-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Safaaradda dowladda Soomaaliya ee Washington D.C. ayaa si adag uga hortimid ololaha ku saabsan aqoonsi uu Maraykanku siiyo Somaliland, oo ay ku tilmaantay mid lagu wiiqayo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya. “Wax kasta oo lagu xalaaleynayo kala goynta dalka waa mid ka dhan ah nabadda, amniga, iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed. Soomaaliya kama tanaasuli doonto midnimadeeda dhuleed, waxaana ka hortagi doonnaa dadaal kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanida dalkeenna” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka. Safaaradda Washington D.C. waxay sheegtay in aqoonsi Maraykanku siiyo Somaliland uu abuuri doono fursad ay helaan kooxaha argagixisada marka la wiiqo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, ayna muhiim tahay in beesha caalamka ay taageerto qaranimada Soomaaliya halkii laga abuuri lahaa kala qaybin siyaasadeed, taasi oo ay ka faa’idaysan karaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Warka Soomaaliya ayaa yimid saacado kaddib markii Senetor Ted Cruz oo tirsan xisbiga Jamhuuriga ah ee Maraykanka, ahna guddoomiyaha guddi hoosaadka Arrimaha dibadda ee Senetka u qaabilsan Afrika uu warqad uu u diray madaxweyne Donald Trump, isagoo ka codsaday in uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland in ay noqoto dal madax-bannaan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aqoonsi Maraykanku siiyo Somaliland ay ka faa’idaysan karaan kooxaha Argagixisads ah appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si adag ugu jawaabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay kooxda Al-Shabaab u adeegsanayso cadaadis diblomaasiyadeed. Xukuumadda Hargeysa ayaa ku dooday in Muqdisho ay tan uga dan leedahay si ay Mareykanka uga hor istaagto in uu gaaro danaha uu ka leeyahay Geeska Afrika. “Warqaddan waxay cadaynaysaa in Soomaaliya ah Al-Shabaab u adeegsanayso gorgortan iyo cadaadis diblomaasiyadeed oo ay ku saarayso Mareykanka haddii uu ka hadlo danihiisa G/Afrika, ayna kula dagaallamayso aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis. Yoonis oo ka jawaabayay, warqad kasoo baxday Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa sheegay in Muqdisho mareyso meeshii u dambeysay, isla markaana ay doonayso in Shabaab u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Somaliland “Tani waxay cadaynaysaa in ay leeyihiin: haddii uu Maraykan danihiisa ka hadlo, annaga oo Al Shabaab ah ayaa la dagaallamayna,” ayuu yiri Wasiir Yoonis. Waxa uu intaas kusii daray “Maamulka Muqdisho waxa muuqata in aanay rajo ka soo muuqan nidaam ay dhistaan, balse ay doonayaan in ay Al-Shabaab u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Somaliland, Mareykanka iyo Itoobiya marka ay kala hadlayaan dantooda iyo istaraatiijiyadooda Jamhuuriyadda Somaliland.” Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay haddii aqoonsi ay dowladda Washington siiso Somaliland uu dhaawac weyn u geysan doono iskaashiga militari iyo dagaalka lagula jiro argagixisada ee labada dal ka dhexeeya. Warqadda ka soo baxday dodowladda Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Senator Ted Cruz, oo guddoomiyaha guddi hoosaadka Senate-ka u qaabilsan arrimaha Afrika, uu qoraal rasmi ah ku codsaday in Madaxweyne Donald Trump uu Somaliland siiyo aqoonsi buuxa. Ololaha aqoonsi ee Somaliland ayaa haatan taageero ballaaran ka helaya gudaha Mareykanka, iyadoo Madaxweyne Trump uu ku tilmaamay arrinta Somaliland inuu gacanta ku hayo, halka sharciyo ku saabsan aqoonsiga lagu wado in la horgeeyo labada gole ee Congress-ka.
-
MADAXDA MAAMULKA XAMAR FIQI IYO XASAN SHIIKH WAXAY GUUL U HAYSTAAN CALANKA BULUUGGU INUU KA MUUQDO S/LAND. Dadka reer Somaliland gaar ahaan fannaaniinta iyo siyaasiyiinta waqtigani waxay fahmeen caqliyaddooda xasan shiikh iyo Fiqi Waayo waxay dhaqaale badan kaga gurtaan waxaan rebnaa soomaaliweyn, calanka buluugga ah ayaan hargaysa geynaynaa. Calanka buluugga ah ee uu fiqi ku nefisayo in Somaliland lagu dhex arkaa, horta waa maro ee maaha masiir ummadeed waxay markhaati ka tahay jahliga gaamuray ee haysta soomaaliya. Calamada adduunka oo dhan waa lagu iibiyaa caalamka xorta ah qof waliba kuu doonuu qaataa, Haddaan calankaan doono qaato cidi eegimayso adduunka intiisa badan. Dadka reer soomaliland waxaan leeyay haysku mashquulinina maradan Fiqi wareerisay Somaliland waa masiir ummadeed. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Hoggaamiyaha xisbiga Kaah ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay “dagaal qaawan oo kala qeybin ah ku qaaday Somaliland,” isla markaana sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii ay xukunka uga ridi lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Xaashi wuxuu carrabka ku adkeeyay in hadalladiisu ay matalayaan mowqifka xisbiga Kaah. Markii BBC-du waydiisay in tallaabadan lagu fasiri karo inuu isaga laftiisu ku kacayo faragelin siyaasadeed, isagoo ku eedaynaya dowladda Soomaaliya arrin la mid ah, Xaashi kama jawaabin si toos ah. Sidoo kale wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sida xisbigiisu uga shaqeynayo qorshaha xilka looga tuurayo Madaxweynaha Soomaaliya.Halkaan ka dhagayso wareysiga: Qaran News
-
Sen. Ted Cruz oo ku baaqay in Somaliland la aqoonsado. Senator Ted Cruz (R-TX) ayaa ku booriyay Madaxweyne Donald Trump in Mareykanku si rasmi ah u aqoonsado Somaliland, isagoo sheegay in ay tahay deegaan xasilloon oo muhiim u ah amniga Mareykanka. Wuxuu ku eedeeyay Shiinaha iyo Soomaaliya inay wiiqayaan xiriirka Somaliland la leedahay Mareykanka iyo Taiwan, balse wuxuu ku ammaanay Somaliland sida ay uga go’an tahay iskaashi dhanka amniga iyo dhaqaalaha. Ted Cruz wuxuu sheegay in aqoonsigu uu u sahlayo Mareykanka fursado ciidan iyo dhaqaale, isla markaana uu yahay tallaabo ka hortagaysa saameynta quwado shisheeye. Sii akhri: Waa kuma Siyaasiga miisaanka culus ee taageeray aqoonsiga Somaliland? Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo xalay shaaciyay in kulamadii ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya aysan kasoo bixin wax heshiis ah, ayaa sheegay sababta ka dambeysa in lagu kala tago wada-hadalladii socday. Mucaaradka ayaa si cad u sheegay in qodobada la isku mari waayay ay kamid yihiin isbeddel lagu sameeyo cutubka 4 ee dastuurka iyo sidii heshiis looga gaari lahaa arrinta doorashada, oo madaxweynuhu ku dhagan yahay doorasho qof iyo cod. Axmed Ciise Cawad, oo kamid ah madaxda Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaaciyay in sababta lagu kala tagay ay tahay in madaxweynuhu uu soo jeediyay in cutubka dastuurka ee la isku hayo loo qeybiyo labada dhinac, si dhinac walba u helo wuxuu rabo. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa sheegay in Madaxweynuhu rabay inuu qaato qeyb uu isagu door bidayo, oo ah tan hanaanka doorashada, taas oo u cuntami weysay mucaaradka. Madaxda Mucaaradka ayaa qaabka doorasho ee 2024 oo lagu daray cutubka 4 ee dastuurka u arka mid madaxweynaha siinaya awood uu kaligiis ku soo xulan karo guddiga doorashada, isla markaana uu ku xaddidayo xisbiyada siyaasadda. Tan ayaa u oggolaanaysa in isaga iyo xisbiga uu hoggaamiyo si fudud ugu guuleystaan doorashooyinka, taas oo si cad uga soo horjeesteen xubnaha mucaaradka. Si kastaba, Intii ay socdeen kulamada, Madaxweynuhu ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo qodobo aas-aasi ah sida nidaamka baarlamaaniga, haddii mucaaradku aqbalaan doorashada uu wato. Mucaaradka ayaa ka fogaanaya aqbalka doorasho uu ku lug yeelan karo hoggaanka hadda tallada haya, taas oo Villa Somalia ay haatan ugu yeertay “qof iyo cod”. Mucaaradka ayaa xalka looga gudbi karo kalabayrkan u aragta in ay dhacdo doorasho la mid tii uu kusoo baxay Xasan Sheekh.
-
Washington (Caasimada Online) — Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u diidday soo jeedin ka timid Senatarka Mareykanka ee Ted Cruz, kaasoo ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland inay tahay dal madaxbannaan. Soomaaliya waxay ka digtay in tallaabada noocan ah ay wiiqi doonto madaxbannaanideeda, dhiirri-gelin doonto kooxaha xagjirka ah, isla markaana ay khatar gelin doonto xasilloonida Geeska Afrika. War-saxaafadeed ay Khamiistii soo saartay, ayay safaaradda Soomaaliya ee Washington ku adkaysatay mowqifka Muqdisho ee ah in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya oo aan marnaba laga goyn karin. Safaaraddu waxay hoosta ka xarriiqday in dalku yahay “saaxiib amni oo Mareykanku ku kalsoon yahay,” waxayna tusaale u soo qaadatay iskaashiga militeri ee heerka sare gaaray sanadkan 2025, iyadoo la fuliyay in ka badan 20 duqeyn oo wadajir ah oo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ay la beegsadeen Daacish iyo Al-Shabaab. Safaaraddu waxay sheegtay in tiradani ay “aad uga badan tahay tii sanadihii hore.” “Siyaasad kasta oo daciifisa madaxbannaanida Soomaaliya waxay uun dhiirrigelinaysaa xagjiriinta, waxayna halis gelinaysaa xasilloonida guud ahaan Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri digniinta safaaradda. Waxay intaas ku dartay in kooxaha argagixisadu “ay ku kobcaan oo keliya marka la wiiqo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.” Baaqii Cruz Baaqa Cruz ayaa ku jiray warqad uu Khamiistii u diray Trump, isagoo ku boorriyay in la aqoonsado Somaliland “iyadoo lagu salaynayo xuduudihii 1960-kii.” Wuxuu ammaanay arrimo ay ka mid yihiin maamulkeeda dimoqraadiga ah, hay’adaheeda siyaasadeed ee adag, iyo goobta istiraatiijiga ah ee ay kaga taallo Gacanka Cadmeed — oo ah mid ka mid ah marinnada badaha ee adduunka ugu mashquulka badan — isagoo ku tilmaamay inay yihiin kuwo qiimo weyn u leh amniga iyo danaha dhaqaale ee Mareykanka. Senatarku wuxuu ku dooday in aqoonsigu uu abaalmarin u noqon doono saaxiib “xasilloon oo iskiis isku maamula,” isla markaana uu gacan ka geysan doono sidii looga hortegi lahaa saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha ee gobolka. Wuxuu ku eedeeyay Beijing inay adeegsanayso cadaadis dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed si ay ugu ciqaabto Hargeysa xiriirka ay la leedahay Taiwan. Wuxuu tusaale u soo qaatay taageerada ay Beijing u fidisay go’aankii Muqdisho ee ahaa in dadka sita baasaboorka Taiwan laga mamnuuco inay galaan Somaliland. Sidoo kale, Cruz wuxuu xusay sida ay Somaliland diyaar ugu tahay inay martigeliso saldhig militeri oo Mareykanku leeyahay, sida ay ula saftay xulafada Mareykanka, sida Israel, iyo taageerada ay u muujisay Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords). Mowqifka Soomaaliya Si kastaba, Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa in gooni-isu-taaggii Somaliland ee 1991 — oo ka dhashay burburkii dawladdii dhexe iyo dagaalkii sokeeye — uu yahay mid sharci-darro ah. Muqdisho waxay aaminsan tahay in khilaafaadka gudaha lagu xalliyo wada-hadal Soomaaliyeed, ee aysan xal u ahayn aqoonsi hal dhinac ah oo ka yimaada quwadaha shisheeye. Mowqifkaas waxaa barbar taagan Midowga Afrika, oo si adag u difaaca midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ka digtoon in la sameeyo tusaale goosasho oo saameyn silsilad ah ku yeelan karta qaaradda oo idil. In kasta oo Washington ay kala shaqeyso Somaliland arrimaha amniga iyo horumarka, haddana siyaasadda Mareykanka ee arrintan ku aaddan wax isbeddel ah kuma imaan: taasoo ah in Soomaaliya loo aqoonsan yahay hal waddan oo mid ah. Dooddani waxay imaanaysaa xilli Mareykanku uu dib u eegis ku samaynayo istiraatiijiyaddiis ku wajahan Geeska Afrika — gobol ay isku fara-saaran yihiin la-dagaallanka argagixisada, loollanka quwadaha waaweyn, iyo amniga badaha. Gacanka Cadmeed iyo Marinka Bab el-Mandeb waa marinno istiraatiiji ah oo halbowle u ah ganacsiga iyo tamarta adduunka, waxaana xasilooni-darrida Soomaaliya ay carqaladayn kartaa isku-socodkaas. Somaliland, oo hore u ahayd maxmiyad Ingiriis, waxay heshay madaxbannaani muddo kooban ah 1960-kii, kahor intii aysan la midoobin dhiggeedii Talyaaniga ee Koonfurta si loo unko Jamhuuriyadda Soomaaliya. Inkastoo ay ku tallaabsatay nabadgelyo iyo doorashooyin xor ah soddonkii sano ee la soo dhaafay, waxay weli ka go’doonsan tahay fagaarayaasha diblomaasiyadda caalamka. Ugu dambayn, war-saxaafadeedka safaaraddu wuxuu si cad u qeexayaa in aragtida Soomaaliya, midnimadu aysan ahayn oo keliya mabda’ dastuuri ah, balse ay tahay laf-dhabarta xasilloonida gobolka, iyo shardi aasaasi u ah ilaalinta guulaha amni ee lagu gaaray iskaashiga lala leeyahay Mareykanka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar uu ku tagay dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa. Safarka Xamza oo qaatay maalmo dowladdu ma shaacin ujeedkiisa iyo natiijada ka soo baxday. Soo laabashasada Xamza ayaa kusoo aadeysa xilli uu socdo guuxa mooshin culus oo ka dhan ah xukuumaddiisa, kaasi oo ay wadaan Xildhibaano Golaha Shacabka. Mooshinkan ayaa lagu wadaa in horgeeyo marka uu furmo kalfadhiga cusub ee baarlamaanka. Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay xildhibaanno gaaraya illaa 120 Mudane, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyar) oo kamid ah xildhibaannada wada mooshinka. Sanyare ayaa sidoo kale sheegay in 23-ka bishaan oo ku beegan maalin Sabti ah ay qorsheeyeen in mooshinkaas la keeno kulanka baarlamaanka, si kalsoonida loogala noqdo Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xukuumadiisa. “Mooshinka kalsooni kala-noqoshada Xukuumada Xamse Cabdi Bare, ee lakeeni doono maalinta sabtida ah 23 Augast insha allaah, waxaa saxiixay xildhibaabano gaaraya 120 mudane, wali waxaa naga dhiman 20 mudane, xildhibaankii raba inuu cibaadaysto aniga ha ilasoo xiriro,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo waqooyiga Gaalkacyo laga soo doorto. Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen Ra’iisul Wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taasina waxaa sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u qabo Ra’iisul Wasaarihiisa.
-
WASHINGTON, United States — Somalia has rejected a proposal from US Senator Ted Cruz urging President Donald Trump to formally recognize Somaliland as an independent nation, warning that such a move would undermine its sovereignty, embolden extremists, and threaten stability in the Horn of Africa. In a statement issued Thursday, Somalia’s embassy in Washington reaffirmed Mogadishu’s position that Somaliland remains an integral part of the Somali Republic. The embassy stressed that the country is “a steadfast security partner of the United States” and pointed to unprecedented levels of military coordination in 2025, with more than 20 joint US–Somali strikes against ISIS and Al-Shabaab so far this year — a pace it said, “significantly surpasses that of prior years.” “Any policy that weakens Somali sovereignty would only embolden extremists and threaten the stability of the entire Horn of Africa,” the embassy warned, adding that terrorist groups “gain ground only when Somalia’s unity and territorial integrity are undermined.” Cruz’s appeal Cruz’s call came in a letter to Trump on Thursday, urging recognition of Somaliland “within its 1960 borders.” He praised the self-declared republic’s democratic governance, stable political institutions, and strategic location along the Gulf of Aden — one of the world’s busiest maritime corridors — as assets for US security and economic interests. The senator argued that recognition would reward a “stable, self-governing” partner and help counter China’s growing influence in the region. He accused Beijing of using economic and diplomatic pressure to punish Hargeisa for maintaining ties with Taiwan, including supporting Mogadishu’s decision earlier this year to bar Taiwanese passport holders from entering Somaliland. Cruz also pointed to Somaliland’s willingness to host a US military presence and its alignment with US allies, such as Israel, and its backing of the Abraham Accords. Somalia’s position Somalia, however, maintains that Somaliland’s 1991 declaration of independence — made in the aftermath of Somalia’s civil war — is illegitimate. Mogadishu insists that internal disputes must be resolved through dialogue, not through unilateral recognition by foreign powers. Its position is backed by the African Union, which recognizes Somalia’s territorial integrity and has resisted setting a precedent for secession that could reverberate across the continent. While Washington engages with Somaliland on security and development matters, US policy remains unchanged: Somalia is recognized as a single sovereign state. The debate comes as the US weighs its strategy in the Horn of Africa — a region where counterterrorism, great-power rivalry, and maritime security intersect. The Gulf of Aden and Bab el-Mandeb Strait are vital chokepoints for global shipping and energy flows, and instability in Somalia could disrupt these routes. Somaliland, a former British protectorate, enjoyed brief independence in 1960 before uniting with Italian Somaliland to form the Somali Republic. Despite maintaining peace and holding multiple elections over the past three decades, it remains diplomatically isolated. For Somalia, the embassy’s statement made clear, unity is not just a constitutional principle but, in its view, a cornerstone of regional stability and an essential condition for sustaining security gains made in partnership with the United States.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Abuukar Maxamed ayaa shaaciyay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegi doonaan deegaano iyo degmooyin ku jira gacanta Al-Shabaab. Afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda ay ku jiraan diyaar garow iyo abaabul ballaaran oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe dib isku soo abaabulay. “Todobaadyada soo socda shacabka Soomaaliyeed waxay maqli doonaan war farxad leh, oo ah in deegaano muhiim ah laga xoreeyo cadowga argagixisada, sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu yiri Abuukar Maxamed. Sidoo kale, wuxuu xusay in abaabulka iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada xoogga dalka uu si xooggan uga socdo gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo howlgalada ugu waaweyn la qorsheynayo. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu baaqday shacabka ku nool gobollada dalka inay gacan ka geystaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab weli ku harsan yihiin. Dagaalka Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe hoos u dhacay kadib markii madaxda sare ee dalka u jeesteen arrimo siyaasadeed iyo dano shaqsiyeed, taas oo kooxda siisay fursad ay dib iskugu soo abaabusho. Kooxda ayaa dib u qabsatay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo xoreyntooda ay ku baxeen geesiyaal naftood hurayaal ah oo ujeedkooda ahaa in dalkaan laga ciribtiro argagixisada.
-
Senetor Ted Cruz oo tirsan xisbiga Jamhuuriga ah ee Maraykanka, ahna guddoomiyaha guddi hoosaadka Arrimaha dibadda ee Senetka u qaabilsan Afrika ayaa warqad uu u diray madaxweyne Donald Trump, wuxu kaga codsaday in uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland in ay noqoto dal madax-bannaan. “Somaliland waxay noqotay xulafada muhiimka ah ee dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda ee Mareykanka, iyadoo ka caawisay Mareykanka inuu horumariyo danaha amniga qaran ee Geeska Afrika iyo meelo ka baxsan. Waxay ku taallaa goob istaraatiiji ah oo ku dhow gacanka Cadmeed, meel u dhow marin-badeedka ugu mashquulka badan dunida.” “Somaliland waxay leedahay ciidan leh awood wanaagsan, waxayna ka qaybqaadataa hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo burcad-badeednimada ee gobolka. Waxay ogolaatay in laga furo xafiis wakiilnimada Taiwan caasimadda Hargeysa, waxayna raadineysay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay Israa’iil, isla markaana taageerto heshiiska Abraham” ayuu warqaddiisa ku qoray Senetor Ted Cruz. “Somaliland waxay wajahayaan cadaadis sii kordhaya oo ka imanaya cadawgeeda, sababta ugu weynna waa doorka ay ku leedahay inay noqoto xulafada Mareykanka iyo saaxiibada kale. Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CCP) ayaa adeegsanaya cadaadis dhaqaale iyo diblomaasiyadeed si ay u ciqaabaan Somaliland taageerada ay u muujisay Taiwan, isla markaana u wiiqaan taageeradaas” ayuu sii raaciyay senetor Cruz. PUNTLAND POST The post Senetor Ted Cruz oo madaxweynaha Maraykanka ka codsaday in uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) — Senator-ka Mareykanka ee Ted Cruz ayaa ku baaqay madaxweyne Donald Trump uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isaga oo ku sababeeyay nidaamkeeda dimoqraadiyadeed, goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo, iyo doorka sii kordhaya ee ay kaga jirto iskaashiga amniga ee Geeska Afrika. Warqad uu diray Khamiistii, Cruz ayaa ku dalbaday in Somaliland lagu aqoonsado “xuduudaheeda 1960-kii,” isaga oo ku dooday in dhulku uu buuxiyo shuruudaha dowladnimo isla markaana uu dhistay nidaam dimoqraadi ah oo shaqaynaya. “Tan iyo markii ay dib u sheegatay madax-bannaanideeda sanadkii 1991-kii, waxay u shaqaynaysay sidii dal xasiloon, is-maamula, dimoqraadi ah,” ayuu ku qoray warqadda, isaga oo xusay in Somaliland ay tan iyo 2003 qabatay doorashooyin nabdoon oo badan, kuwaas oo lagu gartay ka-qaybgal ballaaran oo codbixiye iyo kala wareeg awood oo si nabad ah u dhacay. Somaliland, oo hore u ahaan jirtay dhul hoos taga boqortooyadii Ingiriiska, ayaa muddo gaaban heshay aqoonsi caalami ah bishii Juun 1960, ka hor inta aysan la midoobin Koonfurta Soomaaliya si loo dhiso Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxay ku dhawaaqday madax-bannaani sanadkii 1991 intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, balse weli si rasmi ah looma aqoonsan caalamka. Doorka istiraatiijiga ah ee amniga Cruz ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay goobta Somaliland ee ku teedsan Gacanka Cadmeed — oo ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan caalamka — isaga oo ku tilmaamay inay tahay hanti istiraatiiji ah oo muhiim u ah danaha Mareykanka. Wuxuu xusay kaalmada ay Somaliland ka geysatay la-dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeednimada gobolka, iyo diyaar u ahaanshaha ay u muujisay martigelinta joogitaan ciidan Mareykan ah oo u dhow Badda Cas, sida uu yiri. “Somaliland waxay ku soo baxday lammaane muhiim ah oo amni iyo diblomaasiyadeed u ah Mareykanka,” ayuu yiri Cruz, isaga oo tilmaamay iskaashigeeda Taiwan, xiriirkeeda Israel iyo taageerada ay siisay Heshiisyada Abraham (Abraham Accords). Gacanka Cadmeed waa marin muhiim u ah ganacsiga, kaas oo isku xira Badweynta Carabta iyo Badda Cas iyada oo loo sii marayo marin-biyoodka Bab el-Mandeb, halkaas oo carqalad ka timaadda ay saameyn ku yeelan karto qulqulka tamarta caalamka. Cruz ayaa ka digay in Somaliland ay wajahayso cadaadis sii kordhaya oo uga imaanaya “cadowyo,” gaar ahaan Shiinaha iyo Soomaaliya. Wuxuu ku eedeeyay Beijing in ay adeegsanayso cadaadis dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed si ay uga aargudato Hargeysa sababta oo ah xiriirka ay la leedahay Taiwan. Bishii Abriil 2025, Xisbiga Shuuciga Shiinaha (Chinese Communist Party) ayaa gacan ka geystay go’aanka Soomaaliya ay ku mamnuucday dadka wata baasaboorrada Taiwan inay galaan Somaliland. Taageerada Shiinaha ee Muqdisho, ayuu intaas ku daray Cruz, waxay caawinaysaa kooxaha doonaya inay wiiqaan madaxbannaanida Somaliland. Somaliland ayaa iska hor-imaad u muujisay Beijing sanadkii 2020, markay caasimaddeeda Hargeysa ka furtay Xafiiska Wakiillada Taiwan — tallaabo kor u qaaday sumcadda caalamiga ah ee Somaliland, balse sidoo kale kicisay cadaadis xooggan oo uga yimid Shiinaha. Mowqifka Mareykanka oo aan isbeddelin Mareykanka, isagoo raacaya mowqifka Midowga Afrika, wuxuu si rasmi ah u aqoonsan yahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Washington waxay kala macaamishaa Somaliland dhinaca amniga iyo horumarinta, balse ma siiso aqoonsi rasmi ah. Baaqan uu soo jeediyay Cruz ayaa yimid iyadoo Washington ay ka socdaan dood ballaaran oo ku saabsan sidii loo xakameyn lahaa saameynta Shiinaha ee Afrika iyo sidii loo hubin lahaa marin u helka dekedaha istiraatiijiga ah iyo macdanta muhiimka ah. Wuxuu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay heshiisyo xoojin kara adkeysiga silsiladda sahayda Mareykanka. In kasta oo ay xasiloon tahay, Somaliland ayaa weli ku jirta go’doon dhaqaale oo ku tiirsan dhoofka xoolaha nool, gaar ahaan dalalka Khaliijka. Aqoonsiga caalamiga ah wuxuu furi karaa marinno dhaqaale oo ballaaran iyo ganacsi caalami ah — hase yeeshee, wuxuu sidoo kale kordhin karaa xiisadaha kala dhexeeya Muqdisho. Cruz ayaa ku soo gabagabeeyay in aqoonsigu uu noqon doono abaal-marin la siinayo dal dimoqraadi ah isla markaana uu xoojin doono danaha Mareykanka ee gobol xasaasi ah. “Si arrintaas loogu gaaro oo ah natiijo weyn oo waxtar u leh amniga qaranka Mareykanka, waxay u baahan tahay heer dawladnimo,” ayuu ku yiri warqaddiisa. Maamulka madaxweyne Trump ayaan weli si rasmi ah uga hadlin warqadda.
-
Tension is boiling over in Mandera County as fighting factions across the border in Somalia drag their war into Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Tel-Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa “horumar” ka samaysay wada-hadallo ay la leedahay maamulka Somaliland, kuwaas oo ku saabsan qorshe muran dhaliyey oo ah in Falastiiniyiinta laga raro Marinka Gaza, sida ay warbaahinta Israel sheegtay Khamiistii. Telefishinka Channel 12 ayaa sheegay in Somaliland – oo sannadkii 1991-kii kaga dhawaaqday in ay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya, balse aan helin aqoonsi caalami ah – ay ka mid tahay dhinacyo ay Israel u bandhigtay inay qaabilaan Falastiiniyiinta ku barakacay dagaalka Gaza. Waddamada kale ayaa kala ah Indonesia, Libya, Uganda, iyo South Sudan. Isagoo soo xiganaya ilo diblomaasiyadeed oo Israeli ah oo aan la magacaabin, ayuu Channel 12 tebiyey in Somaliland iyo Indonesia ay muujiyeen “diyaar ahaansho ballaaran” oo ay ku aqbalayaan Falastiiniyiinta. Si kastaba ha ahaatee, weli wax heshiis rasmi ah lama gaarin. Telefishinku wuxuu intaa ku daray in la sheegayo in Somaliland ay rajaynayso inay wada-hadalladan uga faa’iidaysato sidii ay ku xoojin lahayd ololaheeda aqoonsi-raadinta ah ee soo jiray tobannaanka sano. Horumarkan la soo tebiyey ayaa ku soo beegmaya xilli ay Somaliland dareen siyaasadeed oo cusub ka helayso Washington. Khamiistii, Senatarka Mareykanka ee Ted Cruz ayaa ku boorriyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland oo ah dal madax-bannaan, isagoo sabab uga dhigaya xiriirka ay la leedahay Israel iyo arrimo kale. Warqad uu diray Arbacadii, ayuu Cruz ku baaqay in la aqoonsado Somaliland “iyadoo lagu salaynayo xuduudihii 1960-kii,” isagoo ku dooday inay Somaliland buuxisay shuruudihii dawladnimo isla markaana ay dhistay dimoqraadiyad shaqaynaysa. “Somaliland waxay u soo baxday inay noqoto saaxiib muhiim u ah Mareykanka dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda,” ayuu qoray, isagoo iftiimiyey iskaashiga ay la leedahay Taiwan, xiriirka ay la leedahay Israel, iyo taageerada ay u fidisay Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords). Waraysi uu siiyey telefishinka i24 News ee Israel, ayuu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku taageeray hijro ballaaran oo dadka reer Gaza – siyaasad uu sidoo kale horey sannadkan u soo dhoweeyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump – isagoo sheegay in Israel ay xiriir la leedahay “waddamo dhowr ah” oo ku saabsan qaabilaadda dadka rayidka ah ee ka barakacay dhulkaas dagaalladu la degeen. “Waxaan u malaynayaa in tani ay tahay waxa ugu dabiicisan,” ayuu yiri Netanyahu. “Dhammaan kuwa ka welwelsan Falastiiniyiinta ee sheegaya inay doonayaan inay caawiyaan waa inay albaabadooda u furaan. Maxaad dusha nooga saaraysaan? Annagu ma eryayno – waxaan u sahlanaa inay baxaan… marka hore, [ka bixitaanka] goobaha dagaalka, iyo sidoo kale Marinka laftiisa, haddii ay doonayaan.” Markii la weydiiyey sababta aysan howshu si degdeg ah ugu socon, Netanyahu wuxuu ku jawaabay: “Waxaan u baahanahay waddamo qaabila. Waxaan la hadlaynaa waddamo dhowr ah – halkan kuma faahfaahin doono.” Qorshahan ah in Falastiiniyiinta si qasab ah looga saaro Gaza – haddii loogu yeero haajirid “iskood ah” ama si kaleba – waxaa diiday madaxda Falastiiniyiinta, dawladaha Carabta, iyo qayb weyn oo ka mid ah beesha caalamka, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay ku xadgudub sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada iyo kan xuquuqul insaanka. Weli ma cadda in Somaliland ay sii wadi doonto qorshaha dib-u-dejinta. Heshiis kasta oo la gaaro wuxuu noqon doonaa tallaabo diblomaasiyadeed oo halis weyn ku jirto – kaasoo suurtagal ka dhigi kara inuu horumariyo ololaheeda aqoonsi-raadinta, laakiin isla markaasna khatar gelinaya inay kala kulanto cawaaqib-xumo siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo kaga timaada Soomaaliya, dawladaha Carabta, iyo dhinacyada kale ee ka soo horjeeda qorshahan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku nool xaafadda Xero Guulwade ee degmada Yaaqshiid, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay ka baqayaan in dowladda Soomaaliya ay boobto dhulkooda, inkastoo aysan deganeyn dhul dowladeed, balse ay degan yihiin dhul sharciyeysan. Waxay sheegeen in diyaaradaha yaryar ee wax sawira ay maalin kasta dul wareegaan guryahooda, kuwaas oo sawirro iyo muuqaallo ka duubaya dhulkooda, sida ay hadalka u dhigeen. Shacabka hadlay ayaa sheegay inuu jiro dhul ay dowladdu leedahay oo ay deris la yihiin, balse ay ka cabsi qabaan in dhulkooda lagu daro, kadib markii ay arkeen sida loogu mashquulsan yahay sawir qaadista guryahooda. “Si shacabka iyo dowladda aysan isugu dhicin, ha naloo soo diro dad qiimeeya dhulkan. Deriskeena ayaa degan dhul dowladeed, laakiin dhulkeenu waa mid sharciyeysan oo lacagteenna aan ku soo iibsannay. Dowladda iyo dadkeeda yaan la iska hor keenin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaashii hadlay. Dadka cabanaya ayaa degan dhul u dhow dhulkii hore ee Telefishinka Qaranka Soomaaliya, kaas oo ay sheegeen inay sharcigiisa haystaan, isla markaana ay ka codsanayaan dowladda in dhulkooda loo ilaaliyo nabadgelyadiisa. “Dowladda Soomaaliya waxaan u sheegeynaa in guri kasta aan u heysanno dukumeenti. Yaan nalaga gardaran. Shacabkana waxaan leenahay isku diyaariya, haddii sharcigu shaqeyn waayo, inaad guryihiinna difaacataan,” ayuu yiri oday kale. Shacabka ayaa sheegay in dadka dowladda u qaabilsan boobka dhulka ee aaggaas ay haystaan guryaha iyo goobaha ganacsi ee ugu waaweyn magaalada. “Dhulkeennu mid qarsoon maaha, dhulkii Telefishinka Qaranka kama tirsana. Haddana waxaan aragnaa in dadka burburinta dhulka u qaabilsan dowladda ay wadaan ballaarin, ayna nagu soo fideen. Waan ka digeynaa fidnadaas,” ayuu yiri oday kale oo warbaahinta la hadlay. Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan burburinta iyo la wareegidda dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka si qasab ah looga saarayo dhulkii ay ku noolaayeen sanado badan. Dowladda waxaa lagu dhaliilaa in aysan faahfaahin ka bixin maareynta dhulalka danta guud ee ay ka saarayaan shacabka, iyadoo arrimaha dhulka ay gacanta kula jiraan ganacsato iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda. Dhulkii ugu dambeeyay ee si xoog ah looga saaray dadkii deganaa wuxuu ahaa Xero Horseed oo ku taalla Tarabuunka, degmada Hodan, halkaas oo uu ka dhacay khasaare nafeed. Dhul-boobka ay dowladdu hoggaamineyso waxaa barbar socda maareyn xumo mararka qaar sababta dhimasho iyo isku dhac hubeysan.
-
Mandera (Caasimada Online) – Xiisad culus ayaa ka taagan degmada Mandera ee Kenya, kadib markii maleeshiyaad ku dagaallamaya gudaha Soomaaliya ay dagaalkooda soo geliyeen dhulka Kenya. Fiidnimadii Arbacadii, Fatuma Madnur Mohammed ayaa ku geeriyootay qarax miino gacanta lagu sameeyo (IED) oo lagu aasay beerteeda ku taalla dhinaca xadka ee Kenya, taas oo qaraxday markii ay ku dhacday. Booliiska ayaa aaminsan in qalabka qarxay ay halkaas uga tageen dagaalyahanno ka tirsan ciidamada maamulka Jubaland, kuwaas oo ka soo cararay dagaal ay kula jiraan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS), kuwaas oo ku dadaalaya inay dib ula wareegaan gobolka Gedo. Tan iyo markii dagaalku qarxay bishii la soo dhaafay, ciidamada labada dhinac ayaa marar badan u soo gudbay dhanka Kenya ee Mandera East, halkaas oo ay magan galyo ku raadsadaan, dib isu abaabulaan, kadibna dib ugu laabtaan goobaha dagaalka. Fatuma, oo 44 jir ahayd, ayaa ku naf baxday goobta, iyadoo gabadheeda, Asman Mohamed Noor oo 11 jir ah, ay ku dhaawacantay labada lugood. Asman ayaa miinada ku aragtay bannaanka guriga, kadibna gudaha u keentay, halkaas oo ay ku qaraxday xilli hooyadeed ay isku dayeysay inay hubiso waxa ay tahay. Taliyaha Booliiska Mandera, Robinson Ndiwa, ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay ka digtoonaadaan walxaha laga shakiyo. “Dhacdadan waa mid laga murugoodo, balse waxaan kordhinay kormeerka amniga, waxaana dagaalyahannada ka fogeynay xadka dalkeenna,” ayuu yiri Ndiwa, isaga oo intaas ku daray in IED kale ay dishay dameer. Walaalka Fatuma, Abdi Mohammed, ayaa sheegay in guriga ay ku nooshahay ay ku yaallo meel qiyaastii 100 mitir u jirta xadka Soomaaliya. Gobolka Gedo, oo ay degaan beesha Mareexaan ee saamaynta weyn leh, ayaa inta badan hoos taga maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Dhawaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay magaalooyin istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin Belad Xaawo, Garbahaarey iyo Baardheere. Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, boqolaal qof ayaa u qaxay Kenya, waxayna si ku-meel-gaar ah ugu hoydaan ayagoo marti u ah hay’adda Bisha Cas ee Kenya (Kenya Red Cross Society) xeryo ku yaalla iskuullada Duse iyo Barwaaqo ee magaalada Mandera. Dagaalka ayaa cirka isku shareeray kadib markii laba diyaaradood oo qumaatiga u kaca (helicopters) ay soo gaareen magaalada Belad Xaawo, kuwaas oo waday saraakiil sare, ay ka mid ahaayeen Cabdirashiid Xasan Cabdinur Janan. Janan, oo hore uga tirsanaa maamulka Jubbaland isla markaana soo noqday wasiirka amniga, ayaa ka goostay maamulkaas, kadibna loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka ee Dowladda Federaalka u qaabilsan gobolka Gedo — tallaabo sii hurisay colaadda. Ka hor khilaafkan, labada ciidan waxay iska kaashan jireen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa hadda ku eedeysay Axmed Madoobe inuu hurinayo dagaalka. Dagaalka ayaa horey u dilay Kornayl Xuseen Giif, oo ahaa taliyaha booliiska Jubbaland ee gobolka Gedo, kadib weerar ay ciidamada Dowladda Federaalka ku qaadeen Tuulo Amiin, halkaas oo sidoo kale lagu dilay askar kale oo Jubbaland ah, qaar kalena lagu dhaawacay. Weerarka lagu qaaday xeradaas ciidan, qaar ka mid ah askarta Jubbaland ayaa ka baxsaday, waxayna u carareen dhanka Kenya iyo Itoobiya. Inta uu socdo dagaalka ka socda xadka Soomaaliya, taliye ku xigeenka guud ee Booliiska Kenya, Eliud Lagat, ayaa 9-kii Agoosto booqday Mandera, isaga oo ay wehelinayeen taliye ku xigeenka Booliiska Maamulka Gilbert Masengeli. Waxay shacabka ugu baaqeen inay soo sheegaan cid kasta oo ku hawlan hurinta colaadaha qabiilka ama falalka argagixisada. “Colaadaha qabiilka iyo falalka argagixisada weli waa khatar amni oo weyn oo gobolka ka jirta, waana in si wadajir ah wax looga qabtaa arrimahan muhiimka ah,” ayuu yiri Lagat, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga buuxa ee u dhexeeya hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.