Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaan baaq u dirayaa Golaha Wakiilada JSL oo aan Leeyahay Xaalada Dalku Marayo Maanta Yaad Ku Halaynaysaan ? Golihii Guurtida ee Aqalkii Odayaasha ee qaranka Shaqadan u qaabilsanaa Guurtiyeynta Waxay ka doodayaan Xeerka Macdanta iyo Caafimaadka. Sidaa daraadeed Dalkan Cidina Uma Maqna Sidoo kale Waxaan baaq u dirayaa Culimada, Ganacsatada iyo Hogaanka Madax-dhaqameedka JSL oo aan Leeyahay Fadhiga ka kaca oo Af iyo Arinba Wixii aad Qaban kartaan xaalada dalku galay xal u raadiya. Ugu danbayn dagaalka Laasacaanood ka Socda maanta waa kugu dhimay oo kaa dhimay, waana ayaan daro wayn iyo dagaal aan dalkan Somaliland aanu u baahnayn oo qaadi karin marnaba waayo cida Laascaanood ku dhimanaysa waa Shaccabkeeni iyo ciidamadeenii reer Somaliland ‘sida darteed waa in Wada-hadal iyo Wada-xaajood lagu dhameeyaa tabashada jirta. Arintaasi in halkaa ay gaadhana waxaa ka Masuul ah Xukuumadeena Talada Xun ee Xisbiga Kulmiye’ Waayo hadii Heshiiskii ALLAH ha u Naxriistee Prof: Cali Khaliif Galaydh Xukuumadii hore la Gashay la Dhamayn lahaa Halkaas Maanta ay joogto May Gaadheen.” Yuusuf Kayse Cabdilahi Source
  2. Jabuuti (Caasimada Online) – Mucaariadka Jabuuti ayaa ku eedeeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu aqbalay in uu gacan siiyo ciidamada Somaliland, oo maalintii shanaad magaalada Laascaanood kula dagaalamaya kuwa dadka deegaankaas. Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu ogaaday in saraakiisha tagay Jabuuti ay wadeen dhambaal ka socday madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi. Mucaaridka Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday madaxweyne Geelle taageerada Jamhuuriyadda Jabuuti, taasi oo ku saabsan dagaalada maalmihii u dambeeyay dhex-maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa kasoo jeeda SSC. “Tan iyo dhamaadkii Janaayo 2023 iyo tan iyo markii ay bilowdeen iska hor imaadyada tooska ah ee Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaridka Jabuuti. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku xad-gudbay qodobka 2-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, kaasi oo dhigaya in aanay ogolanayn QM in lasoo fara-galiyo xukunka gudaha ee dawlad kasta iLlaa ay jiraan khataro weyn oo nabadda caalamiga ah jebinaya.” Taageerada Geelle ee xiligaan uu siinayo Somaliland ayaa ah mid milatari oo toos ah loo siiyo ciidamada Somaliland ee dagaalka kaga jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sida uu sheegay mucaaridka Jabuuti Bayaanka kasoo baxay mucaaridka Jabuuti ayaa waxaa loogu baaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya, ayaga oo dhinacyada isku haya Laascaanood ugu baaqay inay aqbalaan dhex-dhexaadinta madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Si kastaba, dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana isa soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, ayada oo QM ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood. The post Geelle oo lagu eedeeyay inuu gacan siinayo dhinacyada isku haya Laascaanood midkood appeared first on Caasimada Online.
  3. Kismayo (HOL) - Jubbaland regional state deployed new army battalions to the Afmadow district in Lower Jubba region to accelerate the ongoing offensive against al Shabab on Friday. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dufcadii 8-aad guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska ah ee DANAB ayaa Arbacadii tobabar ugu soo idlaaday saldhiga Mareykanku kaalmeeyo ee ku yaalla deegaanka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Xilli Soomaaliya ay ku jirto dagaal culus oo iskaga saareyso kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaca kale waxaa xoogeysanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biiraya ciidanka dowladda si ay uga qeyb qaataan dagaalka socda. Ciidanka loo bilaabayo tababarada iyo kuwa loo soo xirayo ayay sidoo kale dardar-gelisay dowladda Soomaaliya si loo helo ciidan ku filan inay xaqiijiyaan himilada shacabka Soomaaliyeed oo ah in lasoo afjaro Al-Shabaab. In boqolaal dhalinyaro ah oo si heer sare ah loo tababaray ay Arbacadii kusoo biireen kumaandooska DANAB ayaa la aaminsan yahay inay wax weyn ka tari doonto dagaalka socda. DANAB oo ay Ameerikaanku tababar ahaan iyo dhaqaale ahaanba kaalmeeyaan waa kuwa ugu tababarka iyo saanad fiican ciidanka xoogga dalka. Iyada oo la ogyahay in Al-Shabaab ay jab badan kala kulantay DANAB-tii hore in boqolaal kale ay doraad kusoo biireen isla ciidankaasi ayaa walaac weyn ku ah kooxda. In Al-Shabaab aanay milatari ahaan usii jiri karin ayaa ah dooda ugu sugan ee ay qabaan xeel-dheerayaal badan waqtigan. Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa waxay madaxda dowladda federaalka ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka. Cutubyadaan soo dhameystay tababarka ciidan ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaadan doona dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday dalka, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka. The post Maxaan ka ognahay Danab-ta cusub ee loo diyaariyay duminta Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  5. A summit last week in the Somali capital of Mogadishu brought together heads of state from Ethiopia, Kenya, and Djibouti alongside their Somali counterpart, Hassan Sheikh Mohamud. The defence ministers from these countries were also in attendance to bolster the Somali government’s war effort against Al-Shabab. Following the four-day summit, a communique was issued stating that each country would take part in joint operations with the Somali national army to eradicate the armed group from Somalia. But the summit and subsequent statement that followed left many lingering questions about just how entrenched neighbouring states would become in Somalia militarily and why they are deepening their involvement at a time when the Somali army is making significant gains on its own. Colonial curse Most Somalis view neighbouring states with disdain and mistrust, in particular Ethiopia and Kenya, a suspicion rooted in the recent history of the Horn of Africa. Following the Berlin Conference in 1884, European powers colonised the African continent, with Somali-inhabited territories in East Africa occupied by Britain, Italy, and the French empire. European powers, namely Britain, partitioned the Horn of Africa twice in less than a decade. In 1954, the British gave the Ogaden region – a historical area predominantly ethnic Somali and Muslim – to Ethiopia to bolster their colonial allies as European powers were reshaping the African continent to align with their interests. Eight years later in 1963, Britain seceded the Somali-inhabited Northern Frontier District (NFD) region to Kenya, despite the Somalis of NFD voting in a referendum overwhelmingly in favour of uniting with their brethren in mainland Somalia. These events put Somalia in a permanent state of hostilities with its neighbours. The following year in 1964, both Ethiopia and Kenya signed a defence pact to contain Somalia and hamper secessionist claims. Since then, numerous wars have been fought between Somalia and its neighbours. Consecutive Somali governments up until the collapse of the state in 1991 supported opposition groups and separatist rebel movements in Ethiopian and Kenyan-controlled territories, most notably the Ogaden region. Civil war Ethiopia and Kenya’s policies and military endeavours in Somalia intensified following the collapse of the Somali state in 1991, with neighbouring countries viewing the ensuing chaos as an opportunity to interfere with Somalia’s internal affairs according to their national interests. Ethiopia began backing different Somali warlords and factions during the Somali civil war, which added to the bloodshed and violence. Authorities in Addis Ababa also began hosting summits and conferences for Ethiopian-backed Somali faction leaders aimed at redesigning the Somali state to align with the interests of Addis Ababa. Kenya, meanwhile, was viewed as capitalising on Somalia’s misery as millions poured in from the aid sector following the mass exodus of Somali refugees fleeing across the border. Weaponising the war on terror Following 9/11, Somalia became a focal point of America’s War on Terror. This came as a blessing for Somalia’s antagonistic neighbours and reached its climax in the winter of 2006 when thousands of Ethiopian troops invaded Somalia as part of its intervention in the civil war under the cover of American drones. The Ethiopian occupation radicalised an entire generation of Somalis and empowered the Al-Shabab group which formed in its wake and subsequently played a role in forcing an Ethiopian withdrawal. In 2011, Ethiopia invaded Somalia again and occupied large swaths of territory under the pretext of combatting the militant group. They have remained in the country ever since, either independently or as part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM). That same year, Kenyan forces also entered Somalia, officially to wage war on Al-Shabab, seizing the strategic port of Kismayo from the militant group a year later. The announcement last week that neighbouring states, particularly Ethiopia and Kenya, would become more militarily involved in Somalia has reopened these old wounds, with many viewing the war against Al-Shabab as a Trojan Horse being used at the expense of Somalia’s sovereignty. Lingering uncertainty Many questions remain unanswered on how Ethiopia and Kenya would assist in combating Al-Shabab in these new upcoming joint military operations announced by Somali officials on 3 February. Both countries have had troops deployed in Somalia for well over a decade and in the past have carried out joint operations with the Somali National Army (SNA), but largely to no avail. Indeed, they have been unable to subdue the Al-Qaeda-linked armed group, which still controls large swaths of territory in Somalia and even operates Shariah courts on the outskirts of Mogadishu. Furthermore, deepening Ethiopian and Kenyan military involvement in Somalia is bound to play into the hands of Al-Shabab. Addis Ababa and Nairobi are viewed as historic foes of the Somali nation by many and their role in the war could easily give the group more legitimacy in the eyes of different communities in the country. Somalis are a fragmented and divided society with many profound grievances stretching back to the civil war, but what unites them is a common enemy or threat. Ethiopia and Kenya would occupy that role if they were to entrench themselves deeper in the country. In the past several months alone, the Somali government has been able to push Al-Shabab out of dozens of towns and districts across southern and central Somalia on their own, while being under-equipped and out-gunned. Bringing hostile neighbouring countries into the mix could be a self-inflicted wound that might come back to haunt the government of President Hassan Sheikh Mohamud. A concern of the soon-to-be joint military endeavours with Ethiopia and Kenya is a section in the joint statement that emphasises the importance of establishing a joint border security mechanism that intends to eliminate cross-border terrorism activities and ensure the legal passage of trade and movement. The first question that comes to mind is how Somalia could form any joint border security mechanism when the country has barely functioning institutions, a fragile security apparatus, and is dependent on international support for its survival. Furthermore, Somalia is the only country on the African continent that doesn’t fully control its borders, airspace, or maritime boundaries. According to analysts, what appears to be playing out is an entrenchment of Ethiopia and Kenya’s influence, with the Somali government’s complicity, using Al-Shabab as a pretext. Mukhtar Ainashe, a security analyst and former national security advisor to the transitional federal government of Somalia, says that the recent joint statement issued by the government of Somalia in coordination with the governments of Ethiopia, Kenya, and Djibouti is a cause for concern. Somali federal government institutions are, unfortunately, very weak, he says. Hence, Somalis must be sceptical about any agreements made with foreign governments, particularly with neighbouring states. This is especially important as historical border demarcation issues remain unresolved, Ainashe told The New Arab. Therefore, the notion that Kenya and Ethiopia will form a mechanism to protect the borders between Somalia and themselves is ambiguous. Both countries could instead use that as a pretext to continue conducting military operations indefinitely and at will, Ainashe added. President Hassan Sheikh’s government has made unprecedented gains in the fight against Al-Shabab thus far, but he risks entering into a self-sabotaging mission. Giving Kenya and Ethiopia the green light to become more militarily involved in Somalia is bound to get messy for the Somali government, jeopardising not only the war against Al-Shabab but also empowering the al-Qaeda-linked militants as they face off against historic foes. It could also turn public opinion against the Somali government, as most Somalis deeply resent the Ethiopian and Kenyan military presence in the country. In the end, Al-Shabab is a Somali issue that should be addressed with a genuine, local grassroots solution, whether that be an armed approach or negotiations. Giving Kenya and Ethiopia a free hand militarily will only complicate this strategy. Mohamed Gabobe is a freelance journalist based in Mogadishu, Somalia. Follow him on Twitter: @Mohamed_Gabobe Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Why a joint offensive against Al-Shabab could backfire appeared first on Caasimada Online.
  6. We are closely monitoring the crisis in #Lasanod. We are appalled by reports of large numbers of people killed, injured & displaced, & damage to homes & a hospital. Unlawful killings & other violations must end & there must be immediate unhindered access for humanitarian actors. — Amnesty Eastern Africa (@AmnestyEARO) February 10, 2023 Qaran News
  7. Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa dalbaday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo galay maalintii shanaad oo xidhiidh ah. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaadho xal nabadeed. “Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo isagu markii u horeysay ka hadlay dagaalka socda. Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.” Source
  8. To end the Lasanod crisis and reach a peaceful solution, the Somaliland gov should declare a unilateral ceasefire. The gov should facilitate humanitarian access to the displaced population and make every effort to secure peace. — Faysal Ali Warabe (@FaisalAliWarabe) February 9, 2023 Qaran News
  9. The Prime Minister Ethiopia Minister Abiy Ahmed is contemplating to mediate the two parties to the Laascaanood conflict in Northern Somalia. Addis Ababa (PP News Desk) — The Ethiopian government is monitoring the situation in Northern Somalia where Somaliland administration is waging a territorial war based on colonial borders. The unrecognized breakaway region mobilized its forces to capture Laascaanood district federally represented by Puntland State of Somalia. The President of Somaliland Administration Muse Bihi Abdi claimed that his forces will secure the border that once separated the ex-British Somaliland and ex- Italian Somaliland. Ethiopia considers Somaliland to be a part of the Federal Republic of Somalia in line with the African Union Charter. “Ethiopia is alarmed by the claim that Somaliland does not only recognize the sovereignty of Somalia but also interprets the colonial border in a manner that could rekindle hostilities based on colonial borders. Ethiopia annexed ex-British Somaliland territories that Britain was supposed to protect in line with the Protectorate Agreement it signed with Somali tribes. The Ethiopian government is considering mediating the two sides” said a political analyst in Addis Ababa. © Puntland Post, 2023 The post Ethiopia “alarmed” by the territorial war in Northern Somalia appeared first on Puntland Post.
  10. Laascaanood (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood, xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay la sheegaya in ay bedeshay qorshaheedii weerar ee magaalada Laascaanood. Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in xuddunta qorshaha cusub ee Somaliland uu yahay waddada Yagoori ilaa Dhooddi oo hadda ay sahaydu u soo marto ciidamada Somaliland. Nin lagu magacaabo Mahad Cambaashe oo isagu u xil-saaran ilaalinta sahayda ayaa waxaa loo dhiibay fulinta qorshahan cusub. Sahayda uu Mahad Cambaashe soo gudibnteeda u xil-saaran yahay ayaa waxaa loo soo wadaa Tukaraq oo ah meesha ay Somaliland weerarka kaga soo qaadayo magaalada Laascaanood. Wararka ayaa intaas kusii daraya in isbeddelka qorshaha dagaal uu sababay sida uu maamulka Muuse Biixi u fasirtay war-murtiyeedkii kasoo baxay Puntland, kaasi oo ay ku cadeysay inaysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda Laascaanood. Somaliland waxay u aragta hadalka Puntland mid u fududeynaya inay hub, saanad iyo ciidan ku soo urursato si ay u soo weerarto magaalada iyo kuwa kale ay isku hayaan maamulka. Mahad Cambaashe oo ah ninka Somaliland u xil-saartay qorshaha cusub ayaa waxa uu durtaba dhaleeceyn xoogan kala kulmaya beeshiisa, ayaga oo sheegay in shaqada hadda uu hayo ka halis badan tahay tii uu hayay markuu Laascaanood joogay. “Mahad Cambaashe halis weyn ayuu beeshiisa galinayaa haddii uu shaqada sahay ilaalinta sii wado waayo dagaalku wuu sii daba-dheeranayaa maadaama hal beel oo Laascaaood degta ay dagaal kula jirto beelo badan oo isku hayb ah,” ayuu yiri nin la hadlay warbaahinta gudaha oo ku sugan Laascaanood. Masuul hore uga tirsanaa golaha deegaanka degmada Laascaanood oo isaguna arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Halista qorshaha Tukaraq haddii aan laga hortagin oo aan lagu baraarugin, waxaa dhici doonta isir sifayn uu Muuse Biixi ku taamayo.” Saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa xiligaan ujeedkooda u weyn uu yahay in dagaal uusan ka dhicin galbeedka Sool, dhulkaasi oo uu saadku u soo maro ahna meesha ay ciidamada Somaliland ka hagayaan qorshaha dagaalka Laascaanood. Dagaalka Laascaanood oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka oo kasoo horjeeda joogitaankooda magaalada, ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama uu weli socdo dagaalka. Dagaalka ayaa billowday saacado un kadib markii odayaasha gobolka oo toddobaadyo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka ahayn Somaliland, islamarkaana hoos-tagaan dowladda federaalka Soomaaliya. Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale sheegay in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo Soomaaliya. Taas oo ay soo dhaweysay dawladda federaalka oo ayadu hadda qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadka reer Laascaanood. Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha. Hase yeeshee mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland. The post Somaliland oo bedeshay qorshaheeda dagaalka Laascaanood – Xog appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo xukuumadiisa Dan-Qaran ayaa afar bilood gudaheed ku ansixiyay 14 hindise-sharciyeed, sida uu baahiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha. Shuruucda ay golaha wasiirada xukuumadda ay ansixiyeen mudada afarta bilood ah ayaa waxay kala yihiin; 1.Hindise-sharciyeedka korontada qaranka, 2.Hindise-sharciyeedka hey’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka, 3.Hindise-sharciyeedka aqonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, 4.hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, 5.Hindise-sharciyeedka nidaamka maaliyadda khayraadka dhulka hoostiisa iyo 6.Hindise-sharciyeedka dhiiri-galinta maalgashiga Soomaaliya. 7.Hindise-sharciyeedka hey’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed, 8.Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed, 9.Hindise-sharciyeedka xuquuqda maalgashatada iyo maalgashiga, 10.Hindise-sharciyeedka la-dagaalanka argagixisada, 11.Hindise-sharciyeedka socdaalka, 12.Hindise-sharciyeedka horumarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed, 13.Hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka isbeddelka cimillada iyo 14.Hindise sharciyeedka dhowrista xogta. Shuruucda ay afarta bilood ku meel-mariyeen golaha wasiirada ayaa waxaa kamid ah hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, kaasi oo dhaliyay buuq badan. Sharcigan oo la geeyay golaha shacabka ayaa waxaa lagu meel-mariyay hab sharci darro ah, ayada oo aan loo dhameystirin hab raaci golaha ee shuruucda, sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, sida uu guddoonka golaha shacabka ku sheegay qoraal kasoo baxay 14-kii bishii hore. Hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay. Waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale. Si kastaba, xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab. The post Golaha Wasiirada DF oo afar bilood ku ansixiyay 14 sharci oo qaarkood dood badan dhaliyeen appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Saldhigga Degmada Dharkenleey ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo la sheegay in hab yaab leh ku dhacayay dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska booliska ayaa waxaa lagu sheegay in raggaan ay ku dhacayeen dadka barakacayaasha ah kaarar been-abuur ah, iyaga oo sheegaya inay ka tirsan yihiin hay’adaha gar-gaarka. “Waxay dadka u sheegayeen in ay yihiin hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka, waxay ka aruursanayeen lacago dadka danyarta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in raggaani ay lacag min 10 dollar ah ka qaadayeen dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, kadibna u qeybiyay kaarar been ah, una sheegay in ay dhawaan heli doonaan deeq lacageed iyo raaashin. Magaalada Muqdisho, gaar ahaan duleedkeeda ayaa waxaa ku nool barakacayaal aad u badan, waxaana mararka qaarkood laga soo wariya tacadiyo ka dhan ah oo lagula kaco, ayada oo dhinaca kalana laga deyrinayo tiradooda oo maalinba maalinta ka dambeysa kordheysa. Laamaha amaanka ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigayay rag burcad ah oo dadka dil u geysan jiray iyo kuwa xeelado kala duwan ku dhacayay bulshada, waxayna howl-galadan qeyb ka yihiin kuwa lagu xoojinayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Si kastaba, tuugada dhaca u geystada dadka ayaa aad ugu badan caasimadda Muqdisho, balse booliska ayaa si joogto ah u baacsada, hase ahaate weli mayaraanin oo dadka si joogto ah ayaa loo dhacaa, loona dilaa. Dadka reer Muqdisho ayaa mudo dheer dhibane u soo ahaa tuugada agabka ka furata, marar qaarna disha iyo argagixisada oo dil iyo qarax isugu darta kuwooda hal-doorka ah, balse hadda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adaha amniga ayaa si joogto wacad ugu mara in amniga Muqdisho ay wax badan ka qabanayaan. Hada waxaa magaalada ka yaraaday qaraxyadii, meelaha qaar waxaa ka socda baaritaano ay sameynayaan hey’adaha ammaanka, halka xaafadaha qaarna lagu baacsado tuugada iyo cid kasta oo loo arko inay mniga wax u dhimeyso. Waxaa xusid mudan in meelaha xasaasi ah ee ugu muhiimsan magaalada lagu daadiyey ciidan Dharcad ah, si dhaq-dhaqaaqa bulshada ay ula socdaan, amni darradana ay uga hor tagaan. The post Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag ‘hab yaab leh’ ku dhacayay barakacayaasha appeared first on Caasimada Online.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa dalbaday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo galay maalintii shanaad oo xiriir ah. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed. “Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo isagu markii u horeysay ka hadlay dagaalka socda. Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.” Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa hore ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay muujiso dulqaad, islamarkaana colaadda si dhaqso ah afka la qabto. “Waxa aan si dareen iyo damqasho leh uga xumahay dhibta saaka ka dhacaysa caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood, waxa aan si weyn ugu baaqayaa in colaadda afka la qabto, xukuumadduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan,” ayuu yiri. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in xalka Laascaanood uu ku jiro wada-xaajood iyo nabadeyn, balse uusan aheyn rasaas iyo dagaalka hadda socda toona. “Maatida yaan la qaxin. Dhib kasta oo dhacda, xalkeedu xabad iyo rasaas maaha, xalku waa wada-hadal, wada-xaajood iyo nabadeyn.” Hadalka mucaaridka Somaliland ayaa imanaya, xilli uu weli dagaal xoogan ka socda magaalada Laascaanood, islamarkaana uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah. Dagaalka saaka oo Jimce ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday iilaa saddex ruux oo labada dhinac ah, waxaana la sheegaya in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen magaalada. Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii shanaad. Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halka kuwa kalana la geeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland. Sidoo kale waxaa isa soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, ayada oo Qaramada ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo dhaliyey khasaare xooggan. The post Mucaaridka Somaliland oo dalab deg deg ah oo la xiriira dagaalka u diray Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Ereteriya Essayas Afawerke ayaa beeniyey eedeymo ku saabsan in ciidamada dalkiisu ay xadgudubyo geysteen xilliigii uu socday dagaalkii labada sano qaatay ee ka dhacay Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. Ciidamada Ereteriya ayaa taageeray ciidamada Itoobiya ee la dagaalamayey TPLF , dagaalkaas oo ay ku baro kaceen in ka badan labo milyan oo qof. Kooxaha Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in ciidamada Ereteriya ay ku kaceen xadgudubyo ballaaran oo ay ku jiraan xasuuq dad rayid ah iyo kufsi ka dhacay dhulka Tigray. Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Nairobiayaa Efewerke waxaa uu diiday in uu ka jawaabo su’aal ku saabsaneyd xilliga ciidamada Ereteriaya ay si buuxda uga baxayaan Itoobiya. Dalka Ereteriya wax doorasho siyaasadeed ah kama dhicin tan iyo markii uu xornimadiisa qaatay 1993di waxaana si joogto xabsiyada loo dhigaa dadka siyaasadiisa ka horjeesta. Source
  15. Dagaal ayaa maalintii shanaad ka socda buuraha ku yaalla dulleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dagaalkan oo u dhexeeya Ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad nabad diid ah ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh sida kale waxa uu sababay in dad shacab ah ay ka qaxaan magaalada Laascaanood. Hubka waaweyn iyo duqaymo culus ayaa saaka laga maqlayaa furimaha dagaalka ee duleedka Laascaanood sida ay noo xaqiijiyeen goob-joogayaal. Source
  16. Forced into marriage by her family, 14-year-old Bisharo stayed only five days with her abusive new husband before fleeing his home, fending for herself in drought-stricken southern Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  17. Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday duleedka magaalada oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hakad kooban galay shalay gelinkii dambe uu haddana dib u qarxay saaka, kadib markii ciidamada hubeysan ee deegaanka ay weerareen saldhigyada ciidamada Somaliland ee duleedka magaalada Laascaanood. Dagaalka saaka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday iilaa saddex ruux oo labada dhinac ah, waxaana la sheegaya in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen magaalada. Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii shanaad. Guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa dalbaday in si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed ay marka hore xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah. “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yiri guddoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama uu weli socdo dagaalka. Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halka kuwa kalana la geeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland. Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo. Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood. Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan. Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.” Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.” The post Dagaalka Laascaanood oo galay maalintii shanaad iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  18. Dagaal xooggan ayaa maalintii shanaad ka socda buuraha ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Ciidamada Somaliland iyo xoogagga Daraawiishta SSC ayaa ku dagaallamaya saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Somaliland oo ku yaalla bannaanka magaalada. Hubka waaweyn iyo duqaymo culus ayaa saaka laga maqlayaa furimaha dagaalka ee duleedka Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa dhinaca kale madaafiic aan loo meel dayin ku garaacaya gudaha Laascaanood sida ay noo xaqiijiyeen goob-joogayaal. Waxa xusid mudan in Ciidamada Somaliland hadda aysan hal tuulo ka joogin Gobolka Sool marka laga reebo saldhigyo ciidan oo ay ku leeyihiin buuraha u dhow Laascaanood iyo Tukaraq. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaal maalintii shanaad ka socda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  19. Elders in Bura East Sub County in Garissa County have pledged to cooperate fully with the government in the war against terrorism. Source: Hiiraan Online
  20. Attempt to change culture and attitudes including in Camden's Somali community Source: Hiiraan Online
  21. Eritrean President Isaias Afwerki has dismissed reports of alleged war crimes committed by his troops during the conflict in northern Ethiopia. Source: Hiiraan Online