Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Mareykanku uu dib u fasaxay deeqihii maaliyadeed ee uu Soomaaliya siin jirey, islamarkaana lacag ka badan bilyan barkii uu sanad walba ku bixin doono amniga dalka. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in aysan wax walba iska badelin dhaqaalihii uu ku bixin jirey amniga Soomaaliya, sidoo kale uu dib u fasaxay lacagtii uu ku bixin jirey arrimaha Bini’aadantinimada. Maamulka Trump ayaa dhowaan meesha ka saaray shaqooyinkii ay qaban jirtay hay’adda USAID, taas oo walaac ku abuurtay dalal ay Soomaaliya kamid tahay oo dhaqaale mashaariic iyo kab miisaaniyadeed isugu jirta ka heli jiray Mareykanka. Source: goobjoog.com
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed, oo ka tirsan golaha deegaanka Dela ee Ismaamulka Wajeer, ayaa xalay fiidkii si lama filaan ah loogu soo celiyey gurigiisa ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, kadib muddo lix bilood ah oo la la’aa. Sida laga soo xigtay ehelladiisa, rag wejiga duubtay ayaa gaari ku soo hor dhigay gurigiisa, illaa haddana faah-faahin lagama hayo halka uu muddadaas ku maqnaa xildhibaanka. Xildhibaan Yuusuf ayaa la afduubtay 13-kii Sebtembar 2024 xilli uu saarnaa gaari nooca Uber ah oo marayay waddada Enterprise ee magaalada Nairobi. Xildhibaan Aadan Keynaan Wehliye, oo ka tirsan golaha deegaanka, ayaa BBC-da u sheegay in xildhibaanka la waayay muddo lix bilood ah, kadibna xalay fiidkii la keenay gurigiisa iyadoo ay wadeen rag aan la garaneyn. Xaaladdiisa caafimaad Dhakhaatiir ayaa hadda baaraya xaaladda caafimaad ee xildhibaanka, waxaana la sheegay in uu caafimaad ahaan wanaagsan yahay, inkastoo ay ka muuqato daal iyo nafaqo-darro. Keynaan ayaa tilmaamay in xildhibaanku hadda uu dib ula midoobay qoyskiisa, isla markaana si rasmi ah loo xaqiijin doono xaaladdiisa caafimaad kadib baaritaan dheeraad ah. “Hadda niyaddiisa waa fiican tahay, waxa uu la joogaa dhakhaatiirta, xaalkiisa wuu wanaagsan yahay in kastoo hurdo la’aan iyo nafaqo darro ay ka muuqato,” ayuu yiri xildhibaan Keynaan. Sidee markii hore lagu waayay xildhibaanka? Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in xilli fiid ah ay afduubteen koox watay labo gaari oo nooca Land Cruiser Prado ah. Darawalkii Uber-ka ee la socday Xildhibaanka ayaa markii dambe sheegay in labada gaari ay jidka hor istaageen, kadibna xildhibaanka la kaxeystay, iyadoo aan la garanayn cidda ka dambeysay falkaas. Muddo bil kadib, meyd lagu arkay isbitaalka Wajeer ayaa loo maleynayay inuu yahay xildhibaanka, balse baaritaan la sameeyay ayaa caddeeyay in uu qof kale yahay. Ilaa haddana lama oga sababta rasmiga ah ee loo afduubtay xildhibaanka, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda afduubkiisa. Maxay ehelladiisu ka yidhaahdeen afduubka? Qoyska xildhibaanka ayaa mar kasta rajo ka qabay in la helayo, iyagoo sheegay in aysan ogeyn wax dambi ah oo uu galay. “Waan ogayn in uu nool yahay, rajo fiican ayaanu ka qabnay in uu dib noogu soo laabanayo,” ayey tiri walaashiis Xaliimo Xuseen. Qoyska xildhibaanka ayaa dhowr jeer ku eedeeyay dowladda in ay ka gaabisay raadintiisa, waxayna sheegeen in aysan qaadin wax tallaabo ah. Sidoo kale, siyaasiyiinta gobolka iyo qoyska xildhibaanka ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan wax dadaal ah gelin raadinta xildhibaanka, iyagoo sheegay in aysan jirin cid rasmi ah oo baaritaan dhab ah ku sameysay afduubkiisa. Weli su’aalaha ugu waaweyn ee taagan ayaa ah; Yaa ka dambeeyay afduubkan? Muxuu salka ku hayay? Maxaase xildhibaanka loo beegsaday? Su’aalahaas ayaan weli loo helin jawaabo rasmi ah. The post Xildhibaan Soomaali ah oo muddo lagu la’aa Nairobi oo si lama filaan ah loo helay appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa kormeeray aagagga ay ciidamadu ku suganyihiin ee kala ah Qurac-madoobe, warciise iyo Aqab-duco. Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaanka xoogagga deegaanka ayaa la wadaagay Madaxweynaha howlgaladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday Kooxda Al-Shabaab. “Hirshabeelle, ma ahan gabaad argagixiso waa sababta aan dhammaanteen dagaalka ugu jirno halkan waa rejada shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe. Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay khaarijinta hoggaamiyaal badan oo uu ka mid yahay Yuusuf Dhagnaas guul weyn oo laga gaaray howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Source: goobjoog.com
  4. Somalia is grappling with political and constitutional crises of monumental proportions that is threatening institutional collapse. The constitutional review process has ground to a halt as political squabbles continue to dog the federal system that has become inherently dysfunctional. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaarin doona caqabadaha ka taagan safarada iyo ku xad-gudubka xildhibaanadda. Magacaaabista guddigan oo daba socota doodii goluhu ka yeeshay caqabadaha safarada ee xildhibaanada ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, iyadoo dadka qaarkii ku tilmaameen mid aan wax ka goyn karin arrinta taagan. Dadka qaar ayaa guddoomiye Aadan Madoobe ku dhaliilay daba-gal la’aanta guddiyada uu magacaabo oo badankood ay markaasi ugu dambeyso maqalkooda, iska daa inay warbixin ka keenaan arrinta loo igamadee. Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame, iyadoo xubnaha guddiga la faray in ay si deg-deg ah u hawl-galaan howsha loo igmaday, kuna keenaan warbixin dhameystiran. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay? Sacad Cali Baafo: “Guddiga shaqadiisa waa la sheegay laakiin lama muddeyn waqtiga ay warbixinta kusoo gudbin lahaayeen.” Saciid Axmed Xasan: “Aadan Madoobe intee guddi magacaabay waxay qabtaana lama yaqaano.” “Mar hadii guddi loo saaray hawshas way isku dhamaatay in wax laga qabto lama rabo,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Aadam. Maxamed Cabdi Dheere: “Guddigan waxa guddoomiye u ah nin shaqo yaqaana waliba hawl kar ah, horkeeni doona golaha wixii baritaankiisa ka so obaxa hadi alle idmo.” Cabdiraxmaan Aadam Dirham: “Waxaan is weydiiyaa guddiyada la magacaabo waddo One-way ah miyey galaan oo aan dib waxba uga soo laaban! Caqliga dadka oo lagu cayaaraa muunad beel ayaa u natiijo ah sida madax badan horey ugu dhacday!.” Mukhtaar Axmed Sugulle: “Odayga guddi sida loo sameeyo wuu yaqaan laakiin sida dib warbixinta golaha loogu soo celiyo ma yaqaan.” “Maalin kasta waxan maqalnaa guddi ayaa la magacabay wali ma maqasheen gudigii waxan ayeey so arkeen,” ayuu yiri Cabdi Khaliif Shiiraar. The post Fal-celin culus oo ka dhalatay tallaabadii u dambeysay ee uu qadaay Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) — Internet services across Somalia and parts of East Africa were disrupted after an undersea fibre-optic cable broke in the Red Sea, the National Communications Authority (NCA) said Sunday. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) — Somali Minister of Endowments and Religious Affairs Mukhtar Robow Ali has dismissed fears that Mogadishu could fall to Al-Shabaab militants, declaring that the group has lost its ability to mount a serious threat to the capital. Source: Hiiraan Online
  8. WASHINGTON — As the world commemorates International Women's Day, the stories of courageous women like Zahra Mohamed Ahmad highlight their resilience amid ongoing conflict and struggles for equality. From advocating for human rights to supporting their communities, these women continue to shape the future of Somalia. Source: Hiiraan Online
  9. (ERGO) – Fighting between government forces and Al-Shabaab in southeastern Mudug, central Somalia, has caused havoc for civilian populations over the past two months, causing hundreds to flee to camps lacking basic services. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo suurta-galnimada ay kooxda kula wareegi karto Muqdisho. Roobow, oo ka hadlay shir jaraa’id oo isaga iyo qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ay qabteen, ayaa si weyn ugu boggaadiyey guulaha ay gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ka hortagay damaca Al-Shabaab ee dib ula wareegidda deegaannadii hore looga saaray ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Roobow ayaa sidoo kale soo hadal qaaday qorshaha la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku rabto qabsashada magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in Muqdisho aysan la mid ahayn caasimadaha Kabul iyo Dimishiq, sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab waxaan leeyahay: Muqdisho Kabul iyo Dimishiq oo kale ma aha, Axmedkiinnana ma aha Axmed Al-Sharac ee Suuriya,” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrin qabsatay qoyskiisa, isaga oo tilmaamay in bishii lasoo dhaafay ay maleeshiyaadka Al-Shabaab afduubteen xaaska walaalkiis, ayna waddada ku tureen wiil yar oo uu adeer u yahay, laguna magacaabo Saaciid Aadan Roobow. “Xaaska walaalkay ayay bishii Shacbaan afduubteen Al-Shabaab, wiil yar oo ay dhashay oo la yiraahdo Saaciid Aadan Roobow waddada ayaa la dhigay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiir Roobow. Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, si looga guuleysto argagixisada Al-Shabaab. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo kooxda Al-Shabaab ay dib ugu soo laabatay gobolka Shabeellaha Dhexe, kadibna ay qabsatay deegaanno hore looga saaray. Haatanna, waxay is hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo mar kale dib loo abaabulay si ay uga hortagaan kooxda. The post Muxuu Roobow ka yiri suurta-galnimada ay Al-Shabaab kula wareegi karto Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay qaar kamid ah, cuqaasha, waxgaradka iyo isimada beelaha kala duwan ee kunool gobolka Bari, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee gobolka iyo dagaalka ciribtirka Daacish. Madaxweyne Deni, wuxuu uga mahadceliyey dhammaan bulshada Puntland gaar ahaan gobolka Bari doorkii ay ka qaateen dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, wuxuuna balan qaaday inuusan khasaari doonin dhiigga askarta Puntland ee u shahiidaya difaaca dalka iyo dadka. “ Dhiiga shuhaadada Puntland meel cidlo ah dhici maayo, Insha’allaah magaalooyinka Puntland ayaa laga arki doonnaa, Allaah ha u naxariisto inta geeriyootay inta dhaawacantayna Allah ha u booga dhayo”, Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland oo garawsaday in uu jirey dayac ammaan oo Puntland ka dhacay ayaa balanqaaday in muddada uu xafiiska joogo uu balan qaadayo in uusan cidna uga haybaysan amniga iyo kala dambaynta Puntland, wuxuuna digniin u diray cidkasta oo arrintaasi dib isugu dayi doonta. “Intaan xilka joogo Hadii Alle idmo, dayac danbe in uusan dhicin baan ballan qaadayaa. Amni daro cid aan ku xurmeyn doono majirto, ninkuu doono ha ahaado, mid dhow iyo mid dheerba”, Ayuu markale yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni: Intaan xilka hayo dayac danbe kuma imaan doono Amniga Puntland appeared first on Puntland Post.
  12. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shaacisay in xarigga internet-ka ee Fiber-ka badda hoosteeda mara, ee isku xira Pakistan, Bariga Afrika, iyo Yurub (PEACE Cable), uu ka go’ay Badda Cas. Dhacdadan lama filaanka ah ayaa saameyn ku yeelatay adeegyada internet-ka ee Soomaaliya iyo dalal kale oo Bariga Afrika ah, taasoo sababtay hoos u dhac ku yimid xawaaraha iyo tayada adeegyada qulqulka (streaming). Si looga falceliyo arrintan, shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta ee dalka ayaa si degdeg ah ugu wareegay khadad kale oo kayd ah, taasoo suurtagal ka dhigtay in internet-ka dalka uu dib ugu soo noqdo sidii caadiga ahayd. Sida ay sheegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dib-u-habaynta iyo dayactirka xarigga Fiber-ka PEACE waxaa la filayaa in ay qaadato ilaa bartamaha Abriil 2025. Inta lagu jiro muddadan, hay’addu waxay si dhow ula shaqeyn doontaa shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka si loo hubiyo tayada adeegyada loona xalliyo caqabadaha dhici kara. Source: goobjoog.com
  13. 𝗧𝗵𝗲 𝗟𝗲𝗴𝗮𝗹 𝗖𝗮𝘀𝗲 𝗳𝗼𝗿 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗴𝗻𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻: 𝗔 𝗨𝗻𝗶𝗾𝘂𝗲 𝗤𝘂𝗲𝘀𝘁 𝗥𝗼𝗼𝘁𝗲𝗱 𝗶𝗻 𝗛𝗶𝘀𝘁𝗼𝗿𝘆 𝗮𝗻𝗱 𝗟𝗮𝘄 Somaliland’s pursuit of international recognition is not just another bid for statehood. Unlike many self-determination movements, Somaliland’s claim to sovereignty is grounded in a distinctive blend of historical legitimacy, legal precedent, and proven governance. In an era where global stability often hinges on respecting both historical contexts and international law, acknowledging Somaliland’s unique situation is not only a matter of justice but also a strategic move toward fostering peace in the volatile Horn of Africa. 𝗛𝗶𝘀𝘁𝗼𝗿𝗶𝗰𝗮𝗹 𝗣𝗿𝗲𝗰𝗲𝗱𝗲𝗻𝘁𝘀 𝗮𝗻𝗱 𝘁𝗵𝗲 𝗙𝗹𝗮𝘄𝗲𝗱 𝗨𝗻𝗶𝗼𝗻 On June 26, 1960, the British Somaliland protectorate achieved independence and was briefly recognized internationally as the State of Somaliland. Merely five days later, it voluntarily merged with the Trust Territory of Somalia (formerly Italian Somaliland) to establish the Somali Republic on July 1, 1960. While this union was meant to symbolize a Pan-Somali dream, it was fraught with serious legal and procedural flaws. The Act of Union, which was supposed to formalize the merger, failed to meet essential international legal standards. It lacked proper ratification and procedural clarity. These legal deficiencies were starkly highlighted in a 1961 constitutional referendum where over 60% of voters in the north rejected the proposed constitution. This overwhelming dissent reflected deep-rooted discontent with the union, particularly among Somalilanders who felt marginalized by the new political arrangement. 𝗧𝗵𝗲 𝟭𝟵𝟲𝟭 𝗖𝗼𝘂𝗽 𝗔𝘁𝘁𝗲𝗺𝗽𝘁: 𝗡𝗼𝗿𝘁𝗵𝗲𝗿𝗻 𝗚𝗿𝗶𝗲𝘃𝗮𝗻𝗰𝗲𝘀 𝗼𝗻 𝗗𝗶𝘀𝗽𝗹𝗮𝘆 The dissatisfaction in Somaliland reached a critical point in December 1961, when a group of at least 24 British-trained junior officers launched a coup in an effort to restore Somaliland’s independence. Frustrated by the dominance of Italian-trained southern officers in the new Somali military, these officers took control of strategic locations, including Radio Hargeisa, where they declared their intention to end the union. Despite the coup’s swift suppression by loyalist forces, its legal aftermath proved significant. During the trial, a British judge acquitted the coup plotters, ruling that the union lacked a valid legal foundation. This judgment not only underscored the union’s shaky legal basis but also provided a crucial precedent supporting Somaliland’s argument that the merger with Somalia was never legitimate under either domestic or international law. 𝗟𝗲𝗴𝗮𝗹 𝗙𝗼𝘂𝗻𝗱𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀 𝗳𝗼𝗿 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗦𝘁𝗮𝘁𝗲𝗵𝗼𝗼𝗱 Somaliland’s claim to independence is not merely political but is strongly anchored in international legal principles. The 1933 Montevideo Convention outlines four key criteria for statehood: 1. A Permanent Population: Somaliland has a stable and identifiable population, maintaining its distinct cultural and social identity. 2. A Defined Territory: Its borders correspond with those established during the British colonial era, offering a clear territorial framework 3. Effective Government: Since its self-declared independence in 1991, Somaliland has built robust democratic institutions, ensuring peace and stability in contrast to the turbulence in Somalia. 4. Capacity for International Relations: Despite lacking formal recognition, Somaliland engages in diplomacy, hosts international delegations, and maintains informal relations with various countries and organizations. The legal ambiguity surrounding the 1960 union further strengthens Somaliland’s case. The absence of a binding legal instrument to formalize the merger into the Somali Republic implies that Somaliland’s sovereignty was never lawfully dissolved. This argument is reinforced by the 1961 court ruling that essentially invalidated the union’s legal framework. 𝗠𝗼𝗿𝗲 𝘁𝗵𝗮𝗻 𝗮 𝗦𝗲𝗰𝗲𝘀𝘀𝗶𝗼𝗻: 𝗔 𝗥𝗲𝘀𝘁𝗼𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗼𝗳 𝗦𝗼𝘃𝗲𝗿𝗲𝗶𝗴𝗻𝘁𝘆 What sets Somaliland apart from conventional secessionist movements is its quest to restore, rather than establish, sovereignty. While most separatist groups aim to break away from an existing, functional state, Somaliland’s struggle is about reversing an ill-conceived and legally questionable union. It is not seeking to fracture a stable nation but to reclaim its rightful status as a sovereign state—a critical distinction that supports its legitimacy under international law. 𝗥𝗲𝗴𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗗𝗶𝗽𝗹𝗼𝗺𝗮𝘁𝗶𝗰 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁𝘀 In recent years, geopolitical shifts have only bolstered Somaliland’s case for recognition. The region’s strategic importance, including its control of key maritime routes in the Gulf of Aden, makes its stability a valuable asset. Somaliland’s consistent engagement in regional dialogues—such as high-level meetings involving Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and discussions facilitated by Turkey—illustrates its potential as a reliable partner in regional security. Economically, Somaliland’s stability could also unlock new opportunities for trade and development in the Horn of Africa. Its commitment to democracy, human rights, and effective governance presents a stark contrast to the ongoing chaos in Somalia. Recognizing Somaliland would enable it to contribute meaningfully to international institutions and participate in initiatives that promote security and development. 𝗧𝗵𝗲 𝗕𝗿𝗼𝗮𝗱𝗲𝗿 𝗜𝗺𝗽𝗹𝗶𝗰𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀 𝗼𝗳 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗴𝗻𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻 Formal recognition of Somaliland would set an important legal precedent affirming the right of peoples to reclaim sovereignty when a union is founded on flawed legal grounds. This move could stabilize a historically volatile region by promoting a governance model based on legality, democracy, and respect for historical boundaries. For the international community, welcoming Somaliland into the fold would also be a pragmatic step. It would introduce a stable and democratic entity into the international system—one with valuable insights into post-conflict reconstruction and state-building. Moreover, it could help reshape approaches to self-determination and state legitimacy in a way that aligns with both historical realities and contemporary geopolitical needs. 𝗖𝗼𝗻𝗰𝗹𝘂𝘀𝗶𝗼𝗻: 𝗔 𝗖𝗼𝗺𝗽𝗲𝗹𝗹𝗶𝗻𝗴 𝗖𝗮𝘀𝗲 𝗳𝗼𝗿 𝗝𝘂𝘀𝘁𝗶𝗰𝗲 𝗮𝗻𝗱 𝗦𝘁𝗮𝗯𝗶𝗹𝗶𝘁𝘆 Somaliland’s journey is a powerful testament to resilience, legal legitimacy, and democratic governance. The union of 1960, marred by legal oversights, the 1961 coup attempt, and the subsequent legal ruling that highlighted the union’s invalidity, collectively present a strong argument for Somaliland’s sovereignty. By recognizing Somaliland, the international community would not only address a historical injustice but also reinforce principles of self-determination and legitimate governance. In a world often challenged by instability and conflict, Somaliland’s story offers a rare example of how historical truth, legal principles, and democratic values can come together to support both justice and regional stability. 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠. 𝗠𝘂𝘀𝗮 E-mail: halimusa4@gmail.com 𝗗𝗮𝘁𝗲 : 𝗦𝘂𝗻𝗱𝗮𝘆, 𝟵 𝗠𝗮𝗿𝗰𝗵 𝟮𝟬𝟮𝟱 Qaran News
  14. Dalalka ugu horreeya Midowga Yurub ayaa sheegay inay taageerayaan qorshaha Carabta ee dib u dhiska Gaza oo ay ku kici doonto $53 bilyan (£41 billion) loogana fogaanayo in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda. Qorshahan, oo ay la timid Masar ayna soo gudbiyeen hoggaamiyeyaasha Carabta, ayaa waxaa diiday Israa’iil iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Wasiirrada arrimaha dibadda Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Britain ayaa soo dhoweeyay qorshahay, oo lagu doonayo in Gaza dib loogu dhiso muddo shan sano gudahood. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay doorashooyinka dalka ee uu weli muranka ka taagan yahay, isaga oo ku dhawaaqay arrin ka cusub qorshaha uu wado ee qof iyo codka ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tilmaamay in la beddalay fikirkii hore ee ahaa in dalka uu yeesho laba xisbi, isaga oo hoosta ka xariiqay in haatan laga dhigay saddex xisbi oo uu tilmaamay in loo baahan yahay inay ku biiraan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xusay in arrintan ay keeneyso in xisbiga uu ku qasbanaanayo inuu cod ka raadsado magaallo kasta oo Soomaaliyeed, maadaama waxa codeynaya ay yihiin shacabka oo soo dooranayo hoggaankooda. “Fikirkii ahaa dalka laba xisbi ha yeesho hadda saddex ayaa laga dhigay, weli waa fiicanahay ogow marka aan aniga xisbi leeyahay cod aan u baahanahay waxaan ku qasbanahay kan Kismaayo joogo kan Baydhaba jooga, kan Garoowe joogo iyo kan jooga Dhuusamareeb inaan wada raadsado” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud. Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinka dadban ee lasoo maray ay dhaawac weyn u gaysteen kalsoonida Soomaaliya, haddana lagama maarmaan ay tahay in laga gudbo, si loo aado doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah. Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in sidoo kale beesha caalamka aysan xilligan diyaar u ahayn inay la shaqeyso dowlad ku timaada nidaam doorasho dadban oo lagu celiyo dalka. “25 sano doorasho dadban ayaan joognaa, masii joogi karno, macquulna ma ahan, mana nala aqbalayo. Caalamku nama aqbalayo inaan sidaas dowlad ku ahaano oo nagula macaamilo. Waxay na leeyihiin, ma naqaano waxay ka shaqeynayaan,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu. Hadalkan ayaa xalay madaxweynaha waxa uu ka sheegay kulan ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, kaas oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ee ku aadan siyaasadda, doorashooyinka iyo dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, isaga oo qiray in haweenku ay udub-dhexaad u yihiin bulshada. Waxaa kale oo uu xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, oo dowladda Soomaaliya ay dhexda u xiratay inay hirgeliso. Xasan ayaa sheegay in doorashada dadweynaha ay fursad u siinayso bulshada inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, ayna door muuqda oo wayn ku yeeshaan hoggaanka dalka. The post XASAN oo ku dhawaaqay arrin ka cusub doorashada qof iyo codka ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Madxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo war cusub soo saaray ayaa qaaday tallaabo la xiriirta dagaalkii maalin kahor ay SSC-Khaatumo kula galeen deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool. Ugu horreyn Cirro ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaasi oo dhacay iyada oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna tilmaamay inay ka dambeysay SSC-Khaatumo. “Waan ka xumahay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday deegaan nabad u jooga. Sidaanu ballanqaadnay qaranka waanu difaacaynaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka jawaabi doonaan gardarro kasta iyo haddii weerar lagu soo qaado, ayna difaaci doonaan Somaliland iyo dadkeeda. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ku celiyay inay dhinaca kale baadi goobi doonaan nabadda, isla markaana ay sii wadi doonaan wada-hadallada xal raadinta ah. “Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa, balse dagaal meel lagu soo qaaday naga leexinmayo in aanu nabadda doonnno. Nabadda waanu wadaynaa, difaacana waanu adkaynaynaa” ayuu markale yirhi Madaxweynuhu. Dhankeeda SSC-Khaatumo ayaa horay sidaan oo kale uga hadashay dagaalka, waxayna mas’uuliyadda dhabarka u saartay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Cirro. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo labada maamul ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan aagga Buqdharkayn oo ah halka uu dagaalka ka dhacay. Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan ka qarxay Ceerigaabo oo ay isku fara saareen labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba, SSC ayaa dooneyso sidii ay u qabsan lahayd deegaanno ay sheegtay inay ka maqan yihiin, halka Somaliland ay iyana rabto inay isku fidiso Sool & Sanaag oo ay isku hayaan labada maamul, waxaana dagaalkan uu kasoo bilowday magaalada Laascaanood oo hadda fadhi u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ee uu hoggaamiyo Firdhiye. The post CIRRO oo tallaabo culus qaaday kadib dagaalkii Buqdharkayn appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, wuxuuna ka hadlay dagaalka Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Xasan Sheekh ayaa sheegay in haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, isla markaana ay si toos ah uga qayb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka. Wuxuu sheegay inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta, taageerada ciidamada, iyo dhisidda bulshada deegaannada laga xoreeyey argagixisada, isagoo aad ugu mahadceliyey. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, oo dowladda Soomaaliya ay dhexda u xiratay inay hirgeliso. Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada dadweynaha ay fursad u siinayso bulshada inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka. Hadalka Madaxweynaha wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Al-Shabaab ay soo qaadeen weerarro rogaal-celis ah, kuwaas oo culeys badan soo saaray gobolka Shabeellaha Dhexe, lana wareegay deegaanno muhiim ah. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo mar kale xalay qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  18. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud reiterated that the country’s ongoing indirect elections have severely undermined Somalia’s international credibility. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeisa (HOL) – Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro condemned the fighting that broke out on Friday between Somaliland and SSC-Khatumo forces in the Buqdharkayn district. Source: Hiiraan Online
  20. Kismayo (HOL) – The Jubbaland military court has sentenced two former members of the Jubbaland army to five years in military prison for selling weapons to the Al-Shabaab militant group. Source: Hiiraan Online
  21. Dimishiq (Caasimada Online) – Tirada dhimashada laba maalmood oo iska horimaadyo ay dhex marayeen ciidamada ammaanka ee Suuriya iyo maleeshiyaadka daacadda u ah madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bashar Assad, iyo dilal aargoosi ahaa oo ka dambeeyay ayaa dhaaftay in ka badan 1,000 qof, sida uu Sabtidii sheegay urur la socda colaadda dalkaas. Dhacdadan ayaa kamid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dagaalka Suuriya billowday 14 sano kahor. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya (Syrian Observatory for Human Rights), oo xarunteedu tahay Britain, ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan 745 qof oo rayid ah oo badankoodu si dhow loo toogtay, 125 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka dowladda iyo 148 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha hubeysan ee taabacsan Assad. Waxaa kale oo ay sheegtay in adeegyada korontada iyo biyaha la cabbo laga jaray qeybo badan oo ka tirsan magaalada Latakia iyo nawaaxigeeda. Iska horimaadyada oo Khamiistii qarxay ayaa tilmaamaya heer cusub oo xasaradeed oo soo wajahay dowladda cusub ee Dimishiq, saddex bilood kadib markii fallaagooyinku ay xilka ka tuureen Madaxweyne Assad. Dowladda ayaa sheegtay inay jawaab ka bixineysay weerarro ay ku eedeeyeen ciidamadii hore ee Assad, iyadoo xustay in rabshadahaasi ay ahaayeen falal shakhsiyeed oo aan nidaamsaneyn. Dilalka aargoosiga ah ee Sunniga iyo Calawiyiinta Dilalka aargoosiga ah oo Jimcihii ay bilaabeen maleeshiyaadka Sunniga ah ee daacadda u ah dowladda cusub, laguna bartilmaameedsaday xubnaha qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta ee taabacsan Assad, ayaa dhabarjab weyn ku ah kooxda Hayat Tahrir al-Sham, oo hoggaamisay afgembigii lagu riday xukuumaddii hore. Calawiyiinta ayaa muddo tobannaan sano ahaa saldhigga ugu weyn ee taageerada Assad. Dadka ku nool tuulooyinka iyo magaalooyinka ay deggan yihiin Calawiyiintu ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in maleeshiyaadka Sunniga ahi ay dilal u geysteen dad badan oo Calawiyiin ah, intooda badan rag ah, kuwaas oo lagu toogtay waddooyinka iyo iridda guryahooda hortooda. Laba qof oo ka tirsan dadka deegaanka gobolka xeebta ayaa sidoo kale AP u sheegay in guryo badan oo Calawiyiin leeyihiin la dhacay kadibna dab la qabadsiiyay. Waxay codsadeen inaan magacyadooda la shaacin iyagoo ka baqaya in maleeshiyaadku ay dilaan. Waxay sheegeen in kumannaan qof ay u qaxeen buuraha si ay badbaado u helaan. Dadka deegaanka oo ka hadlay tacaddiyo dhacay Dadka magaalada Baniyas, oo kamid ahayd meelihii ugu darnaa ee rabshaduhu ka dhaceen, ayaa sheegay in meydadku ay yaalleen waddooyinka, qaarkoodna laga tagay gudaha guryaha iyo saqafyada dhismayaasha iyadoon la aasin karin. Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay dadka deegaanka ka horjoogsadeen inay qaadaan meydadka shan qof oo deriskooda ahaa oo Jimcihii la dilay. Ali Sheha, oo 57 jir ah kana mid ah dadka ka qaxay magaalada Baniyas isaga iyo qoyskiisa saacado un kadib markii rabshaduhu qarxeen Jimcihii, ayaa sheegay in ugu yaraan 20 kamid ah deriskiisa iyo asxaabtiisa xaafadda ay ku badan yihiin Calawiyiinta lagu dilay dukaamadooda ama guryahooda. Sheha ayaa dilalkaas ku tilmaamay “dilal aargoosi ah” oo looga aar-gudanayo dambiyadii ay galeen maamulka Assad. Dad kale oo deegaanka ah ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarrada fuliyay ay kamid ahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah iyo kuwa ka yimid tuulooyin iyo magaalooyin ku dhow. “Xaaladdu aad ayay u xumayd. Meydadku waddooyinka ayay daadsanaayeen,” ayuu yiri Sheha oo telefoon kaga hadlay meel 20 kiiloomitir (12 mayl) u jirta magaalada. Wuxuu sheegay in maleeshiyaadku ay gurigiisa u jireen wax ka yar 100 mitir, iyagoo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furayay dadka deegaanka. Waxa uu sheegay dhacdooyin uu arkay oo ay maleeshiyaadku dadka ka codsadeen aqoonsigooda si loo hubiyo diinta iyo qabiilka qofka kahor inta aysan dilin. Guryo badan ayaa sidoo kale la dhacay lana gubay, halka gaadiid iyo hanti kalena la dhacay, ayuu intaa ku daray. Tirada dhimashada oo sii korortay Rami Abdurrahman, madaxa Hay’adda la socodka Xuquuqda Aadanaha, ayaa sheegay in dilalkii aargoosiga ahaa ay joogsanayeen aroornimadii hore ee Sabtida. “Tani waxay ahayd mid kamid ah xasuuqyadii ugu xumaa intii uu socday dagaalka Suuriya,” ayuu yiri Abdurrahman, isagoo ka hadlayay dadka rayidka ah ee Calawiyiinta ah ee la dilay. Sabtidii ayaa sidoo kale meydadka 31 qof lagu aasay xabaal-wadareed, kuwaas oo lagu dilay rabshadaha magaalada Baniyas. Waxaa la sheegay in meydadka ay ahaayeen 31 qof oo u badan Calawiyiin. Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegay in ciidamada ammaanku ay dib u qabteen inta badan goobihii maleeshiyaadku qabsadeen. Waxaa sidoo kale la xiray dhammaan waddooyinka soo gala gobolka xeebta si looga hortago rabshadaha iyo in si tartiib-tartiib ah loo soo celiyo xasilloonida. Xildhibaan Lubnaani ah oo lagu magacaabo Haidar Nasser ayaa sheegay in dad badan oo reer Suuriya ahi ay u qaxeen Lubnaan si ay nabadgelyo u helaan. Waxa uu sheegay inuusan haynin tiro sax ah oo dadka qaxay ah. Faransiiska ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan rabshadaha ka socda Suuriya, isagoo si adag u cambaareeyay xasuuqa shacabka loo geystay, wuxuuna ugu baaqay maamulka cusub ee Dimishiq inay fuliyaan baaris madax bannaan oo degdeg ah. The post Sawirro: Dagaal Calawiyiinta lagu xasuuqay oo ka dhacay Syria – Dhimashada 1,000 qof appeared first on Caasimada Online.
  22. Marco Rubio was incensed. Here he was in the Cabinet Room of the White House, the secretary of state, seated beside the president and listening to a litany of attacks from the richest man in the world. Source: Hiiraan Online
  23. Fighting between government forces and Al-Shabaab in southeastern Mudug, central Somalia, has caused havoc for civilian populations over the past two months, causing hundreds to flee to camps lacking basic services. Source: Hiiraan Online
  24. The UPDF has officially concluded a post-mission ideological training course for Battle Group (BG) 40 and the United Nations Guard Unit (UNGU) X following their year-long deployment in Somalia. Source: Hiiraan Online
  25. Liverpool’s lead in the Premier League has grown to 16 points. Source: Hiiraan Online