Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali-American demonstrators from across the United States have called for a cessation of hostility after three weeks of clashes in a disputed town in Somalia’s breakaway Somaliland region left over 100 people dead and more than 500 wounded. Source: Hiiraan Online
  2. The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) said Sunday it has launched investigations into circumstances in which its helicopter crashed Saturday in southern Somalia, killing three passengers on board. Source: Hiiraan Online
  3. Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa weli ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, kaasi oo galay toddobaadkii saddexaad. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa dagaalkan qeyb ka ah Taliye Maxamed Saleebaan (Haybe Shire) oo isagu hadda kamid ah saraakiisha horkacaya ciidamada SSC, oo shalay guulo waaweyn ka sheegtay dagaalka socda. Ninkan ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sool, wuxuuna kamid ahaa saraakiisha sare ee ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo si heer sare ah u tababaray Mareykanka. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, sarkaalkan ayaa waxa uu markii hore la socday Garaadka Jaamac Garaad Cali oo Laascaanood tegay daba-yaaqada bishii hore, wuxuuna ahaa taliyaha ilaaladiisa gaarka ah. Kadib markii uu dagaalka xooggan ka dhex qarxay labada dhinac ayaa waxa uu Haybe Shire toos ugu biiray saraakiisha hoggaamineysa ciidamada SSC. Haybe Shire ayaa waxa uu ahaa taliyihii kontoroolada guur-guura ee Booliska Soomaaliya ee loo soo gaabiyo MVCP, kuwaasi oo howl-galo joogto ah ka sameyn jiray inta badan magaalada Muqdisho, illaa haddana lama arag meel looga qaaday, inkasta oo uu yimid talis cusub. Haybe ayaa sidoo kale waxa uu kaalin ka qaatay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab. Lama oga in xilkii uu dowladda federaalka ka hayay uu ka rusqeystay ka hor inta uusan tegin Laascaanood iyo inkale. Sarkaalkan dhalinyarada ah ayaa waxa uu Laascaanood u tegay si uu la-dareen noqdo beeshiisa iyo dadkiisa oo iyagu kasoo horjeestay gooni isu-taagga Somaliland, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online. Sarkaalkan iyo askar kale oo tababar heer sare ah haysta oo tiradooda la ogeyn ayaa ku sugan magaalada Laascaanood, kuwaasi oo halkaasi u tagay baaq uga yimid isimida SSC ay u direen dhalinyarada beesha ee haysta tababarka fiican iyo cidkasta oo qeyb ka noqon karta dagaalka ay kula jiraan Somaliland, si looga guuleysto maamulka Muuse Biixi. Somaliland ayaa hore ugu eedeysay dowladda federaalka inay qeyb ka tahay dagaalka, islamarkaana ay Laascaanood ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan iyo kuwa ay hore usoo tababartay. Caasimada Online si dhab ah weli uma xaqiijin in sarkaalkan iyo askarta kale ee ku sugan Laascaanood ay halkaasi ku joogaan awaamiir ay ka wada socdaan madaxda sare ee DF. The post Maxaan ka ognahay sarkaalka tababarka sare haysta ee hogaaminaya dagaalka L/C? appeared first on Caasimada Online.
  4. Tolow dawlada aan la shaqeeyaba Maxaa dumiya? Qaran News
  5. “KHASAARAHA DHAQAALE EE DAGAALKA LAASCAANOOD SABABAY. Dagaalka mudada 20 ka cisho ah ka socday magaalada laascaanood waxa uu hoosu dhac dhaqaale oo weyn u gaystay dhamaan bulshada ree Somaaliland ee ku nool dhamaan gobolada kala duwan ee dalka, hadaynu qaar yar oo kooban ka taabano waxa istaagay dhamaan isu socodkii iyo ganacsigii u kala gooshi jiray Bariga iyo Galbeedka Somaaliland iyo wixii ka baxsanba tusaale ahaan waxa istaagay shirkadihii safarka ee u kala bixi jiray Bari iyo Galbeedka sida :- 1. Shirkada Bari iyo Galbeed. 2. Shirkada Bixin. 3. Shirkada Yaasmiin. 4. Iyo kuwa la midkaa Waxa ay u kala qaadi jireen dad iyo alaabo oo si xawliya u socotay habeen iyo maalinba oo dhaqaale ay ka heli jireen shacab iyo xukuumadba, waxa xidhmay oo qaar kalana qarka u sii saaran yihiin inay xidhmaan dhamaan meheradihii ku yaalay jidka dheer ee u dhexeeya Hargaysa ilaa Laascaanood ee cuntada ama hurdada ama tukaanada adeega fudud laga iibsado ahaa ee shaqadooda iyo dhaqaalahooduba ku tiirsanaa dadkaa safarkaa ee gobolada dalka isaga kala gooshaya. Dadka ay sidaan ama ay keenaan shirkadahaa socdaalku gobolada iyo kuwooda gaadiidka gaarka ay u leeyihiin adeegsanayaaba waxa ay gobolada dalka keeni jireen dad soo galiya dhaqaale kala duwan waxaana ka mida :-  Kuwa caafimaadka u socda oo dhaqaale soo galin jirin cisbitaalada.  Kuwa Ganacsiga u socda oo meherada iibiya alaabta kala duwan ee jimlada iyo tafaariiqdaba soo galin jiray dhaqaale xoog leh.  Huteelada hurdada iyo cuntada oo ay dhaqaale soo galin jiray mudada ay joogaan dadkaasi magaalo kasta.  Kuwa safarka u socda oo shirkadaha diyaaradaha iyo madaarka dawladaba dhaqaale soo galin jiray.  I.W.M. DHANKA DAWLADA HOOSU DHACA DHAQAALE EE KU DHACAY. 1. Waxa ay ku weyday cashuurtii ka soo gali jirtay kastamka Sool ( Laascaanood) oo soo xarayn jiray dhaqaale xoog leh. 2. Waxa xanibmay dhamaan koontiinaradii ka degi jiray magaalada Berbera ee laga lahaa Bariga oo qulquli jiray jidka laascaanood oo colaadani hakisay markii jidkii xidhmay oo cashuurtii dawladu ka heli jirtay iyo dhaqaalihii shacabku siyaabaha kala duwan uga heli jireenba meesha ka baxay. Maadama aanan ahayn dadka dhaqaalaha ku xeesha dheer waxa aan halkaa kaga hadhayaa ama ku soo koobayaa inta yar ee ii muuqmuuqata uun, ujeedkayguna waa inaynu ku carino ama xasuusino dadka aqoontaa dhaqaalaha bartay inay wax ka qoraan Fg: Khasaaraha maal iyo naf ba leh ee ka dhacay magaalada laascaanood kaasi ma khuseeyo qoraalkaygani waayo waxa uu u baahanyahay daraasad dhaba oo aqoon ku dhisan kaas anigu kama hadli karo hada.” WQ. Garyaqaan Xuseen Shabeel Qaran News
  6. Asbuucyadii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal hayay carruurta madaxweyne Xasan Sheekh oo dawladda aad uga soo dhex muuqday. Gaar ahaan waxaa su’aalo badan iyo dood laga keenay gabar lagu sheegay Jiihaan Xasan Sheekh oo dadka qaarkii ay sheegeen in ay la wareegtay shaqadii wasiirka arrimaha dibadda. Isla waqtigaas waxaa is barbardhig ahaan dadku usoo qaadeen arrin madaxweyne Farmaajo iska diiday. Arrintaas ayaa ahayd in wiil uu dhalay Maxammed Farmaajo, jaamacad soo dhammeeyay waqtigii uu madaxweynaha ahaa. Wakiilka Soomaaliya u jooga xarunta Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Baalle oo saaxiib dhaw ay yihiin Farmaajo ayaa soo jeediyay, sida la sheegay, in wiilka la keeno xarunta Abuukar si uu halkaas ugu shaqo barto ugu danbayna uga shaqeeyo. Soo jeedintaas ayuu iska diiday Farmaajo isaga oo yiri wiilkayga anoo xil hayo xil dawladeed la geyn maayo. Arrintaan ayay dadku qaar aad ugu ammaaneen Farmaajo dhinaca kalana aad ugu dhaliileen Xasan Sheekh. Haddaba su’aashu waxaa ay tahay maxaa ku jaban in qaraabada loo magacabo xilalka dawladda? in Madaxweyne diido inuu xilal u dhiibo qaraabadiisa ma ka dhigaysaa inuu yahay qof daacad ah midkii uu magacaaba se ma dhigaysaa qof musuq iyo eexo ku astaysan? Jawaabaha su’alahaas oo kooban waa in qofna uusan daacad ku noqonayn inuu qaraabadiisa u diiday xilalka dawladda; qof kalana eexoolo ku noqonayn qarbaadiisa oo uu xilal ku taxay. Haa, si ahaan qaraabada oo xil loo dhiibo ma aha waxa cabbirku yahay ee waa shaqsiyaadka waxtarkooda, xirfaddooda iyo shaqada ay hayaan sida loogu ogyahay ee ay ugu habboonyihiin. Si aan arrimahaas aad ugu fahanno waxaan bixin doonnaa tusaalooyin waayo hore iyo kuwo cusubba leh. In madaxweynuhu iska ilaaliyo magacaabidda qoyskiisa iyo qaraabadiisa waa doorasho ee qasab maaha. Laakiin waa ay kala fiican yihiin iyaga oo wada bannaan oo midna sidiisa aan ammaan loogu mudanayn. Abuubakar iyo Cumar, Allaha ka wada raalli noqdee, wax xil ah uma aysan dhiibin carruurtooda iyo qaraabadooda dhaw toona. Lidkooda Cismaan binu Cafaan waxaa uu xilal u magacaabay qaraabadiisa oo ay ku jireen walaalihiis. In Cismaan xil ummadeed uu u dhiibay qaraabadiisa kama dhigayso inuu ka caddaalad hooseeyay Abuubakar iyo Cumar. Labada hore waxaa ay u arkeen in ay u fiicantahay in ay qaraabadooda ka fogeeyaan xilalka ummadda inta ay iyagu xilka hayaan. Markii ay geeridu soo wajahday Cumar waxaa uu magacaabay guddi lix qof ahaa. Guddigaan waxaa uu u xilsaaray in ay ummadda u dooraan hoggaamiye isaga beddela. Waxaa uu todobo uga dhigay wiilkiisa Cabdullaahi binu Cumar. Waxaa uu ku yiri Cabdullaahi ha idinla joogo laakiin isma sharrixi karo mana dooran kartaan. Haddii ay dhacdo in guddigu seddexba qof u codayso, Cabdullaahi codkiisa weydiiya, halkii uu codkiisa siiyo doorta illeen kaasaa afar cod heleye. Intaas ayaa qoyska Cumar xil dawladeed ugu dhawayd, Abuubakarna ha sheegin! Cismaan dhiniciisa waxaa uu u arkay wax caadi ah oo dhib iyo shiddo aan lahayn in qaraabada xil loo dhiibo maaddaama ay yihiin dad dawladda wax ku leh. Dadka uu xilalka u dhiibay akhiyaar ma wada ahayn. Tusaale, Waliid bin Cuqbah oo Cismaan ay xagga hooyada walaalo ka ahaayeen waxaa uu ahaa kahmriyo cab. Waliid waxaa laga dhigay waaliga gobalka Kuufa. Nin hawlo badan ayuu ahaa. Waxaa la sheegay in maalin isaga oo cabsan oo dadka salaad tujiyay. Cismaan ma uusan ogayn inuu khamriga cabbo markii uu xilka u dhiibayay. Goortii ay soo gaartay inuu khamriga cabbo waxaa uu amray in xadka khariga laga oofiyo xilkini waa uu ka qaaday. Laakiin Cismaan waxaa kasoo gaaray dhaleecayn iyo dhiillo abuurid. Uurgaalladii iyo intii bugtay oo dhan ayaa daliil iyo caddaymo dadka lagu kiciyo ka dhigtay in Cismaan qaraabadiisa uu xilal ku taxay. Caamadu waa dad dacaayadda si fudud u qaata wixii loo sheegana iska iibsada iyaga oo aan su’aalo isweydiin. Tusaale, Cismaan dadka lagu eedeeyay inuu xil siiyay waxaa ku jirey Mucaawiye binu Abii Sufyaan oo Shaam madax ka ahaa. Laakiin Mucaawiye Cismaan hortiis ayuu xilkaas hayay. Eedihii jirey iyo buuqa la abuuray Cismaan waxba kama uusan soo qaadin waxaa uuna u arkayay gardarro lagu haystay. Waxaa la sheegaa in lagu yiri Abuubakar iyo Cumar midna qaraabadooda xilal uma dhiibin adiguna qoyskaada ayaad ku taxday. Jawaabta uu arrintaas ka bixiyay waxaa ahayd tu aan wixii jirey waxba ka beddelin. Nasiibdarro, aakhirkii munaafiqiintii iyo intii jirrnayad waxaa ay ku guuleysteen in Cismaan la dilo ummaddina dagaal laga dhex abuuro. Cismaan ma ahayn Khaliifka keliya ee qaraabadiisa shaqaaleeyay. Cali binu Abii Daalib ayaa isna ilma adeerradii iyo qaraabo kale xilal badan u dhiibay. Markii uu Khaliifka ahaaCali RC, Cabdullaahi, Cubaydillaahi, Thaqam iyo Thumaama oo intuba uu dhalay adeerkii Cabbaas ibnu Cabdi Mudalim ayuu waaliyaal uga dhigay Yaman, Mako, Madiino iyo Basro. Maxammed binu Abii Bakar oo uu hooyadii qabay soona koriyay ayuu sidaa oo kale uu ka dhigay waaliga Masar. Qaraabo kale oo badan oo uu Cali xilal u dhiibay ayaa jirey. Taasu wax uma dhibin caddaaladdiisi iyo sharaftiisi toonaa. Sidaa oo kale, ma noqon arrin dhib iyo buuq usoo jiidda sidii Cismaan. Sababo badan ayaa jiri kara oo uusan Cali ula kulmin dhaliilihii uu Cismaan kala kulmay qaraabadiisa, hasa ahaatee waxaa hubaal ah in la siyaasadeeyay arrimaha Cismaan oo rag dano kale lahaa ayaa sallaan ka dhigteen. Haddaan eegno xagga umadaha kale, sidaas ayay madaxdu u kala duwanayd oo qaarna ay u dooran jireen in ay xilal u dhiibaan qoyskooda iyo qaraabadooda qaarna ay isaga ilaalin jireen iyaga oo u arkayay in aysan u fiicnayn hoggaamintooda. Ibraahin Linkon waxaa uu ahaa madaxweynihii 16aad ee Maraykanka. 1860nnadii ayuu xilka hayay. Wasiirka arrimaha dinbadda waxaa uu u magacaabay nin waqtigaas caan ahaa oo la oran jirey William Henry Seward. Mudane Seward waxaa uu xoghayaha wasaaradda markiba u magacaabay wiil uu dhalay. Lidkiisa Edward Stanton oo noqday wasiirka gaashaandhigga waqtigii Linkon aad ayuu uga soo horjeeday in dadka lagu qoro qaraabonnimo iyo wax la mid ah. Labada wasaaradood ee ay kala hayeen Seward iyo Stanton waxaa dhacdhac iyo dhaqaalo badnaa waqtigaas midda Stanton. Waxaa lagu jirey dagaal sokeeye oo aad u qaraar. Wixii dakhli la helo waxaa la galin jirey ciidanka iyo dagaalka. Qofkii raba inuu maal tabcado ama qoys nooleeyo si fudud ayuu xoolo badan ku aruursan karay. Dhabtii marka la magacaabayo Stanton waxaa xilka laga qaaday mid lagu eedeeyay musuq iyo boob gaartay in uu fardo waa hore dhintay kusoo dallaco wasaaradda si uu lacag uga sameeyo. Stanton se waxaa uu ahaa nin aan aqbalin shaqo laalaab lagu helo. qoyskiisa iyo asxaabtiisa ayuu xafiiskiisa ka ilaaliyay. Iska daa kuwo uu isagu siiyee, xataa waraaqaha uu madaxweynuhu soo qoro ayuu diidi jirey. Waqtigaas Maraykanku waxaa uu ahaa sida ay maanta Soomaaliya tahay wax u eg. Dad shaqo doon ah ayaa xafiisyada madaxda hor dhoobnaan jirey. Odayaal iyo akhiyaar wiilal gacmaha hayo oo wiilkaan shaqo ii sii leh ayaa madaxda nafta u keeni jirey. Nin shaqo doon ah ayaa u tagay madaxweyne Linkon. Madaxweynaha ayaa u qorey warqad oo ku yiri ula tag Stanton si uu boos kuu geeyo. Stanton markuu akhriyay warqaddii ninkii watay hortiisa ayuu ku kitfay waana cayriyay. Ninkii xagguu ka wareegtay oo xaaska madaxweynaha ayuu u tagay oo baryadii ka badiyay. Warqad kale ayay usoo qortay oo ay Stanton kaga codsatay inuu ninkaas meel geeyo. Sidaan soo sheegnay wasaaradda uu joogay Stanton waxaa ay ahayd meesha ugu nacfi roonayad waqtigaas. Stanton markii loo dhiibay warqaddii aad ayuu uga carooraday waa uuna jeexjeexay. Galabtii ayuu u tagay xaaskii madaxweynaha waxaa uuna ku yiri “shaqadayda koowaad waa inaan dalka difaacaa, shaqayadyda labaadna waa in aan ilaaliyaa sumcadda ninkaada. Haddii aan shaqaalaysiiyo qof walba oo warqad sita dalna ma difaaci doono, sumcadda ninkaada (madaxweynaha) ayaana dhiman doonto. Warqad danbe oo aad soo qortay yaysan ii imaan.” Waxaa na quseeyo waa in Seward doortay inuu shaqaalaysiiyo wiilkiisa, Stanton-na iska diiday. Labada nin waxa kala fiicnayn kara maaha keliya labada go’aan ee kala qaateen ee waa shaqsiyadda qofka xilka loo dhiibay. Seward wiilkiisa nin aqoon leh shaqada loo dhiibayna kasoo dhalaalay ayuu ahaa. Sidaas darteed inuu abbihii wasiir ka yahay wasaaradda uu ka shaqeeyo ceeb maaha nusqaanna uma keeni karto wasiirka. Dhinaca Stanton waxa uu ku ammaananyahay maaha inuu qaraabadiisa shaqo u diiday ee waa inuu gabi ahaanba diiday inuu shaqo siiyo qof aan xirfad iyo aqoon u lahayn shaqada. Si taas la mid ah madaxweyne Farmaajo ammaan ku mudan mahayo inuu qaraabadiisa xafiisyada ka ilaaliyay ee waxa lagu miisaamayo waa dadkii xafiisyada mudnaa ma u dhiibi jirey mise si kale ayuu wax ku xulan jirey. Isaga oo qof qoyskiisa ah oo mudan shaqo u diiday hadduu shaqadaas u dhiibo mid qabiil kale ah oo aan mudnayn waa iin iyo ceeb ee maaha caddaalad iyo wanaag. Xasan waa sidaas oo kale. Dhaliishu waxaa ay noqonaysaa carruurta uu dhalay aqoon iyo xirfad ma u leeyihiin hawalaha ay hayaan? Jiihaan shaqada ay hayso ma tahay mid loo magacaabay oo lagu ogyahay oo aqoon iyo waayo’aragnimo ay u leedahay? Haddii ay haa tahay wax ku jaban ma jiraan in madaxweynuhu u diro shaqadaas. Haddii se ay dhacdo in ay xafiisyada dawladda ka taliyaan iyaga oo aan ka shaqayn, wixii doona ay sameeyaan iyaga oo awoodda madaxweynaha isticmaalaya, taasu waa foolxumo iyo fadeexad. Cismaan RC waxaa uu ka mid ahaa tobankii saxaabi ee jannada loogu bishaareeyay. Waa ninkii arrinta Beycaturidwaan ay dartiis u dhacday. Waa ninkii Suubbanuhu uu gacantiisi labaad ku matalay markii la galayay Beycaturidwaan. Sayid Cismaan RC waa ay isaga danbeeyeen labadii hablood ee Suubbanaha NNKH ee arriintaas kula baxay ‘Dulnuurayn’. Cismaan waa saxaabigii uu Suubbanuhu ku tilmaamay in ay malaa’igtu ka xishooto. Waxaa uu ahaa saxaabiga keliya ee Suubbanuhu NNKH uu ka yiri “maanta ka dib danbi uu galay wax u dhibi maayo”. Yacnii wax alla wixii uu galo oo danbi ah waa loo dhaafay si hormaris ah. Cismaan Eebbe sidaas u sharfay, u weyneeyay ee u dhawray xilalkii uu qaraabada u dhiibay dhaleecayn, ceebayn, durid caddaladdiisa ah iyo canjarafayn ayuu ka qaaday sidaas darteed waxaa ila habboon in qofku iska ilaaliyo magacaabidda qaraabada inta uu karo! Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Ma wax xunbaa in madaxdu xilal u dhiibto qaraabadeeda? appeared first on Caasimada Online.
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa doonaysa in dalalka Galbeedka ay cadaadis saaraan hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, oo ay ka mamnuucaan safarrada waddamadooda, sida ay ku tebiyeen qaar kamid ah warbaahinta. Maamulka Ruto ayaa ku eedeeyay Raila Odinga inuu ku hawlan yahay falal dhibaato ku ah dalka Kenya, isla markaana loo baahan yahay in la xakameeyo. Raila ayaa ku baaqay dibedbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Ruto, taasoo uu u arko mid si sharci darro ah kula wareegtay xukunka. Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay qaaday tallaabooyin lagu sumcad dilayo hogaamiyaha mucaaradka, oo mar ahaa ra’iisal wasaaraha dalka. Todobaadkii hore, Raila ayaa laga qaaday xilka wakiilka horumarinta kaabayaasha oo uu Midowga Afrika ka hayay tan iyo October 2018. Qaar kamid ah taageerayaashiisa ayaa u arka tallabadaas mid uu ku lug lahaa Madaxweyne William Ruto oo ay Raila si adag ugu loolameen doorashadii dhacday August 2022. Qaar kamid xildhibaannada xisbiga talada haya ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in dowladda ay damacsan tahay tallaabooyin dheeraad ah oo cadaadis lagu saarayo Raila. Madaxweyne Ruto ayaa ilaa haatan qaaday tallaabooyin uu ku cadaadinayo hogaamiyaha mucaaradka, waxaana kamid ah inuu soo dhaweysto siyaasiyiinta taabacsan iyo inuu xilal muhiim ah u magacaabo dadka dhaliilsan Raila ee ka soo jeeda gobollada uu taageerado ka haysto. Falcelinta Raila Raila Odinga oo maanta la hadlayay taageerayaal isugu soo baxay magaalada Kitale ayaa sheegay in aanu walwal ka qabin qorshayayaasha ay la damacsan tahay xukuumadda Ruto. Waxa uu tilmaamay in tallaabada la sheegay in xukuumadda ay doonayso in looga joojiyo safarrada waddamada Galbeedka ay tahay mid fulaynimo ah. “Waan ixtiraam u haynaa waddamada aan saaxiibka nahay. Waxaa naga dhexeeya xiriir wanaagsan, hase yeeshee waa in ay ogaadaan in arrimaha gudaha ee dalkeena aan inagu uun go’aankooda leenahay,” ayuu yiri Raila. Waxa uu intaa raaciyay in aanu joojin doonin hawlaha uu wado ilaa inta laga saxayo khaladkii dhacay, oo uu ula jeedo in la shaaciyo inuu ku guulaystay doorashadii August 2022. Natiijadii la shaaciyay xilligaas ayaa Ruto waxa uu Raila kaga adkaaday codad ka yar 240,000. Raila oo markii shanaad looga adkaaday doorasho uu u tartamay ayaa haatan da’diisu tahay 78 jir. Dibedbaxyo iyo curyaamin uu kula kacay dowladdii uu hogaaminayay Uhuru Kenyatta, kadib doorashadii dhacday 2017, ayaa waxa bishii March 2018 uu heshiis dhexmaray labada nin, taasoo horseeday xasillooni siyaasadeed. Ruto ayaa horay u sheegay in aanu diyaar u ahayn inuu Raila la galo heshiis siyaasadeed oo la mid ah kii 2018, isla markaana uu xoogga saarayo hagaajinta dhaqaalaha Kenya. Siyaasiyiinta Afrikaanka ah ayaa intooda badan hanti ku leh dalalka Glabeedka, halka qaar kalena ay daryeel caafimaad u doontaan, waana sababaha aanay uga maarmi karin safarrada dibedda. Isha: BBC The post Dowlada Kenya oo dooneysa in xayiraad la saaro RAILA appeared first on Caasimada Online.
  8. Jerusalem (Caasimada Online) – Israeli authorities have ordered the demolition of the home of a Palestinian man responsible for a fatal attack on Israelis. The decision to destroy the house, which was built with compensation paid to the family following the killing of one of their relatives by an Israeli, has caused controversy. The attack in question took place in January 2022, when 21-year-old Khayri Alqam killed seven people outside a synagogue in the Neve Yaacov settlement. Alqam was subsequently shot dead by Israeli security forces, and his family received a demolition order for their apartment. The policy of demolishing the homes of Palestinians who kill Israelis is longstanding. However, the Alqam case has raised questions about the legality and morality of such actions. Background of the Palestinian family (FILES) In this file photo taken on January 29, 2023 Moussa, A Palestinian father of Khayri Alqam the gunman who killed seven people in an attack on January 27 in Israel, speaks on the phone outside his family home in the mostly Arab east Jerusalem neighbourhood of al-Tur. – The home of the Palestinian man behind a fatal attack on Israelis is to be demolished by Israeli authorities, even though his family says it was built with compensation paid to them after one of their relatives was killed by an Israeli. (Photo by AHMAD GHARABLI / AFP) Khayri Alqam’s grandfather was killed in 1998, allegedly by an Israeli extremist. An Israeli man was arrested in 2010 in connection with the killing and a series of other murders of Palestinians. However, he was later released, and no one was convicted for the killing. At the time of the killing, the Alqam family received compensation from the Israeli government and used some of the money to build their home in the al-Tur neighborhood of annexed east Jerusalem. They were living on the second floor of the apartment block, with other floors occupied by relatives. Israeli demolition order The entrances to the Alqam family’s home were sealed within days of the attack, and the demolition order was issued soon after. The family is currently appealing the decision but is uncertain whether the house will be spared. According to Nadia Daqqa, a lawyer with the Israeli rights group HaMoked, the fact that the state may have contributed to the construction of the house makes no difference to the authorities. “For them, the house was where a Palestinian terrorist lived,” she said. The decision to demolish the Alqam family’s home has been controversial, with critics arguing that it amounts to collective punishment. Under Israeli legislation, a demolition order can be issued to a relative of an attacker, regardless of whether they had any involvement in the attack. Israeli policy of demolishing homes Successive Israeli governments have implemented the policy of demolishing the homes of Palestinians who kill Israelis. However, the Alqam case marks a significant departure from past practice. In the past, there has usually been a period after a demolition order is issued to allow residents to appeal. However, in the Alqam case, the home was sealed within 48 hours of the attack, reflecting a tougher stance by the Israeli government. The policy of demolishing homes has also been expanded to include cases in which there are no deaths or attacks carried out by children, according to Nadia Daqqa. Critics argue that the policy is a form of collective punishment and violates international law. The Fourth Geneva Convention prohibits destroying private property except when necessary for military operations. The Alqam family is not the only one affected by the policy. In February, the family home of a 13-year-old boy who shot and wounded two Israelis in the Silwan neighborhood of east Jerusalem was also sealed. Human impact The demolition of homes has a significant human impact. The Alqam family has had to move in with Moussa Alqam’s mother, who lives in the same building as their sealed apartment. The four-story building has been described by Moussa Alqam as a “military checkpoint,” with Israeli forces stationed at the property for more than two weeks. The impact is not limited to the families of attackers. In the case of Hussein Qaraqe, who killed three Israelis in east Jerusalem before being shot dead, Israeli authorities initially targeted his parents’ house. However, when they discovered Qaraqe was renting an apartment a relative did not own, they targeted an alternative home to demolish. This led to confusion, as Israeli forces also sealed off his sister’s house for a few days before being reopened. Nadia Daqqa, the lawyer with the Israeli rights group HaMoked, has criticized the confusion and inconsistency of the Israeli government’s approach to the demolition policy. She argues that it is emblematic of the “chaos and current crazy period” in which the government seeks to ramp up retaliatory measures. The decision to demolish the homes of Palestinians who kill Israelis is deeply controversial. The Israeli government argues that it is a necessary deterrent against future attacks. However, critics say it is a form of collective punishment violating international law. In 2005, the Israeli human rights group B’Tselem estimated that around 2,500 homes had been demolished in the occupied territories since 1967, affecting tens of thousands of people. The group argued that the policy was “immoral, illegal, and ineffective.” Source: AFP The post Israeli authorities set to raze another Palestinian home appeared first on Caasimada Online.
  9. Rome (Caasimada Online) – At least 58 people, including women and children, have lost their lives after a wooden sailing boat carrying migrants crashed against rocks off the southern coast of Italy early on Sunday. The vessel had departed from Turkey with migrants from several countries, including Afghanistan and Iran. It crashed near Steccato di Cutro, a seaside resort on the eastern coast of Calabria. Authorities reported that the provisional death toll stands at 58, with 81 people surviving, including 20 hospitalized. Survivors of the shipwreck had reported that some 140 to 150 people were on board the vessel when it left Izmir, Turkey, three or four days ago. The migrants, mostly from Afghanistan and a few from Pakistan and Somalia, had been fleeing conditions of great hardship, according to Italian President Sergio Mattarella. It is unclear how many children died in the shipwreck as exact numbers have not yet been released. Widespread devastation Remains of a ship are seen along the beach where bodies of suspected believed to be migrants refugees were found after a shipwreck, in Cutro, the eastern coast of Italy’s Calabria region, Italy, February 26, 2023. REUTERS/Giuseppe The wreckage of the wooden gulet, a Turkish sailing boat, was found strewn across a large stretch of the coast, with Mayor Antonio Ceraso of Cutro describing the scene as “a gruesome sight that stays with you for all your life.” His voice cracking, Ceraso told SkyTG24 news channel, “I saw a spectacle you would never want to see in your life.” Authorities said that one survivor of the shipwreck was arrested on charges of migrant trafficking. The tragedy has led to calls for a crackdown on human traffickers who lure desperate people onto boats, often in unseaworthy vessels, and transport them across the Mediterranean to Europe. Political reaction on migrants Italian Prime Minister, Giorgia Meloni, has expressed profound condolences and grief for the tragic loss of lives in the recent shipwreck incident. In her statement, the Prime Minister pledged to take measures to prevent similar disasters from occurring in the future, including the blocking of migrant sea departures. Since her right-wing administration assumed office in October, it has adopted a tough stance on migration, primarily by implementing stringent new laws that restrict the activities of migrant rescue organizations. These laws were passed by Parliament and have received final approval on Thursday. Meloni has blamed human traffickers for encouraging migrants to make the dangerous sea journey to Italy, accusing migrant rescue charities of acting as so-called “pull factors.” Charities reject this, saying migrants set off regardless of whether rescue boats are in the vicinity. Spanish migrant rescue charity Open Arms tweeted that “stopping, blocking and hindering the work of NGOs will have only one effect: the death of vulnerable people left without help.” In a separate statement, Italian Interior Minister Matteo Piantedosi said it was essential to stop sea crossings that offer migrants the “illusory mirage of a better life” in Europe. Piantedosi emphasized that such crossings enrich traffickers and cause tragedies like the one on Sunday. International response Pope Francis, a prominent voice supporting migrant rights, has expressed his concern for all those affected by the recent shipwreck incident. The pontiff, whose parents were Italian immigrants to Argentina, offered prayers for the victims and their families. This tragedy underscores the continuing dangers faced by migrants attempting to cross the central Mediterranean, with over 17,000 deaths and disappearances recorded by the United Nations Missing Migrants Project since 2014. Shockingly, this year alone has seen more than 220 individuals lose their lives or go missing in these perilous waters. The central Mediterranean route is one of the world’s most dangerous migration routes. Italy remains a primary destination for migrants seeking entry into Europe by sea, as many individuals hope to reach the more prosperous countries of northern Europe eventually. The post Migrants shipwreck kills over 50 off the coast of Italy appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa mar kale soo cusbooneysiiyey kiiskii Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri lagu waayey intii ay dalka xukumeysay xukuumadii Farmaajo oo si dhow uu xildhibaanka Jeesow ula shaqey jiray. Xildhibaanka ayaa abuuray shaki cusub oo la xariira in dilkii Ikraan ay ka dambeeyeen ragga hadda talada dalka haya, isagoo sheegay in Ikraan ay kaambeyn doorasho u dhimatay, isla markaana dilkeeda loo adeegsaday duulaan lagu soo qaaday dowladii Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Daahir ayaa sheegay in kiiska Ikraan ay xubnaha hadda talada haya ku soo galeen olole doorasho oo hadda ay horay uga socdeen markii ay ku guuleysteen xukunka. Daahir Amiin Jeesow ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu la yeeshay xubno ka mid ah beeshiisa, isagoo yiri, “Kiiska Ikraan kaambeyn ayaa lagu gelaayey anigaa xaqiijinaya taas, Ikraan anigaa adeekeed ah, anigaa og meesha ay iga jirto.” Wuxuu sheegay in xiligaas uu socday dagaal lagu soo qaaday dowladdii Nabad iyo Nolol ee Farmaajo uu hoggaaminayey, “Raggii marada gaduudan madaxa ku xira jiray ee hoteellada ka qeyli jiray maanta markii ay xukunka qabsadeen waa ka aamuseen kiiska Ikraan,” ayuu yiri. Jeesow oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Hadii Ikraan aysan Kaambeyn ku dhiman askarta NISA hala dhaho ninkii Ikraan meel ku sheega lacag ayaa la siinaa dalkana waa lagaa dhoofinaa.” Wuxuu sheegay in Ikraan ay NISA dishay, isla markaana askartii dishay ay sheegeyso hadii lacag loo sheego oo amnigooda la kafaala qaado, balse wuxuu carabka ku adkeeyey in ragga talada haya aysan daacad ka aheyn in baaritaan lagu sameeyo kiiska Ikraan. Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sheegay in hadii Ikraan ay dileen raggii Farmaajo la shaqey jiray, ay ragga hadda talada haaya u fududahay inay helaan tixraaca kiiskaas, balse ololihii doorashada un ay ku ekeed dooda kiiskaan. “Waligey kiiska Ikraan saan ugama hadlin inta meel soo istaagay, maanta waan idiin xaqiijinaa Ikraan kaambeyn doorasho ayey ku dhimatay,” ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa cadeeyey inuu ogyahay in marar badan lagu soo cel-celiyey in uusan kiiska Ikraan ka hadlin, “Aniga Ikraan Adeekeed ayaan ahay dad anigaa u xiga, xilka maanta la hayo ayaa lagu helay, waana laga gudbay, saas ayey u dhimatay Ikraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeesow. Wuxuu sheegay in markii hore uu aaminsanaa in markii Farmaajo laga guuleysto la heli doono tixraaca kiiska Ikraan oo askartii dishay ay is sheegi doonto, balse taasi aysan dhicin, isagoo tuhun kale geliyey cidda dishay Ikraan. Hoos ka daawo The post Jeesow oo dilkii Ikraan Tahliil ka leexiyey kooxdii Farmaajo, una saariyey… appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulanka isku-duwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socota, si loo dar-dargaliyo howlaha horutabinta u leh Xukuumadda iyo adeegyadda dowladda ee sannadka 2023-ka. Shirka ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadyada xukuumadda ee dhinacyada mashaariicda iyo horumarinta arrimaha bulshada gaar ahaan barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo ay hada ka socoto dib u soo noolaynta adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada, isla markaana sanadkan qorshuhu yahay in si dhamaystiran u hirgalaan mashaariicdaasi. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyey xiriiriyaasha iyo iskuduwayaasha mashaariicaha kala duwan shaqooyinkii ay soo qabteen, isagoo tilmaamay sanadkana looga fadhiyo in ay hir galiyaan mashaariico intii hore ka badan oo dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey Khawaariijta oo dadka deegaannada ku dhaqan la tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, Lisa Filipetto. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Marwo Lisa Filipetto ay ra’iisul wasaaraha ugu timid booqasho sagootin ah. Mudane Xamza ayaa uga mahad-celiyay Ms. Filipetto hawshii ay ka qabatay dalka intii ay madaxda ka aheyd xafiiska yaakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOS), isaga oo u rajeeyay mustaqbal wacan. Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday saddex arrimood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; sugidda amniga, xasillinta dalka iyo dib u heshiisiinta. Ms. Filipetto ayaa waxay uga mahad-celisay dowladda federaalka sidii diiraneyd ee ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jirtay hawsheeda. Ugu dambeyntiina waxay xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Xamza Cabdi Barre ku boggaadisay horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, xasillinta iyo dib u heshiisiinta. The post Sawirro: R/W Xamza oo isugu yeeray isku-duwayaasha mashaariicda dalka ka socota appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beelaha Saleebaan Habargidir iyo Ajuuraan oo maanta si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyey xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Soomaaliya. Odayaashaan ayaa sheegay in heshiis ay ka gaareen kiis dil ah oo ka dhex dhacay labada beelood uu dhinac martay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada Cabdullahi Buulakamey. Odayaashaan ayaa sheegay in Xeer ilaaliye Cabdullahi Buulakamey uu ku xad gudbay heshiiskii ay gaareen labada beelood ee Saleebaan iyo Ajuuraan. Waxaa shirkaan jaraa’id lagu soo bandhigay warqado ay horay u kala saxiixdeen odayaasha labada beelood iyo cadeymo muujinaya in diyo la kala qaatay oo xal laga gaaray kiiskaas dilka ah. Beelahaan waxay xeer ilaaliyaha ku eedeynayaan in heshiiskoodii kadib uu goob lagu dhaqan celinayey kala soo baxay ninkii dilka loo heystay, kadibna uu maxkamadda geeyey oo dil toogasho ah lagu xukumay. “Waxaan ka cabaneynaa Cabdullahi Buulakamey, heshiiskaan ayaan gaarnay, iyadoo aysan cidna na qasbin ayaan heshiiskaan saxiixnay, waxaa dhacday arrin lama filaan ah oo sharciga aan waafaqsaneyn, markii diyada nala siiyey ayaa wiilkiina dil lagu xukumay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha reer Xaaji Saleebaan. Dilkaan ay heshiiska ka gaareen labada beelood ayaa bilowgii 2022-kii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, ehellada labada nin ee mid la dilay, midna dilka loo heysto iyo nabadoonada labada beelood ayaa kulankaan ku soo bandhigay heshiiska ay gaareen. “Beesha reer Xaaji Saleebaanow waa la idku xad gudbay, sharcigana waa loo gefay, waxa dhacayna Ajuuraan idiinma quuro, horaa dad la isaga dili jiray, waxaana laga xaali jiray, laakiin waxaan oo kale horay uma dhicin,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha Ajuuraan. Oday kale ayaa digniin u diray maxkamadda ciidamada, isagoo ka dalbaday in toogashada ninka xiran aan lagu deg degin, maadaama ay labada beelood diyo kala qaateen, kiiskaas xal buuxa laga gaaray. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Saleebaan iyo Ajuuraan oo kiis xasaasi ah u haysta Jeneraal Buulakamey appeared first on Caasimada Online.
  13. A wooden boat crowded with migrants smashed into rocky reefs and broke apart before dawn Sunday off the Italian coast, authorities said. Rescuers recovered nearly 60 bodies, and dozens more people were missing in the rough waters. Source: Hiiraan Online
  14. MOGADISHU, Somalia — A helicopter belonging to the African Union Transition Mission in Somalia crashed, killing three people and injuring eight others. Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya , Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodishe” ayaa kulan wadajir ah magaalada Muqdisho kula yeeshay wakiillada qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan amniga dalka. Wasiirka ayaa kulankaan la qaatay Ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine,waxaana looga hadlay Amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimadda iyo sidii loo sii wadi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Wasiirka ayaa tilmamay muhiimadda amnigu u leeyahay caasimadda dalka iyo sida ay tahay in looga wada shaqeeyo“Dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxay mudan yihiin inay nabad iyo amni ku noolaadaan, waana waajib na saaran ka dowlad ahaan inaan xaqiijinno”ayuu yiri wasiir Doodishe, xilli uu hadlayay. Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa Wasaaradda Amniga ku boggaadiyay dardar gelinta howlaha hortebinta u leh Amniga dalka iyaga oo sheegay in ay dhankooda ka qeyb qaadan doonaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaa lahaayeen mustaqbalka soo aadan sida ay sheegeen. Kulanka maanta waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga,Taliye xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo qeyb ka ahaa shirka looga hadlayay amniga Muqdisho ee dhexmaray wasiirka amniga iyo Wakiillada Beesha Caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa kusii baahaya dhibaatada daroogada, dilalka shacabka kala kulmayaan koox ******** ah oo la baxday ciyaal-weero iyo fas-haadka guud ee ka jira magaalada. Habeen hore wiil dhalinyaro ayay toddoba dhinac toorey ka galiyeen kooxda burcadka ah ee la baxday ciyaal-weero. Kooxdani waxay ka dhalatay daroogada kusii faafeysa caasimada Soomaaliya, waxay u labisan yihiin dhac, qofkii wax ay dhacaan ka waayan waa dilaan. Waxay si weyn ugu faafeen degmooyinka gobolka Banaadir, iyada oo markii hore ay ku xooganaayeen Madiino iyo Kaaraan. Xisaab malahan inta jeer ee maamulka gobolka Banaadir iyo ciidanka heer gobol lala wadaagay kooxdan, laakiin cid ahmiyad siisay dhibaatadaas ma jirto. Dadweynuhu waa u dulqaadan la’yihiin meydadka ay maalin walba xabaalayaan. Xamar waxaa ku dilaya Al-Shabaab, Ciidanka Dowladda, Daacish, waxaa kale oo hadda kusoo biiray burcadan la baxday ciyaal-weero. Shacab afar geeri u dhaxeeya waa adag tahay sida ay ku badbaadan. Dowladda oo canshuur qaada marka laga reebo, saddexda dhinac ee kale shacabka waa baadan. Dhaqaale ahaa dadka caasimada waxay ku dhex jiraan bixinta baad iyo dhinaca kale bixinta canshuur aan lagu difaaceyn. Haddii aad isweydiiso magaalada sidan u dacayan yaa ka taliya jawaabtu waa Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), sababta uusan arrintaan xal ugu raadin, uga hadleyn, isaga iyo maamulkiisuna ugu muuqdan kuwa aanay dhib ku haynin waxa ka socda caasimada, cid ku fasiri karta waa yar-tahay. Dayacaad xooggan ayaa ka jirta magaalada Muqdisho. Meelaha fashilka nidaamka Xasa Sheekh durba laga dhadhansanayo ayuu kamid yahay maamulka gobolka Banaadir. Inay shacabka caasimada iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dhintaan hadda meel majirto, sababta oo ah dareenku kuma siinayo dil afar jiho kaga socda iyo bixinta baad saddex dhinac ah, iyo weliba canshuur kugu waajib ah oo aan haddana lagu adeegayn. Al-Shabaab ayaa ka hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee magaalada Muqdisho. Waxay sheegeen inay maalmo baarayeen dhibaatada kooxda burcad ah ee ciyaal-weero, iibka daroogada ee kusii baahaya magaalada Muqdisho iyo goobaha tumashada ee loo bedelay ganacsi dhaqaale badan laga sameeyo. Al-Shabaab waxay sheegeen inay beegsan doonaan saddexdaasi dhinac oo ay aqoonsadeen dadka ku lugta leh. Inkasta oo aanu jirin cadow Al-Shabaab ka daran oo Soomaaliya jooga, iyaguna ay yihiin waxa u weyn ee dalka laga badbaadinayo, haddana fasiraada hadalkoodu waa inay arkeen door iska banaan oo uu dayacay maamulka gobolka Banaadir. Waxay ka hadalka arrintaan u arkeen fursad ay shacabka kusoo jiidan karaan. Iyada oo uu sii xumaanaya xaalka magaalada Muqdisho, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku qasban yahay inuu dib u eego fahamka hoggaanka maamulka gobolka Banaadir iyo inuu kala xisaabtamo masuuliyad darada ka muuqata magaalada ama waa inuu aqbala inay kala dhintaan isaga iyo shacabka caasimada degan. The post Shabaab oo ka faa’iideysatay dayac maamul oo Muqdisho ka jira – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulanka isuduwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda, si loo dar-dargaliyo howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan Qaran iyo adeegyadda dowladda ee sannadka 2023. Shirka ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadyada xukuumadda ee dhinacyada mashaariicda iyo horumarinta arrimaha bulshada gaar ahaan barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab oo ay hada ka socoto dib u soo noolaynta adeegyadii aassaasiga ahaa ee bulshada, isla markaana sanadkan qorshuhu yahay in si dhamaystiran u hirgalaan mashaariicdaasi lagu hormarinayo deegyada bulshada. Xamse ayaa gabagabadii shirka ku bogaadiyey xiriiriyaasha iyo iskuduwayaasha mashaariicaha kala duwan shaqooyinkii ay soo qabteen, isagoo tilmaamay sanadkana looga fadhiyo in ay hir galiyaan mashaariico intii hore ka badan oo dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey Al-shabaab oo dadka deegaannada ku dhaqan la tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay sida uu hadalka u dhigay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Mogadishu (Caasimada Online) – On Saturday, a helicopter belonging to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) crashed during a joint training mission for casualty evacuation drills. The incident occurred at the Baledogle airstrip in the Lower Shabelle region and resulted in the death of three individuals. Eight others sustained injuries and were evacuated to Mogadishu for urgent medical attention. In an official statement, the mission reported that the helicopter was on a joint familiarization training mission for Casualty Evacuation (CASEVAC) drills with officers from the Somali National Army. The cause of the crash is still under investigation, and the AU mission has promised to keep the public informed of any new developments. The Baledogle airstrip is also used by US military forces. According to the mission statement, the injured individuals were taken to Somalia’s capital, Mogadishu, for treatment. The Head of ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, commiserated with the families of the deceased and pledged the mission’s support to the injured individuals. ATMIS in Somalia African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), previously known as AMISOM, is a peacekeeping mission authorized by the African Union and the United Nations. Its objective is to support the Federal Government of Somalia in its effort to establish a secure and stable environment for the people of Somalia. AMISOM was established in 2007, and since then, it has played a critical role in helping to stabilize the security situation in Somalia. Its mandate includes protecting key political installations, providing security for the delivery of humanitarian aid, and training and mentoring the Somali National Army. The mission comprises troops from several African countries, including Kenya, Uganda, Burundi, Djibouti, and Ethiopia. The troops closely coordinate with Somali security forces to promote stability and security across the country. DANAB forces The Danab Forces are a specialized unit within the Somali National Army (SNA), primarily focused on counterterrorism operations in Somalia. The unit was created in 2013, with the support of the United States government, in response to the growing threat of Al-Shabab, a terrorist group active in Somalia, for over a decade. “Danab” means “lightning” in Somali, reflecting the unit’s quick response capability and agility. The Danab Forces are known for their specialized training in tactics, including close-quarters combat, marksmanship, and intelligence gathering. They have received extensive training and support from the United States military, including assistance from the U.S. Special Forces. Since their formation, the Danab Forces have been deployed in several operations against Al-Shabab, including in the Lower Shabelle region of Somalia, where the group has a strong presence. The post SOMALIA: Three dead in ATMIS helicopter crash appeared first on Caasimada Online.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay sababta ay ciidamadeedu uga baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood iyo aaggaga ka agdhaw. Somaliland ayaa sheegtay in ka bixista ciidamadeeda ee goobahaasi uu yahay qorshe ay dhankeeda ku dhaqan-gelinayso xabad joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd oo soo saaray war-saxaafadeed ku qoran luuqada Ingiriiska, ayaa waxa ku sheegay in tallaabadan ay u qaadeen si ay beesha caalamka iyo bulshada Somaalida ugu muujiyeen in dhankooda ay ka go’an tahay xabad joojin hirgasha. “Arrinta ka socota Laascaanood waxay xukuumadda kalsooni ku qabta in xal laga gaari doono. Si loo yareeyo dhibaatada soo gaadhaysa shacabka iyo markii aanu garwaaqsanay baaqyada nagaga imanaya muwaadiniinta iyo saaxiibadayada caalamiga ah waxaa saaka xilli hore dib looga soo qaaday ciidamada Somaliland fadhiisimihii jiidda hore, iyaga oo iskugu tagay saldhigyo cayiman,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in Laascaanood aysan gabaad u noqon kooxaha argagixisada, isaga oo ku baaqay in ciidamada deegaanka ee hubeysan ay si deg deg ah uga baxaan magaalada Laascaanood. “Jamhuuriyada Somaliland waxay meel adag ka taagan oo ay ka hortageysa dhamaan xoogaga maleeshiyaadka ee huwanta ah oo ay ku jiraan kuwa xagjirka ah ee ku abuurmay Laascaanood in ay si deg deg ah uga baxaan.” “Ciidamada Somaliland waxay awood buuxda u leeyihiin inay qaadan tallaabooyin kasta oo lagama maarman u ah adkeynta iyo ilaalinta nabad-gelyada, iyo weliba dhowrista & jiritaanka Qaranka.” Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi ay ka go’an tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisada taagan, islamarkaana ay socdaan dadaaladii nabada ee uu kal hore bilaabay madaxweynaha Somaliland. “Somaliland waxay awood u lahayd waligeed, oo haddana ka go’an in ay arrimaheeda gudaha iyadu xal ka gaadho, sidaas oo aanu yeelnay todobanaan sanno. Anaga oo nabada iyo dimuquraadiyadayada ilaashanayna, dowladu waxay ku kalsoon tahay in xaaladda hadda ee Laascaanood la xalin doono.” Somaliland ayaa xalay xilli dambe illaa saaka waaberigii faarujisay fadhiisimihii iyo saldhigyadii ay ku laheyd magaalada Laascaanood iyo aaggaga ka agdhaw, kuwaasi oo qaarkood ay la wareegeen ciidamada deegaanka ee SSC, kadib markii ay ka baxeen ciidamada Somaliland. The post Somaliland oo shaacisay qorshaha ka dambeeya faarujinta saldhigyo dhowr ah appeared first on Caasimada Online.