Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) – Somaliland police have arrested TikTok personality Qadan Abdillaahi Qadan Qaran for celebrating the establishment of the Somali regional state of Galmudug at her home in Hargeisa on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  2. The U.N. says sexual violence in conflicts worldwide increased by 25% last year, with the highest number of cases in the Central African Republic, Congo, Haiti, Somalia and South Sudan Source: Hiiraan Online
  3. A broken borehole motor has triggered a severe water crisis for hundreds of displaced families and pastoralists in Hoosingow in southern Somalia’s Lower Juba region. Source: Hiiraan Online
  4. Tension is boiling over in Mandera County as fighting factions across the border in Somalia drag their war into Kenya. Source: Hiiraan Online
  5. The BBC has defended its investigation into child sexual exploitation in Kenya, after the government described it as a "hoax". Source: Hiiraan Online
  6. Tel-Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa “horumar” ka samaysay wada-hadallo ay la leedahay maamulka Somaliland, kuwaas oo ku saabsan qorshe muran dhaliyey oo ah in Falastiiniyiinta laga raro Marinka Gaza, sida ay warbaahinta Israel sheegtay Khamiistii. Telefishinka Channel 12 ayaa sheegay in Somaliland – oo sannadkii 1991-kii kaga dhawaaqday in ay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya, balse aan helin aqoonsi caalami ah – ay ka mid tahay dhinacyo ay Israel u bandhigtay inay qaabilaan Falastiiniyiinta ku barakacay dagaalka Gaza. Waddamada kale ayaa kala ah Indonesia, Libya, Uganda, iyo South Sudan. Isagoo soo xiganaya ilo diblomaasiyadeed oo Israeli ah oo aan la magacaabin, ayuu Channel 12 tebiyey in Somaliland iyo Indonesia ay muujiyeen “diyaar ahaansho ballaaran” oo ay ku aqbalayaan Falastiiniyiinta. Si kastaba ha ahaatee, weli wax heshiis rasmi ah lama gaarin. Telefishinku wuxuu intaa ku daray in la sheegayo in Somaliland ay rajaynayso inay wada-hadalladan uga faa’iidaysato sidii ay ku xoojin lahayd ololaheeda aqoonsi-raadinta ah ee soo jiray tobannaanka sano. Horumarkan la soo tebiyey ayaa ku soo beegmaya xilli ay Somaliland dareen siyaasadeed oo cusub ka helayso Washington. Khamiistii, Senatarka Mareykanka ee Ted Cruz ayaa ku boorriyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland oo ah dal madax-bannaan, isagoo sabab uga dhigaya xiriirka ay la leedahay Israel iyo arrimo kale. Warqad uu diray Arbacadii, ayuu Cruz ku baaqay in la aqoonsado Somaliland “iyadoo lagu salaynayo xuduudihii 1960-kii,” isagoo ku dooday inay Somaliland buuxisay shuruudihii dawladnimo isla markaana ay dhistay dimoqraadiyad shaqaynaysa. “Somaliland waxay u soo baxday inay noqoto saaxiib muhiim u ah Mareykanka dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda,” ayuu qoray, isagoo iftiimiyey iskaashiga ay la leedahay Taiwan, xiriirka ay la leedahay Israel, iyo taageerada ay u fidisay Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords). Waraysi uu siiyey telefishinka i24 News ee Israel, ayuu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku taageeray hijro ballaaran oo dadka reer Gaza – siyaasad uu sidoo kale horey sannadkan u soo dhoweeyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump – isagoo sheegay in Israel ay xiriir la leedahay “waddamo dhowr ah” oo ku saabsan qaabilaadda dadka rayidka ah ee ka barakacay dhulkaas dagaalladu la degeen. “Waxaan u malaynayaa in tani ay tahay waxa ugu dabiicisan,” ayuu yiri Netanyahu. “Dhammaan kuwa ka welwelsan Falastiiniyiinta ee sheegaya inay doonayaan inay caawiyaan waa inay albaabadooda u furaan. Maxaad dusha nooga saaraysaan? Annagu ma eryayno – waxaan u sahlanaa inay baxaan… marka hore, [ka bixitaanka] goobaha dagaalka, iyo sidoo kale Marinka laftiisa, haddii ay doonayaan.” Markii la weydiiyey sababta aysan howshu si degdeg ah ugu socon, Netanyahu wuxuu ku jawaabay: “Waxaan u baahanahay waddamo qaabila. Waxaan la hadlaynaa waddamo dhowr ah – halkan kuma faahfaahin doono.” Qorshahan ah in Falastiiniyiinta si qasab ah looga saaro Gaza – haddii loogu yeero haajirid “iskood ah” ama si kaleba – waxaa diiday madaxda Falastiiniyiinta, dawladaha Carabta, iyo qayb weyn oo ka mid ah beesha caalamka, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay ku xadgudub sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada iyo kan xuquuqul insaanka. Weli ma cadda in Somaliland ay sii wadi doonto qorshaha dib-u-dejinta. Heshiis kasta oo la gaaro wuxuu noqon doonaa tallaabo diblomaasiyadeed oo halis weyn ku jirto – kaasoo suurtagal ka dhigi kara inuu horumariyo ololaheeda aqoonsi-raadinta, laakiin isla markaasna khatar gelinaya inay kala kulanto cawaaqib-xumo siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo kaga timaada Soomaaliya, dawladaha Carabta, iyo dhinacyada kale ee ka soo horjeeda qorshahan.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku nool xaafadda Xero Guulwade ee degmada Yaaqshiid, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay ka baqayaan in dowladda Soomaaliya ay boobto dhulkooda, inkastoo aysan deganeyn dhul dowladeed, balse ay degan yihiin dhul sharciyeysan. Waxay sheegeen in diyaaradaha yaryar ee wax sawira ay maalin kasta dul wareegaan guryahooda, kuwaas oo sawirro iyo muuqaallo ka duubaya dhulkooda, sida ay hadalka u dhigeen. Shacabka hadlay ayaa sheegay inuu jiro dhul ay dowladdu leedahay oo ay deris la yihiin, balse ay ka cabsi qabaan in dhulkooda lagu daro, kadib markii ay arkeen sida loogu mashquulsan yahay sawir qaadista guryahooda. “Si shacabka iyo dowladda aysan isugu dhicin, ha naloo soo diro dad qiimeeya dhulkan. Deriskeena ayaa degan dhul dowladeed, laakiin dhulkeenu waa mid sharciyeysan oo lacagteenna aan ku soo iibsannay. Dowladda iyo dadkeeda yaan la iska hor keenin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaashii hadlay. Dadka cabanaya ayaa degan dhul u dhow dhulkii hore ee Telefishinka Qaranka Soomaaliya, kaas oo ay sheegeen inay sharcigiisa haystaan, isla markaana ay ka codsanayaan dowladda in dhulkooda loo ilaaliyo nabadgelyadiisa. “Dowladda Soomaaliya waxaan u sheegeynaa in guri kasta aan u heysanno dukumeenti. Yaan nalaga gardaran. Shacabkana waxaan leenahay isku diyaariya, haddii sharcigu shaqeyn waayo, inaad guryihiinna difaacataan,” ayuu yiri oday kale. Shacabka ayaa sheegay in dadka dowladda u qaabilsan boobka dhulka ee aaggaas ay haystaan guryaha iyo goobaha ganacsi ee ugu waaweyn magaalada. “Dhulkeennu mid qarsoon maaha, dhulkii Telefishinka Qaranka kama tirsana. Haddana waxaan aragnaa in dadka burburinta dhulka u qaabilsan dowladda ay wadaan ballaarin, ayna nagu soo fideen. Waan ka digeynaa fidnadaas,” ayuu yiri oday kale oo warbaahinta la hadlay. Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan burburinta iyo la wareegidda dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka si qasab ah looga saarayo dhulkii ay ku noolaayeen sanado badan. Dowladda waxaa lagu dhaliilaa in aysan faahfaahin ka bixin maareynta dhulalka danta guud ee ay ka saarayaan shacabka, iyadoo arrimaha dhulka ay gacanta kula jiraan ganacsato iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda. Dhulkii ugu dambeeyay ee si xoog ah looga saaray dadkii deganaa wuxuu ahaa Xero Horseed oo ku taalla Tarabuunka, degmada Hodan, halkaas oo uu ka dhacay khasaare nafeed. Dhul-boobka ay dowladdu hoggaamineyso waxaa barbar socda maareyn xumo mararka qaar sababta dhimasho iyo isku dhac hubeysan.
  8. Mandera (Caasimada Online) – Xiisad culus ayaa ka taagan degmada Mandera ee Kenya, kadib markii maleeshiyaad ku dagaallamaya gudaha Soomaaliya ay dagaalkooda soo geliyeen dhulka Kenya. Fiidnimadii Arbacadii, Fatuma Madnur Mohammed ayaa ku geeriyootay qarax miino gacanta lagu sameeyo (IED) oo lagu aasay beerteeda ku taalla dhinaca xadka ee Kenya, taas oo qaraxday markii ay ku dhacday. Booliiska ayaa aaminsan in qalabka qarxay ay halkaas uga tageen dagaalyahanno ka tirsan ciidamada maamulka Jubaland, kuwaas oo ka soo cararay dagaal ay kula jiraan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS), kuwaas oo ku dadaalaya inay dib ula wareegaan gobolka Gedo. Tan iyo markii dagaalku qarxay bishii la soo dhaafay, ciidamada labada dhinac ayaa marar badan u soo gudbay dhanka Kenya ee Mandera East, halkaas oo ay magan galyo ku raadsadaan, dib isu abaabulaan, kadibna dib ugu laabtaan goobaha dagaalka. Fatuma, oo 44 jir ahayd, ayaa ku naf baxday goobta, iyadoo gabadheeda, Asman Mohamed Noor oo 11 jir ah, ay ku dhaawacantay labada lugood. Asman ayaa miinada ku aragtay bannaanka guriga, kadibna gudaha u keentay, halkaas oo ay ku qaraxday xilli hooyadeed ay isku dayeysay inay hubiso waxa ay tahay. Taliyaha Booliiska Mandera, Robinson Ndiwa, ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay ka digtoonaadaan walxaha laga shakiyo. “Dhacdadan waa mid laga murugoodo, balse waxaan kordhinay kormeerka amniga, waxaana dagaalyahannada ka fogeynay xadka dalkeenna,” ayuu yiri Ndiwa, isaga oo intaas ku daray in IED kale ay dishay dameer. Walaalka Fatuma, Abdi Mohammed, ayaa sheegay in guriga ay ku nooshahay ay ku yaallo meel qiyaastii 100 mitir u jirta xadka Soomaaliya. Gobolka Gedo, oo ay degaan beesha Mareexaan ee saamaynta weyn leh, ayaa inta badan hoos taga maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Dhawaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay magaalooyin istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin Belad Xaawo, Garbahaarey iyo Baardheere. Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, boqolaal qof ayaa u qaxay Kenya, waxayna si ku-meel-gaar ah ugu hoydaan ayagoo marti u ah hay’adda Bisha Cas ee Kenya (Kenya Red Cross Society) xeryo ku yaalla iskuullada Duse iyo Barwaaqo ee magaalada Mandera. Dagaalka ayaa cirka isku shareeray kadib markii laba diyaaradood oo qumaatiga u kaca (helicopters) ay soo gaareen magaalada Belad Xaawo, kuwaas oo waday saraakiil sare, ay ka mid ahaayeen Cabdirashiid Xasan Cabdinur Janan. Janan, oo hore uga tirsanaa maamulka Jubbaland isla markaana soo noqday wasiirka amniga, ayaa ka goostay maamulkaas, kadibna loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka ee Dowladda Federaalka u qaabilsan gobolka Gedo — tallaabo sii hurisay colaadda. Ka hor khilaafkan, labada ciidan waxay iska kaashan jireen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa hadda ku eedeysay Axmed Madoobe inuu hurinayo dagaalka. Dagaalka ayaa horey u dilay Kornayl Xuseen Giif, oo ahaa taliyaha booliiska Jubbaland ee gobolka Gedo, kadib weerar ay ciidamada Dowladda Federaalka ku qaadeen Tuulo Amiin, halkaas oo sidoo kale lagu dilay askar kale oo Jubbaland ah, qaar kalena lagu dhaawacay. Weerarka lagu qaaday xeradaas ciidan, qaar ka mid ah askarta Jubbaland ayaa ka baxsaday, waxayna u carareen dhanka Kenya iyo Itoobiya. Inta uu socdo dagaalka ka socda xadka Soomaaliya, taliye ku xigeenka guud ee Booliiska Kenya, Eliud Lagat, ayaa 9-kii Agoosto booqday Mandera, isaga oo ay wehelinayeen taliye ku xigeenka Booliiska Maamulka Gilbert Masengeli. Waxay shacabka ugu baaqeen inay soo sheegaan cid kasta oo ku hawlan hurinta colaadaha qabiilka ama falalka argagixisada. “Colaadaha qabiilka iyo falalka argagixisada weli waa khatar amni oo weyn oo gobolka ka jirta, waana in si wadajir ah wax looga qabtaa arrimahan muhiimka ah,” ayuu yiri Lagat, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga buuxa ee u dhexeeya hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.
  9. TEL-AVIV, Israel – Israel is making “progress” in negotiations with Somalia’s breakaway region of Somaliland over controversial plans to relocate Palestinians from the Gaza Strip, Israeli media reported Thursday, in a move widely condemned as a violation of international law. Channel 12 television said Somaliland — which declared independence from Somalia in 1991 but is not internationally recognised — is among five countries approached by Israel to take in Palestinians displaced by the war in Gaza. The others are Indonesia, Libya, Uganda, and South Sudan. Citing an unnamed Israeli diplomatic source, Channel 12 reported that Somaliland and Indonesia have shown “greater openness” to accepting Palestinians. However, no formal agreements have been reached. The broadcaster added that Somaliland is reportedly hoping to leverage the talks to bolster its decades-long bid for international recognition. US political support The reported progress comes as Somaliland gains new political attention in Washington. On Thursday, US Senator Ted Cruz urged president Donald Trump to formally recognise Somaliland as an independent nation, citing its relations with Israel among other reasons. In a letter sent Wednesday, Cruz called for recognition of Somaliland “within its 1960 borders,” arguing the territory meets the criteria for statehood and has built a functioning democracy. “Somaliland has emerged as a critical security and diplomatic partner for the United States,” he wrote, highlighting its cooperation with Taiwan, outreach to Israel, and backing of the Abraham Accords. Elsewhere, South Sudan — one of the countries named in the Israeli media reports — has denied any such discussions. On Wednesday, the Foreign Ministry issued a statement calling the claims “baseless” and “not reflective of official policy.” Despite this denial, Israeli Deputy Foreign Minister Sharren Haskel arrived in South Sudan that same day in what was described as the first-ever visit by an Israeli official to the country, fueling speculation that the trip was tied to the relocation plans. The Associated Press has also reported that Israel discussed resettling Gazans in South Sudan, a claim the African nation’s government has rejected. In an interview with Israel’s i24 News channel, Prime Minister Benjamin Netanyahu voiced support for the mass emigration of Gazans — a policy also endorsed by US president Donald Trump earlier this year — saying Israel is in contact with “several countries” about absorbing displaced civilians from the war-torn territory. “I think this is the most natural thing,” Netanyahu said. “All those who are concerned for the Palestinians and say they want to help the Palestinians should open their doors to them. What are you preaching to us for? We’re not pushing them out — we’re enabling them to leave… first of all, [leaving] combat zones, and also the Strip itself, if they want to.” Pressed on why the process has not moved faster, Netanyahu responded: “You need receiving countries. We are talking to several countries — I won’t detail them here.” International backlash Plans to forcibly remove Palestinians from Gaza — whether under the label of “voluntary” migration or otherwise — have been rejected by Palestinian leaders, Arab governments, and much of the international community as violations of international humanitarian and human rights law. Israel’s military campaign in Gaza, launched in October 2023 after Hamas’s surprise attack, has so far killed more than 61,700 Palestinians, according to Gaza health authorities. In November, the International Criminal Court issued arrest warrants for Prime Minister Netanyahu and former Defence Minister Yoav Gallant on charges of war crimes and crimes against humanity in Gaza. Israel is also defending itself against a genocide case at the International Court of Justice. Despite repeated international calls for a ceasefire, Israel has pressed ahead with its military operations, insisting they are necessary to dismantle Hamas’s capabilities. Whether Somaliland will proceed with the relocation plan remains uncertain. Any deal would be a high-stakes diplomatic gamble — potentially advancing its recognition campaign while risking political and economic backlash from Somalia, Arab states, and others opposed to the scheme. The combination of Israel’s outreach, US political interest, and Somaliland’s recognition ambitions highlights how the Gaza conflict is shaping diplomatic calculations far beyond the Middle East.
  10. WASHINGTON, United States — US Senator Ted Cruz has urged president Donald Trump to formally recognize Somaliland as an independent nation, citing its democratic record, strategic location, and growing role as a security partner in the Horn of Africa. In a letter sent Wednesday, Cruz called for recognition of Somaliland “within its 1960 borders,” arguing the territory meets the criteria for statehood and has built a functioning democracy. “Since moving to reclaim its independence in 1991, it has functioned as a stable, self-governing, democratic nation,” Cruz wrote, noting that Somaliland has held multiple peaceful elections since 2003, marked by strong voter participation and smooth transfers of power. Somaliland, a former British protectorate, enjoyed brief international recognition in June 1960 before uniting with Italian Somaliland to form the Somali Republic. It declared independence in 1991 amid Somalia’s civil war, but remains unrecognized internationally. Strategic security role Cruz highlighted Somaliland’s location along the Gulf of Aden — one of the world’s busiest maritime corridors — as a key asset for US strategic interests. He pointed to its contributions to regional counterterrorism and anti-piracy operations, as well as its willingness to host a US military presence near the Red Sea. “Somaliland has emerged as a critical security and diplomatic partner for the United States,” Cruz said, noting its cooperation with Taiwan, outreach to Israel, and backing of the Abraham Accords. The Gulf of Aden is a crucial shipping route linking the Arabian Sea to the Red Sea via the Bab el-Mandeb Strait, where disruptions could affect global energy flows. Cruz warned that Somaliland is facing growing pressure from “adversaries,” especially China and Somalia. He accused Beijing of using economic and diplomatic leverage to punish Hargeisa for maintaining ties with Taiwan. In April 2025, the Chinese Communist Party helped arrange Somalia’s decision to bar Taiwanese passport holders from entering Somaliland. Chinese support to Mogadishu, Cruz added, is aiding groups seeking to weaken Somaliland’s autonomy. Somaliland defied Beijing in 2020 by opening a Taiwanese Representative Office in its capital, Hargeisa — a move that has strengthened its international profile but also intensified Chinese pushback. US policy remains unchanged The United States, in line with the African Union, officially recognizes Somalia’s territorial integrity. Washington engages with Somaliland on security and development, but stops short of granting formal recognition. Cruz’s appeal comes amid wider debate in Washington over countering Chinese influence in Africa and securing access to strategic ports and critical minerals. He noted that Somaliland is open to agreements that could bolster US supply chain resilience. Despite its stability, Somaliland remains economically isolated and reliant on livestock exports, particularly to Gulf states. International recognition could open access to global financing and wider trade — though it risks heightening tensions with Mogadishu. Cruz concluded that granting recognition would reward a democratic partner and enhance US interests in a volatile region. “To do so to the greatest effect and the greatest benefit to American national security interests, it requires the status of a state,” he wrote. The Trump administration has not publicly commented on the letter.
  11. WASHINGTON, D.C. – Today, U.S. Senator Ted Cruz (R-Texas), Chairman of the Senate Foreign Relations Subcommittee on Africa and Global Health Policy, sent a letter to President Trump urging the administration to formally recognize the Republic of Somaliland as an independent state. Excerpts and highlights from the letter: “Somaliland has emerged as a critical security and diplomatic partner for the United States, helping America advance our national security interests in the Horn of Africa and beyond. It is strategically located along the Gulf of Aden, putting it near one of the world’s busiest maritime corridors. It possesses capable armed forces and contributes to regional counterterrorism and piracy operations. It has enabled the opening of a Taiwanese Representative Office in the capital of Hargeisa, sought to strengthen ties with Israel, and voiced support for the Abraham Accords… “Somaliland faces mounting pressure from adversaries, due in no small part to its role as a partner for the United States and our allies. The Chinese Communist Party (CCP) is using economic and diplomatic coercion to punish Somaliland for its support for Taiwan, as well as to undermine that support… “Despite these threats, Somaliland remains committed to forging closer ties with the U.S., and is actively engaged in enhancing military cooperation, counterterrorism efforts, and economy and trade partnerships. To do so to the greatest effect, and the greatest benefit to American national security interests, it requires the status of a state. I urge you to grant it that recognition.” Qaran News
  12. Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad-Sugidda ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan, ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu si weyn ugu eedeeyey Axmed Madoobe, isagoo soo bandhigay waxa ay isku hayaan ninkaasi, xilli uu la hadlayey saraakiil ka soo goosatay Axmed Madoobe oo ku biirtay ciidanka dowladda. Sarkaal lagu magacaabo Korneyl Maxamed Canjeex ayaa hoggaaminaya ciidanka ka soo goostay Jubbaland ee maanta lagu soo bandhigay xerada UK ee Beledxaawo, kuwaas oo ku biiray garabka dowladda ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan. Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in shacabka gobolka Gedo ay fahmeen waxa uu ugu yeeray “magriga Axmed Madoobe uu ku hayo reer Jubbaland,” isagoo ciidanka uga mahadceliyey sida ay u diideen inay u dagaallamaan Axmed Madoobe, iyagoo ku duulaya qaranimada Soomaaliya. “Raggaan galabta i hor fadhiya, Axmed Madoobe wuxuu u soo diray inay beddelaan saraakiishii uu dagaalka geliyey ee geeriyooday. Maanta ayay nagu soo biireen. Hore ayaan u sheegay in wiilasheennu aysan u dagaallami doonin Axmed Madoobe, waa taas maanta hadalkaygii rumoobay,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu madax-furasho u haysto dadka ku nool gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya, isagoo diiday in la xoreeyo caasimadda Jubbaland ee Bu’aale, sida uu hadalkiisa u dhigay. “Jufadiisa dhulkii ay deganaayeen ayaa la haystaa, dadkiisana wuxuu qaar ka haystaa, qaarna cadowga ayuu ku daawanayaa. Wuxuu leeyahay ‘reer hebel ayaa xukunka iga wareegaya.’ Walaalow, cid xukun kaa rabta ma jirto ee Jubbaland adiga ayaa qaribay oo dhibaato ku haya dadkaaga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Janan. Wuxuu sheegay in dowlad kasta oo Soomaaliyeed uu Axmed Madoobe go’aansaday inuu la dagaallamo isagoo adeegsanaya wiilasha Soomaaliyeed ee la jooga, kuwaas oo Janan uu sheegay inay haystaan duruufo dhaqaale oo aad u daran. “Jeneraal ayaan kaa dhigay, waxaa tahay gaashaanle laba-xiddigle ah, ayuu leeyahay wiilasha. Meel ay ka shaqayso ma jirto darajada uu ku sasabayo wiilasha. Axmed hadduu idin soo diro, waad noo imaanaysaan, waana nagu soo biireysaan — waan hubaa. Laakiin Axmed waan aqaan, doqon maaha, wuu og yahay taas, mana idin soo dirayo,” ayuu yiri Janan oo qoslaya, iyadoo farriintiisu ay ku socotay wiilasha ka tirsan ciidanka Axmed Madoobe. Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu haysto ciidan uu u maleeyo inaysan waxba kala ogeyn, balse wuxuu u qiray ciidamada Jubbaland inay yihiin rag fursad waayey, kuwaas oo sida uu rajeeyey maalin un heli doona fursad ay uga soo baxaan safka Axmed Madoobe. Hoos ka daawo:
  13. Shipping containers are offloaded from a vessel at Berbera Port in Somaliland on Aug. 31, 2021. Shipping containers are offloaded from a vessel at Berbera Port in Somaliland on Aug. 31, 2021. (ED RAM/AFP via Getty Images Shipping containers are offloaded from a vessel at Berbera Port in Somaliland on Aug. 31, 2021. Shipping containers are offloaded from a vessel at Berbera Port in Somaliland on Aug. 31, 2021. (ED RAM/AFP via Getty Images) Over the past two decades, Emirati companies have steadily expanded their footprint across East Africa, with a focus on logistics, farmland and critical minerals. Amid East African countries’ rapid economic growth, this trend will likely continue as Dubai-based entities look to capitalize on the region’s economic potential and to position Dubai as its leading trade interface with the rest of the world. However, the United Arab Emirates’ outreach to East Africa has become increasingly driven by geostrategic considerations since the start of the 2010s, with the goal of pushing back against political Islam and shoring up Emirati influence in the Red Sea region. With a rising prospect of resurging UAE-Turkey competition in the medium-term amid Iran’s repeated setbacks, Abu Dhabi will likely keep deepening its security and trade partnership with East Africa as it seeks to keep Ankara and other regional competitors’ influence at bay — with Ethiopia and Uganda… Rémi Dodd Sub-Saharan Africa Analyst with RANE, Stratfor Qaran News
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa war yaab leh kasoo saartay iska hor-imaadkii maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, iyagoo eedeyn culus dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Axmed Madoobe ay isku hayaan arrimo siyaasadeed. Jubbaland waxay Madaxweynaha JFS ku tilmaameen eedeysane, waxayna ku eedeeyeen inuu boobayo dhulkii danta guud ee magaalada Muqdisho muddo saddex sano ah, sida ay hadalkooda ku sheegeen. Sidoo kale, Jubbaland waxay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay si toos ah ugu dhacdo lacagta ka soo xarooneysa xaraashka dhulka danta guud, isla markaana uu u adeegsanayo burburinta nidaamka federaalka ah, iyagoo shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ugu baaqay inay “Xasan iska qabtaan.” Dagaal toos ah ayaa ka dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka uu Axmed Madoobe hoggaamiyo ee Jubbaland, waxayna qoraalkan ku xuseen in dhaqaalaha ka soo xarooday dhulka danta guud uu Xasan ku maalgelinayo dagaalka ka socda Beledxaawo, kaas oo ciidamada Jubbaland looga awood badiyey loogana saaray deegaanka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ay soo saartay Jubbaland: Dowladda Jubbaland waxay tacsi u diraysaa qoysaska, ehellada iyo qaraabada dhibbanayaasha weerarka maanta lagu qaaday xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, oo ah deegaan ay ku nool yihiin kumannaan muwaadiniin ah oo iyadoo aan loo helin dib-u-dejin rasmi ah, taliska eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu si qasab ah ku xaraasho deegaanka ay ku nool yihiin. Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ku baahay guud ahaan magaalada Muqdisho boobka dhulka danta guud, iyadoo si qasab ah dadka looga saarayo guryahooda, isla markaana lacagaha ka soo xarooda xaraashka dhulka ay si toos ah ugu dhacaan jeebka eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ah mid ka baxsan hanaanka maaraynta dhulka danta guud iyo baahida dadka hadda dhulkaas ku nool ay u qabaan. Dhammaan dhulka danta guud ee taliska eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud uu xaraashay, lacagtii ka soo xarootay waxaa uu u adeegsaday burburinta hanaanka federaalka, sida weerarkii Raaskambooni iyo dagaallada uu hadda ka wado degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Sidoo kale, eedeysanuhu wuxuu lacagtan u adeegsanayaa doorasho boob ah oo aan la isku raacsanayn iyo dano shaqsiyeed. Dowladda Jubbaland waxay ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay iska diidaan boobka dhulka danta guud iyo barakicinta dadka shacabka ah, iyadoo dadka aan deegaan ay ku noolaadaan laga barakicinayo guryahooda, isla markaana lacagaha dhulkaas lagu xaraashayo lagaga shaqaynayo burburinta dalka iyo dadka. Jubbaland ayaa war yaab leh kasoo saartay iska hor-imaadkii huneysnaa ee maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, iyagoo eedeyn culus dusha ka saaray Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Axmed Madoobe ay isku hayaan siyaasadda. Jubbaland, waxay Madaxweynaha JFS ku tilmaameen eedeysane, waxayna ku eedeeyeen inuu boobayo dhulkii danta guud ee magaalada Muqdisho, muddo seddax sano ah, sida ay hadalkooda u dhigeen. Sidoo kale, Jubbaland waxay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay toos ugu dhaceyso lacagta ka soo xarooneysa xaraashka dhulka danta guud, isla markaana uu u adeegsanayo burburinta nidaamka federaalka ah, iyagoo shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ugu baaqay inay ‘Xasan iska qabtaan.’ Dagaal toos ah ayaa ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka uu Axmed Madoobe hoggaamiyo ee Jubbaland, waxayna qoraalkaan ku xuseen in dhaqaalaha ka soo xarooday dhulka danta guud uu Xasan ku maalgelinayo dagaalka ka socda Beledxaawo, kaas oo ciidamada Jubbaland looga awood badiyey, loogana saaray deegaanka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ay soo saartay Jubaland: Dowladda Jubaland waxay tacsi u diraysaa qoysaska, ehelka iyo qaraabada dhibbanayaasha weerarka maanta lagu qaaday Xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, oo ah deegaan ay ku nool yihiin kumannaan muwaadiniin ah oo iyadoo aan loo helin dib-u-dejin rasmi ah, Taliska eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu si qasab ah ku xaraasho deegaanka ay ku nool yihiin. Saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaa ku baahay guud ahaan magaalada Muqdisho boobka dhulka danta guud, iyadoo si qasab ah dadka looga saarayo guryahooda, isla markaana lacagaha kasoo xarooda xaraashka dhulka ay si toos ah ugu dhacaan jeebka eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ah mid ka baxsan hanaanka maaraynta dhulka danta guud iyo baahida dadka hadda dhulkaas ku nool ay u qabaan. Dhammaan dhulka danta guud ee Taliska eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud uu xaraashay, lacagtii kasoo xarootay, waxaa uu u adeegsaday burburinta hanaanka Federaalka, sida weerarkii Raaskambooni iyo dagaallada uu hadda ka wado degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Sidoo kale, eedeysanuhu wuxuu lacagtan u adeegsanayaa doorasho boob ah oo aan la isku raacsanayn iyo dano shaqsiyeed. Dowladda Jubaland waxay ugu baaqeysaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay iska diidaan boobka dhulka danta guud iyo barakicinta dadka shacabka ah, iyagoo oo aan deegaan ay ku noolaadaan haysan laga barakicinayo guryahooda, isla markaana lacagaha dhulkaas lagu xaraashayo lagaga shaqaynayo burburinta dalka iyo dadka.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeedka ay galabta soo saareen Madasha Samata-bixinta ayaa u muuqday mid is-barbar-dhac kusoo dhamaaday, iyadoo la ogaa in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay madashu ku kala aragti duwanaayeen wadahadalladii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh. Qaar ka mid ah xubnaha madasha ayaa rabay in wadahadalladu sii socdaan, halka qaar kalena ay ku adkeysanayeen in wadaxaajoodyadii ay Madaxweynaha la lahaayeen uu dhammaaday, intaas kaddibna uusan sii socon karin. War-murtiyeedka ayaa u muuqda mid siinaya labada dhinacba guul 50–50 ah, maadaama ay caddeeyeen in guddiga wadaxaajoodka uu sii wado hawshiisa wadahadalka, isla markaana ay ku adkeysanayaan in gebi ahaanba dib loogu laabto Dastuurkii KMG ahaa ee 2012. Mowqifkan mideysan wuxuu u muuqdaa mid cadaadis saaraya Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay kubadda kusoo celiyeen dhinaca Villa Somalia, iyadoo hadda la sugayo sida Madaxweynuhu u aqbali doono shuruudahan ama uu wajihi doono eedda ah inuu hor istaagayo in xal siyaasadeed la gaaro, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ay ku kala tageen labada dowlad-goboleed ee Puntland iyo Jubbaland. Mucaaradka ayaa ku sigtay inay burburaan oo aysan ka soo saari karin mowqif mideysan wadahadalladii sii socon waayey ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay kula jireen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, kadib markii ay kala shakiyeen. Xubno ka mid ah xisbiga hoggaamiyaha mucaaradka Sheekh Shariif ayaa sheegay inay ku dhex jiraan siyaasiyiin loo ballan qaaday in lasiinayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, lacag, safiirnimo, iyo madaxweyne dowlad-goboleed. Eedeyntaas ka dhex yeertay mucaaradka ayaa xaqiijisay kala shakigooda. Ku dhowaad 24 saac ayey ku qaadatay inay war-saxaafadeed kasoo saaraan mowqifkooda wadahadalladii ay kula jireen Madaxweyne Xasan Sheekh, intaasna waxa ay ka doodayeen — sida ay ku sheegeen bayaankooda — maadaama xubno ka mid ah ay doonayeen in wax la xeeriyo. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhow mucaaradka, weli wuu jiraa, waana sii xoogeysanayaa kala shakigu, iyadoo siyaasiyiinta madasha qaarkood lagu eedeynayo inay heshiis hoose la galeen Xasan Sheekh si xil ay uga helaan, suurtagalna ay tahay inuu siiyo. Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa dhinac ka ah khilaafka iyo diidmada siyaasadeed ee qorshaha Xasan Sheekh, waxayna mar kasta doorbidayaan in loo tanaasulo ama ay kor u sheegaan in heshiis siyaasadeed ay la geli waayeen Madaxweynaha, taas oo Xasan Sheekh culeys ku ah. Bayaanka Madasha oo dhameystiran Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ka duulaysa: Adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka, iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay beddelkii dastuurka. In meel looga soo wada jeesto dagaalka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimada iyo dowladnimada dalkeenna. In dowlad-goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland lagu qanciyo inay qayb ka noqdaan wada hadalka qaran. In heshiis buuxa laga gaaro doorasho toos ah oo daahfuran, lagu heshiiyo, looguna gogol-xaaraayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen 2012. Madashu oo ka bariganataalay qodobada kor ku xusan ayaa wadahadal la furtay Madaxweyne Xasan Sheekh. Shan kulan wadaxaajood oo socday muddo bil iyo bar ah oo labada dhinac dhexmaray, ayuu madashu dalbatay in Madaxweynaha uu ka laabto cutubka afaraad ee dastuurka iyo shuruucdii doorasho ee ka ratibmay, kaas oo dhaxal-wareegay heshiiskii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda Saddexaad ee dalka, sida: Nidaamka Baarlamaani-ga ah Hannaanka xukun ee Federaalka Awood qaybsiga siyaasadeed Doorashada afar sanadlaha ah Talada geedi-socodka dowlad-dhiska dalka oo wadar-oggol lagu gooyo Madashu waxay u dhabar adaygtay in wadahallada laga miro dhaliyo, si dalka looga samatabixiyo khilaaf iyo kala qaybsanaan dhaawac ku ah wadajirka iyo midnimada, niyad-jabna ku riday shacabka iyo beesha caalamka, taas oo u adeegaysa cadowga Soomaaliyeed, argagixisaduna ugu horreysay. Nasiib-darro, lama gaarin heshiiskii ay shacabka Soomaaliyeed rajada gelin lahaa, looga badbaadin lahaa khilaafka, loogana mashquulin lahaa dadaalka looga soo horjeedo argagixisada. Madashu waxay u aragtaa in uu dalku marayo kala-bayr halis ku ah jiritaanka dowladnimada iyo midnimada dalka. Haddaba, Madashu waxay ku baaqaysaa: In dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku ahayd, ee ku salaysnaa nidaamka Baarlamaanka ah, kuna dhisnaa heshiiskii Carta. In sagaalka bil ee ka harsan muddo-xileedka Madaxweynaha xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhan yahay, lagu heshiiyo, dalka u hoggaamisa qof iyo cod. In degdeg loo joojiyo colaadda ay dowladda ka hurinayso dalka, gaar ahaan Gobolka Gedo. In uu Madaxweynaha hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida. Ugu dambayn: Madashu waxay caddaynaysaa inay diyaar u tahay wadaxaajood lagu samatabixinayo dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo danta guud, midnimada dalka iyo wadajirka ummadda. Si taas looga miro-dhaliyo, Madashu waxay go’aamisay in guddigii wadaxaajoodka uu sii wado hawshiisa.
  16. Former President of Somalia, Sharif Ahmed, initiated the executive branch’s capture of the Somali legislature in 2009. Mogadishu (PP Editorial) — Two years ago, the Puntland State of Somalia disengaged from the federal institutions, cutting ties with the Federal Government of Somalia. Puntland claimed it would act as a separate entity. What Puntland meant was unclear, as it was neither outright secession nor a demand to address governance issues. It was almost a year before amendments to the Provisional Constitution were ratified by the bicameral legislature in 2024. Critics of the constitutional amendments urged a return to the 2012 Provisional Constitution. They did not cite any violations of specific articles of the Constitution. When the Federal Government of Somalia in 2024 proposed amendments debated by MPs and Senators, no critic objected to the process. In 2013, the Farole administration of Puntland argued that the Provisional Constitution entitled it to act as a separate entity with powers similar to those of the Federal Government of Somalia. President Abdirahman Farole did explain which articles of the Provisional Constitution grant Puntland powers to enter agreements with foreign companies. President Dr Hassan Sheikh Mohamud followed in his predecessor’s footsteps, maintaining close ties between the presidency and the bicameral legislature. If anything, it is the Provisional Constitution that was drafted in such a way as to concentrate powers in the federal institutions in Mogadishu. In 2009, before the end of the transition, the former Transitional Federal Parliament rejected the maritime Memorandum of Understanding Somalia had signed with Kenya. President Sharif Ahmed told a local radio station that in rejecting the MoU, the Somali Parliament had erred “I believe the [federal] government has put a lot of effort into the (sic) agreement. The prime minister has made extensive consultations with Somali lawyers, who are as adamant about protecting the interests of Somalia as we are, and they confirmed that the Memorandum of Understanding [with Kenya] is fruitful,” President Sharif said. This was a period in which the Somali federal legislature had acquiesced to, and actively facilitated, the agenda of the executive branch. It is no secret that the Somali presidency has had the power to drive legislative agendas during both the pre- and post-transition periods (2009 to the present). Amendments to articles in the Provisional Constitution are not the only contentious issues. The federal representation of Somaliland MPs in the bicameral legislature has remained a bone of contention since 2024, when the secessionist administration in Hargeisa signed an illegal maritime Memorandum of Understanding with Ethiopia. The National Salvation Alliance, led by Sharif Ahmed, today said it remains committed to talks with the Federal Government of Somalia. Abdirahman Farole, former President of Puntland State of Somalia, hastened the end of the transition without broad consultations with Puntland stakeholders. At stake is the question: who represents electorates: the politicians negotiating with the Federal Government of Somalia, or the leaders of the Federal Member States? In 2021, Federal Member States agreed on an indirect electoral model through which their parliaments handpicked MPs and Senators for the 2022 presidential elections. If politicians negotiating with the Federal Government of Somalia have no influence and ties with the Federal Member States, their leverage is diminished, particularly when Somali citizens in Federal Member States favour one-person, one-vote elections. As such, “opposition political leaders” are seeking unbridled powers they currently view as abhorrent when exercised by an incumbent government. Their conciliatory remarks and commitment to continuing talks reflect their desire to have the best of both worlds: opposition to an all-powerful presidency now, but a return to an all-controlling presidency if their leader ever occupies Villa Somalia, again. © Puntland Post, 2025 The post Constitutional Amendments Fuel Political Tensions in Somalia appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore ayaa si adag uga hadlay dagaalkii maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada amniga iyo shacab hubeysan oo ka gadooday dhulka sida qasabka ah ay dowladda ku baneynayso. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa si gooni-gooni ah uga hor yimid in dowladdu awood ciidan u adeegsato shacabka, taas oo ay ku tilmaameen “mid murugo leh oo dhaawacaysa kalsoonida shacabka ee dowladda.” “Bulshada birmo-gaydada ah ee maanta ay ciidamada dowladdu ku weerareen degmada Hodan, dadka lagu dhex dilay hoygooda, dhallinyarada, haweenka iyo ilmaha hubka culus loo adeegsaday waa arrin murugo badan oo dhaawacaysa kalsoonida shacabka ee dowladda,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Waxa uu intaas ku daray: “Ciidanka Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta, sidaas awgeed waxaan ka digayaa in ay cabashada dadweynaha uga jawaabaan xabbad iyo dhiig daadin.” Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi, halka dhaawacyada uu u rajeeyay soo kabasho degdeg ah. “Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dhammaan dadka birmo-gaydada ah ee maanta ku naafowga dagaalka ka dhacay degmada Hodan, waxaanna caafimaad degdeg ah u rajaynayaa dadka ay soo gaareen dhaawacyadu.” Sidoo kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa isna si adag u cambaareeyay duullaanka loo adeegsaday Ciidanka Qaranka ee lagu qaaday xaafadda Horseed ee degmada Hodan, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah islamarkaana lagu burburiyay xaafado ay ku nool yihiin dad danyar ah. “Waa ayaan darro ah oo aan sinaba loo aqbali karin in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dalka u dhaartay oo la rabay inuu ilaaliyo nafta iyo maalka muwaadinka, uu iyagii ku soo hoos noqdo isagoo adeegsanaya ciidankii xoogga dalka,” ayuu yiri Shariif. Ciidamada Soomaaliyeed ayuu tilmaamay in loo dhisay inay la dagaallamaan cadawga ummadda, isla markaana aan loo dhisin in loo adeegsado dhul-boob, cabburin bulsho iyo dano siyaasadeed oo gaar ah. “Waa in Madaxweynuhu si degdeg ah u joojiyo dagaalkaas xaq-darrada ah ee aysan ku jirin wax dalka iyo dadka toonna maslaxad u ah. Waxaan sidoo kale uga digayaa saraakiisha ciidamada noocyadooda kala duwan inay aqbalaan amarro khaldan oo baal marsan shuruucda ciidanka, ayna ku koobnaadaan waajibkii ay u dhaarteen.” Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, ayaa dhankiisa ayaan-darro ku tilmaamay in ciidanka qaranka ee loo carbiyay ilaalinta nabadgelyada shacabka uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh u isticmaalayo laynta shacabka iyo barakicinta danyarta. “Waxaan mar kale ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu degdeg u joojiyo boobka dhulka danta guud, gumaadka shacabka, iyo barakicinta dadweynaha danyarta ah,” ayuu yiri. Ugu dambeyntiina, Maxamed Xuseen Rooble ayaa “musiibo qaran” ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay Tarabuunka, isla markaana aan marnaba la aqbali karin. “Ma aha wax laga aamuso in shacabka iyo maatada hub culus lagu beegsado, taas oo ka hor imanaysa bani’aadantinimada, sharciga iyo qiyamka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan si adag u cambaareynayaa falalkan gurracan ee dhiigga shacabka lagu daadinayo. Waa waajib degdeg ah in shacabka ku nool Tarabuunka laga kor qaado ciidanka wareerka ku ah.” Sidoo kale wuxuu ku baaqay in kuwa geystay falkaas foosha xun la hor keeno sharciga, si caddaalad loo helo, isla markaana laga hortago in mar kale ay dhacaan.
  18. MOGADISHU, Somalia – High-stakes political negotiations in Somalia have collapsed, with a major opposition coalition declaring the talks a “failure” and warning the nation stands at a “dangerous crossroads” that threatens its unity and the very existence of the state. The breakdown in dialogue between President Hassan Sheikh Mohamud and the Somali Salvation Forum, a group of influential opposition politicians, deepens a constitutional crisis that has fractured the country’s fragile political landscape. In a sharply worded two-page statement issued Thursday, the opposition forum announced that five rounds of talks held over the past month and a half had failed to produce any result. The group accused the president of refusing to abandon controversial constitutional amendments that key political actors have rejected. “It is unfortunate that after five negotiation meetings… no result was reached to save the country and the people from the conflict,” the statement read. “The Forum sees the country as being at a dangerous crossroads that threatens the unity of the country and the existence of the Somali state.” The opposition’s primary demand is the complete reversal of constitutional changes passed earlier this year and a return to the 2012 provisional constitution, which established Somalia as a parliamentary federal republic. A contested constitution At the heart of the dispute are sweeping constitutional changes championed by President Mohamud and ratified by the federal parliament in March. The amendments fundamentally alter Somalia’s governance structure by introducing a presidential system, granting the president the power to appoint and dismiss the prime minister without parliamentary approval, and extending presidential and state-level term limits from four to five years. The government has promoted the changes as a necessary step towards stability and a long-promised transition to universal suffrage, or “one person, one vote,” elections, moving away from the complex clan-based power-sharing model that has dominated Somali politics for decades. However, critics and opposition figures argue the amendments were rushed through without broad political consensus, dangerously centralizing power in the executive. The Somali Salvation Forum’s statement claims the changes betrayed the “political agreement that was the basis of the Third Republic,” a reference to foundational pacts like the 2000 Carta Agreement, which re-established a central government based on a parliamentary system. A fractured federation The constitutional crisis has already created deep fissures in the nation’s federal structure. Puntland, a powerful and semi-autonomous member state in the northeast, has ceased to recognize the federal government and its institutions until the amendments are rescinded. In a statement released in April, Puntland’s government accused Mogadishu of introducing “almost a new constitution” without consultation. It said it would operate independently until the dispute is resolved through a national referendum. Jubaland, another significant member state, has also expressed its opposition, leaving the federal government at odds with key regional authorities. The opposition forum has called for the government to bring Puntland and Jubaland back into a national dialogue. “If a large chunk of the country is missing in this process, we are simply building a constitution for south-central Somalia,” Afyare A. Elmi, a research professor at the City University of Mogadishu, noted in a recent analysis. Calls for de-escalation With just nine months remaining in President Mohamud’s current term, the opposition is demanding an urgent agreement on a path to direct elections that is “inclusive and agreed upon.” Beyond the constitutional rollback, the forum’s statement laid out several other key demands: An immediate end to what it termed government-fueled “conflict… especially in the Gedo region.” Recent reports from organizations like PeaceRep and the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs confirm escalating clashes and displacement in Gedo, a region historically contested between federal and Jubaland authorities. A halt to presidential actions concerning public land, which the opposition claims have “caused instability.” The political infighting comes as government forces, supported by local militias and international partners, continue a complicated and costly war against the al-Qaeda-linked al-Shabaab insurgency. The opposition warned that the political crisis serves only to distract from this critical fight and benefits “the enemies of Somalia and terrorists first and foremost.” Despite the collapse of the formal talks, the Somali Salvation Forum stated that its negotiating committee would continue its work, signaling it remains open to further dialogue to “save the country.” The president’s office has not yet publicly responded to the opposition’s statement.
  19. Mogadishu (HOL) – Somali security forces have taken full control of an area near Tarabuunka junction in Mogadishu on Thursday after clashes with armed soldiers opposing the federal government’s plan to reclaim land occupied by civilians for more than three decades. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU, Somalia – Heavy gunfire erupted in the Somali capital on Thursday as security forces clashed with armed residents during an operation to clear a disputed plot of land, leaving several people dead and wounded, according to police and witnesses. The fighting broke out in the early morning in the Tarabunka neighborhood of Hodan, one of Mogadishu’s most populous districts, when forces conducting a weapons sweep met with stiff resistance. A senior police commander was among those injured in the violence, which highlights the volatile issue of land ownership in a city scarred by decades of civil war. In a statement, the Somali police command confirmed the operation was aimed at “security stabilization and combating illegal weapons.” “During the operation, security forces were confronted with armed resistance from a group of militiamen,” the statement said. “The confrontation caused casualties, including deaths and injuries, affecting civilians near the scene, members of the security forces, and some of the armed militia.” A long-simmering dispute The clashes centered on a piece of government-owned land that formerly housed the barracks for the historic Horseed Sports Club, a team affiliated with the Somali National Army before the state’s collapse in 1991. For years, the area has been occupied by a community of civilians, many of whom settled there during the protracted conflict that left property records destroyed and land ownership in disarray across the country. Residents told local media they had been ordered to vacate the land but had refused, claiming long-term residency. Such disputes are a frequent and explosive source of conflict in Mogadishu, often pitting the government’s efforts to reclaim public property against vulnerable communities with nowhere else to go. Security officials confirmed that Mire Sahal, the commander of the 2nd unit of the 22nd Military Police Brigade, was wounded in the firefight. The total number of fatalities has not yet been officially released. “The security forces deeply regret such incidents that disrupt public security,” the police statement added, offering condolences to the families of the victims and wishing a speedy recovery to the injured. Government vows crackdown Authorities issued a stern warning following the incident, vowing to take action against anyone involved in undermining security in the capital. “We issue a strong warning to anyone engaged in or supporting acts against security to cease immediately,” the police statement read. Security forces have since regained control of the area and dispersed the armed group, according to the police command, which stated that “steps have been taken to ensure the security and stability of the area.” The incident underscores the immense challenges facing the Somali government as it tries to assert its authority and enforce the rule of law. The capital, Mogadishu, has seen a relative improvement in security in recent years. However, it remains a tinderbox of clan rivalries, political tensions, and property disputes. These efforts are complicated by the continued presence of illicit firearms in the hands of civilians and private militias, a legacy of the civil war. The government has conducted numerous disarmament operations in the capital to curb violence. However, a high-profile report from the UN Panel of Experts on Somalia has previously noted the difficulty in distinguishing between state security forces, clan militias, and criminal gangs. While the federal government, with the support of international partners, continues its fight against the Al-Shabaab Islamist insurgency in other parts of the country, internal conflicts over resources like land remain a critical threat to stability in the capital itself.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka dalka, ayaa shaaciyay inay fashilmeen wada-hadalladii ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya ee xalka loogu raadinayay khilaafka siyaasadeed ee taagan. Madasha oo soo saaray bayaan ka kooban laba bog, ayaa ku baaqay afar qodob oo ay ugu horeyso in dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku aheyd ee ku saleysnaa nidaamka Baarlamaaniga. Madasha ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in 5 kulan wadaxaajood oo socday muddo bil iyo bar ah laga gaarin wax natiijo ah oo dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa khilaafka. “Waxayna Madasha u aragtaa in uu dalku marayo kalabayr halis ku ah midnimada dalka iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed,” ayey si cad u sheegtay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka: “9-ka bilood ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha waa in xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay, dalkana u hoggaamisa qof iyo cod.” Madasha ayaa ku baaqday in dedeg loo joojiyo colaadda ay dowladu dalka ka hurrinayso, gaar ahaan gobolka Gedo. Sidoo kalena waxay Madaxweynaha ugu baaqday inuu hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida. Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran: Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ka duulaysa Adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka, iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay beddelkii Dastuurka. In meel looga soo wada-jeesto dagaalka kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimo iyo dowladnimada ee dalkeenna. In dowlad goboleedyada maqan ee Puntland iyo Jubbaland lagu qanciyo in ay qayb ka noqdaan wada hadalka qaran. In heshiis buuxa laga gaaro doorasho toos ah oo daahfuran, heshiis lagu yahay, looguna gogol-xaaraayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen 2012. Madashu oo ka bariganataalay qodobbadka kor ku xusan ayaa wadahal la furtay Madaxweyne Xasan Sheekh. Shan kulan wadaxaajoood oo socday muddo bil iyo bar ah oo labada dhinac dhexmaray ayuu madashu dalbatay in Madaxweynaha uu ka laabto cutubka afaraad ee dastuurka iyo shuruucdii doorasho ee ka ratibmay, kaasoo dhaxalwareegay heshiiskii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa Jamhuuriyadda Saddexaad ee dalka sida; Nidaamka Barlamaani-ga ah Hannaanka xukun ee Federaalka Awood qaybsiga siyaasadeed Doorashada afar sanadlaha ah Talada geedi-socodka dowlad-dhiska dalka oo wadar-oggol lagu gooyo Madashu waxay u dhabar adaygtay in wadahallada laga miro dhaliyo, si dalka looga samatabixiyo khilaaf iyo kala qaybsanaan dhaawaac ku ah wadajirka iyo midnimada, niyadjabkana ku riday shacabka iyo beesha caalamka, taasoo u adeegaysa cadowga Soomaaliyeed iyo argagixisadu ugu horreys. Nasiib-darro, lama gaarin heshiiskii ay shacabka Soomaaliyeed rajada gelin lahaa, looga badbaadi lahaa khilaafka, loogana mashquuli lahaa dadaalka looga soo horjeedo argagixisada. Madasha waxaa u aragtaa in uu dalku marayo kala bayr halis ku ah jiritaanka dowladnimada iyo midnimada dalka. Haddaba Madashu waxay ku baaqaysaa; In dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku ahayd ee ku salaysan nidaamka Baarlamaanka ah ee u uku dhisnaa heshiiskii Carta. In 9-ka bil ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhanyahay, heshiisna lagu yahay, dalka u hoggaamisa qof iyo cod. In dedeg loo joojiyo colaadda ay Dowladu dalka ka hurrinayso, gaar ahaan Gobolka Gedo. In uu Madaxweynaha hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida. Ugu dambayn; Madashu waxay caddaynaysaa in ay diyaar u tahay wadaxaajood dalka lagu samatabixinayo, iyadoo mudnaanta la siinayo danta guud, midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, si taas looga miradhalyo, Madashu waxay go’aamisay in guddigii wada wadaxaajoodka uu sii wado hawshiisa. Dhammaad.
  22. Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee ku midaysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo Warmurtiyeed soo saaray ayaa shaaciyay in ay aysan wax natiijo iyo heshiis ah ka soo bixin Wada-xaajoodkii ay kula jireen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. “Madashu waxay u dhabar adaygtay in wadahallada laga mira dhaliyo, si dalka looga samatabixiyo khilaaf iyo kala qaybsanaan dhaawac ku ah wadajirka iyo midnimada, niyadjabkana ku riday shacabka iyo beesha caalamka, taasoo u adeegaysa cadawga Soomaaliyeed oo ay argagexisadu ugu horreyso. Nasiib-darro, lama gaarin heshiiskii ay shacabka Soomaaliyeed rajada gelin lahaa, looga badbaadi lahaa khilaafka” ayay sheegtay Madashu. Warmurtiyeedka ka soo baxay Madasha waxay ku baaqeen in dowlad goboleedyada khilaafka ku maqan ee Puntland iyo Jubbaland lagu qanciyo in ay ku soo biiraan wada-hadallada socda, islamarkaana heshiis buuxa laga gaaro doorasho toos ah oo daahfuran, heshiis lagu yahay, looguna gogol-xaarayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen 2012. Madasha Mucaaridka ayaa sidoo kale soo jeedisay in dib loogu laabto dastuurkii 2012 ee ay bulshada Soomaaliyeed heshiiska ku ahayd ee ku salaysnaa nidaamka Baarlamaaniga ah ee u uku dhisnaa heshiiskii Carta iyo in 9-ka bilood ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhanyahay, heshiisna lagu yahay, dalka u hoggaamisa qof iyo cod. Halkaan ka akhriso Warmurtiyeedka PUNTLAND POST The post Siyaasiyiinta ku midaysan Madasha Samatabixinta oo shaaciyay in aysan wax natiijo ah dhalin Wada-hadalladii Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ka soo saaray dagaal culus oo saaka aroortii ciidamada amniga iyo shacab hubeysan ku dhexmaray xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan. Dagaalkan ayuu taliska booliska sheegay inuu sababay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow goobta, xubno ka tirsan ciidamada amniga iyo qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubaysnaa. “Ciidamada Amniga ee magaalada Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka fulinayay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan. Intii uu howlgalka socday, waxaa iska hor imaad hubaysan kala horyimid koox maleeshiyaad ah,” ayaa lagu yiri bayaankan oo kasoo baxay laamaha amniga Muqdisho. Falkan oo taliska booliska ku sheegay inuu ahaa mid khilaafsan nidaamka iyo xeerarka amniga ee caasimadda ayaa wuxuu digniin adag u diray cid kasta oo ku hawlan ama taageerta falalka amniga lidka ku ah, in ay si degdeg ah uga waantoowdo. “Ciidamada amniga waxay tacsi u dirayaan qoysaska ay waxyeelladu ka soo gaartay dhacdadan, halka ay caafimaad degdeg ah u rajeynayaan dadka ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri bayaanka. Dagaalka kadib waxaa goobta xasiliyay ciidamada amniga, sida uu sheegay taliska booliska, iyadoo ka saartay maleeshiyaadkii hubaysnaa. “Ciidamada amnigu waxay qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka. “Ciidamada Amnigu waxay aad uga xun yihiin falalka noocan oo kale ah ee khalkhalka ku haya amniga bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dagaalka saaka ayaaa si gaar ah uga dhacay xerada Kooxdii Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka oo ku taalla halkii ahayd Salaan-saarka ee xaafadda Tarabuunka, halkaas oo shacabka muddo dheer deganaa ay ka biyo diideen inay isaga baxaan dhulkaasi, taas oo keentay isku dhaca. Dadka ku dhaawacmay dagaalkan ayaa waxaa kamid ah taliyaha ururka 2-aad ee guutada 22-aad ee Boolis Milataaro Mire Sahal, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.