-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The U.S. Embassy in Kenya has issued a terror alert in Nairobi, warning Americans to review their personal security plans. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaysa in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Cabdirisaaq Khaliif, oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in khilaafkan uu salka ku hayo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo Cabdirisaaq Khaliif uu sida la sheegayo maamulka Muuse Biixi ka dalbaday in ciidamada laga saaro Gobolka Sool si loo helo jawi lagu billaabi karo wada-hadal. Si kastaba wararku tilmaamayaan in dalabkaas uu ku gacan-sayray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, islamarkaana ku adkaystay in ciidamada Somaliland sii joogayaan gobolka Sool. Cabdirisaaq Khaliif ayaa beel ahaan kasoo jeeda gobolka Sool ee xiisaddu ay ka taagan tahay, waana mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu saameynta badan ee beesha Sool clan. Xiriir dhanka Taleefonka ah oo saacadihii la soo dhaafay dhawr jeer dhexmaray Muuse Biixi iyo Cabdirisaaq Khaliif ayaa la sheegayaa in uu isfaham la’aan ku dhammaaday. Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku sugan magaalada Laascaanood, halkaasi oo buuraha u dhow maalintii shanaad uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada SSC ee deegaanka. Dagaalka ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo xooggan, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in dhimashada ay dhaaftay 40 qof, halka dhaawaca uu ka badan yahay 150. Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk ayaa Arbacadii ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood. “Dilalkan sharci-darrada ah ayaa imanaya hal bil kadib markii 20,000 oo qof ay barakiciyeen isku dhacyada Laasacaanood, kuwaas oo oo keeni kara barakac dheeraad ah, siina cusleyn kara xaaladda bani aadannimo ee gobolka,” ayuu yiri Türk. Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan. Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.” Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.” The post Xog: Cabdirisaaq Khaliif iyo Muuse Biixi oo ku kala tegay DAGAALKA Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
The Directorate of Criminal Investigations Thursday appealed to members of the public to volunteer information that may lead to the arrest of five dangerous terror suspects, linked to the al-Shabaab terror network. Source: Hiiraan Online
-
Drought-ravaged Somalis survive on porridge as famine looms
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU — Somalia and the United Nations are appealing for $2.6 billion to aid millions of Somalis facing hunger as the country remains gripped by a record-setting drought. Somalia has been struggling against famine-like conditions that aid groups say are forcing thousands of people to flee from the countryside into cities seeking help. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka ayaa maalmo ka hor meelmarisay heshiis difaac oo dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraadka, kaas oo la filayo in la hor-geeyo baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan. Buuq ayuu dhaliyey heshiiskan wallow xukuumadda difaacday ayna meesha ka saartey eedeymaha ah in uu wax u dhimayo madax-banaanida dalka, sidda uu beeniyey wasiirka warfaafinta Daauud Aways Jaamac. Daa’uud ayaa ku adkeystay in heshiiskaas uu hortagi doono baarlamaanka si ay u meelmariyaan. “Heshiiska Imaaraadka wuxuu lamid yahay heshiisyada kale ee lala galay wadamadda taageera Soomaaliya mana jiro hal qodob oo ku jira heshiiska oo wax u dhimaya madax-banaanida Soomaaliya,” ayuu yiri. Wuxuu raaciyey: “Waxaan filayaa wararka suuqa yaalla ee ku saabsan heshiiskaas ay yihiin kuwa turi-ku-teyn ah sida dhabta ahna ay tahay heshiis dan u ah Soomaaliya ayna saas isla garteen golaha wasiirada”. Heshiiskani ayaa la sheegay “in ay ku jirto maaliyaddii lagu hawlgalin lahaa ciidamada kusoo tabobartay Eritrea iyo kuwa kale oo hadda loo direy dalal ay Masar ka mid tahay”. Xukuumadda Abu Dhabi oo gacan-saar-dhow la leh maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska ku ballan-qaaday in uu bixinayo mushaaraadka, agabka iyo saanadda ciidamadan. Ciidamadan ayaa tan iyo intii ay tababarka kasoo noqdeen aanan weli la hawlgalin, mushaarkoodana aanan weli meel la saarin, iyada oo xukuumadda ay aad u dadajinayso in la meelmariyo heshiiskan, si loo helo lacagta Imaaraadka. Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in heshiiska uu durbaba uu hortabin u leeyahay labada aqal ee baarlamaanka kadib markii ay sidaasi codsadeen madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha federaalka. Dhanka kale, wasiir Jaamac ayaa gaashaanka ku dhuftey warbixinada ku saabsan in ciidamadda laga soo celiyey Eritrea qaarkood ay ka baxeen xeryaha ku yaala magaala madaxda Muqdisho. Tan iyo dhamaadka bishii hore ayay taagnaayeen warbixinada la xiriira in ciidamadan ay ka gadoodeen mushahar la’aan iyo in aysan helin qoondadii horey loogu balanqaadey taasoo keentay in madaxwaynuhu u tago. Ciidamadan ayaa waxay ku kala jiraan ku dhowaad saddex xeryo oo ku yaala caasimadda waxaana loo diyaarinayaan in ay qeyb ka noqdaan howlgalada ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida. Xigasho: Garowe Online The post Ciidanka laga keenay Eritrea oo u xayiran lacag ku xiran heshiiska Imaaraadka (Xog) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ay marwalba qabaan laba faa’iido. Xamza ayaa sheegay haddii ay ciidamada dalka dhaafiyaan Al-Shabaab ay tahay guulo taariikhi ah oo waqti badan lagu noolaan doonaan, haddii ay dhintaan iyaga oo difaacaya dalka, diinta iyo dadka ay yihiin shuhado. “Mar haddii ay Khawaarij yihiin (Shabaab) waxaa idinka (Ciidamada) idin sugeysa laba mid uun, waa guul ama waa shahaado. Idinka waxaa sugeysaan in aad guuleysataan oo dalka xoreysaan oo Khawaarijta ka adkaatan ama in aad shahiidaan sida ay u shahiideen walaaladiin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. “Waa laba arrimood oo kala dhigan, ama waa ina aad Jano tagto ama in aad guuleysato oo ka adkaato adiga oo ajarkii xambaarsan, sow labadu ma fiican. Laakiin iyagu maxay sugayaan in Ilaahay cadaab idinku dhufto oo ku Aakhiro iyo ku Adduun, ama gacanteena Alle idinku cadaab oo anagu idin dilno.” Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Arbacadii saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB, isaga oo ku bogaadiyay sida ay diyaarka ugu yihiin xoreynta dalka. Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu ku amaanay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka. Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka. The post R/wasaare Xamza oo sheegay laba faa’iido oo ay haystaan ciidamada dagaalka ku jira appeared first on Caasimada Online.
-
Indiscriminate shelling of civilians is unacceptable and must stop. We call for an immediate de-escalation of violence in Lascanod, protection of civilians, unimpeded humanitarian access and for tensions to be resolved peacefully through dialogue. https://t.co/6s7l8DTb2g — Bureau of African Affairs (@AsstSecStateAF) February 9, 2023 Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddomiyey shirka amniga gobolka Bari. Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen guddiga amniga gobolka Bari iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay adkeynta nabad-gelyada, horumarinta magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo nashqadeynta magaalada. Shirkan ayaa waxay masuuliyiintu ku go’aamiyeen in dhulka banaanka ee maamulkaasi laga jaro dhul dan guud ah oo dhan 30%, ayada oo la tixraacayo xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee dowlad-goboleedka Puntland. Qoddobada kasoo baxay kulankan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah; in dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee dowladda iyo adkaynta nabad-gelyada guud ee gobolka bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso. Hoos ka aqriso dhamaan qodobada kasoo baxay shirkan oo dhameystiran; Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso. Ka hortaga falalka Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha. In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Dowladda. In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidadka xiran ee nashqadu tilmaamayso. In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee Dowladda Puntland. In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horumarinayo magaalada Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023. In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosaaso. In dhammaan baalayaasha korontada laga qaado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka. In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono. The post Sawirro: Deni oo guddoomiyay shir amni iyo qodobo xasaasi ah oo kasoo baxay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay lacag badan ku bixiyaan gurmadka loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya. Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku dhawaaqay shir deeq yabooha oo dhacaya todobaadka soo socda,kaas oo ay isugu imaan doonaan dalalka deeq-bixiyayaasha caalamiga ah . Dhinaca kale,Bangiga Adduunka ayaa u ballan qaaday Turkiga lacag dhan $1.78-bn oo gargaar soo kabasho ah. Kolanyadii ugu horreeyay ee gargaarka Qaramada Midoobay ayaa gaaray waqooyiga-galbeed Suuriya ee ay gacanta ku hayaan mucaaradka, iyadoo aan la soo marin goobaha ay maamusho dowladda Suuriya Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada Turkiga iyo Suuriya ayaa dhaaftay 21,000. Ugu yaraan 17,674 qof ayaa ku dhintay Turkiga, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Fuat Oktay, halka la og yahay in 3,377 ay ku dhinteen Suuriya. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ku baaqday in loo gurmado Turkiga iyo Suuriya appeared first on Puntland Post.
-
Markii uu hortiisa iyo hareerihiisa ku arkay wiilal dirays xidhan, oo ku hubaysan qoryo 1940nadii qarnigii tegay la sameeyay, iyo dabaabado dhawr ah oo ka soo doogay dagaalkii 1977 oo Siyaad Barre la ga dhaxlay, waxa galay tacajab. Waxa uu mararka qaar ku tallamay Ruush iyo Shiinaha koodii uu hor weerari lahaa! Sababtaas iyo sidaas darteed buu afka u taagi jiray oo af-taagiddiisu bilaa sabab ma ahayn. Sababtas buu xal kasta u laaday, maxaa yeelay xoog buu is ku haleeyay. Intii hore oo dhan buuqa wuu is ka dhegaysanaayay, markii ay faraha ka baxday na, aadyar buu is ka yidhi – Laascaanood argagixiso ayaa joogta ee ha la soo qabqabto, kuwii caqligiisa ku shaqayn jiray na, waa run ee ha la soo qabqabto ayay ka daba yidhaahdeen. Waxa ay intaas ku dareen, dhulku ma guuro ee dadka ayaa guura, Sool clan na waa kibreen. Maalintii koowaad ee ay qaraxday, ayay dumarkii Burco iyo Hargeysa joogay yidhaahdeen ciidanka laxoox iyo sabaayad la soo gaadha. Markaas bay reer miyigii oo aanay abidkood wax u qaban ku yidhaahdeen adhigiina soo ururiya oo ku soo dhakhsada. Geesta kale, qof kasta oo yidhaahda waar meesha argagixiso ma joogto, xabbadna xal lagaga keeni maayo ee ka daaya na, waxa ay ku yidhaahdeen cadowga ayuu la socdaa. Marka ay waxaas shubayaan, indhaha iyo dhegaha ba way furaysteen, heeso wada sillan oo wada cod xun, oo iyaka oo keliyi ay maqlaan baana hoos u ga daaran. Heesta hore idaacadda Muuse ayay ka soo gashaa, waxayna tidhaahda dila argagixisada. Heesta labaad na, waa Tolaay yaa Isaaqaay, iyo Daarood baa inagu soo socda . Ilaa shalay heesihii mid dhextaal ah baa la gu soo daray, taas oo odhanaysa Jigjiga iyo Itoobiya ayaa duulaan inagu ah. Wax ma garato taladeeda intaas iyo inihii ka horeeyay baa la gu gartaa. Allah maxaa talo xumo iyo nacasnimo socota. Laascaanod dagaalka uu Muuse ka bilaabay, isagu ma joojin karo ee iga gunta. Sidoo kale, Dagaalka Laascaanood natiijadiisu waxa ay soo saaraysaa wax kasta oo Reer-Somaliland ay doonaayeen caksigeeda. Sii socoshada dirirtaasi, marka khasaaraha nafeed iyo burburka aynu wada ognahay gees la is ka dhigo, dhaqaalaha ayay taaban oo mushaharka iskaba yar ee ciidanka oo dhawr-dhawr bilood la is gaadhsiiyo ayaa iman waana hubaal, taas oo iyaduna amniga guud taaban doonta. Kulaylka Laascaanood ka holcaaya, dhimbiilihiisu si toos ah iyo si dadban ba koonaha kale ayay u gaadhayaan, guri kasta na waa la ga dareemayaa, waana la ga dareemay ba already. Wax garadku ha kaco, xabbadaas joojinteeda na ha la ga hawl galo. – dab waxa ku guban kara, Inuu daaro mooyee, Nimaan xeel ku damin karrin! Hadraawi – waar maxaa rag ka tegay. Waxaa Qoray:-Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay tilmaameyso xog ay Caasimada Online ka heshay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kooxda Al-Shabaab ayaa amar dul dhigtay qaar ka mid ah culimada ku nool magaalada Muqdisho. Amarkaas ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay si gaar ah ugu socodsiiyeen Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda magaalada Muqdisho. Inkastoo xogtan aysan cadeyneyn waxa laga rabo culumadaan, hadana waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay u yeereen tobanaan culumo ah oo Imaam, Khadiibyo iyo Mu’adimiin ka ah inta badan Masaajidda magaalada Muqdisho. Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaalka oo heshay xogtaan sheegeysa in Al-Shabaab ay u yeereen culumada masaajidda Muqdisho ayaa soo saartay amarro digniin ah oo ku socda culumada. Wasaaradda ayaa bayaankeeda ku cadeysay in Imaamyada, mu’adimiinta iyo khadhiibyada masaajidda ay uga digayso inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab. Wasaaradda oo xoojisay amarro horay uga soo baxay, sida go’aankii shirweynaha culumada Soomaaliyeed, ayaa soo saartay amarro seddax qodob ah oo digniin adag loogu dirayo culumada, gaar ahaan khadhiibyada, mu’adimiinta iyo imaamyada masaajidda. Wasiiradda diinta ayaa culumada uga digtay inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab, sidoo kale amarkaan ayaa quseeya qof kasta oo doonaya inuu la macaamilo ama ay cadaadis ku heyso kooxdu oo qorsheynaya inuu u tago. Seddax qodob ee amarka wasaaradda ayaa u dhignaa sidaan: 1 – in habayaraatee wax marmarsiiyo ah aan loo heyn nooc kasta oo la macaamil Khawaarij ah. 2 – In Imaamyada, Khadiibyada, Mu’adimiinta iyo culimada kale ay ka feejignaadaan dhagarta kooxaha Khawaarijta ah, una hoggaansamaan awaamiirta dowladda. 3 – In dadka shacabka ah ay ka fogaadaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan Khawaarijta oo mar walba bartilmaameed u ah dowladda. Horay Al-Shabaab waxay ugu yeeri jireen ganacsatada iyo qof kasta oo looga dacwoodo, balse hadda ma cadda sababta ay ugu yeerayaan culumada maamusha masaajidda magaalada Muqdisho. Sidoo kale warar is khilaafsan ayaan ka heleynaa goobaha lagu balamiyey culimadaan, in kastoo ay sirtu baxday oo dowladdu ay il-gaar ah ku heysto cidii u hoggaansanta amarrada Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa kooxda Al-Shabaab ku qaaday dagaal seddax jiho ah oo diinta, dhaqaalaha iyo furimaha ah, waxayna qaaday tallaabooyin waaweyn. Dhanka diinta dowladdu waxay ku guuleysatay inay Muqdisho isugu keento culumada Soomaaliyeed oo dhan, kadibna fatwo laga saaro oo la baneysto dhiig iyo maalka Al-Shabaab iyo Daacish. Dhanka dhaqaalaha dowladda ayaa ku guuleysatay inay xirto akoonnadii oo lacagahooda ay ka xayirto hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, sidoo kale ay daba-gasho cid kasta oo canshuur siisa. Dagaalka toos ka ah: dowladda ayaa guulo muuqda ka soo hoysay furimaha dagaalka, iyadoo bilo kooban gudahood kooxda looga sifeeyey dhul baaxad leh. The post Xog: DF oo heshay kana jawaabtay amar Al-Shabaab ay dul-dhigeen culimada appeared first on Caasimada Online.
-
Mahad Cambaashe wuxuu u xilsaaran yahay ilaalinta saanadda loo adeegsado gumaadka dadka Laascaanood Laascaanood (Warbixin) — Kaddib dagaalkii 6dii Febraayo ka qarxay Laascaanood, maamulka dagaalka goosasho-doonka ah wada wuxuu go’aansaday inuu beddello qorshaha uu ku soo weerarayo Laascaanood. Xuddunta qorshahaas waa waddada Yagoori ilaa dhooddi oo hadda ay sahaydu u soo marto. Mahad Cambaashe wuxuu hadda u xilsaaran yahay ilaalinta sahayda. Hawshan cusub loo dhiibay Mahad Cambaashe waxaa la og Cabdirisaaq Khaliif, oo ugu magacaaban Hargeysa Afhayeenka Aqalka Wakiillada, oo dagaalka lagu soo qaadayo Laascaanood u arka ,mid dib loogu soo nooleynayo awooddii Mahad Cambaashe iyo maleeshiyadiisii oo hadda kala daadatay. Sahayda uu Mahad Cambaashe soo gudibnteeda u xilsaaran yahay waxaa loo soo wadaa Tukaraq oo ah meesha maamulka dagaalka gardarrada wada uu weerarka kaga soo qaadayo Laascaanood. Isbeddelka qorshaha dagaal waxaa sababay sida Hargeysa u fasiratay warmurtiyeedkii maamulka Puntland u kaga runsheegay inuusan kaalin ku lahayn dagaaalka ka socda duleedka Laascaanood. Somaliland waxay u aragta hadalka Puntland mid u fududeynaya inay hub iyo saanad iyo ciidan ku soo urursato si ay u soo weerarto magaalo Puntland ka tirsan marka la eego Cahdigii Puntland lagu asaasay. Cabdirisaaq Khaliif wuxuu wadaa shaqo lagu tilmaamay “hoosaasin” si Laascaanood dib ugu noqoto gacanta goosasho-doonka iyo caaglayaasha u shaqeeya. Mahad Cambaashe caaglayaashiisa wixii ka haray ma galaan dagaal ka dhan ah Laascaanood laakiin waxay ka dhursugayaan qorshaha maamulka duqeynta ku wada Laascaanood. Xeeldheere militari oo Laascaanood ku sugan ayaa sheegay in shaqada hadda uu Mahad Cambaashe hayo ka halis badan tahay tii uu hayay markuu Laascaanood joogay. “Dadkii Laascaanood oo dagaalka ku dhimanaya qaarna duqeyn ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan ayuu cadawga u hayaa shaqo sahay ilaalin ah si gaadiidku u soo maro dhulka beeshiisu degto.” Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil wuxuu shalay ugu baaqay Muuse Biixi inuu ciidankiisa la baxo. Dhanka kale, Cabdirisaaq Khaliif dan ayuu u arkaa beenta Muuse Biixi sheegay kaddib markuu ku tilmaamay Laascaanood magaalo ay argagixiso joogto. “Mahad Cambaashe halis weyn ayuu beeshiisa galinayaa haddii uu shaqada sahay ilaalinta sii wado waayo dagaalku wuu sii dabadheeranayaa maadaama hal beel oo Laascaaood degta ay dagaal kula jirto beelo badan oo isku hayb ah” ayuu yiri nin ku sugan Laascaanood. Halista qorshaha Tukaraq haddii aan laga hortagin, isla markaasna aan lagu baraarugin shaqada uu Mahad Cambaashe wado, waxaa dhici doonta isir sifayn uu Muuse Biixi ku taamayo” ayuu yiri nin hore uga tirsanaa golaha deegaanka ee Laascaanood. Taliyayaasha ciidammada dagaalka gardarrada ah wada waxay ku dadaalayaan in dagaal uusan ka dhicin galbeedka Sool, meelaha beesha Mahad Cambaashe ay degto, dhulkaas oo uu saadku u soo maro ahna meesha laga maleego qorshaha burburinta Laascaanood. Sida ciidammada iska caabbinta dagaalka gardarrada ah uga jawaabi doonaan halisaha muuqda waa kuwo aan weli la ogeyn. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland oo beddeshay qorshaheeda weerarka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The Al-Shabab militant group in Somalia has rejected the claims made by the Somaliland administration that its fighters are participating in the ongoing conflict in Laascaanood, the capital of the Sool region. The conflict, which began on Monday between Somaliland forces and local forces opposing their presence in the city, is now on its fifth day. An estimated 40 people have since lost their lives, and over 150 have been injured. Somaliland’s claims against Al-Shabab Somaliland has frequently stated that Laascaanood is under attack by terrorists and members of Al-Shabab, which the local population has previously perceived as a pretext for killing civilians. In a recent interview with BBC English, Somaliland’s Foreign Minister, Dr. Ise Kayd Mohamud, claimed that they have “evidence and have recorded instances of Al-Shabab militants attacking military bases.” The Minister further stated that they had apprehended several Al-Shabab militants and other soldiers affiliated with the neighboring Puntland administration fighting in Laascaanood. Al-Shabab’s statement of denial However, Al-Shabab has rejected these claims and issued a statement denying any involvement in the conflict. The statement read, “The Al-Shabab Mujahideen group denies the statement made by the self-proclaimed Somaliland administration that Al-Shabab is fighting in Laascaanood.” The statement added, “Al-Shabab confirms that the statement is baseless and will not accept its name being used as a guise to justify killing innocent civilians, taking their property, and their honor in Laascaanood.” Al-Shabaab further accused the Hargeysa administration of using these false claims to seek support from the international community to carry out its alleged killing of the Laascaanood population. Calls for an immediate ceasefire On Thursday, The United States issued a call to action in response to the escalating conflict in Laascaanood. In an official statement from the Bureau of African Affairs of the US Department of State, the government declared that “the indiscriminate targeting of civilians is unacceptable and must be brought to an end.” The US Government has called for an immediate cessation of violence in Laascaanood, protection of civilians, and unrestricted access for humanitarian aid. The statement also emphasized the need for a peaceful resolution through dialogue. Roots of the conflict The conflict was sparked by a decision made by local leaders, who had been meeting in the city for several days, stating that the region would not be part of Somaliland but instead be under the control of the federal government of Somalia. The traditional leaders also declared the SSC-Khaatumo regions to be part of the federal government of Somalia and committed to Somali unity. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not yet been recognized as a separate state. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment. The current crisis was triggered by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member, which was blamed on Somaliland. The Somaliland security forces have used force to try to quell the situation, leading to further violence and casualties. The post Al-Shabab rejects claims of involvement in ongoing Laascaanood conflict appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ku gacan sayrtay sheegashada Somaliland ee ku saabsan in dagaal-yahanada kooxdaas ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Somaliland ayaa marar badan ku celisay in Laascaanood ay ka dagaalamayaan argagixisio iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taasi oo dadka deegaanka ay horey ugu macneeyeen in loogu qiil raadinayo dilka shacabka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo maanta wareysi gaar ah siiyay BBC-English, ayaa yiri “”Waxaan heynaa oo aanu diiwaan-gelinay in maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada milatariga.” Wasiirka ayaa intaasi kusii daray inay nolosha ku qabteen tiro kamid ah maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa kale oo kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku qabteen dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood. Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa arrintaas ku gacan sayrtay, waxayna war-saxaafadeed ay soo saartay ku tiri “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si adag u beeninaysaa hadal maanta oo Khamiis ah kasoo yeeray maamulka isku magacaabay Somaliland, kaas oo wasiir u hadlay uu sheegay in ay magaalada Laascaanood kula dagaalamayaan Mujaahidiinta Al-Shabaab.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Xarakada Al-Shabaab waxay xaqiijinaysaa in hadalka kasoo yeeray maamulkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn. Xarakada Al-Shabaab ma aqbalayso in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.” Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in sheegashada Somaliland ay tahay mid maamulka Hargeysa “uu eedeymahaas been-abuurka ah kaalmo uga helo gaalada caalamka, si ay ugu taageeraan gumaadka uu ku hayo bulshada Laascaanood.” Dagaalka oo billowday Isniintii islamarkaana u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka oo kasoo horjeeda joogitaankooda magaalada, ayaa maanta galay maalintii afaraad. Saddexdii maalmood ee ugu horreeyey ayaa waxaa dagaalka ku dhintay ku dhowaad 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen. Xogta khasaaraha dagaalkii maanta ayaan weli la helin. The post Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalka Laascaanood iyo hadalkii Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – The United States has issued a call to action in response to the escalating conflict in Laascaanood, Somalia, which has now entered its fourth day and resulted in fatalities and extensive damage. In an official statement from the Bureau of African Affairs of the US Department of State, the government declared that “the indiscriminate targeting of civilians is unacceptable and must be brought to an end.” The US Government has called for an immediate cessation of violence in Laascaanood, protection of civilians, and unrestricted access for humanitarian aid. The statement also emphasized the need for a peaceful resolution through dialogue. This sentiment was echoed by Somalia’s international partners, who expressed “grave concern” over the violence in Laascaanood, including the loss of civilian life, including children. They, too, called for an end to the violence, the protection of civilians, and a peaceful resolution through dialogue. The conflict, which began on Monday, is between forces from Somaliland and local fighters who oppose their presence in the city and have called for their withdrawal. In the three days since the conflict began, approximately 40 people have lost their lives, and over 150 have been injured. The latest casualties are yet to be reported. The conflict was sparked by a decision made by local leaders, who had been meeting in the city for several days, stating that the region would not be part of Somaliland but instead be under the control of the federal government of Somalia. The traditional leaders also declared the SSC-Khaatumo regions to be part of the federal government of Somalia and committed to Somali unity. Somaliland authorities have claimed that groups organized by local leaders attacked their forces. In contrast, one of the local leaders denied the claim and accused Somaliland forces of launching an attack. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not yet been recognized as a separate state. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment. The current crisis was triggered by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member, which was blamed on Somaliland. The Somaliland security forces have used force to try to quell the situation, leading to further violence and casualties. The post US demands end to conflict in Laascaanood, Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan. Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.” Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.” Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday qoraal laba maalin kahor kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya oo lagu sheegay “inay aad uga walaacsan yihiin rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.” “Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Dagaalka oo billowday Isniintii ayaa u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka oo kasoo horjeeda joogitaankooda magaalada, kuna baaqay inay ka baxaan. Saddexdii maalmood ee ugu horreeyey ayaa waxaa dagaalka ku dhintay ku dhowaad 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen. Xogta khasaaraha dagaalkii maanta ayaan weli la helin. Dagaalka ayaa billowday saacado un kadib markii odayaasha gobolka oo toddobaadyo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka ahayn Somaliland, islamarkaana hoos-tagaan dowladda federaalka Soomaaliya. Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale sheegay in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo Soomaaliya. Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha. Hase yeeshee mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland. The post Mareykanka oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Eighteen individuals who have been severely injured in the ongoing conflict between the Somaliland military and the SSC-Khatumo forces in Laascaanood were transported to Mogadishu for medical treatment on Thursday. The victims were transported from the Garowe airport in the Puntland capital and were welcomed by government representatives who had traveled to the region to assess the humanitarian situation and provide aid and medicine. The Somalia Disaster Management Agency, under the Office of the Prime Minister, has signaled its readiness to support the victims and address the situation, and has requested assistance from international organizations. The Puntland Minister of Health, Jama Farah Hassan, expressed gratitude towards the regional and federal government agencies for their aid to the affected individuals, saying, “We are truly grateful for the support from our government and regional agencies. These individuals desperately need medical attention, and we are grateful for their aid in getting them the help they need.” The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, has called for an end to the conflict, urging both the SSC-Khatumo and Somaliland officials to immediately stop the fighting in Laascaanood. “The solution to the problems in Sool and Sanag lies within the realm of politics. The will of the people cannot be resolved through the use of force. Their will must be respected, weapons must be laid down, hostilities must cease, and a negotiating table must be set,” the president said. President Mohamud has also signaled the federal government’s readiness to participate in and facilitate a peace conference to resolve the tense situation in the town, saying, “The federal government is ready to participate in and facilitate a peace conference to resolve the situation in Laascaanood. It is time for both sides to come to the negotiating table and find a peaceful resolution to this conflict.” The tension in Laascaanood has been escalating over the past month due to the local population’s opposition to the presence of Somaliland’s administration and the demand for the withdrawal of its troops. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment in the area. The current crisis was triggered by the assassination of local youth leader and opposition Waddani Party member Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), which was blamed on Somaliland. The Somaliland security forces have used force to quell the situation, leading to casualties and further fueling the conflict. The post Victims of Laascaanood conflict transported to Mogadishu for medical treatment appeared first on Caasimada Online.
-
A building in Laascaanood damaged during indiscriminate shelling by Somaliland forces. Mogadishu (Editorial) — What can one make of the decision of Somaliland Administration to authorise its forces to shell Laascaanood? Putting at risk the lives of citizens in a district whose inhabitants are represented in the bicameral legislature of Somalia’s federal institutions constitutes a blow to the progress made in the state-building initiatives that Britain has been supporting since 2012, the year Somalia formed its first post-transition government. Somalia is under Chapter 7 Article of the United Nations Charter. The United Nations Security Council has “powers to maintain peace”. Somaliland Administration justifies shelling Laascaanood by its forces under the pretext that it is a republic that seceded from Somalia in 1991. Its actions come under the three categories of Chapter 7 Article: “Threats to the Peace, Breaches of the Peace, and Acts of Aggression.” Secession war: President Muse Bihi of Somaliland Administration misapplies the African Union article on colonial borders to wreak havoc in Laascaanood. There is a contradiction in the application Chapter 7 Article to Somalia: the Security Council, of which Britain is member, takes into account threats to security that transnational terrorism poses to the world peace, but it ignores the plight of Somali citizens being killed by forces waging a secession war based on flawed interpretation of colonial borders. It is the Federal Republic of Somalia whose sovereignty is being questioned by an administration that claims to be enforcing colonial borders that only apply to sovereign states that became member states of the African Union. By failing to remind the Somaliland Administration of its obligation to respect the sovereignty of Somalia and refrain from waging an irredentist conflict, the Security Council undermines the very principles of Chapter 7 Article applied to Somalia. The Laascaanood conflict could plunge Northern Somalia into a total civil war given the number of clans fighting in the name of Somaliland Administration against the people of Laascaanood. The Federal Government of Somalia called on Somaliland Administration to respect the wishes of Laascaanood people whose traditional leaders and a 33-member committee issued on 6 February a declaration calling for the withdrawal of Somaliland forces and reaffirmed their political representation in the Mogadishu-based federal institutions . © Puntland Post, 2023 The post Why are Somaliland Forces Shelling Laascaanood? appeared first on Puntland Post.
