Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Laascaanood (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidamada milatariga Somaliland ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo deegaanka Tukaraq oo ay ka socdaan dagaallo cul culus. Abaanduulaha ciidanka milatariga Somaliland, Faysal Cabdi Bootaan oo warbaahinta kula hadlay jiida hore ee dagaalka ayaa marka hore ka hadlay sababihii ay uga baxeen difaacyadii ay dhowaan soo banneeyeen ee ku yaalla Tukaraq iyo Laascaanood, waxaana uu tilmaamay inay aheyd arrin farsamo iyo xeelad milatari oo ay dageen, sida uu hadalka u dhigay. “Waxay u qaateen shalay markii aan farsamo xeelad dagaal uga baxnay Tukaraq in ciidamadii qaranku iska guureen hadda dagaalka waxa uu marayaa deegaanka Diyaaradda,” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka milatariga Somaliland, Faysal Cabdi Bootaan. Sidoo kale waxa uu ku hanjabay inay markale dib ugu laaban doonaan oo ay qabsan doonaan Laascaanood, si markale loogu soo celiyo gacanta Somaliland. “Waxaa ballan ah inaan difaacno Laascaanood oo ay sidii ay ahaan jirtay ahaato oo ay kusoo noqoto qaranimadii gacanta Somaliland,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Bootaan ayaa markale ku celiyay in Laascaanood ay kula dagaalamayaan argagixiso iyo ciidamada Puntland oo is garabsanaya, sida uu hadalka u dhigay. “Ciidanka qaranka, Laascaanood waxaa kula dagaalamayo ma’aha cid kale waa argagixiso iyo ciidankii Puntland oo is garabsanaayo,” ayuu markale yiri Abaanduuluhu. Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana dagaalka uu galay maalintii 22-aad, kaas oo haatan ka socda bariga magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Si kastaba, Khasaaraha ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya, waxaana dhimashada ay kor u dhaaftay 150 qof, halka dhaawacana uu marayo 600 oo kale. The post Milatariga Somaliland oo ku hanjabay inay dib u qabsan doonaan Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa uu hadlay shaqaaqo ka dhacay isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, taas oo dhilasay dhimasho iyo dhaawac dad Rayid ah, waxaana uu sheegay in askarkii falkaas ka dambeysay gacanta lagu soo dhhagay cadaaladdana la horkeeni doono. Guddoomiyaha oo ay wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugida iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayaa sheegay in baaris ay ku socoto dhacdadii Isgoyska Siinaay, Asigoona Tacsi u diray ehelada dadkii halkaasi ku dhintay, kuwa dhaawaca ahna eebe ugu baryay caafimaad helaan. “Dhacdooyinka nuucaan ah, waa nagu bateen loomana dulqaadan karo, Qof iska Bari ah oo waxba galabsan inuu xabad ku dhinto waa nasiib darro, waliba adiga oo raba inaad naf badbaadiso inaad naf kale gooso runtii waa nasiib darro, waxaan ka wadahalay aniga iyo hey’adaha amniga in dadkii dadkaas wax u geystay in habkii sharciga ahaa la marsiiyo” ayuu yiri. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in askarta looga baahan yahay in ay joojiyaan xabadda ay sida fudud u ridaan, taas oo inta badan dhalisa khasaare soo gaarta dadka shacabka, isaga oo nasiib xuma ku tilmaaamay in askari loo idmaday inuu badbaadiyo naf qof shacab ah oo aan waxba galabsan, isagu sabab u noqdo dilkiisa sida uu hadalka u dhigay. “Dhacdooyinka nuucaan ah in ay naga yaraadaan ayaaan rajeynaynaa, Askarta goobaha joogtana xabadda ay sida fudud u ridaayaan iyaga oo aan u aabo yeelaynin, waxaad halkaas u joogtaa oo Qobowga iyo Qoraxda ay kuugu dhacaysaa waa in aad qof badbaadiso, adigoo raba inaad naf badbaadiso naf kale ha goynin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Madaale. Shaqaadii ka dhacay Isgoyska Siinaay ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah, taas oo ay ugu darneed wiil iyo gabar saarnaa Mooto Bajaaj uu ku qarxay qori aan loogu talo gali magaalada dhexedeeda in lagu isticmaalo, iyadoo la aqoosan waayay labaad ruux, dhacdooyinkaan ayaa in badanmuddooyinkaan kusoo laablaabtay magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga SSC ayaa saakay markale dib uga qarxay duleedka Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ciidanku isku horfadhiyeen oo lagu dagaalamyay labadii maalin ee lasoo dhaafay, kaas oo ahaa midkii ugu cuslaa tan iyo markii uu bilowday. Dhinacyada ayaa saacadihii ugu dambeeyay warbaahinta isku mariyay hadallo dhiillo xambaarsan, waxaana dagaalka uu imaanayaa iyadoo ciidanka Somaliland ay isaga baxeen fariinno dhowr ah oo ay ku la haayeen duleeda magaalada, xilli la warinayo in dagaalka saakay uu ka qarxay meel aan ka fogeyn saldhigga Goojacadde. Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa in ciimada Milatariga Somaliland ay soo qaadeen sida ay sheegayaan wararku, kuwaas oo doonaya in ay dib u qabsadaan goobo shalay lagala wareegay, waxaana sii kordhaya khasaaraha dadka Rayidka, maadaama goobaha lagu dagaalamayo ay yihiin dhulka Miyiga ah ee duleedka Laascaanood. Magaalada Laascaanood ayaa sedexdii maalin ee ugu dambeysay waxaa dagaalka ka socda uu ahaa midkii ugu adkaa ee dhex mara dhinacyad, waxaana jirta in Ciidanka Somaliland ay isaga baxeen xeryo dhowr ah oo ay horay u joogeen sida Guulwade iyo Saldhigga Tukaraq oo ay ku sheegeen in looga baxay xeelad dhanka dagaalka ah. Saraakiil ka tirsan Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Laascaanood ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Puntland, xilli dadka deegaanku aysan xaqiijin arrintaas, dagaalka magaalada ayaa hadda ka fogaaday magaalada, waxaana dhinacyado ay isku hayaan Saldhigga Goojacadde, oo taliska gobolka ee Milatariga Somaliland. Dagaalka magaalada Laascaanood oo ku dhow muddo bil ah ayaa ka bilowday shacab ka carooday dilal ka dhacay magaalada xilli bannaanbaxoodii Rasaas ay ugu badaleen ciidan Somaliland oo gacanta ku haayay, dagaalka ayaa sidoo kale geystay burbur xooggan oo soo gaaray magaalada, oo ay adeegsadeen ciidanka Milatariga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta musiibooyinka Qaran Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya danjire Abdullahi Bin Salem Al Nuaimi, xilli guddoomiyaha uu booqasho ku tagay xarunta saafaradda dowladda Qatar ay ku leedahay Muqdisho. Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaarada dowladda Qatar ee muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladaha dhanka abaaraha ee ka jira Soomaaliya iyo doorka dowladda Qatar ee sidii ay kaalinteeda uga qaadan laheyd la tacaalida arrimaha abaaraha ku dhftay dalka oo saameeyay. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah loogu gorfeeyay Gargaarka iyo Mashaariicda Hormarineed ee dalka ay ka wado Qatar iyo sidii loo laba jibaari lahaa, garab istaaga shacabka Soomaaliyeed, oo xilligaan la daala dhaca abaar ku dhutay,taas oo saameysay dadka iyo duunyada intaba gobollada Koonfurta Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya oo isku mid ay u saameysay. Sidoo kale Hey’adda Sodma ayaa dowladda Qatar iyo Safiirka ka dalbatay in ay ka Caawiyaan Hay’adda Hormarinta Xarunta Gurmadka Deg-deg ah iyo xarumaha ka shaqeeya Xaaladaha guud ee Gurmadka Deg dega ah ee dalka ka jira, una noqon lahaayeen mid la jaan qaada Xarumaha Gurmadka Deg-Deg ah ee Geeska Africa. Hey,adda Maareybta Musiibooyinka ayaa Dowladda Qatar iyo Hey’addaheeda ka shaqeeyo arrimaha binaadanimada ayaa mudo dheer ka shaqeynayay gudaha dalkeena ayagoo dadaal badan geliyay la tacaalida arrimaha abaaraha, sidoo kale fuliyay mashaariic horumarineed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (HOL) - Illegal arms smuggling between Somalia and Yemen and investigations into the finances of terrorist group Al-Shabaab were the focus of two recent meetings held by the United Nations Security Council on Monday. The council's sanctions committee on Somalia, led by Ishikane Kimihiro of Japan, also addressed recommendations contained in the panel's final report for 2022, sent letters to various member states, and received correspondence from Somalia regarding charcoal. Source: Hiiraan Online
  6. Las Anod (HOL) - Somaliland's Minister of Information, Saleeban Yusuf Ali Koore, a close friend of President Muse Bihi Abdi, has accused Somaliland's Speaker of the House of Representatives, Abdirisaaq Khalif Ahmed, of providing financial support to the SSC-Khatumo forces fighting against the Somaliland army. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay booqday isgoyska Siinaay oo ay ku wada dagaalameen ciidamo ka wada tirsan kuwa ammaanka ayaa qaaday tallaabo la xiriirta shaqaaqadii halkaasi ka dhacday oo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Israsaaseynta sababtay khasaarahan ayaa dhex-martay ciidan Nabad Sugid ah oo Siinaay ku sugan iyo ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleebaan Fargax oo dhaawac ah. Duqa Muqdisho ayaa marka hore ka taciyeeyay dadkii ku dhintay dagaalkaas oo isugu jiro askar iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la aqbali karin in maalin kasto ay dagaalamaan ciidamada dowladda, isla-markaana ay ku dhintaan shacabkii ay ilaalinayeen amnigooda. “Runtii way nagu bateen dhacdooyinka noocaan ah loomana dul-qaadan karo, waana nasiin darro. Marka insha allah dib ayaan isugu laaban doonaan,” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dhammaan la xiray askartii ku sugneyd koontaroolka, laguna wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. “Dhacdadii xanbuunka badneyd ee meeshaan ka dhacday kulli ciidankii halkan joogay ama Boolis ahaa ama hay’adihii kale ee amniga xabsigaa la wada geeyay baaritaan ayaana lagu jiraa CID iyo Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu wareejiyay,” ayuu sii raaciyay Madaale. Ina la xaqiijiyay waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan illaa afar qof, halka ay ku dhaawacmeen lix kale oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid. Isgoyska Siinaay ayaa kala bara ugu yaraan seddax degmo oo kala ah Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid, waxaana ciidan ka tirsan NISA u taalla bar-control oo adag, taas oo gaadiidka waaweyn aysan ka soo gudbi karin. Ciidanka dowladda ayaa inta badan ku dhex dagaalama magaalada Muqdisho, taas oo dhaleeceyn weyn ay marar badan kala kulantay dowladda Soomaaliya, inta badan isku dhacyadaan waxaa keena in masuuliyiinta qaar ay si awood ah ku dhaafaan baraha hubinta ee ciidamadu ay ku sugan yihiin. The post Daawo: Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabo qaaday kadib dagaalkii SIINAAY appeared first on Caasimada Online.
  8. MOSCOW (Reuters) - The Kremlin gave a lukewarm response to a Chinese plan to end the war in Ukraine, calling for a study of nuances of the proposal that urges both sides to agree to a gradual de-escalation and warns against the use of nuclear weapons. Source: Hiiraan Online
  9. A youth group working with people predominantly from ethnic minority backgrounds in Lawrence Hill, Easton and St Pauls is working to encourage sustainable travel and increase participation in the dialogue around climate change. The environmental movement has often been criticised for being dominated by those from white, middle class backgrounds and the sector has previously been found to be the second least diverse in the UK. Source: Hiiraan Online
  10. Ciidamada Somaliland ayaa sida wararku saaka mar kale jihooyin kala duwan weerar kaga soo qaaday Daraawiishta SSC. Xoogagga difaaca shacabka ee SSC ayaa hawlgal culus kaga jawaabay weerarkaas islamarkaana ciidamada Somaliland ku khasbay in ay dib ugu yaacaan Gooja-cadde. Ciidamada Somaliland ee laga qabsaday Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool ayaa hadda ku urursan Taliska Gooj-cadde halkaas oo ay marba weerar ka soo qaadayaan. Daraawiishta SSC ayaa dhankooda ku sugan buuraha ku hareeraysan Gooja-cadde oo ay difaac kaga jiraan. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaallada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  11. Mogadishu (HOL) - Security forces engaged in a "friendly" firefight near Sinay Junction in Mogadishu on Monday evening, according to witnesses. The clash involved armed guards of the Yaqshid District Commissioner and the Somali Police Force, resulting in the deaths of up to five people and several injuries, including the Deputy Commissioner. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay howl-galada ay maleeshiyaadkeeda u igmatay ee ka dhanka ah daroogada iyo ciyaal-weerada ee ka billowday magaalada Muqdisho. Kooxda ayaa sheegtay in baaritaano ay ku waday goobaha lagu keydiyo daroogada noocyadeed kala duwan ay ku ogaatay in sarkaal ka tirsan ciidanka millateriga dowladda federaalka uu qeyb ka yahay ka ganacsiga daroogada. Sarkaalkan ayaa waxay sheegtay in goob weyn oo lagu iibiyo, laguna keydiyo daroogada noocyadeed kala duwan uu kulahaa Ex-Contarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Kooxda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in qarax ay ku xirtay goobtaasi uu lahaa sarkaalka, ayna gebi ahaanba isla burbureen goobta iyo daroogadii ku jirtay. Waxaa ku dhaawacmay qaraxa sarkaal ka tirsan dowladda oo magaciisa ay magaciisa ku sheegtay Xasan Kaafi, oo ahaa ninkii goobtaas daroogada ku gadayay, sida ay sheegtay. Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqday in howl-gal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo ciyaal-weerarada ay ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho, ayada oo sheegtay inay soo gaartay cabashada shacabka. Xalay unbay aheyd markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay howl-gal qorsheysan ka fuliyeen isgoyska Fagax, kaasi oo sababay dhimasho & dhaawac. Xubnahan oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxay weerar ku qaadeen meherad yar oo ku taalla halkaasi, oo lagu iibin jiray maandooriye, waxaana goobta imaan jiray dhalinyaro aad u isticmaasha maandooriyaha. Inta la xaqiijiyay waxaa rasaasta ay fureen ragga howl-galka fuliyay ku dhintay illaa labo dhalinyaro ah, halka ay dhaawacyo soo gaareen labo kale oo ku sugnaa halkaasi. Waa howl-galkii labaad oo Al-Shabaab ka fulineyso Muqdisho, ayada oo shalay shaacisay in Tabeelaha Sheekh Ibraahim ay ku dishay mid kamid ah horjoogayaashii ciyaal-weerada. The post Al-Shabaab oo shaacisay in baaris ku hayso ‘sarkaalka ganacsiga’ daroogada Xamar appeared first on Caasimada Online.
  13. BALEDOGLE, Somalia — The promise and perils of America’s counterterrorism campaign were on full display at a remote training base in central Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. CAPE TOWN, (CAJ News) – NISSAN has announced the launch of its innovative e-POWER and e-4ORCE technologies in Africa. Source: Hiiraan Online
  15. Somali soldiers, part of an elite combat unit called Danab, preparing for live fire drills at a military base in Baledogle, Somalia, earlier this month. Source: Hiiraan Online
  16. Kenya will now host the Africa Climate Action Summit in September, after the African Union approved the summit expected to be held in Nairobi between September 4 and 6. Source: Hiiraan Online
  17. Doolow (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Muxumed Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Gobolka Gedo ayaa walaac ka muujiyay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Doolow ee gobolkaasi. Shacabka ku dhaqan Degmada Doolow ayaa shalay ka gadooday qarax miino oo 18-kii bishan lagu dilay Captain Maxamed Aweys Cali, oo ahaa Taliyihii Ururka 28aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo dil kale oo 23-kii bishan degmadaasi loogu gaystay darawal mooto bajaaj, oo dilkiisa lagu eedeeyay Saraakiil loogu diray gobolkaasi inay soo baaraan qaraxa lagu dilay Captain Maxamed Aweys. Darawalka ayaana la sheegay inuu geeriyooday, intii ay Saraakiishaasi baaritaanka wadeen, waana mooto bajaajlaha loo soo xiray in goobta keenay qaraxa lagu dilay Sarkaalka ka tirsanaa Militariga Soomaaliya. Xildhibaan Maxamed Muxumed Maxamed ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay iska horimaadkii dadka ku dhinteen ee shalay ka dhacay degmadaasi. Xildhibaan Maxamed Muxumed ayaa sheegay in Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ee Sabtidii tegay degmadaasi ay ka doonayeen inuu baaritaan ku sameeyo dilka muwaadinkaasi iyo Saraakiishii Ciidamada ee muddooyinkii ugu dambeysay lagu dilay Gobolka Gedo, balse sida uu sheegay aanay taasi dhicin. “Ninkaa muwaadinka ah ee sida arxandara ah baaritaanka loogu dilay, waxay noqotay shil labaad oo murugo badan oo meeshaa ka dhacay. Murugada markay dhacday meeshaa waxaa ku baxay Gudoomiyihii Maxkamadda Ciidamada, wuxuu tegay deegaankii. Dhab ahaantii waxaan ka sugeynay baaritaan sax ah inuu sameeyo, deegaanka muddo ku sugnaado, wixii ka dambeeyay dilka Saraakiisha iyo caddeyntii ninkaa muwaadinka ah ee lagu dhex dilay gacanta masuuliyiintii dowladda, asagoo ku jira lagu dilay ayaan rabnay baaritaan inuu ku sameeyo dadkii dembiileyaasha ahaa ee ninkaa miskiin ah dilay iyo baaritaan sax ah oo Saraakiishii la laayay in la helo ayay ahayd. Nasiib darro maanta waxaa ka sii dhacay meeshaas, koley mas’uuliyad darro oo rag kale ay ku dhinteen ayay ahayd,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Muxumed. Xildhibaanka ayaa sheegay in masuuliyiintii gobolka tegay aanay ahayn in xaaladda kaga sii daraan, taasi bedelkeedana ay ka sugayeen in dembiileyaasha lagu qaado sharciga. “Meeshii dhacdo kale inay ka sii dhacdo oo jewigu siduu ahaa looga soo diraa sax ma aha, oo amniga uu gacanta ka sii baxo, muran, buuq iyo gacan ka hadal inay gaarto sax ma ahayn, ayadoo masuuliyiintii ugu waaweynaa maxkamadda ee caddaaladda laga sugayay ay meesha joogaan. Arrintaas waxaan leenahay hala dejiyo, amnigana ha laga shaqeeyo,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Muxumed. Xildhibaanka ayaa ka tacsiyeeyay dadkii horey loogu dilay gobolka iyo dadka kale ee ku dhintay iska horimaadka shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Doolow. The post Wararkii ugu dambeeyey xiisadda ka taagan Doolow iyo xildhibaan xog cusub bixiyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Since February 6, there has been heavy fighting in the northern Somali city of Las Anod (Laascaanood) between troops of Somalia’s breakaway region of Somaliland and local militia from the Sool clan clan in northern Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. The U.S. Navy SEALs were ready for battle on Dec. 9, 1992, leaping from their inflatable Zodiacs and wading through the warm Indian Ocean waters toward the Mogadishu airport beach. Coming ashore under a brilliant moon, their mission was clear: feed legions of starving Somalis and control the dual crises of hunger and chronic insecurity that had afflicted the country for more than a year. Source: Hiiraan Online
  20. There are fears more than 100 people, including children, have died after their boat sank off southern Italy. Source: Hiiraan Online
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif u aqoonsatay wax ay ugu yeertay “Qaran-Dumis” kadib markii uu Axaddii eedeyn culus u jeediyay maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi. Wasiirka warfaafinta Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu inbadan isku dayay inuu qaranka khiyaamo, isaga oo ku eedeeyay in dhibtii ka taagneyd Laascaanood uu sii laba jibaaray. “Cabdirisaaq Khaliif waxa uu cadeystay fikirkiisa uu kaga horjeedo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, in badan waxa uu isku dayey inuu qaranka Khiyaamo, wuxuu noqday qofka kaliya ee dhibkii meesha taallay sii laba jibaara, weligiina wax Qaranka dan u ah kumuu talin,” ayuu yiri Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore. “Hantidii halkan looga dhiibay Cabdirisaaq Khaliif ee madaxweynuhu u dhiibay ee loogu tala-galay in mushkiladda lagu xaliyo ayuu u isticmaalay inuu dhanka kale shidaan iyo rasaas u siiyo.” Wasiir Koore ayaa waxa uu sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu dhamaan kasoo horjeestay dhaartii uu kal hore u maray reer Somaliland “Wixii u dhaartay ee Qaranka wuu kasoo horjeestay. Meeshii laga rabay in uu xal keeno oo uu dhex-dhexaadiyo dowladda iyo dadka wuxuu la saftay dhan, hadaladiisa ayaa markhaati idin ka ah ee ma ahan wax aan odhanayo.” Waxa kale oo uu ku eedeeyay in Khaliif uu kamid ahaa dadkii wax kasoo dhisay dowladda federaalka Soomaaliya, weligiina uu hagar-daamo ku hayay Somaliland. “Wuxuu haddimo aan loo aaba-yeelin ku sameeyay ciidanka Qaranka iyo Khiyaamo-Qaran oo uu ka galay dadka iyo dalka Somaliland. Waa in uu xilka si toos ah iskaga casilo qoddobadii uu ku ahaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada dhamaantood wuu jabiyay.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan isku dayeen waxkasta oo hoos u dhigi kara xiisadda taagan, balse dhinaca kale uu ka shaqeynayo sidii ay usii ballaaran laheyd Cabdirisaaq Khaliif ayaa shalay shaaca ka qaaday in xasuuq ba’an uu ka dhacay Laascaanood, isaga oo sheegay in awood xad dhaaf ah loo adeegsaday shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Guddoomiyaha ayaa eedeynta ugu weyn u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu tilmaamay inuu kasoo horjeedo in xal rasmi ah laga gaaro colaada ka taagan magaalada Laascaanood. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ku aadan arrintaas, islamarkaana uu kala fur furay xarig kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro nabad. “Madaxweyne Muuse Biixi, badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamada kala baxdaa deegaanada SSC, maanta berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif. Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay ay qaadayaan madaxweyne Muusae Biixi iyo Taliye Nuux Taani, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, ayada oo uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, kaasi oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi. The post Somaliland oo ‘qaran dumis’ u aqoonsatay Cabdirisaaq Khaliif kadib go’aankiisa appeared first on Caasimada Online.
  22. “Is-Yeel-Yeelka Nimanka Xilka inoo Haya ee ka tirsan Xukuumadda Somaliland” WQ. Yuusuf Kayse Cabdilaahi “Wasiir Saleebaan Cali Koore Waxaa uu Yidhi Maanta isaga oo waliba cod dheer ku dhawaaqaya Xisbiga Qaranka ee Waddani Yaab badnaa !!! Ninkan wasiirka ee hada sida leh waa Saleebaan Cali Koore kii Billo Ka hor-na isla isagu uun ina Lahaa Ururka Waddani !!! Waxay Cadayn iyo Tusaale Nool u tahay Isyeel yeelka iyo laba wajiilaynta Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee maanta ina hor joogta ee La Kuftay Hogaamintii Masiirka Ummadda JSL Somaliland ee hadana aan waxba kala xishoon ee waxay maalinba la noqoto ama dantooda u arkaan raga Xukuumadda ka tirsani inay ina la soo hor joogsanayaan uun. Waana mid reer Somaliland maanta yar iyo wayn qof iska inoo muuqata Xaalka ay marayso Xukuumadan Talada Xun ee Sharci iyo Dastuur Midna Ku Shaqaynayn Maalinta ay Dan kaa Leedahayna Magacaaga Saxda Iyo Sharci-nimadaada Kuugu Yeedhayso Maalinta Danteeda ay Kaa Arki waydana Indho-isku qabasho,Masabid iyo Sharci-daro kula dhaqmayso. Somaliland Xisbiga Kulmiye inay Eeday cidii uu hore shaki ugaga jiray maantaba ha aragto Aataar Xumadeeda.” Qaran News
  23. Taliyihii guud ee ciidanka Boliska Soomaaliya ee dhawaan xilka laga qaaday Xijaar ayaa Caawa Gudaha Magaalada Laascaanood ka soo dhex muuqday. Wali kamuu hadal ujeedada safarkiisa, balse waxaa xusid mudan in magaalada ku jirto xalad dagaal,Halkaas oo ay ciidamo isku horfadhiyaan Sidoo kale taliyihii hore ee ciidanka Badda Somalia Cabdixamiid ayaa isna iska xaadiriyey Laascaanood Qaran News