-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping, inta uu ku guda jiro safarka saddexda maalmood qaadanaya ee uu ku tegayo dalkaas, maalinta Salaasada. Iran iyo Shiinaha oo ay is-hayaan dalka Maraykanka, ayaa doonaya inay kor u qaadaan iskaashiga ka dhexeeya labada dal. Hua Chunying, afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Shiinaha ayaa arrintan shaacisay, Axaddii iyada oo sheegtay in safarkani ka dhashay ka dib markii madaxweynaha dalka Shiinuhu uu martiqaad rasmi ah u fidiyey dhiggiisa dalka Iran. Madaxweynaha dalka Iran iyo weftiga la socda ayaa heshiisyo kala duwan la saxeexan doona dhiggooda dalka Shiinaha, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA. Sidoo kale waxaa safarkan qayb ka ah, kulamo dhex mari doona ganacsatada labada dal. Shiinuhu waa dalka iibsada shidaalka ugu badan ee dalka Iran, isaga oo sidoo kalena maalgashiyo badan oo muhiima ku sameeyey dalalka bariga dhexe. Sannadkii 2021, dalalka Shiinaha iyo Iran, waxay kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo soconaya 25 sannadood, kaas oo ku saabsan, dhinaca dhaqaalaha, shidaalka, macdanta, wershedaha, gaadiidka iyo beeraha. Dalalka oo xifaaltan badani ka dhexeeyo Maraykanka, ayaa doonaya inay si iskood ah isu meeleeyaan, iyaga oo taageero ka helaya dalka Ruushka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saaka koox hubeysan ay ka fulisay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Imaam Masjir oo magaciisa lagu koobay Sheekh Mukhaar, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Marxuumka ayaa xilliga la dilayay kasoo baxay Masjidka Maqaamul Ibraahim ee ku yaalla agagaarka Jaayga degmada Wadajir oo uu Imaam ka ahaa. Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay ku hubeysnaayeen Bistoolado, isla-markaana ay si deg-deg ah goobta uga baxsadeen, kadib toogashada. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay u soo qabteen toogashada loo geystay Imaamnka oo caan ka ahaan degmada Wadajir. Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada xigay. Dhanka kale ma jirto illaa iyo hadda cidda ka dambeysay dilka marxuumka, ma cadda sababta loo beegsaday ee keentay toogashada loo geystay. Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii lasoo dhaafay. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal culus oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka ayaa culyes xoogan soo saartay Muqdisho. The post Imaam Masjid oo lagu dilay magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Kismayo (HOL) - Somali National Army, backed by Jubbaland regional state forces, retook Qunbi village in Lower Jubba region on Sunday, where al Shabab had a major base. Source: Hiiraan Online
-
Dagaal xooggan ayaa saaka ka socda hareeraha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dagaalkaas oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogagga Daraawiishta SSC ayaa galay maalintii sideedaad oo xiriir ah. Ciidamada degaanka ayaa sida wararku sheegayaan saaka magaalada ka difaacay weerar culus oo Ciidamada Somaliland soo qaadeen. Dhamman dadaalladii Nabad-raadinta aya sidoo kale fashilmay kadib markii Taliska Muuse Biixi diiday in uu Ciidankiisa ka dul qaado Laascaanood. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo maalintii sideedaad ka socda hareeraha Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
35 sanno ka hor waxa aan ahaa gaban da’ yar oo hirka keliya ee nolosha uga muuqdaa uu yahay, timaaddo badhaadhe iyo barkhad xambaarsan. Gar baanan u lahaa oo waxa keliya ee ii muuqday ayaa ahaa farxadda ka dhex jirta afarta derbi ee gurigayaga. Nasiidarro se, mar keliya ayaa madaxii dunidaydii yarayd mijo loo rogay. Maalin salaasa ah, xilli waagii la dhowrayo, ayaa aan ku sasay daryanka madaafiic dayaankooda ay buuraha Hargeysa isu celinayeen, laakiin jiilka iga weyni ilama uu qabin cabsida aan la dubaaxinayey. Waxa aan xasuustayda ka go’in farxadda ay hooyaday qarsan kari la’ayd iyo raynraynta durbadiiba saaqday aabahay (AHUN) oo nagula joogay fasax uu shaqo Sucuudiga ah kaga yimid. Imika garaadkaygu waa uu garan karaa sababta farxaddaas. Waxa aan xasuusanahay rag kabo qadha iyo labbis cabsi leh gashan oo ku gaashaaman qoryo ay dhan kasta u fiiqayaan. Si naxariis la’aani ka muuqato ayaa habeen badhka inta ay guriga soo galaan, ay meel kasta fatashi jireen. Waxaa maskaxdayda ku xardhan magaca argagaxa abuurayey ee hooyo ugu yeedhi jirtay, marka ay albaabka harraati ku garaacaan, ‘Waa Roondadii’. Waxa aan arki jiray hooyaday oo habeen kasta cod aad u gaaban ku dhegeysanaysa idaacaddii ay jeclayd ee ‘Radyow halgan’. Waxa ay joogto ugala socon jirtay wararka qolo aan markaas u aqaannay ‘KULMIS’, aanse gadaal ka bartay in ay SNM ahaayeen. Waana kuwa ay habeenkan weerarkooda Hargeysa ku faraxsanayd. Lama aan yaabi jirin sababta ay hooyaday codka idaacadda u gaabinayso, waayo in badan ayaan ka maqlay iyada iyo Haweenka deriska oo xan isugu sheegaya, guryo ay xuuraanka dawladdu habeennimo daaqadaha ka dhegeysteen. Waxa aan ogahay in maamul xumada iyo arxandarrada keli talisnimadu ay yihiin, sida dawo suuxdin ah oo inta ay qofka xiskiisa seexiso, ka daboolaysa cawaaqibka colaadaha ka dhasha. Waa suuxdinta habeenkaas keentay aabo oo khaliijka barwaaqada ku nool ka xoogsanayey iyo hooyo oo ladnaan gurigeeda ku fadhiday, in ay haddana urta baaruudda ku farxaan. Labadayda waalid oo keliya ma’aha ee dadka inta iga weyn oo dhammi, waxa ay filayeen rasaas maalmo yar ku dhammaata iyo badhaadhe dambe oo laga durduuran doono. Ma se’ ay noqon oo dhimbiishii maalintaas qaraxday, dabkeedii illaa maanta waa uu ka shidan yahay jasiirad la moodka Soomaalida oo dhan, waaba haddii aanu ka gudbin xuduudaha geyiga Soomaaliyeed. Anigu aan ba’ayga badhkii ka warramo, xabaddii Dhuunta qoriga ka baxday, waxaa ay ii bilowday bog cusub oo xanuun, gaajo, guura bahalayn, cabsi, silic nololeed iyo saxariir badan. Hoy la’aan uu gudguduhu banka xarshimeed nagu mirto, dhaxanta bannaanada dulcad taalla ee dadkii ka yaabay, dameeraha in ay disho sheegeen, oo dugsi la’aan nagu hesha, iyo waayo aanan ka warrankooda imika u I taal haynin. Marar baan idhaahdaa, aafadii jiilkaagii heshay, waxa ay ku mutaysananayaan in lagu magacaabo, ‘Facii ayaan-daran’. Marna maan filayn in ilmo da’daydaas ah ay duruufuhu ku kallifi doonaan in socdaal aan hakad lahayn uu lug ku maro masaafad aan ka yarayn 350 km. Waa socdaal wareeg ah oo ka bilowday Naasa hablood oo Hargeysa ah, jihada hawdna kaga imanaya magaalada Xarshin, kaddib inta uu maro Harta Sheekha u gudbaya Dulcad oo ahayd xeradii qaxoontiga ee aan ku barbaari doono. Dadka aan ka dhashay, ladnaanta ay haysteen waa tii bartay in qaxoontiga ay u yaqaannaan magaca ‘Caydh’, laakiin markan waa iyagii oo xeryihii caydhu ay magan iyo nolol raaxo leh u noqdeen. Duruufahaas aan ka warramay nimco lagu dakeeyo ayaa ay noqon lahaayeen, haddii aanay raad kaga tegi lahayn noloshaydii dambe oo dhan. Waxbarashadii oo burburtay, tobannaan jeerna u kala guurtay manhajyo ku qoran Af Amxaari, Carabi, Soomaali iyo, Ingiriisi oo dugsi hoose / dhexe kaddib, aad suuqa is waajahaysaan. Waa sababta keentay in aniga oo ku dhowaad 10 sanno shaqaynayey aan shahaadada koowaad ee jaamacada helo, xilli ubadkaan dhalay ay arday yihiinna aan Master dirqi ku haabhaabto. Waan se ayaan badnaa anigu!, saaxiibbo badan ayaa colaaddaas ama cawaaqibkii ka dhashay ku naf waayey ama laxaadka beelay, Tobannaan facaygii ah oo daroogada bartay ayaan aqaannaa, tiro la mid ah oo nolol taydii dhaanta raadinaya, ayaa bahalaha biyo ku noosha ahi, ay badaha ku calafsadeen. Waxaa ka sii xanuun badan, tiro kale oo duruufa qof looga warramay aanu xanuunkooda dareemi karini, ay badeen cudurrada dhimirka, maantana iyaga oo maryaha dhigtay suuqyada wareega. Sheekadan weli sidii ay mudnayd ugama aan warramin, in aan wax ka qoraana waa lama huraan, waxa se maanta intan I xasuusiyey carruurta rubuc qarni iyo badh kaddib, weli duruufihii kuwo u eeg sabab aan taas hore dhaamin ku mutaysanayaan. Waxaa murugo igu haya, in dadkayga uu weli hormuud u yahay caqli ogolaanaya in aragtiyo siyaasi ah iyo kala duwanaanshiyo fikir awgood uu fac kale u maro giraantii ayaandaran. Waxaa xanuun igu haya qoysaska noloshoodii hadda uun yabyabtay, aabayaasha ubadkooda duruufaha adag ku korinayey, hooyooyinka agoonta haystay iyo jiilka dhan ee mar kale ay u bilaabatay meerto nololeed oo aan si fiican u garanayo xanuunkeeda. LAASCAANOOD ALLAHAYOOW KA DHIG XERO NABADEED. W/Q Kamaal Marjaan Source
-
One of Africa's most prestigious universities has banned those attending its graduation ceremony from carrying phones, cameras and video cameras, according to a statement. Source: Hiiraan Online
-
Real Madrid has won the Club World Cup for a record-extending fifth time after beating Saudi Arabia’s Al-Hilal 5-3 in the final in Rabat, Morocco. Source: Hiiraan Online
-
Kenya successfully made a case for the need to reform the United Nations peacekeeping operations to make them more responsive to current and emerging dynamics on local conditions, the country’s Deputy Permanent Representative to the United Nations Amb. Michael Kiboino has said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ahaa culimadii sida dhow ula shaqey jirtay dowladdii Farmaajo ayaa markii ugu horeysay shaaciyey talo uu Fahad Yaasiin siiyey intii aan Baydhaba laga soo xirin Sheekh Mukhtaar Roobow. Sheekh Cali oo wareysigaan siiyey Weriye madax-banaan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Faracade ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu habeen la kulmay, isla markaana uu kala hadlay arrinta Sheekh Mukhtaar oo markaas musharax ahaa. Wuxuu sheegay in Fahad uu ka dalbaday in isaga iyo Sheekh Bashiir ayaa la hadlaan saaxiibkooda Mukhtaar Roobow oo doorashada ay ka reebaan, maadaama ay halkaas geysanayaan madaxweyne ay wataan. Markii uu Wasiirka amniga soo saaray warqadda Sheekh Mukhtaar loogu diiday doorashada K/Galbeed ayuu sheegay Sheekh Cali Wajiis inuu la xariiray Fahad oo markaas uu soo jeediyey in Sheekh Mukhtaar loo magacaabo Wasiirka diinta ee dowladda dhexe, isla markaana uu ogolaaday Fahad Yaasiin. Hase yeeshee wuxuu sheegay in diidmo adag uu kala kulmay Sheekh Mukhtaar oo Baydhaba ku sugan, isagoo u cadeeyey in Fahad iyo Farmaajo uusan aami doonin oo dhowr jeer ay balan uga baxeen. “Fahad wuxuu i yiri hadda ku soo qanci Sheekh Mukhtaar wasaaradda diinta, isagoo Baydhaba jooga ayaan u magacaabeynaa, markaas waxaan wacay Sheekh Mukhtaar, anigoo ka qarinaya in Fahad aan wadahadalnay ayaan ku iri ninyahow maamul waxaba haku faline, waxaan ka culumo ahaan ku tashanay in wasaaradda diinta lagu geeyo,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Balse wuxuu sheegay in diidmo adag uu kala kulmay Mukhtaar Roobow, “Wuxuu I yiri Sheekh nimankaas wax dambe kuma darsanaayo, mana aaminaayo mar dambe, xitaa hadii ay i dhahaan R/Wasaare ayaan kuu magacaabeynaa,” ayuu yiri. Sheekha oo sii hadlaayey wuxuu sheegay in Mukhtaar Roobow uu xiligaas uga digay qataraha ku soo wajahan, maadaama ay kooxdii Farmaajo aad u diidaneed inuu u tartamo kursiga madaxtinimada K/Galbeed. “Wuxuu xiligaas Mukhyaar Roobow iigu jawaabay aniga afar xaaladood ayaa igu imaa karta, 1-in doorashada aan galo oo ku guuleysto, 2-inaan tartamo oo la iga guuleysto oo sidaas aan ku qanco, 3-in Baydhaba la igu dilo, 4-iyo in anigoo katiinadeysan Muqdisho la iga dejiyo, waan la yaabay maalintaas, waxayna noqotay in Muqdisho lagu soo xiro oo xaaladii oo qodobkii 4-aad uu la kulmo,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Waxaa xusid mudan in markii lasoo dhisay dowladaan Madaxweyne Xasan Sheekh deg deg wasiirka diinta loogu magacaabay Mukhtaar Roobow oo ku jiray xabsi ay gelisay dowladdi Farmaajo, wuxuuna hadalka Sheekh Cali Wajiis daaha karogayaa suurta galnimada in talo ay bixiyeen culumada lagu soo magacaabay Sheekh Mukhtaar. Hoos ka daawo The post Cali Wajiis oo shaaciyey xil uu Fahad ‘u ogolaa’ Mukhtaar Roobow intii aan la xirin appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ka badan shan iyo toban sano ayay dalka iyo dadka dhibaato adag ku haysay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, waxaana hadda isbedel xoog leh oo dardar ku socda laga dareemayaa howl-gallada lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta arxanka daran, kuwaas oo laga saaray deegaanno badan oo ka tirsan dalka. Si aan loo fahmin dhagarahooda waxay kooxahan soo dhaweysteen cid walba oo aan lahayn aqoon Diineed iyo mid maadi ah, kuwaas oo ay ka dhigeen madaxdii xukumi lahayd bulshada Soomaaliyeed ee qadarisa dhaqankooda iyo Diintooda. Waxaad isweydiineysaa maxay tahay sababta ay u dhisan yihiin Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee Khawaarijta ee laga hor wareejinayo caqabadii ay ku hayeen Diinta, dhaqanka iyo horumarka?. Maxamed Cumar Abuu Ayaan ayaa su’aashan hordhignay “Waa inaan ummaddeyda u naxaa, Ummadeyda muslimiinta ahna waa inaan u sheegaa wax haba yaraatee Diin ah u socon, oo wanaagooda u socon, Waxaan ka aamisanahay in ay yihiin dad la soo shaqaaleystay oo ummadda muslimiinta Soomaaliyeed ka hortaagan in ay marnaba nabad helaan oo midoobaan, oo dowladnimadooda u soo laabato kana baxaan qaxootinimada iyo dhibaatada,” ayuu yiri Abuu Ayaan. Qof waliba oo Soomaaliyeed waxa uu si cad u og-yahay dagaalka Al-Shabaab ay ku hayso Diinta si bulshada u fasahaadiyaan, waxaase ka sii daran dagaalka aan la ogeyn oo ay ku hayaan dhaqanka Soomaaliyeed. Mid kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa cabiraya sida Shabaab iyo kooxaha Khawaarijta u marin habaabiso una caburiso bulshada iyo dadka hormuudka u ah, “Qabiil dhanaa loo tegayaa, kan dadka ugu jaahilsan ugu caraabisan ama ugu dhalinyar aa kaaba qabiilka looga dhigaa, cuquladadii dadkaasi, waxgaradkooda midna waa la eryay, midna xabsi ayaa la geliyay.” “Waxaan arkay 80-sano jir dhahaaya toddoba jeer ayaa xabsi galay, waxaana arkay todobaatan iyo dhowr jir dhahaayo toddoba sano beledkan ka maqnaa amar ayaa la igu siiyay inaan ka baxo.” Dulmiga aan ka soo sheekeynay waxaa laga dareemay qoys kasta oo Soomaaliyeed sida uu qabo Sheekh Ibraahim Maxamed Kulmiye. “Qoys maanta ummadda Soomaaliyeed oo dulmiga Khawaarijta uusan gaarin lama soo helaayo si taban ama si togan ayay ummadda Soomaaliyeed u wada dhibaateeyeen.” Iftiiminta aan ku sameynay Shabaab iyo kooxaha lamidka oo ah in ay yihiin duul u shaqeynaya quwada kale, waa mid aan ku dooneyno in ay ku sii baraarugaan bulshada ka kacdoontay dhagarta xadka dhaaftay ee ay mudada badan ku hayeen. Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa dhawaan kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanno iyo degmooyin badan oo muddo ka badan toban sano gacanta ay ku hayeen. Kooxda ayaa waxaa laga dilay horjoogayaal sar-sare intii uu dagaalka socday. Sidoo kale waxaa xoogaystay kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ay kaga qayb qaadanayaan hawl-galka lagu cirib tirayo kooxaha Khawaariijta. The post Wax ka ogow sheekada ku hoos qarsan dagaalka Shabaab ay wado sanadaha badan appeared first on Caasimada Online.
-
Waa maxay sababta Shaybaadhka Tayada Somaliland loogu wareejiyay Shirkadda gaarka ah ee COTECNA ? 15 March 2022, Wasaaradda Ganacsiga Somaliland waxay ku wareejisay Shirkadda COTECNA si ay u hubiso Tayada Cuntada, Daawada iyo agabka la isku qurxiyo (Cosmatics) Shirkadani waa mid Ajinabi ah, ma jiro tartan la shaaciyay oo lala galay waxa waajib ah in ay ansixinta heshiiska la geeyo Golaha Wakiilada Somaliland sida ku cad Dastuurka Somaliland Qodobka 53(3) lama fulin ! Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu xadhiga ka jaray 14-09-2022 Shaybaadhka casriga ah ee hubinta tayada cuntada, daawada iyo agabka la isku qurxiyo (Cosmatics) oo Malaayin Dollar ku baxday, waa maxay sababta loogu baahday Shirkad ajaanib ah? maxaa loo galay kharashka? Shirkadan maxaa lagu xushay? yaa wakiil ka ah? qiimaha iibka Badeecadaha sidee ayay u saamaynaysaa ? Hadda Saraakiisha joogaa marinada wax kasoo degaan waxay u baadhaan hab la eego Date-ka iyo dusha sare ee Alaabta soo degtay waxa laga qaadaa Koontinar kasta $7, Alaabta aan ku jirin Koontinar ee saaran Doon ama Markab waxa laga qaadaa $180, Lifaaqa hoose ka eeg COTECNA ? https://www.cotecna.com/…/somaliland-appoints-cotecna… Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
-
Kadib dagaal aad u qaraar oo geystay khasaare dhinacyo badan ah oo muddo 5 maalmood ah ka aloosnaa magaaladda Laascaano, madaxda maamulka Somaliland ayaa kudhawaaqay xabbad joojin aan caga adag kutaagneyn misna hal dhinac ah oo aan wax sharuud ah ku xirneyn, taasoo wali hogaanka dhaqanka bulshada reer Laascaano ka fakarayaan sugnaanteeda. Sida muuqata, dagaalkan ma uusan aheyn mid ay horey usii qorsheeyeen ciidamada maamulka Somaliland iyo shacabka deegaankuba, balse waxuu u muuqday mid si dhaqso ah uga dhashay falal guracan oo maamulka Somaliland kagaabsan karay oo lagula kacay bulshada deegaanka Laascaano oo horey tabanaayey daruufo iyo tabashooyin dhanka nolosha ah oo uusan maamulka Muuse Biixi iyo madaxdii asaga kahoreysay-ba aysan siin mudnaantii ay laheyd. Hadaba, marka lagasoo tago gaabiska siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay mudada dheer bulshada gobolka Sool cod dheer iyo mid gaaban-ba kumuujianayeen, waxaa sidookale in ladarso u baahan waxa sababay guuldaradda ay ciidamada maamulka Somaliland kala kulmeen dagaalkii 5ta maalmood kasocday magaalada Laascaano. Ciidamada Somaliland waa ciidan ugu yaraan leh tababar ciidan ayna u dhmaeystiran yihiin dhamaan agabkii iyo saadkii ciidan-nimo marka laga reebo diyaaradaha dagaalka. Waxay Laascaano kula dagaalameen dad u badan shacab oo hubka u qaatay caro ay kaqaadeen falalka xoog sheegashada ah ee ay ciidamada Somaliland kula kaceen bulshada Laascaano. Gacanka kahadalka ayaa durbadiiba salka lagalay mid qabaa’il, taasoo dab kusii daartay culeyskii taagnaa. Hadaba inuu ciidanka Somaliland ku guuldareysto inuu ka libin keeno dagaalkaas waxaa lagu macneyn karaa; a) – Ujeedka dagaalka oo aan kala cadeyn (target-less war): marka la eego dhinaca bulshada deegaanka Laascaano waxuu dagaalku ula muuqday inuu yahay mid xaq ah oo lagusoo weeraray naftooda, maalkooda iyo sharaftooda, qofkii kadhintana yahay xaq u dirir sharaf ku dhintay halka midkooda nool xoriyad kunaaloon doono hadii uu waqtigu u saamaxo. Dhanka maamulka Somaliland, maadaama uusan dagaalku aheyn mid horey usii qorsheysnaa laakiin kubilowday si lama filaan ah, waxay adkeysay inay ciidamada maamulka Somaliland fahmaan ujeedka laga leeyahay dagaalka iyo yoolka la tiigsanayo ee ay u dhimanayaan kadib 20 sanno oo ay horey gacanta ugu hayeen gobolka Sool. b) – Dagaalkan oo aan taageero kufilan kahaysan gudaha Somaliland qudheeda: tan iyo markii uu bilowday dagaalkan, waxay bulshada degta Somaliland ku kala qeyb-sanaayeen aragtida dagaalka, bulshada inteeda badan waxay dadka kasoo jeeda gobolka Sool u garanayaan inay yihiin dad qeyb-weyn kulahaa halgankii gooni iskutaaga gobolada waqooyi iyo yagleelkii maamulka Somaliland balse aanan loogu hambeyn sidii ay u miiseen, sidaas darteedna ay tabashadoodu tahay mid in loo garaabo mudan. Hadaba, maamulka Muuse Biixi waxuu galay dagaal aanan haysan taageerada dadweynaha marka labarbar-dhigo dagaaladii hore ee kadhacay degaanka Tukaraq oo dadweynuhu kugarab taagnaa dowladda iyo ciidankooda. Tan ugu daran ayaa ah In dadweynaha Somaliland u arkaan hogaanka Muuse Biixi mid cuuryaamiyey hanaankii qori isku-dhiibka ahaa ee kudhisnaa doorashada iyo dimuquraadiga una xuub-siibtay xukun caburin iyo awood marooqsi kusifoobay. c) – Ciidanka Somaliland oo aan u baran dagaalka magaalada dhexdeeda ah: ciidanka Somaliland waa ciidan sida kamuuqata haysta agabka xoog leh oo ah kuwa loogu jecel yahay deegaanka Soomaalida, laakiin waa ciidan waaya aragnimadiisu u carbisan tahay dagaalada foolka foolka ah ee ciidamada fadhiisimada cayiman oo lagu garto leh (conventional war). Sidaas darteed maadaama uu dagaalku ahaa mid ka dhacayey magaalo iyo xaafado dhexdooda, waxaa adag inaad kala garato cadowgaaga iyo saaxiibkaa, waayo waxaa suuragal ah inay xabbadu albaab walba kaagasoo dhacdo. Dagaalada noocan oo kale ah wey adag tahay in laga libin keeno, hadii aadan haysan taageerada bulshada deegaanka. d) – Qayimka ay labada ciidan kudagaalayaan oo kaladuwan: ciidamada u dhashay magaalada ee la dagaalamayey kuwa Somaliland waxay ahaayeen ciidamo kudagaal galaya magaca qabiilka ama qabiilada degan deegaankaas, taasoo u sahashay inay ogaayeen qolada ay iyagu yihiin iyo qolada ay la dagaalamayaan, balse dhanka ciidamada Somaliland waxaa kajiray jahwareer cida ay ayagu yihiin ah maadaama uu maamulka diidanaa inuu si qayaxan u sheegto inuu magac reer-nimo kudagaal galayo ama duulaan kuyahay qabiil gaar ah oo Somaliland qeyb ka ah, waana sababta keentay inuu maamulka Somaliland dhankii ladagaalayey ku tilmaamo argagixiso. Arrintan waxay saameyn kuyeelatay askartii maamulka Somaliland oo ku wareeray dhab ahaanta cida ay la dagaalamayaan iyo magac bixintan cusub oo aan maangal ula muuqan. e) – Cadaadiska beesha caalamka oo xoogeystay: maamulka Muuse Biixi waxuu qaaday talaabooyin faraban oo uu kudoonayo inuu xalaaleeyo ama sharciyad u helo dagaalka Laascaano sida in Somaliland lagusoo duulay ama argagixiso ay kadilaacday Laascaano, laakiin taas badalkeeda caalamku waxuu arkayey ciidamo si aan kalasooc laheyn u duqeynaya magaalo dhan iyo shacabkeeda, sawirkaas waxuu horseeday in madaxweyne Muuse Biixi loo arko in maamulkiisu kukacayo waxii uu ku eedaynayey xukunkii Kacaan ee Maxamed S. Barre (the old victim, victimizing others). Taas waxay horseeday inay sii xoogeystaan baaqyo iyo canaan is-daba joog ah oo loo jeedinayey maamulka madaxweyne Muuse Biixi oo ugu danbeyntiina gartay inuu xabad joojin sharuud la,aan ah ku dhawaaqo. Maxaa lagudboon maamulka Muuse Biixi? Maamulka Muuse Biixi waa inuu gartaa xaqiiqda maanta hortaala oo ah in dadka dega gobolka Sool ay kumideysan yihiin halgankan ayna luntay fursad kasta oo ay qeyb uga ahaan lahaayeen maamulka Somaliland dagaalka kahor. Maamulka Somaliland waxaa maanta lagudboon inuu xal nabadeed iyo daris wanaag ah lagalo hogaanka bulshada Sool ayadoo aanan cidna lagu qasbin qadiyada kamid ahaanshaha Somaliland waqtigan. Waa inuu maamulku hoos u eego xiriir waalidnimo, walaalnimo ama xididnimo ee kadhaxeeyo laba bulsho islamarkaana abuuraa jawi lagusoo nooleynayo wada noolaanshihii qarniyada jirtay ee bulshada laba dhinac. Maamulku waa inuu aqbalaa inay jirto xiriir kafac-weyn midka siyaasadda oo bulshadan kadhexeeya kanasii dhaxeyn doona. Waa nasiib darro ku habsatay bulshadeena in abbaaro, dalag iyo daaq la,aantii colaad iyo barakac loogu daro. Hamdi Wardhere Mohamed, waxaad kala xiriiri kartaa Email: zudeys9@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Maxaa sababay guuladarada ciidamada Somaliland ee dagaalka Laascaanood? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, waxaa kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay ka talin jirtay, kuwaasi oo hadda si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda. Deegaanada laga qabsaday kooxda Al-Shabaab ayaa intii ay ku jireen gacanta kooxda waxaa loo diiday in dhalintooda wax bartaan, ayaga oo qaarkoodna xoog ku askariyeeyay. Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa markii u horeysay shaaciyay qorshaha dowladda federaalka uga dagsan arrintaan loogu tagay deegaanadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. “Goobaha laga xoreeyay Khawaarijta wey tageen wasiirada waxbarashada iyo madaxda waxbarashada oo waxaa lagu soo sameeyay qiimeyn, waxyaabo runtii aad looga murugoodo ayaa lagu soo arkay,” ayuu yiri. “Deegaanadii laga xoreeyay Khawaarijta waxaa loogu tagay dad da’doodu 20 sano jirto oo loo diiday fursad kasta oo ay wax ku baran lahaayeen, balse waxaan u diyaarinay qorshe waxbarasho.” Wasiirka Waxbarashada ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dib loo furayo dugsiyadii ku yaalay deegaanada la xoreeyay, kuwaasi oo ay hore u xirtay kooxda Al-Shabaab markii ay la wareegeen gacan ku haynta dhulkaasi. “Deegaanada la xoreeyay barnaamij gaar ah ayay leedahay oo qorshe ayaa ka wadna, dhawaana dib ayaa loo furaya dugsiyadooda, gaar ahaan deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle.” Dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaarada waxbarashada ayaa dhawaan daah-furtay barnaamij lagu shaqaaleysiinayo 3,000 macallin oo ka howl-geli doona dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banadir. Saddexdan kun ee macalin ayaa waxaa qeyb ka ah macalimiin ka howl-galaya dugsiyada dib loo furayo ee ku yaalla deegaanada la xoreeyay, gaar ahaan deegaanada Galmudug iyo HirShabelle, oo qorshahaan marka hore lagu bilaabayo. The post DF oo shaacisay qorshaha ay ku wajaheyso arrin loogu tagay degaanadii la xoreeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan magaalada Bosaso oo ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa taageeray go’aamadii isimada dhaqanka SSC. Isimadan oo kala ahaa Boqor Burhan Boqor Muuse, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo Beeldaaje Cali Beldaje Salaad ayaa sheegay in aan xoog cidna lagu caburin karin oo lagu qabsan karin, ayna dadkaasi ka tashan karaan aayahooda iyo masiirkooda. Isimadan ayaa Somaliland ku eedeeyey in aysan ka dhabeynin xabad-joojintii ay laba cisho kahor ku dhawaaqeeyo, iyagoo khalad ku tilmaamay dilalka iyo madaafiicda loo adeegsano dadka reer Laascaanood. Isimada ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay waxa Laascaanood ka socdo loo soo diro dad xaqiiqo raadin ah oo baara dhibaatada halkaas ka dhacday. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah Isimada dhaqanka Puntland oo ka hadlay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
London (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u furatay safaarada ay ku leedahay boqortooyada Ingiriiiska, taasi oo muddo 32 sano ah aan wax adeeg ah u haynin bulshada Soomaaliyeed ee Ingiriiska. Dib u furista safaaradda ayaa lagu sheegay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiririka Ingiriiska iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Munaasibada daah-furka safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay danjire Cabdulqaadir Axmed Kheyr, Orodyahanka Mo Farah iyo Sabrina Dhowre oo gabadh Soomaali-Canadian ah iyo marti sharaf kale. Safaaradda ayaa waxaa la filayaa in ay u adeegi doonto ku dhawaad shan boqol oo kun oo qurbajoog Soomaali ah oo ku nool dalka Ingiriiska, kuwaasi oo xaq u leh dhalashada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la sheegay in safaaradda dib loo furay ay marta-gelin doonto dhacdooyin dhaqameed iyo kuwo kale oo wargelin ah, ayada oo intaas usii wehliyaan adeegyo kale oo ay kamid yihiin waraaqaha safarka iyo kuwa guurka. Safiir Cabduqaadir Axmed Kheyr iyo howl-wadeenada safaaradda Soomaaliya ee Ingiriiska ayaa durtaba shaqo bilaabay, ayada oo u adeegaysa Soomaalida ku nool dalkaas. Safaaradda Soomaaliya ee London ayaa waxaa si rasmi ah loo xiray sanadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe, waxayna dib u howl-galideeda xilligaan leedahay muhiimad gaar ah. The post DF Somalia oo dib u furtay SAFAARAD muhiim ah oo xirneyd in ka badan 30 sano appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – In a dramatic series of events that began with the downing of a suspected Chinese spy balloon, US warplanes have shot down four flying objects over the US-Canadian border, causing concern among jittery Americans. Although only the first object has been attributed to Beijing so far, the heightened state of alert among US authorities reflects the acute tensions with China. This article aims to provide an in-depth analysis of the events that have unfolded and their potential implications. The first flying object: A suspected Chinese spy balloon The first flying object to be shot down was a giant balloon spotted off the US East Coast on February 4th. American officials claimed the balloon was spying, leading to its decommissioning. However, the Chinese government has insisted that it was a weather balloon blown off course. Despite this disagreement, the incident has been described as an “act of belligerence” by the House Foreign Affairs Committee Chairman, Michael McCaul. The second, third, and fourth objects The second, third, and fourth flying objects were shot down over Canada’s Yukon territory and Alaska. US Senate Majority Leader Chuck Schumer said both objects appeared to balloon. However, they were much smaller than the first large one. It’s unclear what the purpose of these smaller balloons was. However, the events have heightened the state of alert in the North American region. On Sunday, the most recent flying object was decommissioned over Lake Huron on the US-Canadian border. Although there has yet to be an official confirmation from the Pentagon, Representative Elissa Slotkin of Michigan has received a call from the Defense Department about the event. Slotkin has stated that all parties involved have been “laser-focused” on the object from the moment it entered North American waters. The responses from government officials Recent events have prompted reactions from government officials in the US and Canada. Canadian Prime Minister Justin Trudeau was heading to the western Yukon territory, where the third object was shot down. A US F-22 jet was ordered to decommission a “high-altitude airborne object” near the Canadian border. Meanwhile, US authorities briefly closed the airspace over Lake Michigan and Montana, leading to the scrambling of US fighter jets. The debate over transparency and responsibility While the events of the flying objects have caused concern, there has also been a debate over the government’s level of transparency and responsibility. Republicans have criticized US President Joe Biden for allowing the first balloon to drift for days across the country before being shot down. On the other hand, Biden has faced bipartisan calls for greater transparency from lawmakers such as Jim Himes, the top Democrat on the House Intelligence Committee. Implications of the mysterious flying objects The mystery of flying objects and their potential implications have caused concern among Americans, who have been watching the skies anxiously. The acute tensions with China and the fact that the first object was confirmed to be a Chinese spy balloon have raised fears of an escalation in the conflict. Moreover, the mystery surrounding the objects and the US military’s secrecy about them have fueled conspiracy theories, adding to the general unease. They have potential national security, intelligence gathering, and international relations implications. The first object’s confirmed connection to China has raised concerns about Chinese espionage and the potential threat to US national security. The debris recovery from the shot-down objects could provide the US military and government valuable intelligence. T The international community is also watching the events unfold. The mystery flying objects’ implications for US-China relations and global security could be significant. The post Mystery flying objects shot down over North America: What we know so far? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hoggaanka culumada la shaqeysa dowladda ee Muqdisho ku nool ayaa ka sheekeeyey wadahadal ku saabsan xaaladda dalka oo dhex maray isaga iyo Fahad Yaasiin, xiligii uu talada haayey Farmaajo. Sheekh Cali ayaa sheegay in wadahadalkaan uu dhex maray markii ay labo sano joogtay dowladdii Farmaajo, isla markaana uu uga digay dhamaan wixii ku dhacay ee ku kalifay inay talada dalka ku fashilmaan. Wuxuu sheegay in habeen uu Fahad u yeeray oo gurigiisa uu kula kulmay, isla markaana uu kala sheekeystay xaaladda dalka, isagoo ka dalbaday in aragtidiisa ku aadan sida ay dalka u maamulayaan uu la wadaago. Sheekh Cali Wajiis ayaa ku faanay in habeenkaas uu Fahad Yaasiin uga digay waxa dhici doona hadii ay talada dalka sidaas ku sii wadaan oo ugu dambeyntii ay garoonka ka dhoofi doonaan, iyagoo dhuumaaleysanaya. Fahad Yaasiin ayuu sheegay in xiligaas uu aad u rabay talada dadka waxgaradka ah, balse ma uusan qaadan talooyinkii uu siiyey sida uu sheegay. Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu u sheegay dhowr qodob oo ay ku liitaan iyo qodobo ay ku fiican yihiin, balse sida ay ku socdaan ay khatar ku tahay. Qodobada ay ku liiteen ee Sheekh Cali uu u sheegay Fahad Yaasiin ayaa waxaa ka mid ahaa in qabaa’ilka ay ka xushaan siyaasiyiinta ugu liita, isagoo markaas tusaale u soo qaatay xubnihii beeshiisa ku metelaayey dowladda, inkastoo uu ka gaabsaday inuu tiro magacyadooda. “Fahad waxaa si cad u dhahay dib dambe la idiin doora maayo, sababtoo ah ma heysaan wadadii aad ku soo laabaneyseen, laakiin waxaan ka baqaa in dalka aad isaga carartaan marka ugu dambeysa, siyaasigii xilka wareejiya ee dalkiisa ku noolaada waa guuleystay, laakiin waxaan ka baqaa inaad dalka isaga carartaan,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Sheekh Cali oo wareysigaan siiyey Weriye lagu magacaabo Maxamed Cali Faracade ayaa tiriyey 7 qodob oo sida uu sheegay uu Fahad Yaasiin la wadaagay habeenkaas, seddax arrimood oo ay ku liiteen, seddax ay ku roonaayeen iyo hal uu ka baqaayey, 7-daas qodob ayuu sheegay in Fahad u kala saarsaaray habeenkaas. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh Cali Wajiis oo shaaciyey arrimo uu Fahad Yaasiin uga digay oo uu ku dhacay appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (Caasimada Online) – Somaliland, a separatist region that has claimed independence from Somalia since 1991, has accused Somalia of attacking its military forces despite a ceasefire imposed after intense fighting in the contested town of LasAnod earlier in the week. Although Somaliland is not internationally recognized as an independent state, it is often viewed as a beacon of stability in a tumultuous region. Nonetheless, the area has experienced mounting political unease in recent months. At least 57 people were killed and more than 400 injured in clashes between Somaliland’s armed forces and local militias demanding Somaliland’s withdrawal from LasAnod. On Sunday, Somaliland authorities in the capital, Hargeisa, claimed that armed forces from the federal government of Somalia launched an attack against their military forces. While no information was given on possible casualties, the authorities warned Somalia and urged the international community to pressure Mogadishu to withdraw their forces from Somaliland’s border. The government of Somalia has yet to issue an official response. The fighting in LasAnod, a town claimed by both Somaliland and neighboring Puntland, a semi-autonomous state in northeastern Somalia, broke out on Monday. It sits on a crucial trade corridor, and the area’s control has changed several times in recent decades. On Friday evening, Hargeisa authorities decreed a ceasefire. However, they accused militias loyal to Mogadishu on Saturday of breaking the truce by attacking their soldiers. On Tuesday, the Red Cross reported that one of its volunteers had been shot dead and urged for restraint and access for neutral and impartial humanitarian actors. Somaliland has a population of 4.5 million people and is a former British protectorate. It has its own currency, passports, and government, but its bid for statehood has yet to be recognized by the international community, rendering it impoverished and isolated. However, Somaliland has maintained a relatively stable environment compared to Somalia, which has experienced decades of civil war and Islamist insurgency. Traditional elders in the Sool region, where LasAnod is located, recently issued a statement pledging support for “the unity and integrity of The Federal Republic of Somalia,” and urged Somaliland authorities to withdraw their soldiers from the area, adding to the already heightened political tension in the region. The post Somaliland accuses Federal Government of Somalia of military aggression appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa lasoo saaray jadwalka doorashada kursigii uu baneeyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka dhacaysa magaalada Kismaayo, seddax maalmood kadib. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan baarlamaanka ayaa soo saaray jadwalka qabashada kursigii uu baneeyey R/Wasaare Xamza Barre oo tirsigiisu yahay HOP#203. Doorashada kursigaas ayaa Kismaayo ka dhici doonta 15-ka bishaan oo maalmo kooban ay naga xigaan, sida uu shaaciyey guddiga doorashada kuraastii ka soo laabatay baarlamaanka federaalka. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu yiri, “Guddiga KMG ah ee doorashada kuraastii ka soo laabatay baarlamaanka 11-aad, isagoo gudanaya waajibaadka loo igmaday, wuxuu shaacinayaa jadwalka doorashada kursiga HOP203, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Kismaayo.” Warqadaan oo ogeysiis ka heysata Ra’iisul Wasaare Xamza Barre oo kursigaas horay ugu fadhiyey ayaa lagu socodsiiyey beesha iska leh metelaadka kursigaas oo Kismaayo degta, iyadoo warqadda lagu cadeeyey maalmaha ay socaneyso soo xulidda ergada kursiga dooraneysa. 28-kii bishii December sanadkii 2021-kii ayaa kursigaan loo doortay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Xamza ayaa saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo awood badan ku dhex lahaa doorashadii xildhibaanada ee Kismaayo ka dhacday. Maadaama uu hadda Xamza yahay Ra’iisul wasaaraha dalka wuxuu baneeyey kursigaas oo dastuurku uma ogolaanayo in R/Wasaare uu noqdo xubin baarlamaan, taas oo khasab ka dhigeysa in qof kale loo doorto kursigaas. Kursiga uu baneeyey R/Wasaare Xamza Barre wuxuu noqonayaa kursiga labaad ee dib loo soo doorto, waxaana ka horeeyay kii uu baneeyey Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo bilowgii bishaan Febraayo lagu doortay Dhuusamareeb, waxaana ku soo baxay Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed. Hoos ka eeg jadwalka doorashada kursigii uu baneeyey R/W Xamza Cabdi Barre The post Jadwalka doorashada kursigii uu baneeyey R/W Xamza Cabdi Barre oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
The separatist region of Somaliland on Sunday accused Somalia of attacking its soldiers, despite a ceasefire imposed after heavy fighting in a contested border town earlier in the week. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay Jimcihii ka fuliyeen gudaha Soomaaliya ay ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahan Shabaab-ka ah lagu dilay weerar dhinaca cirka oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Sidoo kale waxa lagu sheegay in weerarkan uu yimid kadib codsi uga yimid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid is-difaac ah oo ay si wada-jir ah u fuliyeen iyaga oo taageeraya ciidanka xoogga dalka ee wada howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sheegtay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in aanay jirin dad rayid ah oo dhaawac ama dhimasho ay kasoo gaartay weerarkan oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Hobyo. “Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu taageero siiya dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato khataraha argagixisada, waxaan kaliya qeyb ka nahay dadaalka Mareykanka,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley. Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa horaantii bishaan ka codsaday taliska Mareykanka inay laba jibbaaraan howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, iyada oo xiligaas codsiga madaxweynaha ay aqbashay AFRICOM. Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo ay ku jirto degmada Xarardheere, oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda. Militariga Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab waxa uu ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ku taageerayay weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo inta badan lagu dilo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda. The post Al-Shabaab badan oo lagu dilay weerar ka dhacay Hobyo appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay dalalka Turkey iyo Syria ayaa haatan kor u dhaaftay 33 kun oo qof. Shaqaalaha gurmadka oo wada howl-samatabixin ah ayaa qaarkood soo badbaadiyay dad ku hoos jiray burburka, halka kooxaha caafimaadka ay la xarbinayaan inay daweeyaan kumanaan qof oo dhaawac ah. Shan qof oo Soomaali ah ayaa kamid ah dadka ku dhintay dhul-gariirka, kuwaasi oo shalay meydadkooda la aasay, sida ay ku warantay VOA. Sidoo kale afar hablood oo Soomaali ah ayaa kamid ah dadka wali la la’yahay, kuwaasi oo lagu weysan yahay nolol iyo geeri. Dadka maqan ayaa ku hoos jira bur-burka dhismayaasha, waxaana meelaha qaar ka dhacay dhul-gariir hor leh. Cawaale Axmed Darfac oo kamid ah ardayda Soomaalida Turkiga oo haatan ku sugan magaalada Ankara ayaa VOA u sheegay in weli aad u cakiran tahay xaalada guud ee dalkaasi. “Shalay waxaan aasnay shan wiil oo Soomaaliyeed oo ku aasnay magaalada Ankara. Ardaydii gobolkaas joogtay waxaa aad ula tacaashay safaarada dalka Jabuuti iyo ganacsatada Soomaalida ee dalkan Turkiga oo kasoo samatabixisay halkii ay joogeen waxaana loo soo raray magaalooyinka amaanka ah,” ayuu yiri. “Wax sawir laga bixin karo aad ayay uga weyn tahay, masiibada dhacday wax aan arkay ma aha. Masiibada aad iyo aad ayay u weyn tahay oo magaalooyin dhan ayaa baaba’ay, burbur aad iyo aad u weyn oo dhibaato weyn ayaa ka muuqata.” Mucaaridka Turkiga ayaa Erdogan iyo xukumadiisa ku eedeeyay in ay qarinayaan tirada dhabta ah ee khasaaraha ka dashay dhul-gariirka, islamarkaana ku doodaya in dadka ku dhintay dhacdadaan ay aad uga badan yihiin tirada la shaaciyay. Si kastaba, Saameynta dhul-gariirkan ayaa aheyd mid aad u baaxad weyn oo dhalisay fal-celin xooggan oo ka timid caalamka oo idil, ayada oo tobaneeyo dal, kasoo billow Ukraine illaa New Zealand ay wacad ku mareen inay caawimaad ka gaystaan. The post Wararkii ugu dambeeyey tirada Soomaalida ku dhimatay dhul-gariirka Turkey oo korortay appeared first on Caasimada Online.
