Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) – The Ethiopian government has deployed a large number of Ethiopian National Defense Forces (ENDF) near the border town of Feerfeer, which lies along the Ethiopia-Somalia border, Ethiopian media reported on Saturday. Source: Hiiraan Online
  2. Jeddah (Caasimada Online) – Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si rasmi ah Sabtida maanta ah u ansixiyay soo-jeedin kasoo baxday Jaamacadda Carabta oo looga soo horjeedo qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee la wareegidda Gaza iyo barakicinta dadka halkaasi ku nool, waxaana ururku bulshada caalamka ugu baaqay inay taageeraan hindisaha gobolka. Go’aankan, oo ay qaateen 57-ka dal ee xubnaha ka ah OIC, ayaa yimid kadib shir degdeg ah oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Sacuudiga, saddex maalmood un kadib markii Jaamacadda Carabtu qorshahaas ku meel marisay shir madaxeed lagu qabtay magaalada Qaahira. Hindisaha ay soo diyaarisay dalka Masar, oo ah mid looga jawaabayo qorshaha Trump oo si ballaaran loo cambaareeyay, ayaa soo jeedinaya in dib loo dhiso Marinka Gaza iyadoo maamulka mustaqbalka ee deegaanka lagu wareejinayo Maamulka Falastiin ee kooxda Fatax ay hogaamiso. “OIC waxay si rasmi ah u qaadatay qorshaha dib u soo kabashada iyo dib-u-dhiska degdegga ah ee Gaza,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka. Ururkan oo matala dalalka Islaamka ayaa sidoo kale ku boorriyey bulshada caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee maalgelinta inay si dhaqso ah u bixiyaan taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee loo baahan yahay. Trump ayaa caro weyn oo caalami ah kiciyay markii uu sheegay inuu doonayo in Maraykanku uu “la wareego” Gaza, uuna ka dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe,” isagoo isla markaana soo jeediyay in dadka Falastiiniyiinta lagu qasbo inay u guuraan Masar ama Jordan. Masar oo fileysa taageero caalami ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa soo dhoweeyay taageerada OIC, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in qorshahan uu heli doono taageero caalami ah, gaar ahaan Midowga Yurub iyo quwadaha kale ee waaweyn sida Japan, Ruushka, Shiinaha iyo Maraykanka. “Tallaabada xigta waa in qorshuhu noqdo mid caalami ah oo ay ansixiyaan Midowga Yurub iyo dhinacyo kale oo muhiim ah,” ayuu yiri Abdelatty, isagoo intaa ku daray inay xiriir joogto ah la leeyihiin dhammaan dhinacyada muhiimka ah, oo uu ku jiro Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, hindisaha Masar, oo aan wax door ah u qoondaynin ururka Hamas oo hadda gacanta ku haya Gaza, ayaa horey waxaa u diiday dalalka Maraykanka iyo Israa’iil labaduba. “Qorshaha Masar ma buuxinayo filashada Washington,” ayay Khamiistii weriyayaasha u sheegtay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Tammy Bruce. Wakiilka Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa isagu muujiyay aragti ka dabacsan, isagoo ku tilmaamay soojeedinta Masar inay tahay “tallaabo wanaagsan oo ay Masaaridu qaadayaan niyad wanaag.” Rabha Seif Allam oo ka tirsan Xarunta Al-Ahram ee Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Qaahira ayaa sheegtay in qorshaha Trump uu mideeyay dalalka Carabta oo hadda ku mideysan diidmada qorshahaasi. “Masar waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay isbahaysi ballaaran uga abuuri lahayd taageerada qorshaheeda, iyadoo si adag uga soo horjeedda barakicinta dadka Falastiiniyiinta ee Gaza,” ayay tiri. The post Qorshaha dalalka Islaamka ee Gaza oo la shaaciyey (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  3. Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Syria oo fadhigeedu yahay dalka UK ayaa sheegtay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qof. Iska horimaadyadan oo ka socda deeganada xeebaha ee Suuriya ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo markii kooxaha fallaagada ah ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Taxriir al-Sham ay xukunka ka xayuubiyeen Bashaar Al-Asad horaantii bishii December ee sanadkii hore. Subaxnimadii Jimcihii shalay , ciidamo badan oo Suuriyaan ah oo hoos taga maamulka cusub ee Islaamiyiinta ayaa la geeyay ,magaalada Latakia, halkaas oo bandow lagu soo roggay, dadka rayidka ah lagu amray inay guryahooda ku ekaadaan. Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Syria oo fadhigeedu yahay Britain ayaa ku warameysa in duleedka magaalooyinka xeebaha ay weli gacanta ku hayaan ciidamada daacadda u ah Asad. Ciidamadan waxaa kaloo ay weli gacanta ku hayaan magaalada Qardah ee ku taal buuraleyda ku teedsan xeebaha, oo ah halkii uu ku dhashay Bashaar Al-asad. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhex qarxay Ciidamo taabacsan Bashaar Al-Asad iyo Ciidamada Ammaanka Suuriya appeared first on Puntland Post.
  4. FILE – Puntland security forces parade newly trained soldiers and equipment to combat Islamic State in Bosasso, Puntland region, Somalia, on Jan. 30, 2025. WASHINGTON — One month ago, on the morning of Feb. 4, forces from Somalia’s Puntland region attacked Islamic State terror group fighters, who responded with drones, suicide attacks and infantry charges. Regional officials said 15 soldiers were killed in the fighting near the village of Qurac. But hours later, the terrorist fighters were forced to vacate their positions, leaving behind at least 57 of their dead. The following week, the Islamic State, also known as IS, ISIS or Daesh, carried out a major counterattack, sending multiple suicide bombers and a wave of fighters against Somali forces in the Togjaceel valley, in Puntland’s Cal Miskaad mountains. Regional officials say the gun battle resulted in some 100 fatalities — 28 soldiers and more than 70 militants. But again, IS fighters had to retreat, and soon lost three bases to the Puntland forces. BREAKING: ISIS militants reportedly carried out a dawn attack involving multiple suicide bombers in Cal-Miskaat mountains early Tuesday. Early reports indicate Somalia’s Puntland forces held their ground, repelling the attack. Puntland counterterrorism platforms posted images… https://t.co/YWWULE4mpr — Harun Maruf (@HarunMaruf) February 11, 2025 The battles are part of a recent offensive against Islamic State fighters holed up in the mountains of semi-autonomous Puntland. Observers say the success, while most certainly welcome, came somewhat as a surprise. Military commanders had expected that as they got closer to the area’s main IS strongholds of Shebaab, Dhaadaar and Dhasaan, that the terror group would fight hard and launch frequent counterattacks. But that has not been the case. The Puntland forces have been capturing caves and small villages one after the other, and they have routed IS from the strategic 40-kilometer-long Togjaceel Valley, from Turmasaale to Dhasaan. Somali officials told VOA it appears that the IS fighters, rather than trying to hold their positions, have fled, breaking into three groups, all headed in different directions. About 100 IS fighters, along with some family members, have sought to escape to Karinka Qandala, another mountainous area to the north of the group’s former stronghold in the Togjaceel Valley. Two larger groups fled to Tog Miraale and Tog Curaar, to the west and northwest. The group that went northwest, according to officials, was hit by airstrikes in the vicinity of Miraale Village. “Intelligence assessments indicate a high likelihood of attempts to establish new safe havens following their retreat,” according to Brigadier General Ahmed Abdullahi Sheikh, the former commander of Somalia’s U.S.-trained Danab forces. “The offensive, though appearing conventional, has consistently involved guerilla tactics,” said Sheikh, who has been closely following the offensive in his home region. “The Togjaceel Valley defeat will likely drive ISIS to intensify asymmetric warfare, launching an attempt on irregular campaign against Puntland.” Sheikh said he believes Puntland’s counterterrorism force has the numbers and the resources to carry out a protracted conflict with IS. FILE – Puntland security forces celebrate in Balidhidin village, Puntland region, Somalia, on Jan. 26, 2025. The United Arab Emirates has been providing air support, including airstrikes against the militants. The United States also carried out two rounds of airstrikes targeting IS last month. The U.S. strikes are thought to have killed 16 militants, including Ahmed Maeleninine, described by U.S. officials as a “recruiter, financier and external operations leader responsible for the deployment of jihadists into the United States and across Europe.” The Pentagon declined comment when asked about the apparent IS retreat. But a U.S. defense official, speaking on the condition of anonymity in order to discuss an ongoing operation, indicated Washington is prepared to potentially lend additional help. “The Department remains committed to supporting our partners in our shared efforts to disrupt, degrade and defeat terrorist organizations in the Horn of Africa,” the official told VOA. Other observers said the “persistent” pressure by the Somali forces, along with help from the U.S. and UAE, appears to be paying off. “Indications [are] that the Puntland forces are making real progress against ISIS in Somalia’s hideouts,” a former senior Western counterterrorism official told VOA, requesting anonymity to discuss the ongoing developments. “The question is whether they [the Puntland forces] will be able to continue to hold the captured hideouts, or whether ISIS will be able to return in the coming weeks and months,” the official said. FILE – Puntland security forces walk in formation in Balidhidin village, Puntland region, Somalia, on Jan. 26, 2025. If the Somali forces are able to hold the captured territory, though, the damage to the terror group could extend well beyond Somalia’s borders. “Given the central role of the al-Karrar office in financing the wider ISIS network, there could be some knock-on impact,” said the former Western counterterrorism official. Al-Karrar is one of nine regional Islamic State offices established to help sustain the terror group’s capabilities. Since 2022, the office has been a key cog in the terror group’s financial network, funneling money to affiliates in Afghanistan and elsewhere in Africa. Concerns, however, remain. Regional security analysts warn IS could regroup if Puntland’s counterterrorism forces are unable to maintain their pursuit. “Their mobile special forces have been the pointed end of the spear,” said Samira Gaid, a Horn of Africa security analyst. “For the moment, it appears that the Puntland forces are committed and well resourced,” she told VOA. “However, much will depend on the Puntland forces then securing and manning the territories it will liberate to ensure the group does not make a comeback.” As for IS, the terror group is “attempting to melt into the population, though this is difficult,” said Gaid. “It’s the natural progression when faced by a force that is superior.” The tactic also may have bought IS time to hide some of its most prominent and most important leaders. Somali forces have found no trace of Abdul Qadir Mumin, thought to lead not just IS-Somalia but the entire IS terror operation. IS-Somalia operational commander Abdirahman Fahiye Isse and IS-Somalia finance chief Abdiweli Mohamed Yusuf are also in hiding. Somali officials have nonetheless appealed to them, and to Fahiye in particular, to surrender. “The people whom you think will give you a sanctuary are guiding the army,” Puntland military commander General Adan Abdihashi said after capturing Mumin’s headquarters on March 1. “Don’t put young people in harm’s way,” Abdihashi said. “I swear to God, you will get the punishment you deserve.” Said Abdullahi Deni, Puntland region’s leader, has also offered IS members in Somalia, including women and children, a chance to surrender and for foreign fighters to possibly even return to their countries of origin. “They [IS] envisioned it as a place where they cannot be seen, strategically a tough place, and gives them access to the Indian Ocean and Gulf of Aden and the Arabian Gulf,” he said. But he has warned Puntland’s forces are prepared to hunt and eliminate remnants of the terror group “until all terrorists, their movement and their bases are eliminated.” Various estimates from Somali and Western counterterrorism officials put the number of IS fighters in Somalia at up to 1,600, bolstered by an influx of fighters from Ethiopia, Morocco, Sudan, Syria, Tanzania and Yemen. Experts such as Samira Gaid said IS-Somalia’s growing numbers combined with the difficult terrain in Puntland’s mountains may have led to overconfidence. “The miscalculation to face the Puntland forces seemed to have been their folly,” she said, adding that about 500 IS fighters have been killed in the recent fighting. IS-Somalia has suffered “grave losses,” Gaid said, “and will most likely not be recovering in the short to medium term.” This story is a collaboration between VOA’s Africa Division and the News Center. Source VOA The post Islamic State in retreat after offensive in Somalia’s Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo qoraal soo saaray ayaa bogaadiyay tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ee ku aadan dib u fasixidda duulimaadyada diyaaradaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Saacid ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo go’aanka dowladda, wuxuuna tilmaamay inuu yahay tallaabo loo qaaday dhanka wanaaga. Sidoo kale wuxuu cadeeyay in Dowladda laga fadhiyo inay qaado xayiraadaha kale ee saaran magaalooyin kale ee Jubaland, si loo xaliyo dhibaatada ka taagan halkaasi. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka ay Dowladda Federaalka uga qaaday xayiraaddii duulimaadyada magaalada Baardheere, waa tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah” ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe inay ka fiirsato go’aanada xayiraadda ah, maadaama ay ka dhalaneyso dhibaato xooggan oo dhaqaale iyo dhibaato soo gaareysa dadka shacabka ah ee aan siyaasadda ku jirin. “Sidoo kale, waxaan mar kale ugu baaqayaa Dowladda Federaalka inay si degdeg ah u fasaxdo duulimaadyada magaalooyinka kale ee Jubaland. Mar dambe in xayiraad la saaro qeyb kamid ah dalka waa in laga fogaadaa” ayuu sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo toddobaadkii lasoo dhaafay ay Baardheere ku geeriyootay hooyo umul ahayd laguna magacaabi jiray Farxiyo Xuseen, taas oo xaaladeeda wax looga qaban waayey degmada, kadibna la waayay diyaarad soo qaada. The post R/W Saacid oo bogaadiyay tallaabo ay qaaday DF appeared first on Caasimada Online.
  6. Xukuumadda Somaliland ayaa saaka aroortii hore fulisay xukun qisaas ah oo dil toogasho ah, kaas oo lagu fuliyay laba gacan-ku-dhiigle oo hore u geystay dilal ka dhacay magaalada Hargeysa. Xukunka qisaasta ah ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo ku taalla duleedka Xabsiga Mandheera. Labada gacan-ku-dhiigle ee la qisaasay ayaa kala ahaa: Askarigii dilay Taliyihii Saldhigga Maxamed Mooge: Askarigan, ayaa 18-kii Febraayo 2025 middi ku dilay Taliyihii Saldhigga Booliiska Xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa, Gaashaanle Cabdi Cali Nuur. Dilka ayaa dhacay xilli uu taliyuhu ku guda jiray shaqadiisa maalinlaha ah. Askarigii dilay sarkaal kale oo ka tirsan Ciidanka Booliiska: Askarigan ayaa sidoo kale middi ku dilay sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland, falkaas oo ka dhacay magaalada Gibiley. Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa hore xukun dil toogasho ah ugu ridday labada askari ee geystay dilalkan, waxaana saaka xukunkaas la fuliyay. Fulinta xukunnada qisaasta ah ee noocan oo kale ah ayaa ah markii labaad oo ay xukuumadda haatan talada haysaa ee Somaliland fuliso, waxaana la filayaa in tallaabadani ay qayb weyn ka qaadato sugidda ammaanka iyo hirgelinta cadaaladda dalka. Source: goobjoog.com
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada mid ka mid ah kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lasoo buuxiyay kursigaasi. Kursigan oo tirsigiisu ahaa HOP#049 una horay ugu fadhiyay Mustaf Sheekh Cali Dhuxlow ayaa waxaa saaka loo doortay Maxamed Cabdi Cali Faarax, kaas oo sidaas uga mid noqonaya mudaneyaasha Golaha Shacabka. Mustaf Dhuxulow ayaa lumiyay xubinnimadii Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Xildhibaanka soo baxay Maxamed Cabdi Cali Faarax ayaa loo xiray kursigan, waxaana lasii ogaa natiijada, maadaama ay la tartamay gabar malxiis ahaan loo soo diyaariyay. Sidoo kale xildhibaanka cusub ee lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhalay ganacsadaha caanka ah Cabdi Cali Faarax ee kasoo jeeda Galmudug. Dhinaca kale waxaa weli jira kuraas kale oo ka banaan baarlamaanka Soomaaliya, waana illaa 3 kursi oo kala ah kursigii uu ka tegay agaasimaha hay’adda NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen AUN xildhibaanada kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Maxamed Seeseey. Si kastaba, tallaabadaan uu qaaday guddiga doorashada ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii Bishii lasoo dhaafay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad uu u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqso leh kusoo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya. The post Yaa kusoo baxay doorashada kursigii Mustaf Dhuxulow? appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cilad lama filaan ah ay ku timid qadka internet-ka Soomaaliya, taas oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa kale. Ciladda ayaa la xiriirta culeys ku yimid guud ahaan adeegga internet-ka, waxaana hoos u dhacay xawaarihiisa oo si weyn ay u dareemeen dadweynaha isticmaala. Wararka ayaa sheegaya in cilad ay ku timid mid kamid ah xargaha xambaara internet-ka ee mara gacanka Cadmeed, waxayna taas sababtay in hoos u dhac uu ku yimaado xawaaraha internet-ka. Soomaaliya oo kaliya ma ahan, waxaana sidoo kale ciladda internet-ka ay gaartay waddamada Masar, Pakistan iyo Kenya, maadaama ay iyaguna isticmaalaan xargaha mara badda hoosteeda. Dhinaca kale shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa xaqiijisay ciladda soo korortay oo si weyn loo dareemay maalmihii lasoo dhaafay, waxaya macaamiisha la wadaagtay farrriin wargelin ah. “Waxaa cillad ku timid mid ka mid ah xargaha xambaara internet-ka ee badda hoosteeda mara, gaar ahaan aagga Badda Cas. Arrintan waxay saameyn ku yeelatay adeegyada internet-ka ee Soomaaliya, Kenya, Masar, iyo Pakistan, taasoo keentay hoos u dhac xawaare” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom. Sidoo kale farriin kale oo ay goordhow soo saartay shirkadda ayaa waxa ay ku sheegtay in la xalliyay ciladdii ku timid internet-ka, ayna ka howlgaleen kooxda farsamada ee shirkadda Hormuud oo kaashanaya khubaro caalami ah. “Macaamiilkeena sharafta leh, Waxaan kuugu bishaaraynaynaa in aan xallinnay culeyskii internet-ka ee ka dhashay cillad soo gaartay mid kamid ah xargaha internet-ka xambaara ee mara badda hoosteeda” ayay mar kale qoraal ay soo saartay ku tiri Hormuud. Marar kala duwan ayay cilad weyn ku timid adeegga internet-ka ee guud ahaan dalka, waxaana ka dhasha saameyn ballaaran, maadaama ay aad ugu xiran yihiin dadka Soomaaliyeed. The post Maxay tahay ciladda ku timid Internet-ka Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  9. Xukuumadda Somaliland ayaa saaka subaxdii hore deegaanka Mandhwera ku fulisay qisaas labada nin ee saaka la qisaasay ayaa dilal fool xun ka gala geysyay magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiilay. Qaran News
  10. Mogadishu (HOL) – Former Somali Prime Minister Abdi Farah Shirdoon has applauded the Federal Government of Somalia for lifting the flight ban on Baardheere district in the Gedo region, which had been in place for several months due to ongoing tensions between the government and Jubbaland. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) – Somali army forces, supported by local clan militia, killed at least 20 Al-Shabaab militants during a military operation in the Boos Hareri area of the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  12. Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qof. Iska horimaadyadan oo ka socda deeganada xeebaha ee Suuriya ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo markii kooxaha fallaagada ah ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Taxriir al-Sham ay xukunka ka xayuubiyeen Bashaar Al-Asad horaantii bishii December ee sanadkii hore. Subaxnimadii Jimcahii shalay , ciidamo badan oo Suuriyaan ah oo hoos taga maamulka cusub ee Islaamiyiinta ayaa la geeyay ,magaalada Latakia, halkaas oo bandow lagu soo roggay, dadka rayidka ah lagu amray inay guryahooda ku ekaadaan. Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Syria oo fadhigeedu yahay Britain ayaa ku warameysa in duleedka magaalooyinka xeebaha ay weli gacanta ku hayaan ciidamada daacadda u ah Asad. Source: goobjoog.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xukun qisaas ah ku fulisay laba gacan ku dhiigle oo dhowaan lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dilal ka gaysteen deegaannada maamulkaasi. Toogashada ayaa ka dhacday duleedka Xabsiga Mandheere, waxaana ragga la toogtay shalay dilkooda saxiixay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyada oo sidaasna lagu geeyay tiirka cadaaladda. Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Ex. Bol. Maxamuud Cali Nuur oo loo qisaasay Marxuum Ex. Gaashaanle Cabdi Cali Nuur oo ahaa taliyihii saldhigga booliska Maxamed Mooge, kana mid ahaa saraakiisha firfircoon ee Booliska Somaliland, isaga oo dilka u adeegsaday toorey. Askariga dilka geystay ayaa waxaa taliyihiisa kala dhaxeeyay khilaaf hoose, isaga oo kaddib si gaadmo ah toorrey ugu dhuftay. Taliyaha ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawac. Sidoo kale gacan ku dhiiglaha labaad oo lagu magacaabo Saalax Isaaq Muxumed ayaa loo qisaasay dil uu u gaystay marxuum Ex.Ask.Pol A.le Buux Mawliid Ismaaciil oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinka ee gobolka Gabiley. Ehellada marxuuminta ayaa dhaweeyay qisaasta lagu fuliyay gacan ku dhiigleyaasha, maadaama ay cadaaladda marsiisay xukuumadda Somaliland. Horay Somaliland ayaa sidaan oo kale toogasho ugu fulisay dambiileyaal kala duwan oo dilal ka gaystay deegaanada maamulkaasi, waana arrin loogu bogaadiyay, maadaama lagu kala baxayo cadaaladda iyo go’aannada ay soo saaraan maxkamadaha. The post Somaliland oo toogasho ku fulisay laba qof + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  14. Four boats carrying migrants from Africa have capsized in waters off Yemen and Djibouti, leaving at least two people dead and 186 missing, according to the United Nations migration agency. Source: Hiiraan Online
  15. A day after offering Canada a one-month reprieve on punishing, virtually across-the-board 25% tariffs, President Donald Trump has threatened new tariffs as soon as Friday on Canadian lumber and dairy products. It’s yet another twist in a serpentine trade policy that seems to shift on an hourly basis. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) – Somaliland forces and the SSC-Khatumo administration accused each other of starting Friday's heavy fighting in the Buqdharkayn district. Source: Hiiraan Online
  17. Police in Kenya have named three men wanted in connection with the murder of a Scottish businessman whose body was found in a sack of pineapples. Source: Hiiraan Online
  18. Feerfeer (Caasimada Online) – Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa kumanaan askari ku daabulay magaalada xuduudda ku taalla ee Feerfeer, ayaga oo ku soo wajahan si ay uga qeyb qaataan howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya. Daabulaadda ciidamadan ayaa timid maalmo un kaddib markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeeyeen bartilmaameedyo Al-Shabaab oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe, sida uu Khamiistii xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac. Wasiirka, oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliya (SNTV), ayaa sheegay in duqeymaha ay Itoobiya ka fulisay Soomaaliya ay heleen oggolaansho rasmi ah oo ka yimid dowladda federaalka, taasoo muujineysa iskaashi dhow oo dhanka amniga ah oo ka dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan bixin faahfaahin la xiriirta khasaaraha ama burburka ay geysteen duqeymahaas. “Ma suurtagalayso in duqeyn laga fuliyo gudaha Soomaaliya iyadoo aan dowladda la ogeysiin,” ayuu yiri Wasiir Jaamac, isagoo adkeeyay xiriirka dhow ee militari ee labada dal. Duqeymahan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada Al-Shabaab, iyadoo dhowaan ay beegsatay saldhigyada militari ee Soomaaliya iyo goobo rayid ah oo ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa ku howlan dagaallo dib u xoreyn ah oo lagu doonayo in dib loogu la wareego dhul ay horey u maamulayeen Al-Shabaab. Hawlgalka militari ee Itoobiya ayaa daba socda heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah oo ay labada dal gaareen, kaasoo si gaar ah diiradda u saaraya la-dagaallanka Al-Shabaab. Wasiir Jaamac ayaa xusay in iskaashiga militari ee labada dal uu ku saleysan yahay heshiiskii Ankara, kaasoo hagaya wada-shaqeynta amni ee Addis Ababa iyo Muqdisho. Bishii hore, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiis u oggolaanaya ciidanka ENDF in ay ka howlgalan gudaha Soomaaliya iyagoo ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Iskaashigan amni ee dib loo cusbooneysiiyay ayaa yimid kaddib markii xiriirka labada dal uu soo hagaagay, ka dib khilaaf sannad socday oo salka ku hayay heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Somaliland ee la xiriiray marin badeed helista. Iskaashigan cusub ee militari wuxuu muujinayaa isbeddel istiraatiiji ah oo ay labada dal sameynayaan si ay u xakameeyaan dib usoo kabashada Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya. Keenista ciidanka Itoobiya ee Feerfeer iyo duqeymihii ugu dambeeyay waxay muujinayaan mowqifka adag ee Itoobiya ay ka qaadaneyso sidii ay uga hortagi lahayd in saameynta Al-Shabaab ay u gudubto gudaha dhulkeeda. The post Xog: Kumanaan askari oo ITOOBIYAAN ah oo ku soo wajahan dagaalka Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  19. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu warqad u diray hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, si uu ugu baaqo wadahadallo cusub oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka, isaga oo uga digay suurtagalnimada tallaabo militari haddii aysan ogolaan. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa u sheegay AFP in dalkiisu uusan wax wada-hadal ah la geli doonin Mareykanka inta ay sii wadaan cadaadiska ugu badan, balse si toos ah ugama uusan jawaabin warqadda Trump ee loo diray Khamenei. Tallaabadan Trump waxay ka duwan tahay mowqifkiisii adag ee xilligii hore, taasoo laga yaabo inay xasaasiyad ka dhex dhaliso xulafadiisa dhow, gaar ahaan Israel, oo sannadkii hore duqeyn ka fulisay gudaha Iran. “Waxaan rajeynayaa in aan gaarno heshiis nabadeed,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha xilli uu ku sugnaa Aqalka Cad, isaga oo intaas ku daray: “Waxaan joognaa marxaladihii ugu dambeeyay ee barnaamijka nukliyeerka Iran.” “Waan jeclaan lahaa in heshiis nabadeed la gaaro halkii la qaadi lahaa tallaabo militari,” ayuu sii raaciyay, “balse midka kale wuu xallinayaa dhibaatada.” Trump ayaa shaaca ka qaaday warqaddan intii uu wareysi siinayay Fox Business, halkaas oo uu ku yiri: “Waxaan rajeynayaa inaad wada-xaajood geli doontaan, maxaa yeelay haddii aan tallaabo militari qaadno, waxay noqon doontaa wax aad u xun.” Si rasmi ah looma caddeyn sida warqadda loo diray, waxaana Qunsuliyadda Iran ee Qaramada Midoobay sheegtay inaysan helin wax warqad ah oo ka timid Mareykanka. Taariikhda heshiiska nukliyeerka Iran Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama, ayaa 2015 la saxiixday heshiis taariikhi ah oo Iran loogu ballanqaaday in cunaqabateynta laga qaadayo, si ay u yareyso barnaamijkeeda nukliyeerka. Laakiin Trump ayaa 2018 ka baxay heshiiska, isaga oo ka hor yimid xulafadiisa Yurub. Bedelkeeda, wuxuu saaray cunaqabateyn ballaaran oo ka dhan ah dal kasta oo iibsada shidaalka Iran. Tehran, oo beenisay inay doonayso in ay yeelato hub nukliyeer ah, markii hore waxay u hoggaansantay heshiiska, balse markii dambe way ka laabatay ballamihii ay qaaday. Saraakiisha Mareykanka ayaa ku qiyaasay in Iran ay hadda toddobaadyo yar uun uga baahan tahay inay dhisto hub nukliyeer ah, haddii ay go’aansato. Markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, Trump wuxuu dib u dhaqan-geliyay—balse si aan xiiso badan lahayn—siyaasaddiisii cadaadiska ugu badan ee Iran. Iran oo ka digtay hanjabaadaha Mareykanka Iran waxay ka taxaddartay inay dib ugu soo laabato wada-hadallada diblomaasiyadeed. “Ma geli doonno wada-hadallo toos ah oo aan la yeelanno Mareykanka inta ay sii wadaan siyaasaddooda cadaadiska ugu badan iyo hanjabaadahooda,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, oo la hadlay AFP. Isagoo ka qeyb galayay shir ay Jeddah ku yeesheen xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka, Araghchi wuxuu intaas ku daray in barnaamijka nukliyeerka Iran aan lagu burburin karin hab militari. “Tiknoolajiyaddan waa mid aan gaarnay, waxayna ku jirtaa maskaxaha dadka—mana la duqeyn karo,” ayuu yiri. Araghchi wuxuu horey uga mid ahaa xubnihii muhiimka ahaa ee wadahadalladii heshiiska 2015, kaas oo ay horseed ka ahayd dowlad dib-u-habeyn raadineysay. Ayatollah Khamenei, oo 85 jir ah, waa go’aamiyaha ugu sareeya ee nidaamka wadaaddada Iran. Wuxuu horey u sheegay in ka bixitaanka Trump ee heshiiskii 2018 uu yahay caddeyn muujinaysa in Mareykanka aan la aamini karin. Laakiin Iran waxay wajahaysaa caqabado aysan horey u arag tan iyo kacdoonkii Islaamiga ahaa ee 1979, kaasoo meesha ka saaray boqorkii Iran ee xulafo la ahaa Reer Galbeedka. Israel waxay burburisay difaacyada cirka ee Iran, waxayna duqeysay labo dhaq-dhaqaaq oo xiriir la leh wadaaddada Tehran: Xamaas, oo weerar lama filaan ah ku qaaday Israel 7-dii Oktoobar 2023, iyo Xizbullah ee Lubnaan. Xulafada ugu weyn ee Iran ee gobolka, Bashar al-Assad ee Suuriya, wuxuu bishii December ku dhacay duulaanka dagaalyahano Sunni ah oo la wareegay xukunka. Dagaal mise wada-hadal? Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden wuxuu taageeray in dib loogu soo laabto heshiiskii 2015, balse wadahadalladii way burbureen, sababo la xiriira khilaaf ku saabsan heerka cunaqabateynta laga qaadi doono Iran. Golaha Iranian American Council, oo taageersan in xiriir la sameeyo, wuxuu sheegay in Trump uu si shaqsi ah uga go’naado wadahadallada si uu u muujiyo rabitaankiisa diblomaasiyadeed. “Haddii hoggaanka Iran ay sugayaan jawi dhamaystiran oo wada-xaajood lagu bilaabi karo, waxaa aad u suuragal ah in fursadda wada-hadalladu xirmi doonto, halka khatarta dagaalku sii kordhi doonto,” ayuu yiri madaxweynaha ururkaas, Jamal Abdi. Laakiin Behnam Ben Taleblu, oo ka tirsan machadka siyaasadda ee Foundation for Defense of Democracies, wuxuu sheegay in Iran ay uga faa’iidaysan karto fursaddan si ay waqti u hesho. “Tehran waxay Trump u dhigtay dabin, iyada oo rajaynaysa inuu galo wada-hadallo aan dhammaaneyn, si ay u wiiqaan cadaadiska ugu badan ee Mareykanka iyo in la dhimo suurta-galnimada weerar militari oo kaga yimaada Mareykanka ama Israel,” ayuu yiri. The post Trump oo warqad lama filaan ah u diray Ayatollah Ali Khamenei – Muxuu codsaday? appeared first on Caasimada Online.
  20. Sida ay qortay warbaahinta gudaha Itoobiya ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan militariga dalkaas ayaa la soo dhoofay soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca gobolka Hiiraan. Ciidamadan ayaa la sheegay inay fariisin ka dhigteen meel u dhow magaalada Feerfeer ee xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la filayaa inay gaaraan deegaanada Hirshabeelle ee uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Wasiirka gaashasndhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay Itoobiya ka codsadeen inay taageero ka siiso dagaalka ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku kula jiraan Alshabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo shabeellada dhexe. Source: goobjoog.com
  21. Muddo dheer, Muqdisho waxay ahayd meel argagax leh. Qaraxyo ismiidaamin ah oo isdaba joog ah, dilal qorshaysan, iyo baad—magaaladan wax walba way aragtay. Dadku waxay subaxdii ka baxayeen guryahooda iyaga oo aan hubin inay dib ugu soo laaban doonaan. Ciidamada amniga ee la sheegayay inay jiraan waxay ahaayeen kuwo daciif ah, musuqmaasuq ka dhex socday, laaluush-doon ah. Halkii wax laga qaban lahaa xaaladda murugsan ee amniga, dowladdii hore waxay Muqdisho ka dhigtay xabsi kor ka furan. Waddooyinka waa la xir-xiray, baro kontorool aan dhammaanayn ayaa la dhigay, noloshii maalinlaha ahaydna waa la adkeeyey, halka Al-Shabaab ay si xor ah usoo geli jireen magaalada iyagoo qaraxyo ka fulinaya, dadka cabsi gelinayana. Xasuusaha xilligaas weli way nool yihiin. Xasuuqii Soobe oo kaliya waxaa hal mar naftooda ku waayay in ka badan 1,000 qof, markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay isgoyskaas mashquulka badan, iyadoo isgoyska Soobe isu beddelay xabaal-wadareed. Waalidiin, carruur, ganacsato, iyo dad kale oo aan waxba galabsan ayaa ku baaba’ay ilbiriqsiyo gudahood. Qaraxii Ex-Control Afgooye isna wuxuu galaaftay nolosha in ka badan 150 qof, kuwaas oo badankood ahaa arday. Xeebta Liido waxay ahayd goob xasuuqyo badan ka dhaceen, halkaas oo Al-Shabaab ay laayeen dad aan waxba galabsan oo kaliya doonayay inay ku nastaan xeebta. Weerarada Al-Shabaab halkaa kuma ekaan. Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Injineer Yariisow, iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa waxaa lagu dhex dilay xafiiskiisa, qarax ka dhacay gudaha dhismihii magaalada laga xukumayay oo la rabay inuu noqdo midka ugu amniga sugan magaalada. Waxay ahayd arrin quus ah. Xilligaas, xukuumaddii jirtay xal uma keenin amni xumada Muqdisho. Meesha ay Al-Shabaab la dagaallami lahaayeen, waxay taa beddelkeeda magaalada kusii kordhiyeen xannibaado iyo kontoroollo aan wax macno ah samayn. Si kastaba ha ahaatee, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay, wax walba waa is beddeleen. Wuxuu diiday in Muqdisho ay sii ahaato goob difaac. Sida caadada ahayd oo lagu sugi jiray in cadowgu weerar ku soo qaado, xukuumaddiisu waxay dagaal toos ah la gashay Al-Shabaab, iyagoo howlgal ballaaran ka bilaabay labada Shabeelle, Hiiraan, Galgaduud, iyo qayb ka mid ah Mudug. Markii ugu horreysay muddo ku dhow labaatan sano, dowladda ayaa weerar noqotay oo ka baxday is-difaaca. Al-Shabaab waxaa ku qasbanaaday carar iyo difaac. Waxay lumiyeen dhul, dagaalyahanno, iyo tan ugu muhiimsan—xakamayntii iyo cabsigelintii ay dadka ku hayeen. Dhibaatada dhabta ah ma ahayn oo keliya dagaalka bannaanka, balse waxay ka jirtay gudaha hay’adaha amniga laftooda. Booliiska iyo sirdoonka waxaa ka jiray musuqmaasuq, karti-xumo, iyo wax is-daba-marin baahsan. Waxaa tusaale u ahaa ciyaalkii Bac Kassi—koox ka koobnayd xubno Al-Shabaab kasoo goostay, askar aan tababar lahayn, iyo dad aan xaq u lahayn inay xirtaan darees ciidan, iskaba daa in la dalacsiiyo iyadoon habraacii saxda ahaa la marin. Isla kuwaas ayaa magaalada gacanta u geliyay cadowga Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si degdeg ah u nadiifiyay hay’adaha amniga, isagoo meesha ka saaray kuwii amniga fashilinayay, isla markaana ku beddelay saraakiil aqoon iyo xirfad leh, oo dhab ka ah inay shacabka u adeegaan oo ilaaliyaan badqabkooda. Madaxweynaha wuxuu la wareegay galka amniga Muqdisho. Wuxuu soo saaray amar madaxweyne oo lagu dhisay guuto gaar ah oo booliis-militari ah, kuwaas oo toos ugu xiran xafiiskiisa, kana hawlgala bannaanka magaalada si ay u xakameeyaan wax kasta oo gudaha magaalada loo soo gelinayo. Xilligii hore, qaraxyada Muqdisho waxaa lagu soo gelin jiray sidii khudaarta oo kale. Laakiin hadda albaabkaas waa la xiray. Gudaha magaalada, ciidamadii lagu hayay baraha kontoroolada waxaa lagu beddelay kuwa si sax ah loo tababaray, waxaana la hubiyay in si joogto ah loo kormeero. Ma jiro qof shacabka dhib u geysan kara isaga oo aan la kulmin ciqaab u dhiganta. Laaluushkii iyo tacaddigii joogtada ahaa waa la dabar gooyay. Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee wax badan ka beddelay muuqaalka amni ee caasimadda wuxuu ahaa go’aanka hub ka dhigista dadka ku nool magaalada. Muddo dheer, magaalada waxay u ekaan jirtay xero dagaal, halkaas oo qof kasta oo isku sheegaya siyaasi ama madax uu haystay hub culus. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si cad u mamnuucay in magaalada lagu dhex haysto hub culus, isagoo xaqiijiyay in kaliya ciidamada amniga ee dowladda ay haystaan hubkaas. Natiijadu waxay noqotay hoos u dhac weyn oo ku yimid rabshadaha iyo dilalka. Dadka ayaa markii ugu horreysay muddo dheer kadib waddooyinka maraya iyagoo aan dareemayn wax qalqal gelin. Sidoo kale, dowladda kama aysan aamusan marka Al-Shabaab ay weerarro geystaan. Halkii markii hore laga bixin jiray hadallo faaruq ah iyo goodino been ah, Madaxweynaha wuxuu xaqiijiyay in cidii shaqadooda ku fashilanta la eryo. Xitaa qaar ka mid ah saraakiisha sare ayaa maxkamad lasoo taagay. Musuqii iyo isku milankii saraakiisha amniga iyo Al-Shabaab waa la jaray. Ma jiro cid si qarsoodi ah uga macaashi karta amniga magaalada. Qofkii shacabka khiyaama, waa la soo bandhigayaa, la fadeexeynayaa, oo waa lala xisaabtamayaa. Muqdisho hadda ma ahan meel cabsi lagu nool yahay. Ganacsiyadii habeenkii xirmi jiray hadda afar iyo labaatan saac ayay shaqeynayaan. Waddooyinku waa dhismayaan. Nalalka magaalada waa ifayaan. Nolasha iyo damaashaadka waa muuqdaa. Dadku markii ugu horreysay waxay dareemayaan amni. Taasi micnaheedu ma aha in Muqdisho ay Oslo la mid noqotay. Weli waa magaalo soo kabaneysa, soo martay wax kasta oo laga naxo. Al-Shabaab wali si buuxda loogama takhalusin, laakiin jabka ku dhacay wuu muuqdaa. Markii ugu horreysay muddo dheer, amniga waxaa gacanta ku haya dowladda, waxaa meesha laga saaray baadkii iyo cabsi gelintii argagixisada. Hadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u haray hal guul oo laga sugayo, waana xaqiijinta maqaamka siyaasadeed ee Muqdisho. Waa in caasimaddu hesho xuquuqdeeda dastuuriga ah. Waa in shacabka caasimadda ay si toos ah u doortaan hoggaankooda halkii loo soo magacaabi lahaa. Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh taas hirgeliyo, ma ahan oo keliya inuu mustaqbalka Muqdisho xaqiijiyay iyo in fursadiisa dib u doorasho kor u kacdo, balse wuxuu noqon doonaa hoggaamiye taariikhda lagu xuso, magaciisana lagu qoro qalin dahab ah. W/Q: Cabdullaahi X. Samoow E-mail: Abdullahisamoow@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Soo kabashada cajiibka ah ee Muqdisho: Sidee Xasan uga dhigay caasimad nabad ah? appeared first on Caasimada Online.
  22. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa guullo waaweyn ka sheegtay dagaal ka dhacay Deegaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidanka oo la sheegay inay heleen xogta weerar ay Alshabaab ku soo qaadayeen ayaa ka hortagay, waxaana howgalkaas lagu diley ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu. Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo xooggan ka wada deegaannada Hirshabelle oo muddooyinkii ugu dambeeyay kooxda Alshabaab ay weeararro is xig xiga ku soo qaadayeen. Source: goobjoog.com
  23. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQO2HxDupeP0u9afa1gFCSb7NgzjyPVERfu3viz164cmcwrgmx19dTkGC98xhMYRraDRhl3WWlYrQtCK6dBHypPF.mp4 Qaran News
  24. FEERFEER, Ethiopia – The Ethiopian National Defense Force (ENDF) has deployed a significant number of troops to the border town of Feerfeer, according to military and government sources. The stated objective is to reinforce ongoing operations against Al-Shabaab militants in Somalia’s Middle Shabelle region. The deployment follows a series of recent Ethiopian airstrikes that targeted Al-Shabaab strongholds in Middle Shabelle. Somali Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur Jama confirmed the airstrikes, stating they were conducted with the full approval of the Somali Federal Government. “Airstrikes inside Somalia cannot be conducted without the government’s knowledge and coordination,” Jama stated on Somali National Television (SNTV), underscoring the collaborative nature of the security operations between Addis Ababa and Mogadishu. While confirming the strikes, he did not release specific details regarding casualties or the extent of damage inflicted on Al-Shabaab targets. Bolstering Somali National Army The deployed Ethiopian troops are expected to augment the Somali National Army and allied local militia forces currently engaged in a sustained counter-offensive against Al-Shabaab in Middle Shabelle. The region has witnessed a marked increase in militant activity, including attacks on Somali military installations and civilian populations, prompting a stepped-up response from both Somali and Ethiopian forces. Ethiopia’s military involvement is grounded in a comprehensive security cooperation agreement with Somalia, which includes provisions outlined in the “Ankara agreement” and the formal authorization for ENDF forces to operate within Somalia as part of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). This legal framework facilitates Ethiopian troops’ coordinated deployment and operational activities within Somali territory. The reinforced deployment to Feerfeer, strategically located on the border, signals Ethiopia’s heightened commitment to containing Al-Shabaab’s expansion and influence, particularly within the strategically significant Middle Shabelle region. The renewed security partnership between Ethiopia and Somalia represents a substantial shift in regional security dynamics, following improved relations after previous tensions related to Ethiopia’s maritime access agreement with Somaliland. The joint military effort underscores a shared determination to address the persistent threat posed by Al-Shabaab and stabilize the region. The post Somalia: Ethiopian troops to bolster fight against Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
  25. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa si adag uga jawaaabay digniinta amni ee dhawaan ka soo baxday Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, taasi oo ka digaysay Weerarro Argagixiso oo ka dhici karaa Muqdisho. “Dadka Soomaaliyeed waa in ay xiskooda kulmiyaan, oo ay arkaan is-baheysiga Borobagaandhada ku saabsan oo Ciidan ahaan markii naloo jebin waayay in borobagaandho iyo af in ay nagu jebiyaan oo dadkeenna borobagaandho in loo tuso oo la yiraahdo waa la hoogay oo waa la ba’ay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga jawaabay digniintii amni ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa maalmo ka hor soo saartay digniin amni oo degdeg ah, oo ku saleysan xog sirdoon oo la isku halleyn karo oo muujinaysa weerarro dhowaan dhici kara oo lala beegsanayo goobo kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya, oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aaden Cadde ee Muqdisho. Meelaha la beegsan karo waxaa ka mid ah, sida ay safaaraddu sheegtay; Garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, xarumaha dowladda iyo kuwa milatariga, hoteellada, maqaayadaha, iyo xarumaha ganacsiga, goobaha ay ku badan yihiin dadka reer Galbeedka, kolonyo ay leeyihiin dowladda, milatariga, iyo safaaradaha shisheeye. Halkaan ka daawo hadalka Madaxweyne Xasan PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo si adag uga jawaabay digniin amni oo dhawaan ka soo baxday Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.