-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Sudan, Aidan O’Hara, ayaa lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Khartuum, halkaas oo ay ku dagaallamayaan xooggag iska soo horjeeda. “Dhaawac weyn ma uusan gaarin” diblomaasiga oo u dhashay Ireland, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas, Micheál Martin. Wasiirka ayaa weerarka ku tilmaamay mid “si weyn meel ka dhac ugu ah waajibaadka ilaalinta diblomaasiyiinta”. Ku dhawaad 185 qof ayaa ku dhintay dagaalka tan iyo Sabtidii ka socday Khartuum, iyadoo dhaawacuna uu ka badan yahay 1,800 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Dhinacyada ku dagaallamaya Khartuum ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo diyaaradaha dagaalka. Milateriga Sudan iyo xooggaga sida gaarka ah u tababaran ee magacooda loo soo gaabiyo RSF ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku haya goobaha muhiimka ah. Wasiirka arrimaha dibedda Ireland ayaa ku tilmaamay danjiraha la weeraray “diblomaasi heerkiisu sarreeyo oo dalkiisa iyo Yurub ba u shaqeeyay xilli adag”. Goor sii horreysay, madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa bartiisa Twitter ku qoray in “mas’uuliyadda amniga safaaradda iyo shaqaalaha ay saaran tahay” dowladda Sudan. Nabila Massrali oo u hadashay Midowga Yurub ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP in diblomaasiyiinta ururkaas aan laga daadgureyn Khartuum, iyadoo intaa raacisay in la qiimeynayo tallaabooyinka amniga ee ku habboon. John Kirby oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa isna sheegay in xilligan uusan jirin qorshe ay Washington kula baxayso shaqaalaha ka jooga Sudan, inkastoo uu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee Khartuum. Waxaa se uu ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta dalkiisa in “si dhab ah ay uga fekeraan xaaladda ka taagan dalkaas”. Shacabka Khartuum ayaa ku sugan guryahooda, waxaana jirta cabsi ah in dagaalka uu daba dheeraado, isla markaana uu burbur u horseedo Sudan. Isha: BBC The post Safiirka Midowga Yurub oo lagu weeraray gurigiisa Khartoum appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (HOL) - Suspected al-Shabab gunmen armed with pistols killed Noor Hassan Bidar, the former deputy commander of the Beledweyne police station, on Monday afternoon. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The United Kingdom announced the appointment of Michael Nithavrianakis as the new British Ambassador to Somalia on Monday. Nithavrianakis will succeed Kate Foster, who is set to take up another appointment within the Diplomatic Service. The incoming Ambassador is expected to assume his new role in May 2023. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Qaran News
-
1. Egypt – 12 International airports 2. Nigeria – 8 International airports 3. Tunisia – 7 International airports 4. South Africa – 6 International airports 5. Kenya – 4 International airports 6. Ghana ,Tanzania , Zambia Gabon , Libya , Cape Verde , DR Congo – 3 International airports 7. Algeria , Morocco , Malawi Mauritania , Cameroon , Botswana , Zimbabwe Sudan – 2 International airports 8. Uganda , South Sudan , Somalia , Seychelles, Rwanda , Mozambique , Mauritius Senegal , Côte d’Ivoire, Madagascar , Ethiopia , Eritrea , Djibouti , Guinea , Burkina , Liberia , Sierra Leone , Comoros , Burundi , Lesotho , Namibia , Swaziland , Benin , the Gambia , Guinea Bissau , Mali , Niger , Togo , Angola , Chad Central African Republic, Congo, Equatorial Guinea and Sao Tome and Principe – 1 International airport Source: International Passenger Traffic, Airports Council International Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay wado marin habaabin ku aadan dagaalka, taasi oo ay uga dan leedahay in waaqica jira uga fogeyso indhaha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed. War-saxaafadeed kasoo baxay garaadada 33-ka ah ee ku sugan Laascaanood ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay ka dhuumaneyso wajihida waaqiciga dhabta ah ee jira, islamarkaana ay marwalba ku jawhareerinayso caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed wax aan jirin oo xaqiiqda ka foga. Qoraalka Isimida ayaa waxaa si gaar ah loogu soo qaatay kulankii u dambeeyay ee wakiiladda caalamka iyo madaxweynaha Somaliland ka yeesheen dagaalka Laascaanood, kaasi oo uu madaxweyne Muuse Biixi uu ku sheegay in marka hore Puntland ka baxdo Laascaanood, si xal looga gaaro xiisadda dagaal. “Sida ku cad qoraal kasoo baxay maamulka Hargeysa oo lagu soo koobay nuxurkii qoddobadii ay isla soo qaadeen xubnihii beesha caalamka, dhamaantooda waxay ahaayeen beentii uu maamulkaasi caadeystay intii uu dagaalka socday marwalba oo loo soo jeediyo in uu ciidankiisa kala baxo gobolka Sool,” ayaa lagu yiri qoraalka Isimida SSC. “Somaliland waxay sheegtay in xubnihii beesha caalamka ku wargaliyeen madaxweynaha maamulka Somaliland inuu ciidamadiisa geeyo Oog, balse uu shuruud uga dhigay fulinteeda in ciidamada Puntland ka baxaan magaalada Laascaanood.” SSC ayaa waxay sheegtay in shuruuda Somaliland ee ah in maamulka Puntland ka baxo dagaalka Laascaanood ay tahay mid uu mid uga dan leeyahay in uu sii wado dagaalka, dhagahana ka fureysto baaqyada kasoo yeeraya beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed. “SSC-Khaatumo waxay markale ku celinaysaa in aysan jirin ciidamo Puntland ka tirsan oo ka dagaalamaya Laascaanood, waxaana magaalada iyo deegaankaba difaacanaya dadkii lahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddida dhaqanka ee SSC. Isimida SSC ayaa markale ku celiyay in xukuumadda Somaliland ay ciidankeeda kala baxdo gobolka Sool, oo ay geeyso Oog, si loogu gudbo xal nabadeed iyo wada-hadallo labada dhinac ah. Ugu dambeyntiina waxay guddida 33-ka ah ee ku sugan Laascaanood uga mahad-celiyeen beesha caalamka dadaallada joogtada ah ee ay ku bixineyso sidii xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi u joojin lahaa dagaalka. The post SSC oo ka jawaabtay arrin yaab leh oo Muuse Biixi uu u sheegay beesha caalamka appeared first on Caasimada Online.
-
Early last year, I launched a pop-up in Los Angeles that gave birth to a new culinary idea that I had been toying with for over a decade. In a city that famously loves breakfast burritos, I began to sell a Somali-style wrap — spongy and sour anjero-wrapped breakfast burritos filled with soft scrambled eggs, fuul (fava bean stew), and spicy vibrant green basbaas (Somali hot sauce). Much to my surprise, I sold out week after week, despite the fact that for many of my LA customers, this was their first introduction to Somali cuisine. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu maxkamad horkeeyay 36 eedeysane oo ajaanib ah, kuwaas oo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya, iyagoo ku howlan kalluumeysi sharci darro ah. Sida u cad bayaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka, waxaa raggaan lagu soo qabtay 30 tan oo kalluun ah oo si sharci darro ah ay uga jalaabteen xeebaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay kalluunkii 30-ka tan ahaa ee lagu soo qabtay raggaas, waxaana loo gudbiyey maxkamadda, sida uu shaaciyey xeer ilaaliyaha qaranka uu u mahad celiyey ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya. “Maxkamadda oo ka jawaabeysa codsiga xeer ilaaliyaha guud waxay xabsiga u dirtay dhamaan dadkii lagu soo qabtay kalluumeysiga sharci darrada ah, waxayna la wareegtay kalluunkii saarnaa doomaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska ilaaliyaha qaranka. Xeer ilaaliyaha ayaa ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ku sii dhiira-geliyey inay laba jibaaraan dadaalkooda ay ku suulinayaan kalluumeysiga sharci darrada ah oo aad ugu badan xeebaha Soomaaliya. “Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa ka go’an hor-geyta sharciga qof kasta oo lagu soo qabto inuu dalkaan ka waday kalluumeysi baal-marsan sharciga,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta qaranka. Ugu dambeyntii xeer ilaaliyaha qaranka ayaa ganacsatada ama qof kasta oo Soomaali ah uga digay inay xiriir la yeeshaan shirkadaha iyo dadka ajaanibta ah ee caadeystay inay xeebaha Soomaaliya si sharci darro ah uga kalluumeystaan. Waa dhif iyo naadir in maxkamad lasoo taago ajaanibta sida sharci darrada ah uga jilaabata xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo wax lagu tilmaamay xaalufin ka geysta badda Soomaaliya, maadaama uu dalkani galay marxalad burbur ah oo ciidamada qaranku aysan hadda ka hor awood u laheyn difaacidda kheyraadka badda. Hoos ka akhriso warqadda xeer ilaalinta The post DF oo 36 qof oo ajaaniib ah maxkamad kusoo taagtay Muqdisho + Waxa loo haysto appeared first on Caasimada Online.
-
ABIDJAN, Ivory Coast, April 17, 2023/ — An impact assessment of Phase 1 of the Last Mile Connectivity Project in Kenya has established a need for the African Development Bank (www.AfDB.org)-supported initiative to encourage the productive use of electricity by beneficiaries, in addition to basic household consumption. The study — Impact Evaluation of the AfDB-Supported Kenya Last Mile Connectivity Project, Phase 1 (https://apo-opa.info/3A1yj1k)– finds that “2 to 3 years after connecting households to the grid through the project, electricity consumption by beneficiaries has remained low, with beneficiaries mainly using the electricity for lighting and charging phones.” The assessment, conducted by the bank’s Independent Development Evaluation unit (IDEV), recommends that the Kenya Power and Lighting Company (KPLC), the implementing agency, should find ways to “stimulate” additional demand for electricity by households and businesses in rural areas. The African Development Bank financed the study, which was conducted in six counties: Baringo, Kakamega, Kericho, Kitui, Nakuru and Taita Taveta. Presenting the report’s findings in Nairobi on April 4th, Ustace Ezor, IDEV’s Evaluation Officer, noted that contrary to initial predictions, there was a limited increase in the productive use of electricity. The findings were presented at a roundtable attended by Development Partners, Government officials, and energy sector stakeholders in Kenya, who deliberated over issues raised in the evaluation. They also took stock of the country’s energy sector. The report recommends programs to link electricity access with income-generating activities such as irrigation services and promoting small businesses. Responding to the findings, Eng. Anthony Musyoka, Senior Manager, Transmission System Planning, at the Kenya Electricity Transmission Company (KETRACO), said communities must be sensitized on the opportunities to draw more benefits from electricity connection. “There was no sensitization of communities. They need to be sensitized to make them aware that electricity can be used to create wealth, not only for lighting.” Other points raised included making electricity more affordable and reliable, with the report stating that “a high cost of electricity relative to the household income of beneficiaries undermines access and productive use of electricity”. According to Eng. Joseph Oketch, Director of Electricity and Renewable Energy, Energy and Petroleum Regulatory Authority, the high cost of the commodity was determined by several factors. “This has more to do with the high cost of generation, transmission cost as well as distribution and supply cost. All these issues need to be addressed holistically,” he added. The report highlights notable positive impacts of the project; an 83% increase in access to electricity for lighting through the national grid. It states that the probability of children studying at night increased by 45%, and the grade for secondary school students increased by 34% in beneficiary households. “This speaks to the improved capacity and quality of electricity, considering that most of the counties are now served by the grid,” said Eng. Musyoka. The significant impact of Phase 1 of the LMCP has resulted in Kenya being a model for other countries in the region, according to Alemayehu Wubeshet Zegeye, East Africa Regional Energy Sector Manager at the African Development Bank. He said: “The model used in Kenya was unique and ramped up the connection in very few years. The program was designed to speed up connection for low-income earners by subsidizing the connection charge upfront,” he explained. With the connection charges reduced from Ksh. 35,000 to Ksh 15,000 (about $269 to $115) payable in 3-year installments, more rural households were encouraged to apply for connection to the grid. The LMCP project is a flagship mass electrification program launched by the Government of Kenya to increase access to electricity for low-income groups in rural and peri-urban areas by connecting them to the national grid. The country intends to connect 17 million households to the national grid by 2030, with nine million being connected currently. Funding from the African Development Bank has seen the Kenya LMCP project connect about 530,000 households so far across 47 counties. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). About the African Development Bank Group: The African Development Bank Group (AfDB) is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank (AfDB), the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 34 African countries with an external office in Japan, the AfDB contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: www.AfDB.org SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Howl-gallo culus oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiin kale ayay ciidamada ka wadaan deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan. Ciidamada huwanta oo isugu jira kuwa xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab, GorGor iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sii wada howl-gallada ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, waxayna hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Booco oo qiyaastii 50-KM dhanka Koonfur ka xigta magaalada Beledweyne. Ciidamadaan iskaashanaya ayaa horay kooxda Al-Shabaab uga xoreeyey deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Beerxaanno, Tareedishe, Nuur-fanax, Ceela-hele Burdaar iyo deegaano kale oo muhiim ah. Howl-gallada ay ciidanku ka wadaan gobolka Hiiraan ayaa ku socda saf-balaaran, iyada oo ciidamadu ka soo kala baxeen magaalooyinka ugu waaweyn gobolkaas, sida Beledweyne, Buulo-burde, Halgan iyo fariisimo kale oo istaraatiiji ah. Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howl-galkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa horraantii bishan gaaray Beledweyne, isagoo balan-qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga jawiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, iyada deegaanada qaarna uu si hordhac ah uga billowday, kaasi oo looga xoreynayo goobaha ay kooxda ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte. Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu wadaa inay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah. The post Ciidamada DF ee dagaalka kula jira Shabaab oo kaabiga ku haya degaan muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxo hubeysan ayaa galinkii dambe ee maanta magaalada Baladweyne waxaa ay ku dishay Allaaha unaxariistee Taliye ku-xigeenkii Hore ee Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne Taliye Nuur Xasan Bidaar . Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay xaafadda Buundoweyn ee Baladweyne, kooxihii dilka fuliyay ayaa isga baxsatay, ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa howlgallo ka sameeyay xaafadda. Dilka ka dhacay magaalada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyaadoo muddooyinkii dambe howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ciidanka ay ka wadeen xaafadaha kale duan ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Saxiibada Caalamka ee Soomaaliya oo ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, UK iyo Mareykanka ayaa wada-hadal Khadka taleefonka kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, una hanjabay. Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen dagaalka magaalada Laascaanood iyo sameynta xooggan ee uu ku leeyahay shacabka, sidoo kalena ay lasoo qaadeen walaaca ay ka qabaan doorashooyinka dib u dhacay ee Somaliland. Beesha caalamka oo u hanjabeysa Muuse Biixi ayaa ku tiri qoraalka “Saaxiibada waxay xuseen in xaaladdan walaaca leh ay si dhab ah u saameyneyso wada-hadallada ku saabsan la-macaamilkooda Somaliland.” “Saaxiibada ayaa walaac xooggan ka muujiyay rabshadaha iyo iska hor-imaadyada sii socda ee Laascaanood, kuwaas oo hadda ku jira todobaadkii tobanaad. Saxiibada ayaa rajo ka muujiyay in amniga iyo badqabka shacabka ay u dub dhexaad u noqon doonaan dhammaan go’aannada siyaasadeed, waxayna carrabka ku adkeeyeen in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.” Bayaanka ayaa intaas ku daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka bani’aadannimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baahan. Waxay sheegeen in farriin taas la mid ah ay la wadaageen dhinacyada kale ee ku lugta leh dagaalka ee aan aheyn Somaliland. “Dhinacyada ugu waa weyn ee dirirtu ay ka dhaxeyso ayaa marar badan si shaacsan u ballan qaaday xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma aysan fulin ballan-qaadyadaas. Saaxiibada waxay ku baaqeen dabacsanaan iyo muujinta tanaasul si loo oggolaado saaxad wadahadal,” ayaa lagu yiri bayaanka. Waxay saxiibada caalamku sheegeen inay gacan ka gaysanayaan helidda marinno ku wajahan nabad la joogteyn karo, oo ay ku jirto inay gacan ka gaysanayaan fududeynta wada-hadallada. “Saaxiibada waxay soo dhoweynayaan dadaallada iyo hindisayaasha ay wadaan jilayaasha gudaha iyo kuwa gobolka ee lagu xaqiijinayo xabbad-joojin laguna fududeynayo wada-hadallo,” ayaa lagu yiri bayaanka. Dhinaca kale, saaxiibada caalamka ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen muhiimadda horumar deg deg ah oo laga sameeyo doorasooyinka Somaliland. “Waxaanu ku casuunay Madaxweynuha inuu daabaco khariidad doorasho, oo uu caddeeyo nidaamka iyo wakhtiga doorashadu dhacayso, si loo ogolaado diyaargarow farsamo. Tallaabooyin la taaban karo ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo sida ugu dhakhsaha badan,” ayaa lagu yiri bayaanka. Saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay uga mahad-celiyeen madaxweyne Muuse Biixi ballan-qaadyada ku aadan inuu diyaar u yahay inuu raadiyo nabadda iyo wada-hadalka. “Waxa kale oo aanu xusnay ballanqaadka madaxweynaha ee ah in la oggolaado gargaar bani’aadannimo oo aan la xanibin la gaarsiiyo Laascaanood. Waxaan rajeyneynaa in dhammaan ballan-qaadyadaas la dhaqan-geliyo,” ayaa lagu yiri bayaanka. Ugu dambeyn saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay ka niyad-jabsan yihiin in madaxweyne Muuse Biixi aanu ballan-qaadin in lasoo saaro ciidamada Somaliland ee fadhiggeedu yahay hareeraha Laascaanood. Isha: VOA The post Beesha caalamka oo si toos ugu hanjabtay Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shir guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar, kaas uu goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka. Shirkan ayaa Inta uu socday waxaa warbixina quseeya xaaladaha Degmooyinka iyo howlaha ka socda laga dhageestay mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka, iyada oo arrimaha laga hadlay ay kamid yihiin. 1- Howlgalada Amni ee ka socda Caasimadda. 2- Arrimaha lagu maareynayo Mooto Bajaajta oo dhawaan laga soo saaray sharuuc lagu hagayo. 3- Furista qaar kamid Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee u xiran sifa aan sharci aheyn. 3- Dardargalinta Nadaafada iyo bilic soo celinta. 5-Xoojinta la dagaalanka Maandooriyaha iyo Ciyaal Weerada. 6- U diyaar garowga Muunaasada Ciidul Fidriga. Ugu dambeyn Guddoomiyaasha Degmooyinka Iyo Aggaasimayaasha kulanka ka qeybgalay ayaa la furay in ay si hufan u gutaan mas’uuliyada ay bulshada u hayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMa Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta Dowladda sacuudiga si gaar ah Safiir ku xigeenka dowladda sacuudiga u fadhiya Muqdisho kala wareegay Shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay in la gaarsiyo Shacabka Soomaaliyed xilli lagu guda jiro maalmihii u danbeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan. Shixnadaan mucaawinada ah ayaa sida qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyed ee danta yar waxaana intaa kadib guddoomiye maxamuud iyo ku xigeenkiisa Axmed Cabdi Aadan waxa ay kulan la qateen wafdigaan sare ee ka socday dowladda sacuudiga iyo hay,adda gargaarka iyo arimaha bin,aadanimada u qaabilsan sacuudiga ee kin Salmaan oo maanta Booqashada ku soo gaaray xarunta dhexe ee SoDMa. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaalada arrimaha bin’aadanimada ee dalka iyo laba jibaarida gurmadka ay dowladda sacuudiga la garab taagantahay dowladda iyo shacabka soomaaliyeed. kulan ayaana ku soo dhamaaday isfahan iyo in la dardadgaliyo howlaha gurmadka loo sameynaayo shacabka soomaaliyed ee abaaraha iyo colaadaha ay daashadeen. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMa Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa kaga mahadceliyey gargaarkaan dowladda Sacuudiga Isaga oo xusay in gargarakan kan lamid ah hore sacuudiga uu ugu deeqay dalkeena . Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka Carabta ee Marwalba garab taagan dadkeena iyo Shacabka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
