-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare xoogan. Dagaalkan oo ay sidoo kale qayb ka ahaayeen ciidanka dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaankaas oo ku yaalla xadka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan, isla-markaana uu saacado qaatay, kaas oo uu khasaare kasoo gaaray labada dhinac. General Maxamed Axmed Tareedishe oo ka mid ah saraakiisha hoggoomineysa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo HirShabelle ayaa ka warbixiyay dagaalka ka dhacay halkaasi, kadib markii uu u waramay mid kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho. Tareedisho ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, welina xerada lagu dagaalamay ay joogaan ciidamada Xoogga dalka & kuwa deegaanka. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dagaalkan ay ku dileen ugu yaraan illaa 9 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, dhankoodana ay ka dhinteen 5 askari, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Macawiisliieyda ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan agagaarka deegaanka Ceel Bacad, isla-markaana ay baadi goobayaan xubnaha kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay ee ku qaadeen saldhiga Ceel Bacad oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe. Maalmihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay kula kalaheyso ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobollada, waxaana ugu dambeeyay weeraro ay shalay ku qaaday Sabiid iyo Afmadow oo ka kala tirsan Sh/Hoose iyo Jubbada Hoose. The post Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo ku dagaalamay SH/ DHEXE + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Dhusamareb (Caasimada Online) – The United Nations has signed an agreement with President QoorQoor of Galmudug to establish a UN regional office at the Hero Drogo Camp site in Dhusamareb. The announcement was made by UN Deputy Special Representative for Somalia, Anita Kiki Gbeho, during a press conference held in Dhusamareb on 11th February. The new office will provide a platform for the United Nations and other international partners to support Galmudug in developing its institutions and delivering services to its people in an inclusive manner. Pending the office’s opening, the UN will continue to provide regular engagement and support to the people and the administration of Galmudug. During the press conference, discussions were held on other essential issues, including the ongoing drought that brought hardship to the people of Galmudug, the military offensive against Al-Shabaab, and the need for continued focus on Somalia’s state-building agenda. Establishing a regional office in Galmudug is an important step toward the region’s development and stability. Galmudug has faced several challenges in recent years, including drought and conflict with the extremist group Al-Shabaab. The UN has been active in Somalia for many years, providing humanitarian assistance, supporting peace and reconciliation efforts, and working toward sustainable development. The UN Security Council established UNSOM in 2013 to support the Federal Government of Somalia in its peace and state-building agenda. The mission is focused on political support, peacebuilding, security sector reform, and human rights. The UN believes in Somalia’s vision of a peaceful and prosperous nation, and establishing a physical presence in Galmudug is seen as a significant contribution towards achieving this goal. The regional office will allow the UN to deepen its cooperation with and support the people and the government of Galmudug and other regional stakeholders. The post UN to establish regional office in Galmudug, Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Turkiga ayaa Xabsiga dhigtay 33 qandaraasleyaal dhismo sababo la xiriira cillado dhanka dhismaha ah iyo khaladaad dhismaha la xariiro oo lagu arkay Magaalada ugu weyn koonfur bari Turkiga ee Diyarbakir, taasi oo uu aad u sameeyay Dhul-gariirkii halkaasi ka dhacay dhawaan. Wakaalada wararka Anatolia, ayaa sheegtay in xafiiska xeer ilaalinta ee Diyarbakir uu bilaabay baaritaan ku aadan sidii loo ogaan lahaa cilladaha iyo khaladaadka la xiriira dhismooyinkii ku burburay dhulgariirkii Isniintii la soo dhaafay ku dhuftay magaaladan. Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in weli ay socdaan baaritaanno lagu hayo qandaraaslayaasha la xerxeray ee qaabilsanaa dhismaha magaalada Diyarbakir. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo xabsiga dhigtay Qandaraaslayaal dhisme appeared first on Puntland Post.
-
Dagaalka Ka Socda LAASCAANOOD Oo Galay Maalintii Toddobaad.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Burco)-Dagaal u dhexeeyo ciidammada Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diid ah ayaa lagu soo warramayaa in uu wali socdo, wuxuuna saaka uu dib uga billaamay magaalada Laaascaanood ee gobolka Sool, kaas oo galay maalintii todobaad. Wararka ayaa sheegaya in haatan uu dagaalku ka socdo deegaanada Gooye, Mooragaan iyo aaga xerada Qooja-cadde oo ku taalla duleedka Laascaanood. Labada dhinac ayaa isweydaarsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka balse waxa la sheegayaa in in ka badan 50 qof inta la ogyahay ay ku dhinteen dagaalladaasi toddobada maalmood socda. Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii halka dhinac ahayd ee ay ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka sii socdo. Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, iyada ay beesha caalamka ka hadashay xaaladda Laascaanood ay ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo. Source -
War-saxaafadeed ay soo saartay xukuumadda Somaliland ku qornaa luuqada English-ka ayaa waxa lagu yidhi: “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay beesha caalamka iyo bulshada reer Sool ku wargelinaysaa inay ka go’antahay go’aankii Xabad joojinta ahaa ee ay soo saartay 10-kii February 2023 kaas oo ahaa in shuruud la’aan xabadda ku joojiso, waxaanay xukuumaddu mar kale ku celisay in ciidamadeeda milateriga lagu amray inay is-difaacaan. Xukuumadda Somaliland waxay aaminsan tahay in xaaladda Laascaanood aanay ahayn mid muujinaysa cabashooyin bulsho, balse ay tahay qorshe la sii qorsheeyay oo ay wadaan dad Soomaaliya jooga oo doonaya inay khalkhal galiyaan Ammaanka Somaliland”. Press Release: The Government of the Republic of Somaliland informs the international community and the people of Sool that it remains committed to the unconditional, unilateral ceasefire issued on February 10, 2023. The government reiterates that its military forces have been ordered to defend themselves and Cabinet ministers in the region from repeated attacks, and have not attacked civilians. It has become apparent that Somaliland’s attackers are not willing to recognize the ceasefire. Therefore, Somaliland National Army forces remain positioned outside the city of Laas-Anod. The government of Somaliland believes that the situation in Laas-Anod is not a demonstration of ‘social grievances’, but rather a premeditated plan by those in Somalia seeking to destabilize Somaliland. This morning, armed forces from the Federal Government of Somalia began attacking Somaliland’s military forces. The government of Somaliland subsequently issued a warning to the government of the Federal Republic of Somalia, specifically the regional administration of Puntland which has dispatched a large number of armed personnel to the Tukaraq border, to stand down. The government of Somaliland further calls on the international community to urge the Federal Government of Somalia and the regional administration of Puntland to withdraw their forces from Somaliland’s border, condemn the continued attacks on Somaliland’s citizens, government, and military, and demand their reciprocity in joining Somaliland in a mutual, unconditional ceasefire. Source
-
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maamul gobolleedka Puntland ku eedeeysay inay ciidamo ku soo daabuleyso aagga Tukaraq oo hore marar badan ay ugu dagaallameen Somaliland iyo Puntland. Qoraal ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xaaladda Laascaanood ka taagan ay tahay mid ka weyn tabasho bulsho balse tahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo qarannimada Somaaliland oo ay ugu horreeyaan kooxaha argagixisada ahi. “Xukuumadda JSL waxa ay u digaysaa dawaladda Soomaaliya gaar ahaan maamul gobolleedka Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Somaliland. Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay in ay wali ka go’antahay dhaqangelinta go’aankeedii ahaa xabbad-joojinta aan shuruudda lahayn, waxayna dhinaca kale ku eedeysay in aanay diyaar u ahayn xabbad-joojin si buuxda uga dhaqangasho magaalada Laascaanood. Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in uu xoogeystay, wuxuuna saaka uu dib uga billowday magaalada Laaascaanood ee gobolka Sool, kaas oo galay maalintii todobaad. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka saaka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaalada, waxayna isku dhaceen ciidamada deegaanka. Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka socdo deegaanada Gooye, Mooragaan iyo aaga xerada Qooja-cadde oo ku taalla duleedka Laascaanood. Labada dhinac ayaa isweydaarsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka barbar socda madaafiic, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maanta dib yga qarxay Laascaanood, mana jiro faahfaahin rasmi ah oo ay ka bixiyeen labada dhinac. Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo. Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo. Qaramada Midoobay oo ayaduna horay uga hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey Laascaanood. Mareykanka ayaa dhankiisa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan. The post Dagaalka ka socdo LAASCAANOOD oo xoogeystay iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Somaliland ayaa saaka dagaalkii ugu cuslaa ku qaaday magaalada Laascaanood sida ay ku soo warramayaan goob-joogayaal. Ciidamada Somaliland ayaa maalintii todobaad oo xiriir ah duqayn aan kala sooc lahayn ku garaacaya Laascaanood. Ciidamada Somaliland oo ku sugan saldhigyo ka baxsan Laascaanood ayaa magaalada ku garaacaya hubka culus ee Artillery-ga. Dagaalka tooska ah ayaa sidoo kale ka socda bannaanka Laascaanood waxaana la soo werinaya khasaare kala duwan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo dagaalkii ugu cuslaa saaka ku qaaday Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa habeenkii Jimcaha ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood, kaasi oo socday shan maalin oo xiriir ah, taasi oo isla subaxii Sabtidii burburtay, dagaalkuna dib u billowday. Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in go’aankan ay Somaliland u qaadatay si ay u muujiso inay diyaar u tahay in doorkeeda ka qaadato dejinta xiisadda, si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka. “Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah. Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland ayaa waxaa soo dadajiyay cadaadiska beesha caalamka iyo khasaaraha xoogan ee ka dhashay dagaalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Beesha Caalamka ayaa si weyn ugu cadaadisay xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi hadalkii dhawaan kasoo yeeray duqa magaalada Laascaanood, oo ah masuulkii ugu sareeyay ee maamulka ee magaaladaasi. Duqa Laascaanood ayaa dhawaan waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay duqeynayaan goobaha shacabka, taasi oo keentay in xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka uu soo saaro bayaan luuqad adag ku qoran oo looga soo horjeedo duqeymahaasi. “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood,” ayaa lagu yiri bayaanka. Marka laga hadlayo nidaamka ay u shaqeyso diblumaasiyadda adduunka iyo macaamilka dowliga ah, majiro miisaan ka culus hadalka masuul dadweynaha soo doorteen. Sidaas darteed, iyaga oo cuskanaya hadalka duqa ayay beesha caalamka ku cadaadisay Somaliland in ay joojiso dagaalka, taasi oo ugu dambeyn xukuumadda Muuse Biixi xalay ku qasabtay in ay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, oo sidoo kale bilaa shuruud ah. Dhawaaqyadii sida iska daba-joog ah uga soo baxayay garaadada ku sugan Laascaanood ayaa sidoo kale qeyb ka ah arrimaha Somaliland ku qasbay in ay qaadato mowqif ay ku muujineyso inay diyaar u tahay helista jawi nabdoon. Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland weli waxba kama tarin dagaalka Laascaanood oo shalay ay markale isku fara saareen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee kasoo horjeedo gooni isu-taagga Somaliland. Dhinaca kale, Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo shalay shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa xabad joojin dhaqan-gasha ku xiray in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada, islamarkaana raali-gelin uu maamulku ka bixiyo in uu argagixiso ku tilmaamo. “Haddii xabad joojinta dhab idinka tahay ciidankan aad magaalada ku caburineysaan ee ku duqeynaysaan ku laynaysaan dadka. Dad ciidankooda u taliya nahay oo fulin kara xabad joojin laakiin ficilkiina idinkama muuqato xabad joojintii xalay jeediseen,” ayuu yiri. Sidoo kale waxay wax laga xumaado ku tilmaameen in Somaliland ay dadka magaalada iyo dhaqankeeda ku tilmaaman argagixiso, ayaga oo markale ku eedeeyay in maamulka Muuse Biixi uu sii wado duqeynta magaalada. Si kastaba, Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonto, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen, waxaana weli sii kordhaya cadaadiska dhinacyada lagu saarayo in ay joojiyaan dagaalka. The post Xog: Sababta Somaliland ku qasbtay inay ku dhawaaqdo xabad joojintii Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Doorasho natiijadeeda la sii og yahay. Dalka Jabbuuti waxa ka socda ololaha doorashada Baarlamaanka waddankaasi oo loo eekaysiiyay qaabka Doorashooyinka waddamada dimuqraadiga ah balse ah mid natiijadeeda layska sii og yahay in xisbiga talada haya ee RPP ku guullaysanayo. Taageerayaasha xisbul xaakimka oo keliya ayaa inta badan lagu arkaa fagaarayaasha Ololaha Doorashada. Mucaaradku waxa ay sheegeen in doorashada Jabbuuti tahay mid dhalanteed ah oo bulshada Caalamka uun loogu sheegayo in doorasho dhacday. Jabbuuti xorriyada hadalka iyo Warbaahinta ayaa ah mid xaddidan iyadoo lagu tilmaamo waddamada ugu horriyada liita Afrika. Doorashada Jabbuuti natiijadeeda waxa ku dhawaaqa wasiirka Arrimaha gudaha waddanka. Dad badan ayaa xabsiyada ku jira kadib markii ay dhaliileen nidaamka madaxweyne Geelle. Dadka xidhan waxa ku jira Duulliye Fu’aad, kaas oo laba sannadood ka hor warkiisu gilgilay dareenka Soomaalida. Qaran News
-
Caawa waxaa si toos ah la iiga horjoogsaday kulankii ay ku kulmayeen madaxweynaha iyo Ururada, markii aanu gaadhnay ilinkii hoolka kulanka, ayaa wiil qaabilsan baratakoolka madaxtooyada wuxuu keligay ii gelbiyey qol fadhi ah oo qurux badan kana soo hor horjeeda qolka uu kulanku ka dhacayey, wiilka ayaa igu wargeliyay inaan halkan fadhiyo inta kulanku dhamaanayo! Wiilka ayaan u sheegay inaanan meesha u iman in Fadhi qurux badan oo madaxtooyada yaal la i fadhiisiyo, waxaanan ka codsaday inuu mobilkayga ii keeno si aan u baxo. Xubnaha loo yeedhay ayaa igu wehelinayay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Ogaal Party Roda Cabdi Muuse iyo Xoghaye Abdikhalaq awal Bari. Markii aan soo baxay ayaan is weydiiyey labadan su’aalood:- 1. Tolow ma waxaa lagaa uriyey perfume kii Xisbiga Waddani? 2. Tolow ma waxaa lagaa raacay reer Abtigaa (Sool clan) oo iyagaa xaqa ku taagnaa? FG. Sawirku waa gudaha madaxtooyada oo badankeed iftiinku ku yar yahay!!! Abdiraheem Deria Guddoomiye ku xigeenka 2aad Urur Siyaasadeedka Ogaal Qaran News
-
Muuse Biixi ayaa caawa la kulmay ururada Somaliland Maanta ayay ahayd markuu kulan la qaatay xisbiyada qaranka oo uu Kala hadlay Xaalada Laascaanood iyo arimaha doorashooyinka oo gudi loo xilsaaray kulanka maanta ayaa u ekaa mid meesha ka saarayay doorashada ururada kadib markuu xisbiyada mucaaradka ah Kala hadlay in gudi mudaysa doorashada Madaxtooyada Lasoo saari doono Isla caawa ayuuse ka daba keenay ururadii Dadka siyaasada muuse gorfeeya ayaa sheega inuu muuse ka aradan yahay qawlka siyaasiga ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo hadda si dardar leh uga socda maamulada Galmudug iyo HirShabeelle. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in kooxda Al-Shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay deegaanada labadaasi maamul. Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay gacantooda ka baxeen xataa tuulooyinkii ay maamulayeen, taasi oo sare usii qaaday jabka kooxda, islamarkaana dhexdooda ka bilaabay in ay arrintaas iskaga horyimaadan, sida uu sheegay. “Howl-galadii dalka ka socday gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug sidoodii ayay u socdaan, howl-galka u dambeeyay waxa uu ka socday Mudug, ciidanka guul fiican ayuu ka gaaray oo cadowga khasaare badan ayaa gaaray,” ayuu yiri. “Tuulooyinkii, dhul daaqsimeedkii iyo deegaanadii ay maamulayeen ayaa gacantooda ka baxay, waxa dhaceysa in ninkasta (oo Shabaab ah) ku fikiro meeshii uu aadi lahaa ee uu ku badbaadi lahaa. Mardhow waxaa arki doontan amiiro waaweyn oo isa-soo dhiibay,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sifeyn ka wadaan dhulka hawdka ah, isaga oo ugu baaqay hoggaanka howl-galada labadaasi maamul in ay sii laba jibaaran, si gebi ahaanba looga takhaluso kooxda. “Dagaalada adduunka markay dhacaan ciidanka markuu laba jeer soo jabo marka saddexaad ma dagaalamo oo wuxuu isku dhiiba ciidanka eryanaya, wuxuu aaminaya inuu marwalba dhimanayo oo jabayo. Marka hadda marxaladaas saddexaad oo ahaa jab koowaad iyo labaad ayaa dhacay dhamaan deegaanada labadaas maamul goboleed.” Dagaalka Al-Shabaab ayaa dardar xoogan ku socda, ayada oo ciidanka Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya daraawiishta Galmudug ay shalay weerar ku qaadeen saldhigyo waaweyn oo laheyd kooxda, ayada oo Al-Shabaab loo geystay duqeymo xoog leh oo waxaa dagaalkaas ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka. Kooxda ayaa lagu go’doomiyay koonfurta gobolka Mudug oo halkaas ay ugu dhimanayaan gaajo iyo sahay la’aan, ayada oo Jimcihii shalay ay ciidamadu ku bilaabeen dagaal aan laga jooji doonin ilaa inta laga soo afjarayo maalmaha soo socda. The post DF oo shaacisay in kooxda Al-Shabaab jab xoogan lagu gaarsiyay laba maamul appeared first on Caasimada Online.
-
Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome. Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa kale oo uu sii adkeeyay muhiimadda in loo midoobo dabar-goynta kooxaha argagixisada ah, taasi oo uu sheegay inay dhabaha u xaareyso si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah, islamarkaana si siman oo loo dhan yahay u wadaagta fursadaha jira. Sidoo kale waxa uu khudbadiisa ku sheegay qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darrada iyo colaadaha iyo fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira. Xasan Sheekh ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda dederaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dowladood & labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliya. Si kastaba, safarka madaxweynaha ee Talyaaniga ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo oo ay la leedahay dalalka caalamka. The post Xasan Sheekh oo sheegay arrin uu ku xaqiijinayo midowga ciribtirka argagixisada dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorshesayn oo ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo loo geystay nin kamid ahaa dadka deegaanka. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon, wuxuuna u shaqeynayay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, laanteeda magaalada Jowhar. Sidoo kale marxuumka ayaa ahaa Nabadoon caan ka ahaa gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe oo si weyn looga yaqaanay, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, xilli uu kasoo baxay Salaaddii Cishaha, waxaana goobta ka baxsaday kooxda dilka fulisay. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay dilkaasi, balse ma jirto cid ay soo qabteen. Dhinaca kale madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon, wuxuuna tilmaamay in dilkiisa ay ka dambeeyeen koox arxanlaaweyaal ah, sida uu hadalka u dhigay. Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale tilamaamay in marxuumka uu kaalin mug leh kasoo qaatay dhisidii HirShabelle kana soo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha maamulkaasi. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer HirShabelle ee uu ka geeriyooday. Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya gudaha caasimadda HirShabelle ee Jowhar oo ay horay uga dhaceen qaraxyo geystay khasaare kala duwan. The post Cali Guudlaawe oo war kasoo saaray DILKII Cabdiraxmaan Jimcaale appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa shalay heshiis dhul loogu asteeyay xafiiska Qaramada Midoobay la saxiixday ku-simaha Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Kiki Gbeho. Munaasabadda saxiixa heshiiskaan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulka caasimadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha. Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay ka wada-hadleen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo si dardar leh uga socda deegaanada maamulka Galmudug iyo sida ay tahay in la iskaga kaashado dagaala. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug oo heshiiskan ka hadlay ayaa ku tilmaamay mid muhiim u ah maamulka, maadama caasimada maamulka ee Dhuusamareeb laga hirgelinayo xarunta Qaramada Midoobay oo muddooyinkii dambe ay howlihiisa soo socdeen. Sidoo kale waxa uu sheegay in kulankaan is-afgarad looga gaaray xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, si dadka loo gaarsiiyo adeegyo muddo badan ka maqna iyo weliba arrimaha gar-gaarka bini’aadantinimada. Qoor-Qoor ayaa uga mahad-celiyay booqashada wafdiga ay hogaamineyso ku-simaha Ergeyga Gaarka ah iyo sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay inay xarun rasmi ah ka sameysaan caasimadda Dhusamareeb. Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug iyo ku simaha Ergeyga gaarka ah ayaa ugu dambeyntiina beeray geedo astaan u ah dhireynta Galmudug cagaaran mustaqbalka dhow. The post Muxuu yahay heshiiska dhul ee Qoor Qoor la saxiixday QM? appeared first on Caasimada Online.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Sudan’s ruling military has completed a review of an agreement with Russia to construct a naval base on the Red Sea in Africa, according to two Sudanese officials who spoke on condition of anonymity. The deal has been approved by the military but awaits ratification by a civilian government and a legislative body before taking effect, according to Russian Foreign Minister Sergey Lavrov. The officials stated that Moscow had met Sudan’s recent demands, including providing additional weapons and equipment. The Sudanese officials who spoke on condition of anonymity said that the Russian government had resolved all of their concerns. The agreement was signed during the reign of Sudan’s former autocratic leader Omar al-Bashir. It is part of Russia’s broader effort to re-establish a regular naval presence in different parts of the world. The pact allows Russia to establish a naval base in Port Sudan on the Red Sea with up to 300 Russian troops and up to four navy ships, including nuclear-powered vessels. The base would enable the Russian navy to have a presence in the Red Sea and the Indian Ocean without requiring lengthy voyages to reach the area. According to Viktor Bondarev, the former Russian air force chief, this deal would benefit Sudan and Russia. In exchange for the construction of the base, Russia will supply Sudan with weapons and military equipment. The agreement will last for 25 years and can be extended automatically for ten-year periods if neither party objects. Sudan has been without a parliament since April 2019, when a popular uprising led to the military overthrow of al-Bashir, who had been in power for a long time. The country has experienced political instability since a military coup in October 2021 disrupted its brief transition to democracy. In June 2021, Sudan’s Chief of General Staff, Gen. Mohammed Othman al-Hussein, said Khartoum would review the agreement. In February last year, Gen. Mohammed Hamdan Dagalo, the commander of the Rapid Support Forces, held talks with senior Russian officials in Moscow. After the weeklong trip, Dagalo stated that his country had no objections to Russia or any other country establishing a base on its territory as long as it does not threaten Sudan’s national security. Sudan is a strategically significant country located in northeastern Africa, bordering the Red Sea. Its location makes it a gateway to both the Middle East and Africa. Russia’s renewed interest in Africa and its push to establish military bases in the continent, including Sudan, can be seen as an attempt to counterbalance China and other major world powers who have also increased their presence in the region. Russia has been making efforts to restore its naval presence in different parts of the world, including the Arctic and the Mediterranean, as part of its overall military modernization program. Establishing a naval base in Sudan would allow the Russian navy to operate in the Red Sea and the Indian Ocean, which are crucial waterways that serve as vital trade routes. The post SUDAN approves Russian naval base on the Red Sea appeared first on Caasimada Online.
