Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa ka aloosan degaanno ka tirsan Gobolka Cayn. Ciidamada Somaliland ayaa sida la sheegayo dhaq dhaqaaq ciidan ka wada degaanno hoostaga degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn. Ciidamada Puntland iyo kuwa degaanka ayaa sidoo kale dhaq dhaqaaqyo ka wada magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda. Ciidamada labada dhinac ayaa laga dareemayaa diyaar-garow xooggan waxaana laga cabsi qabaa isku dhacyo hubaysan. Xiisaddan ayaa ku soo beegantay xilli aan weli la dhayin hurgumooyinkii ka dhashay duullaankii Somaliland ku qaadday Kalshaale 7-dii February 2011. PUNTLAND POST The post Xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland oo ka aloosan Gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.
  2. Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go’doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xiriirka labada dal. Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar, ayada oo socdaalkiisa uu kusoo beegmay xilli dalkaas uu ka socdo Koobka Adduunka. Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii Janaayo 2021, markaasi oo lasoo geba-gebeeyey xayiraad billaabatay June 2017 oo lagu hayey dalkaas. Booqashada oo ku timid casuumadda amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani “ayaa dhiseysa xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab,” waxaa sidaas yiri mas’uul Imaaraati ah oo la hadlay wakaaladda wararka dalkaas ee WAM. Koobkii ugu horreeyey Adduunka ee lagu qabto dhul Cabreed ayaa dhacaya wax kayar laba sano kadib markii markii Sacuudi Carabiya iyo xulufadeeda Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto xagjiriinta, islamarkaana ay aad ugu dhowdahay Iran — eedeymahaas oo Doha ay beenisay. Hoggaamiyaha aan rasmiga ah ee Sacuudiga Dhaxal-suge Mohammed bin Salman ayaa horey ula kulmay amiirka Qatar kadib markii u ka qeyb-galay furitaanka Koobka Adduunka. Inkasta oo tani ay tahay booqashadii ugu horreysay ee madaxweynaha Imaaraadka tan iyo dhammaadkii xanibaadda, xiriirka labada dal ayaa usoo hagaagayey si tartiib ah. Bishii May, amiirka Qatar ayaa Abu Dhabi uga qeyb-galay tacsida madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa, oo ay isku aabe ahaayeen Sheikh Mohamed. Isha: AFP, VOA The post Madaxweynaha Imaaraadka oo booqasho taariikhi ah ku tegay dalka Qatar + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  3. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxa ciidamada fallaagada Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba lixdan iyo shan ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka. Arintaan ayaa ku soo beegmaysa bil kadib markii heshiis xabad joojin ah ay la saxiixdeen dowlada federaalka ee Itoobiya. Tadesse Werede, oo ah madaxa guud ee ciidamada Tigreega ayaa sheegay in ay u dhaqaaqeen goobo cayiman. Inkastoo ay saxiixeen heshiis hub ka dhigis ah, Jabhadda Xoreynta Tigrayga ayaa sheegtay inaysan ka tanaasuli doonin hubkeeda haddii aysan ciidamada Eritrea iyo kuwa ka socda gobollada deriska la ah Itoobiya aysan ka bixin Tigrayga. Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ay sii wadeen dilalka iyo tacadiyada dadka rayidka ah ee Tigrayga. Ka dib laba sano oo go’doomin iyo cadaadis milatari oo aan kala joogsi lahayn oo kaga yimid ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya iyo Eritereeya oo ay weheliyaan ciidamada gobolka Axmaarada, madaxda Tigraygu waxay sameeyeen tanaasulaad aad u weyn. Si kastaba ha ahaatee, dawlada dhexe ayaa ka dalbatay kooxda TPLF inay gabi ahaanba isa soo dhiibto. balse taasi ma aysan xaqiijin dowladda. Isha: BBC The post Jabhadda Tigray oo furimaha dagaalka kala baxday dagaalyahanadeeda appeared first on Caasimada Online.
  4. Shocked Three Lions players are beefing up security at their homes after armed burglars broke into Raheem Sterling's mansion while his partner and young children were inside, forcing the star to flee England's World Cup camp to be by their sides. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Howlgalka oo ahaa mid bartilmameed ah ayaa waxaa fuliyay ciidamada gaarka ee Duufaan, kuwaas oo ku daatay guri ku yaalla xaafaddaasi, sida ay innoo sheegeen ilo degaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay halkaas kasoo kaxeysteen laba nin iyo gabar, kuwaas oo ay la aadeen xaruntooda, si ay ugu sameetaan baaris dheeraad ah. Sidoo kale ciidamada ayaa inta uu socday howlgalka gacanta ku soo dhigay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay wediiyeen su’aallo, kadibna ay sii daayeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen howlgalkaasi ee ay ciidamada NISA ku beegsadeen xaafadda Suuqa Xoolaha. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa qayb ka ah howlaha ay ciidamada ammaanka ku sugayaan amniga caasimada oo maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayey. Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii ay cadaadis xoogan kala kulantay howlgallada ka socdo gobollada dalka oo degeenno badan looga qabsaday. The post NISA oo howlgal culus ka fulisay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  6. A group of doctors in Uganda caused a stir over the weekend after kneeling before long-time President Yoweri Museveni and asking him to stand for a seventh term. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la yeesho safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry André. Dad lagu kalsoon yahay warkooda ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Maraykanka ay saacadaha soo socda ku kulmi doonaan Muqdisho. Kulanka labada mas’uul ayaa sida wararku xaqiijinayaan waxaa looga hadli doonaa xoojinta xiriirka iskaashiga ee labada dhinac gaar ahaanna Arrimaha Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada. ” si guud Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada ayaa Kulanka looga hadli doonaa waxaase jirta arrin si gaar ah u khusaysa hay’adda PSF” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo aan faahfaahin kale bixin. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland iyo safiirka Maraykanka oo ka wada-hadlaya arrima ay ku jirto PSF appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada, Xasan Sheekh ayaa guddiyada iyo guddoonka uga warbixiyey halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan Al-Shabaab. Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaqeynta goleyaasha dowladda. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay guddoonka iyo guddiyada golaha shacabka inay joojiyaan mooshinka amniga ee horyaalla. Illaa 22 xildhibaan ayaa shalay saxiixay mooshin ku saabsan xaaladda amniga dalka, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo amniga dalka, maadaama xaaladda waddanka ay mareyso meel halis ah. Illaa 44 xildhibaan ayaa ogolaatay mooshinkaas markii loo qaaday codeyn gacan tag ah, kuwaas oo u codeeyey in laga dodo, taasi oo ka dhigan in baarlamanka u yeeri karo taliyeyaasha ciidanka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inuua aad uga walaacsan yahay mooshinka amniga dalka, oo keeni kara in xukuumadda la rido, dalkana uu galo qalalaase xilli uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir. The post Xogta kulankii Xasan Sheekh iyo guddoonka BF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  9. Addis Abeba – Russia has announced its desires to increase cooperation with Ethiopia in the fields of digitalization, information network security and digital skills, Ethiopia’s Ministry of Innovation and Technology said. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu uga warbixiyey halganka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab oo hadda deegaanno badan laga saaray. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo dagaalamayaasha Alshabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada kasoo gaartay abaaraha iyo colaadaha dalka ka jira jira. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumadda Danqarabn ay u soo gudbin doonto. Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Goormaa ayay ahayd markii ugu horeysay ee qof fariin qoraaleed loogu diro Telefoonka Gacanta “Mobile”+Dalka & Shirkada sameysay? ­­­­Mid ka mid ah hababka ugu dhaqsaha badan ee isgaarsiineed waqtigeenna, waa fariimaha gaaban ee qoraalka ah ee ay dadka isugu diraan telefoonadooda gacanta. Balse markii ugu horeysay oo fariin gaaban oo qoraal ah lagu diro taleefonka gacanta ayaa ahayd 30 sano ka hor waxaana uu dalkii ugu horeeyay ee laga diray ahaa dalka Ingiriiska. 30 sano ka hor, shirkadda taleefanka gacanta ee Vodafone ayaa noqtay shirkaddii ugu horeysay ee farriinta gaaban u soo dirta injineer ku sugnaa Berkshire. Farriintii ugu horreysay ee la diro ayaa ahayd mid hambalyo ah oo ku saabsanayd xilliga ay dadka masiixiyiinta u dabaaldagaan ciidooda. Qof Shaqaale ah oo lagu magacaabi jiray Nelly Papworth ayaa farriin u diray sanaddii 1992-dii mid ka mid ah madaxda shirkadda, Richard Jarvis, isagoo u dabbaaldegaya Christmas-ka, balse ma uusan helin jawaab. Taleefanka Jarvis uu sitay xilligaas ayaa ahaa mid ku cusub suuqa, waxaana lagu magacabi jiray Orbitel 901, culeyskiisu waxaa uu ahaa 2.1 kiilo garaam. Waxaa uu taleefoonkaasi miisaankiisu dhanna ilaa 12 iPhone ama 14 taleefoon gacanta ee ana maanta aan isticmaalno. Xilligan fariimaha qoraalka ah, waxaa sanad kasta is-weydaarsada balaayiin qof . Toban sano ka hor, ayaa qaamuuska lagu diray eryegaee “farriin qoraaleed ama SMS” . Iyadoo fariimaha qoraalka ah ee taleefoonada la isugu diro ay wali tahay adeeg jira, ayaa waxa hadana imika la wareegay isgaarsiinta dhanka internetk-ka ee qoraalada la isgu gudbiyo sida WhatsApp. Sida laga soo xigtay xog uruurin la sameeyay, 40 bilyan oo farriimaha gaaban ah ayaa taleefoonada la isugu diray dalka UK sanadkii 2021, taasoo hoos uga dhacday 150 bilyan oo fariin oo la isu diray sannadkii 2012. Marka la barbardhigo, maanta, 100 bilyan oo farriimood ayaa adduunka oo dhan la isugu diraa WhatsApp-ka maalin kasta. Si kastaba ha ahaatee, farriimaha gaaban ee teleefoonada ayaa weli waxa isticmaala hay’ado kala duwan . Waxaa ka mid ah, fariimaha ay hay’adaha kala duwan diraan sida in qofka la xusuusiyo ballamaha caafimaadka iyo shirkdaha qaar oo adeegyadooda macaamiisha ugu dira telefoonada. Markii ugu horreysay ee adeegga fariimaha gaaban ee ee SMS loo yaqaano uu bilaabmay, waxaa kaliya ah oo la diri karay 160 xaraf, markiiba. Fikirkan fariimaha ahi waxa uu ka soo bilaabmay Yurub sannadihii 1980-aadkii, 10 sano ka hor inta aan farriintii ugu horreysay loo dirin talefanka gacanta. Taleefanadii hore waxay lahaayeen furayaal ama kiiboorro iyo lambarro ku dhajisan. Marka, tusaale ahaan, si loo qoro xarafka Ingiriisiga ‘C’, waxay ahayd lagama maarmaan in la riixo lambarka 1 saddex jeer. Nigel Linde, oo ah khabiir dhanka isgaarsiinta ah oo ka tirsan jaamacadda Salford, ayaa sheegay in shirkadaha soo saara taleefannada xilligaasi aysan si wanaagsan ugu darin xarfaha Ingiriisiga. Waqtigaas, Ben Wood oo ka faalooda arrimaha tignoolajiyada wuxuu xusuustay in dadka la bari jiray sida loo helo loona diro fariimaha gaaban ee qoraalka ah. Waxaa muddo kooban gudaheed ay dadka aad u barteen sida loo diro fariin qoraaleedka, waxayna gaareen heer ay si fudud farriimaha u diraan iyagoon eegin xarfaha ku yaalla telefoonada gacanta. Waayahaan danbe dadku waxa ay waqti badan ku lumiyaan in ay eegaan fariimaha lagu soo diro telefoonadooda halkii ay ku hadli lahaayeen telefoonadooda. Tani waa calaamad muujinaysa in fariimaha qoraalka ah si weyn loola qabsaday, ayuu yidhi Ben Wood. Qaran News
  12. Weerarkii lagu qaaday Villa Rays, waxay la mid tahay mid lagu qaaday xafiiska madaxweynaha maxaa yeelay labaduba waxay ku yaalaan goob isku dhaw oo ammaankooda aad loo ilaaliyo. Sidaas daraadeed, kuwii galay Villa Rays, waxba lama ahan in ay weeraraan guriga ama xafiiska Madaxweynaha ama Ra’isul Wasaarahaba. Tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday ku meelgaarnimadii, dibna u hanatay dowladnimadeedii, waxaa lagu haminayey in amnigu ka soo fiicnaanayo maadaama amnigu yahay furaha nolosha iyo horumarka, laakiin ma dhicin sababo kala duwan awgood, waxaase ugu weyn: 1- Taliyayaasha oo lagu soo xulo hab qabiil ama xulufeysi Hay’adaha amnigu waxay heegan u yihiin sugidda amniga dadka iyo dalka, shacab iyo mas`uulba. Inta badan taliyaasha laguma soo xulo karti, aqoon iyo aaminaad, ee waxaa lagu doortaa in lagu qanciyo qabiil iyo in uu yahay nacamleeye. Sidaas darted, sax ma ahan in qabiil lagu saleeyo oo u adeegaan qabiil ama xulufo gooni ah sida lagu arkay habdhaqanka wasiiradda badankood. 2- Tuugadii iyo argagixisadii oo ku milantay Hay’adihii amniga. Dowladahii ku meelgaarka ahaa xildhibaanimada waa laga carari jiray, qabiilkasta wuxuu u soo dirsan jiray midkooda ugu liita si uu biil uga helo. Hadda waxay u muuqataa in ciidamadii ay ku soo bateen dad la shaqeeya argagixisada, kooxaha abaabula dambiyada qorsheysan iyo ilmo deyro ah oo waalidkood dhaqan celis ugu soo dareen Hay`adihii Amniga. Xalka muxuu yahay? Labo isma qabato. Amni ayaan rabnaa, dhiiqadii iyo khaladaadkii aan inka badan tobansano ku celcelineynana wax ka badali meyno ma shaqeyneyso. Soomali waxey tiraahdaa “tuug tuug ma qabto”. Mudane madaxweyne, taliye tuug ah, tuug kuu soo qaban maayo, amnina kuu sugi maayo. Mid aa ku soo xushay in aad qabiil ku qanciso ama xulafeysi wax kuu tari maayo horaa loo soo arkay. Waxay ahaataba, “caano daatay dabadood la qabay” ee mudane madaxweyne wali fursad baa heysataa aad dib u habeyn dhab ah ugu sameynkartid Hay`adaha amniga. Amnigii caasimadda iyo kii waddankaba waa liiqliiqanayaa ee qaado go`aan geesinimo leh sida aad u qaadatay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo soo xul taliyayaal leh karti, daacadna ah kana fog qabiil iyo eex si ummadan Sommaaliyeed ee dhibaatooyinka dilootay loo samata bixiyo. Waxaa qoray Saciid Axmed Xaaji (Careys) oo ka foollooda arrimaha amniga. Email: saidhassan18@live.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Weerarkii Villa Rays kadib, Villa Somalia oo halis ku jirta appeared first on Caasimada Online.
  13. Wiil uu dhalay Cusaama Bin Ladin oo bixiyay xog la yaab leh oo ku saabsan aabbihii “Inkasta oo dhaqashada eyda ay Muslimiinta dhexdooda xumaan u arkaan, ninkayga Osama Bin Laden waxa uu Yurub ka soo dhoofsaday labo eey oo lagu kala magacaabi jiray Safir iyo Zair. Waan la yaabay markii Cumar uu ii sheegay in Khartuum aabbihii uu eey ku dhaqan jiray. Waan la yaabay sababtoo ah Muslimiinta ayaa aad uga fogaada eyga iyaga oo u arka in uu nijaas yahay. Xaaska koowaad ee Usama Bin Laden, Najvi Ghanem (Najvi Bin Laden), ayaa sida u sheegtay Jean Sassoon, oo ay buuggeeda ku qortay. Najvi waxay intaa ku dartay in mid ka mid ah eygooda la xaday, halka midkii kalana uu xanuun la soo darsay, ka dibna si lama filaan ah uu u dhintay. Toddoba sano kadib markii buugga la daabacay, ayaa wiilka uu dhalay Osama Bin Laden, Cumar Bin Laadin oo wareysi siiyay wargeyska The Sun wuxuu ku sheegay in aabbihii Usama Bin Laden uu hub kiimiko ah ku tijaabiyay eeygiisa. Cusaama Bin Laden ayaa lagu dilay howlgal ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan. Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxayay warbixinno dhowr ah oo sheegaya in Usama Bin Laden oo ah ninka loogu doonista badnaa caalamka uu hub kiimiko ah ku tijaabiyay eey. Hadda wiilkiisa Cumar Bin Laden waxa uu yiri “Waxaan arkay (iyada oo kiimiko lagu tijaabinayo eeyaha. “Waxay ku tijaabiyeen (hubka kiimikaalka) eey, anigu kuma faraxsanayn arrintaas. Waxaan isku dayay inaan iloobo dhammaan xusuustaas xun ee arrintan ku saabsan, way adag tahay laakiin waqti ka dib ayaad ka gudbaysaa.’ Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Cumar bin Ladin uu aaday Afgaanistaan ​​si uu ula kulmo aabbihiis iyo qoyskiisa. Waxay qoyska lahaayeen eey lagu magacaabo ‘Bobby’. Waxay u tababari jireen inay noqdaan ‘eyda wax waardiyaysa oo dhanka amniga gacan ka geysta. Buuggu laga qoray Bin laden ayaa sheegaya in eygaasi uu si lama filaan ah u dhintay. Laakiin qofna ma oga sababta uu u dhintay. Cumar bin Laden hadda waa 41 jir. Waxa uu Suudaan kula noolaa aabbihiis Usama Bin Laden intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1996. Cumar ka dib markii ay kala tageen aabbihiis waxa uu qirtay in uu tababar hubka sida loo isticmaalo ah ku soo qaatay xeryo lagu tababaro Al-Qaacida. Cumar waxa uu buuggan ku sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin in aabbihiis uu dilo dad shacab ah, waana sababta aan uga baxay Al-Qaacida ayuu intaa raaciyay. “Aabbahay kuma faraxsanayn go’aankan laakiin wuu i macsalaameeyay” Cumar ayaa ka dib ku laabtay Sacuudiga oo uu hawlo ganacsi ka galay sanadkii 2006. Kaddib wuxuu ku fikiray inuu aado Yurub. Sidoo kale Cumar ayaa mar guursaday balse markii dambe way kala tageen xaaskiisa iyada oo u dhashay hal wiil. Muxuu Cumar ka yiri aabbihii Osama Bin Laden? Wareysi uu siiyay wargeyska The Sun, Cumar waxa uu ku yiri ‘Labadii May , 2011, waxaan ku sugnaa Qadar markii la ogaaday in ciidamada badda ee Mareykanka ay aabbahay ku dileen magaalo ku taalla Pakistan.’ Balse, Cumar ma rumaysna in Maraykanku badda ku aaseen maydka aabbihii Usama Bin Ladin. “Ma garanayo waxay aabbahay ku sameeyeen,” ayuu yiri. Waxay yiraahdeen meydkiisa waxaan ku tuurnay badda, laakiin ma rumaysni. Waxaan u malaynayaa inay maydka u qaadeen Ameerika si ay dadka u tusaan. Cumar waxa uu aabbihii hore ugu tilmaamay in uu ahaa aabbe wanaagsan, laakiin ay kala qaadeen labo waddo oo kala duwan. Qaran News
  14. Volodymyr Zelenskyy madaxweynaha dalka Ukraine, ayaa sheegay in dalal ay Soomaaliya ku jirto ay wajahayaan xaalad bini’aadanimo oo aad u daran. Zelenskyy ayaa soo hadal qaaday in dalalka Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen, ay soo food saartay cuna yari. Madaxweynaha ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in dhawaan uu markab siday Qamadi uu ku xirtay deked ku taalla Jabuti si wax looga qabto abaarta gobalka. Waxa uuna balan qaaday in sanadka soo socda ee 2023-ka ay diri doonaan maraakiib raashiin ah si loogu gurmado dadka abaarta ay saameeysay. “Waxaa naga go’an in aan garab istaagno oo aan caawino dadka dhiban, sanadka soo socda 2023-ka waxa aan gaarsiineynaa gar-gaarka illaa 60 Markab si looga hortago baahida cunno la’aan ee dunida ka taagan,” ayuu yiri Volodymyr Zelenskyy. Markabka ku soo xirtay dekedda dalka Jabuti ayaa siday 25,000 Metric Tons oo qamadi ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay bilowday baaritaan ay ku sameyneyso shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda federaalka ah, sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo kala duwan. Saraakiil amni oo sabab ku aadan xasaasiyada qadiyadan u codsadey in aan magacyadooda la xigan ayaa talaabadan ku sifeeyay “hubin lagu sameynayo liis ay horey u diiwaan-gelisay hay’adda 2018-dii illaa 2021-kii”. “Shaqadan waxay saameynaysaa dhamaan wasaaradaha xukuumadda,” ayay soo wariyeen shaqsiyaad kala duwan oo ka war haya arrintan. “Horey waxaa hubinta loogu sameeyay meelo ay kamid tahay Madaxtooyadda Qaranka”. Bishii July ee sanadkan 2022, NISA ayaa lagu waramay in ay ku fartey shaqaalaha dowladda in aysan baabuurtooda la mari karin jidadka Madaxtooyadda. Amarkan waxaa lala xiriiriyey “khatar dhanka ammaanka soo soo ifbaxdey”. Weerarkii Villa Rays Hotel Sida laga soo xigtey qaar kamid ah shaqaalaha maray hubinta, su’aallaha la waydiinayo waxaa kamid ah qabiilka uu qofka kasoo jeedo, cidda damiinka ka ah iyo waliba lambarka Xildhibaankiisa. “Lama rabo kaliya magaca qabiilkaaga, waxaa lagu leeyahay sheeg jufada illaa lafta aad kasoo jeedo iyo haddii aad urur diimeed ku jirto,” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha rayidka oo dalbadey in la qariyo magaciisa. Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii dagaalameyaasha Al-Shabaab ay muddo 23-saac ka dhex-dagaalamayeen Villa Rays Hotel oo ku dhow Villa Soomaaliya. Dowladda ayaan wali fahfaahin qaabka maleyshiyadda ku gaartey halkaas. Taliska Booliska ayaa sheegay in 8 qof oo u badan shacab ay ku naf-waayeen falkaas. Afhayeenka bileyska, Sadiiq Doodishe, ayaa muuqaal laga soo duubay ku xusay in dableyda howlgalkan fulisay ku qeexay lix “dhagar-qabeyaal”. Amniga caasimada Muqdisho “Mid kamid ah wuxuu isku-qarxiyey banaanka hotel-ka,” ayuu tibaaxay. “Shanta kale waxaa toogtey ciidamadda”. Ma uusan soo hadal-qaadin haddii baaritaan la bilaabay si loo ogaado sidda dagaalameyaasha shirqoolka ku fuliyeen. Warar soo baxay kadib dhacdadaan ayaa muujiyey in madaxwayne Xasan Sheekh uu amray baaritaan lagu sameeyo weerarkan isla markaana si degdeg ah loogu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan falkaas. Macluumaada la hubiyey ayaa soojeedinaya in xabsi loo taxaabay askar, saraakiil ciidan, iyo taliyeyaal baro kontarool. Dhinacyada wajahaya su’aallo waydiinta ayaa la wariyey in ay u badan yihiin Ciidamadda Madaxtooyadda. Ammaanka iyo ciribtirka Al-Shabaab ayaa kamid ah shaqada ugu culus ee hortaala madaxda Soomaaliya ee la doortey 15-kii May, 2022. Inkasta oo guulo laga soo sheegayo furimaha dagaalka, amniga caasimada ayaa wali maaro loo helin. Isha: GO The post NISA oo baaris ku billowday shaqaalaha dowladda appeared first on Caasimada Online.
  16. Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay gacansiinta waddamo dhowr ah oo Soomaaliya kamid tahay oo xaalado bani-aadanimo ay ka jiraan. Waddamadaan ayaa kala: Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen. Waxa uu sheegay in Dekedda Doraleh ee Jamhuuriyadda Jabuuti uu ku xirtay Markab wada gargaar bani-aadamnimo, gaar ahaan Qamadi dhan 25,000 Metric Tons si loogu caawiyo qoysaska ku dhibaateysan Itoobiya. “Waxaa naga go’an in aan garab istaagno oo aan caawino dadka dhiban, sanadka soo socda 2023-ka waxa aan gaarsiineynaa gar-gaarka illaa 60 Markab si looga hortago baahida cunno la’aan ee dunida ka taagan,” ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy. Zelenskyy ayaa tilmaamay in kaalmadaas ay ku baxeyso $150 Milyan oo Doollar oo ah deeq si gaar ah loogu tala-galay waddamada Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen. The post Maxay tahay arrinta ku saabsan Soomaaliya ee uu sheegay Zelenskyy? appeared first on Caasimada Online.
  17. Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo ka tirsan golaha shacabka, gaar ahaan xubnaha laga soo doortay deegaanada Hirshabeelle ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey sababta ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ka hor taagan inay gudaha u galaan degmada Aadan-yabaal. Xildhibaanka oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa xaqiijiyey in kooxda Al-shabaab ay isaga baxday degmada Aadan-yabaal, balse ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka aysan weli gudaha u gelin. Wuxuu sheegay in sababta ka hortaagan ay tahay cabsi xooggan oo laga qabo in miinooyin lagu aasay gudaha degmada, taas oo khatar ku ah ciidamada. Xildhibaan Cabdiraxmaan wuxuu intaas ku sii daray, in ciidamadu ay hareereeyeen degmada, isla markaana ay isaga carareen dagaalamayaashii joogay ee Al-Shabaab, balse ay jirto cabsida miinooyinka. “Ciidanku waxay joogaan hareeraha Aadan-yabaal, balse waxaa jirta sabab kaliftay in gudaha loo geli waayo degmadaas, sida lagu yaqaanba Al-Shabaab meel kasta miino ayey ku xiraayaan, marka waxaa socda baaritaan iyo miino saar xoog leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh. Wuxuu intaas ku sii daray “Shabaab waa isaga baxeen degmada, ciidamadu waxay joogaan afaafka hore ee Aadan-yabaal, waxaan rajeynayaa in 24ka saac ee soo socota la xaqiiji doono gacan ku dhigidda Aadan-yabaal.” The post Al-Shabaab oo ka baxay Aadan-yabaal iyo arrin ciidanka ka hor-taagan inay qabsadaan oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Djibouti (Caasimada Online) – Ergayga arrimaha bini’aadanimada Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dalka Jabuuti uga qeyb gelaya shir uu soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage ayaa ka jeediyey khudbad ku saabsan doorka amni darrada ee dadka barakacayaasha ah. Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kaamamka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho ay soo buux-dhaafiyeen dad aan heysan wax ay noloshooda ku maareeyaan, kuwaas oo dowladdu aysan la socon dhaqdhaqaaqooda iyo xaaladaha ku soo kordhaya. Cabdiraxmaan ayaa ku dooday in dadkaas looga faa’iideysan karo duruufaha heysta. “In ka badan labo milyan oo Soomaali ah ayaa abaaraha ka soo qaxday, waxay deegaameysteen hareeraha Muqdisho, Baydhaba iyo magaalooyin kale, mana jirto cid ka war-qabta waxay noloshooda ku maareeyaan oo mararka qaar amni darro la geli karta,” ayuu yiri. Ergeyga ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab aan looga maarmeyn in la xiro halka ay iska soo abaabuli karaan, sida inay helaan dad shaqo la’aan ah oo duruufaha heysta ay uga faa’iideystaan. “Xal u helida arrimaha barakacayaasha iyo cimillada sii xumaaneysa ayaan yoolka koowaad ka dhigan lahaa, kan labaadna dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri. “Labada milyan iyo sagaalka boqol ee soo barakacday uma laabanayaan beerihii iyo dhulkii miyiga ahaa, sababtoo ah meel ay u laabtaan malaha oo beero ma jiraan, marka waxaan qabaa in arrinta barakacayaasha ay Shabaabka ka culustahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Shirkaan Jabuuti ka socda ayaa looga hadlayaa arrimaha cimillada sii xumaaneysa ee dunida, wuxuuna sheegay Cabdiraxmaan in hadii wax laga weydiiyo qorshe howleedka ugu horeeya ee la wajahayo uu ka dhigi lahaa tan cimillada, gaar ahaan arrimaha deegaanka iyo xal u helida barakacayaasha. Wuxuu intaas ku sii daray in Soomaaliya ay tahay wadanka ugu magaaloobi og Afrika, “Dadkii miyiga waa kasoo tegaayaan, magaaladiina waxaba kuma heystaan, meesha dhibka dhan uu ka taagan yahayna waa halkaas,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: CC Shakuur oo shaaciyey khatar la xariirta Al-Shabaab oo Muqdisho ka soo wajahan appeared first on Caasimada Online.
  19. Lethal at sea: The trawler whose crew opened fire at Puntland fishermen. Eyl (Puntland Post) — More then ten years after the former Puntland State Government stamped out pirate bases at Eyl, fishermen at Marraye village complain of an upsurge in illegal fishing. The fishermen at Marraye, a village under the jurisdiction of Eyl, videotaped a fishing trawler staffed by armed crew. “The fishing trawler is getting closer the beach. It opened fire at us. Somali and non-Somali crew are on the fishing trawler. We fear that piracy will return to Eyl due to illegal fishing” said one fisherman. Fishing trawlers seen near Puntland coasts claim to have been awarded fishing licences from Puntland State Government, but proceeds from fishing licences are not audited nor do coastal districts benefits from investment despite local fishermen’s livelihood being put at risk by illegal fishing. Two months ago the Federal Ministry of Fisheries issued an edict rendering fishing licenses issued by Federal Member States null and avoid. The implementation of this policy faced resistance from foreign fishing companies that argued for the legality of fishing licences issued to them by federal member states. © Puntland Post, 2022 The post Illegal Fishing By Foreign Trawlers Puts Lives of Puntland Fishermen at Risk appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa galabta Muqdisho ku soo bandhigay daroogooyin laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga booliska ee garoonka diyaaradaha ayaa soo bandhigay Kartoomo aad u badan oo daroogadaan ay ku jirtay, taas oo u badan daawooyin. “Waxaan idiin soo bandhigeynaa daawooyin badan oo loo isticmaalo daraago ahaan, kuwaas oo booliska ka howlgala garoonka uu gacanta ku dhigay, in kastoo daawooyinkaan xanuuno loo adeegsa karo, hadana waxaa jirta in daroogadu ku badan tahay, oo intooda badan aan si sax ah loo isticmaalin,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya. Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dowladda oo ku dadaaleysa inay xakameyso dembiyada ay dalka ka geysa karaan dadka daraagiska isticmaala ay ka hortagtay in daawooyinkaan qatarta ah dalka lasoo geliyo. “Ciidamada ammaanka waxaa la siiyey waajib ah inay ka hor tagaan wax kasta oo qatar ku ah xasiloonida dadkeenna, hadii aan sii deyneyno daroogadaan, lama aanaa dagaalameen Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sadiiq Aadan Cali. Ugu dambeyntii Afhayeenka Booliska ayaa ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay dhaqaalahooda ka deystaan waxaan aysan dowladooda iyo diinta suuban ee Islaamka aysan ogoleyn, khatartana ku ah bulshada ay u adeegayaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Booliska oo soo bandhigay daawooyin ‘halis ah’ oo garoonka lagu qabtay appeared first on Caasimada Online.
  21. 10 Sababood oo Caddaynanay in aanay Doorashada Ururradu Xal u Ahayn Muranka jira! Sida maalmahan la isla dhex marayo, waxay u badan tahay in loo badinayo in doorashada ururrada la galo oo doorasha madaxtooyada dib loo dhigo. Hase ahaatee, waxa aad mooddaa in aan fikir badan iyo ka fiirsi la gelin oo si dhaafsiisan geed-kaga-kaca loogu arko inay xal tahay. Waxaa xaqiiqdu tahay in ay doorashada Madaxtooyadu tahay midda dalku kaga baxayo khilaafka siyaasaadeed ee halista ku ah nabadda iyo xasiloonida Somaliland iyo mandaqaddaba. Haddaba, dhawr sababood ayaan halkan kusoo bandhigaynaa oo tilmaamaya in doorashada ururradi aanay xal u ahayn muranka jira, laakiinse ay ka dhalan karaan dhibaatooyin hor leh oo aan la saadaalin karin. 1. Waxaad kasoo qaaddaa in doorashada ururradu dhacday, 3da xisbi iyo 10 urur oo isku 13 ahi ku tartameen. Waxaad kasoo qaaddaa in dadka codeeyey tiradoodu gaadho ilaa hal milyan (1million). Waxaa xaqiiq ah in ay 10ka dhacaa ka cod badanayaan 3da soo baxda. Haddii 3da soo baxaa helaan ugu badnaan 30-40% codadka, ma odhan karnaa xisbiyada cusubi waxay ku fadhiyaan kalsoonida shacabka? Ma xaqbaa taasi? 2. Waxaad kasoo qaaddaa in doorashada ururradu dhacday, 3da xisbi iyo 10 urur oo isku 13 ahi ku tartameen. Waxaynu og nahay in 13ka tartamayaa ay taageero ka helayaan qabiilooyinka ay kasoo jeedaan ragga horjoogeyaasha ka ahi. Bal ka waran 10ka qabiil ee ururradoodu ama xisbiyadoodu dhacaan? Ku darsoo, iyadoo weliba kalsoonida dowladda maanta jirta aynu wada og nahay oo iyadiiba muddo-dhaaf tahay! Bal ka waran haddii ay qaboolooyinka dhacaa is garabsadaan? Bal ka waran haddi weliba beelaha darafyadu dhacaan oo beesha dhexe kaliya ku koobnaadaan kuwa soo baxaa? 3. Haddii doorashada ururrada maanta oo ay tii madaxtooyadu taagan tahay la qabto, iyada oo weliba midda madaxtooyadu xaq u lahayd inay dhacdo, 10 sano kedibna ma halkan oo kale ayaynu taagnaanaynaa oo madaxweynaha kursiga ku fadhiya ayaa fursad loo siinayaa in uu xisbiyadii jiray fursadda weydaariyo oo fursad u helo inuu iska reebo kuwa uu reebyo kuwo cusubna ku bedesho? 4. Adduunka ma jirto meel doorasho gaara loo qabto ururro ama xisbiyo lagu kala reebo, Somalilandna waxay ku noqonaysaa naadir. Caalamka xisbiyadu waxay ku abuurmaan kalsooni shacab oo ay ka helaan doorashooyinka baarlamaanka ama goleyaasha deegaanka. Ugub ayay Somaliland iyo caalamkaba ku tahay doorasho aan cid ummadda wakiil u ah la dooranaynin! Waxaa kasii daran, kharashka ku baxaaya oo u dhigma mid madaxtooyo. 5. Marna suurtogal ma aha, caqligana ma gasho, in doorashada ururrada iyo madaxtooyada loo dhaxaysiiyo dhawr bilood. Marka laga yimaaddo madaxweynaha talada dalka haya oo raba in uu doorashadiisa dib u riixo, ama mid iyo laba kamida ururrada cusub ee tobanka ah oo quud-darraynaya in uu xisbi noqdo, ma jirto wax dana oo dalka iyo dadka ugu jirto in laba doorasho oo bilo u dhexeeyaan dalka laga qabto oo dhaqaalaha iyo waqtiga intaas le’eg lagu lumiyo. 6. Doorashada ururradu waxba kama badalayso mana dhimayso muranka siyaasadeed ee dalka ka taagan. Laakiin doorashada madaxtooyadu waxa ay soo afjaraysaa muranka oo ama madaxweynaha hadda fadhiya ayaa kalsooni cusub helaya ama mid kale oo kalsoonida shacabka haysta ayaa mayalka u qabanaya. 7. Kalsoonida xukuumadda maanta jirta ee dhaawacan ee aan haysan mandate-ka buuxa ee caalamku deeqdii ka joojiyey waxba kama badalayso doorashada ururradu, xal siyaasadeed oo ku jiraana ma jiro, waa haddii weliba laga baaqsado dhibaato iyo khilaaf hor leh. 8. Doorashada ururradu waxay xaqiijinaysaa in madaxweynaha lagu muransan yahay kursiga sii fadhiyo 2 sano oo dambe, waayo ma jiraan wax ku kalifaya in uu ku degdego doorashada madaxtooyada 9. Maka fikirtay waxa dhacaaya haddii xisbiga Kulmiye dhaco! Madaxweyne bilaa xisbiya miyaa dalka ka talinaya? Tani waxay ku tusaysaa sida loogu baahi qabo in dastuurkeenna wax laga bedelo. Maanta, xaqiiqdii, marka la eego nidaamka dimuqraadiga ah, waxa ay ahayd in uu dalka ka taliyo xisbiga Waddani ee helay tirada ugu badan ee baarlamaankii la doortay 2021, oo uu isagu xukuumad soo dhiso, ama isaga iyo UCID oo haysta aqlabiyadda kalsoonida shacabka. Waa haddii nidaamkeenna siyaasiga ahi noqon lahaa mid ku fadhiya kalsoonida shacabka ee tirada baarlamaanka, nidaamka loo yaqaan Parliamentarian. Nidaamkeenna Awoodda Madaxweynaha leh, Presidential system loo yaqaan ayaa keenay in uu dalka ka taliyo xisbi aan haysan aqlabiyadda shacabka oo minority ah, halka labada xisbi mucaarad ka haystaan 52 xildhibaan oo u dhiganta 63%. 10. Doorashada ururradu ma laha wax xeera oo lagu qabto, ilaa la iska fahmona doorashadaasi ma dhici karto, haddii aanay dhicinna micnaheedu waa in Madaxweynaha lagu muransan yahay xilka sii haysto dalkuna sii kala furfurmo! Cabdisalaan Germany Qaran News
  22. A group of young people, some who have faced challenges with mental health issues or cancer, has set up a charity to help each other cope. Source: Hiiraan Online
  23. When health care workers Yasmin Samatar and Faraoli Adam were on the frontlines of the pandemic, they struggled to find personal protective equipment for Muslim women like them. So they launched Mawadda, a line of hygienic hijabs to help keep Muslim health care workers and patients safe in the hospital. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray wareegto uu magaca kaga badalayo wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya. Wareegtada uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa loogu bixiyay wasaaradda magac cusub oo ah “wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah” (Ministry of Fisheries and Blue Economic). “Magac-bedelidda cusub ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah (Ministry of Fisheries and Blue Economic), waxay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha XFS, waxaana lagu soo saaraya fulinta rasmiga ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Xamza Cabdi Barre. Lama cadeyn sababta rasmiga ah ee keentay in magaca laga bedelo wasaaradda Kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya. Wasaaradda Kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa noqoneysa wasaaraddii ugu horeysay ee magaca laga bedelo dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray. The post Xamza oo magaca ka bedelay mid kamid ah wasaaradaha DF appeared first on Caasimada Online.
  25. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim, kaas oo saraf kusoo gaaray dalka, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wasiir Anne Beathe Tvinnereim ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka. Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka go’antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilligaan oo dalka ay ka jirto qeybo kamid ah ay ka jiraan abaaro baahsan taas oo dadka iyo duunyada saameysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com