Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo maanta ay kula wareegtay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saanadan ciidan oo Mareykanka ugu deeqay ciidamada xoogga dalka, ayaa waxa howl-wadeenada safaaradda kala wareegay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage. Wasiir Jaamac oo ka hadlay munaasibada ay kula wareegeen saanadan ciidan ayaa waxa uu sheegay inay iskugu jirto hub iyo rasaas, taasi oo wax weyn ka tari doonta dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab. “Waxaan halkan uga mahad-celinayaa guud ahaan dowladda Mareykanka taageerada hagar la’aanta ee ay na-siinayaan waqtiga muhiim ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab dagaal aad u xoog u badan oo xaqiiqdii aan aaminsanahay in kaalmadooda wax weyn ka tahay,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in taageerada Mareykanka uu maanta soo gaarsiiyay ay kusoo aaday xilli loo baahna, islamarkaana ay meel xasaasi ah marayaan howl-galada ka socda dalka. “Maanta in dowladda Mareykanka ay soo gaarsiiso taageeradaan dhinaca saanada hubka oo la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya waxay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonta tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho. Waxay sare u qaadi doonta iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada.” Hubka iyo saanada ciidan ee maanta ay la wareegtay dowladda federaalka ayaa waxaa si gaar ah loogu tala-galay Ciidamada kumaandooska Danab, oo uu tababaray Mareykanka. Horraantii sanadkan ayay aheyd markii uu sidan oo kale Mareykanka uu dowladda Soomaaliya u soo gaarsiiyay hub ay ugu tala-galeen isla ciidanka Danab, oo iyagu kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda dalka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: DF Soomaaliya oo Mareykanka kala wareegtay hub iyo saanad ciidan appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii dalbaday in laga cafiyo dib u dhacyada samata-bixinta, xilli uu booqday mid ka mid ah goobaha uu sida darran uu ugu dhuftay dhul-gariirkii dalkaas ka dhacay bishan horraanteeda. Erdogan, oo raadinaya muddo xileed kale oo xilka madaxweyne ah kadib labaatan sanno uu awoodda hayey, ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay dadka ka badbaaday dhul-gariirka ee magaalada Adiyaman ee koonfurta-bari. Doorashadii 2018, Erdogan ayaa si xooggan mucaarada ugu garaacay gobolkaas. “Saamaynta ba’an ee dhul-gariirkii iyo cimilo-xumada awgeed, ma aanan awoodin in aan sidii aanu doonaynay ugu shaqayno magaalada Adiyaman maalmihii ugu horreeyay, raali galin ayaan ka bixinayaa arrintan,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan. Dhul-gariirkii 6-da February ayaa Turkey ku dilay in ka badan 44,000 oo qof, halka kumanaan kalena ay ku dhinteen dalka deriska la ah ee Syria. Wakaaladda wararka AFP ayaa 10-kii February werisay cadhada dadka Adiyaman ee ku waajahan dowladda. “Qofna ma arag illaa 2:00 pm ee maalinkii xigay dhul-gariirka,” waxaa xilligaas sidaas AFP u sheegay Mehmet Yildirim oo degan Adiyaman. “Dowlad ma lahan, qaran ma lahan, boolis ma lahan, askar ma lahan. Ceeb idinku dhacday. Waa nagu daawateen,” ayuu yidhi. Dhul-gariirka ayaa yimid xilli uu Erdogan sii helayey taageero, islamarkaana ay sare u kaceen shacabka ku qanacsan howshiisa, kadib muddo hoos u dhac uu ku yimid sababo la xidhiidha xasaradda dhaqaale ee sannadkii tegay. Waxyar kadib markii dhul-gariirka uu dhacay, Erdogan ayaa qirtay “gaabis” dhanka dowladda ah oo ku saabsan sida ay ula tacaashay musiibada. Source
  3. Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ayaa maan kulan isgu yimid, kaas uu shir guddoomiyeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde). Kulanka maanta oo ahaa kalfadhiga labaad kulankiis 17-aad ayaa Ajandahu ahaa dhamaystirka dooda, Hindise Sharciyeed cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman ayay Sanatarrada qaar ku soo bandhigeen fikrado, siiqayn iyo dood ku saabsanayd in sharciga sidiisa lagu qaato oo la ansixiyo markaas kadib. Gabagabadii markii la soo geba gebeeyay doodii sharciga, ayaa Satarrada qaar waxay soo gudbiyeen Mooshin ku saabsan in sidiisa lagu qaato, sidaas ayuuna goluhu ku meel mariyay sharciga kadib cod loo qaaday, sharciyaan ayaa dhowan kasoo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka. Baarlamaanka 11-aad labadiisa golae ayaa muddooyinkaan si deg deg ah usoo saaray sharciyo dhowr ah, kuwaas oo dalka u ah muhiimad gaar ah, sharciyada ka gudbay labada aqal ayaa sugaya sixiixa madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Shiikh Maxamuud si markaas bulshada loogu adeego una dhaqan galo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa dalbaday in laga cafiyo dib u dhacyada samata-bixinta, xilli uu booqday mid ka mid ah goobaha uu sida darran ugu dhufantay dhul-gariirkii dalkaas ka dhacay bishan horraanteeda. Erdogan oo raadinaya muddo xileed kale oo xilka madaxweyne ah kadib labaatan sano uu awoodda hayey, ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay dadka ka badbaaday dhul-gariirka ee magaalada Adiyaman ee koonfurta-bari. Doorashadii 2018, Erdogan ayaa si xooggan mucaarada ugu garaacay gobolkaas. “Saamaynta ba’an ee dhul-gariirkii iyo cimilo-xumada awgeed, ma aanan awoodin in aan sidii aan rabnay ugu shaqayno magaalada Adiyaman maalmihii ugu horreeyay, raali galin ayaan ka bixinayaa arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Dhul-gariirkii 6-da February ayaa Turkey ku dilay in ka badan 44,000 oo qof, halka kumanaan kalena ay ku dhinteen dalka deriska la ah ee Syria. Wakaaladda wararka AFP ayaa 10-kii February werisay carada dadka Adiyaman ee ku wajahan dowladda. “Qofna ma arag illaa 2:00 pm ee maalinkii xigay dhul-gariirka,” waxaa xilligaas sidaas AFP u sheegay Mehmet Yildirim oo degan Adiyaman. “Dowlad ma lahan, qaran ma lahan, boolis ma lahan, askar ma lahan.Ceeb idinku dhacday. Waa nagu fiirsateen,” ayuu yiri. Dhul-gariirka ayaa yimid xilli uu Erdogan sii helayey taageero, islamarkaana ay sare u kaceen shacabka ku qanacsan howshiisa, kadib muddo hoos u dhac uu ku yimid sababo la xiriira xasaradda dhaqaale ee sanadkii tegay. Waxyar kadib markii dhul-gariirka uu dhacay, Erdogan ayaa qirtay “gaabis” dhanka dowladda ah oo ku aadan sida ay ula tacaashay musiibada. AFP, VOA The post Madaxweyne Erdogan oo cafis dalbaday kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  5. Dagaal xooggan oo dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa wali ka socda duleedka Laascaanood, xilli ay dhinacyo siyaabo kale duwan uga hadleen dagaalka dhacaya, waxaana jirta dhinacyadu dagaalka ay ka sheegteen dhinac kasta uu ka gaaray dagaalka, iyadoo dhinaca kale wararku sheegayaan in la duqeeyay qeybo kamid ah magaalada Laascood. Afhayeenka Gudiga 33-da SSC ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha dagaaladii dhacay shalay iyo maanta, waxaana uu sheegay in Ciidanka Somaliland ay qafaasheen Shaqaale ka shaqeynayay Korontada magaalada, sida uu hadalka u dhinay walow wararka qaar ay sheegayaan in la siiyaadayay, kadib markii la ogaaday ina y yihiin Shaqaale aan ku jirin dagaalka. “Shalay waxaa ay soo qaadeen weerarro kale gadisan oo dhowr jiho ay kasoo qaadeen, dhammaan waa lagu waxyeeleeyay, wax uga fulayna majiraan damacoodii iyo wixii ay rabeen, oo ay mar walba ku dagaalamayeen, maantana Saakay Aroortii salaadda kadib, sidii iyagaba caadada u aheyd, waxaa ay weerar kasoo bilaabeen dhina Waqooyi iyo dhinaca Galbeedba, waxaa ay ku doonayeen in ay magaalada ku qabsadaan uma aysan suurto gelin waa laga celiyay, dhibaato weyn waa ay geysteen iyagana waa loo geystay” ayuu yiri Afhayeenka Gudiga 33-da SSC . Somaliland wasaaraddeeda difaaca ayaa bayaan ay soo saartay lagu sheegtay in ciidankeeda uusan marnaba beegsanin xarumaha bulshada sida isbitaallada iyo dugsiyada xilli mar sii horreysay ay jireen warar tibaaxaya in dhowr madfac ay maanta ku dhaceen cisbitaalka guud ee magaalada Laasacaanood, kuwaas oo geystay khasaare soo gaaray dad shacab ah. “Wararkan been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada ayaa ah kuwo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida muuqaaladii hore lagu arkay, xarumaha waxaa si bareer ah u waxyeeleeya kooxo wajiyo badan leh oo gacan saar la leh kooxaha nabad diidka ah iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalkaas ka soo baxay wasaaradda Difaaca ee Somaliland. Dagaalka magaalada Laascaanood oo ku dhow muddo bil ah ayaa ka bilowday shacab ka carooday dilal ka dhacay magaalada xilli bannaanbaxoodii Rasaas ay ugu badaleen ciidan Somaliland oo gacanta ku haayay, dagaalka ayaa sidoo kale geystay burbur xooggan oo soo gaaray magaalada, oo ay adeegsadeen ciidanka Milatariga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray dilkii maanta ka dhacay Laami-yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo uu askari ka tirsan ciidanka dowladda uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal Mooto Bajaaj. Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Guud Booliska gobolka Banaadir ayaa waxa lagu sheegay in ciidanka booliska, gaar ahaan kuwa saldhiga degmada Wadajir ay soo qabteen askariga dilka geystay, “Ciidanka Booliska Soomaaliyed gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Wadajir ayaa qabtay askari tirsanaa ciidanka dowladda oo wiil dhalinyaro ah oo kamid ah kuwa ku shaqeesta gaadiidka moota bajaajta, waaxda Jeneraal Daa’uud, agagaarka laami-yaraha Zoobe ee Degmada Wadajir,” ayaa lagu yiri qoraalka. Taliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in haatan ay socoto baaris ka dhan ah eedeysanaha, islamarkaana dhawaan la horgeyn doono maxkamada awooda u leh si cadaalada loo marsiiyo. “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si gaar ah Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir waxaa ka go’an in dhacdooyinka nuucaan oo kale ah uu iska saaro masuuliyad gaar ah si shacabka dhibka loo gestay u helaan Cadaaladda.” Dilka kadib ayaa waxay dad badan oo shacab ah iyo darawallo isugu soo baxeen Zoobe, illaa KM4, kuwaasi oo dibad-bax cabasho ah dhigay, iyagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ciidanka dowladda. Dibad-baxayaasha ayaa xilligaas dalbanayay in lasoo qabto askartii ka dambeysay falkaasi, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaano adag oo sharciga waafaqsan. Dilalka loo geysto darawallada Mooto Bajaajta ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho, ayada oo fiidnimadii xalay is-rasaaseyn dhex-martay ciidanka dowladda oo ka dhacday isgoyska Siinaay uu ku dhintay darawal mooto bajaaj. The post Booliska Muqdisho oo war kasoo saartay dilkii maanta ee carada badan dhaliyay appeared first on Caasimada Online.
  7. Fighting continues in Somaliland’s Sool district. Americans may yawn and dismiss the fighting that began in late december as just another conflict in a dusty African corner. Such casual dismissal of Africa is not only wrong strategically (and a bit racist ), but it also misreads the importance of the escalating fight. Also self-defeating is the State Department’s boilerplate call“for an immediate, unconditional ceasefire in Lascanood… [amidst] the tragic loss of life and violence.” Such moral equivalence and bothsidesism is a poor look for the United States. After all, while the mix of Sool clan elders, Puntland forces, U.S.-trained danab brigade members, liyu police from Ethiopia’s Somalia region, and al-Shabaab militants repeatedly reject ceasefires but use Somaliland’s unilateral ceasefires to rearm and regroup. The reality is the Las Anod [Lascanood] fighting was not spontaneous but preplanned. There would be no fighting in Las Anod if Somaliland’s Western-leaning government had not rebuffed China and instead recognized taiwan . After President Muse Bihi’s decision, China’s ambassador in Mogadishu tried to buy Bihi off, but he stood firm on principle. Too many African leaders sell their sovereignty or their people’s financial future for short-term, personal gains; Bihi, who trained as a pilot in the United States decades ago, wanted something better for Somaliland’s people. Weeks before the current conflict, China’s ambassador to Ethiopia reportedly consulted with his Somali counterpart Abdullahi Haji Omar“Amey,” a former Puntland vice president. While Hassan Sheikh Mohamud continues to charm the State Department who see the English-speaking Somali statesman selected by a handful of preselected elites to be Somalia’s president, the U.S. Embassy in Mogadishu ignores the role that hodan osman plays. Hodan, a top international relations advisor to the Somali government, is the wife of Gamal Mohamed Hassan, the minister of planning during the administration of President Mohamed Farmaajo, a leader who sought both to cultivate china and weaponized al-shabaab . Hodan unabashedly embraces a Sino-Somali alliance. Somalis and Somalilanders both suggest she is the main conduit to China, especially as heavy weaponry not normally present in Las Anod floods into the city. Both Gamal and Hodan are hostile to Somaliland and its sovereignty. Americans may culturally not understand the importance of clan dynamics in Somalia, but they are important in the local context. Gamal is from the East Sanaag Clan sub clan, was born in Dhahar in Somaliland’s Sanaag Region, while Hodan is a Sool clan. Both resent Somaliland sovereignty. Gamal precipitated the previous round of fighting in the Las Anod area when, in 2018, he visited Sanaag as a serving Somali minister without prior coordination. When I visited the region in 2020, tens of thousands of bullet casings still littered the ground from that fight. Compounding the proxy war further is oil. Taiwan invests in oil exploration and was planning to start drilling in Somaliland, while China explored for oil just across the border in Ethiopia. Companies have already discovered marketable quantities of oil in the region, and so Beijing appears to be instigating a fight in Somaliland’s oil-rich region to kneecap its competition. Meanwhile, Dubai and the United Kingdom’s investment in Somaliland’s port of Berbera poses competition for China’s investment in Djibouti. It was only a matter of time, but China has now sparked its first African proxy war. The State Department’s kneejerk bothsidesism, if not deference to Mogadishu, however, puts the United States in the uncomfortable position of supporting Communist China as it seeks to destabilize, if not destroy, one of the most pro-Western and most democratic countries in the Horn of Africa. The State Department’s country desks can be great at counting trees, but sometimes their bureaucratic compartmentalization leads them to be blind to the forest. It is time for Secretary of State Antony Blinken to refine policy and explain the State Department’s kneejerk deference to China’s interests. If he is unwilling to do so, Congress must By. Michael Rubin Qaran News
  8. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia, a country already struggling with years of conflict and natural disasters, is facing another crisis as the number of people displaced reaches an all-time high of 3.8 million. The International Organization for Migration (IOM) is calling for immediate action to prevent further displacement and to address the dire living conditions of the millions affected by drought and conflict. Ugochi Daniels, the IOM’s Deputy Director General for Operations, emphasizes the need for donor investments in sustainable solutions. The convergence of climate risks and conflict is exacerbating the situation following five consecutive below-average rainy seasons, with a projected sixth expected in early 2023. Tens of thousands of people may be forced to seek refuge in major cities and towns, particularly in Baidoa and Mogadishu. The IOM predicts that approximately 300,000 people could be newly displaced by July 2023. The situation is dire for those affected, as many may never return to their places of origin due to land depletion and insecurity. Families are being born and raised in informal settlements with unsuitable living conditions. Daniels warns that urgent action is needed to prevent further displacement and address the growing needs of the affected population. 55-Year-old Salado and her family left their village in Gedo Region to a displacement site of Kaxareey in Dollow, Somalia after losing all their livestock. Photo: Claudia Rosel/IOM Investing in sustainable solutions in Somalia Daniels stresses the need to invest in the places of origin to prevent further displacement. “Addressing essential services, social cohesion, stability, governance, justice systems, and climate change adaptation is crucial, bringing communities together with their government and diaspora,” he stressed. “These building blocks lay the foundation for a pathway for sustainable solutions.” According to Daniels, IOM projects aim to improve access to land and long-term housing, social services, and inclusive planning processes with local authorities and communities, laying the foundation for long-term development planning. In areas impacted by violence and conflict, IOM has promoted women-led justice systems, trained communities to manage natural resources more sustainably, rehabilitated schools and boreholes, and built more robust governance systems, such as in Marka, a historical enclave in southern Somalia characterized by conflict. Positive developments Daniels commended the incredible work done by women, children, community leaders, and local authorities in Baidoa and Marka to build social cohesion in their communities and take ownership of their future for health, education, and livelihoods. “IOM is proud to have partnered with them on their journey, he said. The potential of Somalia’s vibrant diaspora is also crucial in achieving sustainable development goals for the people of Somalia. National policy initiatives to maximize their sustained engagement are needed. The situation in Somalia demands urgent action to prevent further displacement and address the growing needs of the affected population. Investing in sustainable solutions is critical to achieving long-term development goals. The IOM is committed to working with local authorities, communities, and the diaspora to build social cohesion, improve basic services, and promote sustainable development for the people of Somalia. The time for action is now. The post Somalia: Displacement soars to record high of 3.8 million appeared first on Caasimada Online.
  9. Su’aasha Muuse Biixi weyddiiyeen diblomaasiyiintu waa: Maxay ciidammadaadu u duqeynayaan Laascaanood? Wuu ka jawaabi waayay. Hargeysa (Faallo) — Su’aasha Muuse Biixi weyddiiyeen diblomaasiyiintu waa: Maxay ciidammadaadu u duqeynayaan Laascaanood? Muuse wuu og yahay in Soomaaliya lagu xukumo Qodobka 7 ee Qaramada Midoobay oo la saaro dalalka aan lahayn dowlad ku filan sugidda amniga dalka. Waa sababta ciidammo nabad-ilaalin ahi u joogaan Soomaaliya si halista argagixisada looga hortago, dadka Soomaaliyeedna noloshooda loo dhowro. Duqeynta ciidammada Somaliland u geysteen Laascaanood waxay yeelatay ugu yaraan hal saameyn: 1- Dunida waxay tustay in markii u kowaad kaddib dagaalkii labaad in magaalo ka tirsan dal ciidammo nabad-ilaalin ahi joogaan duqeyn ba’an kala kulmi karto qeyb kale oo isla dalkaas ka tirsan. Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed wuxuu sheegay in Muuse Biixi leeyahay mas’uuliyadda duqeynta ciidammada Somaliland u geysteen Laascaanood. Muuse Biixi wuu og yahay in Laascaanood ka mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya iyo in heshiiskii Special Arrangement ee 2013 uu farayo Somaliland inay dhowrto xuquuqda Soomaalida. Wuxuu doortay inuu ku doodo in Laascaanood aysan ka mid ahayn Soomaaliya iyo in ciidammadiisu soo xirayaan soohdin u dhexeysay gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska. Xeerka gumeysigii ka tagay oo asaaska u ah Midowga Afrika waxaa lagu dabaqi karaa Soomaaliya hal mar oo keliya: Marka ay sheegato dhul Soomaali ku nooshahay oo dalalka deriska ah ku yaalla. Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobaay ayaa ku tilmaamay duqeynta ciidammada Somaliland u geysteen Laascaanood mid jebinaysa Sharciga Caalamiga. Muuse Biixi wuxuu jebiyay heshiiskii 1990kii Balligubadle ku dhexmaray ururkii SNM iyo ergo uu uu hoggaaminyay marxuum Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac. Qododka lafdhabarka u ahaa heshiiskaa waa: Siyaasadda ayaa qoriga hoggaaminaysa. Waa Madaxweyne Muuse Buuxi Cabdi iyo qofka lagula xisaabtami doono gaboodfallada ay geysteen ciidammada Somaliland. Warsidaha Africa Confidential wuxxuu ku tilmaamay go’aanka colaadeeed uu Muuse Biixi qaatay “gool dhiig ah oo ay Somaliland iska dhalisay.” Muuse Biixi Cabdi wuu ku fashilmay siyaasadda. Dagaal sokeeye ayuu u arkaa mid uu xukunka ku sii joogi karo. Uma suurtogali doonto. Maxamuud I. Aadan (Bustaale) waa cilmibaare sharciyeed ku nool Hargeysa. The post Muuse Biixi Waa Inuu Iska Badbaadiyo Maxkamadayn appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho guri iyo goob ganacsi oo aan la canshuurin ma jiraan, haddana guri iyo goob ganacsi oo bad-qaba ma lahan. Shirqoolka, dilalka tooska ah iyo afduubka gabdhaha yar yar ayaa caadi ka noqday magaalada Muqdisho dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Dhaca xilliga habeenkii ah wuxuu waqti dheer ahaa taxane soo jireen ah. Magaalada waxaa ka dilaacay burcad wajiyo badan. Maalin walba daawasho aan la jecleysanin ayaa la daawanaya ilmada waalid caruurtoodii la dilay. Ilintooda waxaa ku lamaansan cadaalad ayaa rabna iyo dowladda wax ha noo qabato, laakiin cid u jawaabeysa majirto. Masuuliyad darro weyn ayaa ka jirta magaalada ugu dadka iyo dhaqaalaha badan Soomaaliya. Dadweynuhu waa u dulqaadan la’yihiin meydadka ay maalin walba xabaalayaan. Xamar waxaa ku dilaya Al-Shabaab, Ciidanka Dowladda, Daacish, waxaa kale oo hadda kusoo biiray burcadan la baxday ciyaal-weero. Maamulka gobolka Banaadir ayaa u muuqda inuu si weyn ugu fashilmay wax ka qabashada adeegyada aas-aasiga ah ee caasimada sida; bilicda, amniga, kaalmada caafimaadka, midda waxbarashada, shaqo abuurka iyo inuu shacbiyad u sameeyo dowladda. Duqa magaalada Muqdisho ayaa u muuqda inuu dhinac iskaga riixay ka jawaabida baroorta iyo ilinta joogtada ah ee dadka reer Muqdisho. Inay shacabka caasimada iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dhintaan hadda meel majirto, sababta oo ah dareenku kuma siinayo dil afar jiho kaga socda iyo bixinta baad saddex dhinac ah, iyo weliba canshuur kugu waajib ah oo aan haddana lagu adeegayn. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud su’aasha ugu weyn ee ay shacabka jawaabteeda ka sugayaan waa cidda qaadeysa masuuliyada guul-darada dhinac walba ee ka muuqata magaalada Muqdisho. Hay’addaha garsoorka iyo laamaha amniga weli ma muujin wax ka qabasho u dhiganta dhibaatada taagan. Dadka caasimada degan weli waxay bixinayaan canshuur aan laheyn difaac iyo adeeg dowladeed midna. Lamana yaqaano inta ay sii socon karto canshuur bilaa adeeg ah, haddii aanay dowladda la imaan isbedel muuqda waqtiyada soo aadan. The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Xamar oo qarka u saaran ‘kala dhimasho’ appeared first on Caasimada Online.
  11. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedeysane dhaawac u geystay wade mooto Bajaaj xilli uu marayay agagaarka laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho. “Ciidanka booliska Soomaalyeed ayaa gacanta ku haya eedeysanaha, waxaana ku socota baaris, waxaa dhawaan la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh si uu cadaaladda u wajaho” ayuu yiri Sadiiq Aadan. Qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in maanta abaare 10:30 barqanimo, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waaxda Jeneral Daa’uud, agagaarka laami yaraha Soobe lagu dhaawacay Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi oo wade ka ahaa mooto Bajaaj M9C 398, wiilkaan oo 23 Jir ah ayaa la sheegay inuu deganaa degmada Warta nabadda, waxaana gargaar caafimaad u fidiyey ciidanka booliska Soomaaliyeed. Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa marar badan dilal u geystay bajaajleyaasha Muqdisho, taas oo sababtay in bajaajleyaashu dhowr jeer oo maanta ka mid tahay sameeyeen bannaan bax ay falalkaas uga soo horjeedaan. PUNTLAD POST The post Booliska Soomaaliya oo ka hadlay bajaajle lagu dhaawacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Dhamaan Deyrarka iyo Dhulka Banaan Ee Bada 200 Mitir u Jira Ee Magaalada Berbera Ayaa Loo Aqoon Saday In Dhul Dan Guud Ah . Waxaan Dhamaan Deyrarkaa Lagu Qoray dumin mudo 10 Cisho Waa Loo Qabtay inay Dumiyaan , Shirkadaha Ugu Waa Weyn Ee Ilaa Imika Duminta Lagu Qoray Waxaa Ugu Waa Weyn Shirkadaha Oomar Goobta Haamaha Ka Dhisaneyso. Shirkada SO Deyrka Viper Opt Hotel Xildhibaan Dable Wado Dhamaan Deyrarka Bada BBC Dhamaan Deyrarka Ku Yaala Nobiyada Berbera , Suxufi Sidiiq Carab Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka geysteen laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal wade Mooto Bajaajle. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahdi Diiriye Aadan, waxaana toogasho ku dilay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wadada marayay, kadibna iska dhaqaaqay. Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka uu ku dhowaaday gaariga ay saarnaayeen ciidamada, kadibna ay rasaas isaga reebeen, taas oo sababtay geeridiisa. Allaha u naxariistee marxuum Mahad ayaa la daala dhacayay nolosha reerkiisa, wuxuuna deegaan aaa ku noolaa degmada Dharkenley, sida ay innoo sheegeen dad yaqaanay. Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan ah mid aad kacsan, waxaana dilka wiilkan dhalinyarada ah ka dhashay caro dadweyne. Dad badan oo shacab ah iyo darawallo ayaa isugu soo baxay Zoobe, illaa KM4 kuwaas oo dibad-bax cabasho ah dhigay, ayagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ciidanka dowladda. Dibaxayaasha ayaa sidoo kale dalbaday in lasoo qabto askartii ka dambeysay falkaasi, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaano adag oo sharciga waafaqsan. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi dhaliyay carada dadweynaha. Dilalka loo geysto wadeyaasha Mooto Bajaajta ayaa soo badatay mudooyinkii dambe, mana jirto cid loo soo qabtay dilkooda, inkastoo dhowr askari la geeyay Maxkamadda Ciidamada. The post Ciidamo ka tirsan DF oo Bajaajle ku dilay Muqdisho iyo caro ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
  14. Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 23-aad oo xiriir ah ayaa haatan sii xoogeystay, wuxuuna ku fiday goobo horleh oo ka baxsan magaaladaasi, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo dhanka galbeedka magaalada Laascaanood, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland oo looga hadlay dagaalka Laascaanood ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ay ku soo biireen taliyeyaal ciidan oo ka yimid magaalada Muqdisho, sidoo kalena dagaalka ay qayb yihiin ka yihiin kooxo nabadiid ah iyo argagixiso. Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dharbaaxo kulul ay ku dhufatay ciidanka huwanta oo ay tilmaamtay inay weerar kusoo qaadeen fariisama ciidamadooda ee ku yaalla galbeedka. “Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Somaliland. Halkan joose ka aqriso:- Waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan. Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood. The post Taliyeyaal ‘ka baxay MUQDISHO oo ku biiray’ dagaalka LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
  15. Dagaalka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa galay maalinkiisi 23aad oo xidhiidh ah, waxaana saaka mar kale dib u qarxay dagaal xooggan. Dad Goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya inay saaka ku waaberiisteen daryanka madaafiicda laabada dhinac ay isku adeegsanayaan. Dhan kale xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka ka socda laascaanood waxa ay tidhi sida tan:- WAR-SAXAAFADEED waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan. Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood. Source
  16. Midowga Yurub iyo Dowladda Britain ayaa heshiis cusub ka gaadhay muran in muddo ah soo socday oo ku qotoma, ka bixistii uu Ingiriisku ka baxay Midawga Yurub. Ra’iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid taariikhi ah iyo horumar la taaban karo. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu yahay mid ilaalinaya madax-bannaanida dadka Woqooyiga Ireland oo qeyb ka ah boqortooyada Britain. Heshiiskan cusub ayaa u muuqda mid Woqooyiga Ireland ka qaadaya culeysyada soo waajahay wixii ka dambeeyay markii Britain ay ka baxday Midowga Yurub. Source
  17. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Taliyaha Ciidamada Somaliland shaqa joojin lagu sameeyay Galabnimadii Axadda ee Todobaadkan. Taliye Nuux Taani ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii Ciidamada Somaliland oo ku jabay furimaha dagaalka ay soo banneeyeen Talisyadii Tukaraq iyo Gambadhe. Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale maalintaas banneeyay dhammaan difaacyadii dhinaca magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si ku meel gaar ah Taliska guud ee Ciidamada Somaliland ugu dhiibay S/Guuto Faysal Cabdi Bootaan oo hadda hoggaaminaya dagaalka. Faysal Bootaan ayaa Muuse Biixi ka dhaadhiciyay in fashilka dagaalka uu mas’uul ka yahay Nuux Taani taas oo keentay in isaga si KMG loogu dhiibo hoggaanka dagaalka. PUNTLAND POST The post Xog: Taliyaha Ciidamada Somaliland oo si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay appeared first on Puntland Post.
  18. Clan militia forces attacked an airport in Dolow district, killing four and injuring three. Major Abdullahi Mohamed Osoble, who led a terror-related investigation, was the target. The military court had planned to move Osoble's case to Mogadishu, but the attackers attempted to kill him. The investigation was related to the assassination of Mohamed Aweys, commander of the Somali armed forces' 28th battalion. Clan militia forces attacked an airport in Dolow district, killing four and injuring three. Major Abdullahi Mohamed Osoble, who led a terror-related investigation, was the target. The military court had planned to move Osoble's case to Mogadishu, but the attackers attempted to kill him. The investigation was related to the assassination of Mohamed Aweys, commander of the Somali armed forces' 28th battalion. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiirka arrimaha debedda ee dalka Masar ayaa la kulmay madaxweynaha Suuriya Bashaar al-Asad iyo wasiirka arrimaha debedda ee Turkiga, ka dib markii uu booqasho ku tegey Suuriya iyo Turkiga, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horraysay ee diblomaasi sare oo dalkaas ahi uu ku tago muddo toban sanno ah. Bashaar al-Asad ayaa fursad taageero ah ka helay dalalka Carabta, tan iyo markii uu dhulgariirku ka dhacay dalkiisa Suuriya iyo dalka Turkiga bishan, taasoo gacan ka geysatay inuu yaraado go’doonkii diblomaasiyadeed ee dalka Suuriya lagu soo rogay, ka dib markii ay dagaalada sokeeye ka qarxeen dalkaas sannadkii 2011. Wasiirka arrimaha debedda ee Masar ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee safarkani inay tahay, hawlaha bini’aadanimada iyo in garab istaag loo muujiyo shacabka Suuriya. Wasiirka arrimaha debedda ee Masar ayaa u sheegay telefiishan laga leeyahay dalka Masar, in sidoo kale uu safarkani bidhaaminayo, rabitaanka in dib loo hagaajiyo xidhiidhka labada dal. Masar ayaa ugu deeqday shacabka Suuriya ee waxyeelladu ka soo gaadhay dhulgariirka, illaa 1,500 oo ton oo gargaar ah, taas oo ay si buuxda uga wada shaqaynayaan xukuumadda Suuriya. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa hakiyey xubinimadii Suuriya, sannadkii 2011 ka dib markii ay xukuumadda dalkaasi gacan adag kala hortagtay debedbaxayaashii, sidoo kale dalalka Carabta ee gacan saarka la leh Maraykanka ayaa iyaguna taageeray mucaaradka dalkaas. Source
  20. Qaramada Midoobay ayaa ururisay lacag gaadhaysa illaa $1.2 bilyan oo loogu tala galay gargaarka bini’aadanimo ee dalka Yemen, laakiin lacagtan ayaa aad uga hoosaysa bartilmaameedkii hore ee Qaramada Midoobay ee ahaa $4.3 bilyan si wax looga qabto xaaladaha aadka u daran ee ka jira dalkaas. Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken oo ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay Geneva ayaa wuxuu ballan qaaday in Maraykanku uu bixin doono $444 milyan oo taageero bini’aadanimo ah oo uu siinayo dalka Yemen, isaga oo ugu baaqay deeqbixiyayaasha kale inay gacan u fidiyaan dalkaas. Bilinken ayaa sheegay in dhaqaale yaridii ku timi dalka Yemen sannadkii hore inay ku qasabtay hay’adaha Qaramada Midoobay inay yareeyaan shaqooyinkii ay dalkaas ka wadeen. Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu ugu deeqay dalka Yemen illaa $5.4 bilyan oo doollar tan iyo markii ay colaaduhu ka billaameen. Tan iyo sannadkii 2014 waxaa dalka Yemen uu la daalaa dhacayaa dagaalo sokeeye iyo weliba kuwo ay ku hirdamayaan dawladaha gobolka, taas oo u horseedday inay burburaan kaabayaashii dhaqaalaha ee dalkaasi. Source
  21. Dowladda dhexe ee dalka Canada ayaa sheegtay inay xidhi doonto xadka aan tooska ahayn ee ay soo maraan magan-galyo doonka kasoo galaya Canada dhanka Maraykanka. Arrintaan waxay kusoo aadaysaa iyadoo dowlad-gobalkeedka Quebec ay dowladda dhexe ee dalka Canada ka codsatay in la xidho wadada lagu magacaabo Roxham Road oo sannadihii tagay kumanaan soo galooti ah kasoo galeen Canada. Source
  22. Nin asalkiisu ka soo jeeda Israel laakin haysta dhaslahada Mareykanka ayaa lagu toogtay daanta galbeed ee la haysto ee Qudus, iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha halkaa ka taagan. Ninkaan ayaa lagu toogtay weerar lagu qaaday gawaari marysay waddo weyn oo u dhow magaalada Jericho, waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan weerarro aan goosi ku saleysan. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in uu si buuxda ay Israel mas’uul uga tahay waxa uu ugu yeeray “falalka argagixisanimo ee ay fuliyaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee deegaamaysiga ka wada daanta galbeed. Israa’iiliyiinta degan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ayaa gubay dhismayaal falastiiniyiintu leeyihiin, iyagoo halkaas ku dilay hal nin oo Falastiini ah. Rabshadaha ayaa daba socday toogasho lagu dilay laba qof oo Israa’iiliyiin ah oo ku dhintay tuulo u dhow magaalada Nablus oo todobaadkii tagay ay weerarro ka dheceen. Dadka deegaanka ayaa ku doodaya in askarta Israa’iil ay ka caawiyeen dadka deegaanka in ay fuliyaan weerarka aargoosiga ah, kuwaas oo lagula kacayo dadka reer Falastiin ee dhulkooda la heysto. Goobjoog News Source: goobjoog.com