-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali National Army (SNA) on Saturday killed at least nine al-Shabab militants and injured more after conducting an operation near Janale town in southern Somalia, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Galcad (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadalay wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo hadda ka socda bariga gobolka Galgaduud, “Wajigaan waa ka abaabul iyo awood badan yahay wajigii koowaad, ciidanka maanta dagaalamayana cadow ma hor istaagi karo,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Jeneraal Biixi. Taliyaha ayaa sheegay in afar maalmood oo lasoo dhaafay ay ku soo jireen howlgal culus oo lagu xoreeyey dhul aad u baaxad weyn oo dhaca xuduuda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Shabaab maanta ay ku laayeen dagaal ka dhacay duleedka Galcad, “Maanta waxay noo aheyd maalin guul, dharbaaxo weyn ayaa ku dhacday Khawaarijta,” ayuu yiri. Taliyaha ayaa ciidankaan dagaalamaya iyagoo Sooman wuxuu ugu laab-qaboojiyey in guushu dhowdahay oo deg deg loo soo afjarayo kooxda, isagoo sheegay in xog badan uu ka hayo tabar-darrada heysa Al-Shabaab. “Maanta ciidankeenu wuxuu joogaa dhul aad u muhiim ah, tusaale waxaa idinkugu filan Budbud oo maanta aan qabanay waxay isku socodka Khawaarijta u ahayd muhiim,” ayuu yiri. Jeneraal Biixi ayaa sheegay Budbud lagu samey jiray qaraxyada oo madaxda ugu sareysa Al-Shabaab ay deganaayeen, “Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa ciidanku wuxuu ku socdaa si xowli ah, waxaana ku ciidi doonaa magaalooyin waaweyn oo hadda ka maqan gacanta dowladda,” ayuu yiri Taliyuhu. Taliyaha ayaa u mahad celiyey shacabka oo uu sheegay inay ku garab siiyeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, “Maalin kasta waxaa xogta na siiya dhacabka, ilaa Ceelbuur kuwa naga soo wacaya waxaan leenahay deg deg ayaan idiin soo gaareynaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi. Xogta ugu muhiimsan ee shacabka ay ka helaan ayuu ku sheegay miinooyinka ay wadooyinka geliyaan, oo sida uu sheegay ay marar badan uga badbaadeen gacan siinta ay ka helayaan shacabka. “Waxaan idiin sheegayaa in maanta Shabaab lagu laayey Janaale, dhacdo taariikhi ah ayaa maanta dhacday, waxay jidka u galeen ciidanka ATMIS, waxaana u gurmaday guutada 14-ka October, waxaana halkaas lagu gumaaday cadowgii, waan u hambalyeynayaa ciidanki maanta howshaas qabtay,” ayuu yiri Biixi. Hoos ka daawo The post Daawo: Biixi oo ka warbixiyey dagaallo culus oo maanta dhacay iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.
-
Khartuum (Caasimada Online) – Caasimadda dalka Sudan Khartuum waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo ciidamo gaar ah oo loo yaqaano Dacmu Sariic ama gurmadka degdega ah. Labada ciidan ayaa daacad u kala ah Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah labada nin ee ugu awoodda badan Sudan. Xaaladda Khartuum ayaa ah mid cakiran, waxaana uu dagaalka xooggiisa ka dhacay garoonka diyaaradaha, inkastoo milateriga uu sheegay inuu si buuxda gacanta ugu hayo madaarka. Soomaali u badan arday ayaa ku nool Khartuum, waxaana kamid ah Axmed British oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadiisa. Waxa uu sheegay in lama filaan ay u ku noqotay in dagaal culus uu ka qarxo gudaha Khartuun xilligan, gaar ahaan iyadoo lagu jiro tobanka maalmood ee u dambeeya bisha Ramadhaan. “Duqeyn xooggan ayaa nagu socota, guryaha kama bixi karno. Layr iyo biyo waan haysannaa, balse lama oga sida uu xaalka noqon doono. Dadku waa ay ka walaacsan yihiin waxa socda,” ayuu yiri Axmed British oo sidoo kale Sudan uga soo warrama Telefishinka dowladda Soomaaliya. Wuxuu intaas ku sii daray in ilaa haatan aan la sheegin cid Soomaali ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka, ardayduna ay ku sugan yihiin guryaha jaamacadaha iyo deegaannadooda. Hawlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka, dhaawacana uu intaa ka badan yahay. “Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweyne Cumar Al-Bashiir, waxaa aad isu dhintay tirada ardayda Soomaalida ah ee Sudan wax ka barata. Waxaan kamid ahay dufcadaha ugu dambeeya ee ka sii tegaya jaamacadaha Sudan,” ayuu hadalkiisa raaciyay weriye Axmed British. Jaamacadaha Sudan ayaa waxaa ka soo baxay Soomaali badan oo qaarkood ay maanta xilal muhiim ah ka hayaan dowladda Soomaaliya. Dagaalka ayaa ka socda dhowr aag oo ku yaalla caasimadda Khartuum. Milateriga ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii ciidamada gurmadka degdega ah ay weerarreen taliska dhexe ee Khartuum, inkastoo xooggagaas ay beeniyeen eedeynta loo jeediyay. Madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo xarunta warbaahinta qaranka ayaa kamid ah meelaha ay sida xooggan rasaastu uga dhacayso. Waxaa la arkayay diyaaradaha dagaalka oo gantaalo la dhacaya goobo la rumaysan yahay in ay ka dagaallamayaan ciidamada gurmadka degdega ah. The post Dagaal culus oo ka qarxay Sudan iyo Soomaali badan oo ku go’doonsan Khartuum appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo iskaashanaya ayaa Al-shabaab maanta kala wareegay deegaanka Budbud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudug. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sarreeyo Guuto Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in deegaanka laga saaray. Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa maalmihan howlgallo ka waday tuulooyin hoostaga deegaankaan, waxaana ugu dambeyn maanta ay gudaha u galeen deegaanka Budbud. Gowlgalka ciidamada ee deegaannada bariga iyo galbeedka gobolka ayaa waxaa la sheegay inuu ku wajahan yahay sidii ciidanku ay kula wareegi la haayeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Galcad (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Galcad iyo Ceel-bacad oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe, kadib markii ciidanka xoogga dalka ay weerar ku qaadeen Shabaab halkaas isku uruursanayey. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war-heleen koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursaneysa deegaan lagu magacaabo Gal-libaax, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus. Kooxda la weeraray ayaa la sheegay inay qorsheynayeen inay weerar cag-marin ah ku qaadaan ciidanka dowladda ee dhawaan la wareegay Galcad, balse waa la fashiliyey qorshahaas, sida ay saraakiishu noo sheegeen. Inkastoo saraakiishu aysan shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, hadana kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay waxay sheegtay inay dagaalkaas 8 askari uga dileen ciidamada dowladda, balse weli lama cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas oo soo gaaray Af-furkii. Ciidanka xoogga dalka ayaa galabta ku guuleystay inay kooxda Al-Shabaab ka saaraan dhulkii howdka ahaa oo ay isku uruursanayeen, waxayna u kala firxadeen dhowr jiho, sida ay saraakiishu u sheegeen Caasimada Online. Ciidamada dowladda ayaa caawa ku sugan firiisimihii ay Al-Shabaab ka sameysteen degaanka Gal-libaax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxaana laga hor tegay qorshihii ay kooxdu ku dooneysay inay weeraraan Galcad. Dagaalka galabta dhacay ayaa ku soo aadaya xilli maanta ay ciidanka xoogga dalka gudaha u galeen deegaanka istaraatiijiga ah ee Budbud oo ah deegaan ku wacan dalxiiska oo hoos taga degmada Ceeldheer. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku guul-dareysatay inay difaacato deegaanadii ay sanadaha badan maamuleysay ee gobollada dhexe, waxayna deegaan kasta ka baxaan markii ay ka war helaan inay ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda. Ciidankii ay dowladda Soomaaliya ka dirtay Muqdisho ayaa ka talaabay Sh/Dhexe, iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmin Al-Shabaab ayey gudaha u galeen Galgaduud, waxayna hadda waqooyi-galbeed u dhaafeen degmo xeebeedka Ceeldheer. Maalmaha soo socda waxaa la qorsheynaa in ciidankaan ay xoreeyaan degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaano kale oo muhiim ah, sida Ceelgaras iyo Ceel-lahelay oo sanado badan ay Shabaab xukumayaan. The post Xogta dagaal culus oo galabta ka dhacay duleedka Galcad appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA. Waare ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda. Ergeyga iyo guddoomiyaha ayaa wada qaatay kulan saacado qaatay, iyaga oo ka wada-hadlay xaalada guud ee dalka iyo qoddobo kale oo muhiim ah. Kulankaan ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saaray sidii gurmad loo gaarsiin lahaa deegaanadii kooxda Al-Shabaab laga saaray iyo wada-shaqeyn dhexmarta hay’adda iyo xafiiska ergeyga. Guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa ergeyga ka xogsiiyey shaqada hay’adda oo muddo kooban jirta waxa u qabsoomay. Ugu dambeyntiin waxa uu ergeyga kaga mahad-celiyay madaxda hay’adda SODMA soo dhawaynta loo sameeyay, isaga oo ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay in xafiiskiisa iyo hay’addaan ay yeeshaan wada-shaqan xooggan. Wada-shaqeynta cusub ee SODMA iyo xafiiska ergey Waare ayaa ku qotomta sidii gargaar loola gaari lahaa dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegannada iyo degmooyinka la xoreeyay, sida uu sheegay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishaan u magacaabay Waare xilkan cusub ee uu hadda ku howl-galayo, wuxuuna hadda ka shaqeynaya sidii gurmad loo gaarsiin lahaa deegaanadii kooxda Al-Shabaab laga saaray. The post Sawirro: Ergeyga cusub ee uu magacaabay XASAN oo qaaday tallaabadii u horeysay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duleedka Jannaalle gobolkaasi lagu laayay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inay fuliyaan qorshe ka dhan ah ciidanka ATMIS. Ciidanka xoogga dalka ayaa laayaay xubnahaasi Shabaab-ka oo la sheegay inay doonayeen inay jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa laga soo xiganayaa inay halkaas ku dileen ugu yaraan 10 dagaal-yahaan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka Soomaaliya. Isku-deyga Shabaab ee la fashilayay ayaa imaanaya xilli ay dib u billowdeen howl-galladii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda, kuwaasi oo ay dowladda ka sheegatay guulo horleh. Dowladda ayaa sheegtay in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, uuna si hordhac ah u billowday wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inay qeyb ka noqdaan ciidan ka socda dalalka deriska. “Waxay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan deegaanka Ceel Axmed, deegaanka Ceel Saban Sablaale, deegaanka Ceel Cali Xasan, deegaanadaasi waa deegaano ceel biyoodyo leh, dhul daaqsimeed leh oo cadowga ay ka talinayeen,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta la hadlay warbaahinta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saaka ciidamada Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaanka Budbud oo ay muddo ka talineysay Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ciidamada marka ay la wareegeen magaaladaasi ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka. Si kastaba, Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howlgalkaan ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab sii baacsadaan ilaa degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur. The post Xubno Al-Shabaab ah oo qorshe halis la damacsanaa ATMIS oo lagu laayay… appeared first on Caasimada Online.
-
Photo-op: President Mohamud (left) Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia and Prime Minister of Italy Giorgia Meloni in Addis Ababa Mogadishu (Comment) — Since 2013 Somalia has had a permanent government, but the nation state cannot formulate foreign policy beyond attending conferences held in foreign countries. The dependency on foreign peacekeeping forces limitsthe ability of a country to have a robust foreign policy to protect its interests. The diplomatic stature of a Somali president attending a bilateral or trilateral summit is not on par with his counterparts. There are several reasons why Somalia cannot formulate a foreign policy despite its sovereignty based on political and territorial unity. Somalia is country whose government cannot guarantee security within its borders. The ramifications for this Institutional impotence are wide-ranging. In May 2017 António Guterres, the Secretary-General of the United Nations, at the London Somalia Conference said that African Union peacekeeping forces were in Somalia to respond to global threats from transnational terrorism. The presence of a militant extremist organisation — Al-shabaab — gives neighbouring countries justification to invade Somalia. Kenya invaded Somalia in 2011 and 2012 “to prevent Al-Shabaab from waging attacks on Kenya inside Somalia.” Neighbouring countries whose forces are fighting Al-shabaab have a leverage in shaping the direction of the Somali foreign policy. The civil war in Somalia created dependency of the political class on foreign countries and turned the country into spheres of influence for countries with vested interests. The latest example of limited sovereignty for which Somali leaders mistake full sovereignty is the Executive Order on Somalia issued by the United States to respond to threats to its interests and foreign policy. Under such conditions powerful donors shape what passes for a foreign policy in a country like Somalia to lock the country in natural resource agreements in the absence of political accountability. The Italian plan for Africa unveiled in Addis Ababa is latest gimmick into Somalia was drafted. If President Hassan Sheikh Mohamud underestimates the state-building tasks needed to be rooted in politics based on the rule of law for a political class he exemplifies for whom politics means clan politics, an argument the President had expounded in his PhD dissertation at the University of Peace, the role of peacekeeping forces in Somalia will unnecessarily be deepened to prevent the emergence of a viable state in Somalia. Focusing on public relations stunts to please donors, and ignoring conflicts such as the one raging in Northern Somalia are what marks out the Federal Government of Somalia as a divisive political entity. The post Somalia Cannot Formulate a robust Foreign Policy appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa ka qaybgalay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, kaas oo maanta ka dhacay magaaladaasi. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihion iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga. Sidoo kale waxaa kulankan lagu lafo-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda. Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, isaga oo shaaciyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab oo halis ku ah gobolka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay madaxda shirka guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalka ee Al-Shabaan, isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Al Shabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika. Ra’iisul Wasaareyaasha dalalka Talyaaniga iyo Itoobiya, Marwo Giorgia Meloni iyo Abiy Axmed ayaa dhankooda bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wajiga koowaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxaa kale oo ay xuseen ahmiyadda ay u leedahay in dalalka Gobolka iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab, gaar ahaan dalalka dariska la ah Soomaaliya ee la isku yiraahdo waddamada safka hore. Isbaheysigaan cusub ee seddaxda dal ay yeelanayaan ayaa hadda billow ah, waxaana laga war sugayaa sida ay u hir-geliyaan iskaashi u gaar ah oo ay sameystaan. Horay Soomaaliya waxay iskaashi seddax geesood ah sidaan oo kale ula sameysatay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse wuxuu isbaheysigaas meesha ka baxay, markii uu xukunka Soomaaliya wareejiyey madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir saddex geesood ah uga qaybgalay Addis Ababa + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay soo af-jartay guud ahaan ciidamadii gaarka ah ee deegaannada kala duwan. Taliyaha Guud ee ciidamada Difaaca, Field Marshal Berhanu Jula ayaa sheegey in hadda ka dib ciidanka Qaranka Itoobiya ay keliya ahaan doonaan; Millateri, Booliis Federaal ah iyo Booliiska gobolka balse aysan jiri doonin xooggag kale oo ka amar qaata madaxda Is-maamullada. Qaran News
-
Jiddah (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya. Safarkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinaya qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada, ayada oo ay soo dhaweyn u sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Riyad. Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta gudahashada Cimrada oo maalyiin muslimiin ah ay Bisha barakeesan ee Ramadaan gaar ahaan tobanka dabe ay ku gudanayaan acmaasha Magaalada Barakeysan ee Makah ee dalka Sacuudiga. War kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay socdaalkan, ayada oo ra’iisul wasaaruhu u duceeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu duceeyay Ummadda Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta oo ay ugu horreeyaan abaaraha iyo colaadda, uguna beddelo barwaaqo, nabad iyo midnimo.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa mar kale soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isaga oo fariin u diray ciidamada Xoogga dalka. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in sanadkan uu noqon doono sanadka guusha, isla-markaana Al-Shabaab laga xoreyn doono dalka oo dhan. “Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sheegay in sanadkan uu noqon doono Gugii Guusha oo geesiyaasha ciidanka qalabka sida iyo shacabka oo wada jira ay uga xoreyn lahaayeen dalka Khawaarijta dhiigga ummadda daadinayay muddo 15 sano ah.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhinaca kale, waxaa la filayaa in ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare uu la kulmo madaxda sare ee Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo kala hadlaya xiriirka labada waddan. Si kastaba, ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa sanadkaan ka mid noqday malaayiinta qof ee Bishaan Barakaeysan Ramadaan ku cimreesanaya magaalada Makka ee dalka Sacuudiga. The post Ra’iisul wasaare Xamza oo gaaray Sacuudiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Talyaaniga ayaa Iskaashi iyo Maalgashi ka samaynaysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan dhinacyada Kaabayaasha Dhaqaalaha, sida lagu sheegey war ka soo baxay kulan saddex-geesood ah oo AddisAbaba ku dhexmaray Raysal Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed & Madaxweynaha JFS, Xasan Shiikh. Qaran News
-
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in rasaas xooggan ay ka dhacayso caasimadda Suudaan ee Khartoum. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada militariga dalkaasi iyo ciidamo xoog badan ee loo yaqaanno kuwa gurmadka degdeg ah. Ciidamada bixiya jawaabaha degdega ah ee loo soo gaabiyo RSF ayaa sheegay in ay la wareegeen garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada. Ma jirto cid ka madaxbanaan oo xaqiijin karta sheegashada kooxdan. Mar sii horeysay RSF waxay sheegtay in la weeraray mid ka mid ah saldhigyadooda ku yaal koonfurta Khartoum. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sidoo kale iyada oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah sheegtay in rasaas ay laga maqlay waqooyiga magaalada Merowe. Source
-
Ciyaaryahanka kubadda cagta ee reer Tunisia Nizar Issaoui ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay dab uu is qabadsiiyay . Waxaa uu ka cabanayay isaga iyo dibadbaxayaal kale “cadaalad darada booliiska”, sida ay sheegeen qoyskiisa. Muuqaal la soo dhigay internet-ka ayaa la arkayay isaga oo ku qeylinaya in lagu eedeeyay argagixisanimo ka dib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah dadka iibiya khudaarta. Qoraal kale oo uu soo dhigay ayuu ku sheegay in uu isku xukumay “Dhimasho isaga oo is gubaya”. Aaskiisa ayaa waxaa uu isu badalay dibadbaxyo cadho wata oo ka dhacay Jimcihii magaalada uu ku dhashay ee Haffouz, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Nizar Issaoui ayaa ahaa 35 jir. Ficilkiisu waxa uu ahaa mid dadka dalkaasi dib u xusuusinaya mudaaharaadkii 2010-kii kaasi oo ka bilaabmay ka dib marki uu dab is qabadsiiyay Maxamed Bouazizi. Source
-
Isbarbardhig: Awoodaha milatari ee Shiinaha iyo Taiwan Xuddunta xiisadda ayaa ah in dowladda Shiinuhu inay Taiwan u aragto gobol ka go’ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha. Laakiin, dad badan oo reer Taiwan ah ayaa u arka jasiiradda Taiwan inay iskeed isu maamusho oo ay noqoto qaran gaar ah xitaa haddii aan waligeed la aqoonsan. Haddaba aynu Isbarabardhig ku sameyno awoodda ciidan Shiinaha oo ay ku nool yihiin 1.3 bilyan oo qof iyo Taiwan oo ku nool yihiin 23 miyan oo qof. Marka ay timaaddo awoodda Militari ee Shiinaha iyo Taiwan, Militariga Shiinaha dhanka awoodda ciidan ee caalamka uu uga jiraa kaalinta 3-aad, halka Jasiiradda Taiwan tilmaamo iney uga jirto kaalinta 21-aad sida lagu sheegay warbixinta Difaaca waddamada caalamka ee soo baxday 2022-ka. Awoodda Militari ee Shiinaha Dalka Shiinaha Miisaaniyadda Militariga uu u qoondeeyey sanadkan 2022-ka waxay gaareysaa 229.5 balyan oo doolar. Ciidamada dalka Shiinaha ee heeganka ah waxay dhan yihiin 2 malyan oo askari iyo 510,000 oo askari oo keyd ah. Dalka Shiinaha wuxuu leeyahay 3,285 diyaaradood oo kuwa militariga oo isugu jira diyaaradaha dagaalka (1,600), diyaaradaha dagaalka oo howlagallada gaarka loogu talo galay (371), diyaaradaha xamuulka (286), diyaaradaha tababarka (399), kuwa gaarka ah (114), diyaaradaha qumaatiga u kaca (912) iyo Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee wax duqeeya (281). Qaran News
-
Rasaas culus iyo qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa caasimadda Suudaan ee Khartuum kaddib maalmo ay xiisadi ka dhex taagneyd ciidamada qalabka sida iyo ciidamada gurmadka degdega ah ee dalkaas oo loo yaqaano RSF. Rasaas iyo qaraxyo ayaa ka dhacay agagaarka xarunta taliska ciidamada Suudaan, wasaaradda gaashaandhigga, iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum. Ciidamada RSF ayaa sheegay in ay la wareegeen xarunta madaxtooyada, hoyga taliyaha ciidanka iyo garoonka caalamiga ah ee Khartuum, sidoo kale waxay sheegeen in ay la wareegeen garoomada diyaaradaha ee waqooyiga magaalada Meroowe iyo Ceel-cubeyd ee galbeedka. Weli lama oga inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan ee ka qarxay dalkaas. PUNTLAND POST The post Dagaal ka qarxay caasimadda Suudaan ee Khartuum appeared first on Puntland Post.
-
Ciyaaryahan Dil iskuxukmay oo isku fuliyey Ciyaaryahanka kubadda cagta ee reer Tunisia Nizar Issaoui ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay dab uu is qabadsiiyay . Waxaa uu ka cabanayay isaga iyo dibadbaxayaal kale “cadaalad darada booliiska”, sida ay sheegeen qoyskiisa. Muuqaal la soo dhigay internet-ka ayaa la arkayay isaga oo ku qeylinaya in lagu eedeeyay argagixisanimo ka dib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah dadka iibiya khudaarta.Qoraal kale oo uu soo dhigay ayuu ku sheegay in uu isku xukumay “Dhimasho isaga oo is gubaya”. Aaskiisa ayaa waxaa uu isu badalay dibadbaxyo caro wata oo ka dhacay Jimcihii magaalada uu ku dhashay ee Haffouz, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Nizar Issaoui ayaa ahaa 35 jir. Ficilkiisu waxa uu ahaa mid dadka dalkaasi dib u xusuusinaya mudaaharaadkii 2010-kii kaasi oo ka bilaabmay ka dib marki uu dab is qabadsiiyay Maxamed Bouazizi . Qaran News
-
Warar Dheeraada oo ka soo baxaya Dagaalka ka socda magaalada Khartuum Waxaa soo baxaya warar sheegaya in rasaas xooggan ay ka dhacayso caasimadda Suudaan ee Khartoum. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada militariga dalkaasi iyo ciidamo xoog badan ee loo yaqaanno kuwa gurmadka degdeg ah. Ciidamada bixiya jawaabaha degdega ah ee loo soo gaabiyo RSF ayaa sheegay in ay la wareegeen garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada. Ma jirto cid ka madaxbanaan oo xaqiijin karta sheegashada kooxdan. Mar sii horeysay RSF waxay sheegtay in la weeraray mid ka mid ah saldhigyadooda ku yaal koonfurta Khartoum. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sidoo kale iyada oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah sheegtay in rasaas ay laga maqlay waqooyiga magaalada Merowe. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug. General Caanood ayaa shaaca ka qaaday in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. “Waxay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan deegaanka Ceel Axmed, deegaanka Ceel Saban Sablaale, deegaanka Ceel Cali Xasan, deegaanadaasi waa deegaano ceel biyoodyo leh, dhul daaqsimeed leh oo cadowga ay ka talinayeen,” ayuu yiri Caanood. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saaka ciidamada Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaanka Budbud oo ay muddo ka talineysay Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ciidamada marka ay la wareegeen magaaladaasi ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka. “Saaka wuxuu sidoo kale ciidanka si buuxda ula wareegay deegaanka Budbud, waana tuulo weyn dad badanina dagan yihiin,” ayuu sii raacyay afhayeenku. General Cabdullaahi Cali Caanood oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tani tahay dharbaaxo kale oo ku dhacday Al-Shabaab, isla-markaana dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay billowdo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi. “Howlgallo kale ayaa imaan doono, taasina waxaa weeye dharbaaxo hordhac ah oo ciidanka Xoogga dalka u geysanayo cadowga,” ayuu markale yiri General Caanood. Xaaladda deegaanada lala wareegay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana howlgallo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howlgalkaan ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab sii baacsadaan ilaa degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur. The post Daawo: DF oo guul weyn ka sheegatay howlgallada ka socda degaanada Galmudug appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS-ABABA, Ethiopia (Caasimada Online) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud touched down in Addis Ababa, Ethiopia, for a pivotal tripartite meeting with Ethiopia and Italy to bolster diplomatic, economic, and security ties. This visit follows the Ethiopian Ministry of Foreign Affairs’ recent report on Somali-Ethiopian relations and a visit to Somalia by Ethiopia’s Vice President. A foundation for dialogue Earlier this month, Adam Farah, Vice President of the Prosperity Party, led an Ethiopian delegation to Mogadishu, Somalia. The group was greeted by Abshir Omar Jama, Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, and Mukhtar Muhammad Ware, the Federal Republic of Ethiopia’s Ambassador Plenipotentiary to Somalia. The delegation’s primary objective was to convey a message from Ethiopian Prime Minister Dr. Abiy Ahmed to President Mohamud. Furthermore, the group explored ongoing concerns related to the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) and various bilateral issues, including the League of Arab States’ Council of Ministers’ resolution on GERD, passed on March 9, 2023. Standing united in the face of conflict In response to Egypt’s choice to involve the Arab League in the GERD dispute—circumventing the African Union—Ethiopia expressed its disapproval. President Mohamud emphasized Ethiopia’s long-standing commitment to peace in Somalia, expressing gratitude for his people and government. Additionally, President Mohamud highlighted Somalia’s unwavering position on the Renaissance Dam issue, urging the concerned nations to pursue dialogue and settle their differences. He acknowledged Somalia’s dependence on Ethiopian water resources and called for talks on joint management of these shared assets. Mohamud also lauded Ethiopia’s advancements in irrigated wheat production and assured that Somalia would not engage in actions detrimental to Ethiopia. Forging a united path towards shared Goals President Mohamud’s visit will include discussions to refine cooperation among the three countries and synchronize their strategies to tackle common challenges. The leaders intend to devise practical solutions to issues faced collectively by their nations. President Mohamud remarked, “This gathering is an opportunity to reaffirm our commitment to working together for the benefit of our respective nations and to emphasize the importance of dialogue in resolving disputes and fostering lasting peace.” The Addis Ababa tripartite meeting represents a significant stride towards fostering enhanced cooperation and mutual support among Somalia, Ethiopia, and Italy as they join forces to confront pressing regional and global challenges. With dialogue at the heart of their efforts, these nations exemplify the power of unity in overcoming adversity. The post Somalia, Ethiopia, Italy unite in tripartite talks appeared first on Caasimada Online.
-
TOKYO, Japan (Caasimada Online) – Japanese Prime Minister Fumio Kishida narrowly escaped harm after an explosive device was thrown in his direction while campaigning at Saikazaki port in Wakayama prefecture on Saturday. The incident, reminiscent of former Prime Minister Shinzo Abe’s assassination nine months ago, has sent shockwaves through Japan’s political landscape. Kishida had been visiting the port to support his ruling party’s candidate in a local election. Suspect apprehended at the scene Following the incident, a young man, believed to be the suspect, was arrested at the scene after allegedly throwing “the suspicious object,” according to Chief Cabinet Secretary Hirokazu Matsuno. Matsuno declined to provide details about the suspect’s motive and background, stating that the police are still investigating. TV footage captured the dramatic scene, showing Kishida’s security detail reacting to the explosive as several people, including uniformed and plainclothes police officers, subdued the suspect. The man appeared to be holding another device, a long silver tube, before being tackled by the officers. Explosive details and reactions Although the exact nature of the explosive device remains unclear, some reports suggest it was a smoke or pipe bomb, possibly with a delayed fuse. No injuries were reported in the incident, which occurred on the eve of a major international forum in Japan. Kishida was unharmed and continued to give campaign speeches later that day, Matsuno confirmed. “Elections are the core of democracy, and we should never tolerate threats or obstruction by violence,” Matsuno said. He also instructed national police to ensure the utmost effort to protect dignitaries visiting Japan leading up to the Group of Seven (G-7) summit in May. In light of Abe’s assassination, which exposed security shortcomings for political leaders, police have tightened protective measures. The nation is also ramping up security as senior diplomats from some of the world’s most powerful democracies arrive for Sunday’s G-7 foreign minister meetings hosted by Kishida in Hiroshima. Saturday’s attack precedes nationwide local elections, including several by-elections for vacated parliamentary seats, with voting scheduled for April 23. Abe’s assassination and aftermath During a campaign speech, Abe’s assassination was carried out using a homemade gun. The suspect, Tetsuya Yamagami, has been charged with murder and several other crimes, including violating gun control law. Yamagami told investigators that he targeted Abe due to the former prime minister’s alleged links to a religious group he despised. Abe’s assassination led to the resignation of top local and national police chiefs and the tightening of security guidelines for political leaders and other prominent figures. Kishida’s government was hoping to direct world attention to the hot spring resort town of Karuizawa, where senior diplomats will gather on Sunday for the G-7 foreign ministers’ meeting. Foreign ministers from Japan, the United States, the United Kingdom, France, Germany, Canada, Italy, and the European Union are expected to focus on concerns over Russia’s war in Ukraine, China’s increasingly aggressive rise, and North Korea’s provocative weapons tests. The post Explosive device hurled at Japanese PM Kishida’s rally appeared first on Caasimada Online.
