabdiraxman oo ka tirsan saraakiisha ciidanka PMPF (Puntland Marine Police Force). Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in fursaddii ugu dambeysayay ay siiyeen xubnaha Soomaalida ah ee Daacish ka tirsan, si ay isu soo dhiibaan kahor inta aan la weerarin. Go’aankan ayaa kuso aaday, kaddib markii dhawaan 12 xubnood oo ajaanib ah oo ka tirsan Daacish ay weerar ka geysteen deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari, halkaas oo uu khasaare kasoo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo loo diyaariyay howlgalka. Ciidamada Puntland ayaa hadda isku fuliyay aagga buuraha Calmiskaas, halkaas oo ay ka wadaan guluf dagaal oo ka dhan ah Daacish oo halkaas ku leh fariisimo waa wayn.