Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muuse Biixi, oo sida qabqableyaashii Muqdisho, isku dayay in dadka ka aragti-duwan uu argagixiso ku tilmaamo. Hargeysa (Warbixin) — Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Muuse Biixi Cabdi, Madaxwenyaha Maamulka Somaliland iyo qabqablayaashii Muqdisho? 2006dii ayay qabqablayaashii Muqdisho arkeen in awooddoodii sii yaraanaysay. Waxay isla garteen in sida keliya ay Muqdisho uga sii talin karaan ay tahay in ay Muqdisho ku tilmaamaan magaalo ay argagixiso ku nooshahay. Wakiillada dowladda Maraykanka ku sugnaa Bariga Afrika ayay ula tageen qorshe ganacsi (business plan) dulucdiisu ahayd: Muqdisho waxaaa ku sugan argagixiso kala duwan oo lagaga hortagi karo oo keliya haddii nala siiyo maalgelin. Maraykanku wuu u guuxay qorshaha qabqablayaashii soo camcameen. Wuxuu siiyay lacag ka badan 7 milyan oo doollar. Lacagtaas waxay u adeegsadeen samaynta urur ay u bixiyeen Isbahaysiga La Dagaallanka Argagixisada (Counter-terrorism Alliance). Maraykanku wuxuu taageereray hindisihii qabqablayaashii Muqdisho u gacangelinta Mareykanka shaqsiyaad Soomaaliyeed oo ay qabqableyaashu ka afduubeen qeybo ka mid ah Muqdisho, shaqsiyaadkaas. Argagixiseyn dano dhaqaale ku salaysan Qabqablayaashii Muqdisho oo dagaal la galay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga sanadkii 2006. In qofkii ka aragti-duwanaada lagu tilmaamo argagixo ama qof xasiloonni-darro waxay ka mid tahay Tabaha maamulka Muuse Biixi adeegsado. Sanadkii hore Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimmaha Gudaha Somaliland, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaga Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Maxmed Cabdullaahi (Cirro) in uu lacag u diro ciidan ka yimid Muqdisho oo “xasilooni-darro ka wada” Hargeysa. Wuxuu Kaahin sheegay in baaris lagu ogaaday xogtaas. Mar kale wuxuu ku eedeeyay Cirro inuu u shaqaynayay dowladdii Kacaanka, sidaas darteedna uu ka horjeeday halgankii ururkii SNM. Waxaa Kaahin dhinac fadhiyay Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo askari ahaa hoggaaminayay urur ka mid ah ciidanka xogga dalka oo saldhigyo ku lahaa Hargeysa. Jaamac Shabeel:”Muuse Biixi xabbad joojin ayuu ugu baaqay reer Laascaanood oo uu ku tilmaamay argagixiso.” 16 sano kaddib Muuse Biixi ayaa waddadaas maray kaddib markuu ku tilmaamay Laascaanood inay tahay magaalo ay argagixso ku sugan tahay. “Sidee xabbad joojin ugu baaqday dad aad argagixiso ku tilmaantay?” ayuu yiri Jaamac Shabeel oo mar ka tirsanaa madaxda sare ee Xisbiga Kulmiye. Laascaanood waa magaalo uu Biixi ka waday qorshe uu kula dagaallamayo dadka siyaasadda ay isku hayaan isaga kuna sugan Hargeysa. Wuxuu dejiyay qorshe xisbi waraabe-u-taag ah loogu soo saarayo Xaglatoosiye ama Cataash, oo Buuhoodle iyo Laascaaood ka soo kala jeeda kuse abtirsada beelaha SSC. Qorshahaas waxaa looga gol-lahaa in saaxadda looga saaro Waddani ama UCID, laba xisbi oo uu Biixi u arko inay ka hortaagan yihiin unkidda hab siyaasadeed dhidibbada u sii adkaynaya tabihii marxuum Maxmed Ibraahim Cigaal, Madaxweynihii labaad ee Somaliland, talada kaga ilaalinayay beesha uu marxuum Cabdiraxmaan Tuur ka soo jeeday. Qorshahaas waxaa wax dhabarka ku dhuftay kacdoonkii ciidanka Somaliland looga saaray Laascaanood. Xagletoosiye dib ayuu Laascaanood ugu soo noqday oo dhaleeceeyay duqeynta Laascaanood. Cataash weli Hargeysa ayuu ku sugan yahay oo wuxuu, sida Cabdirisaaq Khaliif taageersan yahay duqeynta ciidanka Somaliland ku wadaan Laascaanood. Mid ka mid ah dhismayaasha Laascaanood oo uu ciidanka Somaliland meel fog ka soo duqeeyay. Biixi iyo Kaahin waxay ahaayeen laba sarkaaal oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya inta aysan u goosanin ururkii SNM oo fadhigiisu Itoobiya ahaa siddeetamaadkii qarnigii hore. “In been la sheego, in dadka ehelka ah la isku diro, in la banneeyo duqeynta magaaalo si nabad loogu nool yahay waxay intaba ka mid yihiin waddada ay u marayaan inay awoodda sii haystaan siina wadaan hab siyaasadeed dadka Somaliland qaarkood lagaga hor istaagayo fursado nololeed” ayuu sheegay siyaasi Hargeysa ku nool oo aan doonaynin in magaciisa la sheego. Nabad-ku-cabsiin “Somaliland waxaa ka jirta wax cilmibaare Biritish ah oo wax ka qortay hab siyaasadeed ganacsiga-siyaasadda isku qoofalan ay ku tilmaantay nabad-ku-cabsiin (peacocracy” ayuu yiri cilmibaare muddo u kuurgalayay wax uu ku tilaamay seddex xagalka Wajaale-Berbera-Jabuuti oo, sida uu sheegay, siyaasadda ugu danaysta ilaalinta dano ganacsi. Hadalkiisu wuxuu aad ugu dhow yahay sawirkii Hoggaamiyaha Waddani Xirsi Xaaji Cali uu ka bixiyay dowladda Somaliland oo uu ku suntay inay tahay mid danaha ganacsi ee shaqsiyaad gaar mudnaanta ka siisa u adeegista dadka. Cabdiraxmaan Cirro dacwad rasmi ah kama gudbin Maxamed Kaahin oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani “inuu lacag u diro askar Xamar joogta” oo amnidarro u maleegaysay Hargeysa. Kacdoonka Laascaanood ma beddeli doono oo keliya siyaasadda Sool iyo deegaammada beesha SSC, wuxuu kale oo horseedi kari doonaa dib isu eegis iyo isbeddel sal iyo baar ah oo ku dhaca hab siyaasadeedka Hargeysa oo Laascaanood, ka hor kacdoonka, u arkayay meel Biixi uu ka suurtagelin doono dib u cusboonaysiinta hab Ciigaal uu soddon sano ka hor sameeyay laakiin ku dambeeyay mid go’doomiyay Somaliland duqeynta ay u geysatay Laascaanood awgeed oo ah mid aan Soomaaliya ka dhicin waayo ma jirin magaalo dibedda laga soo duqeeyay mana jirin xoogag dhiigga Soomaalida daadinaya iyagoo ku doodaya in qarannimada Soomaaliya tahay mid aan jirin. © Puntland Post, 2023 The post Muuse Biixi oo Ka Soo Loox-jiitay Qabqablayaashii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Mogadishu (Caasimada Online) – The United States Africa Command (AFRICOM) said it has recently executed a self-defense strike in Somalia to support the Somali National Army’s campaign against the Al-Shabab extremist group. The strike took place in a remote location approximately 45 km southwest of Hobyo and 472 km northeast of Mogadishu, Somalia. According to a statement from AFRICOM, the preliminary assessment indicated that the strike resulted in the death of 12 al-Shabab militants. The remote location of the strike ensured that there were no civilian casualties. The ongoing support provided by the US to the Somali government is part of the Biden administration’s efforts to counter the Al-Shabab terrorist group.This support came after President Joe Biden approved a Pentagon request to redeploy US troops in the area, a decision that reversed former President Donald Trump’s withdrawal of all US troops from the country in 2020. AFRICOM operates as a crucial component of the US government’s comprehensive approach in Africa, incorporating diplomacy, development, and defense efforts. Gen. Michael Langley, AFRICOM commander, highlighted that AFRICOM’s role is only one aspect of the US efforts in Somalia. The Department of State and the US Agency for International Development also have programs to promote resilience, improve agriculture, increase trade, and promote democracy and good governance. In recent months, US forces have carried out several strikes in the region that have resulted in significant casualties among Al-Shabab militants. For instance, last month, the US carried out a strike that killed approximately 30 Al-Shabab fighters, according to AFRICOM. In October, a US strike resulted in the death of two members of the terrorist group, while a subsequent strike in November killed 17 fighters. A US strike in late December resulted in the death of six Al-Shabab militants near the city of Cadale. The post US airstrike in Somalia kills 12 Al-Shabab militants appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Ra’yi) — Waa sanadkii 10-naad Ramadaanka nagu soo aaddan iyadoo uu jiro khilaaf doorasho oo sababay dhimasho, dhawac iyo kala aragti duwanaan aad u xooggan. Bishii Julaay 2013 waxay ahayd bishii ay dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo guddigii doorashooyinka wakhtigaas ay muddeeyeen doorashooyinka degmooyinka ee Puntland. 15kii Julaay 2013 waxay ahayd maalintii dowladdii Puntland ee xilligaas ay soo saartay warqad ay ku ku joojisay doorashooyinkii golayaasha deegaanka, kaddib markii uu dhacay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac. Ku dhawaad 40 casho kaddib maanta waxaa billaaban doona Ramadaan (Soonka) waxaana jira dad diiddan is diwaangelinta iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka. Waxaa dhacay iska hor imaadyo geystay khasaare, bannaanbaxyo iyo baaqyo lagu diiddan yahay sida dowladda Deni ay u maamulayso geeddi-socodlka doorashooyinka golayaasha deegaanka. Ma habboona 10 sano kaddib in mar labaad uu fashilmo hindisaha dimuqraadiyeynta oo ah mid dadka Puntland ay aad ugu baahan yihiin si loo helo awood-daadejin dhab oo meesha ka saarta awoodda aan isla xisaabtan ku salaysnayn oo dhamaan talisyadii kala duwanaa ee Puntladn ku dhaqayeen dadka muddo dheer. Madaxweyne Deni iyo TPEC waxaa la gudboon inay saxaan habraaca doorashooyinka golayaasha deegaanka. Waddada ay u marayaan turxaan-bixinta waa inay noqoto wadatashi baahsan si la iskugu raaco mabaadii’ sharciyadda hagi doona doorashooyinka kana hortagi doona in hawsha socota ka beri yeesha mid dowladdu keligeed wadato oo ay siyaasad ahaan isku naaxinayso. Turxaan-bixintu wayfududdahay waayo ismaan dhaafku uma qotodheera sidii uu u qotodheeraa 2013kii laakiin waa ka khatar badan yahay. The post Sooyaalka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Puntland 2013-2023 appeared first on Puntland Post.
  4. Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa dowlad-goboleedka Puntland ku eedeeysay in uu wado qorshe uu ku ballaarinayo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo galay maalintii toddobaad. Somaliland ayaa waxay sheegtay in Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda. “Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka. Deegaanka Tukaraq ayaa waxaa xiligan ku sugan ciidamada Somaliland, waxaana kal hore ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland. Shalay unbay aheyd markii ay xukuumadda Somaliland digniin culus u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dowlad-goboleedka Puntland oo ay sheegtay in ciidamo tiro badan keentay xuduudda labada maamul wadaagaan ee aagga Tukaraq. Waxay sheegtay in tallaabada Puntland ay keeni karto isku dhac ciidan oo u dhaxeeya Somaliland iyo kuwa Puntland, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Somaliland. Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa in uusan waxba iska badalin go’aankeedii xabad-joojinta, taasi oo ay ku gacan sayreen Isimida Laascaanood ku sugan oo iyagu ku xiray dhaqan-galkiisa in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada. Xabad-joojinta Somaliland ayaa weli waxba ka tarin dagaalka socda, wuxuuna saaka uu dib uga billowday magaalada Laaascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo galay maalintii todobaad. The post Somaliland oo sheegtay in Puntland ay jihooyin cusub ka billaabeyso dagaalka socda appeared first on Caasimada Online.
  5. Turkish justice officials targeted more than 130 people allegedly involved in shoddy and illegal construction methods as rescuers extricated more survivors, including a pregnant woman and two small children, six days after a pair of earthquakes collapsed thousands of buildings. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmahan qaboojisay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Waa markii labaad ee dagaalka tooska ah uu hakad galo muddo dhowr asbuuc ah. Kooxda oo magaalooyin badan laga saaray, dad badan laga laayay, duqeyn ku socotay oo dhaawacyadii daawo u la’ ayay dowladdu ka hartay. Waa markii labaad oo iyagoo isla xaaladan oo kale ku jira laga haro, taas oo Al-Shabaab siisay fursad ay markale dib isugu soo abaabulaan, madaxdooda dhulka halista ah kaga saari karaan, dhaawacyada ku daaweysan karaan, haddii ay usuurta-gashana ay lacag iyo hub ku raadsan karaan. Qubarada amniga qaar ayaa si weyn u dhaliilsan dabaca kooxda loo sameynayo marwalba oo xaalkooda adag yahay. Al-Shabaab waxay shalay weerar ku qaadeen degmada Afmadow oo ay qaraxyo ka fuliyeen, waxay weerareen Ceel-Bacad oo gobolka Shabeellaha Dhexe ka tirsan iyo Sabiid oo gobolka Shabeellaha Hoose ka tirsan. In kooxdu awoodo in saddex goobood oo saddex maamul goboleed ah ay qaraxyo iyo weeraro toos ah ka fuliyaan waxay cadeyn u tahay inay ka faa’iideysteen fursadii ay bixisay dowladda federaalka. Dhamaan weeraradaasi lala beegsaday ciidanka waxay dhaliyeen khasaare. Haddaba, waxaan dul istaageyn maxaa keenaya in laga haro marwalba oo Al-Shabaab ay ku dhow yihiin in si fiican loo jabiyo. 1. Dowladdu toos uma sheegin waxa sababay hakadka dagaalka: Marwalba oo uu dagaalku hakad galo waxaa bata weerarada ay soo qaadeyso Al-Shabaab. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay ku jirto dib u abaabul ciidan, laakiin xeel-dheerayaasha amnigu waxay walaac ka muujinayaan fursada ay bixineyso dowladda federaalka. 2. Dagaal wada-jir ah: Xogo kale oo aan ka helnay illo dowlada federaalka Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegaya in hakadkaan ay sabab u tahay diyaarinta dagaal wada-jir ah oo dowladdu ay rabto in halmar lagu qaado kooxda oo dhowr furin uu ka billowdo, balse laba mar oo dagaalka uu istaagay labada jeerba Al-Shabaab waxay geysatay dhibaatooyin waaweyn. 3. Dhulka la qabtay: Al-Shabaab waxaa laga saaray deegaano muhiim ah, dadka qaar waxay ku doodayaan in sababta dowladdu u hakatay ay tahay in marka hore si fiican loo hubiyo amniga iyo gacan ku haynta deegaanada la qabtay, sidoo kalena loo sameeyo maamul iyo qorshe aanay kooxdu dib ugu soo laaban karin deegaanadaasi, taas oo iyaduna u muuqata dood macquul ah. Si walba, fursadaha ay Al-Shabaab hesho marwalba oo dagaalka xooga hakad galo waxay uga faa’iideystaan dib isku abaabul, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, dhaawacyada iyo qorashada dagaalamayaal cusub. Waxaa loogu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in aanay markale bixin fursad noocaan ah, si looga badbaado dhibaatadooda rogaal celinta ayna u sahlanaanto in kooxda lasoo afjaro. The post Al-Shabaab oo fursad ay DF ka heshay duulaan ugu qaaday saddex maamul goboleed appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ayaa soo qabtay burcad ku hubeysan oo dhac ka geysatay goobo ganacsi oo ku yaalla deegaanka Weydo ee duleedka magaalada Muqdisho iyo degmada Dharkenley. Burcadan oo ka koobnaa laba askari oo ku lebisan dareyska ciidanka ayaa waxaa duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV, kadibna si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, taasi oo sahashay in ciidamada gacanta kusoo dhigaan. Goobaha ay dhaca ka geysteen labadan nin ayaa waxaa kamid ah Farmashiye iyo Dukaamo ay ka qaateen agab kala duwan iyo lacag, kuwaas oo markii dambe u gacan galeen ciidamada Booliska. Ciidamada Booliska ayaa labadan nin kusoo qabtay raadraac ay ka sameeyeen kaamirada, sida uu shaaciyay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir “Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo qabtay labo kamid ah burcad hubaysan oo qori AK47 ah ku dhacayay goobo ganacsi oo ku yaalla degaanka Weydoow ilaa aagga degmada Dharkenley, kuwaas oo muuqaalo laga helay lagu baahiyay Baraha Bulshada, iyagoo gudaha u galaya goobo ganacsi oo ay kamid tahay goob Pharmacy ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska. “Baaritaan dheer kadib ciidanka booliska degmada Dharkenley ayaa soo qabtay labadaan nin ee Burcadda ah, waxaana lagu soo xiray saldhigga Degmada Dharkenley, ciidanka ayaa ragaan ka qaaday agab kala duwan oo ay ka soo dhaceen bulshada.” Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska”Muwaadiniinta ay burcadaan dhaca u geysteen waxaa laga codsanayaa inay soo wacaan lanbarka gaaban ee 991, si loogu hagaajiyo xoolaha ka maqan.” Ciidamada Booliiska Soomaaliyed ayaa muddooyinkii dambe waday howl-gallo lagula dagaalamayo kooxaha burcadda ee bulshada dhaca, kuwaas oo tiro kamid ah la soo qabtay. Hoos ka daawo muuqaalka The post Booliska Muqdisho oo qabtay burcad dhac geysatay oo CCTV ay kashiftay + Video appeared first on Caasimada Online.
  8. LasAnod (Caasimada Online) – The ongoing conflict in the northern Somali city of LasAnod between the Somaliland forces and local forces continues for the seventh consecutive day, with official reports indicating significant casualties. The battle reportedly began this morning when the Somaliland forces stationed near LasAnod initiated an attack and engaged in combat with local forces. According to reliable sources, intense fighting is taking place in the neighborhoods of Gooye, Mooragaan, and the Qooja-cadde camp near LasAnod, with both sides exchanging heavy fire. This has led to indiscriminate bombing of residential areas in the city, as reported by local residents. A ceasefire declared by Somaliland authorities on Friday evening was short-lived and broke down a few hours later, leading to the resumption of fighting on Saturday morning. At least nine people have been reported killed and fourteen others injured in Saturday’s skirmishes, according to a local government official and a medic. The death toll in the seven-day conflict between antigovernment fighters and Somaliland security forces in LasAnod has risen to 57. The Director-General of a public hospital in LasAnod, Abdimajid Hussein Sugulle, reported that over 400 people had been wounded in the week-long fighting. The conflict in LasAnod, the Sool region’s administrative center, erupted on February 6, 2023, after a committee of local leaders, religious scholars, and civil society groups declared their rejection of the Somaliland administration and their desire to rejoin Somalia. Somaliland and the Somali state of Puntland have been in dispute over LasAnod for years, with the city currently under Somaliland’s control. The Somaliland government has accused clan militants of targeting its army facilities, while traditional elders have accused Somaliland forces of invading the city and have demanded that the troops leave as the only means of restoring peace. The United Nations reported that the fighting displaced over 80,000 people and resulted in a cut of water and electricity. In a joint statement earlier this week, the U.N. and international partners stated, “The indiscriminate targeting of civilians is unacceptable and must come to an end.” According to the Somali Red Crescent Society, the casualties include one of its volunteers who was killed by a stray bullet. The current crisis was sparked by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member in late December, which was attributed to Somaliland and led to an increase in violence and casualties. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has yet to receive widespread international recognition for its status. It has faced opposition from some clan elders in disputed areas along its border with Somalia’s semi-autonomous Puntland state. In response to the escalating crisis in Laascaanood, the Bureau of African Affairs of the U.S. Department of State released an official statement declaring that the “indiscriminate targeting of civilians is unacceptable and must be brought to a halt.” The U.S. government has called for an immediate cessation of violence in Laascaanood, protection of civilians, unrestricted access for humanitarian aid, and a peaceful resolution through dialogue. The post Seventh day of intense fighting in LasAnod, Somalia with casualties mounting appeared first on Caasimada Online.
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha, Robert Piper oo maanta dalka soo gaaray. Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladaha nololeed ee dadka ku barakacay gudaha dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka heysta dadkaasi malaayiinta qof ah ee ku sugan xeryaha. Mudane Xamse ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa barakacayaasha gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ku waayay hantidoodii abaaraha, colaadaha iyo isbeddelka cimillada, isagoo ku ammaanay Qaramada Midoobay dadaalka ay waddo ee wax loogu qabanayo dadka barakacay. Dhankiisa, La-taliyaha gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha ayaa ku ammaanay Xukuumadda dadaallada lagu caawinayo barakacayaasha, isagoo xusay in QM ay qaadayso tallaabooyin ay wax ugu qabanayso dadka barakacay ee ku sugan 16 waddan oo Soomaaliya ay ku jirto. Dhibaatooyinka sababay barakaca gudaha dalka ayaa waxaa kamid ah abaaraha, colaadaha iyo argagixisada oo go’doon galisay deegaannada ay ku sugan yihiin, si aan dadka gurmad loo gaarsiin. Sidoo kale isbeddelka cimilada ayaa sababay biyo yaraan iyo dhulkii ku haboonaa daaqa iyo beerashada in uu nabaad guuro. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo Qaramada Midoobay kala hadlay Arrimaha Barakacayaasha appeared first on Puntland Post.
  10. Somaliland announced that the ceasefire it announced was broken by anti-security groups The government of Somaliland has previously announced an unconditional ceasefire, but the ceasefire was broken again by the groups that invaded the peace and stability of Lasanood town, who attacked in the early morning at 5:30 am. took the troops in their camps. Among the sites that were attacked by the groups this morning are: – SOOL Regional Governor’s Office. – The sitting of the National Army in Lascaanod. The National Army responded to the attack with self-defense, and the war is still going on. The National Army is still standing by and respecting the ceasefire announced earlier by the government of the Republic of Somaliland. As the government, we are declaring that the people of Lasanood are the same as the citizens of Somaliland that they are already part of, but as the government has already announced that they are part of the war in Lasanod, they are fueling terrorist groups, who refuse to cease fire. from the war, and harming the people of Lasanod. On the Tukaraq Area; There is that the Puntland-Somalia regional administration is conducting military operations in the old Tukaraq area as the government has already said, wanting to start the war in new directions. The National Army of the Republic of Somaliland is constantly being attacked, for seven days continuously, the army is defending its positions. Finally The Government of the Republic of Somaliland is informing the Somaliland community, the international community and the people who love peace that there is still an unconditional ceasefire on its Qaran News
  11. Tirada dhimashada ee dhulgariirkii Turkiga iyo waqooyi-galbeed Suuriya ayaa dhaaftay 29,000 xilli ay socdaan dadaallada samatabixinta ee ka socda dalalkaasi. Tirada dhimashada dadkii ku waxyeeloobay Turkiga ayaa kor u kacday oo gaartay 24,617 halka in ka badan 4,500 lagu sheegay dadku ku dhintay Suuriya. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 5.3 milyan oo qof oo Suuriya ku nool laga yaabo in ay hooy la’aan yihiin, halka ku dhawaad 900,000 oo qof ay u baahan yihiin cunto kulul oo degdeg ah Turkiga iyo Suuriya. Dowladda Suuriya ayaa ogolaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo goobaha dhulgariirku ku dhuftay ee ka baxsan gacanteeda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Turkiga ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu u furi lahaa laba waddo oo cusub oo loo maro qaybaha ay fallaagada gacanta ku hayso ee Suuriya. PUNTLAND POST The post In ka badan 29 kun oo ku dhintay dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd war kasoo saartay dagaalka Laascaanood oo galay maalintii toddobaad oo xiriir ah, xili uu maamulka Muuse Biixi ku dhawaaqay xabad-joojin. War-saxaafadeed kasoo baxay Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xabad-jojintii ay jabiyeen kooxo ay sheegtay in ay kusoo qaadeen duulaan, kuwaasi oo saaka waaberigii dagaal kusoo qaaday ciidamada ku sugan xeryahooda, sida lagu yiri qoraalka. “Xukuumada Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday kuna cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday ciidamada ku sugan xeryahooda.” Somaliland ayaa sheegtay in saaka kooxahaasi ay soo weerareen xafiiska badhasaabka gobolka Sool iyo fadhiisimada ciidanka Somliland ee magaalada Laascaanood, kadibna ay ciidamadeedu kaga jawaabeen is-difaacid. “Waxaanu Ciidanka Qaranku Weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, ilaa hadana dagaalkii wuu socdaa. Ciidanka waxa ay wali u taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad-joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxa lagu xusay qoraalka in xukuumadd ahaan ay cadaynayaan in shacabka Laascaanood ay lamid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, hase yeeshe ay xiisada kusoo dhex dhuumanayaan kooxo argagixiso ah. “Waxaa jirta siday hore xukuumaddu ugu dhawaaqday in ay dagaalka Laascaanood qayb ka yihiin, hurinayaana kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga gaadho dagaalka, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood.” Xukuumadda Somaliland ayaa ugu dambeyntiina waxa ay la socod-siisay bulshada reer Somaliland, beesha caalamka iyo guud ahaan Soomaalida in weli xabad-joojintii bilaa shuruuda aheyd ay dhankeeda dhaqan-gal ka tahay. The post Somaliland oo sheegasho cusub kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  13. Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICO ayaa sheegay inay 12 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ku dileen weerar dhinaca cirka ay oo ay Jimcihii ka fuliyeen deegaanno ka tirsan degmada Hobyo, sida lagu sheegay warsaxaafdeed kasoo baxay taliska. AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dambeeyay codsi uga yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid ‘is-difaac ah; oo ay si wadajir ah u qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wada howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab. Taliska ayaa sheegay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeyntan oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Hobyo. “Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu taageero siiya dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato khataraha argagixisada, waxaan kaliya qeyb ka nahay dadaalka Mareykanka,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo sheegay in uu xubno ka tirsan Al-shabaab ku dilay duleedka degmada Hobyo appeared first on Puntland Post.
  14. Somaliland oo ku dhawaaqdey in xabad joojintii ay ku dhawaaqdey ay jabiyeen kooxo nabadgelyo diid ah Xukuumada Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday Kuna Cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday Ciidamada ku sugan Xeryahooda. Goobaha ay saaka soo Wareereen kooxahaasi waxa ka mid ah: – Xafiiska Badhasaabka Gobolka SOOL. – Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Laascaanood. Waxaanu Ciidanka Qaranku Weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, Ilaa hadana dagaalkii wuu socdaa. Ciidanka Qaranku waxa ay wali u taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumadd ahaan waxa aanu cadaynaynaa in shacabka magaalada Laascaanood ay la mid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, waxase jirta siday hore xukuumaddu ugu dhawaaqday in ay dagaalka laascaanood qayb ka yihiin, hurinayaana kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga gaadho dagaalka, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood. Dhinaca Aaga Tukaraq; Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa. Ugu dambayntii Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ogaysiinaysaa Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay wali xabad joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay. Qaran News
  15. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland isla markaana uu ku saxeexan yahay Wasiir kuxigeenka Wasaaraddaasi ayaa faahfaahin lagaga bixiyay dagaallo maanta ka socda Gobolka Sool; Qoraalka ayaa u dhignaa sidan; “Xukuumada Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday Kuna Cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday Ciidamada ku sugan Xeryahooda. Goobaha ay saaka soo Wareereen kooxahaasi waxa ka mid ah: – Xafiiska Badhasaabka Gobolka SOOL. – Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Laascaanood. Waxaanu Ciidanka Qaranku Weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, Ilaa hadana dagaalkii wuu socdaa. Ciidanka Qaranku waxa ay wali u taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumadd ahaan waxa aanu cadaynaynaa in shacabka magaalada Laascaanood ay la mid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, waxase jirta siday hore xukuumaddu ugu dhawaaqday in ay dagaalka laascaanood qayb ka yihiin, hurinayaana kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga gaadho dagaalka, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood. Dhinaca Aaga Tukaraq; Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa. Ugu dambayntii Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ogaysiinaysaa Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay wali xabad joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay. Mudane Cabdilaahi Xuseen Maxamed Wasiir Ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Source
  16. Mogadishu (HOL) - The U.S. military conducted a strike on Friday against al Shabab terror group in the Mudug region, killing 12 al-Shabab fighters, US Africa Command said in a statement on Sunday. Source: Hiiraan Online
  17. The ongoing violence in #Lasanod continues to take lives and leaves families in grief. Today, a volunteer from Somali Red Crescent, Abdisalam Saed was killed by a stray bullet. We call for restraint and access to neutral and impartial humanitarian actors. — ICRC Africa (@ICRC_Africa) February 11, 2023 Qaran News
  18. BOSASO, Somalia, Feb 12 (Reuters) - At least nine people were killed and another 14 wounded on Saturday in a sixth day of fighting in Somalia's breakaway Somaliland region, a local government official and medic said, hours after Somaliland called for an unconditional ceasefire. Source: Hiiraan Online
  19. Afmadow (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maamnta howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbaland, kaas oo ay guul ka sheegteen saraakiisha ciidanka huwanta. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Qunbi, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay dagaal ku qaadeen deegaankaasi, kadibna ay la wareegeen saldhig weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd halkaasi. Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in saldhigga la beesaday uu muhiim u ahaa kooxda, isla-markaana ay isku uruursanayeen dagaalyahano tiro badan. Waxaa sidoo kale warkan lagu sheegay in saldhiggan uu muhiim u ahaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland. “Ciidanka ayaa dagaal kula wareegay Saldhiggaan muhiimka u ahaa Khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa deegaanno ka tirsan gobolkaas,” ayaaa lagu yiri qoraalka dowladda. Sidoo kale ciidamadan oo ka baxay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa hub badan iyo saanad ciidan kasoo furtay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgalka ka dhacay deegaanka Qunbi. Dhinaca kale taliyaha qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo Wasiirka Amniga Jubbaland oo ku sugan aaggaasi ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada huwanta, waxayna ku dhiiri-geliyeen inay isku diyaariyaan duulaan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha kulanka ka qayb-gashay ayaa mas’uuliyiinta ku sugan halkaas uga warbixiyay deegaanka muhiimka ah ee ay la wareegen ciidanku. Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay xoogaga Al-Shabaab ay weerar culus ku billwoday is-miidaamin ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Afmadow, kaas oo ay saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in laga hortagay, kadibna laga hortegay weerarkaas. The post Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo saldhig muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab + Sawirro appeared first on Caasimada Online.