-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Booqashada Abiy Axmed ayaa ku soo beegantay xilli labada dal ay isku dayayaan inay soo afjaraan khilaafkii January 2024-kii ka dhashay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland. Kadib khilaaf diblumaasiyadeed oo aad u kululaa oo ku saabsanaa arrintan, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay bishii December 11-keedii heshiis diblumaasiyadeed, oo loogu magac daray “Baaqii Ankara,” ku gaareen magaalada Ankara. Bishii Janaayo ee sanadkan, bil kadib heshiiskii Ankara, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Maxay ka dhigan tahay booqashada Abiy? Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee maanta uu ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka dhigan in horumar wanaagsan laga gaaray wada-hadalladii Ankara, islamarkaana ay labada dowladood muujinayaan “dhab ahaanshaha” xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo iskaashiga labada dal. Tallaabadan ayaa sidoo kale direysa farriin ah in Itoobiya ay ixtiraameyso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya oo hore ugu xad-gudubtay, sida uu sheegay Cabdiqafaar Cabdi Wardheere, oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya kuna sugan dalka Mareykanka. Cabdiqafaar oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya, sidaas darteedna ay daneynayso in la dhameystiro wada-hadallada labada dhinac dib ugu soo celiyeen xiriirkoodii. “Itoobiya waa ka laabatay heshiiskii inkasta oo aysan afka ku ballaadhin, haddana waa muuqataa. Itoobiya waxay garowsatay in is-afgaradkii Somaliland uu meel dheer gaareyn, taas ayuuna muujinayaa Abiy,” ayuu yiri Cabdiqafaar. Waxa uu intaas kusii daraya “Imaatinkiisuna (Abiy) wuxuu qeyb ka yahay kalsooni dhiska labada dowladood, waxayna sida runta ee wax u dhacayaana waxay geli doonta farsamo iyo guddiyo labada dal ah.” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Villa Somalia, ayaa bogaadiyey billowga wada-hadallada farsamo ee ka socda Ankara. Labada hoggaan ayaa sheegay in wada-hadalladani ay muujinayaan sida ay uga go’an tahay labada dal in ay yeeshaan wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi miro-dhal ah. Sidoo kalena waxay adkeeyeen mudnaanta uu leeyahay xiriirka labo-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
-
Kani waa sawir hore Wararka ka imaanaya xeebaha degmada Baargaal ee Calbari ayaa sheegaya in halkaasi dabley hubaysani maanta ka af-duubteen doon kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Iraan. Kooxda hubaysan oo lagu tuhmayo in ay burcad-badeed yihiin ayaa maanta xeebaha degmada Baargaal ee gobolka Raasi Casayr (Bari) waxay ka af-duubteen doon kalluumeysi oo laga lee yahay waddanka Iraan sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo amni. Sarkaal ka tirsan laamaha Amniga Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto sababa la xiriira in aanu ogolaansho u haysan warbaahinta ayaa sheegay in laba kamid ah ilaaladii doontu ay fududaysay in ay kooxda u suurta-gasho af-duubka doontaasi. Wararka ayaa sheegaya in dableydii doonta af-duubtay ay markiiba la aadeen dhinaca badweynta si ay ugu soo qafaashaan maraakiibta kala duwan ee gooshaysa xeebaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland: Dabley hubaysan oo maanta doon kalluumeysi ka af-duubtay xeebaha degmada Baargaal appeared first on Puntland Post.
-
Washington — Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed met with Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Mogadishu Thursday, as their nations try to mend relations strained by Ethiopia’s deal for sea access with Somaliland – a breakaway republic Somalia considers part of its territory. Source: Hiiraan Online
-
15 Xabsi, 7 Caanamaal, masaafo ku dhaw 2500 KM iyo Qorshe Qaran ee Xukuumadda Wadajir iyo waxqabad” Waxa aan maanta soo gebagabeeyey safarkii u kuurgalida xaaladda maxaabiista iyo xabsiyadda dalka. Safarkan oo ujeedkiisu ahaa dib-u-habaynta nidaamka xabsiyadda iyo u xogagaal noqoshada xuquuqaha aasaasiga ah ee maxaabiista, waxa uu celcelis ahaan muddo toddoba maaalmood ah oo aannu safarnay masaafo aan ka yarayn 2500 KM. Safarkan xogogaal noqoshada iyo darsida xaaladda maxaabiista iyo Xabsiyadda isugu jirta oo ka mid ahaa qorshaha 100 maalmood ee xukuumadda WADDANI ee uu hoggaaminaayo Madaxweyne Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ana aan uga masuul ka ahay, kuna metelaayo madaxweynaha siyaasadda iyo horumarinta nidaamka Caddaaladda ee xabsiyaddu ka mis yihiin, waxa aannu kormeer ku tagnay 15 Xabsi oo kala ah 1. Xabsiga Gabilay 2. Xabsiga Boorame 3. Xabsiga Baki 4. Xabsiga Berbera 5. Xabsiga Burco 6. Xabsiga Garadag 7. Xabsiga Ceel-afweyb 8. Xabsiga Ceerigaabo 9. Xabsiga Caynaba 10. Xabsiga Balligubadle 11. Xabsiga Salaxlay 12. Xabsiga Mandheera 13. Xabsiga Hargeysa 14. Xabsiga Haleya iyo 15. Xabsiga Mija Casewye. Kormeerkan darsida iyo xogogaal u noqoshada xaaladda maxaabiista iyo xabsiyadda, waxa aannu ku dhawaad ku warraysanay 3000 maxbuus oo mid kasta kiiskiisa aan baadhnay, iyadoo Xabsi kasta ugu yaraan aan 8 saacadood ku qaadanay baadhistiisa iyo warraysiyada maxaabiista. Waxa aannu si gaar ah u eegaynay oo baadhis ku samaynah qolalka maxaabiistu ku nool yihiin nadaafadooda, jiifkooda, cuntada, biyaha caafimaadka, sida hawlwadeennada Xabsigu ula dhaqmaan iyo xaaladooda sharci sida rafcaanka, muddada xadhigooda iyo maxaabiista xuquuqaha madani u xidhan ee xadhigu ka dhammaaday, balse xabsiga ugu sii jira xuquuqo lagu leeyahay oo aanu qorshaynayno in xal qaran laga soo saaro. Dalka waxa ka jira 13 xabsi oo shaqeeya iyo laba xabsi (Haleeya iyo Mijo-caseeye) oo sannadkan la hawlgelin doono, waxaanna qorshuhu yahay in xabsiyaddu noqdaan goobo dhaqan-celin oo ay ka soo baxaan xirfadyahan iyo aqoonyahan bulshada dhaqan wanaagsan iyo horumar ku soo kordhiya. Waxa aanu kormeerkan ku soo eegaynay, kuna soo qiimaynaynay sidii xabsiyadda dalku u noqon lahaayeen goobo wax-soo-saar iyo aqooneed oo dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyo. Safarkaa Baki ilaa Ceerigaabo isku xidhay ee masaafada celceliskeedu 2000 Km ka badan yahay oo guure iyo gudis habeen ba lahaa waxa aan uga dan leenahay in muwaadiniinteena sharciga ku gefay ee khaldamay dib-u-bulshayn (Reintegration) lagu sameeyo oo ay inagu soo noqdaan iyagoo horumar ina gaadhsiin kara, waxa kale oo ay badbaado u noqonaysaa shacabka iyo qaranka ba. Socdaalkaas kormeer waxa aan maanta ku soo gunaanadnay Xabsiga Gobolka Maroodi-jeex oo runtii ka mid ah Xabsiyadda haya dambiilayaasha ugu xukunnada culus. Kormeerkaasna xog fiican oo xabsiyadda lagu horumarin karo, xuquuqda maxaabiistana lagu sugi karo waannu ka soo helnay, waxa hadda loo gudbi doona hawlqabadyada dib-u-habaynta nidaamka xabsiyadda dalka.” Wasiirka Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay kulan gaar ah Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid dalka. Labada masuul ayaa kulankaan diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Somalia. Kulanka ayaa lagu adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aas-aas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa wadajir u soo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Sidoo kale waxa ay bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyey sida ay labada dal uga go’an tahay wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey mudnaanta uu dalkiisu siinayo xiriirka labo-geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, si ka tarjumaysa danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed booqashada uu ku yimid dalka iyo wada-hadallada mirodhalka ah ee ay ku yeesheen Villa Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ku celiyey aragtida soo jireenka ah ee ay ku dhisan tahay diblumaasiyadda Soomaaliya ee ilaalinta daris wanaagga, is-ixtiraamka qarannimo iyo in aan cidna laga aqbalayn ku xadgudubka midnimada iyo wadajirka shacabka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
-
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kadib booqasho la naawilayay inta muddo ah. Booqashada ayaa dabo socda heshiis ay maalmo kahor Muqdisho ku kala saxiixdeen taliyeyaasha ciidamada iyo hay’adda sirdoonka ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaas ayaa yimid kadib is-afgarad uu garwadeyn ka ahaa madaxweynaha dowladda Turkiga oo ay Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ku kala saxiixdeen Ankara, iyo booqashooyin xigay oo madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Addis Ababa. Heshiiska Ankara ayaa lagu dhameeyay khilaaf Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhashay heshiis kale oo ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ku heleysay saldhig ciidan iyo marin toos ah oo badda ah, iyada oo ay Itoobiya noqon lahayd dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Halkan ka akhri warar kale oo la xiriira khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is-afgaradka Addis iyo Hargeysa Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa haatan ka qayb galaya shirweyne muhiim ah oo ka socda magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyada oo laga siiyay maqaam weyn oo dowladeed. Shirka ka socda Addis Ababa, oo ah midka dhalinyarada ee Afrika, ayaa lagu casuumay Somaliland, iyada oo loo maamuusay sida dowlad oo kale, taas oo hadal-heyn dhalisay. Sidoo kale, calamada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa garba siman loo dhigay goobta uu shirka ka socdo, halkaas oo ay yaallaan calamada dalalka Afrika ee ka qayb galaya shirka. Sawirrada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale si weyn u qabsaday internet-ka, taas oo sii xoojisay hadal-heynta ka dhalatay maqaamka sare ee loo sameeyay Somaliland. Waa markii labaad oo ay arrintan dhacdo, iyada oo dhowaan sidoo kale Imaaraadka Carabta uu dal ugu yeeray Somaliland, taas oo dhalisay carro xoogan. Dhankeeda, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabo ay uga jawaabayso arrintaasi. Imaaraadka Carabta ayaa xilligaas ku casuumay madaxweynaha Somaliland Shirka Dowladaha Adduunka ee Abu Dhabi ka dhacay, iyada oo la siiyay darajada madaxweyne dal. Kadibna, waxaa xigtay in wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM ay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Tallaabadan ayaa imaneysa xilli Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu maanta soo gaaray Muqdisho si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada dib u heshiisiinta ee labada dal. Xiisad diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay sanadkii hore kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland, si ay uga hesho marin badeed. Hase yeeshee, bishii Janaayo ee sanadkan, labada dal waxay ku dhawaaqeen inay si buuxda u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib heshiis nabadeed oo ay Turkiga garwadeen ka ahayd bishii hore.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Shir kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho. Shirka labada Hoggaamiye ayaa sida Vill Somalia sheegtay waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wadajir u soo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen “Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyey sida ay labada dal uga go’an tahay wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah.” “Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey mudnaanta uu dalkiisu siinayo xiriirka labo-geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, si ka tarjumaysa danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku bogaadiyey Ra’iisul Abiy Axmed booqashada uu ku yimid dalka ,islamarkaana uu ku celiyey aragtida soo jireenka ah ee ay ku dhisan tahay diblumaasiyadda Soomaaliya ee ilaalinta daris wanaagga, is-ixtiraamka qarannimo iyo in aan cidna laga aqbalayn ku xadgudubka midnimada iyo wadajirka shacabka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia oo Shir ku saabsan iskaashiga labada dal ku yeeshay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ogaysiis ogaysiis ogaysiis. Dadka Somaliland u safraya ee caalamka ka soo dhoofaya wax iska beddelay ma jiraan socdaalkii ay diyaaradaha ku raaci jireen waa sidiisii. Dadka gaar ahaan Ingiriiska ka dhoofayaa waa caadi safarku waxba ismay beddelin. MAHADSANID. BACAW MEDIA. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Qarax ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Cali Goleey ee degmada Kaxda ayaa sababay dhaawaca lix qof, oo labo ka mid ah ay yihiin dumar. Goobta Qaraxu ka dhacay waxaa ku dhow fadhiisin ay leeyihiin ciidamada booliska Soomaaliyeed. Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo. Degmada Kaxda ayaa marar badan la kulantay weerarro iyo qaraxyo ay fuliyeen kooxda Shabaab, kuwaas oo inta badan beegsada ciidamada ammaanka iyo goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan. Ciidamada ammaanka ayaa sameeyay howlgallo lagu sugayo nabadgelyada, ma jirto cid wali gacanta lagu soo dhigay. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, Somalia—Somalia and Ethiopia have reaffirmed their commitment to strengthening diplomatic, economic, and security ties to stabilize their often-tense relationship. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed met with Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Mogadishu for talks aimed at rebuilding trust between the neighboring nations. The visit comes amid ongoing disputes over Ethiopia’s push for maritime access and growing regional security concerns. In a joint statement following the meeting, both leaders underscored their commitment to “building trust through enhanced diplomatic, economic, and social cooperation,” calling their countries “interdependent nations with a common destiny and a shared vision for regional stability and prosperity.” Resetting relations after a period of strain Tensions between Somalia and Ethiopia have been high since Ethiopia signed a controversial Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland in January 2024, seeking access to the Gulf of Aden. Somalia rejected the deal as a violation of its sovereignty, while Ethiopia insisted it was essential for its economic future. Despite these disagreements, the Mogadishu meeting was framed as a step toward renewed cooperation. “Both sides reiterated their determination to work together in advancing common interests, promoting peace and security, and deepening bilateral relations for the well-being of their citizens and the broader Horn of Africa region,” the communiqué stated. Security remains a central concern for both nations, particularly given the ongoing threat of Al-Shabaab. The leaders welcomed recent military understandings between the Somali National Army (SNA) and the Ethiopian National Defense Forces (ENDF), describing them as “a critical step toward enhancing security cooperation and fostering stability in the region.” Ethiopia has played a significant role in Somalia’s fight against Al-Shabaab, contributing troops under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). However, political tensions in recent months have raised concerns about the future of this military partnership. The reaffirmation of cooperation signals that both sides recognize the necessity of maintaining security collaboration despite political differences. Infrastructure and economic cooperation Beyond security, economic development was also high on the agenda. The statement highlighted plans for “strategic infrastructure projects to ensure sustainable development, economic integration, and strengthen people-to-people ties.” Landlocked Ethiopia has sought alternative port access beyond Djibouti, its primary maritime gateway, fueling concerns in Somalia. While the Somaliland agreement remains a major sticking point, the two governments appear to be looking for ways to cooperate economically while respecting Somalia’s territorial integrity. Improved trade routes, road networks, and cross-border cooperation could help alleviate some economic tensions, provided both sides can agree on terms. The leaders also supported the Ankara Declaration, which set the stage for technical discussions to resolve disputes diplomatically. They welcomed the start of negotiations in Ankara, seeing them as an opportunity for “constructive dialogue and cooperation.” While the details of these discussions remain unclear, analysts believe they could provide a framework for addressing Ethiopia’s maritime aspirations and Somalia’s sovereignty concerns. However, it remains to be seen whether these talks will lead to a concrete resolution. The Mogadishu meeting suggests that both nations will engage diplomatically rather than let tensions escalate further. However, significant challenges remain. Ethiopia’s ongoing pursuit of a port deal and Somalia’s insistence on protecting its sovereignty could continue to strain relations.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa goor dhoweyd soo saaray bayaan wadajir ah, kadib booqashada uu maanta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Bayaankan wadajirka ah ayaa marka hore lagu sheegay in imaatinka Abiy ee Muqdisho uu ka dambeeyo wada-hadallo is-daba-joog ah oo dhacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa dib-u-heshiisiinta xiriirka labada dal. Bayaanka oo ku qornaa luqadda Ingiriiska ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in labada dal ay dib u xaqiijiyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan kor u qaadista danaha guud, dhiirrigelinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka labada dhinac si loo hagaajiyo nolosha shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. “Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ah in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si ay uga faa’iideystaan,” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale, waxaa lagu yiri: “Iyagoo aqoonsan xiriirka taariikheed ee qoto dheer ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xuduudda wadaagga ah ee isku xira, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay in la dhiso kalsooni iyada oo la xoojinayo iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo bulshada.” Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran: Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Dowladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, inta uu ku guda jiray booqashadiisa shaqo ee Soomaaliya. Booqashadan waxay ka dambeysaa wada-hadallo is-daba-joog ah oo dhacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa dib-u-heshiisiinta xiriirka labada dal. Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ah in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac si ay uga faa’iideystaan. Iyagoo aqoonsan xiriirka taariikheed ee qoto dheer ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xuduudda wadaagga ah ee isku xira, waxay carabka ku adkeeyeen muhiimada ay leedahay in la dhiso kalsooni iyada oo la xoojinayo iskaashi dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo bulshada. Itoobiya iyo Soomaaliya waa dalal isku tiirsan oo leh mustaqbal wadajir ah iyo aragti isku mid ah oo ku saabsan xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Iyada oo laga duulayo ruuxaasi, labada hoggaamiye waxay muujiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan fulinta mashaariicda muhiimka ah ee kaabayaasha si loo xaqiijiyo horumar waara, isku-dhafnaanta dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka dadweynaha. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen bilowga wadahadallada farsamo ee Ankara, sida ku xusan Baaqa Ankara, iyagoo muujinaya ballan-qaadkooda ah inay sii wadaan wadahadallo wax-ku-ool ah iyo iskaashi. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen fahamka laga gaaray is-afgaradka u dhexeeya Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Itoobiya (ENDF), iyagoo aqoonsaday inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo abuurista xasillooni gobolka. Labada dhinac waxay dib u xaqiijiyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan kor u qaadista danaha guud, dhiirrigelinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka labada dhinac si loo hagaajiyo nolosha shacabka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
-
war murtiyeed hordhac ah ayaa laga soo saaray kulan magaalada Muqdisho ku dhex maray ra’iisul wasaaraha dalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna war saxaafadeedka laga soo saaray kulan madaxda labada u qornaa sidan: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay H.E. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya, oo booqasho shaqo ku jooga Soomaaliya. Booqashadan ayaa daba socota hawl gal xiriir ah oo socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxayna xoojinaysaa sidii caadiga ahayd xiriirkii laba geesoodka ahaa ee labada dal. Labada mas’uul ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac. Iyagoo garwaaqsan xidhiidhka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabkooda iyo xuduudka la wadaago ee isku xidha, waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso kalsoonida iyada oo la xoojinayo iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo bulsho. Itoobiya iyo Soomaaliya waa wadamo isku xiran oo leh masiir guud iyo aragti wadaag ah oo ku aaddan xasilloonida gobolka iyo barwaaqo. Niyaddaas, labada hoggaamiye waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashaariicda kaabayaasha istaraatiijiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara, is-dhexgalka dhaqaale iyo xoojinta xiriirka dadka iyo dadka. Sidoo kale, labada mas’uul ayaa soo dhaweeyay wada-hadallada farsamo ee ka furmaya Ankara, sida lagu heshiiyey Baaqii Ankara, iyagoo hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay wada-hadal iyo wada-shaqeyn wax-ku-ool ah. Waxa ay sidoo kale soo dhaweeyeen isfahamka dhex maray Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), iyagoo u aqoonsaday in uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka sare u qaadista iskaashiga amniga iyo kobcinta xasiloonida gobolka. Labada dhinac waxay ku celceliyeen inay ka go’an tahay inay iska kaashadaan horumarinta danaha guud, horumarinta nabadda iyo amniga, iyo sii xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee daryeelka muwaadiniintooda iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika”. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay imaatinka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo maanta lagu soo dhaweeyay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda, kadib casuumaad ay u fidisay dowladda federaalka. Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga falceliyay labiska uu soo xirtay Abiy Axmed, kaasoo ahaa futo-shaari isku joog ah oo midabkiisu cad yahay, taas oo dadku siyaabo kala duwan uga hadleen, inkastoo kooxda hab-maamuuska Madaxweyne Xasan Sheekh ay iyaguna qaadeen tallaabo kale oo cajiib ah. Madaxweynaha ayaa isna soo xirtay futo-shaari isku joog ah, isaga oo sidaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uguna tegay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dadka ka falceliyay arrintan waxaa kamid ah siyaasiyiin iyo dad kale oo wax ku qora baraha bulshada, kuwaas oo aragtiyo ka bixiyay labiska Abiy ee doodda dhaliyay. Cabdinuur Maxamed, Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa yiri: “Kooxda Hab-maamuuska Madaxweynaha si fiican ayay saaka u shaqeeyeen. Ninkii futo-shaari kuu soo qaato, adigana mid u soo tolo.” Mahad Xasan Saney: “Tolmo ahaan iyo midab ahaanba kan madaxweynahaynaa shidan.” Cabdifitaax Xaaji Dirir: “Adigoo masaajidka jooga sow taad na dhahday Itoobiya waa cadow, Madaxweyne?” Cabdiqaasim Maxamed Sheekh Aadan: “Protocol-ka Madaxweyne HSM maanta waa fadhiyaa.” Mahdi Diiriye: “Itoobiya waa cadow, waxa noo xigtay Afrika waa ilmo adeer.” Aweys Sheekh Cabdiraxmaan: “Sidee lagu ogaaday inuu futo-shaari soo qaatay?” Maxamed Abuukar Guutaale: “Wax walba waan naqaan ayaa laga wadaa, waa body language.” Xasan Kaalmoy: “Odeygan futo-shaari-ga noo soo qaatay sidii inuu u socdo Oromia Region, ma la waayay Madaxweyne Soomaaliyeed oo Itoobiya dhar Sports Somalia u qaata?”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka ugu tegay Abiy iyo wafdigiisa, halkaas oo uu sidoo kale salaan sharaf uga qaatay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa. Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka safarka Abiy Axmed uu yahay dhammeystirka heshiiska labada dal iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriiirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa. “Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wada-hadallo gaar ah xarunta madaxtooyada kulan yeelan doono madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha dhex yaalla labada dal oo ay ugu muhiimsan tahay marin-biyoodka ay dooneyso Itoobiya. Imaashaha ra’iisul wasaare Abiy ee Muqdisho ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara.
-
Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa saaka oo Khamiis ah soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Ka hor inta aysan soo caga-dhigan diyaaradda siday Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa waxaa la maqlay hoobiyaal ku soo dhacay nawaaxiga garoonka, waxaana is qabsaday dhawaqa digiinta bixiya, sida ay sheegeen Suxufiyiintii ku sugnaa garoonka, inkasoo aysan laamaha amniga wax war ah ka soo saarin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Ethiopia, Abiy Ahmed, sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waddooyin badan ayaa la xiray, iyadoo duulimaadyada la hakiyay duulimaadyada gudaha iyo qeybo ka mid ah kuwa dibadda, marka laga reebo diyaaradaha Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines. PUNTLAND POST The post Hoobiyaal lagu weeraray garoonka Muqdisho xilli uu ka dagayay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goordhow lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xilli haatan la sugayo inuu kasoo dago ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo maanta wada-hadallo la yeelan doono madaxweynaha Soomaaliya. Hoobiyeyaasha qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen nawaaxiga xerada Xalane oo uu ku dhex-yaallo garoonka, waxaana lasoo wariyay inuu jiro khasaare u badan dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay guryahooda ugu tageen hoobiyeyaasha, kuwaas oo haatan xaaladdooda lagula tacaalayo isbitaallada. Dhanka kale, waxaa garoonka laga shiday Gambaleelka digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taas oo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho. Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaare Abiy Axmed, iyada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaana dowladda Soomaaliya ay heegan sare gelisay ciidamada ammaanka oo lagu soo daadiyay inta badan waddooyinka caasimada. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa inta badan xiray waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka, xittaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugeynaya. Si kastab, marar badan Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.
