-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sida ay la socoto bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo caalamkuba, waxa ay xukuumadda Somaliland habeenkii xalay ku dhawaaqday Xabad-joojin bilaa shuruud ah , Nasiib daro waxa xabad-joojintaa jabiyay kooxaha ku soo duulay nabad galyada iyo xasiloonida Magaala Laascaanood. Xukuumadda Somaliland iyada oo u tudhaysa shacabkeeda ku nool Magaalada Laascaanood sidoo kalena tixgalinaysa baaqyada nabadeed ee ka soo gaadhaya dhinacyo kala duwan, waxay mar kale ku celinaysaa in ay dhinaceeda ka hirgalisay Xabad joojin bilaa shuruud ah, sidoo kalena ay u diyaar tahay in xaaladda Magaalada Laascaanood lagu dhameeyo wada-hadal iyo is-afgarad anagoo ka rajeynayna dhinaca kale in ay dhankooda ka hirgalin doonaan xabad-joojintan. Ugu danbayn; Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay amar ku qabaan hirgalinta xabad-joojinta, balse ciidamadu waxay heegan u yihiin weerarada kaga iman kara cidkasta, kuna sugnaadaan xeryahooda iyo fadhiisimadood rasmiga ah. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Wasiirka Gaashaandhiga JSL Source
-
Madaxweyne Biixi, ayaa caawa kulan la qaatay Ururrada siyaasadda Somaliland kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladda gobolka Sool iyo qodobo kale. Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in guddi loo saaray si ay u soo saaraan qodobada xukuumadda iyo Ururrada isku afgarteen. Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli maantana madaxweyne Biixi, kulan la qaatay labada xisbi mucaarad. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeyey ee ciidanka dowladda ay Al-Shabaab uga saareen deegaano badan oo ka tirsan HirShabeelle iyo Galmudug ayaa xog cusub ka bixiyey waxa ka socda gudaha Al-Shabaab. Jeneraal Caanood ayaa shaaciyey in gudaha Al-Shabaab uu ka qarxay khilaaf adag iyo is eedeyn ka dhalatay guul darada ay kala kulmayaan furimaha dagaalka, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in gacan ka hadal uu ka dhex-bilowdo. “Markii dagaal dhaco ee la guul dareyso waxaa sunno ah in la is eedeeyo oo mararka qaar la isku gacan qaado, marka hadda Al-Shabaab gudahooda waxaa ka taagan khilaaf adag iyo is eedeyn ay ku kala tageen kuwa ugu sareeya kooxda,” ayuu yiri Jeneraal Caanood. Xubnaha qaar wuxuu sheegay in kalsooni darro weyn ay soo wajahday, “Sida lagu yaqaano dagaalka ciidankii laba jeer jaba dib dambe uma dagaalamaan, wuxuuna aaqirka isku dhiibaa cadowgiisa, taas waxaa hadda qarka u saaran maleeshiyaadka u dagaalamaya Shabaab-ka,” ayuu yiri. Jananka ayaa sheegay in Amiirro ka tirsan Al-Shabaab ay quus ka joogaan sii socoshada dagaalka, “Amiirrada markii ay gacantooda ka baxeen deegaanadii ay maamulayeen waxay qarka u saran yihiin oo mar dhow aad arki doontaan Amiirro waaweyn oo isisoo dhiibaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Caanood. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku taliyey in dib loo bilaabo abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo yareeyo khasaaraha, iyadoo muhiimad la siinayo sidii bulshada loogu soo celin lahaa dhalinyarada u dagaalameysa Al-Shabaab, iyagoo nabad-qaba. “DF iyo dowlad goboleedyada waa inay sameeyaan dad u qaabilsan wacyi gelinta, si dariiqa saxda ah loogu tilmaamo dhalinyarada la qalday, carruuntaan ay qaldeen dilkooda waxaa nooga fiican inay dib ugu soo laabtaan bulshadooda, inta dowladda isku soo dhiibeysa waxaa ka badan kuwa deegaanadoodii u laabanaya,” ayuu yiri Jeneraal Caanood. Wuxuu sheegay in mar kasta oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay is dhiibaan ay suurta-gal tahay inay ku jiraan xubno aan daacad aheyn, taas oo khasab ka dhigeysa in xubnaha isisoo dhiibaya la marsiiyo nidaamka dhaqan celinta dowladda ee xero Sarandi. Jeneraal Caanood ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku qasbanaadeen inay isaga baxaan deegaanadii ay maamulayeen, si aan looga leyn maleeshiyaadka u dagaalamaya, si ay weerarro rogaal celis ah u geystaan, taas oo hadaba dhacda. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in taatikadaas ay adeegsanayaan loo heli karo mid lamid ah oo lagu dhabar jebi karo kooxda, taas oo sida uu sheegay ay qorsheynayaan inay ku dagaal tegi doonaan dhawaan, inkastoo uu ka gaabsaday inuu hadda warbaahinta la wadaago. Hoos ka daawo The post Daawo: Caanood oo shaaciyey xogta khilaaf ka dhex-qarxay amiirrada Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – United States Secretary of Homeland Security Alejandro N. Mayorkas has announced an 18-month extension of Temporary Protected Status (TPS) for Somalia, from March 18, 2023, through September 17, 2024. Somalia has also been redesignated for TPS, allowing Somali nationals residing in the US as of January 11, 2023, to apply for TPS if they meet eligibility requirements. The TPS extension and redesignation for Somalia are the results of ongoing armed conflict and temporary conditions that prevent Somali nationals from safely returning to their home country. Somalia has been affected by longstanding conflict, natural disasters, disease outbreaks, terrorism, violent crime, civil unrest, and fighting among clan militias, which has exacerbated the already severe humanitarian crisis. “Through the extension and redesignation of Somalia for Temporary Protected Status, the United States will be able to offer safety and protection to Somalis who may not be able to return to their country due to ongoing conflict and the continuing humanitarian crisis,” said Secretary of Homeland Security Alejandro N. Mayorkas. “We will continue to offer our support to Somali nationals through this temporary form of humanitarian relief.” Secretary Mayorkas made the decision to extend and redesignate Somalia for TPS after consulting with interagency partners and carefully considering the ongoing conditions in Somalia. He determined that permitting eligible individuals to remain in the United States under a TPS designation for Somalia was not contrary to the interests of the United States. The extension of TPS for Somalia allows approximately 430 current beneficiaries to retain TPS through September 17, 2024, if they continue to meet TPS eligibility requirements. These beneficiaries include individuals who were already in the US when TPS was first designated for Somalia in 1991 and those who have entered the US since then. The redesignation of Somalia for TPS allows an estimated 2,200 additional Somali nationals (or individuals having no nationality who last habitually resided in Somalia) who have been continuously residing in the United States since January 11, 2023, to file initial applications to obtain TPS if they are otherwise eligible. The TPS program provides temporary humanitarian relief to foreign nationals in the US who are unable to return to their home countries due to ongoing armed conflict, environmental disasters, or other extraordinary and temporary conditions. TPS beneficiaries are eligible to obtain work authorization and may also be able to apply for a travel document. A soon-to-be-published Federal Register notice will explain the eligibility criteria, timelines, and procedures necessary for current beneficiaries to re-register and renew Employment Authorization Documents (EADs) and for new applicants to submit an initial application under the redesignation and apply for an EAD. The notice will also provide additional information about the documentation required to demonstrate eligibility for TPS. The post US extends Temporary Protected Status for Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo goordhoweyd soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadlayso xaaladda ka taagan Laascaanood, ayaa waxay digniin culus u dirtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland. Qoraalka kasoo baxay xukuumadda Somaliland ayaa ugu horeyntii waxaa lagu sheegay in aysan waxba iska badalin go’aankeedii xabad-joojinta, xilli ay Isimida Laascaanood ku sugan ku xirtay dhaqan-galkiisa in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii ahaa xabad-joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay, waxna aanay iska bedelin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Somaliland. Waxa kale oo lagu yiri “Somaliland waxay cadaynaysaa in marka horeba ciidamada JSL aanay weerar ahayn ee ay keliya ku jireen isdifaacid, welina ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii.” Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxay digniin culus u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dowlad-goboleedka Puntland oo ay sheegtay in ciidamo tiro badan keentay xuduudda labada maamul wadaagaan ee aagga Tukaraq. Waxay sheegtay in tallaabada Puntland ay keeni karto isku dhac ciidan oo u dhaxeeya Somaliland iyo kuwa Puntland, sida lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda Somaliland. “Waxa muuqata in dhinaca kale aannu diyaara u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaa maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadayay ciidamada JSL. ” War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay in Somaliland ay la socod-siinayso bulshada Soomaalida iyo caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagan ay tahay mid ka weyn tabasho bulsho ee uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ah. “Xukuumadda JSL waxa ay u cadaynaynaysaa mar kale bulshada Somaliland iyo caalamka in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta xabad-joojintii aan shuruuda lahayn ee xalay ku dhawaaqday kana go’an tahay dhaqangalinta xabad-joojintaasi.” The post Somaliland oo digniin culus u dirtay DF iyo Puntland sheegtayna in xabad-joojintii… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay weerarkii ay Al-Shabaab saakay waaberigii hore ku qaadeen degaanka Sabiid ee gobolka Shabeellada Hoose. Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in kadib weerarkaas la fuliyey howlgal ay iska kaashadeen NISA iyo saaxiibada caalamka, islamarkaana lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. “In ka badan 18 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen deegaanka Sabiid ee gobalka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka. Xilliga la beegsaday kooxdaan waxay la socdeen gaari nooca xamuulka qaada ah, sida lagu cadeeyay qoraalkaan, waxaana la beegsaday markii ay ka laabteen weerarkii ay ku qaadeen degaanka Sabiid. “Khawaarijtaan oo lagu beegsaday gaari nuuca loo yaqaano Dhaynada iyo Geedo hoostooda, ayaa waxay qayb ka ahaayeen maleeshiyaadkii saakay aroortii ku jabay weerar ay doonayeen inay ku qaadaan xero ciidanka Qaranka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid,” ayaa qoraalka dowladda lagu yiri. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa Gaariga la beegsaday iyo kuwii kale ee ku jiray dhulka keynta ah lagu laayay howlgalkaan.” Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ugu yaraan seddax goobood ku weerartay ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana ka fashilmay weerarrada qaar. Degmada Afmadow oo weerarkeeda ay ku fashilmeen, degaanka Sabiid oo hoos taga degmada Afgooye iyo degaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/Dhexe ayay maanta kaliya weerareen Al-Shabaab. In kastoo Jimcihii shalay jab lixaad leh Al-Shabaab loogu geystay dagaal ka dhacay gobolka Mudug oo looga dilay in ka badan 100 xubnood, hadana waxaa gaabis noqday duulaankii ciidanka dowladda. Quburrada ammaanka ayaa qaba in kooxda hadii aan la weerarin ay iyagu geysanayaan weerarro culus, taas oo halis ku ah ciidanka qaranka, maadaama kooxdu ay fuliso weerarro indha la’aan ah oo ‘is-miidaamin’ lagu macneeyay. The post Maxaa qabsaday Shabaabkii saaka weeraray Sabiid kadib markii ay ka laabteen? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay markale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal maalintii lixaad galay. Diyaaradaha ay dirtay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaraya illaa saddex diyaaradood, waxayna ka dagi doonaan magalaada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland. Gurmadkan ayaa kadib waxaa loo sii gudbin doono magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, oo bulshadii ku nooleyd uu si weyn u saameeyay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaankaas. Agaasimaha guud ee hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan oo warbaahinta dowladda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood oo dagaal kula jira Somaliland. “Waxaa ka shaqeynaynayn sidii loo caawin lahaa dadkii kusoo waxyeeloobay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, hore waxaa u dirnay laba diyaaradood oo daawo ah oo aan ka dejinay Garoowe. Diyaarad waxaa kusoo qaadnay dhaawacii dadkii meeshaas dhibta ku gaaray waxaa lagu dabiibaya isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri. Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in saddexda diyaaradood ee maanta loo diray Laascaanood ay laba kamid ah wadaan gar-gaar raashin ah, halka diyaaradda saddexaad ay wado daawo iyo agabka caafimaadka. “Waxaa leeyahay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay naga dhageysanayaan waa idin garab taaganahay oo idinla shaqeynayna. Gurmadka waa sii socon doona, illaa hadda inta shaqada bilowday diyaaraddii shanaad ayaa mareyna aan u dirno gargaarka dadka dhibaatada kaga dhacday magaalada Laascaanood.” Waa markii labaad ee dowladda federaalka Soomaaliya ay magaalada Laascaanood u dirto diyaarado sida gar-gaar, ayada oo Arbacadii sidan oo kale diyaarado sida agab caafimaad iyo dhakhaatiir ka dejisay magaalada Garoowe, halkaas oo ay uga sii gudbeen magaalada dagaalka ka socdo ee Laascaanood. Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa ku baaqay in wada-hadal lagu xaliyo, isagoo balan-qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaada doonto kaalinteeda gurmadka dadka ku waxyeeloobay dagaalka. Dagaalka ayaa maanta galay maalinkii 6-aad, ayada oo xukuumadda Somaliland ay xalay ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, taasi oo ay ku gacan sayreen Isimida ku sugan Laascaanood oo dhaqan-gelintiisa ku xiray in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada iyo in maamulkooda uu raali-gelin ka bixiyo inuu ku tilmaamo argagixiso. The post DF oo magaalada Laascaanood u dirtay saddex diyaaradood oo sida… appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay qaadayso dagaal is difaacid ah kadib markii ay caalmka la wadaagtay qoraal kaasi oo sheegaaya in ciidamo ka docda dawlada Somalia oo ay iskaashanayaan kuwo ka socda maamulka Puntland ay ciidamo xoogan u soo dhaqaajiyeen dhanka gobolka Sool. Wasiirka gashandhiga ee Somaliland ayaa sheegay in ay Somaliland iska difaaci doonto gardaradaasi. Wararka ayaa sheegaay in maanta duhurkii ay ciidamo wata ku dhawaad boqol baabuur oo Tikniko ah iyo ciidan aan tiradiisa la shèegin ay u soo jihaysteen aaga Tuko raq oo ay ciidamada Somaliland ku suganyihiin, halkaasi oo ciidanka qarankuna uu la socdo duulaankaasi lagu soo qaaday Somaliland sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland. Xalay ayay ahayd markii ay Xukuumadda Somaliland ay gobolka Sool kaga dhawaaqday xabad joojin. Waxana la filayaa in .aalinta bari ah iyo wixii ka danbeeyaba ay labada dhinaca fooda isku dari doonaan dagaalo lagu riiqdo, waxana labada dhanba ay gobolkaasi Sool oo dhaca xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya geeyeen awoodoodii milatari ee ugu cuslayd. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - SNA Infantry Commander General Mohamed Tahliil Bihi said that 117 Al Shabaab fighters were killed in the most recent operations in central Somalia's Mudug region. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa dhowaan gacantayda soo galay Boojin oo ah noofal (novel) aan weli la soo bandhigin xilligan aan sadarradan qorayo. Boojin waa sheeko-faneed. Waa buug qaro weyn oo xagga xajmiga aan waxba ka yaraysan sheekooyinka caalamig iyo kuwa Soomaaliyeed ee magaca dheer, sida Maana-Faay iyo Adeegto. Boojin waa daraama ay dhacdooyinka sheekadeedu ku dul wareegayaan nolosha Yuusuf iyo Muna oo ah atooraha iyo atariishada, ama arbaha iyo qalanjada sheekada. Qoraaga: Sakariye Cismaan Xarunta Daabacaadda: Hiil Press Bogagga: 302 Sannadka Daabacaadda: 2022 Waxaan ka mid ahay dadka qaba in dhaqankeenna sheeko qorista iyo filin jilidduba, iska daa saldhigasho iyo marxalad dhexdhexaad ahe, uusan weli dhaafin marxaladdiisii koowaad ee socodbarashada. Sababta aan sidaas u leeyahayna waa in ummad dhan sheekooyinka ay ilaa hadda qortay faraha lagu tirin karo. Saa daraadeed, Sakariye Cismaan oo ah qoraaga sheekadan wuxuu mudan yahay hambalyayn iyo bogaadin, maaddaama uu tiradii yareyd ee sheekooyinka uu lambar dheeri ah ku biiriyay. Boojin waa daraama Soomaaliyeed oo mar kaa qoslinaysa, marna ku caloolxumaynaysa. Sheekadu waxay si faahfaahsan uga qisoonaysaa waayaha nolosha Yuusuf iyo Muna oo ah wiil iyo gabar ciyaal Xamar ah, laga billaabo maalinta ay is barteen iyo ilaa inta ay ka mutaan duruufaha iyo imtixaannada ad’adag ee nolosha, aakhirkana ay doonida ay majaraheeda isla hayaan kaga xiraan deked aan hadda kuu qarinayo in baddeedu kacsan tahay ama deggan tahay. Waxyaabaha soojiidashada leh ee ku saabsan Boojin waxaa kow ka ah sifeynta shakhsiyadda ama jilaaga sheekada, sida waxa uu xiran yahay, waayaha iyo meesha uu ku sugan yahay. Sheeka-faneeddu wax kale ma aha ee waa sawir mala’awaal ah oo laga bixiyo nolosha iyo waayaheeda. Tusaale ahaan, haddii shakhsiyadda ugu weyn ee sheekadaadu tahay gabar yar oo dugsiley ah, waa in ay u ekaataa sida ay u eg tahay gabadha yar ee dugsi Quraanka dhigata ee degaanka aad ka sheekeynayso ku nool. Bal u fiirso sawirkan kooban oo aan sheekada ka soo garoocday. Waa Yuusuf oo xaafaddiisa ka yimid oo raba in uu la kulmo Timajilac oo saaxiibkiis ah, laakiin aanan rabin in Muna ay ku aragto lebbiska uu xiran yahay. “Markiiba [Yuusuf] wuu ka shallaayay, sababtoo ah si wanaagsan oo gabar aad ka heshay lagu qaabbilo uma labbisnayne, macawis dhammaad ah oo uu is lahaa badda haddii lagu soo xado u dhutin maysid, iyo buume [dabagaab] gaboobay, oo aad u dheer, oo markuu macawista soo xayto hoos ka muuqda, buu sitaa. Funaanad qafiif darteed xabadkiisa looga jeedana wuu xiran yahay. Dharka uu gashan yahay oo dhan dacaska ayaa ugu cusub, iyaguna shan kun oo shilin Soomaali ah kaliya bay joogaan oo wax nin weyn uu magaalo ku aado ma aha.” Sheekadu waxay ku xusuusin doontaa sida ay Xamar u ekayd sannadihii 2000 iyo sida uu hab-nololeedkeedu ahaa. Boojin waxay nooga taariikhaynaysaa khadkii cagaarnaa ee Xamar u qeybin jiray koonfur iyo waqooyi, waayihii dagaal-oogayaasha ee magaalada, jidadkii faraha badnaa ee dhowr iyo toban sano xirnaa oo aan la mari jirin, iyo xaafadihii waaqlaha iyo lamagalaanka ahaa ee laga baqi jiray. Waxay kaloo boojin dib noogu celinaysaa hoteelladii berigaa magaalada ugu caansanaa ee xafladda sannadka cusub, sannad walba lagu qaban jiray. Sheekadu waxay ku dhex geynaysaa hab-nololeedkii barbaarta ee waayadaas. Tusaale ahaan, dhaqanka shukaansiga iyo xiriirka wiilka iyo gabadha u dhexeeya sida uu u ekaa, iyo, sidoo kale, in ay berigaa tabalcaaradu caadi ahayd. Tabalcaaradu waa in dharka iyo waxyaalaha kale ee la xirto la kala amaahdo, gaar ahaan marka uu qofku rabo in uu xaflad ama aroos ka qeybgalo. Waxyaabaha kale ee xiisaha leh oo sheekadani leedahay waa af Soomaaliga lagu qoray. Waa af aad iyo aad u sahlan oo aan dhihi karo waa afka maalinlaha ah ee lagu sheekaysto. Kuma badna in aad sheekada ku dhex aragto ereyo adag oo qaamuus kaaga baahan. Waxay kaloo Boojin ku xusuusinaysaa (ama ku baraysaa haddii aadan hore u aqoonin) erayo ciyaal Xamar oo ay u badan tahay in aadan dhawaanahan maqlin. Tusaale waxaan u soo qaadan karaa: qashqashaad, camirasho, kala fireyn, bartiiro, dibille (nooc baabuurta xamuulka ah oo aan filayo in uu suulay). Buugga waxaa lagu daabacay xaanshi leh midab caddeys oo aad khafiif u ah, oo run ahaantii isha u roon, marka loo eego xaanshiyaha aadka u cadcad. Tirada bogagga oo ay sheekadu ku qoran tahay waa 300 bog oo wax yar dhiman. Dhanka qoraalka marka loo yimaado, waxaa jira meelo u baahan in daabacadaha xiga marka la soo saarayo la tifaftiro, waana qaladaad aan badnayn oo higgaadda ereyada qaar la xiriira, sida eray shaqal dheer ah oo si shaqal gaab ah loo qoray. Waxaan u badinayaa in ay tahay ilduuf, soo saarista kale ee buugga ayaana taa lagu hagaajin karaa. Sawirka jaldiga buuggu waa isgoyska Soobbe waqti casarliiq ah oo saxmadda baabuurta iyo dadkuba ay yar tahay. Waxaa galbeed ka muuqda iftiinka dahabiga ee cadceedda oo Muqdisho sii sagootinaysa. Waa sawir qurxoon oo Muqdisho oo ah meesha ay dhacdooyinka sheekadu badankooda ka dhacayaan astaan u noqon kara. Sidaas oo ay tahay, waxaan qabaa in qoraaga oo sheekada baaxaddaas la eg allifay uu karay in jaldi (sawir) mala’awaal ah uu khayaalkiisa ka dhalin karay. Waxaan hubaa in sheekada Boojin ay tahay qaaraan macno leh oo uu qoraageedu, Sakariye Cismaan, ku darsaday maktabadda af Soomaaliga iyo dhaxalka qoraal ee Soomaalida. Waxaan buuggan oo ah curudka waxsoosaar ee Sakariye u rajaynayaa daaddah xasilan, hanaqaad dardar leh, iyo tabargal raandhiis dambe leh oo jiilasha soo socda ay u aayi doonaan. Shaakir Maxamed Cabdullaahi Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi mucaarad ayaa maanta gaaray heshiis cusub, xilli maalmihii dambe ay ku kala aragti duwanaayeen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood. Kulan maanta ay ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa waxay dhinacyadu iskula qaateen in arrinta Laascaanood si nabada lagu dhameeyo, islamarkaana laga fogaado wixii colaadda sii hurinaya. “Shir Qaran oo maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Wadani ayaa waxa lagu go’aamiyay in arrimaha Qaranka si wada-jira loo wajaho lagana wada tashado,” ayaa lagu yiri qoraal lagu shaaciyay go’aamada kasoo baxay kulankaan. Sidoo kale waxaa kulanka maanta ay yeesheen mucaaridka iyo xukuumadda is-afgarad looga gaaray khilaafka doorashada, kaasi oo loo xil-saaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si loo sii amba-qaado kulan heshiis kama dambeys ah looga gaarayo arrintaan. “Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiina xabad joojinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabad joojinta.” Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarid ayaa waxa kale oo ay isla qaateen in loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhaqsaha badana kaalmo loo gaarsiiyo. Xukuumadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka. “Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah. “Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.” Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonti, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen arrintaan. Arrimahan ayaa imanaya, ayada oo dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland. The post Mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland oo go’aan ka gaaray xaaladda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Go’aamo Ka Soo Baxay Shirkii Qaran ee ka Qabsoomay Madaxtooyada JSL ku dhexmaray Madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka. 1. In arrinta Laascaanood si nabada lagu dhammeeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurin kara. 2. Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiinna xabbad joojinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabbad joojinta. 3. In Khilaafkii doorashooyinka laga wada hadlo, si xal looga gaadho, iyadoo loo xilsaaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si ay u soo ururiyaan talooyinka kulanka kan xigana u soo muddeeyaan. 4. In loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhakhsaha badanna kaalmo loo gaadhsiiyo. 5. In arrimaha Qaranka si wada jira loo wajaho lagana wada tashado. Qaran News
-
The Waddani party of Somaliland has applauded the announcement made by the minister of information last night declaring the unilateral, unconditional ceasefire and urged the warring sides to accept peace talks. The Chairman of the Party, Hirsi Ali Haji Hassan said in a facebook post that his party is ready to be part of the efforts to bring together all sides on the negotiation table to resolve the contention and avoid further armed conflicts. Last night, Somaliland government said they made the unilateral ceasefire to minimize the casualties caused by the armed conflict and pledged to sit with the other side for peace talks if they endorse it. Qaran News
-
Two points that emerged from the meeting between President Bihi and the Leaders of the Opposition Parties In the meeting held this morning between the President of Somaliland and the opposition parties, only two points were discussed. The first point was the situation in Lascaanood, and the opposition parties recommended that the shooting should be stopped and that it should be resolved only through dialogue. The second point, which was the issues of the elections, was discussed for a long time. A committee of 9 members has been appointed and each party will nominate 3 members each. The work of the committee will only be to prepare the time for the meeting to reach a full agreement on the issue of elections. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa la hor-geeyay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo uu horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada. Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayaa sidoo kale waxaa dhawaan meel-mariyay Golaha Shacabka, ayada oo marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA. Kulanka maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa sharcigan lagu marsiiyay akhrinta koowaad, ayada oo kadib guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim uu faray guddiga golaha ee shaqada sharcigan u xilsaaran ay la wareegaan sharcigaas kana soo shaqeeyaan. Wasiiru-dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo golaha khudbad ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyad ay leedahay in 53 sano kadib ay NISA yeelato sharci rasmi ah. “Faa’iidada uu sharcigan leeyahay waa in lala xisaabtami karo hay’adda, qoddobada ugu muhiimsan ee sharcigan tilmaamayo waxa kamid ah in hay’adda aysan qofka hayn karin 48 saac kabadan, in hay’addu ay xiri karin qofna waaran maxkamadeed la’aan iyo in hay’addu aysan yeelan karin xabsiyo qarsoodi ah oo dadka ku xirto,” ayuu yiri. “Qoddobadan waa kuwii ku suntana tacadiyadii lagu geystay magaca hay’add, sidaas darteed ayaa sharciga loogu cadeeyay in laga saaray si aad uga xisaabtantaan idinka iyo shacabka Soomaaliyeed.” Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale waxa uu mudaneyaasha golaha ka codsaday in ay sharcigan siiyaan kalsoonidooda, si uu unoqdo mid dhaqan-gala oo ay hay’addu ku shaqeyso. “Waxaa maanta haysana fursad qaali ah oo aynu mustaqbalka dalkeena ugu horseedi karno nabad, barwaaqo iyo horumar. Haddaba si aan yoolka u gaarno waxa loo baahan yahay in aan seeska iyo salka u dhigno sharciyadii ay ku dhismi lahayd dowladnimada cusub ee Soomaaliya.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa taariikhda ku gali doontaan la idinkuna xasuusan doonaa in aad noqon doontan kuwii u horeeyay ee hay’addan sharci u sameeya.” The post Sharciga NISA oo Aqalka Sare la horgeeyay – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – The fragile ceasefire in Laascaanood, in northern Somalia, was shattered on Saturday, mere hours after its declaration by the Somaliland authorities following five days of heavy fighting. Reports indicate that an intense battle is currently underway between the forces of Somaliland and the local forces, with both sides utilizing various weapons, resulting in casualties and injuries. The Somaliland government has accused the SSC-Khatumo forces of launching an attack on its military base on the outskirts of Laascaanood, which prompted a defensive response from the Somaliland military. The Ministry of Internal Affairs of Somaliland released a statement that “terrorist elements attacked the military base” and that the military successfully defended itself and regained control of the situation. However, traditional elders in the region dispute this account, asserting that the Somaliland forces initiated the conflict by invading the area and that peace can only be restored if the Somaliland troops withdraw. Abdirisakh Mohamed Hassan, the spokesperson for the 33-member committee coordinating the Laacaanod meeting, accused the Somaliland government of exploiting the ceasefire as a guise for launching new assaults. The conflict in Laascaanood was sparked by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member in late December, which was attributed to Somaliland, leading to a rise in violence and casualties. The battle between Somaliland forces and militiamen has resulted in at least 58 fatalities and the injury of over 150 individuals, with reports of homes and health centers being shelled during the conflict. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has yet to receive widespread international recognition for its status. It has faced opposition from some clan elders in disputed areas along its border with Somalia’s semi-autonomous Puntland state. In response to the escalating crisis in Laascaanood, The Bureau of African Affairs of the US Department of State released an official statement declaring that the “indiscriminate targeting of civilians is intolerable and must be brought to a halt.” The US government has called for an immediate cessation of violence in Laascaanood, protection of civilians, unrestricted access for humanitarian aid, and a peaceful resolution through dialogue. The post Ceasefire in Laascaanood shattered, intense battle ongoing appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxda Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taala degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Al-shabaab ayaa labo gaari oo walxo qarxa lagu soo raray ku qarxisay afaafka xero ciidan oo ay wada daganaayeen ciidamo ka tirsan dawladda federaalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland. Gudoomiyaha degmada Afmadoow Maxamed Amiin Cabdillaahi Cismaan oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aydan jirin wax dhimasho ah oo weerarkaasi uu sababay, balse ay jiraan dhawaacyo soo gaaray askartii xeradaas joogtay. PUNTLAND POST The post Jubaland: Al-shabaab oo weerartay xero ciidan appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland soldiers were attacked on Saturday by militia, state television reported, despite a ceasefire imposed after heavy fighting earlier this week in the breakaway state. Somaliland, which has claimed independence from Somalia since 1991, has never been recognised internationally, but is often seen as a beacon of stability in a chaotic region. However, political unease has surged in recent months, and this week the UN said at least 20 people were killed after fighting erupted between government forces and militias in the contested town of Las Anod. The town is claimed by both semi-autonomous Puntland — a northern state in Somalia — and Somaliland. Abdiqani Mahamoud Ateye, Somaliland’s defence minister, on Friday announced on Twitter an “unconditional ceasefire.” However, Somaliland National TV reported on Saturday that the army in Las Anod had been “attacked by terrorist militia.” “The National Army successfully defended themselves from the attack and are currently on high alert in their military base in Las Anod,” the broadcaster wrote on Twitter. The head of the militia held a press conference on Saturday, accusing the Somaliland army of instigating the latest violence. “They have announced a ceasefire last night but started the fire this morning and are shelling the town,” said Garad Jama Garad Ali, adding that a doctor had been killed. UN High Commissioner for Human Rights Volker Turk said Tuesday that the outbreak of violence came “just a month after at least 20,000 people were displaced by clashes” in the disputed town. Control of Las Anod, located along a key trade corridor, has changed hands several times in recent decades. Guardian Nigeria Qaran News
-
Tirada dhimashada ee dadka ku waxyeeloobay Turkiga iyo Suuriya ayaa mareysa in ka badan 24,000,iyadoo dadaalka samatabbixinta ay weli ka socdaan labadaasi dal. Tirada dhimashada Turkiga ayaa gaartay 20,665 Sabtidii halka in ka badan 3,500 ay ku dhimatay Suuriya. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 5.3 milyan oo qof oo Suuriya ku nool laga yaabo in ay hoy la’aan yihiin , halka ku dhawaad 900,000 oo qof ay u baahan yihiin cunto kulul oo degdeg ah oo la gaarsiiyo Turkiga iyo Suuriya. Dowladda Suuriya ayaa ogolaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo goobaha dhulgariirku ku dhuftay ee ka baxsan gacantooda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Turkiga ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu u furi lahaa laba waddo oo cusub oo loo maro qaybaha ay fallaagada gacanta ku hayso ee Suuriya. PUNTLAND POST The post Dad ka badan 24,000 oo ku dhintay Dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Laba qodob oo ka soo baxay Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka Kulankii saaka dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ayaa lagaga wada hadley labada qodob oo kaliya . Qodobka koowaad ayaa ahaa xaalada Magaalada Laascaanood, waxaana ay xisbiyadu mucaaridku ku taliyeen in xabada la joojiyo oo arintaas lagu dhameeyo oo kaliya wada hadal . Qodobka Labaad oo ahaa arimaha doorashooyinka ayaa doodiisu aad u dheeraatey , ayaa madaxweyne Biixi markii ugu horeysay ogolaadey in khilaafkaas dhameyntiisa laga wada hadalo Waxaa la magacaabey guddi 9 Xubnood ah oo xisbi waliba uu soo magacaabi doono min 3 xubnood . Shaqada Guddidaas ayaa waxaa ay noqon doontaa oo kaliya inay so diyaariso xiligii la isku iman lahaa ee arinta doorashooyinka heshiis buuxa looga gaadhi lahaa Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday Somaliland. Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo idlaaday shirka Isimada ayaa wuxuu sheegay inay marka hore soo dhaweynayaan go’aanka kasoo baxay xukuumadda Somaliland. Garaadka ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin dad qaadan kara xabad joojin, hase yeeshe ay marka hore rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada Laascaanood, islamarkaana raali-gelin uu maamulku ka bixiyo in uu argagixiso ku tilmaamo. “Haddii xabad joojinta dhab idinka tahay ciidankan aad magaalada ku caburineysaan ee ku duqeynaysaan ku laynaysaan dadka. Dad ciidankooda u taliya nahay oo fulin kara xabad joojin laakiin ficilkiina idinkama muuqato xabad joojintii xalay jeediseen,” ayuu yiri. Garaad Jaamac ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Somaliland ay dadka magaalada iyo dhaqankeeda ku tilmaaman argagixiso. “Xabada iyo hadalka xumi waa isku mid, hadaanu hadalka xumi fogeyn. Waa Argagixiso raali-gelin ka bixiya, ciidankiina ka saara oo ka fogeeya meesha ciidankayaga iska gaarayaan.” Xukuumadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka. “Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah. “Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.” Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonti, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen arrintaan. Arrimahan ayaa imanaya, ayada oo dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland. Illo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac. Somaliland oo ka hadshay dagaalka saaka dib u qarxay ayaa waxay sheegtay in la weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland. Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas. The post Isimida Laascaanood oo laba shardi ku xiray dhaqan-gelinta xabad joojinta Somaliland appeared first on Caasimada Online.
