-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xilli saacado ka hor ay dhaqan-gashay xabbad-joojinta marinka Qaza ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha bini’aadantinimadu waxa uu sheegay in ka badan 630 baabuur oo gargaar ah la geeyay Qasa. Tillaabadan ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil iyo Xamaas ku heshiiyeen xabbad-joojin, taas oo ay ka shaqeeyeen dalalka Qatar, Mareykanka iyo Masar, islamarkaana lagu soo afjaray dagaal lagu dhammaaday oo socday muddo 15 bilood ah. Qasa oo muddadii dagaalku socday go’doon dhinac walba ah ku jirtay ayaa hadda loo oggolaaday in la geeyo gargaar bini’aadanimo, islamarkaana dadku ay guryahooda ku soo noqdaan. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Puntland iyo hay’adaha Caalamiga ah ayaa yeeshay shir ku saabsan Arrimaha bini’adantimo, gaar ahaanna u gurmadka shacabka ku bara-kacay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah. Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland iyo mas’uuliyiinta hay’adaha Caalamiga ah ee Arrimaha bini’adantinimada ayaa Shirkani kaga arrinsaday sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska ka soo bara-kacay degaannada laga saaray kooxaha mileeshiyaadka Daacish. Puntland oo dhawaan baaq ka soo saartay xaaladda dadka ku bara-kacay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa ka dalbatay hay’adaha Caalamiga ah iyo deeq-bixiyaasha in ay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan bulshada ka soo hayaamay degaannada laga saaray kooxaha Daacish. PUNTLAND POST The post Puntland iyo hay’adaha Caalamiga ah oo Shir ka yeeshay xaaladda bini’adantimo ee uu sababay dagaalka Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Laacaanood Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo mar kale ka dhex-qarxay ciidamada Somaliland iyo SSC-Khaatumo ee ku sugan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ay isku horfadhiyeen labada ciidan. Dagaalka oo dhacay gelinkii dambe ee Axaddii ayaa ka qarxay deegaanka Guumeys ee gobolka Sool, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo labada maamul ay saaka dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan aagga deegaanka guumeys oo ah halka uu dagaalka ka dhacay. Dadka ayaa dhankooda cabsi ka muujinayo in dagaalka uu sii laba qarxo, kuna fido deegaanno horleh oo ka tirsan gobolka Sool. Dhowaan ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa ku dagaalamay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ay weli ay ka taagan tahay xiisad culus, waxaana haatan furin kale ay kasoo baxday aaga gobolka Sool. SSC ayaa haatan dadaal xoogleh ku bixineyso, sidii ay u qabsan lahayd deegaannada ay sheegtay inay ka maqan yihiin oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Somaliland.
-
Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud inspected the Ministry of Defense headquarters in Mogadishu on Sunday as part of efforts to increase the country’s security strategy. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) – Somali government has denied reports claiming it summoned its ambassador to Kenya, Jibril Ibrahim Abdulle after a Kenya-registered aircraft entered Somali airspace without authorization on January 18 and transported Jubbaland leader Ahmed Mohamed Islam "Madobe" to Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Saddex la-heyste oo Israa’iiliyiin ah oo laga sii daayay Gaza ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidamada Israa’iil, waxayna u gudbeen gudaha Israa’iil, taasi oo ah tijaabadii ugu horreysay ee xabbad-joojin jilicsan oo dhex-martay Israa’iil iyo Xamaas. Saddexda laheyste ayaa kala ah Romi Gonen, oo 24 jir ah, laguna afduubtay xafladdii muusigga ee Nova, Emily Damari, oo 28 jir ah, iyo Doron Steinbrecher, oo 31 jir ah, laguna afduubtay Kibbutz Kfar Aza. Ciidanka Israa’iil ayaa soo bandhigay sawirradii ugu horreeyay ee la-haystayaasha oo kula midoobaya hooyooyinkood xarun soo dhaweyn ah oo ku taalla koonfurta Israa’iil, ka hor inta aan lagu qaadin diyaarad helicopter ah loona duulin isbitaal, halkaasoo ay kula midoobi doonaan inta kale ee qoysaskooda, kuna heli doonaan daryeel caafimaad. Xabbad-joojin ka dhaqan-gashay Gaza ayaa bilaabatay Axaddii ka dib markii Golaha Wasiirrada Israa’iil ay ansixiyeen heshiiska, iyadoo 24 wasiir ay u codeeyeen, halka siddeed wasiir ay diideen heshiiska. Heshiiska ayaa la qorsheeyay in la dhaqan-geliyo laga bilaabo Axadda. Laakiin Sabtidii, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in aysan bilaaban doonin ilaa Xamaas ay bixiso liiska saddexda laheyste ee la qorsheeyay in la sii daayo Axadda. Xamaas ayaa ugu dambeyntii bixisay magacyada, Israa’iilna waxay sheegtay in xabbad-joojintu ay bilaaban doonto 11:15 subaxnimo xilliga maxalliga ah. Heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa la gaaray ka dib in ka badan hal sano oo wada-hadallo ah, iyadoo ay dhex-dhexaadinayeen Mareykanka, Qatar iyo Masar. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii ugu horreysay taageeray heshiiska bishii May. Dhinacyada dagaallamaya ayaa ku heshiiyay Arbacadii, waxaana markii dambe ansixiyay Golaha Wasiirrada Israa’iil aroornimadii hore ee Sabtidii. Laga bilaabo bartamaha Isniinta marka la caleemo saaro Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, maamulkiisa ayaa mas’uul ka noqon doona hubinta in heshiiska la dhaqan-geliyo. Heshiiska wuxuu leeyahay saddex weji, mid walbana wuxuu socon doonaa lix toddobaad. Shuruudaha wejiyada labaad iyo saddexaad ayaa weli laga wada hadlayaa, laakiin wejiga koowaad, joojinta colaadda ayaa la filayaa inay sii socoto haddii lix toddobaad ay ka soo wareegto ka hor inta aan la soo gabagabeyn wejiga xiga. Colaadda Israa’iil iyo Xamaas ayaa bilaabatay ka dib weerarkii Xamaas ee October 7, 2023, kaasi oo lagu dilay 1,200 oo qof oo ku sugan Israa’iil. VOA/AP
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa lagu wadaa in goordhow uu shaaciyo habraaca doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan gudaha Soomaaliya. Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo haatan shir jaraa’id isugu yeeray Wariyeyaasha ayaa soo bandhigi doono qaabka iyo nidaamka lagu qaban doono doorashooyinka dalka oo uu haatan muran xooggan ka jiro. Sidoo kale waxa uu qorshuhu yahay in guddiga uu soo saaro jadwalka lagu jihaynayo doorashooyinkan oo ay ugu horreeyaan goleyaasha deegaanka, si sanadkanba loo bilaabo. Horay guddiga doorashooyinka qaranka ayaa u ballan qaaday inuu diiradda saari doono sidii loo gaari lahaa doorashada guud ee shacabka intooda marta diiwaanka iyo habraaca la qorsheeyay ay ugu codeeyaan mas’uuliyiinta metaleysa, si ay iyaga usoo doortaan. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka ay haatan ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid maamullada dalka. Villa Soomaaliya ayaa qorsheysatay in dalka ay gaarsiiso qof iyo cod, laakiin waxaa qorshaasi si cad u diiday Puntland, Jubbaland iyo madaxdii hore oo hadda mucaarad ah.
-
Ayadoo uu saacado ka hor si rasmi ah u dhaqan-galay heshiiskii xabbad-joojinta Qasa ayaa xabsiyada Israa’iil laga soo daayay 90 qof oo Falastiiniyiin ah, waxayna dib ula midoobeen qoyaskooda. 90-kan maxbuus ayay Israa’iil ku badelay 3 qof oo kamid ah dadkii Xamaas ay ku haysatay marinka, kuwaas oo ayaguna saacado ka hor gaaray gudaha Israa’iil, ayadoo ay maxaabiista kala gudbinayso hay’adda Laanqayrta Cas. Inta badan falastiiniyiinta xabsiyada laga soo daayay ayaa gaaray magaalada Ramallah, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen kumanaan qof, balse ciidamada Israa’iil ee aaggaas jooga ayaa dadka uga digey inaan la samayn karin dabaaldegyo waaweyn. Heshiiskan ay gaareen Israa’iil iyo Xamaas oo ku soo beegmaya 15 bilood oo dagaal lagu hoobtay ah, ayaa waxaa ka shaqeeyay dalalka Mareykanka, Masar, iyo Qatar, waxaana la filayaa inuu horseed u noqan doono xal siyaasadeed oo laga gaaro xiisad aan dhammaan ee Israa’iil iyo falastiin. Source: goobjoog.com
-
AQPQvR1VZEx-y___rOKSnNfFCPiZP7jAYSESLWvNZjMCUoK-dzGSLvs1uPw4QcBtcXoLhjRMqbEeixJbxQGP8dyF Qaran News
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyey oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ay u yeertay Safiirkeeda u fadhiya dalka Kenya si uu uga soo warbixiyo xaalado la xiriira xiriirka labada dal. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyey in warkaasi aanu sal iyo raad lahayn, isla markaana uu yahay war been abuur ah. Wasaaradda waxay hoosta ka xariiqday in xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid caadi ah oo aan wax isbeddel ah lagu sameynin. Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqday warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed in ay iska hubiyaan wararka ay la wadaagayaan bulshada si looga fogaado faafinta xog aan rasmi ahayn. Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu soo maray marxalado kala duwan, balse haatan labada dal ay leeyihiin wadashaqeyn dhanka diblomaasiyadda ah. Source: goobjoog.com
-
Cutubyo kamid ah Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraha CALMIS ayaa halkaasi ku dilay ajaanib ka tirsanaa mileeshiyaadka Daacish. Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada difaacu hawlgalkaasi ku dileen xubno ka tirsan mileeshiyaadka Daacish, balse dowladdu ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan tiradooda. “Ciidanku waxay dileen Ajaanib Argagixiso Daacish ka tirsan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee Puntland, waxaana dowladdu intaasi raacisay in ay dib ka soo gudbin doonto faahfaahinta ku saabsan warkaasi. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo maanta ajaanib Daacish ah ku dilay buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
His Excellency Abdirahman Mohamed Abdillahi (Cirro), President of the Republic of Somaliland, has today issued two Presidential Decrees implementing critical legislation aimed at enhancing public governance and employee welfare. 1. Presidential Decree No. JSL/XM/GW/081-040/012025 Enactment of the Pension and Compensation Agency Law (Law No. 108/2024) After considering: Article 90 of the Constitution of the Republic of Somaliland; Article 76 of the Constitution of the Republic of Somaliland; Article 38, Clause 2 of the Constitution of the Republic of Somaliland; The approval decision of the House of Representatives (Decision No. GW/KF-10/30/2024), Reference No. GW/G/10/376/2024, dated 30 December 2024, which sanctioned the Pension and Compensation Agency Law (Law No. 108/2024); The President has enacted the Pension and Compensation Agency Law to officially come into effect, with the purpose of providing systematic support for the retirement and compensation needs of government employees. 2. Presidential Decree No. JSL/XM/GW/081-039/012025 Enactment of the Office of the Attorney General Law (Law No. 89/2024) After considering: Article 90 of the Constitution of the Republic of Somaliland; Article 76 of the Constitution of the Republic of Somaliland; Article 38, Clause 2 of the Constitution of the Republic of Somaliland; The approval decision of the House of Representatives (Decision No. GW/KF-10/29/2024), Reference No. GW/G/10/376/2024, dated 30 December 2024, which sanctioned the Office of the Attorney General Law (Law No. 89/2024); The President has enacted the Office of the Attorney General Law, marking its official implementation. This law establishes a legal framework to guide the operations and oversight of the Office of the Attorney General, ensuring efficiency and adherence to justice in governmental operations. Abdirahman Mohamed Abdillahi (Cirro) President of the Republic of Somaliland Presidency Press Office Republic of Somaliland Qaran News
-
Breaking News: Diplomatic sources indicate that the U.S. government is gearing up to send a high-level delegation from the Pentagon, DoD, CIA, AFRICOM, and the State Department to Somaliland. The delegation, expected to arrive within the next three weeks, will be led by Pentagon officials, seeking a resolution to these pressing issues. With the military base already under construction. The government of Somaliland and all the people of Somaliland are welcoming the American government with open arms. Somaliland is a democratic country that elects a president every five years. Qaran News
-
Wasiirka Arimaha Guddaha Iyo Amniga Somaliland Cabddale Maxamed Carab ayaa si rasmi ah Xilalkii ugu kala wareejiyey Agaasimyaashii Hore Ee Wasaaraad Arimaha Gudaha iyo Amniga iyo Agaasimayaasha Guud Ee Madaxweynaha Qaranka usoo magacaabay Labada Wasaarood Ee Kala Ah Wasaaradda Arimaha Guddaha iyo Amniga iyo Wasaaradda Dowladdaha Hoose Iyo Horumarinta Magaalooyinka. Waxaana ka soo qabygalay Xafladdaasi Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan, kana mid ahaayeen Wasiiru-Dawladdaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) Iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dawladaha Hoose Iyo Horumarinta Magaalooyinka Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) Xildhibaano. qaybaha kala duwan ee Bulshadda. Wasiirka Arimaha Guddaha Iyo Amniga Jsl Cabddale Maxamed Carab ayaa ugu dambeyntii xafladdaasi si rasmi ah xilalkii ugu kala wareerjiyey 4ta agaasime Guud isaga oo Agaasimeyaashii Horena ku amaanay intii Ay Qaranka u soo shaqeeyeen Agaasimyaasha cusubna Alle ug baryey in xilalkaasi Alle u Fududeeyo. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee XJFS, halkaas oo uu kulammo miro-dhal ah kula qaatay taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Nabad Sugidda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si loo ciribtiro Shabaab. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey ciidamada dadaallada naf-hurnimada leh ee ay u hayaan difaaca dalka iyo xasilloonida shacabka. Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo guul waarta oo laga gaaro la dagaallanka argagixisada. Madaxweynuhu wuxuu mar kale caddeeyey in dowladdu ka go’an tahay ciribtirka khatar kasta oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida qaranka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
The Governor of Nugaal Abdirahman Abshir Farah. Garowe (PP News Desk) — Nugaal Police yesterday arrested several people suspected of being members of a terrorist organisation. The Governor of Nugaal, Abdirahman Abshir Farah, told the media that “suspects believed to be members of Al-shabaab were arrested at checkpoints. during security inspection.” The Governor said that investigations will determine whether a suspect will be charged for terrorism. Nugaal Police Division are conducting enhanced searches at checkpoints following a directive from Puntland State government to raise preparedness for response to terrorist plans during the counterterrorism operations against ISIS in Calmiskaad mountains. © Puntland Post, 2025 The post Terror Suspects Arrested at Garoowe Checkpoints appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir Ubax Cabdirashiid Maxamed Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland marwo, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Boosaaso ayaa si adag u cambaareysay tallaabo ay qaadday dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku tilmaantay in ay shakhsi ku sugan Muqdisho deeq Raashin ah u soo marisay degaannada Puntland. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA ayaa shalay sheegtay in ay deeq Raashin ah oo loo qorsheeyay saddex kun oo Qoys ku wareejisay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland, si uu u gaarsiiyo dadka abaaraha iyo Colaaduhu saameeyeen ee ku sugan degaannada Puntland. Haddaba, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland marwo, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ka jawaabaysa Warka hay’adda SoDMA ayaa caddaysay in aysan degaannada Puntland soo geli karin deeq aan la soo marin dowladda, waxaana ay Cambaareysay Tallaabada dowladda Federaalku deeqdaasi ugu wareejisay qof siyaasi ah oo ku sugan Muqdisho. “Puntland waxay si cad u sheegaysa wax gargaar ah, oo aan la soo marin Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland, kama soo degi karaan Badaha, Xuduudaha iyo Hawada Puntland midna, waxaan aqbali karno maahan, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA aad ayaan ugu cambaareynayaa Tallabaadaasi” ayay tiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland marwo, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi. Wasiir Ubax ayaa sidoo kale sheegtay in aysan wax Xiriir ah lahayn Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland iyo hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA, waxaana ay beenisay in horay dowladda Soomaaliya wax gargaar bini’aadanimo ah u soo gaarsiisay degaannada Puntland. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo iska diiday Raashin ay ugu deeqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.