-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wisil (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo u dhaxeeya deegaanada Shabeelow iyo Camaara oo hoos taga degmada Wisil. Jeneraal Biixi oo u waramay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 117 xubnood maanta Al-Shabaab looga dilay dagaalkii ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, isagoo sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid gacanta la iskula tegay oo aan waxaba la isku reeban. Ugu yaraan sideed saacadood ayuu Taliyuhu sheegay inuu socday dagaalkaas, isla markaana afar dhufeys ay ka kiciyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab oo mudo halkaas ku diyaar garoobaayey. Weerarka waxaa qaaday ciidanka Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya daraawiishta Galmudug, waxaana Al-Shabaab loo geystay duqeymo xoog leh oo waxaa dagaalka ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka. “Halka aan maanta cadowga ku weerarnay waxay ku lahaayeen saldhigyo waaweyn, dagaalkii ugu cuslaa oo waayahaan aan la galno Khawaarijta ayaa dhacay, afar goobood ayaan ka kicinay, welina waa noo hareereysan yihiin oo waxaa naga go’an in halkaan aan ku soo afjarno,” ayuu yiri Jeneraal Biixi. Sidoo kale Taliye Biixi wuxuu sheegay in seddax jiho ay ka weerareen kooxda Al-shabaab, isla markaana ay ku go’doomiyeen deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Xarardheere, Hobyo iyo Wisil ilaa Caad iyo Camaaro, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay soo afjarayaan Al-Shabaab ka dagaalamaya aaggaas. “Waxaan u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed in meydadka 117 ka mid ah Khawaarijta aan dul istaagnay, dagaalka oo ahaa mid culus aragagixisada uma suurta gelinay meyd iska daaye inay dhaawac qaataan,” ayuu yiri. Jeneraal Biixi oo sii hadlaayey ayaa sheegay in kooxda ay ku go’doomiyeen koonfurta gobolka Mudug oo halkaas ay ugu dhimanayaan gaajo iyo sahay la’aan, isagoo cadeeyey in Jimcihii shalay ay ku bilaabeen dagaal aan laga jooji doonin ilaa inta laga soo afjarayo maalmaha soo socda. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: AL-Shabaab oo dagaalkii Mudug looga dilay 117 iyo Biixi oo xog bixiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga Waddani wuxuu soo dhaweynayaa xabbad-joojinta ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday. Mar labaad, Xisbiga Waddani wuxuu ku celinayaa oo uu dirayaa baaq nabadeed iyo in wadahadal ay labada dhinac miiska isugu yimaaddaan, waxaanu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato nabadda iyo wadahadalka xalka lagaga gaadhayo shiqaaqada Laascaanood”. Gudoomiye xirsi Cali xaaji xasan. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maalmo badan la dhibaatoonaya inuu magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka dhaqan-geliyo isdiiwaan-galinta dadweynaha iyo barnaamijkiisa oo ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland, kaas oo la kulmay diidmo dhaqan, mid siyaasadeed iyo mid ciidan. Dhowr maalmood kahor ciidan ku abtirsada magaalad Garoowe oo diidan sida uu Saciid Deni wax u rabo ayaa weeraray goob loogu tala-galay in lagu diiwaan-geliyo dadweynaha. Odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay inay ciidanka la hadlaan oo xabada joojiyaan. Ciidanka diidan qorshaha Saciid Deni ayaa waxaa hogaaminaya nin la yiraahdo Jimcaale oo reer Garoowe ah. Ninkan iyo Saciid Deni ayaa isku saf ahaa dagaalkii kal hore ka dhacay Boosaaso ee ay la galeen Ilmo Diyaano, laakiin hadda jihada uu Saciid la rabo xukunka iyo sida Jimcaale ugu weyn tahay tarihii soo jireenka ahaa oo hadda beeshiisa maraya ayaa kala dilay labada nin. Ciidan xoog leh ayuu Jimcaale haysta, waana taliyaha guutada labaad ee kumaandooska Puntland. Siyaasiyiinta reer Garoowe ayaa miisaankoodu sidoo kale weli diidan yahay sida uu Saciid Deni wax u rabo. Garoowe iyo Gaalkacyo waa labada meel ee lagu tijaabinayo qorshaha Saciid Cabdullaahi Deni oo ay dadku badi sheegayaan inuu yahay mid uu rabo inuu u dhexmaro muddo kororsi laba sano ah. Arbacadii waxaa jiray qorshe uu Deni rabay in isdiiwaan-galintu kaga bilaabato magaalada Garoowe, laakiin waa suurtoobi weysay. Odayaal uu hogaaminayo Islaan Ciise ayaa la sheegay inay wadaan wada-hadal. Indheer-garadka siyaasadeed ee beesha degta magaalada Garoowe waxay ku doodayaan in xisaabta sidii hore ku socoto ee ahayd saddexda tiir, waxay u arkaan in la joogo kalkoodii. Deni magaalada Boosaaso ayuu kasoo qabtay isdiiwaan-gelinta, laakiin waxa jira kala duwanaansho labada magaalo ah. Mid waa hal dhari waana Garoowe oo ay u badan tahay inay beesha xoogeedu isku aragti noqoto. Midna waa dhawr digsi oo waa Boosaaso oo haddii qolo kaa diido aad heli kartid qolo kale oo kusoo baxda. Inkasta oo ay jiraan siyaasiyiin reer Garoowe ah oo safka dhanka Deni kaga jira haddana weli kuma aanay guuleysan in dadka magaalada iyo miisaanka gobolka Nugaal ka iibiyaan mowduuca Saciid Deni, kaas oo wararka qaar ay sheegayaan inuu isna ciidan xoogan ku ilaalinayo sanaadiiqda. Illaa bisha May ee sanadkan Deni waxa uu rabaa in degmooyin badan ka sameeyo diiwaan-gelinta kadibna uu codsado muddo kororsi laba sano ah, isaga oo marmarsiyo ka dhiganaya dhameystirka qorshihiisa ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland ayay leeyihiin mucaaridka Puntland, oo iyagu si weyn u diidan arrintan. Saciid Cabdullaahi Deni dabeylaha ayaa weli ruxaya, xaalkiisuna ma deganeyn tan iyo markii uu kusoo jabay doorashadii guud ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka hadlay xiisada ka taagan Garoowe, wuxuuna ku baaqay in xiisada halkaas ka taagan wada-hadal lagu xaliyo. The post Madaxweyne Deni oo loogu awood sheegtay Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Afar qof oo hor leh oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga soo saaray 24-kii saac ee lasoo dhaafay burburka dhismayaasha hoostooda, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay. Waxaa adag xaaladda dalkaas, waxaana dhimashada la sheegayaa inay kor u dhaaftay 18 kun oo qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 74 kun. Khasaarahaan markii lagu daro dadka ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay dalka Suuriya tirada dhimashadu waxay kor u dhaafeysaa 21 kun oo qof. Ugu yaraan lix qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhul gariirka ku dhuftay dalka Turkiga, kuwaas oo afar kamid ah xalay meydadkooda la aasay. Sidoo kale afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu weysan yahay nolol iyo geeri, dadka maqan ayaa ku hoos jira burburka dhismayaasha, waxaana meelaha qaar ka dhacay dhul gariir hor leh. Dr. Cabdicasiis Maxamuud oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 10 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga uu xalay ka dhacay Dhul-gariir kale, taas oo tirada khasaaraha sii badi karta. Dr. Cabdicasiis ayaa wareysigaan ku sheegay in dhacdadaan ay aad u saameysay Soomaalida ku nool dalka Turkiga, gaar ahaan ardayda Jaamacadaha ka dhigata dalka Turkiga. “Xiligaan waxaan u dhaqaaqeynaa in aan soo aasno afar ka mid ah walaalaha Soomaaliyeed inaan soo aasno meydkooda, afartaan qof waa reer Jabuuti oo Soomaali ayaan isku nahay, sidoo kale meydadka laba qof oo kale oo ayaguna Soomaali ah ayaa naloo soo wadaa, lixdaas ayaan geeridooda xaqiijinay hadda,” ayuu yiri Dr. Cabdicasiis. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/02/06a20000-0aff-0242-c6c8-08db0b7036de_16k.mp3 The post Wareysi: Tirada Soomaalida ku geeriyootay dhul-gariirka Turkey iyo tirada la la’yahay appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugan magaalada Nairobi ayaa markii u horeysay xaqiijiyay in dalkiisa uu markale dib ugu biiri doono urur goboleedka IGAD. Eritrea ayaa muddo ku siman 16 sanno ka maqnaa urur goboleedka IGAD, wuxuuna Afwerki uu hadda dadaal xoogan ugu jira hanashada xubinimadeedii ururka. Madaxweynaha Eritrea iyo dhigiisa Kenya ayaa sidoo kale gaaray heshiis ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea, kadib kulamo ay maalmihii dambe ku lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Waxaan markale kusoo laabanayna IGAD inaga oo wadana fikrad ah in dib loo xoojiyo ururka isdhex-galka gobolka, si iskaashi kasta oo laba geesood ah oo macno leh oo dhexmara Eritrea iyo Kenya mid ka turjumaya isdhex-galka gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Afwerki. “Ma gaari karno yoolal laba geesood ah inaga oo aan haysan gobol si ballaaran isku dhex-galay, kaasi oo aan tobaneeyo sano ku riyoonay in aan abuurno, tani ma ah hal-abuur cusub ma ahan dib u abuuris, tani waa waajib.” Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu dhigiisa Eritrea kala shaqeyn doono sidii ay Eritre markale ugu soo biiri laheyd urur goboleedka IGAD. “Si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo isdhex-galka gobolka, waxaa ka wada-hadlnay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhaxeeya labadeena dal, taasi darteed mudane madaxweyne (Afwerki) waxa si aad ah kaga mahad-celinaya sida ay kaga go’an tahay in aad dib u eegis ku sameyso ka qeyb-galka dalkaaga ee urur goboleedkeena IGAD.” “Waxaa rajeynayaa in aan si dhow ula shaqeeyo adiga iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah IGAD, sidii aan dib ugu habeyn laheyn ugana dhigi laheyn urur si hufan uga jawaabaya ujeedkiisa.” Eritrea ayaa waxaa waayadii ugu dambeeyay saarna cuna-qabateyno kala duwan, socdaalka uu Afwerki ku tegay Nairobi iyo xiriirka kala duwan ee uu la saxiixday madaxweynaha Kenya ayaa la fahamsan yahay in uu ka caawin karo xiligaan xal u helida mashaakilka dalkiisa ka haysta adduunka intiisa kale. The post Eritrea oo dib ugu biireysa ururka IGAD 16 sano kadib appeared first on Caasimada Online.
-
Siyad Ali Jama: “Somaliland administration has not abandoned the core principles on which its war effort is premised.” Mogadishu (Comment) — The unconditional ceasefire proposed by Somaliland administration in response to the Laascaanood conflict comes in the wake of the indiscriminate shelling of the district by Somaliland forces. For a ceasefire to take hold it should be based on agreed principles and mechanisms to maintain it. As it stands, the ceasefire has been proposed by an administration that described Laascaanood as a terrorist-infested district, a false claim that as damaging to communal co-existence as the indiscriminate shelling is. In this respect, the ceasefire could be exploited by Somaliland administration as a opportunity to recalibrate its war strategy and as a public relations stunt to mislead the public opinion. Somaliland administration has not abandoned the core principles on which its war effort is premised: that Laascaanood is not a part of the Federal Republic of Somalia and that its forces are enforcing colonial borders that ceased to exist in 1960. If Somaliland administration were serious about a ceasefire it would revise its claim that it is a sovereign state that seceded from Somalia in 1991. As long as Somaliland claims to be a sovereign country the ceasefire can fairly be interpreted as a dangerous ruse to escalate the conflict. Its claims leave no room to trust and negotiation. Mogadishu-based federal institutions represent Laascaanood whose MPs and Senators have supported Garad Jama Garad Ismail’s call for total withdrawal of Somaliland forces in most parts of Sool, to areas where Somaliland administration conducted a unilateral referendum in 2001. The Laascaanood Declaration of 6 February 2023 emphasises genuine political representation in a federal Somalia. Laascaanood is bearing the brunt of a secession war that should not be taking place in country recovering from a traumatic state collapse. A ceasefire proposed by an aggressor side whose forces are threatening Laascaanood with massacre does not lead to a peaceful resolution of a conflict. The post The ceasefire proposed by Somaliland is a dangerous ruse appeared first on Puntland Post.
-
Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa soo dhaweeyay xabbad-joojinta ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday. War qoraal ah oo uu soo saaray guddoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa lagu yidhi sida tan: “Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhaweynayaa xabbad-joojinta ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday. Mar labaad, Xisbiga Waddani wuxuu ku celinayaa oo uu dirayaa baaq nabadeed iyo in wadahadal ay labada dhinac miiska isugu yimaaddaan, waxaanu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato nabadda iyo wadahadalka xalka lagaga gaadhayo shiqaaqada Laascaanood.” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan Source
-
Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood, kaasi oo socday shan maalin ooo xiriir ah. Go’aankan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Somaliland oo ay barbar taagan yihiin wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga Somaliland. Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in go’aankan ay Somaliland u qaadatay si ay u muujiso inay diyaar u tahay in doorkeeda ka qaadato dejinta xiisadda, si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka. “Mowqifka dowladda ay ka gaadhay waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad bilaa shuruud ah ku dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan aad uga xun yihiin mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah. “Dhibaatada hadba meesha ay taagan tahay ayay ugu yar tahay. Maanta halka ay taagan tahay haddii aan ku af-qabano guul ayaa joogna. Wixii loo dhaafa waa khasaare ka badan kii hore, kaas oo dhankasta taabanaya.” Waxa intaas kusii daray “Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.” Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan Isimida ku sugan Laascaanood, oo ayagu hore u sheegay in wax wada-hadal ah la gali doonin Somaliland illaa ay ciidamadeedu ka baxaan dhulkooda. Go’aankan ay caawa ku dhawaaqday Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii mucaaridka Somaliland uu ka dalbaday madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo geystay khasaare xoogan. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed. “Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.” Go’aanka Somaliland ayaa sidoo kale imanaya, xili uu si weyn isku soo tarayeen baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, kaasi oo ku qotomay in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo. Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan, ayada oo afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, halka in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, waxaana la rumeysan yahay in uu khasaaruhu intaas kasii badan yahay, maadama aan weli tirakoob rasmi ah la sameyn. The post DEG DEG: Somaliland oo ku dhawaaqday xabad joojin appeared first on Caasimada Online.
-
Madax-dhaqameedka gobolka Sool oo ku dhawaaqay xabad joojin
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Isimadda gobolka Sool ayaa ku dhawaaqay xabad joojin kadib dagaalkii shanta maalmood ka taagna Laascaanood. Xukumadda Somaliland ayaa sidoo kale la filaya in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo xabad joojin. Dhinacyada ayaa la filaya in ay wada hadal diyaar u yihiin. Source -
Muqdisho ( Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Cabdicasiis ayaa galabta soo qabtay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la sheegay inuu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka u soo damaashaad tegay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. “Wiilka yar iyo askariga ayaa murmay, kadibna askariga ayaa xabad ku dhuftay, ciidanka saldhigga degmada Cabdicasiis oo goobta gaaray ayaa xabsiga dhigay askarigii, waxaana la hor geenayaa Maxkamadaha dalka, si luugu fuliyo xukunkiisa, sidoo kale ciidanka booliska saldhigga Cabdicasiis ayaa marxuumka dhintay ku wareejiyay Ehelkiisi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir. Dhinaca kale, Nin ku xamaali jiray gaari Dameer oo magaciisa lagu sheegay Mustaf Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta askari ka tirsan ciidanka dowladda wuxuu ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Askariga dilka ka geystay degmada Hodan waxaa la sheegay inuu xiraa tuutaha militeriga, waxaana dilkaas sababay muran dhanka wadada ah oo dhex-maray askariga iyo marxuumka. Aabaha dhalay wiilkaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay inuu deganyahay Afgooye, balse uu Muqdisho deg deg u yimid maanta markii loo sheegay in la dilay wiilkiisii Mustaf. “Salaadii Jimcaha markaan ka soo baxay ayaa la ii soo sheegay in la dilay wiilkeygii, Afgooye ayaan joogay oo halkaas ayaan ka soo cararay, hadda wax aan sameeyo ma garanaayo wiilkeygii waxaa dishay gacan ka xaqdaran, wuxuu ahaa nin iska xamaasha oo laba carruur ah ay u joogto, marka dowladda ayaan cadaalad ka sugeynaa,” ayuu yiri Aabe Cabdiraxmaan. Inta la ogyahay maanta kaliya laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan ayaa ugu yaraan laba qof oo shacab ah u geystay dilal bareer ah, hal askarioo wiil yar ku dilay aagga Liido ayaa la qabtay, halka askarigii kale uu goobta ka baxsaday. Dilalkaan ay ciidanku geysanayaan waxay ku soo aadayaan iyadoo maalmo ka hor ay saraakiisha maxkamadda ciidamada iyo taliska booliska ay ku goodiyeen in askarigii dil geysta uusan baxsa doonin oo deg deg loo qisaasi doono, balse dilalkii ma joogsan. Hoos ka eeg sawirka askariga loo soo qabtay dilkii ka dhacay Liido The post Dilal bareer ah oo Muqdisho ka dhacay iyo booliska oo soo bandhigay hal askari appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Galabta Kormeeray Laba Cusbitaal oo Kala Duwan. Hargeysa-10-02-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka ee Birjeex.waxaanu inta badan dul-istagay bukaan jiifka oo dhan, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood. Isla markaarna waxa u Madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday geesiyaashii Qaranka ee ku soo dhaawacmay Laascaanood, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, dhakhaatiirtii u adeegaysayna madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in ay dawladu waxwalba u hurayso daryeelkooda caafimaad. waxaana uu ugu duceeyay in illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadkana naxariistii janno Alle ka waraabiiyo. Sidoo kale Madaxwaynhu waxa u cadeeyaay in geesiyaasha Qaranka ee dhawaaca ah dawladdu u hurayso wax walba daryeelkooda caafimaadkooda ismalarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland. Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyaay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysaba. Wa-bilaahi tawfiiq Source
-
Wisil (Caasimada Online) – Waxaa faahfaahino laga helayaa dagaal culus oo galabta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka dowladda iyo daraawiishta Galmudug ay ku weerareen kooxda Al-Shabaab. Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo hoos taga degmada Wisil, halkaas oo dhufeysyo waaweyn ay ka qoteen Al-Shabaab. Diyaaradaha dagaalka ayaa halkaas ku duqeeyey Al-Shabaab, sidoo kale ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Galmudug ayaa weerar toos ah ku qaaday fariisimihii deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab. Inkastoo isgaarsiinta aaggaas ay aad u liidato, hadana wararka aan ka heleyno dagaalkii galabta waxay sheegayaan in lagu jebiyey kooxda Al-shabaab. Deegaanadii lagu dagaalamay waxaa caawa ku sugan ciidanka dowladda, waxaana kooxda loo geystay duqeyn xoog leh, sidoo kale weerar toos ah oo dhufeysyada loogu galay Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Doonyaale ee koonfurta gobolka Mudug. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug weli kama aysan hadlin dagaalkaan, waxaana xusid mudan in dagaalkii galabta askar badan looga dilay ciidanka daraawiishta Galmudug. Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalka ka dhacay gobalka Mudug waxay sheegatay inay ku dishay 10 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, 18 kalena ay ku dhaawaceen. Qoraalka Kooxda Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in deegaanka uu dagaalku ka dhacay uu hoos tago degmada Wisil, isla markaana dagaalkaas la isku farasaaray lix jeer, ciidanka ay dileen waxay sheegen inay ku jireen laba sarkaal, sida ay sheegteen. Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa in saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkii maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, kaas oo ah mid culus oo diyaarado dagaal ay ka qeyb qaateen, isla markaana dhul badan looga qabsaday kooxda Al-Shabaab. The post Dagaal culus oo dhacay gobolka Mudug iyo deegaan muhiim oo laga qabsaday Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa kusoo biiraya musharaxiinta doonaya kursiga xildhibaan ee HOP086 oo dhowaan doorashadiisa la qabanayo, sida ay ogaatay Caasimada Online. Kursigan ayaa ah kii uu horey ugu guuleystay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, balse ay diideen islamarkaana is-hortaageen guddiga doorashada heer federaal. Kusoo biiritaanka Cabdinuur ee loolanka kursiga ayaa imaneysa kadib markii uu loolanka ka tanaasulay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, oo la rumeysnaa inuu kursiga doonayo. Doorashada kursigan ayaa la filayaa in la qabto dabayaaqada bishan Febraayo, waxaana musharaxnimada Cabdinuur ay abuureysaa loolan adag maadaama UPD ay soo sharraxeen Dr. Maxamed Xaaji Axmed oo ah madaxa urur diimeedka Damul Jadiid. Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in diyaar garawga munaasabadda shaacinta musharaxnimo ee Cabdinuur Maxamed Axmed ay maanta iyo shalay ka socotay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inuu ilaa habeen dambe si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu kursigan u taagan yahay. Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xilal kala duwan hore uga soo qabtay Madaxtooyada Jamhuuriyadda sida Agaasimaha Warfaafinta, Ku Xigeenka Agaasimaha Guud iyo Ku Simaha Agaasimaha Guud ee Villa Soomaaliya, waxayna musharaxnimadiisu muujinaysaa in tartanka kursigan uu noqon doono mid adag. The post Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo kusoo biiraya loolanka kursiga HOP086 appeared first on Caasimada Online.
-
Roma (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Talyaaniga ayaa kulan gaar ah magaalada Roma kula qaatay Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga Guido Crosetto. Wasiir Crosetto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, wuxuuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka. Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay inay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Talyaaniga xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo milatariga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah diiradda u saaray dib u habeynta ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socda. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Safiirka Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome, Danjire Cindy McCain ayaa la wadaagay qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha. Madaxweynaha ayaa cadeeyey in mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo, looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara. Safiirka Maraykanka u fadhisa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dadaalka dowlada ay uga hortagtay in macluul ay ka dhacdo Soomaaliya, gurmadka abaaraha iyo samata-bixinta deegaannada laga xoreeyey argagixisada ee muddada ay curyaamiyeen, waxa ayna tilmaamatay in ay laba-laabayaan taageerada iyo garab istaagga dowladda. The post Sawirro: Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo arrin muhiim ah ka balan-qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Hargiasa (Caasimada Online) – The Republic of Somaliland, a self-proclaimed state in northern Somalia, has dismissed the allegations related to the ongoing conflict in Laascaanood, the capital city of the Sool region. The conflict, which has been raging for five days, involves the forces of Somaliland and local fighters who oppose their presence in the city and have called for their withdrawal. Over the past five days, the conflict has resulted in approximately 50 deaths and over 150 injuries. The Somaliland forces have been accused of killing civilians and disrupting basic services in the city. Somaliland denies accusations The Somaliland Ministry of Foreign Affairs issued a statement rejecting these allegations. In the statement, the ministry said, “The critical situation of Laascaanood has become highly politicized and continues to be exploited by organized groups in the region who are actively working to destabilize the Republic of Somaliland and the Horn of Africa.” The statement also denied allegations that the government has obstructed humanitarian aid to Laascaanood. “The Somaliland government strongly rejects the baseless allegations that claim Somaliland’s national security forces have obstructed humanitarian assistance to Laascaanood. This completely contradicts the national principles, values, and dignity of the Republic of Somaliland,” the statement read. Terrorists and Al-Shabab claims Somaliland, on the other hand, repeated its claims that Laascaanood is under attack by terrorists and members of Al-Shabab, a claim that has been previously perceived as a pretext for killing civilians. The statement called for the international community to join forces in combating terrorism and extremism, saying, “The Somaliland government emphasizes the necessity of the international community and its strategic partners to join in combating terrorism and extremism, which pose significant threats to Somaliland and the region’s security, stability, and democratization.” Al-Shabab rebuffs involvement However, the Al-Shabab militant group has previously issued a statement denying these claims as baseless and a guise to justify killing innocent civilians. “The Al-Shabab Mujahideen group denies the statement made by the self-proclaimed Somaliland administration that Al-Shabab is fighting in Laascaanood,” The statement read, The statement added, “Al-Shabab confirms that the statement is baseless and will not accept its name being used as a guise to justify killing innocent civilians, taking their property, and their honor in Laascaanood.” Roots of the conflict The conflict was sparked by a decision made by local leaders who declared that the region would be under the control of the federal government of Somalia and not part of Somaliland. Local leaders have accused Somaliland forces of launching an attack, while Somaliland authorities have claimed that groups organized by local leaders attacked their forces. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not yet been recognized as a separate state. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment. The current crisis was triggered by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member, which was blamed on Somaliland, leading to further violence and casualties. The post Somaliland fights back against accusations in Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
