-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jalalaqsi (Caasimada Online) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qaar kamid ah ciidamadeeda kala baxday gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Hiiraan, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS. Ciidamadaan ayaa laga saaray xero ay ku lahaayeen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolkaasu, waxaana dib loogu celiyay dalkooda, sida ay ku warrameen ilo wareedyadu. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in sababta loo saaray ciidamadaan ay tahay in ay dhameysteen waqtigoodii, isla-markaana lagu soo beddalayo kuwa kale oo cusub. Col. Xasan Jaamac Faarax oo ah Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS ayaa ciidamada la beddalay boggaadiyay, wuxuuna sheegay in shaqo wanaagsan oo horumarineed ay ka qabteen aagga gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka shaqeeyeen xasiloonida halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay wada shaqeyn wanaagsan la lahaayeen saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo maamulka ka jira halkaasi, taasina ay ku amaanan yihiin. Col. Xasan Jaamac Faarax ayaa sidoo kale farriin u diray askarta kale lagu soo bedalaya, isla-markaana ka imaanaya Jabuuti, isaga oo ka codsaday inay ku deydaan ciidamada haatan ka baxay gudaha Soomaaliya, ayna la yimaadaan fir-fircooni iyo shaqo wanaag. “Waxaan ku boorineynaa guutada imaaneysa inay si adag u shaqeeyaan oo ay gaaraan xitaa wax ka badan wixii horay loo qabtay,” ayuu yiri Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS. Jabuuti ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan dowladda federaalka kula shiray magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxayna ka wada-hadleen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo amniga guud ee gobolka. Si kastaba, ciidamada ATMIS ayaa qorshuhu yahay in dhammaadka bisha December ee sanadka soo socda ee sanadka 2024-ka inay isaga baxaan dalka, markaas oo ay amniga guud ay la wareegi doonaan ciidamada Soomaaliya oo haatan ku jira diyaar-garow xoogan. The post JABUUTI oo qaar kamid ah askarteeda kala baxday Soomaaliya + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo howlgal qorsheysan ka sameeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu soo eedeeyay ‘in ay nin ka afduubatay’ gudaha degmada Wadajir. Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Maxamed Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay guri ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku hayeen, ayada iyo koox kale oo ay hoggaamineysay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsan. Ninka la afduubtay oo haweeneydan & kooxdeeda ay kasoo wateen waaxda shanaad ee degmada Wadajir ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Mahad Xasan Camey, kaas oo haatan lagu wareejiyay ehelladiisa, sida uu shaaciyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir. “Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir si gaar ah Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ayaa ka qabtay Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo iyada iyo Koox ay hugaamineyso afduubteen Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsanaa,” ayuu yiri Booliska. Sidoo kale Booliska ayaa intaasi ku daray in haweeneyda haatan lagu soo xiray saldhigga degmada Wadajir, isla-markaana laga qaadi doobo tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Haweeneydaan ayaa horkaceysay koox afduubtay Mahad Xasan cameey oo ah Muwaadin xanuusan oo ay ka afduubteen waaxda 5-aad ee Degmada wadajir iyaga oo ku hayay guri ku yaala Degmada Howlwadaag. Saldhigga Degmada Wadajir ayaa hataan laga soo xiray Haweeneydaan, waxaana la hor geenayaa sharciga,” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Booliska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan howlgallada ka socda caasimada, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo halis ku ah amnig shacabka. Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay falkan afduubka ah hoggaamineysay haweeney, taas hadal-heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada. Si kastaba, caasimada ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal afduub ah oo badanaa lagula kaco carruuta yar-yar, kuwaas oo aad usoo kordhayay maalmihii lasoo dhaafay. The post Haweeney ‘nin xanuunsan ku afduubatay’ Muqdisho oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
African leaders meet in Addis Ababa to seek peace, security
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Insecurity and conflict, the two inter-linked problems that have been synonymous with parts of Africa for decades, will be lurking in the shadows of the 36th Ordinary Session of the Assembly of the African Union to be held in Addis Ababa from the February 15-19. Source: Hiiraan Online -
Afmadow (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar is-miidaamin ahaa oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cali Bogmadow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaas oo loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Bogmadow ayaa ka sheekeeyay qaabka loo fashiliyay weerarkan, wuxuuna tilmaamay in baabuurta lagu qarxiyay difaaca koowaad ee xarada la weeraray, kadib markii ay ku dhaceen godad uu sheegay in loogu tala-galay in looga hortago qaraxyada Al-Shabaab. “Waa la arkay labada baabuur xabadaa lagu ridday marka naf la caarigii difaacii hore oo godad dhaadheer laga sameeyay oo loogu tala-galay Khawaarijta wasaqda marka ay ku tala-galaan in qarax ciidamada ay ku waxyeeleeyaan inuu ku dhaco baabuurka dabadeedna uu isagu isla qarxo arrintaas waa ku guuleysanay,” ayuu yiri Taliye Cali Bogmadow. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in baabuurta la qarxiyay ay la socdeen tobaneeyo Al-Shabaab ah, balse goobta lagu wada dilay, sida uu hadalka u dhigay. “Labadii baabuur iyo wixii la socday way qarxeen hilbahoodii ayaa meesha daadsan, 10 ayaan dilnay qiyaastii, xittaa waxaa la socday kuwo is qarxin rabay” ayuu sii raaciyay. Dhankooda waxa uu xaqiijiyay inay dhaawacyo fudud soo gaareen illaa saddex askari oo kamid ah ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla duleedka Afmadow. “Annaga waxaa jira saddex nin oo dhaawac fudud ah waa la dhayay ciidankoodii ayey horay ugu feeleen” ayuu markale yiri taliyuhu. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay si wadi doonaan gulufka dagaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo haatan ka socdo gudaha degmada Afmadow. Ma joojineyno howlgalkii aanu wadnay ee bartan aan ka hoggaamineynay halkiisii ayuu ka soconayaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. Al-Shabaab dhankeeda waxay shaacisay inay beegsatay saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah. Si kastaba, maalmihii u dmabeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe. The post Sidee loo fashiliyay weerarkii Is-miidaaminta ee AFMADOW? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa hadda kulan uga bilaamay aqalka madaxtooyada. Kulanka ayaa la filayaa in lagaga hadlo xaaladda gobolka Sool iyo khilaafka Doorashada. Sida ay ogaatay Somalilandtoday xubnaha mucaaridka uga qayb galaya kulanka hadda uga bilaamay aqalka madaxtooyada ayaa waxa ka mid Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, siyaasiga rugcadaaga ah ee Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde kana mid ah hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI, murrashaxa Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi, guddoomiyaha xisbiga UCID eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada Xildhibaan Siciid Mirre Faarax Giire iyo Xildhibaan Jaamac Macaf oo kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Berbera, Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo aan in-dhawayd lagu arag fagaarayaasha siyaasada Somaliland balse hadda dhanka Xisbiga UCID ka socda. Dhanka xukuumadda lama oga ilaa hadda cid ku wehelin doonta Madaxweyne Biixi kulankan. Source
-
Rasaas kala duwan ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood balse weli lama xaqiijin in dagaal fool ka fool ah bilaamay iyo in madaafiic uun lays waydaarsanayo. Somaliland oo xalay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac. Dhinaca isamada dhaqanka weli ma shaacin mowqifkooda la xidhiidha Xabad joojinta inkasta oo Garaad Mukhtaar oo xalay hadlay sheegay in ay nabadda markasta diyaar u yihiin isagoo intaasi ku daray in Somaliland weli waddo duqaynta magaalada. Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in xabbad joojintii xalay ay ku dhawaaqdey ay ka baxeen dhinicii kale. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar lagu soo qaadey fadhiisimada ciidanka Qaranka ee Magaalada Laascaanood, balse ay ciidanku iska difaaceen weerarkaasi. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa u dhignaa sida tan: “Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu.” Source
-
(SLT-Washington)-Hay’adda dembi baadhista gudaha ee Maraykanka ee FBI ayaa waraaqo cusub oo sir ah ka heshay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Mike Pence ee ku yaalla gobolka Indiana, intii lagu gudajiray baadhitaan ay saraakiisha hay’addu ku sameeyeen maalintii Jimcaha. Baadhitaankan ayaa yimi, ka dib markii qareenada Mike Pence ay guriga madaxweyne ku xigeenka ka heleen bishii hore waraaqo xasaasi ah oo ay dawladdu leedahay. Lataliyaha madaxweyne ku xigeenkii hore, Devin O’Malley ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku inay dhamaystirtay baadhitaan dhamaystiran oo aan xadidnayn oo qaatay shan saacadood oo lagu sameeyey guriga Pence, waxayna guriga ka heleen “hal document oo sira, iyo illaa lix bog oo kale oo aan wadanin tixraac sheegaya sir ahaansho, kuwaas oo aanay hore u aqoonsan la taliyaha sharciga ee madaxweyne ku xigeenka hore. Baadhitaankan oo ahaa, mid ay ka wada hadleen wakiillo ka socda Pence iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanku, ayaa ku soo beegmaya iyada oo loogu yeedhay baadhitaan gaar ah oo lagu samaynayo, tallaabooyinkii uu qaaday madaxweynihii hore ee Donald Trump ee uu doonayey inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, iyada oo Mike Pence uu xilligan ka fikirayo inuu u tartamo madaxtinimada dalka Maraykanka, sannadka 2024. Mike Pence ayaa noqonaya masuulkii saddexaad ee dhismayaashiisa laga helo waraaqo sir ah, ka dib baadhitaan ay samaysay hay’adda FBI, hore waxaa loo baadhay guryaha ay degan yihiin, madaxweynihii hore Donald Trump iyo madaxweynaha haatan xilka haya Joe Biden, oo guryahooda laga helay waraaqo sir ah. Source
-
(SLT-Ankara)-Afar qof oo hor leh oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga soo saaray 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay burburka dhismayaasha hoostooda, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay. Waxaa adag xaaladda dalkaas, waxaana dhimashada la sheegayaa inay kor u dhaaftay 18 kun oo qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 74 kun. Khasaarahaan markii lagu daro dadka ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay dalka Suuriya tirada dhimashadu waxay kor u dhaafeysaa 21 kun oo qof. Ugu yaraan lix qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhul gariirka ku dhuftay dalka Turkiga, kuwaas oo afar kamid ah xalay meydadkooda la aasay. Sidoo kale afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri, dadka maqan ayaa ku hoos jira burburka dhismayaasha, waxaana meelaha qaar ka dhacay dhul gariir hor leh. Dr. Cabdicasiis Maxamuud oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 10 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga uu xalay ka dhacay Dhul-gariir kale, taas oo tirada khasaaraha sii badi karta. Dr. Cabdicasiis ayaa wareysi uu siiyay idaacadda VOA ku sheegay in dhacdadaan ay aad u saameysay Soomaalida ku nool dalka Turkiga, gaar ahaan ardayda Jaamacadaha ka dhigata dalka Turkiga. “Xiligaan waxaan u dhaqaaqeynaa in aan soo aasno afar ka mid ah walaalaha Soomaaliyeed inaan soo aasno meydkooda, afartaan qof waa reer Jabuuti oo Soomaali ayaan isku nahay, sidoo kale meydadka laba qof oo kale oo ayaguna Soomaali ah ayaa naloo soo wadaa, lixdaas ayaan geeridooda xaqiijinay hadda,” ayuu yidhi Dr. Cabdicasiis. Source
-
(SLT-Nairobi)-Madaxweyneyaasha Kenya iyo Eritrea oo kulamo kala duwan maalmihii lasoo dhaafay ku lahaa magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xidhiidhka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea. Dhinaca kale madaxweynaha Eritrea ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu mar kale dib ugu biiri doono urur gobolleedka IGAD ee uu muddada 10-ka sanno ka badan ka maqnaa. Eritrea ayaa joojisay xubinnimadeeda IGAD sannadkii 2007 kadib markii ay isku khilaafeen Itoobiya joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya. Sannadkii 2018-kii, Eritrea iyo Itoobiya waxay dib u soo ceshadeen xidhiidhkooda diblomaasiyadeed waxayna ku heshiiyeen in la soo afjaro colaadda sannado badan u dhexeysay. Source
-
Dhaqtar saaka ku geeriyooday duqaymaha ka socda Laascaanood
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Marxuum Cabdisalaan Muuse Siciid oo kamid ahaa dhaqaatiirta Gargaar Hospital Laascaanood ayaa saaka ku geeriyooday madaafiic ku dhacay qayba kamid ah isbitaalka. Ciidamada Somaliland ayaa isbitaalka ku garaacay duqaymo aan loo meel dayin kuwaas oo sababtay geerida marxuumkaas. Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale dhaawacyo kala duwan ka dhasheen duqaymaha ku dhacay gudaha Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa maalintii lixaad madaafiic iyo hubka culus ku garaacaya gudaha Laascaanood oo ay ku jiraan xarumaha caafimaadka iyo masaajida. PUNTLAND POST The post Dhaqtar saaka ku geeriyooday duqaymaha ka socda Laascaanood appeared first on Puntland Post. -
Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayadoo ay burburtay xabad-joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac. Somaliland oo ka hadshay dagaalkan waxa ay shaaca ka qaaday in soo weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliland oo qoraalkan baahisay ayaa intaasi ku dartay in la jabiyay ragga weerarka soo qaaday, isla-markaana goobaha lagu dagaalamay ay haatan ku sugan yihiin ciidamadooda. “Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan,” ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Gudah Somaliland. Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in arrintan ay ku soo beegan tahay, kadib xabad-joojin shuruud la’aan ah oo ay sheegtay inay xalay ku dhawaaqday xukuumaddu. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa markale lagu yiri War-saxaafadeedka. Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas. The post Xabad-joojintii Somaaliland oo burburtay iyo dagaal dib uga qarxay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Afmadow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii hore xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla duleeda Afmadow ee gobolkaasi. Qaraxyada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo sidoo kale ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray. Wararka ayaa sheegaya in weli xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay weerarkaasi. Al-Shabaab oo war kasoo saartay waxa ay shaacisay inay beegsatay gudaha saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ah kasoo baxay saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan degmada Afmadow oo ku aadan weerarkaasi ku billowday is-miidaaminta. Xerada la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo tiro badan oo loo diyaarinayey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Afmadow ku sugan Wasiirka Amniga Jubbaland iyo taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga, kuwaas oo abaabul ka dhan ah Al-Shababa ka wada halkaasi. Weerarka Al-Shabaab ayaa u muuqdo mid ay iga hortageyso dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka iyo Jubbaland ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka, waxayna saaka beegsatay mid kamid ah xerooyinka muhiimka ee lagu diyaarinayo ciidanka ka howlgalaya halkaasi. Maalmihii u dmabeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe. The post Weerar ku billowdy QARAXYO oo lagu qaaday xero ku taalla AFMADOW appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya has denied claims that it has encroached South Sudan’s territory arguing that it respects the boundaries of its neighbours. Source: Hiiraan Online
-
The Kenyan government has described as “completely unfortunate” the terror alerts issued by the United States and the United Kingdom, but urged Kenyans to remain vigilant even as it celebrated the country’s success in battling Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Addis Abeba – Somali regional state government said it is “not appropriate to call for a peaceful demonstration that is not authorized by the appropriate body” and that it “creates a security threat at this time when preparations for the African Union Summit, which has high diplomatic and economic benefits, are being completed.” Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Somaliland ayaa maalintii lixaad madaafiic iyo hubka waaweyn ku garaacaya magaada Laascaanood. Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay in duqaymo xooggan oo aan kala sooc lahayn ku socdaan xaafadaha magaalada. Mas’uuliyiinta Somaliland oo xalay warbaahinta kula hadlay degmada Caynaba ayaa sheegay in xabbad-joojin hal dhinac ah ay samaynayaan. Waxaase ku xigtay in saaka madaafiic iyo hubka culus lagu garaacayo xaafadaha kala duwan ee Laascaanood. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo maalintii lixaad duqaynaya Laascaanood appeared first on Puntland Post.
