-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood, islamarkaana aysan cidna la safan. Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa jiray warar ku saabsan in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo faro-geliyey dagaalka ka socda Laascaanood oo maanta galay maalintii sideedaad, iyo inuu la saftay dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya. Warkan ayaa markii hore wuxuu ka yimid Xoghayaha Guud Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu oo sheegay inuu jiray door nabadeed oo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ka qaatay xiisadda taagan, si xal waara loogu helo. Sidoo kale, Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) ee mucaaradka ah ayaa 10-kii bishan ku eedeeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu aqbalay in uu gacan siiyo ciidamada Somaliland. “Tan iyo dhamaadkii Janaayo 2023, iyo tan iyo markii ay bilowdeen iska hor-imaadyada tooska ah ee Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaradka Jabuuti. Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali ayaa qoraal uu maanta soo dhigay twitter-ka ku sheegay in dhammaan arrimahaas ay yihiin been-abuur. “Maalmihii dhowaa, waxaa jiray dacaayad ceeb ah oo ka socotay baraha bulshada oo ka dhan ah Jabuuti, oo dalkayga ku eedeeyey inuu ka qeyb-qadaanayo waxa ka socda Laascaanood. Tan waa arrin la been abuuray oo lagu carqaladeynayo xiriirka Jabuuti ay la leedahay deriskeeda,” ayuu yiri “Ma jirto cid ka tirsan saamileyda siyaasadda Somaliland oo codsatay dhex-dhexaadinta Jabuuti ee arrimaha ka socda Laascaanood. Illaa ay taasi ka timaado, Jabuuti waxay sii wadi doontaa inay ku ekaato siyaasadda aadka loogu yaqana ee derisnimo iyo dhex-dhexaadnimo.” Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Jabuuti ay mar kasta sare u qaaddo nabadda gobolka, islamarkaana aysan marnaba faro-gelin arrimaha gudaha ee deriskeeda. Dagaalka Laascaanood oo maanta galay maalintii sideedaad ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Dagaalka oo billowday 6-dii Febraayo, ayaa yimid kadib markii odayaasha deegaanka oo maalmo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka aheyn maamulka Somaliland, islamarkaana ay hoos tagaan dowladda federaalka Soomaaliya. The post Jabuuti oo war rasmi kasoo saartay arrinta Laascaanood, beenisay arrimo la faafiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax Bannaan oo diiradda lagu saaray sidii loo gaarsiin lahaa garsoorka deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta oo ay bulshada baahida weyn u qabaan. Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo kaashanaysa khubaro ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyey Khawaarijta sidii loo gaarsiin lahaa garsoor, si loo soo celiyo kalsoonida ay bulshadu ku qabaan nidaamka dowladnimada, maadaama deegaannadaas ay muddo badan argagixisadu ku maaamulaysay gacan arxandaran. Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa soo jeedisay warbixin la xiriirta tacadiyada ay ka geysteen Khawaarijtu goobaha laga xoreeyey. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la helo nidaam garsoor oo lagu kalsoonaan karo oo ay saldhig u tahay caddaaladdu. Mudane Xamse ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa Garsoor Caddaalad ku dhisan, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xoreeyey khawaarijta. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Tiirka Caddaaladda iyo Garsoorka appeared first on Puntland Post.
-
Qodobo ay soo saareen Qaar ka mida Culimada Somaliland oo ka hadlay Xaaladda Laascaanood. ” Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22-Rajab-1444 kuna began 13-Feb-2023 waxay Culimada Somaliland halkan kasoo jeedinayaan Baaq nabadeed oo ku saabsan Xaaladda Magaaladda Laascaanood, iyaga oo aad uga tiiraanyeysan khasaaraha naf iyo maalba leh ee halka ka dhacay iyada oo laga fursan karayey, Qadarka Allahna waa halkiisa. Baaqani wuxuu ku wajahan yahay :- 1. Xukuumadda Somaliland 2. Garaadada iyo Ismada reer Sool 3. Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto 4. Warbaahinta iyo Baraha-bulshada ee Soomaalida 5. Qurba joogta Qodoba Baaqa: 1. Culimadu waxay tacsi udirayaan ehelada iyo qaraabada dadkii halkaa ku waxyeeloobay:- – inta dhimatay Ilaahay ha unaxariisto. – inta dhaawaca ahna Ilaahay u booga dhayo – inta barakacdayna ilaahay baradoodii nabad ha ugu soo celiyo – Hantidii ay ku waayeena Ilaahay ciwad khayr qaba ka siiyo 2. Culimadu waxay xasuusinayaan labada dhinacba in dhiiga muslimka ee daadanayaa uu xaaraan yahay iyadoo lagu jiro bilihii Xurmada Lahaa (Rajab). Waxaanay xasuusineynaa Xadiithkii Nebi SCw ee ahaa )إن دﻣﺎءﺋﻜﻢ وأﻣﻮال وأﻋﺮاﺿﻜﻢ ﺣﺮام ﻋﻠﯿﻜﻢ( 3. Culimadu waxay cod dheer ugu baaqayaan adkaynta iyo hirgelinta Xabadjoojinta. 4. Si’gaar ah Culimadu waxay ugu baaqayaan Xukuumadda Somaliland iyo Garaadada in ay hirgeliyaan talaabo walba oo suurtagelinaysa dhamaystirka xabad joojinta. 5. Culimadu waxay ugu baaqayaan labada dhinac in khilaafka jira lagu dhameeyo wadahadal iyo wadaxaajood ku salaysan Shareecada Islaamka waxaanay umadda Soomaaliyeed xasuusinayaan in dagaaladii mudada dheer soo socday ee Soomaali udhexeeyey aan khasaare wax aan ahayn laga faa’iidin )ﻓﺎن ﺗﻨﺎزﻋﺘﻢ ﻓﻲ ﺷﻲء ﻓﺮدوه اﻟﻲ ﷲ واﻟﺮوﺳﻮل ان ﻛﻨﺘﻢ ﺗﺆﻣﻨﻮن ﺑﺎ@ واﻟﯿﻮم اﻻﺧﺮ( 6. Culimadu waxay ugu baaqayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, bahda warbaahinta iyo baraha bulshada in ay Ilaahay ka baqaan iskana hubsadaan wararka ay faafinayaan iyo hurinta colaadda sokeeye waxaanay xasuusinayaan Qawlka Allah )ﯾﺎﺋﮭﺎ اﻟﺬﯾﻦ آﻣﻨﻮا ان ﺟﺎﺋﻜﻢ ﻓﺎﺳﻖ ﺑﻨﺒﺈ ﻓﺘﺒﯿﻨﻮ ان ﺗﺼﯿﺒﻮ ﻗﻮﻣﺎ ﺑﺠﮭﺎﻟﺔ ﻓﺘﺼﺒﺤﻮ ﻋﻠﻰ ﻣﺎ ﻓﻌﻠﺘﻢ ﻧﺎدﻣﯿﻦ( اﻟﺤﺠﺮات 7. Culimadu waxay ugu baaqayaan Qurbajoogta iyo Qaranjoobtaba in ay Ilaahay ka baqaan oo ka qayb qaataan xoojinta nabadda iyo horumarka kana waantoobaan hurinta colaadda iyo fidnada. 8. Culimadu waxay diyaar uyihiin in ay kaalin mug leh ka qaataan daminta colaadda iyo nabadaynta dadka walaalaha ah, sidoo kale waxay ugu baaqayaan. 9. Culimadu waxay ugu baaqayaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan samafalka iyo taakulaynta walaalaha dhibaatadu kasoo gaadhay colaada Laasacaanood waxaanay diyaar uyihiin in ay kaalin mug leh ka qaataan. 10. Culimadu waxay laba dhinac xasuusinayaan in walaaltinimada Islaamku iyo ehelnimadu ay asal tahay loona adeegsan burburinteeda shaadh Qabiil iyo Shaadh diimeen midnaba. Ilaahay waxaan ka baryeynaa in aan qof danbe inagaga dhiman dhibkuna halkaa isku taago” Qaran News
-
None of the stakeholders in Somaliland requested Djibouti’s mediation in the unfolding situation in Laas Anood. Untel then , Djibouti will continue to stick to its well known good neighbourhood policy and neutrality . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) February 13, 2023 Qaran News
-
Dowladda Jabuuti ayaa waxay iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay arrimaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidammada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad nabad-diid ah. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Yuusuf Cali oo qoraal kusoo qoray bartiisa twitterka, ayaa sheegay in ayna Somaliland ka codsan Jabuuti dhexdhexaadinta xaaladda Laascaanood. Maxamuud Yuusuf Cali wuxuu sheegay in Jabuuti ay ku sii adkaysan doonto siyaasaddeeda derisnimo iyo doorkeeda ku aadan dhexdhexaadnimada. “Maalmihii u dambeeyey, waxa baraha bulshada dhex socday marinhabaabin ballaadhan, oo dalkayga Jabuuti lagu eedaynayay inuu ka qayb qaatay waxa Laascaanood ka socda. Waxaas oo dhami waa been la buunbuuniyey, si Jabuuti loogu diro waddamada la jaarka ah” Dhowaan ayay ahayd markii mucaaradka dalka Jabuuti ay ku eedeeyeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu Somaliland u ballanqaaday taageero militari oo ka caawinaysa dagaalka ka socda Laascaanood. Source
-
Djibouti and its government has always promoted peace in the region and never interfered in any of the internal affairs of our neighbours . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) February 13, 2023 Qaran News
-
“Waxa uu madaxweynaha Somaliland ugu baaqayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan u qabto Doorashada Madaxtooyada si xal looga gaadho khilaafka Siyaasadeed ee curyaamiyey Siyaasada,Dhaqaalaha iyo Wadajirka shacabka Reer Somaliland…” Faysal Cali Waraabe Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwaddii loo heystay Wariye Cabdalla Axmed Muumin oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Cabdalla Axmed Muumin lagu xukumay laba bilood oo xabsi ah. Garyaqaan Saalax ayaa sheegay in go’aankan loo cuksaday hal qodob oo kamid ah saddex eed oo markii hore loo soo jeediyay Cabdalla iyadda oo labada kale lagu waayey. Maxkamadeynta Wariyahan ayaa soo martay illaa 4 wareeg, ayada oo su’aalo toos ah uu weydiiyey guddoomiyaha Maxkamadda, isaguna uu toos uga jawaabay su’aalo adag oo uga imaanaayey Maxkamadda, waxaana ninkan markii ugu horeysay la xiray October 2022-kii. Dhanka kale qareenada difaayay Wariye Cabdalla Muumin ayaa dood ka keenay xukunka au ku riday Maxkamadda waxayna ka qaateen racfaan, si markale loo furo dooda kiiskan. Kiiska Cabdalla Muumin ayaa soo if-baxay kadib amarkii dowladda ee ahaa in aan la baahin karin wararka Al-Shabaab, kaas oo uu ka horyimid, kadib markii uu ka hadlay shir jaraa’id oo ay ururada u dooda saxufiiyiinta madaxa bannaan ay ku qabteen magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya oo xiligaas xirtay barihii internetka ee Al-shabaab ayaa warbaahinta madaxa-banaan ku amartay in hoos loo dhigo baahinta wararka kooxda, maadaama ay dowladdu dooneyso in gabi ahaanba Al-Shabaab saaxada laga tirtiro. Xiligaas Cabdalla iyo u doodayaal kale oo saxaafadda ka socday ayaa si adag u sheegay in dowladdu ay ku xadgubeyso xeerarka saxaafadda oo iyadu ay dejisay, isla markaana ay go’aanadaasi caburin yihiin. The post Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday Cabdalla Muumin appeared first on Caasimada Online.
-
In Charles Dickens’ classic novel, A Tale of Two Cities, the dualities depicted in his pairing of contrasting concepts may serve as a perfect metaphor for Somalia’s struggle to be a peaceful and prosperous country. A country that, contrary to as it’s officially termed now under Chapter 7 of the United Nations Charter, is not a threat to itself nor the rest of the world. Somalia is classified as a fragile nation recovering from over two decades of civil war, yet GDP grew by 4 per cent in 2021. The World Health Organisation reported in 2023 that 2 out of every 3 people living in Somalia suffer from some form of psychological disorder, yet Belgium and South Africa have higher suicide rates according to World Population Review report. In 20 years, Somali people suffered terrorism unleashed by Al-Shabab. Yet, Somalis have pushed back the terrorists with marginal assistance from the outside world in the past six months. These dualities present a silver lining for pursuit of a secure and peaceful Somalia. As exhibited by the Somali people and the federal government, there’s a palpable, strong will to rid the nation of the menace of Al-Shabab. This includes ongoing public uprising and government-sanctioned military offensive which has liberated large swaths of territory, formerly safe haven for the terror groups, in HirShabelle and GalMudug states of Somalia. After the liberation of a territory from the terrorists, stabilisation and holding forces should provide much-needed public services, from rebuilding debilitated infrastructure to establishing a sense of community ownership in the administration of their local affairs. So far the Federal Ministry of Interior, Federalism and Reconciliation is doing a good job in engaging local community leaders and providing basic services, despite having very little resources. What’s truly needed is a sense of urgency by Somalia’s international partners on two fronts, increasing the speed and scope of support to liberated territories, and scaling up military offensive to ensure a nationally coordinated effort to defeat Al-Shabab. United Nations, African Union, European Union and the United States have spent billions of dollars in the last three decades to respond to humanitarian needs and nation-building efforts in Somalia. However, there’s been no opportunity as golden as the one presenting itself in Somalia now. First and foremost, there’s a genuine nationwide uprising exacerbated by public desire to be free from Al-Shabab. Majority of Somalis are convinced that freeing the country from Al-Shabab is a noble cause. Secondly, there’s proof that citizens are actively involved in liberation efforts of the government. Thirdly, President Hassan Sheikh and his administration have illustrated willingness to spend an immense political capital, coupled with significant success, on the war against Al-Shabab. While the conventional wisdom of many politicians nowadays is to deny success if they’re not party to it, it’s my humble belief to advocate for what is in the long-term national, regional and international peace and security interests. It is incumbent on Somalia’s international partners to assist the government of President Hassan Sheikh with the military offensive as well as stabilisation and governance undertakings of all of Somalia. While this is costly in the short term, failure to do so is far more expensive for the global community. Developing an extensive, but short-term, Marshall plan to complement existing government efforts in stabilising newly liberated territories is essential. Being mired in an existential war against a militant terrorist group with explicit Al-Qaida affiliation, Somalia can simply become another Afghanistan if inadequately supported by the West. Or become a model for defeating terrorism in other countries. The choices are stark and the window of opportunity is closing fast. The right call is urgently needed to avoid the cost of inaction or inadequate action. The hearts of Somalis are already in this war, it’s high time to win the minds. And soon. Mursal Khalif is a member of Somalia’s Federal Parliament, serving on the parliamentary national defence committee. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post The world must support Somalia against terror appeared first on Caasimada Online.
-
Eritrean President Isaias Afwerki has not always been a go-to man. Considered a pariah and with sanctions imposed on his economy and key people in his government, even Kenya gave Asmara a wide berth. Source: Hiiraan Online
-
Muqisho (Caasimada Online) – Dagaalka u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka ee ka socdo Laascaanood ayaa galay maalintii 8-aad, ayada oo uu dagaalku ku fiday meelo ka baxsan magaalada kaas oo geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur. Dagaalkan ay waxaa sidoo kale barbar socota duqeyn xoogan oo lagu garaacayo gudaha magaaladan, kadib markii ay dad badan ku dhinteen madaafiic guryahooda ku dhacday. Haddaba saameyn noocee ah ayaa ka dhalan karta dagaalka Laascaanood? Ismaaciil Cumar Dalmar oo ka faallooda Arrimaha Geeska Afrika islamarkaana u warramay Telefishinka Universal ayaa qoto dheer uga hadlay xaaladda murugsan ee Laascaanood. Aqoonyahankan dhalinyarada ah ayaa shaaca ka qaaday in dhibta ugu weyn ee dagaalka ka socdo magaaladaas uu soo gaaray rayidka oo la kulamay dhimasho, dhaawac iyo barakac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkan uu sababi karo colaad sokeeye oo ku baahda gobollada kale ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan dhihi karnaa dagaalkaas maalintii 8-aad socdo waa dagaal dhibta ugu weyn ee soo gaareyso dadka shacabka ah, waana dagaal sababi doono colaad sorkeeye oo ku baahi doonto gobollada kale,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Dalmar oo ka faallooda Arrimaha Afrika. Dalmar oo sii hadlaya ayaa sheegay in xalka uu ku jiro in ay isku tanaasulaan labada dhinac, si loo baajiyo in markale uu dhiig Soomaaliyeed ku daatoLaascaanood. “Waan filayaa in dagaalka uu weli sii soconaayo haddaan xal la gaarin ama qulo uun aysan tanaasulin ama aysan dib uga guran meelaha uu ka socdo dagaalka” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ugu baaqay inuu qaato doorka kaga aadan colaaddaasi. “Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa waxaan ugu baaqayaa in la taban taabiyo oo sidii la rabay loo shaqeeyo si nafaha Soomaaliyeed loo kala bad-baadiyop,” ayuu yiri. Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo. The post Saameyn noocee ah ayaa ka dhalan karta dagaalka magaalada Laascaanood? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cabdi Barre oo xalay kulan gaar ah la yeeshay guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa soo saaray amar culus oo wax looga beddalayo amniga magaalada caasimada Muqdisho. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, ku xigeenadiisa, guddoomiyeyaasha degmooyinka, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, taliyaha booliska federaalka Soomaaliya, taliyeyaasha Nabad-sugidda iyo Booliska Gobolka iyo Taliyeyaasha heer degmo ee gobolka Banaadir. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhageystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga warbixinno ku saabsan xaaladda amni iyo bulsho ee gobolka, isaga oo ku adkeeyey in ay badiyaan feejignaantooda amni, maadaama dalku uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Intaas kadib ra’iisul wasaare Xamza ayaa faray maamulka gobolka iyo saraakiisha amniga in ay si deg deg ah wax uga beddalaan qaabka haatan loo sugo amniga caasimada, si looga hortago weerarada ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay kordhay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la kordhiyey isla xisaabtanka ku aaddan hay’adaha dowladda, isla-markaana wax la’iska weyn diin doono falalka amni darrada ah ee dhaca. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in loo baahan in la xoojiyo wada-shaqeynta maamulka, ciidanka iyo shacabka, si looga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab ee caasimada. Ra’iisul wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Banaadir laga rabo in deg-deg wax looga qabto cid kasta oo dhibaato ku ah nolosha shacabka, isla-markaana ka shaqeyneysa amni darrada. Ugu dambeyn wuuxuu ku baaqay in korna loo qaado fayo dhowrka iyo sidoo kale bilicda caasimada Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa aad u kordhay weerarada ka dhacaya gudaha caasimada, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerartay xarunta gobolka Banaadir iyo agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya, taas oo cabsi weyn ku beertay reer Muqdisho. The post R/W Xamza oo amar culus kasoo saaray amniga MUQDISHO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha guurtida Somaliland ayaa baaq taageero ah ka soo saaray xaaladdaXabad joojinta gobolka Sool Golaha guurtida ayaa soo jeediyay in gar-garaa loo fidiyo dadka ku barakacay xaaladda gobolka Sool. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin go’aankii xukuumadda ee Xabad-joojinta bila shuruuda. Geesta kale waxa uu Garaadada gobolka Sool ugu baaqay in ay qaataan xabad-joojin bila shuruuda. Ugu danbayn waxa uu fariin u diray Warbaahinta dalka oo uu ugu baaqay inay dalka iyo dadka u tudhaan kana dhawrsadaan wararka xaqiiqada ka fog ee hurinaya colaadaha. Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa weli ka socdo dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo galay maalintii 8-aad, ayadoona uu kordhay khasaaraha. Dagaalka oo ah mid xoogan, isla-markaana la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saameyn ku yeeshay dadka rayid ah oo isaga barakacay guryahooda. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka saaka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaalada, waxayna isku dhaceen maleeshiyaadka dadka deegaanka. Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka socdo koonfurta Laascaanood, isla-markaana uu kusii fidiyo meelo ka baxsan magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay barbar socota duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiin lagu garaacayo xaafado ka tirsan magaaladaasi, taas oo kordhisay khasaaraha dhimashada iyo dhaawac. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegtay in khasaaraha in tirada dhimashada ay korortay, ayna kor u dhaaftay iillaa 100 qof, dhaawacana uu ka badan yahay. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka maanta dib uga bilowday koonfurta magaalada Laascaanood. Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay helayaan gurmadyo xoogan, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka jirta halkaasi. Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo. Si kastaba, labada dhinac ayaa horay u sheegay in mid kasta uu diyaar u yahay xabad joojinta, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay mid ku kooban afka baarkiisa. The post DAGAAL markale dib uga billowday Laascaanood iyo khasaaraha oo sii kordhay appeared first on Caasimada Online.
-
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Dawladda Beesha caalamku taageerto ee Soomaaliya Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeyey ee ciidankoodu ay Al-Shabaab kaga saareen deegaano badan oo ka tirsan HirShabeelle iyo Galmudug oo dalkaasi Soomaaliya ah ayaa xog cusub ka bixiyey waxa ka socda gudaha Kooxda Al-Shabaab. Jeneraal Caanood ayaa shaaciyey in gudaha Al-Shabaab uu ka qarxay khilaaf adag iyo is eedeyn ka dhalatay guul darada ay kala kulmayaan furimaha dagaalka, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in gacan ka hadal uu ka dhex-bilowdo. “Markii dagaal dhaco ee la guul dareyso waxaa sunno ah in la is eedeeyo oo mararka qaar la isku gacan qaado, marka hadda Al-Shabaab gudahooda waxaa ka taagan khilaaf adag iyo is eedeyn ay ku kala tageen kuwa ugu sareeya kooxda,” ayuu yidhi Jeneraal Caanood. Xubnaha qaar wuxuu sheegay in kalsooni darro weyn ay soo wajahday, “Sida lagu yaqaano dagaalka ciidankii laba jeer jaba dib dambe uma dagaalamaan, wuxuuna aaqirka isku dhiibaa cadowgiisa, taas waxaa hadda qarka u saaran maleeshiyaadka u dagaalamaya Shabaab-ka,” ayuu yidhi. Jananka ayaa sheegay in Amiirro ka tirsan Al-Shabaab ay quus ka joogaan sii socoshada dagaalka, “Amiirrada markii ay gacantooda ka baxeen deegaanadii ay maamulayeen waxay qarka u saran yihiin oo mar dhow aad arki doontaan Amiirro waaweyn oo isisoo dhiibaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Caanood. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku taliyey in dib loo bilaabo abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo yareeyo khasaaraha, iyadoo muhiimad la siinayo sidii bulshada loogu soo celin lahaa dhalinyarada u dagaalameysa Al-Shabaab, iyagoo nabad-qaba. “DF iyo dowlad goboleedyada waa inay sameeyaan dad u qaabilsan wacyi gelinta, si dariiqa saxda ah loogu tilmaamo dhalinyarada la qalday, carruuntaan ay qaldeen dilkooda waxaa nooga fiican inay dib ugu soo laabtaan bulshadooda, inta dowladda isku soo dhiibeysa waxaa ka badan kuwa deegaanadoodii u laabanaya,” ayuu yidhi Jeneraal Caanood. Wuxuu sheegay in mar kasta oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay is dhiibaan ay suurta-gal tahay inay ku jiraan xubno aan daacad aheyn, taas oo khasab ka dhigeysa in xubnaha isisoo dhiibaya la marsiiyo nidaamka dhaqan celinta dowladda ee xero Sarandi. Jeneraal Caanood ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku qasbanaadeen inay isaga baxaan deegaanadii ay maamulayeen, si aan looga leyn maleeshiyaadka u dagaalamaya, si ay weerarro rogaal celis ah u geystaan, taas oo hadaba dhacda. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in taatikadaas ay adeegsanayaan loo heli karo mid lamid ah oo lagu dhabar jebi karo kooxda, taas oo sida uu sheegay ay qorsheynayaan inay ku dagaal tegi doonaan dhawaan, inkastoo uu ka gaabsaday inuu hadda warbaahinta la wadaago. Source
-
Dagaalka Ka Socda LAASCAANOOD Oo Galay Maalintii Sideedaad.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Magaaalda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa lagu soo warramayaa in saaka mar kale uu dib uga billaamay dagaal, waxaana qaybo kamid ah Magalada laga maqlayaa Rasaas. Goob joogayaal ayaa soo sheegya in hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo oo wali dagaal uu socdo. Xukuumadda Somaliland ayaa war ay soo saartay waxaa ya ku sheegtay in xabbadjoojintii ay ku dhawaaaqday ay jabiyeen maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya magaalada iyo dulleedkeeda. Source -
Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsanayaan illaa 134 qandaraasle iyo dhinacyo kale oo lagu eedaynayo inay qayb ka yihiin, tayada dhismayaasha ay dhiseen oo hoosaysay iyo hababka dhismaha ee aan sharciga ahayn ee ay isticmaaleen. Tallaabadan ayaa daba socota, burburka xooggan ee ka dhashay dhul gariirkii ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Syria. Wasiirka caddaaladda ee Turkiga Bekir Bozdag ayaa wacad ku maray inuu ciqaabi doono cid kasta oo lagu helo, inay guryaha ku burburay dhulgariirka ay u dhistay si aan haboonayn, wuxuuna sheegay inay haatan ay jiraan saddex qof oo maxkamad la soo taagi doono, toddoba qof oo xabsiga la dhigay iyo toddoba qof oo kale oo laga mamnuucay inay dalka ka dhoofaan. Dacwad oogayaasha ayaa bilaabay inay ururiyaan caddaymo kala duwan oo ku saabsan, qaabdhismeedka guryaha iyo agabka loo isticmaalay dhismayaasha. Inkasta oo dhulgariirku uu xoogganaa, haddana waxaa ehelada dadkoodu dhinteen iyo khubarada dhinaca dhismuhu ay eed badan u jeedinayaan, tayada dhismayaasha oo hoosaysay, taas oo kor u sii qaaday khasaaraha dhulgariirka. Illaa haatan waxaa socda dedaalada samatabixinta, waxaana khasaaraha dhimashada ee dhulgariirkaas ka dhalatay ay maraysaa in ka badan 33,000 oo qof oo dhimasho ah iyo in ka badan 92,000 oo dhaawac ah. Kumanaan shaqaale ah ayaa ku mashquulsan, samatabixinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha, iyaga oo baadigoob ugu jira inay dadkaas ku gaadhaan nolol. Telefishanka dalka Turkiga ee TRT ayaa baahiyey, haweenay uur leh oo nool oo laga soo hoos saaray burburka guryaha, iyada oo halkaas ku go’doonsanayd in ka badan 157 saacadood. Sidoo kale telefishanka HaberTurk ayaa isna baahiyey ilme yar oo 6 jir ah oo nool oo isna Axaddii la soo badbaadiyey isaga oo nool, oo maalmo badan ku hoos jiray burburka guryaha. Source
-
After a five-day intense conflict in the city of LasAnod that resulted in significant losses for both sides, the leaders of the Somaliland administration declared an unconditional ceasefire. The move was met with mixed reactions from the local community, who were still considering the credibility of the announcement. It appears that the conflict was not premeditated by either the Somaliland military or the local population. Instead, it arose from a sudden outburst of violence that the Somaliland administration failed to prevent or control. Despite this, the regional community in Sool has been vocal for a long time about their political and economic grievances, which the government led by President Muse Bihi and his predecessors have disregarded. Beyond the political and economic dissatisfaction that the Sool community has voiced, it is necessary to examine the reasons behind the failure of the Somaliland military in their five-day operation in LasAnod. The Somaliland military is well-equipped and trained, lacking only in air power. They were mainly facing civilian opposition armed with weapons out of frustration with the actions of the Somaliland military toward the local population. The conflict quickly escalated along tribal lines, further intensifying the already existing tensions. The failure of the Somaliland military to bring the conflict to a conclusion can be attributed to several factors, including: a) Lack of a clear objective From the perspective of the local community, the conflict appeared to be a fight against an attack on their lives, property, and dignity. On the other hand, the Somaliland administration, who did not have the conflict premeditated, struggled to understand the objective of the war and the goal they were fighting for after 20 years of control in Sool. b) Lack of public support within Somaliland Since the start of the conflict, the Somaliland population has been divided in their views on the war. The majority of the population views the people of Sool as a significant part of the independence struggle and the formation of Somaliland. Still, it feels that they have not been given the proper recognition. President Muse Bihi, however, launched the conflict without widespread public support, unlike the Tukaraq conflict, which was widely supported by the population. Moreover, the public views President Muse Bihi’s leadership as curtailing democratic processes and establishing the oppressive rule. c) Inexperience in urban warfare The Somaliland military is well-equipped and trained for conventional warfare but lacks experience in urban warfare. The conflict took place in the heart of the city and residential areas, making it difficult to distinguish between friend and foe. Urban warfare is generally more challenging to conclude, especially without the local population’s support. d) Different motivations for the opposing forces The local forces opposing the Somaliland military were fighting for the honor of their tribe, which gave them an advantage in understanding who they were fighting and who their enemies were. The Somaliland military, on the other hand, was fighting under the banner of the state, but the administration refused to acknowledge that they were fighting a specific tribe. This confused the soldiers and contributed to the characterization of the opposition as militants by the Somaliland administration. e) Increased pressure from the international community President Muse Bihi took steps to justify the conflict in LasAnod, such as claiming that Somaliland was under attack or that militants had infiltrated the city. However, the international community met these claims with skepticism and instead saw the military indiscriminately attacking a city and its civilian population. This led to increased criticism and condemnation of President Muse Bihi, who ultimately declared a unilateral ceasefire. What should President Muse Bihi do? President Muse Bihi’s administration must acknowledge the current state of affairs in which the people of the Sool region have united in their struggle and have given up any previous opportunities to participate in Somaliland’s governance. It is imperative for the Somaliland administration to pursue a peaceful resolution and to establish a fair and equitable relationship with the leaders of the Sool community without imposing its stance on the region at this time. The administration should consider the familial, fraternal, or ancestral bonds between the two communities and create a conducive environment for the revival of the longstanding relationships between the two communities for centuries. The administration must recognize the existence of a strong relationship beyond politics between the two communities and serve as a mediator between them. Unfortunately, our communities have become embroiled in conflict, exacerbated by the added stressors of war, famine, and drought. Hamdi Wardhere Mohamed can be reached via Email: zudeys9@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Decoding Somaliland military’s failure in LasAnod conflict appeared first on Caasimada Online.
