-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay Talaadadii Badda Madow ku buburisay mid ka mid ah diyaaradahooda wax basaasa ee nooca drones-ka,, waana markii ugu horreysay oo ay si toos ah u iskaga horyimaadaan labada quwadood tan iyo duullaanka Ruushkaha ee Ukraine sannad kahor. Wasaaradda difaaca Ruushka ayaase beenisay hadalka Mareykanka, iyada oo safiirka Moscow ee Washington uu sheegay in dalkiisu uu u arkayay hadalka Mareykanka mid daandaansi ah. Laba diyaaradood oo noocoodu yahay Su-27 oo Ruushku leeyahay ayaa fuliyay waxa ay milatariga Maraykanku ku tilmaameen fal-dambiyeed aan ka fiirsasho lahayn oo ay u geysteen diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay, xilli ay ku duuleysay hawada caalamiga ah. Mareykanku waxa uu sheegtay in diyaaradaha dagaalka Ruushku ay shidaalka ku daadiyeen diyaaradda MQ-9 – lagana yaabo in ay isku dayeen inay ka dhigaan mid aan waxb arki karin ama ay waxyeeleeyaan. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Ruushka ku eedeeyay in uu diyaarad Drone ah ka burburiyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Doodda la xiriirta dhulalka Danta-guud ayaa dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay dib ula wareegayso dhulka danta-guud iyada oo la fidinayo xafiisyada heer federaalka. Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in loo wareejiyo xarunta xisbiga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan sheegay in hareeraha xaruntaasi laga guuro si xukuumaddu ugu shaqeyso. Wasaaraddaha dowladda federaalka ayaa iyagana la rajeynayaa inay u guuraan xarumahoodii hore, wallow goobaha qaar ay degan yihiin dad shacab ah. Maanta waxaa taagan doodda dhulka Bangaariyada ee degmada Wadajir. Dhulkaan waxaa leh Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. In dadkani dhulkaan baneeyaan ayaa dooddeedu taagneyd tobankii sano ee u dambeysay. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kal hore la sheegay inuu xayeysiiyay mashruuc lagu kireeynayo dhulkaan. Dadkii deganaa ayaa badi iskaga baxay xilli hore, qoysas kooban ayaa ku haray dhulkaan. Doodda qoysaskaan qaar waa inay yihiin faraca shaqaalihii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Sida loo wajahaayo dhul ka saarista ayaa xooga dood ah wadata, haddaba aan saddex dhinac ka istaagno arrintaan; 1. Xarumaha dowladda ee weli la degan yahay: Wax dood ah kama taagna dhulka yaa leh. Dowladdu iyada masuul ka ah dhulka danta-guud, xarun dowladeed waa un xarun dowladeeda, sidaas awgeed xilli walba ayay dowladda u baahan kartaa dhulkeeda. Goobaha ay hadda dowladda dalbatay in laga baxo ee xarumaha dowladeed ah wax badan oo laga dhex raadiyo majiraan, waana adag tahay in qof lagu caawiyo dood la xiriirta in uu iska sii deganaado dhul dowladeed ogolaansho la’aan. 2. Xalka dadka degan dhulalka danta-guuda: Dadku maadaama aanay badankood diidaneyn inuu dhulkan yahay mid dowladdu leedahay, haddana dhanka kale dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay qirato in dadkan dadkeeda yihiin, dad danyar ah yihiin oo u baahan u turid iyo taakuleyn. Dadka aan isku filneyn ee xarumihii dowladda degan waxaa haboon inay dowladdu meel kale dhul ka siiso oo laga caawiyo geedi asluubeysan. Masuuliyad ayaa ka saaran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya guud ahaan badqabka muwaadiniinteeda, gaar ahaan hubinta nolosha iyo deegaanka kuwa laga saarayo dhulalka danta-guud. 3. Gacanta ay ku dambeynayaan dhulalka ama xarumaha dowladda: Maadaama ay hore u dhacday dhul dowladeed oo inta shacab laga saaray ay siyaasiyiin qaateen, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa laga rabaa hubinta in xarumahaan ay dowladda ka faa’iideysato. Inay kireysan doonto oo ay kab dhaqaale ka rabto ama inay dib u dhisaneyso oo laga dhisi doono isla xarumihii ay ahaan jireen waa arrin dowladda u taalla, laakiin dowladda waxaa laga qaadan doonin in dhulkaas uu berri u gacan galo shaqsiyaad caadi ah. Si walba, aqbalida baneynta xarumaha dowladda, in dowladda maareyso dadka xarumahaasi ay duruufaha dejiyeen iyo ka guurista kadib inuu dhulkaasi gacan dowladeed ku dambeeyo ayaa ah waxa ugu badan ee laga yiri doodda dhulalka danta-guud ee dib u qaraxday. The post Faah-faahin: Qorshaha ay DF isugu ballaarineyso Xamar appeared first on Caasimada Online.
-
SOMALILAND XAGAY KU SOCOTAA? Laascaanood Muuse iyo ina Suldaan Cali markaan eego xataa xal dhiigjoojin ah kuma heshiin karaan. Bulshada Caalamku in ay farogelin toos ah ku sameeyaan si loo joojiyo dhiigga daadanaya maaha wax aan laga fakiri karin. Hadii ay xaaladu qasabto oo waxba lagu heshiin waayo IGAD iyo AU waxa dhici karta in Itoobiya ay u xlisaaraan suggidda nabadgelyada Laascaanood Q.M lafteeduna ay sidaa baarigto. Taas oo micnaheedu yahay in ciidamo Itoobiyaan ah la keeni karo Laascaanood labada ciidan ee isku horfadhiyana la kala durkiyo lagana fogeeyo magaalada labadoodaba. Labada dhinac ma wada ogolaan doonaan, ma dhinac baa diidi, mise labaduba way ku gacansaydhi hadii ay timaadoba Si kastaba xaalku ha ahaado eh dhinaca Bulshada Caalamka waxay u badan tahay in dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya talada Somaliland la isla ogol yahay in looga dambeeyo dalka la deeiska ah ee Itoobiya. Maaha arinta Laascaanood oo keliya ee xataa khilaafka ka sii wayn ee doorashooyinka laftooda, oo si wayn u soo shaacbixi doona afar ilaa sideed todobaad ka dib dhamaadka bisha Ramadan iyada oo wax xal ah laga gaadhin dagaalka Laascaanood. Taasina waa halista ku soo fool leh in gobolada Somaliland dhan xaaladdu faraha ka bixi karto hadii la waayo wax heshiis lagu yahay Waxa Qoray:-Ali Yussuf Qaran News
-
Ubixii Baxaayow Sawdigan Abaarsaday. Berbera Dekedeedi waxa hoos udhacweyn Kuyimi ganacsatadii Kala Soo degi jirtay alaabta waxa warar xogogaal ahi shegayaan in 192 Gacacsato ah oo weliba A Class Ah la wayay. Taasi macnahedu waxa weeye in hadii 24 sacadood loo adeegi jiray 680 container in maanta loo adeego 80 container. Hadaba dhibku waxa weeye inay Berberi u bahantay dawlad iyo madaxweyne horumarkeeda ka cadalad fala oo la jaanqaada. Sababta aan sidaas u leeyahay waxa weeye in la helo sadex xeer oo u adeega in si xawli ah u dhaqaaqo horumarka dekeda iyo free Zone ku * waa in la sameeyo Somaliland Maritime Act lama samayn waxa hadaba xeerkaas ku baaqday Maalgelin ,shaqo abuur iyo xidhiidh caalami ah * trade agreement oo aynu la galno wadamada jaarka ah waxa taasi hortagan xukumada Somaliland oo aan buxin shuruudihii wadan lagula heshiin karayay oo ay kamid tahay inaad leedahay Xeerkii la odhan jiray Somaliland Banking Act halkaasina waxa ku baaqday maalgelin iyo shaqo abuur. * Transit Agreement waxaad u baahantay deked kolkaad shidayso inaad lagasho wadamada jaarka ah ee suuqa ugu badan haysata inaad lagasho heshiis isku socod taasi macnaheedu waxa weeye inaad Xeer u samayso lajaanqaada horumarka aad hayso iyo dunidan casriga ah taasina maanta xukumadan joogta way ku adkaatay wanay laseegtay qodobkaas. Hadaba caawa mid iga qora Horumarkii dekeda iyo Free Zone ka inaynu dhismihi diyarinay balse horumarkaasi Ehel la yahay inbadan waxan si dhaw u qiimaynayey halku kudanbaynayo iyo xaalku siduu noqon doono waxaana isoo baxday Horumarki Baaxadaas laha in Wado – Dhuxul lala maray kaaga sii darane aanay cidi ka hadlayn waar meeyey Aqoonyahankii Toosin lahaa Arintan. Wabilahi Tawfiiq Caydaruus adan garwaf Qaran News
-
Baardheere (Caasimada Online) – Waxaa maalmahan siyaabo kala duwan looga hadlayay ciidan tababar looga furay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Siyaasiyiinta abaabushay ciidankaas oo ay hoggaaminayaan Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ku doodaya in ciidanka uu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay ka joogaan Gedo iyo Jubbada Dhexe. Sanatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in ciidamadani ay yihiin kuwa looga jawaabayay baaqii Madaxwayne Xasan Sheekh ee la dagaallanka Al-Shabab. “Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya markii loo doortay madaxwaynenimada labada qodob ayuu aad iyo aad uga shanqariyay, qodobka kowaad waxaa uu ahaa in amniga iyo in qolyahan khawaarijta laga qabto Soomaaliya , qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu joogo waxaa waajib ku ah isaga o fulinaya tusaalaha madaxwaynaha sidii khawarijta looga sifeyn lahaa dalka,” ayuu yiri Mr Fartaag . “Umadda Soomaaliyeed iyo reer Jubbaland-ba waxaan rabaa inaan u sheego in ciidankan Baardheere lagu uruurinayo waa ciidan daraawiish ah oo ay Jubbaland leedahay, Jubbaland macnaheedu ma aha Kismaayo oo kali,” ayuu intaa ku daray. Mr Fartaag ayaa xusay in gobolka Gedo oo Jubbaland ka mid ah aysan joogin ciidamo kuwa Jubbaland ah ayna doonayaan in imika ay ciidamao sameeyaan. “Jubbaland waa 17 degmo , toddobo degmo oo ka mid ah waa gobolka Gedo oo waa xor oo gacanta Al-Shabaab xor ayay ka yihiin, 17 degmo marka saddex degmo laga jaro inta kale ee soo hortay 14 degmo ahayd oo toddobo ay Shabaab haystaan, toddobo degmo ee xorta ma lahayn ciidamo daraawiish ah oo Jubbaland ah, haatan xeradii waa la furay,” ayuu yir Mr Fartaag. Sanatar Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa beeniyay in ciidamadan lagu tababarayo ujeeddo gaar ah laga leeyahay. “Ciidankan ujeeddo siyaasadeed lagama laha, ciidamadan la abaabulayo waa uun ciidamadii Soomaaliya oo dhan laga abaabulayay oo deegaannada laga abaabulayo oo madaxwaynaha Jamhuuriyadda uu ku dhawaaqay ee ah in Shabaab lala dagaallamo, mana aha ciidan la siyaasadeynayo,” ayuu intaa ku daray. Maamulka Jubbaland oo shaki ka muujiyay ciidamada Baardheere Hasayeeshee mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in ciidankaas laga leeyahay dano siyaasadeed. Wasiirka amniga Jubbaland Janaraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo maamulka Jubbaland uu ka warqabo oo lagu tababarayo Baardheere. “Ciidankaas wax xog ah kama hayno , ciidan fedraal ama Jubbaland ku shaqo leh-na ma aha haddee qofkii isaga jabhad uruurasanayo isagay u taallaa,” ayuu yiri wasiir Dhuumaal. Wasiir Dhuumaal oo aan wax ka waydiinnay sababta ay u diidayaan ciidamada Baardheere, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si nidaam ah loola dagaallamo Al-Shabaab. “Annagu dad Al-Shabaab la dirarayo ma diidayno marin xumada ayaan diidaynaa, annaga qofkii muwaadin ah oo hubkiisa wato oo Shabaab la dirirayo waan soo dhaweynaynaa, nidaamka ciidankana qofka markaad qorayso xuquuq ayuu leeyahay,” ayuu inta ku daray Wasiirka amniga Jubbaland Janaraal Yuusuf Dhuumaal ayaa dhanka kale sheegay in dagaal ay Jubbaland Al-Shaabab kula jirto iyaga oo ka jawaabaya baaqii madaxwayne Xasan sheekh. “Madaxwaynaha wuu ku dhawaaqay in Al-Shabaab lala dagaallamo, Jubbaland- na dagaal ayay ku jirtaa, hadda aan kula hadlayo dagaal ayaa socda maalin walba dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, ayuu yiri,” wasiir Dhuumaal. Isha: BBC The post Shaki hareeyey ciidanka lagu tababarayo Baardheere iyo fal-celin xoogan oo ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maryan Faarax oo kamid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ayaa si adag uga hortimid in xil loo dhiibo qof hore uga tirsanaa kooxaha argagixisada. Dowladda federaalka ayaa waxaa ku jira shaqsiyaad horey uga tirsanaa Al-Shabaab, oo haya xilal kala duwan, balse waxaa ugu sarreeya Mukhtaar Roobow oo gaaray heer wasiir. Maryan oo hadal ka jeedisay fadhigii Golaha Aqalka Sare ayaa waxay ku dooday in marnaba aysan isbadeleen caqliyada qofka argagixisada, sidaas darteed ay tahay in meesha laga saaro qoddob u ogolaanaya in uu xil qaban karo marka uu isku soo dhiibo dowladda. “Sharciga la-dagaalanka Argagixisada waxaa ku jira qoddob ka hor imaanaya magaca sharciga, oo waxa uu dhigaya in qofka argagixiso kamid ahaa uu masuul Qaran noqon karo shan sano kadib,” ayey tiri Senator Maryan Faarax. “Si uu hadda isku soo dhiibo isaga oo argagixiso ah isaga oo og in uu shan sano kadib xil ka qaban karo dowladda. Marka waxaa qabaa in qof argagixiso uusan xil qaban karin mid yar iyo mid dowladeed.” Senator Maryan ayaa intaas sii raaciyay “Si kasta oo maskaxdiisa u dhaqdo argagixisadaas unbu ahaanaya. Ma isbadalayo.” Waxay soo jeedisay in qoddobkaas laga saaro sharciga la-dagaalanka argagixisada, iyada oo ku dooday in aan la qaadan karin in qof argagixiso ahaa uu haddana kasoo muuqdo muraayadda dowladda. Hindise-sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada ayaa fadhigii Golaha Aqalka Sare lagu marsiiyay akhrinta labaad, ayada oo Sanatarrada ay sharcigan dood dheer ka yeesheen. Hoos ka daawo The post Qorshe looga hortagayo in DF xil u dhiibto qof hore uga tirsanaa Al-Shabaab + Video appeared first on Caasimada Online.
-
GAROWE, Somalia (Caasimada Online) – The Puntland State of Somalia finds itself on a collision course with the nation’s government in Mogadishu, as a recently announced blue economy strategy clashes with its existing laws. This conflict emerged after Somalia ordered all foreign vessels to exit its exclusive economic zone in an effort to regulate fishing and reclaim the nation’s marine resources. Three weeks ago, Somalia unveiled its blue economy strategy to regain control over the country’s marine wealth. This strategy is part of a new draft law that the country’s federal states must approve for it to become the guiding policy for the nation. Puntland State’s objections However, Puntland State, one of the five federal states in Somalia, has raised concerns over the need for more consultation regarding the new policy. The Puntland Ministry of Fisheries and Marine Resources argues that the policy violates the federal structure, as sharing natural resources should be based on discussions with the federal state governments. According to a statement from Puntland State, “The policy implemented by Somalia’s Ministry of Fisheries and Blue Economy infringes upon the constitution and pre-existing agreements like the Baidoa Agreement and the Addis Ababa Agreement, which govern the apportionment of fisheries resources between the Federal Government of Somalia and Federal Member States (FGS and FMS), including the oversight of resource distribution.” The statement further emphasizes the importance of these agreements in defining the negotiation process for sharing national fisheries resources. Underlying disagreements Farah Ali, a fisheries expert in Bossaso, told Caasimada Online that the primary disagreement between the two levels of government stems from their differing views on resource sharing. “Puntland aspires to capitalize on its extensive marine coastline, comprising nearly one-third of Somalia’s 3,333-kilometer shoreline. The state will maintain this stance until a comprehensive national resource-sharing framework is established,” Ali explained to Caasimada Online. With the backing of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Somalia has been revising its blue economy policy to exert greater control over its marine resources, which have suffered from years of exploitation. Dr. Guleid Artan, the Director of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Climate Predictions and Applications Centre (CPAC), revealed that IGAD has been collaborating with the Somali Ministry of Fisheries and Blue Economy for the past four months to develop a national blue economy strategy for the country Following a workshop earlier this year, both parties agreed that the new strategy would prioritize the economic and strategic aspects of the nation’s resources. They stated, “A well-implemented Blue Economy Strategy will result in a significant overhaul of institutional frameworks and governance models,” However, certain federal states like Puntland have established direct engagements with foreign entities seeking to fish in Somali waters. The impact of the new policy on these existing contracts remains unclear. Somalia recently expanded the mandate of its Ministry of Fisheries and Blue Economy, a move that the Puntland government contends it needed to be sufficiently consulted on. As the two parties grapple with these issues, the future of Somalia’s blue economy strategy and its implications for resource sharing hang in the balance. The post Puntland vs. Mogadishu: The Blue Economy Battle appeared first on Caasimada Online.
-
ANKARA, Caasimada Online) – Recent polls indicate that the Turkish opposition’s presidential candidate, Kemal Kilicdaroglu, has taken a significant lead against incumbent President Recep Tayyip Erdogan. With a more than 10-percentage-point advantage, the upcoming elections on May 14th are perceived by many as the most pivotal vote in Turkey’s history. The parliamentary race also reveals the opposition bloc, the Nation Alliance, maintaining a six-point lead over Erdogan’s AK Party (AKP) and its allies. Additionally, the pro-Kurdish Peoples’ Democratic Party (HDP) remains comfortably above 10%. Erdogan’s 20-year rule faces major challenge Erdogan confronts the most significant challenge to his 20-year reign as Turkey’s president amid a cost-of-living crisis that has eroded his popularity. Furthermore, victims of last month’s earthquake have begun reconsidering their loyalty in previous AKP strongholds. The forthcoming elections hold significant consequences for Turkey, determining the nation’s leadership and governance, economic trajectory, and potential role in mitigating conflict in Ukraine and the Middle East. Nation Alliance’s strategy for success Wolfango Piccoli, Co-President of Political Risk Advisory at Teneo, emphasizes the importance of the Nation Alliance presenting a unified front and offering voters a solid plan to maintain their momentum leading up to the elections. “Merely attributing all of Turkey’s issues to Erdogan will not suffice. Historical electoral outcomes have demonstrated Erdogan’s exceptional campaigning abilities; however, recent polls imply a diminishing connection with voters and a decline in his once widespread appeal,” Piccoli told Reuters. Polls reflect opposition’s gains Several polls conducted in early March revealed Kilicdaroglu’s substantial lead against Erdogan. Aksoy Research, Alf Research, Piar Research, and ORC Research polls consistently demonstrated the opposition candidate’s advantage, with percentages ranging from 55.1% to 57.1%. Furthermore, these polls indicated the main opposition bloc’s growing popularity and the HDP’s stable performance. Earthquake impact on AKP’s popularity According to a Metropoll survey, the recent earthquakes appeared to have minimal impact on AKP’s popularity. Results showed that 34.4% of respondents blamed the government for losses during the quake, while 26.9% attributed responsibility to contractors. Municipalities ranked third, with 15.4% of contributors assigning blame, and 12.9% selected “all” as their response. Merve Tahiroglu, who serves as the Turkey Programme Director at the Project on Middle East Democracy, a Washington-based organization, noted that the opposition alliance is diverse, with each prominent figure within the coalition resonating with a different segment of Turkey’s population. Tahiroglu expressed optimism during a panel hosted by the Foundation for Defence of Democracies. “At this particular juncture, there is greater cause for optimism regarding the possibility of Turkey’s election resulting in an opposition victory than at any other point in the past two decades,” he said. The post Erdogan’s reign at risk: Turkey opposition gains momentum appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dib u dhac aan la shaacin sababta keentay ayaa ku yimid shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee golaha wadatashiga qaranka, kaas oo lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Baydhaba ee gobolka Bay. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la qorsheynayey in shirkaas uu furo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safar uu ku tegay dalka Eritrea. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online waxay u badan tahay in shirkaasi uu baaqdo ama dib u dhaco, maadaama madaxda qaar ay dalka ka maqanyihiin. Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu u safro magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo tababar uu ugu soo xirayo ciidan loo tababarayo dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku maqan dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ugu yaraan hal maalin uu sii joogi doono, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inay macquul tahay inuu berri u safro magaalada Dhuusamareeb. Inkastoo Villa Somalia ay shalay Baydhaba u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, hanada ma jiro hal madaxweyne goboleed oo tegay Baydhaba. Talaadadii maanta ee 14-ka Maarso ayaa la qorsheeyey in shirka madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed uu ka furmo Baydhaba, balse ma dhicin oo waa baaqday lamana shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhacaas. Sidoo kale waxaa macquul ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarka Uganda dib u dhigto oo shirka Baydhaba dib loo abaabulo, wixii ka dambeeya Arbacada berri. The post Xog: Sababo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe iyo Qoor Qoor oo dib u dhigay shirkii Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
(ERGO) – Sahra Hassan Abdi and her seven children are stranded in a drought-hit village in Nugal in Somalia’s Puntland state, 170 kilometres away from home, without any food or resources nor money to get back. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta go’aan rasmi ah kasoo saartay kiiska Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo dhacdooyin kale oo sababay dhimasho, dhaawac iyo xiisad ka abuuray Gedo. Sarkaalkan oo ah taliye xigeenka hoggaanka Sahanka iyo Wardoonka (Hangashta) ee Xoogga dalka ayaa ayaa ciqaab iyo jir-dil ku dilay maxbuus lagu magacaabi jiray marxuum Aadan Gaarac Habarwaa oo ku eedeysnaa Al-Shabaabnimo, kaas oo dhacay 23-kii bishii Febraayo ee sanadkan 2023-ka, wuxuuna falka ka dhacay degmada Doolow ee gobolkaasi. Maxkamadda ayaa sheegtay in marxuumka uu u geeriyooday biyo hafin uu u geystay Gaashaanle Cosoble intii lagu gudi jiray baarista kiisas argagixiso oo ay ugu horeysay maleegidda qaraxii lagu dilay taliyihii Ururka 28-aad ee ciidanka Xoogga Maxamed Aweys. Waxa kale oo kiiskan ka dhashay dagaal ka dhacay garoonka Doolow, kadib markii ay isku dheceen ciidamo beeleed taabacsanaa sarkaalka la xukumay, kuwaas oo diidanaa in loo soo dhoofiyo Muqdisho iyo ciidamada ammaanka ee ku sugnaa gudaha garoonka, waxaana shaqaaqadaas sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Intaasi kadib Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 26-kii isla bishii hore billowday dhageysiga kiiskan xasaasi ah oo ka dhashay dilka marxuum Aadan Gaarac. Sidoo kale xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu baarayay kiis la xiriira Al-Shabaab isla markaana uu hayay waajib shaqo Qaran, isaga oo Maxkamadda waydiistay in la saaro bixinta magta taliska Ciidanka Xoogga dalka. Dhankisa qareenka eedeysanaha dhintay ayaa isna Garsoorka waydiistay in lagu xukumo eedysanaha diya adag. Ugu dambayn Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta oo ay tahay y14-ka bisha Maarso ee 2023 ku xukuntay Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble diya adag oo ah qisaasta marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo shan sano oo xabsi Ciidan ahm sida uu warbaainta u sheegay Gaasaanle Sare Xasan Cali Nuur Suute, guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Si kastaba, xukunsanaha ayaa haysto fursad kale uu ku dalban karo Rafcaan, muddo ku siman 30 cisho. The post Gaashaanle C/llaahi Maxamed oo loo xukumay ciqaab uu marsiiyey sarkaal Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuc Buundo loogu dhisayo waddada 21 October ee ee degmada Waabari ee gobolka Banaadir, taas oo qeyb ka ah bilicda iyo isku socodka degmada. Guddoomiyaha waxaana dhagax dhigaasi sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir iyo Cabdirashiid Caynaanshe oo kamid ah Guddiga Fulinta ee Shirka Hormuud telecom. Dhagax dhiga mashruucan oo ay fulineyso Shirka Hormuud telecom ayaa ah mid ay baahi weyn u qabeen bulshada isticmaasha waddadaasi gaar ahaan Ardayda dhigata School-ka 21-October kuwaas oo qatar kala kulmi jiray Gaadiidka isticmaala Wadddadani. Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo fulinta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya, si uu uga shaqeeyo sii xoojinta xiriirka labada dal oo daris. Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya Mudane Mukhtar Mohamed Ware oo lagu so dhaweeyay xarunta madaxtooyada qaranka. Qaabilaadda kadib danjire Mukhtar Mohamed Ware ayaa madaxeynaha la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde. Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isla-markaana loogu sameeyay xarunta Villa Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood. Dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Mukhtar Mohamed Ware xilka safiirnimo ee loo soo magacaabay, isaga oo la wadaagay in dowladda federaalka Soomaaliya ay la shaqeyneyso. Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa maalmo kahor soo gaaray Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Jaamac Cumar (Huruuse) oo ku soo qaabilay xafiiskiisa wasaaradda oo ay ku yeesheen wadahadallo gaar ah. Wasiir Huruuse ayaa sidoo kale xusay in dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo daris ay ka dhexeeyaan dano badan, sida ammaanka, socdaalka, ganacsiga iyo diblumaasiyadda. Si kastaba Itoobiya ayaa kamid ah dalalka xiriirka la leh Soomaaliya, waxayna ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha ka guddoomay safiirka Itoobiya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Itoobiya ay u soo magacaabatay Soomaaliya Mudane Muktar Mohamed Ware. Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Muktar Mohamed Ware xilka safiirnimo, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somalilandad Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad uu siinayo sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadda ka taagan halkaas, ee gaartay gacan ka hadalka dhiiga ku daatay ee u dhaxeeya ciidan Somaliland iyo ku deegaanka. Biixi ayaa intaas ku daray dhankooda ay ku dhawaaqeen xabad joojin shuruud la’aan ah, iyadoo la xasuusto in madaafiic lagu garaacay magaalada ay geystay khasare soo gaaray dad shacabka oo dantu biday in markii dambe in ay isaga baxaan magaalada, kuwaas oo ku sugan xeryo barakac oo ku yaalla Puntland iyo Dowlad Deegaanka. “Qodobka koowaad ee aan mudnaanta siinayo maanta waa dhibaatada ka jirta gobolka Sool, oo ahayd mid aanan filaynin, arrinta ugu horreysa waa inaan si nabad ah u xalinno xaaladda Laascaanood, dowlad ahaan marwalba waxaan ku dhawaaqaynay xabad joojin iyo in shuruud la’aan la joojiyo dagaalka,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan cid walba oo kala shaqaynaysa nabadda gobolka Sool, isaga oo ka digay gacmaha “shisheeye” ee faraha kula jira xaaladda golbolkaas, iyadoo ay jirto in dowladda Itoobiya ay garwadeen ka tahay wadahadallo u dhaxeeya Biixi iyo Garaad Jaamac Garaad Cali. Magaalada Laas caanood ayaa waxaa muddo bil ah ka dacayay dagaal dadka deegaanka ay ku diidan yihiin in ciidanka Somaliland ay sii joogaan gobolka, iyaga oo wadahadal kasta shuruud uga dhigay in gobolka Sool laga saaro Milatariga Somaliland, xilli Madaxweyne Biixi oo ka dhago adeegay inuu dib uga raro ciidanka gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo taliye xigeen hogaanka Sahanka iyo Wardoonka (Hangashta) ee ciidanka xoogga dalka, kadib markii lagu soo eedeeyay dilka marxuum Aadan Gaarac Habarwaa. Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ah eedeysanaha ayaa waxaa 23 February Sanadkan, biyo ku hafin uu ku dilay marxuumka geeriyooday, xilligaas Aadan waxa uu u xernaa Qarax lagu Dilay taliye Ururkii 28-aad ee ciidanka xoogga dalka oo lagu dilay degmada Dolow ee Gedo. Maxakadda ayaa Cabdullaahi Maxamed Cosoble waxaa lagu xukumay bixinta mag adag oo ah tii Marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo 5 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu fadhigii maxkamadda ka sheegay, guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qalabaka sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha dowladda Mareykanka u qaabilsan gobolka Minnesota, Andy Luger ayaa Isniintii shalay dacwado kusoo oogay illaa 10 qof oo Soomaali ah, kana mid ah jaaliyadda gobolka Minnesota, kuwaas oo la xiriira musuq. 10-ka qof ee lasoo xiray ayaa waxaa loo heystaa inay lunsadeen lacag loogu talagalay mashruuc quudin ah oo laga fuliyay magaalooyin ku yaalla gobolka Minnesota, xilligii uu jiray caabuqa COVID-19. Xeer ilaalinta ayaa shaaca ka qaaday in 10-ka qof ee Soomaalida ah la horgeyn dooono maxkamada, isla-markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. Garyaqaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Amiin Haaruun, isla-markaana degan gobolka Minnesota ayaa VOA uga warramay kiiskaas iyo sida ay wax ud dhaceen. Amiin Haaruun ayaa shaaca ka qaaday in Soomaalida lasoo eedeeyay dhammaantood loo heysto dambiyo waa weyn oo la xiriira xatooyada xoolo dadweyne. “Dambiyada lagu soo eedeeyay dhamaantood waxay la xiriiraan musuq, wax isdaba marin, laaluush bixin iyo si aan loogu tala-gelin in loo isticmaalay.” ayuu yiri Amiin Haaruun. Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in lacagta la masuq-maasuqay oo loogu talagalay carruurta danta yar ee gobolka Minnesota lagu iibsaday dhul, guryo, gawaari iyo diyaarad. “Waxaa kamid ah in guryo lagu gatay, waxaa kamid ah in dhul ballaaran lagu gatay waxaa kamid ah in baabuur qaali ah lagu gatay, xittaa qof kamid ah uu diyaar ku gatay” ayuu yiri. Dhammaan dadkan kuma jiraan kuwa lagu caddeeey dambiga loo haysto, waxayna sugayaan maxkamadeyn, kuwa badan oo ka mid ah ayaa si toos ah ama ayaga marinaya qareenadooda sheegay inaysan wax dambi ah gelin. Si kastaba, bishii September ee sannadkii hore ayaa dacwad tan la mid ah lagu soo oogay ilaa 50 qof oo asal ahaan Soomaali ah, balse heysta dhalashada Mareykanka. Tirada guud ee dadka la tuhunsanyahay ee lasoo dacweeyay ayaa hadda gaartay illaa 60 qof. The post Minnesota: 10 qof oo kale oo Soomaali ah oo lagu soo oogay dacwadda kiis xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Feysal Adan oo ay kamid yihiin howlwadeenada wasaarada, Ha’adda UNDP iyo xubno ka socda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyinta wasaarada Caddaaladda oo ugu horeeyo wasiirka wasaaradaas. Ujeedka socdaalka ayaa ah in meel leysla dhigo qorshaha lagu qabyo tirayo laguna howlgalinayo xabsiga cusub ee laga furi doono magalda Baydhabo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
At least five people were killed and 11 others, including a regional governor, wounded in a suicide attack on Tuesday in southern Somalia, a police commander told AFP. Source: Hiiraan Online
-
Kismayo (HOL) - A mortar attack in the Bardhere district of the Gedo region killed at least four people, including a mother and her children on Tuesday. According to residents, the attack killed the mother, her two children, and a male guest, while two other children from the same family were injured. Source: Hiiraan Online
