-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya shirkadaha isgaarsiinta ayaa fuliyay heshiis macaamiishooda isku wici karaan si jaban. Shirkadaha isgaarsiintu isma wici karin, dadka jooga Soomaaliya ee haysta telefoonada waxay ku qasbanaayeen in qof walba uu la-macaamilo inta ay isku shirkada isticmaalaan ama laba shirkadood lambaro ka qaato, si mid walba inta sidata si gaar ah ula xiriiro. Hadda mushkiladaas waa dhamaatay, hay’adda isgaarsiinta qaranka ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay bishii December ee sanadkii dhamaaday inay shirkadaha isgaarsiinta ka saxiixdo heshiiska is-wicida. Waxaa saxiixay heshiiskaas shirkadaha Hormuud, Somtel, Amtel, SomLink, Golis iyo Telesom. Shalay ayaa si buuxda loo dhaqan-galiyay heshiiskaas. Hadda waxaad awooda in adiga oo isticmaalaya Hormuud Telecom in aad wacdo Somtel. Khidmada wicida ee shirkadaha ku heshiiyeen waa 0.05 halkii daqiiqo. Lacagaha hoose ee xirmooyinku kuma jiraan, kuwaas oo loogu tala-galay markii hore wicitaanka gudaha ee shirkada aad xirmada ka iibsatay. 2008 iyo 2014 ayaa sidan oo kale mar la iskugu furay shirkadaha isgaarsiinta, laakiin wax badan ma shaqeynin. Caqabada ugu weyn xiligaas waxay aheyd lacagaha shirkadaha isku yeeshaan oo qaarkood aanay bixin jirin, taas oo gunaanadkii muran keeni jirtay. Balse hadda waxaa la sameeyay nidaamkii lagu xalin lahaa oo waxa heshiiska dhanka maaliyada qeyb ka ah Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Haddaba, maxay tahay faa’iidada dheeriga ah ee ku jirta heshiiskan shalay dhaqan-galay. 1. Macaamiisha haysata telefoonada waxa ka yaraaday culeyskii oo hadda uma baahnid adeegsiga dhowr simcard meel walba oo aad ka joogto dalka. Sida Muqdisho, Hargeysa ama Garoowe. Lix bilood kadib waxaa heshiiskan lagu sameyn doonaa dib u eegis dhanka maaliyada ah, iyada oo hay’adda isgaarsiinta ee Soomaaliya ay rajeynayso in qiimaha intaan laga sii yareeyo. 2. Faa’iidada kale waa in uu isbedeli doono tartanka suuqa isgaarsiinta, kal hore maareeyaha hay’adda isgaarsiinta qaranka Mustaf Yaasiin Sheikh waxa uu sheegay in heshiiskan uu dhali doono caafimaad qabka suuqa isgaarsiinta Soomaaliya. Hadda, maadama macaamiilka uu hal lambar ku filan yahay waxaa lagu tartamayaa tayo. 3. Dhaqan-gelinta heshiiskan ayaa abuuri doona fursado kale oo shirkadaha wax badan isku weydaarsan karaan. Shirkadaha qaar waxaa u abuurmi doona maadama hadda kadib ayna jirin simcard gaar ah oo qofka ku qabsan yahay in uu qaato. 4. Waxa kale oo sahlanaan doonta inay shirkado cusub yimaadan suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, maadaama hadda tartanka u wareegay dhanka tayada, adeeg fulinta, amaanada iyo suuq-geynta casriga ah. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa soo dhaweysay dhaqan-gelinta heshiiska is-wicitaanka shirkadaha isgaarsiinta. Maareeyaha hay’adda ayaa waxa uu sheegay in dhaqan-gelintan ay caawineyso dhaqaalaha guud ee dalka, si gaar ah dadka haysta telefoonada, ayna dhinaca kale abuureyso tartan caafimaad qaba oo xambaarsan hal-abuur iyo maalgashi. Dad badan ayaa bogaadiyay tallaabadan lagu dhaqan-geliyay is-wicitaanka shirkadaha isgaarsiinta, maadaama ay hore bulshada uga wajahi jireen caqabado dhowr ah. The post Shacabka Xamar, Hargeysa iyo Garoowe oo 15 sano kadib laga farxiyay – Fallanqeyn appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii guddoomiyaha guddiga sare ee Mustaqbal Media (MMBOD), kaasi oo uu hayay laga soo bilaabo March 2015-kii. Golaha Wasiirada ayaa 9-kii bishaan wuxuu Guutaale u magacaabay Hanti-dhowraha cusub, kaasi oo ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada. War-saxaafadeed uu soo saaray Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Abuukate Axmed Ciise Guutaale ayaa waxa uu ku yiri “Waxa aan go’aansaday in aan iska casilo xilka guddoomiyaha guddiga sare ee MMBOD.” “Shaqada sharciga, saxaafadda iyo bixinta kaalmada qaanuunka waxa aan ku qaatay muddo ku dhow 20 sano, labaduba waxa ay kamid yihiin shaqooyinka aan aadka u jecelahay horumarintooda iyo hagaajintooda, waaya-aragnimadii aan ka helay iyo wixii aan ka bartay waxa aan uga faa’iideysan doonaa kaalinteyda cusub, taas oo aan haddii Alle idmo ugu adeegayo dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeed,” ayuu sidoo kale ku yiri qoraalkiisa Guutaale. Guutaale oo xilkan loogu magacaabay soo jeedinta wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa uu bedalaya Maxamed Cali Afgooye oo horay xilkan usoo hayey, kaasi oo ay magacowday xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu horay u soo noqday La-taliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra’iisul Wasaare, wuxuuna sidoo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo hay’ado warbaahineed oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxali ah. The post Hanti-dhawraha qaranka oo iska casilay xil uu ka hayey… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa maanta shaaciyay in uu xaliyay caqabado badan oo bulshada reer Muqdisho ka haystay shaqada CID-da. Taliye Sulub ayaa waxa uu sheegay in uu gebi ahaanb meesha ka saaray wixii la oran jiray fududeyaha, kaasi oo lacago laaluush ah dadka uga qaadan jiray u fududeynta howlaha shaqo ee CID-da. “Cabasha ka jirtay CID xageeda waa soo xalinay inteeda badan waxaa rajeynaynaa maanta laga bilaabo qofka muwaadinka ee CID aadaya asagoo niyad-san uu aado. Waxaa baabiinay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fududeeye la oranayay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub. Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda kadib aysan jiri doonin qof la weydiinayo lacag dheeraad ka ah adeega uu CID u tagay, taasi oo meesha ka saareysa musuq-maasuqii hore uga jiray xaruntaan. “Majiri doonto intan tuur waraaqda dube lagu soo saaraya. Qofka waa in uu hadda kadib kalsooni ku aado CID iyaga oo ku xisaabtamaya inay si wanaagsan ula macaamilaan ciidanka booliska meesha jooga.” Waxa uu intaas kusii daray “Wax alaala wixii sharci darro ah ee ka jiray meeshaas loogu adeegayo bulshada waxa rajeynayna maanta laga bilaabo CID waxay ku shaqeyn doonta qaabkii saxda ahayd ee ciidanka booliska uu ku shaqeyn jiray.” Taliye Sulub ayaa 4-tii bishaan xilka kala wareegay taliyihii hore ee booliska, wuxuuna ballan-qaaday aheyd inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed. Taliyaha cusub ayaa sidoo kale waxa laga sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, xilli uu dagaal culus uga socdo gobolada dalka. Si kastaba, dib u habeynta lagu sameeyay xarumaha CID-da ee bulshada Muqdisho u adeeg doonato ayaa si weyn loo bogaadiyay, maadaama ay hore u aheyd xarun ku suntan musuq-maasuq. The post Taliska booliska oo meesha ka saaray fududeeyihii laga qeyliyay ee xarunta CID-da appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Asluubta ee Xabsiga Dhexe ayaa shalay daayay, dibna ugu celiyay xoriyadiisa Wariye Cabdalla Axmed Muumin oo ay maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay laba bilood oo xabsi ah. Wariye Cabdalla Muumin oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS ayaa sii deyntiisa waxa uu taliska asluubta ku macneeyay inuu hore u dhameystay xukunka lagu riday, sida uu warbaahinta u sheegay Cabdalla. “Waxaa laygu soo eedeeyay qoddobada kala ah 219, 321 iyo 505 oo dhamaantiin ay yihiin wax lagu qoslo runtii in xiligaan la joogo Soomaaliya. Saaka markii uu xukunka igu dhacay waxaa la iigeeyay xabsiga dhexe, waxay saraakiisha xabsiga dhexe xisaabeen waxa meesha ku qoran, kadib waxaa soo baxday in aan anigu dheeraad leeyahay oo wax iga maqan yihiin,” ayuu yiri Wariye Cabdalla Muumin. “Way isoo fasaxeen, waxay igu dhaheen iska bax fasax ayaa tahay. Sidaas ayay wax u dhaceen oo waxaa soo wadna faah-faahino badan oo kiiskan la xiriira, waxaa soo wadna cadeymo tiro badan oo ku saabsan kiiskan.” Sii deynta Cabdalla ayaa timid kadib markii uu taliska asluubta ee xabsiga dhexe uu eegay waraaqaha xukunka maxkamadda gobolka Banaadir iyo muddada xukun-suge ahaa wariyaha oo ku dhow 4 bilood, waxay sheegeen inaysan haysan sharci ay xabsi ku geliyaan muddo ka badan inta la xukumayna uu xabsinaa. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud oo isagu ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu sheegay in go’aankan loo cuskaday hal qodob oo kamid ah saddex eed oo markii hore loo soo jeediyay Cabdalla, iyadda oo labada kale lagu waayey. Cabdalla ayaa maxkamadeyntiisu soo martay illaa 4 wareeg, ayada oo su’aalo toos ah uu weydiiyey guddoomiyaha maxkamadda, isaguna uu toos uga jawaabay su’aalo adag oo uga imaanaayey maxkamadda, waxaana ninkan markii ugu horeysay la xiray October 2022-kii. Kiiskan ayaa soo if-baxay kadib amarkii dowladda ee ahaa “in aan la baahin karin wararka Al-Shabaab,” kaas oo uu ka horyimid, kadib markii uu ka hadlay shir jaraa’id oo ay ururada u dooda saxufiiyiinta madaxa bannaan ay ku qabteen magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya oo xiligaas xirtay barihii internetka ee Al-Shabaab ayaa warbaahinta madaxa-banaan ku amartay in hoos loo dhigo baahinta wararka kooxda, maadaama ay dowladdu dooneyso in gebi ahaanba Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka. Xiligaas Cabdalla iyo u doodayaal kale oo saxaafadda ka socday ayaa si adag u sheegay in dowladdu ay ku xad-gudbeyso xeerarka saxaafadda oo iyadu ay dejisay, islamarkaana ay go’aanadaasi caburin yihiin. The post Saraakiisha xabsiga dhexe oo diiday inay xiraan Cabdalla Muumin kadib xukunkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ayaa Isniintii sheegtay inaanay illaa haatan garanaynin meesha ay ka yimaaddeen, saddex walxood oo joog sare ku duulayey oo la soo riday dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey, iyaga oo dul sabbaynaya hawada sare ee Woqooyiga America. Dawladdu waxay sheegtay in aanay rumaysnayn in walxahaasi ay ahaayeen diyaaradaha wax lagu basaaso, inkasta oo aan arrintaas si buuxda meesha looga saari karaynin. Afhayeenka golaha amniga qaranka ee Maraykanka John Kirby ayaa u sheegay saxafiyiinta aqalka cad, in walxahani aanay u muuqanin kuwo awood u leh inay wax basaasaan, hase ahaatee aanay arrintaas meesha ka saari karaynin. Wuxuu sheegay in hadhaaga walxahaasi inay ku soo dhaceen goobo aad u fogfog oo ay adag tahay in la gaadho, gaar ahaan, meelo aad u baraf badan oo ku yeella xeebaha gobolka Alaska ee Woqooyiga Galbeed ee Maraykanka, Yukon oo Canada ah iyo harada Huron oo ku taalla xuduudda Maraykanka iyo Canada. Wasiirka difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay inaanay ku guulasanin inay soo saaraan hadhaaga walxahaasi. Wasiirka oo Belgium kaga qaybgelaya shirka NATO ayaa sheegay, inay mudnaanta koowaad siin doonaan, sidii loo soo heli lahaa hadhaaga walxahaas, si aragti looga qaato waxay ahaayeen. Kirby ayaa isagu beeniyey in saddexdan walxood uu xidhiidh kala dhexeeyey, buufintii ka timi Shiinaha ee Maraykanku soo riday. Afhayeenka ayaa sheegay, in sababta walxahan, meel durugsan loogu soo riday inay ahaayeen, iyaga oo ku duulaya joog dhexe oo ah, 40,000 feet, taas oo halis gelinaysa duulimaadyada diyaaradaha madaniga ah. Maadaama ay kooban yihiin, xogta laga hayo saddexdan walxood ee ay soo rideen diyaaradaha Maraykanku, waxaa soo batay, wararka kutiri-kuteenta ah ee sheegaya in walxahani ay yihiin, kuwo ay ku lug leeyihiin, noolayaal kale oo duni kale innaga soo booqday. Xitaa arrintaasi waxaa carrabka ku dhufatay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, iyada oo sheegtay inaanay jirin wax calaamad ah oo muujinaya in walxahani ay ka yimaaddeen meel ka baxsan koonkan. Warbixintan oo uu qoray Ken Bredemeier waxaa sidoo kale wax ku daray, Jeff Sheldin iyo Carla Babb, sidoo kale qayb ka mida waxaa laga soo xigtay AP The post Mareykanka oo soo riday saddex ‘walxood’ oo aan la garanayn meel ay ka yimaadeen appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – For decades, the relationship between Kenya and Eritrea has been strained, with tensions rising to the point of a mid-flight redirect of President Uhuru Kenyatta’s plane in 2015. However, President William Ruto seemed to break this trend when he responded favorably to Eritrean President Isaias Afwerki’s advances during the early stages of his presidency. The two leaders recently held a joint press conference and discussed regional integration, trade, and regional security. Regional Integration At the joint press conference, Presidents Ruto and Isaias discussed regional integration’s incongruity and “contradiction” while borders continue to be erected. President Isaias stated, “Any meaningful bilateral cooperation must be viewed in the larger context of regional integration. We cannot achieve bilateral cooperation without integration, which has been a long-standing pursuit for decades.” President Isaias expressed no doubt in Eritrea’s decision to rejoin the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) after having boycotted the regional bloc in 2007 due to a perceived bias. President Ruto expressed delight at the reaffirmation of President Isaias’ commitment to rejoining the IGAD family. Despite tensions between member states, such as Ethiopia, Sudan, Kenya, and Somalia, the countries have agreed to engage in dialogue. Potential for economic collaboration President Ruto spoke of the immense economic potential for collaboration between Kenya and Eritrea and the need for structured engagement in light of the operationalization of the African Continental Free Trade Area. Visa requirements have been abolished between Nairobi and Asmara, mirroring a decades-old agreement between Kenya and Ethiopia. Despite IGAD not being traditionally a trading bloc and its commerce numbers being low, this may be attributed to a lack of functioning arrangements and the prevalence of illegal trade, which is estimated to have reached $2.2 trillion last year. IGAD views technology and commercial connections between its member states as crucial in reducing conflict and reuniting the regional bloc. Stabilizing the Region During their December 2022 meeting, Presidents Ruto and Isaias discussed trade and regional security, leading to the gradual withdrawal of Eritrean troops in Tigray and pushing the TPLF to surrender their weapons. The two leaders also spoke of stabilizing the region, but IGAD has faced challenges in finding permanent solutions. The post Eritrea rejoins IGAD with strengthened ties to Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Abdalla Ahmed Mumin, a prominent Somali journalist and Secretary General of the Somali Journalists Syndicate (SJS), was released from jail on Monday, just hours after a two-month sentence were handed down on security charges. The case was widely criticized by rights campaigners and media advocacy groups, who called for the charges to be dropped. Mumin was arrested in October of last year as part of a government crackdown on media outlets that publish content it considers propaganda for the Islamist militant group Al-Shabab. Despite the court’s sentence, Mumin was released shortly after the ruling, having already spent approximately five months in jail. Freedom of expression champion In a statement on Twitter, Mumin expressed his gratitude for his release and vowed to continue his work defending press freedom and human rights in Somalia. “I went straight to my office to conduct my daily routine,” he wrote. “I will continue to be on the forefront of defending press freedom and human rights in Somalia.” Rights groups, including Amnesty International, Human Rights Watch, and the International Press Institute, had previously called for the charges to be dropped, stating that Mumin faced ongoing threats and persecution from Somali authorities for advocating the right to freedom of expression. Closing civic space in Somalia The SJS and four other media advocacy groups also protested the government’s security directive, warning that it would clamp down on free speech. In a joint letter to Somalia’s attorney general in December, the advocacy groups stated that “continuing his prosecution not only casts a chilling effect on media freedom and journalism, but it also significantly contributes to the closing civic space in the country.” Dangerous country for journalists Somalia is considered the most dangerous country for journalists in Africa, with more than 50 journalists killed in the country since 2010. The nation of 17 million people is ranked 140th out of 180 countries on the global list of press freedom by Reporters Without Borders (RSF). The main threat to journalists in Somalia comes from Al-Qaeda-linked Al-Shabab fighters. However, Somali authorities are also accused of numerous violations. Conclusion The release of Abdalle Ahmed Mumin is a victory for press freedom in Somalia and a reminder of the ongoing struggles journalists face in the country. Despite the challenges, Mumin says he remains committed to his work and will continue to advocate for the right to freedom of expression in Somalia. The post Somali Journalist Abdalla Mumin freed after conviction appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiir Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qorsheynayey dagaal ka dhan ah Somaliland. Wasiir Caateeye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in Farmaajo uu ciidan la dagaalama Somaliland ku soo tababaray Turkiga ioyo Eritrea, sida uu hadalkiisa u dhigay. Sidoo kale qoraalka wasiirka gaashaandhigga Somaliland qeybtiisa dambe waxaa ku xusan in Somaliland lagula dagaalamayo hub loogu deeqay Soomaaliya. “Qorshahan lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo uu ciidamo tababar ku soo qaatay dalalka Eritrea iyo Turkiga, u jeedkooduna yahay inay la dagaalamaan Somaliland. Hubka loogu deeqay Soomaaliya ayaa lagula dagaalamay Somaliland,” Wasiir Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye. The plan to destabilize Somaliland had been years in the making, with the former President of Somalia, Farmajo, sending soldiers to receive training in Eritrea and Turkey with the intention of fighting Somaliland. Arms donated to Somalia are being used to fight Somaliland. pic.twitter.com/4dxEqM80tk — Abdiqani Mahamoud Ateye (@AbdiqaniMin) February 13, 2023 Hadalka wasiirkaan ayaa imaanaya iyadoo mudo hal todobaad ah uu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo dhacda xuduuda Soomaaliya iyo Somaliland uu ka socdo dagaal aad u culus. Waxaa xusid mudan in dowladda federaalka Soomaaliya aysan dagaalkaas ku laheyn door muuqda, isla markaana aysan jirin hub ama ciidan la arkay oo dowladda dhexe ay ku biirisay dagaalkaas. Beesha degta Laascaanood ayaa si mideysan u diidan ka sii mid ahaanshaha Somaliland, taas oo keentay in dagaalka lagu kala adkaa waayo, waxaana maalinba maalinka ka dambeysa sii adkaaneysa qadiyadda ka taagan Laacsaanood. Dadka reer Sool oo isimadoodu ay hor boodayaan ayaa si cad u sheegay inay doonayaan madax-banaani ka dhan ah Somaliland, balse xukuumadda Somaliland ayaa awood militeri uga jawaabtay cabashada dadka deegaankaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xusuustaa in hadda ka hor uu ka gaabsaday su’aal laga weydiiyey qadiyadda dadka reer Sool ay ku diidan yihiin Somaliland, taas oo dhaleeceyn badan uu kala kulmay. Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa doorkeeda ku ekeysay baaq ah in xiisadda Laascaanood lagu xaliyo wadahadal, balse waxay dirtay gargaar u badan daawooyin iyo diyaarado Muqdisho ka dejiya dhaawacyada dadka ka dagaalamaya Laascaanood ee Somaliland iska difaacaya. The post Somaliland oo Farmaajo ku eedeysay qorshe yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal xooggan ayaa caawa billaamay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalkan oo u dhexeeya ciidammada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad nabad-diid ah ayaa galay maalintii sideedaad. Waa markii ugu horraysay ee xilli habeenimo ah uu dagaal ka dhaco magaalada Laascaanood tan markii uu dagaalku billaamay. Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah balse wararka soo gaadhaya Somalilandtoday ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Waxa aan illaa hadda hirgelin xabad-joojin bilaa shuruud ah oo ay maalmo ka hor ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gole mucaarad ku ah hoggaanka dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana caasimadda dalka ka bilowday abaabul xooggan oo ka dhanka hoggaanka maamulkaas. Odayaal dhaqan, siyaasiyiin iyo dhalinyaro ayaa ku mideysan gobolahaan oo logo magac-daray golaha midnimada iyo samata-bixinta HirShabeelle, waxaana xubnaha hoggaaminaya ka mid ah Sheekh Cusmaan Barre. Nabadoon Muumin Gariig oo ka mid ahaa odayaashii ka soo qeyb galay kulankaas ayaa sheegay in dhibaatadii ka jirtay dalka oo dhan markii uu Farmaajo xukunka joogay ay hadda ku hartay HirShabeelle oo kaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Saakay qof kasta oo HirShabeelle ku abtirsata Wariiri ayaa ku jira, HirShabeelle markii hore xaaraan ayaa lagu dhisay, hadda waa la sii laba jibaaray, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaan leenahay HirShabeelle nala badbaadiya,” ayuu yiri Nabadoon Muumin Gariig. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in shacabka reer HirShabeelle ay ka hareen asaagood, isla markaana ay ku hungoobeen raggii ay madaxda ka dhigteen. “HirShabeelle waxaa markii hore lagu aas-aasay si deg deg ah, laakiin maanta markii la barbar dhigo dowlad goboleedyada kale ayadaa u liidata, ciidan, garsoor, xarumo ama kaabayaal kale malaha, Galmudug oo wax yar naga weyn waad arkeysaan sida ay u hormartay, HirShabeelle maanta waxaa la degay maamul xumo iyo musuq-maasuq,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan Barre. Ugu dambeyntii kulankii maanta Muqdisho lagu qabtay ee looga dhawaaqay golahaan cusun waxaa laga soo saaray bayaan 8-qodob ah, iyadoo war-saxaafadeedkaan lagu iclaamiyey shirweyne kale oo looga tashanayo aayaha HirShabeelle, sibey yiraahdeen maamulka loo badbaadiyo. Waxaa xusid mudan in maalmahaan ay soo baxayeen warar sheegaya inay is khilaafeen madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa oo hadda aysan ka dhaxeyn hadda wax wada shaqeyn ah. Maamulka HirShabeelle ayaa hadda cagaha la sii gelaya khilaaf siyaasadeed, iyadoo uu ku furan yahay dagaal adag oo ka socda deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaas, waxaana xusid mudan in 90% dhulka HirShabeelle laga saaray Al-Shabaab. Khilaafkaan ayaa si weyn u cuuryaami kara dagaalka Al-Shabaab hadii aan la xakameyn, waxaana macquul ah inay ku soo biiraan siyaasiyiin miidaan leh, taas oo golahaan ka dhigi karta mid gilgila madaxda khilaafka lagu xamanayo ee HIrShabeelle. Hoos ka daawo bayaankii ka soo baxay ‘golaha samata-bixinta HirShabeelle’ The post Daawo: Golaha ‘Badbaadada HirShabeelle’ oo Muqdisho looga dhawaaqay appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay isku soo dhibeen askar ka tirsan ciidamada Somaliland iyo hubkoodii ay wateen. Isimida Laascaanood ayaa waxay sheegeen in si nabad-gelyo ah ugu gudbiyeen askartaas iyo hubkoodaba dhinaca Somaliland, kuwaasi oo gebi ahaanba ka baxay dagaalka socda, sida ay sheegeen. “Waxaa diyaar u nahay in ciidamada Somalilnad ee Sool ka dagaalamaya si nabad-gelyo ah loogu fududeeyo inay ku laabtaan deegaankooda,” ayay warbaahinta u sheegeen Isimida SSC. Sidoo kale waxay sheegeen in aan cidna dhibaato loo geysan doonin, iyaga oo ku baaqay in ciidamada Somaliland ee ku sugan dhinaca bari ee magaalada Laascaanood ay xabbada joojiyaan oo ay deegaankooda si nabad-gelyo ah ugu laabtaan. “Waxaa gudbina oo dirna oo guryahooda geyna kuwa qorigii ay ku dagaalamayeen wata, waxaa leenahay wixii alaala wixii gurigoodii ku noqonaya, haddii uu qori ama gaari wato lagu hunguriyen mayno ee nabad-gelyo ayaa ku marineyna hadda nahay reer SSC.” Waxay intaas kusii dareen “Habeen walba waxa uu Muuse ku dhawaaqaya xabad joojin, Salaada marka laga baxo xabad ayuu nagu bilaabaya bal adduunkow maxa indhaha uga qarsaneysaan noo kaalaya oo arka inta la dumiyay iyo inta madfac na dhex taalla.” Hadalkan ayaa imanaya saacado un kadib markii ay Isimida dhaqanka Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ay ka dalbadeen beesha caalamka in mashaqada ka socota Laascaanood loo diro dad xaqiiqo raadin ah oo baaris kusoo sameeya dhibaatada halkaasi ka dhacday. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii sideedaad, ayada oo lasoo warinayo in ciidamada Somaliland ay badi ku sugan yihiin saldhigyo ku kala yaala Tukaraq, Gambara iyo Gooje-Cadde oo dhaca bariga gobolka Sool. Ciidamada Somaliland iyo kuwa kale ee kasoo jeeda SSC ayaa weli ku dagaalamaya Laascaanood, ayada oo xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac, taasi oo sida muuqata waxba ka tari weyday xaaladda ka taagan halkaasi. The post SSC oo sheegtay inay usoo gacan galeen askar Somaliland ah iyo hubkoodii – KADIB maxa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta nin hubeysan uu ka geystay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe. Ninkaan ayaa waxa la sheegay in uu afaafka hore ee Maxkamad ku taalla magaalada Jowhar uu ku dilay laba nin oo ku eedeeysna dilka wiilkiisa oo da’diisa aheyd saddex sano jir. Ninkaan toogashada ku dilay labada nin ee ku eedeysna dilka wiilkiisa yar oo dhowr habeen kahor meydkiisa laga helay xaafada Kulmis ee magaaladaas, ayaa waxa la sheegay inuu ka tirsana ciidanka dib-u-xoreyta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisley-da ee ka howl-gala deegaanada maamulka HirShabelle. Wararka ayaa intaas kusii daraya in toogashadan ay timid kadib markii ay Maxkamadda kasoo baxeen labada nin ee ku eedeeysnaa dilka wiilkiisa, xilligaasi oo maxkamadu sheegtay in xukunka labada eedeysane dib kasoo sheegi doonto. Hase yeeshe arintaasi ayuu si weyn uga biya diiday oo la sheegay in uu ka carooday ninkan hubeysna, taasi oo keentay inuu isla goobta ku toogto labadii eedeysane. Ninkaan ka tirsana Macawiisleeyda Shabeellaha Dhexe ayaa lasoo wariyay inuu toogashada kadib uu deg deg uga baxsaday goobta, ayada oo markii dambena ay goobta gaareen ciidamada maamulka. Illaa hadda ma-jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka magaalada Jowhar oo ku aadan dhacdadaan oo maanta si weyn looga hadal-haayay magaaladaas. The post Dilal yaab leh oo ka dhacay Jowhar: Aabe Maxkamadda ku hordilay laba nin oo dilay wiilkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo shaaciyay sida laga yeelayo ciidamada Macawiisleyda ee qeybta ka ah dagaalka socda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo lagu qabtay magalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in howl-galka lagu cirib-tirayo kooxda uu si habsami leh uga socdo dalka. “Shabaab intay fikireen ee meel fariisteen ayay waxay dhaheen waa maxay bottom-ka laga daari karo dadkaan markaas ayay arkeen oo dhaheen waa Diinta, qabiilka laguma wada kicin karo. Dadka Soomaaliyeed waa Muslim, meeshaas halaga soo galo ayay dhaheen marka waa sababtaas ee in ay Diin aaminsan yihiin ama jecel yihiin maaha,” ayuu yiri madaxweynaha. Xasan ayaa waxa uu sheegay in kaalin muhiim ah ay howl-galka socda ku leeyihiin ciidamada Macawiisleyda, islamarkaana ay dowladda u diyaarisay qorshe lagu qarameynayo. Qorshahan ayuu sheegay madaxweynaha in qeyb ka tahay sidii ciidamada Macaawiisley-da looga dhigi lahaa Boolis ilaalinaya amniga deegaanada laga saaray kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa inay qeyb weyn ka qaataan dagaalka, oo dhaqaalo ku taageeraan howl-galada guud ahaan dalka looga saarayo Al-Shabaab. Dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaan horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post Madaxweyne Xasan oo shaaciyay sida ay ka yeelayaan ciidamada Macaawiisley-da appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxaha Samatabbixiyeyaasha ayaa sii wada in ay soo saaraan dadka ku hosjira burburka dhismayaasha ee ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ,iyadoo tirada dhimashada dhulgariirkii usbuucii hore ay kor u dhaaftay 33,000. Dhulgariirrada ayaa Turkiga ku dilay ugu yaraan 29,605, halka in ka badan 4,300 oo dhimasho ah laga soo sheegayo Suuriya ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 5.3 milyan oo qof oo Suuriya ku nool laga yaabo in ay hoy la’aan yihiin,halka Ku dhawaad 900,000 oo qof ayaa u baahan cunto kulul oo degdeg ah gudaha Turkiga iyo Suuriya. Martin Griffith, madaxa gargaarka Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in dunidu ilaa hadda ay ku guul darraysatay wax u qabashada dadka ku nool waqooyi-galbeed ee Suuriya, isagoo sheegay in kuwa ka bad-baaday ay “si sax ah u dareemayaan in la dayacay”. Mareykanka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu oggolaado in sahayda la geeyo dhulka ay fallaagada gacanta ku hayso iyada oo laga sii gudbayo xadka Turkiga. PUNTLAND POST The post Khasaaraha dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya oo kordhay appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Isimida dhaqanka Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay dagaalka Laascaanood, iyaga oo dalab deg deg ah u diray beesha caalamka. Isimida Puntland ayaa ugu horeyntii taageeray go’aamadii dhawaan kasoo baxa isimada dhaqanka SSC, kuwaasi oo ay uga soo horjeesteen gooni isu-taagga Somaliland. Isimadan oo kala ahaa Boqor Burhan Boqor Muuse, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo Beeldaaje Cali Beldaje Salaad ayaa sheegay in aan xoog cidna lagu caburin karin, islamarkaana aan lagu qabsan karin. “Dadkaasi waa ka tashan karaan aayahooda iyo masiirkooda. Waa khalad dilalka iyo madaafiicda loo adeegsanayo dadka reer Laascaanood.” Isimadan ayaa Somaliland ku eedeeyey in aysan ka dhabeynin xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday, inkasta oo ay dhowr jeer ku cel-celisay xukuumadda Somaliland in go’aankeeda uusan waxba iska badelin. Isimada ayaa beesha caalamka ka dalbaday in mashaqada ka socota Laascaanood loo soo diro dad xaqiiqo raadin ah oo baaris kusoo sameeya dhibaatada halkaasi ka dhacday. Hadalka Isimida dhaqanka Puntland ayaa imanaya, xili dagaalka Laascaanood uu galay maalintii sideedaad, kaasi oo dhaliyay khasaare xoogan. Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka, hase yeeshe arrintaan waxba kama badalin xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. “Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.” Si kastaba, xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland oo markii hore loo arkayay in ay wax ka tari doonto xaalada ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonto, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay ku xireen in ciidamadooda ay ka baxaan magaalada. The post Isimida Puntland oo beesha caalamka udiray dalab deg deg ah oo la xiriira dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Djibouti (Caasimada Online) – Djibouti, a small country in the Horn of Africa, has been making headlines lately due to allegations of its involvement in mediating the ongoing conflict in LasAnod in northern Somalia. The government of Djibouti has officially rejected these allegations, stating that it has not been involved in the conflict and is not aligned with any of the conflicting parties. The origins of the conflict in LasAnod The conflict in LasAnod, the administrative center of the Sool region, began on February 6th, 2023, after a committee of local leaders, religious scholars, and civil society groups declared their rejection of the Somaliland administration and their desire to be under the jurisdiction of The Federal Government of Somalia. The city has been under the control of Somaliland for years. However, the recent declaration by the local leaders has sparked fierce fighting between Somaliland forces and local militias. The role of President Ismail Omar Guelleh Recently, there were reports that President Ismail Omar Guelle had intervened in the conflict and aligned himself with one of the conflicting parties. These reports originated from the Secretary General of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Mr. Workneh Gebeyehu, who stated that the President of Djibouti took a peace initiative to resolve the ongoing tension. The opposition Democratic Party of Djibouti (PADD) had also accused President Guelleh of intervening in the internal affairs of Somalia by supporting the Somaliland military. The rejection of mediation allegations by Djibouti Djibouti Minister of Foreign Affairs Mahmoud Ali dismissed these allegations as a vicious campaign aimed at damaging Djibouti’s relationship with its neighbors. He stated that there is “shameful propaganda on social media against Djibouti accusing my country of taking part in what is going on in LasAnod” and that these accusations are “merely fabricated lies to disrupt Djibouti’s relation with its neighbors.” The minister added, “None of the stakeholders in Somaliland requested Djibouti’s mediation in the unfolding situation in LasAnod.” He emphasized that Djibouti and its government have always promoted peace in the region and have never interfered in the internal affairs of their neighbors. The Impact of the conflict on the people of LasAnod The conflict in LasAnod has resulted in the death of nearly 60 people and the injury of over 400, according to health officials. The United Nations reported that the fighting has displaced over 80,000 people and resulted in a cut of water and electricity. In a joint statement earlier this week, the U.N. and international partners stated, “The indiscriminate targeting of civilians is unacceptable and must come to an end.” The Somali Red Crescent Society reported that the casualties include one of its volunteers killed by a stray bullet. The spark of the current crisis The current crisis was sparked by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member in late December, which was attributed to Somaliland and led to an increase in violence and casualties. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has yet to receive widespread international recognition for its status. It has faced opposition from some clan elders in disputed areas along its border with Somalia’s semi-autonomous Puntland state. The post Djibouti rejects mediation allegations in LasAnod conflict appeared first on Caasimada Online.
-
Pieter Storms, a 62-year-old Dutch national and renowned TV announcer in the Netherlands, had been struggling with a calcification problem for approximately ten years. The problem started in his ankles and gradually progressed to his knees and hip. Source: Hiiraan Online
-
Caaglayaasha Mahad Cambaashe si rasmi ugama mid aha ciidanka Muuse Biixi ka amar-qaata waana sababta ay u diideen inay dagaalka ka qeybgalaan ilaa hadda. Laascaanood (Warbixin) — Dagaalka Laascaanood wuxuu tusay Muuse Biixi run laga qarinayay: in caglayaasha Hargeysa ay mushaarka siiso aysan dagaal u gali doonin haddii dadka Laascaanood ay hubka qaataan si ay iskaga dul qaadaan heeryada Horgaleyaashu saareen. Caaglayaasha uu horboodi jiray Mahad Cambaashe waxay diideen inay dhinac kala soo jeestaan ciidammada duqeynaya Laascaanood. “Caaglayaashu waxay og yihiin in Hargeysa ay mudnaanta siinayso daaweynta dhaawacyada ciidanka sida rasmiga ah uga tirsan. Waxay kale oo caaglayaashu og yihiin in xoogagga iska caabbintu kula dagaallamayaan Laascaanood dhexdeeda haddii ay isku dayaan inay sheegtaan inay daacad u yihiin Muuse Biixi” nin ku sugan Laascaanood ayaa sidaas sheegay. 15 tekniko ah ayay haystaan caaglayaashu laakiin weli cabsi badan ayaa haysa oo waxay dagaal sii socda u arkaan mid ugu dambayntii horseedi doona in ay bartilmaameed u noqdaan ciidammada dagaalka gardarrada wada oo dagaalka ay caaglayaashu la gali waayeen. *Muuse Biix: “Maleeshiyo beeleedku ma heli doonaan daaweyn haddii aysan dagaalka gelin”. “Waa suurtogal in lacagta laga joojiyo Caaglayaasha waayo way ku dhici waayeen inay xabbad ka billaabaan Laascaanood dhexdeeda si ciidanka Somaliland ugu marmarsiinyoodaan inay Laascaanood soo galayaan si ay u kala celiyaan beelo is laynaya. Mahad Cambaashe ma doonayo in Caaglayaashiisu dagaalka Laascaanood ka dhacaya ku dhintaan ama ku dhaawacmaan waayo wuu arkaa in xaaladdu isbeddeshay” bare Laascaanood ku sugan ayaa sidaas sheegay. Caaglayaashu marnaba ma filaynin in dagaal weyn uu dhici doono. Maxay caaglayaashii Hargeysa lacagta ku siinaysay cabburinta dadka Laascaanood u diideen inay u dagaallamaan Muuse Biixi oo dagaal sokeeye dib uga aloosay Waqooyiga Soomaaliya? Horgalayaashu way ka baraq-nugul yihiin qabqablayaashii reer Muqdisho iska qabashadooda u hureen naf iyo maal sanadkii 2006. © Puntland Post, 2023 The post <em>Muuse Biixi oo ka niyadjabsan caaglayaashii Laascaanood</em> appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland religious clerics call for ceasefire in Las Anod
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeisa (HOL) - Religious leaders in the separatist region of Somaliland have called for an end to the violence in Las Anod and expressed their support for the implementation of a cease-fire. Source: Hiiraan Online -
Hargeysa (Caasimada Online) – Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo galay maalintii 8-aad. Culimada ayaa waxay ku baaqeen in deg deg loo joojiyo dagaalka Laascaanood, islamarkaana miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, ayada oo dhinacyadu ka wada-xaajoonaya wixii khilaaf iyo tabasho jira. Sidoo kale waxay taageereen adkaynta iyo hirgalinta xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland, iyaga oo xusay in dagaalka aan laga faa’iidin khasaare mooyaane. Waxay sheegeen in dhiiga qofka muslimka ah oo la daadiyaa uu xaaraan yahay gaar ahaan bilahan aynu ku jirno oo ah bilihii xurmada lahaa, “Culimadu waxay xasuusinayaan labada dhinac in dhiiga muslinka oo la daadiyaa uu xaaraan yahay, iyada oo lagu jiro bilihii xurmada lahaa ee Rajab.” Culimada ayaa waxa kale oo ay bahda warbaahinta iyo dadka baraha bulshada isticmaala ugu baaqeen in ay Alle ka cabsadaan oo ay iska hubsadaan wararka ay faafinayaan, ayna ka baaqsadaan hurinta collaada, sida lagu yiri baaqa culimada. “Culimadu waxay diyaar u yihiin inay kaalin mug leh ka qaatan daminta iyo nabadeynta dadka walaalaha ah. Culimada waxay ugu baaqayaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan samafalka iyo taakuleynta walaalaha dhibaatada kasoo gaartay colaada Laascaanood waxayna diyaar u yihiin inay kaalintooda ka qaatan.” Sidoo kale waxay qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay ka qeyb-qaatan adkaynta nabada, iyagoo xusay in ay ka culimo ahaan diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan daminta collaada ka taagan Laascaanood. Ugu dambeyntiina waxay sheegeen in dadka reer Somaliland yihiin dad walaalo ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in la joojiyo dagaalka, si aysan cid dambe ugu dhiman. Bayaanka culimada Somaliland ayaa imanaya, iyada oo burburtay xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland, waxaana weli Laascaanood ka socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac. Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac ay helayaan gurmadyo xoogan, taasi oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi. The post Culimada Somaliland oo war culus kasoo saaray dagaalka ka socda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
