-
Content Count
213,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa si rasmi ah oo dhaqangal ah xilkaan ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PHD), sida lagu yiri wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha. Wareegtadan oo ay baahisay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tixgalinaya khibaraddiisa qotoda dheer ee aqooneed iyo middiisa maamul u magacaabay xilkaan Dr. Maxamed, una rajeeyay inuu waajibaadkiisa u guto si xilkisnimo leh. Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddoomiyaha cusub se Jaamacadda Umadda inuu u guntado sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo heerka tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka. Dr. Maxamed Maxamuud ayaa kamid ah aas-aasayaashii Jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed (PhD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabistan ay timid kaddib markii la tixgeliyay khibradda qotada dheer ee Dr. Maxamed uu ku leeyahay dhinaca tacliinta iyo maamulka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub in uu waajibaadkiisa u guto si xilkasnimo leh, isla markaana uu door muuqda ka qaato xoojinta dadaallada socda ee lagu hormarinayo tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka mid ah goobaha waxbarashada ugu faca weyn dalka ayaa sanadihii u dambeeyay ku howlneyd dib u soo kabasho iyo horumarinta adeegyada tacliinta sare. Source: goobjoog.com
-
Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo qoraal ka soo saaray xuquuq la’aanta xukuumadda madaxweyne Deni ku samaysay shaqaalaha iyo ciidamada difaaca Puntland ayaa si adag u sheegay in aan dib danbe loogu dulqaadan karin dhaqankaasi dulmiga ah. “Mushahaarku waa xuquuq dastuuri ah iyo xaq shaqsiyeed, mana ahan shaxaad, kaalmo ama arrin lagu jees jeeso. Rubucl qarni kadib, waa ceeb iyo nasiibdarro wayn in weli shaqaalaha dawladda iyo ciidankeena xuquuqdoodii la dayaco loona dhigo wax aan qiimo lahayn.” “Waxaa la joogaa xilli aan dib dambe loogu dulqaadan karin duudsiinta xuquuqda dadka u adeegaya dalkooda. Hoggaan xumada xukuumadda Deni waxay dhaawacday nidaamkeenii dawladnimo guud ahaan, waxaana taas usii dheer aragti gaabni, damqasho iyo dareen la’aan ku wajahan dayaca iyo duruufaha nololeed ee shaqaalaha, ciidamada iyo guud ahaan shacabka Puntland” ayuu yiri Guuleed Saalax. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in xukuumadda Siciid Deni sida ugu dhakhsaha badan u bixiso mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada difaaca Puntland, islamarkaana la sameeyo hannaan sharci oo ka hortagaya in mar danbe xuquuqda shaqaalaha iyo Ciidamada la lunsado, sida ku cad qoraalkan uu soo saaray. “Miyaanay dulmi iyo ceeb weyn ahayn in aabe iyo hooyo shaqaale ah, ama wiil iyo gabar dhallinyaro ciidan ah oo naftiida u hibeeyay dalkooda, halkii la dhowri lahaa xuquuqdooda yar, in loogu beddelo aflagaaddo iyo dayac nololeed oo joogto ah?” “Shaqaalaha iyo ciidamadu waa lafdhabarta dawladnimada iyo difaaca dalka. Waxaan ku baaqaynaa in xuquuqdooda si degdeg ah loo bixiyo, lana dejiyo hannaan sharci oo ka hortaga dib u dhac iyo ku tumasho dambe inaysan dhicin, sidoo kalana lala xisaabtamo masuuliyiyiinta masuulka ka ah dayacan , oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Deni.” Dr. Guuleed Saalax ayaa sidoo kale ka digay sii socoshada duudsiinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada oo uu ku tilmaamay mid sii adkaynaysa xaaladda iyo duruufaha nololeed ee qoysaskooda, taas oo horseedi karta niyad jab, habacsanaan maamul iyo amni xumo, sida haddaba dhacda in ciidamo duruufaysan ay xirtaan waddada dheer ee laamiga ah. PUNTLAND POST The post Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo digniin ka soo saaray xuquuq la’aanta ku dhacday shaqaalaha iyo ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Sharmarke: “We have secured 80% concessions on contentious constitutional issues. Villa Somalia agreed to drop amendments to key sub-articles in Article Four of the Provisional Constitution.” Mogadishu (PP News Desk) —The former Prime Minister of Somalia, Omar Abdirashid A. Sharmarke, who is a member of the Council of Salvation, yesterday said that major breakthroughs had been made in talks with the Federal Government of Somalia on constitutional amendments. Sharmarke and two former parliamentary speakers split with members of the Alliance, including former President Sharif Sheikh Ahmed and former Prime Minister Hassan Ali Khaire. “We have secured 80% concessions on contentious constitutional issues. Villa Somalia agreed to drop amendments to key sub-articles in Article Four, such as the election of the president directly by voters. Instead, the bicameral legislature will elect the president; and the president will not sack the prime minister. The bicameral legislature will be able to consider a motion of no confidence if submitted against a sitting prime minister,” said Sharmarke. Sharmarke criticised the wing of the Alliance unhappy with the deal reached by his group with the Federal Government of Somalia. “Some members were for three years on board with the Federal Government of Somalia on all policies. They have never discussed with the government on key national issues [before the formation of the Council of Salvation],” Sharmarke added. “The talks are still ongoing and open. Sub-articles on the Electoral Commission and the president’s term of office remain unresolved,” said Sharmarke, who was briefing the media in Mogadishu on the progress of talks with the Federal Government of Somalia to break the deadlock on constitutional amendments. © Puntland Post, 2025 The post Sharmarke: “Major Breakthroughs” in Constitutional Amendment Talks appeared first on Puntland Post.
-
Mamnuucidda taleefoonnada casriga ah ee dugsiyada Soomaaliya waxay ka dhigan tahay in ardaydu aanay soo qaadan karin smartphones marka ay dugsiga imanayaan. Ujeeddadu waa in la yareeyo caqabadaha waxbarasho, sida in ardaygu ku mashquulo baraha bulshada, ciyaaraha iyo fiidiyowyada, halkii uu ka feejignaan lahaa casharrada. Waxaa kale oo ay ka hortagaysaa dhaqammo anshaxeed oo taban oo mararka qaarkood taleefoonnada keeneen, sida sawirro iyo muuqaallo aan munaasib ahayn oo la isku gudbiyo. Shirkii Dhawaan ka dhacay Jowhar ayaa lagu go’aamiyay in ardeyda laga mamnuuco taleefoonnada casriga ah. Maamulka gobollka Benaadir ayaa ku dhawaaqay maanta in ay dhaqan galiyeen tilaabooyinkaasi. Maxay ka dhigan tahay? Xakameyn tacliin – Ardaydu waxay helayaan jawi diiradda lagu saari karo waxbarashada. Kor u qaadista anshaxa – Waxay ka hortagtaa in ardaydu ku dhex firdhaan xog iyo muuqaal aan ku habboonayn da’dooda. Waalidiinta oo la shaqeeya – Maamulka iyo waalidiintu waxay yeelanayaan iskaashi si si dhab ah loo hubiyo in ardaydu aanay soo qaadan taleefannada. Dalalka hore u mamnuucay Arrintan ma aha mid Soomaaliya kaliya ka hirgashay. Dalal badan ayaa horey u qaaday tallaabo la mid ah: Faransiiska: Laga bilaabo 2018, waxaa sharci laga dhigay in ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe aanay soo qaadan karin taleefoonnada casriga ah. Giriigga: Smartphones waa laga mamnuucay dugsiyada hoose iyo dhexe, gaar ahaan marka cashar socdo. Shiinaha: 2021 ayaa dowladdu ku dhawaaqday mamnuucid ballaaran oo taleefoonnada ardayda, si looga hortago ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah iyo dhaawaca caafimaadka maskaxda. Ingiriiska: In kasta oo uusan sharci qaran ah jirin, dugsiyo badan ayaa iyagu si madax-bannaan u mamnuucay. Australia: Gobollada qaar, sida Victoria iyo New South Wales, ayaa si rasmi ah u mamnuucay taleefoonnada ardayda inta lagu jiro waqtiga dugsiga. Source: goobjoog.com
-
Somalia is a country rich in resources, with a homogenous population and a strategic location. It boasts the longest coastline in Africa, abundant marine resources, and nearly fifty million head of livestock. Additionally, Somalia has the largest population of camels in the world and is home to a rare species of frankincense that is highly sought after globally. These unique commodities are used in perfumes, medicines, and religious ceremonies. Furthermore, Somalia is twice the size of France and twenty times the size of Rwanda. In his 1974 book “Warriors: Live and Death among the Somalis”, Gerald Hanley highlights the admirable qualities of the Somali people, noting that they are, if not hard to love, certainly worthy of admiration. He observes that they possess no feelings of inferiority, do not idolize Western ways and are unafraid of them. Furthermore, he asserts that their national intelligence is exceptional, and he concludes that “A Somali always felt himself to be twice as good as any white man, or any other kind of man at all, and still does even when he is wrong”. He adds that “Their natural intelligence is second to none, and when the education factories start work among them, they should surprise themselves and the rest of Africa”. He further states that “All races in Africa, there can’t be one better to live among than the most difficult, the proudest, the bravest, the vainest, the most merciless, the friendliest, the Somalis”. The founders of our independence envisioned a nation of true warriors dedicated to preserving the freedom and dignity they had fought so hard to achieve. They dreamed of a democratic country that would strive to provide a decent life for its people, promote peaceful coexistence, and bring those in the colony into the fold. The five sides of our beautiful flag, decorated with the clean blue sky, represent these core values and principles, which are deeply rooted in our DNA and enshrined in our constitution. However, after 65 years of hard-won independence, Somalia appears to be struggling under poor leadership, unprincipled politicians, weak institutions and rampant corruption. These issues have become a burden and stigma to our people, both within the country and abroad. Our abundant resources have turned into a curse, while our seas have been transformed into dumping grounds for European waste and toxic materials. Additionally, our marine resources are being depleted by internationally sponsored and protected fleets of trawlers that destroy centuries-old coral reefs and fish habitats. The illegal, unreported and unregulated (IUU) fishing in Somalia’s waters is estimated to cost Somalia up to $300 million annually. It is primarily carried out by international fishing vessels from Europe, particularly Spain, Iran, China, Pakistan, and Yemen, which are only authorized to operate within 24 to 200 nautical miles of Somalia’s exclusive economic zone (EEZ). The question that often arises is what happened to this once great nation, and why is it now underperforming in almost every aspect of life? We used to be regarded as the “bride of Africa”, the first democracy on the continent, and a stronghold for many freedom fighters from Kenya to South Africa, and from Angola to Zimbabwe. Our military intervened in the conflict between Tanzania and Uganda and helped broker peace deals in various regions of Africa. Many freedom fighter rebels opposing the Ethiopian junta, including Meles Zenawi & Isaias Afwerki, were known to hold Somali diplomatic passports, among other freedom fighters from Africa. The most concise answer to the question is leadership. As observed, leadership is crucial during times of uncertainty, public discord, civil unrest, and national calamities, such as prolonged civil war and protracted political disputes, as seen in the case of Somalia. According to Neeley Cain of Charleston Southern University, on the importance of leadership at business levels, he said that “crises are inevitable in organizations. Success during a crisis will depend on how leadership handles the situation”. A good leader can foster growth during an emergency, while a bad leader can ruin it when faced with disaster. “A leader’s inability to adapt to unfamiliar circumstances affects the team too. The success or demise of a company is determined by how its leaders respond to the problem” . This principle is relevant in fragile states like Somalia, where effective leadership becomes even more essential. While leadership is vital at all times, it is of paramount importance during times of crisis and conflicts. Likewise, Abhishek of Engagedly emphazises that “the real test of leadership does not occur when everything is sailing smoothly”. Instead, leadership is oftentimes tested during a crisis. The way a leader behaves and acts during a crisis will establish their credentials as either a good or poor leader. Following the 1969 military coup d’état and the subsequent abolition of the country’s constitution, restrictions on democracy, freedom of speech, and the right to gather were severely imposed, and political parties were banned. In this environment, the leadership became entrenched in tyranny, prioritizing their own agendas over the needs and aspirations of the citizens. I do vividly remember the widespread misuse of public funds, large-scale embezzlement of public resources, extensive corruption, and rampant nepotism. Despots were allowed free rein to loot, while political leaders enriched themselves on the expense of the public. The situation can best be described by a saying from a Somali poet in the same circumstance, “bal muxuu macnaa uu I tarey ministerkaan doortey”, which loosely translates to “what on earth did I gain from the Minister I have elected”. This sentiment ultimately contributed to the downfall of what was once a proud nation, Somalia. As I grew up at the onset of civil war, I believed that a change of leadership at Villa Somalia meant that anyone who married my mother would become my uncle. I never imagined that I would face the threat of losing my life, simply because I belong to a particular tribe, an identity not of my choosing, but a result of divine grace and fate. I have recently documented my experiences in a series of articles titled “The Journey of Two Thousand Miles: Lessons from Somalia’s Civil War”, which can be found in parts I, II, III, and IV at WardheerNews. As the country began to recover from the civil war and re-establish its state at the Arta Conference in Djibouti in 2000, the transpired leader at the time remained trapped in a tribal mindset and failed to understand the gravity of the situation and the danger our nation was facing. The infamous clan-based power-sharing mechanism of 4.5 was adopted and applied as the basis of the new parliament seats. This adherence to tribalism led the Transitional National Government (TNG) to become Mogadishu-bound and not expand beyond. In 2004, the introduction of the federal system during the formation of the Transitional Federal Government (TFG) in Mbagathi, Kenya, established a devolved system in the country. This system takes into account the on-the-ground dynamics, as Somalis have resettled based on clan affiliations for safety, sanity and stability. The completion of the Provisional Constitution in 2011/12 was intended to lead to meaningful reconciliation, a sensible mechanism of sharing power and an equitable distribution of International reconstruction aid. However, the Federal Government of Somalia (FGS) chose to position itself as the sole legitimate authority in the country, operating in what appears to be a dictatorial manner, acting as a unitary state. This approach centralizes all resources, which are then distributed at the discretion of the relevant parties. Additionally, the FGS has misused its control over Somalia’s airspace, as recognized by the International Civil Aviation Organisation (ICAO), to restrict the citizens’ freedom of travel and move as they wish, often causing hardship for individuals travelling to and from regions that do not align with the interests of Villa Somalia. The city-states chose to concentrate state authority within their respective state capitals, neglecting the proper federal system, which consists of three levels of governance: central, state, and local governments. This concentration of power, however, was limited to the state capitals, resulting in a distorted form of federalism that is relatively unknown elsewhere in the world. It is essential to acknowledge that leaders at both the central and state levels have consistently failed to address governance issues, resulting in unprecedented levels of corruption and misappropriation of public funds throughout Somalia’s history. As a consequence, Somalia has struggled to overcome its status as a fragile state, consistently demonstrating the poorest performance in terms of accountability, transparency and good governance worldwide. According to the latest report from Transparency International’s Corruption Perceptions Index (CPI), Somalia scored 9 out of 100. This positions it at 179th out of 180 countries, continuing a trend of being recognized as one of the most corrupt nations globally . Since 2000, every president elected has focused on their own re-election bid on the first day in office and has almost forgotten the promise they made to the public through the constitutional swearing-in ceremony to work for God, people, and country. Indeed, almost all presidents since then got it wrong. As Ismail Warsame of WDM put it eloquently, “Somalia’s tragedy is not merely Al-Shabab’s existence, but the collective amnesia that allows perpetrators to rebrand as saviours. Warlords become ministers, extremists become reformists, and sponsors of student militias become “His Excellency”. Unless Somalia reproduces leaders like Aden Abdulle Osman & Abdirizak H. Hussein, in the league of Nakruma, Nasser, and Nelson Mandela, it is unlikely that the country will escape the perpetual state of fragility and failure to defend its independence and territorial integrity from hovering vultures. The choice is ours. Ali Haji Warsame MA MBA CPA CGMA Executive Director – Hiil Institute. Former Puntland Minister of Education Email: ali.warsame@hiilinstitute.org The post Why Almost Every President Got it Wrong appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu safar ugu baxo dalka Imaaraadka Carabta oo saaxiib dhaw la’ ah dowladda Puntland. Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni uu safar ugu baxayo waddanka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu shirar siyaasadeed kula yeelan doono mas’uuliyiin sare oo kamid ah dowladda UAE, balse faahfaahin intaasi ka baxsan lagama helin Safarka Madaxweynaha. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Deni uu sii marayo dalka Itoobiya oo uu ku booqanayo askar ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad, si uu kormeer ugu sameeyo xaaladda Caafimaad ee dhaawacyadaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo safar siyaasadeed ugu baxaya dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa si toos ah u saameeyay rakaabka caadiga ah ee dalka soo gala. Siyaasi Maxamed Keynaan, oo shalay ka soo degay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in lagu khasbay labo jeer inuu bixiyo dal-ku-gal (Visa) Soomaaliya. DFS waxay dhowaan soo rogtay nidaam cusub oo dal-ku-galka lagu qaato online, kaas oo qof kasta oo wata baasaboorka shisheeye looga baahan yahay inuu ka dalbado kahor inta uusan dalka iman. Qiimaha dal-ku-galkaas waa $64. Balse markii uu diyaaradda kasoo degay Garoowe, maamulka Puntland ayaa ku amray inuu mar kale bixiyo dal-ku-gal kale oo Soomaaliya ah oo gaaraya $60. Sidaas darteed, rakaabku waxa ay isku arkaan in lagu khasbayo laba jeer lacag dal-ku-gal ah. Khilaafkan sharci iyo mid siyaasadeed ayaa sii xoojinaya kala fogaanshaha Garoowe iyo Muqdisho, halka shacabka Soomaaliyeed oo durba la daalaa dhacaya xaalado amni iyo dhaqaale uu kharash dheeraad ah iyo jahwareer ku noqday safarrada gudaha dalka. Waxaa la saadaalinayaa in arrintan ay sii kordhiso muranka ka taagan maamulka socdaalka iyo awoodda sharci ee DFS iyo Puntland, taas oo u baahan xal degdeg ah si aanay u sii xumaan xiriirka maamulka iyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Shirkadda caalamiga ah ee Microsoft ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay ku xaqiijisay in dhowr ka mid ah xarkaha internet-ka ee badda hoosteeda mara ay go’een gudaha Badda Cas. Xarkahan ayaa ah kuwo muhiim u ah isku xirka internet-ka caalamiga ah, gaar ahaan xiriirka ka dhexeeya qaaradda Aasiya iyo qaaradda Yurub. Microsoft ayaa sheegtay in go’aanka xarkahan uu sababi karo gaabis iyo hakad ku yimaada adeegyada internet-ka, iyadoo saameyntu ay si gaar ah u taaban karto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka, ganacsiyada ku tiirsan adeegyada onlayn-ka, iyo isticmaalayaasha caadiga ah ee ku nool labada qaaradood. Waxaa lagu soo warramayaa in kooxaha farsamada iyo shirkadaha caalamiga ah ee maamula xarkaha badda hoosteeda mara ay wadaan hawlo degdeg ah oo lagu baarayo sababta keentay ciladda iyo sidii loo hagaajin lahaa. Waxaa sidoo kale la sheegay in dayactirka xarkahan uu qaadan karo maalmo ama toddobaadyo, maadaama ay ku yaallaan dhul badeed ay adag tahay in si sahal ah loo gaaro. Khubaradu waxay sheegeen in xaaladdan ay xusuusin u tahay sida ay xarkaha badda hoosteeda mara u yihiin laf-dhabarta internet-ka caalamiga ah, iyadoo in ka badan 95% xogta adduunka ay ku safarto xarigyadaas. Illaa hadda ma cadda waxa sababay go’aanka, balse waxaa jira warar sheegaya in ay suurtagal tahay in uu ka dhashay arrimo la xiriira dhaqdhaqaaqyo badeed, shil farsamo ama xaalado dabiici ah. Microsoft ayaa ku wargelisay isticmaalayaasha in laga yaabo in ay dareemaan hoos u dhac ku yimaada xawaaraha iyo helitaanka adeegyada internet-ka, balse waxay balan qaaday in si wadajir ah ay ula shaqeynayaan hay’adaha kale ee maamula shabakadda si xal degdeg ah loo gaaro. Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Puntland ee (PISA) oo warsaxaafadeed kooban soo saartay ayaa beenisay warar ku saabsan in ay ka danbaysay dilka muwaaddin Reer Somaliland ah oo ku dhintay magaalada Hargeysa. “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Dowladda Puntland waxay beeninaysaa wararka maanta lagu faafiyey baraha bulshada, ee lagu sheegay in muwaadin reer Somaliland ah oo ku dhintay Hargeysa ay ka dambaysay Hay’addu” ayuu u qornaa Warsaxaafeedka ka soo baxay Hay’adda PISA. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Puntland, waxay caddaysay in aysan ka shaqayn khaarijinta iyo dilalka qorshaysan, kaddib markii baraha bulshada uu ku faafay war been-abuur ah oo sheegaya in PISA dishay marxuun Axmed Caddib oo ku dhintay magaalada Hargeysa, islamarkaana aan faahfaahin laga bixin sababta geeridiisa. “Hay’adaha amniga ee Dowladda Puntland kama shaqeeyaan khaarajin iyo dilal qorshaysan. Taas beddelkeeda, waxay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin hay’adaha amniga ee mandaqadda, oo ay ku jirto Somaliland. Sidaas darteed, ma jirto sabab ku kallifaysa xadgudub shaqsi ama mid maamul toona” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedkan. Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Sirdoonka Puntland oo beeniyay ay shirqool ku dileen marxuum ku dhintay magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo kaalinteeda Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo wafdi heer sare ah ay ka qeyb galeen shirar ka dhacay xarunta ururka ee magaalada Arusha. Ka qeybgalka Soomaaliya Wafdiga oo uu hoggaaminayey Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Arrimaha EAC, Cali Maxamed Cumar, ayaa la fariistay wasiirada ka socda dhammaan siddeeda dal ee xubnaha ka ah ururka. Waxaa lagu wadaa in shirarku oo socday intii u dhexeysay 31-ka Agoosto ilaa 6-da Sebteembar lagu soo gunaanado maanta. Shirarku waxay isugu jireen: Kulanka 35-aad ee Wasiirada Arrimaha EAC iyo Qorsheynta Kulanka 58-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirada EAC Ajandayaasha Muhiimka ah Doodaha ayaa diiradda lagu saaray: Qorshaha horumarinta EAC ee toddobaad (7th Development Strategy). Dib-u-eegista aragtida EAC Vision 2050. Yareynta caqabadaha aan canshuurta ahayn ee ganacsiga. Wadahadallada Gaarka ah Cali Maxamed Cumar ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee EAC. Waxaa lagu gorfeeyay: Khariidadda isku-darka Soomaaliya ee EAC. Shaqooyinka iyo qorista shaqaale Soomaaliyeed oo ka mid noqda xafiiska xoghaynta EAC. Iswaafajinta baasaboorrada Soomaaliya heerka gobolka, si loo fududeeyo socdaalka. Soomaaliya iyo Doorka Cusub ee Gobolka Soomaaliya waxay si rasmi ah u noqotay xubinta siddeedaad ee EAC bishii Maarso 2024. Xeebta dheer iyo goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo ayaa ka dhigaysa xubin muhiim ah oo ganacsi iyo iskaashi u fureysa ururka. Shirarka Arusha ayaa calaamad u ah dadaalka joogtada ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in ay la jaanqaado siyaasadaha iyo hay’adaha EAC, isla markaana ay xoojiso doorkeeda ku aaddan iskaashiga gobolka. Source: goobjoog.com
-
SHABAABKII XASAN SHIIKH WAXAY KU SOO GURMAYAAN LAASCAANOOD SI AY NABADDA UGA SII FOGEEYAAN. Shabaabkii iyo ictisaamkii uu xasan shiikh maamulayay waxay isku soo uruursadeen laascaanood oo ay hore ugu adkaatay inay dagaal kaga soo qaadaan s/Land iyagoo doonaya inay carqalad uga dhigaan aqoonsiga ay diyaarka ula tahay dawladda maraykanku waxa dhinac socda dawladda jabuuti oo ay si indho la’aan ah ugu Wada socdaan xasan shiikh, Su’aasha meesha taallaa waxa weeye arggagixisada Labada maamul ay wataan ma ka hor tegi karaan danaha dawladda maraykanku ay ka leedahay geeska afrika jawaabtu waxay tahay fashil weyn oo ku soo socda xamar oo ay sababtay lacagihii uu maraykanku ka jaray soomaaliya ayay doonayaan inay kula gogortamaan caalamka illayn ismaaciil geelle maraykan badda s/Land kama celin karee Labada oday waa lacagdoon. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Qaabkii madaxweyne Cirro loogu soo dhaweeyay Gabiilay Daawo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/09/6059df494f6d55012a9e5bcc40032b7d.mp4 Qaran News -
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐛𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐝𝐡𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti ballaadhan uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu baxay Gobolada galbeedka dalka , ayaa gaadhay Gobolka Gabiley. Dadweynaha Gobolka Gabiley oo aan u kala hadhin ayaa si ballaadhan oo ay waddaniyadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo waftiga uu hogaaminaayo Soo dhawayntan ballaadhan ayaa ahayd mid ka tarjumaysa kalsoonida ay Shacabka Gobolka Gabiley u hayaan hoggaanka Qaranka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo geeddi-socodka horumarinta dalka ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay goobta soo dhaweynta waxa uu si kal iyo laab ah u salaamay Shacabka Gobolka Gabiley oo safaf dhaadheer saacado ugu jiray soo dhawaynta Madaxweynaha, iyaga oo calanka Qaranka JSL iyo caleemo qoyan ku soo dhaweeyey Maareeyaha. Madaxweynuhu inta uu joogo magaalada Gabiley, waxa uu kulammo la yeelan doonaa Madaxda Gobolka iyo Degmada, wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada GobolkaGabiley, isaga oo kala hadli arrimo la xidhiidha horumarinta adeegyada bulshada, wada-shaqaynta iyo xoojinta midnimada ummadda. Sida oo kale, Madaxweynaha ayaa xadhigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey magaalada Gabiley qaar kalena dhagax-dhigi doona, kuwaasi oo qayb ka noqonaya horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka Gabiley. Ugu danbeyntii Soo dhaweynta milgaha leh ee ay Shacabka reer Gabiley ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Qaranka ayaa dhiirri-gelin dheeraad ah u ah Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa macno weyna u leh, sababo badan awgood. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud. Howlgalkaas, ayaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay NISA, lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jireen hoggaamiyaal muhiim ah, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay. Sidoo kale, ciidamada ayaa beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 maleeshiyaad, taas oo ku taallay deegaankaasi. Saraakiisha amniga ayaa intaas ku daray in ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ahi ay hadda ku raad-joogaan haraadigii maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur. Gobolka Galguduud ayaa muddooyinkan noqday goob dagaal oo joogto ah, maadaama ay halkaasi ku xooggan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab, balse ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa kordhiyay howlgalada, iyagoo doonaya in ay meesha ka saaraan awoodda kooxda. Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyihii hore xirirka kubada cagta Puntland Maxamed Ciiro ayaa saaka laga qabtay garoonka diyaaradaha Garoowe, xilli uu safar u ahaa magaalada Muqdisho, waxaana loo taxaabay Xabsiga Garoowe. Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in guddoomiye hore Maxamed Ciiro saaka laga qabtay Airport Garoowe, isagoo safar ku sii ahaa magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu doonayay in uu kaga qeyb galo Shirka guddiga Fulinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Maxamed Ciiro loo haysto eed ku saabsan in uu diiday wareejinta xilkii guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo mas’uul cusub loo doortay, balse muranka dhashay natiijada dartiis uu xil wareejinta diiday guddoomiyihii hore. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii hore Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo saaka Garoowe lagu xiray appeared first on Puntland Post.
-
Maalmahan waxaa soo badanaya cabashooyinka ku saabsan qoysas iyo ganacsato ka hayaamaya Puntland, iyagoo u guuraya magaalooyin kale sida Nairobi. Arrintani waxay calaamad u tahay dhaqaale ka baxaya (capital flight), taas oo wiiqaysa kobaca ganacsiga gudaha iyo kalsoonida dadka ee mustaqbalka Puntland. Xogta laga helay guud ahaan Soomaaliya waxay muujineysaa halis aad u weyn: Intii lagu jiray 12 bilood oo keliya sanadkii 2023, in ka badan $300 milyan ayaa ka baxay nidaamka bangiyada gudaha, sida uu sheegay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Marka la eego culayska dhaqaale ee Puntland, waxaa lagu qiyaasi karaa in ugu yaraan $50–70 milyan lacag ah sannad walba ka baxdo Puntland oo dibadda loo wareejiyo. Jaadku wuxuu noqday mid si weyn u saameeya dhaqaalaha: guud ahaan Soomaaliya waxaa sanad walba jaad lagu iibsadaa $146M–$420M, iyadoo qiimaha qaarkood gaari karaan ilaa $1 bilyan sanadkii. Marka qiyaastan lagu dabaqo Puntland, waxaa la saadaalin karaa in $30M–$100M sanadkii oo keliya ay Puntland uga baxaan jaad. Waxaa cad in lacagtaas badan oo Puntland ka baxda loo wareejiyo dibadda, halkii lagu maalgelin lahaa wax soo saar, shaqo abuur iyo adeegyo bulsho. Talooyin Lagu Badbaadin Karo Dhaqaalaha Puntland 1. Joojinta Lacagaha Dibadda Loo Diro iyo Ilaalinta Doollarka Gudaha Dowladda Puntland waa inay xakameysaa lacagaha badan ee loo wareejiyo dibadda, ayna mamnuucdo in doollarka si fudud looga saaro dalka. Lacagta Puntland laga kasbado waa in lagu cunaa Puntland dhexdeeda, laguna maalgashadaa ganacsiga gudaha. Tani waxay sare u qaadaysaa kalsoonida ganacsatada iyo koboca suuqa gudaha. 2. Xakamaynta Jaadka oo Dhaqaalaha Ka Saara Balaayiin Doollar Jaadku wuxuu noqday mid si joogto ah u dhuuqaya dhaqaalaha bulshada. Haddii Puntland sanad walba ku bixinayso $30M–$100M jaad, taasi waa khasaare dhaqaale oo weyn, waxaana halkaas ku khasaaraya Ganacsiyadii gudaha kuwaasoo waynaya Suuq iyo lacag wax lagaga gato. Canshuurta Dawladda iyo Fursadda Sales Tax Waxaa la fahmi karaa in Dawladda Puntland ay ka walwalsan tahay canshuurta jaadka ee ay ka lumin karto haddii jaadka la joojiyo ama la xakameeyo. Si kastaba ha ahaatee, tani waa aragti gaaban. Marka lacagta jaadka laga joojiyo inay dibadda baxdo oo lagu celiyo gudaha Puntland, shacabka waxay helayaan lacago ay ganacsatada wax kaga gataan, ganacsatada waxay lacagtaas ku bixin doonaan sales taxes. Taas macnaheedu waa in Dawladdu ka heli karto canshuur cusub oo sales tax ah — taasoo ka badan karta khasaaraha ay kala kulmi lahayd jaadka iyo canshuurtiisa. 3. Dhiirrigelinta Maalgashiga Gudaha Si loo joojiyo dhaqaalaha baxaya, Puntland waa inay dhiirrigelisaa maalgashiga gudaha—gaar ahaan meelaha dhalinyaradu ku hawlan karaan ganacsi, beeraha iyo farsamada gacanta. Tani waxay abuuraysaa fursado ganacsi oo gudaha ah, waxayna yareyneysaa in qoysas iyo ganacsato lacagtooda dibadda geeyaan. Dowladdu waa inay hormuud ka noqotaa abuurista shirkado iyo mashruucyo ganacsi – tusaale ahaan: Shirkadaha tamarta, beeraha, kalluumaysiga iyo dhismaha – dowladda ayaa bilowda oo maalgelisa. Markay shirkaddu xoog yeelato, dowladda waxay shacabka ka iibisaa shares (saamiyo) si loo yeesho shirkado ay dadka Puntland wada leeyihiin. Habkan wuxuu abuuri karaa kalsooni, shaqo abuur, iyo dhaqaale gudaha ku wareega, halkii uu dibadda u bixi lahaa. Tani waxay ka duwan tahay “dhiirrigelin” ku koobnaata khudbado iyo shirar; waa tallaabo wax ku ool ah oo shacabka u horseedaysa inay ka qayb qaataan kobaca dhaqaale ee dalkooda. Gunaanad Puntland maanta waxay wajahaysaa halis dhaqaale oo ka imaanaysa capital flight iyo jaad. Marka la eego qiyaasta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ugu yaraan $50–70 milyan sanadkii ayaa Puntland dibadda uga baxa. Isla markaas, jaad keliya ayaa Puntland uga saara $30–$100 milyan sanadkii. Taas macnaheedu waa in dhaqaalaha bulshada si joogto ah u baxayo halkii uu gudaha ku sii wareegi lahaa. Haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah, dhaqaalaha Puntland wuxuu sii lumin doonaa awooddiisii koboc. Laakiin haddii dowladdu joojiso dhaqaalaha dibadda u baxa, xakameyso jaadka, islamarkaana dhiirrigeliso maalgashiga gudaha, Puntland waxay dib u hanan kartaa kalsoonida bulshada, waxayna dhisi kartaa mustaqbal dhaqaale oo barwaaqo leh. W.Q: Shucayb Xaaji Ciise The post Puntland iyo Mustaqbalka Dhaqaale: Ilaalinta Doollarka Gudaha iyo Badbaadinta Ganacsiyada appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Japan ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u aqoonsan doonto dowlad-madaxbanaan oo Falastiin ah dhammaadka bishan September, xilli la filayo in shirweynaha guud ee Golaha Qaramada Midoobay uu ka dhaco magaalada New York. Go’aankan ayaa ka dhigan tallaabo diblomaasiyadeed oo weyn, maadaama Japan ay kamid tahay dalalka awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed ku leh caalamka, gaar ahaan gobolka Aasiya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Japan ayaa sheegtay in aqoonsiga Falastiin uu yahay mid ku saleysan taageerada xuquuqda dadka Falastiin iyo dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in xal waara loogu helo colaadda Bariga Dhexe. Japan waxay intaas ku dartay in tallaabadani aysan ahayn mid ka dhan ah maamulka Israa’iil, balse ay u aragto inay muhiim u tahay nabadda iyo wada-noolaanshaha gobolka. Dalal kale oo waaweyn ayaa ayaguna horey u ballan-qaaday aqoonsiga Falastiin, kuwaas oo sheegay inay diyaar u yihiin inay aqoonsadaan dowlad-madaxbanaan oo Falastiin ah. Dalalkaasi waxaa ka mid ah UK, Faransiiska, Canada, Australia, Belgium, Portugal, Finland, Malta iyo kuwo kale oo Yurub iyo Aasiya ah. Tallaabooyinkan isbiirsaday ayaa sare u qaaday cadaadiska caalamiga ah ee lagu doonayo in Falastiin hesho kursi buuxa oo Qaramada Midoobay ah. Falanqeeyayaasha arrimaha caalamiga ah ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Japan inuu yahay mid culays cusub ku kordhinaya Israa’iil, isla markaana dhiirrigelin u noqon kara dalal kale oo weli ka labalabaynaya mowqifkooda ku aaddan aqoonsiga Falastiin. Sidoo kale, tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo xaalada dhulka Falastiiniyiinta – gaar ahaan Qasa iyo Daanta Galbeed ay wali ka taagan yihiin dagaal iyo musiibo bani’aadamtinimo oo ka dhalatay duullaanka iyo duqeymaha joogtada ah. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Puntland oo digniin amni soo saartay ayaa muujisay in laga yaabo magaalada Boosaaso in ay ku soo dhuunteen firxad ka tirsan mileeshiyaadkii Daacish oo nafta kala soo baxsaday Hawlgalka Calmiskaad. Digniintan amni oo ka soo baxday ciidanka Booliska Puntland ayuu ku wargeliyay dadweynaha Boosaaso in ay taxaddar ka muujiyaan habqankii argagixisada Daacish ee ka soo firxanaya Hawlgalka Calmiskaad, kaddib markii kooxdaasi si ba’an ugu jabtay dagaalkii buuraha, oo ay ciidamada difaaca Puntland godadkii ugu daateen. “Iyadoo laga duulayo dagaalka xaqa ah ee ciidankeenu kula jiraan kooxaha argagixisada ah, waxaa jira firxadyo ka tirsan kooxahaas oo laga yaabo inay isku dayaan inay ku dhex dhuuntaan shacabka, iyagoo ka faa’iideysanaya jabka ku dhacay” ayay u qorneyd digniinta Amnig ee uu soo saaray Taliska ciidanka Booliska Puntland. “Haddaba, Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargelinayaa shacabka sharafta leh in qof kasta oo arka ama maqla cid looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxahaas naf-la-caariga ah, ay si degdeg ah ula soo xiriiraan ciidanka booliska Dowladda Puntland iyagoo wacaya lambarka gaaban ee 999, WhatsApp: 905 811 111 oo heegan ah 24-ka saacba” ayay sii raacisay farrintani. PUNTLAND POST The post Puntland oo digniin amni ka soo saartay firxad ka tirsan Daacish oo soo galaya magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay si faahfaahsan uga hadlay sababaha keenay in uusan dhaqan-gelin is-afgaradkii muranka badan dhaliyay ee xukuumaddiisii la gashay Dowladda Federaalka Itoobiya. Muuse Biixi, oo wareysi laga qaaday ayaa sheegay in heshiiskaasi uu ku xayirmay cadaadis diblomaasiyadeed oo xooggan oo caalami ah, kaas oo uu ku tilmaamay mid ku adkaaday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed in uu ku dhaqmo. “Dunida oo dhan ayaa ka hor timid qorshahaas, iyadoo si gaar ah dowladaha Carabta oo uu hoggaaminayo Masar, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Midowga Afrika, iyo quwadaha waaweyn ay si adag uga soo horjeesteen,” ayuu yiri Biixi. Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in xaaladaasi ay ku dhowaatay heer xarunta Midowga Afrika laga wareejiyo magaalada Addis Ababa, taas oo muujinaysa culayska diblomaasiyadeed ee Itoobiya wajahday. Dhanka kale, Muuse Biixi waxa uu shaaca ka qaaday in Dowladda Jabuuti ay si weyn uga carootay is-afgaradkaasi, maadaama ay u aragtay mid dhaawacaya danaha gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika. Is-afgaradka Itoobiya iyo SoomaalilandIs-afgaradka ay xukuumaddii Muuse Biixi gashay Itoobiya, oo lagu dhawaaqay horraantii sanadkii 2024-kii, ayaa ka koobnaa qodobo la xiriira iskaashi dhinaca badda iyo siyaasadda ah iyo bixinta dhul 20 KM ah, waxaana uu abuuray buuq weyn gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u diiday, iyadoo ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka hor imanaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, waxayna Itoobiya la gashay dagaal dublumaasiyadeed oo aad u adag. Hadda, hadalka Muuse Biixi ayaa u muuqda mid si rasmi ah u muujinaya in is-afgaradkaasi uu ku dhamaaday fashil, inkasta oo Itoobiya weli muujinayso rabitaan ku aaddan inay sii waddo xiriir siyaasadeed oo dhow la yeelato Hargeysa. Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo waa magaalada keliya oo wixii ka dhacay 199kii lagu tilmaami karo isku day isir-suulin. “26kii Febraayo 1991kii ciidamada ururka USC oo uu hoggaaminayo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid ayaa weeraray Gaalkaacyo iyo magaalooyinka kale ee Mudug, oo waxay jab u geysteen cadawga, oo gacanta ayay ku hayaan magaalada [Gaalkacyo]” ayay USC ku qortay war saxaafadeed ku saabsanaa weerarkii ururkii USC ku soo qaaday caasimadda Mudug. Gaalkacyo (Faallo) — Dhowaan Xildhaabaan Dhaashane, oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland, wuxuu soo jeediyay in Gaalkacyo noqon karto caasimadda Soomaaliya. “Galmudug iyo Puntland ayaa iska ka kaashan doona arrintaas” ayuu Dhaashane yiri isagoo Gaalkacyo ka jeedinayay khudbad ku saabsan 27 guurada Puntland. Dood kale oo ku saabsan Gaalkacyo rag ka qeybgalay waxay soo bandhigeen in Gaalkacyo ay ku habbon tahay inay noqoto caasimadda Soomaaliya. Mid ka ka mid ah doodayaasha, wuxuu sheegay in “Muqdisho dadkii lahaa ay ka qexeen 1991kii.” Wuxuu sheegay in gobaadfalladii Muqdisho ka dhacay 1991kii iyo waqtigii ka dambeeyay ka dhigeen Muqdisho meel aan ku habboonayn inay sii ahaayo caasimadda Soomaaliya. “Gaalkacyo ayaa kaga habboon” ayuu ku dooday. Sideedaba magaalo qof guri ama guryo ama hanti wuu ku yeelan karaa, laakiin marnaba qofku ma sheegan karo inuu magaalada leeyahay. Sidoo kale, beel ma sheegan karto inay magaalo leedahay. Waagii dhulgoosiga (feudalism) ayay boqorradu iyo kaniisaddu aamminsanayeen inay magaalooyinka leeyihiin, oo dadka ku nool yihiin kireystayaal (tenants). Haddii Muqdisho lagu qiimeeyo wixii ka dhacay 1991kii iyo kaddib, waxaa xeer noqonaysa in magaalo lagu qiimeeyo (1) wixii ka dhacay, ama (2) in magaalo/degmo ay tahay meel hal beel ay u badan tahay. Haddii beel ay ku badan tahay magaalo isla markaasna sheegato lahaanshaha magaalada, magaaladaas waxay u nuglaanaysaa tilmaammaha hadda Muqdisho dadka qaarkood ku duraan. Gaalkacyo way ka yar tahay Muqdisho, laakiin wixii ka dhacay 1991kii degmadaas waa colaado loo soo qaadan karo inaysan ku habboonayn inay noqoto Caasimadda Soomaaliya. 1991kii bishii Febraayo dhammadkeedii ciidammada ururkii United Somali Congress (USC, oo uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid ayaa Gaalkacyo qabsaday. Dhowr dhinac ayay magaalada ka soo weerareen; ku talaggalkoodu wuxuu ahaa in dadka hadda deggan waqooyiga Gaalkcagyo aysan u qixin degmooyinka Gaalkacyo ka xiga waqooyiga. “[Jeneraal Caydiid] wuxuu dagaal aan kala joogsi lahayn ku waday Gaalkacyo oo mar ay gacantiisa gashay uu ku xasuuqay dad gaaraya kun iyo dheeraad” ayuu Cabdullaahi Yuusuf ku qoray buuggiisii Halgan iyo Hagardaamo. USC waxay ahayd jabhad xukunka 1991kii qabsatay, bil ka hor weerarka Gaakacyo, oo sidatay hubkeedii hore iyo hub badan oo ay ka heshay xeryihii Xoogga Dalka ee ku yiil Muqdisho. Ma sugna tirada rayidka uu ururkii USC ku laayay Gaalkacyo laakiin in tiradu aad u badan tahay su’aal kama taagna. In haween, carruur iyo dad da’weyn midna aan la bixinin waa mid ka mid ah raadadka weerarkii USC ku soo qaadday Gaalkacyo 1991kii. Ilaa hadda dadka Gaalkacyo waqooyigeeda ku nool kama hadlaan weerarkaas taariikhda galay. War saxaafadeed ururka USC soo saaray wuxuu ku xusay sida weerarku u dhacay. “26kii Febraayo 1991kii ciidamada ururka USC oo uu hoggaaminayo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid ayaa weeraray Gaalkaacyo iyo magaalooyinka kale ee Mudug, oo waxay jab u geysteen cadawga, oo gacanta ayay ku hayaan magaalada [Gaalkacyo].” Dhafoorqiiq iyo Siyaad Barre In saamaynta weerarka ururkii USC 1991kii ku soo qaaday Gaalkacyo sababay xasuuq ba’an waxaa qeyb ahaan fududeeyay go’aankii xoogagii Dhafoorqiiq (oo hore uga tirsanaa ururkii SSDF) ku aadeen Muqdisho markii uu dagaalku ka qarxay 30kii Diseemabar 1990kii. Dhafoorqiiq daacad uma ahayn dowladdii Kacaanka, kamana soo horjeedin; sidoo kalena ma ahayn xoogag siyaasad ahaan ku abtirsanayay ururkii SSDF oo magac ahaan u jiray markaas laakiin aan lahayn wax ciidan ah oo dowladdii kacaanka la dagaallamayay xilligaas lahayn. Ururrada USC, SNM iyo SPM ayaa la hadal-hayay dhammadkii 1990kii iyo billowgii 1991kii. Markii dowladdii kacaanku dhacday 1991kii, Dhafooqiiq hoggaamiyayaasheedii waxay ku doodeen inay ku guuleysteen inay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ka caawiyeen inuu ka baxo Madaxtooyada markii dagaalyahannadii ururkii USC ka soo daateen darbiyadii Villa Somalia. Markii dambe reer miyga Mudug iyo Nugaal ayaa la abaanbulay kaddibna waxay kaashadeen ciidammadii Balanballe iyo Caabudwaaq 1991kii si la iska caabbiyo ciidankii USC. Labo cashar oo waaweyn ayuu weerarkii Gaalkacyo reebay. 1- Waxaa caddaatay in kala diristii ciidammada SSDF ku salaysnayd go’aan aan laga baaraandegin xilli jabhado beelo ku salaysan ay Soomaaliya ku soo badanayeen. 2- Gaalkacyo waa magaalada uu ka dhacay xasuuqa ugu xun ay geysatay dowlad Soomaaliyeed maadaama ururka USC ahaa ururkii dhisay dowladdii ku meelgaarka uu Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed hoggaaminayay. Dadka Waqooyiga Gaalkacyo ku nool kama hor imanin dowladdii Xamar laga dhisay 1991kii kaddib. Jeneraal Caydiid ayaa dhisay dood ah in ururka SSDF iyo beesha taageeri jirtay yihiin “Siyaad Barre Supporter”, oo dhiggooda iyo hantidooda u xalaaleeyay ciidankii USC. “Taliyaha Sare ee Xoogagga Milatariga ee USC ahna hoggaamiyaha dhabta ah ee ururka ayaa ugu hambalyeeyay dagaalyahannada USC iyo xoogagga horusocodka ah oo la bahda ah hawlgalka lagu guulaystay ay ka fuliyeen Gaalkacyo iyo agagaarkeeda” ayuu warsaxaafadeedku intaas ku daray. Isku-day isir-suulin Gaalkacyo waa magaalada keliya oo wixii ka dhacay 199kii lagu tilmaami karo isku day isir-suulin. USC wuxuu ahaa urur dhisay dowlad ku meelgar ah oo beddeshay taliskii kacaanka 1991kii. Gaalkacyo waa magaalada lagu dilay odayaal sooc ah oo samatalin caan ku ahaa. In laga hadlo wixii Muqdisho ka dhacay waxay sababi kartaa in laga bogsoodo gaboodfalladii ka dhacay caasimadda 199kii iyo kaddib. Gaalkacyo sidaas ma aha. Lagama hadlo wixii ka dhacay 1990kii iyo kaddib. Ma jrto magaalo Soomaaliyeed oo uu ka dhacay xasuuq la heer ah kii ka dhacay Gaalkacyo 1991kii. “[Jeneraal Caydiid] wuxuu dagaal aan kala joogsi lahayn ku waday Gaalkacyo oo mar ay gacantiisa gashay uu ku xasuuqay dad gaaraya kun iyo dheeraad iyo in aad u badan oo barakacday, dadka qaar inta meel la isugu keenay baa Ia laayey iyagoo waliba qaarkood aad u yaqaannay, waxaa ka mid ahaa dadkaas Maxamuud Xaaji Xasan, Jaamac Biixi Xanaf, Maxamuud Cali Nuur… kuwaas oo ka mid ahaa odoyaashii ugu waaweynaa Gobolka Mudug, waa nabadoonnadii iyo ganacsatadii” ayuu Cabdullaahi Yuusuf ku qoray buuggiisii Halgan iyo Hagardaamo. Waa dhab in 1993ki ay Jeneraal Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf heshiis ku kala saxiixdeen Muqdisho ku saabsan Gaalkacyo, heshiiskaas oo weli shaqaynaya. Gaalkacyo waa magaalada weli labo qeybood loo kala deggan yahay, oo waa sida wax u eg Khadkii Cagaarnaa ka jiri jiray Muqdisho. Waa kala qeybsanaan ku salaysan wixii ka dhacay degmada Gaalkacyo 1991kii. Sidaas darteed Gaalkacyo kuma habboona inay noqoto caasimad Soomaaliyeed. © Puntland Post, 2025 The post Miyay Gaalkacyo ku habboon tahay inay noqoto caasimadda Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Arms, Asylum, and Abdication: How Somalia’s Leadership Is Fueling Instability in the Horn of Africa By Abdi Halim M. Musa Somalia’s federal government has become synonymous with dysfunction, corruption, and reckless geopolitics. From covert arms deals and diplomatic scandals to interference in neighboring Republic of Somaliland, the administration of President Hassan Sheikh Mohamud is not simply failing its own citizens; it is actively undermining regional stability. The United States and its allies must respond with urgency before the Horn of Africa slides into a deeper crisis. Mogadishu remains vulnerable to Al-Shabaab attacks, yet the government devotes more energy to acquiring weapons and provoking neighbors than addressing its own insecurity. Despite the fact that its control barely extends beyond parts of the capital, Somalia’s leadership continues to pursue militarized ambitions abroad. In one telling example, Defence Minister Ahmed Moalim Fiqi was recently photographed in Serbia inspecting advanced weaponry. Serbia, known both for its legal arms industry and its shadowy black-market trade, has become a supplier of choice for Mogadishu’s opaque acquisitions. Weapons obtained through these channels often lack safeguards, with many diverted to extremist groups or resold by politically connected businessmen. Credible reports suggest that some of these businessmen operate in close coordination with government officials, including Minister Fiqi himself, who allegedly facilitates deals to profit from arms resales under official cover. This web of profiteering and politics represents not only a domestic scandal but also a looming threat to regional security. China’s Covert Role: Financing Without Fingerprints Overlaying this picture is China’s discreet involvement. Beijing is said to be financing Somalia’s arms purchases while ensuring its own role remains hidden. The mechanism is simple: Somalia receives Chinese funds but is instructed to procure weapons from Serbia, allowing China to distance itself from any direct transfer. The logic behind this strategy is unmistakable. Somaliland’s engagement with Taiwan and its growing ties to the United States have angered Beijing. By empowering Mogadishu, China strengthens a government hostile to Somaliland’s diplomacy, while simultaneously extending its influence over the Gulf of Aden and the Red Sea. This quiet maneuver is not an isolated act of support but part of China’s broader regional ambitions. The destabilization of Somaliland is a calculated attempt to curb its alignment with democratic partners. Somaliland in the Crosshairs The Republic of Somaliland, by contrast, has built stability, peace, and functioning institutions. Yet it increasingly finds itself the target of Somalia’s militarized provocations. Reports indicate that weapons acquired under these shady arrangements are being channeled into the Eastern Sool region, where Somalia seeks to install parallel governance structures and erode Somaliland’s authority. Such actions are a direct violation of Somaliland’s sovereignty and territorial integrity. They form part of a larger campaign, reportedly backed by China, to punish Somaliland for charting an independent foreign policy and pursuing closer ties with the United States and Taiwan. Despite these pressures, Somaliland remains committed to peace and democracy. Its outreach to Western partners should be met with concrete support, not left vulnerable to Mogadishu’s hostility. Diplomatic Abuse: The Geneva Scandal In June 2025, Somalia’s Ministry of Labor and Social Affairs dispatched 23 delegates to Geneva for the 113th Session of the International Labour Conference. According to the Horn Observer, only 11 returned. The remainder reportedly used the trip as a gateway to enter Europe. Allegations include bribes paid for placement on the delegation list, with nearly half the names belonging to individuals who never attended the conference at all. Among them were four siblings from Southwest Somalia with no official role, allegedly included through corrupt intermediaries. This scandal triggered a parliamentary investigation, with Minister Yusuf Mohamed Aden summoned for questioning. It exposed a troubling pattern: diplomatic platforms exploited as channels for personal migration and, in some cases, human trafficking. Now, President Hassan Sheikh Mohamud is preparing to lead a 32-member delegation to the United States for the 80th Session of the United Nations General Assembly. The group includes six ministers, MPs, advisors, and protocol officers—a display of extravagance from a government heavily dependent on foreign aid. Insiders warn that, as in previous missions, members of this delegation may attempt to seek asylum in the U.S. or Canada. The trip’s real purpose? To lobby against Somaliland’s recognition and disrupt its growing relationship with Washington. Such misuse of diplomatic privilege is more than embarrassing. It undermines Somalia’s credibility, squanders donor resources, and turns international platforms into vehicles of corruption. A Call to the United States: Time to Act The United States cannot remain a bystander. With Chinese influence expanding across the Red Sea corridor, Washington has a direct interest in supporting democratic, stable partners in the Horn of Africa. Recognizing Somaliland’s independence would not only reward its democratic track record but also provide a bulwark against authoritarian expansion. Somaliland has consistently extended its hand to the U.S., offering cooperation in trade, security, and regional diplomacy. The time has come for Washington to reciprocate and accelerate recognition before the window of opportunity closes. The risks of inaction are clear. Somalia’s unchecked arms imports, diplomatic misconduct, and systemic corruption threaten not just the region but global security. Weapons leakage to extremists, manipulation of international platforms, and targeted attacks against Somaliland all illustrate how fragile the situation has become. In conclusion, Somalia’s leadership is faltering at home while destabilizing abroad. Its militarized ambitions, aided by foreign financing and entrenched corruption, pose growing risks to the Horn of Africa. Somaliland, by contrast, has demonstrated peace, democracy, and a willingness to partner with the international community. The choice before policymakers is stark: continue to overlook Somalia’s dangerous trajectory, or act decisively to support Somaliland’s sovereignty and regional stability. The future of the Horn of Africa—and the security interests of the wider world—depend on choosing the latter. Author Bio: Abdi Halim M. Musa Political and Economic Analyst | Secretary General, Somaliland Intellectual Forum | Former Deputy Minister of Commerce, Somaliland E-mail: halimusa4@gmail.com Wednesday, 3rd September 2025 Qaran News
-
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullaahi Bile Nuur oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa maanta safar shaqo ku tegey degaanka Bacaad oo ka tirsan degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mas’uuliyiintan ayaa kulamo la yeeshay bulshada kala duwan ee Bacaad iyo cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hawlgala degaankaasi, waxaana ay kala hadleen sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskad. “Maanta aniga iyo Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Puntland waxaannu safar shaqo ku tagnay deegaanka Bacaad ee hoos yimaada degmada Boosaaso.Waxaannu halkaas kula kulannay bulshada deegaanka oo si diirran oo sharaf leh noo soo dhaweeyay, waxaana ka wada hadalnay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskad.” “Sidoo kale, waxaan dhiirrigelin iyo bogaadin u gudbinay cutubyada geesiyaasha ah ee Ciidanka Puntland ee howlaha joogtada ah ka wada deegaanka, anagoo ku adkeynay muhiimadda ay leedahay in la labanlaabo dadaallada socda si loo sugo nabadda iyo horumarka shacabka” sidaasi waxa qoray Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullaahi Bile Nuur oo ka warbixinayay safarkaasi. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo booqday degaan xeebeed saaran dhulka laga ciribtirayo Daacish appeared first on Puntland Post.
-
57080018475-300×200.jpg” alt=”” width=”300″ height=”200″ class=”alignnone size-medium wp-image-283760″ /> Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay Aas-Qaran oo loo sameeyey Allah (SWT) ha u naxariistee Guddoomiye Ku-xigeenkii Koowaad ee Golaha Guurtida Marxuum Siciid Jaamac Cali . Sidoo kale waxaa aaskan qaran ka soo qeyb galay madaxweyinihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi , Gudoomiyaha Golaha Guurtida , Gudoomiyaha Golaha Wakiilada , Gudoomiyaha Maxkamada, Madax-dhaqameedka, Culimaa’udiinka iyo Shacab tiro badan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro isaga oo ka hadlaayey Aaska-Qaran, waxa uu mar kale tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacabka Somaliland, isaga oo xusay kaalintii muhiimka ahayd ee uu Marxuumku ku lahaa dhismaha Qaranka JSL, nabadeynta, wadajirka, danta guud ee ummadda iyo hawlaha Golaha Guurtida. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Allah uga baryey in uu u naxariisto, Jannatul Firdawsal Allaa ka waraabiyo, Qoyskii iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan saadiq ah. Qaran News
