-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayo aagga magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle, kadib markii halkaasi lagu arkay xubno Shabaab ah. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilabeen halkaasi, kuwaas laga dareemay deegaannada u dhow Jowhar. HirShabelle oo ka war heshay arrintan ayaa dhankeeda qaaday tallaabo deg-deg ah, waxaana ciidamo dheeraada ay ku kordhisay askartii horay u joogtay baraha koontarool ee laga soo galo magaaladaasi, si ay usii adkeeyaan ammaanka guud ee caasimada. Sidoo kale, ciidamada nabad-sugidda HirShabelle ayaa iyaguna isku fidiyay banaanka magaalada, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah, waxayna gacanta kusoo dhigeen illaa 4 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay innoo sheegeen inay arkayaan ciidamada oo gaaf wareegayaa nawaaxiga Jowhar, iyaga oo ilaalinayo amniga. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo kasoo baxay maxda maamulka HirShabelle oo ku aadan xaalada soo korortay iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ee ka socda Jowhar. Bariga Jowhar ayaa waxaa haatan ka socda guluf culus oo ka dhan ah Khawaarijta, maadaama ay halkaas ka dhaceen dagaallo culus oo gaystay khasaarooyin kala duwan. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga soo saaray gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka fuliyeen weeraro ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah. Horay Al-Shabaab ayaa gudaha ugu galay Balcad, kadib weerar ay ku qaadday, iyada oo saacado kadib dib uga baxday, waxaana haatan gacanta ku haya ciidamada dowladda. Guud ahaan HirShabelle ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay weeraro Al-Shabaab ku qabsadeen deegaannadii horay looga saaray, waxaana ugu dambeeyay degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe oo haatan ay gacanta ugu jirto kooxda.
-
AQOgNUhElHiTr4CweAJ_M9FPR8x9P7OWrP_c9fuUtdFW8mXeX0N9erRKm6je5lPdSXiyqSelfQwwt4sIOP-ATkSQNZxFJaLpYuc56FwBy9IoPx6hRQ140TAj8gWMGIPsjJ4- Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hobalka caanka ah ee reer Hargeysa Maxamed Saciid Bk ayaa maanta shaaciyay inuu dib ugu soo laabtay fanka oo uu horay uga baxay. Bk ayaa maanta ayaa ku caddeeyay kusoo laabashadiisa fanka, kadib 5 sano oo uu maqnaa masraxyada heesaha, wuxuuna farriin la wadaagay taageerayaashiisa. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu dhowaan baahin doono labadiisa hees uu ugu horreeyo, kadib kusoo laabashadiisa fanka, sida maanta u sheegay warbaahinta Hargeysa. “Shan sano kadib diyaar baan ahay. Dhowaan waxaan soo baahin doonaa labadii heesood ee ugu horreeyay, kadib soo laabashadeyda fanka” ayuu yiri Maxamed Saciid. Labada hees waxa uu tilmaamay inuu kaga hadlayo waxqabadka xukuumadda uu gar wadeenka ka yahay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullahi Cirro. Sidoo kale heesaha uu soo saari doono waxaa laxanka saaray isla BK, halka uu tumay Axmed Weli Furinle, labada heesood waxa kala sameeyey Abwaan Daaha Gaas iyo Abwaan Dacar. Maxamed Siciid BK oo ka mid ahaa raggii ugu magaca dheeraa kooxdii Xiddigaha Geeska ee ka hana qaaday Somaliland ayaa markale ka soo muuqan doono fagaareyaasha fanka, waxaanauu horay uu ahaa fannaan ay dadku si weyn u jecel yihiin heesihiisa. Soo laabashada fanka ee Maxamed Bk ayaa waxaa ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana soo dhaweeyay taageerayaashiisa, halka dadka qaarna ay dhaliileen. Najmo Xirsi Ismaaciil: “Shaqo aan Bk ahaynba ma jiro maanta miyaa? soo dhawoow fanaan”. Maxamed Xuseen: “Soo dhawaw fanaan sare ee heestii sahuur dib usoo qaad”. Yaasmiin Nuux Jaamac: “Nin shaydaan ka xoog batay uma xumid, wll Maxamed Saciid Bk”. Saciid Cabdullaahi Cabdi: “Bk waxba maaahe waxaanu sugnaaaba waa Cawaale Aadan”. Maxamed Nader Caydiid: “Markii horeba odeyga si dhab ah muuna uga bixin fanka”.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isaa soo taraya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saaka ku soo dhacay xaafada ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo dhammaantood shacab ah. Mid kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay xaafadda Unicef ee degmada Xamarjajab, waxaana waxyeello xooggan ay kasoo gaartay qoys degan halkaasi. Laba kamid ah carrruurta qoyska oo danyar ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday hoobiyaha, kadib markii uu kusoo dhacay gurigooda. Hooyada qoyska oo la hadashay Telefishinka Universal ayaa sheegtay in gabar yar ay uga dhimatay, wiilna uu uga dhaawacmay hoobiyeyaashii saaka lasoo tuuray. “Saaka labada canug dugsi ayaa u dirsaday, kadib hoobiye ayaa kusoo dhacay hal gabar ayaa iga dhimatay, wiilkana isbitaalka ayuu jiraa” ayay tiri hooyada dhashay carruurta. Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Gabadha 12 jir ayay ahayd, wiilka dhaawaca ahna 13 jir waayay, waxaan dareemayaa xanuun saa’di ah”. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ah ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada, iyada oo mid kamid a uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay qof kamid ah howldeennada Tiyaatarka. Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane. Weerarkaasi waxaa kasii horreeyay mid kale oo isna lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay. Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan. Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka. Kooxda ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada aada degmada Balcad.
-
Warbixinta lagu soo qoray wargeyska The Economist waxay abuuri kartaa cadaadis siyaasadeed oo saameeya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xiriirka maamulkiisu la leeyahay Imaaradka uusan caddeyn. Garoowe (Wararka PP) — Wargeyska The Economist, oo ah toddobaadle ka soo baxa London, ayaa Puntland ku tilmaamay goosasho-doon. Warbixin cinwaankeedu yahay “Imaaraadku wuxuu dalkiisa ku boorriyaa midnimo, dalalka dibeddana kala qeybsanaan” ayuu wargeysku ku xusay in Boosaaso ka mid tahay meelaha uu Imaaraadku ka samaystay saldhigyo ciidan. “Imaaraadku wuxuu caawinayaa Golaha Ku Meelgaarka ee Koonfurta Yemen oo goosasho-doon ah. Wuxuu kale oo xiriir la samaystay Somaliland iyo Puntland oo ah jamhuuriyado ka go’ay Soomaaliya” ayuu wargeysku qoray. Khariidadda wargeyska The Economist u isticmaalay warka waxay muujinaysaa in dhulka maamulka SSCK si gaar ah loo midabeeyay taas oo muujinaysa in labada maamul midna uusan siyaasad ahaan ka talinin dhulkaas. Maamulka Puntland weli kama jawaabin warkan lagu soo qoray wargeyska The Economist oo noqon kara war cadaadis siyaasadeed u keeni kara Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xiriirka maamulkiisu la leeyahay Imaaradka uusan caddeyn. Khariidadda wargeyska The Economist u isticmaalay warka ayaa muujinaysa in dhulka maamulka SSCK si gaar ah loo midabeeyay si loo muujiyo in labada maamul midna uusan siyaasad ahaan ka talinin dhulkaas. © Puntland Post, 2025 The post Wargeyska The Economist oo Puntland Ku Tilmaamay “Jamhuuriyad Ka Go’day Soomaaliya” appeared first on Puntland Post.
-
The number of international students in Türkiye has grown sixfold over the past decade, reaching more than 336,000 and generating an estimated $3 billion annually through tuition fees and living expenses, a recent report has revealed. Source: Hiiraan Online
-
On February 5, 2025, Uzbekistan and Somalia established diplomatic relations, marking the beginning of bilateral ties between the two nations. Both parties affirmed their commitment to enhancing cooperation within international organizations, including the United Nations and its specialized agencies. They also agreed to activate bilateral relations to identify mutually beneficial areas of cooperation in political, trade, economic, and cultural-humanitarian sectors. This article aims to introduce Uzbekistan to Somalians with the aim of further development in our bilateral relations. Uzbekistan is a Turkic nation located in Central Asia bordering Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, Turkmenistan, and Afghanistan. It is also one of the two double-landlocked countries in the world. In other words, Uzbekistan is surrounded by landlocked countries. If we break down the country’s name, “stan” means land. Therefore, Uzbekistan translates to “the land of Uzbeks.” Uzbekistan houses 37 million people, and Uzbek is the official language of the country. The Uzbek language belongs to Turkic linguistic family and is quite similar to other Turkic languages, including Uyghur, Azerbaijani, and Turkish. Although Uzbekistan got independence after the dissolution of the Soviet Union in 1991, the country has over a 3000-year history of statehood. Islam is the main religion in Uzbekistan. Furthermore, the culture, architecture and history of the country was shaped with Islamic influence, which makes it similar to Somalia. It is also important to highlight historical figures born in modern-day Uzbekistan, who contributed to the development of the world we live in today. Uzbekistan has a rich history of contributing to the world’s progress. One of the most famous and influential historical figures from Uzbekistan is Imam al-Bukhari. Imam al-Bukhari was born in the city of Bukhara, which is one of the most-visited cities in Uzbekistan today. He is the author of “Sahih al-Bukhari”, a collection of hadiths of Prophet Muhammad pbuh. This book is considered the second holiest and influential book in Islam by millions of Muslims around the world. It is also considered a very reliable source for those learning about the Prophet pbuh’s teachings. Bukhari had a strict process for recording hadiths. He performed ghusl (ritual purification) and prayed two rakats of salah before writing down each hadith. By the time he wrote Sahih al-Bukhari, he had memorized over 600,000 hadiths. From these, he selected 4,000 authentic hadiths for his book. Another famous historical figure from the land of Uzbekistan is Muhammad Al-Khwarizmi, a famous mathematician, born in ancient Khorezm. Al-Khwarizmi invented algebra, a fundamental math concept that is taught all over the world today, with the name “algebra” originating from the name of his book “al-jabr” (al jabr w’al muqabala). He also invented algorithms, which would later lead to the invention of the computer and other modern technologies. Similarly, Ibn Sina also contributed to the development of scientific fields including the field of medicine. Ibn Sina, known as Avicenna, wrote “The Canon of Medicine,” a book that became a standard medical text in both the East and West for over a thousand years. Furthermore, he was one of the first to provide the correct explanation of pulsation. Al-Biruni is another important scientist born in Beruni, Uzbekistan. Biruni used trigonometry to calculate the radius of the Earth using measurements of the height of a hill and measurement of the dip in the horizon from the top of that hill. His calculated radius for the Earth is 6,340 kilometers. This was two percent higher than the actual mean radius of 6,371 km but was an achievement that bested many other contributions to science at the time. The list goes on as there are many other Uzbeks that contributed to the development of the world as we see it today. Recent years, Uzbekistan has been developing as a key player in the region, deepening its relations with other countries. Furthermore, the country is becoming a top travel destination with its Silk Road heritage and fascinating Islamic architecture. Although Uzbekistan and Somalia established ties recently, both nations are historically and culturally connected which makes it easier for future cooperation. Adkhamjon Janobiddinov is an Economics student from Uzbekistan and an independent researcher.
-
Why tourism is at the heart of Somalia’s changing narrative
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia's revival as a tourism destination marks a journey from conflict to reclaiming its lost identity as a country blessed with natural wealth, cultural richness, and a resilient population. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq xooggan iyo sawaxan ayaa hareeyay kulan xasaasi ah oo maanta Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo guddoomiyay afhayeenka baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe. Kulankan oo ah kii koowaad kadib fasax dheer oo ay galeen xildhibaannada ayaa ku bilowday fowdo, waxaana soo istaagay tiro xildhibaanno oo buuq ka sameeyay hoolka. Xildhibaannadan oo u badnaa kuwa mucaaradka iyo guddoonka sare ayaa isku qabtay moohin ay wadeen, si loo horgeeyo golaha, kaas oo ku aadanaa maamuus ka xayuubintii Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib, taas oo dhalisay is faham-waa xooggan. Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in mooshinka uu yahay sharci darro, isaga oo diiday inuu qabto. “Mooshin marka la qabanaayo waa inuu waafaqsanaadaa dastuurka iyo xeer hoosaadka waa ka hor imaanayaa, weliba si cad saa daraadeed lama qaban karo” ayuu yiri Guudoomiye Aadan Madoobe Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Haddaan qabto dambiile ayaa noqonayaa, mana qabanaayo ee buuqa joojiya xildhibaannno”. Intaas kadib xildhibaannada waday mooshinka AYAA la wareegay goobta laga hagayay baarlamaanka, si uu meel mariyaaN doodoodan Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo jahwareer ka taagan xarunta Villa Hargeysa. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa haatan horyaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashooyinka, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa. Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka. Villa Soomaaliya oo garab wayn ka heleysa guddoonka sare ee labada gole ayaa dhankeeda wadda olole xooggan oo ku aadan hirgelinta qorshaheeda doorasho qof iyo cod ah oo haatan ay u qaaday tallaabadii u horreysay, maadaama la bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiyiinta mucaaradka oo ku jiraan madaxdii hore ee dalka iyo maamullada kasoo horjeedo dowladda, sida Jubbaland iyo Puntland ayaa si weyn u diidan qorshaha socda ee ku aadan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.
-
Muqdisho – Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka soo socda ayaa si rasmi ah uga bilaabatay saaka saddex degmo oo hor leh oo ka tirsan gobolka Banaadir. Degmooyinka Xamarweyne, Shibis, iyo Boondheere ayaa lagu arkayaa dadweyne si weyn u soo baxay, kuwaas oo u dareeray xarumaha isdiiwaangelinta si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, iyadoo horey diiwaangelinta looga bilaabay degmada Shangaani – taasoo noqotay degmadii ugu horreysay ee gobolka Banaadir laga bilaabo howlgalka muhiimka ah. Dadweynaha ka kala yimid Xamarweyne, Shibis iyo Boondheere ayaa muujiyay dareen farxad leh iyo rajo hor leh, iyagoo sheegay in ay muddo ka badan 50 sano kadib fursad u helayaan inay codkooda ku doortaan ciddii mataleysa. Mid ka mid ah dadka isdiiwaangeliyay ayaa yiri, “Maanta waa maalin taariikhi ah. Waxaan rajeyneynaa in codkeenna uu wax ka beddeli doono mustaqbalka dalka.” Mas’uuliyiinta doorashada ee heer gobol iyo degmo ayaa sheegay in diiwaangelintu u socoto si habsami leh, islamarkaana la diyaariyay dhammaan agabkii iyo shaqaalihii loo baahnaa si ay u fududeeyaan geeddi-socodka. Waxaa sidoo kale xusid mudan in la adkeeyay amniga goobaha diiwaangelinta si dadku ay ugu codeeyaan si nabad ah. Dowladda federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Banaadir, in ay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah oo ay isdiiwaangeliyaan si ay u helaan xaqa ay ugu codeyn karaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan. Source: goobjoog.com
-
Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax culus oo xalay ka dhacay deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay xubno koxoda Al-Shabaab oo qaraxa ku diyaarinayay halkaasi. Qaraxa oo ahaa miino ayaa sida wararku sheegayaan, waxyeello xooggan kasoo gaartay maleeshiyada Al-Shabaab ee diyaarineysay, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday xubnihii howshaas ku jiray. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay tuulooyinka u dhow Bursha Sheekh, iyadoo tiro kamid ah maleeshiyada ay goobta ku dhinteen, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-Shabaab ay qaraxaasi doonayeen inay ku aasaan waddooyinka deegaanka, si ay ugu beegsadaan ciidamada isticmaala halkaasi. Bursha Sheekh ayaa kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee ay soo galeen maleeshiyaadka argagixisada ah, waxaana hadda halkaasi isku horfadhiya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha kooxda Al-Shabaab. Ma jiro illaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan qaraxa khasaaraha culus kasoo gaaray dagaalyahannadooda ee ka dhacay halkaasi. Dhowaan ayay ahayd markii qarax ka dhacay aagga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ay waxyeelo kasoo gaartay xaasas iyo carruur ay dhaleen xubnaha kooxda Al-Shabaab. Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan ku jiro xaalad adag kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys kusoo kordhisay, iyadoo hadda halkaasi ay ka socdaan howlgallo wadajir ah oo ay fulinayaan ciidamada dowladda Federaalka, maamulka HirShabelle iyo dadka deegaanka, iyadoo hawada ay taageero ka siinayaan diyaaradaha saaxiibbada caalamiga ah. Marar badan ayay sidan oo kale maleeshiyaadka Al-Shabaab khasaaro ugu soo gaareen qaraxyo ay diyaarinayeen, waxaana dhacdado kale ay horay uga dhacday deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab kadib markii gurigii ay qaraxa ku diyaarinayeen uu qarxay. “Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa ku geeriyooday qarax ay sameynayeen xilli ay ku sugnaayeen guri ku yaalla deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u baahisay dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira qaraxyo kale oo ay ciidamadu ka hortageen, iyadoo dhowaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay burburiyeen baabuur ay qaraxyo kasoo buuxiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.
-
Mogadishu (HOL) — Several mortar shells struck multiple neighborhoods in Mogadishu on Sunday, including Hamarweyne, Hamar Jajab, and Shibis districts, as Somalia’s electoral commission continues its voter registration drive across the capital. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Hoobiyeyaasha oo lasoo tuuray aroortii hore ee saaka ayaa ku kala dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, kuwa kale ay ku hoobteen goobo banaan ah. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dad shacab ah kadib markii ay madaafiicda ugu tageen xaafadahooda, dhimashada ayaa lagu sheegay hal qof, dhaawacana mid kale, oo dad shacab ah. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ah ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal ah loogu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada, iyada oo mid kamid a uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay qof kamid ah howldeennada Tiyaatarka. Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane. Weerarkaasi waxaa kasii horreeyay mid kale oo isna lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay. Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan. Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka. Kooxda ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada aada degmada Balcad.
-
A report by DW and other German media outlets put the spotlight on a kidney trafficking operation based in Kenya. Now the government is launching an investigation. Source: Hiiraan Online
-
Saakay aroortii hore ayaa tiro hoobiyeyaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana la soo wariyay in madaafiicdaasi ay geysteen khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Hoobiyeyaashu waxay ku dhaceen xaafado ku yaalla degmooyinka Shibis, Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne. Goob joogayaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen waddooyinka dhex mara xaafadaha degmooyinkaasi, halka kuwo kalena ay si toos ah ugu dhaceen guryo ay dad shacab ah daganaayeen. Inkasta oo aan ilaa hadda la helin tirada saxda ah ee khasaaraha, wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ugu yaraan hal qof rayid ah uu ku dhaawacmay hoobiye ku dhacay degmada Xamar Weyne. Weerarkan lama oga cidda ka dambeysa, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dhacdadan. Source: goobjoog.com