-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Iska hor imaad ba’an ayaa laga soo sheegayaa guud ahaan dalka Suudaan, iyadoo dagaalka dhaxeeya kooxaha hubeysan ee iska soo horjeeda uu sii fidayo. Rabshadaha u dhexeeya ciidanka iyo koox dabley ah oo lagu magacaabo Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee loo yaqaan RSF ayaa socda ilaa habeenimadii xalay kaas oo galay maalintii saddexaad. Ku dhawaad 100 qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta, waxaana sidoo kale la qiyaasayaa in tirada dhaawaca ay gaareyso 1,100 qof. Labada dhinac ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Khartoum, halkaas oo ay dadku ka gabbadeen qaraxyada iyo hubka cul- culus ay adeegsanayaan dhincyada isku haya awoodda Suudan. Gelinkii hore ee Axadii shalay ahayd ayaa waxay sameeyeen xabad joojin ku meel gaar ah si dhaawacyada la daadgureeyo, inkastoo aysan cadeyn sida ay u adeeceen xabad joojintaas. Dhakhaatiirta ayaa ka digay in xaalada isbitaalada magaalada Khartoum ay tahay mid aad u adag, isla markaana dagaalku uu yahay mid joojinaya shaqaalihii iyo agabkii caafimaadkaba in la gaarsiiyo dadka dhaawaca ah. Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda. Dhanka kale, beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah. Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo. Isha: BBC. The post Dagaalka ka socda SUDAN oo xoogeystay iyo khasaaraha oo kordhay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha wadanka Kenya William Ruto ayaa maalintii Axadii ka codsaday mucaaradka inay fursad siiyaan wadahadallada, halka Raila Odinga, mucaaridkiisa ugu weyn uu ku boorriyay taageeryaashiisa inay mar kale isugu soo baxaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda, kuwaas oo amucaaradku ay qabanayaan xilliya dhow. Kumannaan qof ayaa ka qaybqaatay mudaaharaad saddex maalmood socday dabayaaqadii bishii March, kaas oo ay hareeyeen isku dhacyo u dhexeeyay dibadbaxayaasha iyo booliiska, xilligaas oo mudaharaadayaashu ay weerar ku qaadeen goobo lagu cibaadeysto, kuwa waxbarasho iyo beer uu lahaa madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta. Dibadbaxyada ayaa qeyb ka ahaa eedeymo musuq-maasuq ah oo lagu soo oogay doorashadii madaxtinimo ee dhacday bishii Agoosto ee sanadkii hore, taasoo uu Ruto si dirqi ah kaga guuleystay Raila Odinga. Khamiistii, Odinga, ayaa sheegay in dhinaca mucaaradku ay dib u billaabi doonaan dibadbaxyada, kadib bisha Ramadaan . William Ruto iyo isbaheysigiisa ayaa sheegay in doorashii sanadkii hore ay u dhacday si caddaalad ah oo daah furan isla markaana difaacay waxqabadkii dhinaca dhaqaalaha Kenya intii uu xilka hayay, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada, isaga oo sheegay inay shaki gelinayaan daacadnimada mucaaradka iyo qaybgalkooda. Mucaaradka Isbaheysigooda uu hoggaamiyo Odinga ee Azimio La Umoja iyo Isbaheysiga Ruto ee Kenya Kwanza ayaa isku khilaafsan nuxurka wadahadalka iyo cidda hoggaamineysa. Kenya Kwanza ayaa doonaysa in dhinaca mucaaradka wadahadallada ay ka qayb-galaan oo keliya xildhibaannada lagana doodo oo keliya soo xulista guddiga doorashada. Xaaladda ka jirta dalka Kenya ayaa waxaa ay u muuqataa mid aan cago badan ku taagneyn, waxaana mucaaradku ay wali ku goodinayaan in ay qabanayaan mudaharaadyo ayku diidan yihiin dowladdakadib bisha Ramadaan, xilli maalmihii dambe xaaladdu ay u muuqatay mid degan, madaxweyne Ruto ayaa markale dalbanaya jaanis kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo mar kale saaka ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland ku dhex maray duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada deegaanka ay weerar gaadmo ah ku qaadeen milatariga Somaliland, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen bariga magaaladaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaaa innoo sheegay in inta uu socday dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow aan la shaacin inta uu gaarsiisan yahay tiro ahaan. Sidoo kale waxaa dagaalka barbar socotay duqeyn xoogan oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac, taas oo uga sii dareysa xaalka. Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo aagga lagu dagaalamay oo ah bariga Laascaanood. Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale illaa iyo haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada halkaasi, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay. Si kastaba, baaqyada ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata waa ay ka dhego furaysatee labada dhinac ee ku dagaalamayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkq Sool. Dagaalka ka socsa Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaaladaas oo shacabkii ay ka barakaceen. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal mar kale ka dhacay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaalka u dhaxeeya Milatariga Sudan iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa markale dib uga qarxay maalintii 3-aad magaalada Khartum ee caasimadda dalkaasi, iyadoo dhinacyada ishaya ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kale duwan, iska hor imaadyada ayaa ku faafay qeybo badan oo dalka ah , sida ay sheegayaan wararka la helayo. Ku dhawaad 100 qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta, waxaana sidoo kale la qiyaasayaa in tirada dhaawaca ay gaareyso 1,100 qof ay jiraan, kuwaas oo ku waxyeeloobay dagaalka u dhaxeeya dhinacyada, iyaga oo ku loolamaya gacan ku heynta goobo muhiim ah oo yaalla caasimadda Khartuum oo ay ku sugan yihiin. Gelinkii hore ee Axadii shalay ahayd ayaa waxay sameeyeen xabad joojin ku meel gaar ah si dhaawacyada u kala gurtaan, walow galinkii dambe uu dagaalka markale dib uga qarxay qeybo kamid ah Koonfurta magaalada, iyadoo ciidanka Milatariga ay duqeeyeen xarunta ugu weyn ee xoogagga gargaarka degdega ah ee RSF la magac baxay. Dhakhaatiirta ayaa ka digay in xaaladda isbitaalada magaalada Khartoum ay tahay mid aad u adag, isla markaana dagaalku uu yahay mid joojinaya shaqaalihii iyo agabkii caafimaadkaba in la gaarsiiyo dadka dhaawaca ah sida ay ku waramayaan dhaqaatiirta, waxaana isisoo taraya xaaladda walaaca ah ee gobolka uu ka muujinayo Sudan. Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo shir degdeg ah isugu yimid ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan xaaladda ka soo cusboonaatay dalka Sudan, waxaana dhinacyada ishaya ay ugu baaqeen in laga baaqsado sii hurinta dagaalka taas oo burbur u horseedi karta burshada reer Sudan iyaga oo dalbaday in liiska wada hadalka la isugu yimaado. Dalka Sudan ayaa waxaa wax kabarata Arday badan kuwaas oo ka kala yimaada qaaradda Afrika iyo Asia, iyaga oo kamid ah xilligaan kuwa wajhaya xaaladdo adag. Cabduullaahi Muuse oo Goobjoog u waramay ayaa sheegay inta badan arday in ay ku sugan yihiin goobaha waxbarashada, iyaga oo aan awoodin in ay ka socdaalaan dalka Sudan. Dagaalka Sudan ayaa qarxay kadib markii hoggaamiyeyaasha sare ee golaha KMG ah ay isku khilaafeen sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho shacab, taas oo keentay in ciidamo ay kala wataan hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan iyo hoggaamiye ku-xigeenka Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo ay wada dagaalamaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hoggaanka SSC-khaatumo ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan Puntland ay ka dagaallamayaan Laascaanood. War-saxaafadeed ka soo baxay SSC-Khaatumo ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin ciidamo ka tirsan Puntland oo ka dagaallamaya Laascaanood islamarkaana magaalada ay difaacayaan dadka degaanka u dhashay. ” SSC-Khaatumo waxa ay markale ku celineysaa in aysan jirin ciidamo Puntland ka tirsan oo ka dagaalamaya Laascaanood, waxaana magaalada iyo deegaankaba difaacanaya dadkii lahaa” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeeyay in ay caadeysatay marin- habaabinta bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka mar walba oo lagula taliyo in ay ciidamadooda duullaanka ah kala baxaan gobolka Sool. PUNTLAND POST The post SSC-Khaatumo beeniyay in ay Laascaanood ka dagaallamayaan ciidamo ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has recognized the outgoing Uganda Peoples Defense Forces (UPDF) troops for their exceptional service in the peace support mission in Somalia during a medal award ceremony for officers of Battle Group 35. Source: Hiiraan Online
-
Prime Minister Giorgia Meloni discussed Italy’s so-called Mattei Plan, which focuses on cooperation on energy and curbing migration flows from Africa, as she visited Ethiopia on Friday and Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidanka xoog leh oo isugu yira militeriga Soomaaliya iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka baxay degmada Ceeldheer, waxayna ku guuleysteen inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dhowr deegaan oo muhiim ah. Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaas ayaa soo bandhigay magacyada xubno waaweyn oo Shabaab ay ka dileen, iyagoo farriin u diray waqti koobana u qabtay rag u dhashay deegaanka oo ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab. Deegaanada kala ah, Dahar-faqay, Baraag-Sheekh, Xaaji-dhagax iyo deegaano kale oo waqooyi-galbeed ka xoga degmada Ceeldheer ayaa soo galay gacanta dowladda, waxayna hadda ciidanku kaabiga ku hayaan deegaanka muhiimka ah ee Cows-weyne. Kooxda Al-Shabaab ayaa dadkii deganaa Cows-weyne ku amartay inay ka guuraan magaalada, waxaana lagu wadaa in maanta ay gudaha u galaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo xalay ku hoyday duleedka deegaankaas. Saraakiisha kala ah, Korneyl Daahir Tuuryare, Khaliif Cumar Macalin Nuur iyo Dhamme Maxamed Qeyla-weyne ayaa hoggaaminaya ciidanka maanta qorsheynaya inay xoreeyaan deegaanka muhiimka ah ee Cows-weyne. Saraakiishaan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey dagaalladii ay kooxda la galeen saacadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo Shabaab looga dilay in ka badan 60 dagaalame, sida ay sheegeen saraakiishu. Ragga lagu dilay howlgalladaas oo saf-balaaran ku socday waxaa ka mid ah Kabtan Iley oo ahaa gacan-yarihii guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellada Dhexe Yuusuf Kabakutukade. Sidoo kale waxaa lagu dhaawacay sarkaal lagu magacaabo Daahir Calasow oo caan ka ah gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, kaas oo aad u dhibay dadka, sida ay sheegeen saraakiishu. Saraakiishaan ayaa 7-cisho u qabtay Kabakutukade iyo rag kale oo ay magacyadooda shaaciyeen, kuwaas oo ka dagaalamaya aagga degmada Ceeldheere. “Kabakutukade, Cali Maqane, Subkane, Sheekh Cali Garweyne, Birjebshe, dhamaantiin waan idin naqaan isisoo dhiiba, waxaad heysataan 7 cisho, wixii ka dambeeya is dhiibid idinka yeeli meyno halkaan idinku aragno ayaan idinku dileynaa,” ayuu yiri Dhamme Maxamed Qeyla-weyne. Hoos ka daawo The post Daawo: Saraakiisha beesha Waceysle uga jirta Al-Shabaab oo loo qabtay 7 maalmood appeared first on Caasimada Online.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Loolan dhanka awooda ah oo u dhaxeeya ciidamada Sudan Xooggaga Dacmu Sariic ayaa gilgilay dalkaasi, iyadoo lagu soo waramayo inay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo rayid ah. Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye ku-xigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya. Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga. Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan. Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood. Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah. Haddaba maxaan ka naqaanaa Janaraal Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo hoggaaminaya xoogaga ciidamada gurmadka degdega ah ee loo yaqaan RSF? Waa kuma Jeneraal Maxamed Xamdan? Waxa uu ka soo jeedaa gobolka fog ee ku yaal Galbeedka dalka Sudan, halkaas oo siyaasadda, ganacsiga, iyo colaadduba ay isku dhafan yihiin. Ninkan oo hormuud u ah siyaasadda dalka Sudan, ayaa horay uga ganacsan jiray geela, kaas oo dagaal u arka fursad uu noqon karo nin hodan ah oo awood badan. Maxamed Xamdan Dagolo, oo loo yaqaan “Hemeti”, waa ninka labaad ee maanta ugu sarreeya militariga haya talada dalka Sudan. Balse dhab ahaantii, Hemeti, oo yaraantiisii Iskuulka ka saaqiday ayaa haatan loo arkaa ninka ka dambeeyey rasaasta ka dhacaysa Khartoum. Dagaal oogahaan ka soo jeeda gobolka Darfur ayaa xukuma kumanaan ciidan ah oo ka mushaar badan kana qalab wanaagsan ciidamada caadiga ah ee Sudan. Waxa uuna haystaa lacago fara badan oo uu ku maalgaliyo maleeshiyaadkaas – waxa uu leeyahay goobo laga qodo dahabka oo ku yaal buuraha macdanta hodanka ku ah ee Sudan, waxa uuna ku tiirsan yahay saaxiibbo uu ku leeyahay Sacuudi Carabiya iyo xulufo kale oo Khaliijka ku sugan. Jidka uu Hemeti xukunka ka soo fuulay ayaa soo bilowday sannadkii 2003-dii, kaddib markii qabaailka Afrikaanka ah ee madoow ee ku dhaqan gobolka Galbeed ee Darfur ay hubka qaateen oo ay xukuumadda ka soo horjeesteen. Sidee ayuu jagadan ku gaaray? Ciidmada Sudan ayaa halgan u galay sidii ay uga hortagi lahaayeen dagaalkooda ku salaysan ku dhufo oo ka dhaqaaqda, waxa ayna bilaabeen in ay qortaan maleeshiyo Carab ah oo loo yaqaan “Janjaweed” – oo macnaheedu yahay “Jinkii hubka qaatay ee fardaha saarnaa”. Waagaas, Hemeti waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo 20 jir ah. Waxa uu sannadkii 1975 ka dhashay Qabiilka Carabta ah ee geelleeyda ah ee Mahamid, waxa uu Iskuulka hoose dhexe ka saaqiday markii uu 16 sano jiray, si uu geela ugu kala dhoofiyo Darfu iyo Chad oo loo sii dhoofin jiray Libya iyo Masar. Hameti adeerkiis Juma Dagolo, waa hoggaamiyaha qabaa’ilka Carabta ah ee ku teedsan xuduudda u dhexaysa Chad iyo Sudan. Sannadihii u horreeyey ee khilaafka, Hemeti waxa uu waaardiye ka ahaa kolonyada ganacsiga ee Darfur, halkaas oo uu xoogaa hanti ah ka helay. Hoggaamiyahaas dhalinyarada ah waxa uu gacan ka agaystay dar dargalinta dagaalyahannada Janjaweed. Dadka ku xeeldheer arrimaha dalka Sudan ayaa madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Omar al-Bashir, oo dalkaas 30 sano xukumeyey ku eedeeyey in uu taageeri jiray maleeshiyaadkaas. Omar El-Tayeb Ahmed oo ah khabiir ka tirsan BBC Arabic ayaa qaba,”in dadka aqoonyahanka ah ee reer Sudan ay Hemeti u arkaan musiibo uu abuuray Al Bashir,” ISHA: BBC The post Waa kuma Janaral Xamdan: Hoggaamiyaha xoogaagga Dacmu Sariic ee SUDAN? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa digniin horleh u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, oo uu ka billowday dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa RSF. Wasaaradda ayaa waxay fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Khartuum iyo guud ahaan dalkaasi inay taxadar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS. “Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka ayaa ku wargalisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan in ay raacaan dhammaan tilmaamaha ka soo baxa safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan.” Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sudan ku sugan ku adkeysay inay xiriir joogto la sameeyaan wasaaradda iyo safaaradda, hadii ay caawinaad uga baahdaan. Ugu dambeyntiina waxay wasaaraddu soo jeedisay inay iska diiwaan-galiyaan mareegta (website-ka) wasaaradda, si loo caawiyo muwaadiniintaasi. Dagaalka ka socda magaalada Khartuum ee caasimada Suudaan ayaa galay maalintii labaad, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay ugu yaraan 56 qof, iyada oo ku dhaawacmeen in ka badan 170 kale. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku biirtay dhinacyada ka walaacsan xaaladda kasoo cusboonaatay dalkaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, kadibna wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal. Horay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku muujisay, sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogagga birmadka deg-degga ee dalka Suudaan. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka, si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ay wasaaradda ka soo saartay rabshadaha ka soo cusboonaaday Suudaan. Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weli xaaladda ay kacsan tahay, waxaana saaka jugta madaafiic culus laga maqlay Omdurman oo kaabiga ku haysa caasimada Khartoum iyo Bahri oo iyadana ku dhow. Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla dhanka badda cas. Wararka ayaa sidoo kalena intaasi kusii daraya in dagaallada ay kusii fideen qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur, halkaas oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn. Si kastaba, dagaalkan ayaa billowday xilli aan la fileyn, islamarkaana dadka ay si caadi ah u wataan hawl-maalmeedkooda. The post DF Soomaaliya oo digniin u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan… appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxay ka wadaan degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Howlgalkas waxa hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayaan saraakiil ciidan oo ay kamidyihiin Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee Janeraal Tawane Axmed Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale. Ciidamda xoogga iyo kuwa dib-u-xoreynta degaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay kaabiga ku hayaan degaanka Booco oo dhaca qiyaastii 50KM Koonfurta Magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in looga baahan yahay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo iskaashanaya in ay si wadajir ah Al-shabaab uga saaraan degaannada ay kaga hareen Gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Hawlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Alle ha u naxariiste waxa Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Caawa Sheekh Maxamuud Maxamed Suufi Muxumed, Wasiirkii Hore ee Diinta iyo Awqaafta Somaliland. Sheekh Suufi ayaa ka mid ahaa Culimada waawayn ee Somalialnd. Qaran News
-
Yaa sameeyey heesta “Cuna, cuna, cuna, cuna oo cabba” ee Ramadaanta? W/Q: Aadan Cali Cabdi “Aadanoo” Idaacadda guunka ah ee Radio Hargeisa waxaa la gudboon in ay ilaaliso xuquuqda kaydka ay gacanta ku hayso. Waa masuuliyad culus oo u baahan in dareenkeeda la yeesho. Heesta sida weyn loo dhagaysto xilliga afurka ee hal ku dhiggeedu yahay “cuna, cuna, cuna, cuna oo cabba” waxay raadyow Hargeysa hadda ku sheegtaa in uu sameeyey Abwaan Huuryo, taas oo aan sax ahayn. Wakhti aan ku qiyaasayo 2015 ama 2016, hal sanno uu ka hor geeridii Shamis Abokor Guduudo Carwo, oo ahayd fannaanadii taariikhda gashay oo ahayd gabadhii ugu horaysay ee Soomaaliyeed ee ka heesta idaacadda Radio Hargeisa oo ah ta ugu da’da weyn idaacadaha af-Soomaaliga ku hadla, ayaa waraysi cod ah siisay shabakadda Hadhwanaag News. Nuxurka waraygisaasi wuxu ahaa: “Anigu sidii aan hore u sheegay fankii waan ka baxay, waanan iska cibaadaystaa. Mana jecli in aan bixiyo waraysiyo ku saabsan fanka. Laakiin waxa isoo kicisay arrin aan ka xumaaday, taas oo ah abwaanka lagu sheegay heesta “cuna, cuna, cuna” ee afurka kadib la saaro Ramadaanta, taas oo aniga iyo fanaaniin kale aanu ku luuqayno. Heestaas waxa iska leh Alle ha u naxariistee Xuseen Aw Faarax Dubbad. Waa in sidaa loo saxaa oo aanan maalin dambe ka maqal Raadyow Hargeysa iyadoo cid kale ku sheegaysa.” Waraysigaasi wuxu ku jiraa kaydka Hadhwanaag News, ciddii u baahataana way heli kartaa. Qofkii xog dheeraad ah u baahan sidoo kale wuxu waraysan karaa abwaannada iyo fannaaniinta waaweyn inta ka sii nool. Mar haddii ay Guduudo-Carwo codsigaas sixitaanka ah sannado badan ka hor soo gudbisay, madaxda qolka kaydka ee Raadyow Hargeysa waxaa la gudboon in ay hubiyaan dibna u eegaan. Haddii ay ku qancaan sida Guduudo Carwo sheegtay, waa in ay u soo celisaa xaqiisa marxuumkii heestaa alifay Xuseen Aw Faarax Dubbad oo ah abwaan taariikh weyn ku leh Somaliland. Huuryo iyo Xuseen waa laba abwaan oo qiimo ku leh agteena, laakiin wuxuun baa muhiim ah in la hubiyo nin waliba wixii uu lahaa oo aynaan geela isaga darin ee sumaddiisa aan dhawrno. Sidoo kale, akhyaarta danaysa sixitaanka hantida maskaxeed, sida maansooyinka, heesaha, buugaagta iyo wixii la mid ah, iyagana waxaan u soo jeedin lahaa in ay arrinkan hubintiisa ka hawlgalaan iyagoo aan wax dan ah oo gaar ah ka lahayn laakiin doonaya in ay wax saxaan. Ramadaan Kariim Adan C. Cabdi adancabdicali3@gmail.com Qaran News
-
Alle Ha U Naxariistee Waxa Magaalada Hargeysa Ku Geeriyooday Sheekh Maxamuud Suufi Oo Ahaa Mufti Diinta Islaamka Ah. Alle ha u naxariistee, waxa Caawa Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Somaliland iyo Soomaalida oo dhan. Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa noloshiisa intii ugu badnayn ku qaatay Fidinta Diinta, waxaana ka aflaxay Culimo badan oo Maanta caan ka ah dhulka Soomaalida, sida Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir iyo Culimo kale oo badan. Alle ha u naxariistee, Sheekh Maxamuud Suufi, ayaa ka sakow Fidinta Diinta Islaamka, wuxuu door weyn ka soo qaatay Dhismaha Haykalka Dawladnimo ee Somaliland, isagoo soo noqday Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Golaha Guurtida, xilkaasi oo uu hayey 1993-kii illaa 1994-kii, xilligaasi oo Xukunka dalka hayey Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, hal sano ka dibna waxa loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta Aw-qaafta, xilkaas oo uu hayey illaa 2010-kii. Wixii intaa ku dambeeyay, wuxuu dib ugu laabtay Deraasaadka Diinta Islaamka, isagoo Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ka marin jiray Masaajidka Ibraahim dheere ee Magaalada Hargeysa, iyadoo sidoo kalena Casharadiisa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka si joogto ah looga baahin jiray Telefiishanka Dawladda Somaliland (SLNTV), si Dadka Masaajidka soo gaadhi waayaan ay Telefiishanka ugala socdaan. Alle ha naxariistee Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ahaa Caalim loogu eerto Culuumta Diinta Islaamka, ayaa geeriyooday 16-ka bisha 4-aad ee sannadka 2023, taasi oo waafaqsan 25-ka Ramadaan 1444 Hijriga. Alle ha u naxariisto, Samir iyo Iimaana ha ka siiyo Bahda Culimada iyo guud ahaan Soomaalida. Inaalillaahi Wa Inaa illaahu Raajucuun. Source
-
The President of the Republic of Somaliland, H.E. Muse Bihi Abdi today held a video conference meeting with ambassadors, deputy ambassadors and diplomats from several countries including France, Netherlands, Turkey, UK, US and the European Union. The focus of the meeting was to discuss the ongoing conflict in Las Anod, and the elections planned for this year. Prior to the start, President Bihi briefed them about the various measures taken by the Somaliland government to bring back peace and stability in Las Anod:- The Somaliland government has sent a delegation of ministers to Las Anod to open dialogue with the traditional leaders. Unfortunately, the traditional leaders refused to engage with them to reach a peaceful settlement. The Somaliland government has allowed traditional leaders who have been absent for a long time to enter Las Anod and take part in bringing peace back to the city. However, they made the situation worse by entering the city with another government’s flag, weapons and troops. The Somaliland government approved the meeting called by the Las Anod traditional elders as part of the peace efforts, but it quickly turned into treasonous plots against Somaliland, further disrupting the peace in the city. The Somaliland government withdrew its forces from the town to minimize civilian casualties and avoid further collateral damage to the city. Despite daily provocations by insurgents and terrorists, the Somaliland government called for a unilateral ceasefire in an effort to stabilize the situation. The Somaliland government welcomed the efforts of other Somaliland elders who have traveled to the nearby town of Oog to mediate, but militants in Las Anod reject negotiation and prevent traditional elders from attending any gathering. The government has welcomed Ethiopia’s offer to mediate between the Somaliland government and Garaads in Las Anod which was later rejected by the Garaads. Afterwards, the ambassadors, deputies and diplomats thanked President Bihi for meeting with them and proposed that Somaliland pull its forces out of Las Anod. President Bihi attached to their proposal that the Puntland administration withdraw its forces from Las Anod. The President added that the driving force behind Puntland’s hostilities against Somaliland is to create a tribal border which will have devastating effects on the security and stability of the HOA wider region. In his remarks, President Bihi said, “If you refuse to preserve the peace and proceed with your war plans, then Somaliland’s people and military are ready to defend their country.” Finally, President Bihi spoke about the upcoming elections and noted that it is a task entrusted to the national election commission. Qaran News
-
A delegation from Taiwan is expected to jet into the country to continue fostering and bolstering the cooperation between the two countries. Somaliland representative to Taiwan Ambassador Mohamed said that Taiwan is sending a large delegation to the country that would be led by its Director General of Foreign Affairs Yung-Jang Chen. Taiwan made an investment in our oil blocks. He noted that the Taiwanese delegation will have their visit focus on cooperation between the two countries in the fields of energy and minerals, as well as investment and trade. He welcomed friendly Taiwanese cooperation. Meanwhile the ambassador revealed that that middle-level Taiwanese businesswomen who are planning to invest in Somaliland will soon go to the country. In a message posted on his Twitter account on Friday he noted, “This year, middle level businesswomen from Taiwan are prepared to invest in Somaliland in the fields of mining, fishing, electric transportation and food chain. Just days before their departure for Somaliland, it was a pleasure to meet with them in my office for a lengthy discussion”. Qaran News
