-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland President Muse Bihi Abdi paid a public relations company “to discredit the US support for Somalia forces fighting Al-Shabaab.” Mogadishu (PP News Desk) — Somaliland Administration instructed FGS Global, a London-based public relations company, to send to the United States Government disinformation on the Laascaanood conflict. “I’m writing on behalf of the Republic of Somaliland’s Mission to the United States to provide an update on the ongoing situation in Laas-Anod, the capital city of the Sool region in Somaliland” wrote Joshua Gross, a lobbyist working for Somaliland. Through FGS Global, Somaliland Administration spreads disinformation against the sovereignty of Somalia. Gross accused the Federal Government of Somalia of fanning the conflict. “As of today, more than 500 Somali Armed Forces members – formerly from brigades known as Haramad, Gorgor, and Danab – are fighting against the Somaliland government alongside al- Shabaab elements and militant groups” wrote Gross, whose spin betrays the common rejectionist outlook shared by Somaliland and Al-shabaab, two outfits against the sovereignty of Somalia. The US-trained Somali forces liberated territories once controlled by Al-Shabaab. “The disinformation campaign of Somaliland through its lobbyists is aimed to discredit the US support for Somalia forces” said Hassan Ali, a retired Somali colonel in Mogadishu. Somaliland administration claimed that its forces shelling Laascaanood were fighting terrorists. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland accused of “funding disinformation campaign through FGS Global” appeared first on Puntland Post.
-
Caydaruus Cabdisamad Maxamed ayaa noqdey xildhibaan cusub oo ka mid ah Golaha deeganka ee Hargeysa . Xildhibaankan cusub ayaa buuxin doona Marxuum Ismaaciil Sheekh Muuse oo maanta geeriyoodey kana mid ahaa Xildhibaanada Golaha Deeganka Hargeysa . Alleh ha u naxariisto Marxuum Xildhibaan Ismaaciil Sheekh Muuse Qaran News
-
Liiska Magacyadda Ergada Madax-dhaqameedka M/weyne Muuse Biixi u wakiishay Kulanka Adis-ababa 1- Suldaan Maxamuud xaaji xuseen 2-Suldaan Maxamuud guuleed mire 3- Suldaan Daa’uud S.Maxamed Cabdiqadir 4-Suldaan Cawil faatax 5- Suldaan Cabdiraxam Jaamac dhawal 6-Suldaan Xasan Xadi Baade 7-Suldaan xasan S.Cabdilaahi 8-Suldaan Ismaaciil Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, oo uu kaga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Shaati Gaduud Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo gaaray. Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasare ku xigeenka Salax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada. Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shirka wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u iclaamisay in doorashada Madaxtooyada ay ka horeyso tan ururada, taasi oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay arrintaasi ayaa sheegay in waqtigii sharciga ahaa ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland uu dhammaaday, sidaas darteed ay tahay inay dib u galaan tartankii ay xisbiyo ku noqon lahaayeen. “Waxaynu ku jirnaa saddexdii xisbi qaran oo waqtigoodii dhacay oo aan doorasho geli karin illaa iyaga dib loo doorto, waxa halkan taagan toban urur oo shahaado loo siiyey inay u tartamaan inay xisbiyo qaran noqdaan, waxaynu u baahanahay inaynu deg deg guddida doorashada uga codsanno inay inoo sameeyaan qorshe iyo waqti oo xisbiyadii iyo ururradu doorashada galaan oo ay soo baxaan saddex xisbi qaran,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. Waxa uu intaas kusii daray “Ma jiro xisbi odhan kara anigu xisbi baan ahay oo la tartami maayo ururrrada, waa in saddexda xisbi iyo ururradu ay galaan doorashada, si ay u soo baxaan saddex xisbi qaran oo sharci ah.” Saddexda xisbi ee hadda jira ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah. Madaxweyne Muuse Biixi oo kal hore u meel-martay muddo kordhin uu usameeyay Golaha Wakiiladda, ayaa xilligaan u muuqda in uu rabo inuu ka taqaluso labada xisbi mucaarid, oo iyagu xiisadda dagaal ee Laascaanood ku eedeeyay Muuse Biixi. Tallaabadan ayaa waxay Somaliland dib uga istaadhi doonta khilaafkii doorashooyinka, kaasi oo mar gaaray meel xasaasi ah oo rabshado dhiig ku daatay ay ka dhaceen gudaha Somaliland. The post Biixi oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta Dekada Magaalada Muqdisho kala wareegay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi Markab sida Deeq gargaar ah. Deeqdaan ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka,waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka abaraha,coladaha sameenta ay ku reebeen waxaana sidoo kale mucaawinadaan loogu talagaaly shacabka ku nool deganadii dhawaan laga xoreeyey khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab ee maamulada galmudug, KGS,Jubbaland iyo Hirshabelle. Markabkaan oo ku soo xirtay dakada weynee muqdisho ayaa waxaa halkaas maanta booqasho ku tagay Guddoomiyaha Hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka SoDMA, mudane maxamuud macallim cabdulle, Safiirka imaaradka carabta u joga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo katirsan hey’adda maareynta. Safiirka imaaradka carabta u joga muqdisho Ahmed Jumca alrumaythi ayaa sheegay in ka dowladd ahaan ay ka go’antahay caawinta walalahood soomaaliyeed ayna sii wadi donaan cawinta bini aadanimo, Xilli Soomaaliya ay ka jiraan abaaro baahsan oo dad iyo duunyo intaba siweyn u saameeyay. Guddoomiyaha Hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka,mudane maxamuud Macallim Cabdulle ayaa dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, Sidoo kalana kawarbixiyey gargarakan qeybaha uu iskugu jira ayna balan qadayaana in ay gaarsiyaan dadkii u baahnaa ee guud ahaan ku sugan dalkena. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Alle ha u naxariisto Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Hargaysa ayaa goor dhawayd Geeriyooday. Marxuumka ayaa muddo Xanuun u jiifay , Geeridda Marxuumka waxaa xaqiijiyay Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare isaguna ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa. Source
-
Lahore (Caasimada Online) – Booliska Pakistan ayaa u muuqday maanta inay ka tanaasuleen isku day ay kusoo xiri lahaayeen ra’iisul wasaare hore Imran Khan, kadib markii ay hor-istaageen taageerayaashiisa. Booliska ayaa soo afjaray go’doomin ay ku hayeen guriga Khan kadib markii ay isku dhaceen boqolaal taageerayaashiisa ah oo difacaaya. Weriye ka tirsan AFP iyo goobjoogeyaal ku dhow guriga Khan ee xaafadda Zaman Park ee duleedka Lahore ayaa sheegay in booliska iyo ciidamada u tababaran sida militariga ay dib uga gurteen aagga, ayaga oo cidleeyeey jid gooyooyin dhowr ah iyo baro kontorool. “Booliska iyo ciidamada ranjariska ee loo soo diray inay waxyeeleeyeen Khan waxaa dib u riixay shacabka,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qoray xisbiga PTI ee Khan, oo sidoo kale soo bandhigay muuqaalo muujinaya shacab ku dabaal-degaya banaanka guriga. “Dad hor leh ayaa imanaya Zaman Park, mana ogolaan doonaan marnaba inay guuleystaan hadafyada xun ee dowladdan dibedda laga keenay, Insha’Allah.” Iska hor-imaadka booliska iyo taageerayaasha Khan Booliska iyo taageerayaasha Khan ayaa waxaa xalay oo dhan dhex-marayey dagaal, ayaga oo ridaya gaaska dadka ka ilmeysiiya, halka shacabka ay tuurayeen dhagxaan. Koox boolis ah ayaa la arkayey ayaga oo galabta ka cararaya aagga guriga Khan. Khan ayaa waxaa xukunka looga qaaday codka kalsoonida baarlamanka sanadkii tegay, waxaana lagu soo oogay daraasiin kiisas musuq-maasuq ah, xilli uu u ololenayo doorashooyin waqtigooda kasoo hormara si uu xukunka ugu so laabto. Bogagga rasmiga ah ee PTI ee baraha bulshada ayaa muujiyey muuqaalka Khan oo shacab ku salaamaya beerta gudaha gurigiisa, halka taageerayaal faraxsanna ay ku dabaal-degayeen banaanka. Doodda sharci ee labada dhinac Booliska ayaa ku adkeystay inay haystaan amar ay kusoo xiraan Khan sababo la xiriira inuu ku guul-darreystay inuu horyimaado maxkamaddaIslamabad una wajaho dacwado musuq-maasuq. Hase yeeshee, ra’iisul wasaarihii hore iyo qareenadiisa ayaa sheegay in la siiyey damaanad. “Hoggaamiyaha PTI ma haysto damaanad ka ilaalisa kiiskan,” waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka booliska Islamabad Muhammad Taqi Jawad. Waxa uu sheegay in amarka soo xiris uu weli taagan yahay, wuxuuna beeniyey in booliska ay dib u gurteen gurigiisa. Afhayeenka booliska ayaa intaas ku daray “Ficilladeena waxay u hoggaansami doonaan sharciga, waxaana naga go’an inaan fulino waajibaadkeena. Goor sii horreysay Imran Khan ayaa baahiyey muuqaal uu ku yiri “Shacabka ayey gaaska dadka ka ilmeysiiya ku furayaan iyo walxo kale, balse ogaada qiil uma haystaan. AFP, VOA The post Taageerayaasha Imran Khan oo si cajiib ah booliska uga hor-istaagay inay soo xiraan appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Faallo ) — Somaliland waxay kaga duwan tahay maamullada kale ee Soomaaliyeed waa meesha uu suuqa siyaasaddu si rasmi ah uga hirgalay. Alex de Waal buuggiisa The Real Politics of the Horn of Africa: Money, War and the Business of Power wuxuu ku xusay in suuqa siyaasadda Somaliland billowday 1993kii markii Maxamed Ibraahim Cigaal Boorame loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland. Dagaal dhowr sano socday ayaa ku xigay doorashadiisa kaddib markii Madaxweynihii kowaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali uu sheegay in Somaliland ay ka noqotay goonni-isu-taag iyo inuu taageerayo hab federaal oo suurtagalin kara in hay’adaha siyaasadda Soomaaliya dib loo dhiso. Suuqa siyaasaddu waa meel codad iyo taageero lagu kala iibsanayo. Somaliland inay 2007 Laascaanood qabsato waxaa u sahlay suuqa siyaasadda. Ciidan deegaanka ah oo uu hoggaaminayay siyaasi deegaanka ayay Somaliland maalgelisay. Ciidankaaas beeleed waxaa ka awood-batay ciidan beeleed kale oo uu hoggaaminayay horjooge (horgale) kale oo Somaliland la shaqaynayay ilaa 2003. Somaliland maamulkeedu marnaba Laascaanood kama hirgalin. Ciidanka deegaanku waxay ilaaliyayaaal u ahaayeen ciidanka Somaliland. Markii ciidanka deegaanka (caaglayaaal) ay Somaliland lacagta siin jirtay arkeen in Laascaanood dhexdeeda uu dagaal ka dhici karo ayay diideen inay magaca Somaliland iyagoo sita dagaal ka dhex aloosaan Laascaanood. Waxay ogaadeen in dhaawaca caaglayaasha aan la geyn doonin Hargeysa. Dagaal aysan filaynin ayaa Laascaanood ka qarxay oo ku qasbay ugu dambayntii inay ku soo biiraan xoogagga SSC-Khaatumo. Burburka ugu weyn dhanka siyaasadda wxuu gaaray dadkii Hargeysa ku joogay inay Laascaaood metelaan. “Somailand marka ay Laascaanood joogto waxay ahayd Mahad Cambaashe iyo caaglayaashiisa. Sidaas darteed kuma hadli karno magaca Somaliland, mana taageeri karno siyaasadda Somaliland hadda” ayuu mid ka mid horgalayaashu si cad ugu sheegay Muuse Biixi. Suuqa siyaasaddu wuxuu ku salaysnaa in caaglayaasha Galbeedka Laascaanood joogay iyo kuwo iyaga ku sii hoos nool lacag lagu siiyo inay Laascaanood ku tilmaamaan meel argagixiso ku sugan tahay. Doodda Somaliland sida gaarka ah beesha caalamka ugu sheegto waxay ahayd in ciidankeedu hortaagaan yihiin xasiloonni-darro kooxo argagixiso ahi abuuri karaan. Been ka daba timid Hargeysa ayay dooddaasi noqotay. International Crisis Group ayaa xitaa doodda Somaliland ku tilmaantay mid ay been kaga sheegayso dadka Laascaanood. Maamulka Somaliland waxaa hor tiil inuu kala doorto yaraynta awoodda caaglayaasha iyo taageerista dadkii magaca Khaatumo kula heshiiyay Somaliland 2017. Maamulka Somaliland oo og xiriirka fog oo uu caaglayaasha la lahaa iyo halista iman karta haddii uu yareero awoodda caaglayaasha Laascaanood ayaa doortay inuu heshiiskii marxuum Cali Khaliif Galayr la galay maamulka Somaliland laga dhigo mid aan shaqaynaynin. Somaliland way ku saxanayd mowqifkaas waayo caagle heshiis mushaar buu Somaliland kula jiray; ma ahayn sida maamulkii Khaatumo oo goosasho sharciyaynayay (isagoo og ama aan isogeyn). Somaliland waxay dan u aragtay in suuqa siyaasaddu sii socdo, waana go’aan siyaasadeed oo aad wax u taray dadka Laascaanood: go’aanku wuxuu muujiyay in mabda’a goosashadu uusan ka shaqaynin Sool, iyo in Somaliland isu dhalanrogi karin maamul ka madaxbannaan caaglayaal iyo suuq siyaasadeed waayo waa maamul diiddan qarannimada Soomaaliya. Si kale marka loo eego Somaliland waxay la-hayste u ahayd caaglayaasha markii dambe ku soo jeestay. Laascaanood maanta ma aha magaalo ay caaglayaal awood ku leeyihiin. Kuwii 2007 iyo 2017 moodayay inay awood ku yeelan doonaan markay Somaliland la galeen heshiis suuq siyaasadeed ku qotoma waxay arkeen in siyaasadda Somaliland hoostagto dhuunta (qoriga ama jirka) caaglaha. Buugga Adduun iyo Taladii, Rashiid Sheekh Cabdullahi wuxuu si qotodheer uga hadlayaa sida siyaasadda suuqa ku salaysani u saamaysay nabad ku wada noolaanshaha dadka. Dagaal qeyb ka mid ah Itoobiya ku dhexmaray beelo Soomaaliyeed waxaa laga hurinayay Hargeysa dhexdeeda, ayuu ku dooday Rashiid. Siyaasaddu waxay noqotay sida badeecad suuqa lagu kala iibsado. Ma jirto isla xisaabtan siyaasadeed dhab ah. Doorasho ayaa ah habka dimuqraadiyad loogu afgobaadsado. Warbixintii University College London ay ka soo saartay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 2017 waxay ku iftiimisay in Somaliland ay aad ugu tiirsan tahay hab dhaqameed si ay u xalliso dhibaatooyin, welina ma yeelan hay’ado doorasho oo dadka oo dhan ka wakiil ah oo si buuxda u taageeri kara u gudbista qaran adag (“…over-reliant on a customary system to solve problems, and with representative electoral institutions not yet fully capable of supporting the transition to a stronger nation-state.”. Warqad celmiyeedkii Dr Claire Elder ay 2021kii ku saartay International Affairs waxay ku gorfeysay sida keli-talis iyo lacag-talis (oligarchic corporate power) uga hirgaleen Somaliland una abuureen wax loo yaqaanno amniyeynta (securitisation) oo ah hab muranka siyaasadda loogu beddelo dhibaato amni sida marka Muuse Biixi la soo shirtagay in Khawaarij ay Laascaanood ku sugan yihiin. Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamiyayaal maskaxdoodu shaqaynayso oo og in ay waxa ay maanta harsanayaan ay tahay qarannimada Soomaaliyeed ay hadda is diidsiinayaan. Qaladkaas oo kale hore wuu u dhacay, ciribtiisii waxay noqotay waxgarad wuu og yahay, doqonse loo sheegi mayo. Maxamuud F. Aadan, Jaamacadda Banaadir The post Colaadda Laascaanood iyo Suuqa Siyaasadda ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in shalay wafdi ka socda hay’addaha Laanqayrta cas iyo bisha cas ay booqdeen maxaabiista ku xidhan Jeelka weyn ee Hargeysa kuwaas oo lagu soo qabtay dagaalkii Laascaanood. Wasaaradda Caddaaladda Somaliland ayaa sheegtay in maxaabiistaasi loola dhaqmay si wanaagsan islamarkaana loo dhammaystiray dhammaan waxyaabaha uu u baahan yahay qofka maxbuuska ahi. Source
-
Lahore, Pakistan – On Wednesday, Pakistani police abandoned their attempt to arrest former Prime Minister Imran Khan after facing violent confrontations with hundreds of his supporters in the affluent Zaman Park suburb of Lahore. According to witnesses at the scene, law enforcement officers, including police and paramilitary rangers, were forced to withdraw from the area, dismantling roadblocks and checkpoints in the process. “The police and rangers dispatched to harm Imran Khan were repelled by the citizens,” the official Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) party announced on Twitter, accompanied by a video of jubilant supporters gathered outside Khan’s residence. The PTI added, “More people continue to gather at Zaman Park, determined to prevent the malicious plans of this imposed government from prevailing by the will of God.” Throughout the night, police fought with Khan’s supporters, exchanging tear gas and dodging rocks hurled by enraged crowds. By Wednesday afternoon, groups of police officers were observed retreating from the vicinity of Khan’s home. Khan, who was removed from office via a no-confidence vote last year, has been entangled in numerous legal cases as he campaigns for early elections and a return to power. Official PTI social media accounts displayed videos of the former Prime Minister greeting supporters within his garden while celebratory crowds were amassed outside. Imran Khan vs Pakistan: Legal disputes Pakistani authorities maintain they possess a warrant for Khan’s arrest after he failed to appear before an Islamabad court on corruption charges. Nevertheless, Khan and his legal representatives assert that he has already been granted bail for the offense. Muhammad Taqi Jawad, a spokesperson for Islamabad police, said that contrary to Khan’s claims, “The PTI leader, Imran Khan, does not have protective bail for this particular case.” Jawad also emphasized that the arrest warrant would remain in effect and denied the withdrawal of police forces. He stated, “Our actions will strictly comply with the law, and we are dedicated to carrying out our responsibilities.” In a video released earlier, Khan sat before Pakistani and PTI flags, surrounded by spent tear gas canisters. He declared, “They may use tear gas against our people and engage in similar actions, but it’s important to realize that they have no valid reason for doing so.” On Wednesday morning, hundreds of PTI supporters formed a human barrier around Khan’s residence in the upscale neighborhood, successfully thwarting police attempts to breach the property. Social media videos circulated by official PTI accounts depicted injured supporters and others suffering from the effects of tear gas. A PTI official urgently requested first aid kits for the Zaman Park community via Twitter. In response to the police aggression, Khan said, “The manner in which the police assault our citizens is unprecedented.” He also highlighted the use of water cannons and tear gas, which were fired into the grounds of his residence, where staff and women were present. High Court petition and political drama The Islamabad High Court convened on Wednesday to consider a new petition from the PTI to prevent Khan’s arrest, potentially diffusing the tense situation. Khan, 70, is required to appear in court to address allegations that he failed to disclose gifts received during his time as Prime Minister, as well as the profits gained from their sale. While the former international cricket star continues to pressure the incumbent coalition government, led by Prime Minister Shehbaz Sharif, through popular rallies and daily addresses, Sharif accused Khan of considering himself “above the law.” Sharif further criticized Khan’s actions as “naked defiance” and noted that the former Prime Minister “is defying each other. Pakistan faces a severe economic downturn, with the risk of defaulting on its debts if assistance cannot be obtained from the International Monetary Fund (IMF). Deteriorating security in Pakistan The country’s security situation has also worsened, with a recent series of deadly attacks on police headquarters attributed to the Pakistani Taliban. Tauseef Ahmed Khan, a political analyst, author, and human rights activist commented on the ongoing standoff in Lahore: “The standoff in Lahore reflects the worst state of affairs in the country.” Khan further explained, “On one side, it is the failure of police and law enforcement agencies… on the other, this has been a new trend in South Asian politics – that a political leader is defying arrest by using his workers and supporters.” The arrest attempt and subsequent clashes between Khan’s supporters and law enforcement agencies have exposed deepening political divides and raised concerns about the stability of Pakistan’s government. As the country grapples with economic and security challenges, resolving this political crisis will be critical for the nation’s future prospects. The post Imran Khan supporters create human barrier to stop arrest appeared first on Caasimada Online.
-
Booliska Pakistan ayaa u muuqday maanta inay ka tanaasuleen isku day ay kusoo xidhilahaayeen ra’iisul wasaare hore Imran Khan, kadib markii ay hor-istaageen taageerayaashiisa. Booliska ayaa soo afjaray go’doomin ay ku hayeen guriga Khan kadib markii ay isku dhaceen boqolaal taageerayaashiisa ah oo difacaaya. Weriye ka tirsan AFP iyo goobjoogeyaal ku dhow guriga Khan ee xaafadda Zaman Park ee duleedka Lahore ayaa sheegay in booliska iyo ciidamada u tababaran sida militariga ay dib uga gurteen aagga, ayaga oo cidleeyeey jid gooyooyin dhowr ah iyo baro kontorool. “Booliska iyo ciidamada ranjariska ee loo soo diray inay waxyeeleeyeen Khan waxaa dib u riixay shacabka,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qoray xisbiga PTI ee Khan, oo sidoo kale soo bandhigay muuqaalo muujinaya shacab ku dabaal-degaya banaanka guriga. “Dad hor leh ayaa imanaya Zaman Park, mana ogolaan doonaan marnaba inay guuleystaan hadafyada xun ee dowladdan dibedda laga keenay, Insha’Allah.” Booliska iyo taageerayaasha Khan ayaa waxaa xalay oo dhan dhex-marayey dagaal, ayaga oo ridaya gaaska dadka ka ilmeysiiya, halka shacabka ay tuurayeen dhagxaan. Koox boolis ah ayaa la arkayey ayaga oo galabta ka cararaya aagga guriga Khan. Khan ayaa waxaa xukunka lagaga qaaday codka kalsoonida baarlamanka sanadkii tegay, waxaana lagu soo oogay daraasiin kiisas musuq-maasuq ah, xilli uu u ololenayo doorashooyin waqtigooda kasoo hormara si uu xukunka ugu so laabto. Bogagga rasmiga ah ee PTI ee baraha bulshada ayaa muujiyey muuqaalka Khan oo shacab ku salaamaya beerta gudaha gurigiisa, halka taageerayaal faraxsanna ay ku dabaal-degayeen banaanka. Booliska ayaa ku adkeystay inay haystaan amar ay kusoo xiraan Khan sababo la xiriira inuu ku guul-darreystay inuu horyimaado maxkamaddaIslamabad una wajaho dacwado musuq-maasuq. Hase yeeshee, ra’iisul wasaarihii hore iyo qareenadiisa ayaa sheegay in la siiyey damaanad. “Hoggaamiyaha PTI ma haysto damaanad ka ilaalisa kiiskan,” waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka booliska Islamabad Muhammad Taqi Jawad. Waxa uu sheegay in amarka soo xiris uu weli taagan yahay, wuxuuna beeniyey in booliska ay dib u gurteen gurigiisa. Afhayeenka booliska ayaa intaas ku daray “Ficilladeena waxay u hoggaansami doonaan sharciga, waxaana naga go’an inaan fulino waajibaadkeena. Goor sii horreysay Imran Khan ayaa baahiyey muuqaal uu ku yidhi “Shacabka ayey gaaska dadka ka ilmeysiiya ku furayaan iyo walxo kale, balse ogaada qiil uma haystaan. Source
-
Mareykanka, Australia iyo Britain ayaa daaha ka rogay faahfaahin ku saabsan qorshaha lagu siinayo Australia horraanta sannadka 2030-ka maraakiibta gujiska ee ku shaqaysa tamarta nukliyeerka si ay uga hortagi karaan hamiga Shiinaha ee badweynta Indo-Pasific. Qorshahan ayaa ka cadheysiiyay Shiinaha Source
-
Dawladda Taiwan ayaa markii ugu horraysay soo saartay diyaaradaha dagaalka gaar ahaanna kuwa wax qarxiya ee masaafada dhow wax ka dila. Diyaaraddan cusub oo lagu farsameeyey gudaha dalka Taiwan ayaa ah mid u eeg ta Maraykanka ee Switchblade 300 oo ah diyaarad yar oo ay haatan adeegsadaan ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka. Diyaaraddan oo ah mid aanay xajmigeedu waynayn ayaa hawada ku jiri karta muddo dhan 15 daqiiqo. Iyada oo laga diri karo goobaha dagaalka gaar ahaanna jiidda hore. Dawladda Taiwan ayaan wax wara ka soo saarin in ay hubkan cusub u iib geyn doonto Caalamka intiisa kale ama ay ku taageeri doonto waddamada ay saaxiibka yihiin. Source
-
Gaadiid Kala Xidhay Wadada Dekeda Ay Ka Galaan Gaadiidka Xamuulka Qaada Iyo Sababta, Gaadiidka Xamuulka Ka Qaada Dekeda Berbera ee Loo Yaqaan Tareelada Ayaa Goordhaweyd Kala Xidhay Wadada Ay Gaadiidku Dekeda Ka Galaan Iyagoo Ka Cabanaya Shaqadii Ay Lahaayeen ee Daabulka Badeecadaha ee Lageynayo Free Zone-ka Ay Shirkada Dekeda Maamusha ee DP World Iska Hortaagtay Waxaanay Shirkadu Ku Daabulaysaa Badeecadihii Lageynaayay Suuqa Xorta Ah Ama Free Zone-ka Gaadiidkii Shirkadu Lahayd ee Loogu Talgalay Inay Kadhex Shaqeeyaan Deked Gudeheeda oo Kaliya Maadamoo Aanay Lahayn Lambar Lana Cashuurin Lacagta Wado Maristana Aanay Bixinin. Goobta Ay Wadayaasha Gaadiidku Kala Xidheen ee Ay Gaadiidkooda Ku Gooyeen Ayaa Waxa Gaadhay Ciidamada Booliska oo Ku Amray Inay Wadada Furaan, Wayse Diideen Darwalada Gaadiidku Waxaanay Dalbadeen In Loogu Yeedho Maamulada Gobolka Iyo Degmada Si Ay Tabashadooda Ula Wadaagaan, Ilaa Hadana Wadadii Way Xidhantahay Ciidankiina Waa Joogaan Waxaana La Sugayaa Maamulkii. All reactions: 2020 Qaran News
-
Xukumada Muuse Biixi ayaa dalka Itoobiya u dirtay 8 xubnood oo ka mid ahaa madax dhaqameedkii hore Xukumada Somaliland ugu dirtay Magaalada Caynaba ee muddo Halkaa fadhiyey Balse ku hungoobay inay la kulmaan Isimada Beelaha Sool clan. xubnahan Madax-dhaqameedka ka tegay Hargeysa ayaa la filaayaa inay Adis-ababa kula kulmaan isimada Beelaha Sool clan Qaarkood. Dhinaca kalena Madaxweyne Muuse Biixi ayaa qasriga Madaxtooyada Kulan kula yeeshay Madaxdhaqameedkaa uu u igmaday unay u anbabaxaan Adis-ababa. Qaran News
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Xaalado adag oo isbiirsaday ayaa haatan ka taagan gobolka Gedo ee koonfurta dalka, waxayna isugu jiraan amni darro, arrimo bani’adaanimo iyo khilaafaad maamulka ah oo soo jiitamayey kahor doorashadii soo dhamaatay iyo kadib. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Gedo ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo lagu beegsaday mas’uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha muhiimka ee ka howlgala gobolkaasi, waxaana ugu dambeeyay weerarkii is-qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay Baardheere. Afhayeenka maamulka gobolka Gedo oo lagu magacaabo, Cali Jubba ayaa wareysi uu siiyay Shabelle TV kaga hadlay xaaladda guud ee gobolkaasi iyo qaraxyada kusoo batay. Cali Jubba ayaa tuhun weyn ka muujiyay qaraxyada bartilmaameedka ah ‘ee lagu leynayo mas’uuliyiinta gobolka’ kadib markii qaar kamid ah xubnaha maamulka oo ay saraakiil sar sare ku jiraan la dilay iyo halka kuwa kalena la dhaawacay, kadib qaraxyo loo dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saddexdii qarax ee ugu dambeysay ee kala kala dhacay degmooyinka Beled-xaawo, Luuq iyo Baardheere ay ka dambeeyeen ‘dad shurako la ah Al-Shabaab’ isla-markaana kasoo horjeedo nabadda iyo horumarka maamulka Gedo. “Waxaa jira tuhuno badan oo aan is leenahay howshaan in Argagixisada lagu wehliyo, ama shurako lagula yahay oo ay abaabuulaan ama ay ka dambeeyaan dad diidan nabadda iyo horumarka gobolka Gedo, taas oo tuhuno ah waanu qabnaa,” ayuu yiri afhayeenka. Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in qaraxyada ka dhacay gobolka Gedo ay ka duwan yihiin kuwii horay uga dhacay dalka intiisa kale, isla-markaana ay u muuqdaan kuwo lasoo maleegay oo lagu beegsanayo hal doorka gobolka oo ay ugu horreeyaan mas’uuliyiinta xilalka haya iyo saraakiisha u xil-saaran ammaanka ee ku sugan halkaasi. “Qaraxyada nooca ka dhacay gobolka Gedo oo ugu dambeeyay kii shalay iyo labadii ka horreeyay ee lagu beegsaday taliye Bakaal Kooke iyo taliye Maxamed Aweys waa saddex nooc oo ka duwan qaraxyada kale ee ka dhaco dalka,” ayuu markale hadalkiisa raaciyay. Saddexdii qarax ee ugu dambeysay ee ka dhacay Gedo ayaa waxaa mid kamid ahaa lagu khaarijiyay taliyihii NISA ee Gobolkaas, Korneel Bakaal Kooke oo 12-kii bishii Septembar lagu dilay qarax miino oo loo dhigay gaari uu la socday, xilli uu ka baxay degmada Luuq. Sidoo kale waxaa weerar kale oo kaas la mid ah, isla-markaana ahaa qarax aad loo soo qorsheeyay isna lagu dilay taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada Xoogga Gaashaanle Maxamed Aweys, kas oo 18-kii bisha Febraayo ee sanadkan 2023 ka dhacay Beled-xaawo. Qaraxa lagu dilay taliye Maxamed Aweys ayaa ka duwanaa qaraxyadii kale ee ka dhacay gobolka, maadaama sariirtiisa loogu kor xiray, kadibna lagu qarxiyay, isaga oo hurdayay. Si kastaba, waxaa dhammaan weeraradaas dusha u ridatay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan qaybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta waddanka Soomaaliya. The post Daawo: Yaa ka dambeeya ‘qaraxyada lagu leynayo’ mas’uuliyiinta GEDO? appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada ilaalada Xeebaha dalka Turkiga ayaa sheegay in Muhaajiriin ay ku geeriyoodeen meel ka baxsan biyaha dalkaasi, iyaga oo qeyb ka ahaa Muhaajiriin magangalyo doon ah oo ku sii jeeday dalka Giriiga. Laba Doomood oo ay la socdeen Tahriibayaal gaaraya 42 ruux ayaa dib looga soo celiyay badda Giriiga, taas oo keentay in Doomaha qaraqmaan, ciidamada Ilaalada Turkiga ayaa sheegay in lasoo badbaadiyay 38 Ruux. Muhaajiriinta la socday labada Dooni waxaa laga helay meel ku dhow Gacan-biyoodka The Dilek Peninsula ee Degmadda Kuşadası ee Gobalka Aydin ee Galbeedka dalka Türkiye, xilli loo diiday in ay galaan Giriiga. Tahriibayaal badan ayaa inta badan sii mara dalka Turkiga iyaga oo doonaya in ay galaan Dalka Giriigga si ay uga sii gudbaan wadamada kale ee Qaaradda Yurub si ay u helaan nolol dhaanta tii ay uga yimaadaan dalkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State Minister for Planning Mohamed Saeed Farole yesterday clarified the position of Puntland on a plan by the Federal Government of Somalia to secure loans from multilateral agencies and donor countries. “Puntland does not support the initiative to borrow money from multilateral agencies in the name of Somalia. The initiative will make Somali children more indebted to creditors” said Mohamed. The leaders of the Federal Government of Somalia, using the legitimacy of the new dispensation in the eyes of the International Community, aim to borrow money from donor countries and Bretton Woods institutions despite the stalled debt relief initiative for Somalia. Mohamed Saeed Farole: “Puntland does not support the initiative to borrow money from multilateral agencies in the name of Somalia to make Somali children more indebted to creditors.” Last week, President Hassan Sheikh Mohamud said that his government was committed to exploiting “national resources”. Somalia is country whose federal institutions are protected by ATMIS under the Chapter Seven Article of the United Nations Charter applied to a country that cannot guarantee security of its territory. The predatory policies of donors come to light when a loan is extended a war-torn, highly indebted country. “Puntland State will write to potential creditors to challenge the plot to use the legitimacy of Somalia’s fragile institutions to make our country more indebted. Any loan extended to Somalia will not count as a sovereign debt under the present conditions” said a senior economist in Boosaaso. © Puntland Post, 2023 The post Puntland Opposes Loans from Donors to Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa haatan ka socdo qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado inuu si rami ah beri uga furmo magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in maanta madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo, si uu u furmo shirka ay ku leeyihiin magaaladaas oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah. Diyaar garow xoogan ayey haatan wadaa Koonfur Galbeed oo isku diyaarineyso soo dhaweynta madaxda tageysa magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyay Maxamed Cali Ibraahim oo ah agaasimaha guud ee warfaafinta ee madaxtooyada Koonfur Galbeed. “Waxaa maanta magaaladda Baydhabo oo ah xarunta kumeel gaarka Dowladda Koonfur Galbeed soo gaari doono Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, Baydhabo waxay marti-galin doontaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalinta berito ka furmi doono magaaladda” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Shirka Baydhabo ka furmayo ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha. Dhinaca kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka. Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro. Saciid Deni ayaa diidmadiisa shirka furmaya uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiraya shirka Baydhabo, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland. Si kastaba, shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan. The post Wararkii ugu dambeeyay shirka Golaha Wadatashiga ee Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
