Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq uga qeyb galay meerteeda 34-aad ee Midowga Baarlamannada dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladaha amni iyo dhaqaale ee wadamada Ururka Jaamacadda Carabta. Shirweynaha 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo maanta ka furmay magaalada Baqdaad ayaa looga hadlay taageerada Carabta, si kor loogu qaado xasiloonida iyo madax banaanida dalka Ciraaq, iyadoo madaxdu ay isla eegeen guddiga fulinta go’aamadii ka soo baxay shirweynihii 32-aad iyo Shirweynihii 33-aad ee deg-degga ahaa, arrimaha maaliyadda, xisaabta kama dambaysta ah ee sanadka 2022-kii iyo barnaamijka qabyo-qoraalka barnaamijka shaqada. Madaxda shirka ka qeyb gashay qaarkood ayaa soo jeediyay in la taageero codsiga ah in qodob degdeg ah lagu daro ajandayaasha golaha guud ee 146-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka ee uu soo gudbiyay Golaha Shuurada ee Dawladda Qatar, oo wakiil ka ah Kooxda Baarlamaanka Carabta, oo ciwaankeedu yahay in la dambiyo quursiga diinta, ku xad-gudubka goobaha cibaadada iyo xurmada, faafinta nacaybka dadyowga dhexdooda, iyagoo ku baaqay in la horumariyo qiimaha wada-noolaanshaha, dulqaadka, nabadda iyo amniga caalamiga ah. Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay in la sameeyo wafdi ka socda Midowga Baarlamaanka Carabta oo booqasho ku tagay walaalaha Suuriya, isla markaana la caddeeyo taageerada iyo garab istaaga dowladda iyo shacabkeeda, kuwaas oo waxyeello kasoo gaartay dhulgariirkii 6-dii bisha ku dhuftay xadka dalkaas uu la wadaago dalka Turkiya, waxaana inta la xaqiijiyay geerida 43,000 oo labada shacab ah, iyado sidoo kale ay dumeen guryo ku dhow 400,000. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Rasaas xooggan ayaa saacadihii u danbeeyay laga maqlaya gudaha Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood. Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde ayaa rasaastaas ridaya sida wararku sheegayan. Weli ma cadda in rasaastaasi tahay iska hor-imaad ka dhex qarxay ciidamada Somaliland iyo in ay tahay xeelad dagaal oo lagu mashquulinayo xoogagga SSC. Ciidamada Somaliland ayaa shalay jab xooggan kala kulmay dagaalkii u danbeeyay ee ka dhacay Laascaanood. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee rasaas xooggan oo laga maqlayo gudaha Taliska Gooja-cadde appeared first on Puntland Post.
  3. Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay duleedka xerada Ballidoogle oo ku taalla gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lagu tababaro ciidanka Danab. Shilkan ayaa yimid, kadib markii ay diyaraad Helicopter ah la dhacday ciidamo ka tirsan DANAB, xili ay ku guda jireen tababar. Mid kamid ah askata ku jirta xeradaasi oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in askarta Soomaalida ah ee la socday diyaaradda ay ahaayeen illaa sideed askari, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shilka ay ku galeen gobolka Sh/ Hoose. Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay shilkan, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo kamid ah ciidamada Danab ee ku jiray tababarka. Sidoo kale waxaa diyaaradda saarnaa laba askari oo kasoo jeeda dalka Uganda iyo mid cadaan ah oo ahaa Pilot-ka diyaaradda, kuwaas oo iyaguna ay dhaawacyo soo gaareen. Askarta geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa ku guda jiray inay bartaan sida loo howlgeliyo diyaaradaha, taas oo qayb ka aheyd tababarka ay ku qaadanayeen halkaasi. Waxaa sidoo kale askartaan ay mid ahaayeen ciidankii uu dhawaan ra’iisul wasaare Xamza ku booqday xerada Ballidoogle oo ay gacanta ku hayaan saraakiil Mareykan ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi. Si kastaba, xerada Ballidoogle ayaa waxaa si gaar ah loogu tababara ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qalab iyo taageero ka helo dowladda Mareykanka. The post Askar ka tirsan DANAB oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ballidoogle appeared first on Caasimada Online.
  4. A family prepares a meal of beans in hunger-stricken Turkana County in Kenya. Economies in the greater Horn of Africa are expected to take further beating from ongoing drought. PHOTO | FILE | NMG Economies in the greater Horn of Africa are expected to take further beating from ongoing drought, which regional bloc Intergovernmental Authority on Development (Igad) says will see another poor rainy season in the coming months. Source: Hiiraan Online
  5. Kumanaan rayid ah oo ku bara-kacay colaadda Laascaanood ayaa u baahan gurmad banii’aadanimo oo mug weyn. Duqaymaha iyo dagaallada 20 cisho ee u danbaysay ka socday Laascaanood ayaa sababay bara-kaca kumanaan rayid ah oo u badan haween iyo carruur. 185,000 kun oo rayid ah islamarkaana ka baxsaday colaadda Laascaanood ayaa ku bara kacay gudaha dalka sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. In ka badan 60,000 kun oo qof ayaa sidoo kale u qaxay dhinaca dowlad degaanka DDS ee dalka Itoobiya sida laga soo xigtay UN-ka. Bara-kaca shacabka Laascaanood ayaa ku soo beegmay wakhti adag oo jiilaal ah waxaana sida la sheegayo aad u hooseeya heerka gurmad ilaa iyo hadda loo fidiyay. PUNTLAND POST The post Kumanaan ku bara-kacay colaadda Laascaanood oo u baahan gurmad mug weyn appeared first on Puntland Post.
  6. Tirinta codadka ayaa ka socota Nigeria kaddib doorashadii madaxtinnimo ee ugu adkeyd tan iyo markii uu dhammaaday xukunkii militariga sannadkii 1999. Dadka u soo baxay codeynta ayaa aad u badan, iyadoo da’yar badan, markoodii ugu horreysay codeynaya ay goobaha codbixinta sii tageen aroor hore. Codbixintii shalay ayaa waxaa hadheeyay dib u dhac baahsan oo ka jiray goobaha codbixinta, iyo sidoo kale kale warar sheegaya in la xaday sanduuqyada codbixinta iyo weerarro ay geysteen rag hubeysan. Xisbiyada qaar ayaa walaac ka muujiyay sheegashooyin la xidhiidha wax is daba marin, taasoo horseedi karta natiijo lagu murmo. Doorashooyinkan ayaa ah kuwa dimuqraadiyadeed ee ugu waaweyn Afrika, iyadoo ilaa 87 milyan oo qof la ansixiyay inay codeeyaan. Siyaasadaha ayaa waxaa hadheeyay laba xisbi – kan tallada haya APC iyo PDP – tan iyo markii la soo celiyay hannaanka dimuqraaddiga ee axsaabta badan 24 sanno kahor. Balse markan, waxaa sidoo kale jira loollan adag oo ka imaanaya musharraxa xisbi saddexaad oo doonaya inuu beddelo Madaxweyne Muhammadu Buhari – waana ninka ka socda Xisbiga Shaqaalaha, Peter Obi, kaasoo taageero ka heysta da’yar badan. Tobnaan kun oo goobaha codbixinta ah ayaa tirinaya natiijada, taasoo loo diri doono xarumaha waaweyn ee guddiga doorashada ee ku yaalla caasimadda Abuja. Natiijada kama dambeysta ah ayaa la filayaa inay soo baxdo ilaa ugu yaraan salaasada. Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay, guddoomiyaha guddiga doorashada, Mahmood Yakubu, wuxuu raalligelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid codbixinta, balse wuxuu sheegay in cid walba oo saf ku jirtay abbaaro14:30 xilliga dalkaas (13:30 GMT) loo oggolaan doono inay dhiibtaan codkooda, xitaa haddii goobaha codbixinta loogu tallogalay in xilligaas si rasmi ah ay u xidhmaay. Codbixiyeyaasha magaalada ugu weyn, Lagos, ayaa farxad muujiyay markii ay saraakiisha doorashada gaadheen goobta codbixinta ee ku taalla xaafadda Lekki ku dhowaad afar saacadood kaddib markii codbixinta si rasmi ah loo xidhay. Kahor codbixinta waxaa hadheeyay yaraanta lacagta caddaanka ah oo ay sababtay isku day lagu doonayay in dib loogu qaabeeyo lacagta dalkaas, taasoo sababtay jahwareer baahsan oo ka dhacay bankiyada iyo mashiinnada lacagaha iyadoo dadku ay ku dhibaatoodeen inay helaan lacagahooda. Lacagaha cusub ayaa la soo saaray si wax looga qabto sicir bararka, iyo sidoo kale iibsashada codadka. Maalintii doorashada xubin ka mid ah Aqalka Wakiillada ayaa la xidhay isagoo sitay ku dhowaad $500,000 (£419,000) oo kaash ah, iyo liiska dad uu doonayay inuu u qeybiyo, sida ay booliisku sheegeen. Cid walboo guuleysata ayaa waxaa horyaalla dib u qaabeynta lacagta, dhaqaale sii xumaanaya, shaqo la’aanta dhalinyarada iyo ammaan darro baahsan oo sababtay in ilaa 10,000 oo qof la dilo sannadkii hore. Codbixiyeyaasha ayaa codkooda siinaya 109 senatarro federal ah iyo 360 xubnood oo aqalka wakiillada ah, iyadoo badhasaabyada gobolladana doorashadooda la qaban doono bisha March. Doorashada waxaa aad u daneynaya da’yarta – iyadoo saddex meelood meel dadka codeynaya ay da’doodu ka hooseyso 35. Musharraxa si uu u guuleysto wuxuu u baahanyahay inuu helo codadka ugu badan iyo 25% sanduuqyada codbixinta ee saddex meelood ka labo 36-da gobol ee Nigeria. Haddii kale, waxaa la qaban doonaa doorasho ku celis ah muddo 21 gudahood ah – waxayna markaas noqoneysaa tii ugu horreysay ee la qabto taariikhda Nigeria. Source
  7. Mogadishu (HOL) - Somali police forces have apprehended three armed men suspected to be members of al Shabab in an operation carried out in Mogadishu's Deyniile district on Saturday night. Source: Hiiraan Online
  8. The Safaricom-led consortium in Ethiopia will pay $150 million (KSh18.9 billion) as licence fees to roll out M-Pesa in the populous nation if the proposed regulations by the Horn of Africa country are passed. Source: Hiiraan Online
  9. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo gudaha magaalada Laascaanood oo ay dagaallo culus ka socdeen 21 maalmood ee lasoo dhaafay. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in deganaasha uu yimid, kadib markii ay dib u garasho sameeyeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaaladaasi. Ciidamada milatariga Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay xalay isaga baxeen inta badan goobihii ay difaacyada uga jireen, waxaana la wareegay ciidamada deegaanka. Meelaha ay ka baxeen ciidamada waxaa ka mid ah guriga gobolka Sool oo ay saaka ku waabariisteen dadka deegaanka ee reer Laascaanood. Sida ay muujiyaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ciidamadda deegaanka ayaa gurigaas ka furay calanka Somaliland, waxayna ka taageen calanka buluuga ah ee Somalia. Sababta ay ciidamada Somaliland uga baxeen difaacyadooda ayaa waxaa lagu macneeyay laba arrimood midkood kuwaas oo kala ah: 1- Dib u gurasho xeelad dagaal iyo in ay isku dayayaan in ay duulaan kale oo abaabulan soo qaadaan. 2- In ay gebi ahaanba qaateen baaqyadii caalamiga ahaa ee soo baxayey kuwaas oo ahaa in iney isaga baxaan gobolka. Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, waxaana magaaladaasi shalay ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee dhex-mara labaa dhinac, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi. Si kastaba, tirada guud ee dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 150 qof, halka uu dhaawacana uu ka badan illaa 500 oo kale, kuwaas oo u badan dad rayid ah. The post Ciidanka Somaliland oo dib uga baxay difaacyadoodii LAASCAANOOD + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  10. Addis Abeba – Education office of the drought hit Borana zone of Oromia region in southern Ethiopia said more than 7,800 students have been forced out of school as the impact of the drought gets severe. Source: Hiiraan Online
  11. Addis Abeba – Education office of the drought hit Borana zone of Oromia region in southern Ethiopia said more than 7,800 students have been forced out of school as the impact of the drought gets severe. Source: Hiiraan Online
  12. RIYADH: Millions of people are at risk of starvation in East Africa as the region tackles its worst drought on record, according to a senior UN official. Source: Hiiraan Online
  13. Essa Kayd Mohamoud is the foreign minister of Somaliland, a de-facto state that has yet to be recognized by the international community, including the African Union and the United Nations. Source: Hiiraan Online
  14. Midowga yurub ayaa ansixiyay tiro cunaqabateyn ah oo cusub oo la saarayo Ruushka, kadib hal sano oo dowladdaasi ay dagaal ka waddo gudaha Ukrine. Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirka Magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ,ayaa lagu sheegay in cunaqabateynno dheeraad ah oo dhanka ganacsiga ah la saaray Ruuushka. Tirada cunaqabateynta ee la saaray dalkaasi waxaa ka mid ah xayiraadaha dhoofinta ku saabsan badeecadaha iyo in laga hortago kuwa Ruushhka ku taageera diyaaradaha Drooniska ee lagu weeraro Ukrine. Cunaqabateynadaan ayaa ah kuwii ugu adkaa ee ay soo rogaan Wadamada xubnaha ka ah EU-da, si ay Ukrine uga caawiyaan in ay ku guuleysato dagaalka. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo Cunaqabateyn saaray dalka Ruushka appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay jabka kooxda Al-Shabaab ka gaaray howl-galada ka dhanka ah ee dalka ka socda ayaa waxaa sii xoogeystay khilaafka iyo kala shakiga ka dhashay jabka soo gaaray ee ka dhex jira horjoogayaasha kooxda. Dowladda federaalka ayaa markale shaacisay xogo iyo faah-faahino dheeraad ah oo ku saabsan horjoogayaasha kooxda daacada u ah oo uu go’doomiyay Mahad Karataay, oo ay sheegtay in uu ka faa’iideysanayo xaaladda caafimaad darro ee uu ku jiro amiirka guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye. Horjoogayaasha go’doonka ku jira oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali waxaa ugu horeeya horjooge Xasan Afgooye oo kasoo jeeda xaafada Damalay ee degmada Afgooye ahaan jirayna horjoogihii horjoogayaasha dhaqaalaha baadda ah ay kooxda xoogga uga qaadi jirtay dadka Soomaaliyeed, waxaana uu go’doon ku yahay degmada Jilib oo uusan dhaafi kareyn. Xasan Afgooye ayaa kamid ahaa dadka aadka ugu dhawaa horjoogihii Shabaab ee ifka laga khaarajiyey Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane, wuxuuna si gaar ah ugu qaabilsan xagga cuntooyinka iyo biilasha. Horjooge Farxaan Kaahiye oo kasoo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, horena u noqday horjoogihii ugu sareeyay waxa ay ugu yeeraan Jabhada. Farxaan oo la rumeysan yahay in uu kamid ahaa horjoogayaasha kooxda sida weyn daacada ugu ahaa, ayaa waxa uu hoggaamiyey weeraro argagixiso oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku naf waayey, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin degmada Jilib. Horjoogayaasha ay kooxda Al-Shabaab u go’doomiyeen fashilka iyo jabka kasoo gaaray gobollada dhexe ee dalka waxaa kamid ah Horjooge Nuur Dheere oo kasoo jeeda deegaanka Bacaad-Weyne ee gobolka Mudug, waxa uuna go’doon ku yahay deegaanka Kuuya-Barow ee Shabeellaha Hoose. Horjooge Ismaaciil Cosoble oo kasoo jeeda degmada Cadaado oo mar horjooge u noqday kuwa dhagarta, dilalka gaadmada iyo weerarada argagixiso ka fuliya gobolka Banaadir, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin gobolka Jubbada Dhexe. Marka laga soo tago horjoogayaasha Soomaalida ah waxaa jira horjoogayaal Ajaanib ah oo iyaguna la go’doomiyey, waxaana kamid ah; Horjooge Muuse Muhaajir oo kasoo jeeda magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Horjoogahan ayaa waxa uu hoggaamiyey weeraro argagixiso oo kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin gobolka Jubbada Hoose. Kenya aad ayay u doon-dooneysa horjoogahaas. Horjooge Macalin Jinaaw oo kasoo jeeda deegaanka Xawaad-barbar ee gobolka Baay, islamarkaana ahaa horjoogihii kooxda ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa kamid ah horjoogayaashii hoggaaminayey weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyeen deegaano iyo magaalooyin ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna isagna kamid yahay horjoogayaasha xanibaada lagu soo rogay. Dhamaan horjoogayaashan oo markii hore ahaa kuwa saameyn ku leh kooxda Al-Shabaab, qeybna ka ahaa dhagaro iyo shirqoolo umadda Soomaaliyeed loo geystay, ayaa waxaa u billowday maalmahoodii madooba, maadaama aysan socdaali karin, kulmi karin, tagi karin magaalooyinka, telefoono isticmaali karin iyo in xitaa aysan la kulmi karin xaasaskooda. The post Xog: Al-Shabaab oo xanibaad kusoo rogtay horjoogayaal Soomaali iyo ajaanib ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo si adag uga hadlay kiiska Weriye Cabdalla Muumin ayaa sheegay in wiilkooda ay ku dhegan yihiin rag isku ehel ah, sida uu hadalkiisa u dhigay. Xildhibaan Jeesow ayaa carabka ku adkeeyey in Weriye Cabdalla uu u afduuban yahay afar wiil oo walaalo ah, isla markaana uu yaqaano cida dishay hadii ay dhibaato soo gaarto. “Cabdalla hadii dhereg uu u dhinto cida dishay waan aqaan, afar wiil oo walaalo ah ayuu u afduuban yahay ninkaas, ragas waxay aaminsan yihiin inay yihiin milkiilayaasha dowladda,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow. Xildhibaanka ayaa sheegay in guddoomiyihii horay u xukumay Weriye Cabdalla Muumin oo xafiiskiisa ugu tegay, isla markaana uu weydiiyey cidda sii deysay Cabdalla oo markii hore lagu xukumay xabsi. “Waxaan weydiiyey guddoomiyaha, wiilkaan markaa xukuntay xabsi ayuu u soo diyaar garoobay ee yaa soo daayey? Wuxuu igu yiri ma ogi cid deysay, yaa hadda soo xiray ayaan dhahay? Ma ogi ayuu iigu jawaabay, yaa soo dacweeyey ayaan dhahay? Ma ogi ayuu igu yiri,” ayuu yiri Jeesow. Intaas kadib wuxuu sheegay in maxkamadda racfaanka uu tegay, isla markaana loo sheegay in cid racfaan ka qaadatay kiiskaas aysan u imaan maxkamadda. “Waxaan iri yuu Cabdalla u xiran yahay? Waxaa la iigu jawaabay ma ogi, madaxdii garsoorka oo dhan waxay sheegi waayeen cidda uu Cabdalla u xiran yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa carabka ku adkeeyey in la gara waayey cidda uu u xiran yahay Weriye Cabdalla Muumin, markii la weydiiyey hey’adaha garsoorka “Anagu waa naqaan, laakiin nin ku dhiirada waa la waayey afar xildhibaan anagoo ah ayaan hey’adaha garsoorka ku soo wareegnay,” ayuu yiri Jeesow. Xildhibaanka oo hadalkaan ka jeediyey kulan uu la yeeshay xubno ka mid ah beeshiisa Gaaljecel ayaa reerka kula dardaarmay in dowladaan aysan waxaba ka sugin ee dhulkooda ay xoreystaan, kadibna ay beerahooda tabcadaan. Wuxuu ku faanay in dhul qani ah oo beerashada ku fiican ay cidiisu degto, balse ragga dowladnimada ku dulminaya aysan dhul laheyn, sida uu hadalka u dhigay. Marar badan ayaa kiiska Weriye Cabdalla Muumin lagu eedeeyey wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, laakiin ma jirto wax cadeyn ah oo ilaa hadda lasoo bandhigay, waxaana xusid mudan in Cabdalla oo maalmo ka hor lasii daayey hadana lasoo xiray. The post Xildhibaan Daahir Jeesow oo hanjabaad culus kasoo saaray kiisa Cabdalla Muumin appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen illaa saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku howlanaayeen in falal ammaan darri ay ka geystaan gudaha degmada Dayniile. “Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Deyniile ee Taliska Qeybta ee Gobalka Banaadir oo Ku jira Howgal Habeenimo ayaa gacanta ku dhigay Koox seddex oo kamid Khawaarijta Al-Shabaab kuwaas oo ku howlwanaa falal amni darro oo ay u maleegayeen Dadka Shacabka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu Booliska shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay hubkii ay wateen raggaan iyo mooto Bajaaj ay isticmaalayeen, xilliga lasoo qabanayay. Taliska ayaa intaasi kusii daray in raggan ay haatan ku jiraan gacanta dowladda, isla-markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. “Ciidanka ayaana soo qabtay iyaga iyo moota bajaaj ay wateen, sidoo kale dhagar qabayaashaan ayaa watay Qori RBG ah, waxeeyna haatan ku jiraan gacanta Ciidanka Ammiga,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Taliska Booliska. Waxa kale oo uu Booliska Soomaaliya sheegay in uu sii wadi doono howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weeraada. Khamiistii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Booliska Gobolka Banaadir uu hub iyo shabakad ka tirsan Al-Shabaab uu kusoo bandhigay saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay gudaha caasimada, waxaana todobaadyadii lasoo dhaafay ay weeraro xoogan ka fulisay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeeyay weerarkii degmada Cabdicasiis. The post Xubno SHABAAB ah iyo hubkooda oo lagu qabtay MUQDISHO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ehallada Dr. Caa’isha Abuukar, oo ah gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa si caro leh uga hadlay warar laga faafiyey kiiskeeda, xilli weli ay baaris socoto. Ehellada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah u tilmaamay Cabdifataax Barre, oo ah agaasimaha waxbarashada maamulka gobolka Banaadir, oo boggiisa Facebook soo dhigay qoraal ku saabsan sababta ay gabadhha u geeriyootay, sida isaga uu sheegay. Qoraalkaas oo markii dambe uu ka saaray boggiisa, ayuu Cabdifataax Barre ku sheegay in Caa’isha Abuukar ay u geeriyootay cudurka gaaska, islamarkaana la bari yeelay Maan Cabaas, oo ah wiil loo xiray oo lagu tuhmay dilka, balse weli aysan maxkamad ku caddeyn. Ehallada Dr. Caa’isha ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in qof xil muhiim ah ka haya dowladda federaalka iyo maamulka gobolka uu marin habaabiyo kiiska, ayada oo weli ay socoto baaritaanka, islamarkaana hay’adaha dambi-baarista ee dalka Masar aysan weli go’aan ka gaarin kiiska. Dhinaca kale, ehellada ayaa ku eedeeyey safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar inay faro-gelisay kiiska, oo ay ka shaqeysay in lasii daayo eedeysanaha. Waxay intaas ku dareen in safaaradda ay u shaqeyso umadda Soomaaliyeed oo idil, islamarkaana ay tahay wax aan la aqbali karin inay kiiska faro-gelisay oo ay u eexato mid ka mid ah dhinacyada isku haya. Waxay ugu baaqeen inay faraha kala baxdo kiiska, oo ay u dayso hay’adaha sharciga ah ee dalka Masar. Waxay ugu dambeyn ugu baaqeen dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir inay tallaabo ka qaadaan Cabdifataax Barre, oo ay ku eedeeyeen inuu marin-habaabinayo kiiska Dr. Caa’isha Abuukar, oo weli baaritaankiisa uu socdo. The post Daawo: Ehellada Dr. Caa’isha Abuukar oo ka jawaabay warar laga faafiyey kiiska dilkeeda appeared first on Caasimada Online.
  19. 55 qof oo ka tirsan qaybaha bulshada Somaliland oo ay ku jiraan abwaanno, qoraayo, dad arimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa iyo xirfadlayaal ay ka mid yihiin macallimiin jaamacadeed, dhakhtarro, qareeno iyo ijineero ayaa soo saaray qaylo dhaan ku saabsan Laascaanood. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh, waxaana dambeyntii maleeshiyaadka kooxda loogu tegay godadkii ay ku dhuumanayeen ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Abuukar Axmed Cabdulle oo ah Taliyaha Macaawisleyda ee deegaanka Ceelbaraf iyo nawaaxigeeda oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegeen gododkii ay ku dhuumaleysanayeen ee Beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle ee gobolka Sh/Dhexe. “Gododkan ayay ku jireen oo ay ku dhuumanayeen, naf jecli inta ay ka qabaan god inta ay qoteen sida bahaladii oo baco lagu raray oo qoryo la saaray ayaa carro dusha looga shubay,” ayuu yiri Taliye Abuukar. “Intaas waxaa u geynayo oo juqdaas geliyay waxa waaye cabsi, haddii ay geesayaal yihiin waxay noo istaagi lahaayeen bannaankaas ama waddooyinka, waa fuleynimadooda.” Xasan Hiiraale oo kamid ah saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale waxa uu warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada huwanta ay sii baacsanayaan firxada Shabaab, oo uu sheegay inay u baxsadeen deegaanada fog-fog. “Nimanka harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda inaan maalmahan baacsigooda ku jirnay, Illaaha-Mahad-leh oo maanta namakinay meesha aan joogno, meesha aan joogno waa beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle,” ayuu yiri. Maleeshiyaadkii Shabaab-ka ahaa ee ku sugnaa halkaasi ayaa goobta kaga cararay hub iyo agab kale, kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Macaawisleyda. Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa gebi ahaanba laga sifeeyay tuulooyinka Wabiga dhanka galbeed iyo dhanka bari ka saaran, goobahaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada gaadmada ah ee ay ka fulin jireen gobollada Sh/Hoose iyo Hiiraan. The post Sawirro: Al-Shabaab oo looga daba tegay gododkii ay ku dhuumaaleysanayeen appeared first on Caasimada Online.
  21. Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada dalka Turkiga ayaa hawlgal qorshaysan ka sameeyey woqooyiga dalka Syria, waxayna dileen nin lagu eedaynayey inuu ka dambeeyey qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Istanbul, sida ay baahisay warbaahinta Turkigu. Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay Arbacadii fuliyeen ciidamada sirdoonka ee Turkigu inay dileen Halil Menci oo ay ku tilmaameen inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii lagu qaaday Istanbul bishii November 13-keedii, hawlgalkan qorshaysan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Qamishli. Ururka dusha kala socda hawlaha xuquuqda aadanaha ee Syria ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu inay ku dileen qof rayid ah, isla markaana ay dhaawaceen taliye Kurdish ah. Rami Abdulrahman oo hoggaamisa guddidan kormeerka ayaa sheegtay in qofka rayidka ah ee lagu dilay weerarku inuu ahaa, shakhsi caan ku ah dhinaca tahriibinta dadka la geeyo Turkiga. Ninkan ayaa hore isaga fogeeyey eedaha uga yimi dalka Turkiga oo ahaa, inuu dalkaas u tahriibiyey Ahlam Albashir oo ahayd haweenaydii lagu eedaynayey inay weerarka ka geysatay Istanbul. Weerarkii dhacay bishii November 13-keedii ayay ku dhinteen lix qof oo ay ku jiraan laba caruur ahi, halka ay ku dhaawacmeen illaa 80 qof oo kale. Turkiga ayaa ku eedeeyey kooxda PKK ee Kurdiyiinta, hase ahaatee kooxdaas ayaa iska fogaysay eedaha loo jeediyey. AP, VOA The post Ciidamada Turkey oo howlgal qorsheysan ku dilay maskaxda weerarkii magaalada Istanbul appeared first on Caasimada Online.
  22. New York (Caasimada Online) – Two accused Somali pirates, Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan, have been found guilty of six charges related to the 2012 abduction of German-American journalist Michael Moore. The verdict was announced by Damian Williams, the United States Attorney for the Southern District of New York, who praised the decision as a reflection of the United States’ unwavering commitment to prosecuting international kidnappers to the fullest extent of the law. Mohamed Tahlil Mohamed, a Somali Army officer, and Abdi Yusuf Hassan, the Minister of Interior and Security for the province in Somalia where the journalist was held captive, were key players in the extortion of a significant ransom from the journalist’s mother. Both were found guilty by a unanimous jury on all six counts. The verdict of their trial has sent a strong message about the United States’ commitment to prosecuting international kidnappers fully. In this article, we will explore the details of Michael Scott Moore’s abduction, the subsequent investigation that led to the conviction of Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan, and the implications of their trial for international kidnapping cases. I. Michael Scott Moore’s abduction Michael Scott Moore In January 2012, Michael Scott Moore was a freelancer for the German publication Spiegel Online in Galkayo, a city in the Puntland region of Somalia. He was conducting research for a book on piracy when a group of armed men kidnaped him. Moore was held captive for 977 days, during which he was subjected to beatings, malnutrition, and isolation. Moore’s captors initially demanded a ransom of $20 million for his release. However, negotiations between Moore’s mother and the kidnappers led to a reduced demand of $1.6 million, which was paid for his release in September 2014. II. Investigation and arrest of the pirates After his release, Moore published a book titled “Desert and the Sea: 977 Days Captive on the Somali Pirate Coast, ” chronicling his harrowing experience. In the book, Moore reveals that Mohamed Tahlil Mohamed, a Somali Army officer, was “the boss” of the guards who held him captive. Two months after his release, Moore was contacted on Facebook by Mohamed Tahlil Mohamed, who informed him that the pirates who had held him hostage, had killed each other over group vendetta and money issues. It’s unclear how Mohamed Tahlil Mohamed was apprehended, but he was arraigned and jailed in New York City in the summer of 2018. Abdi Yusuf Hassan, who allegedly served as a translator and was accused of negotiating Moore’s ransom, was arrested in February 2019 in Minneapolis. He was held without bail until his trial after a judge deemed him a flight risk and “danger to the community.” III. Legal proceedings and conviction In May 2021, Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan were found guilty of six charges related to the abduction of Michael Scott Moore. A unanimous jury convicted the two pirates of conspiracy to provide material support for acts of terrorism, hostage-taking, conspiracy to commit piracy under the law of nations, kidnapping, and threatening a U.S. national with a weapon of mass destruction. The verdict of the trial reinforces the United States’ willingness to prosecute international kidnappers and holds them accountable for their crimes. The sentencing of Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan is scheduled to take place later this year. The two pirates could face life imprisonment for their role in the abduction of Michael Scott Moore. IV. Implications of the Trial The conviction of Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan has significant implications for international kidnapping cases. The verdict of the trial reinforces the United States’ commitment to pursue and prosecute individuals involved in the kidnapping of American citizens, no matter where they are in the world. Furthermore, the verdict of the trial highlights the importance of international cooperation in combating transnational crimes such as piracy and kidnapping. The successful investigation and prosecution of Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan resulted from a joint effort by the United States and its international partners. The case underscores the need for continued cooperation among nations to combat such crimes and bring those responsible to justice. The post Two Somali pirates convicted for abducting Michael Moore appeared first on Caasimada Online.