-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar-galinaya halganka dalka looga saarayo Al-shabaab ayaa maanta booqday Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 26-aad ee Ilaalo Qaran ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya. Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran ee ku biiraya howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo Argagixisada si ay garab u siiyaan halyeeyada Guutada Gumac oo hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya firxadka Khawaarijta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga xoreynayo nabad-diidka, isaga oo faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Argagixisada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar-galinaya halganka dalka looga cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ayaa maanta booqday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho. Xeradan ayaa waxaa ku jira cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 26-aad ee “Ilaalo Qaran” ee tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea. Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan qeybta “Ilaalo Qaran” ee ku biiraya howl-galka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo argagixisada si ay garab u siiyaan halyeeyada hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya kooxda. Madaxweynaha oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri-galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rejada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gaba-gabada maraya ee dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada. Xasan ayaa waxa uu faray ciidamadan ku biiraya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si dardar leh uga socda dalka, iyada oo dagaalka socda uu galay wejigii labaad oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, kuwaasi oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku garabsiin doona sidii loo wiiqi lahaa kooxda. The post Sawirro: Xasan oo tegay xerada Jeneral Gordan oo ay ku jiraan ciidamo ku biiraya dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howl-gal ay si wadajir ah maanta magaalada Gaalkacyo uga sameeyeen ciidamada ammanka dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa maamul goboleedka Puntland ee ku sugan magaaladaas. Howl-galkan ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo ay ku sugneyd shabakad ka tirsan Al-Shabaab, taas oo ka kooban dhowr xubnood. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha lasoo qabtay ay ku howlanayeen diyaarinta qaraxyo iyo abaabulka dilal ay ka geystaan halkaasi. Ilo dhanka ammaanka ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in guriga ay u daateen ciidanka laga soo saaray qaraxyo diyaarsan iyo sidoo kale bistoolado. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in haatan lasoo xiray eedeysanayaasha, isla-markaana la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah. Soo qabashada kooxdan ayaa timid, kadib markii maalmo kahor gacanta lagu soo dhigay nin ka dambeeyay qarax todobaadkan ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, waxaana kadib baaris ku sameeyay hay’adaha amniga oo ay u suuragashay inay soo qabtaan ragaan kale. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Gaalkacyo ka soconayay howl-gallo saf ballaaran ah oo ay iska kaashanayaan Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo lagu xaqiijinayo ammaanka. Puntland oo horay u qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xukuno dil ah ku ridday, kuwaas oo lagu soo qabtay howl-gallo kala duwan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi. Si kastaba, dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku fulisay 19 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo. The post Shabakad qaraxyo ku diyaarinayay Gaalkacyo oo howl-gal lagu qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
According to the latest Integrated Food Security Phase Classification (IPC), this new wave of displacement comes at a time when about 214,000 people in the Sool region are experiencing crisis or acute food insecurity due to severe drought, compounding the hardship experienced by those displaced by the conflict. Somaliland authorities say that they are committed to providing basic necessities including food, water and medical equipment to the people of Las Anod in coordination with local and international humanitarian organizations. However, three humanitarian aid workers interviewed by Amnesty International said that humanitarian access to Las Anod is a major challenge due to the widespread violence and some restrictions from authorities. Background on the Las Anod crisis Somaliland is an area in northwestern Somalia. It declared its independence from Somalia in 1991. However, it has not been formally recognized by any country. Las Anod is in the southeastern part of Somaliland and is the capital of the disputed region of Sool. The town is largely inhabited by the Sool clan, members of the larger Darod clan. Las Anod has been under the control and administration of Somaliland since 2007. Over the years, the Sool clan have expressed grievances against the Somaliland authorities including allegations of targeted assassinations and they have also accused Somaliland of marginalizing them and subjecting their region to what they call “economic embargo”. On 26 December 2022, the assassination of a Sool clan local politician, Abdifatah Abdullahi Abdi, in Las Anod town by unknown armed men triggered widespread protests. Somaliland security forces responded by using excessive, including lethal force, killing and injuring dozens of protestors. Following continued anger and widespread protests about the killings, Somaliland authorities withdrew their security forces from Las Anod. This paved the way for prominent Sool clan personalities including clan elders to enter the city. The elders held a consultative meeting from 28 January to 5 February. On the last day of the meeting, the delegates issued a declaration that they are not part of Somaliland’s administration. Immediately after the declaration, clashes started between Somaliland security forces and armed fighters affiliated with the Sool clan clan on 6 February, escalating into a situation of armed conflict. Both sides blamed each other for starting the fighting. Qaran News
-
Hay’adda xuquuqda Insaanka ee Amnesty International ayaa maanta soo saartay natiijada baaritaan ay ku samaysay xasuuqa ka baxsan banii’aadanimada ee ciidamada Somaliland ka geysteen Laascaanood. Hay’adda Amnesty International oo baaritaan gaar ah ku samaysay dagaalka Laascaanood ayaa caddaysay in ciidamada Somaliland si ba’an oo aan kala sooc lahayn u beegsadeen dadka rayidka ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka. Baaritaanka hay’adda ayaa lagu ogaaday in ciidamada Somaliland ay shacabka Laascaanood u adeegsadeen hub mamnuuc ka ah in loo isticmaalo goobaha rayidka islamarkaana si aan kala sooc lahayn ugu duqeeyeen xarumo ay kamid yihiin isbitaallo iyo maasaajid. Ciidamada Somaliland ayaa Laascaanood ku dilay in ka badan 100 qof oo rayid ah waxaana ay ku dhaawaceen ilaa 600 oo ruux halka ay bara-kiciyeen 154,000-203,000 kun oo dayid ah sida ay xaqiijisay hay’adda Amnesty International. Hay’adda ayaa Amnesty ayaa dalbatay in baaritaan deg deg ah oo madax-bannaan lagu sameeyo dhammaan xad-gudubyada ka baxsan banii’aadanimada ee ka dhacay Laascaanood si loola xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah gabood-falkaas. Halkan ka akhriso warbixinta Amnesty PUNTLAND POST The post Hay’adda Amnesty International oo soo saartay natiijada baaritaan ay ku samaysay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Erdogan, wuxuu dadkiisa ugu hambalyeeyey Ciidul-fidri. Indonesia, India, Malaysia, Brunei, Sultanate of Oman, Iran, Morocco, Pakistan, Bangladesh & Jordan waxa ay iidayaan Sabtida. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay war cusub oo la xiriira munaasabadda Ciidul-Fidriga, waxayna ku dhowaaqday in maalinta berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciida, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka Kenya. Dowladda Kenya ayaa sidaas ku noqotay dowladdii ugu horreysay ee shaacisay in beri ay tahay Ciid, xilli waddamada islaamku aysan weli isku raacin in beri ay ciid tahay iyo in kale. Kenya ayaa sidoo kale fasaxday shaqaalaha dalkeeda, sababo la xiriira dabaal-degga maalmaha munaasabadda Ciidul-Fidriga aawgeed. “Iyadoo la adeegsanayo awoodaha uu siinayo qodobka 2 (1) ee Xeerka Fasaxyada Dadweynaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xoghayaha Golaha Wasiiradda ee Arrimaha Gudaha waxa uu ku dhawaaqay in Jimcaha, 21-ka April 2023-ka ay noqon doonto maalin fasax dadweyne oo lagu xusayo Ciidul-Fidriga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya. Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool muslimiin badan, waxaana islaamka uu yahay diinta labaad ee ugu weyn Kenya, taas oo ka dhigan in 10.9% dadka Kenya ay yihiin muslimiin. Dhinaca kale waxaa la filayaa in caawa maqribkii si rasmi ah loogu dhawaaqo go’aanka kama dambeysta ah ee ciida, ayada oo ay u badan tahay in berri ah oo Jimco ah ay tahay maalinta koowaad, maadaama inta badan bisha Ramadaan ay ku dhammaato 29-ka. Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda dhankeeda war ku saabsan ciida ay la wadaagto guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Si kastaba, ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo la filayo inay howlgallo balaaran sameeyaan inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga. The post Dalkii u horreeyay oo war kasoo saaray maalinta ciidda appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 26-aad ee tababarka ku soo qaatay dalka Ereteriya. Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ayaa la sheegay in ay maalmaha soo aaddan u ruqaansan doonaan deegaanada ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan howlgalka pagu dagaalamayo Al-shabaab, isaga oo faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday cutubyo ka tirsan ciidamadii lagu soo tababaray Ereteriya appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo warbixin cusub soo saartay ayaa si adag kaga hadashay dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo qaatay bishii 3-aad oo xiriir ah. Amnesty International oo shaacisay natiijada baaris ay ku sameysay xadgdubyo ay sheegtay inay ka dhaceen Laascaanood ayaa ku eedeysay ciidanka malitariga Somaliland in magaaladaas ay ka geysteen duqeyn aan kala sooc laheyn oo dhaliyay khasaare xoogan. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in duqeymahaasi ay waxyeello u geysteen isbitaallada, dugsiyada iyo masaajidada ku yaalla halkaasi. “Dhammaan dhinacyada isku haya Laascaanood waa inay joojiyaan weerarrada aan loo meel dayin, oo ay u guntadaan ilaalinta dadka rayidka ah, ayna ixtiraamaan xeerarka u degsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Isbitaalada iyo ambalaasyada waa in aan marnaba la bartilmaameedsanm” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty International. Hay’adda ayaa sidoo kale dalbatay in la sameeyo baaritaan kale oo madax bannaan, si dadka ka mas’uulka dhibaatadaasi loola xisaabtamo, loogana qaado tallaabo adag. “Waa in uu jiraa baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo dhammaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga bini’aadantinimada si loo xaqiijiyo la xisaabtanka kuwa mas’uulka ka ah iyo magdhowga dhibanayaasha,” ayuu yiri Agaasimaha Gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika,ee ee hay’adda Amnesty International Tigere Chagutah, Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay khasaaraha ka dhashay dagaalladaasi oo ay hay’addu ku sheegtay ugu yaraan illaa 100 qof iyo dhaawac ka badan 600 oo kale. Hay’addaAmnesty ayaa sidoo kale sheegtay in inta u dhaxaysa 154,000 ilaa 203,000 oo qof ay u barakaceen magaalooyinka iyo tuulooyinka deriska la ah Laascaanood, halka qaarkood ay u gudbeen xadka Itoobiya, kuwaas oo u baahan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah. Ugu dmabeyn Amnesty ayaa ugu baaqday labada dhinac in hay’adaha samafalka ay u fududeeyaan, sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka barakacay Laascaanood. “Dhammaan dhinacyadu waa in ay oggolaadaan oo ay fududeeyaan in hay’adaha samafalka ay si aan kala go’ lahayn ula kulmaan dadka rayidka ah ee gargaarka u baahan ee ku sugan Laascaanood iyo deegaannada kale ee ay dhibaatadu saameysey,” ayaa markale lagu yiri. The post Hay’adda Amnesty oo eedeyn culus u jeedisay milatariga SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
-
Our investigation into the #LasAnod conflict found that dozens of civilians were killed and injured amid fighting. #Somaliland forces indiscriminately shelled the town, damaged hospitals, schools and mosques and displaced tens of thousands of people.https://t.co/HQDOCYSLv2 pic.twitter.com/05jgl2mJXZ — Amnesty Eastern Africa (@AmnestyEARO) April 20, 2023 Somaliland: Urgent investigation needed as fighting takes heavy toll on civilians in Las Anod re Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidanka howlglka ATMIS ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay amarka hub ka dhigista ee ay dhawawaan ku dhawaaqday dowladda, kaas oo maalmo kahor ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho. Taliyaha qeybta booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xerada Xalane ayaa sheegtay in weli uusan soo gaarin go’aankaasi, isla-markaana aysan jirin wax war-gelin ah oo ay ka heleen dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Hillary Sao Kanu ayaa intaasi ku dartay in marka ay helaan dukumintiyada dowlada ee ku cad amarkaas ay qaadayaan tallaabada markaasi ku haboon ama doorkooda. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in inta ka horreysa aysan faragelin doonin go’aanka dowladda federaalka, isla-markaana ay ka war dhowrayaan madaxda qaranka. “Tafaasiisha qorshaha hub ka dhigista ee ay ku dhawaaqdey Dowladda Federaalka Soomaaliya wali nama soo gaarin. Balse wali marka aan helno dukumiintiyadda ayaan ogaan karnaa kaalinta aan ku leenahay. Inta ka horeysa, ma faragelinayno” ayay tiri. Dhanka kale waxa ka hadashay wada-shaqeynta ay la leeyihiin Booliska Soomaaliya, ayada oo shaacisay inay abuurtay kalsooni weyn oo u dhexeyo labada dhinac, isla-markaana ay leeyihiin xiriir toos ah, mararna qaarna ay si wadajir ah u qaadaan howlgallada. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho ka dhaqan-galay amarkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in aan hubka cul culus lagu dhex-qaadan karin gudaha caasimada oo ay haatan howlgallo amniga xaqiijin ay ka wadaan ciidamada. Dowladda federaalka go’aankeeda kuma shaacin inuu saameyn toos ah ku leeyahay ciidamada ATMIS oo iyaguna ka howlgala gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa labadii todobaad ee u dambeysay waday qorshayaal cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo haatan qaybo badan oo kamid ah lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda. The post Maxay ATMIS ka tiri hub ka dhigista ay DF ka billowday Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Kumannaan reer Sudan ah ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan magaalada caasimadda ah ee Khartoum, kadib dagaalka ka socda magaalada oo galay maalintii 5-aad, waxaa burburay xabadjoojin muddo 24-saac ah oo dadka ula muuqatay midsii dhaqangaleysa , kadib markii hoggaamiyeyaasha ishaya ay Talaadadii ay ku dhawaaqeen. Dad ku nool xaafado kala duwan oo ka tirsan Khartoum iyo Omduman ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ay arkeen, rag, dumar iyo carruur wata boorsooyin waaweyn oo ka baxaya magaalada, iyagoo kusii jeeda meelo kale oo nabdoon caasimadda oo maalintii 5-aad ay ku dagaalamayaan Milatariga iyo xoogagga Dacmu Sariic. Waxaa sidoo kale fashilmay iskuday kale oo xabbad-joojin ah galinkii dambe ee Arbacada, caasimadda walina waxaa ka sii socda duqeymaha cirka iyo dagaalka tooska ah ee u dhaxeeya ciidanka millatariga iyo kooxda sida millatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF ee uu hoggaamiyo Jeneral Maxamed Xamdaal Daqalo. Galinkii dambe ee Arbacada ayaa dhawaqa madaafiicda laga maqlayay bartamaha Khartoum agagaarka xarunta uu degganyahay hogaamiyaha millatariga General Abdel Fattah al-Burhan, inkastoo aysan kala caddeyn in wali uu halkaasi ku suganyahay, waxaana saacad waliba sii kordhaya dagaalka labada dhinac iyo khasaaraha Rayidka. Warbaahinta ayaa siyaabo kale duwan usoo warinaya khasaaraha dadka Rayidka ah, waxaana ilaa iyo hadda la sheegayaa in 270 ruux ay geeriyoodeen, halka 2’600 qofna ay dhaawacyo kale duwan qabaan sida uu warinayo Talefeshinka Aljazeera, Dagaal culus ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka dhacay xaafadda Jabra ee galbeedka. Dagaalka Sudan ayaa qarxay kadib markii hoggaamiyeyaasha sare ee golaha KMG ah ay isku khilaafeen sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho shacab, taas oo keentay in ciidamo ay kala wataan hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan iyo hoggaamiye ku-xigeenka Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo ay wada dagaalamaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada RSF-ta, ayaa sheegtay inay soo rideen diyaaradaha Qumaatiga u kaca, oo ay leeyihiin ciidamada dalka Sudan. Kooxdan la yiraahdo ciidamada deg degga u hawl gala (RSF) ee Sudan, ayaa ku eedeeyey inay soo rideen laba diyaaradood, oo kuwa qumaatiga u kaca ah, kadib weerar aargoosi ah oo ka dhan ahaa ciidamada. Kooxda ayaa sheegtay in ciidamadu ay weerar ku qaadeen dagaal yahanadooda magaalada Omdurman, oo u dhow caasimadda Khartoum subaxnimadii Khamiista, inkastoo xabbad joojin lagu dhawaaqay Arbacadii. “Laakiin ciidamada ayaa ka jawaabey weerarka, waxaana ay gaarsiiyeen khasaare naf iyo maalba leh, oo ay ku jiraan soo ridista laba diyaaradood oo helikobter ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay RSF soo dhigtay barteeda Twitter-ka. Kooxda dableyda, ayaa sheegtay inay weli ka go’an tahay xabbad joojinta. Ciidanka militariga dowldada Sudan, ayaan weli ka hadlin sheegashada weerarka RSF. Dhanka kale, iskuday kale oo xabbad-joojin ayaa fashilmay caawa, walina waxaa caasimadda ka sii socda duqeymaha cirka iyo dagaalka tooska ah ee u dhaxeeya ciidanka millatariga iyo kooxda sida millatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF. Goor sii horeysa oo maanta ah, dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlayay bartamaha Khartoum agagaarka xarunta uu degganyahay hogaamiyaha millatariga General Abdel Fattah al-Burhan, inkastoo aysan kala caddeyn in wali uu halkaasi ku suganyahay. Dagaal culus ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka dhacay xaafadda Jabra ee galbeedka Khartoum, halkaas oo ay ku yaallaan guryo uu leeyahay ninka hogaaminaya xoogaga millatariga kasoo horjeedda General Mohamed Hamdan Dagalo, oo lagu naaneeso . The post Diyaarado dagaal oo lasoo riday iyo wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka SUDAN appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lasoo dhoobay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo hakiyay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka. Ciidamada Koofi-gaduud oo ah ilaalada gaarka ee madaxtooyada ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka waa weyn, waxayna xireen dhowr jid oo muhiim u ah dadweynaha caasimada. Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah jidka Maka Al-mukarama, Isgoyska KM4, Soobe iyo Tarabuunka, halkaas oo lagu arkayo gaadiidka dagaalka iyo ciidamada ammaanka dowladda. Xirnaashaha waddooyinkan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka Muqdisho oo maalaya cagahooda, si ay u gaaraan goobahooda shaqada ama waxbarashada. Sidoo kale waxay arrintaan saameyn ku yeelatay dadweyne fara badam oo isku diyaarinayay Ciidul Fidriga, kuwaas oo kasoo adeegan lahaa suuqyada Muqdisho. Ma cadda sababta ramiga ah ee loo xiray waddooyinkan, mana jiro wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan waddooyinka xiran. Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale waddooyinka loo xiray wafdi uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo todobaadkii hore booqasho ku yimid gudaha Soomaaliya. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa degmooyinka gobolka Banaadir ka socday dhaq-dhaqaaq ciidan iyo howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho. Si kastaba, ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta badan xira waddooyinka caasimada, marka ay jiraan shirarka waa weyn ama mas’uuliyiinta dalka ay booqanayaan xarumaha ku yaalla Muqdisho. The post Ciidamada ammaanka oo xiray qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yeman ayaa waxaa lasoo sheegayaa in Ugu yaraan 78 qof ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday caasimadda magaalada , kadib markii boqollaal qof ay isugu soo baxeen dhisme iskuul, si ay u helaan gargaar lacageed, sida ay sheegeen goob joogayaal iyo warbaahinta taabacsan kooxda Xuutiyiinta. TV-ga Al-Masirah oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ayaa waxaa lasoo xigtay in 13 qof oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay ay xaaladoodu halis tahay, isagoo soo xiganaya agaasimaha caafimaadka ee Isbitaalka magaalada Sanca, kooxdaan xulufada la ah Iran ayaa maamusha magaalada caasimadda ah ee Sanca oo gacanta u gashay. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afhayeen u hadlay ee Xuutiyiinta ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray ku in isbuurashada ay dhacday xilli ay ganacsatadu qaybinayeen deeqo samofal ah oo maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan ay qeybinayeen, waxaana ka dhalatay djimashada 78 ruux oo ku sugnaa goobta. Goobjoogayaal ka qeyb qaataygurmadka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in boqolaal qof ay isu soo baxeen,si ay u helaan deeq lacageed oo dhan 5,000 oo Riyaal, una dhiganta 9 doolar qofkiiba, taasna kadib ay xigtay in goobtaas ay ka dhacdo isbuurashada ay sameeyeen dadka, isaga oo intaas ku daray jiritaan ku halis ah. Muuqaallo uu baahiyay TV-GA ay Xuuthiyiintu mamusho uu ku baahiyay ku baahiyeen Telegram-ka fariimaha la isugu diro ayaa muujinayay dad aad u tiro badan oo isku soo ururay, qaarkoodna qeylinaya, isla markaana u gacan haatinaya in loo qaado meel ammaan ah, taas oo keentay falka dhacay ee sababay geerida tirada badan Falkaan isbuurashada ah Laba ganacsade oo masuul ka ahaa qabanqaabada deeqdan lacageed ee dadku wax ku noqdeen ayaa xabsiga la dhigay, waxaana socda baaritaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuutiyiinta, taas oo lagu ogaanayo khasaaraha iyo sababta keentay in ay dhacdo isbuurshada ka dhcday Sanca. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka e dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Boolisks oo howlgal gaar ah sameeyay ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku qabtay shabakad ballaaran oo lagu eedeeyay inay wadeen musuq iyo wax is-dabamarin. Ciidamada ayaa xabsiga dhigay illaa 5 sarkaal oo loo haysto inay musuq-maasuq ka dhex wadeen xafiisyada maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka. “Booliska Waxa uu gacanta ku dhigay 5 sarkaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin ka dhex waddo Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir Sidoo kale waxaa saraakiishaan lagu eedeeya6 inay wateen warqado been abuur ah, ayna ku lunsanayeen daqlkhliga dowladda iyo hantida dadweynaha. “Been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsatay dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay talisla Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir. Waxaa kale oo qoraalkan lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay ku raadjoogaan shaqsiyqaad kale oo ka tirsan isla shabakaddaan, kuwaas oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda. Ugu dambeyn booliska ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan ay ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta, islamarkaana uu qaadi doono dacwadda loo heysto eedeysanayaasha. Si kastaba, waa tallaabadii ugu horreysay ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Madamuud u qaado la dagaalanka musuq-maasuqa, kadib isbeddalkii dalka ka dhacay 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii. The post BOOLISKA oo 5 sarkaal ku qabtay garoonka Muqdisho kadibna xiray + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay howlgallo ka wadaan deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga, kadib dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku bilowday kusoo qaadeen deegaanka iyo fariinno ay ciidanka ay ku sugaanyeen. Waxaa xigay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay labada dhinac, kaas oo soo gaaray fiidkii xalay, waxaana jiray in ay deegaanka gaareen ciidamo kale duwan oo gurmad ah, oo ka kala yimid gobolka Galgaduud, saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud. Khaliif Cumar Macalin Nuur oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan deegaanka oo la hadlayay Goobjoog News la hadlaya ayaa sheegay in ciidanku ay wadaan howlgallo ay iyo abaabulkii ugu dambeeyay ay ku gaarayaan deegaanno hor leh, isaga oo sheegay in maalmaha soo socda ay gaari doonaan degmada Ceelbuur. Khaliif oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in maalmaha ciida ay rajaynayaan in shacabka Soomaaliyeed ay kula ciidaan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab sida uu sheegay ” Waxaan kuu sheegayaa in maalinta ciidda ah dad badan oo dhib ku jira ay farxad ku ciidaan, saacadaha soo socdana war lagu farxo ayaad maqli doontaan” Dagaalamayaasha Al-shabab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Budbud, walow ciidanka ay sheegeen in aysan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaas, marka laga reebo gawaari ciidan oo waxyeelo ay soo gaartay, deegaankaan ayaa dhowaan waxaa la wareegay ciidanka dowladda federalka iyo kuwa deegaanka. Gobolka Galgaduud deegananada Bariga ayaa waxa ka socda howlgallo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku doonayaan in Al-shabaab ay kaga saaraan degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoostaga oo dagaalamayaal ka tirsan kooxda ay ku sugan yihiin, waxaana ciidanku ay ku jiraan abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalka socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laamaha Puntland iyo Galmudug oo is kaashanaya ayaa sida la xaqiijinayo magaalada Gaalkacyo ku qabtay shabakad argagixiso ah oo diyaarinaysay qaraxyo iyo dilal qorshaysan. Qabashada shakabaddan ayaa daba socotay kadib qarax todobaadkan ka dhacay Gaalkacyo dhinaca Galmudug kaas oo gacanta lagu dhigay ninkii fuliyayay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Amniga. Intaas kadib Ciidanka ayaa u daatay guri ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo waxaana lagu qabtay xubnihii kale ee shabakadda oo diyaarinayay qaraxyo sida ay noo sheegeen saraakiisha. Guriga ayaa laga soo guray qaraxyo diyaarsan oo lagu fulin lahaa weerarro qorshaysan iyo sidoo kale bistoolado ay isticmaayeen shabakaddan gacanta lagu dhigay oo weli baaritaan ku socdo. PUNTLAND POST The post Shabakad qaraxyo diyaarinayay oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xilildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kuna sugan furinta hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyay weerar ku billowday qaraxyo oo ay gelinkii dambe Arbacadii Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Budbud oo ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga maamul goboleedka Galmudug. Yaasiin Farey oo xog ka bixiyay weerarkaas ayaa shaaca ka qaaday inuu qaraxyo ku bilowday, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Xildhibaanka oo u warramay Idaacadda VOA ayaa sidoo kale xusay in laga hortegay weerarka, isla-markaana khasaaraha uu kooban yahay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxyada ay saameeyeen gaadiid yaallay xerada la weeraray, balse khasaaraha nafeed uu yaryahay, sida uu ku dooday. Waxa kale oo uu intaas kusii daray in haatan xaaladda ay dagan tahay, magaaladana ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. “Qaraxyo ayay kusoo weerareen magaalada, markii dambana waxaa la’isla soo gaaray illaa maqribadii. Magaalada hadda jawigeeda waa xasilan yahay, iyaguna ma joogaan ciidamada dowladda ayaa ku sugan wax hadda oo khasaare weyn ma jiraan,” ayuu yiri Yaasiin Farey. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay “Ciidamada waa ay ka feejignaayeen, waana aga war hayey, marka sidaas ayaa looga hortay,”. Xildhibaan Yaasiin Farey oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Al-Shabaab aysan wax badan joogin deegaanka isla-markaana marka laga itaal roonaaday ay isaga carareen. “Cadowga wax badan ma joogin waa intii yareyd oo qaraxyada ay dhaceen ayaa weerar wax ka yar saacad kaliya socday ayaa ka dhacay meesha,” ayuu markale yiri Yaasiin Farey. Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo ciidamada huwanta ay haatan kusii siqayaan deegaano hor leh oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, ayaga oo guullo waa weyn ka gaaray howlgalladi u dambeeyay ee Galmudug. The post Yaasiin Farey oo XOG ka bixiyay dagaalkii Budbud appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sameeyay magacaabis nooc cusub ah, isaga oo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga u magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ergeyga cusub ay aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, wuxuuna kula dardaarmay dardar-gelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo xuquuqda soo-galootiga. Magacaabista ergeyga cusub ayaa lagu baahiyay bogga Villa Somalia ee Facebook, waxaana ka dhalatay fal-celin xooggan oo la xiriirta shaqada ergeyga cusub iyo erey bixinta xilkaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh. Marwo Maryan Yaasiin Xaaji ayaa noqoneysa ergeygii saddexaad ee isla bishaan April uu magacaabo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Haddaba, Sidee ayaa looga fal-celiyay arrintaan? Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyada ay bulshada Soomaaliyeed kaga fal-celiyeen magacaabista cusub ee uu sameeyay madaxweynaha, Hoos ka aqriso: Farxiya Filsan: “Waa wax loo baahanyahay waa in laga warqaba wixii so galaayo waddanka.” “War ergadan maxay ahayd?,” ayuu yiri Axmed Dayib Cabdi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ee lagu baahiyay bogga Villa Somalia ee Facebook. Cabdiraxmaan ayaa isagna waxa uu yiri “Yaa soo galooti ah?, kuwii udhashaa ka tahriibaye oo faarujinooye dalka. Xilkii ugu xumaa aan maqlo waye muu iska magacawdo (madaxweynaha) ergeyga la dagaalanka arimaha tahriibka iyo shaqo la’aanta.” “Shaqa abuur farsameysan ayuu wada madaxweynaha.” ayuu yiri Maxamed Shiine. – “Ergay badana Madaxwayne,” ayuu yiri Cabdishakuur Xaaji Khaliif. Aadan Salaad ayaa isagna yiri “Waa u qalantaa Marwo Maryan mudo fogna qaranka waa usoo shaqeysey hambalyo.” “Soomaaliya ayaa soo galaya, iyada ayaa laga sii yaacayaaye,” ayuu yiri Sakariye Cumar Akabbe oo kamid ah dadka la-yaaban ergeyga cusub ee madaxweynaha uu maanta magacaabay. Cabdiraxiim Maxamed oo ka fal-celiyay magacaabistan ayaa yiri “Soo-galooti waxaa wax siin kartaa marka kuwaaga wax la haleesho. Imika caruur Soomaaliyeed ayaa daryeel xumo amni darro usii dheer tahay ku nool. Xukunka afka waa ka fudud yahay laakiin tii Alle ayaa meel taalo.” Madar ayaa isagna yiri “Waa tallaabo muhiim oo waqtigeedi ku beegantay. Kaliya yeyna noqon mid laga macaasho ama in wax lagu cuno madaxa caruur bahaan.” “Madaxwayne caruurta garanaye, Soomaaliya soo-galooti bay leedahay iyada ayaa laga cararayaaye, bal madaxwayne soo galootiga ku laabo oo waxkale u bixi,” ayuu yiri Maxamuud Cilmi Xaashi oo kamid ah dadka la fajacaysan erey bixinta ergeygaan cusub iyo shaqada uu madaxweynaha u igmaday. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax ka yar sanad magacaabay 5 Ergo, kuwaasi oo markii ugu horeysay ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaal soo maray dowlad-goboleedyada qaar iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka qaarkood. The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay magacaabis nooc cusub oo uu sameeyay Xasan appeared first on Caasimada Online.
